General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. One only hears of Ahmed Diriye & Abdullahi Shiekh Xasan speaking Why?
  2. BEESHA ****** OO SHEEGTAY IN LA LA SOO SAMEEYAY XIRIIR XABAD JOOJIN AH XILI DAGALADII MUQDISHO AY HALKOODII KA SII SOCDAAN. Axad, 22, Apr. 2007 (HOL) Afahayeeno u hadlay Beesha ****** oo ah garabka sheegta in ay ka soo horjeeda ciidamada Itoobiya ayaa war ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in saacdihii ugu danbeeyay uu jiray xiriir ay la soo sameeyeen sarkiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee ka dagaalama Magaalada Muqdisho oo sida Beeshu sheegtay ka dalbaday in la joojiyo xabada iyo dagaalada dhacaya. Siyaasiga C/laahi Sh. Xasan iyo waliba Nabadoon Axmed Diiriye ayaa labadu sheegay in uu dhinacooda Xiriir la soo sameeyay Gen. Gabre oo ah madax ciidamada ka dagaalamaya Muqdisho, oo sida ay sheegeen ku wargaliyay in ay diyaar u yihiin in xabada la joojiyo sidaa daraadeed dhanaca kalana laga doonayo in sidoo kale yeelaan. Sidoo kale waxaa ay intaa ku dareen in Gen. Gabre uu ku wargaliyay in Dowlada Itoobiya arintaa ay u soo wakiiladay Boqor, Buur-madoow oo sidoo kale la sheegay in uu wado xiriir arimahaa ku saabsan, si markaa dhamaan loo joojiyo dagalada ka socda caasimada Muqdisho. Ma'aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale la sheego in uu jiro xiriir u dhaxeeya Beesha ****** iyo Saraakiisha Itoobiya oo ugu danbeytii laga dhaxlo uun dagaal culus oo fara looga gubto, ilaa hadana majiro war ka soo baxay dhinac dowlada Itoobiya oo ku saabsan warka ka soo baxay dhinaca beesha ******. Dhinaca kale wararka ku saabsan dagaalada ka socada caasimada Muqdisho ayaa sheegaya in Maanta sidoo kale magaalada ay ka dhaceen dagaalo aad u qaraar sida uu sheegay Wariye Xiis oo intaa ku daray in dagaalaka Maanta uu ahaa mid u badnaa Madaafiicda halka kii maalintii shalay dhinacyada is haya isaga hor yimaadeen si fool ka fool ah iyada oo la adeegsanayo ciidamada lugta. Salaad Xiis waxaa uu intaa ku daray in ilaa hada aan la sheegi karin guulo dhinacyadu kala gareer oo uu dagaalku yahay mid marba meel ka qarxaya. Wixii warar ah ee soo kordha kala soco wararka danbe ee HOL. C/raxmaan Diini Hiiraan Online diini@hiiraan.com
  3. ^^^It does not matter what anyone thinks I intend by this,the Duke never wroote any of these articles nor drew the images. The fact is that the rights of a whole people have been taken away by Xasan Dahir, IndaCade and others. These armed groups are the same ones who are fighting amongst the people of Banadir right now. They started this war and by God they do not have the upper hand. Today the people of lower Shabbele and otehr regions ahve a chance to play a key role in Somalia.
  4. Geedi oo ka hadley dagaalada 21 Apr 21, 2007 - 7:16:38 PM Ra'isal wasaaraha DFKMG ah Cali Max'ed Geedi oo la hadlay warbahinta gudaha ee Somaliya ayaa sheegay in dagaalada ka socda Muqdisho la sii wadi doono tan iyo inta meesha laga saarayo kooxaha argagixisad ku xiran waa sid auu hadalka u dhigaye. Geedi oo dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegey in ciidamada dowlada federaalka oo tageero ka helaya kuwa Ethiopia guulo waaweyn oo la tabaan karo ka soo hooyeen dagaalka lala galay koxaha ka soo horjeeda, waxana uu intaa ku daray in hada la oran karo DF waxa ay gacanta ku heysaa gebi ahaan casimada Muqdisho. Dhinaca kale Gedi ayaa waxba kama jiran ka dhigey edeynta ka soo baxdey hay'adaha samafalka oo sheegaysa in dowlada Fedraalka ay xirtey garoomada diyaradaha ee laga soo dajin lahaa mucaawinada ku socota dadka ka qaxey dagaalada. Geedi ayaa xusey in hay'daha samafalka ay imaan karaan garoomada Somalia oo dhan dhamantoodna ay furan yihiin. Ra'isal wasaaraha ayaa xusey in hey'adaha samafalka ay u barteen dowlada la'aanta Somlia ka jirtey 16 sano ee la soo dhaafey kadibna ay bilaabeen dacaayad ah in dowladu diidey samafalka. Geedi ayaa meesha ka saarey in wax ****** la yiraahdo oo la dagaalamaya dowlada iyo ciidamda Ethiopia oo dagaalamya ma jiraan.
  5. Dowladda Oo Gacanta Ku Dhigtey Goobo Mihiim Ah. Hotel Toowfiiq, Hotel Ramallaan, Waxar Cadde iyo Jiiro Goroob , Warshadda Baastada. Remember that the remaining parts of the city were under TFG control.
  6. Dagaalkii Muqdisho oo saakay galey maalintii afaraad kana socdda deegaanka Towfiiq kadib markii Ciidanka dawladu la wareegeen dhamaan goobihii Shaley lagu dagaalamay. Dagaal ayaa maalintii afraad si kulul uga soconaya Magaalada Muqdisho iyadoo goobihii shalay dagaaladu ka dheceen ay xasiloon tahay kadib. Dagaal ayaa maalintii afraad si kulul uga soconaya Magaalada Muqdisho iyadoo goobihii shalay dagaaladu ka dheceen ay xasiloon tahay kadib markii ciidanka dawladu la wareegay dhamaan goobihii shaley lagu dagaalamey, dagaalka maanta ayaa ka soconaya agagaarka Hotel Towfiiq iyo Jiira garoob kadib markii ciidamada dawladu ay si toosa ula wareegeen dhamaan goobihii shalay lagu dagaalamay iyadoo wali la sii daba socdo kooxaha qarandiidka ah oo iyagu dagaal kula jira ciidamada isbahaysiga ee ku sugan Muqdisho. Dagaalka maanta ayaa siwayn u ruxay xaafadaha ku dhaw dhaw hotel towfiiq iyadoo aysan jirin wax dhaqdhaqaaqa oo dadwaynuhu samaynayaan, dadka yar ee ku sugan xaafadahaasina ay miciin bideen inay geeda hoos galaan kadib markii laga cabsaday inay guryuhu ku soo dumaan madaafiicda awgeed. Ciidanka dawlada federaalka ayaa si kafool kafoola dagaal dhinaca lugta ah ugula jira kooxaha qarandiidka ah iyadoo dhinaca madaafiicda goobtana ay ka caawinayaan ciidamada ethiopia oo iyagu madaafiic ku rakibtay goobo aad muhiim u ah si ay uga duqeeyaan xaafadaha ay ku jiraan maleeshiyadii ka hartay qarandiidka. dagaaladii dhacay labadii bari ee la soo dhaafay ayaa ciidanka dawladu siweyn guulo uga gaareen kadib markii ay xoog uga saareen kooxaha qarandiidka ah aagagii ay horay dhufaysyada uga qoteen iyadoo maleeshiyada qarandiidka ah ay xaafadaha dhexyaacayaan qaab habqan ah kadib markii ay u adkaysan waayeen waxa ku soo dhacaya oo aan kala go'lahayn. Warar xog-ogaal ah ayaa hoosta ka xariiqaya in madaxda dawlada somalia iyo saraakiisha ethiopia ay isla garteen in ciidanka lugta loo daayo somalida halka ciidamada ethiopia ay qaabilsan yihiin dhinaca madaafiicda goobta iyadoo meelaha la mari waayo ay labada ciidan isugu tagayaan. Xafiiska Warqabadka ee Shabakada carmooyin.com Muqdisho
  7. Xasan Dahir, Cayrow, Galaal The main culprits. Even Abdulkadir Yasxya was assasinated by the clan courts.
  8. ^^^Its not just IndaCade but Haji Xasan Dahir who was the master of that occupation and who benefited from it directly. Who defended it and now thanks to the Somali government those people have been liberated.
  9. Wararka Ugu Dambeeya ee Dagaallada Muqdisho: 04/22/07 Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho Muqdisho DMC Axad 22.04.2007. Maalintii Afraad ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka socda dagaal aad u qaraar oo u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlladda oo iskaashanaya iyo kooxaha ka soo horjeeda joogitaankooda. Dagaalka ayaa waxaa loo adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan kuwa culus iyo kuwa fudud haba ugu darnaatee qoryaha BM loo yiqaanno, Mootarro, M30, RT5, D30 iwm. Dagaalka ayaa wuxuu saameeyey deegaan aad u ballaaran oo uusan horey dagaalku u gaarin. Dagaallada ugu adagi waxay ka dhaceeen Fagax, Ramallaan,Jamhuuriya, Hotel Toowfiiq, Hurwaa gaar ahaan Ex. Kontorool Balcad iyo Waxar Cadde. Dagaalka ayaa ahaa mid aad u kulul waxaana halka dagaalku ka socdey madaafiicda loogu garaacaayey sida roobka oo kale kaas oo qasaare aan la qiyaasi karin gaarsiiyey dadka rayidka, guryaha iyo ciidamada dagaallamayey. Sidoo kale dagaalka madaaafiicda la isweydaarsanaayey ayuu wuxuu maalintii 2aad ka socdaa Tarabuunka, Warshadda Caanaha, Xerada Ruushka, Isgoyska Al-Baaraka iyo isgoyaska Cali Suufi waxaana halkaas madaafiic isku weydaarsanaya labada dhinac ee diriritu u dhaxeeyso waxaana nawaaxigaas inta la ogyahay ku dhintey kuna dhaawacmey dad gaaraya 50 qofood. Iyadoo aysan sahlaneyn in lagu dhowaado halka ay diriritu ka socdoto ayaa misana qasaaraha labada dhianac soo gaarey aan kala caddeyn madaafiicda dhinac koonfurta ay isku weydaarsanayaan ayaa labada dhinac kala gaarsiyey qasaare, inkasta oo qasaaraha ugu badani uu soo gaarayo dadka rayidka ah. Inkasta oo warar kala duwani ka soo baxayaan halka dagaallada la kala joogo ayaa dad ka soo caararey xaafadaha Juungal iyo Jamhuuriya waxay sheegayeen inay halkaas qabsadeen Ciidamada Huwanta, halka qeybo aan ka fogeynna ay kooxaha ku kacsan Dowlladda ay dagaal kulul kala soo horjeedaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlladda. Dhinaca kale Mas’uuliyiinta Xukuumadda Kumeelgaarka ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen maalinimada shaley waxay sheegeen in la furey dhammaan Goroomada Dalka si gargaar loogu fidiyo dadka ku taabaaloobey dagaallada Muqdisho. Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xaabsade ayaa sheegey inay Diyaaradaha gargaarku ka soo degi karaan Goroomada Kismaanyo, Baydhaba, Waajid, Xuddur, Lambar Konton, Beledweyn iyo goroomada Puntland. Sidoo kale Wasiirka Koowaad Cali Maxamed Geeddi ayaa gaashaanka ku dhuftey inay hay’adaha gargaarka goroomada u diideen, wuxuuna Geeddi hay’adaha gargaarka ku eedeeyey inay u barteen dalka oo Dowlladda la’aan ahaa 16 sano islamarkaasna ay sameyn jireen wax ay doonaan. Waxaa Bakhaarada hay’adahaas aan ku aragney buu yiri raashiimo dhacey oo aan ku habooneyn in dadka la siiyo, markaas ka dibna ay ku andacoodeen inaaan u diidney in dadka raashiin la siiyo, wuxuuna ku martiqaadey haya’adaha Qaramada Midoobey Caafimaadka u qaabilsan inay yimaadaan oo ay baaraan raashiinkaas. Cali Geeddi ayaa hay’adaha u sheegey inay si toos ah ay hos yimaadaan Dowlladda Kumeelgaarka ah hay’addii aan taas diyaar u ahaynna ay dalka iskaga baxdo. Dhinaca kale Geeddi ayaa ka hadley dagaallada ka socda magaalada Muqdisho asagoo ku eedeeyey in waxa dagaalka ka wada magaalada Muqdisho ay yihiin kooxo uu ku sheegey argagixiso ka harey Golihii Maxkamadaha Islaamiga illaa kuwaas laga safeeyaana uusan dagaalku joogsan doonin. Geeddi ayaa mar kale wuxuu shacabka magaalada Muqdisho ku sii harey ugu baaqey inay ka baxaan wax uu ku sheegey argagixasada goobaha ay ku dhuumanayaan illa laga safeeyana ay u baxaan meelaha nabddoon. Mar la weyddiiyey cidda ka mas’uuul ah dhaibaatada soo gaarta dadka rayidka ayuu ku eedeeyey in ay yihiin argagixisada. Si kastaba ha ahaatee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka xiran dhammaan waddooyinka isku xira Waqooyiga, Koonfurta iyo Bartamaha; xitaa waxaa marna la xiraa wadada Afgooye iyo Muqdisho isku xirta. Muqdisho weli waa goob dagaal mana la qiyaasi karo waqtiga uu joogsan doono. Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho Aadan Cusmaan
  10. Geedi: " Kooxaha ka soo horjeeda dowlada Luuqada ay garanayaan ayaa waxay tahay oo kaliya dagaal, sidaa daraadeed waxaan kula hadlaynaa dagaal..” April 22, 2007 Markacadeey -------------------------------------------------------------------------------- Ra’iisal wasaaraha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed Prof: Cali Maxamed Geedi ayaa ugu baaqey shacabka degen goobaha ay dagaalada ka soconayaan in ay isaga baxaan. Ra’iisal waraasaha ayaa ugu baaqey shacabka in ay degaan deegaano uu sheegay in ay nabdoon yihiin, lagana sifeeyay wax uu ugu yeeray kooxaha argagixisada. "Kooxaha ka soo horjeeda dowlada Luuqada ay garanayaan ayaa waxay tahay oo kaliya dagaal, sidaa daraadeed waxaan kula hadlaynaa dagaal..”ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha. Raysal-wasaaraha ayaa kooxaha ka soo horjeeda dowladiisa iyo kuwa Itoobiya ku sheegay inay Yihiin kuwo xiriir la leh "Al-Qaacida". Wuxuuna Geedi meesha ka saaray inuu wax wada-hadalo la gelayo kooxo xiriir la leh ama la shaqeeya Shabakada "Al-Qaacida". Wuxuu u mahad celiyay ciidamada dowlada federaalka Itoobiya oo uu sheegay in ay guulo wanaagsan ka gaareen dagaalada lagula jirayo kooxaha uu ku sheegay in ay yihiin daba dhilifyo u adeegayo dano shisheeye. Maxamed Cali Madka Xafiiska Markacadeey Muqdisho
  11. 13 Human Right Groups in Somalia have accused him [indaCade]of being massively engaged in confiscation of family owned farms and growing narcotic drugs along with forcing the farmers to work as slaves on the field. Not long ago he ordered the closure of all stores and business centers in Bulo Marerta and told the locals that he would only allow them to continue their business if they abide to his newly adapted taxing system for his self-proclaimed administration. He also jailed several local elders in Bulo Marerta after complaining against the confiscation order issued to their farms. His militia establishes and reins uncountable checkpoints. They force the bus and truckowners to pay money at each checkpoint, causing daily price increases of the public transportation and therefore, making traveling between cities absurd. Some analysts believe that the region is doomed to perpetual poverty and economic slavery because of Mr. Indha Cadde's heinous activity. The daily life and destiny of the Somalis in the south have become telling stories of bloody and tear-jerking events. The statistics bear grim witness to the plight of the Somali children in the south. The mortality rate of the children under five years is more than 40%, higher than any other African nation. The number of native children who have access to education is less than 0.001%. Among the Somali children, the children in the Lower Shabelle have the worst life chances in the world. They usually end up of being orphans at very early age of their life because of the economical genocide facing the region as well as the killings that is occurring continuously. Even those with parents do live under extreme poverty due to lack of jobs and with basically no sources of income. After losing their farms, their financial belongings & their freedom, the natives of the Lower Shabelle remain the most brutally abused human being on earth. Many of the natives of the Lower Shabelle are transformed to beggars in the streets of Mogadishu . Because of the chronic hunger affecting the region, Lower Shabelle has the most tuberculosis cases in the nation. This is a generational genocide that will have a catastrophic impact to the human race source
  12. Murder, slavery, beatings, theft in Somalia Ali Musa Abdi June 23, 1995 MOGADISHU, June 23 (AFP) - Farmers in Somalia's fertile lower Shabelle region came forward Thursday to tell stories of an area ostensibly at peace but where they say militiamen beat, murder, enslave, tax, steal and expropriate.
  13. One of the merciless war booty mafia bosses is Mr. Yusuf Mohamed Siyad (Indha cadde) . Mr. Yusuf M. Siyaad (Indha Adde) who calls himself the Governor or the Ultimate Sultan of Lower Shabelle is a man who benefited from the lawlessness of the country. His militias employing heavy technicals are engaged in clan-targeted killings of unarmed civilians, killings of defenseless Somalis, kidnapping and systemic campaigns of rape and terror. Mr. Indha Cadde has served as the leader of the Islamic court in Merka; for many years he used Islam to subdue the poor Somalis in the Lower Shabelle . source
  14. Burburkii Dowlladdii militeriga ahayd ka dib Gobolka Shabeellada Hoose wuxuu ahaa goob ay si weyn isugu haysteen kooxo qabaa'illo ah iyo hoggaamiye kooxeedyo, mid kasta uu doonaayey inuu maroorsado, kheyraadka Gobolku hodanka ku yahay. Haysashada Gobolkan horraantii sagaashameeyadii waxaa ka masuul ahaa hooggaamiye kooxeedkii geeriyoodey, ee Gen. Maxamed Faarax Ceydiid. Geeridiisa ka dibna waxaa Gobolka qabsadey kooxo ka mid ah beeshiisa oo inta badan uu awoodda isagu gacanta u geliyey. Wixii markaa ka dambeeyey waxaa Gobolka tagey kuwo sheeganaya Maxkamad Islaami ah oo uu horkacaayey Sheekh Xassan Daahir Aweys oo markaas taliyaha ciidankiisu ahaa Yuusuf Indhacadde. Dadweynnaha Gobolka oo ay aad u dhibeen ********* abaabulan, ayaa si weyn u soo dhoweeyey Maxkamddii Islaamiga ee Gobolka, iyagoo markaa quud darreeynaayey inay Maxkamaddani ay Shareecada Islaamiga wax ku maamuli doonta. SOL link
  15. Mr. Jorge Mera wrote, “ Disclosure of the truth is part of ensuring that justice will be done, but it does not replace justice”. As the series of the untold stories continues; the focus remains on unleashing painful realities about Somalia that never gets into the headlines. The most afflicted regions of the country are the Lower Shabelle and Jubba with gangs teaming up to keep the natives of these regions under continuous suppression.
  16. Muqdisho:" Kooxaha argagixisada weeraradii ugu xoogga badnaa ayay dawladda kusoo qaadeen, wayna ku jabeen" Prof: Cali Maxamed Geeddi. 22. april 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Raysulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa ka dhawaajiyay in dagaalka Muqdisho uu u dhexeeyo kooxo argagixiso ah iyo dawladda federaalka oo ay caawinayso dawladda Itoobiya. Cali Maxamed Geeddi wuxuu xusay in dagaalka lagula jiro kooxaha xag jirka inay sii socon doonaan tan iyo inta laga nadiifinayo magaalada Muqdisho. Raysulwasaare Geeddi wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee wali ku jira xaafadaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxahaasi inay sida ugu dhaqsaha badan isaga baxaan. Md: Geeddi wuxuu sheegay in dagaalka ay ka qayb qaadanayaan kooxo ajnabi ah oo argagiixso ah hase ahaateen aysan cid qabiil ku dagaallamaysa jirin. " Xasan Daahir Uways wuxuu horay u yiri dagaalka anagaa wadna, ayaguna waa argagixiso danbi iyo dulmi wayn ka gashay shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri Md: Geeddi. Raysulwasaaruhu wuxuu sheegay in kooxaha argagixisadu ay maalmihii tagay duullaamo xoog leh soo qaadayeen,wuxuuna sheegay in dhammaan dagaalladii ay soo qaadeen ay ku jabeen, haddana laga saaray goobihii ay ku jireen badankood, dawladduna ay kusii siqayso Cali Maxamed Geeddi wuxuu hambalyo u diray ciidanka amniga qaranka Soomaaliya oo uu sheegay inay argagixisada u babac dhigeen, wuxuu ammaanay booliska oo uu ku sheegay inay qaab nabad galyo ah ula wareegayaan goobaha argagixisada laga sifeeyo . Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho kunool ayuu ugu baaqay inay si taxaddar leh ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho, goobihii laga saaro argagixisadana ay dib ugu soo laabtaan. Dhinaca kale Geeddi wuxuu dhaliilay qaar kamid ah wakiillada hay'adaha deeqda bixiya oo uu ku tilmaamay inay been cad ka sheegeen dawladda, ayagoo sheegay in dawladdu diidday in caawinaad la bixiyo. " Si arimahaasi beenta ah dadka loo tuso waxaan u furnay hay'adaha dhammaan garoomada diyaaradaha ee kuyaalla Soomaaliya" ayuu yiri Geeddi. Geeddi wuxuu sheegay inaan hay'adaha laga yeeli doonin inay raashinka ay hayaan bakhaaro isaga kaydsanaadaan, dabadeedna halkaasi ay ku qurmaan oo ay ku dhacaan. Hadalka Geeddi ayaa kusoo beegmaya xilli qaar kamid ah odayaasha Muqdisho ay sheegayan in dagaalkan ay ku jirto beesha ******. CCC Farayaamo AllPuntland.
  17. Dagaalkii Muqdisho oo saaka ka socdda deegaanka Towfiiq kadib markii Ciidanka dawladu la wareegeen dhamaan goobihii horay loogu dagaalamay. Dagaal ayaa maalintii afraad si kulul uga soconaya Magaalada Muqdisho iyadoo meelihii shalay dagaaladu ka dheceen ay xasiloon tahay kadib markii ciidanka dawladu la wareegay dagaalka maanta ayaa ka soconaya agagaarka Hotel Fowfiiq iyo Jiira garoob kadib markii ciidamada dawladu ay si toosa ula wareegeen dhamaan goobihii shalay lagu dagaalamay iyadoo wali la sii daba socdo kooxaha dawlada ka soo horjeeda oo iyagu dagaal kula jira ciidamada isbahaysiga ee ku sugan Muqdisho. Dagaalka maanta ayaa siwayn u ruxay xaafadaha ku dhaw dhaw hotel towfiiq iyadoo aysan jirin wax dhaqdhaqaaqa oo dadwaynuhu samaynayaan, dadka yar ee ku sugan xaafadahaasina ay miciin bideen inay geeda hoos galaan kadib markii laga cabsaday inay guryuhu ku soo dumaan madaafiicda awgeed. Ciidanka dawlada federaalka ayaa si kafool kafoola dagaal dhinaca lugta ah ugula jira kooxaha waxrabsha iyadoo dhinaca madaafiicda goobtana ay ka caawinayaan ciidamada ethiopia oo iyagu madaafiic ku rakibtay goobo aad muhiim u ah si ay uga duqeeyaan xaafadaha ay ku jiraan maleeshiyadii ka hartay maxkamadaha. dagaaladii dhacay labadii bari ee la soo dhaafay ayaa ciidanka dawladu siwayn guulo uga gaareen kadib markii ay xoog uga saareen kooxaha wax rabsha aagagii ay horay dhufaysyada uga qoteen iyadoo maleeshiyada dawlada ka soo horjeedaa ay xaafadaha dhexyaacayaan qaab habqan ah kadib markii ay u adkaysan waayeen waxa ku soo dhacaya ooo aan kala go'lahayn. Warar si hoose ay ku heshay shabakadda allmudug.org ayaa hoosta ka xariiqaya in madaxda dawlada somalia iyo saraakiisha ethiopia ay isla garteen in ciidanka lugta loo daayo somalida halka ciidamada ethiopia ay qaabilsan yihiin dhinaca madaafiicda goobta iyadoo meelaha la mari waayo ay labada ciidan kawada hawl galidoonaan. Webmasterka shabakadda Allmudug.org Abdinuur Mohamed seeraar(Galkacyo) (Please contact us) webmaster@allmudug.org,qalay2005@allmudug.org,qalay2005@hotmail.com.
  18. Dagaalkii Muqdisho oo saakay galey maalintii afaraad kana socdda deegaanka Towfiiq kadib markii Ciidanka dawladu la wareegeen dhamaan goobihii Shaley lagu dagaalamay. Dagaal ayaa maalintii afraad si kulul uga soconaya Magaalada Muqdisho iyadoo goobihii shalay dagaaladu ka dheceen ay xasiloon tahay kadib. Dagaal ayaa maalintii afraad si kulul uga soconaya Magaalada Muqdisho iyadoo goobihii shalay dagaaladu ka dheceen ay xasiloon tahay kadib markii ciidanka dawladu la wareegay dhamaan goobihii shaley lagu dagaalamey, dagaalka maanta ayaa ka soconaya agagaarka Hotel Towfiiq iyo Jiira garoob kadib markii ciidamada dawladu ay si toosa ula wareegeen dhamaan goobihii shalay lagu dagaalamay iyadoo wali la sii daba socdo kooxaha qarandiidka ah oo iyagu dagaal kula jira ciidamada isbahaysiga ee ku sugan Muqdisho. Dagaalka maanta ayaa siwayn u ruxay xaafadaha ku dhaw dhaw hotel towfiiq iyadoo aysan jirin wax dhaqdhaqaaqa oo dadwaynuhu samaynayaan, dadka yar ee ku sugan xaafadahaasina ay miciin bideen inay geeda hoos galaan kadib markii laga cabsaday inay guryuhu ku soo dumaan madaafiicda awgeed. Ciidanka dawlada federaalka ayaa si kafool kafoola dagaal dhinaca lugta ah ugula jira kooxaha qarandiidka ah iyadoo dhinaca madaafiicda goobtana ay ka caawinayaan ciidamada ethiopia oo iyagu madaafiic ku rakibtay goobo aad muhiim u ah si ay uga duqeeyaan xaafadaha ay ku jiraan maleeshiyadii ka hartay qarandiidka. dagaaladii dhacay labadii bari ee la soo dhaafay ayaa ciidanka dawladu siweyn guulo uga gaareen kadib markii ay xoog uga saareen kooxaha qarandiidka ah aagagii ay horay dhufaysyada uga qoteen iyadoo maleeshiyada qarandiidka ah ay xaafadaha dhexyaacayaan qaab habqan ah kadib markii ay u adkaysan waayeen waxa ku soo dhacaya oo aan kala go'lahayn. Warar xog-ogaal ah ayaa hoosta ka xariiqaya in madaxda dawlada somalia iyo saraakiisha ethiopia ay isla garteen in ciidanka lugta loo daayo somalida halka ciidamada ethiopia ay qaabilsan yihiin dhinaca madaafiicda goobta iyadoo meelaha la mari waayo ay labada ciidan isugu tagayaan. Xafiiska Warqabadka ee Shabakada carmooyin.com Muqdisho
  19. Eriteria oo ka baxdey IGAD 22 Apr 22, 2007 - 5:51:02 AM Dowlada Eritrea ayaa maanta shaaca ka qaaday inay gabi ahaanba ka baxday xubinimadii ururka IGAD kadib muran xoogan oo iyada iyo dalka ay cadowga isku yihiin ee Ethiopia ku dhex maray kullankii horaantii bishan IGAD ay ku yeelatay magaalada Nairobi oo sababay in Gobolka uu kala qeybsamo. "Dowladda Eritrea waxaa lagu qasbay inay qaado tallaabadan, ayada oo eegeysa qaraaro dhowr ah oo soo noq noqday, islamarkaana qeyrul mas'uulnimo ah, kuwaasi oo wax u dhimaya nabadda iyo ammaanka gobolka oo IGAD uu isku raacay" ayaa lagu yiri bayaan ay Dowladda Eritrea soo dhigtay Website-keeda. Kullankii Urur Goboleedka IGAD uu laba toddobaad ka hor ku yeeshay dalka Kenya ayaa noqday mid dagaal kulul oo dhinaca afka ah uu ku dhexmaray Eritrea iyo Ethiopia, oo weli ay ka dhaxeyso caddaawadii ka dhalatay dagaal dhinaca soohdinta ku dhex maray labada dal intii u dhaxeysay 1998-2000, waxaan hadda muuqda waxa ay dad badan u arkaan in dagaalkooda ay usoo rareen Somalia. Eritrea ayaa ku eedeysay Mareykanka iyo Ethiopia inay si mas'uuliyad darro ah u fara geliyeen arrimaha Somalia, kadib markii Addis-Ababa iyo Dowladda KMG ah ee Somalia ciidamadeeda ay xukunka ka tureen Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed, daba yaaqadii sanaddii tagtay. Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ayaa ku eedeeyay Eritrea inay qaribeyso Dowladda KMG ah, iyada oo taageero siineysa kooxaha wax iska caabinta ee ku lugta leh dagaalkii ugu xumaa ee Somalia ka dhaca 15 sanno. Urur Goboleedka IGAD ayaa waxa xubin ka ah Kenya, Uganda, Djibouti, Ethiopia, Sudan, Somalia iyo Eritrea oo maanta ka baxday. Tarjumaada: Cabdi Fatax Axmad
  20. Eretrea oo ka baxdey Ururka IGAD Last Updated::2007-04-22 13:56:18 Asmara:-Xukuumada Eretrea ayaa maanta ka dhawaajisey in ay Banaanka ka joogto Xubin ahaanshaheeda Ururka IGAD. Ka Bixitaanka Urur ay Shuraako ku yihiin Todobo wadan oo ku yaal Bariga iyo Geeska Afrika oo lagu magacaabo Inter-Governmental Authority on Development (IGAD), ayaa waxaa ay u sababeysey Eretrea in Dhawrka wadan ee IGAD ku bahoobey aysan waxba ka qaban Xaalka Soomaaliya. Sida Maanta lagu soo Daabacey Website ay leedahay Xukuumada Casmara waxaa lagu sheegey in arintaan lagu kalifey in ay Qaado Talaabadaan, ka dib markii Xubnaha IGAD ay ku guul dareysteen in ay Islaaxiyaan Nabad Gelyada iyo Deganaanshaha Deegaanka. Waxaa Muuqata in Eretrea ay ka bixitaankeeda uu yimid ka gadaal markii ay Ethopia ay oga fir fircoonaatey Arimaha Amaan, Siyasad, iyo Istiraatijayadeed ee Gobolka, waxaana Jirtey Kulan ay yeesheen wasiiro IGAD ka tirsanaa in Gudi loo saarey khaladaad ka yimi Dagaal dhex marey Labada Wadan ee Eretrea iyo Ethiopia, sanadihii 1998 iyo 2000. Dhawr jeer oo hore waxaa eedeymo u soo jeediyey labada wadan ee Soomaaliya iyo Itoobiya wadanka Eretrea waxaana ay ku eedeeyeen in Eretrea ay Magan geliso kooxo ka soo horjeeda DF Soomaaliya, waxaana ay Itoobiya ay si gaar ah ugu eedeysey Eretrea in ay hoy iyo Gabaad ay siineyso kooxo Argagixiso ah. Eretrea Dhinaceedana waxaa ay Dhawr jeer oo hore ay ku eedeysey wadamada Mareykanka iyo Itoobiya in ay Deganaansho Darro ay ka wadaan wadanka Soomaaliya, waxaana ay sheegtey in waxii dhaca ay labadaasi Dal ay mas’uuliyadeeda ay Dusha u ridanayaan. Wadamada Ku Bahoobey IGAD ayaa waxaa ka mid ah Wadamada Soomaliya, Itoobiya, Kenya, Uganda, Djibouti, Sudan, waa wadamada kale ee kula bahda ah wadanka eretrea Ururka IGAD. Waxaana warka ah in Eretrea ay ka baxdey Ururka Igad ku dhawaaqey wasiirkeeda Arimaha Dibada . Mohamed Ali (Dalmar) HorseedNet.com