
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Kismayu : the rule of law will return swiftly
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ahmed Gurey, they made the wrong protest and like those anti-governemnt militia in Mogadishu they will pay a price. I prefer a political price rather than blood. Saxib Koojaar & Afgaduud are army officers of the TFG and Hebel Dheere is a clan militia spekesperson. Thus the trouble is between governemnt officials against reer hebel. Not even a clan dispute. -
Kismayu : the rule of law will return swiftly
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gurey, I am not too interetsed on who you are or what you are. But Kismayu is in the hands of local militias who belonged to the JVA. If they belong to the TFG the Prime Minsiter would have not made those comments, the Comanders of the army would not have made those comments. Those who took part in this excercise of clan militia should be sent for re-education and training. Those who showed their loyalty to their admin should be rewarded. -
Kismayu : the rule of law will return swiftly
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^They will be treated the same way saxib. They are making excuses but the TFG is not having any of it. These militias will be disaramed, its only when and not if. There is no more JVA or any of those silly acronyms. They protested in the wrong manner. Jimbo. I have not got a clue, but they happen to have the same stance, who cares? -
Kismayu : the rule of law will return swiftly
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Ok saxib, you seem to be defending the group you loathed a few months back. Or was that a ploy? The TFG will take control of Kismayu again, without much fuss as they have done the whole country. Geedi is determined not to give any safe havens for outlaws no matter what clan they happen to be. "Waxaa jira goobo yaryar oo ay weli ku jiraan kooxihii Muqaawamada ee dagaalka kula galay Muqdisho ciidammada dowladda iyo kuw Ethiopia ee iskaashanaya, waxaana doonaynaa inaan dhawaan ka nadiifinno goobahaas" ayuu yiri Prof. Geeddi oo carrabka ku dhuftay inay dowladdu dhawaan goobahaas ciidammo ku daadinayso. -
ME, thanks brother was you counting?
-
^^^Gabow was named before Clan courts, he was then isolated by both the warlords and them. Since the TFG took over he has been unable to bring anything new.
-
^^^He was not tough enough I can only guess.
-
source
-
Kismayu : the rule of law will return swiftly
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Horn, no one is boasting except for you saxib. No one is making this into a big deal except for you saxib. This is not a big deal, yet you are trying ever so desperately yo try to prove to yourself no doubt that this is a landmark moment. Its an absurd stance, because even yesterday the militia could not capture a small town. Afgaduud, Koojaar, ina Gaboose and the Mayor are all outside the gates of Kismayu. They do not want to return out of principle untill those militias leave volunterily or otherwise. Thats the truth saxib, no need to skirt around it. Those militias in Kismayu are stuck. May their plight ease without much suffering. -
“Cidii horteeda laga soo weeraro dowladda ama qaraxyo ay ka dhacaan waxaan u sheegayaa inay iyadu u qoolan tahay oo qoyskaas la xirayo, halka la geynayana ay tahay mid EEBBE og yahay” ayuu ku hanjabay Maxamed Dheere ugu horreyn, waxaana sacab iyo sawaxan isku daray ka qaybgalayaashii xafladda xil wareejinta ahayd. “Waxaan idiin sheegayaa in maamulka Gobolka Banaadir min waax illaa Gobolka uu isku xirmayo, isla markaana ay isla shaqeynayaan oo uu dhammaaday is-bar-bar-yacii ka jiray maamulka Gobolka Banaadir” ayuu yiri Maxamed Dheere.
-
Odayasha koxahii dagalka oo qirtey in laga adkadey Afhayeenka odayaasha Axmed Diiriye Cali ayaa... Dhageyso ama Akhriso qoraalkan... audio
-
Why are the elders now meeting TFG not Ethiopian officers?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Back to the topic.. Odayasha koxahii dagalka oo qirtey in laga adkadey 1 May 1, 2007 - 1:08:03 AM Odayaasha qaar ka mid ah beelaha ******, ayaa markii ugu horeysay qirtay in looga adkaaday dagaalkii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia. Qirashadan ayaa odayaasha waxa ay sheegeen intii lagu guda jiray kullankii ugu horeeyay oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen tan iyo markii uu dhamaday dagaal ki kooxihii dowlada ka soo horjeedey. Afhayeenka odayaasha kooxaha la dagaalamayay dowlada Axmed Diiriye Cali ayaa shir jara'id uu qabtay kullankaasi kadib waxa uu ku sheegay in ciidamadada Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG ah ay ku adkaadeen dagaalka, laakiin dowladda looga baahan yahay inay nabad raadiso Guul darrada soo wajahday odayaasha kooxaha dagaalamayay ayaa hogaamisay inay ogolaadaan wada hadal ay la furan Dowladda KMG ah ee Somalia, oo in muddo ah ay diidanaayeen inay la xaaltamaan. Marka kadib ayaa labada dhinac waxa a Kullaankii ugu horeeyay ku yeesheen xarunta Villa Somalia ee Madaxtooyada, waxaana ay ku heshiiyen qodobo ay ka mid ahayeen in laga hortago daagala dambe uga dhaca Muqdisho iyo in wada hadallada socdaan. Kullankii Odayaashan ay shalay ku yeesheen Muqdishi ayay ku baaqeen in ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia iyo kuwa Ethiopia ay ka baxaan Goobaha dadka rayidka ah, madaama lagu baaqday in dadkii bara kacay ay dib ugu soo noqdaan guryahooda. Afhayeenkan kooxdan Axmed Diiriye Cali ayaa markii ugu horeysay qirey xillalka madaxada sare ee DFKMG ah isaga oo sheegey in ay wadaxajood gali doonaan.Dhagayeso Haddalaka odayaasha kooxihii ka dagaalameyey Muqdisho ayaa ku soo aadey xilli ay magaalada Asmara ee wadanka Eritrea ay ka soo saareen xubnaha mucaaradka ku ah DFKMG ah in dagaalada Muqdisho aysan weli dhamaan xeeladiina la badaley. . -
Wadada Fagax oo dagaalo ba'an ay ka dhaceen
-
Dhismayaal ku yaala isgoyska Cali Kamiin Ciidamada Uganda oo roondeyn ku sameeyay maanta caasimadda Somalia Xarunta Hay'adda DBG ee Bin Cali oo madaafiic lagu burburiyay
-
<a href="http://shabelle.net/images1/u01.jpg'>http://"http://shabelle.net/images1/u01.jpg"">http://shabelle.net/images1/u01.jpg[/b] Ciidamada Uganda oo kormeeraya goobaha dadka soo barakacay
-
Ciidamada Midowga Africa oo socod ku sameeyay caasimadda Somalia Mogadishu 01, May.07 ( Sh.M.Network) Ciidamada Midowga Africa Ka Socda ee Ku Sugan Muqdisho ayaa maanta markii ugu Horeysay Socod Ka Billaabeen Magaalada Muqdisho iyagoo Soo booqdey Meelihii ay dagaaladu ka dhaceen dhawaantaan. Socodkaan ay Sameeyeen Ciidamada Uganda oo ah ciidamada Keliya ee ka socda Midowga Africa ee kusagan waddanka Somalia ayey saraakiil la hadashey saxaafadda waxaa ay u sheegeen in ay tahay sidii dadka reer Muqdisho ay kalsooni uga sameysan lahaayeen. Wariye Shabelle Ka tirsan ayaa sheegey in ciidamadaani oo ku hubeysanaa ku dhawaad 15 gawaari oo kuwa Dagaalka ah in ay soo mareen deegaanada Fagax, Towfiiq, Huriwaa iyo Xarunta Jaamacadda Muqdisho oo ku sheegey Dhamaan deegaanadaasi in ay degnaayeen Ciidamo Ethipian ah. Saraakiil Ugandes ah oo la yiraahdo Cornel Delta Lawula, oo saxaafadda kula hadlay Dugsiga Xalane ayaa waxa uu sheegay in roondaddooda in ay ka dambeyso sidii ay u badelli lahaayeen ciidamada Ethiopianka oo goobaha ay islamarkaan ay dadku isku baraan. Corneeelka waxa uu sheegay in goordhow ay kala wareegi doonaan ciidamada Ethiopia deegaanada iyo goobaha ay fadhiyaan, waxaana uu qirey in burbur xoogan uu ka jiro goobihii dagaaladu ay ka dhaceen. Deegaanadii ay Soo mareen ciidamadaani ayaa waxaa ka muuqdey raadadkii uu ku reebey dagaalladii Cuslaa ee ka Dhacey Muqdisho Maalmo ka hor.
-
Xildhibaano cusub oo la dhaariyey iyo Munaasabada Shaqaalaha Adduunka oo Baydhabo laga xusay Last Updated::2007-05-01 17:12:05 Baydhabo:- Lix xildhibaan oo cusub ayaa kusoo biiray Baarlamaanka Federaalka kuwaasi oo bedalay qaar kamid ah 31dii xildhibaan ee xilka laga xayuubiyey. Xubnaha la dhaariyey ayaa kala ah: 1- Maxamed Cabdi Weyrax, wuxuu bedalay Jaamac Cali jaamac. 2- Saciid Maxamed Axmed wuxuu bedalay Maxamed Cabdi Yuusuf. 3- Maxamed Maxamuud Xasan, wuxuu bedalay Zakari Xaaji Maxamed. 4- Cabdi maxamed Axmed, wuxuu bedalay Maxamed Cabdi Daryeel. 5- Sharif Maxamed Sheikh Axmed waxaa wuxuu bedalay Shariif Saalax. 6- Raabaco sheikh Axmed, wuxuu bedalay Fowsiya Maxamed. Golaha Baarlamaanka ayaa maanta sidoo kale ka dooday arrimaha shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya oo lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho bisha June ee sanadkan. Maanta oo ku aadaneyd maalinta Shaqaalaha Adduunka ayaa sidoo kale si weyn looga xusay magaalada Baydhabo ayadoo xaflad loogu talo galay maalintaasi ay ka qeyb galeen xildhibaanada iyo mas'uuliyiinta Dowlada iyo gobalka. HorseedNet.com
-
Axmed Diiriye: "Dowladdu way naga itaal roonaatay oo taas ma ahan mid aan inkiri karno, balse...." MAY 1 . 2007 Radiofreesomalia.com Afhayeenkii xubnaha ****** Axmed Diiriye Maxamed ayaa sheegay in dowalddu ay kaga xoog roonaatay dagaalkii ay kula galeen Muqdisho ayna taageersan yihiin Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaaliya. Axmed Diiriye oo ka mid ahaa xubno ka tirsan Beelaha ****** oo howlo abaabul colaadeed ah ka billaabay Muqdisho ayaa wuxuu ka shanqariyay in dowladdu ay ka itaal roonaatay kooxdii ay wateen, isagoo sheegay in dowladdu ay tahay mid haatan gacanta ku haysa Muqdisho oo dhan. "Dowladdu way naga itaal roonaatay oo taas ma ahan mid aan inkiri karno, waxaase loo baahan yahay in dowladdu ay iska xilsaarto inaysan dhibaato gaarin shacabka Muqdisho oo lagula kaco bililiqo, xarig iyo dil intaba" ayuu yiri Axmed Diiriye oo hadalladiisu ay u badnaayeen kuwo uu ku muujinayo jiritaanka Dowladda Federaalka Soomaailya. Wuxuu sheegay in Xubnihii ****** ay kulammo la qaateen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi isagoo sheegay in kulankaas uu ahaa mid billow ah, balse ay ujeeddadiisu tahay in lagu dhameeyo khilaafaad iyo dagaallo dambe oo soo laabta. "Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed wuxuu naga aqbalay inaan wax dambe oo dagaallo ah ku soo laaban Muqdisho; ayna kulammada u billowday noqdaan kuwo sii socda, oo horumar la taaban karo laga gaaro" ayuu yiri Axmed Diiriye Maxamed. Afhayeenka Xubnaha ****** ee hormuudka u ahaa dagaalladii Muqdisho ka dhacay Axmed Diiriye Maxamed ayaa ahaa nin si weyn u inkirsan jiritaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ku tilmaami jiray Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha inay yihiin kuwo aan waxba ahayn oo aan dalna maamulin, balse maanta waxaad mooddaa inuu hadalkiisa is badalay oo uu u dhurtay inuu sheego darajooyinka madaxda dowladda iyo jiritaanka Dowladda intaba.
-
Odayaashii u hadli jiray kooxihii dawlad diidka ahaa oo markii ugu horaysay hoosta ka xariiqay in naaraha laga waraabiyay. Axmed diiriye oo ah odaygii u hadli jiray kooxihii nabad diidka ahaa oo dagaalada kulul kula galay dawlada somalia magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dagaaladii muqdisho isagoo sheegay in dagaaladii muqdisho loogu awood sheegtay wuxuu yiri axmed diiriye war waligeed waa la diriri jiraye anagu waxaanu la dagaalanay kuwo aan jixinjix iyo umad iyo shacab midna aqoon oo wixii hor istaaga naxashka horay ka saaraya. Axmed diiriye oo warkiisa lawaayay tan iyo markii loo awood sheegtay kooxdii uu hogaamin jiray ayaa sheegay inay hada wixii ka dambeeya wadada kaliya oo ay wax ku raadinayaan tahay inay dawlada la hadlaan isagoo yiri awal waanu garab marnay talada hadaan sidaan wax ula soconana maanu dhaafneen dawlada somaliyeed. Axmed diiriye ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Muqdisho ay hada tahay mid xasiloon gacantana ugu jirta Dawlada Somalia hada iyadana wax laga waydiinayo arimaha caasimada maadaama ay awood ku qabsatay. Axmed diiriye ayaa sheegay in wixii dawlada la dagaalay ay ahaayeen dad shacab ah iyagiina laga takhalusay waxna la laayay waxna la xirxiray wixii kalana ay kala yaaceen iyadoo ninwalba meeshii ceshata uu afka saaray. Allmudug.org News desk.
-
^^^He has changed. Thus everyone should be given that opportunity.
-
Max'ed Dheere oo maanta si rasmi ah ula wareegay maamulka gobolka Click here to find shabelle news in english Mogadishu 01, May.07 ( Sh.M.Network) Maamulka cusub ee gobolka Banadir ayaa wacad ku maray in uu wax ka qabanayo amaanka magaalada Muqdisho, ka dib xaflad xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta gobolka Banadir. Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere ayaa hadalkani ka sheegay Xaflad uu si rasmi ah kula wareegayay maamulka gobolka Banadir, iyadoo xafaladaasi ay ka soo qeybgaleen Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah oo uu ka mid ahaa Wasiiru dowladaha wasaaradda arimaha gudaha Max'uud Sayid Aadan iyo xubno kale. Max'ed Dheere ayaa waxa uu sheegay in uu soo diyaariyay naqshadii maamulka gobolka Banadir, isla markaana uu kala direy shaqaalihii badnaa iyo agaasimayaashii gobolka oo aan ka imaan waaxaaha iyo degmooyinka. Waxa uu intaasi ku daray in cidii jago ka dooneysa maamulka gobolka Banadir in ay muhiim tahay in uu soo maro waaxdiisa iyo degmadiisa, iyagoo soo maraya agaasimayaashooda shaqaalaha. Mar uu digniin u jeedinayay shacabka magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in degmadiiba 4 laamood oo amaan ah laga hirgalinayo iyadoo xaafadii wax lagu qarxiyo Mas'uulka xaafadaasina aanu waxba ka soo gaarin qaraxaasi ay kula xisaabtami doonaan. Waxa uu carabka ku dhuftey in ururada bulshada rayidka ah ay soo maraan waaxaha iyo degmooyinka si ay ku helaan waajibaadka ay ku leeyihiin gobolka Banadir. Waxa uu intaasi raaciyay in uu wax ka qabanayo sida ugu dhaqsiyaha badan amaanka guud ee gobolka Banadir oo muddooyinkii ugu dambeeyay faraha ka baxayay. Sidoo kale Xafladdaasi ayaa waxaa ka hadlay Max'uud Xasan Cali cadde Gaaboow oo sheegay in uu ku wareejiyay xilkii maamulka gobolka iyo kan duqa magaalada Max'ed Dheere, isla markaana uu balan qaaday in uu la shaqeyn doono. Waxa uu shacabka Muqdisho ugu baaqay in iyaguna ay la shaqeeyeen maamulka cusub ee gobolka Banadir. Xafladdaan ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeybgalay qaar ka mid ah ciidamada naafada xoogga dalka Somalia oo salaan sharafeed ka qaatay Gudoomiyaha gobolka Banadir oo ay u rajeeyeen in uu alle u fududeeyo xilkaan. La wareegista Max'ed Dheere ee maamulka gobolka Banadir ayaa ku soo beegmaya xilli amaan darro baahsan ay ka jirto caasimadda Somalia, iyadoo looga fadhiyo in uu wax ka badalo xaaladda amaanka gobolka Banadir, iyadoo la ogsoon yahay in max'ed Dheere oo horey uga talin jirey gobolka Sh/dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar uu ka dhigay meel nabdoon.
-
Muqdisho: Maxamed Dheere oo sheegay inuu gobolka Banaadir nabad buuxda kusoo dabbaali doono 1. maj 2007 Muqdisho(AllPuntland)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb ayaa shaaca ka qaaday in qorshe cusub uu u dajiyay xasilinta magaalada. Mar uu maanta ka hadlayay xaflad uu xilka si rasmi ah kula wareegayay ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho uu siinayo muhiimadda ugu wayn. Maxamed Dheere wuxuu sheegay in marka hore Muqdisho ammaankeeda iyo horumarkeedaba ay kala shaqayn doonaan maamullada degmooyinka, asagoo xusay in shaqaalihii faraha badnaa ee horay u jiray uu kala diray. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Dheere wuxuu sheegay in degmo walba loo qaybin doono afar laamood oo qaabilsan ammaankeeda, iyo ciidamadii sugi lahaa ammaankeeda. Wuxuu xusa ciddii ammaanka iyo hawsha loo xilsaaro ka soo bixi wayda in tallaabada laga qaadayo ay tahay inay xilkeeda waydo . " Ciddii jago doon ah waa inay soo marto waaxda ay ka tirsan tahay" ayuu yiri Maxamed Dheere oo intaasi raaciyay in ururada bulshada rayidka ahna ay soo maraan waaxyaha ay ka tirsan yihiin.. Maxamed Dheere wuxuu wada shaqayn ka dalbaday shacabka Muqdisho , asagoo sheegay haddii ay la shaqeeyaan inuu si dhaqso ah is beddel uga samayn karo Muqdisho. Waxaa uu ka digay Maxamed Dheere arimaha ammaan darada iyo qaraxyada, asagoo shacabka Muqdishona u sheegay in maamulka ay kala shaqeeyaan ka hortagga wixii danbi ah. Maxamed Dheere oo ahaa guddoomiyihii gobolka Shabeellada dhexe ayaa lagu xasuustaa inuu nabad ka dhigay gobolkaasi shantii sano ee uu maamulayay, hase ahaatee gobolka Banaadir ayaa baaxad ahaan iyo bulsho ahaanba ka duwan gobolkii uu ka arimin jiray. CCC Farayaamo AllPuntland
-
UNITY BETWEEN THE TWO WATCHING THE SPECTICLE Dheere & Gabow outside
-
NEW/MAYOR GOVERNOR OF BANADIR OLD MAYOR OF MOGADISHU
-
Xaflad Wareejinta Gud. G/Banaadir Oo Muqdisho Ka Dhacday Calanka.com Muqdisho 1/05/07 Munaasabad aad loosoo agaasimay eyna ka soo qeyb galeen masuuliyiin, odayaal, waxgarad iyo aqoonyahano oo lagu wareejinayay xilkii gudoomiyenimo ee gobolka Banaadir ayaa maanta waxa ey ka dhacday magaalada Muqdisho. Xafladdan oo hadalo ey ka jeediyeen labada masuul ee xilka gudoomiyenimo kala qaadaneysay ayaa waxa lagu qabtay xurunka gobolka Banaadir oo ku taal degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho. Mar uu hadal kooban ka jeediyay halkaa gudoomiyaha cusub ee xilka la wareegay Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa waxa uu yiri: "Magaalada Muqdisho waa la iswada yaqaan cidna ku dhuuman ma karto, ninki gurigiisa hoobiye am bambo looga soo tuuro dowladda iyo ciidamadeeda ama laga soo weeraro waxaan ka qaadi doonaa talaabo" Masuulkan cusub ayaa intaa ku daray in goor dhow gobolka Banaadir 16-kiisa degmo loosoo magacaabi doono gudoomiyeyaal lana howlgalin doono dhamaan saldhigyadii boliska ee lix iyo tobanka degmo. Mar uu isna ka hadlay Cade Gaabow (GUdoomiyihii hore ee gobolka Banaadir) munaasabadda ayaa waxa uu sheegay in maanta wixi laga bilaabo uu xikiisii ku wareejiayay gudoomiyaha Xusub (Maxamed Dheere) wuxuuna ugu baaqay in si buuxda loola shaqeeyo, isagoo intaa ku daray in Masuulkan cusub uu yahay masuul kasoo bixi kara howsha loo dhiibay dibna ugu soo celin kara gobolka astaamihii lagu yaqiinay. Gudoomiyahan cusub ayaa lagu magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska ra`iisal wasaaraha Somaliya prof. Cali Maxamed Geedi oo uu jagadaas kaga qaaday Max’uud Xasan Cali (Cadde Gaaboow). Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda Somaliweyn Media Center/SMC