General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Paddy Ankunda “Guri ku yaala degaanka Gubta ayaan hub ka soo qabanay maanta, waxaana isticmaali jira Wednesday, 09 May 2007 Ciidamada midowga Afrika iyo kuwa Itoobiyaanka oo ay wehliyaan kuwa Soomaalida ah ayaa maanta howlgal ay ka sameeyeen xaafada Gubta ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho waxa ay ku soo qabteen hub fara badan kuwaasoo ku jiray goob guri wax lagu barto ah. Afhayeenka ciidamada midowga Afrika Captan Paddy Ankunda oo ka hadlay howlgalkan ayaa sheegay inay gacan ku soo dhigeen hub isugu jiray Miinooyin, Bambooyin iyo madaafiicda garbaha laga gamo ee lagula dagaalamo Taangiyada, kuwaasoo uu sheegay inay iscicmaali jireen kooxihii ka horjeeday dowladda KMG Soomaaliya. “Hubaan waxaan ka soo qabanay Galbeedka degaanka Gubta, oo Iskuul ahaan loo isticmaalayay, waxaana hubkaasi naloo xaqiijiyay inay isticmaali jireen kooxihii kacdoonka ka waday Muqdisho ee ka horjeeday dowladda” ayuu yiri Ankunda oo xusay in dadka degaankaasi ay si hoose noogu soo sheegeen in gurigaasi ay yaalaan hub. Ankunda ayaa waxa uu tirakoob ka bixiyay hubka ay maanta ka soo qaqbteen gurigaasi, oo kala ahaa, Miinooyinka loo yaqaano Anti-taangi oo dhan 106 xabo, 48 Baazuuke, 460 Bambooyinka gacanta laga tuuro. Ankunda ayaa sidoo kale tibaaxay inay hubkan burburin doonaan, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho markii ay gacanta ku soo dhigeen hubkaasi.
  2. MUQDISHO: Suuqa weyn ee Bakaaraha oo saakay laga billaabay in la burburiyo goobaha ganacsi ee waddooyin suuqa laga dhisay Posted to the Web May 09, 12:17 Muqdisho (PP) - Ciidammada Dowladda Soomaaliya ayaa waxay saakay howagallo ay ku burburinayan goobaha sharci-darrada ah ka bilaabay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha, waxayna amarro ku siiyeen dadka ku ganacsanaya waddooyinka waaweyn ee Bakaaraha inay ka guuraan goobahaas. Ganacsatada ayaa waxay billaabeen inay alaabooyinkooda ka gurtaan goobahooda ganacsi, iyadoo goobahoodana billaabay inay burburiyaan, iyadoo aysan jirin wax gacan labaad ah oo ku wehlinaysa burburinta xarumahooda. Ciidammada Dowladda ayaa waxay ilaalo ka hayaan goobaha burburinta ay ka socoto, iyagoo goobaha laga maqan yahay weydiinayay ganacsatada kale cidda leh, balse haddii ay waayaan ay burburinayeen iyagoo ay ku jiraan alaabooyinkoodii ganacsi. Arrintaan ayaa waxaa cabsho weyn ka muujiyay dadka ganacsatada ah ee goobahaas lahaa, waxayna ku tilmaameen inay taasi tahay sharci-darro ayna ahayd in lala sugo goobahooda ganacsi. Waddooyinka waaweyn ee suuqa Bakaaraha ayay sheegayaan inay doonayaan ciidammadu inay furaan, iyagoo sheegay in ciriiri fara badan uu ku jiro suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya oo dhan. Dhanka kale Goobo ganacsi oo ku harsanaa waddada 30-ka oo shalay howlgallo lagu burburinayo goobaha ganacsi ay ka dhaceen ayaa saakay si xoog ah looga jajabinayay dadkii lahaa; iyadoo aan la kulmay goob ganacsi oo shaaha lagu gado oo ay burburinayaan ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandopst - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com
  3. Nuune, these are illegal and dangerous kiosks, both to the traffic and the hygene of the areas. All the traders will be given the opportunity to move to the Xamarweyne market or Bacadle. Its easy to comment, and it is easy to defend those who occupy the lands, homes of millions of poor Somali's.
  4. Ciidamada Dawlada Soomaaliya oo hub qabtay Wararka imaanaya Magaalada Muqdisho ee caasumada wadanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in halka lugu magacaabo khabuuraha Barakaat lugu qabtay hub fara badan,ayadoo hubkaan lasheegay in uu ahaa mid la doonayay in banaanka Magaalada looga saaro,balse ciidamada Dawlada Soomaaliya ku guuleysteen in gacanta lugu dhigo. Waxaa lugu soo waramayaa in goobta hubka lugu qabtay ay gaareen masuuliyiin ka socota dawlada Soomaaliya iyo dawlada Itoobiya waxaana ka mid ah masuuliyiintaasi sida wararku sheegayaan taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed Gen.Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) taliyaha ciidamada dawlada itoobiya ee ka jooga soomaaliya Gen.Gabre iyo Saraakiil ka socda nabad ilaaliyaasha africa. Hubkaan gacanta lugu dhigay ilaa hada majiraan cid ka tirsan dawlada soomaaliya oo ka hadashay,hubkaan lama sheegin cida sida rasmigaa uleh inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan in ay lahaayeen kooxihii dawlada kula dagaalamay Magaalada muqdisho ee caasumada wadanka Soomaaliya. Hubkaan ayaa isugu jirey miinada lagu qarxiyo taankiyadda oo gaaraya ilaa 106 xabo, Bamgacmeedka loo yaqaano f1 ka oo gaareysa 460 xabo iyo Baasuukayaal gaaraya 48 sabo oo ay wehliyaan rasaastooda. Qabadashada hubkaan ayaa waxa ay ku soo aaday,ayadoo Afar labaatankii saac ee la soo dhaafay Magaalada muqdisho laga fuliyay hawlgalo amaanka wax looga qabanayo,gaar ahaan kuwo ganacsatada looga doonayay in ay gacanta dawlada ku soo wareejiyaan hubka ay ku heystaan gudaha Caasumada. Last Updated ( Wednesday, 09 May 2007 )
  5. RW.Geedi oo magacaabay Safiiro Cusub iyo Afhayeenka Rasmiga ah ee Dowlada Federaalka Last Updated::2007-05-09 17:56:29 Muqdisho:- Kulan ay maanta isigu yimaadeen golaha wasiirada ee DFKMG ayaa Ra'iisul wasaaraha Cali Maxamed Geedi waxa uu ku magacaabay xilalka Safiirro cusub iyo xilka Afhayeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Kulankan ayaa waxaa lagu qabtay xaruntii hore ee NSS-ta waxaana shir gudoon ka ahaa Ra'iisul wasaaraha DF Cali Maxamed Geeddi. Safiirrada la magacaabay ayaa ay kala yihiin. 1- Abyan Maxamed Saalax (Ladane) oo loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka India. 2- Xareedo Ibraahim Maxamed (Boolis) oo loo magacaabay Safiiradda Soomaaliya u fadhida dalka South Korea 3- Maxamed Calasoow Barroow oo loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Indonisa. 4- Axmed Maxamed Cigaal oo loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta. Waxaa kale oo la magacaabay Afhayeenka rasmiga ah ee DF Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah saxafi caan ah oo wariye u ahaan jirey Madxweynihii hore ee Soomaaliye Maxamed Siyaad Bare waxaa uu sidoo kale la taliye u noqonayaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Madoobe Nuunoow Maxamed. Cabdi Fitaax Yare HorseedNet.com
  6. ^^^Saxib you are indeed funny. Now you deny the existance of one of the few sites to support the clan militia in Kismayu. Only Gedonet is the bible huh?
  7. [Ciidamo isagu jira kuwa dowladda itoobiyaanka iyo kuwa Amisom oo Maanta gacanta ku dhigay hub yiilay qeybo ka mid ah xaafadaha Magaalada Muqdisho.Wed-09-May-2007
  8. Ethiopian-ka,DFS iyo Midowga Africa oo qaybtay hub Muqdisho laga saari lahaa (Waayaha.net)Muqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia-ka, kuwa dawlada iyo Midowga Africa ayaa hub ku qabtay meelo dhawr ah oo ku yaal magaalada Muqdisho hubkaas oo la doonayey in dibada laga saaro magaalada Muqdisho. Madaxda Midowga Afrika, Ethiopian-ka iyo kuwa Soomaalida oo booqday goobaha hubkaasi lagu qabtay ayaa sheegay in hubkaani uu qayb ka yahay hubkii ay ku dagaallamayeen waxay ku tilmaameen haraadigii midowgii maxaakiimta islaamiga. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid inuu booqday goobaha hubkaasi lagu qabtay oo ay ka mid tahay halka lagu magacaabo Qabuuraha Barkaad. Hubkaan la qabtay ayaa qayb ka ah hub rururin xoog leh oo ka socota magaalada Muqdisho taasi oo lagu sugayo ammaanka magaalad Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya. Xarunta wararka Waayaha.net editor@waayaha.net waayahanet@hotmail.com
  9. Muqdisho:Ciidamada Dawlada Soomaaliya oo hub qabtay. 9. maj 2007 Muqdisho(AllPuntland)-Wararka imaanaya Magaalada Muqdisho ee caasumada wadanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in halka lugu magacaabo khabuuraha Barakaat lugu qabtay hub fara badan,ayadoo hubkaan lasheegay in uu ahaa mid la doonayay in banaanka Magaalada looga saaro,balse ciidamada Dawlada Soomaaliya ku guuleysteen in gacanta lugu dhigo. Waxaa lugu soo waramayaa in goobta hubka lugu qabtay ay gaareen masuuliyiin ka socota dawlada Soomaaliya iyo dawlada Itoobiya waxaana ka mid ah masuuliyiintaasi sida wararku sheegayaan taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed Gen.Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) taliyaha ciidamada dawlada itoobiya ee ka jooga soomaaliya Gen.Gabre iyo Saraakiil ka socda nabad ilaaliyaasha africa. Hubkaan gacanta lugu dhigay ilaa hada majiraan cid ka tirsan dawlada soomaaliya oo ka hadashay,hubkaan lama sheegin cida sida rasmigaa uleh inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan in ay lahaayeen kooxihii dawlada kula dagaalamay Magaalada muqdisho ee caasumada wadanka Soomaaliya. Qabadashada hubkaan ayaa waxa ay ku soo aaday,ayadoo Afar labaatankii saac ee la soo dhaafay Magaalada muqdisho laga fuliyay hawlgalo amaanka wax looga qabanayo,gaar ahaan kuwo ganacsatada looga doonayay in ay gacanta dawlada ku soo wareejiyaan hubka ay ku heystaan gudaha Caasumada. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  10. Nabadoonada Jasiirada Madhawaa oo siidaayey 4 Maxbuus oo kamid ahaa maleeshiyadii Beesha **** Last Updated::2007-05-08 13:38:36 Kudhaa:- Kadib dadaal dheer oo ay galeen odayaasha Beesha ***** ee Waamo ayaa lagu siidaayey 4 maxbuus oo kamid ahaa maleeshiyo dhawaan weerar ku qaaday jasiirada Madhawaa. 4ta nin ayaa kamid ahaa 9 nin oo la sheegay in lagu dilay Jasiirada Madhawaa ee deegaanka Kudhaa degmada Badhaadhe ee gobalka J/hoose, kadib markii ay weerareen maleeshiyo kasoo jeeda beesha **** oo kasoo baxay Kismaayo. Dagaalkaasi oo dhacay todobaadkii tagay ayey ku dhinteen 3 qofood oo deegaanka kasoo jeeda halka maleeshiyada ka yimid Kismaayo ay ka dhinteen 5 nin halka 4na nolol looga qabtay kuwaasi oo wararkii horey usoo baxay ay sheegayeen in ay dhinteen. Nabadoonada Jasiirada Madhawaa ee Beesha (*****, ) ayaa siidaayey 4taasi nin ayadoo la sheegay in lagu wareejiyey odayaal ka socda beesha ****. Dhinaca kale waxaa magaalada Kismaayo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku dhintay labo nin oo kasoo jeeda beelaha Kablalax labadaasi nin oo la sheegay in ay dileen kooxo ku sugan magaalada Kismaayo. Magaalada Kismaayo ayaa xalay lagu soo rogay Bandow ayadoo maleeshiyo beeleed kamid ah kuwa magaalada gacanta ku haya in ay arrintan doonayaan in ay wax uga qabtaan amni xumada magaalada Kismaayo ka jirta oo maalmihii lasoo dhaafay kasii dareysay. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
  11. Horn the unltra sensitive site of Gedoweb reported that the clan militia attacked the island. The subsequent news was that they were repulsed by the locals.
  12. Horn, my former comrade in arms please let us stop the spin adeer. Don't be try to feed us with BS based on BS. Even your own GEDO WEB reported the Gedo militia that left the city and the battle that took place. You know this battle took place more than anyone else on this site. Don't pretend my brother. Don't try to save face my good friend. lol As for this Island and Kismayo, the rule of law will be upheld and soon the goverment will bring these fighting factions to the table for peace. Again I am very hopeful things will work very well for all Somalis in the South. It is a new dawn for all of us.
  13. Xiin, some in the courts worked for the CIA and are not on the wanted list what doesthat tell you? Also Dheere & Qaybdeed were the ionly two who fought with the governemnt thus their reward is because of their effort, knowledge of Mogadishua and no nosnece character.
  14. ^^^Saxib my response was to Xiin alone.
  15. ^^^Saxib you know the answer to yur questions already. Puntland is a regional state. The clans who inhabit Kismayu are the same as thsoe who inhabit Puntland, hence the term Gedo boys to refer to other groups who also reside in kismayu. Simple really brother.
  16. Ciidamada Uganda ee ilaalada ka haya marsada (goobaha lagu dajiyo badeecooyinka Ciidamada Uganda oo dhufeys kaga jira agagaarka dekedda Cismaan Qoryooleey oo ka tirsan shabelle oo uu baarayo mid ka mid ah ciidamada Uganda Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Cabdi Jiinoow Calasoow
  17. Mid ka mid ah ciidamada uganda oo agtaagan dhufeys ku dhow agagaarka Marsada dekedda Muqdisho Ciidamada Uganda oo ilaalo ka haya goob uu ku xiran yahay markab sida shixnado ganacsi Ciidamada Uganda oo wata Gaari taanki ah oo ku sugan gudaha dekedda
  18. Ciidamada AMISOM oo soo bandhigay qaabka ay u sugaan amaanka dekedda Mogadishu 08, May.07 ( Sh.M.Network) Ciidamada Midowga Africa ee jooga Somalia ayaa maanta markii ugu horreysay saxaafadda u soo bandhigay qaabka ay u sugeen amaanka dekedda magaalada Muqdisho. Kooxo suxufiyiin ajaanib iyo Somali ah oo maanta ay u yeereen ciidamada Amisom ee Somalia ayaa waxa ay uga war bixiyeen qaabka shaqo ee dekedda magaalada Muqdisho iyo howlaha dhinaca amaanka ah ee ay ka qabteen tan iyo markii ciidamada Ethiopia ay kala wareegeen gacan ku heynta dekedda Muqdisho. Lt. Gen. Katumba Wamala oo suxufiyiinta ugu waramay gudaha dekedda ayaa sheegay in ciidamada Uganda ee jooga Somalia ay wax weyn ka qabteen dhinaca amaanka, tan iyo markii ay soo gaareen caasimadda Somalia. " Cutubyo difaacaya cirka iyo dhulka ayaa jooga sida aad ku arkeysaan halkaan, waxaana ay u taagan yihiin adkeynta amaanka iyo kala dambeynta" ayuu yiri Gen. Katumba. Dhinaca kale Maareeyaha dekedda magaalada Muqdisho Cabdi Jiinoow oo isna halkaasi saxaafadda kula hadlay ka dib markii ay soo indho indheeyeen gudaha dekedda ayaa waxa uu sheegay in howlaha dekedda ay yihiin kuwo caadi u shaqeeya. " Qaabka ay u socoto howsha dekedda Muqdisho waxa ay la mid tahay dekedaha dhigeeda ah, waxaana howshaasi suurto galiyay ciidamada AMISOM ee jooga Somalia" ayuu yiri Mr. Jiinoow. Ssuxufiyiintii maanta booqatay dekedda Muqdisho ayaa waxa ay ku soo arkeen halkaasi hubka nuucyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan taankiyo ay wateen ciidamada AMISOM ee Somalia. ciidamada midowga afirika ee jooga somalia ayaa tan iyo markii ay yimadeen dalka waxa ay gacanta ku dhigeen goobo muhiim ah oo ku yaala caasimadda sida Airaporka iyo dekedda Muqdisho, inkastoo marar badan lagu weeraray hoobiyeyaal hadana ciidamada AMISOM ma jirin wax jawaabo ah oo ay ka bixiyeen weeraradaasi, waxaana ay ku adkeysteen in ay yihiin ciidamo u yimid dalka Somalia in ay nabadda
  19. ^^^Afgaduud army has tamed Mogadishu, what makes Kismayu any different. You seem to be deluding yourself saxib.
  20. Xiin, again you are not being rational. The Somali's will disagree politically like any other nation in the world. However you know the President came through an election held in neutral ground and contested by all his enemies. He then reached out and brought into his governemnt all those that oppsoed him, the warlords. Which many of you criticise. These same warlords turned against the governemnt and wasted time. The TFG has never attacked anyone without being provoked. The clan courts came to the gates of Baidoa and even tried to assasinate him. This was not political it was violance and murder. The President has met with Abdiqasin, Ali Mahdi, Mohamed Jimcale, all previous political opponents He is willing to meet with anyone who will listen. This has never happened in the 16 years of war. Again when the TFG defeated the courts it put out an olive branch to all. They were met by bombings and suicide attacks inside the city on a daily basis. When they overcame this threat again the President met with those who represented his enemies. Saxib, Abdullahi has become the vehicle of change and as such will be hated, insulted but the record speaks for itself, he is a man on a mission to restore this republic. He has done in 2.5 years the impossible. The defeat of all the armed factions and strengthening of his "fragile" governemnt. Again the method meets the madness that is Somalia. It was under Yusuf governemnt that all those armed groups who opposed rational thinking were humbled. Thats half way story.
  21. Ciidamada Dowladda Federaalka oo burburiyay Sandaqado si sharci darro ah looga dhisay hareeraha Waddooyinka Talaado, May 08, 2007(HOL): Ciidamada Mileteriga iyo kuwa Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wada socda ayaa saakay waxay burburiyeen sandaqado si sharci ah looga dhisay hareeraha wadada 30-ka, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax iyo Al-Baraka. Sandaqadahan ay burburiyeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ahaayeen kuwo ay ku ganacsan jireen ganacsato yar yar oo ka baayac mushtara Shidaalka iyo Qaadka, kuwaasi oo saakay markii burburinta lagu bilaabay sandaqadahoodii bilaabay cabasho ku saabsan in aysan heysan meel ay ku xoogsadaan oo ay ka soo saartaan nolol maalmeedkooda. Booto Axmed Baarre oo ka mid ah ganacsatada yar yar ee shidaalka ka ganacsada oo sandaqaddii ay ku xoogsan jirtay laga jebiyay ayaa sheegtay in ay Ciidamada Dowaldda Federaalka xalay jebiyeen goobihii ay ku ganacsan jirtay, isla markaana markii ay saakay soo shaqo tagtay ay arkeen meeshii ay ku shaqeysan jirtay oo maran. Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray amarka lagu burburinayo sandaqadaha iyo guryaha sida sharci darrada ah looga dhisay hareeraha waddooyinka xiligii uu fowdada ku jiray dalka ayaa wuxuu ku macneeyay sababta loo jebinayo guryaha iyo sandaqadaha ku yaala hareeraha waddooyinka iyadoo la doonayo in la soo celiyo bilicdii waddooyinka Magaalada Muqdisho. Dadka leh Guryaha ku soo jeeda Waddooyinka Laamiga ee ay Sandaqadaha ka hor dhisnaayeen iyo weliba darawallada Gaadiidka kala duwan ayaa soo dhaweeyay howshan nadiifinta Waddooyinka ah ee uu ku dhaqaaqay Maamulka Gobolka Banaadir, waxayna sheegeen in ay dhibaato ku qabi jireen sandaqadaha sida sharci darrada ah uga dhisan hareeraha waddooyinka. Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur ayaa ugu baaqay dadka sida sharci darrada ah ugu ganacsan jiray hareeraha waddooyinka in ay nidaamka raacaan, isla markaana ay tagaan suuqyada sharciga ah ee horay loogu ganacsan jiray, wuxuuna caddeeyay in maamulka gobolka Banaadir uu ganacsatadaas ku caawin doono sidii ay ku heli lahaayeen meelo ay ku ganacsadaan. Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa horay waxay howlgal midkan oo kale ah oo waddooyinka lagu nadiifinayay ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Isbitaalka Banaadir, halkaasi oo ay ku yaaleen sandaqado tiro badan oo qarka u saarnaa in ay wadada xiraan. Si kastaba arrintu ha ahaatee tan iyo markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa goobaha ganacsiga waxay ahaayeen kuwo laga dhiso goobo aan sharci ahayn sida dhinacyada waddooyinka, bartamaha waddooyinka, jidadka waaweyn ee xaafadaha iyo goob kasta oo bannaan iyadoo aysan cidna cidda kale wax xushmad ah aysan siinayn. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia