-
Content Count
30,019 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland: Omaar company opens a new hotel in Togdheer Burco+PICS
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^^ Dee cidi lacag haysata -
Alpha Blondy;836823 wrote: 'the somali problem' remittance refugee camp 1991 civil strife humanitarian disease failed state somali diaspora regional administration United Nation (deeqbixiyasha?) NGOs self-determination democracy (flawed) legitmacy mandate sovereignty meddling in the internal affairs of 'somalia' external forces 'somalia' has now been without an effective central government for 21 years/since 1991 'Somaliland is Africa's best kept secret' lol - 'a relatively stable region in northern somalia' somali peninsula koonfurian post-traumatic stress 'the somali people are difficult' Damn the list is long
-
Shirkadda Ganacsiga Ee Oomaar Oo Hotel Weyn Oo Casri Ah Ka Hirgalisay Badhtamaha Magaalada Burco May 31st, 2012 (Somaliland.Org)-Shirkadda Caalamiga ah ee Oomaar ayaa Hoteel cari ah oo sanadadii u danbeeyay dhismihiisu socday ka hirgalisay xarunta gobolka Togdheer ee Burco ,gaar’ahaan badhtamaha magaaladaasi. Hoteelkan oo iskugu jira qaybo kala gadisan oo ay ka midyihiin Hurdo ,Hoolal xafladeed ,Meherado ganacsi ,Masaajid iyo qaybo kale oo la dhigay qalab casri ah ayaa kulan qado sharafeed ah oo maanta lagu qabtay hoteelkaasi oo magaciisa loogu wanqalay (Maandeeq Hotel) waxa lagu macsuumay oo ka soo qaybgalay laamaha Dawladda ee xarumaha gobolka Togdheer ,aqoonyahano ,madaxdhaqameed ,ganacsato iyo dad kale oo ka tirsan qaybha bulshada ee reer Burco. Inkastoo aan wali la dhigin munaasibadii huteelkan lagu furaayay oo dib loo dhigay ayaa hadana waxa soo dhaweeyay dhismaha hoteelkan casriga ah ee Shirkadda Oomaar magaalada Burco ka hirgalisay dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco oo qaar ka mid ahi ay warbaahinta la hadlay. “ Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay Hoteelkan baaxada leh ee shirkadu ka dhistay magaalada Burco ,waxaanu sare u qaaday bilicda iyo quruxda magaalada waxaanan leeyahay Shirkadaha kale ku dayda Shirkadda Oomaar oo hantidiina magaalada ku dhista “ Sidaasi waxa yidhi Cabdi Wali Xasan oo warfidiyiinada u waramay . Cabdiraxmaan Xasan Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ Waa wax lagu faano hadii ay shirkadu garatay dhaqaalaheedii wadanka ka shaqaysatay in ay dalka ku maalgashato oo waliba Burco ka samaysato hoteel casri ah oo magaalada wax badan ku soo kordhin-doona markaa waanu soo dhawaynaynaa “. Geesta kale iyadoo ay magaalada Burco ay wakhtiyadan danbe ay ku soo kordhayeen dhismayaasha waaweyn ee magaaladaasi laga samaynaayo ayaa hadana dhismahan Shirkadda Oomaar ka hirgalisay ayaa noqday mid soo jiitay Indhaha dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco.
-
Mohamed Dheere's Solution to Somaliland's bid for separation
Xaaji Xunjuf replied to Abtigiis's topic in Politics
Abwaan why did you include Sultan Faisal , he might here and there say inappropriate things but he is not a warlord so to compare him with Indhocade is just wrong. -
Madaxweyne Ku xigeenka Iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo socdaal ku tagay Jabuuti May 31st, 2012 Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku xigeenka Somalilnd Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Sayliici) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay madaarka Berbera una kicitimay dalka Jabuuti. Ka dib markii martiqaad rasmi ah uu ka helay Raysal wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Dalayta Maxamed Dalayta. . Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland waxa socdaalkiisan ku weheliyay Wasiirradda Wasaaradaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Cali Cilmi Geelle, Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdi Yuusuf Ducaalle (Boobe), Wasiirka Duulista Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Guddoomiye Ku xigeenka sadexaad ee xisbiga KULMIYE Md. C/Raxmaan Maxamed Talyanle iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka. Madaxweyne Ku xigeenka oo qolka nasashada ee madaarka Berbera ugu waramayay saxaafadda ayaa sheegay in socdaalkoodu uu ka dhashay marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen Raysal wasaaraha dalkaasi. Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wuxuu sheegay inay mudada dhawrka maalmood ah ee ay ku sugan yihiin dalkaasi kulamo kala duwan la yeelan doonaan Madaxweyne Geelle, Raysal wasaaraha Jabuuti, Wasiiro iyo masuuliyiinta kale ee dalkaasi. kuwaasi oo ay kala hadli doonaan sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka labada wadan iyo dhamaystirka heshiisyadii iskaashi ee ay labadda dal hore u gaadheen sanadihii u dambeeyay. Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta Md. Boobe Yuusuf Ducaale ayaa isna sheegay in socdaalkoodani qeyb ka yahay sii xoojinta xidhiidhka labadda dal, waxaanu tilmaamay inay kulamo kala duwan la yeelan doonaan masuuliyiinta dawladda Jabuuti.
-
My favorite cultural clothing
-
Al-Shabab Threatens Terrorist Attack Against Nairobi Skyscrapers According to IntelCenter, a private intelligence firm based in Alexandria, Virginia, al-Shabab posted threats online Wednesday, saying that "something big is coming" within the next two weeks and that Kenya would soon watch its "towers coming down," the Associated Press reported. "Two weeks from now you will weep," the post read. This is the third instance in which the terrorist group has threatened to attack Kenya's capital in the past year. The first came last October, after Kenyan troops were deployed to neighboring Somalia to fight al-Shabab militants. A second threat was made in January, and earlier this week an IED was detonated in downtown Nairobi, ripping open an office building, killing one person and wounding dozens more. Al-Shabab has not claimed responsibility for the recent attack, but Kenyan authorities suspect the group was behind it. IntelCenter said the threat of a large-scale terrorist attack against Kenya is very high within the next few months given the increasing number of threats and small-scale attacks linked to al-Shabab. "The towers most likely to be targeted are those housing hotels, especially those frequented by Westerners, government offices, media and prominent corporations. The building volume of threats and low-level activity indicate that such an attack may be attempted sooner rather than later," IntelCenter said, AP reported. Al-Shabab ("Youth" in Arabic) controls southern and central regions of Somalia, and has ties to the higher-profile terrorist organization Al-Qaida, which has provided fighters, seasoned by the conflicts in Iraq and Afghanistan, to the group.
-
Topsecret video about USC and Kismaayo 1991
Xaaji Xunjuf replied to oba hiloowlow's topic in Politics
^^ Dhaliyarada halaga fogeyo odayasha qamamuurta eeh dagaaladi Sokeeyee ka so qeyb qaatay -
^^ And Raskambooni troops Ciidanka Azania weye.
-
DEG DEG Ciidamada Dowlada oo la wareegay Afmadow iyo xaalada sida ay tahay. Afmadow(SPR) Saraakiisha Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegay in gacan ku heynta degmada Afmadow ay maanta la wareegeen waxaana wararka ay sheegayaan in dagaal kooban uu dhexmaray ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa ALshabaab. Ciidamada Raaskaambooni iyo kuwa Kenya ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen dagaalkii maanta lagula wareegay gacan ku heynta degmada Afmadow ee Gobalka Jubbada Hoose. Ciidamada Alshabaab ayaa lasheegay inay isaga baxeen Degmada Afmadow iyo deegaano kale oo ay horay u joogaan kuwaasi oo hoostaga degmada Afmadow. Axmed Maxamuud Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Raaskaambooni ayaa sheegay in markii ay la wareegayeen Degmada Afmadow ay qabteen labo ka mid ah ALshabaab kuwaasi oo dagaalka ku dhaawacmay,waxaana uu sidoo kale sheegay in ay sii wadayaan dagaalka. Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa kenya ayaa la sheegay in maanta dagaalka ay kasoo qaadeen deegaanka Xayi oo ka mid ah deegaanada hoostaga Degmada Afmadow una jirto 22 KM. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Ururka Alshabaab oo ku aadan dagaalka la sheegay in looga qabsaday Degmada Afmadow ee Gobalka Jubbada Hoose. War qoraal ah oo kasoo baxay dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamada Dowlada Kenya ay maanta qabsadeen deegaanka Xayi iyo Degmada Afmadow ka did dagaal ay la galeen Alshabaab.
-
El punto you didn't understand carafaat he said if a state has sovereignty over its own so called territory it will undermine the power of the central government for example the semi autonomous region of Puntland does that when ever they have a political conflict with the TFG.
-
Markaa 28kii May, waxa soo dhaqaaqay Guutooyinka Barkhad iyo Sayid Cali, oo weerar ku qaaday aagga Cadaadlay. 31kii May, waxa Hargaysa soo galay, Guutooyinka kala ah: Sancaani, Sayid Cali iyo Sayid Cumar. Sidoo kale Guutada 5aad waxay ku aadanayd aagga Gabilay. Ciidanku wuxuu ka soo dhaqaaqay Bali-Samatar 1:00 Maalinimo, waxaanu soo maray wado aad u dhib badan oo la yidhaahdo Daba-taxan, intii aanu soo soconay waxa la nagu soo riday Madaafiic, waxaana la noo galay jid-gooyo taag-daran, hase yeeshee umaanu joogsan marnba, Masalaha markii aanu maraynay ayaanu ciidankii u horreeyay ee cadowga is qabsanay, kaas oo ahaa ciidan xoojin ah oo ka yimid dhinaca Boorama, gabalka ayaana isugu kaaya dhacay. Habeenimadii waxay noqotay in Ciidanku lug ku soo dhaqaaqo, gaadiidkuna soo maro Wado-Geel, Xagal u dhow. Markii aanu isa soo taagnay buurta yar ee u dhow Qaybta, waxa xabbadii u horeysay ku riday Taliska Qaybta Gaadhi uu saarnaa Qori” Grand B”ah, oo uu waday nin la odhan jiray Caqaar, ka dib na weerarkii ayaa ballaadhay. Runtii habeenkaa ciidammadii Siyaad Barre waa laga qabsaday meelihii muhiimka ahaa ilaa Bir-jeex, laakiin mushkiladda ugu weyn ee nagu dhacday waxay ahayd annagu maanu haysan is-gaadhsiin, taasina waxay keentay in aanu kala lunno. Intaa gurmad baa nagu soo qul-qulaayey. Habqan dagaal baa dhacay, Ciidammadii cadowguna garoonka diyaaradaha ayay isku urursadeen. Annaga dadka ayaa na hoggaaminaayey oo is-gaadhsiin noo ahaa, iyagana Raadyowga ayaa hoggaaminaayey. Lagama sheekayn karo habeenkaa iyo maalintii siddii ay xaaladu ahayd, waxaana naga geeriyooday rag badan. Shicib badan baa dhintay. Wax waliba way dhaceen, jawigii magaaladuna si degdeg ah ayuu isu baddelay.” Marxuum Mujaahid Adan Dhamac Diiriye Alle ha u naxariistee, ayaa isna ka tirsanaa saraakiishii Millateri ee SNM, xilligaana ahaa madaxa madaafiicda, ayaa isna ka hadlay May 31, 1988, waxaana haddaladiisii ka mid ahaa: “Heshiiskii Itoobiya iyo Somaaliya wada gaadheen, wuxuu dhaawac ku ahaa halgankii SNM, waxaana la gartay in dagaal lagu qaado gudaha, waxaana abuurmay mooral mideeyay ciidammadii SNM, wuxuuna naga furtay dagaalkii aanu gudaha ku soo qaadnay duruufo jiray wakhtigaa awgood. Ilaa markii aanu ka soo dhaqaaqnay Bali- Samatar ilaa markii aanu soo gaadhnay Masalaha oo xabbadu nagaga bilaabmatay, sacab iyo farxad ayey ciidamadu ku soo jireen. Weerarkan ay SNM gudaha ku soo gashay waxa kale oo uu joojiyay xasuuq ka socday gudaha oo lagu laynayey nin kasta oo qiime leh, arrimahaas ayaa dedejiyay weerarka lagu soo qaaday gudaha. Awoodda ciidammada naga soo hor jeeday iyo awoodayadu ma ahayn laba la is bar-bar dhigi karo, magaaladana waxaanu soo galnay labadii habeenimo, ka dib na qaybta 26aad ayay ku bilaabmatay xabbadii u horreysay, magaaladuna waxa ay gashay xaallad jaha-wareersan oo aan muuqaalkeeda laga sheekayn Karin.” Mujaahid Xasan Maxamed Ubaxle (Xasan Ganey) oo ahaa mid ahaa dhallinyaradii Mujaahidiintii ahaa ee magaca weyn ku lahaa halgankii ururkii SNM kula jiray dawladii Maxamed Siyaad Barre. Kana mid ahaa mujaahidiintii habeenkaas Hargeysa soo gashay ayaa isaga oo ka sheekaynaya taarikhdii maalintaas wax uu yidhi “Waxaanu ku talo galnay in dhamaantayo aanu midh naga soo noqon, laakiin dadka mustaqbalka lehi ay la wareegaan aayahooda aanu dhex keenay, kaas ayuu ahaa go’aan-kaygu. Markii uu go’aanki sidaas noqday waa loo diyaar garoobay maanu hayn rasaas, shidaal iyo wax kasta oo aadami ku dagaal galo. Itoobiya way naga xidhatay, waxaanu go’aankeedu ahaa ka soo guura halka aad joogtaan 15km oo qaarna Xarshin ha yimaadaan qaarna Gaashaamo. Si dublumaasiyadeed ayaanu ula dhaqanay oo kamaanan hor iman ilaa intii aanu hawlahayga abaabulanaynay si aan la iskugu dhicin ayaanu kala meer meernay. Go’aankii ugu danbeeyey markaanu gaadhnay ayaanu rasaas iyo shidaal weynay oo Ciidankii barri halkooda ayaa la iskugu geeyey kuwii galbeedna dhankooda ayaa la iskugu geeyey, wax aanu ku dhaqaaqno ayaanu weynay mar labaad. Go’aankii ugu danbeeyey wuxuu noqday in nin waliba wixii uu markaas hayey uu ku dagaal galo. Markaas anigu waxaan masuul ka ahaa gaadiidkii xiligaas Hargeysa soo galaayey. Gaadhi kasta rasaasta ku jirtay waxayd ahayd laba boqol ilaa saddex boqol oo xabadood, gawaadhi waxaas xamilaayey may ahayn oo rasaasta way shubaayeen. Anigu Xasan ahaan waxaan watay lixdan midh oo kaliya, waxaanan ahaa ninka ugu rasaasta badan. Shiidaalna haba sheegin labaatan labaatan ayaanu kaga soo shubnay meel la yidhaahdo Bali-Samatar waxaana naga go’naa inay Hargeysa ku wada goostaan, kumaanan tala galin inuu gaadhi iyo Ciidan midna noo soo noqdo ee waxaanu ku talo talnay in aanu Hargeysa ku wada qaraxno dhammaantayo. Weerarkaas Ciidamada SNM ku soo galleen gudaha Magaalada Hargeysa oo qayb ka ahaa hawlgaladii Ciidamadii SNM ku soo galleen gudaha magaalooyinka Somaliland, waxa uu noqday habeen naanayso u baxaan qaar ka mid ah hoggaamiyayaashii sare ee Ciidamadii Maxamed Siyaad Barre, sida Taliyihii Qaybta 26aad ee ciidamadii Soomaaliya Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) oo loogu magac daray Cabdi Bile oo ahaa orodyahan Soomaaliyeed oo caan ahaa, taas oo macnaheedu ahaa in Gen. Morgan cagaha wax ka dayay cabsi darteed, isaga oo haleeli waayay inuu kaxaysto baabuurtiisii faraha badnayd ee hogganayay hareerihiisa, waxaana habeenkaas xabadii u horaysay ku riday taliska Qaybta Gaadhi uu saarnaa Qori” Grand B” ah, oo uu waday Mujaahid la odhan jiray Caqaar.
-
Dhinaca kale, ee Ciidamad Siyaad Barre marka aad eegto, gaar ahaan Ciidanka Gaaska 2aad oo fadhigoodu ahaa Hargaysa , kuwaas oo ahaa aagga ay ku soo beegan yahiin ama ku soo jeedaan Mujaajidiintii SNM ee aagga Maka waxa ay ahaayeen iyaguna sidan: Guuto 5-aad oo fadhigoodu ahaa Gabiley, Guuto 50-aad oo fadhigoodu ahaa Gumburaha, Guuto 87-aad oo fadhigeedu ahaa Bali-Shirre iyo Guutada 661-aad oo ahayd madaafiicda goobta, kuna kala filiqsanaayeen fadhiisimooyinka Guutooyinka oo dhan. Gaaska 2aad waxa taageerayey Urur taangiyo ah oo fadhiyay Gabiley iyo Hurinta lidka diyaaradaha oo fadhiday Hargaysa. Gaaskan waxa kale oo kayd xoojin ah u ahaa 6 Baabuur oo BM13 ah, 3 Baabuur oo BM21 ah, Ururka 16aad oo ka koobnaa 24 taangi oo noocoodu kala ahaa 55 iyo 54, kuwaas oo ku kala diyaarsanaa Gabiley iyo Dararweyne, Ciidamadii Taliska Qaybta 26aad oo ka koobnaa Urur Daraawiish ah, Urur Koofiyad Cas ah, Urur Miinada ah, Urur Isgaadhsiin ah, Ururka Saadka ah, Ururka Dhismaha, Hurinta warshadaha kabidda, Cutubyadii Dugsiga Tababarka Madaafiicda, Guutada 4aad ee Gantaalaha oo kala fadhiday; Masalaha, Waraabe Salaan iyo Berbera. Ciidankii Guul-wadayaasha, Daraawiishta iyo booliska iyo ciidanka Asluubta. Waxa kale oo kayd ahaan u diyaarsanaa ciidanka cirka oo haystay 3 diyaaradood oo hawlgal ah, duuliyayaashii u diyaarsanaa waxa ka mid ahaa; Xirsi, Mursal Muufo, Yuusuf Waraabe iyo rag kale . Guutada 24aad waxay haysatay Tikniko ka koobnayd 23 Beebee iyo 24 Madfac (106). Taliyaha Gaaska 2aad wuxuu ahaa Cabdillaahi Mukhtaar, Abaanduulahuna waxa uu ahaa Maxamed Maxamuud. Sidoo kale Taliyaha Qaybta 26aad waxa uu ahaa Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan), Abaanduulahiisuna waxa uu ahaa Cabdicasiis Cali Barre, Hawlgaliyaha qaybtuna waxa uu ahaa Cabdillaahi Xusseen Soobe. Ciidamadii SNM ee aagga Maka, waxay markii hore kala fadhiyeen goobaha kala ah; Kaba-qorey, iyo Caraancaray, balse waxa ay xiligii diyaar garowga iskugu yimaadeen meesha la yidhaahdo Bali-Samatar oo 40km ka xigta dhinaca koonfureed magalada Hargaysa, waxaanay halkaasi ka soo dhaqaaqeen1:00 duhurnimo. Isla markaana waxa dagaalku uu Hargaysa ka bilaabmay abaaro 2:30 habeenimo ee saqdii dhexe, waxayna ciidamadii SNM ay weerareen markii u horreysay Taliska Qaybta 26aad iyo fadhiisimadii kale ee muhiimka ahaa-ba. Ciidamadii SNM waxa ay ku soo guureen ilaa 20-neeyo baabuur oo kuwa dadweynaha ah, waxaana gaadiidleyda laga xusi karaa Haybe Jeeni iyo Xasan Waraabe, oo ka mid ahaa odayaashii hormoodka ahaa. Cali Gurey oo ka mid ahaa koox sahan ah oo 18 xubnood ka koobnaa, kuwaas oo magaalada ku soo hoyday habeenimadii Sabtida ee 28 May 1988, ayaa isaga oo ka waramaaya sidii uu ahaa dareenka Hargaysa, ka hor intii aanay soo gelin ciidamadii SNM waxuu yidhi “Magaalada waxaanu soo galnay fiidnimadii, waxaanu ka koobnayn 18 xubnood, hawgalkana waxa madax ka ahaa Alla ha u naxiistee Mujaahid Gacmo Dheere, 12 xubnood waxay ka hawlgaleen hareeraha magaalada, 6 xubnood oo aan ka mid ahaana waxay ka hawlgaleen gudaha magaalada. Markii uu dhacay dagaalkii Burco ee May 27-keedii 1988. waxa is beddeley qaabkii iyo dhaqdhaqaaqii ciidamadii Siyaad Barre ee Hargaysa fadhiyay. Waxaa si xoog leh magaalada ugu socday xadhig iyo qabqabasho dadka muhiimka ah lagu beegsanayo. Magaalada bandoo casar dheere ah ayaa lagu soo rogay. Dadka waxa ka muuqday dareen argagax leh, mana saadaalin karayn sida xaaladu u dhaci doonto. Cudud ahaan labada ciidan ee SNM iyo kuwii Siyaad Barre ma ahayn wax la isku qiyaasi karo, haddana markii weerarku dhacay natiijadii guushu ma noqon mid raacda dhinaca cududa weyn ee waxay noqotay mid raacda dhinacii cududa yaraa. Waayo dagaalyahankii SNM waxay xambaarsanaayeen niyad sare oo ay ku soo dagaal-galeen. Lama qiyaasi karo dareenkii Hargaysa ee qaraxa dagaalka ka dib, waxayna noqotay waxii maalintaasi ka dambeeyay goob dagaal ilaa 1991 markii la qabsaday.” Maalmihii Guda-galka ee ciidamadii SNM iyo maalmihii ka horreeyayba waxa Ururka SNM hadheeyay waayahii ugu adkaa geedi socodka jiritaankiisa, hase yeeshee waxa la odhan karaa gulufkii dagaal ee ay ku eekeeyeen gudaha dalku waxa uu ahaa mid ay kaga fara muruxsadeen duruufo badan oo ay ka mid ahaayeen, heshiiskii labada talis ee mar qudha ka dul dhacay oo si weyn saameyntiisa u lahaa la odhan karo, kaasi oo ahaa laba daran kala dooro. Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, oo ka mid ahaa Hoggaamiyayaashii Milletari ee Ururkii SNM, ayaa isaga oo sharax ka bixinaya waayahii SNM ee Maalmahii heshiiska ( Siyaad Barre iyo Mengistu) iyo guda-galkii 31 May, 1988, ee aagga Hargaysa waxa uu yidhi “Sababta deg dega ah ee kalliftay in la soo qaado dagaal gudaha ah waxay ahayd mid siyaasi ah oo ka dhalatay heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya hogaamiyayaashoodii, kaas oo dhigayey in Ciidamada SNM dib looga qaado xuduudaha agtooda, maadama labada dal nabad wada gaadheen, ka dibna waxa go’aan lagu gaadhay in gudaha la soo galo, oo laga samaysto saldhigyo, sidaa awgeed waayo-aragnimadii dagaal ee SNM ka dhaxashay duulaankii buuraha ee 1984-kii oo lagala kulmay dayac iyo dhib badan ayaa la isla gartay in cadowga madaxa laga gaa-gaabiyo oo la weeraro goobaha iyo taliska Ciidanka cadowga. Waxaanay xoogaggii SNM go’aansadeen in marka hore la beegsado labada barood ee Hargaysa oo ahayd fadhigii Qaybta 26aad iyo Burco oo uu degenaa Gaas xoog badan.” Mujaahid Muuse Biixi, isagoo mar kale ka hadlaya waayahii Maalintaas 31 May ee 1988 ee guda galka Hargaysa . Waxa uu yidhi “Runtii maaha wax laga sheekayn karo, Ciidanku waxa ay ahaayeen ilaa 1400 oo u badan dhallinyaro rag ah, dumarna waa ku jireen, waxay ahaayeen naftood hurayaal doonayey in ay u badheedhaan cudud ka mid ah ciidammadii ugu xooga badnaa Afrika. Runtii waxay ahayd mucjiso Ciidammadii SNM ee Hargaysa ku wajahnaa duruufo jiray awgood oo ay ugu badnayd dhinaca shidaalka iyo saadka, ayaa sababay in ay soo kala hor dhaqaaqaan.
-
Sannad-guuradii 24aad Ee Gulufkii Mujaahidiinta SNM Iyo Guda-galkii Hargeysa May 31st, 2012 Hargeysa (Somaliland.Org)- Afar iyo labaatan sannadood ka hor taariikhda maanta oo kale oo ku beegnayd 31-kii May 1988-kii saqdii dhexe ee habeenimo abaaro 2:15 daqiiqo ayay ahayd markii qof kasta oo ka mid ahaa dadweynihii habeenkaas u soo hoyday magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeedu ku toosay sanqadhii gurxanka iyo dayaanka badnayd ee ka baxaysay rasaasta kala duwan ee ka dhacaysay qoryaha tirada badan iyo hubka noocyada kala duwan leh ee ay is weydaarsanayeen Ciidamada taliskii Siyaad Barre ee boqolaalka goobood ka fadhiyey magaalada Hargeysa iyo Mujaahidiintii Ururka SNM oo habeenkaas guluf qadhaadh iyo duulaan baaxad leh oo ay kaga soo hinqadeen fadhiisimadoodii ku yaalay gudaha Itoobiya ku soo galeen magaalada Hargeysa. Ka dib markii ay sida hilaaca roobka iyo duufaanka xooga badan ee dabaysa mudo kooban ugu soo jiidheen fadhiyadii tirada badnaa iyo xeryihii taako-taakadu u dhaxaysay ee Ciidamadii kala duwanaa ee Taliskii ******tu ku lahaayeen inta u dhaxaysa Magaalada Hargeysa iyo xuduuda ay wadaagaan labada wadan ee Somaliland iyo Itoobiya, gulufkaas oo ay ugu dambayntii ku soo gaadheen bartilmaameedkii duulaankoodu ku wajahnaa oo ahayd magaalada Hargeysa. halkaasi oo ay dagaal kulul ku waajaheen fadhiisimadii milatarigii Soomaaliya oo ka mid ahaa kuwa ugu awooda badan qaarada Afrika. “Waxay ahayd saq dhexe oo ku beegnayd abbaaro 2:15 daqiiqo Mujaahidiintu waxay soo galleen socod dheer, iyo dhawr dagaal oo jid gooyo ah oo kula kulmay jidka, waxa dhufaysyada ugu sii diyaar garoobay cudud Millateri oo boqol jeer ka xoog badan, tiro ahaan iyo hub ahaan iyo qalab ahaanba. Hasa’yeeshee Ciidamadii Mujaahidiintu waxaas oo dhan waxba iskagamay tirin ee waxay shoolada ugu soo dhaceen saldhigyadii iyo dhufaysyadii ugu adkaa ee Ciidamadii Afweyne ku lahaayeen dhulka dalkii Soomaaliya oo dhan, kuwaas oo ay mujaadiintu markiiba sida hilaaca u dul mareen. Iyada oo dagaalkii qadhaadhaa ee habeenkaas Ciidamadii Mujaahidiinta SNM ugu soo badheedheen magaalada Hargeysa oo ahayd xarunta Qaybtii 26aad ee Ciidamadii Afweyne uu qayb ka ahaa dagaalo xidhiidh ahaa oo ay maalmahaas mujaahidiinta SNM si naf huridnimo ah ugu soo qaadeen gudaha dalka iyo magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa waxaynu qormadan si kooban ugu eegi doonaa sababihii keenay in mujaahidiintii sidaa ugu soo badheedhaan dawladii ugu cududa iyo awooda weynd wadamada Qaarada Afrika intooda badan. Bishii May 1988, waxa heshiis wada galay labadii nin ee madaxda ka ahaa talisyadii Soomaaliya iyo Itoobiya, Siyaad Barre iyo Mengistu, kaasi oo tumaati ku noqday geeddi socodkii halgankii dagaal ee Ururkii SNM, ka dib markii hoggaamiyayaashii SNM lagu wargaliyay mid ka mid ah qodobadii ay ku heshiiyeen laba talis, kaas oo dhigayey in fadhiisimadii ciidan ee SNM loo raro gudaha dambe ee dalka Itoobiya, lagana fogeeyo goobaha u dhow ciidammadii Siyaad Barre. Hasa-yeeshee, hoggaamiyayaashii SNM oo si weyn uga biyo-diiday tallaabadan ayaa qaatay go’aan lagu tilmaami karo mid argagax leh, marka loo eego duruufahii siyaasadeed ee ku xeernaa SNM, taas oo ay jawaab uga dhigeen xaaladdii afar- Jaho-eega ahayd ee soo waajahday guluf dagaal oo ay ku ekeeyeen gudaha dalka, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn. 27-kii May 1988, ayaa markii u horreysay ciidamadii dagaal-yahankii SNM, weerar dhacay hiirtii waaberi ee maalinimadii Jimcaha ku galeen magaalada Burco. 30-kii May 1988, waxa iyaguna weerar ku qaaday jiidka Cadaadlay cutubyo ka tirsan dagaal-yahanadii SNM oo uu taliye ka ahaa Allaah ha u naxariistee marxmuum mujaahid Xuseen Dheere. Sidoo kale, 31-kii May 1988, ayaa ciidan tiradiisa lagu qiyaasay ilaa 1,400 oo dagaalyahan saq dhexe weerar ku mireen saldhigyadii iyo talisyadii Millateri ee Qaybtii la odhan jiray 26-aad oo ahayd mid ka mid ah saldhigyadii Millateri ee ugu awoodda badnaa ciidamadii Siyaad Barre. Ka hor intii aanay ciidammada SNM ku soo hoyan gudaha Hargaysa, waxa is weydiin leh sidee buu u eekaa jawigii diyaar-garow ee Hargaysa, sidee buu se’ ahaa isu dhiganka ciidan ee labada dhinac ee kala ahaa SNM iyo ciidamadii Siyaad Barre?. Iyada oo aanay marnaba ahayn wax isu dhigmayey ama isuba dhowaa cududa Ciidan iyo awooda Milateri ee ay kala lahaayeen Mujaahidiintii SNM iyo Ciidamadii ka soo horjeeday ee Taliskii Afweyne, hadana hadii aynu isbarbar dhig ku samayno hub ahaan iyo Ciidan ahaanba sida ay kala ahaayeen labada Ciidan ee dagaalamayey wakhtigaasi iyo sida ay kala dagaal gelayeen ayaa waxay ahayd sidatan:- “Ciidamadii SNM ee ku soo beegnaa aagga Hargaysa oo uu taliye ka ahaa Muj. Ibraahin Cabdillaahi Xuseen “Dhago Weyne”,waxay Guutooyinka Barkhad iyo Sayid Cali ka dagaal galeen aagga dhexe ee Cadaadlay, waxaana hoggaaminaayey Mujaahid Xuseen Dheere. Guutada Sayid Cali waxa Taliye ka ahaa Mujaahid Maxamed Cilmi Samatar, Guutada Sancaani waxa Taliye ka ahaa Aadan Cadde, Guutada 20-aadna waxa Taliye ka ahaa marxuum mujaahid Axmed Dhagax. Sidoo kale taliska ciidanka iyo hoggaamintiisaba waxa joogay saraakiil door ah oo magac leh. Ciidanku guud ahaan wuxuu ka koobnaa tiro gaadhaysa 1,400 oo Mujaahid, Qoryaha Tiknikada ahi waxay ka koobnaayeen ugu badnaan 12 xabbo oo kala ah: 1 Zuu 23, 2 xabbo oo ZGU ah (Lidka Diyaaradaha), 2 xabbo oo Jiibab ah, 1 Beebee, 1 SK43, 1 BM21, 1 Baroon, 3 xabbo oo nooca Grand B loo yaqaano ah iyo 1 xabbo oo Anti- tank 57 ah.
-
ElPunto;836598 wrote: Carafaat - waxay kaga dhegtay federalism. What is so inherently bad about federalism that dozens of countries and regions before us have found? What is the difference between the decentralization you favour and federalism? What does it matter if certain clans predominate in certain areas as long as everyone has the same rights - ie your obsession with 'clan' federalism? You sound like a broken record. Did you read the Puntland constitution they are talking about a Puntland citizenship:D
-
Guys lets just wait and see how Clan federalism evolves in the next coming years Raskambooni Azania forces are now in Afmadow lets see how it goes , bal idinku ciyaarta dawada.
-
Mya yarta la yidha Somaliyad bay u eegtahay