Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,101
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    81

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Ciidanka qaranka Somaliland oo la wareegay Tuulooyinka Cadaada iyo Higlada kuna sugan duleedka Tukaraq ee xuduuda somaliland iyo soomaaliya Waxaa saaka dagaal dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ee ku sugnaa aaga Higlada iyo Cadaada dagaalkaas oo ahaa dagaal si wayn looga dareemay gudaha magaalada Laascaanood iyo hareereheeda iyadoo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalkan oo aan ilaa hadda si rasmi ah looga war hayn khasaaraha uu keenay ayaa waxa ay saraakiisha Somaliland ee ku sugan aagga hore ee dagaalku ka socdo ay noo xaqiijiyeen inuu jiro dagaal ayna ciidamada Somaliland la wareegeen labada Tuulo ee Higlada iyo Cadaada ah kuwaas oo u dhaxeeya Gambadhe iyo Tukaraq. Dagaalkan oo aan war faahfaahsan laga hayn kuna bilaabmay si kadis ah ayaa dadka baabuurleyda ah ee mara wadada udhaxaysa Garowe iyo Laascaanood ay xaqiijiyeen inuu jiro dagaal wayn oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Puntland ayna ciidamada Somaliland kusoo dhaafeen duleedka Tukaraq. Sidoo kale saraakiisha ciidamada Somaliland ayaa waxa ay saxaafada u xaqiijiyeen inay dhankooda qabsadeen laba baabuur oo Tikniko ah ayna soo qabteen hal gaadhi oo ah nooca Market 2 loo yaqaan kaas oo ay dad shacab ahi lahaayeen laguna haystay Tuulada Higlada iyagoo intaasi ku daray inay hadda si guud aagaasi gacanta ugu hayaan sidoo kalena ay jirto maxaabiis laga qabsaday dhanka Puntland. Dhanka kale ilaa hadda waxaan wax war ah kasoo saarin dagaalkan ka dhacay jiidda hore ee Tukaraq oo maamulka Puntland ay halkaasi ay ka joogeen ciidamada Puntalnd iyadoo ay sidoo kale aysan ilaa hadda ka hadlin khasaaraha dagaalka ka dhacay aagaasi iyadoo mar aan xidhiidh dhanka Telephone-ka ah oo aanu la samaynay dad ku sugan Higlad ay noo xaqiijiyeen inay dhaafeen ciidamada Somaliland ayna hadda u baqooleen dhanka Tukaraq. Isku soo wada duuboo dagaalkan saaka ka dhacay duleedka Tukaraq oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa ay dadka shacabka ahi si wayn isha ugu ahyaan ee ku nool magaalada Laascaanood marba wixii kasoo kordha iyadoo ay hadda xidhan tahay wadada u dhaxaysa Garowe iyo Laascaanood ayna ciidamada fara badan kusii qulqulayaan agaasi. Gabileynews Desk Hargaysa,SL
  2. No they can’t push the election again; riyaale and his administration know that , they have to hold the election, but they want to secure the full border of Somaliland so they can say we did all of that hadan na doorta that’s all.
  3. od Online- Friday, April 24, 2009 Cabdisamad Cali shire Laascaanood:(Lasanod Online)-Ciidamada Maamulka La baxay Somaliland ayaa saaka weeraray tuulada lagu magacaabo Higlada oo dhanka Barri kaga beegan magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Ciidamadan oo watay gaadiidka tiknikadaa ayaa deegaankaasi ku waaberiistay saaka iyagoo halkaas uu iska hor imaad ku dhexmaray ciidamada ku sugnaa duleedada magaaladaas. Weerarkan ciidamada Maamulka la baxay Somaliland ayaa lasoo sheegayaa inuu yimi weerarkan ay ku qaadeen deegaankaas,kadib markii tuulada Higlada ay soo gaadheen Madaxwaynaha ku xigeenka Puntland Cabdisamed Cali Shirre iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdilaahi Cali Xirsi (Timacade) Halkaasoo ay ku lahaayeen Casuumad uu u fidiyay Garaad Cabdisalaan Xasan Max'ed oo ku sugan tuulada Higlada. Iska hor imaad ayaa bilowday kaasoo ciidamadii weerarka soo qaaday ay kala kulmeen ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland ee ku sugnaa duleedada tuulada Higlada,iyadoo ilo wareedyo ku sugan tuulada Higlada ay sheegayaan in markuu iska hor imaadku bilowday ay ka bexeen Tuulada Madaxwayne Kuxigeenka iyo Wasiirk iyo wefdigii kale ee la socday oo kamid ahaayeen saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland. Ilaa hada lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor imaadadan iyadoo warku intaa ku darayo in ay jiraan baabuur tiknikaa oo labada dhinac kala gubeen,sidoo kale baabuur lakala qabsaday ayuu wararku soo sheegayaan,balse labada dhinac ayaan weli sheegin khasaaraha dagaalkan, Lama oga sababaha ay ciidamada maamulka la baxay somaliland ee ku sugan jiidaha laascaanood ay u weerareen wefdigaa madaxwayne ku xigeenka,iyadoo dhacdadaas maanta ay khalkhal gelisay shucuurta magaalada Laascaanood. Ciidamadii maamulka Somaliland ayaa dib uga soo ruqaansaday goobihii ay saaka gaadheen,iyagoon weli ka hadal weerarkii ay saaka qaadeen iyo khasaarihii dhankooda soo gaadhay, Madaxwaynaha kuxigeenka Puntland Cabdisamed Cali Shirre ayaa saaka soo gaadhay tuulada Higlada isaga iyo wasiiro iyo saraakiil iyagoo deegaankas u yimi macsuumad uu ka helay Garaad Cabdisalaan Xasan Max'ed, Wefdigan iyo Garaadka ayaa lagu waday inay kulankan kaga wada hadlaan arrimo badan oo ku saabsan mandaqada iyo xaalada jidka isku xidhan Garoowe iyo Laascaanood oo dhawaanihii ugu danbeeyay ay bateen jidgooyooyinka la dhigo,balse ay yaryihiin falalka amaandaro ee ka dhaca, Madaxwayne kuxigeenka iyo wefdigiisa ayaa dib ugu laabtay Garoowe markuu bilowday iska hor imaadka weerarkii ay soo qaadeen ciidamada maamulka la baxay somaliland Wariye: Farah D. Jama admin@lasanod.com Lasanod Online. Hargeysa, Somalia
  4. Ciidamada Somaliland oo Gaadhay Tuulada Higlada ka dib dagaal kooban oo saaka dhexmaray ciidAmada Somaliland iyo Malayshiyada Puntland. -------------------- -------------------- -------------------- -------------------- () hadhwanaag 2009-04-24 (Hadhwanaagnews) Laascaanood-(HWN)-Sa aka subaxnimadii ayaaa waxaa ka bilamay duleeka tuulooyinka lagu magacaabo HIGLADA IYO CADAADA oo dhaca inta u dhaxaysa magaalooyinka laascaanod iyo tukaraq ee gobolka sool iska hor'imaad kooban oo dhexmaray ciidamada somaliland iyo Malayshiyada Maamul-goboleedka puntland ee ku sugnaa aaga degmada tukaraq. dagaalkan ayaa waxaan ilaa hada la hayn wax xog dheeraad ah oo ku saabsan hadii uu jiro khasaare ka dhashay iyadoo aysan wali wax faahfaahin dheeraad ah aysan bixiyeen saraakiisha ciidamada oo ku aadan iska hor'imaadkaasi balse dad ku dhow aaga dagaalka ayaa sheegay inuu dagaal koobani uu ku dhexmaray halkaasi ciidamada somaliland iyo kuwa maamulka puntland. dhinaca kale wararka hada laga helayo dad ku sugan tuulooyinka higlada iyo cadaada ayaa sheegaya inuu jiro gaadiid lagu kala qabsaday dagaalkaasi iyadoo ay wararku sheegayaan in gaadhi nooca tiknikada ah oo ay qabsadeen ciidmada somaliland. sidoo kale wararka ay Hadhwanaagnews haleyso ayaa waxaa kamid ah in hada ay gacanta ku hayaan tuulooyinkaasi ciidanka somaliland islamarkaana ay ciidanka somaliland soo furteen gaadhi nooca loo yaqaano maarket 2 oo ay dad shacabi in muddo ah afduub ugu haysteen tuuladaasi higlada. gudaha magalada laascaanood ayaa si wayn looga hadal haya dagaalkan kediska ah ee ka dhacay maanta tuulooyinkaasi higlada iyo cadaada.iyadoo uusan dagaalkani ahayn kii ugu horeeyey ee noocisa ah ee dhexmara ciidamada somaliland iyo kuwa maamulka puntland wixii warar ah ee ka soo kordha iskahor'imaadkaasi kala soco shabakada hadhwanaagnews media oo idiin soo tebin doonta. hadhwanaagnews.com office laascaanood/sool
  5. Puntland Iyo Somaliland Oo Dagaal Ku Dhexmaray Duleedka Laascaanod {Laascaanood}24-04-0 9Dagaalo goos goos ah oo lagu kala qabsaday baabuur tikniko iyo kuwo shicib isugu jira ayaa maanta dhexmaray ciidamada maamulka labaxay somaliland iyo maleeshiyooyin taageero kahaystay Dowlad goboleedka Puntland dagaalka ayaa kadhacay duleedka magaalada Laascaanood......... ................ "Ciidamada Somaliland waxaa mar qudha soo weeraray ciidamo beeleed wata gaadiid dagaal iyo hub waxaanuna gacanta ku dhignay qaar kamid ah kooxihii dagaalka sooqaaday iyo hub iyo waliba gaadiid dagaal" Sidaa waxaa usheegay Saraakiisha maamulka labaxay somaliland oo ay Radio widhwidh kula kulantay goobta looyaqaan Higlada oo wax yar uun ujirta magaalada laascaanood oo ay ahayd halkii uu kadhacay dagaalka dhexmaray somaliland iyo maleeshiyooyin taageero kahaystay Dowlad goboleedka Puntland. Maamulka somaliland wali wax sharaxaad ah oo buuxda kama aaney bixin gaadiidka laqabtay tiradooda iyo waliba maleeshiyada gacanta lagu dhigay inta ay yihiin . Dhanka maamul goboleedka Puntland ayaan wax wara kasoo saarin hadalkan ay sheegtay Somaliland iyadoo waxaase ay hayd dhac dadani mid siweyn looga hadal hayay taniyo maanta gudaha magaalada laascaanood. waa iska hor imaadkii ugu horeeyay ee labada maamul dhexmara taniyo wixii ka danbeeyay sanadkii hore ee 2008 waxaase laga cabsi qabaa inay arintani hor seedo dagaal kale oo cusub oo ay labada maamul wada galaan taas oo saamayn weyn kuyeelan karta shacabka magaalada haddii aan arintan xalkeeda lahelin. Widhwidh Online News Desk..Media Center
  6. LAASCANOOD (Lasanod Online)- Waxaa Saaka subaxnimadii ka bilaamay duleedka tuulooyinka lagu magacaabo HIGLADA IYO CADAADA oo u dhexeeya magaalooyinka Laascaanod iyo Tukaraq.. ee gobolka sool iska hor'imaad dhexmaray ciidamada Maamulka labaxay Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ee ku sugnaa aaga Tukaraq. Dagaalkan ayaa ilaa hada la hayn wax xog dheeraad ah oo ku saabsan khasaare ka dhashay, iyadoo ayan weli wax faahfaahin dheeraad ah ayan ka bixin labada maamul oo ku aadan iska hor imaadkaas, balse dad ku dhow aaga dagaalka ayaa sheegay inuu dagaal koobani uu ku dhexmaray halkaasi ciidamada maamulka labaxay somaliland iyo kuwa Puntland. dhinaca kale wararka hada laga helayo dad ku sugan tuulooyinka higlada iyo cadaada ayaa sheegaya inuu jiro gaadiid la kala qabsaday, iyadoo ay wararku sheegayaan in gaadhi nooca tiknikada ah la kala qabsday.. Gudaha magalada laascaanood ayaa si wayn looga hadal haya dagaalkan kediska ah ee ka dhacay maanta tuulooyinka higlada iyo cadaada.iyadoo uusan iska horimaadkani ahayn kii ugu horeeyey ee noocisa ah ee dhexmara ciidamada maamulka labaxay somaliland iyo kuwa maamulka Puntland. Wariye: Farah D. Jama admin@lasanod.com Lasanod Online. Hargeysa, Somalia
  7. Ciidamada Somaliland oo la wareegay Tuulooyinka Cadaada iyo Higlada kuna sugan duleedka Tukaraq. Warkii 24-Apr-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk Waxaa saaka dagaal dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ee ku sugnaa aaga Higlada iyo Cadaada dagaalkaas oo ahaa dagaal si wayn looga dareemay gudaha magaalada Laascaanood iyo hareereheeda iyadoo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalkan oo aan ilaa hadda si rasmi ah looga war hayn khasaaraha uu keenay ayaa waxa ay saraakiisha Somaliland ee ku sugan aagga hore ee dagaalku ka socdo ay noo xaqiijiyeen inuu jiro dagaal ayna ciidamada Somaliland la wareegeen labada Tuulo ee Higlada iyo Cadaada ah kuwaas oo u dhaxeeya Gambadhe iyo Tukaraq. Dagaalkan oo aan war faahfaahsan laga hayn kuna bilaabmay si kadis ah ayaa dadka baabuurleyda ah ee mara wadada udhaxaysa Garowe iyo Laascaanood ay xaqiijiyeen inuu jiro dagaal wayn oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Puntland ayna ciidamada Somaliland kusoo dhaafeen duleedka Tukaraq. Sidoo kale saraakiisha ciidamada Somaliland ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen inay dhankooda qabsadeen laba baabuur oo Tikniko ah ayna soo qabteen hal gaadhi oo ah nooca Market 2 loo yaqaan kaas oo ay dad shacab ahi lahaayeen laguna haystay Tuulada Higlada iyagoo intaasi ku daray inay hadda si guud aagaasi gacanta ugu hayaan sidoo kalena ay jirto maxaabiis laga qabsaday dhanka Puntland. Dhanka kale ilaa hadda waxaan wax war ah kasoo saarin dagaalkan ka dhacay jiidda hore ee Tukaraq oo maamulka Puntland ay halkaasi ay ka joogeen ciidamada Puntalnd iyadoo ay sidoo kale aysan ilaa hadda ka hadlin khasaaraha dagaalka ka dhacay aagaasi iyadoo mar aan xidhiidh dhanka Telephone-ka ah oo aanu la samaynay dad ku sugan Higlad ay noo xaqiijiyeen inay dhaafeen ciidamada Somaliland ayna hadda u baqooleen dhanka Tukaraq. Isku soo wada duuboo dagaalkan saaka ka dhacay duleedka Tukaraq oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa ay dadka shacabka ahi si wayn isha ugu ahyaan ee ku nool magaalada Laascaanood marba wixii kasoo kordha iyadoo ay hadda xidhan tahay wadada u dhaxaysa Garowe iyo Laascaanood ayna ciidamada fara badan kusii qulqulayaan agaasi. Afnugaal News Desk info@afnugaal.com
  8. Originally posted by Duufaan: Who will reconcile Hargaysa? This is the question of day? Is it more than Qat talk or Qat demonstration? I mean Hargaysa standard of Fadhi kudirir. If you read Somaliland media, you will see huge increase of accusation and counter accusation and yet business as usual. Could this be constitution crises as some secessionist, put it or the fruit of Hargaysa style democratization What is really going on? anaga yaa no gar naqii jiray for the passed 800 years yes our selfs odayaashayada guurtiida . wala kiiniya ayaanu qabana wala Djibouti baanu tagna ,.wala beesha calaamka ayanu yidhahana kalay na hehsisiyaa. waxa dhaqan uma lihin wa dhaqanka konfuurianska lol
  9. siiday hiyo dhaqanka somaliland ugu so dartay Just beautifull. alima he anahaho.
  10. dhaqaaday ba somaliland alayle hadabay Maryan mursal ba heess noo soo diirtay waynaka.
  11. Well naxar these people don’t think like that,they believe fikirki Ethiopia ayaa somalia walii jooga and sh hotel= fikirki Ethiopia that’s why they are still fighting. They don’t see sh hotel as one of them or that he is willing to do something good for Somalia they believe t f g is and was xaraam. And it cant turn in to something xalaal. Ana dadkan boqol jeer warayste aniga iii weydi anigu xaji xundjuf ah
  12. wtf is this guy also a president lol
  13. No you don’t understand the konfuurians need inay kala adkadan once and for all just like how they did in 2006 icu Wa inay ciid adkaato. Mintid these people are already the enemy’s of Somaliland so it cant get any worse lol
  14. This is very good news so who is winning the maxakiim ama kooxda ka so hor jeeda. Konfuurians mar uun hakala adkaadan, war war fiican warkani.
  15. paul kagame iyo ina rayaale haday wax ku tarrayso
  16. This sh hotel guy waxba muu qaban dee walii do you want me to say he did something for Somalia. He is being traveling since he was appointed for president. He could of send ergo to adis ababa how is it possible. Ethiopia occupies Somali land right how the hell can they make deals and go there. Somaliland leaders meat with African leaders European leaders and American leaders. The president of Rwanda doesent has troops in the republic of Somaliland but he does in Somalia. And the president of konfuura visit Rwanda because of that. thats how it is wax kale loo ma bahna
  17. looooooooooooooooooo oooooooooooooooooooo ooooooool Sh taankii baan ugu magac darray from now on
  18. I love my country somaliland allah ha dayo wadani baan ahay . oo ilahay igu oogyahay
  19. Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal oo looga dhawaaqay Maamul uu yeesho Burcad Badeeda what does that mean
  20. Imika maxaad ii sheegtay sh hotel ba dhoofay oo turkiga aaday dee sookii adis ababa baa day sookii qadar ba tagay sookii Rwanda tagay. Now you didn’t tell us something new, sh hotel ba madaxweyne ah waxba soo kordhin mayso wuxu la miid yahay halki cali mahdi marayee 1991 lol, bal maxa is badalay. Ali mahdi was fighting aided. Sh hotel is now fighting xassan daahir aweys, bal maxa is badalay. Kuwii uun ba muslimay wax alaale wax is badalay ma jirto. Halka ka wada meel fiican bay idin marraysa lol, anagu hadaanu Somaliland nahay idinka haduu nabii idin soo dagay idinka ma mid noqonayno ta fahma. Wixina haysta dhulkina haysta dadkina haysta calankina haysta. Cuntaxumamdiina haysta .Nikkadina haysta , sh hotelkina haysta Somalidu waxay ku mahmahan waxay xafaad xafaad kale ugu gudubta w xassarad.
  21. Originally posted by MoonLight1: Xaaji Xunduf quote:Last week one of his mp was shot dead in mogadisho. No trip to Ankara with prime minister abdullah gull can solve that lol . Dadkani cilmi yara. Xaaji Seey kaa noqotay saaxiib, Waxaadba ku qoslaysaa nin xaq darro lagu dilay, heh, war isku xishoo ninyahoow, You wouldn't be lol-ing if the victim was from your Habar Hebel triangle. Cami somalidu waxay ku mahmahaan nin aan waydh sugin waran ma sugo. Ninkan wuxu is barbar dhigay dal tagaan oo dalkisa oo dhan gacanta ku haya iyo Hotel government. dalxiis tagtay .
  22. Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal oo looga dhawaaqay Maamul uu yeesho Burcad Badeeda By C/laahi Dheere Wararka karkaarnews ka soo gaaray Degmada EYL ee Gobolka Nugaal ayaa wax ay sheegayaan in halkaas looga dhawaaqay Maamul Cusub oo uu yeesho Kooxaha Burcad Badeeda. Warku wax uu intaas ku daryaa in Gudoomiyaha Burcada Badeed loo doortay Cabdi Booyaax oo ah Ragii ugu horeyay ee bilaabay Howlaha Burcada Badeeda. Qof ku sugan Eyl oo ka gaabsaday in Magaciisa la sheego ayaa Karkaarnews u sheegay in Doorshada Cabdi Booyax ay timid ka dib markii uu Muran xoog leh Dhex maray Khadar C/... » More Info
  23. Originally posted by LayZie G.: Sharifka waa ragiisa. He looks healthy and gorgeous.(in with the surwaal out with the khamiis) But what I'm looking forward to is how the secessioners will spin this latest development and trip overseas. How will they explain thief riyaale's overseas treatment, he is always handled like a minyaro oo habar lala guursade with his foreign trip visits. The only figure I recall giving him a red carpet treatment was the djibouti leader.(probably related, ina adeer or ina abti from a long shot) Inta kale, marka uu aado overseas, he is posing with low profile individuals in a small space, as thought ninka inuu naagtiisa ka ceshanaayo camal. Alla maxaa tuug riyaale laqariyay. In any case, JB probably can spin the riyaale PR nightmare in a different direction, will await for his response. Meanwhile, JB and others should explain why oo tuug riyaale u gishtaa that sleeveless two piece suit, with the 80s shoulder puffs? Ninka style nightmare ayaa heesto, ee why doesn't he take lessons from sheikh sharif. Fiiri sawira korka lagu soo dhajiye, ee dhuuntana iska qabo, hahah secessionists hanoo laadaan sida aan ugu qoslo cunid gorgaxankooda. When sheikh hotel goes back to his hotel in Djibouti, wuxu odhanaya eebow dalxiisa ku maqna nooh. Sh hotel 5 bilood in office intaas na wuu war wareegeyee, maxa se oo qabsoomay. He will be so disappointed when he goes back to mogadisho , ay dawladiisu xaabada meesha ka sii guran doonta. Last week one of his mp was shot dead in mogadisho. No trip to Ankara with prime minister abdullah gull can solve that lol. Dadkani cilmi yara.
  24. Africa own if we support wanaag we are called clanist . if we support sh dalxiis wal hotel a hotel president we are called wadanis. Even though sh hotel was elected by clan formula called the4.5 clan system so who is clanist , daahir riyaale oo dadkisu doorteen wa clanist . laakin sh hotel oo 4.5 soo dooratay wa xalaal , halkee laga ciyaara
  25. What muslimland aya lugu xukuma sharciga islaamka ball ii sheeg. oo aan ahayn ilma abdulaziz ibn qudhunka yar eeh Xijaaz ka samaysteen. ma meel kala jiira oo ay shariciga islaamku lugu dhaqo ma jirto, marka hadaba hana ma jiro