Salahudin

Nomads
  • Content Count

    180
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Salahudin


  1. Afhayeenka Shirka Wada tashiga Garbahaarey oo faahfaahin ka bixiyey Go’aanadii ka soo baxay Shirkaasi (Dhageyso)

     

    Print here| By: allgedo.com: Thursday, February 28, 2013 // 7 Jawaabood

    Shir wadatashi ah oo Maalmahan Magaalada Garbahaarey uga soconayey Ergooyin ka badan ilaa 45 ruux oo ka kala Socdey Mas’uuliyiinta Dowlada Gobolka Gedo iyo Xubno ka socdey Ururada Bulshada Rayidka oo gaarayey ilaa 17 xubnood ayaa gebagebadii shirka waxaa ka soo baxay Go’aano ay wada gaareen Xubnahii ka qeyb galey Shirkaasi.

     

    Nuur Siyaax Ilix oo ah Afhayeenka Shirka Wadtashiga ah ee Garbahaarey oo shir Jaraa’id ku Qabtey Garbahaarey ayaa sheegay in ay go’aan ku gaareen in aanan laga Qeybgelin Xilagan shika Maanta ka furmay Kismaayo, isagoo sheegayna shirkaasi in uusan Quseyn Gobolka Gedo.

     

    Nuur ayaa waxaa uu intaasi ku darey in marka hore la xoreeyo Gobolka Gedo degmooyinka ka maqan iyo weliba deegaanada kale ee Gobolada Jubada hoose iyo Dhexe oo ka maqan gacanta Dowlada, si arimahaasi loo fuliyo waxuu Gudiga ku heshiiyey in Xiligan ayan haboonayn ku mashquulida Maamul u sameynta Jubbooyinka.

     

    Halkaan ka dhageyso shir jaraa’id ee uu qabtay afhayeenka shirka wadatashiga Garbahaarey

     

    Maxamed Sheekh, Garbahaarey/Gedo.

     

    Allgedo News Media Network

    allgedo@allgedo.com


  2. Wefdigii Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ee Magaaladda Kismaayo galabta soo gaaray ayaa loo diiday inay gudaha Magaaladda galaan,kadib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen shaqaaqadii Saldhiga Kismaayo ay doraad weerareen rag ka tirsan Jabhadii burburtay ee (Dooxada-Jubba),inkastoo Sarkaalkii ciidanka watay ee Laba-Gare iyo 4-ka mid ah ciidamdiisa la dilay 18-ka mid ah ciidamadii Saldhiga Kismaayo soon weerarayna nolol lagu qabtay.

     

    Wefdigan loo diiday inay gudaha u soo galaan Kismaayo ayaa waxaa hogaaminayey Wasiirka Arimaha Gudaha C/kariiin Xuseen Guuleed,Wasiirka Maaliyadda Cawil Saleebeen iyo Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi,Wefdigan oo qorshahoodii hore ahaa inay Casumaadda shirka beri Muqdisho lagu qabanayo inay Qolooyinka Kismaayo kasoo qeyb-galaan,ayaa lagu gacan-sayray,waxaana lagu wargeliyay in shirka Maamul u sameynta Jubooyinka lagu qabanayo Kismaayo.

     

    Is-jiid-jiid iyo muran kadib ayaa Wefdigii Muqdisho ka yimid loo ogolaaday muddo 2-saac ah inay kulan la qaataan Gudoomiyaha Maamulka KMG-ah ee Jubooyinka Sheekh Axmed Madoobe,waxayna ugu dambeyntii la isku afgartay in Wefdiga ay dib ugu noqdaan Muqdisho wadatashina lasoo sameeyaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow oo wefdigan soo diray.

    Arinta ugu yaabka badan ayaa noqotay in Xafiiska Reysalwasaare Saacied uusan ka warheynin Wefdigan uu Muqdisho ka diray Madaxweyne Xasan,waxayna arintaasi cadeyneysaa inuu jiro khilaaf aan soo shaac-bixin oo labadan mas'uul u dhexeeya,maadaama Wefdigan uusan ka warqabin Reysalwasaare Saacid.