UZTAAD

Nomads
  • Content Count

    697
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by UZTAAD


  1. Qorshe dhicisoobay oo la rabay in Raysalwasaare Dr. Abdiweli Gas lagu qaarajiyo

     

    Arimahaan soo cusboonaadey waxay muujinayaan in Qaruxu uu ahaa mid dad badan ogaayeen ujeedadiisuna ahayd in lagu khaarajiyo Raysal wasaaraha, wararka dambe ee Warbaahinta Puntlandi ay ka hesha dad lagu kalsoon yahay waxay noo cadeeyeen in uu jiro tuhun wayn oo sitoosa loogu khaarajin lahaa Raysal wasaaraha iyo wasiirada ay aadka uwada shaqeeyaan.

     

    Waxaa dhimatay 9 qofood(Allah how naxariisto). waxaa kaloo jira dhaawac badan oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhibaano oo lagu daweynayo isbitaalka AMISOM

     

    Waxaa laysla qiray in qofta haweeneyda ah ee isqarxisay howsha lala waday… yaa la waday?

    Waxaa kaloo la xaqiijiyey in Madaxweynaha Shariif sh. Axmed uu ka baaqday xafaldaas.

    Ha’ydaha denbi baarista iyo nabadsugidda oo ay weheliyaan kuwa AMISOM ayaa wada baaris sida ay gabadhaas is qarxisay ku soo gashay Tiyaater-ka.

     

    http://puntlandi.com/?p=30411


  2. Qandalawi;811999 wrote:
    Shirib ay beesha reer Muqdisho u tiriyeen Caalim - [iyagoo maamusaaya Abdulahi Yusuf]

    Posted by Pi on March 29th, 2012

     

     

     

    Toban Walxaatoo Miin Ku Taal, Toban kaleeto waa Mudneed

     

     

    Maamuus Qaran inoow Maroo, la Muunadeeyo waa Mudnaay ( Marxuum C/Yusuf)

     

    Magac bixin Garoon Mug weyn , lagu Misbeeyo waa Mudnaay

     

    inaan laga Maseeyrinoo, lagu Maqsuudana waa Mudnaay

     

    Marxuum Muran lama galshee, Mowle u tuugno waa Mudnaay

     

    inaad mag magta Meel dhigtood, Marinka raacdo waa Mudneed

     

    inaad Magac bixin horteed, wax Maamusheey Mudnaa laheed

     

    inaad Mala’awaal cidlaa, ku Mashquulina waa Mudneed

     

    nikaa mug weyn wax Meerintiis, inaad Maqasho waa Mudneed (Madaxweynaha)

     

    inaad Murtida Meeha taal, Mid Mid u dhuuxdo waa Mudneed

     

    Maankaagi Murahoow dhalood, Milicsatana waa Mudneed

     

     

    w/q Laashin Cabdi Shiiq Maxamed

     

    it very good poem , thanx for sharing qandalaawi, how the late president was loved by all somalis


  3. Geesiga madow Eebbahey guul la kulansiiye,

    Cabdilaahi baa go'ay miyaa Galabta lay sheegay,

    Geerida Halyeygii haday Dunida soo gaadhey,

    Goblan noqotay Soomaaliday kala go'doonsheene,

    teer iyo Kacaankii Gedmadey Godey xoreynteeda,

    Gembiskii Cirriyo Maalintay Dheel u geli weydey,

    Gobanimo xilkiisi ma gabin gudashadiisiiye,

    Nin gumeysi Neceb buu ahaa goor iyo Ayaane,

    Dadku way gefaan talana way kaa guracantaaye,

    Godob loo badheedhiyo Nimaan Gacal ka eed sheegan,

    alleylehe Gantaal buu ahaa Goobta Dirireede!...

     

    BY

    Axmed Sheikh Omar (axmed Shiine)


  4. A&T,thanks for sharing this historic interview of late president Yusuf. I have listened this interview and learned allot insight about Somali history and how things go wrong in our nation but i would have liked had the Universal TV taken longer interview because abdullahi yusuf was ready to share more information about the country's history hopefully we will get more details in the book that the late president wrote before his passing away

    STRUGGLE AND CONSPIRACY


  5. Good piece Mr A&T, but you are understating the man's achievements and exaggerating his failures. you said he led puntland to war with it self but you conveniently forget to mention that he was the founder father of puntland it self. and he never said that he would flush entire community. what he said was dadka dawlada ka soo horjeeda daadka ayaa qaadaya taas oo ula jeeday qabqablayaasha. no body can deny the great things that halyay cabdulahi yusuf acheived .

     

    1. founding father of puntland.

    2. the first man introduce federalism in Somalia.

    3.restored Somali nation after 15 years of chaos and warlodism

    4. fought and led two wars against Ethiopia

    5. fought against barre dictatorship.

     

    he was greatest leader somalia ever had after ahmed guray and sayid mohamed and his legacy will live for ever .

     

    RIP LEGEND ABDULLAHI YUSUF


  6. Siilaanyo oo cod lagaga qaaday mobil-lagu majarahabaabinaayo shicibka Somaliland.

     

    adeer mobile baa looga duubay ee cidna uma khudbayn

     

    http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=12880&Itemid=62London,(Qaran news)- Qaar ka mid ah Madaxda la socota madaxweynaha iyo xubno ku dhow madaxweynaha oo ka tirsan qoyskiisa ayaa ilaa xalay ku mashquulsanaa sidii cod looga qaadi lahaa madaxweynaha maqal ah kaasi oo lagu qaaday mobil- isla markaasina loo kala diray saxaafado shisheeye iyo warbaahinta taageerta xukumadda Siilaanyo.

     

    Codkani la qaaday ayaa lagu sheegay ama lagu taariikheeyay in uu madaxweyne Siilaanyo uu khudbad dheer oo 11 daqiiqadood qaadanysa uu ka jeediyay madashii shirkii Somalida ee shalay ka dhacay magaalada London, sidoo kale waxa time-ka ama saacada uu hadlay laga dhigay 11:30-kii subaxnimo xiligaasina waxa shirka ka hadlaayay Raysal wasaaraha dawlada Itoobiya, codkani madaxweyne Siilaanyo lagaga qaaday Hotel-ka uu deganyahay ayaa waxa tageerayaasha xukumada Siilaanyo ilaa xalay lagu lahaa wasaarada arimaha dibada ee Ingriiska ayaa inoo keenaysa Clip- ama codkii madaxweynaha oo aad ka dhagaysan doontaan khudbadii madaxweynaha, taasi oo ah been cad oo majaro habaabin ah.

     

    Shabakada qaran news, waxa soo gaadhay codkla madaxweyne Siilaanyo ay xubno ka mid ah xukumadiisu ay ka qaadeen taasi oo lagu mudeeyay in uu hadlay xili ay madax kale hadlaysay anaga oo soo bandhigi doona cadaynata iyo sida beenta cad loo faafinaayo.

     

    Sideedba hadii aan qadiyadeena aan runta laga sheegin oo shicibka lagu maaweeliyo been iyo khiyaali in aynu noqonayno shicib aan haynin dhabadii saxda ahayd sida hada uu Madaxweyne Siilaanyo inagu hagaayo.

     

    Lasco beenta ay baahinayaan xukumadda Siilaaanyo iyo khudbada beenta ah ee uu iska duubay ee dadka lagu majaro habaabinaayo oo aanu soo bandhigi doono.

     

    Hadii uu madaxweynaheenu uu hadlay ha soo ban dhigo vedio maqal iyo muuqaalba leh oo ay dadku rumaystaan looma baahna cod qol madow lagaga duubay oo bug ah