Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,195
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Polish_20240313_130148427.jpg?resize=619

    Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay nin ku eedaysan dil bishii Juun ee sannadkii hore ka dhacay degaan ka tirsan degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

    Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali ayuu ku sheegay in gacanta lagu dhigay Cabdi Deeq Khaliif oo ku eedaysan dilka Xasan Nuur Cabdi kaasi oo bishii Juun 2023 ka dhacay degaanka Xero Jaalle ee degmada Galdogob.

    “Eedaysanahaan oo aan muddo ku raadjoognay ayaa ku dhuumaalaysanayay Meelaha xaduudaha ah eeu dhaxeeya anaga iyo Maamulaka Galmudug iyo DDS.Taas oo ku timid iskaashiga amniga ee aan leenahay Maamulka iyo Ciidamada Galmudug  iskaashigaas  oo  markasta u baahan in la xoojiyo si aan isaga kaashano wax kasta oo wax u dhimaya amniga labada deegaan sidda Argagixisad, Tuugada, Gacan ku dhiiglayaasha IWM”.

    “Waxaan u mahad celinayaa Allaha noo fududeeyay Soo qabashada eedaysanaha waxaan marka labaad u mahad celinayaa anoo ku hadlaya Guud ahaan Afka Gobolka Maamul ciidan iyo shacab Maamulka iyo Ciidamada Booliska ee Galmudug”

    “Gaarka Gaar ahaan Taliyaha Qayta Booliska Galgaduud Farxaan iyo Maamulka Booliska Dagmada Caabudwaaq oo naga caawiyay soo qabashada Eedaysane Cabdul Deeq khaliif  oo ku eedaysan dilka Xasan Nuur Cabdi  oo bishii juun 2023  ku dilay degsiimada  Xero jaalle ka tirsan degmada Goldogob Gobolka Mudug” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

    PUNTLAND POST

    The post Puntland oo shaacisay in ay gacanta ku dhigtay nin dil geystay oo mudda la raadinayay appeared first on Puntland Post.


  2. dekedda-muqdisho-dakada.jpg?fit=2048%2C1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku qabatay dekedda wayn ee magaalada Muqdisho 7 konteenar oo siday raashin dhacay, sida ay sheegtay hay’adda Taya-dhowrka dalka.

    Warbixin kasoo baxday hay’adda oo lala wadaagay warbaahinta ayaa waxaa lagu sheegay in maraakiibta la qabtay ay sideen bur dhacay oo lasoo gelin rabay Muqdisho.

    Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in burkan ay ganacsato Soomaaliyeed kasoo iibsadeen dalka Turkiga, isla markaana ay doonayeen inay soo galiyaan suuqyada, si loo sii iibiyo.

    Sidoo kale waxa ay intaasi burka la qabtay ay  bishaan March ku xusan tahay waqtiga uu dhici lahaa, ayna ka hortageen in la geeyo suuqda ku yaalla magaalada Muqdisho.

    Maxamuud Cilmi Fiidshe oo ah agaasimaha kormeerka badeecadaha ee hay’adda Taya-howrka ayaa sheegay in burkan ay ka gudan doonaan masuuliyaddooda, ayna la xisaabtami doonaan ganacsatada dalka soo gelisay.

    Sidoo kale waxa uu agaasimuhu uga digay ganacsatada Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan in badeecado dhacay ay dalka usoo iib geeyaan, taas oo halis ku ah bulshada.

    Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dhibaatooyinka caafimaad ee dalka ka jira oo uu Kansarka kamid yahay ay ka dhasheen cuntooyinka, dawooyinka iyo alaabaha dhacay ee dad ganacsato ahi ay dalka soo galiyaan.

    Qabashada burkan dhacay ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana dadka Soomaaliyeed ay si aad ah u isticmaalaan burka, waana halis wayn oo ay ka hortegtay dowladda Soomaaliyeed

    The post Toddoba konteenar oo maanta lagu qabtay Muqdisho – Maxay sideen? appeared first on Caasimada Online.

  3. 01000000-0aff-0242-26fc-08db25ee432e_w40

    Maamulka xabsiga uu ku xiran yahay Ra’isul Wasaarihii hore ee Pakistan ayaa joojiyay mudda laba toddobaad ah xabsiga lagu booqdo Imran Khan.

    Hogaamiyihii hore ee Pakistan oo 71 sano jir ah ayaa xabsi dheer ku qaadanaya Rawalpindi, oo ah magaalo aad loo ilaaliyo oo deris la ah caasimada Islamabad.

    Khan ayaa lagu helay dambi ah inuu ku kacay fal dambiyeed faafin sir qaran iyo guur qarsoodi ah, intii uu xafiiska joogay maalmo uun ka hor doorashadii guud ee bishii hore, isaga oo diiday eedeymahas, 

    Xisbigiisa, Pakistan Tehreek-e-Insaf, ayaa cambaareeyay “mamnuucida guud” ee Talaadadii sida lama filaanka ahayd ee lagu saaray booqashada Khan oo ay ku tilmaameen sharci-darro aan dastuuri aheyn.

    PUNTLAND POST

    The post Imran Khan oo laga joojiyay in mudda laba todobaad ah Xabsiga lagu booqdo appeared first on Puntland Post.


  4. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta waxaa booqasho sharafeed xafiiskiisa ugu yimid mas’uuliyiinta UNHCR oo uu horkacayo Mr. Charles Leonard Mballa oo ah Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee Soomaaliya.

    Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka marwo Safiyo Xasan Maxamed iyo mudane Cabdiqani Maxamed Weheliye oo ah Agaasimaha Agaasinka Guud ee Adeegyada Dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda wax u qabadka qaxootiga, kuwa soo guryanoqda, Barakacayaasha, sharciyada la xiriira iyo sidii loogu heli lahaa xalwaara.

    Madaxa xafiiska UNHCR ee Soomaaliya Mr. Charles ayaa Wasiir Fiqi uga warbixiyay qorsheyaashooda iyo howlaha ay fuliyaan mudadda soo socota, gaar ahaan wax kaqabashada xaaladda qaxootiga, kuwa soo gurya noqda iyo Barakacayaasha isaga oo carabka ku dhuftay sida ay uga go’antahay in si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya iyo Hey’addeeda NCRI.

    Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay sida Wasaaraddiisu ay ahmiyadda gaar ah u siiso u ololeynta xaaladda Qaxootiga iyo sida ay ugu guulaysatay in loo helo sharci dhaqangal ah, waxaa kale uu hoosta ka xariiqay aragtida Wasaaradda ee wax loogu qabanayo qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda kusoo noqonaya iyo Barakacayaasha, isaga oo kusoo gobogabeeyay in dadaal walba ku bixinayaan sidii xalwaara loogu heli lahaa Arrimaha Qaootiga, Kuwa soo noqonaya iyo Barakacayaasha.

    1-1024x683.jpg 2-1024x683.jpg 3-1024x683.jpg 4-1024x683.jpg 5-1024x683.jpg 6-1024x683.jpg 7-1024x683.jpg 8-1024x683.jpg 9-1024x683.jpg 10-1024x683.jpg 11-1024x711.jpg

    Source: goobjoog.com


  5. Screenshot_20240313_111829_Facebook.jpg?

    Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta ka bilaabatay maxkamadeynta illaa 9 askari oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo dhawaan kasoo baxsaday furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga Camaara iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug, halkaas oo ay haatan dib u qabsatay kooxda Al-Shabaab.

    Askartan oo dhammaantood kasoo muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale loo haystaa inay xilliga ay baxsanayeen ay dileen Laba Xidigle Mustaf Nuur Suudi oo ku magac dheeraa Dhoobshaac, isla markaana ahaa taliyaha guutada Abuu-Dujaana ee Ciidamada Xoogga dalka.

    Xeer ilaalinta ayaa 9 askari kusoo eedeysay baxsasho goobta dagaalka iyo inay lasoo tageen hubkii lagu difaacayay shacabka deegaanka, halka 2 kamid ah askartan si gaar ah loogu aoo eedeeyay inay dileen taliyaha kadib markii ay rasaas ku fureen, isaga oo isku dayay inuu ku celiyo furinta ay soo banneeyeen.

    Inta ay socotay maxkamadda ayaa waxaa la geeyay marqaatiyeyaal goobjoog u ahaa dhacdadaas, kuwaas oo lagu wareystay goobta, kana warbixin falkaasi dilka ah.

    Gaashaanle Dhexe Cabdullahi AbuukarXasan oo guddoomiyay fadhigan ayaa dhankiisa sheegay in maxkamadda ciidamada ay dib ka shaacin doono go’aanka kama dambeysta ah, ama xukunka 9 askari ee maanta la horgeeyay.

    Allaha u naxariistee Taliye Mustaf ayaa ahaa Laba Xidigle ka mid ahaa saraakiisha ugu firfircooneed ciidankii lagu soo tababaray Eritrea, waxaana loo wareejiyey guutada Abuu-dujaana oo ah ciidan 3 bilood kaliya lagu soo tababaray dalka Uganda.

    Meydka sarkaalkaas ayaa hadda lageeyey magaalada Wisil ee gobolka Mudug, waxaana lagu guul-dareystay in la qabto askartii ka soo baxsatay difaaca ee dishay Taliyahooda.

    Taliye Mustaf Nuur Suudi, oo ku magac dheeraa Mustaf Dhoobshaac, wuxuu sidoo kale ka mid ahaa saraakiishii deegaanada badan ka xoreysay argagixisada, waxaana laga jeclaa gudaha ciidanka, balse todobadii bishan ayuu ku baxay gacanta ciidankii uu taliyaha u ahaa.

    Ciidanka Abuu-Dujaana, waa hal guuto oo dhawaan lagu soo tababaray dalka Uganda, waxay qaateen koorso yar oo 3 bilood ah, waxaana lagu tilmaamaa ciidan aad u fowdo badan.

    Dhowr jeer ayey dileen saraakiishooda, kana soo baxeen furimaha dagaalka, iyagoo gadood muujinaya, sarkaal kale oo taliyaha ay caawa dileen ku heyb ahaa ayay hadda ka hor ku dileen deegaanka Masaajid Cali-gaduud ee gobolka Sh/Dhexe.

    Hoos ka daawo

    The post Daawo: Askartii kasoo baxay furimaha ee dishay taliyahoodii oo maxkamad lasoo taagay appeared first on Caasimada Online.

  6. IMG-20240313-WA0005.jpg

    Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah xildhibaanada dawlada fadaraalka ee Soomaaliya ayaa weerar xoogan ku qaaday xukuumadda Xasan Sheekh ee Somalia.

    Waxyaabaha uu aadka uga hadlay ee ka yaabiyay waxa ka mid ah musuq maasuq iyo qaraabo kiil, waxanavuu sheegay in qandaraaskii ciidamada loogu keenaayay raashinka iyo agabka kalaba dad gaar ah la siiyay oo ciidankana qiimaha kor loogu qaado.

    Waxa kale oo uu sheegay in aan loo sinayn xilalka laga qabanaayo safaaradaha dibada oo uu iyagana sheegay in dad gaar ah la geeyo oo dadkii Soomaalida ahaa ee aqoonta lahaa aan si cadaalad ah loo gaynin.

    Waxan uu madaxweyne Xasan Sheekh uu misaajidka ka sheegaayo iyo waxa uu ku dhaqmayaa isma laha, ma Ilahay ayuu Riwaayad u matalayaa.

    Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland, waxana in badan ay dadka reer Somaliland u sheegi jireen in dadka uu la joogaa ayna dad daacad ah ahayn isla markaasina ayna cid kale waxba u ogolayn, taasi oo maanta hortiisa timid.

    Qaran News


  7. BIIXI1-860x818-1.jpg?resize=860%2C818&ss

    Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa gaaray Magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska.

    Wasiir Biixi Iimaan ayaa sheegay in uu halkaasi u tagay dhameystirka iyo wada xaajoodka Wadamada ku bohoobay Naadiga Paris (Paris club) oo in ka badan hal bilyan ka saamaxay dowladda Soomaaliya.

    Wasiirka oo ay safarkiisa ku wehliyaan guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo Xubno ka mid ah Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka ayaa ugu horayn waxa ay kulan muhiim ah la qaateen madaxda sare ee Hey’adda Horumarinta France ee magaceeda loo soo gaabiyo ‘AFD’.

    Hay’adda AFD ayaa ka shaqeysa horumarinta Dhaqaalaha Dalalka soo koraya, sidoo kalena ka mid ah Hey’adihii Soomaaliya Deynta ka cafiyay.

    Kulanka ayaa intii uu socday waxaa si gaar ah diiradda laagu saaray isbadalka maaliyadeed ee Soomaaliya ka jira, qorshayaasha horumarinta dhaqaalaha ee Dowladda Soomaaliya iyo hannaanka maalgelinta dalka.

    PUNTLAND POST

    The post Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Paris kula kulmay Madaxa Hey’adda Horumarinta France ee AFD appeared first on Puntland Post.


  8. Trump-Biden.jpeg?fit=1486%2C991&ssl=1

    Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay ku guuleystay magacaabista musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Dimoqraadiga uga qeybgali doonaan doorashada madaxweynaha ee bisha November, halka madaxweynihii hore ee Donald Trump uu noqday musharaxa Jamhuuriga.

    Biden waxa uu la kulmay mucaarad magac u yaal ah, si uu u noqdo musharraxa Dimoqraadiga, waxaana uu xalay ka gudbay tiradii ergada ee looga baahnaa oo aheyd 1,968, sida ay qortay Reuters.

    Dhinaca kale, madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ku guuleystay magacaabista xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxweynaha, kadib markii uu helay ergo ku filan.

    Trump ayaa ku guuleystay doorashooyinkii shalay ka dhacay gobollada Georgia, Mississippi, Washington iyo Hawaii, isaga oo helay 137 oo ergo oo dheeri ah oo uu baahnaa, si uu ugu guuleysto musharaxnimada.

    Guushii Trump ee Washington ayaa ka caawisay inuu dhaafo 1,215 ergo, oo aheyd tirada guud ee lagu helayo musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga, oo cidna aysan hadda kula tartameyn.

    Trump wuxuu bilowgii doorashada la loolamay dhowr musharrax, oo ay ku jiraan safiirkii hore ee Qaramada Midoobay Nikki Haley iyo guddoomiyahaa gobolka Florida Ron DeSantis, kuwaas oo dhammaantood xilli dambe ka haray doorashada.

    Musharixiinta kale, oo uu ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Trump, Mike Pence, ayaa isaga baxay doorashada bilo kahor sababo la xiriira taageero la’aanta codbixiyayaasha oo sida muuqata intooda badan ay doorbidayaan Trump.

    Labada musharrax, Biden iyo Trump ayaa si buuxda u ololeynaya siddeed bilood ka hor doorashada, iyaga oo midba midka kale ku weeraray fursad kasta oo suurtagal ah.

    The post Biden iyo Donald Trump oo si rasmi ah ugu guuleystay musharaxnimada madaxweyne appeared first on Caasimada Online.

  9. Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta waxa ay degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada Hoose u dirtay Doonyo sida shixnado mucaawino gargaar ah, kuwaas oo ka ambabaxay Degaan xebeedka Zasiira.

    Doonyahaan ayaa ku xiran doono Xeebta Magaalada Marka ee caasimada Gobolkaas, waxaana intaas kadib looga daabuli donaa gaadiid si deegaankas loo gaarsiiyo, waxaana saaran gargaar ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka.

    Mucaawinadan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo 1,500 oo qoys, waxana Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka gargaarkaan ku wareejisay Guddoomiyaha deegaanka Janaale Md. Cabdiraxmaan Al-cadaala oo la hadlay warbaahinta.

    Hey’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa muddoyinkii dambe waxaa ay waday dadaallo ku aadan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa bulshada kuwooda danta yar ee aan awoodin in ay helaan cunto maadaama lagu jiro bisha Barekaysan ee Ramadaan.

    Source: goobjoog.com


  10. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa gaaray Magaalada Paris ee dalka Faransiiska halkaas oo uu u tagay dhameystirka iyo wada xaajoodka Wadamada ku bohoobay 𝐍𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 (𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 𝐂𝐥𝐮𝐛) oo in ka badan hal bilyan ka saamaxay Dowladda Soomaaliya.

    Wasiirka Maaliyadda XFS oo ay safarkiisa ku wehliyaan guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo Xubno ka mid ah Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka ayaa ugu horeyn waxa ay kulan muhiim ah la qaateen madaxda sare ee Hey’adda Horumarinta France ee magaceeda loo soo gaabiyo ‘AFD’ taas oo ka shaqeysa horumarinta Dhaqaalaha Dalalka soo koraya, sidoo kalena ka mid ah Hey’adihii Soomaaliya Deynta ka cafiyay.

    Kulanka ayaa intii uu socday waxaa si gaar ah diiradda laagu saaray isbadalka maaliyadeed ee Soomaaliya ka jira, qorshayaasha horumarinta dhaqaalaha ee Dowladda Soomaaliya iyo hannaanka maalgalineed ee suuragalka ah, kaas oo mudnaan gaar ah u leh dib-u-habeynta iyo wax soo saarka Soomaaliya.

    Source: goobjoog.com


  11. Maamulka xabsiga uu ku xidhan yahay Ra’isul Wasaarihii hore ee Pakistan ayaa salaasadii si lama filaan ah muddo laba toddobaad ah u mamnuucay dhammaan shirarka iyo booqashooyinka Imran Khan oo xabsiga la dhigay sababo la xidhiidha “digniinta amniga”, taasoo keentay canaan xooggan oo uga timid xisbigiisa iyo lataliyayaashiisa sharciga.

    Hogaamiyihii hore ee Pakistan oo 71 sano jir ah ayaa xabsi dheer ku qaadanaya Rawalpindi, oo ah magaalo aad loo ilaaliyo oo deris la ah caasimada Islamabad.

    Khan ayaa lagu helay dambi ah inuu ku kacay fal dambiyeed faafin sir qaran iyo guur qarsoodi ah, intii uu xafiiska joogay maalmo uun ka hor doorashadii guud ee bishii hore, isaga oo diiday eedeymahas, sheegayna inuu yahay dhibbane siyaasadeed.

    Xisbigiisa, Pakistan Tehreek-e-Insaf, ayaa cambaareeyay “mamnuucida guud” ee salaasadii sida lama filaanka ahayd ee lagu saaray booqashada Khan oo ay ku tilmaameen sharci-darro aan dastuuri aheyn, waxayna dalbadeen in si degdeg ah meesha looga saaro mamnuucistaas.

    “Markii aynu saaka nimid xabsiga, si aan kulan caadi ula yeelanno Mr Khan si waafaqsan awaamiirta Maxkamadda Sare, si lama filaan ah, ayaa nalooga hor istaagay inaan aragno, waxaana naloo sheegay inay jiraan xayiraado la saaray shirarka noocan oo kale ah muddo laba toddobaad ah.” ayuu yidhi Ku-simaha guddoomiyaha xisbiga PTI. Gohar Ali oo shir jaraa’id ku qabtay Islamabad.

    Xarunta xabsigan ayaa sidoo kale waxaa ku jira hogaamiyayaal sare oo kale oo ka tirsan xisbiga PTI, kuwas oo uu ka mid yahay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Pakistan, Shah Mehmood Qureshi.

    Khan, ayaa xilka laga xayuubiyay sannadkii 2022 kadib markii uu baarlamaanku kalsoonida lagala noqday, waxaana tan iyo markaas uu la kulmay caqabado badan oo dhanka sharciga ah. Wuxu dafiray khaladka lagu eedeeyay, wuxuuna ku eedeeyay militariga Pakistan ee awooda badan inay ka danbeeyeen dacwad oogista iyo eedaymaha kale ee madaniga iyo dambiyada.

    Milateriga ayaa inkiray eedeymaha ay ku faragelinayaan arrimaha siyaasadda Pakistan.

    Source


  12. IMG-20240312-WA0009-860x574-1.jpg?fit=86

    Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay wasiirada arrimaha gudaha ee qaar kamid ah dowlad goboleedyada, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah.

    Kulanka oo ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb-galay wasiirada 4 maamul goboleed oo kala ah mudane Maxamed Ibraahim Oogle Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jubbaland, Mudane Cabdi Maxamad Jaamac Waayeel Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug, Mudane Maxamuud Axmed Gacal Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle iyo Cabdisahal Jaamac Maxamed oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo.

    Sidoo kale waxaa wasiiradan horkacayay wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macalin Fiqi oo isna qayb ka ahaa kulanka ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

    Ujeedka kulankan ayaa ahaa mid is xog wareysi ah oo ku aadan wada shaqeynta xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

    Mudane Xamza Cabdi Barre oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay horumarinta dalka, si guul looga gaaro yoolalka waa weyn ee la hiigsanayo.

    Kulankan waxaa ka horreeyay shir.kale oo u dhexeeyay wasiirada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada iyo Axmed Macallin Fiqi, kaas oo loogu nagac daray “Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose Wadajir” waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo, iyo weliba Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradahaasi.

    Dhinacyada ka qayb-galay shirka ayaa ugu dambeyn isafgarad ka yeeshay howlo badan oo hortabin u leh, laguna hormarinayo dowladaha hoose ee dalka.

    Soomaaliya ayaa xilligan ku jirta marxalad xasaasi ah oo siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxaana usii dheer dagaalka kooxda Al-Shabaab oo dib u qabsatay deegaano horay looga xoreeyay oo dhaca gobollada dhexe.

    The post Xamza oo la shiray wasiirada 4 maamul goboleed + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

  13. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay ku guuleystay in xisbiga Dimuqraadiga u doortaan musharraxa uga qeybgali doonaan doorashada madaxweynaha ee bisha Novermber, halka sidoo kale madaxweynihii hore ee Donald Trump uu ku socdo waddadii uu ku xaqiijin lahaa Musharaxnimadiisa.

    Biden waxa uu la kulmay mucaarad magac u yaal ah, si uu u noqdo musharraxa Dimuqraadiga, waxaana uu xalay ka gudbay tiradii ergada ee looga baahnaa oo aheyd 1,968, sida ah qortay wakaaladda Reuters, Biden ayaa doorashada soo aadan u tartami doona markii labaad isagoo uu ka hor imaan karo Trump.

     Sidoo kale Donel Trump ayaa dhankiisa haya waddadii u uku noqon lahaa musharraxa xisbiga mayalka adage e Jamhuuriga, waxaana ilaa hadda muuqata inuu guulo waaweyn uu gaaray oo xisbigau la dhacsan yahay, waxaana dul hoganaya fadeexa ka dhashay markii uu diiday xilwareejinta doorashii lasoo dhaafay.

    Dhanka kale, Trump wuxuu kaga adkaaday doorashada xisbi Jamhuuri dhowr musharrax doorashooyinkii hordhaca ahaa, oo ay ku jiraan safiirkii hore ee Qaramada Midoobay Nikki Haley iyo guddoomiyahaa gobolka Florida Ron DeSantis, waxaana loo badinayaa in Biden iyo Trump ay markale iswajihi doonaan.

    Musharixiinta kale, oo uu ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Trump, Mike Pence, ayaa isaga baxay doorahsada bilo kahor sababo la xiriira taageero la’aanta codbixiyayaasha oo sida muuqata intooda badan ay doorbidayaan Trump, maadaama uusan jirin shakhsi kaga cadcad taageerayaasha.

    Labada musharrax, Biden iyo Trump ayaa si buuxda u ololeynaya siddeed bilood ka hor doorashada, iyaga oo midba midka kale ku weeraray fursad kasta oo suurtagal ah, Joe Biden ayaa hadda wajahaya cadaadis ka heysta taageerada Israel ee dagaalka Gaza oo lagu laayay  in ka badan 34,000 ee reer Falastiin ah.

    Source: goobjoog.com


  14. Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil loogu geystay wiil Soomaali ah magaalada Sheffield ee dalkaasi Ingiriiska.

    Wiilka Soomaaliga ah oo lagu magacaabi jiray Sacad Cali ayaa la sheegay iney geysteen dilkiisa kooxo ku hubeysnaa Tooreey, kuwaas oo marxuumka dhowr meel kaga dhuftay Tooreeyda.

    War kooban oo kasoo baxay Booliiska gobolka Yorkshire ee dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliiska ay ka wadaan magaalada Sheffield baadhitaano ku aadan kiiskan dilka ah.

    Qoyska Sacad Cali ayaa ka dalbaday Booliiska magaalada Sheffield iney gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay wiilkoodii oo ahaa 24 jir.

    Magaalooyin ka tirsan dalka Ingiriiska waxaa marar badan sidaan oo kale loogu dilay dhalinyaro Soomaaliyeed, waxaana dilalkaasi qaarkood fuliyay kooxo gaangistaro ah oo ay ku jiraan dhalinyaro Soomaali ah.

    Source


  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan dhiiragelin ah kula qaatay ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka qayb galay dhoola-tus Millatari oo ciidamo ka socday 23 waddan ay ku sameeyeen dalka Kenya, dhoolatuskaas ayey kusoo bandhigeen waxyaabo badan oo kamid ah casharro Milatariga.

    Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey kartida, aqoonta, xirfadaha sare ee ay soo bandhigeen iyo sumacadda ay usoo hooyeen Qarankooda, isaga oo kula dardaarmay in ay u dhaqaaqaan waajibka qarannimo ee ka saaran xoreynta dalka oo ay qeybtooda ka qaataan dardargalinta hawlgallada dalka.

    “Guusha iyo wanaagga waa la wada jecel yahay waana la sheegtaa, dhallinyaro waad mahadsan tihiin  Soomaaliya manta waxwalba ayey u baahan tahay, laakiin waxyaabaha ay u baahan tahay waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa kamid ah Soomalaiya magac ayey u baahan tahay” ayuu yiri Madaxweynaha.

    Dhoolatuskaan Milatari ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo ciidanka Soomaaliyeed ay ka qeyb galaan tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe, waxaana dhoolatuskaan lagu soo bandhigay sida looga hortago weerarrada iyo fulinta howlgallada qorsheysan kuwaas oo laga fuliyo dalalka ay ka jiraan amni darrada.

    Ciidamada Danab ayaa kaalin muuqata ku leh dagaalka iyo howlgallada qorsheysan ee lagu beegsado Al-shabaab, waana Kumaandooska ugu Tayada sareeya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, tababarkooda iyo qalabeyntooda ayaa waxaa gacanta ku haya codladda Mareykanka tan iyo markii dib loo aasaasay.

    Dowladaha Soomaali iyo Kenya ayaa loogu baaqay in ay iskakaashtaan sidii wax looga qaban lahaa fulinta howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo inta badan weerarro ka fuliya dalalkaasi, Soomaaliya ayaa badanaa weerarrada ka waxaa fuliya ciidanka kumaandooska Dana boo kaashanaya saaxiibadooda caalamiga ah.

    417514094_842768321227642_81069437512099 417524243_842768434560964_55123462141114 417528726_842768437894297_86817466738265 417544955_842768544560953_73761492267954 418990468_842768317894309_23016555865022 419257604_842768324560975_51658475546171 419327401_842768527894288_25469201829229 420168566_842768651227609_54247084551494 420170466_842768547894286_49632989078193 420178722_842768417894299_47747760392470 420195744_842768661227608_13040253172662

    Source: goobjoog.com


  16. Taliska Booliska oo ka Hadlay Dirawal Hooyo Umul ah Jiidhay
    IMG-20240313-WA0002.jpg
    Hargeysa(Qaran news)- Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu bulshada u caddaynayaa inuu gacanta ku hayo eedaysane Axmed Ibraahim Muxumed 40jir ah oo
    saaka ku jiidhay degmada Gacmo-dheere ee Magaalada Hargaysa Hooyo umul ah.

    Eedaysanaha ayaa ka mid ahaa dirawallada gaadiidka ee Dawladda Hoose Hargaysa.

    Ciidamada Boolisku waxay markiiba ka hawlgaleen oo ay gacanta ku soo dhigay Eedeysanaha iyo gaadhiigaba waxaanay ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska. waxaanan sida ugu dhakhsaha badan loo horgayn doonaa sharciga

    Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu murugada la qaybsanayaa ehelkii marxuumadaasi ka geeriyootay , waxaanan alle uga baryaynaa inuu naxarisitii janno haka waraabiyo.
    انا لله وانا اليه راجعون

    Qaran News


  17. ciidanka-xoogga-dalka-ciidamada-militeri

    Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa Galmudug ayaa soo baneeyay furimaha dagaalka ee ay ku hor joogeen ururka al Shabaab, sida uu xaqiijiyay taliyaha saldhigga booliska ee degmada Bacaadweyn oo ka mid ah meelaha ay ka soo baxeen ciidamadu.

    Sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka, ciidamada ayaa intooda badan soo gaaray magaalada Baxdo oo 90 km dhinac Koonfur-Bari kaga began degmada Cadaado.

    Al-Shabaab ayaa barahooda internet ka ku baahiyay in ay gudaha u galeen guud ahaan saldhigyadii la faruujiyay oo ay haatan iyagu ku sugan yihiin.

    “Magaalada xeelad dagaal ayaan uga baxnay, afaafka magaaladaanan joognaa, insha Allah, hadana waan rajeyneynaa inaan galno. Wax joogana lama arko”, sidaas waxaa yiri taliyaha saldhigga booliska ee deegaanka Bacaadweyn.

    Sababta furimaha ciidanku uga baxeen

    Taliyaha saldhigga Bacaadwayn, oo wareysi siiyey BBC, ayaa sababta looga soo baxay goobahaas ku micneeyay xeelad dagaal, ayna dib ugu noqon doonaan xarumahoodii ay ku lahaayeen furimaha.

    “Saacadaha soo socda [magaalada] gudaheeda inaan ku afro ayaan doonayaa”, ayuu yiri taliyaha.

    Dhanka kale dawladda Soomaaliya oo aan isku daynay inaan wax ka waydiino sababta ciidamadaan usoo baxeen ayaynan noo suuragalin inaan helno.

    Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay wasaaradda gaashaandhigga, ciidamada milltariga iyo sidoo kale wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaan midna noo suuragalin.

    Balse qaar ka mid ah ciidamadii ku sugnaa furimahaas ee maanta ka soo baxay ayaa noo sheegay in sababta bixitaankooda ay tahay “dayac ay kala kulmeen furimaha dagaalka”.

    Sarkaal ka tirsan ciidamada macwisleyda ee ka dhinac dagaalama ciidanka xoogga dalka, oo ka gaabsaday in aan magaciisa baahino, ayaa BBC da u sheegay in ciidamada “ay niyad ahaan waayeen cid dhiirrigalisa”.

    “Muddo ayaan meel iska joognay innaga oo aan wax dhaqdhaqaaq ah samayn,” ayuu yiri.

    Dhinaca caafimaadka, rasaasta iyo shidaalka ayuu sheegay sarkaalkani in ay dhibaato ka haysato ciidanka, isaga oo nala wadaagay jiritaanka dhawr hawlgal oo ay aadeen ciidamo ay isku aag ku jireen, balse marka ay furinta ka soo laabteen ay waayeen ciidamadii adeegyadii aasaasiga ahaa ee ay u baahnaayeen.

    Ciidamada ku sugnaa furimahaan ayaa kala ahaa laba ciidan oo ka socday ciidanka xoogga dalka oo lagu kala magacaabo; Ilaalo Qaran iyo Abuu Dajaana, iyo ciidamo kale oo ka yimid dadka deegaanka oo qaab qabaa’iil ah isku soo bahaystay.

    Ciidamada Ilaalo Qaran ayaa ah qayb ka mid ah ciidamadii lagu soo tababaray dalka Eritrea.

    Ciidamadaan ayaa haatan ku sugan magaalada Baxdo, sida uu noo sheegay sarkaal aan lahadalnay.

    Dagaalkii Caad

    Ururka al Shabaab ayaa mid ka mid ah weeraradii ugu adkaa ee ay ka gaystaan furimaha waxa ay ku qaadeen ilaa todobo saldhig oo ciidamada dawladda iyo kuwa macwisleyda ay ku lahaayeen deegaanka Caad.

    Weerarkaas oo sida ay sheegeen askar ku sugneed goobta ku bilowday qaraxyo xoogan ayay shabaabka ku burburiyeen dhawr saldhig oo ka mid ahaa kuwii Meesha ku yaalay.

    Ciidamada dawladda ayaa xilligaas sheegay in xeelad dagaal isaga baxeen deegaanka, iyaga oo aan in muddo ah ku noqon deegaankaas.

    ‘Dharjab ayay ku tahay dagaalka’

    Sida uu qabay Axmed Kaboole oo ka faalooda amniga, iayaa qaba in ka bixitaanka ciidamada dawladda iyo kuwa macwisleey ee furimaha uu ‘dhabar jab ku yahay hawlgalkii Libaaxa Madoow ee uu bilaabay madaxweynaha Soomaaliya’ kaas oo sida ay horay u sheegtay dawladda Soomaaliya ahaa mid lagu soo gabangabeynayo wajiga koobaad ee dagaalka Al-Shabaab.

    “Waxaad moodaa in aysan awood u lahayn wasaaraddii difaaca in ay jihayso ciidamadii, nidaamiso maleeshiyaadkii ku soo biirayay”, ayuu yiri Amxed Kaboole.

    “Waa nasiib darro in 2024 ka, December, iyada oo ay baxayaan ciidamadii Amisom in al Shabaab ay dib u soo noqdaan ama xarumihii laga qabsaday ay dib ugu soo noqdaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Kaboole.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 18 bil ka hor ku dhawaaqay inay dawladiisu bilaabeyso dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ka dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

    Kadib guulo hordhac ah oo ay gaareen ciidamadu kuwaas oo ay kula wareegeen deegno badan, ayaa waxaa dadka qaar ay sheegayaan in ciidamada dawladda ay xajin la’yihiin gacan ku haynta meelaha ay qabsadeen.

    Isha: BBC

    The post Xog: Sababta ay ciidamada dowladda uga soo baxeen deegaanadii ay qabsadeen appeared first on Caasimada Online.