-
Content Count
212,356 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Half a dozen pirates have been apprehended by Operation Atalanta naval forces after an attempted attack on a merchant vessel in the Gulf of Aden, as Somali pirates continue to attack vessels in the region.
-
MANCHESTER, England — The Premier League title race will go to the last day of the season after Arsenal returned to the top of the standings with a 1-0 win at Manchester United on Sunday.
-
Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa taangiyo u dirtay bariga deegaanka Jabaaliya ee waqooyiga Marinka Gaza subaxnimadii hore ee Axaddii shalay , ka dib markii habeenkii oo dhan ay duqeymo culcus oo cirka iyo dhulka ah ay ka fuliyeen aagaas.
Duqeynaha Israel waxaa ku dhintay 19 qof, waxaana ku dhaawacmay tobanaan kale, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Jabaaliya waxaa ku yaala xerada ugu weyn siddeedda xero qaxooti ee taariikhiga ah ee Gaza, waxaana ku nool in ka badan 100,000 oo qof, kuwaas oo intooda badan ka soo farcamay Falastiiniyiintii laga soo eryay magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka hadda loo yaqaan Israa’iil. intii lagu jiray dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1948-kii.
Gelinkii dambe ee Sabtidii, millatariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamada iyo taangiyada ay u direen Jabalia ay ka hortagayaan Xamaas, oo mar kale dib u soo celiso awooddeeda ciidan, oo ka Talisa Qaza.
Israa’iil ayaa wacad ku martay inay baabi’in doonto kooxda Xamas oo hogaaminaysay weeraradii lagu qaaday gudaheeda, balse duulaanka dhulka ee Gaza ayaa keenaya khatar wayn, iyadoo Xamas ay haysato la-haystayaal badan oo lagu qafaashay weerarka.
Cidamada Israa’iil ayaa go’doomiyay magaalada Gaza, oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof, waxayna ka gaysteen xasuuq ba’an oo ka dhashay duqeymo ay ka fulineyso halkaasi.
Si kastaba, Baaqyada Caalamiga ah ee ku aaddan xabbad-joojin laga hirgeliyo Gaza ayaan weli loo dhega nuglaan, taasoo ka horjoogsatay dadka reer Gaza wax kasta oo magaalada gali jiray marka laga reebo tira yar oo gargaar bani’aadnimo ah.
The post Xaaladda GAZa oo kasii dartay, kadib tallaabo ay qaaday ISRAEL appeared first on Caasimada Online. -
-
Dhusamareb (HOL) — As she nears the end of her tenure later this month, the United Nations Special Representative for Somalia, Catriona Laing, highlighted progress and set forth ambitious objectives for the country’s future, with a focus on women’s rights. During her visit to Galmudug, Laing celebrated crucial developments and spoke about the UN's ongoing commitments to the region’s advancement.
-
Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa ku guulaysatay taageerada iyo doorashada xisbiga dimoqoraadiga ah ee DFL ee gobolka Minnesota kaas oo ah tartankeedii dib-u-doorashada ee degmada 5-aad ee Koongareeska Minnesota wareeggii koowaad ee codbixinta.
Taageerada ayaa daah furaysa ujeedada xisbiga ee gobolka ka hor tartanka hordhaca ah ee bisha Agoosto.
Xildhibaan Ilhaan ayaa ku guulaystey taageerada xubintii hore ee golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis oo ay kaga adkaatay Don Samuels oo ah ninka la tarmaya, kaasoo ay kaga guuleysatay boqolkiiba laba kaliya 2022-kii. Intii lagu guda jiray qayb su’aalo iyo jawaabo ah oo ka mid ah shirarka, Ilhaan Cumar ayaa wax laga waydiiyay dagaalka Qasa oo ay ku tilmaantay “xasuuq.”
“Ma jirto qaab aan anaga muwaadiniinta dalkan ugu ogolaan karno in aan canshuurteena dollarka ku bixino bambooyinka lagu baabi’inayo dadka rayidka ah,” ayey Ilhaan Cumar ku tiri hadal ay ka hor jeedisay kasoo qaybgalayaasha.
Don Bacon oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo laga soo doorto Nebraska ayaa soo bandhigay qaraar lagu canaananayo Ilhaan Cumar oo uu ka sheegay eedeymo la xiriira qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha Yuhuudda inay ka qayb qaateen xasuuq. Samuels waxa uu sheegay in uu qorshaynayo in uu ku sii jiro tartanka degmadan ee xisbiga dimuqraadiga si xooggan.
Halka Samuels uu ku doodayo hadallada Ilhaan Cumar in ay yihiin kuwo dadka kala fogeynaya isla markaana kala qaybinaya degmada, waxa uu mooshinka canaanta ah ee Bacon ugu yeeray siyaasad. Isaga oo isla su’aashaas ka jawaabaya, Samuels waxa uu dagaalka ugu yeeray “xaalad qalafsan oo aad u gurracan.”
“Inaad hoggaamiso degmo ay ku badan yihiin Yuhuuda iyo Muslimiinta, halkii ay kulamadu ka noqon lahaayeen shirweyne wada hadal, halkaas oo khatartu aad uga yar tahay xiisadduna ka hooseeyso tan Bariga Dhexe lafteeda, iyadu waxay dooratay hal dhinac,” Samuels ayaa sidaas u sheegay warbaahinta MPR.
Labada tartamayaal Samuels iyo Ilhaan Cumar ayaa khudbado kala duwan kula hadlay taageerayaashoodii ku sugnaa dugsiga sare ee South High ee Minneapolis.
Samuels ayaa helay 85 cod halka xildhibaan Ilhaan Cumar ay heshay 133 cod. Samuels ayaa wacad ku maray inuu ku sii jiri doono tartanka, kaasoo noqon doona mid si dhow isha loogu hayo marka ay noqoto tartanka xisbiga Dimuqraadiga ee dalka oo dhan.
Isha: BBC
The post ILHAAN CUMAR oo mar kale gaartay guul taariikhi ah appeared first on Caasimada Online. -
Mogadishu (HOL) — Over 80 million internet users across East Africa are currently experiencing slow speeds and complete outages due to several critical undersea fibre-optic cables experiencing faults this Sunday.
-
Mogadishu (HOL) - Somali government forces have intercepted 150 tanks filled with fuel and explosive powder destined for the militant extremist group Al-Shabaab. The operation, supported by local residents, took place near Harardhere in the southern part of the Mudug region.
-
Beledweyne (HOL) - Ugas Yusuf Ugas Hassan Ugas Khalif, chief of the Hawadle clans, and his delegation were welcomed in Hiiraan's Halgan district on Sunday. The delegation’s arrival marks a significant prelude to the Chief's upcoming inauguration ceremony.
-
Duqa degmadda Burco oo xafiskiisa ku qaabilay Wasiir ku xigeenkii hore wasaradda Qorshaynta qaranka ahaana Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Jsl Sidoo kalena soo noqday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda arimaha Gudaha Xukumadihii M.Silaanyo iyo daahir riyaale mudane Axmed Kayse Aadan Ismaciil
Burco-12-05-2024 Mayor-ka degmada Burco Maxamed Xirsi Axmed oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wasiir Hore Axmed Kayse Aadan Ismaciil oo kamid ah Haldoorka iyo aqoonyahanada u dhashay degmada Burco kaasi oo in mudo ah ku maqnaa Qurbaha, Axmed Kayse Aadan Ismaciil ayaa soo noqday wasiir ku xigeenadii Hore ee wasaaradaha Qorshaynta qaranka, Arimaha dibada iyo iskashiga caalamiga ah iyo agaasimihii Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, sidoo kalena ahaa aqoonyahan bare sare ka ahaa Jaamacadiihi magaaladda Muqdisho/Xamar wakhtiyadii hore.Wasiir Hore Axmed Kayse Aadan Ismaciil oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay ayaa duqa degmada Burco kala hadlay iskana xog waraysatay Xaalada degmada iyo Hawlaha Shaqo ee Mayor-ku u hayo bulshada Burco waxayna kala qateen Talooyin iyo fekraddo ku saabsan horumarinta degmada Burco, isagoona ku bogaadiyay duqa degmada isbadalka iyo dadaalka uu muujiyay mudadii uu joogay Xafiiska.
Sidoo kale wasiir hore Axmed Kayse Aadan Ismaciil ayaa duqa degmada Burco ku wareejiyay buuggaag ku saabsan shaqooyinka dowladdaha hoose si ay uga caawiyan shaqadooda maalinla ah.
Kulankaasi waxa goob Joog ahaa Mayor-ku xigeenka degmada Burco Suldaan Jaamac Nuux Xildhibaan Muuse Umal Abees, Xildhibaan Axmed Ducaale iyo Siciid Aadan Ismaciil oo ay walaalo yihiin Axmed Kayse Aadan Ismaciil.
Ugu danbayn kulanka ayaa ku soo dhamaaday Jawi degan iyo in gacmaha la isku qabsado horumariinta degmada Burco laguna soo hogaamiyo Magaalada dadka u dhashay ee qurbaha jooga Iyadoo la ajiibaayo baaqyadii kala duwanaa ee duqa degmada Burco uu ka jeedinayay qurbaha uguna horayso wada tashiga, Talooyinka, wax wada qabsiga iyo wixii lagu soo biirin karo horumarinta degmada Burco.
Xafiiska Warbaahinta DHB.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisa ayaa maanta markii 3-aad la horgeeyey Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, iyadoo maanta fursad loo siiyey in waxa uu qabo uu ka hor sheego maxkamadda.
Maxkamadda ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay dhageysanaysay kiiska eedeysanaha, waxaana la horkeenay maxkamadda marqaatiyaal cusub.
Maxkamadda ayaa maanta su’aalo weydiisay eedeysanaha, wuxuuna ku jawaabay sidii horay uu uga jawaabay eedeymaha loo heysto, markii la hor geeyey maxkamadda gobolka Banaadir oo dil toogasho ah ku xukuntay.
Sayid-Cali ayaa maanta codsi u jeediyey shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo saxaafadda, isagoo sheegay in laga been-sheegay kiiskaan oo xaaskiisii uusan dilin.
“Waxaan idiin cadeynayaa in xaaskeygii aana dilin, waxaan idinka codsanayaa in kiiskaan aan laga been-sheegin, qofkii marqaadi cad u keena inaan xaaskeygii gubay oo cadeyn na tusa, waxaan ka balan-qaadayaa inaan ogolaa doono in la i qisaaso,” ayuu yiri Sayid-cali.
Wuxuu sheegay in marqaatiyaasha la keenay maxkamadda aysan kiiskiisa run ka sheegin, isagoo garsooraha ka codsaday in kiiskiisa uu cadaaladda marsiiyo.
Sidoo kale Sayid-Cali ayaa ku calaacalay in guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir oo dil ku xukumay uusan kiiskiisa cadaaladda ka eegin, balse maanta uu cadaalad ka dalbanayo guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir.
Maanta waxaa la dhageystay difaaca qareenada eedeysanaha oo fadhigii ugu dambeeyey maxkamaddu ku iclaamisay, waxaana sidaas ku soo gabagaboobay dhageysiga kiiskaan.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa go’aan ka soo saarto kiiska Sayid-cali Macalin, waxaana aad loo sugayaa go’aankaas.
Hoos ka daawo
The post Daawo: Sayid-Cali oo ka hor calaacalay maxkamadda, codsina u diray dadka kiiskiisa… appeared first on Caasimada Online. -
Waxaa maanta Hadhimo Sharafeed Hotel Mega Plaza ku yeeshay Aqoonyahan, Odayaal Siyaasiin madaxbanaan oo ay ku jiraan wasiiro hore, Badhasaabyo, Xildhibaano Gole deegaan iyo golaha wakiilada JSL iyo xubno ka tirsan Xisbiga Waddani. Waxaa dhamaantood la isku raacay inay ka midaysan yihiin
1. In la dhiso Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Wadani Dr Abdirahman Cirro
2. In abaalkii raagay ee beelweynta West Burco Clan inagu lahaayeen la celiyo doorkan
2. Waxaa kale oo goobta lagu magacaabay Guddi Farsamo oo soo naaqishi doona sidii wax loola yeelan lahaa Xisbiga Waddani
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweymaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta xarigga ka jaray xarunta Kaydka Gaaska cuntada Soomaaliya ee Benaadir.
Xaruntaan ayaa la sheegay inay ka qayb qaadanayso qorshaha looga hortagayo xaalufinta dhirta iyo nabaad-guurka deegaanka.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta Shirkadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed sida ay dowladda uga gacan siinayeen qorshaha ilaalinta deegaanka.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in ganacsatadu ay dowladda ka gacan siiyeen dib u dhiska dalka, isagoo dul istaagay sida ay bulshada uga haqabtireen kaalintooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ganacsatada ka dalbaday in la raqiisiyo qiimaha Gaaska, si qoys walba u awoodo iibsashadiisa.
“Waxaan ku dhiiri galinayaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan Kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaana rajeynayaa in dhowaan Gaaska dalka dibadaiisa nooga yimaada uu dalkeenna nooga soo baxo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed in ay awooddooda dhaqaale uga faa’iideyaan shacabka, isla markaana ay maalgashadaan kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in gobolada dalka ayaa dalbaday in fursadaha horumarka la wada gaarsiiyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
The post Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray xarun muhiim u ah ololihiisa… appeared first on Caasimada Online. -
Madaxweymaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray xarunta gaaska cuntada ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay inay xaruntani tusaale u tahay hormarka xawliga ee ay Soomaaliya ku tillaabsanayso, asagoo xusay in Soomaalidu waayadii hore ay dhibaato u mari jireen dhuxusha iyo waxyaabaha kale ee cuntada lagu karsado.
Adeegsiga gaaska ayaa ku soo badanaya Soomaaliya, waxaana la rumaysanyahay inay xal u noqan karto yaraynta xaalufka dhirta iyo isbedelka cimilada.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Dowladda Qatar ee walaalaha aan nahay u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, oo booqasho sharafeed ugu yimid. Intii lagu guda-jiray booqashada waxaa lagaga hadlay qoto-dheeraynta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.
Kulanka ayaa lagu qaadaa-dhigay xiriirka labo geesoodka ee xooggan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo dadaallada iskaashi ee labada dal, iyo sida ay uga go’antahay xoojinta iskaashi dhinacyo badan leh oo ka tarjumaya himillooyinka ay wadaagaan ee ah hiigsiga horumar iyo barwaaqo.
-
President Hassan Sheikh Mohamud views the drafting of the national development plan as a political milestone.
Mogadishu (PP News Desk) — The Federal Government of Somalia is urging federal member states to support the drafting of a new national development plan. With the current national development plan set to expire, the Federal Government of Somalia plans to approach the EU to organise an aid conference similar to the 2013 New Deal conference in which the Somali Compact and Somaliland Special Arrangement were hammered out. The secessionist Somaliland administration demanded a direct delivery of development aid without channeling it through Mogadishu.
The soon-to-expire 2020-2024 national development plan states: “Bilateral arrangements between Somaliland and FGS are the subject of dialogues, the last of which was held in 2015. Proposals have been made to restart discussions, as yet unsuccessfully.” Puntland State has accused the Federal Government of Somalia of politicising aid to centralise aid distribution through the Somali Aid Architecture established by the federal Ministry of Planning, Investment and Economic Development (MoPIED) that credited with Puntland for setting an example to federate regions after “the emergence of four Federal Member States (FMS) – Jubaland (2013), Southwest (2014), Galmudug (2015) and Hirshabelle (2016) – a development that follows a pattern set by Puntland in 1998.”
Puntland State President Said Abdullahi Deni accused the Federal Government of Somalia of politicising aid to centralise aid distribution through the Somali Aid Architecture.
How the new federal member states will assess their developmental needs and incorporate gained capacity into account during the negotiations for a new national development plan for Somalia remains unclear compared to “Somaliland and Puntland [which, according to the national development plan] have developed some capacity over the past two decades.”
Consensus-building rather than cementing political advantages was the core principle of drafting the national development plan. “First and foremost, national development planning must be country-owned and based on a process of broader participation and consensus-building that delivers a comprehensive poverty context analysis sufficient to inform the future government and international partner interventions and so to ensure the desired development results and outcomes” reads the background information in the first chapter of of the 400-page 2020-2024 National Development Plan for the Federal Government of Somalia.
© Puntland Post, 2024
The post Somali Government Seeks Puntland Support for a New National Development Plan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay baafin ay ku wargelinayso shirkad ajnabi ah, oo ay soo eedeeysay xeer ilaalinta qaranka.
Shirkadan oo lagu magacaabo Automative Management Services (AMS) ayaa loo haysta “inay galeen dambi bixin la’aan canshuur ku waajibtay ganacsigooga, bixinta cadeymo been abuur ah iyo marin habaabin, iyo weliba ganacsi sharci darro ah oo aan ahayn kii ay shatiga u haysteen.”
Sidoo kale waxay shirkad ajnabiga ah kusoo eedeysay xeer ilaalinta ku xad-gudubka shuruucda dalka iyo denbi lacag dhaqis, sida lagu shaaciyay warqadda baafinta ee kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir.
“Maxkamaddu waxay baafinaysaa kuna wargalinaysaa Shirkadda Automative Management Services (AMS) oo ah shirkad ganacsi oo ajnabi ah, taasi oo dacwad ciqaab ah oo ay dhinac ka tahay ka furan tahay maxkamadda gobolka Banaadir, uuna kusoo eedeeyay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa lagu yiri “Maxkamaddu waxay ku wargelinaysaa shirkadda sare ku xusan in ay ku hortimaado maxkamadda muddo soddan (30) maalmood gudahood ah, oo ku eg Tr. 10/06/2024, si ay iskaga difaacdo eedda uu kugu soo eedeeyay xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.”
Masuuliyiinta shirkadan ajnabiga ah ee loo haysto ganacsiga sharci darada iyo inay ku xad-gubeen shuruucda dalka ayaa waxay maxkamadda fartay inay dhowraan waqtiga loo muddeeyay, haddii kale ay maxkamadda qaadi doonto dacwadda iyaga oo maqane ah.
The post Xogta kiis loo haysto shirkad ajnabi ah iyo maxkamadda G/Banaadir oo soo saartay… appeared first on Caasimada Online. -
isku-shaandhayn iyo magacaabis uu xukuumaddiisa ku sameeyay hoggaamiyaha maamulka Khaatumo ayaa waxaa ka soo dhex muuqday Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Cabdi Xasan maxamed ( Xijaar(.
Jenaraal Xijaar ayaa loo magacaabay wasiirka caddaaladda Maamulka SSC Khaatumo, asagoo noqanaya masuulkii labaad ee xilkaa loo magacaabay tan iyo markii la aas-aasay maamulka kumeel gaarka ah ee uu hoggaamiya Cabdulqaadir Aw Cali Firdhiye.
Janaraal Cabdi Xasan maxamed xijaar oo muddo 40 sano ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed, ayaa taliyaha booliska Soomaaliyeed intii u dhexaysay 2019-2023, waxaana lagu xasuustaa dhacdooyin badan oo taariikhda galay.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Boqolkii maalmood ee lasoo dhaafay waxa ugu weyn ee ay ka hadleen dadka Soomaaliyeed waa boobka baahsan ee ku socda dhulalka danta guud ee ku yaallay Muqdisho.
Nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn loogu haysta inuu sifo sharci darro ah ku bixinayo dhulalkii dowladda.
Meelaha ay qayladdii ugu dambeysay ka timid waxaa kamid ah;
1. Suuqa Argentina ee degmada Kaaraan
2. MCH-kii degmada Hodan iyo
3. Gudaha xerada XalaneKa horna, wuxuu buuqooda taagna dhulalkii;
1. Dab-demiska
2. Oodweyne
3. Bangala
4. Ara’a, oo ku dhow Asluubta
5. Qabuuraha Iskuul Buluusiya iyo
6. BangaariyoBoobka dhulalka dowladda ayaa si aan qiyaas laheyn usii burburineysa sumcada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan wuxuu Jimcihii ka hadlay Masaajidka Madaxtooyada waxaa la filaayay inuu soo hadal qaadi doono boobka dhulalka dowladda. Marar badan waxaa loogu baaqay madaxweynaha inuu hakiyo boobka socda, kadibna sharci loo sameeyo hab iibinta dhulalka ay dowladda ka maarantay, laakiin taas dhagaha ayuu ka fureystay madaxweynaha.
Shacabka Soomaaliyeed waxay filayeen in marka ugu horeysa ee uu hadlo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka hadli doono dhibaatada dhulalka ee ka taagan magaalada Muqdisho iyo cabashada ay qabaan shacabka reer Muqdisho.
Laakiin madaxweynaha hadal-hayntiisi Jimcihii wuxuu la aaday inuu ku duro dhanka mucaaradka, arrimaha dastuurka iyo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Khudbada madaxweynaha wax badan kama duwaneyn marka nuxurka iyo ereyadaba la eego khudbooyinkiisi hore ee uga hadlay mucaaradka, dastuurka iyo Itoobiya, waana sababta aanay wax saameyn ah u yeelan farriintiisi Jimcihii.
In uusan madaxweyne Xasan Sheekh marna soo hadal qaadin waxa ugu weyn ee lagu haysto dowladdiisa oo ah boobka dhulalka iyo baroorta danyarta Muqdisho degan ayaa dad badan ku riixday inay farriintan u qaatan inuu madaxweynaha raali ka yahay fool-xumada ka taagan dhulalka danta-guud.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo sanadkii dhamaaday ee 2023 dhowr jeer Masaajidka Madaxtooyada kaga hadlay arrimo la xiriira musuq-maasuq iyo sida ay dowladdiisa uga go’an tahay inay la dagaalanto ayaa Jimcihii marna soo hadal qaadin wax la xiriira musuq-maasuq nuucii uu doonaba ha noqdee.
Waa cutubkii labaad ee hab xukunka madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhulalka danta-guud.
The post Xasan Sheekh oo qaatay go’aan yaab leh, xilli DF ay dhex dabaalaneyso musuq appeared first on Caasimada Online. -
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka qeyb-galay xaflad lagu dhiirigelinayay ganacsato Soomaaliyeed oo ku guuleystay tartan mashruuc dhismo waddo ah oo ay ka heleen dalka Madagascar.
Munaasabad ballaaran oo ay soo qaban qaabisay shirkadda Gabeyre aid group oo ah shirkad Soomaaliyeed oo fadhigeedu yahay dalka Kenya, taasoo dhowaan ku guulaysatay qabdaraaska waddo laga dhisayo Madagascar ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi, waxaana ka qeyb-galay denjiraha Soomaaliya Jabriil Ibraahim Cabdulle, Wasiirka ganacsiga Kenya, iyo masuuliyiin kale.
Ujeedka munaasabadda ayaa ahaa in shirkaddaas lagu dhiirigeliyo guusha ay gaartay mashruuca ay fulin doonto oo ay tartan adag u soo gashay, ka dibna ku soo baxday.
Madaxa shirkadda marwo Caa’iddo Cabdulqaadir Gabeyre ayaa warbixisay mashruuca waddo dhisidda ah oo ay fulinayaan dalka Madagascar,ayadoo sheegtay inuu ka midyahay dhowr mashruuc oo ay ka hirgelinayaan dalalka Afrika, waxayna intaa ku dartay inay rajaynayaan inay kamid noqdaan shirkadaha dhismaha ee ugu waaweyn qaaradda Afrika.
Soomaalidu ayaa kaalin muuqata ku leh hormarka ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha qaaradda Afrika, iyo guud ahaan dunida, ayadoo ay saameyntoodu marba marka ka dambeysa sii kordhayso.
-
Mogadishu (HOL) - The Court of Appeal of the Banadir region concluded the second hearing of the case and the defense of Sayid Ali Moalim Daud on Sunday, who had previously been sentenced to death for burning his pregnant wife to death.
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Dhuusamareeb ku qaabiley wakiilka xoghayaha Qarammada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya marwo Catriona Lainga oo soo gaba-gabeyneysa shaqadii diblumaasiyadeed ee ay ku joogtay Soomaaliya.
Madaxweynaha Galmudug iyo wafiga la socday marwo Catriona Lainga ayaa kormeer ku tagay dhismaha xarunta Qarramada Midoobe ee Galmudug oo meel wanaagsan uu maraaya dhismaheedu.
Sidoo kale waxay ka wada hadleen amniga iyo la dagaallanka argagaxisada, arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan siyaasadda dalka sida ay baahisay madaxtooyada Galmudug.
PUNTLAND POST
The post Qoorqoor oo la kulmay wakiilka QM ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
-
Somalia, US discuss counter-terrorism cooperation
in News - Wararka
Posted
Somali Prime Minister (PM) Hamza Abdi Barre discussed with US Special Envoy for the Horn of Africa, Mike Hammer, strengthening relations between the two countries and bilateral cooperation on issues of combating terrorism and stabilizing the region.
Source: Hiiraan Online