-
Content Count
211,964 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Hay’adda wadooyinka Puntland ee magaceeda loo soo gaabiyo PHA ayaa hakad galisay isu-socodka gaadiidka xamuulka ah ee isticmaala laamiga isku xira gobolada dalka.
Hay’adda ayaa sheegtay in biyo xoogan ay marayaan inta u dhaxaysa Jinujiif ilaa buundada Midigar kuwaas oo laga cabsi qabo inay wax yeelo gaarsiyaan buundada Midigar.
Laga bilaabo 06-5-2024 ilaa 07-05 2024 ayaa hay’adu hakisay gaadiidka xamuulka ah, waxaana loo fasaxay kaliya gaadidka yaryar ee dadweynaha sida lagu sheegay war kasoo baxay hay’adda wadooyinka Puntland.
Hoos ka akhriso wargelinta kasoo baxday PHA.
PUNTLAND POST
The post Puntland oo hakisay isu-socodka gaadiidka xamuulka ah ee ku safra laamiga isku xira gobolada dalka appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE
Collaboration between Islamic Development Bank Institute (IsDBI) and Capital Markets Authority of Kuwait in Areas of Mutual Interest
The strategic plan of the Capital Markets Authority includes the initiative to develop the Islamic capital market in Kuwait, which aligns with the IsDBI’s mandateKUWAIT CITY, Kuwait, May 6, 2024/ — The Capital Markets Authority of Kuwait, represented by Prof. Ahmed Abdel Rahman Al Melhem, Chairman of the Board of Commissioners and Executive Director, agreed with the Islamic Development Bank Institute (IsDBI) (www.IsDBInstitute.org), represented by Dr. Sami Al-Suwailem, Acting Director General, to collaborate in areas of mutual interest particularly in the areas related to Islamic Finance.
The Capital Markets Authority is responsible for regulating capital market activities in the State of Kuwait and aims to create a vibrant Islamic capital market based on fairness, competitiveness, and transparency. It also works for developing the financial markets, diversifying and developing investment tools, striving to comply with international best practices, educating the public about securities activity and the benefits, risks, and obligations associated with investing in securities, and encouraging its development.
The Islamic Development Bank Institute (IsDBI), a member of the Islamic Development Bank Group, seeks to be a beacon of knowledge for the IsDB Group, and a pioneer in developing innovative, knowledge-based solutions to support the sustainable development of member countries and Muslim communities worldwide, guided by the principles of Islamic economics and finance.
The IsDB Institute and the CMA Kuwait wish to expand areas of cooperation, strengthen coordination, and exchange experience in relevant areas of mutual interest. Both parties realize that coordination and cooperation will increase the effectiveness of activities and efforts, aimed at developing Islamic financial institutions and supporting socio-economic development.
The strategic plan of the Capital Markets Authority includes the initiative to develop the Islamic capital market in Kuwait, which aligns with the IsDBI’s mandate to lead the development of innovative, knowledge-based Islamic finance solutions to support sustainable development for IsDB Member Countries and Muslim communities worldwide.
Accordingly, the two parties signed a memorandum of understanding to facilitate and coordinate technical cooperation between the two parties in areas of common interest. In particular, the collaboration involves conducting the necessary studies to analyze the current status of the Islamic financial industry, benchmarking with the best international practices, and formulating a road map for the development of a vibrant Islamic capital market in the State of Kuwait, as well as benefiting from the capacity building programs provided by the IsDBI.
Distributed by APO Group on behalf of Islamic Development Bank Institute (IsDBI).
SOURCE
Islamic Development Bank Institute (IsDBI) -
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil ayaa kulan Ballaadhan la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland.
Kulankan oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ay mid yihiin Arrimaha Doorashooyinka soo socda sidii looga wada shaqayn lahaa, wada shaqaynta Xukuumadda iyo Ururada Bulshada Rayidka ah, in laga wada shaqeeyo Arrimaha Nabadgalyada guud ee dalka iyo in meel la iska wada taago ilaalinta Qarannimada jamhuuriyadda Somaliland.Qodobadan kor ku xusan ayaab la iskula qaatay kulankan mudadii uu socdey iyadoo Ururaduna ay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin in laga wada shaqeeyo arrimaha Qarannimada iyo Dowladdimada.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa uga mahadnaqay Ururada Bulshada Rayidka ah kulankan ay wada yeesheen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo doorka muhiimka ah ee ay qaataan nabada iyo horuumarka Dalka.
Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa lasoo warinaya inay qorsheynayso in la yareeyo shirkadaha ka howl-gala garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Qorshahan ayaa si gaar ah wuxuu u saameeynaya duulimaadyada Nairobi-Muqdisho iyo Muqdisho-Nairobi.
Maalinkasta waxaa Muqdisho iyo Nairobi ka shaqeeya siddeed duulimaad ama diyaaradood oo ay mid kamid ah leedahay dowladda Kenya waana Kenya Airways, halka kuwa kale ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.
Wasaaradda ayaa sidoo kale qorsheynaya in la kordhiyo tikidhka qiimihiisa. Hadda 260 dollar ayuu qofkii Muqdisho ka baxa ku tega dalka Kenya oo uuna kusoo laabanaya xisaab intaas lamid ah.
Laakiin markaan wuxuu qorshuhu yahay in lacagta la gaarsiiyo illaa 360 dollar oo lagu daro 100 dollar oo dheeraad ah lagu daro, sida ay warinayaan xubno kamid ah saraakiisha garoonka.
Arrintan ayaa waxay saameyn weyn ku yeelan karta ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Muqdisho iyo Kenya, gaar ahaan kuwa diyaaradaha, sababta oo ah waxaa la doonayaa in la yareeyo shirkadaha duulimaad ee halkaasi ka shaqeeya iyo sidoo kale in la kordhiyo qiimaha.
Sidoo kale waxay arrintaan saameyn ballaaran ku yeelan doonta dadka Soomaalida ee iskaga safra Kenya iyo Soomaaliya. Nairobi ama guud ahaan dalka Kenya iyo Soomaaliya waxay yihiin hadda meelaha ugu badan ee duulimaadyada ama dadka iskaga safraan.
Haddii Kenya shirkadaha ka howl-galaya la yareeyo waxaa kordhi doona qiimaha lagu tagayo Kenya ama looga soo laabanayo, taasi oo sababi doonta sicir barar xoog leh iyo inay yaraadan socdaalka Soomaaliya iyo Kenya.
Weli majirto wax war ah oo aan ka helnay dhinaca wasaaradda gaadiidka iyo duulista Soomaaliya marka laga reebo xogaha hordhaca ah ee warinaya in dowladda ay qorsheynayso in la yareeyo tirada shirkadaha duulimaadyad ee halkaasi ka shaqeeya, taasi oo saameyn dhinacyo badan ka dhalan doonto.
Arrintaan ayaa imaneysa xilli ay kordheen khilaafyada u dhaxeeya wasaaradda gaadiidka iyo shirkadaha duulimaadyada ka shaqeeya, ayada oo toddobaadyo kahor ay aheyd markii shirkadaha diyaaradaha ka shaqeeya ee Soomaaliya ay diideen lacago dheeri ah oo ay kusoo rogtay wasaaradda, midaasi oo maalmo hakad gelisay duulimaadyadii shaqeynayay, ayada oo ugu dambeyntiina lagu fasaxay go’aan kasoo baxay ra’iisul wasaare Xamza.
The post Xog: Buuq iyo cabasho xooggan oo ka taagan garoonka Aadan Cadde appeared first on Caasimada Online. -
Guurtidda oo dood adag ka Yeeshay siyaasadda gudaha iyo dibadda Somaliland
Hargeysa(Qaran news)-Mudanayaasha Golaha Guurtidda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay siyaasadaha Arrimaha Gudaha iyo dibadd ee JSL.
Fadhigii maanta ee Golaha Guurtidda Guurtida Somaliland oo uu guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka kowaad Mudane Siciid jaamac Cali ayaa Mudanayaasha waxay doodooda kaga warameen siyaasadaha arrimaha gudaha iyo dibadda oo ah siyaasiyan isku xidhan.
Xildhibaanno ka tirsan Golaha Guurtidda ayaa soo jeediyay in kor loo qaado ammaanka xuduudaha dalka, waxayna ku baaqeen in wax laga qabto tirada dadka ajaanibka ah ee ku soo badanaya dalka.
Intii xildhibaannada Guurtiddu ku gudojireen doodooda waxa ay soo dhaweeyeen dedaalka xukuumadda ee la xidhiidha maamulka hawada, waxayna tilmaameen in xukuumaddu ay la wareegtay maamulka hawada JSL.
Geesta kalena, Mudanayaasha Golaha Guurtiddu waxa ay sheegeen in siyaasadda dibada hore loo dhaqaajiyay, waxayna ku doodeen in heshiiskii isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya uu wax ka beddelay siyaasadii Geeska Afrika. Waxa kaloo xubno ka tirsan Golaha Guurtidu ay dalalka caalamka ku booriyeen inay u xaq sooraan Somaliland iyo Soomaaliya.
Siduu ku soo waramay Weriye ka tirsan Wakaaladda Wararka ee SOLNA, Gebo-gabadii fadhigii golaha guurtidda waxa mudaneyaasha loo qaybiyay Mudanayaasha qaybiyey Xeerka Nidaamka Garsoorka Ciidamadda Qaranka Somaliland ,kaas oo ka kooban 52 qodob.
-
Air and aqua operations are ongoing to rescue dozens of families marooned in their homes in Kenya's western Nyando area amid relentless floods sweeping across the country.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Musalia Mudavadi, wasiirka difaac Kenya Aadan Barre Ducaale, wasiirka arrimaha dibedda XFS Axmed Macalin Fiqi, xubno ka tirsan dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya ee kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle.
Safarka ra’iisul wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, socdaalka, amniga gaar ahaan la-dagaalanka Khawaarijta, dalxiiska, caafimaadka, iyo waxbarashada, sida algi yiri qoraal uu soo saaray xafiiska ra’iisul wasaaraha.
Xamza ayaa inta uu joogo Kenya waxa uu la kulmi doonaa Madaxda Kenya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, isaga oo la wadaagaya fursadaha maal-gashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la-dagaallanka Khawaarijta iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Xamza oo casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sidoo kale wada-hadallo kula yeelan doono Nairobi.
Booqashadan ayaa kusoo aadeysa, xilli Kenya ay haatan qorsheyneyso inay heshiis cusub oo la xiriira qaadka la gasho dowladda federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado ganacsiga.
Horay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashooyin kala duwan ugu bixiyay Nairobi ayaa heshiisyo kala duwan lasoo saxiixday dhiggiisa dalka Kenya William Ruto.
The post Sawirro: Sidee R/W Xamza loogu soo dhaweeyay magaalada Nairobi? appeared first on Caasimada Online. -
Golaha wakiilada Somaliland ayaa goor dhow ansixiyay xubintii todobaad ee komishinka doorashooyinka taasoo ka dhigay in Somaliland ay bilaha soo socda ay u dareeri doonto doorashooyinka Madaxtinimada.
Siciid Maxamed Cismaan oo dhawaan ay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ay usoo u gudbiyeen madaxweynaha Somaliland, madaxweynuhuna uu u gudbyay baarlamaanka ka dib markii u saxiixay ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray gudiga .
Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in xubintaan ay ka dhigan tahay in maanta wixii ka dambeeya guddiga uu noqday mid la dhameystiray.
Xisbiga mucaaradka Somaliland ayaa horay ula daahay xubintaan sababo la xariira khilaaf ka taagnaa doorashooyinka Somaliland.
Dhamaystirka gudiga doorashooyika ayaa u muuqata mid loogu diyaar garoobayo doorashooyinka uu murankoodu soo jiitamay, haddase heshiis lagu yahay in ay dhacaan13-ka bisha Nufeember.
Somaliland ayaa ka mid ah meelaha sida weyn dad weynaha ay uga qeyb qaataan doorashooyinka marka la eego meelaha ay degan yihiin Soomaalida, iyadoona guud ahaan golayaasha deegaanka, Xildhibaanada iyo Madaxweynaha intaba ay soo doortaan shacabka.
-
Ruushka ayaa sheegay in uu sameyn doono dhoolatusyo ay ku jiraan adeegsiga hubka nukliyeerka ah, maalmo kadib markii hogaamiyayaasha sare ee Yurub ay sheegeen in taageero militari oo xoogan ay siinayaan Ukraine.
Kremlin-ka ayaa sheegay Isniintii dhoolatuska milatari ee uu amray madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu jawaab u ahaa hadaladii ka soo yeeray dalalka reer galbeedka iyo kuwa xubnaha ka ah NATO ee ku saabsan in ciidamo loo diro dalka Ukraine.
“Waxay ku dari doonaan ku-dhaqanka diyaarinta iyo geynta hubka nukliyeerka ee aan istaraatiijiga ahayn ee loogu talagalay in lagu kordhiyo diyaargarowga… si loo fuliyo hawlaha dagaalka” ka dib “hadalada kicinta iyo hanjabaadaha saraakiisha reer galbeedka qaarkood”, ayay tiri Wasaaradda Difaaca.
Ciidamada istaraatiijiga ah ee nukliyeerka ee Ruushka ayaa si joogta ah u qabta dhoolatuska laakiin bayaanku wuxuu calaamadeeyay ku dhawaaqistii ugu horeysay ee dadweynaha ee dhoolatusyada ku lug leh hubka nukliyeerka ah.
Talaabadan ayaa muujineysa xiisadda sii kordheysa tan iyo markii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu todobaadkii hore sheegay in dalkiisa uu ka fiirsan doono inuu ciidamo dhulka ah u diro Ukraine haddii Kyiv uu codsato gurmad.
Maalin ka dib, xoghayaha arrimaha dibadda UK David Cameron ayaa sheegay in Ukraine ay hubka Britain u adeegsan karto bartilmaameedyada gudaha Ruushka haddii ay rabto.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya oo wajaheysa cadadia diblumaasiyadeed oo la xiriira heshiis beenaadkii Addis Ababa ayaa dib uga joogsatay qeybo kamid ah heshiiskaasi.
Itoobiya ayaa diblomaasiyiinta reer Galbeedka la wadaagtay sida ay uga go’an tahay ixtiraamka midnimada dhuleed iyo midnimo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,sida ay xaqiijiyeen illo diblumaasiyadeed.
Middan ayaa ka dhigan in dowladda Itoobiya ay ku dhaqmeyso, ilaalineysana Axdiga Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah, oo ay horey u xoortay.
Sidoo kale waxay xukuumadda Itoobiya si cad ugu sheegtay diblomaasiyiintan “in aanay marnaba ballan-qaadin in ay aqoonsi diblomaasiyadeed siinayso maamulka Somaliland.”
Itoobiya ayaa sida muuqata dib uga guratay qodobka “aqoonsi” ee ay horey u sheegtay Somaliland inuu qeyb ka yahay heshiiska ay ku siinayso dhul badeedka, kaasi oo si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxay sheegtay in aysan qaadin tallaabooyin ay ku dhaqan-gelinayso is-afgaradka, kaasi oo xad-gudub ku ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Heshiinkan ayay horraantii sanadkaan qalinka ku duugeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.
Arrintan ayaa imaneysa xilli ay Somaliland sheegtay in laba bil gudahood lagu soo gaba-gabeynayo dhameystirka heshiiskan, halka xukuumadda Abiy ay sheegtay taasi bedelkeed kadib cadaadis diblumaasiyadeed oo ay wajaheyso.
Si kastaba, heshiiska is-afgaradka, oo ay Janaayo 1, 2024 kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa dhaliyay dood weyn oo heer gobol iyo mid caalami ah.
The post Xog: ITOOBIYA oo caddaysay in aysan aqoonsaneyn Somaliland – Maxaa isbedelay? appeared first on Caasimada Online. -
Mogadishu (HOL) - The Ethiopian government has acknowledged that it has not taken measures to enforce the Memorandum of Understanding (MoU) it signed with the breakaway region of Somaliland, following mounting pressure from the international community.
-
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saartay in Wabiga Shabeelle, dhanka Beledweyne uu cabirkiisa kor u kacay una dhowaaday heerka qatarta ah ee uu ku fataho wabiga, iyadoo ugu baaqday shacabka halkaas ku dhaqan inay ka fogaadaan goobaha biyo mareenada sida wabiyada iyo dooxyada.
Qoraalka ay wasaaradda soo saaratay ayaa u qornaa sidan:-
Goobahan ayaa helay roobabkii ugu badnaa sida ay sheegtay wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
𝐇𝐢𝐫𝐬𝐡𝐚𝐛𝐞𝐞𝐥𝐥𝐞 Beledweyne, Jalalaqsi, Jowhar (144mm)
𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 Galkacyo, Dhuusamareeb iyo Hobyo (128.7mm)
𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 Galdogob, Garoowe iyo Boosaaso: (128.7mm)
𝐉𝐮𝐛𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝 Gedo; Baardheere, Doolow, Garbahaarey: (110mm)
𝐒𝐚𝐚𝐝𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐒𝐢𝐭𝐢𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚𝐧 𝟎5 𝐌𝐚𝐲 – 𝟏𝟐𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟒
<Roobab u dhaxeeya 𝟓𝟎𝐦𝐦 𝐢𝐥𝐚𝐚 𝟏𝟐𝟎𝐦𝐦 ayaa la filayaa in ay ka da’aan magaalooyinka kala duwan ee Dalka, waxaa ka mid ah:
𝐉𝐮𝐛𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝 Jilib, Kismaayo, Afmadow, Bu’aale, Badhaadhe (100-120mm)
𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 Eyl, agagaarka Garoowe, iyo dhanka Boosaaso (50-100mm
𝐊𝐨𝐨𝐧𝐟𝐮𝐫 𝐆𝐚𝐥𝐛𝐞𝐞𝐝 (Baydhabo, Xuddur (50-100mm)
Sidoo kale, Heerkulka dalka oo dhan ayaa la filayaa inuu u dhexeeyo 𝟐𝟗-𝟑𝟕°𝐂
Wabiga Shabeelle, dhanka Beledweyne, cabirka wabiga ayaa kor u kacay una dhowaaday heerka qatarta ee uu ku fataho wabiga. Sidaas daraadeed, Waxaan ugu baaqeyna shacabka in ay ka dheeradaan goobaha biyo mareenada sida wabiyada iyo dooxyada..
Waaxda Saadaasha Hawada ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa warbixintan diyaarisay
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo sidiiran loogu soo dhoweeyay,
Wasiirka Arrimaha Dibedda kenya Musalia Mudavadi, Wasiirka Difaac Kenya Aadan Barre Ducaale ,Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi , xubno ka tirsan Dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya ee kenya ayaa qeyb ka ahaa.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, Socdaalka ,amniga gaar ahaan la dagaalanka khawaarijta, dalxiiska, caafimaadka, iyo waxbarashada
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa inta uu joogo Kenya waxa uu la kulmi doonaa Madaxda Kenya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, isaga oo la wadaagaya fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la dagaallanka khawaarijta iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
-
Dadweynaha dalka Chad ayaa u dareeray goobaha cod bixinta si ay u doortaan madaxweyne cusub taasoo noqon karta doorashadii ugu xiisaha badnayd ee dalkaasi ka dhacda muddo soddon sano ah, Chad ayaa hadda ka guureysa nidaamkii hore.
Codbixintan ayaa astaan u noqon doonta soo afjarida u guuritaanka hannaanka dimuqraadiyadda ee ay ku dhaqaaqday xukuumadda milatariga ah ee talada haysa, taas oo ah mid hadda ku sii xoogaysanaysa Galbeedka iyo Bartamaha Afrika.
khubarada qaar ayaa sheegaya in codbixintu ay tahay kaliya in si rasmi ah loo sii hayo awoodda milatariga, balse aysan ahayn mid xor ah maadaama uu dalkaasi xukun ciidan ku jiray in ku dhowaad 50.
Dalka Chad ayaa waxaa ka socday qalalaase iyo ismari waa siyaasadeed tan iyo sanadkii 2021-kii, xilligaas oo madaxweynaha ku meel gaarka ah noqday Mahamat Idriss Deby ka dib markii uu dhaawac soo gaaray u geeriyooday aabbihiis Idriss Deby oo in ka badan 30 sano xukunka hayay.
-
-
Daad ku soo rogmaday wadada u dhaxaysa Garoowe iyo Sinujiif ee gobolka Nugaal ayaa jaray qaar kamid ah buundooyinka laamiga, kuwaas oo sababay inuu istaago isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha isticmaala laamiga isku xira gobolada dalka.
Buundada Qalqalooc oo u dhaxaysa Sinujiif iyo buundada Midigar ayey jareen biyaha soo rogmaday, waxaana ku xaniban gaadiid badan oo ku safrayey laamiga weyn ee isku xira goboladda Soomaaliya.
Laamiga weyn ee isku xira gobolada dalka ayaa waxaa uu muhiim u yahay isu socodka safarada mana aha markii ugu horreysay oo roobabku ay buundooyinka jaraan.
PUNTLAND POST
The post Daadad jaray buundada Qalqalooc ee u dhaxaysa Garoowe iyo Sinujiif iyo gaadiid ku xaniban appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen, Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Musalia Mudavadi, Wasiirka Difaac Aadan Barre Ducaale ,Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Axmed Macalin Fiqi, xubno ka tirsan Dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, safarka Xamsa ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, socdaalka ,amniga gaar ahaan la dagaalanka agagixisadda, dalxiiska, caafimaadka iyo waxbarashada.
Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamsa inta uu joogo Kenya uu la kulmi doono madaxda Kenya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, isaga oo la wadaagaya fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la dagaallanka agagixisadda iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
PUNTLAND POST
The post Ra’iisul Wasaare Xamsa oo lagu soo dhaweeyay Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Shaki xoogan iyo walaac ayaa ka dhashay safar uu maanta magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ku gaaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, kaas oo noqday safarkii ugu horreeyay, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya bishii June ee sanadkii 2022-kii.
Xamza ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo uu wadahadallo kula yeelan doono magaalada caasimadda ah ee Nairobi.
Ujeedka booqashadan ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.
“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminaaya wafdi ballaaran, ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas oo uu ku tagaayo booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada Dal” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Haddaba qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaalay baraha bulshada ayaa walaac xoogan ka muujiyay booqashadan, waxayna sheegeen inay la xiriirro saxiixa heshiis qaad oo lala galayo Kenya.
Shacabka ayaa si wayn arrintan shaki uga muujiyay, waxayna sheegeen in qaadka Kenya uu faa’iido u lahayn Soomaaliya, halka ay dhiggeeda Kenya ka sameyso lacag aad u badan.
Ismaaciil Maxamed ayaa waxa uu yiri “Heshiis Qaad keenis miyuu saxiixaa? Ileen meshaas faa’iido kale kuma qabnee.”
Farxaan Kulmiye ayaa isna waxa uu yiri “Xiriirkee? Soo tii Xasan hadda ka yimid?, mise Axmed Madoobe iyo adiga ayaa la idiin kala gar qaadaa?.”
Baashi Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Qaad iyo Sun lee noo soo saxiixeesaa maxaad dan ah oo ummadda Soomaaliyeed usoo kordhineysid ma jirto?.”
“Shaqada u horayso ee laguu diro dalka dibaddiisa ma saxiixa qaadku noqday?,” ayuu yiri Cabdi Maxamuud oo kamid ah shacabka shakiga xoogan ka muujiyay socdaalka ra’iisul wasaare Xamza ee dalka Kenya.
Farxaan Cumar Shariif: “War hoy waxa uu ra’iisul wasaaruhu uu aaday shacabka u sheega xariir labo dal ka dhaxeeya uma uusan aadine maxaad horta beenta noogu sheegtaan?.”
Sakariye Maxamed ayaa isna waxa uu yiri “Safar Salaama Raysal-Wasaare waxaan kaa codsanayaa in aadan Qaadka ka dhigin ganacsi Kenya iyo Soomaaliya ka dhexeeya.”
The post Shaki xoogan oo laga muujiyay safarka ra’iisul wasaare Xamza ee Kenya appeared first on Caasimada Online. -
Nairobi (Caasimada Online) – Shaki xoogan iyo walaac ayaa ka dhashay safar uu maanta magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ku gaaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, kaas oo noqday safarkii ugu horreeyay, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya bishii June ee sanadkii 2022-kii.
Xamza ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo uu wadahadallo kula yeelan doono magaalada caasimadda ah ee Nairobi.
Ujeedka booqashadan ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.
“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminaaya wafdi ballaaran, ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas oo uu ku tagaayo booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada Dal” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Haddaba qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaalay baraha bulshada ayaa walaac xoogan ka muujiyay booqashadan, waxayna sheegeen inay la xiriirro saxiixa heshiis qaad oo lala galayo Kenya.
Shacabka ayaa si wayn arrintan shaki uga muujiyay, waxayna sheegeen in qaadka Kenya uu faa’iido u lahayn Soomaaliya, halka ay dhiggeeda Kenya ka sameyso lacag aad u badan.
Ismaaciil Maxamed ayaa waxa uu yiri “Heshiis Qaad keenis miyuu saxiixaa? Ileen meshaas faa’iido kale kuma qabnee.”
Farxaan Kulmiye ayaa isna waxa uu yiri “Xiriirkee? Soo tii Xasan hadda ka yimid?, mise Axmed Madoobe iyo adiga ayaa la idiin kala gar qaadaa?.”
Baashi Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Qaad iyo Sun lee noo soo saxiixeesaa maxaad dan ah oo ummadda Soomaaliyeed usoo kordhineysid ma jirto?.”
“Shaqada u horayso ee laguu diro dalka dibaddiisa ma saxiixa qaadku noqday?,” ayuu yiri Cabdi Maxamuud oo kamid ah shacabka shakiga xoogan ka muujiyay socdaalka ra’iisul wasaare Xamza ee dalka Kenya.
Farxaan Cumar Shariif: “War hoy waxa uu ra’iisul wasaaruhu uu aaday shacabka u sheega xariir labo dal ka dhaxeeya uma uusan aadine maxaad horta beenta noogu sheegtaan?.”
Sakariye Maxamed ayaa isna waxa uu yiri “Safar Salaama Raysal-Wasaare waxaan kaa codsanayaa in aadan Qaadka ka dhigin ganacsi Kenya iyo Soomaaliya ka dhexeeya.”
The post Shaki xoogan oo laga muujiyay safarka ra’iisul wasaare Xamza ee Kenya appeared first on Caasimada Online. -
Dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda Geeska Afrika ayaa u muuqata mid midho dhal ah, sida ay sheegayaan ilo diblumaasiyadeed.
Dowladda Itoobiya ayaa u sheegtay dublamaasiyiinta reer galbeedka sida ay uga go’an tahay ixtiraamka midnimada dhuleed iyo midnimo siyaasadeed ee Soomaaliya iyada oo la raacayo Axdiga Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah.
Itoobiya waxay si cad ugu sheegtay dublamaasiyiinta in aanay marnaba ballan-qaadin in ay aqoonsi diblomaasiyadeed siinayso dalka Somaliland.
Sidoo kale, Ethiopia waxay sheegtay in ayna qaadin tallaabooyin ay ku dhaqan gelinayso is-afgaradkii badda, ee Somaliland iyo Itoobiya.
Toddobaadkii hore, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ee xilka ka degaya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie.
Atske-Selassie ayaa mar kale caddeeyey mawqifka Itoobiya ee ku aaddan midnimada siyaasadeed iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Wuxuu tusaale u soo qaatay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.
Warkaan ayaa kusoo beegmay, xilli Somaliland ay sheegtay in muddo laba bilood gudahood ah lagusoo gabagabaynayo dhameystirka heshiiska dhinaca badda oo ay la galeen Ethoipia.
-
Komishineer Siciid Maxamed Xaaji Cismaan oo ah xubintii xisbiga WADDANI u soo xushay matalaaada guddida doorashooyinka ayaa saaka cod aqlabiyada golaha wakiiladda ku ansixiyeen.
55 xildhibaan ayaa siiyay codka kalsoonida ee golaha, mana jirto xildhibaan diiday.
-
Hogaamiyaha Isbaheysiga Kenya ee Raila Odinga ayaa dib u dhac weyn kala kulmay ololihii uu u galayay inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), xilli ay tartan adag kula jirto wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomalaiya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan, doorashada soo aadan ee dhowaan dahceysa.
Wararkii ugu dambeeyay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), uu taageero u muujiyay in Soomaaliya ay Fawziya u sharaxdo xilka Guddoomiyaha AUC ee 2025-2028, iyagoo u ballanqaday in ay siidoonaan taageero mug leh Fowzia.
“Soomaaliya waxay ka mahadcelineysaa, ugana mahadcelineysaa taageerada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo ay ku sugan yihiin ku dhawaad 30 xubnood oo ka socda Afrika, sida ay u xusul-duubteen una ansixiyeen magacaabista Soomaaliya ee Fawziya Yusuf Adan “ ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Fiqi.
Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan haddii ay hesho taageerada 30-ka waddan ee ku jira Midowga Afrika, waxay ka horraysaa musharrixiinta kale tiro codad ah , marka loo eego in Midowga Afrika uu ka kooban yahay 55 waddan, taas oo Soomaaliya guul weyn ay kasoo hooyn karto doorashada kursigu guddoomiyaha.
Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa isna isla xilkaas u hanqal taagaya, maadaama uu u gaar yahay dalalka Bariga Afrika, laakiin waxaa siweyn loo hadal hayaa Fowziya iyo Raila Odinga oo ah labada musharax ee ugu miisaanka culus tartanka kursiga guddoomiyaha guddiga.
Sababta madaxda Kenya Kwanza aysan ugu faraxsanayn Raila Dhanka kale, dhaleeceynta lama filaanka ah ee Raila ee maamulka madaxweyne William Ruto ayaa soo jiidatay jawaabaha madaxda iyo kuwa kale ee taageerayaasha Isbaheysiga Kwanza dalka Kenya, kuwaas oo rajo aan wanaagsaneyn ka qaba Railahooda.
Qaar ka mid ah ayaa madaxweynaha ka codsaday inuu dib u eego taageeridda ra’iisul wasaarihii hore ee xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, taas oo gogolxaar u noqon karta in Kenya ay soo bedelaan oo ay la yimaadaan siyaasi rug cadaa ah, maadaama feylasha Odinga ay yihiin kuwa baal mugdi ah ku jira.
Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa u ayiday hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ODM ee Raila Odinga in uu noqdo gudoomiyaha gudiga midowga Afrika, Qareen Miguna Miguna ayaa walaac ka muujiyay u qalmida Raila ee jagada Guddiga Midowga Afrika, taas oo keentay walaac gudaha Kenya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib qaylo dhaantii ka dhalatay arrinta dhulka qabuuraha ee Iskuul Buluusiya ayaa waxaa soo kordhaya baaqyada iyo dalabaadka loo dirayo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka, si wax looga qabto arrintaas iyo guud ahaan ‘adhul boobka ka socda’ magaalada Muqdisho.
Senataro Maryan Faarax Kaahiye oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay horay uga digeen dhul boobkan oo ay sheegtay inuu kusoo aaday kadib ansixintii wax ka beddelka dastuurka KMG ah.
Maryan oo ka hadashay arrinta qabuuraha Iskuul Buluusiya ayaa sheegtay in xaaladdan oo kale ay horay uga taagnayd qabuuraha Macallin Nuur, sidaas daraadeedna ay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ka dalbaneyso in laga xishood qabuuraha.
“Maanta waxay taagan tahay in Qabuurihii laga xishoon waayo oo xitaa Alle looga baqiwaayey” ayay tiri Senator Maryan Faarah Kaahiye oo qoraal dheer soo saartay.
Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-
SHALAY WAXAY AHAYD QABUURIHII REER MACALIN NUUR IYO DAB-DAMISKA
Sidaan horey uga digay, boobka dhulalka Danta Guud ayaa imaan doona kaddib ansixintii Dastuurka oo ahaa mid baalmarsan dhammaan Xeer-hoosaadyada iyo acraafta kale ee labada Gole ee JFS.
Xildhibaanno kale iyo aniguba waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddaynay in ballanqaadyo lagu baddashay Ansixinta Dastuurka-taas oo shacabkeena sharafta leh iyo inta yar ee waddaniyaddu ku dambayso ee Labada Aqal ku jirta ay ogyihiin.
Maanta waxay taagan tahay in Qabuurihii laga xishoon waayo oo xitaa Alle looga baqiwaayey.
Waxaa nasiib darro ah in Hoggaanka sare ee dalku uu sidaa maanta raali ka noqdo;inuu raali ka noqdo soo bixinta lafaha Dad badan oo Qaranka u soo shaqeeyey oo ku aasan Iskool Bolisiya.
Waxaan xusuustaa oo sidoo kale la ii xaqiijey in halkaas lagu aasay Xildhibaanno Qaran, Saraakiil Ciidan, Diblomaasiyiin iyo dad kale oo bulshadeena magac iyo maamuus ku lahaa!
Sidaa si lamida, waxaan Xildhibaanada Labada Gole ee damiirka-dowladnimo ku dambeeyo u soo jeedinayaa in ay u istaagan daryeelka iyo difaaca shacabkeena dhibban.
DIFAACA SHARAFTA QABUURAHA & DIFAACA SHACABKEENA QAALIGA AH WAA WAAJIB MUQADAS AH.
The post Xasan iyo Xamza oo laga dalbaday inay ka xishoodan arrin yaab leh oo soo baxday appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib qaylo dhaantii ka dhalatay arrinta dhulka qabuuraha ee Iskuul Buluusiya ayaa waxaa soo kordhaya baaqyada iyo dalabaadka loo dirayo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka, si wax looga qabto arrintaas iyo guud ahaan ‘adhul boobka ka socda’ magaalada Muqdisho.
Senataro Maryan Faarax Kaahiye oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay horay uga digeen dhul boobkan oo ay sheegtay inuu kusoo aaday kadib ansixintii wax ka beddelka dastuurka KMG ah.
Maryan oo ka hadashay arrinta qabuuraha Iskuul Buluusiya ayaa sheegtay in xaaladdan oo kale ay horay uga taagnayd qabuuraha Macallin Nuur, sidaas daraadeedna ay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ka dalbaneyso in laga xishood qabuuraha.
“Maanta waxay taagan tahay in Qabuurihii laga xishoon waayo oo xitaa Alle looga baqiwaayey” ayay tiri Senator Maryan Faarah Kaahiye oo qoraal dheer soo saartay.
Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-
SHALAY WAXAY AHAYD QABUURIHII REER MACALIN NUUR IYO DAB-DAMISKA
Sidaan horey uga digay, boobka dhulalka Danta Guud ayaa imaan doona kaddib ansixintii Dastuurka oo ahaa mid baalmarsan dhammaan Xeer-hoosaadyada iyo acraafta kale ee labada Gole ee JFS.
Xildhibaanno kale iyo aniguba waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddaynay in ballanqaadyo lagu baddashay Ansixinta Dastuurka-taas oo shacabkeena sharafta leh iyo inta yar ee waddaniyaddu ku dambayso ee Labada Aqal ku jirta ay ogyihiin.
Maanta waxay taagan tahay in Qabuurihii laga xishoon waayo oo xitaa Alle looga baqiwaayey.
Waxaa nasiib darro ah in Hoggaanka sare ee dalku uu sidaa maanta raali ka noqdo;inuu raali ka noqdo soo bixinta lafaha Dad badan oo Qaranka u soo shaqeeyey oo ku aasan Iskool Bolisiya.
Waxaan xusuustaa oo sidoo kale la ii xaqiijey in halkaas lagu aasay Xildhibaanno Qaran, Saraakiil Ciidan, Diblomaasiyiin iyo dad kale oo bulshadeena magac iyo maamuus ku lahaa!
Sidaa si lamida, waxaan Xildhibaanada Labada Gole ee damiirka-dowladnimo ku dambeeyo u soo jeedinayaa in ay u istaagan daryeelka iyo difaaca shacabkeena dhibban.
DIFAACA SHARAFTA QABUURAHA & DIFAACA SHACABKEENA QAALIGA AH WAA WAAJIB MUQADAS AH.
The post Xasan iyo Xamza oo laga dalbaday inay ka xishoodan arrin yaab leh oo soo baxday appeared first on Caasimada Online.
Safiirka UK oo la kulmay Wasiir Xoosh kadib kulankii Saciid Deni – Maxaa socda?
in News - Wararka
Posted
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta la kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mike Nithavrianakis.
Kulankan oo ka dhacay gudaha safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ugu muhiimsan yihiin; dib u xoreynta, xasillinta iyo soo kabashada hore, dib-u-heshiisiinta iyo qorshayaasha doorasho ee dowladda Soomaaliya.
Safaaradda Britain ayaa xaqiijisay inay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso, islamarkaana ay taageerto ajendayaasha iyo waxyaabaha mudnaanta u leh dowladda federaalka Soomaaliya, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.
Kulanka Amb. Mike Nithavrianakis iyo Wasiir Xoosh ayaa imanaya maalmo un kadib markii uu Safiirka uu booqasho ku tegay magaalada Garoowe, uuna la kulmay madaxweyne Saciid Deni oo xilligaan ay si weyn isku hayaan madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Kulankaasi oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa waxa uu safiirka kala hadlay Saciid Deni khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka, si gaar ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo hadda maraya meel xasaasi ah.
Safiirka ayaa markaasi Saciid Deni ku booriyay muhiimada ay leedahay in la wada-hadlo, xilli ay wakiilada caalamiga ah ay ku cadaadinayaan labada dhinac inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro xiisadda taagan.
Kulanka maanta ka dhacay xerada Xalane oo ay ku taallo safaaradda Britain ee Soomaaliya ayaa waxaa la fahamsan yahay inuu daba socdo kulankii Garoowe, waxaana xilligaan wakiilada caalamka ay dhinacyada cadaadis ku saaranayaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka, oo dhawaan meeshii u sareysay gaaray.

The post Safiirka UK oo la kulmay Wasiir Xoosh kadib kulankii Saciid Deni – Maxaa socda? appeared first on Caasimada Online.