-
Content Count
211,753 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga Ibraahim Kalin oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Kulankan ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), waxayna labada taliye iyo madaxweynaha yeesheen wada-hadallo gaar ah.
Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Soomaaliya ee dhinacyada muhiimka ah ee labada dal, oo ay ku jiraan amniga, sirdoonka, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga Al-Shabaab iyo horumarinta xasilloonida gobolka.
Ibrahim Kalin ayaa lagu wadaa inuu sii wado kulama uu la yeelanayo madaxda sare ee dalka iyo dhiggiisa Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Arrimaha kale ee la filayo in laga wada-hadlo ayaa waxaa kamid ah fulinta heshiiska difaaca ee ay dhowaan wada gaareen Ankara iyo Muqdisho, si loo sii dhaqaajiyo
Sidoo kale waxaa hay’adaha sirdoon ee labada dal ay iska xog wareysan doonaan xaaladaha gobolka iyo dhaqaaqa Turkiga uu ka wado Soomaaliya iyo Geeska Afrika.
Safarka Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ee dalka Turkiga ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah isla markaana la filayo in haatan Turkiga uu Maraakiib dagaal usoo diro xeebaha dalkeenna, taas oo qayb ka ah fulinta heshiiska difaaca ee ay wada galeen labada waddan.
Turkiga ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa dhaninacyada bani’aadanimada iyo milatariga, isaga oo tababaro siiyo ciidamada Xoogga dalka.
The post Madaxweyne Xasan iyo Sanbaloolshe oo Muqdisho ku qaabilay madaxa sirdoonka Turkiga appeared first on Caasimada Online. -
Itoobiya iyo Somaliland ayaa la filayaa inay dhamaystiraan heshiiska bilaha soo socda ka dib MoU
Masuuliyiinta Somaliland iyo dawladda Itoobiya ayaa ku dhow inay dhamaystiraan heshiis keeni kara in Itoobiya ay saldhig ciidan ka samaysato xeebaha Somaliland, isla markaana ay suurtogal tahay inay aqoonsato madax-bannaanida Somaliland, sida uu sheegay Dr. Ciisa Kayd, wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah. Somaliland.
Wadahadalladan ayaa daba socda heshiis is afgarad ah oo afar bilood ka hor ay wada saxiixdeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Wasiir Kayd ayaa u sheegay Deutsche Welle in wada xaajoodyadu ay socdaan, waxaana la magacaabay guddiyo farsamo tan iyo markii la saxiixay heshiiska. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu daboolka ka qaaday in hawshaasi ay gaabisay bisha Ramadaan. Wuxuu kalsooni ka muujiyay in wada hadallada lagu soo gabagabeyn doono labada bilood ee soo socda.
Marka laga soo tago heshiiska saldhiga ciidamada badda, waxaa sidoo kale la sheegay in laga wadahadli doono suurtagalnimada in Itoobiya ay aqoonsato madax-banaanida Somaliland. Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in aqoonsigaasi uu Somaliland u keeni karo cod caalami ah iyo fursado u furan maalgashi, ganacsi, socdaal iyo horumar. Waxa kale oo ay Somaliland u suurtogelin kartaa in ay wax ka amaahato hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.
Haddii heshiis la gaadho, Itoobiya waxay kiraynaysaa qayb ka mid ah xeebaha Somaliland oo dhererkeedu yahay 850 KM si ay saldhig ciidan uga samaysato. Wasiir Kayd waxa uu xaqiijiyey in saddex meelood oo suurtogal ah la aqoonsaday balse waxa uu ka gaabsaday inuu shaaciyo ilaa inta laga soo gebagebaynayo wada-hadallo kale oo uu la yeelanayo dhiggiisa Itoobiya.
Heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa mucaaradad kala kulmay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku eedeysay Itoobiya inay isku dayeyso inay wiiqdo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Kooxda Todobada ah ee G7 ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay waxayna dhiiri galiyeen wadahadal dhexmara Soomaaliya iyo Itoobiya si loo xaliyo xiisadaha taagan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaluya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta Daahfuray Geeddi socodka Hirgelinta Hannaanka Dhab-u-Heshiin Qaran, oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo la xiriira doorashada soo socota ee dalka.
Xamza ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, oo dadweynuhu ay ku soo doortaan hoggaankooda.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan aqbali doonin in markale dib loogu laabto Teendhada Afisyoone oo lagu qabtay doorashooyinkii horay uga dhacay dalka.
“Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray” ayuu khudbada ku yiri ra’iisul wasaaruhu.
Waxaa kale oo uu tilmaamay in xukuumadiisa ay mudnaanta siinayso hirgelinta dhab-u-heshiisiin loo dhan yahay, taas oo horseedda in shacabka Soomaaliyeed ay ka dawoobaan haarihii iyo dhibaatooyinkii soo kala gaaray wakhtiyadii adkaa ee dalku soo maray.
Ra’iisul wasaaraha ayaa intaasi kusii daray in bulshada Soomaaliyeed ay dhaqan soo jireen ah u leedahay nabadeynta iyo xakamaynta colaadaha sokeeye, iyada oo ay hormuud u yihiin culimada, nabaddoonnada dhaqanka iyo haldoorka bulshada.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xiisad siyaasadeed oo wayn ay ka taagan tahay dalka, taas oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka dalka oo ay ka horyimaadeen xubnaha mucaaradka iyo sidoo kale dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
The post Xamza oo go’aan culus kasoo saaray doorashada soo socota + Sawirro appeared first on Caasimada Online. -
RIYADH: Mahamoud Ali Youssouf, the minister of foreign affairs and international cooperation of the Republic of Djibouti, intends to stand for election to the African Union Commission.
The commission is based in Addis Ababa, Ethiopia. Its main functions are to represent the AU and defend its interests under the authority and mandate of the assembly and executive council.
The minister said that the main objectives of the commission are to promote integration, economic and social development, peace, security and human rights on the continent. It also aims to strengthen continental and international cooperation.
Tradition dictates that the president of the commission should be elected for a renewable four-year term, and should obviously be African, especially as the next session will be chaired by the East African Community, which includes Djibouti among its members.
The diplomat believes that winning these elections will contribute greatly to strengthening integration between the countries of the continent, as well as to reinforcing African relations with various other geographical groups, given the international and regional acceptance and respect enjoyed by Djibouti thanks to its balanced foreign policy.
Youssouf said he had been encouraged to stand as a candidate in the forthcoming elections by the respect and diplomatic appreciation that Djibouti possesses, highlighting also his long personal experience in the diplomatic field as an ambassador and then as minister of foreign affairs and international cooperation since 2005, and his in-depth knowledge of the work of the AU.
He said that a good knowledge of continental affairs is essential to occupy such an important position, adding that such an organization needs experienced leaders and diplomats to effectively promote continental and international cooperation given the continent’s current circumstances.
“The only thing we know for sure today is that the next president will come from an East African country. It will then be up to the member states to decide on the day of the vote,” he said.
Youssouf said that if elected, he will focus, in the interests of the African people, on three important areas: strengthening cooperation and economic integration between the countries of the continent; developing continental and international cooperation; and cooperation with international and regional organizations such as the UN, the Organization of Islamic Cooperation and the Arab League.
In early January, the Somaliland region signed an agreement with Ethiopia granting it a maritime opening to the Gulf of Aden. This treaty led to a political crisis between Ethiopia and neighboring Somalia, which promptly cancelled the memorandum, calling it illegal.
Youssouf said Djibouti currently chairs the Intergovernmental Authority on Development, and that Somalia and Ethiopia are members, along with other countries in the region, which gives it an additional responsibility in mediating between the two. He said that settlement efforts are continuing with Djibouti and Kenya mediating, with hopes that the two parties will reach an agreement soon.
He added that Djibouti, through its current presidency of IGAD, is very interested in seeing diplomatic relations between Somalia and Ethiopia return to what they were before the signing of the MoU.
Youssouf maintains that other crises in the world have distracted attention from Africa’s bloodiest conflict in Sudan, calling it the most forgotten crisis, especially when it comes to refugees and population displacement. He said that over 6.5 million Sudanese have been forced to leave their homes, with over a third of them displaced outside the country, and that the proliferation of ethnically-based militias in the current conflict is equally alarming.
As Sudan is a founding member of IGAD, he said Djibouti is making intense and continuous efforts in coordination with the other member states and the international community, notably the US and Saudi Arabia, to find a solution to the ongoing conflict in this brotherly country.
He also revealed that his country had already received representatives of the parties responsible for the crisis in Sudan to listen to their points of view and their vision for a solution. It should be noted that all have affirmed their desire to put an end to the war, and hope that these efforts will lead to a permanent and unconditional ceasefire, Youssouf said.
Recently, attacks on ships in the Red Sea have intensified, targeting vessels and disrupting this most important maritime passage. Youssouf said Djibouti is following these developments with great concern, specifying that the Bab Al-Mandeb Strait, overlooked by Djibouti, is considered an international passage of extreme importance from a political and economic point of view.
He confirmed that any breach of security in this area has global repercussions, given its role as a vital artery for international trade, and called for solutions to be found to the various crises in the region, so that everyone can enjoy peace and security.
With regard to the war on Gaza, Youssouf urged the international community to assume its responsibilities and put an end to the Israeli campaign which has cost the lives of over 34,000 people, as well as the resulting displacement and famine threatening the lives of millions of children.
Arab news
-
Agaasimaha Hay’adda sirdoonka Turkiga ee MİT, Ibrahim Kalin ayaa lagu warramaya inuu soo gaaray caasimadda Muqdisho , halkaa oo la sheegay inuu kula kulmi doono Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo hoggaanka sare ee dalka oo ay wada-hadallo ka yeelanayaan iskaashiga dhinaca sirdoonka iyo amniga.
Inkastoo uu safarka Agaasime ibraahim kalin yahay mid qarsoodi ah oo aan xog faahfaahsan laga hayn, haddana ilo xog-ogaal ah oo sirdoonka Soomaaliya ku dhow ayaa xaqiijiyay inuu saacadihii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho.
Socdaalkan uu Soomaaliya ku yimid kamida madaxda sirdoonada ugu awoodda badan bariga dhexe ayaa ka turjumaya sida uu Turkigu u danaynayo dalkan hodanka ku ah kheyraadka, kuna yaalla goobta istiraatijiga ah, balse ay dadkiisu colaadaha iyo saboolnimadu daashadeen ee ku yaalla bariga Afrika.
-
Kabul (Caasimada Online) – Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay weerar uu nin hubeysan ku qaaday Masjid ku yaalla galbeedka Afghanistan, waxaa sidaas Talaadada maanta ah sheegay afhayeen u hadlay dowladda.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Abdul Mateen Qani ayaa sheegay in habeenkii Isniinta, abaare 9:00 pm “uu qof aan haybtiisa la garan toogtay shacab ku cibaadeysanayey masjid” ku yaalla degmada Guzara ee gobolka Herat.
“Lix shacab ah ayaa shahiiday, qof kalena waa uu dhaawacmay,” ayuu subaxii Talaadada kusoo qoray barta X.
Wakaaladda wararka dowladda ee Bakhtar ayaa sidoo kale xaqiijisay tirada dhimashada weerarka oo ka dhacay degmadan oo dhinaca koonfur ka xigta magaalada caasimad goboleedka ah ee Herat.
Inkasta oo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, haddana dadka amniga taxliilaya ayaa sheegaya in kooxda Daacish, cutubkeeda gobolka ay tahay halista ugu weyn ee amniga Afghanistan.
Afghanistan ayaa waxaa tan iyo August 2021 xukumayey kooxda Taalibaan, oo xukunka dib ugu soo laabatay xilligaas kadib bixitaankii ciidamada Mareykanka.
Wixii markaas ka dambeeyey kooxda Daacish ayaa weerar dhowr ah oo dhimasho leh ka fulisay dalka.
VOA + AFP
The post Nin hubeysan oo dad badan ku laayay Masjid, kadib markii.. appeared first on Caasimada Online. -
Agaasimaha Hay’adda sirdoonka Turkiga ee MİT, Ibrahim Kalin ayaa lagu warramaya inuu maanta gaaray caasimadda soomaaliya ee Muqdisho.
Kalin ayaa kula kulmi doono Agaasimaha hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo hoggaanka sare ee dalka oo ay wada-hadallo ka yeelanayaan iskaashiga dhinaca sirdoonka iyo amniga.
Turkiga ayaa hadda ah dalka iskaashiga ugu sarreeya ee dhinaca ammaanka ah ay Soomaaliya la leedahay , marka laga soo tago inuu Turkiga tababaro ciidamada kala duwan , wuxuu sidoo kale door weyn ku leeyahay la-dagaallanka AS, oo ay si joogta ah uga qaybqaataan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga.
PUNTLAND POST.
The post Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Turkeye oo gaaray magaalada Muqdisho. appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maantay magaalada Garoowe laga daah-furey Daraasad wax looga qabanayo maareynta biyo saarista magaalada Garoowe
Daraasadaan oo horudhac ah ayaa ka hadlaysa sidii biyaha loo maarayn lahaa islamarkaana magaalada biyo mareeno loogu samayn lahaa si biyo aysan u fariisan xiliyadda roobka.
Daraasadda ayaa laga samayn doonaa 16 aag oo kamid ah 30 KM oo magaalada inta dhisan iyo dhinacyadeeda ah kuwaas oo ah aagagga ay daadku dhici karaan islamarkaana magaalada biyo mareeno loogu samayn karo,waxaana .
Daarasadda oo soconaysa 15 bilood ayaa bilaabanaynsa oo ka bilaabanaysa bisha Maarso ee sanadka 2023 waxaana la soo gabagabaynayaa qaybta ugu horays daraasadda sebtember 2024 xiligaas oo dhismaha biyo saarka la bilaabi doono.
PUNTLAND POST.
The post Garoowe oo Biyo Mareeno loo samaynayo. appeared first on Puntland Post.
-
Wafdi ka socda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Baarlamaanka dalalka Carabta, kaas oo looga hadlayo arrimo badan oo jaxiiratal carab ah.
Shirka oo sanadkan diiradda lagu saaray ka faa’iidaysiga Teknolojiyada casriga ah ayaa waxaa xubnihii ka hadlay kamid ahaa Senator Cabdikaxiin Macallin Axmed oo sheegay in adeegsiga hannaanka Teknolojiyada ee casriga ihi uu ahmiyad weyn u leeyahay guud ahaan dalalka carabta, islamarkaana uu laf-dhar u yahay hormar kasta oo la hiigsanayo.
Sidoo kale wuxuu tibaaxay in Teknolojiyadu ay gacanta ka geysan karto ka hortagga halisaha amni, arrimaha gargaarka, iyo Mashaaricda la xariirta beerashada iyo waxbarashada, asagoo xusay inaan la’aanteed guul wax ku ool ah la gaari karin.
Dhanka kale wuxuu soo hadal-qaaday in masuubada haysata dadka reer qasa ay qeyb ka tahay Teknolojiyada oo si cadownimo ah loo adeegsaday, dalalka carabtana looga baahanyahay in dhinaca difaaca ugq faa’iidaystaan.
Baarlamaanada jaamacadda carabta oo sanad walba kulma, mowduuca gaara diiradda saara ayaan inta badan ku guulaysan hirgelinta go’aamada sy soo saaraan.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta siinayso hirgelinta dhab-u-heshiisiin loo dhan yahay, taas oo horseedda in shacabka Soomaaliyeed ay ka dawoobaan haarihii iyo dhibaatooyinkii soo kala gaaray wakhtiyadii adkaa ee dalku soo maray.
Ra’iisul Wasaaraha oo Daahfurka Geeddi socodka hirgelinta Hannaanka dhab-u-heshiin Qaran, oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ayaa tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay dhaqan soo jireen ah u leedahay nabadeynta iyo xakamaynta colaadaha sokeeye, iyada oo ay hormuud u yihiin culimada, nabaddoonnada dhaqanka iyo haldoorka bulshada.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, oo dadweynaha Soomaaliyeed ay ku soo doortaan hoggaankooda.
“Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray”.
Dowladda federalka ayaa dhowr jeer hore u sheegtay in dalka uu aadayo doorasho ka duwan tii ka dhacday Teendhada Afisyooni, waxaana madaxda dalku sheegeen in xilligaan la bilaabayo ka shaqeynta arrimaha la xiriira doorashooyinka si looga baaqsado hubanti la’aan May 2026.
-
Muqdisho, 30, Abriil 2024:- Ra’iisul DFS Xamse Cabdi Bate ayaa Daahfurka Geeddi socodka hirgelinta Hannaanka dhab-u-heshiin Qaran, oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta soomaaliya.
Xamse ayaa tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay dhaqan soo jireen ah u leedahay nabadeynta iyo xakamaynta colaadaha sokeeye, iyada oo ay hormuud u yihiin culimada, nabaddoonnada dhaqanka iyo haldoorka bulshada.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in Xukuumadda uu hogaamiyo ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, oo dadweynaha Soomaaliyeed ay ku soo doortaan hoggaankooda.
“Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray”.
PUNTLAND POST.
The post Ra’iisul Wasaare Xamsa “Ma Aqbalayno in markale aan ku laabano Doorashadii Teendhada”. appeared first on Puntland Post.
-
Dalalka Mexico iyo Ecuador ayaa midba midka kale dacwad ka dhan ah u gudbiyay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda adduunka, ka dib markii uu cirka isku sii shareeray khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeyaahi labadaas dal.
Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ayaa lagu wadaa inay dhageysato dacwad ay Mexico u gudbisay oo ka dhan ah dalka Ecuador, taas oo ku saabsan ku xadgudubka sharciga caalamiga ah, waxaana dacwadeeda xudun u ah go’aan muran dhaliyay oo ay Ecuador ku weerartay safaaradda Mexico ee Quito.
5-tii bishan Abriil ayay booliiska Ecuador gudaha u galeen xayndaabka safaaradda Mexico si ay u xiraan Jorge Glas oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi Ecuador oo laba jeer lagu helay dambi musuqmaasuq, kaasoo magan-gelyo ahaan ugu jiray dhismaha safaaradda.
Xariga siyaasigan ayaa yimid saacado uun ka dib markii Mexico ay siisay magangalyo siyaasadeed , waxayna uga digtay Ecuador wax kasta oo faragelin ah oo lagu sameeyo safaaradeeda.
Weerarkii ay booliisku ku qaadeen safaaradda Mexico ayaa dhalisay qeylo dhaan baahsan, iyadoo khubaro badan ay u arkeen inay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah, kaasoo safaaradaha ka ilaalinaya faragelinta maxalliga ah.
Madaxweynaha Mexico Andres Manuel Lopez Obrador ayaa sidoo kale si caro leh uga falceliyay weerarka, isagoo ku tilmaamay mid xadgudub ku ah madax banaanida Mexico. ICJ ayaa miisaami doonta dalabka dalkiisa ee ah in Ecuador laga joojiyo shaqada Qaramada Midoobay (UN).
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay lagu qaaday goob ay dad badan ku sugnaayeen oo ku taalla agagaarka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Qaraxa oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Shir-ganeeco oo hoostagta magaalada Beledweyne, waxaana lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah, gaar ahaan meel ay dhalinyaro ku caweyneysay.
Guddoomiyaha deegaanka qaraxa lagu wareeray oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday dhalinyaro, ayna ku noqdeen dhimasho iyo dhaawac.
“Jug xoogan ayaan maqalnay xalay annaga oo xaafadaha ku jirno bam-gacmeed waayay laba wiil oo yar yar ah oo 18 jiro ah oo xaafadda ahaay oo meel iska fadhiyay ayaa lagu tuuray, midna waa dhaawacmay, midna meesha ayuu ku naf baxay” ayuu yiri guddoomiyaha.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in bartilmaameedka uu ahaa meel ay ku caaweeyaan dhalinyarada, waxaana baxsaday kooxihii ka dambeeyay falkaasi.
“Meesha la qarxiyay waxay ka tirsan tahay xaafadda, waana meel ay isugu timaado dhalinyarada oo lagu caweeyo” ayuu sii raaciyay.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in aysan caddeyn karin cidda ka dambeysay weerarkaasi iyo sababta loo beegsaday dhalinyarada la qarxiyay.
“Bamkan ciddaas ayaa soo tuurtay annaga ma dhihi karno, mana caddeyn karno, mana ku dinbaabi karno” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha deegaanka ay dhibaatadu ka dhacday.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta howlgallo baaritaano ka wada ciidamada dowladda oo ku raad jooga shaqsiyaadkii ka dambeeyay weerarkaasi.
The post Wararkii ugu dambeeyay QARAX maanta ka dhacay Beledweyne + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online. -
A man with a sword has been arrested after an attack on members of the public and police officers in Hainault, north-east London, police have said.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Denmark iyo Qaramada Midoobay ayaa gudaha Soomaaliya ka fulinaya mashruuc ay ka faa’iideysanayaan 2.5 milyan qof.
Mashruucan oo lagu dhisayo biyo xireen aad u ballaaran ayaa waxaa shir lagu dardar-gelinayo guddoomiyey madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).
Sidoo kale waxaa ka qeyb-galay wasaarradaha beeraha iyo waraabka, tamarta iyo kheyraadka biyaha heer federal iyo kuwa HirShabelle.
Waxaa kale oo goobjoog ka ahaa deeq-bixiyayaasha mashruuca dib-u-dhiska biyo xireenka Sabbuuni (JOSP) oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Mareykanka, Midowga Yurub, Denmark iyo lix hay’addood oo kamid ah QM oo ay hoggaamineysay FAO.
Biyo xireenka waxa uu kaalin mug leh ka qaadan doonaa ka hortagga fatahaaddaha, keydinta biyaha si loo isticmaalo marka ay jirto biyo la’aan, yareynta faqriga, kordhinta wax soo saarka iyo u adkeysiga isbeddelka cimilada.
“Dowladda HirShabelle waxa ay diyaar u tahay wax walba oo sahlaayo in la hirgeliyo dhismaha biyo xireenka Sabbuuni, hirgelintiisa faa’ido weyn ayay u tahay dadka HirShabelle,” ayuu madaxweyne Cali Guudlaawe ka sheegay shirka.
Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa ugu dambeyntiina ka mahad-celiyay dadaalka waqtigan lagu bixinayo mashruuca JOSP.
The post Soomaaliya oo laga hirgelinayo mashruuc ay ka faa’iideysanayso 2.5 milyan qof appeared first on Caasimada Online. -
Las Anod (HOL) - The SSC Khatumo administration has accused the Somaliland administration of fueling conflicts in the areas of the Sanag region following the recent killing of two civilians from SSC areas.
-
Garsoorayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa maanta ka jawaabi doona dacwad ay Nicaragua u gudbisay Jarmalka, oo ku saabsan hubka uu ka iibiyo Israa’iil.
Dacwadda ayaa Berlin ku eedaysay in ay jabisay heshiiskii xasuuqa oo ay iyada lafteeda ka dhigtay qayb ka mid ah dilka dadka rayidka ah ee Qasa mid caadi ah.
Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan sax ahayn. Waxay sheegtay in aysan wax madaafiic ah ama rasaas ah u dhoofin Israa’iil tan iyo bishii Oktoobar.
Israa’iil ayaa marinka Qasa ka wada xasuuq daran iyadoo hada qorshaynaysa inay weerar arxan daro ah ka gaysato marinka Rafah oo ku barakaceen in ka badan 1 Milyan oo falastiiyiin ah.
PUNTLAND POST
The post Dacwad ka dhan ah Israa’iil oo loo gudbiyey Maxkamadda Cadaaladda aduunka appeared first on Puntland Post.
-
Go’aanka golaha Midowga Yurub ayaa xayiraad saaray dadka heysta baasaboorka Itoobiyaanka ah.
Tallaabadan ayaa jawaab u ah wada-shaqeyn la’aanta Itoobiya iyo Midowga Yurub ee ku saabsan arimaha dib-u-celinta Magangalyo-doonka Itoobiya ee ku sugan Yurub, sida uu sheegay xafiiska fiisa bixinta Schengen oo 27-ka dal ee Yurub ay ku mideysan yihiin.
Golaha Midowga Yurub waxa uu ka mamnuucay dalalka xubnaha ka ah midowga in ay bixiyaan fiisaha dal ku-galka ee baasaboorka Itoobiya.
Go’aankan ayaa daba socday qiimayn uu goluhu sameeyay, kaas oo lagu soo gaba-gabeeyay in wada shaqaynta Itoobiya ee dhinaca dib u soo celinta muwaadiniinteeda sida sharci darrada ah ku jooga Midowga Yurub aanay ku filnayn, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay golaha ay ku mideysanyihiin dalalka Midowga Yurub.
“Itoobiya waxaa ay ku guul-dareysatay in aan iska kaashano dib u celinta muwaadiniinteeda si hufan,” ayuu raaciyay go’aanka kasoo baxay Midowga Yurub.
Arrintan ayaa imaneysa xilli ay Itoobiya wajaheyso xaalad adag oo gudaheeda, ayna xukuumadda Abiy ay ku fashilantay inay wax ka qabato xad-gudubyada lagula kacayo dadka aan waxba galabsan.
Wararka dhiilada dagaalka xambaarsan ee ka jira Itoobiya iyo xaaaladaha bani’aadinimo ayaa keentay in beesha caalamka iyo safaradaha dhowr dal oo ku jiraan Mareykanka, UK, Japan iyo franca in ay ku baaqaan wada-hadal deg-deg ah oo lagu yareynayo xiisadaha colaadeed, si loo ilaaliyo dadka rayidka.
-
Jaamacadda Colombia ee ku taalla magaalada New York ee dalkan Maraykanka ayaa Isniintii mamnuucay, xubno ka mid ah ardayda ee u dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee diiday inay ka guuraan barxadda hore ee dhismaha Jaamacadda ee ku yaalla magaalada New York, kadib markii amar lagu siiyay iney ka guuraan.
Mudaharaadayaasha iyo maamulka Jaamacaddu ay isku afgaran waayay kulan sidii loosoo afjari lahaa xaaladda, Mareykanka ayaa Jaamacadaha ku yaalla waxaa ay noqdeen udub-dhexaad u noqotay dalabka sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda magaalada Gaza, kaas oo galay bishii 7-aad duqeyntu ay socoto.
Madaxweynaha Jaamacaddan oo lagu magcaabo Nemat Minouche Shafik ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay, in maalmo badan oo ay socdeen wadahadalo kala duwan oo u dhexeeyey madaxda ardayda soo abaabushay mudaharaadyadaan iyo masuuliyiinta Jaamacaddu saareen ganaax lagu adkeynayo.
Maamulka ayaa sheegay inay ku guuldaraysteen, in ardayda debedbaxa samaynaysa lagu qanciyo inay furfuraan taandooyinka ka dhisan barxadda hore Jaamacadda, iyagoo diiday iney joojinayaan, laakiin aqbalay ka guurista bannaanka hore ee Jaamacadda Colombia ee ku taalla magaalada New York.
Maalmahan ugu dambeeyey waxaa jaamacadaha dalka Maraykanka ka socday mudaharaadyo kala duwan oo lagu taageerayo Falastiiniyiinta, isla markaana lagaga soo horjeeda dagaalka Qaza iyo sida dowladda Mareykanka ay u diidan tahay dowladnimada Falastiin kadib qaraarkii golaha Ammaanka.
Ciidamada booliska ee magaalada Austin ee gobolka Texas, ayaa iyaguna xabsiga u taxaabay tobanaan arday oo dhigayey mudaharaad lagu taageerayey Falastiiniyiinta, arrintaan ayaa noqotay hadal heyn badan oo ku aadan mudaharaadyada sida weyn looga dareemay gudaha Mareykanka ee araday dhigeen.
Jaamacadda Colombia ayaa ardayda u dirtay Isniintii shalay aheyd , in haddii ay ka guuri waayaan ilinka hore ee barxadda Jaamacadda marka la gaadho 2 duhurnimo, isla markaana ay saxeexi waayaan inay raacayaan shuruucda jaamacadda, in laga mamnuuci doono jaamacadda, iney sii dhigan karaan.
-
Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay Isniintii inuu ku rajo weyn yahay in Xamaas ay aqbasho, waxa uu ugu yeedhay, dalabka “deeqsinimada ah ee aan caadiga ahayn” ee Israa’iil, kaas oo ku saabsan, heshiis xabbad-joojineed oo laga gaadho colaadda Qaza iyo in la sii daayo la haystayaasha Israa’iil.
“Xilligan la joogo, waxa ay sugayaan shacabka Qaza iyo heshiis xabbad-joojineed oo la gaadho waa Xamaas” ayuu ka sheegay Blinken oo ku sugan Riyadh, isaga oo safar ku gaalaa bixinaya dalalka bariga dhexe, si xal natiijo looga gaadho wadahadalada socda ee la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil.
Wefti ka socda Xamaas ayaa Isniintii gaadhayey dalka Masar, halkaas oo Qatar ay isku dayayso inay xal u hesho dagaalka Qaza iyo sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista xidhan.
Dhinaca kale Blinken ayaa ka sheegay Riyadh, inay meel gebogebo ah marayso, heshiis dhinaca amniga ah oo ay la gelayaan Sucuudiga, kaas oo la dhamaystiri doono haddii Sucuudigu uu heshiis nabadeed la galo Israa’iil.
Wasiirka ayaa intaas raaciyey in labadii bilood ee ugu dambeeyey ay labada dal, ka wada shaqeeyey hawlo culculus, oo ku aaddan, sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka Israa’iil iyo Sucuudiga
-
Jaamacadda Colombia ee ku taalla magaalada New York ee dalkan Maraykanka ayaa Isniintii mamnuucday, xubnaha ardayda ee u dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee diiday inay ka guuraan barxadda hore ee dhismaha Jaamacadda ee ku yaalla magaalada New York, ka dib markii ay xubnaha soo abaabulay mudaharaadada iyo maamulka Jaamacaddu ay isku afgaran waayeen sidii loosoo afjari lahaa debedbaxyada.
Madaxweynaha Jaamacaddan oo lagu magcaabo Nemat Minouche Shafik ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay, in maalmo badan oo ay socdeen wadahadalo kala duwan oo u dhexeeyey ardayda soo abaabushay mudaharaadadan iyo masuuliyiinta Jaamacaddu, inay ku guuldaraysteen, in ardayda debedbaxa samaynaysa lagu qanciyo inay furfuraan taandooyinka ka dhisan barxadda Jaamacadda, kuwaas oo ka soo horjeeda dagaalka Israa’iil ay ka waddo Qaza.
Maalmahan ugu dambeeyey waxaa jaamacadaha dalka Maraykanka ka socday mudaharaado kala duwan oo lagu taageerayo Falastiiniyiinta, isla markaana lagaga soo horjeeda dagaalka Qaza.
Ciidamada booliska ee magaalada Austin ee gobolka Texas, ayaa iyaguna xabsiga u taxaabay tobanaan arday oo dhigayey mudaharaad lagu taageerayey Falastiiniyiinta.
Jaamacadda Colombia ayaa ardayda u dirtay Isniintii, in haddii ay ka guuri waayaan barxadda Jaamacadda marka la gaadho 2 duhurnimo, isla markaana ay saxeexi waayaan inay raacayaan shuruucda jaamacadda, in laga mamnuuci doono jaamacadda, isla markaana aanay awoodi doonin inay dhamaystaan waxbarashadooda.
-
Xildhibaan Jim Risch oo ka tirsan Guddida xidhiidhka dibadda ee aqalka Senateka Maraykanka, ayaa shaaciyay in uu sannado ku boorinayey wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalkiisa inay xidhiidh la yeelato Jamhuuriyadda Somaliland.
Xildhibaan Jim Risch wuxuu sidaas kaga hadlay farriin uu ku daabacay bartiisa X (twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaannu ku dhaliilay xukuumadda Maraykanka in siyaasadeeda ku wajahan “Soomaaliya mid ahi” aanay shaqeynayn.
Mudane Jim Risch wuxuu qoraalkiisu u qornaa sidan:-
“Sannado ayaan ku boorinayey Wasaaradda Arrimaha dibadda Maraykanka inay xidhiidh la yeelato Somaliland oo aanay iska dhego tirin nidaamkeeda dimuqraadiyadda.Laakiin xulafadeenna caalamka ayaa amaanay doorashooyinka Somaliland.”
Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray “Maamulka Mareykanku wuxuu la aamusan yahay siyaasadda ‘Soomaaliya mid ah’ taasi oo aan ka turjumayn xaqiiqada iyo waxa ka socda Somaliland.”
Xildhibaan Jim Risch oo ka tirsan mudaneyaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa ka mid ah xildhibaannada aqalka Senateka ee sida weyn ula socda Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa kaloo uu ka mid ahaa xildhibaannadii sameeyay xeerkii iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka sannadkii 2021kii.
-
Weriyaha ITV News Raage Omaar ayaa hadda ka soo kabanaya xaaladdii caafimaad ee ku timid isaga oo si toosa u tabinaya wararka. Sida laga soo warbaahinta ITV Raage ayaa hadda ku sugan gurigiisa ka dib markii laga soo saaray isbitaalka oo lagu soo dabiibiyay. Wuxuuna qof walba uga mahad celiyay “naxariista iyo caafimaadka uu u rajeeyay”.
Afhayeen u hadlay ITV News ayaa yiri: “Waxaan daawadayaashii warkii xalay ugu mahadcelineynaa sida ay uga walaacsanaayeen xaaladda caafimaad ee Raage Omaar.
“Kadib daawaynta isbitaalka, wuxuu hadda ku jiraa xaalad soo kabasho ah isaga oo gurigiisa ku sugan”.
“Waxaan Raage u rajaynaynaa soo kabasho degdeg ah waxaanan rajaynaynaa inuu dib ugu soo laabto shaashada marka uu soo caafimaado
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa baaq culus u dirtay beesha caalamka, kaasi oo la xiriira kiiska dilka Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hay’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya, oo nabad-sugidda u xirtay shaqsiyaad kasoo jeeda Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa ka dalbaday caalamka inuu soo fara-geliyo arrintaan, isaga oo sheegay in muwaadiniinta Somaliland ee kiiska loo xirtay loo geystay jirdil xooggan.
Wasiirka ayaa sidoo kale caddeeyay in xukuumadda Somaliland ay si dhow ula socoto xariga iyo tacadiyo muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho ay ku samaynayeen hay’addo dawladeed, sida uu hadalka u dhigay.
“Xukuumadda Somaliland waxay ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanku inay deg-deg u fara-geliyaan dhacdadan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.
Waxa uuna ka dalbaday dhinacyadaasi in xoriyadooda loo soo celiyo dadkaasi xiran, oo uu tilmaamay in jirdil loo geystay, islamarkaana sifo sharci darro ah u xiran yihiin tan iyo bartamihii Febraayo, iyada oo aan loo haynin wax lagu xukumo
Wasiir Ciise Keyd ayaa ugu dambeyntiina soo bandhigay magacyada dhallinyaradan oo u shaqeeya hay’addaha ICAO iyo WFP, kuwaasi oo kala ah;
1. Mubaarig Nuur Cali – ICAO
2. Nuuradiin Ileeye – ICAO)
3. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Khaliif – Salaf – ICAO.
4. Maxamed Cabdiraxmaan – WFP
5. Almis Saleebaan –WFPHorey waxaa warbaahinta dhowr jeer kasoo muuqday ehellada raggan u xiran nabad-sugidda Soomaaliya, iyagoo sheegay in jirdil ba’an loogu geysto si joogto ah, ayna aad u liidato xaaladooda.
Dhalinyaradan oo u badan reer waqooyi ayaa loo soo qabtay dilka Cabdinaasir Dahable oo ahaa Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hay’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya, waxaana weli ku socda baaritaan oo looma gudbin maxkamadaha dalka.
The post Somaliland oo caalamka ka dalbatay faro-gelinta kiis culus oo ka taagan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
Akhriso: Ajandaha ay Ka Wadahadleen Hey’adda Sirsoonka Soomaaliya iyo Turkiga
in News - Wararka
Posted
Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay taliyaha Sirdoonka Qaranka ee dalka Turkiga Ibraahim Kalin oo booqasho ku soo gaaray.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay hormarinta iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada Sirdoon ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyo iswaydaarsiga xogaha sirdoon ee muhiimka ah.
Sidoo kale, Agaasimaha NISA iyo Taliyaha Sirdoonka Turkiga ayaa ka wada hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, iyo sidii ciidanka Soomaaliya looga taageeri lahaa la dagaallanka ururada xagjirka ah.
Dowladda Turkey ayaa Soomaaliya ka taageerta tababarka iyo qalabaynta ciidan, iyo dhinacyada hormarka sida caafimaadka, dhaqaalaha, dhismaha, iyo arrimaha bini’aadantinimada.
Source: goobjoog.com