Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku eedeysay ismaamulka Oromiya dhimashada ugu yaraan 60 qof oo ay sheegeen inay ahaayeen dad maxaabiis ah. Madaxa xafiiska arrimaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Idiris Ismaaciil ayaa BBC u sheegay in dadkaas markii la laayeen ka dib lagu riday meel god ah. Inkastoo aysan eedeyntaas xaqiijin ismaamulka Oromiya, ayey haddana dad goobjoogeyaal ah sheegayaan in tiradu ay intaas ka badan tahay. Waxaa kale oo aan jirin ilo madax banaan oo xaqiijinaya eedeynta. Mid ka mid ah dadka ka qaxay degmada Daaro Labbo ee Gobolka Jiro oo ka tirsan deegaanka Baali oo ah halka ay dhibaatada ka dhacday ayaa BBC u sheegay in dadka la laayey ay ahaayeen dad boolisku isugu keenay xero askareed si aysan waxyeello u soo gaarin oo loo badbaadiyo. Qofkaas oo ah nin codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo amni dartood wuxuu sheegay in uu ka baxsaday dilka oo uu isaga iyo laba ilmood oo uu dhalay ay joogaan meel buur ah, halka xaaskiisa iyo afar caruur ahna uusan war ka hayn meel ay ku dambeeyaan. Wuxuu intaas ku daray inay jiraan guryo la gubay. Jawaabta Oromada: Madaxa Jaaliyadda Oromada ee Canada oo BBC la soo xiriiray ayaa isna sheegay in ay dad ku dhinteen halkaas, hase yeeshee si kale ayuu arrinta u dhigay. Wuxuu sheegay in, sida ay maqleen iyagu, ciidanka Liyuu Booliska ay rasaas ku fureen dad Oromo ah oo ay dileen 33 qof, ka dibna nin uu walaalkiis ka mid ahaa dadkii la dilay oo caraysan uu isna rasaas ku furay dad Soomaali ah. Wuxuu intaa ku daray in aysan fiicnayn in aargoosi la isu laayo, wuxuuna labada dhinac ka codsaday in ay dhibaatada ku xalliyaan qaab dhaqanka waafaqsan. Weli xukuumadda federaalka ee Itoobiya iyo ismaamulka Oromiya midkoodna kama uusan hadlin dhibaatadan. Xigasho BBC PUNTLAND POST The post Soomaalida Itoobiya oo eedeeyn u Jeediyay Oromada iyo Oromada oo ku jawaabtay appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa Xukuumada Somalia ku amray inay soo gudbiso Dukumiinti ka turjumaaya hanaanka ay Somalia uga howlgalaan ciidamada Somalia. Guddoomiye Jawaari waxa uu qoraal uu u diray Xukuumada ku faray inay inay soo gudbiyaan liiska ciidamada AMISOM iyo warbixin guud oo ka turjumeysa tirade guud ee ciidamada. Jawaari waxa uu sheegay inaan la garaneynin tirade ciidamada ku sugan dalka maadaama ay jiraan ciidamo farabadan oo dalkooda dib ugu laabtay kadib markii uu ka idlaaday wakhtiga. Waxa uu Guddoomiyaha tilmaamay in baarlamaanka Somalia uu xaq u leeyahay inuu la socdo dhaqdhaqaaqa ciidamada shisheeye, sidaa aawgeedna Xukuumada looga fadhiyo soo gudbinta cadadka ciidamada kuwa jooga iyo kuwa iminka bixi doona. Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari waxa uu ku baaqay in lasoo dadajiyo soo gudbinta waxa uuna cod dheer ku sheegay in baarlamaanka uu sameyn doono la socodka ciidamada shisheeye. Baarlamaanka Somalia ayaa dayacay la socodka dhaqdhaqaaqa shisheeyaha ku sugan Somalia, waxa ayna tani u muuqataa in iminka lagu soo baraarugay. Haddalka Jawaari ayaa kusoo beegmaaya xili uu jiro isku dhexyaac dhanka ciidamada Shisheeye, waxa ayna tani ka danbeysay kadib markii lagu dhawaaqay in ciidamada AMISOM qeybqeyb looga saarayo Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Jawaari oo amar dul dhigay Xukuumada Somalia & Arrin la dayacay oo dib loo baaraayo (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  3. Several senior Al-Shabaab militants were killed in a drone strike on the outskirts of the coastal city of Kismayo in southern Somalia. A military official who prefers not to be named said several strikes hit an Al-Shabaab base in Berhani location, some 60 km south of Kismayo, killing several senior militants. Residents of Berhani location said there were huge explosions early hours of Saturday. “We heard huge explosions and the earth was shaking. We are told Al-Shabaab base was hit by American drones,” a resident said. “The strike hit the base where the militants were meeting leading to several casualties,” the military officer from the Somalia National Army said but did not indicate any figures. There is no official confirmation from the U.S. Africa Command (Africom) yet. Africom, which has been using drones to attack Al-Shabaab and the Islamic State (IS), carried out at least ten strikes in southern and northern Somalia in November. The strike came barely a week after another hit a minivan suspected to be ferrying explosives in Lower Shabelle region. Somalia’s defense minister Mohamed Ali Haga told journalists on Friday the country needed more U.S. drone strikes to counter the militant groups in the country as African Union forces begin to exit the country this month. “The Somali security sector is still disorganized. And we need more drone strikes because a drone can strike the snake in the head.” Source: – Xinhua The post Senior Al-Shabaab militants killed in Somalia drone strike: official appeared first on Caasimada Online.
  4. Somalia’s prime minister, Hassan ali-Khaire, said his government had demanded the U.S. briefly suspend aid to much of Somalia’s armed forces in an effort to improve transparency and accountability following corruption concerns. Speaking Saturday to reporters in Mogadishu, Khaire blamed former Somali governments for U.S. concerns about corruption. “In the first month in office, my government stood for the need for Somalia to be governed on transparency principles,” he said. “To ensure such principles, Somalia and the U.S. government have agreed to this aid suspension.” He said that the pause in assistance was part of his government’s effort to fight corruption by tackling misconduct and opening the door to accountability. “We have done a study that made it possible to find out the challenges against rebuilding our national army, including diversion of soldiers’ salaries, lying about the list of the active and alive military personnel, and as a result, we have jointly decided to suspend the U.S. aid to parts of Somalia’s military for a few weeks until we improve and fix the errors,” Khaire said. Mattis ‘sure’ of progress On Friday, U.S. Secretary of Defense Jim Mattis said that he was optimistic about improving Somali accountability concerning the distribution of American aid to Somali armed forces. “I’m sure we can get this thing under control, even if it’s not for the whole, but for parts of it,” Mattis told reporters at the Pentagon. Despite the aid suspension, Khaire said his government was confident that it had gained the trust of both Somali people and its international partners. “In the light of the recent IMF [International Monetary Fund] and World Bank reports on Somalia and the work we have so far done, we are confident that we have gained the trust of the Somali people and our international friends,” he said. For nearly two decades, Somalia has been among the world’s most corrupt countries, topping the list made by the corruption monitoring group Transparency International. Nepotism, favoritism, bribery and aid embezzlement have been commonplace across all sectors, making many citizens believe that corruption is a normal way of life. Source: VOA The post Somalia PM Says His Government Demanded US Aid Cut appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumada Somalia ay wado dadaal lagu xaqiijinaayo liiska ciidamada ka tirsan dowlada oo ay ku jiraan kuwo aan sax aheyn. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay inay hayaan magacyo been ah iyo kuwo dhintay oo lagu qaato mushaaraadka ciidanka kuwaa oo la doonaayo in dib laga saxo. Waxa uu Kheyre sheegay inay dadaal dheer ku bixinayaan sidii loo ogaan lahaa tiradda saxda ah ee Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaa uu sheegay in baaritaano badan oo ay sameeyeen in ay soo ogaadeen in ay jiraan Ciidamo badan oo ku jira Liiska Ciidamada oo aan shaqeyn hadana Mushaarqaata. Wuxuu intaa raaciyay inay bilaabeen in ciidamada loo diwaan geliyo si casri ah oo uu sheegay in looga badbaadi karo isdabamarin xuquuq. Sidoo kale, Wasaaradda Difaaca Somaliy ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo lagu ogaanaayo tiradda iyo tayadda Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Ma jiro tiro sax ah oo ay dowlada Somalia ka heyso ciidamada dalka, waxaana jira ku dhowr qof oo hore geeriyooday welina mushaar lagu qaato magacooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kheyre ‘’Waxaan heynaa cadeymaha shaqsiyaad mushaar beena ku qaata liiska ciidamo goor hore dhintay’’ appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Xudur ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo abaabul dagaal oo uu wado wadaadka Mukhtaar Roobow oo dhawaan la sheegay inuu isku soo dhiibay dowlada Somalia. Abaabulka Mukhtaar Roobow ayaa si xooli ah uga socda magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, waxaana lasoo sheegayaa in abaabulka ay qeyb ka tahay maamulka Koonfur Galbeed. Wadaadkan oo dib ugu laabtay magaalada Xudur ayaa la xaqiijiyay in halkaa uu kula kulmay Saraakiil ka tirsan ciidamada Ethiopia oo uu ka dalbaday inay garab muuqda ku siiyaan dagaalka uu kula jiro maleeshiyada al-Shabaab. Saraakiisha Ethiopia ayuu ka dalbaday in lala soo afjaro dhaqdhaqaaqyada ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku doonayaan inay ku qabsadaan deegaano ka tirsan Bakool. Xoogaga ka amar qaata Mukhtaar Roobow ayaa iminka ku sugan degaanka Abal, waxa ayna halkaa kawadaan diyaar garow ay ku doonayaan in qeybo kamid ah Gobolka Bakool uga saran al-Shabaab. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa dhawaan shaacisay in ay dagaal ku dileen wiil uu dhalay Mukhtaar Rooboow oo ku sugnaa duleedka degaanka Abal. Sidoo kale, Degaanka Abal ayaa ah meeshii uu tagay Mukhtaar Roobow Markii uu ka baxay al-Shabaab, waxaana deegaankaasi gacanta ku haya Xoogag daacad u ah Roobow. Dhinaca kale, Roobow oo garab ka helaaya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Ethiopia ayaa lagu wadaa inuu qaado duulaan ka dhan ah al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Roobow oo abaabul dagaal ka bilaabay Xudur & Kulan uu albaabada u xiran yahay oo uu la qaatay Saraakiisha Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa dalkeeda ka xirtay qaar ka mida baraha bulshada ay ku xariiraan, kadib markii la sheegay in lagu xoojiyay xiisada ka dhex aloosan Soomaalida iyo Qowmiyada Oromada. Dowlada oo walaac ka muujisay in baraha loo adeegsado faafinta muuqaalada iyo banaanbaxyada socda ayaa waxa ay gabi ahaanba xirtay baraha kuwooda ugu macquulsan ee leysku weydaarsado xaaladaha taagan. Ethiopia ayaa xirista baraha sabab uga dhigtay inay xoogeysteen iska hor imaadyada u dhaxeeya qoomiyadaha degan daafaha kala duwan ee dalkaasi. Baraha ilaa iyo hadda laga xiray dalka Ethiopia ayaa waxaa kamid ah Facebook iyo Twitter-ka ka dib markii ay soo muuqdeen muuqaallada warbixino ku saabsan in ciidamada amniga ay dileen labo qof oo kusugan gobolka Oromada. Dibadbaxyada looga soo horjeedo dilalka u dhexeeya Qowmiyada Oromada iyo kuwa Soomaalida ayaa waxa ku dhintay ilaa 15 ruux oo ay ku jiraan caruur iyo hawen. Waxaa weli socda dagaal adag oo u dhaxeeya, qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee wada dega gudaha Ethiopia, waxaana laga cabsiqabaa inuu sii xoogeysto dagaalka. Dhinaca kale, mas’uuliyiinta Oromada ayaa Soomaalida Ethiopia ku eedeeyay inay geysteen xasuuq ka dhan ah qoomiyadda Oromo, iyaga oo dil ka waday degmooyinka qowmiyadda 4tii bil ee ugu dambeysay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ethiopia oo laga jaray gabi ahaan baraha Bulshada & Dagaalka Soomaalida iyo Oromada oo xoogeystay appeared first on Caasimada Online.
  8. Maamulka Soomaali Galbeed ee DDSI ayaa ku eedeeyay Oromada Itoobiya iney xasuuqeen shacab badan oo maxaabiis u ahaa. Idiris Ismaaciil oo ah madaxa xafiiska dowlad deegaanka maamulkaasi ayaa sheegay iney dileen Oromada 65 ruux, waxaana dadkaasi uu sheegay in ay ahaayeen maxaabiis badan oo ay heysteen Oromada. Wuxuu tilmaamay Idiris iney tallaab adag qaadi doonaan ka maamul ahaan, islamarkaana ay ka jawaabayaan wixii dhacay. Xiisad ayaa ka jirta deegaanka Gadule iyo deegaanno kale oo ku dhow, waxaana baahay dagaalka u dhaxeeya Soomaalida iyo sidoo kale Oromada. Goobjoog News Source
  9. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, C/weli Jaamac Gorod ayaa ka hadlay hadal Maraykanka kasoo yeeray oo ah in la musuqay qarashaad uu siin jirey ciidanka xoogga dalka, sidaasi darteedna jaranayo. Wuxuu taliyaha sheegay in isaga shaqsi ahaan aanu la socon wax la musuqay maadaama dhowaan xilkaasi loo magacaabay, haddii wax jiraanna ay tahay wax isaga ka horreeyay. Wuxuu tilmaamay Taliye Gorod in dowladda Federaalka ay dhabarka saran doonto xuquuqda ciidanka xoogga dalka, maadaama markii horeba ciidankaasi ay dowladda qoratay. Sidoo kale wuxuu sheegay taliyaha in ka talis ahaan ay diyaar u yihiin iney ka hortagaan wax walbo oo musuq ah ama keeni kara. “Iney goosteen waan ogahay, laakiin in musuq dhacay ama iskood u goosteen ma ogin, aniga waxaan ballanqaadayaa inaanu dhicin waxaas iyo wax kaleba, wax walbana meeshii loogu talogalay iney maraan ayuu qorshaheena yahay..annaga ayaa isku tashaneyna dowladda Soomaaliya ayaa ciidankaasi qorotay xabadka ayeeyna u dhiganeysaa, wax dhibaato ah oo imaanaya ma jirto” ayuu yiri taliyaha. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isna mar uu ka hadlay hadalka kasoo yeeray dowladda Maraykanka wuxuu sheegay inuu ahaa is faham dhexmaray Labada dowladood. Goobjoog News Source
  10. Maxamed Maxamuud Caalim oo ah siyaasi Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka gaabisay wax ka qabashada Musuqa, islamarkaana ay jiraan musuqyo muuqda oo aan waxbo laga qaban. Wuxuu sheegay in musuq lagu sameeyay saanad ay lahaayeen ciidanka xoogga dalka, ayna keentay dowladda Maraykanka, taasi oo uu sheegay in ay keentay in Maraykanka hakiyo dhaqaalihii uu ciidanka ku taageeri lahaa. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayuu sheegay in laga doonayo iney iska bari yeelaan waxa dhacay, sidoo kalena la xisaabtan dhab ah lala sameeyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga iyo Taliyahii ciidanka xoogga dalka ee is casilay. “Kolley wey muuqataa in rag madax ah oo xukuumaddan ka tirsanaa ay arrin musuq isku casileen, cid wax ka dhahday malahan, madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxaa laga doonayaa iney iska bariyeelaan arrintaasi oo ay la yimaadaan la xisaabtan dhab ah” ayuu yiri Caalim Ugu dambeyn, siyaasi Maxamed Maxamuud ayaa ku taliyey in dowladda Federaalka Soomaaliya aanay yareesan arrimaha la xiriira musuqa oo ay madaxdu ka dhabeeyaan ballanqaadkoodii ahaa la dagaalanka musuqa. Halkaan hoose ka dhageyso: http://goobjoog.com/wp-content/uploads/2017/12/WAREYSI-FALANQEEYE-MAXAMED-MAXAMUUD-OK.mp3Goobjoog News Source
  11. Wariye Maxamed Aweys Muudeey (Boqorka Bartamaha) oo muddo Afar Sano ah u xirnaa dowladda Itoobiya ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah la keeno magaalada Muqdisho. Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ku guuleysatay in Boqorka Bartamaha kasoo deyso dowladda Itoobiya, iyadoo dowladdii hore ay marar badan isku dayday balse aanay u suurtagelin. Wariye Maxamed Aweys Muudeey Boqorka Bartamaha oo ah Weriye rug cadaa ah ayaa dowladda Itoobiya ku xukuntay 27 sano oo xarig ah. Mar uu wariyahan si kooban ula soo hadlay ehelkiisa ayuu aad ugu mahadceliyey dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay sabab u tahay xorriyadda la siiyey. Sidoo kale dowladdan ayaa ku guuleysatay in maxaabiis aad u badan oo Soomaaliyeed ay sidan oo kale uga soo deyso dalka Itoobiya iyo jasiiradda Seychelles. Goobjoog News Source
  12. Dowladda Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa iney xirtey xadka aan rasmiga ahayn ee ay Soomaaliya kala leedahay dhanka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka shacabka ah. Guddoomiyaha degmada Balanballbe, Jaamac Xayle Maxamed oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in aysan ogeyn sababta keentay in Itoobiya ay xirto xadkaasi. Wuxuu tilmaamay guddoomiyaha in dadka Labada dhinac kala deggan ay kala dukaameysan jireen, balse hadda dhibaatada ugu weyn ay soo wajahday dadka reer guuraaga ah. “Dadka deegaankaan deggan Labada dhinac waa ay jiraan oo waa dad reer guuraa ah, inta badan dadkii dhanka Itoobiya jiray waxaa loo diiday isku socodkii iyo gaadiidka, dadka waxay biyaha iyo raashiinka ka heli jireen Balnballe balse hadda waa loo diiday, xaaladana waa ay adag tahay” ayuu yiri guddoomiyaha. Lama oga sababta ka dambeysa in dowladda Itoobiya ay xirto xadka dhanka Balanballe. Goobjoog News Source
  13. Dowladda Itoobiya ayaa xirtay qaar ka mida baraha bulshada ay ku xariiraan, ka dib markii ay xoogeysteen iska hor-imaadyo u dhaxeeya qoomiyadaha degan daafaha kala duwan ee dalkaasi. Madaxda Itoobiya ayaa xirty baraha Facebook-ga iyo Twitterka ka dib markii ay soo muuqdeen muuqaallada warbixinno ku saabsan in ciidamada amniga ay dileen labo qof oo kusugan gobolka Oromada. Dibad baxyada inta ay socdeen ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 15 qof oo ay ku jiraan caruur iyo hawen. Dhinaca kale, waxaa weli socda dagaal adag oo u dhaxeeya, qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee wada dega gudaha Itoobiya. Mas’uuliyiinta gobolka Oromada ayaa waxay ku eedeynayaan ciidamada gaarka ah maamulka Soomaalida(Liyu) Itoobiya inay geysanayaan xad-gudubyo ka dhan ah qoomiyadda Oromo, iyaga oo dil ka waday degmooyinka qowmiyadda 4tii bil ee ugu dambeysay. Oromada dhankeeda, waxaa lagu waramayaa in ay dileen illaa 65 qof Soomaali ah oo ku noolaa dhulkooda. In kasta oo ay sheegtay dowladda Itoobiya in ay xaaladda aaney weli faraha ka bixin laakin dagaalka Soomaaliya iyo Oromada ayaa sanad jirsaday, waxaana socdo qax. Goobjoog News Source
  14. Hargeysa (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Awdal ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Somaliland ay baadi goob xoogan ugu jiraan Fanaanka Nimcaan Hilaac. Hilaac ayaa Todobaadkii hore gaaray Magaalada Boorame isagoo safar dhanka dhulka ah kaga tagay Dalka Jabuuti, Waxa uu ka baqday fanaanka iney xiraan Ciidanka ilaalada Garoonka Cigaal ee Magaalada Hargeysa balse waxa uu doorbiday inuu Jabuuti marka hore tago kadibna Socdaal dhulka ah uu ku tago deegaanka uu ka soo jeedo ee Awdal. Ciidamo wata sadex gaari ayaa maanta tagay guriga Fanaanka iyagoo qoyskiisana ka dalbaday iney dibeda usoo saaraan Sharcigana isu dhiibo balse dadweyne arinkaa ka careysan ayaa isku gudbay Fanaanka iyagoona goobta ka bixiyay Nimcaan Hilaac oo hada Xuduuda ku sugan. Ciidamadii duulaanka ahaa iyo dadweynaha Fanaanka la safnaa ayaa waxaa dhexmaray dagaal rasaas iyo gacan ka hadalba la isu adeegsaday taasoo dhalisay dhaawaca dhowr qof oo Shacab iyo Bileesba isugu jira. Ciidanka ayaa markii danbe go’aansaday iney xabsiga dhigeen sadex qof oo kamid ah ehelada Fanaanka Nimcaan Hilaac oo uu ku jiro Aaabihiis sida ay Saxaafaad usheegtay Hooyada dhashay Fanaanka. Nimcaan Hilaac ayaa goordhow bartiisa Facebook ku soo qoray in isagoo nabad qaba uu ku suganyahay Xuduudka Wajaale, wuxuuna amaanay shacabkii ka soo badbaaday Ciidanka Booliska. Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore xirtay Fanaaniin iyo Wariyayaal deegaanada Maamulkaa ka soo jeeda oo Muqdisho soo gaaray, Hilaac waxa uu sanadihii danbe ku sugnaa Magaalada Muqdisho iyo dalalka deriska ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxay tahay sababta keentay in Somaliland laga baadi goobo Fanaanka Nimcaan Hilaac. appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Abal ee gobalka Bakool ayaa sheegaya in halkaa ay ka taagan tahay xiisad u dhexeysa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo garabsanaaya kuwa Mukhtaar Roobow iyo maleeshiyaadka al-Shabaab oo dhinac ah. Xiisada ayaa ka taagan deegaan aan sidaa uga sii fogeyn Abal oo dhawaan la geeyay ciidamo Ethiopian ah, isla markaana la doonaayo inay la dagaalamaan al-Shabaab. Xiisada cusub ee iminka taagan ayaa imaaday kadib markii al-Shabaab ay dageen fariisimo ay ka carareen Xoogaga daacada u ah Mukhtaar Roobow, waxaana tuullo aan sidaa uga fogeyn la dajiyay ciidamada Ethiopia oo dusha ka ilaalinaaya kuwa Mukhtaar Roobow. Ciidamada Ethiopia iyo kuwa al-Shabaab oo isku muuqda ayaa mararka qaar is weydaarsanaaya Hub ay qolo waliba ku muujineyso joogitaankeeda. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa dooneysa in deegaanka Abal iyo dhammaan deegaanada ku hareereysan ay kala wareegan Mukhtaar Roobow oo halkaa ka arimiya, waxaana arrintaa kasoo horjeeda Xoogaga Roobow oo garab ka helaaya Maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamada Ethiopia. Cabsida ugu weyn ayaa ah in ciidamada Ethiopia ay isaga soo baxaan deegaanka ay iminkaku sugan yihiin oo ay ka ilaalinayaan kuwa Roobow. Dhinaca kale, Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay wadaan qorsho al-Shabaab looga sifeynaayo dhammaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ethiopia oo ku biirtay xiisada deegaanka uu ka arimiyo Roobow & Cabsi laga qabo in deegaankaas ay gasha gacanta Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee Wasaarada Haweenka Xukuumadii KMG aheyd ee Somalia Aamiino Maxamed Mursal kana mid aheyd Xildhibaanadii Baarlamaankii 9aad, ayaa shaacisay inay ku sigatay in magaalada Muqdisho ay ku dhex dilaan ciidamo ay usoo adeegsatay Wasiirada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somalia Khadiijo Max’ed Diiriye. Ex Wasiir Aamiino Maxamed Mursal, ayaa sheegtay in dhacdadaan ay timid xili ay ku sugneyd Garoonka Kubada cagta Koonis ee magaalada Muqdisho oo ay ka socdaan ciyaaraha Gobolada. Waxa ay xaqiijisay in iyadoo ay soctay cayaarta ay Biyo u geyso ciyaartooyda Koonfur Galbeed oo xiligaa dheelaayay, balse ay mar qura la kulantay hujuum kaga imaaday dhanka Wasiir Khadiijo. Waxa ay tiri ‘’falkaan waxa uu dhacay xili ay socotay Ciyaartii u dhaxeysay Puntland iyo Koonfur Galbeed, waxaan isku dayay inaan biyo gaarsiiyo ciyaartooyda Koonfur Galbeed oo aan taageeraayay. Waxaan la kulmay wasiir Khadiijo kadib markii ay isku dayday in Kursigii aan ku fadhiyay ay iga kiciso waxa ayna igu dalbatay ciidamo halis galiyay nafteyda’’ Waxa ay sheegtay in la qalqal galiyay amnigeeda isla markaana loo adeegsaday ciidamo xili ay ku guda jirtay jawi farxad leh oo ay la qaadaneysay Ciyaartooyda Koonfur Galbeed. ‘’Wasiirada waan kula xisaabtami doonaa qaabka xun oo ay igula dhaqantay, waayo waxa ay ka gudubtay xeerka waxa ayna ii isticmaashay awood ciidan’’ Sidoo kale, mas’uuliyiinta dowlada ayay ugu baaqday inay la dhaqmaan bulshada oo aysan u adeegsan Hubkooda sida dhaqanka u ah inta badan Madaxda dalka. Dhinaca kale, Aamiino ayaa hadalkaan sheegtay xili ay u warameysay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho, waxa ayna ku celcelisay in arrinta noocaas ah laga fogaado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ex Wasiir ‘’Khadiijo Diiriye ayaa ii adeegsatay ciidamo qalqal galiyay nafteyda’’ appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Dastuurka qabyo-qoraalka ah, waxaa ku xusan Awoodaha sharci-dejinta ee golaha shacabka iyo aqalka sare, awoodaha mid weliba uu gaar u leeyahay iyo qaar ay wadaagaan. Habraaca Sharci-dejinta Baarlamaanka Sida ku qoran dastuurka qabyo-qoraalka ah qodobada 79aad, 80aad iyo 81aad waxaa ku xusan habraaca sharci-dejinta labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Qodobka 79aad: (1): Si waafaqsan Dastuurka, habraaca sharci-dejintu waa hindise sharciyeed qabyo ah oo ku saabsan: (a) Dib-u-eegidda iyo soo jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurkan dib ugu noqoshada Dastuurkan; (b) Qoridda iyo diyaarinta sharci qabyo ah oo cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad-sanadeedda; (c) Soo-jeedinta sharci-qabyo ah oo cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad-sanadeedda; (d) Dib-u-eegid sharci hore u jirey. (2) Ka doodidda sharci qabyo ah oo la xariira wax-ka-beddelka Dastuurkan waxay ka billabanayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. (3) Ka-doodidda sharci kasta oo qabyo ah wuxuu ka bilaaban karaa mid kasta oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Qodobka 80aad: Curinta sharciyada: (1) Sharci qabyo ah oo heer qaran ah, waxaa curin kara: (a) Golaha Xukuumadda; (b) Ugu yaraan 10 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, marka laga reebo sharci qabyo ah oo la xiriira arrimaha miisaaniyadda sanadlaha ah oo Golaha Xukuumadda oo keliyihi curin karo. (2) Sharciyada qabyada ah waxaa Golaha Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah u soo bandhigi kara: (1) Ugu yaraan hal wakiil oo ka socda Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka; ama (2) Guddi kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah. Qodobka 81aad: Go’aammo Siyaasadeed (1) Labada Aqal ee Baarlamaankuba way curin karaan Sharci. (2) Aqalka Shacabka oo keliya ayaa leh awoodda diidmada sharci qabyo ah. (3) Haddii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu dhex yimaado khilaaf ku saabsan sharci qabyo ah, mid kasta oo ka mid ah labada Aqal ayaa Guddi wadajir ah oo ka kooban labada Aqal ugu baaqi kara in uu isku dayo in uu xalliyo khilaafaadka iyo in uu labada Aqal u soo jeediyo sharci qabyo ah oo la is-waafajiyey iyada oo laga duulayo iskaashiga dowladaha ee ay dhigayaan Qodobbada 51aad iyo 52aad. (4) Golaha Shacabka oo keliya ayaa sharci qabyo ah u diri kara Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, una faafiyo si rasmi ah. Hadaba, Waa Maxay Awoodaha Uu Aqal Weliba Gaar U Leeyahay? Sida ku qoran qodobka 63aad, Golaha Shacabku ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matilaa dhammaan shacabka Soomaaliya, Awoodda sharci-dejinta ee Golaha shacabku keligii leeyahay waxaa ka mid ah: (a) Ka-qaybgalka wax-ka-beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad; (b) Ansixinta, wax-ka-beddelidda iyo diidmada sharciyada la horgeeyo, si waafaqsan Cutubkan iyo Cutubka15aad; (c) Ka-baaraandegidda sharciyada uu ansixiyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka; (d) U-igmashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka awoodaha sharci-dejinta marka laga reebo wax-ka-beddelidda Dastuurka. Qodobka 69aad. Awoodaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah (1) Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah wuxuu leeyahay awood sharci-dejin oo ah: (a) Inuu ansixiyo, wax-ka-beddelo ama diido sharciyada la horkeeno; (b) Inu curiyo sharci kasta oo cusub oo aan ka ahayn kan la xiriira miisaaniyadda sanadlaha ah, kaas oo uu diyaarinayo Golaha Wasiirrada. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka waxaa kale oo uu leeyahay awoodahan dheeriga ah ee soo socda: (a) Inuu oggolaado ama diido guddiyada madaxa bannaan ee Ra’iisul-Wasaaruhu hor-keeno Golaha Shacabka; (b) Awoodda la-xisaabtaanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha Dawladda ee Heerka Qaranka, gaar ahaan dhinaca hubinta dhaqangelinta sharciyada dalka; (c) U-yeeridda Rai’iisul-wasaaraha, xubnaha golaha wasiirrada, Gudoomiyayaasha Guddiyada Qaranka iyo Xafiisyada Madaxa Bannaan. Mas’uul kasta oo uu u hoggansami waaya u-yeeridda, wuxuu Golaha Shacabku awood u leeyahay inuu dib-u-eegid ku sameeyo xilkiisa; (d) Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1; (e) Inuu cod aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1 oo gacan-taag ah kalsoonida Golaha Shacabka ugala noqdo Ra’iisul-Wasaaraha iyo ku-xigeenka/kuxigeennada Ra’iisul-Wasaaraha; (f) Doorashada iyo xil-ka-qaadidda Madaxweynaha sida ku cad Dastuurka; (g) Hirgelinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaadey Dastuurku, si loo hubiyo dhaqan-gelin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka. Dhinaca kale, sida ku qoran qodobka 71aad, Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, masuuliyadihiisa sharci-dejintaba waxaa ka mid ah: (a) Ka-qayb-qaadashada wax-ka-beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad; (b) Ansixinta, wax-ka-beddelidda iyo diidmada sharciyada la horkeeno, si waafaqsan Qodobbada 82-83; (c) Eegidda sharciyada loo igmadey si waafaqsan Qodobbada 82-83; (d) Ka-qayb-qaadashada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya si waafaqsan Qodobka 89aad; (e) Xil ka qaadida Madaxweynaha si waafaqsan Qodobka 92aad; (f) Ka-qayb-qaadashada habraaca ku-dhawaaqista xaalad dagaal si waafaqsan dastuurkan; (g) Hirgalinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaaday Dastuurka si loo hubiyo dhaqangalin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka; (h) Ka-qayb-qaadashada habraaca ku dhawaaqa xaalad deg-deg ah si waafaqsan dastuurkan; (i) Ka-qayb-qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha Dawladda ee soo socda si waafaqsan Dastuurkan: Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka; Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah; Xubnaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka; Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta; Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka. Waxaa sidoo kale jira labo qodob oo ku jira dastuurka loo aqalka siinaya awood gaar ah sida lagu sheegay qodobka 71aad, faqradda(b), Labadaasi qodob waxaa ay kala yihiin: Qodobbada 82-83; Qodobka 82aad. Hindise sharci qabyo ah oo ka bilawday Golaha Shacabka (1) Golaha Shacabka marka la horkeeno handise sharci qabyo ah waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah sida soo socota: (a) Inuu u ansixiyo sharcigaas sida uu yahay ama inuu ansixiyo isagoo wax ka beddelay, markaa loo diro Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka si uu u ansaxiyo; (b) In uu diido, kuna wargeliyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, isagoo raacinaya sababaha loo diidey. (2) Marka Aqalka Sare uu soo gaaro sharci qabyo ah oo uu soo ansixiyay Golaha Shacabka, waxaa u furan mid ka mid ah arrimaha soo socda: (a) Inuu u ansaxiyo sida Golaha Shacabku ugu soo gudbiyay sharcigaas ka dibna dib ugu diro Golaha Shacabka; (b) In ay ku sameeyaan wax-ka-beddel iyagoo sababeynaya isbeddeladaa, dibna ugu diraan Golaha Shacabka; (c) In ay diidaan una gudbiyaan Golaha Shacabka iyagoo raacinaya sababaha ay u diideen. (3) Marka Golaha Shacabka uu soo gaaro hindise sharci qabyo ah oo u soo ansixiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ihi, waxay u dirayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, uguna soo saaro faafinta rasmiga ah. (4) Marka Golaha Shacabka uu soo gaaro hindise sharci qabyo ah kaasoo uu soo beddelay Aqalka Sare waxaa u furan inuu sameeyo arrimaha soo socda middood. (a) Inuu oggolaado wax-ka-beddelkaa lagu sameeyay hindisaha sharciga qabyada ah, ka dibna u gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu Saxiixo uguna soo saaro faafinta rasmiga ah; (b) Inuu diido isbeddelada la sameeyay uuna ku baal maro go’aanka Aqalka Sare aqlabiyad 2/3 ah marka la eego tirade guud ee xubnaha aqalka, ka dibna uu u diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo uguna soo saaro faafinta rasmiga ah. (5) Marka Golaha shacabka uu soo gaaro sharci qabyo ah oo uu soo diiday Aqalka Sare, Aqalkaasi wuxu samyn karaa arrimahan midkood: (a) Inuu uu aqbalo diidmada, sharcigaana uu faraha ka qaado; (b) In uu ku baal maro diidmaddii Aqalka Sare aqlabiya 2/3 ah marka la eego tirade guud ee xubnihiisa, ka dibna uu u diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, uguna soo saaro faafinta rasmiga ah. Qodobka 83aad. Hindise Sharci oo Qabyo ah oo ka bilowday Aqalka Sare. (1) Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci oo qabyo ah, waxaa u furan inuu sameeyo mid kamid ah, arimaha soo socda: (a) Inuu ku ansixiyo sharcigaas sida uu yahay ama isagoo wax-ka-beddel ay kaddibna u gudbiyo Golaha Shacabka si uu u oggolaado; (b) Inuu diido sharcigaas kuna wargaliyo Golaha Shacabka isagoo raacinaya sababaha uu ku diiday. (2) Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalku marka uu helo hindise sharci oo qabyo ah, kaas oo Aqalka Sare oggolaadey, waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah arrimaha soo socda: (a) In uu u oggolaado sharcigaas sida uu ugu soo gudbiyey Aqalka Sare, ka dibna uu u gudbiyo Madaxweynaha Dawlada Federaalka si uu ugu ogolaado, u saxiixo looguna soo saaro faafinta rasmiga; (b) Inuu wax kabeddelo sharcigaas dibna ugu celiyo Aqalka Sare isagoo raacinaya sababaha uu wax ugu beddeley; (c) Inuu diido, dibna uga celiyo Aqalka Sare, isagoo raacinaya sababaha uu u diidey. (3) Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci qabyo ah, kaas oo uu wax ka beddeley Golaha Shacabku, waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah arrimaha soo socda: (a) Inuu aqbalo wax-ka-beddelidda sharciga qabyada ah, isagoon codayn una gudbiyo Madaxweynaha Dawlada Federaalka si uu u oggolaado, u saxiixo, looguna soo saaro faafinta rasmiga ah; (b) Inuu diido wax kabeddelka sharcigaas, kagana gudbo/ku baalmaro go’aanka Golaha Shacabka cod aqlabiyad ah oo 2/3 tirada xubnihiisa ah, dibna ugu celiyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah. (4) Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci qabyo ah, kaasoo uu diiday Golaha Shacabku, waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah arrimaha soo socda: (a) Inuu aqbalo diidmada sharcigaas isagoon u codeyn, joojiyana hindaha sharciga qabyada ah; (b) Inuu kaga gudbo/ku-baalmaro diidmada Golaha Shacabka cod aqlabiyad 2/3 tirada xubnaha Aqalka ah, dibna ugu celiyo Golaha Shacabka Federaalka ah. (5) Haddii uu Golaha Shacabka soo gaaro hindise sharci qabyo ah, kaasoo uu horay wax uga beddelay, isbeddeladdii uu hore u sameeyayna uu Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku aqbalay, waa in uu Hindisahaa Sharci Qabyada ah u diraa Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, faafinta rasmiga ahna ugu soo saaro. (6) Haddii Golaha shacabka uu soo gaaro Hindise Sharci qabyo ah, kaasoo ay hore wax uga beddeleen ama ay hore u diideen, go’aankooda horena uu baal maray Aqalka Sare, Golaha Shacabku wuxuu sameyn karaa arrimahan midkood: (a) In ay ku baal maraan go’aanka Aqalka Sare cod aqlabiyad 2/3 tirada xubnahooda ah, halkaa ayeeyna ku joojin karaan hindisahaa sharci ee qabyada ah; (b) In ay aqbalaan go’aanka Aqalka Sare, ka dibna Hindisahaa Sharci ee qabyada ah u gudbiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, faafinta rasmiga ahna ugu soo saaro. (7) Haddii ay ku kala aragti duwanaadaan Hindise Sharci qabyo ah Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah marka uu marayo Hindisahaa Sharci heerka lagu qeexay Qaybta 4aad ama 6aad ee qodobkan, Labada Aqal midkood ayaa dalban karaa in la saaro Guddi wadajir ah oo labada aqalba ka kooban si la isugu dayo in la xalliyo khilaafkaa, loona helo Hindise Sharci qabyo ah oo labada aqalba isla waafaqsan yihiin, iyadoo laga duulayo iskaashiga Dawladaha ka dhexeeya sida ku cad Qodobbada 51aad iyo 52aad ee Dastuurkan. Isha Goobjoog News Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dastuurka: Habraaca Sharci-dejinta Baarlamaanka Federaalka Iyo Awoodaha Mid Weliba Gaar U Leeyahay appeared first on Caasimada Online.
  18. Wararka Warbaahinta PUNTLAND POST Ay ka heleeyso Magaalada Boorama ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Maamulka Somaliland ay weerar ku qaadeen hooy uu magaaladaasi ka dagay Fanaanka Nimcaan Hilaac. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ciidamadaan oo ah kuwa amaanka Soomaaliland oo doonayay in ay xiraan Fanaanka uu isku dhac dhexmaray dadka deegaanka oo ka hor istaagay in ay xidhaan ciidamada Fanaanka. Nimcaan Hilaac ayaa Boorama ka soo galay dhanka iyo xuduuda wadanka Djabouti. isku dhacaasi dhexmaray ciidamada amaanka iyo dadka deegaanka oo difaacayay fanaanka uu geeystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Fanaanka Nimcaan Hilaac ayaa la sheegay in uu hadda u baxsaday dhanka iyo dalka Itoobiya sida ay sheegayaan warar aan helnay. Soomaaliland ayaa xirta dadka magaca leh ee yimaada Koonfurta Soomaaliya iyada oo u aragta in ay qilaafsanyihiin gooni isutaaga ay ku dhawaaqeen. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ciidamada Somaliland oo weeraray ku qaaday Fanaanka Nimcaan Hilaac appeared first on Puntland Post.
  19. Wararka ka imaanaya gobolka Bakool, gaar ahaan deegaanka Abal iyo sidoo kale deegaano halkaasi ku dhow ayaa waxay sheegayaan iney jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa Mukhtaar Roobow iyo sidoo kale dagaalyahannada Al-shabaab oo dhinac ah. Xiisaddan ayaa daba socota dagaallo ka dhacay deegaanka Abal, waxaana la tilmaamayaa in is abaabul xooggan ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Mukhtaar Roobow oo deegaankaasi fariisin u ah. Goob joogayaal la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegaya in cabsi daran ay jirto, iyadoo dhanka kale saraakiisha dowladda ay aysan wax war ah kasoo saarin dagaalladaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source
  20. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay hakinta dawladda Mareykanka ee gargaarkii ay siin jirtay qeyb kamid ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Is-afgarad dhex-maray dawladaha Soomaaliya iyo Mareykanka uu sababay in si kumeel gaar ah loo hakiyo mushaar bixinta qaar kamid ah ciidamada Xoogga dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dawladdu ay ka shaqeynaysay in muddo ah sidii loo dhaqangelin lahaa nidaam ku dhisan iska xisaabtan iyo daahfurnaan, isla markaana ay dalalka caalamka ee taageera Soomaaliya ku qanceen. Iyadoo tani ay cadeyn u tahay warbixintii ay dhowaan soo saartay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo muujisay sida ay nooga go’antahay inaan dib u habeyn ku sameyno hay’adaha dawladda iyo daahfurnaanta maamulka maaliyadda dalka. “Annaga oo taas ka duuleyna waxaan hirgelinay in ciidankeenna lagu diiwaangeliyo qaab casriyeysan oo electronic ah kaasoo ka hortagaya in la musuqmaasuqo dhaqaalaha ay dowladda ku bixiso ciidamada iyo gargaarka amni ee aan ka helno dalalka saaxiibada nahay”.Ayuu yiri RW Khayre oo intaas raaciyey. “Waxaa kale oo aan rabaa inaan idinla wadaago in dawladda Soomaaliya ay sameysay daraasad muddo dheer aan wadnay oo haatan lasoo gabogabeeyay. Daraasaddaas oo lagu qiimeynayay tirada, tayada, qalabka ay haystaan iyo meelaha ay ka hawlgalaan ciidamada XDS”. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay si loo ogaado caqabadaha ragaadiyay dhismaha ciidamada in la sameeyey baaritaano qoto dheer oo lagu ogaaday in ay jiraan ciidamo diiwaangashan balse aan soo shaqo tagin, kuwa naafo ah oo shaqeynaya iyo kuwa dhintay oo wali ku jira liiska ciidamada shaqeeya, taasina waxay sababtay in la ogaado tirada dhabta ah ee ciidamada, agabka ay haystaan, darajooyinka ay sitaan iyo meelaha ay ka hawlgalaan. “Waxaa jira dalal naga caawiya mushaar bixinta ciidamada oo aan horay isula garannay inaan soo dhameystirno daraasadda aan soo xusay si aan u dejino qorshe dhameystiran oo qeexayo taageerada aan ka rabno iyo qaab dhismeedka ciidamada. Is-afgaradkan ayaa waxaa uu sababay in dawladda Mareykanka oo dalalkaas kamid ah ay si kumeel gaar ah u hakiso mushaar bixinta qaar kamid ah ciidamada”.Ayuu yiri R/Wasaaraha oo intaas ku daray in Dawladda Mareykanka aysan joojin taageerada ay la garab taagantahay Dowladda Soomaaliya ee dhanka amniga ah. Ra’iisul Wasaare Khayre waxuu sheegay in heer gabogabo ah marayo qorshe ka dhashay daarasadka la sameeyay ee xoojinaya isla xisaabtanka iyo hufnaanta hannaanka loo maamulo kaalmada dhanka amniga ah ee Soomaaliya ka hesho caalamka, dhowaana ay dib u bilaaban doonto mushaaraadka iyo kaalmada amniga. —DHAMMAAD—- Source
  21. Ciidamada Somaliland ayaa weeraray hoyga uu magaalada Boorama ka degan yahay fanaanka Nimcaan Hilaac, markii la sheegay in fanaanka uu halkaasi tagay, kadib safar dhulka ah oo uu kaga baxay dalka Jabuuti. Wararku waxay sheegayaan in shalay ay ciidankaan qaadeen weerar xooggan, iyagoo xiray Aabaha dhalay Nimcaan Hilaac, gabar isaga la dhalatay iyo sidoo kale wiil uu abti u yahay. Hooyada dhashay Nimcaan Hilaac oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in si xun ay ula dhaqmeen ciidamada Somaliland, iyaduna loo geystay jir dil aad u xooggan. Dhanka kale, shacabka ku dhaqan magaalada Borama ee gobolka Awdal ayaa ciidamada Somaliland kala hortagay dibadbax xooggan oo ay xarig kaga difaacayeen Nimcaan Hilaac, waxaana jira rasaas ay fureen ciidamada oo waxyeello soo gaarsiisay dadka shacabka ah. Ciidamadan weerarka qaaday uma aanay suurtagelin iney xiraan fanaan Nimcaan Hilaac oo illaa hadda la sheegayo inuu ku dhex sugan yahay magaalada Boorama. Nimcaan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, waana fanaan taageero weyn ku leh meel walbo oo ay Soomaali joogto ama degan tahay. Goobjoog News Source
  22. Ciidamada ilaalada xeebaha Libya ayaa badbaadiyey in ka badan 250 qof oo muhaajiriin aha, kuwaasi oo doonayey in dooman yaryar ay uga baxaan Libya. Muhaajiriintaan la badbaadiyey ayaa waxay ku sii jeedeen dalka Talyaaniga halkaasi oo ay rabeen in si sharci darro ah ay ku galaan. Xeebaha galbeed ee Libya ayaa waxay noqdeen meelaha ugu waaweyn oo ay ka dhoofaan dadka tahriibiyaasha ah intooda badan waxay ka soo jeedaan dadkaani dowladaha ka hooseeya saxaraha waxayna doonayaan inay galaan wadamada Yurub iyaga oo wadamadooda uga cararaya Saboolnimada iyo dagaalada ka jira. Waxaa hoos u dhacay tirada dadka tahriibiyaasha ah oo gaaraya Talyaaniga tan iyo bishii July ee sanadkaani marka lala barbardhigo sanadkii hore, ka dib markii mas’uuliyiin ka shaqeeya dowladda ay taageereyso qaramada midoobey ay ka shaqeeyeen in hoos loo dhigo howlaha Tahriibka ee ka socda magaalada Sabratha. Source
  23. Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa ka doodaya beri oo Isniin ah mashruuc ku saabsan go’aankii madaxweynaha mareykanka uu ugu aqoonsaday Qudus inay tahay caasimadda Isaeal. Dowladda masar ayaa mashruucaan waxay u gudbisay golaha ammaanka shalay oo Sabti aheyd, waxaa uuna ku baaqayaa in meesha laga saaro go’aan walba oo ku saabsan bidixeynta Qudus. Masar waxay qoraal u qeybisay dowladaha xubnaha ka ah golaha ammaanka kaasi oo ka hor imaanayo in diblomaasiyiinta iyo safaaradahooda ay u rartaan magaalada Qudus,sidoo kale waxaa ku xusan qoraalka la qeybiyey go’aan walba oo dhinaca oo ku saabsan xaaladda magaalada inuu san yeelan raad sharci ama is qabqabsi. Go’aanka Donald Trump uu ugu aqoonsaday Qudus inay tahay magaalo madaxda Israel waxaa dabo yeelay inuu ugu baaqay saafadda mareykanka ee ku taalo Tel Aviv in loo raro Qudus waxaa uuna ugu baaqay dowladaha kale in ay iyaguna safaaradahooda ay ka furtaan . Source
  24. Muqdisho (Caasimadda Online): Miisaaniyaddii ay toddobaadkan ansixiyeen Baarlamanka Soomaaliya waxa ay la jaanqaadeysaa is bedelka dhinaca lacagaha ah ee ay sameysay dowladda markii ay ku biirtay barnaamij ku deeqaha lacagaha oo caalami ah bishii Maajo, waxaa sidaas u sheegay Reuters masuul ka tirsan IMF-ta. Somalia waxa ay haatan ku jirtaa qiimeyntii labaad oo 12 bilood ah oo ay ku sameenayaan shaqaale u xil saran IMF-ta kaddib laban sano oo ay xasarado iyo dagaalo ku jirtay, buuxinta shuruucda lacagaha ee IMF-ta waxa ay u fureysaa albaabaddii ay ku heli lahayd deymo iyo in loo ogolaado maalgalin dhaqaale oo ay ka hesho haayaddaha dhaqaalaha caalamiga ah. Miisaaniyaddii $274 million ee la meelmariyey arbacaddii waxaa qeyb ka ah tallaabooyin la filayo in sare loogu qaado dhakhliga la soo uruuriyo $20-$25 million, Waxaa ku jira soo kordhinta iibka iyo canshuurta lacagaha shirkadaha isgaarsiinta iyo in meesha laga saaro canshuurtii aan laga qaadi jirin sharci dejiyeyaasha, sidaas waxaa yiri Mohammed Elhage oo hogaaminaya shaqada IMF-ta Somalia. “Kuwani waa calaamado aad muhiim u ah.” Waxa uu sheegay intii ay socotay booqashadii bishii September, in IMF-tu ay ka niyad jabsaneyd horumarka ay sameysay dowladda, taas oo xafiiska la wareegtay doorashadii Febraayo kaddib, Laga soo bilaabo September ilaa iyo hadda, waxaan aragnaa ka’gonaansho is bedel oo xooggan, masuuliyiinta waxa ay si dhaw uga shaqeenayaan waxa loo baahan yahay in la sameeyo. Miisaaniyadda waxa ay muujineysaa in dowladdu qabatay ku dhawaad $156 million oo ah dhakhliga gudaha iyo $118 million oo deeqo ah, Dalka ka dhisan geeska Africa waxa uu ka soo kabanayaa labaataneeyo sano oo colaad ah iyada oo maleyshiyada Al Shabab wali yihiin Qatar. Miisaaniyadda cusub wali waxaa aad ugu badan deeqaha, kuwaas oo sanadkii hore ku qarash gareeyey ku dhawaad $1.5 billion deeqaha raashinka, caafimaadka iyo nadaafadda, Kor joogeyaasha waxa ay tilmaamayaan miisaaniyadda cusub iyo meelmarinta Baarlamaanka in ay tahay tallaabo hore loo qaaday. “Haddii ay IMF-ta ku qanacdo, taasi waxa ay muujineysaa in dowladdu ay bilowday soo uruurinta dhakhliga,” waxaa sidaas yiri dimlomaasi reer galbeed ah. “Haddii ay helaan deymo, taasi waxa ay caddeyneysaa in dahab ka dambeeyo qaanso-roobadka.” Deymo ay ka hesho IMF-ta waxa ay dowladda dhexe siin doontaa fursad ay ku saameyso dowlad gobolleedyadyada xubnaha ka ah, ayuu intaa raaciyey dimlomaasiga. Dowlad gobolleedydu waxa ay xukumadda Muqdisho ku khilaafsan yihiin qodobo dhawr ah oo ay ka mid tahay xasaradda u dhexeysa Qadar iyo dalalka kale ee Khaliijka. Deymaha dibadda Soomaaliya looga leeyahay waxa ay gaareysa 5.2 billion sida ay sheegtay IMF-ta. Iskama aysa gudin tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka dilaacay muddo 25 sano hadda laga joogo, IMF-tu waxa ay sheegtay toddobaadkan koboca dhaqaalaha waxa uu gaari doonaa 2.5 boqolkiiba sanadka 2018 isaga oo ka soo booday 1.8 oo uu ahaa sanadkan, markaas oo ay abaraha iyo amaan daradda ka hoos marisay sadaashadii IMF-ta oo ahayd 2.5 boqolkiiba. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com The post Miisaaniyadda Soomaaliya waxa ay buuxisay shuruudihii hay’adda lacagta aduunka, waxaa sidaas sheegay sarkaal ka tirsan IMF appeared first on Caasimada Online.
  25. Wasiirka Ganacsiga Puntland iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Kastamka Tuurbidi ee magaalada Galdogob, waxaana la filayaa Todobaadka soo socda iney xariga ka jaraan Mas’uuliyiin ka socota Puntland iyo Ethiopia. Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha ee dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Indho-Guran oo ah wakiilka dawladda ee arrimahan ayaa kulamo la yeeshay maalmihii ugu dambeeyey ganacsato ka socotay dalka Itoobiya iyo shirkado kale, kuwaas oo ay ka wada hadleen Maalgashiga Puntland. Ganacsatada Puntland ayaa fursado waa weyn oo Ganacsi ka helaya Kastamka cusub, maadaama Ganacsigoodu toos ugu gudbayo gudaha dalka Itoobiya oo ay ku nool yihiin Shacab aad u fara badan. Puntlandi.com