Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ahaa xubnihii u tartamay Xilka Madaxweynaha, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ayaa si weyn uga soo hor-jeestay tallaabadii xalay Ciidamada ammaanka ku weerareen Guriga C/raxmaan C/shakuur Warsame. Xildhibaanka ayaa ku tilmaamay falkaan mid fool-xumo iyo caqabad weyn ku ah jiritaanka Dowladnimada Somalia, wuxuuna qoraal uu soo saaray ku yiri. “In qof siyasad kugu khilafsan loo adeegsado ciidanka qaranka welina ay dad ku dhintaan waa dembi keeni kara burbur ku yimada dowladnimada mana aqbali doono haddii aan nahay masuuliyiinta Qaranka.” Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay inay Somalia ka gudubtay xilligii ku tagri-falka awoodda iyo ciidanka Qaranka, arrintii xalay Muqdisho ka dhacdayna waa arrin khatar ku ah dowladnimada iyo xasiloonida dalka. “Waxaan aaminsan-nahay in Somalia ay ka gudubtay waqtigii ku tagri-falka awoodda iyo ciidanka qaranka, arrinta xalay ka dhacday Muqdisho waa arrin khatar ku ah Dowladnimada iyo Xasilloonida Dalka, waxay u baahan tahay in laga hortago, si anan u burburin wixii yaraa ee an gaarnay Sannadihi lasoo dhafay,” ayuu xildhibaanku hadalkiisa ku daray. Ugu dambeyn, Ciidanka Amniga, gaar ahaa kuwa NISA ayaa xalay weeraray guri uu degenaa C/raxmaan C/shakuur, iyagoo xabsiga u taxaabay, waxaana howl galkaas ku dhintay afar ka mid ah Ilaaladiisa. PUNTLAND POST The post Xildhibaan Cosoble: Weerarkii xalay dhacay wuxuu khatar ku yahay Dowladnimada iyo xasilonida appeared first on Puntland Post.
  2. Garowe (Puntlandi) Wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland ayaa saakay joojisay tababar loo qaban lahaa qaar kamid ah weriyayaasha Puntland ee ka howlgalla magaalada Garowe. Tababarkaan oo uu soo qaban qaabiyay ururka NUSOJ, oo kaashanaya ururka MAP, ayay masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta ka dul dhaceen goobta seminaarkaan lagu qabanayay, waxaana lagu amray in la joojiyo tababarka. Tilaabdaan ayaa kusoo beegmaya, kadib markii Warfaafinta Puntland ay Sharci Daro Ku tilmaamtay Shaqada Ururka Map kadib markii uu mudo xileedkiisii dhamaaday ururkaasi islamarkaana uusan haysan sharciyad uu tababar ku qabto. Waxaa haatan socda shir labo geesood ah oo u socda wasaaradda warfaafinta iyo labada urur, iyadoo looga hadlayo khilaafka jira. Puntlandi.com
  3. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo Kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadalay weerarkii xalay lagu qaaday Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi Ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka xunyahay waxaana uu sheegay in weerarkaasi uu tusayo sida uu sheegay fashilka dowlada ku yimid. Xildhibaanka ayaa sheegay in dowlada markii ay taag u weeysay Mooshinada laga wado in ay bilaawday beegsi toos ah. Waxa uu sheegay in arintaani ay sababi karto in dib loo furo kalfadhiga Baarlamaanka oo hadda fasax ku maqan. “Weerarkii xalay xqiiqdii waa mid madaxda Qaranka ay ku doonayaan in ay ku daboolaan fashilka heysta iyo in looga hortago kacdoonka uga imaanaya Xildhibaanada oo diyaar u ah in ay kulamadoodii caadiga ahaa qabsadaan” Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi. Xalay Ciidamo katirsan kuwa amaanka dowlada Soomaaliya ayaa weerar qorsheeysan ku qaaday hooyga uu Muqdisho ka daganyahay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray. Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaan Fiqi. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Fiqi.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan Fiqi” Weerarkii Xalay Waxa uu ina Tusinayaa Fashilka Dowlada” appeared first on Puntland Post.
  4. Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa cambaareeyay xarigga siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo kamid ah aas aasayaasha xisbigaasi. Guutaale ayaa sheegay in wax lala xumaado ay tahay in la weeraro rag madax ah oo xilli ay la shirsanaayeen xildhibaanno, isaga oo sheegay in halka lagu soo weeraray Mr. Shakuur ahayd xafiiska xisbiga. Ammarka lagu xirey C/raxmaan C/shakuur ayuu sheegay in laga soo bixiyey xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waa sida uu hadalka u dhigaye. Guutaale ayaa sheegay in ciidamada nabad sugidda ay mid mid u dileen ilaaladii xafiiska xisbiga oo uu tilmaamay inaanay hubeysneyn, isaga oo dhanka kale sheegay inuu jiro dhaawac soo gaaray C/raxmaan C/shakuur. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga: http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2017/12/WAREEYSKI-KAMAAL-GUDOOMIYAHA-XISBIGA-WADAJIR.mp3Goobjoog News Source
  5. Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa saakay xiray wadooyinka Muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. Ciidamo aad u farabadan oo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa saakay la soo dhoobay wadooyinka Muqdisho iyaga oo gaadiidka u diidaya in ay isticmaalaan qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho. Ciidamada ayaa xiray laga soo bilaabo Wadada Isgooyska Banaadir ilaa madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya. Sidoo kale ciidamada ayaa xiray Wadooyinka dhanka Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeeysa xiritaanka saaka wadooyinka Muqdisho. Xalay ciidamo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa weeraray hooyga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamo badan oo la soo dhoobay Muqdisho iyo wadooyinka oo Xiran appeared first on Puntland Post.
  6. In June, an American Green Beret was reportedly strangled to death in Mali by U.S. Navy SEALs, allegedly in connection with a shadowy money-skimming scheme. (The military is currently investigating.) In July, The Intercept, the London-based research firm Forensic Architecture, and Amnesty International revealed that a drone base used by U.S. forces in Cameroon was also a site for illegal imprisonment, brutal torture, and even killings on the part of local forces. (The military is investigating.) In August, according to a blockbuster investigation by the Daily Beast, U.S. Special Operations forces took part in a massacre in which 10 Somali civilians were killed. (The military is investigating.) In October, four Special Operations soldiers were killed in murky circumstances during an ambush by militants in Niger. (The military is investigating.) This spate of questionable, scandalous or even criminal activity involving U.S. forces in Africa should come as little surprise. Over the last decade and a half, operations on that continent have been expanding and evolving at an exponential rate. A token number of U.S. troops has grown into a cast of thousands now carrying out about 10 separate missions per day, ranging from training to combat operations, which are up 1,900% since last year alone. U.S. commandos sent to that continent have jumped from 1% of special ops forces deployed overseas in 2006 to nearly 17% today, the highest total outside the Middle East. There have also been numerous indications of U.S. forces behaving badly from one side of the continent to the other. Few in the mainstream media or among those tasked with oversight of such operations have, however, taken any significant notice of this. “We don’t know exactly where we’re at in the world, militarily, and what we’re doing,” said Senator Lindsey Graham, a member of the Senate Armed Services Committee, in the wake of the ambush in Niger. More recently, Congressman Ted Lieu of the House Foreign Affairs Committee added, “From combating al-Shabaab in Somalia to Boko Haram in Nigeria, U.S. military personnel are deployed across the African continent with little public scrutiny or awareness.” This attention deficit helped set the stage for the recent scandals that have forced lawmakers and the public to take some notice. The situation of the U.S. military in Africa is, in some respects, not unlike that in California, where TomDispatch regular Rebecca Gordon begins her latest article, “The President Plays with Matches.” There, climate-change-charged dry weather and unseasonably warm temperatures made the state a tinderbox that recently burst into a series of devastating wildfires. The U.S. military has created its own tinderbox in Africa, where longtime expansion without oversight has led to a series of blazing scandals. And all of this is just a small part of the larger story told by Gordon ― of a world filled with the dry underbrush of decades of failed U.S. policies and of a president with a penchant for setting fires. Once, ignoble political calculations, futile strategies, ideological idiocy, and intellectual ineptitude provided flashpoints capable of sparking foreign policy failures, conflicts, or ruinous domestic policies. Today, writes Gordon, the commander-in-chief functions as a one-man flamethrower, setting blazes the world over as a matter of whim and embracing the inferno as an end in itself. Source: – Huffingtonpost The post The U.S. Military Has Created Its Own Tinderbox In Africa appeared first on Caasimada Online.
  7. One of the key priorities of Benadir Regional Administration (BRA) is to provide access to public education at the primary and secondary level across the seventeen districts of Benadir Region. The Benadir Regional Administration (BRA) led by Mayor Thabit Abdi Mohamed, in close coordination with the UNHCR based in Mogadishu, launched the implementation of rehabilitation and furnishing of schools within the city as well as improvement of self-reliance and livelihoods of the people. “Our aim is to have at least one public school for each of our districts, so that children have access to free education which is imperative for the advancement of our children, it is a powerful investment and speaks to public accountability” Thabit Abdi Mohamed Mayor of Mogadishu said However, the main objective of the ambitious project is to strengthen access to primary school education benefitting 10,000 children of school going age through renovating and expanding the capacity of 5 primary schools and 1 TVET centre in Mogadishu and also to improve livelihoods opportunities for returnees, IDPs and poor host community In a bid to re-build and shape the image of the city, the project is investing in locally available skilled labour including engineers, masonry and plumbing for employment opportunities. The project is guided by community participation and strengthens community ownership. Aside from the project benefit of skilled labour, 1000 (Thousand) unskilled Internally Displaced Persons (IDPs) and returnees’ youth are employed in their district of their residence. All seventeen districts in BRA provided access to employment to vulnerable IDPS/returnees and host community youth. ENDS Benadir Regional Administration (BRA) Federal Republic of Somalia subeida.mukhtar@gmail.com The post Benadir Regional Administration to provide free education for 10,000 kids in Mogadishu BA appeared first on Caasimada Online.
  8. Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xalay weerar ku qaaday hooyga uu Muqdisho ka daganyahay Siyaasiyada Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Warsame. Ciidamadaan oo ah ciidamada sida gaarka ah u tababar ee loo yaqaano Alfa Garoup ayaa weerarkaan ku qaaday Hooyga Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo ku yaala Meel aan ka fogeeyn Garoonka Muqdisho. Ciidamada Dowlada iyo Ciidamo uu watay Siyaasigaan ayaa iska hor imaad dhexmaray kaasi geeystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac. iska hor imaadkaasi ayaa waxaa dhaawac ka soo gaaray siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur waxaana wararka ay sheegayaan in 6 Askari oo katirsanaa ilaalada Siyaasiga Cabdi raxmaan Cabdishakuur weerarkaasi lagu dilay. Ciidamada ayaa watay oo xabsiga u taxaabay siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame. Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonaan karo ciidamadaaan weeraray hooyga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Ma wadan wax Warqad xiritaan ah oo ka soo baxday maxkmadaha dalka. Wali Dowlada Soomaaliya wax war ah kama soo saarin falkaasi ay ku weerareen hooyga Cabdi Raxmaan Cabdishakuur Warsame. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamada Dowlada oo Weeraray Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame appeared first on Puntland Post.
  9. The African Union peacekeeping mission (AMISOM) forces ended a ten-day training course on Sunday in a move aimed at stepping up efforts to counter widespread use of explosives. The training for the South West state police officers held in the administrative capital, Baidoa in southern Somalia, focused on prevention and detection of Improvised Explosive Devices (IEDs) which has become the preferred weapon of choice for Al-Shabaab and other militant groups in Somalia. AMISOM Inspector of Police, Sahr Emmanuel Kobai-Aruna noted in his closing remarks that the training was meant to enhance the capacity of the South West Police Force, adding that the officers were taken through a number of topics on safety and security. “This is part of AMISOM’s mandate to capacitate Somali Police Force and we taught them some components of IED/ Explosive Ordnance Disposal (EOD); the types EOD/IED and other management course modules,” said Kobai-Aruna in a statement issued after the training. “We even taught them first aid at crime scene and casualty awareness assessment,” added Kobai-Aruna. The training course, which reviewed threats, posed by IEDs was aimed at equipping the Somali police with vital skills to detect explosives planted by terrorists. “We have just finished the course on IED and Explosive Ordnance Disposal (EOD) for 15 participants drawn from Somali police force,” said Tresphord Kasale, the AMISOM Police Coordinator for South West State. “The purpose of this course was to create awareness (among) the officers so that they are able to identify IEDs and be able to call upon experts to come and defuse them,” Kasale added. He said the training was also aimed at creating awareness among the general public on the dangers of explosives and how to identify them. He urged the public to inform security officers whenever they detect or identify an IED, for safe handling and detonation, to prevent loss of life and destruction of property. Kasale said the AU mission has played a crucial role in establishing the South West State Police Force, by training 600 police officers, who have played a major role in improving security in the region. In addition, another 600 police officers in Jubbaland have also been trained and plans are underway to recruit and train more officers in HirShabelle state next year. Source: – Xinhua The post AU trains Somalia police on countering explosive devices appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay ciidamada dowladda Somalia, ayaa waxa ay xalay weerar abaabulan ku qaadeen hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame. Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka, ayaa waxa ay weerarkan qaadeen xili uu hoygaasi ku sugnaa Siyaasiga uu bartilmaameydku ahaa. Ciidamada ilaalada u ah Siyaasiga ayaa iska caabin ku sameeyay ciidamada oo ahaa kuwo aad u badnaa, waxaana halkaa ka dhacay dagaal socday ku dhawaad 40 daqiiqo oo xiriir ah. Howlgalka oo saqdii dhexe ee Xalay dhacay, ayaa sas iyo argagaxba ku riday qoysaska ku dhaqan dhismooyinka ku dhow dhow hoyga la weeraray. Inta uu howlgalka socday ciidamada ayaa jaray gabi ahaan isku socodka iyo gaadiidka eeryada Garoonka Aadan Cadda iyo dhammaan waddooyinka gala Xaafadaha. Wararka, ayaa sheegaya in iska horimaadkaasi uu ku dhaawacmay C/raxmaan C/shakuur, inkastoo aanay weli arrintaasi wax war ahi ka soo saarin hay’adaha amniga. Siyaasiyiin ku dhow dhow C/raxmaan C/shakuur ayaa intooda badan aaminsan in Siyaasiga ay xabad uga dhacday Xusulka, inkastoo aan la xaqiijinkarin. Sidoo kale, Siyaasiyiinta aan dhacdadaan ka wareysanay ayaa xaqiijiyay in dhaawaca Siyaasiga la geeyay Xarunta weyn ee Hay’adda Sirdoonka Somalia, halka qaarna ay sheegayaan in la geeyay Xarunta Jilacow oo iyana ka tirsan isla Hay’adda Sirdoonka. Warar madax-banaan ayaa sheegaya in Siyaasiga halkaa loo qaaday saacad kadib markii uu dhaawiciisa yaalay Hooygiisa oo weerarka lagu qaaday, waxaana jira warar hoose oo tibaaxaaya in loo diiday in la geeyo Xarun Caafimaad balse dhakhaatiir loogu geeyay halka uu ku sugan yahay. Saraakiisha dowladda Federalka Soomaaliya kama aysan hadlin weerarka qorsheysan ee xalay lagu qaaday hoyga C/raxmaan C/Shakuur Warsame. Weerarkaan xalay lagu qaaday hoyga C/raxmaan C/shakuur ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo shalay Xeer ilaaliyaha Qaranka uu laba Xildhibaan oo ka mid ah Golaha Shacabka ku eedeeyay inay yihiin qaran dumis, islamarkaana dowladda Shisheeye ay ka soo qaateen lacago, inkastoo mid ka mid ah Xildhibaanadaasi uu beeniyay arintaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Halkee ayaa la geeyay C/raxmaan C/shakuur gacan ku dhigistiisa kadib (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  11. Ciyaar Xiiso badan oo u dhaxeeyso Kooxaha Banaadir iyo Puntland oo ah mid Semifanal ah ayaa galabta ka dhici doonto Muqdisho. Ciyaartaan ayaa waxa ay dhici doontaa 3:30 Xiliga Muqdisho . Labadaan kooxood ayaa ka soo gudbay heerka Group-yada ee tartanka maamul Goboleedyada Dalka. Ciyaartaan ayaan la sii saadaalin karin iyada oo natiijada ciyaartaana ay sii daalindoonto cida loo saadaalinayo koobkaan. taageerayaal badan oo Reer Muqdisho ah ayaa isku diyaarinaya in ay daawadaan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciyaar Xiiso Badan oo Banaadir iyo Puntland ku Dhexmari Doonto Koonis appeared first on Puntland Post.
  12. Waxaa xalay saqdii dhexe magaalada Muqdisho la weeraray guriga siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur, warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xarigiisa. Xildhibaan Cabdfitaax Geesey oo joogay guriga Cabdiraxmaan Cabdishakur oo la hadlay VOA Somalia ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka u tababaran ay soo weerareen guriga siyaasiga, isla markaana ay xireen. Illaa 5 ka mid ah ilaaladiisa ayaa sidoo kale lagu waramayaa in ay halkaasi ku dhinteen, iyaga oo 30 daqiiqo ka socotay rasaas kadib ay goobta la wareegeen ciidanka dowladda, cod baahiyeyaalna loogu yeeray in ay soo baxaan. Xildhibaan Geesey waxaa uu intaasi ku daray in uu Cabdiraxmaan Cabdishakur dhaawacmay, iyagana ay gacanta ka duubeen. Goobjoog News Source
  13. Madaxa Qaxootiga Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay Filippo Grandi ayaa maanta ku wajahan Magaalada kimaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Wafdiga Grandi ayaa u tagaya Kismaayo sidii ay qiimeeyn ugu sameeyn lahaayeen qaxooti Soomaaliyeed oo ka soo laabtay Dalka Kenya. Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay iyada oo ciidamo badan la dhoobay xaafadaha magaalada Kismaayo. Shalay ayuu Wafdiga Grandi Madaxa Qaxootiga aduunka ee Qaramada Midoobay ee UNHCR. Soomaali Badan ayaa ka soo laabtay dalka Kenya kadib markii Qaramada Midoobay , Dowlada Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis sadax geesood ah yeesheen. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxa Qaxootiga QM oo ku Wajahan Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa NISA ayaa xalay weerar culus ku qaaday guriga uu Muqdisho ka daganaa Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamidaa Mucaaradka kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya. Haddaba Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday Hoyga Siyaasiga C/Raxmaan Cabdi Shakuur ay ku timid fashil heysta madaxda Sare. Waxa uu sheegay in tani ay keeni karto in Xildhibaanada Qaranka ay kacdoon sameeyaan isla markaana Xildhibaanada fasaxa galay ay kulamadoodii ay dib u bilaabaan. Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarka lagu qaaday Guriga C/raxmaan Cabdi Shakuur uu daba joogo kacdoonkii ka dhashay labada Xildhibaan ee Xeer ilaaliyaha uu sheegay in xasaanada lagala noqonayo. “Weerarkii xalay xqiiqdii waa mid madaxda Qaranka ay ku doonayaan in ay ku daboolaan fashilka heysta iyo in looga hortago kacdoonka uga imaanaya Xildhibaanada oo diyaar u ah in ay kulamadoodii caadiga ahaa qabsadaan ayuu yiri xildhibaanka”. Halkaan hoose ka dhageyso hadalkiisa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Fiqi.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dhageyso: Xildhibaan Fiqi oo sheegay hal arrin oo dowladda ku qasabtay inay xirto Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Caasimada Online.
  15. Booliska dalka Lebanon ayaa sheegay in la helay diblomaasiyad UK u fadhisay magaalada Beirut iyada oo la dilay. Diblomaasiyadda ayaa lagu magacaabi jiray Rabiika, waxaana laga medykeeda wado dhinaceed. Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin safaaradda UK ay ku leedahay magaalda Beirut ee dalka Lebanon. Ilo wareedyo dhanka booliska ah ayaa waxay sheegeen in diblomaasiyadda ay la kulantay xad-gudub dhanka jinsiga ah,sidoo kale ilo wareedyada booliska ayaa waxay cadeeyeen in gabadhaan la dilay maalintii jimcaha aheyd. Deeka ayaa waxay ka shaqeyneysay safaaradda UK ee ku taalo Beirut waxayna madax ka aheyd qeybta barnaamijyada iyo siyaasadda ee raacsan maamulka horumarinta caalamiga ah waxayna xafiiskaas ay ka shaqeyneysay tan iyo sanadkaan 2017 . Goobjoog News Source
  16. Ciidanka NISA, ayaa xalay saqdii dhexe howlgal ku qaaday guriga siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo kamid ah ragga sida aadka ah ugasoo horjeeday una mucaaradsan dowladda Farmaajo. Howlgalkaan ayaa la Xaqiijiyay inay ku dhinteen 5 Askari, waxaana sidoo kale lagusoo xiray siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Xildhibaan Cabdi Fatax Ibraahim Geesay oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in howgalkaan uu ku dhaawacmay lagu dhaawacay Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur. Xariga siyaasigaan ayaa loo Dowladda federalka illaa iyo hadda kama hadlin howlgalkaan .
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wadada Soobe iyo Wadooyin kale oo ka agdhaw ayaa la sheegayaa in ay saaka u xiran tahay Ciidamada Dowladda Soomaaliya, dibne looga celiyo Gaadiidkii isticmaali jiray Wadooyinkaasi. Dadka ayaa ku lugeynaya Wadooyinkaasi u xiran Ciidamada, waxaana kaliya ay diidayaan in ay isticmaalaan Gaadiidka sida ay Mustaqbal u sheegeen qaar kamid ah dadkii kusoo lugeeyey wadooyinkaasi. Ciidamada Dowladda ayaa inta badan Wadooyinka Muqdisho xira xiliyada ay Howlgalada ka wadaan iyo Marka ay Madaxda Dowladda isticmaalayaan. Dhanka kale waxaa Xiran wadooyinka ka agdhaw Garoonka Diyaaradaha illaa isgoyska Taleex, warar soo baxaya ayaa sheegayaa in Ciidamada Amaanka Dowladda ay wadooyinka u xireen howlgalo ay ka wadaa qeybo kamid Magaalada Muqdisho. Hay’adaha amaanka Dowladda kama hadlin waxyaabaha uu salka ku hayo xirnaashiyaha qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxay tahay sababta ay Ciidamada dowladda Saaka u xireen Jidadka Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan warar aan ka helnay ilo kala duwan oo ku dhow xukuumadda Soomaaliya; weerarka lagu qaaday guriga Wasiirkii hore ee Iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah waxa fuliyey ciidamo ka tirsan sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya. Ciidamo ay horkacayeen Taliyaha Nabadsugidda gobolka Banaadir Saaddaq Joon iyo Yaasiin Nuur Kheyrre (Yaasiin Ganey), ayaa fuliyey weerarka lagu qaaday guriga Wasiirkii hore ee Iskaashiga iyo xiriirka caalamiga C/raxmaan C/cashkuur, Illaalada guriga C/raxmaan C/cashkuur, oo isku dayey in ay ogaadaan waxa ay yihiin ciidanka yimid guriga ayaan furin Albaabka, balse waxa ay ciidanka weeraray guriga siyaasigu xoog ku galeen guriga iyaga geystay dil iyo dhaawac soo gaaray illaalida guriga, C/raxmaan C/cashkuur; oo ku sugnaa guriga ayaa waxa haleeshay xabbad uga dhacday Kellida, iyada oo isaga oo dhaawac ah lagu qaaday gaari ay ciidanku lahaayeen. Dad ugu tegey C/raxmaan C/cashkuur, xarunta maama Khadiijo ee nabadsugidda Soomaaliya ayaa u sheegay Mustaqbal Radio; in dhaawiciisu fudud yahay balse ay suuragal tahay in uu ka daro, maaddama uusan xilligaas helin gargaar caafimaad. Xukuumadda Soomalaiya ayaa maalmahan wadda weerar afka iyo gacanta ah oo lagu qaadayey siyaasiyiita iyo xildhibaanada ka aragtida duwan ama mucaarada go’aanaada ay qaadato eek u saabsna maamulka. Waxa jira xog sheegeysa in Raisalwasaare Xasan Cali Kheyre uu lahaa go’aanka laguu qaaday Weerarka guriga raxmaan Cabdishakuur Cali Cabdi Wardheere “Cali Yare” oo kamid ahaa Ololeeyeyaashii madaxweyne Farmaajo; balse aan xil muuqda ka hayn xukuumadda ayaa saacado kaddib weerarkii guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur; waxa uu bartiisa facebook ku soo qoray qoraalkan hoose “BISMILLAH “Waxaan beri ka ahay, kana xumahay in qof aan hubeysneyn ee gurigiisa jooga la weeraro, dhiigiisa la daadiyo, ka dibna xabsi loo taxaabo,” ” Howlgalkaas ma ahan mudan dhiirogelin, kuma raacsani cid kasta oo laheyd taladiisa, amarkiisa iyo ficilkiisa intaba” wa billahi Towfiiq” Xeer illaalinta Xukuumadda ayaa dhowaan soosaartay codsi xasaanadda looga qaadayo xildhibaanada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye; oo katirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo u muuqata in xukuumaddu isku deyeyso hab ay ku cabburiso dadka dhalliila habdhaqanka siyaasadeed ee xukuumadda. Waxa jira hadallo nacayb iyo dhiirrigelin dagaal xambaarsan oo uu si joogto ah u jeediyo Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, kuwaas oo uu sheehu ku sheegay in ay munaasab tahay ku xadgudbidda dhammaan xildhibaanada iyo siyaasiyiinta dhaliila go’aanada xukuumadda Raisalwasaare Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Yaa ka dambeeyey weerarka ka dhacay guriga Wasiirkii hore ee qorsheynta,Iskaashiga iyo xiriirka Caalamiga ah? appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu weli kasoo baxayaa weerar la sheegay in ciidamo ka tirsan dowlada ay ku qaaden Hooyga Magaalada Muqdisho uu ka degan yahay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur. C/raxmaan C/shakuur ayaa horay usoo noqday Wasiir iyo Musharax Madaxweynanimo doorashadii dalka ka dhacday 2016 ee lagu soo doortay Madaxweyne Farmaajo. C/raxmaan C/shakuur ayaa xiligii la weeraraayay ku sugnaa Hooygiisa oo ku yaala agagaarka Garoonka Aadan Cadde, waxaana halkaa kula sugnaa Xildhibaano iyo Siyaasiyiin. C/raxmaan C/shakuur ayaa mar qura ka warhelay rasaas jihooyin kala duwan kaga socta, waxa uuna bilaabay inuu badbaadsado naftiisa. Weerarkaan oo socday wax ku dhow Saacad ayaa waxaa ka sheekeeyay Xildhibaan C/fataax Geesey oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanka oo u waramaayay Idaacada VOA-da qeybteeda afka Soomaaliga, ayaa sheegay in xiliga weerarka ay wada joogen Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur. Xildhibaan C/fataax Geesey, waxa uu tilmaamay in rasaasta markii ay soo bilaabatay in ay darbiyada u dhawaadeen, kahor inta aysan darbiga gaarina C/raxmaan ay waxyeelo soo gaartay. Xildhibaanku waxa uu xaqiijiyay in waxyeelada Siyaasiga soo gaartay ay aheyd mid ku eg xusulkiisa, kadib waxaa halkaasi ka kaxeeyay Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa NISA oo howlgalka fuliyay. Sidoo kale, Xildhibaanka waxa uu qiray in weerarkaas ay Siyaasiga uga dhinteen ugu yaraan 5 kamid ahaa ilaaladiisa, halka ay jirto waxyeelo kale oo soo gaartay dhalinyaro ku sugnaa Hooyga. Dhinaca kale, weerarka ayuu ku sheegay inuu ahaa mid la xiriiray dhaliilo uu u jeedinaayay Dowlada Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaan Xog ka bixiyay sida uu u dhacay weerarkii lagu qaaday Hooyga C/raxman C/Shakuur appeared first on Caasimada Online.
  20. Maantay oo ay taariikhdu ku beegan tahay 17 Dec 2017, maalintuna ay tahay Axad, waxaa halkaan hishiis taarikh ah ku kala saxiixanaya Guddoomiyaasha labada dhinac, 2da duq magaalo ee gaalkacyo iyo Odoyaasha dhinacyada Galmudug iyo Puntland ee magaalada Gaalkacyo. Hishiiskuna waxaa uu ka kooban-yahay qodobadaan soo socda: 1 – In la sameeyo Guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya Nabad-galyada Gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo 2 – In dhammaanba jidgooyooyinka la qaaday shalay oo taariikhdu ku beegnayd 16 Dec 2017 Sabti isla markaana ay waajib ku tahay labada dhinac in shacabka Gaalkacyo ay si nabad iyo xasillooni ah u adeegsadaan wadooyinka muhiimka ah ee horay u xirnaa laga bilaabo taariikhda maantay ah ee hishiiskaan la saxiixay. 3 – In la diyaariyo ciidan isku dhaf ah oo si rasmi ah u suga Nabadgalyada Gobolka Mudug. 4 – in baraha ay joogaan ciidamada Maleeshiyaadka ah ay sidii horayba loogu balamay ay baneeyaan, mas’uuliyada goobaha la baneeyayna ay tahay mid saaran ciidanka Isku dhafka ah. 5 – In goobaha ay joogaan Meleeshiyo Beeleedyadu ee deegaamada daaqsinka ah (Miyiga) ay ku kala sugnaadaan goobahooda inta xal waara laga gaarayo, isla markaana waxaa kormeeraya deegaannadaas ciidanka isku dhafka ah ee labada maamul iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. 6 – in qof-waliba uu xaq u leeyahay in uu dhisto dago, iibsado, kuna ganacsado gurigiisa, aanna laga hor-istaagi karin dhinac kasta oo uu ku yaalo. 7 – in la joojiyo wararka colaadaha hurinaya, 8 – In dhammaan maamullada gobolka Mudug, ganacsatada iyo qaybaha kale duwan ee bulshadu ay gacan ku siiyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, Booliska iyo Nabad-sugida, gudashada waajibaadkooda sugida ammaanka magaalada Gaalkacyo. 9 – In labada Guddoomiye Gobol iyo degmo ay si wadajir ah uga wadashaqeeyaan sugida amniga gobolka Mudug. 10 – Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu ballan-qaadayaa in uu adkeyn-doono Nabadda la wadaqaatay haddii Alle idmo. 11 – Ma’uuliyiinta Hishiiskaan saxiixay waxay ka codsanayaa Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in uu ku wareejiyo sugida Amniga Gobolka Mudug ciidanka isku dhafka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ee ku sugan gobolka Mudug marka la sameeyo, si ay u hantaan Nabadgalyada Gobolka Mudug. F.G – Hishiiskaan wuxuu dhaqan-galayaa marka la wada saxiixo, dhinicii jabiyana hishiiskaan, waxaa loo aqoonsanayaa Nabad-diid, waxaana laga qaadayaa tillaabada ku habboon sida sharcigu qabo. Saxiixayaasha Hishiiskaan waxay noqonayaan 26 qof oo 10 iyo 10 ah, iyo 6 gab-dhood oo 3 iyo 3 ah. Waxaa sidoo kale hishiiskaan saxiixi doona labada Guddoomiye ee Mudug, Iyo Labada Guddoomiye degmo ee magaalada Gaalkacyo. Waxaa hishiiskaan goob-joog ka noqon-doona: – Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas General C/wali Jaamac Xuseen Gorod. – Talyaha Ciidanka Puntland Sareeye Guud General Siciid Maxamed Raagge (Siciid Dheere) – Xidhibaan Sulaymaan Xuub-sireed. Xidlhibaan C/rashiid – Suldaan C/naasir Jaamac Seed. – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Dr Sonkor Jaamac Geyre – Waxaa Hishiskaan Guddoomin doona marka la saxiixa Islaan Bashiir Islaan Cabdille, Islaan Faarax. Wabiilaahi Towfiiq
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Guddoonka BFS iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay haddal kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Daahir. Guddoonka iyo Xildhibaanada kulanka qaatay ayaa ku kala aragti duwanaa kulanka ay ka yeesheen arrinta Xeer Ilaaliyaha waxaana haddalkaas taageeray tiro Xildhibaano ah, halka qaarna ay kasoo hor jeesteen. Xildhibaanada ugu badan ayaa soo jeediyay in laga sal gaaro hadalka Xeer Ilaaliyaha isla markaana Shacabka Soomaaliyeed aan la tusin mucaaradnimada dowlada, halka qaarna ay cod dheer ku sheegen in Xeer Ilaaliyaha uu u gafay Xildhibaanada. Sidoo kale, Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa isla kulanka ku ballanqaaday inay diyaarinayaan Mooshin ka dhan ah Xeer Ilaaliyaha Qaranka. Waxa ay sheegen in Mooshinkaasi ay ku dalban doonaan isla xisaabtan iyo in Xeer ilaaliyaha uu gabay howshii loo igmaday. Xildhibaanada kulanka ka qeyb galay ayaa la sheegayaa inay qorsheynayaan mooshin ay ku dalbanayaan in dib loo furo kalfadhiga Baarlamaanka, iyadoo xeer hoosaadka uu qabo 20% ama 55 Xildhibaan ay codsan karaan ama soo jeedin karaan in kalfadhiga dib loo furo. Si kastaba ha ahaatee hadalkii ka soo yeeray Xeer Ilaaliyaha ee ahaa in Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin iyo Saabir ay galeen fal dambiyeed qaran dumis ah ayaa durba dhaliyay xaalad siyaasadeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Xildhibaanno durba mooshin ka gudbinaya xeer Ilaaliyaha qaranka appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ayaa lagu helay kiis la xiriira in dhaqaale iyo Hub ay ku bixin jireen sii jiritaanka Kooxda Daacish oo dunida looga aqoonsaday argagixisada ugu awooda badneyd. Qoraal kasoo baxay Hay’adda baarta hubka culus ee loo yaqaan Conflict Armament Research, oo ay xiganayeen Wargeysyada ayaa waxaa lagu sheegay in Imaaraadka iyo Sacuudiga ay Kooxda Daacish u isticmaashay burburinta Syria iyo Ciraaq. Hay’adda CAR, waxa ay sheegtay in labadaasi dowladood ay Daacish ku bixin jireen dhaqaale iyo Hubka noocyada culus oo loo isticmaalay dagaalada Siiriya iyo Ciraaq. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in meesha ugu badan ee laga keenay Hubka uu yahay Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxaana xusid mudan in Hubkaas 40.000 oo rasaas ah laga soo saaray dhulka Ciraaq iyo Siiriya. Hubka iyo rasaasta laga soo saaray dhulka ayaa waxaa ku dhagnaa calaamadaha ay isticmaalan ciidamada Sacuudiga iyo Imaaraadka. Kooxda Daacish ayaa la sheegay in inta badan hubka ay ku dagaalamayeen ay ka qabsadeen ciidamada dowladaha Siiriya iyo Ciraaq, halka qeybaha kale ay isugu jireen Yurub, Sacuudiga iyo Imaaraadka. Hubka Yurubta oo ay isticmaalayeen Daacishta ayaa la sheegay inay soo gateen oo keenay goobaha dagaalka dalalka Mareykanka, Imaaraadka iyo Sacuudiga. Warbixintan ayaa ah midii ugu horeysay oo si dhab ah u cadeenaysa shakigii horey looga qabay in dalalka Maraykanka, Imaaraadka iyo Sacuudiga ay si dadban hubka u siiyaan kooxda Daacish. Dhinaca kale, arrintan ayaa ka hor imaaneysa sharuucda caalamiga ah ee mamnuucayey in dowladaha hub u diraan goobaha ay ka socdaan dagaalada sokeeye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Fadeexad: Mareykanka, Imaaraadka iyo Sacuudiga oo lagu helay kiis argagixiso la jir ah appeared first on Caasimada Online.
  23. Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa lagu wadaa in mar kale uu kamid noqdo Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Hogaamiyenimo ee Punrland. C/weli Gaas, ayaa xili hore u sii tafa-xeetay waddo waliba oo uu ku heli karo xilka, waxaana xusid mudan inuu garab ka helaayo Dowlada Imaaraadka Carabta oo dhaqaale uruursi kawada deegaanada Puntland, gaar ahaan Dekadda. Gaas, ayaa ballanqaadka xil kusoo celinta ka heysta dowlada Imaaraadka oo uu u fududeeyay dhammaan baahiyihii kaga xayirnaa Somalia, sida qaska Siyaasada Somalia iyo Heshiiska Dekadda. Gaas, oo xili hore usii tabaabusheystay doorashada ayaa xiligaan ku taamaya in xubno aad u badan uu ku yeesho baarlamaanka imaan doona. C/weli Gaas oo kaashanaaya Keydkiisa iyo Odayaasha Beelaha ayaa durbo sii bilaabay xudashada Odayaasha si ay ula imaadan Xildhibaano codka siinkara. C/wali waxa uu mudada ka harsan doorashada xooga saari doonaa dhanka beelaha isagoo qorshaha uu ka leeyahay ay kamid tahay in lasoo doorto si uu ugu sii nagaado Siyaasada Somalia. Qorshihiisa kusoo laabashada xilka ayaa waxa uu u qanciyay xitaa beelo aan horay Kuraas ugu lahaan jirin baarlamaanka iyo golayaasha kale ee maamulka, beelahaa oo uu ku tashanaayo codadkooda. Sidoo kale, doorashada maamulka ayaa lagu wadaa in muddo 12 bilood ah kadib dhacdo taas oo ay ka horeyn doonto soo xulida Xildhibaanada cusub oo bilaaban doonta 10 bilood kadib, marka la kala diro Xildhibaanada golaha wakiilada. Doorashada 2019 ayaa leh xiiso ka duwan kuwii hore marka la eego arrimo badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Cabdi Weli Gaas oo durba musharax ah iyo dowlad ku taageeraysa appeared first on Caasimada Online.
  24. Dadka ku nool 17ka degmo ee gobolka Banaadir oo hela waxbarasho ay dowladdu damaanad qaaddo oo gaarsiisan heerka dugsiga hoose iyo dugsiga sare waa mid kamid ah howlaha ugu muhiimsan ee maamulka gobolka Banaadir uu ku howlan yahay. Maamulka Gobolka Banaadir oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa daah furay dib u dayactirka iyo qalabeynta dugsiyada magaalada Muqdisho iyo sidoo kale kor-u-qaadista adeegyada waxbarashada ee caasimada Muqdisho. Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa mashruucan iska kaashanaya. “Ujeedkeennu waa in ugu yaraan hal iskuul oo dowladeed laga helaa degmo kasta si carruurteennu u helaan waxbarasho lacag la’aan ah oo tayo leh. Waa arrin naga go’an inaan u istaagno carruurteena, waana maalgashi xooggan oo muujinaya isla xisaabtan” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed. Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee mashruuca waa in dayactirka shan dugsi hoose iyo xarun tababar xirfadeed oo ay ka faa’ideysanayaan ilaa 10 kun oo carruur ah si loo hor mariyo nolosha qaxootiga dalka ku soo laabanaya, Barakacayaasha iyo dadka noloshoodu hooseeyso oo fursado loogu abuuro. Mashruuca waxa uu maalgelin ku sameynayaa xirfadleyda gudaha oo ay ku jiraan Injineerada shaqaalaha dhismaha si fursado shaqo loogu abuuro. Mashruuca waxa uu ka qeyb qaadanayaa dib udhiska caasimadda iyo hagaajinta muuqaalka magaalada Muqdisho. Ka sokoow faa’idooyinka uu mashruucu u leeyahay shaqaalaha xirfadleyda ah waxaa horay loo shaqaaleeysiiyay 1000 (kun) dhallinyaro ah oo kamid ah qaxootiga dalka dib ugu soo laabtay oo ku kala nool 17-ka degmo ee gobolka Banaadir. The post Sawirro: Gobolka Banaadir oo waxbarasho lacag la’aan ah siinaya 10 kun oo canug appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa rasaas caawa saqda dhexe ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay galeen guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ee u dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo howlgal amni loogu diray, balse ay ka ka hor yimaadeen ilaalada siyaasiga. Wararka ayaa sheegaya inuu C/raxmaan C/shakuur ku dhaawacmay iska hor imaadka, isla markaana ay ciidamadu qabteen, waxaana siyaasiga la wareegay ciidamada NISA oo howlgalka ka fuliyay guriga siyaasiga. Xaaladda ayaa hadda degan iyadoo aanay jirin wax rasaas ah oo dhaceysa, wuxuuna iska hor imaadku qaatay muddo 10 daqiiqo ah oo rasaas xoog leh laga maqlay agagaarka Garoonka Muqdisho. Lama oga cidda bixisay amarka lagu soo qabtay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo caawa ku dhaawacmay howgalka ciidamada NISA, waxaase hadda xaaladiisa gacanta ka haya ciidamada, sida aanu ka soo xiganay saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka. The post C/raxmaan C/shakuur oo ku dhaawacmay howgal Amni & Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay appeared first on Caasimada Online.