-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The motion to unseat the speaker of the Lower House, Mohamed Osman Jawari has been quashed after it failed to meet the required quorum. The proposition tabled on Wednesday fell short of the two-third majority after 16 signatories pull out in the eleventh hour, leaving the proposers with 91 signatures, according to the Parliament General Secretary, Abdihakim Haji Abdi Buh. Initially, 107 parliamentarians signed the motion which accused Jawari of abuse of office, violation of the constitution, suppressing opinions of lawmakers and corruption. The motion lost momentum following a counterattack by members of a pro-Jawari lobby. To unseat the speaker of the parliament, 184 of the 275 members of parliament is needed, according to the provisional constitution of Somalia. “The Speaker and his or her deputies shall be elected through a secret ballot by a majority vote of the members of the House of the People of the Federal Parliament, and may be removed by a two-thirds majority vote of the members of the House of the People of the Federal Parliament,” articulates article 65 of the constitution. The motion opposers accused the cabinet of engineering the motion as majority of the signatories were ministers in the government of Prime minister, Hassan Ali Kheire who are also MPs. Jawari has been running Lower House since August 2012 The post Motion against Jawari dropped after failed to get quorum appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee maxaliga ah ayaa aad u dhaliilay Siyaasada Madaxda Somalia ee iminka lagu shaqeeyo. Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, ayaa si gaara uga hadlay Mooshin la sheegay in laga gudbiyay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaa oo xiisad iyo kala jab ka dhex abuuray Xildhibaanada baarlamaanka. Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, ayaa sheegay in Mooshinka Jawaari ka hor ay jireen dagaalo lala galay Madaxda Maamul goboleedyada ,Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada qaar ee Golaha Shacabka, isaga oo ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan Madaxda dalka ugu sareysa. Waxa uu Siyaasigu sheegay inaanu macquul aheyn in Madaxda dalka ay dhaqan ka dhigtaan dagaal iyo is jiidjiid taagan, waxa uuna ku taliyay in la qaboojiyo Siyaasada. Waxa uu tilmaamay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur in dowlada Somalia ee hadda jirta ay xasiloonida Siyaasadeed ka jeceshahay inay karkariso Siyaasada dalka. Isagoo ka hadlaayay dhaliisha uu u qabo Madaxda dalka iyo Siyaasada lagu shaqeynaayo ayuu yiri ‘’Madaxda Villa Soomaaliya Xasiloonida waxa ay ka doorbideen Xasarad Siyaasadeed” Nuqul kamid ah haddalka Abdirahman Abdishakur Warsame, ayaa ahaa “Mooshin laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay in uu jabay. Madaxtooyada Soomaaliya waxay Dagaalka siyaasadeed ka soo bilawday in xilka laga tuuro madaxda maamul goboleedyada. Waxaa ku xigey Xildhibaanada oo Xaasanada laga qaado, madaxda Xisbiyada oo xabad iyo xarig lagu dayo’’ ‘’Wuxuu haatan marayaa gudoomiyaha Baarlamaanka. Su’aashu waxay tahay yaa ku xiga?. Waxaa muuqata Villa Somalia in ay xasiloonida ka door bideyso xasarad siyaasadeed” The post CC Shakuur oo weerar ganbasho la’aana ku qaaday Madaxda ugu sareysa dalka & Dhaliil laga muujiyay Mooshinka Jawaari appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalda Ankara ee dalka Turkiga waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaaashi iyo Mas’uuliyiin kale,waxayna kulamo kaldaduwan ay la qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda aan walaalaha nahay ee dalka Turkiga . Wasiirka oo uu wehlinayay Danjiraha Soomaliya u fadhiya dalka turkiga danjire Jamac Cabdullahi Maxamed Caydiid , Senator Ilyas Cali Xasan iyo lataliyaha Wasiirka ayaa la qaatay kulamo kaladuwaan Wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Turkiga Mudane Nihat Zeybeci iyo madaxa hay’ada horumarinta Caalamiga ah Tika Dr Serdar Cam. Wasiirka ayaa kala hadlay Wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Turkiga madane Nihat Zeybeci intii uu socday shirka sidii loo hormarin lahaa kalluumeysiga Soomaliya,maadaama dowladda Somaaliya ay baahiweyn u qabto ka faa’idaysiga kheyraadka dalka,Si dowladda Soomaliya iyo maamul Goboleedyada ay uga faa’idaystaan kheyraadka wadanka uu leeyahay , shaqo abuurna loogu sameeyo dhalinyarda shaqo la’aanta ah ee ku nool wadanka gudihiisa . Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaaashi iyo madaxa hay’ada horumarinta Caalamiga ah Tika Dr Serdar Cam ayaa ka wada hadlay intii uu shirka socday sidii ay TiKa uga caawin laheyd qalabka kalluumeysiga kalluumeysatada Soomaaliyeed,ugana hirgelin laheyd warshadaha kalluunka gudaha Dalka Soomaaliya,si ay bulshada Soomaaliyeed uga faa’idaystaan kheyraadka dalkooda. Madaxa hay’ada TIKA Dr Serdar ayaa si diiran u soo dhaweeyay kulanka Wasiirka kuna tilmaamayy wax lagu farxo,ayna ka go’antahay sidii ay uga hirgelin lahaayeen mashaariicy farabadan gudaha dalka Soomaaliya uguna horeeyo kheyraadka dalka uu leeyahay. __DHAMMAAD__ The post Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo Ankara kula kulmay madax ka tirsan Dowladda Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka dhacay shir degdeg ahaa oo ay isugu yimaadeen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia, gaar ahaan garabka Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari. Xildhibaanada kulmay oo aad u badnaa ayaa waxa ay sharci darro ku tilmaameen go’aankii Guddiga joogtada ay ku laaleen Mooshinkooda. Xildhibaanadaan ayaa xusay in laga been abuurtay Xildhibaanada qaar ee la sheegay inay ka laabteen Mooshinka, hase ahaatee ay beeninayaan go’aanka Guddiga. Xildhibaanada kulmay ayaa sheegay in Jawaari ay ku eedeynayaan khaladaad dhowr ah, waxaana kamid ah xil gudasho la’aan, Ku xad gudubka Dastuurka, Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, Ku takrifal awoodeed iyo caburinta xildhibaanada iyo dhisid la’aanta Guddiyada Baarlamaanka. Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ka mid ahaa Xildhibaanadii shirka jaraa’id qabtay ayaa sheegay in loo baahan yahay in lagu dhaqmo sharciga iyo Dastuurka u yaalla. Xildhibaan Maxamuud Macalin, waxa uu tilmaamay in wixii shalay ka soo baxay kulankii Guddiga joogtada ay ahaayeen kuwo aan xeerka iyo sharciga waafaqsaneyn. Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Guddoomiye (Jawaari) aanu Guddoomiye u aheyn Golaha shacabka inta uu xukunka ka dhacayo. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Guddi joogtana go’aan kama gaari karaan Mooshinka (Jawaari) Guddoomiye uma ahan Golaha shacabka, inta Mooshinka yaallo, annaga Mooshinka aan wadno waa mid ku socda dariiqa saxd ah.” Xildhibanada kulmay ee Mooshinka ka keenay Jawaari ayaa sheegay in wixii xiligaan ka danbeeya aysan shaqo wadaag aheyn Guddoomiye Jawaari, waxa ayna cod dheer ku sheegen inay soo dooranayaan Guddoomiyihii bedeli lahaa Jawaari. Geesta kale, waxa ay Xildhibaanada ugu baaqeen inay u diyaar garoobaan doorashada Guddoomiye cusub oo bedeli doona Guddoomiye Jawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaanada Mooshinka ka soo gudbiyay Jawaari oo dooranaaya Guddoomiye cusub & baarlamaanka oo kala jabay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay Mooshin la sheegay in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay ka gudbiyeen Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Xildhibaan Mahad Salaad, oo la hadlaayay warbaahinta Maxaliga ah ayaa sheegay in Mooshinka Jawaari uu yahay mid ku imaaday qaab khaldan. Xildhibaan Mahad Salaad, waxa uu tilmaamay in Mooshinka laga gudbiyay Jawaari laga soo abaabulay Villa Somalia, sidaana ay ku fashiliyeen, sida uu hadalka u dhigay. ‘’Mooshinka waxa uu ahaa mid markiisa hore laga soo abaabulay Villa Somalia, marka aan aragnay qaabka uu ku imaaday waan fashilinay’’ ayuu yiri Mahad Salaad. Xildhibaan Mahad, waxaa uu sheegay in mooshinka uusan noqon sidi la rabay oo lagu fashilmay , xildhibaanada riixaya ee saxiixayna ay ku jiraan wasiiro kamid ah Xukuumada Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre. Sidoo kale, Guddiga joogtadda ah ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa isku raacay inuu sharci ahayn Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari, maadaama nidaamka loo soo maray uu ahaa mid aanan wanaagsaneyn. Sida sharciga ah Mooshin waxaa soo qori kara oo keeni kara Xildhibaano gaaraya 93 Xildhibaan sidaas darteed ayay guddigu sheegeen in la waayay tirada saxda ah ee loo baahnaa in Mooshin lagu keeno. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Mahad Salaad oo si cajiiba uga hadlay Mooshinka Jahwareerka dhaliyay ee laga gudbiyay Jawaari appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Abuukaate oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia oo ka hadlaayay Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Mooshinkaasi ay abaabushay Xukuumada Somalia. Xildhibaan Abuukaate, waxa uu sheegay in abaabulka Mooshin uu ahaa mid soo jiitamaayay muddo badan, sidaa aawgeedna ay Xukuumada Somalia ku dooneyso inay kursiga ka tuurto Jawaari. Abuukaate, waxa uu tilmaamay in 40 kamid ah Xildhibaanada saxiixay Mooshinka ay yihiin Wasiiro Xildhibaano ah. Xildhibaan Khaliid Cabdi Cumar oo isna kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay in mooshinka uusan noqon sidi la rabay oo lagu fashilmay , xildhibaanada riixaya ee saxiixayna ay ku jiraan wasiiro kamid ah Xukuumada Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre. Waxa ay Xildhibaanadan ku nuux-nuuxsadeen in Xukuumada Somalia ay u taagan tahay inay meesha ka saarto dhammaan shaqsiyaadka kasoo haray dowladii hore. Si kastaba ha ahaatee, mooshinka ayaa noqday mid fashilmay kadib markii ay sidaasi ku dhawaaqeen Gudiga joogtada ah ee Golaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaan kashifay halka laga soo abaabula Mooshinka laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay cida soo abaabushay Mooshinkii la doonayay in xilka looga tuuro Gudoomiye Jawaari. Abuukaate ayaa sheegay in Mooshinkaasi laga soo abaabulay xafiiska Ra’isilwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyere islamarkaasina dadka ugu badan ee saxiixay ay yihiin Xildhibaanada wasiirada ah. Waxa uu tilmaamay in mooshinkaasi lagaga soo horjeedo go’aankii Baarlamaanka uu dalka kaga mamnoocay shirka DP World islamarkaasina Xukuumadu ay diiday go’aankaasi. Waxa uu ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliya in ay diidaan mooshinkaasi uu ku tilmaamay mid sharci daro ah oo aan waafaqsaneyn sharciga Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay mooshin ka soo gudbiyay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismana Jawaari. Hoos ka Dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/Xildhibaan-Abuukaate-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan Abuukaate” DP World dalka laga mamnoocay ayaa keentay Mooshinka Jawaari” appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabduweli Ibraahim Muudeey ayaa ka hadlay go’aankii ay mooshinka ku laaleen gudiga joogtada. Guddoomiye Muudeey oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Gudiga joogtada ee Golaha Shacabka uu isaga kaliya u yeero karo Go’aankii ay mooshinkaas ku laaleena uusan waxba ka jirin. Muudeey, waxa uu sheegay in Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiye Jawaari uu yahay mid sharci ah, isla markaana uu dhaqan galay. Waxa uu Muudey sheegay in mooshinkaas uu sharci noqday markii uu qabtay, isla markaana uu saxiixay, waxaana uu tilmaamay Mooshinkasii iyo qaabka uu u shaqeynayo uu isaga leeyahay. Nuqul kamid ah hadalkiisa shirka Jaraa’id ayaa ahaa “Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaa ii keenay Xildhibaano, wuxuuna sharci noqday markii aan saxiixay, oo aan fiiriyay sharciyadiisa inay dhameystiran tahay, Guddiga Joogtada u yeeristiisa anigaa is ka leh, mar hadaan aniga u yeerin sharci ma aheyn inuu fariisto, mar hadii Guddoomiyaha mooshin laga keenay, taasna muran kamaba jiro.” Guddoomiye Muudeey, ayaa sidoo kale sheegay in kulankii Guddiyada joogtada ee lagu buriyay Mooshinkii xildhibaanada inuusan aheyn mid sharci ah, maadaama uu tilmaamay in Guddiyada aysan awood u laheyn in arrintan ay go’aan ka gaaraan. Waxa uu intaa raaciyay in Mooshinka laga soo gudbiyay Jawaari uu yahaymid loo maray waddo sax ah, sidaa aawgeed la doonaayo in la dhaqan galiyo, iyadoo aan la eegeynin Jawaari howlihiisa. Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Mooshinka uu buray, Sabtida wixii ka dambeeyana ay bilaabanayaan Howlaha Baarlamaanka, balse C/wali Muudey ayaa tilmaamay go’aanka kulamada Baarlamaanka inuu isaga leeyahay ilaa arrintan ay ka soo gaba gabowdo. Si kastaba ha ahaatee, baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda mid laba u kala qeybsamay oo kalfadhigiisa Saddexaad uu ku furmay Mooshin ilaa hadda aanan ku socon salfadhiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee BFS oo ka jawaabay wadada loo maray Mooshinka Jawaari appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – 10-kii Bishaan waxaa si rasmi ah uga furmay Muqdisho kalfadhiga 3 aad ee Barlamaanka 10 aad ee Somaaliya! Muuxuuse kaga duwan yahan kuwii ka horeeyey?. Dawlad-nimada Somaliya waxaa soo maray 10 Barlamaan oo kala ahaa: 1-Xilligii wasaayada gumeysiga 1956 – 1960, hal Barlamaan lkn mas’uuliyad wayn ma saarnayn, faataxo iyo tabaruc ayaana lagu soo xulay, lamana aqoon xilligaas ahmiyada Barlamaanka. 2-Dawladii Madaniga 1960 – 1969, laba Barlamaan ayaa soo martay oo laga soo doortay gobalada iyo degmooyinka lkn culeyskiisa iyo tiradiisuba way yaraayeen, wuxuuna ka caa kuf ugu jiray dawlad barasho. 3-Xilligii Kacaankii Oktoobar 1969 – 1990. Waxaa soo maray laba Barlamaan lkn talada iyo go’aanka dalka waxaa lahaa golihii sare ee kacaanka iyo xisbigii hanti-wadaaga. 4-Xilligii ku meel-gaarka 2000 – 2012, waxaa dalka soo maray 3 Barlamaan oo ahaa kuwii ugu tirada badnaa uguna tayada yaraa, mana lahayn go’aano masiiri ah markii laga reebo go’aankii 2010 lagu badbaadiyey Badda Somaliya, waxeyna ahaayeen ku meel-gaar ku shaqeeya Charter. 5-Xilligii Dawlad rasmi ah, Federaal ah, Barlamaani ah, leh Dastuur iyo hay’ado la aqoonsanyahay 2012 – 2017, laba Barlamaan ayaa soo martay oo ah hay’ada ugu sareysa dawladda Somaliya una xirsaaran sharci-dejinta, jaangooyada siyaasada dalka, doorashada, ansixinta iyo ilaalinta laamaha fulinta, ilaalinta dastuurka, midnimada, madax-banaanida iyo khayraatka dalka, waxaana saaran mas’uuliyada ugu sareysa ee laamaha dawlada. Iyaga oo ku nool duruufa adag kuna shaqeeya xaalad kala guur ah. Barlamaanadii hore waxaa looga bartay dhaqana u aheed: mooshinno ku socda madaxda dalka oo joogta ah, fadhi ku dirir joogta ah, safaro joogta ah, jago iyo lacag raadin joogta ah, gobaleysi iyo qabiileysi, khilaaf iyo shisheeye kal-kaal, aqoon yaro iyo karti xumo iwm. Barlamaanka 10 aad oo laba sana jirsaday, kalfadhigiisa 3 aad wuxuu ku bilawday dhaqan ka duwan kii hore looga bartay. Waxaana ka muuqda bisayl siyaasadeed, wadaniyad iyo gobanimo, kadib markii uu kalfadhigiisa ku bilaabay midnimo iyo qaraar lagu difaacayo khayraadka dalka laguna ilaalinayo karaamada iyo madax-banaanida dalka, dhinacna iska dhegeen gobaleysi, qabiileysi iyo mooshinadii Madaxda qaranka, una jeesteen in si wada jir ah loo difaaco masiirka dalka. Hadaba kalfadhigaan3 aad waa looga fadhiyaa lagana sugayaa in uu xaqiijiyo sanadkaan hawlaha qaran ee hor-tebinta leh ee uu ku tilmaamay gudoomiye Jawaari xafladii furitaanka. Iyo in ay bedelaan dhaqankii is qab-qabsiga, mooshinada madaxda, gobaleysiga iyo qabiileysiga, kuna hogaamiyaan dawlada iyo dadka aragti siyaasadeed, difaaca khayraadka iyo qaran-nimada. W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa laga filan karaa mowjadaha Siyaasadeed ee ka dhashay kalfadhiga 3-aad ee BF? appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay Mooshinkii laga soo Gudbiyay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka soo gudbiyeen Mooshin xil ka qaadis ah ayaa arintaasi ka hadlay. Gudoomiye Jawaari oo ka hor hadlayay Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan Mooshinkaasi ay kaga hadlayeen ku yeeshay Villa Hargeysa. Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Mooshinkaasi aanu gaarin xadkii lagu qaban lahaa. Gudoomiye Jawaari oo kulankaasi Goobjoog ahaa ayaa ugu mahad ciliyay guddiga Joogtada tilabadaasi ay dib ugu ciliyeen Mooshinkii isaga laga waday. Gudoomiye Jawaari ayaa ku baaqay in la ilaaliyo midnimada Baarlamaanka isaga oo ku baaqay in sabtiga si caadi ah kulanka Baarlamaanka uu u dhaco. Jawaari ayaa sheegay in kala aragti duwanaanshiyaha ay tahay mid caadi ah Shaqada Baarlamaanadana ay sidaasi tahay “Waxaan codsanayaa in dhammaan xildhibaanada ay ilaaliyaan Golaha midnimada, Sabtida wixii ka dambeeya waxaa bilaaban doona Howlaheena caadiga ahaa, dhammaan waan idinkaga mahadcelinayaa bisdeelka siyaasadeed.” ayuu yiri Gudoomiye Jawaari Xildhibaana katirsan Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa maanta mooshin xil ka qaadis ah ka soo gudbiyay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan in uu fashilmay mooshinkaasi kadib markii xildhibaano ay ka laabteen. Hoos ka Dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/Gudoomiye-Jawaari-Cowke-PP-Muqdisho.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay Mooshinkii laga soo Gudbiyay appeared first on Puntland Post. -
Cabdiweli Sh. Ibraahim Muudeey Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadalay Mooshinkii laga soo gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Muudeey oo Wariyaasha la hadlay ayaa sheegay in Mooshinkaasi uu yahay mid sax ah islamarkaasina isaga ay u dhiibeen si Baarlamaanka loo horgeeyo. Cabdiwali Muudeey ayaa sheegay in tiradii loogu talagalay oo mooshinka laga soo gudbiyo ay mooshinkaasi soo gudbiyeen islamarkaasina sharci ay tahay. Waxa uu ku baaqay in sareeynta sharciga laga hormariyo wax walba Dowladnimadana ay ku jirto Sharciga. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Saakay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiwali Sh Ibraahim Muudeey u gudbiyay Mooshin ay ka wadaan Gudoomiye Jawaari. Hoos ka Dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/Cod-Cabdiwali-Muudeey-By-Cowke-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiye Muudeey” Waa Sharci Mooshinka Jawaari Baarlamaanka ayaana horgeeynaa” appeared first on Puntland Post.
-
Qaar kamid ah Xildhibaanadii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee saakay saxiixay Mooshin xilka looga qaadayo Gudoomiye Jawaari ayaa Goordhow oo caawa ah war cusub soo saaray. Xildhibaanada ayaa sheegay in sharciga lagu tumanayo iyaga oo qaadacay shir looga hadlayay Mooshinkaasi oo maanta ka dhacay xarunta Guddiyada Baarlamaanka ee Villa Hargeysa. Xildhibaanada ayaa sheegay in Jawaari aanu qaban karin kalfadhiga Baarlamaanka ilaa kalsoonida la siinayo ama lagala laabanayo. Xildhibaanada ayaa sheegay in la siyaasadeeyay Mooshinkaasi islamarkaasina faragalin lagu wado go’aanka Xildhibaanada ay gaareen. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xildhibaanadii saxiixay Mooshinkaasi qaarkood ay ka laabteen go’aankaasi Mooshinka ay kaga soo gudbiyeen Gudoomiye Jawaari. Gudoomiye Jawaari wax war ah kama soo saarin Mooshinkaasi laga soo gudbiyay hayeeshee waxa uu wadaa kulamo uu la qaadanayo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee isaga taageersan. Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaanada http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/Codka-Xildhibaanadii-Caawa-Cowke-Muqdisho.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanadii Mooshinka ka soo Gudbiyay Jawaari oo Caawa war cusub soo saaray appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Wafdiga Wasiir Xoosh ayaa si baalaran loogu soo dhoweeyay magaaladaasi Baydhabo waxaana ku soo dhoweeyay Xubno katirsan Koonfur Galbeed. Wasiir Xoosh iyo wafdigiisa ayaa Magaalada Baydhabo ku qabanayo kulamo looga hadlayo Dastuurka dalka Soomaaliya oo wasaarada ay qiimeeynteeda ay wado. Sidoo kale u jeedka wasiir Xoosh ee Baydhabo ayaa la xariiraxalinta qilaafaadka u dhaxeeyo Koonfur Galbeed iyo Wasaarada Dastuurka Xukuumada Soomaaliya. Wasiir Xoosh ayaa baryihii ugu dambeeysay waday socdaalo uu ku marayo qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya isaga oo waday wadatashiyo ku aadan Arimaha Dastuurka Dalka. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiirka Dastuurka oo Gaaray Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan, Deputy Prime Minister and Minister of Presidential Affairs, on Wednesday received HE Musa Bihi Abdi, Somaliland President at the presidential palace. During the meeting, the two sides reviewed the bilateral relations between Somaliland and the UAE specially on the areas of trade, political and brotherly cooperation.
-
The motion to unseat the speaker of the Lower House, Mohamed Osman Jawari has been quashed after it failed to meet the required quorum. Source: Hiiraan Online
-
Over 100 MPs have said that they no longer have confidence in the abilities of Mohamed Osman Jawari to successfully fulfill his duties as the Speaker of the Federal Parliament of Somalia, according to a motion signed by MP’s on Wednesday. The motion, signed and dated March 14th, accuses Jawari of abusing his powers as the speaker to suppress the commentary of the Lower House and interfere with the ongoing constitutional process. Jawari – who is in his 9th year of office as the Speaker – denounced the motion as illegal but did not say what his next moves would be. Sources say the number could change as MPs circulate the motion and attempt to sway one another on whether to join the move to depose the speaker or oppose it. The MPs tabling the motion require a two-thirds majority of the Lower House, or 184 MPs to successfully remove Jawari from office. The motion comes just days after the third session of Parliament officially convened in Mogadishu. The charged first sitting was opened by Farmajo denouncing foreign interference in Somalia and concluded with a near-unanimous condemnation of DP World for their role in the contentious Berbera Port deal. The post Over 100 MPs propose no-confidence vote against Speaker of Parliament appeared first on Caasimada Online.
-
Over the last decade, African arms imports dropped by 22 per cent, according to the Stockholm International Peace Research Institute (SIPRI), but Algeria, Morocco and Nigeria continued to order large quantities of weapons and equipment. In its Trends in International Arms Transfers 2017 fact sheet released this week, SIPRI said that African arms sales dropped 22% between 2008-12 and 2013-17. Much of the hardware that was supplied went to Algeria (52% of African arms imports), Morocco (12%) and Nigeria (5.1%). “Major arms play an important role in the military operations by sub-Saharan African states, although, due to lack of resources, procurement typically involves small numbers of mainly relatively low-end weapons,” SIPRI said. States in sub-Saharan Africa received 32% of total African imports in 2013–17. The top five arms importers in sub-Saharan Africa were Nigeria, Sudan, Angola, Cameroon and Ethiopia. Together, they accounted for 56% of arms imports to the subregion. Nigeria’s arms imports grew by 42 % between 2008–12 and 2013–17, SIPRI noted. Russian arms exports to Africa fell by 32% compared with 2008–12, but despite the decrease, Russia accounted for 39% of total imports to the region. Algeria received 78% of Russia’s arms transfers to Africa in 2013–17. China’s arms exports to Africa rose by 55% between 2008–12 and 2013–17, and its share of total African arms imports increased from 8.4% to 17%. “A total of 22 sub-Saharan African countries procured major arms from China in 2013–17, and China accounted for 27% of sub-Saharan African arms imports in that period (compared with 16% in 2008–12). In North Africa, China became an important supplier to Algeria in 2013–17, with deliveries including three frigates and artillery,” SIPRI reported. The United States accounted for 11% of arms exports to Africa in 2013–17 – the transfers were mainly small batches of weapons and included eight helicopters for Kenya and five for Uganda, which were supplied as US military aid. In 2013–17 Kenya—which is fighting al-Shabab on its own territory and in Somalia— acquired 13 transport helicopters, 2 second-hand combat helicopters, 65 light armoured vehicles and a small number of self-propelled howitzers. SIPRI lists Egypt’s acquisitions as falling under the Middle East – if these are included in the continent’s statistics they push up Africa’s imports significantly as arms imports by Egypt grew by 215% between 2008–12 and 2013–17. SIPRI noted that the US has been Egypt’s main arms supplier since the late 1970s, and accounted for 45% of Egypt’s arms imports in 2008–12. “However, between 2013 and 2015 the US halted deliveries of certain arms, in particular combat aircraft, to Egypt. In 2014 Egypt signed major arms deals with France, and deliveries started in 2015. As a result, France accounted for 37 % of Egypt’s arms imports in 2013–17 and overtook the USA to become the main arms supplier to Egypt for that period. This was despite the fact that the USA ended its restrictions in 2015 and increased its overall arms supplies to Egypt by 84% between 2008–12 and 2013–17.” Globally, SIPRI in its latest report said that the volume of international transfers of major weapons in 2013–17 was 10% higher than in 2008–12, a continuation of the upward trend that began in the early 2000s. The five largest exporters in 2013–17 were the United States, Russia, France, Germany and China. The United States in 2013-17 had a 34% share of the global market, followed by Russia (22%), France (6.7%), Germany (5.8%) and China (5.7%). The USA supplied major arms to 98 states in 2013–17. Exports to states in the Middle East accounted for 49 per cent of total US arms exports in that period. “Based on deals signed during the Obama administration, US arms deliveries in 2013–17 reached their highest level since the late 1990s,” said Dr Aude Fleurant, Director of the SIPRI Arms and Military Expenditure Programme. “These deals and further major contracts signed in 2017 will ensure that the USA remains the largest arms exporter in the coming years.” The five largest importers were India, Saudi Arabia, Egypt, the United Arab Emirates (UAE) and China. Most states in the Middle East were directly involved in violent conflict in 2013–17 and consequently arms imports by states in the region increased by 103% between 2008–12 and 2013–17, and accounted for 32% of global arms imports in 2013–17. “Widespread violent conflict in the Middle East and concerns about human rights have led to political debate in Western Europe and North America about restricting arms sales,” said Pieter Wezeman, Senior Researcher with the SIPRI Arms and Military Expenditure Programme. “Yet the USA and European states remain the main arms exporters to the region and supplied over 98% of weapons imported by Saudi Arabia.” SIPRI said the flow of arms to the Middle East and Asia and Oceania increased between 2008–12 and 2013–17, while there was a decrease in the flow to the Americas, Africa and Europe. Source: – DefenceWeb The post African arms imports down appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online)-Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax maanta lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland. Qaraxa oo ka dhashay khasaaro kala duwan ayaa waxaa ciidamada lagula eegtay wadada gasha Tuulada Galgala oo ay isticmaalaan Ciidamada Puntland. Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay illaa Seddex Askari oo midi uu galabta u dhintay dhaawac xoogan oo soo gaaray, halka dhaawacyada ka dhashay Qaraxa ay gaarayaan ilaa afar Askari. Ciidamada Qaraxa lala eegtay ayaa la xaqiijiyay inay kusii jeeden Saldhig ay ku lahaayen duleedka Tuulada Galgala, waxaana halkaa markii danbe gaaray ciidamo gurmad ah oo soo daabulay Meydadka iyo dhaawacyada. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa dhawaan Qarax kaa lamid ah ku dishay Saraakiil dhowr ah oo ka kala tirsanaa ciidamada Militeriga iyo Booliska Puntland. Dhinaca kale Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaa toogasho lagu dilay xilli uu marayay meel ku dhow suuqa degmada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxa kaloo goobta lagu dilay Askariga laga helay nin shacab ah oo dhaawacan. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@liv.com The post Khasaaro kala duwan oo ka dhashay Qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa billowday qorshe ay ku dooneyso in ay isaga horkeento qaar ka mid maamul goboleedyada Soomaaliya iyo dowladda dhexe kadib markii baarlamanka Soomaaliya uu laalay heshiisyada shirkadda DP World oo qeyb ahaan Itoobiya faa’iido ku qabtay. Generaal Gabre oo ka mid ah masuuliyiinta Itoobiya ee saameynta ku leh arimaha Soomaaliya, kana tirsan saraakiisha IGAD, ayaa shir qarsoodi ah kula yeeshay Nairobi masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedyada Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay hotelka Crown ee Nairobi, ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Jubba Land, Axmed Madoobe iyo masuuliyiin sar sare oo ka socday Koonfur Galbeed iyo Puntland. Sida lagu helay xogta shirkan, labada dhinac ayaa isla meel dhigay qaabkii maamul goboleedyada uga hor imaan lahaayeen qaraarka baarlamanka ee DP World kasoo saareen. Waxaa la rumeysan yahay in Itoobiya ay ka faa’iideysaneyso xiriirka wanaagsan oo ay la leedahay Jubba Land, Koonfur Galbeed iyo Puntland, islamarkaana ay ku qancin karto in ugu yaraan fowdo ku furaan dowladda dhexe. Arrintaan ayaa imaaneysa xilli dhowaan madaxda sare ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada lagu wado in ay ku kulmaan magaalada Garowe. Caasimada Online
-
Mooshinkii laga keenay Gudoomiye jaawaari ayaa gabi ahaanba bur buray kadib markii qaar kamid ah Xildhibaanadii Mooshinka gudbiyay ay isaga baxeen. 108 Xildhibaan ayaa Mooshinkan gudbisay waxaana ka haray 16 Mudane sidasi ayaa waxaa lagu sheegay Warsaxaafadee ka soo baxay goor dhawayd Baarlamaanka soomaaliya. Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo Shir jaraaid ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay sidan ‘’Mooshinka markii hore waxaa soo gudbisay 107 xildhibaan waxaa markii danbe ka noqday oo isaga baxay 16 xildhibaan sidaa waxaa ku soo haray 91 mudane, waxaana sida uu sharcigu qabaa in mooshinka ay soo gudbi karaan 92 xildhibaan, sidaa ayuu ku buray mooshinkii laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka ayuu yiri’’ Xogyahaha Golaha Shacabka. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomalaiya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Warbaahinta lahadlay ayaa waxa uu sheegay in la ilaaliyo Midnimada maadaama uu Mooshinkii uu buray , waxa uu sheegay in araintan ay ahayd Dimuqraadiyad horay looqaaday . Jawaari
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa maanta kulan ku yeeshay Xaruntooda ee Muqdisho,waxaana kulankooda ay uga doodayeen Xeerkii ay ansixiyeen Golaha Shacabka kaas oo dalka looga mamnuucayay shirkada DP World ee laga leeyahay Wadanka Imaaaradka Carabta. Kulanka markii uu furmay ayaa waxaa xildhibaanada ay soo jeedinayeen qaarkood talooyin ku aadan in Goluhu aysan ansixin xeerkaas si waqti loosiiyo in ay uga soo talo bixiyaan,halka sidoo kale Golaha qaar ay sheegayaan in xeerkaan la meel marinayo. Dood Kulul oo ay yeesheen Xildhibaanada Aqalka sare ayaa saacado badan socotay, waxaana kulanka oo lagu waday in doodiisa la soo gunaanado ka hor salaada duhur uu kusoo dhamaaday Natiijo la’aan. Kulankii Xildhibaanada ayaa waxaa hareereeyay buuq iyo Sawaxan dhaliyay in lagu kala dareero kulanka Aqalka Sare ka dib markii la isku khilaafay Waqtiga ka doodista qodobkaan. Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in kulanka Waqtigiisu uu dheeraaday, islamarkaana ay sii wadi doonaan ka doodida qodobkaasi, xildhibaanada Aqalka Sare maalmaha soo socda. Xildhibaanada ayaa ku kala qeybsamay sida dalka looga mamnuucayo Shirkadda DP World ee Wadanka Imaaraadka Carabta, waxa ayna Xildhibaanada badankooda soo jeediyeen in la daahiyo xeerkaas. Xildhibaanada ugu badan ee carqaladeeyay fadhiga go’aanka looga gaari lahaa shirkada DP World ayaa taabacsan Guddoomiye ku-xigeenka Kowaad Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Somalia Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo isnaa garab ahaan kasoo jeeda xulafada Imaaraadka Carabta. Abshir Bukhaari, Cumar C/rashiid iyo Xildhibaano kale ayaa ololo ugu jira sida Golaha Aqalka Sare uu uga hor imaan lahaa Go’aanka uu baarlamaanka Somalia dalka uga eriyay Shirkada DP World. Xildhibaano ku dhow 24 oo isbaheystay ayaa is hortaag ku sameeyay go’aanka la filaayay in laga gaaro shirkada DP World, kuwaa oo u muuqda inay mashruuc la xirteen dowlada Imaaraadka Carabrta oo aad uga walwalsan go’aanada DFS ee ka dhanka ah shirkada. Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa doonaaya inay wakhtiga u dheereeyan shirkada, waxaana maanta la filaayay in go’aanka kadib xeerkaas uu saxiixo Madaxweyne Farmaajo, kadibna lagu dhaqmo. Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili Xildhibaanada Golaha Shacabka ay sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ka sameysay Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Yey taabacsan yihiin Xildhibaanada Aqalka Sare ee maanta Carqaladeeyay Go’aan ka qaadashada Shirkada DP World? appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ee Soomalaiya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka doodeen ,waxa laga yeelayo Heshiisyadii lala galay Shirkada DP World Kulanmka ayaa waxaa soo xaadiray manata ilaa iyo 41 Xildhibaan waxaana shir gudoominayay Gudoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi oo ay lajoogeen labadiisa kuxigeen . Xildhibaanada qaar ayaa ku taliyay in loo yeero Wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya si wax looga waydiiyo waxa uu ka ogyahay Heshiisyadan ay la galeen Maamulada dalka qaar shirkada DP World. Halkan ka daawo .
-
Popular Contributors
