Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ee sida gaarka ah u tababaran ayaa waxay soo gebagebeeyeen hawlgallo dagaal oo ka dhan ah cadowga Al Shabaab oo ay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay (14-16 March 2018) ka wadeen deegaanada buuraleyda Dhagaxdhaabur,Madarshoon,Karin Xagarood iyo Diindigle ee Buuraha Cal Madow. Ciidanka PSf waxay hawlgalladan ku dileen 18 xubnood oo ka tirsan cadowga Al Shabaab. Ciidanka PSF habeen iyo maalin ba way sii wadi doonaan hawlgallada ka dhanka ah kooxah cadowga ku ah Puntland ee damacoodu yahay dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed. Puntlandi.com
  2. Ciidamo katirsan kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa Goordhow oo maanta ah la wareegay xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho. Ciidamadaan oo aad u farabadan islamarkaasina wata gaadiidka qafilan ayaa la wareegay guud ahaan xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Ciidamadaan ayaa lagu arkayaa albaabada laga soo galo xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho. Ciidamadaan cusub ayaa ku biiraya ciidamo horay ugu sugnaa xaqr Waxaa guud ahaan hakad ku jira shaqada Baarlamaanka Soomaaliya iyada uu baaqday kulan Baarlamaanka ay ku yeelan lahaayeen Xarunta Golaha Shacabka. Arintaan ayaa ka dambeeysay kadib markii qilaaf siyaasadeed uu soo kala dhaxgalay Ra’isilwasaraha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlmaanka. Wixii ku soo kordha dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamada AMISOM oo la wareegay Amaanka Xarunta Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa saakay lagu wareejiyay amaanka dhismaha Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya oo saacadihii ugu dambeeyay ku jirtay xaalad xasilooni darro dhinaca amniga ah. Ku dhawaad 100 ka mid ah Ciidamada AMISOM gaar ahaan Ciidamo ka socda Dowladda Uganda ayaa sugaya amaanka dhimsaha xarunta Golaha Shacabka oo xalay lagu wareejiyay Ciidamo Cusub kadib markii xukumadda lagu eedeeyay in ay ka wareejisay Ciidankii hore. Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in dhismaha Xarunta Golaha shacabka laga qaado Ciidanka lagu wareejiyay, waxayna arintaasi ku timid kadib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari uu dalbaday in xarunta laga dulqaado Ciidan uu sheegay in uu amray Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayrre. Ciidamada AMISOM ayaa horay u joogay qaar ka mid ah Golaha Shacabka balse kuwa cusub lagu kordhiyay,waxana tallaabadaan ay ku soo aadeysaa xili xalay gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh cusmaan Jawaari uu sheegay in Ciidamo uu soo amray ra’iisul Wasaaraha soomaaliya ay qabsadeen Xarunta Golaha Shacabka. Xarunta Golaha Shacabka ayaa Maanta waxaan ka jirin wax kulan ah laakin hadalka ka soo baxay Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa isla xalay beenisay Wasaaradda Amniga soomaaliya. Si kastaba arrintaan ayaa ku soo aadeysa xili weli u taagan yahay Khilaafka gudoonka Golaha Shacabka kaas oo kala qeybiyay xildhibaanada,iyada oo lagu eedeynayo in ay ka dambeyso xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ciidamo ka tirsan AMISOM oo lagu wareejiyay amaanka Xarunta Golaha Shacabka. appeared first on Caasimada Online.
  4. Tom Sleigh has devoted the best part of his career to poetry, both writing it and writing about it. However, after Interview with a Ghost (2006), a collection of essays which blended poetry and Source: Hiiraan Online
  5. Republic of Somaliland is an independent, and Sovereign Nation that could Enter Treaties with Anyone in the World they Choose Quotes “Those who profess to favor freedom and yet depreciate agitation are people want crops without plowing the ground; they want rain without thunder and lightning; they want the ocean without the roar of its many waters. The struggle may be a moral one, or it may be a physical one, or it may be both. But it must be a struggle. Power concedes nothing without a demand. It never did and it never will.”Frederick Douglas “How can one compelled to accept slavery? I simply refuse to do the master’s bidding. He may torture me, break my bones to atoms and even kill me. He will then have my dead body, but not my obedience. Ultimately, therefore, it is I who am the victor and he not, for he has failed in getting me to do what he wanted done” Mahatma Gandhi The United Arab Emirate is so close to recognize the Republic of Somaliland. The recent tripartite signing of the Berbera deal between the Republic of Somaliland, Ethiopia and United Arab Emirate is a historical breakthrough for a resilient, resurgent, and more assertive Somaliland. The last Somaliland presidential election that has led to a peaceful transfer of power as was always has attracted more attention for this self-reliant country and its people. Despite being ignored by a broken and rapidly declining international community, a toothless and corrupt United Nations that miserably failed in initial mission for its inception which was to maintain world peace, Somaliland keeps on progressing for the last 28 years. On the 15th of March 2018 the people of Somaliland has conducted massive demonstrations throughout the country showing solidarity of the tripartite agreement between the Republic of Somaliland, Ethiopia and United Arab Emirate, and in response to the empty talks coming from the weak government on paper from Mogadishu. I believe the words of the non-elected charlatans and warlords in Mogadishu are meaningless and has no impact what so ever on Somaliland and its people. The people of Somaliland underscored their readiness to defend their country against any foreign aggression or interference. Somalilanders clearly put into perspective that they are peaceful people who are minding their own business, but they will aggressively and passionately defend their country against foreign aggression and encroachment. Time and again the people of Somaliland have clearly stated that. New emerging alliances: Clearly the prevailing trends puts into perspective emerging alliances. In one side seem to be United Arab Emirates, Saudi Arabia, Ethiopia, Somaliland, and others on other side are Qatar, Turkey, and the weak; AU propped on paper government of Somalia. Somalilanders have struggled for their freedom and sovereignty for many years and paid a huge price in blood and treasure. Freedom is the state of being free, self-determination, liberty, opposite of slavery; and the power of acting in the character of a moral personality. It is the free will of the people that could not be subject to any outside checks, limitations, or prohibition. Free people are those who determine and control their destiny. This is what Somalilanders have achieved following so many years of a bitter struggle, and the sacrifice of countless lives and treasure. The tree of freedom is watered with the blood of gigantic number of martyrs. Somalilanders are ready to defend, preserve and sustain their hard won independence and sovereignty. I would also want to remind you 90% of our struggle for full independence and sovereignty has been achieved, but 10% of that struggle is still left. From that backdrop it is the duty of all Somalilanders where ever they are to keep the struggle until we achieve and realize out full sovereignty and independence. Republic of Somaliland is a peaceful country located in a highly volatile region in the Horn of Africa, which is laden with both ancient, modern, man-made, political, ethnic disputes, and conflicts. It is an island of peace and democracy surrounded by a number of dictatorships and for life presidents. Somalilanders are peace-loving people, but make no mistake about it they are also tenacious, resilient, and ferocious people who are so dedicated to defend the sustainability and existence of their independence, sovereignty, and self-determination. They are masters of their destiny who have their faith in their hands. The people of Somaliland will stick to their self-determination and independence forever, and they are ready to defend it by any means necessary and at any cost. They truly believe that their freedom, independence, and sovereignty which are priceless commodities no money can buy on the face of this earth. Suleiman Egeh is a freelance writer and a senior science instructor
  6. Mogadishu (HOL) - The International Community has called for dialogue to ease the looming political crisis between the Legislative and Executive arms. Source: Hiiraan Online
  7. The International Community has called for dialogue to ease the looming political crisis between the Legislative and Executive arms. Source: Hiiraan Online
  8. Beesha caalamka ayaa si aad ah uga welwelsan qulqulatooyinka siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Muqdisho, taas khatarta ku ah horumarada siyaasadeed, dhaqaale, hanaanka nabadgelyada, iyo dib u dhiska sumcadda Soomaaliya. Waxay beesha caalamku ugu baaqday hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta in ay ixtiraamaan xukunka sharciga iyo Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah ee xalinta khilaafaadka siyaasadeed. Waxaa kale oo ay ka digeen wax walba oo keeni kara rabshad ama wiiqi kara in si dimuqraadiyad ah lagu dhameeyo khilaafka taagan. Bulshada caalamka waxay ku boorrineysaa hoggaamiyayaasha Baarlamaanka iyo Fulinta in ay yeeshaan doodo ixtiraam leh maalmaha soo socda iyo in ay isticmaalaan hab dastuuri ah oo nabad ah si loo xaliyo khilaafaadka siyaasadeed. Puntlani.com
  9. Somali Lower house Speaker, Mohamed Sheikh Osman Jawari said the government forces have taken over parliament amid looming poltical crisis. Speaking at the press conference, Jawari accused of Prime Minister, Hassan Ali Kheire of engineering the raid on the parliament premises. “The debate on the motion against me must be held in a difference place since the the government has taken control of the parliament buildings,” said Jawaari. Jawaari pointed out that the motion against him was proposed after he rejectd to sign documents. “I refused to sign documents that are contrary to the principles and trust of the Somali parliament ” he noted. The sentiment of the speaker comes hours after security forces raided the parliament building presumably trying to prevent choas as the tension is high. The post House Speaker accuses PM of raiding the Parliament appeared first on Caasimada Online.
  10. The United Nations, African Union, European Union, Inter-Governmental Authority on Development, Ethiopia, Italy, Sweden, the United Kingdom and the United States are extremely concerned by recent political and security developments in Mogadishu that risk derailing hard-earned political, economic, and security achievements and tarnishing the reputation of Somalia. The international community urges all Somali leaders and politicians to respect the rule of law and the Provisional Federal Constitution in resolving political differences. This needs to include preservation of democratic space. Activities that increase tensions leading to possible violence should be avoided at all costs. The international community urges leaders in Parliament and the Executive to engage in respectful discussions in the coming days and to use constitutional and peaceful means to resolve political differences. The international community commends those groups and individuals who are mediating a peaceful resolution to political differences and stands behind their efforts.
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Daahir Amniin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada BFS ayaa si kulul uga hadlay Shir Jaraa’id oo uu qabtay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kadib markii ciidamo cusub ay la wareegeen amniga xarunta baarlamaanka. Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in Wasaarada amniga uu uga mahadcelinaayo talaabada ay ciidamada cusub ku geysay xarunta baarlamaanka Somalia. Waxa uu Jeesow sheegay in Guddoomiye Jawaari iyo ciidamada laga eryay xarunta ay ahaayen kuwo si gaara daacad ugu ahaa Jawaari, waxa uuna sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan muddo 3 cisho ah tagin Xarunta Villa Hargeysa, kadib markii ay ciidamada bilaabeen in Xildhibaanada ay ku dhibaan galiinka xarunta. Waxa uu sheegay in ciidamada ilaalada ka ah xarunta ay si cad galitaanka xarunta ugu diideen Xildhibaan keliya ka hor imaaday Jawaari, waxa uuna taa ku micneeyay in xarunta aysan aheyn mid dowladeed balse uu is laheysiiyay Jawaari. Guddoomiye Jawaari, ayuu ku eedeeyay ku tagrifal dastuurka iyo xeer hoosaadka, waxa uuna talaabo fool-xun ku sheegay khaladaad dhowr ah oo uu ku adkeysanaayo Jawaari. Sidoo kale, Xildhibaan Jeesow ayaa Madaxweynaha u sheegay inaan lagu cabsi galin burburka baarlamaanka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in baarlamaanka uu iminka qaadi doono wadada saxda ah, maadaama iminka la arkay daldaloolada jira. ‘’Madaxweyne waxaan kugu wargalinayaa in baarlamaanka Somalia uu horay u dhisnaa hadana dhisnaan doono, yaan laguugu cabsi galin, baarlamaanka uma burburi doono shaqsi khaladaadkiisa lasoo saaray’’ HOOS KA DAAWO MUUQAALKA JEESOW The post Daawo: Xil. Jeesow oo ujawaabay Jawaari, Fariina udiray Madaxweyne Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia, ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ku eedeeyay inuu laalay ku dhaqanka nidaamka xeerhoosaadka dalka. Guddoomiye Jawaari oo Mooshin uu ka yaalo Xarunta Golaha Shacabka ayaa ku eedeysan inuu hareermaray Dastuurka, sidoo kalena diidan in lagu dhaqmo waxa loogu yeero xeerhoosaadka. Xildhibaanada qaar ayaa sheegay inay qabaan aragtida la xiriirta in Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Jawaari uu cagsi ku yahay Dastuurka dalka isla markaana burburinaayo, balse ay doorbideen in laga gudbo xiisada sii xoogeysaneysa. Xildhibaanada waxa ay sheegeen in Guddoomiye Jawaari oo Mooshin sharci ah ka yaallo uu shir Gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka oo ay ku buriyeen Mooshinkii isaga laga keenay, taa oo cirka kusii shareertay xiisada. Xildhibaanada dhaliilsan talaabada uu qaaday Jawaari, ayaa waxaa ku biiray Aqoonyahaano, Siyaasiyiin iyo waayo arag iyaguna qaba in Jawaari uu ka talaabay xeerka iyo waxa uu qabo Dastuurka dalka. Aqoonyahaanada rumeysan in Guddoomiye jawaari uu ku tagri falay sharciga ayaa waxaa kamid ah Aqoonyahan Warsame Cismaan Xasan oo sheegay inuusan sharciga dhigeyn Gudoomiye Baarlamaan oo ka yaalla Mooshin uu Shir Gudoomiyey kulan Guddiyada Joogtada ah ay leeyihiin, sidoo kalena isla kulankaasi lagu go’aamiyo inuu buray Mooshinka. Aqoonyahan Warsame Cismaan Xasan, ayaa sheegay in Gudoomiye Jawaari uu si cad u hareermaray Dastuurka Somaliya, loona baahan yahay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu ku dhaqmo Dastuurka dalka u yaallo ama baneeyo kursiga. Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku riyaaqsan yahay xiisada baarlamaanka oo cirka isku shareerta, kadib markii uu diiday ku dhaqanka iyo nidaam xal ugu raadinta Xeer hoosaad, islamarkaana keeni kara in isfahan laga gaaro khilaafaadka kala duwan ee xilligaan taagan. Mooshinka ay soo gudbiyeen Xildhibaanada, ayaa sidoo kale waxaa eedeyntooda ka mid ahaa in Gudoomiye Jawaari uu afduubtay Baarlamaanka, sidoo kalena uu ku fashilmay arrimaha la xiriira Guddiyada Baarlamaanka. Si kastaba ha ahaatee, Xiisada baarlamaanka Somalia ayaa cirka isku shareertay kadib markii 117 Xildhibaan ay Mooshin ka keentay Guddoomiye Jawaari, inkastoo saacadihii ugu danbeysay ay Mooshinka ka laabteen 17 Xildhibaan oo daaha gadaashii weli ka hagaaya Mooshinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Jawaari oo kala dhantaalay nidaamka xeerhoosaadka & hareer marka Dastuurka dalka (Akhriso xaqiiqda) appeared first on Caasimada Online.
  13. Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacay shir ay wada qaateen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka. Kulankaan ayaa waxa uu ka dhacay xarunta wasaarada Gaashaandhiga ee Muqdisho halkaasi uu madaxweynuhu uu si KMG ah u daganyahay. Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Warbaahinta Puntland Post ayaa waxa ay sheegayaan in kulankaasi oo ahaa mid xasaasi ah uu qaatay saacado aad u badan. Gudoomiye Jawaari u sharaxay Madaxweynaha khilaafka siyaasadeed ee jiray isaga oo ka codsaday Madaxweyne Farmaajo in uu soo faragaliyo khilaafkaan siyaasadeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka khilaaf kasta oo jirana uu ugu baaqay in la xaliyo. Waxaa cirka isku sii shareeraya qilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo Gudoomiye Jawaari iyo Ra’isilwasaare Kheyre waxaana arintaan ay soo ifbaxday Markii Mooshin sida la sheegay laga soo abaabulay xafiiska Ra’isilwasaaraha laga soo Gudbiyay Gudoomiye Jawaari. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Farmaajo iyo Jawaari oo ka wada hadlay Mooshinkii laga soo Gudbiyay appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda amniga ee xukuumadda Somalia iyo sidoo kale taliska ciidanna Booliska ayaa si wadajir ah uga hadlay ciidan dheeri ah oo la geeyay xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xasan Macalin Xuseen oo ah Wasiiru Dowlaha Amniga xukuumada iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Gen Bashiir Cabdi Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedka ciidamada loo geeyay xarunta ay tahay keliya in la sugo amniga xarunta. Wasiiru Dowlaha Amniga xukuumada iyo Taliyaha Booliska ayaa sheegay in sababta loo kordhiyay ciidamadu ay tahay xaqiijinta amniga, maadaama xarunta ay ka jiraan maalmahaan shirar xasaasi ah. Xasan Macalin Xuseen wasiiru dowlaha Amniga ayaa ugu horeyn sheegay in wasaadu amartay in ciidanka suga Amniga xarunta ay taliskka Booliska geeyaan isagoo sheegay in ay Mas’uuliyad ka saarantahay sugida Amniga halka ay xildhibaanada ku shiraan ee Xarunta Golaha shacabka. Wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga Soomaaliya Xasan Macalin Xuseen, ayaa Warbaahinta u sheegay inaysan jirin ciidan gaar ah oo la wareegay xarunta, balse ciidamo cusub oo ka tirsan Booliska Soomaaliya in la geeyay xarunta Golaha Shacabka. Wuxuu sheegay amar ka soo baxay Wasaaradda amniga in lagu geeyay ciidankaasi, balse aysan jirin xaalad kale oo ka taagan xarunta Golaha Shacabka. Wuxuu meesha ka saaray in ciidan gaar ah ay qabsadeen xaruntaan, islamarkaana lala wareegay, balse wuxuu tilmaamay ciidamada ay yihiin kuwa isbedel lagu sameeyay, Duhurkii shalay. Hadalkaan ka soo baxay Wasaaradda amniga iyo Taliska ciidanka Booliska ayaa meesha ka saaraya hadalkii Gudoomiye Jawaari ee ahaa in ciidanka Militariga ay la wareegeen gacan ku haynta xarunta Golaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Daawo: Wasaarada Amniga & Taliska Booliska oo beeniyay in RW Kheyre uu lahaa amarka ciidamada lagu geeyay Xarunta BF appeared first on Caasimada Online.
  15. Baydhabo (PP) ─ Waxaa soo gabagaboobay kulankii afaraad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ay qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) kana soo qeybgaleen Wasiirada Dastuurka ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabelle) iyo Maamulka Gobolka Banaadir kaasoo lagu qabtay magaalada Baydhabo ee caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 15 – 16kii Maarso 2018. Ujeedooyinkii kulanka iyo qodobadii ay isku raaceen Wasiirada waxaa Warbaahinta u akhriyay La-taliyaha Arrimaha Warfaafinta iyo Xiriirka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon. UJEEDOOYINKA KULANKA AFRAAD EE MADASHA: Kala warqaadasho iyo soo jeedin warbixino ku saabsan howlaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS, Wasaaradaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir saddexdii bilood ee lasoo dhaafay iyo Saddexda bilood ee soo socota. Soo bandhigidda qorshaha iyo qaab-fulineedka arrimaha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha. Muddeynta iyo u diyaargarowgaShirweynaha Qaran ee daahfurka ololaha dib-u-eegista Dastuurka. Xal u helida caqabadaha ku hareereysan Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka. QODOBADA KA SOO BAXAY MADASHA: Wadaxaajood iyo falanqayn dheer kadib, madashu waxay isku raacday qodobadan soo socda:- 1) Madashu waxay uga mahadcelineysaa Dowlad GoboleedkaKoonfur Galbeedee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya martigelinta shirka afraad ee madasha. 2) Madashu waxay soo dhawaysay una hambalyaysay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dastuurka iyo Federaalka Dowlad Goboleedka Hiirshabelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim iyo Agaasimaha cusub ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyaynta ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdifataax Cali Xasan. 3) Madashu waxa ay soo dhaweeysay horumaradii laga sameeyay Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka waxayna dhiirri-galinaysaa in lasii dar-dargaliyo. 4) Madashu waxay bogaadinaysaa wadashaqeynta Hay’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista dastuurka, waxayna dhiirri-galineysaa in lasii xoojiyo, waxii khilaaf ahna lagu xaliyo wada hadal iyadoo aysan saameyn ku yeelan howlaha Dib-u-eegista Dastuurka. 5) Madashu waxey amaantay kaalinta yididiilada leh ee joogtada ah ee Madaxweynaha JFS iyo Ra’isul Wasaaraha XFS ka qaataan Dib u-Eegista dastuurka iyo weliba isku soo dhaweynta Hay’adaha ku shaqada leh. 6) Madashu waxey si diiran usoo dhaweysay go’aankii kulanka Golaha Amniga Qaranka ee ka dhacay magaalada Muqdisho 6da – 10ka Febraayo 2018 kaasoo la isla qaatay in hawlaha dib-u-eegista Dastuurka lagu soo gabagabeeyo sannadka 2018ka, iyadoo qodabada dib-u-eegista loo kala hormarinayo siday u kala muhiimsan yihiin. 7) Madashu waxey sidoo kale soo dhaweysay talaabo horumar lehna ku tilmaamtay go’aankii Golaha Amniga Qaranka ee qabashada shirweyne ka dhici doona magaalada Baydhabo caasimadda ku-meel-gaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya 28ka Maarso 2018, kaasoo looga arrinsan doono arrimaha doorashooyinka iyo qeybsiga kheyraadka. 8) Shirka Madasha waxaa la isla ogolaadayqorshaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay soo bandhigtay ee ku saabsanaa qaab fulineedka Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka. 9) Madashu waxay isla garwaaqsatay daadejinta Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Bulshada illaa heer gobol, degmo iyo tuulo, iyadoo kaalin lixaad leh ay ka ciyaarayaan Wasaaradaha Dastuurka ee Dowladaha Xubanaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliyaiyo Maamulka Gobolka Banaadir iyagoo kaashanaya bulshada rayidka qaybaheeda kala duwan. 10) Madashu waxay ku heshiisay in si wadajir ah dhaqaale loogu raadiyo ololaha daadejinta Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha si muwaadin kasta oo Soomaali ah (heer gobol, degmo iyo tuulo)fursad ugu helo ka qaybqaadashada Dib-u-Eegista Dastuurka. 11) Madashu waxay soo jeedineysaa in la qabtoShirweynaha Qaran ee daahfurka dib-u-eegista dastuurka ugu dambeyn bisha Abriil 2018 si si rasmi ah loo guda galo ololaha hirgelinta dib-u-eegitsta dastuurka. 12) Madashu waxay isla garatay in kulanka shanaad ee madasha lagu qabto Dowlad Goboleedka Galmudug Soomaaliya Juun 2018ka. 13) Madashu ugu dambayn waxay u mahadcelinaysaa Beesha Caalamka, Hay’adaha Caalamiga iyo Hay’adaha Soomaaliyeed ee Maxaliga ah taageeradoodaku aadan hanaanka dib-u-eegista dastuurka iyo dhameystirkiisa. PUNTLAND POST The post AKHRISO: Bayaankii laga soo saaray shirkii madasha Wasaaradaha Dastuurka Somalia appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo daah furay ololaha isku-tashiga ee wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka dadka barakacayaasha ayaa ku bogaadiyey bulshada Gobolka sida ay ugu istaageen wax u qabashada dadka danyarta ah. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in isku tashiga iyo wax wada qabsiga bulshada ay asaas u tahay qorshe yaasha lagu xallinayo dhibaatooyinka haysta barakacayaasha ku nool gobolka Benaadir, maadama ay tahay arrin loo baahnayahay in ay u midoobaan maamulka iyo shacabka. “Waxaan dhammaanteen wada aaminsannahay muhiimadda ay leedahay in dadkeenna barakacayaasha ah ee duruufta adag la nool aynu garab siinno, taasina ma imaaneyso haddii aan ku tiirsanaanno deeq bixiyaasha oo kaliya. Waa in aan cududeenna u mideynaa sidii aan nolol karaamo leh ugu abuuri lahayn walaalaheen.” Eng. Yariisow ayaa sheegay in barakacayaal kor u dhaafaya shan boqol oo kun oo qof ay ku noolyihiin gobolka Benaadir, badan-kooduna ay ku tiirsan yihiin shaqo maalmeed ay kala soo baxaan nolol maalmoodkooda, balse bisha barakeysan ee Ramadaan uu soo food saaro culeys la xiriira fulinta shaqooyinkas iyagoo sooman. “Same-falka waxa si weyn noogu booriyey diinteenna suuban, sidaas darteed waa in kaalin muhiim ah ka qaadanna sidii aan afurin ugu sameyn lahayn kumanaanka barakacayaasha ah ee gudanaya waajibaadka soonka, waana arrin kor u qaadaya dareenka walaaltinimo ee aynu u hayno dadka danyarta ah.” Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka ayaa tilmaamay in afarta sano ee soo socota mudnaanta la siin doono sidii dib u deegaameyn dhammeystiran loogu sameyn lahaa barakacayaasha, isagoo ugu baaqay dhammaan shacabka in kaalin muhiim ah ay ka qaataan xal u helidda barakacayasha, maadaama ay kaalin muhiim ah ay ka qaadan karaan koboca dhaqaalaha iyo horumarka gobolka. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo daah-furay ololaha iskutashiga ee wax u qabashada dadka barakacayaasha ah appeared first on Puntland Post.
  17. Wasaarada Amniga Gudaha xukumada Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Booliska oo Goordhow wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa beeniyay in ciidamo ay la wareegeen xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. kusimaha wasiirka Amniga ahna Wasiiru dowlaha wasaarada Amniga Xasan Macalin Xuseen iyo Taliyaha Booliska Bashiir Cabdi Maxamed ayaa arintaasi been abuur ku tilmaamay. Labada masuul ayaa sheegay in ciidamadaasi ay yihiin ciidamo katirsan kuwa booliska islamarkaasina sugaya amniga Baarlamaanka. Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in amarkaasi lagu sugayo Baarlamaanka uu ka soo baxay wasaarada amniga islamarkaasina sare loogu qaadayo amniga Baarlamaanka maadaama uu furmay Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka. “Majirto barlaman la qabsaday waa waxba kama jiraan, ciidamo boolisa oo amniga xoojiya ayaa la geyay Xarunta Barlamanka Somaaliya” ayuu yiri wasiiru dowladaha Dhanka kale Taliyaha ciidamada Booliska ayaa sheegay in Taliska amniga aanay quseeynin siyaasadaha kala duwan ee dalka hayeeshee iyaga ay waajib ka saarantahay sugida amniga masuuliyiinta iyo xarumaha dowlada. Hoos ka Dhageyso Codka Labada Masuul http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/Wasaarada-amniga-Cowke-Pp-Muqdisho.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasaarada Amniga oo Beenisay in ciidamo ay la wareegeen Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, UK, iyo Mareykanka ayaa walaac ka muujiyey xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegeen inay halis ku yihiin guulihii siyaasadeed, dhaqaale iyo kuwii amni ee la gaaray, islamarkaana ay dhaawacayaan sumcadda Soomaaliya. Beesha caalamka ayaa ugu baaqday dhammaan hogaamiyayaasha Soomaalida iyo siyaasiyiinta inay ixtiraamaan sharciga dalka iyo dastuurka, ayna u adeegsadaan xalinta khilaafyada jira. Beesha caalamka ayaa ugu baaqday hogaamiyayaasha baarlamanka iyo xukuumadda inay wada-hadal yeeshaan maalmaha soo socda ayna hab nabdoon oo dastuuri ah u adeegsadaan xalinta khilaafyada jira. Beesha caalamka ayaa bogaadisay kooxaha iyo shaqsiyaadka isku dayaya inay xaliyaan khilaafyada jira, ayna garab taagan yihiin. Hadalkan ayaa imanaya ayada oo xildhibaano ka tirsan baarlamanka ay wadaan mooshin xilka looga qaadayo guddoomiye Jawaari, kaasi oo uu gadaal ka riixayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. The post Beesha caalamka oo war kasoo saartay xiisadda Kheyre iyo Jawaari appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia ayaa shaaca ka qaaday in shaqsi ahaantiisa uu ka baxay Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari. Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud, oo kulan uga qeybgalaayay xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegay in sababta uu mooshinka uu u saxiixay ay aheyd in uu ka carooday Go’aano ay mudo laba bil ka hor ah ka soo saaren shirkii Madaxda maamul goboleedyada kaas oo uu u arkay in ay ku xadgudbeen xuquuqda dastuuriga iyo midda Umadda Soomaaliyeed. Xildhibaan Zakariye Xaaji, oo kamid ahaa Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Jawaari, ayaa hadana sheegay inuu dib uga laabtay Mooshinka, isagoo sababta ku sheegay inuu ku qanacsan yahay in Golaha Shacabka ay ansixiyeen xeerkii dalka looga mamnuucay Shiradda DP World. Xildhibaanku waxa uu cod dheer ku sheegay in xiligaan aan lagu tirinkarin Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari, sidaa aawgeedna uu xal raadin ugu jiro sida lagu qaboojin lahaa mooshinka taagan. Wuxuu sheegay in iminka uu ogaaday in Xukuumaddu ay weerar iyo culeys soo saartay Golaha Shacabka, balse mooshinku uusan aheyn mid ku socda Jawaari sidaasna uu uga laabtay mooshinkii uu saxiixay. ‘’Anigu waxaan halkaan ka qirayaa inaanu qeyb ka aheyn Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Jawaari, waxaan kamid ahay samadoonada ka shaqeynaaya in la qaboojiyo Mooshinka’’ Si kastaba ha ahaatee, hadalka Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud ayaa cadeynaya mad madowgii ku jiray mooshinka Jawaari laga keenay in ay ku lug leedahay Xukuumadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaan Zakariye oo cadeeyay sababta uu uga laabtay mooshinka appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa laga keenay mooshin la doonayo in xilka looga qaado, waxaana baaritaan ay sameysay Caasimada Online ay ku ogaatay sababta. Ilo wareedyo lagu kalsoo yahay ayaa sheegay in saddex tobbaad ka hor ay shireen Jawaari iyo ku xigeenkiisa Cabdi Weli Muudeey iyo guddiga joogtada ah ee baarlamanka. Kulankaas ayaa waxaa Jawaari looga codsaday inuu soo gudbiyo xisaab xir ku saabsan qarashaadka soo gala baarlamanka, taasi oo la sheegay inuu diiday. Waxaa sidoo kale jirta in Jawaari uu ku guul darreystay inuu bixiyo lacag gunno ah guddiga joogtada loogu talo-galay muddo sanad ah, isaga oo hal bil kaliya ka bixiyey. Wararka ayaa sheegaya in Jawaari ay ku maqan tahay lacag gaareysa afar Milyan oo Dollar, oo uu baarlamanka ka qaatay tan iyo labadii xil ee uu ahaa guddoomiyaha baarlamanka, oo ay ku jirto dowladdii Xasan Sheikh. Waxa uu laba guri oo aad u qurux badan ka dhistay agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo magaalada Baydhaba, taasi oo ah waxyaabaha ke carreysiiyey xildhibaanada qaar. The post Xog cusub: Maxay isku hayaan Jawaari iyo C/Weli Muudeey? appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli taagan khilaaf ka dhashay Mooshin la sheegay in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay kasoo gudbiyeen Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ku kala qeybsamay Mooshinka, waxaana soo baxaaya Xildhibaano sheegaya in Mooshinka uu gaaray tiradii looga baahnaa, halka qaarna ay sheegayaan inuu burburay Mooshinka. Xildhibaanada qaar ayaa siyaabo kala duwan warbaahinta maxaliga ah uga sheegaya in looga been abuurtay Mooshinka laga wado Guddoomiye Jawaari. Xildhibaanada sheegay in laga been abuurtay ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandhi oo ka tirsan golaha shacabka oo sheegay in uusan saxiixin mooshin ka dhan ah guddoomiyaha golaha shacabka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari. Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siinaayay Idaacada GJ ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaannada wada mooshinka ay is kaga darsadeen magaciisa, isaga oo dhanka kale tilmaamay in weligiis uusan ka qeyb-galin mooshinnada la gudbiyo. Nuqul kamid ah haddalka Xildhibaan Gaandhi ayaa ahaa ‘’waxaa leygu soo wargaliyay dhawaq aan ku farxin, taas oo ah in magaceyga uu ku jiro dadka saxiixay mooshinka, waxaan caddeynayaa in arrintaasi aysan waxba ka jirin’’ ‘’Waxaan qirayaa in ka Gaandhi ahaan aan waligey ka qeybqaadan Mooshin lagu saxiixayo magaca Xildhibaanada ama laga wado”. Sidoo kale, Xildhibaan Gaandhi ayaa ku nuux-nuuxsaday in laga been abuurtay isla markaana uu qiraayo inaanu kamid aheyn Xildhibaanada ku dhagan Jawaari. Geesta kale, hadalka Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandhi ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli qaar ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka ay wadaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaan Prof Gaandhi oo sheegay in saxiixiisa looga been abuurtay mooshinka appeared first on Caasimada Online.
  22. Waxaa dad badan oo Soomaali ah ka yaabisay hadalo faan, yasid iyo mala awaal isugu jira oo ka soo burqanaya xildhibaano ku abtirsafa qabiil ka mid ah dadka dega waqooyiga Soomaliya. Waxaa in muddo ahba caaadi ahaa hadalo nasab cay, faan iyo liidnimo ah oo koox u horkacayo ninka aan waxba xeerin ee Faysakl waraabe oo magaalada Hargaysa ka soo lalinayay magaalada Hargaysa. Dad badan ayaa isku qanciyey in ninkaa iyo kooxdiisa aanay mudanayn in loo jawaabo. Waxaa malaha ku filan ereyada ay ka mid yihiin waa Faysalow waa faaruqoo waa Filim kartoon oo ay ku hadaaqaan caruurta magaalada Hargaysa. Faysal waa nin doorasho walba isa soo mutaxa oo tii ugu danbaysay ee muranka badnayd ka helay 4%, welina indha adagaygaysa waa hadlayaa oo dad buu xagxaganayaa. Hadda waxaa Faysal ku soo biiray qolo kale oo sheegata inay aqalka sare ku Matalan Somaliland. Runtii waxaa ah in ayan cidina matalin, bale ay la qaylinayaan caadifad qabiil iyo ha lagaa sheego. Waxaa kooxdan cusub oo uuhorkacayaa nin aan wax badan laga aqoon oo la yiraahdo Mustafe Qodax oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka dawladda Federaalka. Ninkaasi waxa uu la soo shirtegay sheeko qabiilkayga ayaa Soomaali ugu aqli badan iyo haddaan waxaan rabno sax iyo khaladba naloo yeelin waxba kala socon maayaan. Ninkaa iyo gabadh kale ee Muno Xasan ee senator-ka ah lama arag iyagoo waligood ka hadlayaa tacadiyada joogtada ay ku kaco maamulka Hargaysa. Weligood ma soo qaadin dhalinyarda xabsiyada ugu jirta Xamar baad tagteen, Suxufiyeenta lagu haysta dawladama madax baad wax ka sheeegteen, iyo tacadiyo badan ee loo gaysto dadka ku nool gobollada Sool,Sanaag iyo Cayn. Malaha Somaliland waxay u haystaan dadka degan Togdheer iyo Waqooyi galbeed. Waxy hilmaameen in ay u dhaaarteen ilaalinta midnimada iyo wadjirka dadka iyo dalka Soomaliyeed. Xamarta Senator Mustafe Qodax uu dadkeeda sida dadban u weerarayo waa tan u ogolaatay isagoo fikradaha khaldan aaminsan uu sidoo doono u hadlo. Balk a warma qof Xamar ka tegay iska daaye, hadii nin rerr Laascanood ama Boorama ah u Hargaysa ka sheego in la ilaaliyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Wixii dhici laha waxaan ka sugaynaa in labada Senator ay noo bidhaaamiyaan. Ugu danbayntii waxaa la gudboon Somali meel ay joogtaba in laga hortago beenta la buufinayo ee ah Qaran Somali land ayaa jiray iyo Somaliland iyo Somaliliya wax la yiraahdo ayaa is haysta. Runta biyo kama dhibcaanka ah waa in dadka mashruucan wataa ay yihiin qaar ka mid ah hal qabiil oo waqooyiga Somaliya dega oo weli ay ka guuxayaan fikradihii jabhadii SNM ee la wareegtay maamulka waqooyiga Somaliya. Waa in an cidina laga yeelin inay iibiyaan hantidii iyo magacii ummadda Somaliyeed meeeshay rabo ha joogtee. Waa in saxaaafadda madaxa banana aanay co baahiye u noqon kuwa sida Faysal Cali Warabe habeen iyo maalin cay iyo aflagaado ku haya dadka Soomaaliyeed ee jecel xornimada iyo isku duubnida. Labada senator waa inay raali gelin ka bixiyaan hadalkoodii meel ka dhaca ahaa ayna joojiyaan kala qaybinta iyo kala faquuqa ay ka dhex bilaabeen mid ka mid ah hay’adaha ugu saraysa maaamulka dadka. Waa inay dib u xasuustaan dhaartii ay mareen iyo xilka mudan ee lagu aaminay. W/Q:Yuusuf A. Geele Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Caydii iyo Faankii Faysal Cali waraabe oo loo xawilay Aqalka Sare ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulan khaas ah uu Villa Somalia ku dhexmaray Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Muudeey. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kulanka uu si khaasa uga dhacay Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre waxaana ay labada mas’uul ay uga wadahadlayeen Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiye Jawaari. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Muudeey, ayaa warbixin kooban Ra’isul wasaaraha kasiiyay heerka uu gaarsiisan yahay Mooshinka, waxa ayna laba mas’uul isla arkeen inay muhiim tahay in baarlamaanka laga hor wareejiyo Guddoomiye Jawaari oo lagu eedeeyay is hortaaga dhammaan howlaha Xukuumada ee lagu hormarin lahaa dalka. Muudeey ayaa Kheyre u sheegay in tan iyo markii la dhisay dowlada uu Hoggaamiyo Farmaajo uu Guddoomiye Jawaari is hortaag ku sameeyay inkabadan 12 barnaamij oo ahmiyad gaara u leh dalka. Waxaa kamid ah waxyaabaha uu damcay inuu is hortaaga ku sameeyo Mooshinka laga waday shirkada DP World ee sida sharci darada ah Heshiis ugu gashay Dekadda Berbera. Muudeey, waxa uu sidoo kale Kheyre u sheegay in Guddoomiye Jawaari oo garab u ah xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka uu ka danbeeyay ilaa Seddex Mooshin oo laga keenay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha qudhiisa, hase ahaatee ay si hoose u kala furfureen. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dhankiisa ka sheegay inaan dhag jalaq loo siin doonin Mooshinka ay burburinayaan Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka Somaliya, waxa uuna u cadeeyay inaysan awood u laheyn burinta Mooshinkii laga soo gudbiyay Gudomiye Jawaari. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa C/wali Sheekh Axmed Muudey u sheegay Mooshinkaasi inuu yahay mid sharci ah oo Xildhibaanada ay ku soo gudbiyeen sifo waafaqsan Sharciga, sidaana lagu meelmarinaayo,sidauu hadalka u dhigay. Kulanka Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiye C/wali Sheekh Axmed Muudey, ayaa sii fogeynaya khilaafka culus ee ka dhashay Mooshinkii laga soo gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari). Dhinaca kale, labada mas’uul ayaa isku raacay in lameelmarin doono Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiye Jawaari, si loo xaqiijiyo rabitaanka Xildhibaanada baarlamaanka Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Kheyre iyo Muudeey oo u shiray Jawaari appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Samatar oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa walaac gaara ka muujisay heerka uu gaarsiisan yahay Khilaafka ka dhex aloosan Guddoonka baarlamaanka Somalia. Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Samatar, ayaa sheegtay inaanu muuqan kaalinta Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna cod dheer ku sheegtay in Madaxweynaha laga doonaayo inuu soo faragaliyo Khilaafka sii xoogeysanaaya. ‘’Waxaan xaqiijinayaa in khilaafka Guddoonka baarlamaanka iyo kan Xukuumada uu gaarsiisan yahay meel adag, waxa aan Madaxweynaha Qaranka ugu baaqeynaa inuu sameeyo faragalin’’ Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Samatar waxa ay arrin aad u xun ku sheegtay in afka laga qabsado khilaafka ka dhex aloosan Guddoonka baarlamaanka Somalia, waxa ayna ku celcelisay in la doonaayo in xili hore wax laga qabto khilaafka taagan’’ Sidoo kale, Sacdiyo Xaaji Samatar, ayaa Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ugu baaqday inay muujiyaan sabar iyo tanaasul, maadaama ay tiri lawada arko halka uu khaladka ka taagan yahay. Haddalka Sacdiyo Xaaji Samatar, ayaa imaanaya iyadoo uu cirka isku sii shareeray Khilaafka ka dhextaagan Guddoomiye Jawaari iyo Muudeey oo kawada tirsa Guddoonka baarlamaanka Somalia, kaa oo ka dhashay Mooshin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo laga dalbaday inuu faragalin ku sameeyo xiisada ka dhextaagan BF appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammad bin Salman ayaa lagu soo waramayaa inuu hooyadiis ka qarinayay aabihiis, Boqor Salman, labadii sano ee la soo dhaafay, isaga oo ka baqaya inay isticmaasho saameynteeda oo ay khalkhal galiso boqortooyada uu doonayo inuu taladeeda la wareego. Warbaahinta NBC News ee laga leeyahay Mareykanka oo soo xigtay 14 xubnood oo ka tirsan saraakiisha Mareykanka ee hadda iyo kuwii hore, ayaa sheegay in Bin Salman uu ka xannibay hooyadiis, Princess Fahda bin Falah al-Hathleen, laba sano ka hor inay la kulanto aabihiis, oo tan iyo markaas uu ka fogeeyay boqorka isaga oo u sii anba qaadaya si uu u xoojiyo awoodiisa. Saraakiisha Mareykanka ayaa ku hadlay xaalad qarsoon sababta oo ah nooca xasaasiga ah ee sirta ay la wadaageen NBS News. Waxay intaa raaciyeen in 32-jirkan uu soo bandhigay marmarsiiyo kala duwan si uu u caddeeyo maqnaanshaha hooyadiis isla markaana uu ku hayaa meel qarsoodi ah. Waxa uu xita mar u sheegay boqorka in ay dibedda ugu maqantahay daaweyn caafimaad. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in uu hooyadiis uu ku hayo guri qarsoodi ah oo ku yaala gudaha dalkaas muddo aan la cayimin,. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga oo hooyadiis ka qarinayay aabihiis, boqor Salman appeared first on Caasimada Online.