Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,126
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kadib markii maalintii shalay warsidaha Puntlandi uu daabacay warbixin ku saabsanayd iscasilaada taliye ku xigeenkii ciidanka Daraawiishta Puntland, ayaa waxaa xafiiska warqabadka Puntlandi soo gaaray wareegtadii uu isku casilay taliye ku xigeenka. Taliye ku xigeenku ma sheegin sababta uu isku casilay, inkastoo uu ku gaabsaday in arrimo isaga ugaar ah uu shaqada uga tagay, wuxuuna madaxweynaha ka codsaday inuu ka aqbalo. Puntlandi.com
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada kasoo jeedo deeganada Koonfur Galbeedo oo Maanta Hotel ku yaal Magaalada Muqdisho isugu yimid ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ka codsaday inuu si deg deg ah isku casilo. Kulankaan oo ay kasoo qeyb galeen ilaa 30 Xildhibaan oo laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa Jawaari usoo jeediyey inuu is casilo. Xildhibaanadaan oo ka hadlayey arrinta ku aadan inuu Kheyre ka dambeeyo mooshinkaan ayaa sheegay inuusan dabada ka riixeen Kheyre balse ay Xildhibaanada garteen inay Mooshin ka keenaan Jawaari kadib markii uu ku xad gudbay Dastuurka sida ay sheegeen. Haddaba halkaan hoose ka daawo Sawirada
  3. Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta Puntland,S/Guuto. Deyr Xaaji Cabdi ayaa wargad is-casilaad ah u gudbiyay madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas),sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan taliska Daraawiishta oo diiday in magacooda la xigto. Warqadda iscasiladda oo ku taariikhaysan 15 bishan Maarso ayaa la ogaysiiyay madaxweyne ku xigeenka iyo taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland,waxaana taliyuhu sheegay in duruufo jira awgood uusan shaqada sii wadi karin. Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaan weli aqbalin warqadda is-casilaadda,sida ay xaqiijinayan ilo-wareedyo ku sugan madaxtooyada Puntland,iyadoo wararku sheegayan in madaxda sare ee dowladda Puntland ay kulan ugu yeeri doonaan taliye Deyr,si uu faahfaahin uga bixiyo arrimaha keenay is-casilaaddiisa. QORAALKAAN PUNTLAND POST The post Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland oo is-casilay. appeared first on Puntland Post.
  4. Rescue efforts is underway after a commercial boat caught fire near Bosasso Port of Puntland State. Source: Hiiraan Online
  5. Mudahaarad xoogan oo loogasoo horjeedo maamulka Hargeysa ayaa ka socda degmada Tukaraq ee gobolka Sool, iyadoo ay ka qeyb galayaasha boqolaal shacab ah oo caraysan. Mudaharaadkaan ayaa loogasoo horjeedaa loogana jawaabayay hadalo nacayb ah oo kasoo yeeray magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera, kuwaas oo loogu gafay beesha Daarood iyo madaxweynayaashii Soomaaliyeed. Waxaa mudahaaradkaan uu bilowday saakay waaberigii, iyagoo shacabka ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ka dhan ah maamulka SNM. Warsidaha Puntlandi ayaa wareystay goob jooge ku sugan Tukaraq. Halkaan ka dhegayso codka. Cige - My Recording Puntlandi.com
  6. Wararka Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in Shirkii Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada uga furmi lahaa Garowe uu baaqday, Sababta uu shirku u baaqdey lama oga, laakiin Howlwadeenada Puntlandi ayaa ogaaday in Shirku uu baawday, Waxaana qorshuhu ahaa inuu dhaco beri oo Talaado ah, Puntlandi Garowe
  7. Police are holding two men believed to be Al-Shabaab recruiters who were trying to sneak out of the country to join Al-Shabaab in Somalia. Source: Hiiraan Online
  8. Xoghayaha Joogtada xafiiska Ra’isal Wasaaraha Mudane Maxamed Kaynaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hay’ada Abyrint ee ka caawiso wadamada u nuqul dhibaatooyinka xaga Maamulka bixinta mushaaraadka. Kulankan ayaa ahaa mid xogwaraysi ah oo ay hay’ada ku soo bandhigaysay wax qabadkeeda xaga bixinta mushaaraadka iyo si ay u socdaan hawlaha dowlada iyo sara u kaca mushaaraadka, iyagoo soo bandhigay shax iyo warbixin maaliyadeedayka ay ka diyaariyeen hababka ay dowlada iyo dowladgoboleedyada ay u bixiyaan mushaaraadka Ciidamada iyo shaqaalaha Rayidka ah. Dhanka kale Xogahaya ayaa ka warbixiyay sida ay xukuumada ahmiyad gaar ah ugu leedahay bixinta mushaaraadka iyo marxaladihii ay dowlada ka soo martay bixinta mushaaraadka iyo sida ay u suurta,galiyeen in shaqaalaha ay mushaaraadkooda ugu shubaan bangiyada. Ugu danbayntii Xoghaye Kaynaan ayaa hay’ada Abyrint ku amaanay doorkeeda wax qabad iyo dadaalka ay ku muujiyeen sida xukuumada Soomaaliya ay ugu caawiyeen hab maaliyeedka ay ku bixiso mushaaraadka shaqaalaha Rayidka iyo Ciidamada wuxuuna u balanqaaday in wadashaqaynta ay ahaandoonto mid joogta ah.
  9. Five children and their mother were killed in an early morning fire on Monday in Somali capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  10. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Maxamed Faraxweyne ayaa maanta magacaabay guddiga uqareemida dhismaha garoonka kubada cagta Garowe, kadib kulan maanta ka dhacay xafiiska maamulka gobolka. Guddigaan ka kooban 20 xubnood ayaa isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada, sida ganacsatada, ururada maxaliga ah, bahda ciyaaraha, haweenka iyo warbaahinta. Guddigaan waxay ka shaqayndoonan sidii garoonka kubada Garowe ee Mire-awaare looga dhigi lahaa garoon casri ah oo leh Cawyska cagaaran. Guddigaan guddi ka horeeyay oo ay magacowday wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa fashilmay oo shaqayn waayay. Puntlandi.com
  11. A 13-year-old girl in Mississippi has died after allegedly being shot by her nine-year-old brother over a video game, police say. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maalmahaan jirto siyaasad cakiran oo u dhaxeyso Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Xildhibaano gaarayo ilaa 107 Xildhibaan ayaa mooshin ka gudbiyey guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliy Jawaari kadib markii lagu soo eedeeyey inuu ku xadgudbay Dastuurka dalka u yaalo iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya. Haddaba waxaa is waydiin mudan hadda ka hor ma dhacay in Guddoomiye Baarlamaanka Mooshin laga keeno isla markaasna lagu guuleysto. Arrintaas waxay Soomaaliya ka dhacday hal mar, waxayna xilligaas aheyd 1965. Dowladdii Kacaanka nama quseyso waayo ma jirin Gole Shacab oo rasmi ah, sidoo kale kuwii KMG ahaa kama hadli doono. Dowladihii rayidka ahaa ayaan dul istaagi doonnaa bal in arinta maanta taagan ay soo martay iyo in kale….. 1965, waxaa codka kalsoonida lagala laabtay gudoomiye baarlamaanka ee waqtigaas Axmed Shiikh Cabsiye waxaana lagu bedelay Shiekh Mukhtaar oo ku xigeenkiisii ahaa. Shiikh Mukhtaar waxaa la tartamay Allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal – Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Doontii ku gubanaysay meel ku dhow dekeda Bosaso, ayaa lagu guulaysan waayay in la badbaadiyo hantida ku raran, iyadoo guud ahaanba basbeeshay. Weriyaha Puntlandi ayaa kusoo warramaya in dab xoogan uu ka kacay gudaha Doonta, iyadoo loo maleynayo inuu saaran yahay Shidaal, waxaana adkaatay in loo dhawaado. Wasaaradda dekedaha ayaa goor dhow saxaafada u qabanaya shir jaraa’id, iyadoo faahfaahin ka bixinaysa shilkaan dhacay iyo macluumaadka Doonta. Puntlandi.com
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax ka dhigo Jaamacadaha dalka Mareykanka ayaa sheegay arrin yaab badan oo ku saabsan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Pro. Maxamed Sh. Cismaan jawaari. Prof. Cabdi ayaa jawaari ku tilmaamay inuu yahay mid aan laheyn karti uu ku hoggaamiyo Baarlamaanka Soomaaliya isagoo soo qaatay arrin dhex martay labadooda. Prof. Samatar oo la hadlay BBC qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay inuu jawaari lasoo xiriiray markii la sameeyey Baarlamaanka isla markaasna uu usoo diray waraaq fasax qaadasho jaamacadeed ah. Wuxuu sheegay in waraaqda Jaamacadda Fasaxa looga soo qaadayey ay ku qorneyd inuu kamid noqon doono guddi madax banaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu sheegay markii uu Xamar imaaday inuu la kulmay Guddoomiye Jawaari isla markaasna ay iska wareysteen guddigaan uu kamid ah yahay ee looga soo fasax qaaday Jaamacadda. Wuxuu tilmaamay inuu Jawaari u sheegay inuusan guddigaan aheyn mid madax banaan isla markaasna ay isaga la shaqeenayaan. Prof-ka ayaa markaas sheegay inuu Jawaari waydiiyey sababta waraaqda loogu soo qoray inuu kamid noqon doono guddi madax banaan. jawaari ayuu sheegay inuu ugu jawaabay in waraaqdaas ay aheyd kaliya mid been loogu sheegayey Jaamacadda balse ay isaga la shaqeyn doonaan oo aysan jirin wax la yiraahdo guddi Madax banaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Prof Samatar ayaa sheegay inuu ugu dambeyn Jawaari u sheegay inaysan Jaamacadiisa been ku shaqeysan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Dooni ayaa ku gubanaysa meel aan ka fogayn dekeda magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, sida uu kusoo waramayo weriyaha Puntlandi ee gobolka Bari. Doontaan oo uraran ganacsato reer Puntland ayaa waxaa ku raran badeecado kala duwan, waxayna doonaysay inay kusoo xirato dekeda Bosaso. Illaa iyo hadda ma jirto wax gurmad ah oo loo sameeyay, inkastoo ay socdaan dadaalo loogu gurmanayo sidii loo badbaadin lahaa hantida Doonta saaraan. Lama garanayo waxa sababay gubashada Doonida. Wixii faahfaahin ah oo soo kordha kala socda Puntlandi.
  16. From time to time, we keep telling you about the world’s most powerful supercomputers and how Linux conquers them all. But, what about the smallest computers around? In case you’re wondering, I’m not going to tell you about different mini PCs like Raspberry Pi. Instead, Source: Hiiraan Online
  17. Bosaso[Puntland Post]-Dooni ganacsi oo taagan meel Dekedda Bosaso dhanka Bari kaga beegan Badwaynta ayaa dab qabsaday, waxana la aaminsan yahay in dabku uu ka dhashay gudaha doonta. Sarkaal sare oo ka tirsan Dekada Bosaso oo Warbaahinta Puntland Post la hadlay ayaa sheegay in Doontu ay waday shidaal iyo Gadiid waxana ay ka timid dalka Imaaraadka Carabta. Magaca doonta ayaa la iigu sheegay Nuur Saabir, waxayna u rarnayd Ganacsato reer Puntland ah. waxa socda dadaalo lagu bad baadinayo doonta dabku qabsaday. Wixii soo kordha la soco Puntland Post insha allah Cabdiqani Boos Puntland Post The post Deg Deg Dooni Ganacsi oo dab ku qabsaday Nawaaxiga Dekada Bosaso appeared first on Puntland Post.
  18. NAIROBI, Kenya (AP) — Just ahead of Kenya's disputed 2017 election, video clips started spreading on social media of a slick-looking CNN broadcast asserting that President Uhuru Kenyatta had pulled far ahead in the polls Source: Hiiraan Online
  19. Egyptian giants Zamalek suffered a humiliating exit from the African Confederation Cup on Sunday, losing 4-3 on penalties at home to Ethiopia's Welayta Dicha in the second leg of their last-32 tie. Source: Hiiraan Online
  20. The Office of the President of European Council on Tourism and Trade announced that President of Djibouti Ismail Omar Guelleh has been selected as a World Leader of Tourism and a member of European Tourism Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia, ayaa mar kale ka hadlay khilaafka ka dhashay Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiye Jawaari. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, oo khilaafkaan uga hadlay qoraal kooban oo uu kusoo daabacay bartiisa Facebooka, ayaa sheegay in ahmiyada koowaad ay siin doonaan badbaadinta baarlamaanka. Fiqi, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in dhammaan Xildhibaanada BFS ay isku raaceen sidii loo badbaadin lahaa baarlamaanka, oo uu ugala jeeday Guddoomiye Jawaari. Axmed Fiqi, waxa uu tilmaamay in Xukuumada Somalia ay weerar kusoo qaaday baarlamaanka Somalia, waxa uuna qoraalkiisa ku muujiyay Fiqi inay ka go’an tahay sidii looga hortagi lahaa weerar ay Xukuumadda ku soo qaaday baarlamaanka. Nuqul kamid ah qoraalka Fiqi ayaa ahaa “Xildhibaanada golaha shacabku aqlabiyadoodu waxey isku dhaarsaadeen in la badbaadiyo barlamaanka, lagana hortago weerarka sharci-darrada iyo awood sheegadka isugu jira ee xukuumaddu ku soo qaaday” Waxa uu intaa raaciyay “Dhammaan isku dayadii iyo dadaaladii daba socday ee aan kala harka lahayn waa soo shiiqeen, waxaa dhiman oo qura shirka khamiislaha ah ama shir aan caadi ahayn oo golaha wasiiradu yeeshaan in lagu soo magacaabo guddoomiyaha golaha shacabka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, madaxweynuhuna dikereeto ku soo saaro” Geesta kale, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan garabka mucaaradka dowlada Federaalka ayaa u muuqda in xiisadaani uu uga dhex faa’iideysanaayo qorshihiisa Siyaasadeed. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa xildhibaanada ka dalbaday in ay badbaadiyaan Baarlamaanka 10-aad, wuxuuna tilmaamay in Xukuumadda ay isku dayeyso in ay burburiso Golaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa weli sii xoogeysanaaya khilaaf Siyaasadeedka ka dhashay Mooshinka ay Xildhibanada baarlamaanka ka gudbiyeen Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia. Khilaafka ugu xoogan ee ka dhashay Mooshinka ayaa ka dhextaagan Ra’isul wasaare Kheyre, Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada baarlamaanka oo dhinac ah. Mooshinka oo khilaafka ka dhashay uu yahay mid aad u sareeya, ayaa waxaa ku kala aragti duwan Xildhibaanada oo ku kala qeybsamay wadada loo maray mooshinka. Xildhibaanada qaar ayaa qaba in Mooshinka ay ka danbeyso Xukuumada Somalia oo iyadu dooneysa inay la imaado Guddoomiye cusub oo la doonaayo in lagu bedelo Jawaari. Xildhibaanada garabka kale ayaa qaba in mooshinka uusan khuseyn Xukuumada, balse ay ka danbeysay dowlada Imaaraadka Carabta, kaa oo lagu badbaadinaayo shirkada DP World oo dhawaan laga diiday inay ku shaqeyso heshiiska Dekadda Berbera. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ah mudane ka tirsan Golaha shacabka oo wareysi siinaayay Idaacada Knn ee magaalada Muqdisho, ayaa kamid ah Xildhibaanada aaminsan in Mooshinka ay ka danbeyso shirkada WP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta. Xildhibaan Khaliif Cabdi, waxaa uu sheegay in shirkadda Dp Wolrd ee 12-kii bishan baarlamaanka kasoo saaray xeer dalka looga mamnuucayo ay tahay tan u sababta ah Mooshinka isla markaana ka dambeysay Mooshinka. Waxa uu Xildhibaanka sheegay in Dp World ay gadaal ka riixeyso mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawari sidoo kalena ay ka dambeyso ciidanka la geeyay xarunta golaha Shacabka. ‘’Waxaan qirayaa in Mooshinka ay ka danbeyso shirkada DP World ee imaaraadka, waxaanu la socnaa qaabka ay mooshinka u dajisay iyo sida ay u agaasimeysay in ciidamo la geeyo xarunta Golaha shacabka’’ ‘’Mooshinkaan waxa uu kasoo bilowday Imaaraadka, waxa uuna kusoo dhammaan doonaa Imaaraadka, waxaana qabaa in si dhab ah loo wajaho xiisada ka dhalatay Mooshinka’’ Sidoo kale, Xildhibaan Khaliif Cabdi ayaa sheegay in dowlada Imaaraadka carabta iyo kuwa la shaqeeya ay halis muuqata ku yihiin Qaranimada Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in lala imaado isla xisaabtan. Geesta kale, waxa uu Xildhibaan Khaliif Cabdi ku baaqay in laga runsheego aasaaska Mooshinka iyo cida ka danbeyso, si loo gaaro xal degdeg ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Qaar kamid ah dadkii xoolo dhaqatada ahaa oo Xoolihii ay dhaqan jireena ay Abaartu ka idlaysay, kuna sugan Tuulooyin hoos yimaada Gobolka Nugaal ayaa ka cabanaya Xaalad nolol xumo oo soo wajahday . Dadkan ayaa sheegay in raashinkii ay siin jireen Hay,adaha gargaarka ay ka joojiyeen ,maadaama xoolihii ay iibsan jireen aysan lahayn wax laga cuno ama laga iibsado . Qoysaskan ayaa qiyaastii waxaa la sheegay in ay gaarayaan ilaa iyo 400 oo qoys oo Xoolo dhaqato ah. Dowladda Puntland iyo Hay,adaha caalamiga ah ayaya ugu baaqeen in ay gar gaar deg deg ah ay la soo gaaraan dadkan oo isgujiray Haween ,Caruur, iyo dad da,ah. Halkan ka dhgayso. Xoolo dhaqatada Nugaal
  24. Three people are dead following a Springfield, Massachusetts fire in a four-story apartment building. Source: Hiiraan Online
  25. Mandera Govenor Ali Roba with delegates from Somalia. [Photo/Ali Roba] Mandera County Boss Governor Ali Roba with Mandera East security team hosted delegates from Gedo region Somalia. Source: Hiiraan Online