Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mohamed Noor, the US police officer accused of murdering Australian woman Justine Damond, has just faced court. Source: Hiiraan Online
  2. If you drain your pasta water through a colander and down the sink, you’re throwing away an invaluable asset that cooks call “liquid gold.” Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa weli magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kawada ololaha Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawaari. Xildhibaanada qaar ayaa sheegay inaanu xaadiri doonin xarunta Golaha Shacabka waa haddii uu Guddoomiye Jawaari isku dayo inuu kusii shaqeeyo Guddoomiyenimada, waxa ayna ku baaqeen in iyadoo la dhowraayo sharciga ku-simaha baarlamaanka uu noqdo C/wali Muudey. Xildhibaanada sheegay inaanu ka qeybgali doonin kulamada baarlamaanka haddii uu Jawaari kusii shaqeeyo Guddoomiyenimada ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan ahna Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil. C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa sheegay in C/wali Muudey uu yahay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, maadaama Mooshin uu ka yaallo Guddoomiye Jawaari. Waxa uu C/raxmaan Xoosh Jibriil sheegay in eedeymaha iyo Mooshinka Jawaari uu yahay mid culus, sidaa aawgeed uusan qabankarin xilka ilaa iyo arrintiisa meel ay u dhacdo. Wasiir Xoosh oo mar walba dood ka keena arrimaha sharciyada ee la isku qabsaday ayaa waxaa uu jideeyay in C/wali Muudey yahay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, markii qaar ka mid ah Xildhibaanada ay ka hor-yimaadeen. Xiisada ka dhalatay Mooshinka ka yaalla Jawaari ayaa cirka isku sii shareertay, iyadoo labada dhinac ee Mooshinka taageersan iyo kuwa ka soo horjeeda ay hadalo is sii hurinaya xiisada ay warbaahinta isugu marinayaan. Arrintan ayaa ka dambeysay markii ay dood ka dhalatay hadal ka soo yeeray C/wali Muudey oo ahaa inuu yahay Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. African leaders are poised to sign a deal that would unite the 55 member countries of the African Union in tariff-free trade across the continent. Source: Hiiraan Online
  5. Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Warbaahinta Puntland Post Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu codsi u diray Beesha Caalamka. Gudoomiyaha ayaa warqadaan codsiga ah u diray Qaramada Midoobay Midowga Yurub Midowga Afrika waxaana uu u cadeeyay in uu diyaar u yahay in cod loo qaado Mooshinka laga soo gudbiyay. Gudoomiye Jawaari ayaa codsaday in xor iyo xalaal ah ay ugu dhacdo Mooshinka xilka loo qaado. Jawaari ayaa codsaday in kulanka Baarlamaanka ee lagu soo bandhigayo Mooshinkiisa uu ka dhaco Teendhadii lagu doortay Madaxweyne Farmaajo oo ku taalo Garoonkii hore ee ciidamada Cirka Afsisyooni. Warqadaan ayaa sidoo kale uu Mr Jawaari ku codsaday in amaanka goobta ay ilaaliyaan Ciidamada Un-ka iyo kuwa AMISOM. Beesha Caalamka ayaa la sheegay in ay aqbaleen codsigaasi ka yimid Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Lama shaacin xiliga uu sida rasmiga ah u furmi doono kulanka Baarlamaanka ee lagu horgeeynayo mooshinka xilka looga qaadayo Gudoomiye Jawaari. Lama sii saadaalin karo xaalka sida uu isku badali karo iyo halka uu ku dambeeyn doono khilaafkaan siyaasadeed hayeeshee Xildhibaano badan ayaa ku adkeeysanayo Go’aanka xilka looga qaadayo Gudoomiye Jawaari. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Beesha Caalamka oo aqbashay Codsi ka yimid Gudoomiye Jawaari appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Horjoogayaal ka tirsan al-Shabaab ayaa ku dhawaaqay inay isaga baxeen Kooxda, kadib markii ay sheegen inaanu u adkeysan karin daadinta dhiiga shacabka. Horjoogayaasha ku dhawaaqay ka bixitaanka al-Shabaab ayaa kala ah Horjoogaha Gobolada Baay iyo Bakool Macalin Geedoow Aadan Abuukar iyo Horjoogaha Gobolka Gedo Cabdiraxmaan Fiiloow. Macalin Geedoow waxa uu tilmaamay in maleeshiyada ay muddo isku fahmi waayen wadada loo maraayo dilalka ay fulineyso Kooxda, gaar ahaan dadka shacabka ah, waxa uuna sheegay in labadooda ay isla garteen inay isaga baxaan Shabaab. Macalin Geedoow, oo ka hadlaayay ka bixitaankooda al-Shabaab, ayaa sheegay inay aqbaleen baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia ee ahaa inay al-Shabaab isaga baxaan Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka ka barbar dagaalama ayna diyaar u yihiin dagaal ka dhan al-Shabaab oo uu ku tilmaamay inay yihiin cadowga dadka iyo dalka Soomaaliyeed Sidoo kale, Macalin Geedoow waxaa uu sheegay inay heystaan dagaalyahaano xooggan oo al-Shabaab ay isaga difaacaan, waxaa uu ku daray inay yihiin Khawaarij dhiiga dadka banaysatay, muda 8 bil ahna uu taagnaa khilaafkooda. Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili dhawaanahaan ay maleeshiyaad badan isaga baxayeen al-Shabaab oo uu kamid ahaa Horjooge ku xigeenka Sheekh Mukhtaar Roobow ‘’Abuu Mansuur’’ oo isagu muddo badan ahaa gooni isku tag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad oo shalay ka qeybgalay Shir madaxeedka tobanaad ee gaarka ah ee Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda, kana wakiil ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo” ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda ka qeybgashay shirkaasi. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa isaga oo fulinaya talooyinka wax ku oolka ah ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu casuumaado booqasho rasmi ah oo ay ku yimaadaan Soomaaliya u fidiyay Madaxweynayaasha wadamada Rwanda, South Africa, Gabon iyo Ghana. Wasiir Axmed Cawad Ciise ayaa kulamo natiijo mira-dhal ah la kala yeeshay shalay Madaxweynayaasha kala ah, Rwanda H.E. Mr. Paul Kagame, Kenya H.E. Mr. Uhuru Kenyatta, Djibouti H.E. Mr. Ismail Omar Guelleh, Sudan H.E. Mr. Omar Hassan Ahmad Al-Bashir, South Africa H.E. Mr. Cyril Ramaphosa, Gabon H.E. Mr. Ali Bongo Ondimba, Chad H.E. Mr. Idrīs Daybī Itnū, Ghana H.E. Mr. Nana Addo Dankwa Akufo-Addo iyo Ra’iisul wasaaraha Boqortooyada Morocco H.E. Mr. Saadeddine Othmani. H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa u gudbiyay madaxdaasi salaan uu ka siday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” , isaga oo uga sheekeeyay hoggaamiyeyaashaasi horumarka siyaasadeed, dhaqaalle iyo ammaan ee ay Soomaaliya gaartay muddooyinkii dambe, waxaanu xusay in dowladdu ku howlan tahay dardargelinta iyo laba-laabidda qorshayaasha dalka loogu saldhigayo deganaansho ammaan, siyaasad iyo kobac dhaqaalle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. The former Minneapolis police officer charged with murder and manslaughter in the July shooting death of Justine Ruszczyk Damond made his first court appearance Wednesday, where his bail was set at $400,000. Source: Hiiraan Online
  9. Wasiirka Dastuurka Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed iyo mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari. Wasiir Xoosh ayaa sidoo kale ka hadlay cida noqoneeyso ku simaha gudoomiyaha Baarlamaanka maadaama xildhibaanada Baarlamaanka ay mooshin ka keeneen Gudoomiyihii. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu noqonayo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Cabdiwali Sh Ibraahim Muudey. “Sida uu qorayo qodobka 8,aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka,muudeey ayaa ah gudoomiyaha Golaha Shacabka maadaama Jawaari uu mooshin ka yaallo,taasina waa wax iska cad oo hay’addaha dastuuriga ay dhammaan wada ogyihiin “ayuu yiri Wasiir Xoosh Baryihii ugu dambeeysay ayaa qilaaf ka taagnaa cida noqoneeyso ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka. Shalay ayaa Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaan waxa uu isugu yeeray Xildhibaanada si loo guda galo Mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiye Jawaari. Xasan Maxamed Samatar Cowke Putland Post Muqdisho The post Xoosh ” Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Waa Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka” appeared first on Puntland Post.
  10. Saraakiil sar sare oo katirsanaa Kooxda Al-Shabaab ayaa ka soo goostay kooxdaasi iyaga oo hadda ku biiray Dowlada Soomaaliya. Macalin Geedoow Aadan Abuukar oo ahaa u qaabilsanahay Al-Shabaab ee Gobolka Baay iyo Cabdiraxmaan Fiiloow oo isnaa ahaa u qaabilsanihii Al-Shabaab Gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay in ay isaga baxeen Kooxdaasi. Wareeysi ay la yeelatay Warbaahinta Dowlada xubnahaan ka goostay Al-Shabaab ayaa sheegay in ay isaga tageen kooxdaasi kadib markii sida ay sheegeen ay isku fahmi waayeen Arimaha ku aadan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayeen sida uu sheegay. Labadaan Masuul oo katirsanaa Al-Shabaab ayaa sheegay in ay qaateen cafiskii uu u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxa ay sheegeen in ay dowlada ku caawinayaan dagaalo la la galo Al-Shabaabkii ay muddo ka tirsanaayeen. Baryihii ugu dambeeysay waxaa Dowlada Soomaaliya isku soo dhiibayay saraakiil iyo dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Saraakiil sar sare oo katirsan Al-Shabaab oo ku biiray Dowlada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  11. Allaha u naxariistee waxaa dalka Djabuuti ku geeriyootay Iimaan Cabdiraxmaan Maxamed oo in muddo ah la xanuunsaneeysay Cudurka Kansarka. Allaha u naxariistee Iimaan ayaa in muddo ah ku xanuunsaneeysay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Marxuumad Iimaaaan ayaa markii dambe la keenay Magaalada Muqdisho shalay ayaana safar caafimaad looga amba bixiyay Dalka Turkiga. Marxuumada ayaa Dalka Djbuuti ku xanuunsatay taasi oo sababtay in diyaarada laga reebo kadib markii ay xamili weeysay. ugu dambeeyntii Saakay waabarigii ayeey Iimaan ku geeriyootay Isbitaal ku yaala dalka Djabuuti. Warbaahinta Puntland Post ayaa ka tacsiyeeyneeysa Geeridaasi ku Timid Walaasheen Iimaan Cabdiraxmaan waxaana leenahay Janadii Allaha ugu Bishaareeyo. PUNTLAND POST The post Dhibane Iman Cabdiraxmaan Maxamed oo Djabuuti ku Geeriyootay appeared first on Puntland Post.
  12. The deportation hearing of a former Somali child-refugee has been adjourned until a federal court decides on his judicial review. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Somaliya C/wali Sheekh Ibraahin Muudey, ayaa weli ku adkeysanaaya in waddo sax ah loo maray Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Guddoomiye Muudey, ayaa sheegay in rabitaanka Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka iyo kan Jawaari uusan u muuqan, hase ahaatee ay doorbidi doonaan waxa uu sharciga qabo. Muudey, waxa uu sheegay in isaga iyo Xildhibaano badan ay isla arkeen qodobada Dastuurka sidaa aawgeedna ay ahmiyada koowaad siin doonaan Dastuurka si meesha looga saaro rabitaan shaqsi. ‘’Waxaan rumeysanahay in Mooshinka uu ku dhaqan gali doono waddo sharci ah, dano gaara kama lihi Mooshinka, waxaanse doonayaa inaan ka dhabeyno sharci aanu ku qoranay rabitaankeena’’ ‘’Cida uu mudgi ugu jiro Mooshinka waxa ay qanci doontaa xiliga codeynta, anagu dagaal kulama jirno cid gaara balse sharci dhoorayaal ayaanu nahay, isaga ayaana ku qanci doonaa’’ Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Somaliya C/wali Sheekh Ibraahin Muudey, ayaa sidoo kale Xildhibaanada ugu baaqay inaanu ku kicin nin jecleysi isla markaana ka run sheegaan Kitaabka ay ku dhaarteen. Guddoomiye Jawaari ayaa dhankiisa ka diidan hanaanka loo gudbinaayo Mooshinka, hase ahaatee waxa uu sheegay inuu ku qanci doono codeyn. Haddalka Muudeey ayaa kusoo beegmaaya xili Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia ay usoo gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya, mooshinkaasi oo la qorsheynaayo in la horgeeyo Baarlamaanka dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu kusoo wajahan yahay Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud. Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Muqdisho soo gaari doono maalmaha fooda nagu soo heysa. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa xaqiijiyay in Ex Madaxweyne Xasan Sheekh uu magaalada Muqdisho u imaan doono arrimo ay kamid yihiin Khilaafyada ka dhexeeya Xukuumada iyo baarlamaanka iyo weliba Mooshinka laga gudbiyay Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Xasan Sheekh oo durba lagu eedeynaayo inuu la safan yahay Guddoomiye Jawaari, ayaa waxaa hadana la filayaa in kaalin weyn uu ka qaato xal u raadinta Khilaafka. Sidoo kale, warar madaxbanaan ayaa sheegaya in Xasan Sheekh ay wehlin doonaan Xildhibaano dhowr ah oo iminka ka maqan dalka kuwaa oo qeyb ka noqon doona kuwa u codeynaaya Mooshinka, waana sababta ugu weyn oo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka uu ugu yeeray Xildhibaanada dalka ka maqan ee fasaxa ku jira. Xildhibaanada wehlinaaya Xasan Sheekh ayaa ka tirsan garabka Damul-Jadiid ee sida aadka ah uga soo horjeeda gabi ahaan Xukuumada hadda jirta. Ma cadda sida uu arrinku noqon doono, balse waxaa muuqaneysa in Mooshinka uu cagaha lasii galaayo heerkii ugu adkaa abid. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Socdaalkeyga magaalooyinka waa weyn ee woqooyiga Soomaaliya sannadihii 1989 iyo 1990 wuxuu ahaa socdaal nolosheyda ku yeeshay saameyn aad u weyn. Dulmi badan oo Soomaali ay u geystay Soomaali kale ayaan arkay. Rag aan qaarkood Taxanahan uga warrami doono ayaan ku kala bartay – dhinac wanaagsan iyo dhinac gurracanba. Khibradda aan socdaalkaas ka helay ayaa aakhirkii qeybta ugu weyn ka qaadatay go’aanka aan ii fudueyn ee ahaa in aan dalkeyga ka haajiro. Xamar markii aan joogay, ayaga oo ka xun, shacabku waxay ka hadli jireen warar dhiillo leh oo ka dhacay Burco iyo Hargeysa. Hadallo aan mid walba la yaabo oo kolleey run iyo qaar been ah isugu jiri karay ayaan maqli jiray. Laakiin wax kasta oo aan hore u maqlay iyo cid aan hore isu aragnay oo ma jirin marnaba ii diyaarin kartay waxa aan la kulmay markii aan tegey Berbera, Hargeysa, Burco iyo Borame. Magaalo kasta waxaan soo bandhigi doonaa sawirka guud ee xaaladdii aan ku arkay markii aan tegey 89 iyo / ama 90. Waxaa kale oo aan wax ka taaban doonaa dhacdooyin iyo kulammo goos goos ah oo aan goob joog u ahaa, kuwaas oo marka la isku daro dhibic yar uun ka noqonaya xaqiiqada dhan ee meesha taallay inta aan joogay, ka hor iyo ka dibba. Ujeeddadeydu ma ahan in aan qof ama qabiil farta ku fiiqo. Waxaan rabaa in aan xog la wadaago ummadda Soomaaliyeed si ay gacan uga geysato tilmaamidda baaritaanka wixii dhacay. Iyo si ay wax uun ugu biiriso fahamka taariikhda dhow ee Soomaaliya. Waxaa kale oo aan uga dan leeyahay in ay qayb ka noqoto waxbarasho horseedda in mustaqblka ay dadkeennu ka fogaadaan taas oo kale iyo xad gudub kasta oo aadane ka dhan ah. Ugu dabeyn waxaan uga dan leeyahay in aan anigu isku daweeyo. Ugu yaraan in aan isku qanciyo in aan billaabay in aan guto waajibkeyga ah in si sax ah u soo gudbiyo fahahmkeyga waxa dhacay inta aan goobjoogga u ahaa. Berbera Berbera waxay ahayd magaalo aanuu raad dagaal oo oogada ahi ka muuqan. Waana sax oo gudaheeda laguma dagaallamin berigaas. Dagaal ay indhuhu qabtaan kuma arkeysid. Guryaha iyo waddooyinku waa ay dhisan yihiin. Dadweynuhu waa joogaa magaalada inkasta oo ay dad yar tahay. Laakiin waa magaalo si u dansan. Ma dareemeysid in aad joogto magaalo caadi ah. Intaa wax baad tabeysaa meel ay wax si ka yihiinna ma tilmaami kartid. Waa sida raashin aan cusbo lahayn. Waa Magaalo mareysa heer niyad jab ah. Dadku indhaha uun kaa eegayo. Qof kuu xog warrameya ay aad u adag tahay in aad aragto. Farxad iyo furfurnaan la’aanta magaaladu waa mugdi kaa daahaya in aad magaalo dareento, kana mid ahaato. Dhaqaaluhu waa liitaa. Dhaqdhaqaaq ganacsi oo macna leh ma arkeysid. Waa Dukaan, makhaayad iyo hotel yar oo aan marti badneyn. Mar ayaan arkay, ayaan u maleynayaa, xoolo aan badneyn oo la dhoofinayo. Sidoo kalena marmar ayaa dad tarxiil ah la keenaa. Waxaa intaa dheereyd xan lid ku ah ciidammada siiba militeriga iyo nabadsugidda saraakiishooda qaar ka mid ah. Waxaa lagu eedeyn jiray xarig iyo bahdil noocyo kala duwan ah in ay u geystaan dadweynaha magaalada. Ragga qaar ayaa lagu eedeyn jiray in ay baadaan qofkii wax haytsa. Qaar kale waxaa lagu eedeyn jiray cagajugleyn qaarna dhaqan xumo kale. Ciidammada Waxaa fadhiya militeri. Ugu yaraan afar goobood oo airporka iyo dekeddu ay ka mid yihiin ayay xaruumo ku leeyihiin. Taliyuhu waa nin ciidanka Badda ka soo jeeda. Aad ayay dadku uga sheegtaan. Inta aadan arag ayaaba khalkhal lagugu abuurayaa. Marar badan ayay shaqo toos ahi na dhex martay. Mararka qaar waxay ahayd shir ay dad badani fadhiyaan. Qaarna waxay ahaayeen labadeenna oo keliya. Weligeey kama maqal kelmad qallafsan. Kamana dareemin kuleyl iyo cadaawad ka muuqata oo uu u qabo dadka degaanka iyo dad kale toona. Wuxuu aniga iigu muuqdaa nin mas’uul ah, Allah-na caabbuda. Waan xusuustaa habeen aan aniga iyo nin ajnebi ahi la kulannay. Aniga oo hor fadhiya aayan ka fekerayay war ninka sidaan u deggan ee sidaan u tasbiixsanaya iyo sidee isu qaban karaan xadgudubyada laga sheegayo? Allah ayaa wax kasta og. Mar kasta wuxuu gacanta ku sitay tusbax yar oo aan u maleynayo in uu ahaa nooca tirsigiisu yahay 33. Dadku aad ayay uga baqi jireen ugana sheegan jireen. Howshayada samafalku gacan ay uga baahatay oo inta aan ugu tagnay uu maya na yiri ma xusuusto. Nooca hadda Madaxda looga sheegto ma ahayn xaalka Berbera. Keliya qof aad is barateen kuguna kalsoon ayaa kuu sheegi karay cabashada Madaxda. Saldhigga booliiska ayaa magaalada ku dhex yaalla. Marmar baan Magaalada ku arkaa booliiska dharka ciidanka lebbisan oo lugeynaya ama baabuurtooda ku jooga. Xiriir badani nama dhex marin Booliiska iyo Taliyihiisa midna. Guryo gaa-gaaban oo aad mooddo goob ganacsi oo magaalada gudaheeda ah baddana aan ka fogeyn waxaa ah Taliska Nabad Sugidda. Ciidanka Nabadsugiddu ma qaato lebbiska iyo baabuurta lagu yaqaan ciidanka. Hubkiisu waa bastoolad. Xataa haddii ay kuu muuqatana shaarka ayaa ka sarreeya oo waxay ka dhigan tahay sida in ay qarsoon tahay. Taliyaha NSS ee Berbera waa nin aammus badan anigana in badan shaqo nama dhex marin. NSS waa magacii berigaa loo yiqiin Nabadsugidda. Taliye ku xigeenka waxaad ka dareemeysaa awood ama waa dabeecad cadcad oo uu u dhashay. In badan ayaan isugu nimid shaqo. Xafiis yar oo ka kooban qolal gaa-gaaban oo badda agteeda ah ayay deggan yihiin. Waxaa la ii sheegay in meel dadka lagu xiraa ay ku taal isla xaruntaas. Socdaalka ayaga ayaa ka mas’uul ah. U maleyn maayo marka laga reebo ICRC in ay waayadaa arki jireen ajnebi kale oo ka degeya ama ka dhoofaya Berbera. Malahayga waa sababtaa midda ku kalliftay arrinkii ugu horreeyay ee aniga iyo ayaga na dhex mara. Waa muran maamul oo ka dhashay markii ay damceen in ay lacag ka qaadaan ajnebiga imaanaya magaalada sidii in ay dibadda ka yimaadeen. Markii aan u tegey ee aan in wadahadalnay Taliye-ku-xgeenka, waxaan ka dareemay in uu ogaa in aanuu qiil haysan. Sidaa darteed anigu isukuma dayin in aan fahamsiiyo in Soomaaliya ay mid keliya tahay, Qofkan ajnebiga ahina uu ka soo degey Muqdisho. Isla visihii uu dalka ku soo galayna uu haysto. Waxa keliya oo isagu ku leeyahayna ay tahay hubin in ay waraaqahaas haystaan. Keliya waxaan tusay in aan taas fahamsan nahay wax ka sokeeya oo aan aqbali karnaana aanay jirin. Wuu i soo siiyay baasabboorradii, halkaas ayuuna ka billowday xiriir toos ah oo aniga iyo isaga na dhex mara. Wuxuu ahaa nin ay dad badani ka sheegtaan. Wuxuu ahaa nin hadallo cadcad. Mararka qaarna wuxuu ahaa nin gar qaata. Waxaas oo dhan waa sida uu aniga iila dhaqmay. Ma ogi sida uu ula dhaqmi jiray shacabka magaalada. Waxaan ka Taxanaha ku soo qaadi doonaa arrimo aad u culus oo uu Taliye Ku Xigeenka NSS-ta Berbera igala hadlay oo qaarkood ay ka mid yihiin taariikhda dhacdo muhiim ah oo Berbera xilligaas la soo gudboonaatay. Taliyaha Nabadsugidda marnaba nama dhex marin howl sidaas ah oo toos ah. Waxaan arki jiray isaga oo magaalada dhex maraya. Wuxuu ahaa nin afgaaban. Aad looma ilaalin jirin. Dadkuna badiyaa kama caban jirin. Taliyaha Booliisku wuxuu ahaa nin dhallinyar oo afgaaban. Isaga iyo Guddoomiyaha Degmada ma xusuusto wada shaqeyn na dhex martay. Berbera waxay ahayd magaalo ay colaaddu dhan walba u saameysay. Laakiin qofka sii jooga magaalada una dhug yeesha ayaa dareemi karay in uu dagaal silloon ka socdo magaalada sida aad ku arki doonto Qaybaha kale ee Taxanahan. W/Q: Yuusuf Garaad
  16. At the margins of the 5th AU/EU summit which was held in Abidjan- Ivory Coast on November 29-30, 2017, President Mohamed Abdullahi Farmajo has asked me to work on a plan to evacuate our nationals stranded in Libya following the grim report by the CNN that Source: Hiiraan Online
  17. DHAGEYSO:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle 21-03-2018. HALKAAN KA DHAGEYSO http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/Bar___Qubanaha-Wararka-Shabelle-21-03-2018.mp3 The post DHAGEYSO:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle 21-03-2018. appeared first on Shabelle. View the full article
  18. In Somalia massive livestock deaths due to drought - 60 per cent of herds in some areas - have severely damaged pastoralists' livelihoods. Source: Hiiraan Online
  19. Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay oo maanta dhexmaray ciidamada Kenya iyo maleeshiyaadka al-Shabaab. Dagaalka oo aad u xooganaa ayaa waxa uu gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Gobolka Gedo, gaar ahaan ahaan degaanka Xirsi-guur oo 45-KM ujira Degmada Ceel-Waaq. Dagaalka ayaa si gaara ugu dhexeeyay ciidamada la dagaalanka Argagixisada Kenya iyo al-Shabaab, waxaana la xaqiijiyay in dagaalkaasi Shabaab looga dilay 6 Maleeshiyo. Dagaalka ayaa waxaa sidoo kale ciidamada Kenya looga dilay 4 Askari oo Kenyaan ah kuwaa oo siyaabo kala duwan loogu dilay dagaalka. Sidoo kale, warar madax banaan ayaa sheegaya kahor inta aanu dhicin dagaalka Diyaarad gaar ah oo ay leedahay Dowladda Kenya in howlo Sahmin ah ay ka sameysay degaanka oo la sheegay iney isku uruursanayeen Shabaab, intaasi kadib ayay Ciidanka Kenya qaadeen weerar. Saraakiisha hogaamineysay ciidamada Kenya ee dagaalka la galay al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalka ay ka gaareen guul, isla markaana kusoo furteen Hub. Dhinaca kale, maamulka Gedo ayaan weli ka hadal khasaaraha iyo sida uu u dhacay dagaalka, waxa uuna dagaalkani kusoo aadayaa xili ay maleeshiyada al-Shabaab dhaqdhaqaaqyo kawadaan Gobolka Gedo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  20. Eastern Africa is splitting from the rest of the continent in a geological event that will occur in millions of years, eventually leaving Africa without its horn. The geologic rift running down the eastern side of the continent, which will be replaced with ocean, is widening at a faster rate than expected, geologically speaking. And it may already be causing problems. Kenya’s busy Mai Mahiu road caved in after it developed a volcanic fault-line, the Kenya National Highways Authority told Daily Nation. Geologist David Adede blames the split – where sections of the road sunk, endangering drivers and holding up traffic, according to The Star – on volcanic activity. In an interview with NTV, he said: The Great Rift splits Africa into two plates. With what is happening we have established one plate which is the Somali plate is moving away from the other plate at a rate of 2.5cm. In the near future if this happens we shall have Somali plate separating from the other Nubian plate. He explained that after the road cracked, a big hole opened up and swallowed all the water (there had been recent flooding in the area), resulting in more cracks in the ground. He added: There is a great need for researchers to conduct a comprehensive study on the terrain of this region so that they can advise on where roads and residential buildings can be established. This can play a key role in dealing with such natural disasters should they happen. The two massive chunks of land – the Nubian plate and the Somali plate – are separating by a few millimetres each year due to a ‘superplume’, a giant section of the earth’s mantle that carries heat from near the core up to the crust. Source: – The Star
  21. Ciidamada Amniga ee Gobolka Nugaal ee Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa Howlgalo ay kasameeyeen Xaafadaha Magaalada waxa ay ku soo qab qabteen dhalinyaro xiliyada habeenkiiya dadka Mobilada ka furta mararka qaarna kudila. Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame Galangoolli oo Warbaahinta kulahadlay Magaalada Garoowe ayaa waxa uu sheegay in Howlgalkaasi ay ku soo qab qabteen dhalinyaradasi shacabka dhibaatada ku hayay , waxa uu sheegay in qaarkood markii lawaayay oo ay baxsadeen Ciidamadu ay soo xireen Waalidiintii dhalay si ay ukeenaan dhalinyaradaasi falalka noocaas ah ku kacaysa. Taliyaha ayaa waxa uu kahadlay sidookale Gabar yar oo habeen ka hor kufsi wadareed loogu gaystay Toga wayn ee dhexmara Magaalada garoowe , wuxuuna sheegay Taliyaha in gabadhaasi laga kaxaystay Xafadii ay daganayd , waxa uu sheegay in qaar kamid ah ragii falkaasi sameeyay ay Ciidamadu gacanta ku soo dhigeen. Taliyaha ayaa Walidiinta dhashay dhalinyaradaasi dhaca , dilka iyo kufsigaba ka gaysanaysa Magaalada Garoowe ugu baaqay in ay ubadkooda ogaadaan . Halkan ka dhagayso shirkiisa Jaraaid. Taliyaha Qaybta Garoowe
  22. Somali Army official Abdirahman Ibrahim Muhamed said the militants ambushed an army base in Budhubo town, in Gedo region, on Monday evening, sparking fighting that lasted several hours. “Somalia National Army killed six terrorists in Burdhubo town and wounded more of them during the fighting,” Muhamed said. “We are safe and there are no casualties on our side.” About 90 militant fighters took part in the attack, he said. Al-Shabab said on its affiliated websites that its fighters staged major attacks against SNA and Ethiopian bases in Burdhubo town overnight with casualties. Independent sources said at least two civilians were killed during the fighting between the two sides. Budhubo was calm after soldiers from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) regained control. The al-Qaida-linked militant group has lost control of several small towns in the Horn of Africa nation, including in the restive city of Mogadishu, but still manages to stage assaults on military bases and government facilities, including AU bases. Source: – Xinhua
  23. U.S. airstrike killed two Al-Shabaab militants and injured three others in Lower Shabelle region, Southwest of Somali region. In a statement issued on Wednesday, the U.S. Africa Command (AFRICOM) said the airstrike also destroyed a vehicle. The Mission noted that the attack took place in Mubarak village which lies 67 kilometers southwest of Mogadishu. “US forces conducted airstrikes against Al -Shabab on the morning of March 19 near Mubrak, Somalia, killing two terrorists, wounding three terrorists and destroying one vehicle,” reads the statement. The statement affirmed that U.S military will continue its collaborations with Somali forces and the continental troops in the fight against the militanst. “U.S. forces will continue to use all authorised and appropriate measures to protect U.S. citizens and disable terririt threats. This includes partnering with AMISOM and Somali National Security Forces ( SNSF) in combined counterterrorism operations and tergating terrorists, their training camps and their safe havens throughout Somalia and the region,” the Mission assured. U.S airstrikes against Al-Shabaab militants have been stepped up since early last year when the administration of President Trump approved expansion of military operations in the Horn of Africa nation.
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre iyo Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa kasoo jeestay xaalada Mooshin abuurka oo maalmahaani ay ku howlanaayen. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari u adeegsanaayay Hogaamiye Shariif Xasan oo siyaasad ahaan ay aad isaga soo horjeedan Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la xaqiijiyay in arrinta Mooshinkaani aawgii uu magaalada Muqdisho uga yeeray Shariif Xasan oo isagu uu ku jiro damac dhanka xilka Guddoomiyenimo, waxaana saacadaha aan ku guda jirno lagu wadaa in Shariif oo ka farxashay Mooshinka uu dib ugu laabto magaalada Baydhabo. Shariif Xasan ayaa magaalada Muqdisho ku sugan muddo ku dhow Shan cisho, waxa ayna Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka xaqiijiyeen in mudada uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho uu wada kulmiyay Ra’isul wasaare Kheyre iyo Xildhibaanada Koonfur Galbeed. Shariif Xasan ayaa ka danbeeyay go’aanka ay Xildhibaanada baarlamaanka ee laga soo doortay Koonfur Galbeed Guddoomiye Jawaari uga dalbadeen Iscasilaada. Xildhibaanada aan xogtaani la wadaagnay ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in Shariif Xasan uu magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaanada ugu badan ee baarlamaanka isagoo ka dalbaday in garab lagu siiyo Casilaada Guddoomiye Jawaari. Shariif Xasan waxa uu Xildhibaanada la kulmay ilaa Afar jeer, waxaana lasoo sheegayaa inay u ballanqaaden ka dhabeynta casilaada Guddoomiye Jawaari. Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka maqnaado muddo laba cisho oo kaliya, isagoo wixii intaa ka danbeeya dib u dhameystiri doona howlaha Mooshinka Jawaari ee qabyada u ah. Dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee uu Shariif Xasan kawado magaalada Muqdisho, ayaa u muuqaneysa mid isaga iyo Ra’isul wasaare Kheyre ay ku doonayaan inay cashar lama ilaawaan ah ugu dhigaan Guddoomiye Jawaari. Geesta kale, Jawaari ayaa sidaan oo kale horay uga badbaaday Mooshin uu soo abaabulay Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan, waxaana iminka la ogeyn halka uu ku danbeyn doono Mooshinkaan ay isla wadaan Kheyre iyo Shariif Xasan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Uguyaraan 11 Caruur ah ayaa ku dhaawacmay halka mid kamid ahna uu geeriyooday kadib markii walax loo malaynayay in ay ahayd Bam gacmeed oo ay Caruurtan ay ku ciyaarayeen ay ku Qaraxday xili ay ku sugnaayeen mid kamid ah kaamamka ku yaala duleedka Magaalada Gaalkacyo oo lagu Magacaabo kaam (Salaama labo). Dadweyne aad ufarabadan ayaa dhiigooda u shubay caruutan ka dib marlii ay dhaqaatiirtu dalbatay in caruurtan lala soo gaaro dhiig ,si aysan dhiigbax ugu dhiman. labo kamid ah Caruutan ayaa la sheegay in dhaawacooda uu aad uculusyahay sida ay dhaqaatiirta Warbaahinta ay u sheegeen. Taliyaha Saldhiga dhex Axmed Maxamed Afrax Taraafiko oo Warbaahinta kulahadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay baaritaan ku samayn doonaan in bamkan uu ahaa mid meesha horay ugu aasnaa iyo inkale,waxa uu ka digay in Caruurta laga ilaaliyo goobaha ay kujiraan haradiga waxyaabaha Qarxa ee dhulka ku aasan. Tan iyo wixii kadam beeyay bur burkii dowladdii dhex ee dalka Soomaaliya ,wadankana uu galay dagaalo sokeeye ayaa waxaa soo badanayay dadka ay waxyeelada ay ka soo gaarto haraadiga wax yaabaha Qarxa ee ku aasan dhulka hoostiisa iyo goobihii lagu dagaalamay taas oo laxaadkood ay ku waayeen Qaraxyada noocan oo kale ah dad badan oo Soomaaliyeed . Halkan ka dhagayso Taliyaha iyo Agaasimaha Isbitalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo Maxamed Xuseen oo faah faahinaya khasaarihii ka dhashay dhacdadan . Taliyaha iyo Agaasimaha isbitaalka Exif_JPEG_420 Exif_JPEG_420 Exif_JPEG_420 Exif_JPEG_420 Exif_JPEG_420