-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe (Puntlandi) Wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa cambaareeyay oo beeniyay qoraal baraha bulshada lagu faafiyay, iyadoo la adeegsanayo ciwaan lagu sameystay magaciisa iyo sawirkiisa. Qoraalkaas looga been abuurtay wasiirka, ayaa waxa uu ku saabsanaa, isagoo wasiirku ku dhawaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxtinimada Puntland 2019 sidoo kalena waxaa loogu gafay madaxweynaha dowladda Puntland. Wasiirka warfaafinta qoraalkaas waxaa uu ku tilmaamay mid been abuur ah oo uusan waxba kala soconin, isagoo intaas ku daray inuu xaq uleeyahay inuu iskusoo sharaxo jagada madaxweyne marka xilligeeda la gaaro. Facebook-ga, ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa kusoo badanayay shakhsiyaad ku qaraabta magaca masuuliyiinta, iyagoo soo dhigaya qoraalo dadka lagu jahwareerinayo. Halkaan ka dhegayso codka wasiirka. Qarjab Puntlandi.com
-
Qatar Charity (QC) has said its office in Somalia has opened a model primary school in the town of Hudur, located in the southwestern Bakool region of Somalia near the border with Ethiopia. It aims to benefit around 350 students, both male and female, during the next academic year. Source: Hiiraan Online
-
Iyada oo bulshada Soomaaliyeed ay dhagaha u taageyso nooca doorasho ee dalka ka dhici-doonta 2020-ka iyo shirka 28-ka ka bishan ka dhici-doona magaalada Baydhabo ee lagu shaacin-doono nooca doorasho ee lagu heshiiyay ayet Caasimada Online si horudhac ah u ogaatay nooca doorasho. Kadib, wada-tashi muddo dheer qaatay oo madaxda dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ay qeyb ka yihiin iyo guddiyo kala duwan oo arrinkan loo saaray waxaa ay talo isugu soo biyo-shubatay in nooca ugu habboon ee Soomaaliya doorasho ku geli-karto 2020-ka uu noqon-doono Nidaamka PR ama proportional representation. Nidaamkan waxaa la sheegayaa in uu ku wanaagsan yahay arrimo badan oo Soomaalida muhiim u ah sida: Saami qeybsi, Metelaada dadka laga tirada badanyahay iyo Dumarka oo ay u fududaato in la doorto. Hadaba, Noocan doorasho ee Nidaamka PR ama proportional representation muxuu ku wanaagsan yahay muxeysa ku xun tahay, Faah-faahinta daqiiqado kadib kala soco, Caasimada Online
-
Maalmaha nagu soo foolka leh waxaa la filayaa inuu qabsoomo Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, ammaanka goobta lagu qaban doono ayaana ka mid ah waxyaabaha ugu weyn ee laga hadlay maalmihii ugu dambeeyey. Hadaba qormadaan waxaan ku eegi doonaa arrintaan, anigoo isweydiiyey afar su’aal oo aan isleeyahay waa kuwa ka guuxaya maanka Soomaali kasta, jawaabaha ugu macquulsan ayeyna xambaarsan yihiin. AMISOM ma tahay mid mudneed inay hogaanka u hayso amaanka halka lagu qabanaayo mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Jawaari? Hoolkii lagu doortay madaxweyne Farmaajo ayaa lagu qaban doonaa Mooshinka ugu kulul tan iyo markii maamulka haatan uu taliska la wareegay 8dii bishii Febraayo 2017kii. Marka laga hadlayo qadiyadda Soomaalinimo, uma muuqato wax habboon in Amisom ay ku lug yeelato Mooshinkaan muhiimka u ah masiirka Soomaalida. Maxaa yeelay waxaa muuqaneysa in weli loo baahan yahay caawinaaddooda ka in k Abadan 10 sanno ah oo ay dalka joogeen Ciidamada shisheeye. Tallaabadaan ayaa sidoo kale niyadjab ku ah Ciidanka Qaranka, haatan waa cudud la isku halleyn karo, balse markale waxaa loo muujinayaa kalsooni xumo, taasoo niyadda kasii dileysa, inkastoo markii horaba uusan muraalkoodu fiicaneyn. Ku darsoo kani ma ahan shir ama doorasho madaxweyne ee waa mooshin sida caadiga ka mid ah shaqooyinka loo egmaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaase muuqata in marwalba oo ay madaxda dalku is-qoomaan loo baahdo farogelin shisheeye ha ahaato Beesha Caalamka ama Ciidanka Nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya. Wasaaradaha Amniga iyo Ganshaadhiga maxaa la gudboon marba hadii ay dhacday in lagu kalsoonaan waayay ciidamada Dowladda Federaalka? Wasaaradaha ku shaqada leh amaanka dalka ee kala ah Wasaaradda Amniga iyo midda Ganshaadhigga ayaan wali ka hadlin xaglinta lagu xaglay in aysan dhaxdhaxad ka ahayn Siyaasadda xasaasiga ah ee dalka – tan haatan kama hadlin, xaaladaha xiggana uma diyaarsana. Wasiir ku-xigeenka Aminga Qaranka ayaa maalin ka dib ka hadlay ciidamada uu Gudoomiyaha Baarlamaku ku sheegay kuwo la wareegay Golihii Sharci Dajinta, balse tallaabo ficil ah hadalkiisa sooma raacin. Ciidamada Xooga ayaa loo yeeraa marka uu dalku galo xaalad ay ku filnaan waayaan Ciidamada Nabad Sugida iyo Boolisku ka dibna iyaga ayaa xasaliya amaanka goobo cayiman oo markaas xasrad ka tagan tahay balse taasi si toos ah ayaa loo hareer maray maadaama la magan galay Amisom. Tani ma tahay mid u gogol xareyso sii joogista waqti dheer Amisom madama madaxda dalku ay u muuqdaan kuwo la kala ilaalinayo? Faahfaahin dheer uma baahna, jawaabtuna waa ‘Haa’ – maxaa yeelay waxaa muuqata in Amisom loo muujinayey muhiimad aan caadi aheyn, halka la bahdilay qeybaha kala duwan ee Ciidanka Qaranka, sidaas darteed waa wax la filan karo inay qiyaas ahaan 10 sanno oo kale dalka sii joogaan loona muddo dheereeyo. Jawaari ma isku aamini waayay Ciidamo Soomaaliyeed, sababtuna maxay tahay? Marka aan cabiro aratideyda jawaabtu waa ‘Maya’ – Balse Jawaari haatan bilowgii Khilaafkaan ayuu shaki muujiyey markii ciidan lagu xagliyey inay taabacsan yihiin Xukuumadda lagu wareejiyey ammaanka Xarunta Golaha Shacabka, iyadoo Ciidankii horay u ilaalin jiray laga bedelay. Sidaas darteed, Jawaari wuxuu ku cawday in aysan Ciidankaan cusub dhex-dhexaad ka noqon karin xaaladda cakiran. Jawaari wuxuu dalbaday in lasoo celiyo ciidankii horay u ilaalin jiray ammaanka Golaha Sharci-dejinta. Balse dheg jalaq looma siin, inkastoo ay xaqiiqadu tahay inay xildhibaannada oo dhan kala garanayaan. Ka dibna wuxuu door-biday inuu magan galo Amisom. Gunaanadkii, Soomaalida oo looga bartay in gar walba oo adag ay geed hoostiis ku xallistaan, ciddii wax tabaneysana ‘Faataxada loo maro’ – Soomaalidii ku han-weyneyd ‘Soomaaliya Soomaali baa leh’ maanta moraalkoodu ma fiicna, marba haddii ammaanka oo aasaasi u ah Jiritaanka dowladnimo oo u muuqdo mid aan gacanteenna ku jirin. Qalinkii: Xuseen Cabdi Mataan AFEER: Aragtida Caasimada Online kama turjumeyso qormadaani, waxay u gaar tahay qoraaga ku saxiixan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ka taagan xiisad u dhaxeysa dadka deegaanka iyo Ciidamada Kenya,taa oo gaarsiisan heerkii ugu adkaa. Xiisadaas ayaa ka dambeysay kadib markii dowladda Kenya ay iskudayday in ay dib u bilaawdo derbiga ay ka dhiseyso xadka, iyada oo lagu eedeynayo in ay ku soo xadgudubtay dhulka Somalia. Dowlada Kenya oo adeegsaneysa awood ayaa ciidamo soo dhoobtay Xadka ay lawadaagto Kenya kuwaa oo wata dabaabaad. Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland ayaa waxgaradka Balad Xaawo ay ku eedeeyeen in ay mas’uul ka yihiin dhibaatada ka taagan Magaaladaas,iyaga oo u fasaxay dowladda Kenya in ay ku soo xadgudubto dhulka Soomaaliya. Odayaasha ku dhaqan magaalooyinka Muqdisho iyo Baled xaawo ee Gobolka Gedo ayaa fariin adag u diray Madaxda ugu sareysa dalk iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya. Madaxda ugu sareysa dalka ayey ugu baaqeen inay qaadan talaabo lid ku ah ficilka ay Kenya ku xalaaleysaneyso dhulka Soomaalida. Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayey si gaara ugu baaqen inay cadeeyan sababta ay uga aamusan yihiin xadgudubka Kenya. Waxa ay si wada jira u sheegeen in Xadka uu ka taagan yahay hawl ka culus mida ay haatan isha ku hayaan ee ah Mooshinka, loogana baahan yahay inay dhulkooda ka difaacdaan Kenya. Sidoo kale, dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ku taliyay in xili hore ay dowlada Somalia qaado talaabo adag, iyagoo siyaabo kala duwan ugu goodiyay inay kula xisaabtami doonaan Madaxda sare.
-
This is the date the fourth and last parliamentary elections were held in Somalia before the country fell in the grip of a military regime. The first parliamentary elections were held in 1956, the second in 1959 and the third in 1964. Whereas twenty-one political parties had contested the parliamentary elections of 1964, this time sixty-four parties, representing sixty-four clans and sub-clans, most of which created just before the poll and all seeking a slice of the national pie, entered the field, with 2,214 candidates for the 123 available seats. Most of the organizations contending for the election as political parties were not in reality parties in the true sense of the word, but rather temporary clan groupings, devoid of any clear political programme, formed solely for the purpose of putting up candidates with the ultimate aim of joining the ruling party after the elections. As one author eloquently puts it, “Politics in the Horn, like the politics of industrial societies, consist of competing among groups for influence in the management of public affairs. The distinction lies in the character of the groups. In developed industrial societies the competing groups are made of individuals united by common economic or social interests or perhaps a common ideology. Among the Somalis they are determined by common ancestry”. The country was divided into 48 electoral districts, out of which 5 had no contest at all, since only the ruling party had registered and presented lists of candidates who were automatically proclaimed elected before the counting of the ballots. The five ‘uncontested’ electoral districts were Aden Yaval, Bender Beila, Bur Hakaba, Jerriban and Zeila, all won by the ruling party. The electoral law had introduced two new innovations with respect to 1964:(a) the system of proportional representation was modified by assigning each constituency an electoral quotient determined by dividing the total number of votes cast by the number of seats assigned to each constituency. Consequently, only parties which reached the electoral quotient were allocated seats. (b) public servants, civilians or otherwise, who wished to stand as candidates were ineligible from running for the election unless they resigned from government employment at least 180 days before the date of voting “on the basis of the existing tradition in former Somaliland.” By contrast, in the southern region, by prevailing tradition civil servants were allowed to stand as candidates on the assumption that they represented the best educated and most qualified members of the population and they would be able to improve the quality of the legislature. Accordingly, a number of civil servants had been elected to the National Assembly in 1959 and 1964, and had been placed on leave without pay for the duration of their elective office. One obvious flaw of the electoral law was the lack of electoral certificates which allowed voters to cast their votes in the electoral district where they found themselves on the day of voting. Illiterate villagers and town dwellers had an equal say in choosing their candidates. This shortcoming encouraged irregular movements of the population from district to district. The security deposit for the election of MPs was raised from Sh.So1,000 in 1964 to Sh.So 5,000, to be forfeited and credited to State revenue in case the list failed to obtain the necessary votes for the election of at least one deputy. To prevent voters casting their ballot more than once, their left hand was marked with indelible ink before voting, a familiar system that had been in use since 1959. In a highly polarized political environment, few expected the build-up to the elections to be anything other than violent. Official reports said that about 25 people died during the elections, but it is understood that this was a somewhat conservative estimation. Those who fell victims to the prevailing political violence included two civil servants involved in the election process: Abdi Omar and Hassan Omar assassinated in Baidoa and Merca respectively, a candidate standing as an MP, M. Sede, assassinated in El Bur and a paramount Chief, Ismail Bogor, brutally murdered in Iskushuban. Most of the troubles arose because of complicated divisions of the territory into tribal boundaries, inaugurated during the UN trusteeship regime, with no attempt made after independence to rectify the situation. Alula, Iskushuban, Galkayo, Dusa Mareb, Merca, and Lugh Ferrandi, to mention just a few, had been flashpoints for years during election times. In anticipation of the general elections, the government appointed new regional governors and district commissioners. The regional authorities, particularly those hailing from the south, were notorious for their expertise in election fraud. “The new appointees were widely seen as mercenaries who were appointed on ad hoc basis to rig the elections for the candidate favoured by the government”, comments a well-informed analyst. The final results of the elections were released on April 7, 1969 by the Central Electoral Office, chaired by the President of the Appeal Court, Judge Girolamo Marotta-Gigli. The SYL party won the elections, securing 73 of the 123 of the seats in Parliament; the remaining 50 seats went to a host of other political parties. Somalis had grown used to electoral irregularities since the time of the United Nations trusteeship regime, but were still shocked by the scale of the vote rigging in 1969, the likes of which had never been experienced in the past. Whatever Somali voters may have wanted, it was axiomatic that the SYL did not lose elections. So, gross irregularities in the 1969 election should come as no surprise. The SYL was an extraordinarily powerful, hard to defeat money machine. Within a few weeks from the election, all but one of the new MPs who were not members of the SYL had joined the ruling party: The most well-known among the defectors were: Omar Arteh, Dr. Elmi Duale, Bashir Sheikh Hussein, Michael Mariano, Jama Ganni, Abdullahi M. Hirad, Omar Lulaie, Abdullahi Isnania, Hared Farah, Ismail Dualeh, Ahmed Adda Mugne, Ismail Giumale, Mohamed Rajis and Mohamoud Mohamed Osman. All were attracted by the advantages of being inside rather than outside the ruling party. Such transmigrations from one party to the ruling party were not without historical precedent in Somali politics. Similar instances of ‘crossing the floor’ were also experienced in the 1964 general elections, but not to the scale experienced in 1969, which annulled parliamentary opposition. The single opposition member who resisted the temptation to join the ruling party was Abdirazak Haji Hussein, who became, as one author put it, “a rare example in the history of democracy”. M. Trunji e-mail:trunji@yahoo.com
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Baarlamaanka Somalia, Mahad C/lla Cawad ayaa qoraal uu soo saaray caawa ku caddeeyay in go’aankii maanta kasoo baxay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Baarlamaanka, Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudey aanu ahayn go’aan ka soo baxay guddoonka golaha baarlamaanka. Mudane Cawad ayaa qoraalkiisa ku sheegay in C/weli Muudeey aanu ahayn ku-sime guddoomiye, isla markaana aanu xaq u lahayn inuu isugu yeero xildhibaannada baarlamaanka, wuxuuna caddeymo u soo qaatay qodobo ka mida Dastuurka iyo Xeer hoosaadka. Sidoo kale, Mooshinka ka yaalla Prof. Jawaari ayaa u muuqda mid mugdi sii galaya, iyadoo xildhibaannada mooshinka ka keenay Jawaari aysan haysan codad u filan, taasoo ugu wacan inay dib u dhigaan fadhiyada baarlamaanka. Haddaba, AKHRISO Qoraalka uu soo saaray Mahad Cawad; PUNTLAND POST The post Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamanka oo ka jawaabay Qoraalkii Cabdiweli Muudeey appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu was struck by a large explosion and gunfire on Sunday afternoon near the parliament headquarters, according to police and witnesses. Rescue efforts are underway as volunteers work to save lives. Amin Ambulance is reporting that three people have been killed. Witnesses report hearing a large explosion close to Somalia’s interior ministry just after 4:00 PM local time. The explosion, described as ‘loud’ by residents who are no stranger to explosions and destructions, struck a normally restrictive Sayidka checkpoint at a time that would have been congested. The extent of the damage is still unknown as security and emergency personnel arrive on the scene. However, Abdikadir Abdirahman, director of Mogadishu’s only ambulance and rescue service confirmed early reports that there are deaths and serious injuries. Al-Shabaab has claimed responsibility for the attack. “We are behind the attack at the checkpoint from where the president’s palace, parliament house and the interior ministry of the apostate government are guarded,” said Abdiasis Abu Musab, the group’s spokesman for military operations. The attack comes just hours after a would-be suicide bomber was killed and a government soldier was injured when Somali security tried to stop a vehicle that tried to force its way through the checkpoint. The suicide bomber detonated his car bomb. Just three days ago, over 17 people were killed in a similar fashion when an Al-Shabaab militant detonated himself near the crowded Wehliye Hotel.
-
One Al-Shabaab militant was sentenced to life in prison on Sunday while two others were condemned to serve ten years jails terms after they were found guilty of being associated with the militant insurgent group. A Somali military court found Mohamed Ali Abdi, Ahmed Adan Weerar and Mohamed Abdirahman Mohamud of being Al-Shabab members. Col. Hassan Ali Shute, the chairperson of the court said the court found 30-year old Mohamed Mohamud Mohamed guilty of heading an Al-Shabaab terrorist cell. ” Mohamed Mohamud was found guilty of being Al-Shabaab trainer and leading a cell of Al-Shabaab bomb makers,” said Shute. The court handed Mohamed life imprisonment as Mohamed Ali Abdi and Ahmed Adan Weerar, who themselves were trained by Mohamed got 10 years in jail terms each. “Therefore after reviewing all the evidence, Mohamed Mohamud will serve life in jail whereas Mohamed Ali Abdi and Ahmed Adan Weerar who were trained by the first defendant will face 10 years in jail,” Shute ruled. The trio were arrested early this month by Somali forces while preparing explosives at a house in Eilasha Biyaha area outside Mogadishu. The militant group has been waging deadly bomb attacks in Mogadishu and other towns since 2011 when its fighters lost the control of Mogadishu to African Union-backed Somali government forces. Last Thursday, a car packed with explosive went off near Wehliye Hotel along the busy Makka Almukarama road in Mogadishu, killing 17 and wounding 22 others seriously. Al-Shabaab, an Al-Qaida affiliate group claimed the responsibility for the attack.
-
Sultan Ahmed Bin Sulayem, Group Chairman and CEO, DP World and Jose Makila Sumanda, Vice Prime Minister and Minister of Transport and Communications, Democratic Republic of the Congo, at the signing of the Port of Banana concession in the Democratic Republic of the Congo. DUBAI, United Arab Emirates – DP World has won a 30-year concession with an option of a further 20-year extension for the management and development of a greenfield multi-purpose port project at Banana, Democratic Republic of the Congo (DRC). The Port of Banana will be the first deep-sea port in the country along its small coastline of 37 kilometres, which currently only has the riverine port of Matadi. DP World will set up a joint venture with 70% control, and the government of DRC holding a 30% share, to manage and invest in the Port of Banana. The first phase of the greenfield project, with an estimated initial investment of $350 million, will include a 600-metre quay and 25-hectare yard extension with a container capacity of 350,000 TEU (twenty-foot equivalent units) and 1.5 million tons for general cargo. Construction is expected to start in 2018 and is expected to take approximately 24 months to complete. The initial investment of $350 million will be spread over 24 months and the total project cost of more than $1 billion over four phases will be dependent on market demand for the port, industrial and logistics zone infrastructure. The development gives the Democratic Republic of the Congo the opportunity to be connected into global trade lanes, to have access to a wide range of global markets and to reduce its dependency on the neighbouring countries’ ports. Sultan Ahmed Bin Sulayem, Group Chairman and CEO, DP World, said: “We are delighted to extend our African footprint further with a major investment in the Democratic Republic of the Congo, which is Africa’s third-most populous country but has no direct deep-sea port. Investment in this deep-water port will have a major impact on the country’s trade with significant cost and time savings, attracting more direct calls from larger vessels from Asia and Europe, and ultimately acting as a catalyst for the growth of the country and the region’s economy.” “DP World has become a major player in Africa and the Port of Banana will contribute to our global network and continued growth in the developing markets. We are confident that this investment will deliver attractive returns to shareholders over the longer-term and we look forward to bringing DP World’s world class productivity-enhancing, security, safety and environmental best practices in container terminal development and operation to the Democratic Republic of the Congo.” Jose Makila Sumanda, Vice Prime Minister and Minister of Transport and Communications, Democratic Republic of the Congo, said: “We are excited to partner with DP World on this landmark project. The Port of Banana will offer the first deep-water port to the Democratic Republic of the Congo that will dramatically improve the cost and time of trade as the majority of the cargo is still handled by neighbouring countries.” “The project will provide us with a first-class marine facility comparable to other African countries in terms of capacity, draft and ability to handle the latest generation of vessels.” “The country was waiting for this strategic and structural project for a long time. We are confident that with DP World as a partner, we will be able to meet the expectations of our people, traders and exporters to have access to more markets and to bring more efficiency and cost effectiveness to international trade.” Source: – DP WORLD
-
Cabdiwali Muudey, gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatey Mooshinka ka dhan ah gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareertey kadib marki ay gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka ay iska soo daba saareen war-saxaafadeedyo iska soo horjeeda. Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee baarlamaanka Somalia, Cabdiwali Ibraahim Muudey ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in 31-ka bishaan Maarso la qaban doono mooshinka codka kalsoonida loogu qaadayo gudoomiyaha baarlamaanka Mohamed Sheikh Cusmaan Jawaari. Warsaxaafadeedkaasi ayaa lagu wargaliyey xildhibaanada in ay yimaadaan maalinta uu dhici doono moowshinka, oo sidoo kale lagu beegay marka uu furamayo kalfadhiga saddexaad ee baarlamaanka. Dhinaca kalena, warsaxaafadeed jawaab u ah kan Cabdiwali Ibrahim Musey oo kasoo baxay xafiiska gudoomiye kuxigeenka 2-aad ee Baarlmaanka, Mahad Cabdallah Cawad, ayaa lagu sheegay in iyadoo gudoomiyaha Aqalka Hoose ee baarlmaanka uu joogo ay sharci darro tahay inuu ku xigeenkiisa noqdo kusimaha afhayeenka baarlamaanka. Md. Cawad ayaa arrintan u kucsaday qodobka 94aad ee dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya. Dhinaca kalana, warsaxaafadeed ay soo saaren guddiga Aqalka Sare ee dadaalka ugu jira xal u raadinta xiisada siyaasadeed ee dalka ka jirta, ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in dhinacyada ay isu tanaasulaan oo ay wada shaqeeyaan si looga badbaado xasillooni darro amni, mid dhaqaalo iyo mid siyaasadeed. Guddigan Aqalka Sare ayaa horay ugu taliyey in mooshinka lagu qabto muddo 10 cisho ah oo ka bilaabanayseay 18-ki bishaan March.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax gaari ayaa maanta ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaare kala duwan geystay. Gaarigan ayaa la sheegay in xaafad ku taalla Siinka Dheer isaga oo marayey uu halkaasi bacaad ku galay, islamarkaana Labo ruux oo la socotey ay ka dalbadeen shacabka in ay la bixiyaan. Gaarigaan ayaa ku qarxay wado qardo jeex oo uu doonaayay inuu ka soo galo Magaalada Muqdisho,Wadihii gaariga ayaa la sheegay inuu qarxiyey gaariga isagoo ka cabsi qabay inay toogtaan ciidamada. Dadkii meesha ka dhowaa ayaa markii ay ka daaleen, waxaa la xaqiijiyey in ay goobta isaga kala tageen, balse gaariga oo laga shakiyey ayaa waxaa soo aaday ciidamada ammaanka. Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhimatay Qaraxaasi, kuwaasoo oo la sheegay in wadeen gaariga Qarxay. Gaariga ayaa ku qarxay meel ay ku yaallaan Guryo Jiinkado ah, waxaana qaraxaasi uu sababay Burbur xooggan.
-
Garowe (Puntlandi) Duqa degmada Garoowe Xasan Goodir iyo taliyaha ciidanka Booliska gobolka Nugaal, Faarax Galangooli ayaa ka qeyb qaatay howlgal lagu burburinayay Boosas laga cabirtay meelo ku dhow garoonka diyaaradaha Garowe, Gen, Maxamed Abshir Muuse. Masuuliyiinta ayaa digniin xoogan ujeediyay shakhsiyaad caadaystay inay kusoo xad gudbaan goobaha ay dowladdu mamnuucday in boosas laga cabirto. Waxaa kaloo digniin loo jeediyay dadka ku howlan dhul boobka, taasoo ah kamid ah mushkiladaha ugu weyn ee ka taagan Garowe. Maamulka gobolka Nugaal ayaa horey u mamnuucay in loosoo dhawaado dhulka garoonka diyaaradaha Garowe, iyadoo marar hore ay ciidanku burburiyeen dhismayaal sharci darro oo laga ag dhistay hareeraha garoonka diyaaradaha. SAWIRRO. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo galabta ka dhacay Isgooyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan afafka hore ee Wasaarada Arrimaha Gudaha xukuumada Somalia. Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Kontorool Ciidanka ilaalada Madaxtooyada ee Koofi guduuda ay ku leeyihiin isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho, iyada oo qaraxa kadib uu cirka isku shareeray uuro madow, oo qaraxa ka dhashay, intaasi kadib Ciidanka Kontoroolka ayaa riday rasaas fara badan oo ay kaga jawaabayeen falkan. Gaariga Qarxay ayaa waxaa la socday nin isa soo miidaamiyay oo kaxeynayay gaariga, waxaana lasoo sheegayaa in naftii haligahaasi uu galaaftay nolosha 5 Ruux oo laba kamid ah ay dhaacaw u geeriyooden goor dhow oo caawa ah. Saraakiisha caafimaadka ayaa u sheegay warbaahinta in halkaasi ay u direen Gaadiidka gargaarka deg dega ah ee Ambalaasta, ayna halkaasi ka soo qaadeen Meydad iyo tirro dhaawacyo ah. Dadka waxyeelada ay soo gaartay waxay u badnaayeen shacab, oo ay ka mid ahaayeen Wiil Dhalinyaro ah oo kaxeynayay Mooto Bajaaj cadaan ah iyo qof oo halkaasi ku sugayay gaari. Dadka dhintay waxaa ku jira Asakari ka tirsan ciidanka ammaanka oo si toos ah u hor istaagay Gaarigaan, taasi oo keentay in markii danbe Gaariga uu ku Qarxo halkii lagu qabtay. Si kastaba ha ahaatee, Qaraxaani ayaa daba socda Qarax Khamiistii ina dhaaftay xilli galab ah ka dhacay goob lagu shaaho oo kasoo horjeeda Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddiga Aqalka Sare oo maanta soo saaray baaq labaad oo ku aadan xallinta khilaafka ka dhex taagan golaha shacabka ayaa ku talliyay in ay lama huraan tahay in la qabto codeynta mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyadoo loogu baaqay xildhibaanada inay u midoobaan gudashada waajibaadka dastuuriga ee maareynta mooshinka.
-
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Md Mahdi Mohamed Gulleid (KHADAR) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Wasaaradda Gaadiidka Cirka & Duulista iyo Wasaaradda Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda iyo weliba Dekedda Magaalada Muqdisho. Wasiirka Gaadiidka cirka iyo Duulista Md Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisalwasaare ku-xigeenka waxaanna uu uga warbixiyay sida ay u gudanayaan waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan iyo hanaanka ay usocoto shaqadda Wasaaraddu, isagoo mid mid u booqday xafiisyada ay ku howl-galaan shaqaalaha Wasaaradda. Wasiirka Dekeddaha iyo gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys, oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi ayaa iyagana dhankooda R/W ku-xigeenka kusoo dhoweeyay xafiiska W/D & G/B, waxaana dhex maray kulan mudo kooban qaatay oo ay R/W ku-xigeenka ugaga warbixinayeen shaqadda Wasaaradaasi. Intaa ka dib Md Mahdi oo ay wehelinayso Wasiirka Dekeddaha iyo Gadiidka Badda Marwo Maryan Aweys ayaa booqday Dekedda Magaaladda Muqdisho waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay Maareeyaha Dekada Muqdisho iyo dhammaan shaqaalaha ka howlgala. Mudane Mahdi Maxmed Guuleed ayaa maamulka dekadda kala hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa shaqada, loona horumarin lahaa dekedda Muqdisho. ”Waxaan saaka kormeer shaqo ku tegey Wasaaraddaha qaar kamid ah iyo Dekedda Muqdisho, Kormeerkaasi wuxu qayb ka yahay barnaamijka joogtaynta isla xisaabtanka ee Xukuumadda. Waxaan soo aragnay sidday shaqooyinkooda u gudanayaan Wasaaradda Dekeddaha & gaadiidka badda iyo Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawadda iyo weliba Dekedda weyn ee Xamar. Waxaan soo arkay in shaqadda Wasaaradduhu si fiican ay usocoto Wasiiradda iyo agaasimayaasha dhamaan shaqaaluhuna ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo ee maalinlaha ah” ayuu yiri Ra’iisalwasaare xigeenka Dalka Md Mahdi Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo hadalkiisa sii-wata ayaa yiri “Dekedda Muqdisho oon sidoo kale tegey waxaan kusoo arkay shaqo wanaagsan oo ka socota ilaa afar markab oo waaweyn ayaa kusoo xidhay, dhaqdhaqaaqa dekedduna aad buu usareeyay shaqadda ay Maareeyaha dekedda iyo shaqaaluhu wadaana si fiican ayay u soconaysay.” ayuu yiri Ra’iisalwasaare xigeenka Dalka Md Mahdi oo warbaahinta la hadlay markii kormeerku soo dhamaaday”. ___DHAMMAAD___ The post R/wasaare ku-xigeenka dalka oo booqday qaar kamid ah Wasaaraddaha iyo Dekedda Muqdisho. appeared first on Puntland Post.
-
Banaan bax ay soo abaabuleen Dhalinyarada Muqdisho loogana soo horjeeday dhul boobka dowlada Kenya ka wado Xuduuda Degmada Balad Xaawo ayaa ka dhacay Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Banaan baxa ayaa dhacay wax yar un kahor inta uusan qarax xoogan ka dhicin isgooska Sayidka, lamana oga xiliga qaraxu dhacayay in goobtaasi ku sugnaayeen dadkii banaan baxa ka qeyb qaadanayay. Wariye katirsan Warbaahinta oo marayay Isgooska Sayidka inta uusan qaraxu dhicin ayaa kasoo qaaday Sawirada idin muuqda, xaalada ayaana xiligaasi aheyd mid caadi ah oon wax dhibaato ah halkaasi ka jirin. Qaraxa xoogan ee ka dhacay Isgooska Sayidka ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaa sidoo kale goobtaasi ka dhacay bur bur xoogan oo soo gaaray dhismayaal ku dhaw Isgooska Sayidka
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkadda DP World ayaa lacag hal bilyan oo doolar ah ku kireysatay dekadda Port de Banana ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah Congo. Dekaddan oo nooca macmil ka ah, lagana dhisay halka ay iskaga darsamaan Wabiga Congo iyo badda Atlantic ayaa dhererkeedu waxa uu ka yar yahay 75m, halka doomaha ku soo xirta ay yihiin nooca yar yar, iyadoona halkii mar aysan dekedda ku soo xiran Karin wax ka badan hal doon. DP World waxa ay sheegtay in lacag dhan 350 Malyan oo doolar ay u qoondaysay dib u dhiska dekedda oo kaliya, halka 650-Malyan ay ku horumarinayso kaabeyaasha dhaqaalaha ee deegaanka dekedda iyo mashaariic kale oo shaqo abuur oo ka mid tahay magaalo warshadeed laga hirgelinayo deegaankas. Dowladda Congo ayaa shaacisay in saamiga dekeddan ay ka qaadanayso uu yahay 30% halka DPW ay leedahay 70%, arrinkan oo dad badan oo Soomaaliyeed soo xasuusiyey heshiiskii dekedda Berbera ee muranka dhaliyey. DP world ayaa warsaxaafadeed ku saabsan arrinka ku tilmaamtay sida ay u yartahay dhulka dekeddaani, maadama dalka Congo uu 37km qura kala wadaago biyaha badda Atlantica, balse waxa ay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin heshiiskan mudda mudada 30-ka sano ah ay ku maamulayaan deked yarahaan, iyagoona sheegay in ay dhiskeeda ku dhammeystiri doonaan muddo 24 bilood ah. Dekedda Berbera oo ku taalla marinka ugu mashquulka badan dunida ee badeecaduhu ay ka dhoofaan ayaa shirkadda DP World waxa ay kula wareegtay 442 Malyan oo doolar, iyadoona la xaqiijiyey in sanadkii 2012kii laga soo dejiyey 21,538 kunteendhar siday agab iyo badeecado kala duwan, halka dekeddan maanta Imaaraatku uu 1 Bilyan kaga kireystay Congo ay ka soo degeen markii ugu badnayd 2000 oo kunteendhar oo qura. Muuqaallada dekedda Berbera iyo deked yarta Banana ee dalka Congo ayaa muujinaya farqiga ballaaran ee u dhexeeya labada dekedood iyo sida ay u kala muhiimsanyihiin, balse waxaa muuqata sida Shirkadda la wareegtay maamulkooda ee DP World ay ugu tumatay qiimaha dekedda Berbera iyadoona kula wareegtay kala bar lacagta ay ka bixisay dekedda yaraha dalkas Congo oo guud ahaanba dalkaasi dhulka uu badda la wadaago ay ka yartahay inta magaalada Berbera ay kala wadaagto khaliiijka Carabta. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
-
Kabul (Caasimada Online) – Dowladda Russia iyo Ururka Taliban ayaa siyaabo kala duwan u beeniyey hadalkii kasoo yeeray Hogaamiyaha Ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Afghanistan, kaasoo ahaa inay Taliska Moscow taageero Kooxda Taliban. Hogaamiyaha Ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Afghanistan ayaa xitaa daaha ka qaaday inuu Ruushku hub ku taageero Ururka Taliban oo muddo dheer waday dagaal ay kaga soo horjeedaan dowladda Afghanistan. General John Nicholson oo la hadlay BBC-da Isbuucii lasoo dhaafay ayaa ku eedeeyey Russia inay ka shaqeyneyso xasilooni la’aanta Afghanistan maadaama ay taageeraan sida uu hadalka u dhigay Ururka Taliban. Balse Safaaradda Russia ay ku leedahay caasimadda Kabul ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ku ku beenineyso hadalka Jeneraalka, iyagoo ku tilmaamay been aan sal iyo raadba laheyn iyo xan qiyaas ah. Dhanka kale, Afhayeen u hadlay Ururka Taliban ayaa sheegay in aysan wax caawinaad ah a helin midkoodna dowladaha caalamka. Caasimada Online Xafiiska Kabul Caasimada@live.com
-
Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso qarax qasaare geystay oo ka dhacay Galabta Magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay Isgooyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho oo u dhow madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho. Gaariga qarxay ayaa ahaa nooca raaxada waxaana xiligaasi baarayay ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya. ku dhowaad 5 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaasi uu isugu jiro askar iyo dad shacab ah. Sidoo kale waxaa halkaasi ku basbeelay Gaadiid iyo Mootooyinka loo yaqaano Bajaajta oo dadka reer Muqdisho ay aad u isticmaalaan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Faah-faahin: Qarax qasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - Mogadishu was struck by a large explosion and gunfire on Sunday afternoon near the parliament headquarters, according to police and witnesses. Rescue efforts are underway as volunteers work to save lives. Amin Ambulance is reporting that three people have been killed. Source: Hiiraan Online
-
Somaliland ayaa sheegtay in ay gebi ahaanba joojisay Wada-hadalkii ay kula jirtay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeediyay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay weerar ku soo qaadday maamulkiisa,sidaasi darteedna uu joojiyay wada-hadalkii la qorsheeyay 19-kii bishaan Maarso. Muuse Biixi fahfaahin kama bixin weerarka ay soo qaadday Xukuumadda Soomaaliya,balse wuxuu tilmaamay in Somaliland aysan marnaba wax ka dhisan Xukuumadihii is-xigay ee Soomaaliya soo maray burburkii kadib. Halkaan ka daawo Biixi. PUNTLAND POST The post Somaliland oo gebi ahaanba joojisay wada-hadalkii Xukuumadda Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
Faah faafin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo Galabta ka dhacay agagaarka ee Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ku taalla agagaarka Zayidka. Qaraxa ka hor ayaa la sheegay in Ciidamada Dowladda ay istaajiyeen gaariga balse uu qarxay,waxana soo baxaya faah faahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxaas. Wararka hordhaca ee soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa 7 Ruux ay qaraxaasi ku geeriyoodeen,sidoo kalena in ka badan ay ku dhaawacmeen,balse weli lama cadeyn halka sida rasmiga ah gaarigaas uu ugu socday. Masuuliyiin ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa gaaray Goobta uu qaraxa ka dhacay kuwaas oo la filayo in saacadaha nasoo aadan ay Warbaahinta u faah faahiyaan qaraxaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com