-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Waraaqaha safiirnimo ka guddoomay danjiraha Jamhuuriyadda Muritaaniya ee loosoo magacabay Somalia, Wadaadi walad-Sayid. Danjire walad-Sayid ayaa madaxweyne Farmaajo u gudbiyay salaan uu uga siday madaxweynaha Muritaaniya, Maxamed walad-C/casiis, isagoo intaa ku daray in dowladda Murataaniya ay ahmiyad gaar ah u leeyahay xiriirka ay la leedahay Somalia. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa farriin uu diray safiirka Muritaaniya ee Somalia, wuxuuna uga mahad-celiyey Madaxweynaha dalkaas Maxamed walad-C/casiis iyo dowladdisaba sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Somalia, isagoona rajeeyey in xiriirkan uu asaas u noqdo iska kaashi buuxa oo dhex mara labada waddan. Dalka Muriitaaniya ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ku yaalla Waqooyiga Qaaradda Afrika, waxaana danjiraha ay u soo magacaabeen Somalia uu ka mid noqonayaa danjirayaal ay sannadihii u dambeeyay dalalka caalamku u soo magacaabayeen Soomaaliya. Ugu dambeyn, Tan iyo markii ay hagaagnay xasilloonida Muqdisho iyo qaybo ka mid ah Soomaaliya, waxaana soo kordhayay danjirayaasha caalamiga ah ee loosoo magacaabayay Somalia iyo sidoo kale wufuudda dalka imaanaysa. PUNTLAND POST The post Danjiraha Dalka Mauritania ee Soomaaliya oo laga guddoomay Warqadihii Aqoonsiga appeared first on Puntland Post.
-
On a clear afternoon in December 2017, five alleged civilians, including a five-year-old child, were killed in an apparent airstrike in Ilimeey, a small village in southwestern Somalia. Eyewitnesses to the incident believe the attack came from a U.S drone. Two of those believed to have been killed in the strike were members of the same family, leaving a three-month-old without a father and a brother. Source: Hiiraan Online
-
I spoke with five Somali artists about this very issue. All of the women I spoke with flirt with someone else's gaze, whether that be the gaze of their own communities, the male gaze, or the white gaze; these are gazes that fetishize, and they respond to them in their own ways. If these women are not archiving, documenting, and facilitating discourse, they are curating magazines and online publications. These Somali women are proactive in their own representation and hail from different backgrounds and are interested in different types of artistic expression, but underlying their creations is the daunting reality of both external and internal surveillance. Source: Hiiraan Online
-
Wali waxaa taagan muranka mooshinka xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia ay ka keeneen gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari. Mooshinkaan ayaa lagu abaabulay 24 saac gudahood, markii ay xukuumadu ogaatay in la qoraayo mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaare Kheyre. Hada xaalku waa sidee ? ————————– 20 cisho ku dhowaad waxaa hakad ku jira howlihii xukuumada iyo midii golaha shacabka, hotelada magaaladu waxey noqdeen kuwo aad mashquul u ah , lacag badan ayaa soo gashay magaalada oo ka timid labadda daraf ee is haya, halka Al Shabaab ay xoojisay qaraxyada iyo dilalka gaadmada ah tan iyo markii uu dilaacay is qab qabsiga madaxda sare. Xildhibaanada taageersan Jawaari waxey sugayaan in bari oo ah 28 bisha March lagu kala baxo arrinta Jawaari, Aqalka Sare ayaa isna ku raacay in 28ka howshu dhinac u dhacdo, laakiin uma muuqato iney bari wax dhamaan karaan. Waxaa suurta gal ah iney bari hadlaan kooxda Jawaari, waxaa kaloo la falin karaa iney sameeyaan wax qalalaasaha sii badiya. Garabka Jawaari ———————- Jawaari wuxuu heystaa xildhibaano dhowr nuuc ah ,qeyb waa kooxdii Qabyo ee Xasan Shiikh ,qaar waa xisbiga Daljir oo la sheego iney 13 xubnood ku lee yihiin Aqalka hoose, koox waa xildhibaano la baxay Himilo oo u badan kuwo ka carooday balamo xukuumadu uga baxday, qaarka kalana waa xubno kasoo jeeda Baay iyo Bakool oo isaga taageersan. Xubnaha Jawaari taageersan waxey badi kasoo jeedaan Gal-Mudug iyo Hirshabeele, Jawaari waxaa la sheegaa inuusan heysan dhaqaalo badan oo uu ku dagaalamo, balse ilo xogogaal ah waxey sheegayaan inuu markaan jeebka gacanta galiyay si uu u bad baado, sidoo kale waxaa la aaminsan yahay inuu yahay nin saaxiibo badan leh. Hadii uu Jawaari guuleysto ? —————————– Sida muuqata, khilaafkan waxaa ku bixi kara mid ka mid ah sadexda nin ee dalka ugu sareysa. Jawaari wuxuu u baahan yahay mar walba wax ka yar 93 xildhibaan, waxaana loo eegi doona hadba inta mudane ee fadhiga soo xaadirta. Hadii uu Jawaari bad baado, waxa ugu horeya ee dhici kara waa inuu madaxweyne Farmaajo isku furto Ra’iisul wasaarihiisa ama la dabaqo mooshinka xukuumada, oo la aado lacag bixin horleh iyo dagaal cusub oo aan la sahmin karin natiijadiisa, Sidoo kale lama hubo iney xildhibaanadu ka wareejin doonaan madaxweynaha qudhiisa. Jawaari waxaa kaloo u taala sidii uu ka yeeli lahaa xildhibaanada isaga diidan oo la aaminsan yahay iney boqol ka badan yihiin, waxa dhici kara waa fowdo iyo kulamada oo la arbusho hadii uusan Jawaari helin jid kale oo uu kusoo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee kala dhaxeeyay xildhibanadas. Hadii Jawaari laga adkaado ? ————————– Hadii uu Jawaari baxo, sida ay wax noqon doonaan waxey ku xiran tahay gudoomiyaha imaan doona iyo kooxda wadata.Dadka aadka ula socda arrintaan waxey aaminsan yihiin in Baarlamanku uu kala qeybsanaan xoogan wajihi doono. Xukuumadu waxey aaminsan tahay in hadii ay Jawaari iska wareejiso ay xal fiican heli doonto, laakiin taas lama hubo waxeyna ku xirnaan doontaa nuuca qofka imaan doona. Mucaaradku waxey bilaabi doonaan iney is abaabulaan oo ay qarash badan huraan, si aaney Villa Somalia u wada maamulin sadexda kursi ee dalka ugu sareysa , waxey hadba guushoodu ku xirnaan doonta sida ay u shaqeeyaan iyo inta uu jeebkoodu la eg yahay. Gunaanad Si kastaba, Baarlamaanka 10aad wuxuu u muuqda mid jidkii saxda ahaa ka lumay, xukuumadu eedbey ku leedahay inuu suurad xumaado Baarlamanku. Waxaa qoray : Cabdulaahi Cismaan Faarax Email: raafac22@gmail.com
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Iydoo ay sii xoogeysaneyso Khilaafka ka dhashay Darbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso qeybo kamid ah Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa dowladda Kenya kasoo yeeray hadal shaki weyn dhaliyey kaasoo ay ku sheegtay inay gaartay ujeedkii laga lahaa dhismaha Maamulka Jubblanad oo dhul ahaan ka taliyo meelaha ay Dowladda Kenya ka dhiseyso Darbiga/ Wargeyska The Star ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa sheegay in taliye ku xigeenka sirdoonka Kenya uu ku dheeraaday ka hadalka muhiimadda uu dowladooda u leeyahay maamulka dabadhilifka ah ee uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe. Qorshaha Dowladda Kenya ee lagu dhisay Maamulka Jubbaland waxaa la dhameystiray billowgii Sanadkii 2010kii. Hayeeshee gaba gabadiisii waxaa ay ahayd Bishii January sanadkii 2013kii markaas magaalada Kismaayo ay isugu tageen Ergo dhan 522 Qof,kuwaas oo qaatay go’aan adag islamarkaana madaxweyne u doortay hoggaamiye kooxeed hore Axmed Maxamed Madoobe. Barnaamijka lagu dhisay Jubbaland waxaa uu ahaa shaqada 19 sano ee Ninka lagu magacaabo Nuuraddiin Yuusuf Xaaji oo uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta u magacaabay ku xigeenka Taliyaha Nabad Sugidda Kenya. Nuuradiin waxaa uu shirguddoomiye ka ahaa kulan ay yeesheen Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayay xasilinta Soomaaliya,waxaana kulankaas ka dhashay Maamul Goboleedka Jubbaland. Sooyaalka Nuuraddiin ayaa hadda waxaa ku xusan in waxqabadkiisa ay ka mid tahay dhismaha Maamul Goboleedka Jubbaland State of Somalia . Nuuraddiin waxaa uu shirkaas ka sheegay in sugidda Amniga Kenya ay muhiim u tahay in la helo degaan u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya oo aysan Al-shabaab ku noolaan Karin,taas oo ka imaneysa in la dhiso Maamul Goboleed ay dhisto Kenya hayeeshee hoostaga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. ” Kenya waxay Xaqiijisay Amaanka Deegnadeeda, waxayna taas aheyd ujeedada ugu weyn ee laga lahaa dhismaha maamulka Jubland” ayuu yiri Nuuradiin. Nuuradiin ayaa ku faanay in Qorshaha uu isagu garwadenka ka ahaa uu Kenya u xaqiijiyay Hadafkii ay la lahayd Sameeynta Jubbaland sida uu hadalka u dhigay kar uu Baarlamaanka Kenya la hadlayey. ugu dambeyntii Madaxtooyadda Kismaayo hormuud uma aysan noqon Xal u raaadinta Darbiga Xuduudda Kenya ay ka dhiseeyso, marka laga reebo Masuuliyiinta Gobolka Gado oo muu jiyay dhaqdhaqaaq ka dhan ah Darbiga Xuduudda ay Kenya ka dhiseeyso. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa War saxaafadeed ka soo saaray xaalada ka taagan Beledxaawo iyo Darbiga ay Kenya ka dhiseyso. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo arrinta darbiga Kenya dhiseyso uu saddex kala hadlay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la joojiyo dhismaha Darbiga iyo in la sameeyo Guddi wadaag oo labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shaqada Baarlamaanku waxa ay u qaybsantaa laba howlood oo waaweyn, tan hore waa shaqada xeerdejinta (Legislation) taas oo macnaheedu yahay in Baarlamaanku uu keligii la gaar yahay shaqada xeerdejinta, wax ka beddelidda xeerarka dowladda iyo Baabi’intoodaba. Howsha labaad ee Baarlamaanku waa la xisaabtanka iyo korjoogteynta howlgalka hay’adaha dowladda sida xukuumadda, tanina waxa ay ka dhigan tahay in Baarlamaanku maaddaama uu metelayo dadweynaha uu leeyahay awoodda jiheynta iyo xisaabinta laanta fulinta ee dowladda, sidaas awgeed dastuurka kmg ah ee la ansixiyey Agoosto-2012; waxa uu qodobkiisa 69aad; faracyada 1aad iyo 2aad; ku xusay labadaas shaqo ee waaweyn ee Baarlamaanku u xilsaaran yahay. Dowladihii dhismay kaddib kacaankii Faransiiska ee qarnigii 16aad; waxa ay sameysteen golayaal xeerdejin oo dalalkooda u sameeya hadba xeerarka ay u baahdaan si ay dowladnimada iyo ismaamul wanaaggu u hormaraan. Dhammaadka qarnigi 19aad; Soomaaliya waxa ay gacanta u gashay waddamada reer galbeedka, kuwaas oo ay ugu horreeyeen Talyaaniga iyo Ingiriisku, gobolada Waqooyiga (Somaliland) Waxa qabsaday Ingiriiska, halka Koofurtana ay ku jirtay xukunka isticmaarka Talyaaniga. Shareecada Islaamka iyo xeer Soomaaliga ayaa ahaa ilaha waawyn ee xeerarka ay dadka Soomaaliyeed isku maamulayeen, balse imaanshaha dowladaha shisheeye ayaa billaabay in qaar kamid ah xeerarkii waddamadooda looga dhaqmo labada gobol. 1950; Koofurta Soomaaliya waxaa mar kale qabsaday Talyaaniga oo xilligaas Wakiil ka ahaa QM, waajibka Talyaanigu waxa uu ahaa in uu muddo 10; sano gudaheed ah uu ku gaarsiiyo Koofurta Soomaaliya madaxbannaani hugan biseyl siyaasadeed iyo mid aqooneed oo ay isku maamusho kaddib madaxbannaanida, maamulkii talyaaniga ee howshaas loo xilsaaray waxa lagu magacaabi jirayAmministrazione Fidicuaira Italiana della Somalia (AFIS). 1951-1955; waxaa koofurta Soomaaliya ka dhismay 5; gole oo midkiiba howgeli jiray hal sano, waxa looyiqiin Golaha deegaanada (Consiglio Territoriale) 1956-dii waxaa koofurta Soomaaliya ka dhacay doorashadii siyaasadeed ee ugu horreysay, waxaana lagu soo doortay golaha xeerdejinta, sidaas oo kale Waqooyiga Soomaaliya waxa ka dhacay doorasho siyaasadeed oo horseedday dhismaha gole xeerdejin, kaddibna labadaas gole ayaa isku biiray July-1960; wadajirkoodu waxa uu ahaa 123; xildhibaan (90; koofurta iyo 33; Waqooyiga) isku biiridda labadaas Baarlamaan ayaa saldhig u ahaa dhalashada jamhuuriyadda Soomaaliya iyo golaha shacabka ee maanta jira. 58; sano kaddib waxa muuqata in xukuumadda Raisalwasaare Xasan Cali Kheyre; ay qaadeyso tallaabo qalqal iyo kala daadasho gelineysa golaha shacabka oo u taagan metelaadda dadweynaha, iyada oo ka shidaal qaadaneysa isku milanka xubnaha labada hay’adood ee Baarlamaanka iyo fulinta iyo kala-saarid la’aanta awoodaha. 14-March-2018; Xildhibaano ay ku jiraan kuwo ka wada-tirsan Goleyaasha shacabka iyo xukuumadda ayaa gudbiyey mooshin ka dhan ah guddoomiyaha golaha shacab Maxamed Cismaan Jawaari, Sidii uu Mooshinkasi u yimid waxa dhashay muran iyo kala shaki soo kala dhexgalay xubnaha golaha shacabka qudhooda, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ku eedeeyey xukuumadda Raisalwasaare Kheyre in ay ka dambeyso mooshinka, isaga uu u jeediyey xildhibaanada golaha shacabka in ay muujiyaan wadajir, taas oo tusaale ahayd in ay jiraan xildhibaano laba xil isku haya oo dadaal ku bixinaya sidii ay u sii hayn lahaayeen labadaas xil. Haragaaga Qarax ka dhacay isgoyska Sayidka, meel u dhow wasaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomalaiya Waxa dhacay 5; qarax, oo ay ku dhinteen inta ay xaqiijisay wasaaradda Amaanku 24; muwaadin, kuna dhaawacmeen 13; kale, hantida ku baaba’day aan illaa hadda la tira koobin. Haraaga qarax ka dhacay Ka soo horjeedka Hotelka Weheliye, Muqdisho, 23_Marh-20183 Aragtida Kalasaaridda Awoodaha Mabda’a kala saaridda awoodadaha (Separation of Powers), waxa loola jeeda in dad kala madax bannaan kalana duwan ay maamulaan saddexda laamood ee dowladda,(Xeerdejinta, Fulinta & Garsoorka), waana in aan hal qof kawada tirsanaan laba laamood oo kamid ah kuwa dowladda sida in xildhibaan noqdo wasiir, kaddibna uu isku dayo in awooddiisa xeerdejinta u adeegsado si uu u illaasho xilkiisa wasiirnimo, haddii ay taasi dhacdo sida ay hadda u dhisan tahay xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaa ka dhalan karta in xubnaha kuwada jira xeerdejinta iyo xukuumaddu ay six un u adeegsadaan awoodahaas waaweyn ee ay wada-hayaan. Kalsooni la’aanta & kala shakiga xubnaha golasha shacabka Sida muuqata golaha shacabku waxa uu u qaybsamay xubno taageersan Mooshinka oo ay xukuumadda ka rajeynaya in haddii uu guuleysto Mooshinku haysta Ballan qaad xi lama xoolo iyo xubno ka horjeeda Mooshinka oo ay suuragal tahay in ay isugu jiraan kuwo difaacaya danguud iyo kuwo uga jeeda dan gaar ahaaneed ka horjeesiga Mooshinka, intaas oo ku filan in aqalka golaha shacabku taagdarreeyo kaddibna ay xukuumaddu noqoto xeerdejin iyo fulin taas oo ah dhaqanka xukuumada ku dhisma xoogga iyo afgenbiga. Waxaa soo baxay cabsi ku saabsan dhexdhexaadnimada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cweli Muuddeey, taasna waxa muujiyey sida uu guddoomiye Muuddeey u maareeyey xilliga qabashada Mooshinka, hadal-jeedintiisa iyo sida fudud ee uu u qaatay keligii go’aano iyo talo kala dhexeysay guddoonka golaha shacabka, eed caynkaas ah waxaa u jeediyey guddoomiye Muuddeey xildhibaano ka tirsan golasha shacabka. Madaxbannaanida dhismaha golaha shacabka ayaa iyadana waxa ka taagan cabasho kale, taasna waxa muujiyey guddoomiyaha mooshinku ka yaal iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka, taasina waxa ay sababtay in guddoomiye Jawaari dalbado in meel dhexdhexaad ah lagu qabto codeynta mooshinka kalsooni kalanoqoshada guddoomiyaha golaha shacabka. Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dalbaday in ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Afrika la geeyo xarunta aqalka sare si ay uga qyabqaataan sugidda nabadgelyada aqalkaas, waxa suuragal ah in fargelinta xukuumadda ee Baarlamanaku ay sabab u tahay mashaakilkaas oo dhan. Xeer-hoosaadka golaha shacabka ayaa qaba in goluhu oo ku qabsan karo shirarkiisa meel ka baxsan dhismaha golasha, haddii ay timaaddo duruurf keeni karta in loo baahdo in shirarka iyo fadhiyada golaha shacabku ka dhacaan meel ka baxsan aqalka golaha shacabka. Soo jeedin Shaqada iyo xilka xukuumadda saaran waxa kamid ah nabadeynta Caasimadda iyo hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha, sidaas awgeed xukuumaddu Raisalwasaare Kheyre waxa ay u baahan tahay in aanay ku mashquulin waqti badanna aanay gelin sidii ay u sii jiri lahayd, taasi waxa ay u taal cidda qiimeyneysa oo qudhooda looga baahan yahay muujinta mas’uuliyad, mashaakilka dhacay muddadada sanadka ah ee xukuumaddu jirto waxa ay xukuumadda ugu filan yihiin culeys, sidaas awgeed haddii ay ku fakareyso in ay xoog iyo xoolo geliso jiritaankeeda waa in ay ku talagasho in aanay hayn howshii loo siiyey codka kalsoonida sidsaas awgeed ciddii ku siisay kalsoonidu waa in ay kaala noqon karto marka aad lumiso wixii kalsoonida lagu siiyey. WQ: Axmed Ciise Guutaale Dersa Sharciga & Qaanuunka
-
Gacmo dahab ah lagana sameeyey gacmaha madaxweynihii ugu horreeyey ee madoow ah ee ay yeelato South Africa Nelson Mandela ayaa waxaa lagu iibiyey adduun lacageed dhan 10 milyan oo dollarka Mareykanka ah oo u dhiganta 7 milyan oo ginni, suuqa bitcoin-ka ayaana lagu iibsaday. Shirkadda Arbitrade ee fadhigeedu yahay dalka Canada ayaa afar gacmood oo dahab ah lagana min-guuriyey gacmihii Nelson Mandela ka iibsatay ganacsadaha reer South African Malcolm Duncan. Shirkadda Arbitrade ayaa daaha ka qaaday inay dooneyso inay sameyso barnaamij dunida oo dhan lagu baahin doono loona bixiyey ‘Golden Hands of Nelson Mandela’ kaasoo dhallinyarada lagu bari doono noloshii geesinimo ee halyeeyga Africa. Waa markii ugu horreysay ee agab farshaxan ah oo laga sameeyey jirka Mr Mandela la iibiyo. Waxaa xusid mudan in Mr Mandela uu 27 sanno oo xabsi ah ku muteystay dagaalkii uu la galay Caddaankii xukumayey South Africa. Ka dibna 1990kii ayaa xabsiga laga soo daayey, wuxuuna ahaa madaxweynaha Koonfur Africa laga bilaabo 1994 illaa 1999kii. Mandela ayaa geeriyooday sannadkii 2013kii isagoo 95 sanno jir ah.
-
A man who hit a Somali woman with his car before going back to run her over as she lay helpless has been jailed for a minimum of 20 years. Source: Hiiraan Online
-
Beijing (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Waqooyiga Korea Kim Jong-un ayaa lagu soo waramayaa inuu si lama filaan ah kusoo booqday caasimadda Beijing ee dalka Shiinaha. Wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya inuu hogaamiyaha North Korea safar lama filaan ah ku yimid Shiinaha. Warbaahinta Japan ayaa qoreysa in waxa xiisaha u yeelay safarka Kim Jong-un ay tahay inuu tareen ku yimid Beijing, iyadoo ammaanka caasimadda aad loo adkeeyey. Haddii uu Kim Jong-un yahay shaqsiga saarnaa tareenkaas waxay noqon doontaa safarkiisii ugu horreysay ee uu ku tago dal bannaanka ah tan iyo markii uu xukunka la wareegay sannadkii 2011kii. Si kastaba ha ahaatee, illaa haatan midkoodna North Korea ama Wasaaradda arrimaha debadda ee China kama aysan hadlin arrinkaan, waxayna sheegeen in aysan xog rasmi ah heynin, markii ay BBC-du xiriir la sameysay. Ugu dambeyntii, booqasho walba oo uu Mr Kim ku tago Beijing waxay noqon doontaa tallaabo weyn oo uu dhanka horumarka u qaaday. Iyadoo bishii lasoo dhaafay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu aqbalay inuu la kulmo hogaamiyaha Waqooyiga Korea. Caasimada Online Xafiiska Beijing Caasimada@live.com
-
Dhusamareb (HOL) - The assemblies of Galmudug and the paramilitary group Ahlu Sunna Wal-jama'a (ASWJ) were merged in an event held in Dhusamarreeb, the regional capital of Galmudug. The event saw the formation of Somalia's most bloated regional assembly with 178 as its members. Galmudug’s regional assembly alone had 89 members. Source: Hiiraan Online
-
Urur goboleedka IGAD ayaa Isniintan maanta ah sheegay inuu mar kale ku celinayo qaddarinta uu u hayo madaxbannaanida, xudduudaha dhulka, madax-bannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya, sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay ururka IGAD. IGAD ayaa sheegtay inay ka walwalsan tahay oo ay si dhow ula socoto xiisadda siyaasadeed ee cusub ee Soomaaliya oo halis gelinaysa horumarka wayn ee la sameeyay sannadkii la soo dhaafay, gaar ahaana is mariwaaga siyaasadeed ee ka dhex aloosan xubnaha sharci dajiyaasha dalka taasoo halis dib u dhac ku keeneysa dadaalada ay waddo dowladda hadda jirta ee la xiriirta dib u nidaaminta amniga hay’adaha cadaaladda, fursadaha dhaqaale ee sii kobcaya iyo sidoo kale inay adeegyada aasaasiga ah u gudbiso dadkeeda. Warkana ka soo baxay IGAD ayaa lagu sheegay in sanadkii la soo dhaafay ay Soomaaliya sameysay hormar si xawli ah ku socday oo ku aaddan dhib u habeynta, taasoo ay sheegtay in mahadeeda ay leedahay xukuumadda hadda jirta oo wadashaaqeyn dhow la leh dowlad gobaleedyadeeda. Waxaana ay sheegtay inay soo dhoweyneyso horumarka laga gaaray. IGAD waxay soo dhoweyneysaa horumarka laga gaaray hirgelinta heshiiska golaha amniga qaranka, gaar ahaan heshiiska siyaasadeed ee dhowaan uu gaaray golaha amaanka ee qaramada midoobay ee 6-dii bisha Febraayo ee sanadka 2018-ka si loo aqoonsado ciidammada gobolka iyo sii wadida isdhexgalka ka dhexeeya hay’adaha aminga qaranka. IGAD ayaa sidoo kale ku boorrisay dhamaan hay’adaha federaalka ah ee Soomaaliya in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo isku-xirnaanta, si loo xaliyo khilaafka siyaasadeed. Qaran News
-
Wararka naga soo gaaraya dalka shinaha ayaa sheegaya in Tareen uu saarnaa Mas,uul sare oo katirsan dowladda kuuriyada Waqooyi uu ka laabtay caasimada dalkaasi Shiinaha , kadib boo qasho horay aan loo shaacin oo uu ku tagay halkaasi. Dowladada Shiinaha ayaa ilaa iyo haatan arinaatsi qirin ,mana aysan beenin booqashadaasi hogaamiyahan kuuriyada Kim Jong Un . Majirto ilaa iyo hada warar rasmi ah oo lashaaciyay oo ku aadan safarka hogaamiyaha kuuriyada Waqooyin. Arintan ayaa hadii ay dhab noqoto waxa ay noqonaysaa talaabo wayn oo laga sameeyay dhanka Diblumaasiyada .
-
Mogadishu (HOL) - Somali Ministry for Foreign Affairs on Monday summoned the United Arab Emirates (UAE)'s ambassador to Somalia, Mr. Mohamed Ahmed Osman. The summons, made on Monday was confirmed in a statement by the Ministry which said the Emirati ambassador had been asked to explain the controversial deal which his country owned company signed with Somaliland. The Ministry said Abdulkadir Ahmed Kheyre, the state Minister for Foreign Affairs had discussed the ambassador over the issue of the deal and its possible consequences. "During the meeting a number of issues took place, including the illegal agreement between the administration of Somaliland and the Dubai Global Ports (DP World) and the legal issues that might result in violations of the sovereignty and territorial integrity of Somalia," reads the statement. The statement said the envoy affirmed UAE's commitment to respect Somalia's unity and sovereignty. "For his part, UAE ambassador to Somalia stressed that his country was fully committed to protecting, respecting and supporting the sovereignty, unity and territorial integrity of Somalia, stating that there was a need for continued cooperation and consultation to broaden and deepen cooperation between the two countries," noted the statement. The move comes barely two weeks after Somali Parliament issued resolution banning DP World from Somalia. 'DP World has outrightly infringed on the sovereignty, independence and unity of Somalia. Therefore the company is forbidden in Somalia," read the resolution.
-
Beeralayda Puntland ee Gobolka bari ayaa ka cabanaya Canshuur ay ku soo rogtay dowladda hoose ee Degmada Bosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Puntland . Beeralayda aya sheegtay in aysan jirin wax Cansuur ah oo horay loo ga qaadijira , marka laga reebo Qidmad yar oo ay Wasaarada Beeraha iyo waraabka Puntland ay ka qaado taas oo ku xaroota Wasaarada Maaliyada ee Puntland. Beeralayda Puntland ayaa arin ku tilmaantay waxlaga laga xumaado maadaama Beeralayda Puntland wali aysan ka soo kabsan Abaartii dalka Soomartay aysan jirina cid kale oo dhaqaale siisa ama maalgalisa Mas,uuliyiin ka tirsan Wasaarada Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Puntland oo aan laxiriirnay ayaa noo xaqiijisay in aysan waxba ka ogayn Cansuurtan lagu soo rogay Beeralayda Gobolka bari waxaana kamid ah Cali Axmed Cumar lataliyaha Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland . Hadaba halka ka dhagayso Gudoomiyaha Beeralayda Puntland Cabdi Casiis Garaad oo arimahaasi kahadlaya . Cabdi Casii Garaad
-
Beladxaawo (Caasimadda Online) – Magaalada Beladxaawo waxay dhacdaa waqooyiga Gobalka Labaad ee ugu weyn Soomaaliya ee Gedo 18-kii Gobal Dalka, waxay ku taalaa gobal Halbowle iyo laf-dhabar u ah Ganacsiga Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, sidoo kale waxay ku taalaa goob kulmiso Ganacsato ka kala timaada Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. Waa magaalo ay usoo ganacsi tagaan dad ku hadla Luqado kala duwan sidoo kale waxaa ku nool Dad dhaqano kala Duwan leh, Ganacsiga magaalada ayaa sare u ka-kacayay sanadihii ugu dambeeyay. Buula Xaawo saameyn weyn kuma yeelan dagaaladii dalka ka socday waxayna ka mid tahay magaalooyinka Ilbaxnimadooda ay kordhay kana faa’ideestay. Bulshada ku nool magaalada Belad-xaawo waxaa la tilmaama in ay yihiin Bulsho ku ad adag dhowridda Hantidoo, Taariikhda Soomaaliya ayaa qortay in Shacabka magaalada hada ka hor ay Gumaystaha Ingiriiska ka diideyn in Belad-xaawo ay ka mid noqoto Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ee uu Gumaystihii Ingiriiska u gacan geliyay Dowladda Kenya. Magaalada waxay wajaheysaa dhibaatooyin badan oo kaga imaanaya Dowladda Kenya iyo maamul Xumi ka jirta magaalada, milatariga Kenya ayaa wali wada dhismaha darbiga mana dhaqan gelin wadadahalkii Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya. Shacabka ku nool magaalada Belad-xaawo ayaa KNN u xaqiijiyay in dhismaha wali ka socda Xadduuda Belad-xaawo, Ciidamada ayaa Biraha shubka iyo agabyo kale Gelinaya gododkii ay ka qadeyn Xadduud Beenaadka Gobalka Gedo. Qof ka mid ah dadka deegaanka oo qariyay magaciisa ayaa KNN uga waramay Xaalada magaalada Xor maahan dadka ku nool magaalada waxay cadaadis kala kulmayaan Ciidamo ka amar qaata Jubbaland kuwaas oo fariisamo ka sameestay meel u dhaxeysa dhismaha Darbiga iyo Gudaha magaalada si uusan u dhacin Banaanbaxyada shacabka. Odayaal dhaqan, Dhalinyaro iyo Haween laf dhabar u ahaa Abaabulka banaanbaxyada looga soo hor jeedo Dhismaha Darbiga ay Ciidamda Kenya ka wadaan gobalka ayaa u xiran Ciidamada Jubbaland Gobalka gedo dhibaatooyinka uga imaanaya Kenya waxaa u fududeenaya dhibaatooyin kale oo gobalka Ka jira, dadkiisa isma raacsana maamulka gobalka Degmooyinka qaar kuma xoogana. Degmooyinka Luuq, Doolow, iyo Belad-xaawo maamulkiisa waxay toos uga amar-qaataan Jubbaland halka degmooyinka kale ay ka arimayaan Ciidamo milatari ah oo toos ugu xiran Dowladda dhexe. Ugu dambeyn Shacabka ku nool magaalada Belad-xaawo ayaa madaxda Dowladda iyo dhamaan Shacabka Soomaalida ka dalbaday in ay ku caawiyaan joojinta ku xadgudubka ay Kenya ka wado degmada Belad-Xaawo. Shacabka magaalada ayaa Madaxda Dowladda ku dhaliilay hadalada Siyaasadeed iyo go’aanada aan dhaqan gelin ay ka soo saarayaan Xaaladda belad-Xaawo. Maamulka degmada Belad-xaawo oo aan la xariirnay waqtiyo kala duwan kama jawaabin telephonadooda, Saraakiil ka tirsan degmada oo aan la hadalnay ayaa sheegay in aysan ka hadli Karin waxa dhacaya sababtuna waxay ku sheegeyn in amar lagu siiyay in aysan ka hadlin dhismaha darbiga amarkaas oo ka soo baxay maamulka degmada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
WICHITA, Kan. (AP) — A former militia officer testified Monday that he left the group in 2016 following the mass shooting at an Orlando nightclub out of concern some of the other members were plotting to attack Somalis in their small Kansas community. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopia re-arrests recently freed politicians, journalists
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
ADDIS ABABA, Ethiopia — Ethiopian security forces have re-arrested a number of recently freed politicians and journalists as they gathered for a social event outside the capital, Addis Ababa, with family and friends, a lawyer said Monday. Source: Hiiraan Online -
Wasiirka Wasarada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Puntland Marwo Maryan Axmed ayaa sheegatay in Mashaarcii horumarineed ay kawadaan Sagaalka Gobol ee Puntland . Wasiir Maryan Axmed Cali ayaa sheegtay in Mshaariicdan ay Wasaaradu ka wado Gobolada Puntland mida ugu saraysa ay tahay Gobolka kar kaar markii ay Qiimeyn ku sameeyeen Gobolada Puntland. Wasiirada ayaa sheegtay in la xoojin doon Goobaha Cafimaadka ee ku yaalada Degmooyinka iyo Tuulooyinka udhaw Magaalo Madaxda. Wasiir Maryan ayaa gaba gabadii waxa ay sheegtay in ay sii xoojin doonaan wax kasta oo loo qaban karo Dumarka ,Caruurta ,iyo si dadban Qoyska uu ragu uu kujiro. Halkan ka dhagayso Wasiir Maryan. Wasiir Maryan
-
Muqdisho (Caasimadda Online)- Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay maanta qaaday tallaabadii ugu horeysay ee diblomaasiyadeed oo ay ku muujineyso sida ay uga horjeedo heshiiska Dekadda Berbera ee dhowaan ka dhacay magaalada Abu dhabi iyo saldhiga milateri ee Imaaraadku ka dhisanayo magaalada Berbera. Dowladda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, iyadoo laga dalbaday inuu caddeyn iyo faafhaahin ka bixiyo arrinta dekadda Berbera ee shirkadda DP World ay kula heshiisay Itoobiya iyo Saldhiga Milateri. Safiirka Imaaraaka Maxamed Axmed Cusman Alhamadi ayaa looga yeeray maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, waana tallaabadii ugu horeysay ee dhinaca diblomaasiyadda ah ee dowladda Soomaaliya ay qaadato dalka Imaaraadka. Xeerkii dalka looga mamnuucay shirkadda DP World ayaa la sheegay inuusan weli saxiixin madaxweyne Farmaajo, iyadoo xeerka uu ka dalbanayo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda inay go’aankaasi gaarsiiyo dowladda Imaaraadka. Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa shaacisay arrimihii ay kala hadashay safiirka dalka Imaaraadka carabta oo shalay looga yeeray xarunta wasaaradaasi ee magaalada Muqdisho. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga C/qaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi, waxyna ka wadahadleen dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin heshiiska sharci darada ah ee dhexmaray Maamulka Somaliland iyo Shirkadda DP World ee la xiriira dekedda Soomaaliyeed ee Berbera iyo arrimaha sharci ee ka dhalan kara ku xadgudubkeeda madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay barnaamijyada horumarineed u qeybinayso dhammaan gobollada Soomaaliya iyadoo aan midna laga reebin, ayna aqbali doonin in wax loo dhimo madax-bannaanideeda iyo tiirarkeeda qaran, ayna ogolaan doonin heshiis kasta oo lala baalmaro. Dhankiisa, Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta, xushmeynta iyo taageeridda madax banaanida Soomaaliya, midnimadiisa iyo bedqabka dhulkiisa, isagoo sheegay laga maarmaanshaha sii joogteynta isku duwidda iyo wadatashiga ku qotoma ballaarinta iyo qotodheereynta iskaashiga labada dal, kaas oo hubinaya horumarka xiriirka Soomaali iyo Imaaraat. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xeer ilaaliye ku xigeenka dowladda Puntland, Maxamed Xareed Faarax oo maanta jir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa soo bandhigay tacadiyada Kufsi ee saddexdii bilood ee ugu dambeysa ka dhacay gobolada Puntland. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inay soo diiwaan galiyeen 18 kiis oo kufsi ah oo sannadkan ka dhacay guud ahaanba Puntland, kuwaas oo intooda badan lagu dhameeyay xeer dhaqameedyo aan waafaqsanayn sharuucda iyo qawaaniinta dowladda uga degsan Kufsiga. Waxaa hadalkiisa ku jiray digniin uu ujeedinayay Odayaasha iyo nabadoonada ka tilaabsada sharuucda dowladda Puntand uga degsan tacadiyada Kufsiga islamarkaana si hoose ku dhameeya kiisaska nuucaan ah, iyadoo la dulminayo dhibbanaha lagu tacadiyay. Xeer ilaaliyuhu waxaa sidoo kale uu sheegay inay jiraan hay’addo caalami ah oo ku shaqaysta inay abuuraan kiisas been abuur ah oo kufsiga la xiriira, si ay dhaqaale uga helaan islamarkaana magac dil ugu sameeyaan dowladda Puntland iyo shacabkeeda. Hay’addaha nuucaas ahi waxaa xeer ilaaliyuhu uu u ujeediyay digniin adag iyo in maxkamad lasoo taagidoono cidii falkaas foosha xun lagu helo. Waxaa sidoo kale uu sheegay in maxkamad lasoo taagidooni cid kasta oo iskudayda inay si hoose ku dhameyso fal dambiyeedka kufsiga. Puntlandi.com
-
The minister of foreign affairs Dr.Saad Ali Shire has spoken about the tripartite agreement. He confirmed that the road connecting Berbera to Wajale will begin later this year. The minister was speaking to the Horn Newspapers in an exclusive interview this is the dossier of the interview….. Geeska Afrika: The Ethiopian minister of Transport said that despite his country gain of 19% stake at Berbera port that does not mean that his country has recognized Somaliland. He went further to say that agreement is a trade deal between the two countries what do you confirm or deny about the Ethiopian minister sentiments? Foreign Minister: We always had a special relationship with Ethiopia. The two countries are neighbors and it is the policy of the Somaliland government to have good relations with her neighbor furthermore we have been doing business with Ethiopia since the time of immemorial. It is our responsibility to have friendship with our neighbors. Q: Do you think time has come for Somaliland to match her trade deficit with Ethiopia following their gain of 19% stake at Berbera International Port? A:No. First and foremost our biggest handicap is that we are an import economy we simply manufacture nothing and for the time being to underscore that challenge is a daunting task. Another obstacle is that we do not export much, we used to export livestock but for now there is a ban. This is dangerous it will always affect the value of our Shilling. This has to change we have to start to invest in the agriculture economy so that our country can become self sufficient. Q: Since the tripartite agreement was signed the Somalia parliament has become a thorn in the flesh to Somaliland aspirations of self determination. How do you gauge the situation? A: They are just making noises that have no purpose. By the way Somalia has no jurisdiction over Somaliland so their parliament should not waste their valuable time to discuss Somaliland a democratic country with her own president, parliament and independent judiciary. Q: How about the Somaliland and Somalia talks are you going to engage with your adversaries or you are simply going to bide your time? A: We are going to bide our time until we can see a climate conducive to us to engage with Somalia and until then we will sit on our laurels. Q: Can we say that the tripartite agreement has opened a can of worms in the diplomatic circles for instance the Somalia government is opposed to the agreement and hence have support from Qatar and Turkey whereas Somaliland is supported by UAE? A: It is simply we will put our eggs where they will hatch. For example 50% of our trade is done with the UAE and 90% of our livestock goes to Saudi Arabia so you can see we have to take care of our interests. Q: Please tell us about the relationship between our country Turkey and Qatar is frosty or cordial? A: Somaliland foreign policy is straightforward we build bridges not walls we would love to have the best relationship with every country in the planet. Q: Can you give us a tit bit of information about the UAE military base? A: The military camp will soon be established and mid this year the Berbera-Wajale road will commence construction. Q: Somaliland has passed many metamorphosis to reach where it is today as the foreign minister what do you think is obstacle standing on the wayside of Somaliland International Recognition? A: Somaliland has fulfilled all requirements for independence and what remains is the world to acknowledge us and recognize us.