-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdonka ee NISA ayaa shaqadii ka joojiyey laba ka mida ku xigeenadii Hay’adaasi oo ahaa kuwii ugu awoodda badnaa NISA. Qoraal uu soo saaray maanta Agaasimaha Hay’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa lagu sheegay in shaqadii looga joojiyey labadii ku xigeen ee NISA, kuwasoo kala ah: Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo C/qaadir Maxamed Nuur. Shaqo ka joojinta labada sarkaal ee ka mida kuwii ugu sareeyay NISA oo hore hay’adda dhowr bilood u maamulayey si KMG ah ayaa imaaneysa iyadoo khilaaf ba’an uu hareeyay maamulka sare ee NISA, isla markaana ay wada shaqeyn waayeen agaasimaha. Sidoo kale Jen. Cabdalla Cabdalla ayaa muddo ahaa kuxigeenka Agaasimaha NISA illaa xilligii dowladdii Xasan Sheekh, waxaana uu u soo joogay is bedeladii ku dhacayay Taliyeyaashii isaga kala dambeeyay ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka. Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay Agaasimaha Hey’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa waxaa lagu faray dhamaan qeybaha iyo hoggaanada hey’adda NISA inay u hoggaansamaan amarkan shaqo joojinta.
-
Brussels (PP) ─ Madaxweynaha Somalia iyo kuwa mamaul-gobaleedyada daka, ayaa waxay wada gaareen xarunta dalka Belgium ee Brussels, si ay uga qayb-galaan sirka caalamiga ee maanta ka furmaya magaaladaas. Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galaya hoggaamiyayaal ka kala socda dowladaha taageera Somalia iyo hay’adaha samafalka ee caalamiga iyo Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, Midowga Afrika, AMISOM iyo dublamaasiyiin kala duwan. Inta uu socodo shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa xaalladaha Amniga, horumarka, geeddi-socodka AMISOM iyo doorashadda Somalia ee 2020-ka oo la qorsheynayo inay noqoto mid qof iyo cod ah. Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul-gobaleedyada ayaa lagu wadaa inay si wadajir ah ugu soo bandhigaan shirkaas qorshayaal dhinaca ammaanka Somalia iyo dib-udhiska ciidamada Qaranka la xiriira, waxayna beesha Caalamka ka codsan doonaan malaayiin Doollar oo dib loogu dhisayo ciidanka Qaranka, si ay hawl-galka AMISOM ugala wareegaan sugida amniga iyo deggenaashaha Somalia. Sidoo kale, Shirka Brussels ayaa lagu falan-qeyn doonaa tallaabooyinka lagu taageerayo ammaanka iyo xasiloonida iyo horumarka Somalia, iyadoo lasoo warinayo in dhaqaalaha lagu taageerayo arrimahaan si weyn looga doodi doono inta uu shirku socdo. Dhinaca kale, Bishii May ee la soo dhaafay shirweyne ka dhacay magaalada Brussels waxay dowladaha Midowga Yurub ballan-qaadeen 100-milyan oo Euro oo lagu taageerayo Dowladda Federaalka. Ugu dambeyn, shirkan caalamiga ee maanta ka furmaya Brussels, waxaa lagu lafa-guri doonaa natiijooyinkii kasoo baxay kulankii ugu dambeeyey ee golaha amniga Qraanka ay dhawaan ku yeesheen Magaalada Baydhabo. PUNTLAND POST The post Shir looga hadlayo Horumarka iyo Amniga Soomaaliya oo Maanta ka furmaya Brussels appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Gobalka Geeska Afrika waxaa si xowli ah uga socda beryaan dhismaha Siyaasad fur-furan iyo Dhaqaale xoogan oo wax looga bedelayo nolosha iyo horumarka Shucuubta Geeska Afrika, kadib markii ay is bedeshay Siyaasada Gudaha iyo Dibadda ee Ethiopia, Jabuutina furtay; Dekedo, Khad Train iyo Xarun Ganacsi Free ah, Eritreyana kusoo biirtay tartanka dhaqaalaha Gobalka, RW Abiy Ahmed na uu soo bandhigay qorshe looga guurayo Taariikhdii Cadaawada iyo Colaadaha Gobalka, laguna yareynayo Hubka iyo Ciidamada Gobalka, laguna dhisayo Siyaasad fur-furan, kaabiyaal Dhaqaale xoogan iyo fursado Shaqa abuur! Dawladda Somaaliya ayaa 18 Sano dadaal dheer ugu jirta soo celinta iyo dib u dhiska Ciidankii Qaranka Somaaliya ee ugu tayada badnaa Geeska Afrika 1960 – 1990, lkn weli laguma guulaysan sababta ugu horreysana waa in uusan jirin Dhaqaale xoog leh oo lagu dhiso! Madax ka tirsaneed dawladihii Madaniga iyo Kacaankii Oktober waxa ay ii sheegeen in Ciidanka lagu dhisay 1960 kii Miisaaniyada dawladda 40% , 1980 kiina la gaarsiiyey ilaa 60% Miisaaniyada dawlad faqiir ah oo ku tiirsaneed Mucaawino iyo Deymo shisheeye, halka kaalmada la siin-jiray na ay ugu badneed Hubka, Tababarka iyo Qalabka Ciidanka, deeqaha waxbarashada dibadana ay ugu badneed tababarka Ciidanka, dib u dhacna uu ku yimid Mashaariicdii horumarineed, kaabayaashii dhaqaalaha iyo fursadihii shaqa abuurka! Intaas waxaa dheeraa reer Galbeedka oo kasoo horjeeday dhismaha Ciidan Xoog leh oo Somaaliya yeelato 1960 kii ilaa maanta oo marti loogu yahay kadib markii uu bur-buray Midawgii Sofeeti oo noo dhisay Ciidankii hore ee aan Magaca uga kasbanay Gobalka! Hadaba dadka iyo dawladda Somaaliya waxaa horyaal laba khiyaar oo adag: 1- In ay dhistaan Siyaasad fur-furan iyo Dhaqaale Xoogle leh oo ay kula tartamaan is-bedelada Gobalka Geeska Afrika, ugana qeybqaataan qorshaha cusub ee dhismaha mustaqbalka Gobalka???. 2- In ay kow ka dhigtaan dhismaha Ciidan Qaran oo leh Awoodii iyo Magacii hore oo kale iyada oo aan marti looga noqonayn London iyo Brussels??? -Ma dhici kartaa in hal mar lawada dhiso Ciidan Xoog leh iyo Dhaqaale Xoog leh??? -Ma dhici kartaa in tartanka iyo isbedelada Gobalku na sugaan inta aan Ciidan iyo Dhaqaale ka dhisanayno??? -Ma dhici kartaa in aan Xoog uga hor tagno Damaca dawladaha Gobalka? Mise waxaan u baahanahay Caqli iyo Cilmi aan uga hor tagno???. -Maxaa la gudboon dadka iyo dawladda Somaaliya oo u leh hor-tebin iyo Istaraatiijiyad lagula tartamo, loogana qeybgalo isbedelada Gobalka Geeska Afrika??? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)
-
Agaasimaha Ha’ada Nabad sudiga iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen ayaa shaqada ka joojiyay labo sarkaal oo katirsan Ha’ayda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA. Digreeto ka soo baxday xafiiska Agaasimaha NISA ayaa xilka looga qaaday Sareeyo Guuto Cabdala Cabdala Maxamed iyo Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo NISA saraakiishooda ka tirsanaa. Tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxyo iyo weeraro is xig xiga oo isbuuc gudihiisa ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa jira isla xisaabtan ka dhexbiloowday Ha’adaha amaanka Soomaaliya . Siyaasiin badan ayaa muujinayay layaabka wadooyinka oo xiray darteed sida gawaarida qaraxa sida iyo ciidamada hubeeysan ay u soo gudbeen ciidamada dowlada Soomaaliya. Todobaadkii hore ayeey aheyd markii xabsiga loo taxaabay saraakiil katirsan ciidamada NISA si wax looga weeydiiyo qaababka ay u dhaceen weeraradaasi. Hoos ka Aqriso Digreetada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Saraakiil katirsan Nabad Sugida Soomaaliya oo Shaqada laga Joojiyay appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Hoggaamiyenimo ee maamulka ay siyaasadooda u adeegsadan muuqaalka ciidamada. Maamulka ayaa sheegay in sharciga la marin doono musharaxii ololihiisa gaarka ah u isticmaalo isla sawirida ciidamada amaanka ee ku sugan gudaha iyo jiida dagaalka. Janeraal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ololaha doorashada Hoogaamiyenimo ee Puntland ay mamnuuc ka tahay in leysku sawiro ciidamada. Waxa uu taliyaha sheegay in Musharaxiinta ay ka mamnuuc tahay inay sawiro la galaan ciidamada ku sugan dhufeysyada sida kuwa jooga jiida dagaal ee Tukaraq. “Musharaxiinta waa ka mamnuuc in ololohooda doorasho ay u adeegsadan isla sawirida ciidamada ku howlan sugida amniga, waxaanu musharax waliba ka dooneynaa inuu nala dhooro sharciga, haddii ay dhici weydo waanu xiri doonaa” Waxa uu intaa ku daray in marnaba musharixiinta aan loo ogoleyn in ay Ciidamada Sawiro la galaan markii ay tagaan furumaha dagaalka balse laga doonayo in ay wixii ay u qabanayaan Ciidamada si hoose ay ugu wareejiyaan Taliyeyaashooda. Waxa uu sheegay in maalin ka hor uu deegaanka Tukaraq gaaray musharax ciidamada ugu deeqay shidaal isla markaana xili uu shidaalka ciidamada ugu deeqayey uu isku sawiray taas oo keentay go’aanka ka soo baxay Janeraal Siciid Dheere. Sidoo kale, waxa uu sheegay in amarka lagu mamnuucayo isla sawirida ciidamada difaaca uu yahay mid kasoo baxay maamulka sare, waxa uuna ka digay in la khilaafo amarkaasi. Haddalka Janeraal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), ayaa imaanaya iyadoo musharaxiinta u taagan doorashada 2019 ay ku qulqulayaan furumaha dagaalka ee deegaanka Tukaraq Gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Canada’s largest full-line department store chain, the Hudson’s Bay Company, has pulled clothing, shoes and other merchandise bearing Ivanka Trump’s fashion brand from its website and said it would wind down their sale in its stores across the country. Source: Hiiraan Online
-
Mr Mohamed Hassan Mumin, a peace elder from Wajir County who dressed former US President Barack Obama in traditional Somali outfit in 2006, is now seeking to meet him. Source: Hiiraan Online
-
A liberal woman of color with zero name recognition and little funding takes down a powerful, long serving congressman from her own political party. Source: Hiiraan Online
-
National Assembly Majority leader Aden Duale has told elected leaders to stop blackmailing independent institutions mandated to fight graft. Source: Hiiraan Online
-
Xeel-dheere Siyaasadeed oo lagu magacaabo C/llaahi Faarax Mire ayaa shaaciyey inay Wafdi ka socda Hay’adda Sirdoonka Imaaraadka dhawaan booqasho ku yimaadeen Somalia, si ay Kalsooni uga helaan qaar ka mid ah Madax Dhaqameedyadda Beelaha Soomaaliyeed. Khabiirka waxa uu tilmaamay inay Dowladda Imaaraadka doonayso inay xiriir cusub la yeeshaan Qabaa’illadda, si loo dhiso Maleeshiyo ay Dowladda Imaaraadka bixinayso Kharajkooda iyo Tasiilaadka kale ee ay u bahaan yihiin, wa sida uu hadalka u dhigay. Wareysi uu siiyey Shaabakadda al-sharq.comee laga leeyahay dalka Qatar waxa uu ku sheegay in Wafdiga ka socday Sirdoonka Imaaraadka ay isbuucii hore booqasho ku yimaadeen Somalia, oo ay kula kulmeen Odayaal Dhaqameedyo, iyagoo u geeyey Haddiyado laga dhigay Gargaar Samafal, iyadoo Odayaasha laga dalbaday inay dhisaan waxa loogu yeeray Ciiddan Badbaado oo ay Dowladda Imaaraadka siinayso taageero iyo maalgelin. Sirdoonka Imaaraadka waxay doonayaan inay Khibradii ay ka soo kororsadeen Maleeshiyadda ay ka dhisteen gudaha dalka Yemen oo kale ka abuuraan Somalia maleeshiyo iyaga khaas uga amar-qaata. Sirdoonka Imaaraadka waxay kaloo doonayaan inay Odayaasha Beelaha isbahaysi la noqdaan, si ay iyagana daacadnimo ugu taageeraan Danaha Imaaraadka ee gudaha Somalia. Khabiirka qoray Warbixintan ee C/llaahi Faarax Mire waxa uu tilmaamay inaysan Dowladda Imaaraadka Carabta waxba ka soo qaadin Go’aankii Beesha Caalamka ee ugu baaqay Dowladda Imaaraadka inay xushmeyso Madax-bannaanida iyo Midnimadda dalka Somalia. Khabiirka waxa kale oo uu sheegay inaysan Imaaraadka joojinin Dhuxusha sharci-darradda looga dhoofiyo Somalia iyo Dhismaha Saldhigga Milliteri ee Dekedda magaalladda Berbera, inkastoo ay DFS ka mamnuucday Imaaraadka maamulista Dekeddaha ku yaalla dalak Somalia. Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey in Joogitaanka Imaaraadka ee xuduudaha Maamul-gobaleedka Puntland ay xaqiiqdii tahay sidii ay Imaaaraadka u dhisi lahayd Ciiddan Ammaan oo ay maalgeliyaan, si ay u kontoroolaan Dowladda Xeebaha Bariga Somalia. Barlamaanka Europe waxay dhawaan soo saareen Qaraar ku eedeeynayo Dowladda Imaaraadka inay faraha kula jiraan Deganaansho La’aanta Somalia, waxaana looga baaqay inay xushmeeyaan Madax-bannaanida iyo Midnimadda dalka Somalia. Barlamaanka Europe waxay tilmaameen in Dhexdhexaadnimadda Somalia ee Khilaafka Khaliijka sababtay inay Dowladda Imaaaradka jarto Deeqihii ay DFS ku taageeri jireen. Bishii Maarso 27-dii ee sannadkan, Danjiraha Somalia u jooga Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, Abukar Osman oo ka hadlay Kulankii Golaha Ammaanka ee QM waxa u ugu baaqay in la soo-afjaro Xadgudubka ay Dowladda Imaaraadka ku hayaan Qaranimadda iyo Midnimadda dalka Somalia. Danjiruhu waxa uu tilmaamay in Heshiiska Imaaraadka ee Dekedda Berbera uu yahay mid wax kama jiraan ah oo aysan DFS oggolaan doonin. Sidoo kale, DFS waxay ashtako ka dhan ah Imaaraadka u gudbiyeen Ururka Jaamacadda Carabta, iyagoo ku baaqay in la joojiyo faragelin kasta oo lagu hayo Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka DFS iyo Imaaraadka waxa uu meel xun gaaray, kadib, Malaayiin Dollar oo ay Dowladda Imaaraadka soo dhiibtay lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho. Muranka Lacagtaasi oo dhamayd 9.6 million oo Dollar ayaana sababtay inay labada dhinac kala boodaan, iyadoo ay Goobjoogayaashu rumeysan yihiin in Lacagtaasi la doonayey in Qalalaaso Siyaasadeed iyo mid Amni looga abuuro Somalia. ISHA: Al-sharq.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya weerarada ay maleeshiyada Al-Shabaab ka geystaan wadada Makka Al-Mukarama oo aad u mashquul badan. Wadada Makka Al-Mukarama oo ah halka ugu saxmada badan magaalada Muqdisho ayaa gasha Xarunta Madaxtooyada Somalia iyo xarumo kale oo ay leedahay dowlada. Weerarada ayaa kusoo beegmaaya iyadoo maalmihii tagay ay dowlada Somalia ka digeysay amni darro ay maleeshiyaadka Al-Shabaab waxa ayna ciidamada amaanka xireen inta badan waddooyinka magaalada. Weerarada ayaa waxaa maleeshiyada u fududeeya milkiilayaasha goobaha ganacsi ku leh hareeraha laamiga Makka Al-Mukarama, kadib markii maleeshiyada ay ku amartay in Kaamiradaha ku xiran wajiga hore ee goobahooda ka nacsi ka fureen. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Shabaab ay jareen Kaamiradaha qarsoon ee ku xiran goobaha Ganacsi ee ku yaalla wadada Makka Al-mukarama ee saaran Xarunta Villa Somalia. Maleeshiyaadka ayaa la xaqiijiyay in Goobaha Ganacsi qaarkood ay ku amreen inay jaraan Kaamiradaha, halka qaarna ay diideen inay jaraan. Inta ugu badan Kaamiradaha ay maleeshiyada Jareen ayaa ku yaalla Wasaarada Arrimaha Gudaha ilaa Isgooska Banaadir, sida laga soo xigtay qaar kamid ah milkiilayaasha Goobaha laga jaray. Kaamiradaha qaar ayaa ku dhagan goobaha hortooda, balse waxaa la xaqiijiyay inaysan aheyn kuwo shaqeeya, sababo la xiriira Hanjabaado loo jeediyay milkiilayaasha Goobaha. Kaamiradaha qarsoon ee iminka shaqeeya ayaa ku yaalla keliya qaar kamid ah Hoteelada waaweyn ee saaran laamiga, waxaana xusid mudan in xitaa Hoteelada yaryar lagu amray inay jaraan, kuwaa oo hadda aan qaarkood shaqeyn. Wadada Makka Al-mukarama ayaa kaalinta koowaad kaga jirta waddooyinka ugu mashquulka badan ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in wadadaasi ay isticmaalan Madaxda dowlada Federaalka. Wakhtiyo kala duwan ayey Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka macluumaad ka heleen Kaamiradaha qarsoon oo iyagu duubay falal amni darro oo ka dhacay waddada Makka Al-mukarama kuwaa oo ugu badan Qaraxyada dhacay. Kaamiradahaasi ayaa horay u duubay macluumaadka Gaadiid dhowr ah oo isku qarxiyay Wadda Makka Al-Mukarama, halka qaarkood ay duubeen muuqaalka maleeshiyaad geystay dilal, waana sababta ugu weyn ee dowlada Somalia ay uga hortagi la’ dahay weerarada. Sidoo kale, waxaa la rumeysan yahay in wixii ka danbeeyay furitaanka Kaamiradaha ay maleeshiyaadka ku guuleysanayeen weerarada ay ka geystaan wadada Makka Al-mukarama, gaar ahaan Xarumaha dowlada iyo Hoteelada saran laamiga. Geesta kale, waxaan weli arrintaani ku baraarugin dowlada Federaalka oo inta badan mas’uuliyiinteeda ay isticmaalan wadada Makka oo laga jaray Kaamiradaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Brussels ee Xarunta dalka Belgium-ka, uu ka furmo shir looga hadlaayo arrimaha Somalia. Magaalada Brussels ayaa waxaa jooga wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo. Shirka magaalada Brussels wuxuu daba socdaa shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho oo lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka iyo horumarinta guud ee dalka. Waxaa shirkan si gaar ah diirada loogu saari doonaa Qorshaha amniga Qaranka, Bixitaanka AMISOM, Dib udhiska Ciidamada, Hormarka Dhaqaalaha, Deyn Cafiska, Dib usoo nooleynta Dakhliga iyo arrimo kale. Madaxda dalka ayaa la filayaa in shirka ay kusoo bandhigan waxyaabaha ka qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal. Inta uu socdo shirkan maanta ka furmaya magaalada Brussels ayaa waxaa sidoo kale jiri doona saddex shirar kale oo gooni gooni ah oo lagaga hadli doono maalgashiga, Barakacayaasha iyo kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka. Seddexda shir kale ayaa waxaa ka soo qeyb-gali doona dhammaan dhinacyada ka shaqeeya hawlahan sida ganacsatada Soomaaliyeed, maalgashato caalami ah, hey’ado iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo ka mid ah masuuliyiinta shirkan ka qeyb galeysa oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu sheegay shirkan in lagu eegayo horumarka ay ka sameysay Soomaaliya, dhanka amniga iyo dhaqaalaha. “Shirkan waxaan ka rajeyneynaa inay ka soo baxaan qodobo Soomaaliya dan u ah, maya weli ma arkin wafdi ka socda Somaliland oo shirkan ka qeyb galaya, ka dowlad ahaan intii aan jirnay waxaan gaarnay guulo waa weyn oo dhanka amniga la xiriira.” Ayuu yiri Wasiir Cawad. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Khudbadiisa furitaanka shirka la filayaa inuu ku faah faahiyo waxyaabaha la taaban karo ee uu dalkan ka qabtay mudadii uu xafiiska fadhiyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jabuuti (Caasimada Onlien) – Xarunta caalamiga ah ee Atlantic Council ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka, ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in heshiiska nabadeed ee u bilaabmay Itoobiya iyo Ereteriya, uu halis gelinayo dalka Djibouti. Warbixintan oo uu diyaariyay Kelsey Lilley oo ah agaasimaha Atlantic Council ee Afrika, wuxuu ku iftiimiyay in Ereteriya la wareegi doonto inta badan ganacsiga Itoobiya u soo dega ama ay dhoofiso, iyadoo Ereteriya uga dhowdahay ugana haboontahay Itoobiya, marka la garab dhigo dekedaha Djibouti, waxaanu heshiiskani sida warbixintu sheegtay oo saamayn toos ah ku yeelanaya Djibouti uu walaac geliyay Madaxweyne Geele oo uu dalkiisu kooto ku haystay badeecadaha kala duwan ee Itoobiya 95%. “Sannado badan Djibouti waxay ahayd cidda ku guulaysatay colaadii Itoobiya iyo Ereteriya. Dalkan yare ee leeg gobalka New Jersey oo dadkiisu ka yaryihiin hal milyan oo ruux wuxuu leeyahay istaraatajiyad juquraafiyadeed oo faa’iido leh. Xeebteedu waxay kulmisaa badda cas iyo gacanka Cadmeed, oo ah goob istaraataji ah oo ay iskaga gooshaan ganacsiga dunidu. Iyadoo ay dekedo ka jiraan Suudaan, Somaliland iyo Ereteriya, haddana adeegyada horumarineed ee Djibouti, degenaanshaha siyaasadeed iyo maalgashiga saaxiibtinimada leh ayaa ka dhigay meel ka soo jiidasho badan gobalka intisia kale. Natiijo ahaan, Djibouti waxay ku naalootay inay kooto ku haysato badeecadaha u socda ama ay dhoofiso dalka bilaa dekedda ah ee Itoobiya.” Sidaas ayay tidhi warbixintu, waxaanay intaas raacisay “Maraykanku, sidoo kale wuxuu ka lahaa dano fog ammaanka Djibouti oo ay ku jiraan saldhiga Milatari ee Maraykanka ee qaaradda oo ah goobta lagula dagaalamo argagixisada bariga Afrika iyo jasiirada Carabta. Ilaa 4000 oo askari oo Maraykan ah ayaa ku sugan saldhigaas,oo isticmaala madaarka ay wada jirka u isticmaalaan ciidamada iyo diyaaradaha drone-ka ah ee weerada ka fuliya Yemen iyo Soomaaliya. Iyadoo hoosta laga xariiqayo ahmiyada istaarajiyadeed ee ay u leedahay Pentagonal, wasiirka difaaca ee Maraykanka Jim Mattis ayaa booqday Djibouti April 2017, wax yar uun ka hor furitaanka saldhiga milatari ee u horeeyay ee China ku leeyahay Djibouti. Waxa iyaguna saldhigo cabiro kala duwan ah ku leh Japan, Faransiiska, Talyaaniga iyo Sucuudiga.” Warbixinta waxa lagu sheegay in ganacsiga Itoobiya 95% uu maro Djibouti, taasina ay ka dhigtay Djibouti mid kooto ku haysata Itoobiya, “Itoobiya iyo Djibouti waxay samaysteen xidhiidh siyaasadeed iyo dhaqaale oo ka fog danaha guud. Markii dagaalka xuduudku ka dhex qarxay Itoobiya iyo Ereteriya sannadkii 1998, Itoobiya waxay weyday dekedii Ereteriya, waxaanay si weyn isugu halaysay dekedaha Djibouti inay waxna kala soo degto waxna ka dhoofiso. Qiyaastii 95% ganacsiga Itoobiya, wuxuu maraa Djibouti. Djibouti lafteedu waxay isku halaysay jaarkeedan culus oo ay ka keensatay biyo iyio koronto. Faa’iidada ay Djibouti ka hesho dekedahaaeda Itoobiay waxa lagu qiyaastaa sannadkii 1 bilyan oo dollar, waana ahmiyada miisaaniyadda dawladda Madaxweyne Geele. Laakiin Itoobiya waxay u heshay qorshahan si qoto dheer waxaanay danaynaysay inay is balaadhiso oo ay hesho adeegyo dekadeed. Maraykanka sidoo kale, oo aan aad ugu qanacsanayn saaxiibtinimada madaxweyne Geele, gaar ahaan damaciisa inuu kiro ka soo saaro saldhigyo badan oo shisheeye intii suurtoga ah, oo uu ku jiro ogolaanshaha uu China ugu ogolaatay saldhig kilo mitiro u jira kan Maraykanka, wuxuu sababay in Maraykanku meesha ka baxo.” Warbixinta waxa lagu sheegay in xiisada u dhaxaysa Ereteriya iyo Djibouti ee aan weli xalka la oo helin ay soo noqon karto, ka dib markii ay Qatar kala baxday ciidamadeedii kala dhex joogay “Xuduudka galbeed ee Djibouti wuxuu noqday dhul milatari ilaa markii isku dhacu bilaabmay sannadkii 2008. Qatar ayaa isku dayday inay dhexdhexaadiso, waxaanay xataa ku guulaysatay inay fududayso maxaabiistii la is dhaafsaday sannadkii 2016, ka hor intii aanay ciidamadeeda kala bixin xuduudka Djibouti iyo Ereteriya iyadoo ka xumaatay go’aankii ay labada wadanba kula safteen Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta khilaafka wadamada Khaliijka.” Warbixinta machadkan oo ka hadlaysa dhaqaalaha Djibouti ka soo gala saldhigyada, lacagtaas oo sii xoojinaysa in Madaxweyne Geele talada sii hayo, waxaanay tidhi “China waxa la soo weriyay inuu sanandkii saldhigooda ka bixiyo 20 milyan oo dollar oo ah ilaa sannadka 2025, kuna darso oo xisaabta kuma jirto in ka badan 1 bilyan oo dollar oo uu China ammaahiyay. Maraykanku wuxuu bixiyaa sannadkii 70 milyan oo dollar oo ilaa ugu yaraan lix sannadood oo dambe ah, Faransiiskuna wuxuu bixiyaa 30 milyan oo dollar sannadkii oo ay ku jiraan arrimahooda ciidan. Faa’iidooyinkaasi waxay gacan ka gaystaan wax u muuqda dhaqaale barwaaqo ah. Djibouti koritaankeeda dhaqaale waxa la rajaynayaa inuu noqdo 7% mustaqbalka dhow. Laakiin sidaas oo uu yahay dhaqaalaha Djibouti, dadka badankiisu waa foqoro hoose, aan horumarin waxaanay la haystayaal u yihin keli-talisnimada madaxweyne Geele. In ku dhow rubuc dadka waxay ku noolyihin saboolnimo qayral caadi ah, waxaanay Djibouti ku xuntahay xuquuqda siyaasadda iyo xuquuqda shacabka” Sidaas daraadeed, machadku wuxuu warbixintiisa ku sheegay in heshiiska labadan wadan ee Itoobiya iyo Ereteriya aanu war wanaagsan u ahayn Djibouti, waxaanay warbixintu tilmaamaysaa inay Ereteriya u waregi karaan Itoobiya iyo Maraykankuba, “Wada hadallada nabadda ee Itoobiya iyo Ereteriya, war xun bay u yiiin Geelle, oo horumarka dalkiisa ku xidhay in uu dekedda ugu fiican u noqdo dalalka dhaqaalahoodu weynyahay, sida Itoobiya. Iyadoo loo malaynayo inay sii socdaan dedaalada in xaaladu caadi noqoto, Itoobiya waxay sida ugu dhaqsaha badan ikhtiyaar ugu heli doontaa inay isticmaasho dekedaha Ereteriya oo aad ugu dhow, kana haboon kuwa Djibouti. Iyadoo aan la filayn in Itoobiya ay joojiso isticmaalka dekedaha Djibouti dhammaantood, ikhtiyaar ayay haddana leedahay. Ereteriya xataa waxay muujin doontaa inay noqoto saaxiib soo dhaweeya milatariga shisheeye sidii ay hore ugu ogolaatay Imaaraadka Carabta dekedda Casab si uu u fuliyo dagaalada Yemen. Mid ka mid ah caqabadaha Itoobiya soo waajahaya haddii ay ka tagto Djibouti, ayaa ah inay waajib ku tahay inay dib u celiso in ku dhow 3 billion oo dollar oo ah amaahada China ee lagu dhisay jidka tareenka dhawaan la furay ee isku xidhaya Addis Ababa iyo Djibouti.” Warbixintu waxay sheegtay in haddii ay dalalka shisheeye ee Djibouti ku sugani raacaan Itoobiya oo ay u wareegaan Ereteriya in taasi halis gelin doonto il dhaqaale oo muhiim u ah dalka Djibouti. “Sannadahan u dambeeyay” ayaa lagu yidhi qoraalka, “Imaaraadka Carabta oo kordhiyay danahooda gobalka Geeska Afrika waxay sii adkeeyeen xaaladii adkayd ee Djibouti. Imaaraadka Carabtu wuxuu saldhig ka helay Ereteriya, wuxuu saldhig milatari iyo deked ka helay Somaliland iyo dhawr dekeadood oo Puntland ah. Laakiin xidhiidhka Djibouti iyo UAE wuu kacsanaa ilaa February 2018 markii ay Djibouti laashay heshiiskii shirkadda DP world ee gacan ku haynta dekedda ugu muhiimsan Djibouti. Warar hore oo soo baxay ayaa tilmaamay in UAE ay door ka ciyaartay isfahamka Itoobiya iyo Ereteriya. Iskaashiga koraya ee ay Imaaraadka Carabta ee Itoobiya oo dhawaan dekedda Berbera ka siiyay saami dhan 19% oo ay ku wada jiraan DP world iyo Somaliland ayaa sidoo kale ah marag u ah kala duwnaanshahiyaha gobal ee hoosta in laga xariiqo mudan.” Ugu dambayn warbixinta ayaa sheegtay in Madaxweyne Geele heshiiskan u arko inuu khatar ku yahay, waxaana lagu soo gunaanaday in mar kasta oo uu sii xoogaysto xidhiidhka Addis Ababa iyo Asmara ay soo deg degayso inay soo gaabnaato istaraatajiyada iyo ahmiyada Djibouti, iyadoo xalinta colaadani sii xoojin doonta degenaashaha gobalka Geeska Afrika. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
Garbahaarey (Caasimadan Online) – Sareeye Guuta Cali Maxamed Maxamuud Bogmadoow, oo ah taliyaha ciidamada xoogga dalka ee guutada 43-aad, oo uu dhowaan Kismaayo ka celiyey Axmed Madoobem, ayaa isaga iyo ciidankiisa waxa ay billaabeen abaabul dagaal oo xooggan. Ujeedada laga leeyahay isbedelka hoggaanka cusub ee qeybta 43 Aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa ah in lagu dardar galiyo sidii Kooxaha Argagaxisa looga xoreyn lahaa Guud ahaan Dalka islamarkaan lagu tayeyn lahaan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed . Taliyaha Cusub ee Qeybta 43 Aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa socdaal kormeer ku tagay Degmada garbahaareey ee Gobolka Gedo hakaasi uu kula hadlay Cutubyo ka tirsan guutooyinka 10 Aad iyo ururka 50 Aad ee ciidanka Xooga dalka kuwaas oo heegan ugu jira sida ay maleeshiyada Al-shabaab ay uga sifeyn lahaayeen Gobolka Gedo iyagoo si dhuumaaleysi ku yimaada mararka qaar deegaanadaasi. Taliyaha Guutada 10 Aad ee ciidanka Xoogaa dalka Janaraal Maxamed Cali Cadoow oo warbixin kooban ka siiyay taliyaha ciidamada waxaana uu sheegay in la dagaalanka kooxda Argagaxisada Alshabaab ay heegan ugu jiraan. “Ciidmadan waa guutada 10 Aad iyo Ururka 50 Aad ee ciidanka Xooga Dalka waxay ay u taagan yihiin ilaalinta Dadka iyo Dalka astaantooduna waa Qaranka Soomaaliyeed daruuf walbo iyago ku shaqeynaayo ayay diyaar u yihiin la dagaalanka Kooxda Xagjiriinta Al-shabaab”. Ayuu yiri Janaraal Caddow. Sareeye Guuta Cali Maxamed Maxamuud Bogmadoow ayaa tagay furmaha ciidanka heeganka ku jiray, islamarkaana xogwareystay xaaladaha ay ku suganyihin iyo baahiyaha ay qabeen sidoo kale waxa uu xusay in Dowlada Soomaaliya ay ka go,antahay ogaashaha iyo daryeelidda Ciidanka qaranka waxaana uu kula dar daarmay in ay ku shaqeyaan Soomaalinada taana looga Bixi karo ka adkaanshada Kooxaha Caadeystay daadinta dhiiga umma Soomaaliyeed. “Waxaan idinkula dar daarmayaa in aad ka fogaataan qabyaalada islamarakaan aad u diyar garoowdaan si feynta cadowga Soomaaliyeed oo ku dhuumaaleysanaya meelaha ay kaga Sugan yihiin Gobolada Jubooyinka iyo Gedo”. Dolwadda Soomaaliya ayaa ku Howlan sidii loo dhisi lahaa dhamaan ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed si ay ula wareegaan Marka ay ka baxaan Dalka ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM uu dhamaada howlgalka ay ku Joogaan Gudaha Dalka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa todobaadkii labaad oo xiriir ah magaalada Muqdisho ka dhacay laba weerar oo sida loo soo diyaariyey iyo sida loo fuliyeyba ay isku ekaayeen. Weerarka koowaad oo ahaa mid loo adeegsaday laba gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Otto Otto oo ay wada degan yihiin Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha gudaha kaa oo dhacay Sabtidii ay bisha Luulyo ahayd 7. Weerarka labaad oo dhacay Sabtidii xigtay ee bishu ahayd 14ka Luulyo, ayaa waxaa loo adeegsaday laba gaari oo ayaa la socdeen maleeshiyo ku hubeysnaa qoryaha fudud waxa uuna ka dhacay afafka hore ee xarunta madaxtooyada Somalia. Qaraxyadan ayaa waxaa isku eedeeyay Madaxda ugu sareysa dowlada Somalia, Hay’adaha amaanka, Taliyayaasha amra ciidamada ku sugan goobaha ay wax ka dhaceen, waxaana loo qabtay Saraakiil la sheegay inay fududeeyen weerarka. Weerar waliba oo dhacaa waxaa ku lug yeesha Saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka dowlada Somalia oo si dhow ula shaqeeya maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaa oo aan la horgeyn sharciga. Saraakiisha qaar oo mushaar ahaan u qaata lacag aan ku filneyn qoyskooda ayaa wata ilaalo kabadan 4 ilaa 5 kuwaa oo maalintii isticmaala lacag ku dhow 1,500 oo lagu bixiyo qaad iyo balwadaha kale, waxa ayna su’aashu tahay halkee ayey ka imaadaa lacagtaasi? Haddaba Amniga magaalada Muqdisho ayaa ku xiran 3 arrin oo aysan fulinkarin DFS kuwaa oo kala ah: 1-In Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ay kasoo hormuuqdan Saraakiisha waaweyn ee looga shakiyo ku lug lahaanshiyaha weerarada ay qaadan Al-Shabaab. 2-In dowlada Somalia ay hir galiso sharci taliyayaasha iyo saraakiisha ciidan lagu tooganaayo, haddii lagu caddeeyo in wada shaqeyn ay kala dhexeyso Al-Shabaab. 3-Dowlada Somalia oo xukuno sanado badan ku rida Saraakiisha lagu tuhunsan yahay inay u janjeeran Al-Shabaab. Dowlada Somali oo og xaqiiqda dhabta ah ayaan awood u laheyn in sharciga ay horgeyso Saraakiisha sida dhow ula shaqeeya maleeshiyaadka Al-Shabaab kuwaa oo la rumeysan yahay inay ku jiraan dhamaan Hay’adaha amaanka. Saraakiisha ugu badan ee sida dhow ula shaqeeya Al-Shabaab ayaa ah kuwa la buunbuuniyo ee kasoo goostay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee sida xorta ah ku dhexmara magaalada Muqdisho, hase yeeshee dowlada qudheeda ayaa u muuqata mid iska indha tireysa xaqiiqda dhabta ah. Sidoo kale, Dowlada Somalia oo aasaas ahaan ku dhisan hab qabiil ayaa aad uga cabsi qabta in heer Maxkamadeed ay la gaarto kuwa u qaabilsan Amniga ee la shaqeeya Al-Shabaab. Geesta kale, Dowlada Somalia qudheeda ayaan u jilicsaneen amni ka dhalinta magaalada Muqdisho, marba haddii uusan shaqeyneynin sharciga oo aysan muuqan Taliyayaal iyo Saraakiil ii xukun ku dhacaayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdiho (Caasimada Online) – Abuukaate Cabdiwaaxid Cabdulahi Warsame oo ka mid ah aqoonyahannada ka faalooda Arimaha siyaasadda dalka ayaa sheegay in Mareykanka uu doonayo in uu dar dargaliyo siyaasaddiisa ku aadan Afrika taasi oo uu tilmaamay in ay qeyb ka tahay safiirka cusub oo arbacadii uu Madaxweynaha Maraykankau soo magacaabay Soomaaliya, kadib 9 bil oo safaaraddooda Soomaaliya ay safiir la’aan aheyd. Waxaa uu sheegay Cabdiwaaxid Cabdulaahi Warsame in Safiirka Soomaaliya loo soo magacaabay ee Yamamoto uu ahaa nin kasoo shaqeyay Afrika gaar ahaan Itoobiya oo Soomaaliya deris la ah. “Yamamoto waa nin si weyn u yaqaanno arimaha soomaaliya ka horna waxaa uu ahaa nin Siyaasadda Soomaaliya ku lug lahaa mana aha nin saaxada Afrkca ku cusub wax badana waa suuragal in uu ku soo kordhiyo”. Trump waxaa uu safiirkiisa Soomaaliya u magacaabay Donald Yamamoto xilli safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay muddo aheyd Safiir la’aan Yamamoto ayaa ah nin qabiir ku ah xaaladda Afrika gaar ahaan geeska qaaradda oo muddo uu ka soo shaqeeyay. Halkan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/WAREYSI-GARYAQAAN-CABDIWAXID-CABDULAHI-WARSAME-.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mooyaale (Caasimada Online) – Magaalada Mooyaale waa dhul Strategic ah oo dhaca Xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, laakiin ay maamusha dowlada Itoobiya, waxaase halkaasi ka qarxay Dagaal kulul Oo udhaxeeya Oromada Iyo Soomaalida oo salka ku haysa xiriirka maamulka deegaanka iyo waliba cidda asal ahaan leh dhulka uu dagaalku ka socdo. Soomaalida ku nool Mooyaale waxaa soo weeraray ururo hubeysan oo katirsan Oromada sida ONLF iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo Soomaalida u gaarsanaya, xasuuq badan ayaa halkaasi loogu geystay shacab u badan oo haween iyo caruur isugu jira islamarkaana ah Soomaali. Cadaawad fog oo loo qabay Soomaalida ayaa lagala dul dhacay markii taliska Itoobiya uu cafis u fidiyay jabhadaha hubeysan ee Oromada iyadoo wax dib u heshiisiin ah lakala dhex dhigan iyaga iyo Soomaalida waxaana ujeedka loo dilayo ay tahay dadka Soomaalida in lagala wareego Magaalada Mooyaale oo isku xerta deegaano kala duwan islamarkaana ah goob muhiim ah. Ra’isul wasaaraha Itoobiya markii uu xilka la wareegay ilaa imika waxa uu wadaa isbadal waxaana uu sabab u noqday in shacabka Soomaaliyeed ee reer Mooyaale la laayo, maadamada Oromadii oo hubkeedii wadata lagu dhex daayay Magaalada iyadoo liiska argagixsada laga saaray dhowr ururu oo halis ku ahaa dadka Soomaaliyeed. Dagaalka ayaa sidoo kale saameeyay deegaano ku dhaw dhaw Mooyaale oo Soomaalidu ku nooshahay, ciidamada taliska cabdi ileey iyo kuwo Itoobiyaan ah ayaa qeyb ka ah dagaalka lagu xasuuqayo shacabka oo qaarkood hadda u barakaceen dalka Kenya. Taliska Itoobiya wali colaadan dagaal sooma dhex gelin mana jirto wax war ah oo uu ka soo saaray, iyadoo geesta kale aysan jirin cid caawineysa Soomaalida oo aad loo laaynayo, Xiisadaan u dhaxeysa Qabaa`iladaan ayaa salka ku haysa arimo la xiriira maamulka deegaanka iyo waliba cidda asal ahaan leh dhulka uu dagaalku ka socdo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
During the 16th sitting of the executive branch of the government it was discussed the uplifting of the country’s education system. The cabinet singled out the training of teachers and establishment of technical institution across the country. This is according to a terse statement by the presidential spokesman forwarded to Somaliland News Agency (Solnanews.com) for distribution to newsrooms. The cabinet meeting was chaired by the head of state H.E Musa Bihi Abdi. It was also confirmed that mushrooming private schools should follow the national curriculum of education and stop teaching foreign syllabus. It emphasized that training and uplifting of teachers know how should be a priority and should start earnestly. The government highlighted the importance of equipping school with educational materials that will promote learning in schools. The press release from the presidential mansion confirmed that the government will implement polytechnic schools in all regions of Somaliland. Solna
-
Dubai-based DP World has commenced a legal battle with Djibouti over termination of a contract to manage the Doraleh Container Terminal. DP World said it has commenced an arbitration against the government of Djibouti before the London Court of International Arbitration, following Djibouti’s decision in February to terminate a contract for running the port facility. The Dubai-based company said it issued its statement after “reports of the opening of the first phase of the Chinese built International Free Trade Zone, in violation of DP World’s exclusive management rights.” The firm insisted that its concession agreement for the Doraleh Container Terminal (DTC) remains in force, warning that the government’s seizure of the facility does not give the right to any third party to violate the terms of the concession agreement. “DP World reserves the right to take all available legal actions, including claims for damages against any third parties that interfere or otherwise violate its contractual rights,” a DP World spokesperson said. DP World, Ethiopia and Somaliland partnered this year to develop the Port of Berbera. Two weeks ago, DP World said it is considering setting up a logistics facility in Ethiopia to handle goods from the new port of Berbera to other landlocked African countries. Last week, Djibouti commissioned a $3.5 billion port built by China’s Dalian Port Corporation. This is one of several new ports and trade facilities Djibouti is developing to create a free zone. Djibouti said the free zone will be jointly operated by Djibouti Ports and Free Zones Authority and China’s Merchants Holdings Company. “Our strategic location and world-class facilities have seen Djibouti’s importance as a trade hub recognised globally,” Aboubakar Omar Hadi, chairman of the Djibouti Ports and Free Trade zone. In January, Mr Hadi said that they were in talks with French shipping company CMA CGM to develop a $600 million new container terminal in its biggest port Doraleh, as it seeks to become the regions sea and air transport hub for the continent. “We are going to build the Doraleh International Container Terminal that will target transhipment. This is a new plan. We are in discussions with CMA CGM and we hope to break ground in September for the new container terminal project and its construction expected to take two years,” Mr Hadi said. The East African
-
Damascus (Caasimada Online) – Sida lagu daabacay Shabakadda Wararka ee Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadnaha ee dalka Syria ee fadhigooda dhex ku yaalla magaalladda London, waxaa weli sii soconaya dilalka Khaarijinta ee Maleeshiyadda Kooxda Daacish loogu geysanayo dhulka Buuraleyda ee Gobalka Idlib oo ku yaalla K/galbeed ee dalka Syria. Shabakadda Wararka ee syriahr.com waxay qortay in la dilay Muwaadin u dhashay Somalia, kaasi oo Taliye ka ahaa Kooxda Maleeshiyadda Daacish ee ku sugan Gobalka Idlib ee W/Galbeed ee dalka Syria. Taliyahaasi oo magaciisa lagu soo koobay Abu Hurayrah Al-Somali ayaa la sheegay in Jimcihii la soo dhaafay oo ku beegnayd bishan July 13-dii la dilay, kadib, markii ay Kooxo hubeysan jidka u galeen xilli uu ku safrayey waddo u dhexeeysa Idlib City iyo Degmadda Saraqeb. Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha faahfaahin dheer ah kama bixinin sababihii Abu Hureyrah Al-somali loo dilay iyo kooxdi ika dambeysay, waxayna Kooxda diiwaan-gelisay in 15 ka tirsan Daavish lagu dilay qaraxyo iyo weeraro ka dhacay Gobalka Idlib tan iyo Jimcihii la soo dhaafay (13-kii July ee sannadkan 2018)-ka. Si kastaba ha ahaatee, ma aha Muwaadinkii ugu horreeyey oo Somali ah oo ka tirsan Maleeshiyadda Daacish oo lagu dilay gudaha dalka Syria, waxaana horey loogu dilay Tobanaan Soomaali oo ay ka mid yihiin Wiil uu dhalay Hoggaamiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe, kaasi oo la oran jirey Xuseen Faysal, balse Kooxda Daacish dhexdeeda looga yaqaanay Abu Shucayb Al-somali, kaasi oo duqeyn lagu dilay bishii December ee sannadkii hore. Waxaa kaloo jiray Nin Somali oo ka tirsanaa Kooxda Daacish oo lagu dilay dalka Syria, kaasi oo la oran jirey Faarax Maxamed Shirdoon, waxaana adeer u ahaa Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladdii KMG Somalia, Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid). Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
Families have lost everything in the aftermath of Cyclone Sagar. Cash aid is the fastest way to help them. “I am 80 years old, and I have never seen a storm like this in my lifetime,” says Habane Abdi. He is a longtime resident of Somaliland´s Awdal region. He lives in one of over 50 villages in the region that were severely hit by the tropical cyclone Sagar between the 16th and 19th of May this year. This past May set monthly records for rain and extreme weather all across Somalia. Cyclone Sagar – the country´s first ever storm of such magnitude – dropped a year’s worth of rain on the country in just a few days, and added a new dimension to the pre-existing humanitarian response actions taking place in the country. First drought, then a cyclone “After two years of severe drought, the cyclone has crippled the livelihoods of people who were recovering from the droughts,” says Ibrahim Omar, who leads the Norwegian Refugee Council´s (NRC) operation in Somaliland. “Sagar has destroyed crops and livestock. Lives were lost, and due to the flooding it has been difficult to reach out to people in need.” The National Disaster Management Authority, NADFOR, estimated that 49 people have been killed, and over 70 are still missing. Nearly 168,000 people were directly affected by the cyclone and around 277 hectares of land have been destroyed. More than 10,000 people had to flee their homes to save their lives. Thousands of people are in dire need of support to rebuild their livelihoods. Cash is smart aid NRC has been a long-time advocate for cash aid in humanitarian crises. It has proven to be one of the most efficient and dignified ways to support people in need. Sagar has ruined livelihoods, destroyed homes, and contaminated waters, long term issues that compound existing hardships. With cash, families have been able to buy what they need right away. Sahra Cige, 41, and her family of six have been among those worst hit in region. “The storm ruined our home and all of our belongings. For the first few days after the storm, all of us and our neighbours had to sleep in a school nearby,” she says. Sahra has been receiving cash assistance for two months as part of our emergency drought response funded by the Somali Humanitarian Fund (SHF). When the storm hit, the cash became their only way to access food. There is a growing need for this type of aid in humanitarian situations like Somalia. Ibrahim Omar The fear of waterborne diseases The humanitarian need is great in Somaliland. In addition to destroying what’s left of peoples’ livelihoods, Sagar has piled cases of illness upon a population that is still struggling to cope after the country´s worst drought in 20 years. Several cases of diarrhea have been reported in the area. “These communities already lack access to clean water and proper latrines. This is worsened by the dead livestock that is likely to contaminate the water streams,” says Omar. Cash, like any other form of aid, is most efficient when combined with other kinds of humanitarian assistance. In Somaliland, we provide people with cash along with hygiene kits, life-saving aid like shelter, and aqua tabs to purify water. This is one step towards working to prevent waterborne disease and helping people rebuild their lives. Source : NRC