-
Content Count
213,126 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in Somalia ay kasoo kabaneyso dhibaatooyinkii hore oo ay soo martay. Waxa uu madaxweyne Farmaajo sheegay in farqi weyn uu u dhexeeyo Soomaaliyadii hore iyo tan iminka jirta, isagoo tusaale usoo qaatay kala danbeyntii hore iyo mida hadda jirta. Waxa uu tilmaamay in Somalia ay adkaan karto inay ku laabato halkii ay horay u taagneed, waxa uuna cadeeyay keliya in Somalia ay booskeedi hore ku laaban karto xiliga la helo dhalinyaro buuxisa booska SYL. “Somalia waxa ay booskeedii hore dib ugu laaban kartaa marka aanu helno dhalinyaro buuxin karta booskii ay naga faarujiyeen SYL” “Somalia markii la eego sanadihii aan soo dhaafnay iyo hadda farqi ayaa u dhexeeya balse ma aanu gaarin halkii aynu rabnay” Madaxweynuhu waxa uu hadalkan ka sheegay kulan uu Xarunta Villa Somalia kula qaatay dhalinyaro badan oo uu ka xog wareysanaayay xaalada dalka iyo tabashooyinkooda. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka digay in umad dhan laga dhexwaayo dhalinyaro buuxisa booskii SYL, waxa uuna ku guubaabiyay dhalinyarada inay la imaadan dhabar adeeg. Haddalka Farmaajo ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada hadda jirta ay ahmiyad gaara siiso dhalinta Soomalaiyeed qeybahooda kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa inta badan baraha bulshada si aad ah looga hadal hayaa warar sheegaya in Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia Xuseen Cusmaan uu iska casilay xilkiisa. Warqad lagu muujinaayo is casilaada oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa la sheegay inay tahay mid uu qoray Agaasimaha, inkastoo aan la xaqiijin Karin caafimaad qabka warqadaasi. Qoraalka warqada oo u muuqda mid aan fadhin ayaa waxa ay si toosa ugu soctaa Wasiirka Amniga Qaranka Somalia, iyadoo lagu muujiyay sababta ka danbeysay dalabka Agaasimaha ee ku aadan Is casilaadiisa. Warqada ayaa waxaa lagu xusay in sababta is casilaada Agaasimaha NISA ay tahay mid ay ka danbeysay shaqo xumu kaga imaaday dhanka Aggaasimaha madaxtooyada Somalia Fahad Yaasiin iyo nin magaciisa lagu sheegay C/llahi Aadan Kulane. Warqada oo la sheegay inay tahay mid been abuur ah ayaa waxaa sameynteeda la xaqiijiyay inay ka danbeeyen dhinacyo aad uga xun shaqooyinka ay hayaan maamulka iminka gacanta ku haya NISA. Warqada oo ay ku jiraan khaladaadyo dhowr ah ayaa waxaa sameynteeda kaalin weyn ka qaatay xubno ka tirsan mucaaradka oo iyagu ka didsan shaqooyinka Hay’adda kuwaasi oo dhaliilo badan tabanaayo. Si kastaba ha ahaatee, baraha bulshada ayaa waxaa caado ka noqotay baahinta warqado been abuur ah oo lagu waxyeeleynaayo shaqooyinka Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Axmed Shide Wasiirka warfaafinta dalka Itoobiya Axmed Shide ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha xisbiga Dimuqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya. Axmed Shide waxaa Guddoomiyaha u doortay Golaha dhexe ee xisbiga Dimuqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya (XDSHSI) oo maalmihii ugu dambeeyay shir uga socday magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya. Xilka Guddoomiyaha xisbiga Dimuqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya waxaa horey u hayay Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida. Guddoomiyaha cusub ee xisbiga Dimuqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya Axmed Shide ayaa loo qorsheynayaa in uu noqdo Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya doorashada soo socota oo ay ka dhiman tahay labo sano. Xilka Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa hadda sii haya Axmed Cabdi Maxamed (Ilka-case) oo horey u ahaa Wasiirkii maaliyadda maamulkaas. Axmed Shide Guddoomiyaha cusub ee xisbiga Dimuqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya waxa uu ka soo jeedaa beesha Akishe ee Soomaalida Magaalada Jigjiga iyo magaalooyin kale ee dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya ah oo qalalaase ka dhacay 4 bishan August iyo maalmihii ka dambeeyey ayaa haatan xasiloon. Ammaanka magaalooyinka dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa gacanta ku haya ciidamada Milateriga iyo Booliska Federaalka. PUNTLAND POST The post Itoobiya:- Guddoomiye cusub oo loo doortay Xisbiga Soomaalida appeared first on Puntland Post.
-
The commander of African Union Mission in Somalia, Lt. Gen. Jim Owoyesigire, has ordered all troops in the conflict-torn country to conduct permanent joint operations with the Somali National Army against Al-Shabaab. “The Force Commander tasked the forces with intensifying the training and mentorship of their SNA counterparts through joint planning, co-ordination and execution of operations in line with the AMISOM transition plan,” a statement issued by AMISOM officials noted. Owoyesigire, who is the former commander of UPDF air force, was yesterday speaking to a section of AMISOM troops at Johwar. The AMISOM chief has also embarked on the security assessment of all major operation camps of troops to discuss broad strategic plans geared towards rebuilding the state and government in Somalia. Securing the Mogadishu-Johwar supply route is the other urgent assignment that Owoyesigire gave the troops. The AMISOM commander said joint security operation with the Somali National Army will improve peace, security and also equip Somali forces with the necessary skills for sustainable stability of the country. “Owoyesigire further urged the troops to strengthen relations with the local community through co-operation with the regional administration and undertaking of quick impact projects to address pertaining social infrastructural challenges,” AMISOM officials said yesterday. Owoyesigire also held talks with Hirshabeelle state president, Mohamed Abdi Ware at Jowhar town. “Discussions focused on the security situation in the region,” AMISOM officials noted in a statement. Owoyesigire also assessed troops in Baidoa, Beletweyne and Baledogle operational bases. The mandate of AMISOM was in July extended by the United Nations Security Council resolution 2434 underscoring a gradual and conditional withdraw of boots by 2020. There are over 21, 000 African Union troops in Somalia, with Uganda contributing the largest portion. Besides Uganda, there are troops from Kenya, Djibouti, Ethiopia and Burundi. Source: – New Vision
-
An Ethiopian rebel group declared a unilateral ceasefire on Sunday, the latest dissident movement to aim for an end to hostilities in the wake of reforms. The Ogaden National Liberation Front (ONLF) launched its bid for secession of the Somali Region, also known as Ogaden, in eastern Ethiopia in 1984. In 2007, Ethiopian forces waged a large-scale offensive against them after the group attacked a Chinese-run oil facility, killing 74 people. But the ONLF was among two other groups that were removed by parliament from a list of banned movements – part of a reform drive being led by Prime Minister Abiy Ahmed, who has extended an olive branch to dissidents. In a statement, the ONLF said it had “taken into account the positive steps taken by the Ethiopian government to lay the groundwork for talks and peaceful negotiations”. The group “will cease all military and security operations to find a available and lasting solution to the Ogaden conflict”, it added. The region the ONLF operates in contains four trillion cubic feet of gas and oil deposits, the government says. China’s GCL-Poly Petroleum Investments has been developing two gas fields since 2013. Abiy, who took office in April, is presiding over a bold push to shake the African nation of 100 million people from decades of security-obsessed rule. He has also acknowledged and condemned widespread abuses by security forces, likening it to state terrorism, as well as forging peace with Eritrea, with which Addis Ababa has been locked in a lengthy military standoff that followed a 1998-2000 border war in which 80,000 people are thought to have died. Source: Reuters
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Kadib shir maalmihii la soo dhaafay ka socday magalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa ugu dambeyn, waxaa shirkaas lagu magacaabay gudoomiyaha xisbiga dimoqaraadiga shacabka Soomaalida Ethiopia. Axmad Shide oo ah wasiirka Isgaarsinta ee Ethiopia, ayaa loo magacaabay xilkaas, isaga oo beddelaya madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo xilkaasi hore u hayey. Axmed Shide ayaa sii heyn doona guddoomiyaha xisbiga dimoqaraadiga shacabka Soomaalida Ethiopia, xilli xaalad deganaansho ah laga dareemayo deegaano ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ay rabshado ka dhaceen. Isbedelka cusub ee uu la yimid ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa saameyn ballaaran waxa uu ku yeeshay dalka Itoobiya, iyada oo uu bilaawady dagaal u dhaxeeya qowmiyada Oromada iyo Soomaalida Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dowlada Somalia ay si rasmi ah xiliyada habbeenkii u fasaxday shaqeynta Dekadda Muqdisho, ayaa waxaa soo baxaaya amaro adag oo la duldhigay gaadiidka xamuulka ka qaada Dekadda kuwaasi oo sanadihii ugu danbeysay ahaa dhaqan. Gaadiidka Dekadda ka shaqeyn doona 24saac ayaa waxa ay DFS kusoo rogtay amar ah inaanu banaanka Dekadda loo ogolaan doonin Gaari buuxa iyo gaadiidka dhamaadka ah. Amarkan ayaa waxaa soo saaray Taliska Ciidanka Booliska, gaar ahaan Hoggaanka Canshuuraha ee Ciidankaasi oo amar ku bixiyay inaan Dekadda ka dhex bixikarin gaadiidka waaweyn ee sida saa’idka ah loo raro. Kulan maanta Dekadda Muqdisho ku dhexmaray Guddi ay ku mideysan yihiin Ganacsatada iyo Gaadiidleyda iyo Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa laga soo saaray amar ah inaan Dekadda uusan kasoo dhex bixikarin gaadiidka xamuulka ee sida aadka ah loo soo raray. Taliyaha Hoggaanka Ilaalada Nabad gelyada wadooyinka iyo Taliyaha Saldhiga Booliska Dekadda ayaa isla fahmay inay muhiim tahay in waddooyinka Muqdisho aan lagu arag gaadiid sida rar xad dhaaf ah. Taliyaha Hoggaanka Ilaalada Nabad gelyada wadooyinka ayaa sheegay in Gaadiidka sida xad dhaafka loo raro ee ka baxa Dekadda Muqdisho ay dhibaato aad u weyn ku hayan dadka shacabka iyo isku socodka gaadiidka kale ee isticmala waddooyinka. Sidoo kale, Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabdullaahi Xasan Bariise oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la joojiyey in Dekadda Muqdisho uu ka baxo Gaadiid rarkiisa uu xad dhaaf yahay iyo in Gaari waqtigiisa dhammaaday Dekadda uu ka qaado Badeeco iyo Jididka gaadiidka ay u maraan siddii loogu talo galay. Gaadiidka rarka badan saran ee kasoo baxa Dekadda ayaa intooda badan ku rogmada Wadooyinka Muqdisho waxaana ka dhasha qasaaro isugu jira naf iyo maal.
-
Muqdisho (Caasimada Online) Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa siweyn uga hadlay ahmiyadda ay leedahay horumarinta dhaqaalaha dalka,isagoo xusay in ka ganacsiga Xoolaha Nool ay yihiin lafdhabarka dhaqaalaha ee dalka,xili uu ka qeybgalay xil wareejinta wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa. Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa ammaanay waxqabadka wasiirkii hore mudadii uu joogay, isagoo dhanka kale bogaadiyay wasiirka cusub in uu dardargeliyo howlaha horyaala,wuxuuna raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka uu xuseen in wasaaraddu ay kamid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan wax soo saarka dalka,isagoona rajo ka muujiyay in wasiirka cusub uu ku guuleysto howsha loo igmaday. “Waqtiga waa uu ordayaa sanad iyo 4 bilood waxaa inoo qabsoomay waxbaday, hadii ay ahaan lahayd arrimihii Dastuurka,horumarka dhaqaalah sida ka ganacsiga Xoolaha,iyo sida wasaraadda Xanaanada Xoolaha ay horumar u sameysay maadaama ay tahay lafdhabarka dhaqaalaha Dalka,sidii aan uga fekeri lahayn in aan horumarino xoolaha nool oo habkii dhoofintuna waxbadan aan ka bedelno,lana helo Xoolo caafimaad qaba,taasi ayaa waxtar weyn inoo leh”. Ayuu yiri Raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka. Munaasabaddaan oo uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda SoomaaliyaMudane Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo lagu qabtay Muqdisho waxaa goob joog ka ahaa raiisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya,Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo xilkaasi wareejiayay ,agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Maxamed Cumar Maxamuud,iyo maamulka iyo shaqaalaha wasaaraddaasi. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo xilkaasi wareejiayay ayaa sheegay in waxbadan ay u qabsoomeen mudadii uu xafiiskaasi joogay ,isagoo xusey in ay horumariyeen mashaariic kaladuwan iyo heshiisyo caalami ah oo kamid ah dhoofinta Xoolaha Soomaaliya iyo in Suuq loo helo,maadaama wasaaraddu ay kamid tahay,wasaaradaha ugu muhiimsan Dalka. Mudane Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaq oo xilkaasi si rasmi ah ula wareegay ayaa balanqaaday in uu dardargelindoono howlaha horyaala wasaaradda. “Runtii wasaaradda Xanaalada Xoolaha waa wasaaradd aad u muhiimsan waad la socotaan marka laga soot ago daruufaha dalka kajira,marka waxaan balanqaadaynaa in aan halkiisa ka sii amba qaado horumarkii uu sameeyey wasiirkii hore”. Ayuu yiri Wasiir Xuseen Maxamuud. Caasimada Online Xafiiska Moqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo hor-u-socodka dalka, dawladdiisuna ay diyaar u tahay in ay si dhaw ula shaqayso, fursadna ay u siiso dhallinyarada in ay qayb weyn ka qaataan dib u dhiska dalka. “Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka iyo dib u curashada dawladnimadeenna, waxaan ugu baaqayaa in ay muruqooda iyo maskaxdooda si mutaddawacnimo ah ugu adeegaan dalka.” Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan xog isweydaarsi ah kula yeeshay Madaxtooyada xubno ka tirsan ururrada Dhallinyarada ee magaalada Muqdisho. Madaxweynuhu waxa uu dhallinyarada uga warbixiyey xaaladda dalka, gaar ahaan siyaasadda, amniga, dhisidda iyo xoojinta hay’adaha dawladda, kobcinta dhaqaalaha iyo qorsheyaasha lagula dagaallamayo musuqmaasuqa. Madaxweynaha ayaa xusay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku leeyihiin sugidda amniga qaranka, maadama ay yihiin tirada ugu badan shacabka Soomaaliyeed, kartida iyo howlkarnimana ay u leeyihiin difaaca dalkooda iyo dadkooda. “Dhallinyaro, waxa la idinka rabaa in aad dawladda gacan ku siisaan dadaallada lagaga hortagayo argagaxisada iyo kooxaha nabad-diidka ah ee sida joogtada ah u gumaada haldoorka dhallinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed” Madaxweynaha ayaa sheegay in uu joogteyn doono kulamada dhallinyarada si ay u kala helaan xog rasmi ah, una kala qaataan talooka wax ku oolka ah.
-
Carabtu waa halista ugu badan ee ay wajahayaan wadamada ku yaala bariga Africa maanta, waxaase sidoo kale ku hoos jira faa’iidooyin ku xiran hadba sida ay noqoto xeelada dal walba. Dowladda Eritrea ayaa ku biirtay dalalka sida ka fiirsi la’aanta ah ula saftay Sacuudiga oo xurguf siyaasadeed ay kala dhaxeyso Canada, taas oo salka ku heysa arrimaha xuquuqul insaanka. Eritrea waxey luuqad adag ku dhaleeceysay Canada iyadoo ugu baaqday Sacuudigu inuu qaado talaabo jawaab ah, arrintaan waxey timmid iyadoo Asmar uu booqasho ku joogo wasiirka Arrimaha dibada ee Sacuudiga Caadil Aljubeyr. Wararku waxey sheegayaan in Asmara ay yabooh lacageed iyo dhismayaal dowladeed ku badalatay go’aankeeda, sidoo kale Itoobiya ayaa u guurtay dhanka Sacuudiga iyo Emirate iyadoo toos u qaadatay qadiyadaha labbadaas wadan arrintan waxey keentay in lagu abaalmariyo dhismaha dhuun shidaal oo isku xiri doonta Addis Abbaba iyo Dekadda Casab. Somalia oo markii hore u badneyd dhanka Qatar hada waxey u muuqata iney u leexatay dhanka Sacuudiga iyo Emirate-ka iyadoo daba fadhida Itoobiya, lama sheegin waxa ay Somalia ku badalatay iney Sacuudiga la safato oo ay Canada u colaadiso waana arrin lagu micneyn karo fashil siyaasadeed oo dibbada ah. Dadka aadka ula socda xaalada gobalka ayaa sheegaya in Somalia ay hortaalo labbo arrimood, mida koowaad waa iney si xirfadeysan uga dabaalata shirqoolada Carabta mida labaadna waa in go’aamadeeda siyaasiga ah ay dano guud uga dhex jeedo. Siyaasadu waa dan, dano ku gaar. Abdullahi Osman Farah
-
An Ethiopian rebel group declared a unilateral ceasefire on Sunday, the latest dissident movement to aim for an end to hostilities in the wake of reforms. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – Somali security forces have on Sunday shot and killed a gunman, thought to be a member of the Al-Shabab terrorist group in Mogadishu. Mohamed Abukar Islow, Somalia’s security minister, said the security forces killed an Al-Shabab assassin armed with a pistol, who previously assassinated a civilian at Suq Bacad market in the capital. “Our security forces killed a culprit, shortly after he shot dead a civilian man in Suq Bacad market in Mogadishu”, Islow said. He says the security forces would continue targeting Al Shabaab members, accusing group’s assassins of killing unarmed civilians in the capital of Mogadishu. In the aftermath of the killing, Somali government security forces sealed off at the crime scene and launched an operation to hunt down other suspects. No arrest has been reported yet. Mogadishu has witnessed an increase of rampant targeted assassinations, mostly on the elders involved in the election of the current lawmakers from the militant group amidst tight security in the city in past weeks. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
KISMAYO, Somalia (Caasimada Online) – At least 3 people have been killed and two others injured in an accident at a quarry in the south of Somalia’s Kismayo town. The sides of the quarry, where people were digging for rocks and sand for use in building-materials, caved, a miner, Mohamed Hussein, said. Hussein says miners had been working hard when a quarry wall crashed, leaving 3 of his friends dead “I was lucky to be outside of the cave when a large stone crashed as we were digging sides of the quarry”, he said. Hussein told Caasimada Online that one of the victims is believed to be seriously injured. The quarry is often packed with casual workers hoping to make living from the building boom, which was badly destroyed by decades of civil war. Caasimada Online Kismayo News Desk Caasimada@live.com
-
Cabdi Faarax Siciid oo loo yaqaanno Juxa waa siyaasi , macalin iyo suxufi, wuxuu Khamiistii ku dhawaawaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Puntland. Wuxuu qudbadiisa ku duray taliska xilligaan ka jira Puntland, dowladda Federaalka ah iyo Somaliland wuxuuna u muuqda nin kalsooni badan heysta. Puntland waxey aadi doonta doorasho madaxweyne sanadka soo aadan, waxaa jira musharaxiin badan oo hada ku dhaawaqay iney xilka u taagan yihiin, qaar kale ayaa la filan karaa bilaha soo aadan, sidoo kale madaxweyne Gaas ayaa isna laga yaaba inuu dib isu sharaxo. Puntland waxaa ku furan dagaal, waxaa liita xiriirka kala dhaxeeya Dowlada Federaalka ah, musuq ayaa ku baahay , waxaana kaloo hortaala iney u gudubto marxalad ay shacabku wax dooran doonaan mustaqbalka dhow. Juxa waxaa lagu tilmaama inuu lee yahay Aragti siyaasadeed oo cad, dadka yaqaana waxey sheegaan inuu laxaw badan u hayo hormarinta Puntland, markale lala bar bar dhigo madaxweyne Gaas. Dad ku sugan Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso oo aan la xiriirnay ayaa aaminsan in Juxa uu mudan yahay doorashada sanadkaan, waxaana ay sabab uga dhigayaan labbo arrimood. Mida koowaad waa inuu dhinac u dhici doono macaamilka Puntland iyo Dowladda dhexe, mida labaadna waa in Puntland ay heli doonto jiil badan oo wax bartay. Wuxuu qudbadiisa ku diiday in masiirka madaxtinimada Puntland uu noqdo mid saddex beelood ku kooban oo ah Cumar Maxamuud, Ciise Maxamuud iyo Cismaan Maxamuud. Arrintaan waxaa la qaba inta badan shacabka reer Puntland. Hadii uu Juxa kusoo baxa doorashada soo aadan waxaa meesha ka bixi doona kaltankii beelaha ee dhaqanka ka noqday Puntland, madaama hada la aaminsan yahay in la joogo xiligii Cismaan Maxamuud, tani waxey Puntland u ekeysiin kartaa maamul xukunkiisu reer walba iyo qof walba u furan yahay. Juxa oo shaqsiyad adag leh ayaa la aaminsan yahay inuu sidoo kale taageero ka heysto siyaasiyiin kasoo jeeda koonfurta Somalia iyo ganacsato reer Puntland ah kuwaas oo la filaayo iney ku garab siin doonaan qorshihiisa doorashada. Xigasho: Muqdisho Evening Post Muqdisho Evening Post waa wargeys madax banaan oo fiid walba kasoo baxa Muqdisho.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shalay waxa ay Xukumadda Dowladda Federalka ah magaalada Muqdisho ku daah furtay Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu dhawaan madaxweynaha digreeto ku soo saaray. Golahaas waxaa ku mideysay aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo kuwo ajaaniib ah oo ka soo talo bixin doonnaa sida ugu wanaagsan ee dalka lagu kobcin karo dhaqaalihiisa iyo cilmi baaris ay ku sameyn doonnaan ilaha dhaqaalaha kaga sameyn karo mustaqalka dhaw iyo kan fog. Hase ahaatee, taas oo ay jirto ayaa waxaa jirta su’aal muddo taagneyd oo aan laga jawaabin. Dhaqaalaha dalka ma Muqdisho Oo Kaliya laga sameeynayaa? Su’aashan waxa ay caqabad ku ahayd dowladihii ka horreeyey midda ay hadda hoggaamiyaan madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo RW Xassan Cali Kheyre. Waxaa aad loo xusuustaa shirarkii is daba joogga ahaa ee ay qaban jireen siyaasiyiinta iyo waxgaradka bulshada reer Muqdisho ee ay kaga dhiidhin jireen wax ay ku tilmaameen ‘Kaaga Kula Lihim Keygana kaalihi!” Reer Muqdisho waxa ay ku doodi jireen in ilaha dhaqaale ee dalka aysan isku si dowladda uga faa’ideyn dadweynaha oo ay ku kooban tahay Muqdisho sida Dekedda iyo madaarkeeda. Dekedaha iyo madaarada M/Gobolleedyada aysan waxba dowladda ka soo gaaran xataa aysan maamulin. Hadaa muxuu soo kordhinayaa golaha dhaqaalaha qaranka ee la magacaabay? Sida muuqata,golahan waxaa qeyb ka ah madaxda dowlad gobolleedyada oo laga tala galiyey. Haddii sida saxda ah looga shaqeysiiyo waxa uu meesha ka saari doonaa ku tirsanaantii Muqdisho oo waxaa baahi doona awoodda dhaqaale ee dowladda Federal-ka ah. Waxa uu golaha ka soo talo bixin doonaa sameynta canshuur mideysan oo laga qaado ilaha dhaqaale ee dalka oo dhan taas oo sahli doonta in dhaqaalaha dalka si deg deg ah ugu kobco. Haddii uu guuleysto ujeedka laga loo sameeyey golaha dhaqaalaha Qaranka waxaa sidoo kale lagu daweyn doonaa dooddii muddada badan ay reer Muqdisho qabeen, kaaga kula lihi, keygana kaa lihi!
-
Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shiekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu toddobaadkan gudihiisa soo gaaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Xassan Shiekh ayaa tan iyo markii looga adkaaday doorashadii 2017-da ku maqnaa Turkiga, gaar ahaan magaalada Ankara. Hase ahaatee, waxa uu u muuqdaa mid hadda u soo jeystay dhaq dhaqaaq siyaasadeed in uu bilaabo iyada oo hore loo shaaciyey in uu hoggaamin doono kooxo badan oo dowladda mucaarad ku ah. Maxaa isku soo beegay imaanshihiisa Muqdisho, la kulankii Cabdiraxmaan Cabdishakuur, sawir ceynkee ah ayuu bixinayaa? Dhawaan ayey ahayd markii uu siyaasiga mucaaradnimada caanka ku ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna looga adkaaday doorashadii 2017 ay isku arkeen Ankara, Turkiga. Walow ay baraha bulshada ku shegeen in kulankoodu daarnaa is xog wareysi iyo isla darsidda siyaasadda dalka hadana waxaa si fudud looga dhadhansan karaa in ay ku soo heshiiyeen qodobkan. IN XASSAN SHIEKH YIMAADO MUQDISHO Waa qodob dhammaan dadka siyaasadda ku xeeldheer ay fahi karaan maadama Cadiraxmaan Cadbdishakuur ku fashilmay dhaq dhaqaaqii siyaasadeed ee uu ka bilaabay Muqdisho iyada oo sababtay xassilooni daro iyo in isaga la xiro. Taas iyaga oo ka shidaal qaadanaya ayey isku soo afgarteen in Xassan Shikeh Maxamuud dardar galiyo dagaalka siyaasadeed ee lagu mucaaradayo dowladda hadda jirta maadama uu xasaanad leyahay; kow, uu yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, laba, uu yahay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU, Somalia – The African Union peacekeeping forces’ army chief, Lt. Gen. Jim Owoyesigire, has ordered all troops in Somalia to speed up fighting against Al Shabaab. Lt. Gen. Owoyesigire, urged African Union forces to carry out fresh offensive against Al Qaeda-inspired group of Al Shabaab in south and central Somalia. He says the permanent joint operations would wipe out the remnants of the group’s fighters battling the weak-western backed government of Somalia. The joint operations will improve peace and security in the conflict-torn country, Owoyesigire said. “African Union will equip Somali army forces with the necessary skills for sustainable stability of Somalia”, he said. He also hailed the cordial working relations existing between African Union (AMISOM) forces and Somali army troops, in the effort to rid the country of Al-Shabaab The African Union forces have been battling al-Shabab fighters for 10 years. There are over 21, 000 African Union troops in Somalia, with Uganda contributing the largest portion. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Baarlamanka Somalia wuxuu ku jiraa maalmihiisii fasaxa, ma uusan fariisan mudo 100 cisho ka badan, inkastoo ay aheyd in xilligaan ka hor lasoo laabto hadana Xajka ayaa sii dheereyay fasaxa mudanayaasha Baarlamaanka. Gudoomiye Mursal ayaa la sheegay inuu isagu wali ku jiro shaqadii xukuumadda ee uu xubinta ka ahaa. Markii dib loogu laabto maalmihii Jawaari waxaa guddoonku uu qaban jiray shaqooyin gaar u ah Baarlamanta inta fasaxa lagu jiro si loo sii hormariyo howlaha iyo xirfada Baarlamanka, laakiin hada taasi ma muuqato. Mursal wuxuu hada xoogga saaraya arrimaha xukuumada, isagoo bilaabay galaangal dhanka awood qeybsiga ah, si kale markii loo yiraahdo in wasiiro laga dhigo xubno uu isagu wato oo ay saaxiibo dhow yihiin. Xubno ka tirsan Baarlamanka oo aan la xiriirnay ayaan weydiinay hadii ay iska warhayaan guddoomiye Mursal waxaana ay sheegeen iney ugu war dambeysay isagoo dhinac kahaya shaqada xukuumadda. Maalmo badan kadib gudoomiye Mursal ayaa la arkay isagoo tababar usoo xiraya ciidamo ka tirsan Dowladda oo lagu tababaray xarunta Turksom ee Muqdisho. Gudoomiye Mursal iyo Ra´iisul wasaaare Kheyre ayaa la sheegay iney wadaan qorshe lagu dhimaayo kulamada Baarlamaanka si aaney u suurto galin in xukuumada mooshin laga keeno. Markii uu xilka qabtay Mursal ayaa laga filayey inuu isku keeno XIldhibaanadii ku kala tagay khilaafkii ka dhashay mooshinkii ka dhanka ahaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof. Jawaari ee Is casilay balse waxaa muuqato inuusan arrintaas weli wax tallaabo u qaadin. Fadhi ku dirirka Xildhibaanada Soomaaliya ayaa noqday “ Meel ku sheega Guddoomiye Mursal?!!” Xigasho: Wargeyska Muqdisho Evening Post oo ah wargeys madax banaan oo fiid walba kasoo baxa Muqdisho.
-
Maxkamadda Al-shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa shalay xukunno adag ku ridday laba qof oo shacab ah oo lagu eedeeyay in ay kufsi iyo dil geysteen. Xaakimka maxkamadda Al-shabaab ee degmada Buq-aqable ee gobolka Hiiraan,ayaa shalay gelinkii dambe goob fagaare ah kaga dhawaaqay,xukunka labada nin oo midkood lagu eedeeyay in uu kufsi iyo dil isugu daray afar haween ah,halka kan kale lagu eedeeyay in uu kufsaday laba haween ah,balse uusan dil geysan. Labada eedaysane oo aan magacyadooda la shaacin ayaa xaakinka maxkamadda Al-shabaab amray, in min boqol jeedal la karbaasho,waxaana islamarkiiba xukunka lagu fuliyay labada nin,iyadoo goob fagaare ah lagu karbaashay. Eedaysanaha kowaad ee Al-shabaab ku eedaysay kufsiga iyo dilka ayaa sidoo kale lagu xukumay saddex sano oo xabsi ganaax ah,waxaana xaakimku sheegay in ninkaas ay cafiyeen eheladii uu dumarkooda laayey. Inta badan degaannada Al-shabaab gacanta ku hayso ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa laga fuliyaa xukunno adag oo la marsiiyo dadka lagu eedeeyo denbiyada kala duwan. Laakiin warbixinno ay soo saareen qaar kamid ah hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda insaanka ayaa lagu sheegay in Al-shabaab tacaddiyo baahsan ku hayaan dadka rayidka ah. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo goob fagaare ah ku karbaashay laba qof oo shacab ah appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Jabhadda ONLF ayaa magaalada Nairobi maanta kaga dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac, ka dib muddo tobanaan sano ah oo ay dagaal kaga soo hor jeedday dawladda Itoobiya. Qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen in xabbad joojinta oo dhaqan galaysa 12ka duhurnimo ee 12ka Agoosto ay salka ku hayso “baaqa nabadeed ee hogaamiyaha Itoobiya Abiy Axmed, iyo talaabooyinka ay xukuumaddu qaadday ee ay aasaaska ugu dhigayso wadahadallo nabadeed”. “Waxaan u aragnaa in xabbad joojintu ay dadkeenna maslaxad u tahay”, sidaa waxaa yiri C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF, oo BBC u warramayey isagoo jooga Nairobi. “Waxaan diyaar u nahay in maadaama dadkayagu ay muddo dheer dulmi tirsanayaan, in miis dushii lagu xalliyo dhibaatooyinka aan tirsanayno oo aaya ka talin ka mid tahay oo nabad gelyo ka mid tahay, oo xuquuqo badan oo kale ka mid yihiin” ayuu sii raaciyey Caddaani. Wuxuu sheegay in arrinta xabbad joojinta halka dhinac ah ay isla soo qaadeen dawladda Itoobiya. Itoobiya weli wax jawaab ah kama aysan bixinin baaqaas. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Washington (Caasimadda Online) – Wakaaladda hawada sare ee Mareykanka ee NASA, ayaa maanta waxa ay fulisay qorshaheeda hawada sare oo ay dirtay dayax-gacmeedkii ugu dhawaa cadceedda, sida qorshaha lagu wado. Gantaalka xambaaraya dayax-gacmeedkan ayaa la ganay, waxa uuna si nabad ah uga kacay, saldhigga NASA ee lagu magacaabo Cape Canaveral oo ku yaalla Florida, muddo ayuuna safar kusii jiri d\oonaa. Waxaa lagu guuleystay safarkan naadirka ah, iyada oo maalin kahor uu yimaaday hakad aan lasii saadaalin, walaxdan hawada sare loo diray ayaa noqoneysa tii ugu dhaqsiyaha badneed ee aadunuhu sameeyo. Qorshuhu waxa uu yahay in la gaaro halka ugu dhaw ee qoraxda, lagana gudbo guud ahaan meeraha dhulka. Dayax-gacmeedkan oo jaraya Saacadiiba 690,000km/h, ayaa waxa ay ku qaadan doontaa inuu cadceedda gaaro muddo lix isbuuc ah. Dr Nicky Fox oo ah cilmiyahanad udhalatay Ingiriiska kana shaqeyneysa mashruucan ayaa sheegtay in aaladani ay u jirsan doonto cadceedda 4cm uun. Sidoo kale waxa ay sheegtay in xawaaraha dayax-gacmeedkani uusan inaba caadi aheyn, oo tusaale waxa ay ku cadeysay in magaalooyinka Tokyo iyo Newyork oo isu jira 10,842km uu hal daqiiqo ay ukala safri karto aaladani. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
-
Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada Puntland ayaa shaacisay,xilliga sida rasmiga ah loogu dhawaaqayo natiijada imtixaanka Shahaadiga ah Fasalka 8aad ee Dugsiyada dhexe. Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland Pro. Abshir Yuusuf Ciise ayaa lagu sheegay,in imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe si rasmi ah loo shaacin doono, maalinta isniinta ah ee ku beegan 13 bishaan August 2018. “Dhammaan Gudoomiyaasha Waxbarashada Gobolda iyo Degmooyinka iyo maamulayaasha, Macalimiinta sharafta leh, ardayda iyo waalidka iyo bulshawaynta soomaaliyeed ee ku nool deegaaanda Puntland, waxaan la socodsiinaynaa in Malinta isniinta ah in la shaacinayo Natiijadii imtixaanka Dugsiyada dhexe ee Fasalka 8aad ee Sanad Dugsiyeed 2017- 2018″ ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. Kharashka ku baxay sannadkan, imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland ayaa waxaa iska kaashaday,dowladda iyo shacabka Puntland,waxaana laga maarmay kharashaadkii laga heli jiray hay’adaha deeqbixiyaasha ah,sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan The post Puntland: Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe oo la shaacinayo appeared first on Puntland Post.
-
Buqaqable (Caasimadda Online) – Al-Shabaab ayaa xukun ku riday rag ay ku eedeeyeen in ay fal kufsi ah ka gaysteen degaanka Buqaqable ee Gobolka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya, kadib markii Maxkamadda Shabaab la horgeeyay ninkaasi. Dambiilaha koowaad ayaa kufsaday 4 dumar ah wuxuuna dil u gaystay 2 kamid ah dumarkii uu falk kufsiga ah kula kacay isagoona ugu dambayntii dambigiisa ka hor qirtay Maxkamada Islaamiga ah. Dambiilaha labaad ayaa isaguna Fal Kufsi u geystay 2 Dumar Ah, falkaas oo uu isaguna ka hor qirtay Maxkamadda horteeda. Qaadiga Maxkamada ayaa goobta fagaaraha ah ka aqriyay dacwadaha loo haystay labada dambiile waxayna maxkamaddu ku xukuntay in min 100 Jeydal lagu dhufto iyo in laga qaado diyada dadka ay dileen kadib markii ehelladii lahaa dhiigga dumarka ladilay ay qisaastii ka cafiyeen ayna diyo dalbadeen. Sidoo kale dambiilayaasha mid kamid ah waxaa lagu xukumay sedax sanadood oo xarig ah halka midka kale laba sanadood xarig ah lagu xukumay sababa laxiriira fasaadka ay geysteen. Goobta xukunkaan uu ka dhacaayay oo aheyd meel fagaare ah ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo dadka degaanka ah, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacaayay. Caasimada Online Xafiiska Beled-Weyne Caasimada@live.com
-
Jabhadda ONLF ayaa maanta magaalada Nairobi kaga dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac, ka dib muddo tobanaan sano ah oo ay dagaal adag kala hor jeedday dowladda Itoobiya,sida ay daabacday laanta Afka soomaaliga ee BBC. Qoraal ka soo baxay ONLF oo BBC-du soo xigatay ayey ku sheegeen in xabbad joojinta oo dhaqan galaysa 12ka duhurnimo ee ku beegan 12ka Agoosto ay salka ku hayso “baaqa nabadeed ee hogaamiyaha Itoobiya Abiy Axmed, iyo talaabooyinka ay xukuumaddu qaadday ee as’aaska ugu dhigaya wadahadallo nabadeed”. “Waxaan u aragnaa in xabbad joojintu ay dadkeenna maslaxad u tahay”, sidaa waxaa yiri C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF, oo BBC u warramayey isagoo jooga Nairobi. “Waxaan diyaar u nahay in maadaama dadkayagu ay muddo dheer dulmi tirsanayaan, in miis dushii lagu xalliyo dhibaatooyinka aan tirsanayno oo aaya ka talin ka mid tahay oo nabad gelyo ka mid tahay, oo xuquuqo badan oo kale ka mid yihiin” ayuu sii raaciyey Caddaani. Wuxuu sheegay in arrinta xabbad joojinta halka dhinac ah ay isla soo qaadeen dawladda Itoobiya. Itoobiya weli wax jawaab ah kama aysan bixinin baaqaas. PUNTLAND POST The post ONLF oo xabbad joojin iskeed ah ku dhawaaqday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasiga Salaad Cali Jeello oo kamid ah Siyaasiyiinta taageersan dowlada Somalia ayaa sheegay in muddo intaa kabadan aysan Somalia u laaban colaad. Salaad Cali Jeello, waxa uu sheegay in wadamo badan oo dhaca qaarada Africa ay soo mareen xaalada ay iminka ku jirto Somalia, hase yeeshee aanu jirin mid sida Somalia kusii daba-dheeraatay colaada. Somalia ayuu sheegay in laga doonaayo inay ka shaqeyso aayaheeda waxa uuna tilmaamay in wadan waliba ay dhistaan dadkiisa. “Dad waliba dalkiisa isagaa dhista waa in Soomaalida ay gartaan in dalkooda uu u baahan yahay, waa inay u raadiyan xal si looga nabadgalo dhibta taagan” Siyaasiga Salaad Cali Jeello, waxa uu sheegay in burbur waliba oo ku dhaca dal dhisan ay sabab u yihiin dadkiisa, gaar ahaan Siyaasiyiin uu tilmaamay inuu ka lumay damaca. “Siyaasiyiintu ha u naxaan dalkooda yeysan dhibaato u horseedin dalka oo hadda leh rajo wanaagsan oo wax looga qabankaro dhibaatooyinkii uu soo maray” Isagoo dhibaatooyinka ka duulaya ayuu sheegay in Somalia xiligani aysan u wanaagsaneen 3 arrin oo uu ku tilmaamay inay tahay Qaran dumis kuwaa oo kala ah:- 1-In dadka u hanqal taagaya nabadda iyo midnimada lagu ababiyo is hortaaga dowladnimada iyadoo shacabka laga dhiganaayo jaranjaro. 2-In la dafiro isbedelada ka jira dalka iyadoo dadka dowladnima doonka ah la tuso sawiro aan munaasib aheyn kuwaa oo looga been abuurayo Qaranimada. 3-In Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ka fogaadan in loo adeegsado talaabooyinka ay Shisheeyuhu ku doonayaan inay ku burburiyan Somalia, iyadoo la fiirinaayo dano gaara. Siyaasiga Salaad Cali Jeello, waxa uu tilmaamay in burburka dal jira uu yahay mid loo adeegsado dadkiisa, waxa uuna cadeeyay in dhibaatooyinka ka jira Somalia ay kaalin weyn ka qaaten dad caan ah. Sidoo kale, waxa uu ka digay in Dowladnimada lagu doorsado burbur iyo dhibaatooyin aan laga soo kabsan oo loo horseedo Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Siyaasiga Salaad Cali Jeello, ayaa qaba dareen ah in dhinacyada kasoo horjeeda dowlada ay mar waliba isku dayayaan inay qafiifiyaan howlaha dowlada, si ay u helaan dhaliilo muuqda oo loo jeediyo dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Siyaasiga Salaad Cali Jeelle