-
Content Count
211,154 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Eritrea has appointed its first ambassador to neighboring Ethiopia in two decades, the government said on Saturday, as the two countries pushed on with a surprise rapprochement. The development was part of a head-snapping series of diplomatic moves between the two nations, after they formally declared an end this month to their “state of war,” a two-decade standoff that followed a brutal border conflict that claimed about 80,000 lives. newsnowThe job of ambassador went to Semere Russom, who was Eritrea’s education minister and a former envoy to the United States, Information Minister Yemane G. Meskel said on Twitter. In a joint declaration ending the state of war on July 9, Prime Minister Abiy Ahmed of Ethiopia and President Isaias Afwerki of Eritrea said, “A new era of peace and friendship has been opened.” Mr. Abiy visited Eritrea’s capital, Asmara, this month, and Mr. Isaias returned the favor on July 14, taking a trip to the Ethiopian capital, Addis Ababa. Ethiopia’s leader set the events in motion in June by embracing a peace deal intended to end the conflict between the two countries. Ethiopia has also asked the secretary general of the United Nations, António Guterres, to lift sanctions against Eritrea. Eritrea fought a decades-long struggle against Ethiopian dominance and annexation to secure independence in 1993. Five years later, the war between Ethiopia and Eritrea, a former Italian colony, broke out over their shared border. The Eritrean government was accused of using the state of war to justify endless military service, which in turn fueled an exodus of young Eritreans, who were among the largest group of people landing on Mediterranean shores during the height of Europe’s migration crisis. Source: Reuters
-
Muqdisho (Caasimadda Online)- Waxaa isasoo taraya xogaha ku saabsan taliye ku xigeenkii NISA Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo dhawaan shaqo joojin lagu sameeyay in uu ku jiro saraakiil lagu eedeeyay fududeynta weeraro kooxda al shabaab ay ka geysteen magaalada Muqdisho, Gaar ahaana wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo koontaroolka Ceel-Gaab oo laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Xog ay heshay Caasimada Online ayey ku ogaatay in galdacwadeed kiiskaasi la xiriira loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda Ee Soomaaliya oo Su’aalo Lagu Weydiinayo G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyadoo sidoo kale baartiaanada Kiiskaan ay ka qeybqaadaneyso hay’adda dambibaarista ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee CID. Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa lagu eedeeyey in Amarkiisa lagu soo daayay Maleeshiyadkii hubeysnaa ee Al Shabaab ee weerartay 07 July weeraray dhismaha Oto Oto oo ay ku shaqeeyaan wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha, kuwaas oo watay laba gaari oo qaraxyo ku raranyihiin, sida ay sheegeen saraakiisha loo xirxiray arrintaas oo wali baaritaankoodu socdo. Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Xuseen Cusmaan Xuseen shaqada ka joojiyay G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ahaa taliye ku xigeenka Hay’adda NISA, waxaana hadda socoto baaris kiiskaasi la xiriirto. Sidoo kale Jaamac ayaa lagu eedeeyey dacwad laga gudbiyey inuu fududeeyay weeraro iyo dilal kala duwan oo lagu dilay odayaal dhaqameedyo iyo dhallinyaro u shaqeynjiray dowladda Soomaaliya, iyadoo mudadii 6 bil ee uu ahaa ku simaha Taliyaha NISA uu sheegay in magaalada Muqdisho uusan ka dhicin hal Qarax taasoo dadka arrimaha Ammaanka Falaanqeeya su’aalo badan ay iska weydiinayeen. Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarineyso qaabkii maxkamad loo soo tagi Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo saraakiisha kale ee lagu eedeeyey inuu ka qeybqaadatay fududeynta weerarada Argagixiso ee maalin kasta lagu laayo maatida Soomaaliyeed sida lagu qoray dacawadda laga gudbiyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay taageeradi looga muujiyay shirki Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Talaadadi lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Brussels ee dalka Belgium. War- saxaafadeed koo baxay wasaaradda Arrimaha Dibedda Somalia ayaa lagu sheegay in dowladdu ay soo dhaweynayso in dalalka iskaashiga Somalia la lihi ay sheegeen inay Somalia ku yaboohayaan 1.2 milyan oo Euro. Iyada oo taageerada dawladda loo sameeyey laga duulayo ayaa dalalka iskaashiga Somalia la lihi ay sheegeen in Somalia ay ku yaboohayaan 1.2 milyan oo Euro, taas oo ah afar meeleedow hal meel miisaaniyadda tooska ee dawladda Somalia lagu shubi doono. Dhianaca kale, Danjiraha Dawladda Imaaraatka Carabta u fadhiya dalalka Belgium iyo Luxemburg, Maxamed Ciisa al Suwaydi ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay Isutagga Imaaraadka Carabta uga go’an tahay taageerada dadaalada lagu soo celinayo midnimada, amniga iyo xasiloonida Somalia iyo in wax laga qabto caqabadaha amniga, siyaasadda iyo horumarinta Somalia. Ka qeybgalkii Imaaraadka ee shirka iyo hadalkan ku aadan muujinta taageerada Somalia oo madax banaan ayaa la soo dhaweeyey. Dawladda Somalia ayaa sheegtay in Imaaraadka ay ku raacsan tahay dhismaha nabad gobolka ka hirgasha iyo barwaaqo. Iyada oo taas la eegayo, ayaa dawladda Somalia sheegtay, inay soo dhaweynayso fursad kasta oo lagu horumarin karo ajendahan istaraatiijiga ah.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay go’aan la xiriira deeqaha maamulkiisa caalamka uu ka helo, xilli ay dowladda Soomaaliya isku dayeyso in ayada lasoo mariyo deeqahaas. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in aanay qaadanayn deeqaha caalamku siiyo Somaliland haddii cid kale loo soo mariyo, ayna ka door bidi doonaan inaysan waxba helin. Muuse Biixi ayaa yidhi; “Deeq iyo adduun siisan mayno gobonnimadayada iyo rabitaanka dadkayaga, waxaana aanu go’aansannay inaanu dawlad gaar ah oo madax bannaan noqonno, Yurub iyo Maraykan baa lacag qaybinaysa nooma taallo haddaan annaga toos naloo siinaynin, ma qaadanayno sandareero cid noo soo marta, waayo wax lacag ka badan baanu u hurnay gobonnimada iyo dalkayaga”. Hadalka Muuse Biixi ayaa imaanaya iyada oo dhowaan dalka Belgium-ka lagu soo gabo gabeeyay Madasha Caalamiga ah ee Soomaaliya kaasi oo looga hadlayay Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha waxaa ka qeyb-galay wakiillo ka socday Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadlay shirkii Soomaalida ee dhawaan lagu soo gebo-gebeeyey magaalada Brussels ee xarunta dalka Beljamka iyo cidii uga qeyb gashay. Muuse Biixi ayaa sheegay in shirkii Brussels loo qabtay Soomaaliya, dawladaha qabanayeyna ay aaminsan yihiin Soomaaliya in ay tahay mid, qaabkii loo qabanayeyna ay isku afgaran-waayeen. “Shirka Brussels waxa loo qabtay Soomaaliya, iyagaa lagula hadlayey, meelna kumaynaan lahayn, qaabkii loo qabanayeyna weynu isku diidnay, waayo dawladaha qabanayey waxa ay doonayeen inay u arkaan inay Soomaaliya mid tahay, shirkaa waxa la yiri waxa lagu qaybinayaa deeq oo waxa la yiri lacagaa lagu qaybinayaaye maxaynu uga haraynaa, horto deeqda iyo adduunka siisan mayno gobonnimadayada iyo rabitaanka dadkayaga, waxana aanu go’aansannay inaanu dawlad gaar ah oo madax bannaan noqono” ayuu yiri Muuse Biixi. Sidoo kale Muuse Biixi ayaa shaaciyey inay yaab iyo amakaag ku noqotay tegitaankii madasha shirka ee guddoomiyaha xisbiga Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaana uu xusay inay arrintaasi tahay mid u baahan in dib loogu noqdo. “Iyadoo arrintu halkaas taagan tahay ayaa waxaa shirka tegay guddoomiyihii xisbiga UCID, maanu ogayn oo nagalamuu tashanin, waana wax inagu cusub iyo wax u baahan in dib la isaga arko, isaga iyo ciddii la socotayba amakaag bay nagu noqotay, shacbigu iyagaa waxan ilaashanaya oo ku mahadsan, xaqna waxa ay noogu leeyihiin inaanu dareenkooda ilaalino,” ayuu markale yiri Muuse Biixi. Shirkii Soomaalida ee Brussels ayaa waxaa Somaliland ku matalayay Faysal Cali Waraabi iyo Cali Khaliif Galeyr, waxayna la kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ay kala hadleen arimaha Somaliland. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo ka hadlay shirkii Brussels iyo ka qeyb galkii Faysal Cali Waraabe appeared first on Puntland Post.
-
Eritrea has appointed its first ambassador to neighboring Ethiopia in two decades, the government said on Saturday, as the two countries pushed on with a surprise rapprochement. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) _ Ugu horreynba waxaa loo jeediyay eedda ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer ilaalinta ee ka koobneyd xilliyadii uu ku soo qaatay kooxaha argagaixisada ee Alshabaab iyo Daacish uu ka tirsanaa ilaa 2013 ka hor inta uusan soo gelin gacant Ciidamada Amniga oo lagu soo qabtay isagoo ku jiro aasidda miino meel boodka ka ah fadhi ay ku leeyihiin bar kontrool ee ah halka loo yaqaano boo-boodka ee degmada afo’e ee gobalka shabeelaha hoose taariikhda markey aheyd 18/04/2018. Guddoomiayah Maxkamadda D, 1-aad ee ciidamada qalabka sida G/sare xasan Cali Nuur Shuute ayaa weydiiyay Jaamac Xuseen Xasan jiritaanka dambiyada ay soo jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale. Eedeysanaha ayaa ku jawaabay in ay sax tahay ka mid ahaanshiyaha kooxaha arga-gixisada ah balse isku deygiisii ugu horreeyay la soo qabtay isagoo gacanta kula jiro dambi. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa kiiskan ku mashquulsanaa tan iyo markii la soo qabatay ilaa 17/05-16/07 ee sanadkan waxa ayna Intaas keddib xafiiska xeer ilaalinta garsorayaasha weydiisteen in loo ogolaado Maxkamadda in ay hor keeneen caddeymo ay ka mid yihiin qiraalKa eedeysanah, markaatiyaal ay ka mid yihiin ciidamada amniga ee degmada afgo’e ka soo qabtay eedeysanaha’, muuqaallo laga helay gurigiisa sida camero ay ku duubi jireen falalka argagixisada ah oo ay kooxdu geysato iyo agab dheeraad ah sida fiilooyin batariyaal iyo qalab kale oo loo isticmaalo wax yaabaha qarxa. Sharaxaadda baaritaanka eedeysanaha ayaa waxa ku dheeraaday Gaashanle Abuukar weli oo ka tirsan ciidamada amniga gaar ahaan qeybta dambi baarista, waxa uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda in ay ku ogaadeen arrimo ay ka mid yihiin dilal uu ka geystay Boosaaso, dagaallo uu ka qeyb galay ee ka dhacay gobalka Bari ee maamulka Puntland iyo arrimo kale oo la xiriira dhibaatooyinka ay geysteen kooxaha argagixisada ah. Kabtan Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qlabka sida ayaa fadhiga maxkamadda ka hor sharaxay cadeymaha la taaban karo oo isugu jiray muuqaallo iyo agab kale, waxaana daawashada muuqaaladaasi ka muuqday falal argagax leh oo ah muuqaallo laga dhex heley camirada lagu soo qabtay eedeysanaha. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Kaptan Maxamed Cabduqaadir ayaa ka codsaday maxkmadda maadamaa eedeysanaha muddo uu ku qanacsanaa daadinta dhigga in la mid ah inta uu geystay ay ku fuliso maxkamddda. Xeer ilaaliyah guud ee ciidamada qalabaka sida G/sare Cabdullahi Buula kamey ayaa eedda jeedinta dhankooda ah ku soo xiray in falka nuuca duubista ah ee kooxdan geysato uu yahay mashruuc uusan aheyn diin, waxa uuna maxkamadda ka cosaday in lagu fuliyo xukunnada qodobada ay ku soo eedeeyeen uu dhigayo. Dhanka kale qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa ku dooday in markii ugu horreysay ay u aheyd falkan uu geysto shaqsigan ay difaacayeen isla markaana la soo qabtay isagoo wax dhib ah geysan sidaas darteed ay codsadeen in loo naxariisto. Guddoomiyaha Maxkamdda darajada 1-aad ee ciidamada qalaabka sida G sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga maxkmadda, waxa uuna u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha in go’aanka ay dib ka soo saari doonaan.
-
Takuraq (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Saacaddihii lasoo dhaafay ay Madaafiic isku weydaarsadeen ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ee halkaasi ku sugan. Weli mararka qaar waxaa halkaas laga maqlayaa daryanka madaafiicda iyo qoryaha culculus oo ay labada dhinac is dhaafsanayaan Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Madaafiicda ayaa socotay dhowr Daqiiqo waxaana ka dhashay Khasaare Isku jira dhimasho iyo dhaawac. Hal Askari oo ka tirsanaan ciidamada Somaliland ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay Madaafiicda ka dhacday degaanka Tukaraq. Wararka naga soo gaaraya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Saacaddihii lasoo dhaafay ay Madaafiic isku weydaarsadeen ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ee halkaasi ku sugan. Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Madaafiicda ayaa socotay dhowr Daqiiqo waxaana ka dhashay Khasaare Isku jira dhimasho iyo dhaawac. Xiisadaha dagaal ee ka taagan deegaanka Tukaraq ayaanan weli loo helin wax xal ah,waxaana madaxda labada maamul ay Warbaahinta isku-marsiinayaan hadal sii huriyey colaada Tukaraq. Labadda maamul ayaa wali waxa ay ciidamo kusoo daad guureynayaan degaanka Tukaraq , waxaana sidoo kale jira baaqyo ay wali dirayaan waxgaradka labada dhinac. Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa u muuqda in ay si buuxda ugu guuldareysteen joojinta dagaalka degaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa abaabulay dagaalka lagu qaaday Takuraq ee lala galay Maamulka Somaliland. Dad badan ayaa is waydiinayey sababta keentay dagaalka lagu qaaday Takuraq iyadoo loo diyaar garoobayo doorasho sanadka 2019 ka dhacdo Puntland. Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa Camey ayaa wado qorsho cajiib ah oo ay ku doonayaan inay waqti dheeri ah ku darsadaan isla markaasna dib loo dhigo doorashada. Labadaan Mas’uul ayaa ku heshiiyey in dadka Puntland iyo siyaasiyiinta xil doonka ah lagu mashquuliyo dagaalkaas isla markaasna Baarlamaanka la horgeeyo inaan la qaban karin doorasho madaama ay Puntland ku jirto xiisad dagaal. Sidaas ayaana amar lagu siiyey ciidamada Puntland oo weerar ku qaaday Takuraq waxaana muuqato inaan weli laga gaarin wax guul ah taasoo ah ujeedada Gaas uu ka leeyahay dagalkaas. Gaas iyo saaxiibadiis ayaa doonayo inay ku darsadaan ilaa 2 sano xukunka taasoo u muuqato inaysan suurtageli karin maadaama uu loolan adag kala kulmayo musharixiin badan oo u hanqal taagayo inay qabtaan xilkaas. Cabdiweli Gaas ayaa horey u sheegay inuusan xilkaan mar kale usoo tartami doonin balse waxaa hadda muuqato damac weyn oo uga jiro inuu kusii fadhiyo xilka madaxweynimo ee maamulka Puntland. Musharixiinta Puntland ee isku diyaarinayo doorashada ayaa horey uga digay inaan dib looga dhigi karin waqtigii lagu balamay waxayna sheegeyn inay taas keeni doonto jahwareer ku dhaco maamulka. Maamulka Somaliland ayaa horey Puntland ugu eedeysay inay dagaalkaas iyada soo qaaday isla markaasna la rabo in waqti kororsi lagu sameysto. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Gobolka Banaadir waxaa uu mar walbo soo rogaa amarro, laakin intooda badan waxaa adag in ay fulaan sababo la xiriira maamul xumo iyo istiratiijiyad la’aan, amarkii lo’da looga mamnuucay jidadka Xamar oo dhaqan-geli waayey ayaa ugu dambeeyay! Amarradan oo intooda badan ku saabsan qaabka nolosha dadka reer Muqdisho, waxaa la iska soo saaraa iyada oo aan la gelin wadatashi, lagu sameyn wax daraasad ah, taasi ayaana keentay inay guul-dareystaan, oo weliba loo arko wax lagu qoslo!! Haddaba, Akhriso, Sooyaalka Amarro Ay Soo Rogeen Gobolka Banaadir Oo Guul-dareystay. December 4, 2013: Gobolka Banaadir ayaa amray in la dhiso guryaha burbursan“Muddo sadax bil ayay haystaan dadka iska leh guryaha ku yaalla laga bilaabo saldhiga degmada Xamar Weyne ilaa Hotelkii Curuba, iyo dhanka bankiga dhexe ee dalka, marka waxaan leeyahay hala dhisto dhismayaasha bur bursan” sidaa waxaa yiri xogheyaha guud ee gobolka Banaadir, 5 sano kadib guryihii waa sidoodii! October 16, 2015: Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir & Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Muungaab ayaa amray in la bixiyo canshuurta gurayaha, isaga oo ku hanjabay in ciddii diida talaabo laga qaadi-doono, November isla sanadkaas Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) oo jagadaas isna kolkaas hayey ayaa wuxuu muujiyay inaanan waxba laga bedelin lacagihii canshuuraha, ee Maamulkii Muungaab uu ku soo rogay guryaha ku yaala Magaalada Muqdisho, Lacagta waxaa ay aheyd $100, ilaa hadda waxba lagama qaban! January 12, 2016: Maamulka Gobolka Banaadir oo soo Saaray Amaro lagu Mamnuucayo Kawaanadda Xoolaha Lagu qalo ee Ku Yaala Gobolka banaadir. AFhayeenka Gobolka banaadir ayaa Sheegay In Kaliya La isticmaali Karo Laba Kawaan Kaliya Kuwaas oo Kala ah Kawaan Bari ee Degmada Cabdicasiis iyo kawaanka Nasiib Degmada WadaJir ee Gobolka Banaadir, arrintaas looma hoggaansamin! January 17, 2016: Guddoomiya gobolka oo ka hadlayey barnaamijka “Aada dugsiyada” ayaa waxaa uu amar ku bixiyay in ciddii lagu arka iyada oo u dhegsanyahay boor aan afka hooyo ku qorneyn laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, arrintaas waxaa ay noqotay mid aan fulin, oo lagu sheekeysto! April 7, 2016: Yuusuf Xuseen Jimcaale, goddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in magaalada aanu dhex mari Karin gaari aan taarko laheyn, waxaa April 19, 2018 ku celiyay Guddoomiye Yarisow oo kula hadlayey booliiska Iskuulka tababarka ee Jeneral Kaahiye, isaga oo amar ku bixiyay in magaalada laga mamnuucay gaadiidka summad la’aan ah ama aan taarko wadan, amarkaas waxba lagama soo qaadin!! April 15, 2016: Waxaa la go’aamiyay in magaca gobolka laga dhigo Benaadir, Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thabit Abdi oo maalin kadib hadlayey aya sheegay inuusan magac badalin balse uu ku celiyey sidi hore ee loo isticmaalo jiray xiligii hore, ma jirto cid u hoggaansantay! October 3, 2016: Maamulka Gobolka Banaadir Iyo Wasarada Gaadiidka Oo Amray In Gawaarida Ceymis Lagaliyo, amar kale oo November 30, isla sanadkaas soo baxay ayaa lagu joojiyay! March 14, 2017: Shirkadaha biyaha iyo korontada waxaa la amray in aaney lacag ka qaadi Karin xeryaha barakacayaasha, arrintaas lama dhageysan! May 9, 2017: Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar lagu wargalinya wadayaasha gaadidka Muqdisho, kaasi oo ah in aan wadada, Laga Bilaabo KM0-KM4 lagu dhaqi karin Gawaarida, si la mid ahna aan la dhigi karin Gaadiidka, taasi dheg jalaq loola siin! July 7, 2017: Gobolka Banaadir ayaa amray in lacag la’aan lagu geli-doono beerta nabadda, go’aan oo milkiilayaasha ku diideen, waa uu ka laabtay! August 30, 2017: Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in lacag ay ku ganaaxi doonaan qof walbo oo gurigeeda ama xarunteeda ganacsi lagu hor arko qashin wixii ka bilawda 1-da September 2017, ilaa hadda qashinka waa sidiisii! October 30, 2017: Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo in Booyadaha aysan magaalada gudaheeda ku socon karin 7-da subaxnimo ilaa iyo Sideeda Fiidnimo iyo in Gaadiid xamuulka qaada aysan rari karin tan ka badan culeyska gaariga, maadaama rarka xad dhaafka uu dhibaato ku yahay Shacabka iyo gaadiidka jidadka la wadaagaya, ganaaxa waxaa laga dhigay Toban Milyan oo Shilin Soomaali ah (10,000,000), laga fulin! June 14, 2018: Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa amray in la banneeyo goobaha danta guud oo ay ku jiraan darjiinooyinka, isaga oo July 3, baabi’iyay dhammaan heshiisyadii ay la galeen maamulladii isaga ka horeeyay, waa jug jug meeshaada joog! June 19, 2018: Maamulka Gobolka Banaadir Ayaa soo saaray ammar ku aaddan in la burburiyo dhismooyinka sida sharci darrada ah looga dhistay dhulalka hantida guud ee ku yaalla gobolka Banaadir! July 3, 2018: Duqa Muqdisho ayaa amar uu soo saaray 03-da July 2018 ku faray dadka xoolahooda magaalada ku soo dhex daaya, gaar ahaan lo’da inay xafidtaan xoolahooda, isaga oo siiyay 2 todobaad, lo’da weli waa buuxdaa jidadka! Dadka Muqdisho, ma fuliyaan ammarada gobolka Banaadir, waxaana muuqato kalsooni-darro iyo wada shaqeyn la’aan labada dhinac ah, taasi si looga gudbo, waa in gobolka Banaadir la yimaado Istiraatiijiyad maamulka lagu daadejinayo, oo la dhisayo gole deegaan, arrintaas oo wax weyn ka tari-doonta fulinta amarada gobolka iyo inay bulshada helaan adeeggii ay u baahnaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – War cusub oo ku saabsan arrinta xajka ayaa soo baxay taasoo farxad gelin doonto dhammaan dadkii sanadkaan rabay inay xajiyeen kuwaas oo ku jiray xaalad hubanti la’aan ah. Waxaa gababao ku dhow Dagaalkii ka dhashay xajka sanadkan kadib markii dowladda Somalia iyo Ganacsade ahna xildhibaan Siciid Nuur Giriish ay isku qabteen leynka xajka, taasoo keentay hubanti la’aan ku saabsan xajkii Soomaalida ee sanadkan inuu baaqdo. Dowladda Soomaaliya oo wafdi u dirtay Sacuudiga ayaa wadahadal la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Xajka Sacuudiga, waxaana la sheegay inay isla meel dhigeen qorshihii xukuumadda ee ahaa inay iyadu maamusho xajka oo ay kala wareegtay shirkadii Jubba Airways oo uu lahaa Ganacsade Siciid Nuur Giriish. Dowladda Sacuudiga ayaa dalbatay in qoraal rasmi ah uu soo diro Ra’iisal wasaaraha, iyadoo la soo xiriiray Xasan Cali Kheyre, waxayna u caddeeyeen inay ku wareereen qoraallada faraha badan ee uga yimid wasaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya. Waxaa rajo beel ku dhacday Shirkadaha Diyaaradaha ee Freedom Airline, Ocean Airlines iyo East Africa kuwaas oo rabay inay ka qeyb qaataan daabulka Xujeyda sanadkan, kadib markii ay u suurageli weyday inay buuxiyeen dhammaan shuruudihii laga rabay diyaaradaha xujeyda geeya Sacuudiga. Jubba Airways ayaa qaaday Baasabooradii xujeyda si ay fiisooyin loogu soo saaro, waxaana lagu wadaa inay dhowaan shirkadda Daallo ay iyaduna qaado Baasaboorada, waxayna sanadkan u muuqataa inay labadaasi shirkadood ku ekaan doonto qaadista xujeyda. Dowladda Soomaaliya ayaa sanadka dambe rajo ka qabta inay gebi ahaan la wareegto arrimaha xajka, waxaan dagaalkii xajka ee dowladda iyo xildhibaan Siciid Nuur Giriish sanadkan ku dhammaadaya iyadoo ay guushu raacday Ganacsadaha, balse uu noqon doono sanadkii ugu danbeeyay ee macaashka uu ka heli jiray muddo 20 sano ah. Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkaan dadaal dheer ku bixisay sidii ay ula wareegi laheyd Xajka waxaana arrintaas ka dhalatay muran badan oo keenay in xilkii laga qaado Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Waxay hadda u muuqataa inay howsha soo dhamaatay isla markaasna ay Soomaalida sanadkaan u suurtageli doonto inay aadaan xajka kadib maalmo badan oo la murugeysnaa. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Taliye Faarax Galan-gooli Booliska gobolka Nugaal ayaa ka hadlay carqabado dhowr ah oo ka heysta wax ka qabashada amniga caasimada Puntland ee Garowe. Taliyaha Booliska qaybta gobolka Nugaal Faarax Warsame Galan-gooli oo warbaahinta shalay ku hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay haystaan carqabado badan oo ay kamid yihiin duruufo dhaqaale, gaadiid iyo shidaal. Sidoo kale Taliyaha qaybta gobolka Nugaal ayaa sheegay in amni xumada magaalada Garowe ay qeyb ka yihiin ciidamo beeleedada la soo u ruuriyay ee jooga magaalada. Dhaka kale Taliye Galan-goole ayaa dhaliil u jeediyay culumada magaalada Garowe, wuxuuna sheegay in dad Booliska weeraray oo dhaawac u geystay markii cumumada loo gubiyay kiiskoodii dambigii ay saaray askartii waxka qabatay. Bilihii u dambeeyay waxaa shacabka Garowe uu ka cabanayay dhalinyaro hubeysan oo dhac geysta habeen iyo maalinba, kuwaas oo mararka qaar shacabka u geysta dhibaatooyin ay kamid yihiin dhaawacyo. Hoos ka daawo Taliyaha oo arimahaas ka hadlaya PUNTLAND POST The post Booliska Garowe oo cabanaya, dhaliilna u jeediyay culumada appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – War goordhow aan helnay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu qorsheynaayo in safar maalmo qaadan doona uu ku tago magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaalida Ethiopia. Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa la xaqiijiyay in safarkiisa uu yahay mid salka ku haya macluumaad uruurin ku aadan dhanka shaqada maamulka. Abiy Axmed, ayaa u kuurgali doona howlaha uu qabto maamulka Soomaalida Ethiopia, waxaana xusid mudan inuu aad u dhaliilsan yahay shaqada maamulka. Illo wareedyo ka tirsan maamulka Soomaalida ayaa inoo xaqiijiyay in Abiy Axmed uu wado qorsho isbedel loogu sameynaayo maamulka hadda jira ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley). Illo wareedka ayaa intaa kusii daraya in Abiy Axmed uu doonayo in kursiga uu ka laalo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar si uu u helo kalsoonida ONLF. Cabdi Maxamuud Cumar oo dareen ka qaba booqashada Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa dhawaan cafis ka dalbaday shacabka Soomaalida Ethiopia, isagoo xaqiijiyay inay jiraan tabashooyin badan oo aan waxba laga qaban. Dadka Soomaalida ee ku nool magaalada Jigjiga ayaa qudhooda qaba dareen ku aadan in xil ka qaadis lagu sameynaayo Cabdi Maxamuud Cumar oo aan iminka ku taagneyn caga wanaagsan. Sidoo kale, waxaa jira hadal heyn ku aadan in Ra’isul wasaare Abiy Axmed uu doonaayo in kursiga uu hadda ku fadhiyo Cabdi Maxamuud Cumar ku bedelo xubin ka tirsan ONLF, si dowlada Ethiopia ay jawi dagan shidaalka uga soo saarto dhulka Soomaalida oo la ciirciiraya shidaal. Si kastaba ha ahaatee, Abiy Axmed ayaa dhowr jeer Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ku dhaliilay hakin la’aanta dagaalka Soomaalida kala dhexeeya Qowmiyada Oromada, waxaana la ogeyn sida uu xaalku noqon doono. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya cabashooyinka laga muujinaayo jabsashada Emailada qaar kamid ah shaqaalaha dowlada Somalia. Kiiska jabsashada Emailada shaqaalaha ayaa kor u dhaafaya Todobaatan tan iyo wixii ka danbeeyay Bishii June ee aan soo dhaafnay. Qaar kamid ah shaqaalaha laga jabsaday Emailada oo xiriir nala sameeyay ayaa sheegay in lagala baxay Dukumiintiyo sir u ahaa, Sawirro iyo macluumadyo kale oo ay ka gaabsadeen. Dadka laga jabsaday Emailada ayaa waxaa kamid ah Shaqaale Wasaaradeed, Shaqaale ka howlgala Xarunta Villa Somalia iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka Dowlada oo intuba lagala baxay macluumaad sir u ahaa. Shaqaalaha Wasaaradaha ee Emailadooda lagala baxay macluumaadka ayaa waxaa sidoo kale ku jira Guddoomiye waaxeedyo dhowr ah, sida ilaa iyo hadda aan xogta ku helnay. Sidoo kale, Jabsashada ugu badan ayaa waxaa lagu eedeeya shaqsiyaad doonaya inay madax furasho, kuwaasi oo shaqaalaha ka dhex xusha kuwooda ugu dhaqaalaha badan, iyadoo haddii ay waayan ku goodiya inay faafinayaan macluumaadka ay ka hayaan. Si kastaba ha ahaatee, talaabada ceynkaani ah ayaa shaki ka dhex abuureysa shaqaalaha Dowlada, waxa ayna meesha ka saareysaa in macluumaad lagu keydsado Emailada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (HOL) - One person has been killed after a bomb fitted in a vehicle went off Saturday morning in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Wararka ka imaanaya dalka koonfur Afrika ayaa ku waramaya in Muwaadin Soomaaliyeed xalay lagu dilay Magaaladda Cape Town ee dalka koonfur Afrika. Husein Barrow Mohamed, ayaa xalay lagu dilay Magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika. Marxuumka, ayaa allaha u naxariistee waxaa rasaas Wadnaha kaga dhuftay Tuugo madow ah xilli uu kasoo dagay gaari islamarkaana uu doonayey inuu galo dukaankiisa oo ku yaalla Tuulada Kwzakele oo hoos tagta PE, sida uu xaqiijiyay Luqman Ali Kafow oo ka mid ah Ganacsatada deegaanka oo ay si weyn isku yaqaaneen Marxuumka. Inkastoo uu jiro baaritaan ay Police-ku wadaan, misana dableyda falkani gaysatay ayaa durbaba goobta ka baxsaday, lamana sheegin wax dhac ah ama khasaaro kale ah oo halkaasi ka dhacay. 48-saac ka hor ayey aheyd markii Ala ha u naxariistee Cabdi Muxudiin Jimcaale lagala dagay gaari Caasi ah kadibna lagu toogtay Khaliija Magaaladda Cape Town. PUNTLAND POST The post Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay South Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa xirtay wadooyin hor leh oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Waddooyinka la xiray ayaa dhexmara xaafadaha kuwaa oo ay isticmaali jireen Mootooyinka iyo Gaari gacanada ay wataan xoogsatada. Waddooyinka oo lagu suray biro dhaadheer ayaa ah kuwa kasoo baxa xaafadaha oo gala laamiyada Makka Al-Mukarama iyo laamiyada kale. Waddooyinka la xiray ayaa dhibta ugu badan waxaa kala kulma dadka shacabka iyo xoogsatada sida wadayaasha mootooyinka iyo gaari gacanada, waxa ayna talaabadaani cuuryaamisay dadka masaakiinta ah, sida ka muuqata. Talaabadani lagu xiraayo waddooyinka ayaa waxaa leh Hay’adaha amaanka dowlada oo aan dhag jalaq usiin dhibta ay la kulmaan shacabka xilli Madaxweyne Farmaajo maalin un ka hor uu amray in la furo wadooyinka xiran. Madaxweynaha ayaa amray muddo 48 Saacadood gudahood ah in la furo wadooyinka Muhiimka ah ee ku yaalla Muqdisho ka dib markii uu dhawaan kulan la qaatay guddiga Amniga Qaranka. Waxaa muuqata in uusan hirgalin Amarkii Madaxweynaha ee ahaa in la furo wadooyinka xiran, si aan shacabka loo dhibaateyn.
-
Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay,saddex kalena waa ku dhaawacantay,qarax gaari oo saaka ka dhacay meel u dhow taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Haweeney iyo laba wiil oo ay dhashay ayaa la sheegay in qaraxa loogu xiray gaarigooda oo marayay agagaarka Daljirka Dahsoon,waxaana halkaasi ku dhintay mid kamid ah wiilasha oo gaariga darewal ka ahaa,halka ay ku dhaawacmeen labadii qof ee kale. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qaraxan mid kamid ah dadkii wadada marayay,sida ay sheegeen goobjoogayaal,taasoo tirade dhaawacyada ka dhigaysa saddex ruux. Ciidamada amniga magaalada Muqdisho ayaa haatan baaritaan ka wada goobta qaraxu ka dhacay,waxaana saraakiishu sheegeen in ay gadaal ka faahfaahin doonaan sida wax u dhaceen. PUNTLAND POST The post Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax gaari lagu xiray ayaa waxa uu ka dhacay nawaaxiga taalada Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere. Qaraxa ayaa dhacay xilli gaariga uu halkaasi maraayay, iyadoo nooca qaraxa uu ahaa midka loo yaqaan dhajiska ee Baabuurta lagu dhajiyo. Qaraxa ayaa sida la sheegay waxaa ku dhintay wadihii gaariga, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay laba ruux kale oo la soctay xiliga Qaraxa. Gaariga qarxay ayaa noociisa wuxuu ahaa midka Somalida u taqaan Viller, waxaana lasoo sheegayaa inay kusii jeeden goobtooda shaqo. Qaraxa kadib goobta waxaa gaaray Ciidamada Miini baarista iyo Ciidamo kale oo hubeysan, kuwaasi oo Meyd ahaan goobta uga qaaday darawalkii waday gaariga iyo dhaawaca labo ruux oo dumar ah iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaanada la xiriira Qaraxa. Geesta kale,Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo labadii todobaad ee la soo dhaafay maalmihii Sabtidii ay dhaceen qaraxyo iyo dagaal toos ah oo Shabaab ay soo qaadeen, halka maanta oo Sabti ahna aroor hore qaraxaan uu dhacay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
With the endless political crisis and the scathing resolution by the EU Parliament that portrayed Somali leadership as autocratic, one would think the Somalia Partnership Forum in Brussels would bring about good luck for the Federal Government of Somalia (FGS). Source: Hiiraan Online
-
Somalia’s Islamist militant group al Shabaab has captured a small but strategic town 100 km (60 miles) south of Bosaso city in the semi-autonomous Puntland region, a military officer, al Shabaab and residents said on Friday. Source: Hiiraan Online