Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,144
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dowlada Somalia ayaa wada qorsho amniga Isgoosyada magaalada Muqdisho loogu wareejinayo ciidamada Militeriga. Qorshahan oo markiisa hore ka imaaday Xafiiska Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa lagu doonayaa in dhamaan Isgoosyada magaalada Muqdisho la geeyo ciidamada Militeriga qeybta 14 October. Ciidamadan ayaa booska kala wareegi doona kuwa Xasilinta oo muddo ku dhow 5 bil gacanta ku hayay amniga magaalada Muqdisho kuwaa oo iminka laga qaaday isgoosyadii ay kaga sugnaayen magaalada. Ciidamada Militeriga ee lagu wareejin doono Isgoosyada Muqdisho ayaa caqabad dhanka amniga u horseedi doonta, waxaana xusid mudan in bilihii ugu danbeeyay ay dadku maqlayeen ciidamada xasilinta oo Hubka ka dhigaaya kuwa Militeriga. Haddaba qorshaha lagu doonayo in amniga magaalada Muqdisho loogu wareejiyo ciidamada Militeriga ayaa waxaa ka dhalankara caqabado lid ku ah amniga kuwaa oo kala ah: 1-Isku dhacyada ciidamada Militeriga ee lagu wareejin doona isgoosyada iyo kuwa xasilinta oo kordhaya. 2-Ciidamada Militeriga oo fursada loogu gacan galshay amniga Muqdisho uga faa’iideysan doona kuwa xasilinta oo bishii ramadaanka hub ka dhigis ku sameeyay inta badan ciidamada Militeriga ee hubka ku dhex heystay Muqdisho. 3-Al-Shabaab oo fursad weyn u heli doonta in magaalada Muqdisho ay ka geystan weeraro maadaama ay heystan dareeska ciidamada la filaayo in lagu wareejiyo amniga Muqdisho. 4-Ciidamada Militeriga ee ka cabsan jiray Hub ka dhigista oo fursad u heli doona inay dib ula soo baxaan Hubkooda, maadaama amniga Muqdisho ay la wareegi doonaan. Sharci ahaan ciidamada Militeriga ayaa loogu tallo galay inay ka shaqeeyan Gobolada iyo Xuduudaha dalka, iyadoo habdhaqankooda uusan aheyn mid munaasib ku ah magaalada. Sidoo kale, dilalka ugu badan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa geysta ciidamada Militeriga oo iyagu doonaya in gudaha magaalda ay ugu dhaqmaan sida Gobolada waxa ayna inta badan dilaan dhalinyarada wata Mootooyinka. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia kuma aysan fakerin dhibta ka dhalankarta in amniga isgoosyada Muqdisho lagu wareejiyo ciidamada Militeriga oo gabay shaqooyinkii loogu talo galay ee xoreynta Gobolada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. France and Germany acknowledge the escalating nature of an emerging “trade war” with Washington; the US now stands alone against China. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Alshabaab ayaa degmada Jamaame ku soo bandhigay maxaabiis iyo meydad ee ay sheegeen inay ku soo qabteen dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo. Fagaare ku yaalla degmada Jamaame ayey Alshabaab ku soo bandhigeen meydadka lix askari iyo laba maxbuus oo ay ku qabsadeen dagaalkii Baar Sanguuni, waxaana halkaasi isugu soo baxay dadweyn fara badan. War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu caddeeyay inay gacanta ku hayaan laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Dowladda Somalia ee Mareykanku tababaray kuwaas oo dagaal ku qabsatay saldhig melleteri oo kuyaal deegaanka Baar Sanguuni shalay. Lama shaacin magacyada maxaabiista, lamana oga waxay ka yeeli doonaan Alshabaab, laakiin warar hore u soo baxay ayaa sheegaya in dadka lagu waayey dagaalkii Bar Sanguuni uu ka mid yahay taliyihii saldhigga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.cim
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Inta badan suuqyada magaalada Muqdisho ee Hubka lagu iibiyo ayaa waxaa lagu arkayaa Hubka noocyada fudud oo la kala iibsanaayo. Suuqyada cirtoogte, Soobe iyo suuqa yar ee ku yaala dhabarka danbe ee dhismihii hore Wasaarada Amniga ayaa lagu arkayaa bastoolado ay ku jiraan sanaadiiq yaryar oo la kala iibsanaayo. Dadka ugu badan ee Hubka iibsanaaya iyo kuwa laga iibinaayo aya isugu jira Askar, Dhalinyaro u shaqeysa dowlada iyo Ganacsato, waxaana lasoo warinayaa in Hubkaani ay yihiin kuwo ku cusub suuqyada magaalada Muqdisho. Suuqyada lagu iibiyo Hubka oo ku furan sifo sharci darro ayaa halis ku ah amniga iyo xasiloonida magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in xitaa maleeshiyaadka A-Shabaab ay halkaa ka iibsadan hubka ay ku fuliyaan dilalka iyo Bam gacmeedyada. Dowlada Somalia oo u muuqata mid aan ka warqabin waxyaabaha ka socda suuqyada Hubka ayaa muddo dhowr jeer ku goodisay in magaalada ay ka uruurin doonto Hubka sharci darada ah. Sidoo kale, Dowlada Somalia ayaan ka warqabin halka uu ka imaaday Hubka lagu kala gadanaayo suuqyada Muqdisho iyo qorshooyinka laga leeyahay iibsashada Hubkaas. QAAR KAMID AH SAWIRADA LAGA SOO QAADAY HUBKA KU CUSUB MUQDISHO
  5. Nairobi (Caasimada Online)-Warbaahinta dalka Ethiopia ayaa aad u hadal heysa weerar lagu dilay darawal Soomaali ah oo la shaqeynaayay Wargeyska The Reporter oo hoos taga Hay’adda Warbaahinta Dire Dawe Mass Media Agency. Marxuum Sulaymaan Axmed oo ah marxuumka la dilay ayaa da’diisa lagu sheegay 37 jir dhalay 3 carruur ah. Wargeyska The Reporter waxa uu qoray in ay Dhallinyaro ka soo jeeda Oromadda ay jid gooyo u dhigteen gaariga uu waday marxuumka oo ay ku dhufteen jug culus oo sababtay geeridiisa. Darawalkan Soomaaliga ah ee u shaqeynaayay Wargeyska ayaa la sheegay in xiliga weerarka lagu dilay uu kusii jeeday magaalada Addis Ababa si warbixin isaga iyo wariyayaal la socday ay uga soo diyaariyan Safarka Madaxweynaha Eriteria Issias Afwerki uu ku gaaray Addis Ababa. Qoraal kasoo baxay Hay’adda CPJ ayaa waxaa dowlada Ethiopia looga codsaday in dambiilayaasha weerarka geystay la hor keeno Caddaaladda, laguna ciqaabo dilka ay geysteen. Weerarka lagu dilay muwaadinkaan Soomaaliga ah ee ka shaqeynaayay Wargeyska The Reporter ayaa dhacay bishan July 13-dii xili uu gaariga maraayay Degmadda Meiso ee Dowlad gobaleedka Oromadda ee Bariga Ethiopia. Marxuum Sulaymaan Axmed waxa uu dhaawaca soo gaaray u geeriyooday bishan July 19-dii kadib markii uu galay Koomo. Sidoo kale, wargeyska ayaa qoray in marxuumka uu Wargeyska The Reporter u shaqeynaayay muddo Shan sano ah sida lagu xusay qoraalka. Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed iyo xukuumadiisa ayaa loogu baaqay inay baaran dhacdadaasi laga argagaxo, isla markaana si dhab ah loo baaro Dembiilayaashii dilay Marxuum Suleymaan Axmed. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  6. Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Af-urur ayaa sheegaya in halkaa maanta laga dareemayo xiisad dagaal oo u dhexeysa ciidamada maamulka iyo Al-Shabaab. Wararku waxa ay tibaaxayaan in deegaano ku dhow dhow Af-urur ay goor dhow ka dhaqaajiyeen gaadiid dagaal oo ay la socdaan ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan Militeriga maamulka Puntland. Ciidamada u dhaqaaqay deegaanka Af-urur ee ku jirta gacanta Al-Shabaab ayaa wata gaadiid dagaal oo kor u dhaafaya labaatan kuwaa oo la doonaayo in lagu qabto deegaanka. Af-urur waxaa xiligan ka taagan xaalad kacsanaan kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka ay fariisimo ka dhigteen deegaano dhinaca ku haya Af-urur oo dadkii degnaa ay ka barakaceen. Sidoo kale, maleeshiyada Al-shabaab oo ka war helay is uruursiga ciidamada maamulka ayaa lasoo sheegayaa in iyana dhankooda ay dhaq-dhaqaaq kawadan gudaha deegaanka Af-urur. Maleeshiyada ayaa sidoo kale Hubka culus ku xirtay dhamaan daafaha deegaanka kuwaa oo la doonaayo in loo adeegsado duqeymaha. Dhinaca kale, maleeshiyada Al-Shabaab oo ay soo foodsaartay cabsi dagaal ayaa wada gaaf meer ay uga gaashamanayaan ciidamada Puntland ee duulaanka ku ah. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  7. Addis Ababa (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka dalka Ethiopia ayaa lagu soo waramayaa inay gacanta ku dhigeen saanad Militeri iyo dadkii waday. Saanada ay qabteen ciidamada ayaa la xaqiijiyay inay la soctay lacag iyo Hub farabadan oo la doonayay in si qarsoodi ah lagu galiyo dalkaasi. Lacagta ay ciidamada amaanka Booliska gacanta ku dhigeen oo dollar aheyd ayaa la xaqiijiyay inay gaareyso malaayiin dollar oo aan wali la xaqiijin halka ay ku soctay. Waxa sidoo kale ay booliiska gacanta ku soo dhigeen hub fara badan oo dalka lagu galinaayay qaab qarsoodi ah, waxaana si gaara Hubka gacanta ugu dhigay Sirdoonka dalka Ethiopia. Hubka iyo lacagta ayaa la sheegay in lagu soo qabtay howlgal laga sameeyey gudaha iyo daafaha Ethiopia waxaana gacanta ku hayay xubno kawada tirsan hal shabakat. Waxa ay arrintan ay ku soo aadeysaa xili ay sii xoogeysanayaan colaadaha u dhaxeeya qowmiyada Oromada iyo Soomaalida kaa oo ka taagan deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia. Dhinaca kale, waxa ay Ethiopia marti galineysaa weeraro Qaraxyo oo aan horay looga baran iyadoo ay xusid mudan tahay weerar dhawaan lala eegtay Ra’isul wasaaraha dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in laga yaabo in maalmaha soo aadan xil sarre loo magacaabo Shariif Sheikh Amiin, oo ah shaqsi aqoon durugsan u leh howlaha ammaanka. Shariif Sheikh Amiin oo horay Lataliye ugu soo noqday Taliyihii hore ee Ciidamada Booliiska Soomaaliya General Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid). Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in laga yaabo in Mudane Shariif Sheikh Amiin loo magacaabo xilka Lataliyaha Ammaanka ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo sidoo kale ay jiraan warar hoose oo sheegaya in loo dhiibi karo xilka Taliyaha Booliska Soomaaliya. Shariif Sheikh Amiin ayaa ah shaqsi aqoon durugsan u leh Howlaha Ammaanka, isagoo dhowr xil oo dhanka ammaanka ah kasoo qabtay dalka Mareykanka. Mudane Shariif Amiin ayaa ula muuqda Madaxda Sarre ee Dowladda Dhexe, midka dalka ka saari kara xaaladaha isku qasan ee dhanka ammaanka. Hoos ka daawo warbixin kooban oo ku saabsan taariikhda iyo aqoonta uu dhanka ammaanka u leeyahay Shariif Sheikh Amiin.
  9. Kenya has significantly improved its aviation safety standard, solidifying its Category 1 status that allows for direct flights between Nairobi and New York, US. Source: Hiiraan Online
  10. Ethiopia are set to play Eritrea in a friendly soccer match, the state-affiliated Fana news agency reported on Monday, weeks after a dramatic end to a 20-year old war between the two east African states. Source: Hiiraan Online
  11. Yemen is close to famine after a 25 percent increase in levels of severe hunger this year and an offensive on the main port city of Hodeida, a lifeline for millions, humanitarian organizations warned Monday. Source: Hiiraan Online
  12. Clutching the bloodstained student ID card and post-mortem certificate of his younger brother, Abedir Jamal’s elation at the huge changes underway in Ethiopia is tempered by his fear that they won’t reach him. Source: Hiiraan Online
  13. More than 450 immigrant parents who were separated from their children when they entered the United States illegally are no longer in the country though their children remain behind, according to a joint court filing on Monday by the federal government and the American Civil Liberties Union. Source: Hiiraan Online
  14. The decision by Ethiopia and Eritrea to abandon war paths for peace and re-establish diplomatic and economic links has gotten everyone’s praise. Source: Hiiraan Online
  15. Garissa Governor Ali Korane yesterday told local charity organisations and donors to support orphanages. Source: Hiiraan Online
  16. Authorities in Ethiopia should investigate an attack on a news crew from the state-owned Dire Dawa Mass Media Agency that led to the death of the crew's driver, Suleiman Mahamed, and ensure that the perpetrators are brought to justice, the Committee to Protect Journalists said today. Source: Hiiraan Online
  17. Aged just 16, Abdishakur Mohamed confidently presented his latest work to the Hargeisa book fair, an event that has transformed Somaliland's literary scene over the past decade. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Jahwareer xooggan ayaa ka jira hay’adda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda Soomaaliya, oo dhowaan ku xigeenadeeda shaqada laga ceyriyey, islamarkaana shaqaalo badan shalay ceyrisay. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in shaki weyn uu ka dhex jiro hay’adda dhexdeeda, ayada oo taas ay dheer-tahay loolan dhanka awoodda ah oo hay’adda ka dhex socda. Xubnihii shalay la ceyriyey hay’adda oo gaaraya illa a70 askari ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay nadiifin laga dhex wado hay’adda. Waxaa jira warar sheegaya in xubno ka mid ah hay’adda ama laga ceyriyey looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin koxoda Al-Shabaab, ayada oo xubno badan oo hay’adda u shaqeeya ay yihiin saraakiil ama maleeshiyo hore uga tirsanaa Al-Shabaab. Tuhunka hay’adda ka dhexjira ayaa sii xoogeystay markii dhowaan la jabsaday xafiiska taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda Cabdalla Cabdalla, ayada oo warbaahinta lagu baahiyey sawirro arrintaas muujinaya. Xubno ka tirsan hay’adda oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u sheegay in dokumentiyo ay ku qoran yihiin sir aan la dooneyn inay banaanka u baxdo laga baxsaday xafiiska, ayada oo laga cabsi qabo in Cabdalla Cabdalla uu gudbiyo sirtaas Inkasta oo aysan caddeyn wax ay tahay sirtaas, ayaa haddana la rumeysan yahay inay tahay arrimo ceebeeyn kara qaar ka mid ah xubnaha sare ee hay’adda. Dhinaca kale waxaa jira khilaaf ka dhex oogan ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre iyo taliyaha hay’adda Xuseen Cusmaan Xuseen, oo ku saabsan hab maamulka hay’adda. Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay in inta badan arrimaha hay’adda uusan kala haldin taliyaha balse uu xiriir hoose oo dhow la leeyahay qaar ka mid ah xubnaha ka hooseeyaa, gaar ahaan kuwa qaabilsan gobolka Banaadir. Arrintan ayaa la sheegay in taliyaha uu marar badan kala hadlay Kheyre, ayna u dambeysay markii dhowaan hub uusan ogeyn ay Jabuuti ka keeneeyn xubno ku xiran ra’iisul wasaaraha oo hay’adda ka tirsan. Arrimahan oo idil ayaa imanaya ayada oo bishan ay dhowr weerar oo culus ay kooxda Al-Shabaab toddobaadyo is-xiga ka fulisay Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan ciidamada Militeriga waxaa aad loo adkeeyay amniga Xerada Turkiga ee ku taalla duleedka magaalada Muqdisho. Xeradani oo ay ku jiraan Saraakiil Turki ah iyo ciidamo Soomaaliyeed oo halkaa tababar uu uga socdo ayaa waxaa laga cabsi qabaa in weerar ay ku qaadan maleeshiyaadka Al-Shabaab. Banaanka xerada iyo gudaheeda ayaa waxaa lagu arkaayay ciidamo dheeri ah, halka qaarna ay gaaf meerayeen banaanka xerada kuwaa oo meelo fog ka ilaalinaaya amniga. Adkeynta amniga Xerada ayaa waxaa sidoo kale ka qeybqaadanaya diyaaro nooca loo yaqaan Helikobter-ka kuwaa oo dhowrkii saacba mar gaaf meeraya eeryada xerada. Sidoo kale, maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer ku goodisay inay weerar ku qaadi doonto Xerada oo lagu diyaariyo ciidamo khaas ah. Geesta kale, ciidamada Turkida ee ilaaliya Xerada ayaa aad uga feejigan weerar kaga imaada dhanka Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weerar ku ekeeyay xero ay si wada jir ah u degenaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta 43-aad iyo kuwa Jubbaland, waxaana weerarkaas kasoo baxaya warar dheeraad ah. Waa markii sedexaad oo xaruntaasi weerar lagu qaado muddo bilo ah tan iyo intii ciidamada ay saldhig ka dhigteen halkaas. Weerarkii shalay waxaa loo adeegsaday labo gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana xigay dagaal fool ka fool ah o oculus. Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo muhiim ah oo Jubbaland ka tirsan, Alshabaab ayaa gabi ahaanba la wareegay xerada Baar Sanguuni, iyaga gubay teendhooyinkii ay ciidanka ku hoyanayeen, waxaana goobta isaga baxay askartii dowladda. Inkasta oo aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijinaya, haddane illaha aan la hadalnay ee Jubbaland waxa ay xaqiijinayaan geerida afar askari iyo dhaawacyo aysan tiradooda sheegin. Hase yeeshee wasiir ku xigeenka warfaafinta dowladda Federaalka Aadan Isaaq Cali ayaa wakaaladda wararka ee SONNA u sheegay in dagaalka lagu dilay 87 dagaalamayaal oo Alshabaab ka tirsan. Wuxuu intaas ku daray in ay ku raadjoogaan firxadka Alshabaab. Dhanka Alshabaab, shabakad dhankooda u janjeerta ayaa tabisay in weerarkii Baar Sanguuni ay ku dileen 27 askar. Iyaga oo soo xiganaya Afhayeenka Alshabaab Cabdicasiis Muscab, ayay shabakatu tabisay in sidoo kale ay meesha ka rarteen saanad militari. Illaha ay BBC-da la hadashay waxa ay sheegeen in askarta dowladda kaga dhintay uu ka mid yahay korneel ciidamadda xoogga dalka oo isagu maamulayay ciidanka meesha joogay iyo haweenay la gawracay. Balse ma jiraan illo madax banaan oo taas xaqiijinaya. Waxaa sidoo kale oo ka sheegay askar ay Alshabaab horey usii wateen iyaga oo nool sida ay illahani sheegayaan, balse dhanka Alshabaab ma jiraan wax warar ah oo kasoo baxay. Weerarka ayaa yimid xilli taliyihii qeybta 43aad ee ciidanka xoogga ee fadhigoodu yahay Kismaayo Jeneraal Ismaaciil Saxardiid xilkii laga qaaday, mas’uulkii lagu soo badalay Jeneraal Cali Bagmadowna laga celiyay garoonka Kismaayo kadib markii ay Jubbaland saluugtay qaabka loosoo magacaabay. Wararka kale ee soo baxaya ayaa sheegaya in unug ciidan ah oo sahan ku maqnaa la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen. Waa meel caynkee ah Baar Sanguuni? Halkan waa meesha ay marto xariiqda dhulbaraha adduunka, waxaana saldhig ciidan uu ku yiilay illaa biloowgii sanadkan, xilligaas oo waxoogaa horu socod ah sameeyeen ciidamada dowladda ee kala ah kuwa federaalka iyo kuwa Jubbaland. Magaalada Kismaayo ayay kaga beegantahay dhanka waqooyi, dhawaan ayaa waxaa soo baxay sawirro muujinaya taalladii dhulbaraha oo dib dayactir loogu sameeyay, waxaana sawirka ka muuqday ciidamo Jubbaland oo hubeysan. Taallada ayaa la mariyay rinjiga buluugga ah ee calanka Soomaaliya, dushana laga suray xiddigta shanta gees. Meel aad ugu dhow taallada ayay xerada ku taalaa, waxaana sanadkan kaliya xeradaas lagu qaaday saddex weerar. Shabakadaha Alshabaab taageera ayaa xeradan ku tilmaamay meel ay ciidamada Maraykanka dajiyeen askarta Soomaalida. Bishii hore, taliska Afrika ee ciidanka Maraykanka ayaa qirtay in askari looga dilay meel u dhow Baar Sanguuni. Waxaa kale oo weerarkaas lagu dhaawacay afar ciidamada Maraykanka ah. Isha: BBC
  21. Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa ka digay in dowlada Somalia ay ka weecato Heshiisyada lagu galay shirkii magalada Brussels. Cabdiweli Gaas, waxa uu sheegay inuu aad uga cabsi qabo in dowlada Somalia ay wax kama jiraan kasoo qaado Heshiiska, waxa uuna cadeeyay haddii ay taasi dhacdo in meesha ay ka bixi karto kalsoonida. Waxa uu Cabdiweli Gaas cadeeyay in Puntland ay ku khasban tahay inay dhaqan galiso heshiiska si buu yiri looga gudbo Isfahan darro soo kala dhexgasha dowlada iyo maamulka. “Waa nasiib darro haddii ay dhacdo in dowlada Somalia ay ka baxdo Heshiiska, waayo waxaa muhiim ah in si wada jira loo dhaqan galiyo qodobada kasoo baxay shirka Brussels. Cabdiweli Gaas oo dib ugu laabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in shirkaas uu ahaa mid dan weyn ugu jirto dadka Soomaaliyeed,isla markaana dhammaan qodobadii ka soo baxay ay ahaayeen kuwo xilligaan u baahan yahay dalka. Sidoo kale, waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Madaxda Soomaalida ay fuliyaan qodobadii ka soo baxay shirka magalada Brussels taas oo uu rajeynayo in dalkaan uu wax badan isbedeli doono hadii sidii loogu heshiiyey loo fuliyo. Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayuu ku booriyay inay la tashi la sameyso maamulada ka jira dalka si loo wada dhiso dalka. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  22. Hague (Caasimada Online) – Maxkmadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ ayaa shalay ridda xukun ka dhan ah dalka Imaaraadka Carabta, ayada oo dalkaas ugu baaqday inuu mideeyo qoysaska reer Qatar, islamarkaana joojiyo xadgudubka jinsi ee ka dhanka ah. Imaaraadka, Sacuudiga, Masar iyo Bahrain ayaa horey ugu midoobay isbaheysi ka dhan ah Qatar, ayaga oo dalkaas saaray xanibaad dhinaca dhulka, hawada iyo badda ah, markii ay ku eedeeyeeyn Doha inay taageerto argagixisada. Sanad kadib xanibaaddaas ayaa Qatar ay dacwad ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay maxkamadda ICJ, ayada oo Imaaraadka ku eedeysay midab takoor ka dhan ah dadka u dhashay Qatar. Xukunka maxkamadda ee shalay ayaa dhigaya in qoysaska Qatar ee ay saameysay xanibaadda loo ogolaado inay sii wataan waxbarashadooda dalka Imaaraadka Carabta, ama la siiyo dokumentiska ay u baahan yihiin, si ay waxbarashada uga sii wataan meelo kale. ICJ ayaa sidoo kale ku amartay in dadka Qatar ay helaan nidaam cadaaladeed. Qatar iyo Imaaraadka ayaa labadaba saxiixay xeerka caalamiga ah ee baabi’inta nooc kasta oo midab takoor ee loo soo gaabiyo CERD. Masar, Sacuudiga iyo Bahrain, ma saxiixin xeerkan, sidaas darteed laguma dacweyn karo. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  23. Hargeysa (Caasimada Online) – Wakiilada maamulka Somalilad ayaa ka digay in deegaanada maamulka ay dib ugu soo laabtan Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif oo dhawan magaalada Brussels kula kulmay Madxaweynaha Somalia. Xildhibaanada ayaa sheegay in labadaasi mas’uul ay lamid yihiin shaqsiyaadka ka tirsan dowlada Somalia ee sida joogtada ah u dhiirigaliya Somalia, sida ay hadalka u dhigeen. Xildhibaan C/qaadir Maxamed Xasan “Indho indho” oo kamid ah Golaha Wakiilada ayaa sheegay inaanu suuroobeynin in mas’uuliyiinta qaar laga mamnuuco Somaliland Feysal iyo Cali Khaliina ay dib ugu soo laabtan Somaliland. “Waa arrin khalad ah in Feysal Cali iyo Cali Khaliif ay dib ugu soo laabtan Somaliland, waa inay ka khuustan dalka oo ay aadan xamar maadaama uu jiray go’a hore oo Somaliland looga mamnuucay shaqsiyaadka amar la’aanta la kulma Madaxda Soomaalida” Waxa uu Xildhibaan C/qaadir Indho Indho sheegay inay khalad tahay in sharciga uu qabto keliya dadka caadiga ah, isla markaana uusan qaban kuwa lamidka ah Feysal iyo Galeyr. Sidoo kale, Muuse Biixi ayuu ugu baaqay in go’aan degdeg ah uu kasoo saaro Feysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif, si buu yiri loo dhaqan galiyo sharciga. Haddalka Xildhibaan Indho Indho ayaa u muuqanaaya mid danbi loogu abuurayo Guddoomiye Faysal Cali iyo Mr Galeyroo shirki Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Talaadadi lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Brussels ee dalka Belgium kula kulmay Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  24. Gaariga madaxtooyada Puntland lagala baxsadayTaliyihii ilaalada rugta laanta socotada ee Madaxtooyada Puntland ayaa la baxdasay gaarigii martida iyo hub fudud, sida ay ogaatay PUNTLAND POST. Cabdifitaax Yemeni oo ahaa tiliyihii ciidamada rugta laanta soctada ee Madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa 23 bishan July 2018, la baxsaday gaarigii martida madaxtooyada Garowe oo noociisu ahaa Lancheser V8 Wakaalad ah, 6 qori oo AK47 ah iyo 5 Baaskooladood. Taliyaha la baxasaday gaariga iyo hubka madaxtooyada oo ay isku heyb ahaayeen Mudane Madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa la aaday tuulada Balli-busle oo ku taala koonfurta bari ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana la sheegay in uu iibsaday gaarigii iyo hubkii. Odayaasha deegaanka Balli-busle oo arrintani markii ay soo gaartay galay ayaa ku guuleystay in ay gaarigii gacanta ku dhigaan, kadib markii ay si khasab ah uga qaadeen Rag sheegtay in ay 40 kun oo doolar ($40,000) ku iibsadeen. Odayaasha deegaanka Balli-busle ayaa maanta gaarigii lagala baxsaday madaxtooyada Puntland ee Garowe keenay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan madaxtooyada, ilaa iyo hadana lama hayo tiliyihii la baxsaday meel uu jaan iyo cirib dhigay, sidoo kale waxaan la heyn hubkii. La baxsadka gaariga iyo hubka fudud ee madaxtooyada Puntand ayaa la sheegay in ay ka dambeysay kadib markii taliyahaasi helay warar sheegaya in laga qaadayo xilka taliyenimo ee uu kahayo madaxtooyada Puntland. Gaarigan ayaa lagu soo dhaweyn jiray madaxda martida u ah Puntland, wuxuuna kamid ahaa ku dhawaad 60 gaari oo noocaas ah oo dowladda Imaaraatka Carabta ay ugu deeqday Puntland, kuwaas oo hadda intoodii badnaa ka baxay gacanta musuuliyiin ay dowladdu siisay, kadib markii laga iibiyay dad degan deegaanka Soomaalida Itoobiya ee xadka la leh gobolka Mudug. Gawaarida noocaan ah oo Itoobiya qaali ka ah ayaa warar xog ogaal ah oo ay heshay PUNTLAND POST sheegeen in gaari walba deegaanka Soomaalida Itoobiya laga siiyay lacag dhan 50 Kun oo doolar ($50, 000) oo ay kala baxeen Rag masuuliyiin ah oo loo qeybiyay gawaaridan loogu deeqay Puntland. Xukuumadda Puntland ayaa bishii la soo dhaafay ee June 2018 sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadayo cidii ku xad gudubta gaadiidka dowladda, sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa wasaaradaha maaliyadda iyo howlaha guud iyo gaadiidka ku amray in ay soo gudbiyaan warbixin tafatiran oo la xiriirta adeegsida iyo dabagalka gaadiidka dowladda. Puntland ayaa waxaa ka dhaca in hanti dowladeed lagu takrifalo, mana jirto cid ilaa iyo hadda tallaabo ka qaaday arrintaas. PUNTLAND POST The post Puntland:- Taliye gaari iyo hub kala baxsaday Madaxtooyada Garowe appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahisay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia ayaa shaqada ka erisay askar dhawaan loo soo xiray tababar. Askarta laga eryay shaqada oo maanta ku hor banaanbaxay afafka hore ee Xarunta Villa Somalia ayaa ku qeyla dhaaminaayay in dowlada Somalia ay wado u bixiso. Askartan ayaa sheegay in lagu amray inay kabaxaan xerada loogu soo xiray tababarka isla markaana aadan guryahooda waxa ayna tilmaameen in dowlada Somalia ay naftood halis galisay. Mid kamid ah askartaasi oo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa yiri “Waxaanu aheyn 70 Askari ku tababartay xaalad xun waxaa nasiib darro ah inaan xiliga aan soo dhameysanay tababarka nalagu abaalmariyay shaqo ka eryin” “Sedex bil ayaan jiifan jirnay carada waxaanu nooleyn raashiin xumo iyo dhibaato aan ugu dhabar adeegi jireen inaanu badbaadin doono dalkeena” Askartan ayaa sheegtay in tababarka ay ku jireen ku dhawaad 7 Bil, hase yeeshee markii laga lumiyay wakhtiga lagu amray inay kala aadan guryahooda, sida ay ku sheegen wareysigooda KNN. Sidoo kale, askartan ayaa tiradooda ku sheegtay inay ahaayen 70 askari isla markaana ujeedka ay ugu hor banaanbaxeen Villa Somalia ay tahay sida ay ku heli lahaayen xuquuqdooda maadaama ay cadaawad kala dhexeyso Al-Shabaab, isla markaana ku laaban Karin shaqooyinkooda. Dhinaca kale, Askartan ayaa madaxda Qaranka ka dalbaday cadaalad iyo in laga qabto kuwo ay ku sheegen inay musuq ku hayaan ciidamada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com