-
Content Count
212,054 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa siweyn uga hadlay ahmiyadda ay leedahay horumarinta dhaqaalaha dalka,isagoo xusay in ka ganacsiga Xoolaha Nool ay yihiin lafdhabarka dhaqaalaha ee dalka,xili uu ka qeybgalay xil wareejinta wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa. Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa ammaanay waxqabadka wasiirkii hore mudadii uu joogay, isagoo dhanka kale bogaadiyay wasiirka cusub in uu dardargeliyo howlaha horyaala,wuxuuna raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka uu xuseen in wasaaraddu ay kamid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan wax soo saarka dalka,isagoona rajo ka muujiyay in wasiirka cusub uu ku guuleysto howsha loo igmaday. “Waqtiga waa uu ordayaa sanad iyo 4 bilood waxaa inoo qabsoomay waxbaday, hadii ay ahaan lahayd arrimihii Dastuurka,horumarka dhaqaalah sida ka ganacsiga Xoolaha,iyo sida wasaraadda Xanaanada Xoolaha ay horumar u sameysay maadaama ay tahay lafdhabarka dhaqaalaha Dalka,sidii aan uga fekeri lahayn in aan horumarino xoolaha nool oo habkii dhoofintuna waxbadan aan ka bedelno,lana helo Xoolo caafimaad qaba,taasi ayaa waxtar weyn inoo leh”. Ayuu yiri Raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka. Munaasabaddaan oo uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda SoomaaliyaMudane Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo lagu qabtay Muqdisho waxaa goob joog ka ahaa raiisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya,Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo xilkaasi wareejiayay ,agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Maxamed Cumar Maxamuud,iyo maamulka iyo shaqaalaha wasaaraddaasi. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo xilkaasi wareejiayay ayaa sheegay in waxbadan ay u qabsoomeen mudadii uu xafiiskaasi joogay ,isagoo xusey in ay horumariyeen mashaariic kaladuwan iyo heshiisyo caalami ah oo kamid ah dhoofinta Xoolaha Soomaaliya iyo in Suuq loo helo,maadaama wasaaraddu ay kamid tahay,wasaaradaha ugu muhiimsan Dalka. Mudane Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaq oo xilkaasi si rasmi ah ula wareegay ayaa balanqaaday in uu dardargelindoono howlaha horyaala wasaaradda. “Runtii wasaaradda Xanaalada Xoolaha waa wasaaradd aad u muhiimsan waad la socotaan marka laga soot ago daruufaha dalka kajira,marka waxaan balanqaadaynaa in aan halkiisa ka sii amba qaado horumarkii uu sameeyey wasiirkii hore”. Ayuu yiri Wasiir Xuseen Maxamuud. Caasimada Online Xafiiska Moqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo hor-u-socodka dalka, dawladdiisuna ay diyaar u tahay in ay si dhaw ula shaqayso, fursadna ay u siiso dhallinyarada in ay qayb weyn ka qaataan dib u dhiska dalka. “Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka iyo dib u curashada dawladnimadeenna, waxaan ugu baaqayaa in ay muruqooda iyo maskaxdooda si mutaddawacnimo ah ugu adeegaan dalka.” Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan xog isweydaarsi ah kula yeeshay Madaxtooyada xubno ka tirsan ururrada Dhallinyarada ee magaalada Muqdisho. Madaxweynuhu waxa uu dhallinyarada uga warbixiyey xaaladda dalka, gaar ahaan siyaasadda, amniga, dhisidda iyo xoojinta hay’adaha dawladda, kobcinta dhaqaalaha iyo qorsheyaasha lagula dagaallamayo musuqmaasuqa. Madaxweynaha ayaa xusay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku leeyihiin sugidda amniga qaranka, maadama ay yihiin tirada ugu badan shacabka Soomaaliyeed, kartida iyo howlkarnimana ay u leeyihiin difaaca dalkooda iyo dadkooda. “Dhallinyaro, waxa la idinka rabaa in aad dawladda gacan ku siisaan dadaallada lagaga hortagayo argagaxisada iyo kooxaha nabad-diidka ah ee sida joogtada ah u gumaada haldoorka dhallinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed” Madaxweynaha ayaa sheegay in uu joogteyn doono kulamada dhallinyarada si ay u kala helaan xog rasmi ah, una kala qaataan talooka wax ku oolka ah.
-
Carabtu waa halista ugu badan ee ay wajahayaan wadamada ku yaala bariga Africa maanta, waxaase sidoo kale ku hoos jira faa’iidooyin ku xiran hadba sida ay noqoto xeelada dal walba. Dowladda Eritrea ayaa ku biirtay dalalka sida ka fiirsi la’aanta ah ula saftay Sacuudiga oo xurguf siyaasadeed ay kala dhaxeyso Canada, taas oo salka ku heysa arrimaha xuquuqul insaanka. Eritrea waxey luuqad adag ku dhaleeceysay Canada iyadoo ugu baaqday Sacuudigu inuu qaado talaabo jawaab ah, arrintaan waxey timmid iyadoo Asmar uu booqasho ku joogo wasiirka Arrimaha dibada ee Sacuudiga Caadil Aljubeyr. Wararku waxey sheegayaan in Asmara ay yabooh lacageed iyo dhismayaal dowladeed ku badalatay go’aankeeda, sidoo kale Itoobiya ayaa u guurtay dhanka Sacuudiga iyo Emirate iyadoo toos u qaadatay qadiyadaha labbadaas wadan arrintan waxey keentay in lagu abaalmariyo dhismaha dhuun shidaal oo isku xiri doonta Addis Abbaba iyo Dekadda Casab. Somalia oo markii hore u badneyd dhanka Qatar hada waxey u muuqata iney u leexatay dhanka Sacuudiga iyo Emirate-ka iyadoo daba fadhida Itoobiya, lama sheegin waxa ay Somalia ku badalatay iney Sacuudiga la safato oo ay Canada u colaadiso waana arrin lagu micneyn karo fashil siyaasadeed oo dibbada ah. Dadka aadka ula socda xaalada gobalka ayaa sheegaya in Somalia ay hortaalo labbo arrimood, mida koowaad waa iney si xirfadeysan uga dabaalata shirqoolada Carabta mida labaadna waa in go’aamadeeda siyaasiga ah ay dano guud uga dhex jeedo. Siyaasadu waa dan, dano ku gaar. Abdullahi Osman Farah
-
An Ethiopian rebel group declared a unilateral ceasefire on Sunday, the latest dissident movement to aim for an end to hostilities in the wake of reforms. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – Somali security forces have on Sunday shot and killed a gunman, thought to be a member of the Al-Shabab terrorist group in Mogadishu. Mohamed Abukar Islow, Somalia’s security minister, said the security forces killed an Al-Shabab assassin armed with a pistol, who previously assassinated a civilian at Suq Bacad market in the capital. “Our security forces killed a culprit, shortly after he shot dead a civilian man in Suq Bacad market in Mogadishu”, Islow said. He says the security forces would continue targeting Al Shabaab members, accusing group’s assassins of killing unarmed civilians in the capital of Mogadishu. In the aftermath of the killing, Somali government security forces sealed off at the crime scene and launched an operation to hunt down other suspects. No arrest has been reported yet. Mogadishu has witnessed an increase of rampant targeted assassinations, mostly on the elders involved in the election of the current lawmakers from the militant group amidst tight security in the city in past weeks. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
KISMAYO, Somalia (Caasimada Online) – At least 3 people have been killed and two others injured in an accident at a quarry in the south of Somalia’s Kismayo town. The sides of the quarry, where people were digging for rocks and sand for use in building-materials, caved, a miner, Mohamed Hussein, said. Hussein says miners had been working hard when a quarry wall crashed, leaving 3 of his friends dead “I was lucky to be outside of the cave when a large stone crashed as we were digging sides of the quarry”, he said. Hussein told Caasimada Online that one of the victims is believed to be seriously injured. The quarry is often packed with casual workers hoping to make living from the building boom, which was badly destroyed by decades of civil war. Caasimada Online Kismayo News Desk Caasimada@live.com
-
Cabdi Faarax Siciid oo loo yaqaanno Juxa waa siyaasi , macalin iyo suxufi, wuxuu Khamiistii ku dhawaawaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Puntland. Wuxuu qudbadiisa ku duray taliska xilligaan ka jira Puntland, dowladda Federaalka ah iyo Somaliland wuxuuna u muuqda nin kalsooni badan heysta. Puntland waxey aadi doonta doorasho madaxweyne sanadka soo aadan, waxaa jira musharaxiin badan oo hada ku dhaawaqay iney xilka u taagan yihiin, qaar kale ayaa la filan karaa bilaha soo aadan, sidoo kale madaxweyne Gaas ayaa isna laga yaaba inuu dib isu sharaxo. Puntland waxaa ku furan dagaal, waxaa liita xiriirka kala dhaxeeya Dowlada Federaalka ah, musuq ayaa ku baahay , waxaana kaloo hortaala iney u gudubto marxalad ay shacabku wax dooran doonaan mustaqbalka dhow. Juxa waxaa lagu tilmaama inuu lee yahay Aragti siyaasadeed oo cad, dadka yaqaana waxey sheegaan inuu laxaw badan u hayo hormarinta Puntland, markale lala bar bar dhigo madaxweyne Gaas. Dad ku sugan Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso oo aan la xiriirnay ayaa aaminsan in Juxa uu mudan yahay doorashada sanadkaan, waxaana ay sabab uga dhigayaan labbo arrimood. Mida koowaad waa inuu dhinac u dhici doono macaamilka Puntland iyo Dowladda dhexe, mida labaadna waa in Puntland ay heli doonto jiil badan oo wax bartay. Wuxuu qudbadiisa ku diiday in masiirka madaxtinimada Puntland uu noqdo mid saddex beelood ku kooban oo ah Cumar Maxamuud, Ciise Maxamuud iyo Cismaan Maxamuud. Arrintaan waxaa la qaba inta badan shacabka reer Puntland. Hadii uu Juxa kusoo baxa doorashada soo aadan waxaa meesha ka bixi doona kaltankii beelaha ee dhaqanka ka noqday Puntland, madaama hada la aaminsan yahay in la joogo xiligii Cismaan Maxamuud, tani waxey Puntland u ekeysiin kartaa maamul xukunkiisu reer walba iyo qof walba u furan yahay. Juxa oo shaqsiyad adag leh ayaa la aaminsan yahay inuu sidoo kale taageero ka heysto siyaasiyiin kasoo jeeda koonfurta Somalia iyo ganacsato reer Puntland ah kuwaas oo la filaayo iney ku garab siin doonaan qorshihiisa doorashada. Xigasho: Muqdisho Evening Post Muqdisho Evening Post waa wargeys madax banaan oo fiid walba kasoo baxa Muqdisho.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shalay waxa ay Xukumadda Dowladda Federalka ah magaalada Muqdisho ku daah furtay Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu dhawaan madaxweynaha digreeto ku soo saaray. Golahaas waxaa ku mideysay aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo kuwo ajaaniib ah oo ka soo talo bixin doonnaa sida ugu wanaagsan ee dalka lagu kobcin karo dhaqaalihiisa iyo cilmi baaris ay ku sameyn doonnaan ilaha dhaqaalaha kaga sameyn karo mustaqalka dhaw iyo kan fog. Hase ahaatee, taas oo ay jirto ayaa waxaa jirta su’aal muddo taagneyd oo aan laga jawaabin. Dhaqaalaha dalka ma Muqdisho Oo Kaliya laga sameeynayaa? Su’aashan waxa ay caqabad ku ahayd dowladihii ka horreeyey midda ay hadda hoggaamiyaan madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo RW Xassan Cali Kheyre. Waxaa aad loo xusuustaa shirarkii is daba joogga ahaa ee ay qaban jireen siyaasiyiinta iyo waxgaradka bulshada reer Muqdisho ee ay kaga dhiidhin jireen wax ay ku tilmaameen ‘Kaaga Kula Lihim Keygana kaalihi!” Reer Muqdisho waxa ay ku doodi jireen in ilaha dhaqaale ee dalka aysan isku si dowladda uga faa’ideyn dadweynaha oo ay ku kooban tahay Muqdisho sida Dekedda iyo madaarkeeda. Dekedaha iyo madaarada M/Gobolleedyada aysan waxba dowladda ka soo gaaran xataa aysan maamulin. Hadaa muxuu soo kordhinayaa golaha dhaqaalaha qaranka ee la magacaabay? Sida muuqata,golahan waxaa qeyb ka ah madaxda dowlad gobolleedyada oo laga tala galiyey. Haddii sida saxda ah looga shaqeysiiyo waxa uu meesha ka saari doonaa ku tirsanaantii Muqdisho oo waxaa baahi doona awoodda dhaqaale ee dowladda Federal-ka ah. Waxa uu golaha ka soo talo bixin doonaa sameynta canshuur mideysan oo laga qaado ilaha dhaqaale ee dalka oo dhan taas oo sahli doonta in dhaqaalaha dalka si deg deg ah ugu kobco. Haddii uu guuleysto ujeedka laga loo sameeyey golaha dhaqaalaha Qaranka waxaa sidoo kale lagu daweyn doonaa dooddii muddada badan ay reer Muqdisho qabeen, kaaga kula lihi, keygana kaa lihi!
-
Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shiekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu toddobaadkan gudihiisa soo gaaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Xassan Shiekh ayaa tan iyo markii looga adkaaday doorashadii 2017-da ku maqnaa Turkiga, gaar ahaan magaalada Ankara. Hase ahaatee, waxa uu u muuqdaa mid hadda u soo jeystay dhaq dhaqaaq siyaasadeed in uu bilaabo iyada oo hore loo shaaciyey in uu hoggaamin doono kooxo badan oo dowladda mucaarad ku ah. Maxaa isku soo beegay imaanshihiisa Muqdisho, la kulankii Cabdiraxmaan Cabdishakuur, sawir ceynkee ah ayuu bixinayaa? Dhawaan ayey ahayd markii uu siyaasiga mucaaradnimada caanka ku ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna looga adkaaday doorashadii 2017 ay isku arkeen Ankara, Turkiga. Walow ay baraha bulshada ku shegeen in kulankoodu daarnaa is xog wareysi iyo isla darsidda siyaasadda dalka hadana waxaa si fudud looga dhadhansan karaa in ay ku soo heshiiyeen qodobkan. IN XASSAN SHIEKH YIMAADO MUQDISHO Waa qodob dhammaan dadka siyaasadda ku xeeldheer ay fahi karaan maadama Cadiraxmaan Cadbdishakuur ku fashilmay dhaq dhaqaaqii siyaasadeed ee uu ka bilaabay Muqdisho iyada oo sababtay xassilooni daro iyo in isaga la xiro. Taas iyaga oo ka shidaal qaadanaya ayey isku soo afgarteen in Xassan Shikeh Maxamuud dardar galiyo dagaalka siyaasadeed ee lagu mucaaradayo dowladda hadda jirta maadama uu xasaanad leyahay; kow, uu yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, laba, uu yahay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU, Somalia – The African Union peacekeeping forces’ army chief, Lt. Gen. Jim Owoyesigire, has ordered all troops in Somalia to speed up fighting against Al Shabaab. Lt. Gen. Owoyesigire, urged African Union forces to carry out fresh offensive against Al Qaeda-inspired group of Al Shabaab in south and central Somalia. He says the permanent joint operations would wipe out the remnants of the group’s fighters battling the weak-western backed government of Somalia. The joint operations will improve peace and security in the conflict-torn country, Owoyesigire said. “African Union will equip Somali army forces with the necessary skills for sustainable stability of Somalia”, he said. He also hailed the cordial working relations existing between African Union (AMISOM) forces and Somali army troops, in the effort to rid the country of Al-Shabaab The African Union forces have been battling al-Shabab fighters for 10 years. There are over 21, 000 African Union troops in Somalia, with Uganda contributing the largest portion. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Baarlamanka Somalia wuxuu ku jiraa maalmihiisii fasaxa, ma uusan fariisan mudo 100 cisho ka badan, inkastoo ay aheyd in xilligaan ka hor lasoo laabto hadana Xajka ayaa sii dheereyay fasaxa mudanayaasha Baarlamaanka. Gudoomiye Mursal ayaa la sheegay inuu isagu wali ku jiro shaqadii xukuumadda ee uu xubinta ka ahaa. Markii dib loogu laabto maalmihii Jawaari waxaa guddoonku uu qaban jiray shaqooyin gaar u ah Baarlamanta inta fasaxa lagu jiro si loo sii hormariyo howlaha iyo xirfada Baarlamanka, laakiin hada taasi ma muuqato. Mursal wuxuu hada xoogga saaraya arrimaha xukuumada, isagoo bilaabay galaangal dhanka awood qeybsiga ah, si kale markii loo yiraahdo in wasiiro laga dhigo xubno uu isagu wato oo ay saaxiibo dhow yihiin. Xubno ka tirsan Baarlamanka oo aan la xiriirnay ayaan weydiinay hadii ay iska warhayaan guddoomiye Mursal waxaana ay sheegeen iney ugu war dambeysay isagoo dhinac kahaya shaqada xukuumadda. Maalmo badan kadib gudoomiye Mursal ayaa la arkay isagoo tababar usoo xiraya ciidamo ka tirsan Dowladda oo lagu tababaray xarunta Turksom ee Muqdisho. Gudoomiye Mursal iyo Ra´iisul wasaaare Kheyre ayaa la sheegay iney wadaan qorshe lagu dhimaayo kulamada Baarlamaanka si aaney u suurto galin in xukuumada mooshin laga keeno. Markii uu xilka qabtay Mursal ayaa laga filayey inuu isku keeno XIldhibaanadii ku kala tagay khilaafkii ka dhashay mooshinkii ka dhanka ahaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof. Jawaari ee Is casilay balse waxaa muuqato inuusan arrintaas weli wax tallaabo u qaadin. Fadhi ku dirirka Xildhibaanada Soomaaliya ayaa noqday “ Meel ku sheega Guddoomiye Mursal?!!” Xigasho: Wargeyska Muqdisho Evening Post oo ah wargeys madax banaan oo fiid walba kasoo baxa Muqdisho.
-
Maxkamadda Al-shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa shalay xukunno adag ku ridday laba qof oo shacab ah oo lagu eedeeyay in ay kufsi iyo dil geysteen. Xaakimka maxkamadda Al-shabaab ee degmada Buq-aqable ee gobolka Hiiraan,ayaa shalay gelinkii dambe goob fagaare ah kaga dhawaaqay,xukunka labada nin oo midkood lagu eedeeyay in uu kufsi iyo dil isugu daray afar haween ah,halka kan kale lagu eedeeyay in uu kufsaday laba haween ah,balse uusan dil geysan. Labada eedaysane oo aan magacyadooda la shaacin ayaa xaakinka maxkamadda Al-shabaab amray, in min boqol jeedal la karbaasho,waxaana islamarkiiba xukunka lagu fuliyay labada nin,iyadoo goob fagaare ah lagu karbaashay. Eedaysanaha kowaad ee Al-shabaab ku eedaysay kufsiga iyo dilka ayaa sidoo kale lagu xukumay saddex sano oo xabsi ganaax ah,waxaana xaakimku sheegay in ninkaas ay cafiyeen eheladii uu dumarkooda laayey. Inta badan degaannada Al-shabaab gacanta ku hayso ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa laga fuliyaa xukunno adag oo la marsiiyo dadka lagu eedeeyo denbiyada kala duwan. Laakiin warbixinno ay soo saareen qaar kamid ah hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda insaanka ayaa lagu sheegay in Al-shabaab tacaddiyo baahsan ku hayaan dadka rayidka ah. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo goob fagaare ah ku karbaashay laba qof oo shacab ah appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Jabhadda ONLF ayaa magaalada Nairobi maanta kaga dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac, ka dib muddo tobanaan sano ah oo ay dagaal kaga soo hor jeedday dawladda Itoobiya. Qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen in xabbad joojinta oo dhaqan galaysa 12ka duhurnimo ee 12ka Agoosto ay salka ku hayso “baaqa nabadeed ee hogaamiyaha Itoobiya Abiy Axmed, iyo talaabooyinka ay xukuumaddu qaadday ee ay aasaaska ugu dhigayso wadahadallo nabadeed”. “Waxaan u aragnaa in xabbad joojintu ay dadkeenna maslaxad u tahay”, sidaa waxaa yiri C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF, oo BBC u warramayey isagoo jooga Nairobi. “Waxaan diyaar u nahay in maadaama dadkayagu ay muddo dheer dulmi tirsanayaan, in miis dushii lagu xalliyo dhibaatooyinka aan tirsanayno oo aaya ka talin ka mid tahay oo nabad gelyo ka mid tahay, oo xuquuqo badan oo kale ka mid yihiin” ayuu sii raaciyey Caddaani. Wuxuu sheegay in arrinta xabbad joojinta halka dhinac ah ay isla soo qaadeen dawladda Itoobiya. Itoobiya weli wax jawaab ah kama aysan bixinin baaqaas. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Washington (Caasimadda Online) – Wakaaladda hawada sare ee Mareykanka ee NASA, ayaa maanta waxa ay fulisay qorshaheeda hawada sare oo ay dirtay dayax-gacmeedkii ugu dhawaa cadceedda, sida qorshaha lagu wado. Gantaalka xambaaraya dayax-gacmeedkan ayaa la ganay, waxa uuna si nabad ah uga kacay, saldhigga NASA ee lagu magacaabo Cape Canaveral oo ku yaalla Florida, muddo ayuuna safar kusii jiri d\oonaa. Waxaa lagu guuleystay safarkan naadirka ah, iyada oo maalin kahor uu yimaaday hakad aan lasii saadaalin, walaxdan hawada sare loo diray ayaa noqoneysa tii ugu dhaqsiyaha badneed ee aadunuhu sameeyo. Qorshuhu waxa uu yahay in la gaaro halka ugu dhaw ee qoraxda, lagana gudbo guud ahaan meeraha dhulka. Dayax-gacmeedkan oo jaraya Saacadiiba 690,000km/h, ayaa waxa ay ku qaadan doontaa inuu cadceedda gaaro muddo lix isbuuc ah. Dr Nicky Fox oo ah cilmiyahanad udhalatay Ingiriiska kana shaqeyneysa mashruucan ayaa sheegtay in aaladani ay u jirsan doonto cadceedda 4cm uun. Sidoo kale waxa ay sheegtay in xawaaraha dayax-gacmeedkani uusan inaba caadi aheyn, oo tusaale waxa ay ku cadeysay in magaalooyinka Tokyo iyo Newyork oo isu jira 10,842km uu hal daqiiqo ay ukala safri karto aaladani. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
-
Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada Puntland ayaa shaacisay,xilliga sida rasmiga ah loogu dhawaaqayo natiijada imtixaanka Shahaadiga ah Fasalka 8aad ee Dugsiyada dhexe. Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland Pro. Abshir Yuusuf Ciise ayaa lagu sheegay,in imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe si rasmi ah loo shaacin doono, maalinta isniinta ah ee ku beegan 13 bishaan August 2018. “Dhammaan Gudoomiyaasha Waxbarashada Gobolda iyo Degmooyinka iyo maamulayaasha, Macalimiinta sharafta leh, ardayda iyo waalidka iyo bulshawaynta soomaaliyeed ee ku nool deegaaanda Puntland, waxaan la socodsiinaynaa in Malinta isniinta ah in la shaacinayo Natiijadii imtixaanka Dugsiyada dhexe ee Fasalka 8aad ee Sanad Dugsiyeed 2017- 2018″ ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. Kharashka ku baxay sannadkan, imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland ayaa waxaa iska kaashaday,dowladda iyo shacabka Puntland,waxaana laga maarmay kharashaadkii laga heli jiray hay’adaha deeqbixiyaasha ah,sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan The post Puntland: Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe oo la shaacinayo appeared first on Puntland Post.
-
Buqaqable (Caasimadda Online) – Al-Shabaab ayaa xukun ku riday rag ay ku eedeeyeen in ay fal kufsi ah ka gaysteen degaanka Buqaqable ee Gobolka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya, kadib markii Maxkamadda Shabaab la horgeeyay ninkaasi. Dambiilaha koowaad ayaa kufsaday 4 dumar ah wuxuuna dil u gaystay 2 kamid ah dumarkii uu falk kufsiga ah kula kacay isagoona ugu dambayntii dambigiisa ka hor qirtay Maxkamada Islaamiga ah. Dambiilaha labaad ayaa isaguna Fal Kufsi u geystay 2 Dumar Ah, falkaas oo uu isaguna ka hor qirtay Maxkamadda horteeda. Qaadiga Maxkamada ayaa goobta fagaaraha ah ka aqriyay dacwadaha loo haystay labada dambiile waxayna maxkamaddu ku xukuntay in min 100 Jeydal lagu dhufto iyo in laga qaado diyada dadka ay dileen kadib markii ehelladii lahaa dhiigga dumarka ladilay ay qisaastii ka cafiyeen ayna diyo dalbadeen. Sidoo kale dambiilayaasha mid kamid ah waxaa lagu xukumay sedax sanadood oo xarig ah halka midka kale laba sanadood xarig ah lagu xukumay sababa laxiriira fasaadka ay geysteen. Goobta xukunkaan uu ka dhacaayay oo aheyd meel fagaare ah ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo dadka degaanka ah, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacaayay. Caasimada Online Xafiiska Beled-Weyne Caasimada@live.com
-
Jabhadda ONLF ayaa maanta magaalada Nairobi kaga dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac, ka dib muddo tobanaan sano ah oo ay dagaal adag kala hor jeedday dowladda Itoobiya,sida ay daabacday laanta Afka soomaaliga ee BBC. Qoraal ka soo baxay ONLF oo BBC-du soo xigatay ayey ku sheegeen in xabbad joojinta oo dhaqan galaysa 12ka duhurnimo ee ku beegan 12ka Agoosto ay salka ku hayso “baaqa nabadeed ee hogaamiyaha Itoobiya Abiy Axmed, iyo talaabooyinka ay xukuumaddu qaadday ee as’aaska ugu dhigaya wadahadallo nabadeed”. “Waxaan u aragnaa in xabbad joojintu ay dadkeenna maslaxad u tahay”, sidaa waxaa yiri C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF, oo BBC u warramayey isagoo jooga Nairobi. “Waxaan diyaar u nahay in maadaama dadkayagu ay muddo dheer dulmi tirsanayaan, in miis dushii lagu xalliyo dhibaatooyinka aan tirsanayno oo aaya ka talin ka mid tahay oo nabad gelyo ka mid tahay, oo xuquuqo badan oo kale ka mid yihiin” ayuu sii raaciyey Caddaani. Wuxuu sheegay in arrinta xabbad joojinta halka dhinac ah ay isla soo qaadeen dawladda Itoobiya. Itoobiya weli wax jawaab ah kama aysan bixinin baaqaas. PUNTLAND POST The post ONLF oo xabbad joojin iskeed ah ku dhawaaqday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasiga Salaad Cali Jeello oo kamid ah Siyaasiyiinta taageersan dowlada Somalia ayaa sheegay in muddo intaa kabadan aysan Somalia u laaban colaad. Salaad Cali Jeello, waxa uu sheegay in wadamo badan oo dhaca qaarada Africa ay soo mareen xaalada ay iminka ku jirto Somalia, hase yeeshee aanu jirin mid sida Somalia kusii daba-dheeraatay colaada. Somalia ayuu sheegay in laga doonaayo inay ka shaqeyso aayaheeda waxa uuna tilmaamay in wadan waliba ay dhistaan dadkiisa. “Dad waliba dalkiisa isagaa dhista waa in Soomaalida ay gartaan in dalkooda uu u baahan yahay, waa inay u raadiyan xal si looga nabadgalo dhibta taagan” Siyaasiga Salaad Cali Jeello, waxa uu sheegay in burbur waliba oo ku dhaca dal dhisan ay sabab u yihiin dadkiisa, gaar ahaan Siyaasiyiin uu tilmaamay inuu ka lumay damaca. “Siyaasiyiintu ha u naxaan dalkooda yeysan dhibaato u horseedin dalka oo hadda leh rajo wanaagsan oo wax looga qabankaro dhibaatooyinkii uu soo maray” Isagoo dhibaatooyinka ka duulaya ayuu sheegay in Somalia xiligani aysan u wanaagsaneen 3 arrin oo uu ku tilmaamay inay tahay Qaran dumis kuwaa oo kala ah:- 1-In dadka u hanqal taagaya nabadda iyo midnimada lagu ababiyo is hortaaga dowladnimada iyadoo shacabka laga dhiganaayo jaranjaro. 2-In la dafiro isbedelada ka jira dalka iyadoo dadka dowladnima doonka ah la tuso sawiro aan munaasib aheyn kuwaa oo looga been abuurayo Qaranimada. 3-In Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ka fogaadan in loo adeegsado talaabooyinka ay Shisheeyuhu ku doonayaan inay ku burburiyan Somalia, iyadoo la fiirinaayo dano gaara. Siyaasiga Salaad Cali Jeello, waxa uu tilmaamay in burburka dal jira uu yahay mid loo adeegsado dadkiisa, waxa uuna cadeeyay in dhibaatooyinka ka jira Somalia ay kaalin weyn ka qaaten dad caan ah. Sidoo kale, waxa uu ka digay in Dowladnimada lagu doorsado burbur iyo dhibaatooyin aan laga soo kabsan oo loo horseedo Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Siyaasiga Salaad Cali Jeello, ayaa qaba dareen ah in dhinacyada kasoo horjeeda dowlada ay mar waliba isku dayayaan inay qafiifiyaan howlaha dowlada, si ay u helaan dhaliilo muuqda oo loo jeediyo dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Siyaasiga Salaad Cali Jeelle
-
Ciidamada badda dowladda Puntland ee(PMPF) qeybtooda la-dagaallanka argagixisada ee sida gaarka ah u tababaran ee ku sugan Calmadow ayaa malayshiyaadka Al-shabaab ka saaray buurta Habar-humbulo iyo ceelka lagu magacaabo”Ceel unkud” oo hostaga buuraleeyda Calmadow. Sarkaal sare oo ka tirsan cutubyada la-dagaallanka argagixisada ee ciidamada(PMPF) ayaa Puntland post khadka taleefonka ugu sheegay in malayshiyaadka Al-shabaab laga saaray saldhig weyn oo ay ku lahaayeen buurta Habar-humbulo ee degaanka Calmadow,islamarkaana laga qabsaday kaydii raashinka iyo sahay kale. Kooxdii Al-shabaab ee buurta ku jiray ayaa halkaasi ka cararay,kadib markii ay ciidamadu weerar xooggan ku qaadeen,waxaana sarkaalkan sheegay in aysan wax iska caabin ah la kulmin. Degaanka Al-shabaab laga saaray ee buurta Habar-humbulo ayaa waxaa ku yaalla ceelka”Ceel unkud” oo il-biyood muhiima u ahaa malayshiyaadka ka dagaallama buuraleeyda Calmadow,maadaama kooxdu ay go’doon ka yihiin dhinaca laamiga xiga. Ciidamada dowladda Puntland ee PSF iyo PMPF ayaa maalmahan dambe sare u qaaday hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka fulinayaan buuraleeyda Calmadow ee gobolkaasi Bari. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo Al-shabaab ka saaray buurta Habar-humbulo ee Calmadow appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno illo wareedyo ka tirsan ururka ONLF ayaa sheegaya inuu socdo qorsho Sarkaalka Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax), looga wareejinaayo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Qalbi-Dhagax, oo ku nool magaalada Nairobi ayaa sababo amni uga howlgali doona dalka Eriterea oo xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo Ururka, isla markaana ku leh Xafiisyo waaweyn. Xogtu waxa ay sheegeysaa in Qalbi-Dhagax uu ku biiri doono Saraakiisha ONLF ee ka howlgasha magaalada Asmara ee xarunta dalka Eriterea. Qalbi-Dhagax, ayaa waxaa la sheegay in magaalad Asmara uu ugu wareegi doono dalab kaga imaaday Saraakiisha kale ee halkaa ku sugan. Mid kamid ah Saraakiisha ayaa inoo xaqiijiyay in Qalbi-Dhagax amni ahaan ay u wanaagsan tahay inuu kusii nagaado magaalada Asmara, inta laga helaayo isbedelo guulo usoo hoyinkara Ururka. Waxa uu Sarkaalkasi sheegay in Qalbi-Dhagax xiligaani uu miisaan ku dhex leeyahay Ururka sidaa aawgeed ay ahmiyad gaara u leedahay inay ka warqabaan xaaladiisa amni. Waxa uu intaa raaciyay in Saraakiisha Nairobi iyo kuwa Asmara ay isku mid yihiin isla markaana Sarkaal waliba uu xaq u leeyahay inuu la shaqeynkaro kuwa kale. Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Ethiopia ay la tashiyo la sameyneyso madaxda Ururka, waxaana suuragal ah in xubno muhiima ay ONLF ka helaan maamulka cusub. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Itoobiya DAMACII MASAARIDA IYO BARAARUGGII XABASHIDA Sidii aynu horayba u soo sheegnay Itoobiya waxay soo martay ku dhawaad sadex boqol oo sano oo tafaraaruq iyo go’doon ah. Waxaa hoos u dhacay wax walba oo ay xittaa ka mid tahay diintii masiixigu. Waxaa la xiray boqolaal kaniisadood kolkii la waayey wax gala. Islaamkii ayaa dhan walba u faafay isaga oo u fidaya sifo nabada. Dhul waynihii xabashida ayaa bilawgii qarnigii 18aad illaa dhamaadkii qarnigii 19aad u ekaa qaabka ay maanta soomaaliya u egtahay. Dalku waxa uu u kala qaybsanaa afar waaxood iyo gobolo yaryar oo ay madax dhaqameed ka talinayeen. Gondor oo ahayd caasimaddii xabasha waxaa ka talinayey Raas Ali oo ahaa Oromadii islaamtay. Gojom waxaa haystay Raas Goshu. Tigray waxay u xirnayd Ras Ubye. Shawo oo ah gobalka ay Adis Ababa ku taalana waxaa ka ariminayey Wason Sagad iyo wiilkiisii Sahle Selasse. Dhamaan gobaladaani col ayay usu ahaayeen mana jirin wax midaynayey. Badan kooduna waxay ku dhisnaayeen taageerada Oromada ama Turkida. Iyada oo uu xaalka xabashidu sidaas yahay ayaa waxaa bilowday is balaarintii Masaarida ee bilowgii qarnigii 19aad. Masar ayaa xilligii Mohamed Ali waxay samaynaysay koboc dhaqaale iyo mid siyaasadeed, sidaas daraadeed ayay lahayd damac dhul ballaarsi si ay u sii kordhiso dakhligeeda. xilligaa ayaa ahaa wakhtigii la bilaabay dhismaha kanaalka Suways oo masar u soo jiidi doona magac iyo manfac labadaba. Mohamed Ali waxa uu duulaan ku qaaday dhulka iminka loo yaqaan Sudan. Laga bilaabo 1820 ilaa 1830 waxa uu ku qabsaday inta badan dhulkii Sudan illaa uu gaaray xuduuda Itoobiya. Waxaa markiiba bilowday isku dhac u dhaxeeyey xabashida iyo Masaarida, maxaa yeelay waxaa jirey damac uu qabay Mohamed Ali oo ahaa inuu qabsado dhulka Xabashida si uu u gaaro isha wabiga Niilka. Inkasta oo qunsulkii Ingiriiska ee Qaahira uu arintaas ugaga digay masaarida una sheegay inaan laga yeeli doonin qabsashada Itoobiya, haddana sanadkii 1838 ayay ahayd markii ugu horaysay ee ay Masaarida isku dheceen qabaa’ishii xabashida ee xuduuda Sudan, illaa ay markii dambe dagaaladu qiilqiil ka geliyeen magaaladii Gonder. Dagaaladii ka socday duleedka Gonder ayaa istaagay ka dib kolkii ay reer galbeedku ku qanciyeen Masar inay dagaalka dib uga baxdo. Dagaaladii Masaaridu waxay sabab u noqdeen baraaruggii xabashida ee qarnigii 19aad gaar ahaan qabaa’shii xuduuda ku teedsanayd, maxaa yeelay Masaarida ayay u arkayeen cadow aan iyaga kala soocayn. Waxaa jirey Oday dhaqameed la oron jirey Kenfu oo u talin jirey reekiisa. Kenfu waxa uu oday ka ahaa gobalka Kwara waxa uuna dagaalo ba’an la galay Masaarida. Odaygani waxa uu samaystay ciidan beelaad xoog badan oo iasaga ka amr qaata. Kolkii uu Kenfu dhintay waxaa xukunkii ka dhaxlay wiil uu adeer u ahaa oo la oran jirey Kasa. Kasa waxa uu la wareegay ciidamo isaga daacad u ah laguna carbiyeeyey diin iyo la dagaalankii Masaarida. Kolkii uu arkay damacii Masaarida waxa uu uguntaday unuu mideeyo dhulkii xabashida. Wuxuu ka bilaabay xukunkii Wollada ee Raas Ali oo uu taladii ka tuuray. Wuxuu sidoo kale taladii kala wareegay Rases Gosha oo ka talinayey Gojom. Boqrkii Shoe, Hayle Malakot oo ahaa aabihii Menelik ayuu isna markii dambe taladii ka qaaday. Wax yar ka bacdi Kasa waxa uu isu caleema saaray boqorkii boqorada Xabashida wuxuuna la baxay Todros. Cidda keliya ee u dhimanayd ayaa ahayd Ubyihii Tigray oo dagaal xumi u dhaxeeyey. Dhawr qarni ka bacdi ayaa Tedros markii ugu horaysay wuxuu ku guulaystey in dhulkii xabashida intiisii badnayd hal meel looga taliyo.Tedros waxa uu bilaabay inuu Dadkii islaamka ahaa cadaadiyo gaar ahaan Oromadii. Wuxuu isku dayey inuu dadka oo dhan diinta ka badalo, laakiin intii uusan taas ku guulaysan ayaa xukunkii waxaa ka tuuray Ingiriiska oo qabsaday Caasimadii dawladdiisa. Waxaa la sheegaa Tedros inuu is dilay intii uusan Ingiriisku soo gaarin. Waxaa xusid mudan inaynu sheegno kolkii la caleemo saaray boqor Tedros, warqaddii uu u diray boqoraddii Inhiriiska Quen Victoria. Wuxuu yiri ” Awoowayaashey, boqoradii Itoobiya waxay hilmaameen Rabigood kolkaas ayuu Rabi xukunkoodii ku wareejiyey Gallaha (Oromo) iyo Turkida. Laakiin Rabbi aniga ayuu i abuuray, wuxuuna isiiyey awood. Wuxuu iga soo qaaday meel hoose, wuxuuna ifariisiyey halkii awoowayaashay. Awoodaas ayaan Gallihii ku saaray. Turkidii waxaan u sheegay inay dalkayga iiga guuraan. Way diideen, hadda ayaanuna is arkaynaa.” Boqor Tedros oo ay yarad aqoonta uu caalamka iyo siyaasaddaba u lahaa, waxa kaliya ee uu wax ku qiimaynayeyna ay ahad diinta masiixiga, waxa uusan ogayn in xilligaas uu socday dagaalkii Crimea ee u dhaxeeyey Ruushka oo dhinaca iyo Turkida, Ingiriiska iyo faransiiska oo dhinaca kalaa. Kolkii uu wax jawaaba ka waayey Ingiriiskii waxa uu xiray qunsulkii Ingiriiska Xabasha u fadhiyey oo uu diiday inuu sii daayo, taas ayaana sababtay in Ingiriisku qabsado caasimadiisii xukun kana ka tuuro. CALEEMA SAARKII BOQOR YOHANES IYO CAQABADDII MUSLIMIINTA. Kolkii uu dhintay boqor Tedros waxaa bilowday loolan iyo dagaalo u dhaxeeya madaxdii gobalada. Ciidammadii ingiriiska ee dalka qabsadayna waxay ka baxeen dalka iyada oo ay dagaaladaasi socdaa1868. Dawladdii Masaarida iminka waxaa u muuqday fursad ka fiican middii hore. Waxaa u muuqday inay ka tilaabaan kobtii Ingiriisku ka tilaabay oo ahayd kor iyo gobalka Tigray ayna qabsadaan dhulkii xabashida. Waxay dadajiyeen qorshe ay horay u wadeen oo ay xeebaha badda cas kula wareegayeen. Sanadkii 1865 waxay dawladdii Tukiga ka kiraysteen Dakadaha Musawac iyo Sawaakin. Sidoo kale waxay qabsadeen Tojora. 1870 kiina waxa ay la wareegeen xeebaha Somaliya ee Zaylac, Barbara illaa Cape Guardafui. Intaas kuma ekaan ee waxay gudaha ugaleen dhulkii xabashida dhinaca waqooyi. Mar Dambana waxay la wareegeen magaaladii Harar. Itoobiya iyada oo khilaafkeedii gudaha ku mashquulsan ayay ku baraarugtay damaca cusub ee Masaarida. Sanadkii 1872 waxaa taladii qabsaday Boqor John IV (Yohanes). Yohanes intii uusan talada la wareegin waxa uu ahaa horjoogihii Tigraay waxaana uu dagaal ba’an kala dhexeeyey boqor Tedros. Kolkii Ingiriisku ku duulay Tedros waxay taageero ka heleen dhulkiisana sii mareen Yohanes. Markii uu Ingiriisku ka baxay Itoobiya 1868 waxa uu ku wareejiyey Yohanes badi hubkii uu watay iyo waxii uu ka furtay Tedros, taas ayaana u fududaysay Yohanes inuu xilka la wareego. Yohanes waxa uu bilaabay abaabul wayn iyo in dadka dagaal diimeed loo carbiyo. Waxaa bilowday nacayb iyo cadownimo loo qabo muslimiinta, cadawnimadaas oo la mid ahayd tii waagii IIman Axmed. Waxaa midoobay dhamaan dadkii xabshida iyaga oo u diriraya diintooda. Cadowgooda koobaadna uu yahay Masaarida iyo Islaamka. Waxaa dhacay dagaalo aad u culus oo dhex maray masaarida iyo xabashida ku waas oo ay ku guulaysteen Xabashidu. Masaaridii ayaa lagu khasbay inay dib uga gurtaan dhulkii Xabashida aakhirkiina heshiis ayaa labada dhinac dhex maray. Kolkii laga gol roonaaday Masaaridii,Yohanes oo ahaa Boqorkii boqorada iyo Menelik oo Shawo ka talinayey waxa ay bilaabeen cadaawaddii ugu waynayd ee dad muslima lagula dhaqamo Itoobiya gudaheeda. Shirkoodii midawga diimaha ee ay qabteen sanadkii 1878 ayaa waxaa ka soo baxay in dadka oo dhami ay qaataan diinta masiixiga. Wixii diidana lala diriro. Waxaa la weeraray dhamaan qabaa’shii oromada ahayd ee horay u islaamay. Waxaa diintii laga badalay reerka Wollo oo saldhigoodu ahaa Gonder. Waxaa la masiixiyeeyey IImaan Mohamed Ali iyo IImaan Abba Watta oo ahaa madaxdii qabiilka. Waxaa muddo dagaal lagula jirey muslimiintii Reer Jimma oo diiday dalabkii masiixiyaynta. Sanadkii 1880 waxaa la masiixiyeeyey nus malyuun Oromaa, waxaana diinta laga saaray 50,000 oo muslimiina. Jeneral Charles Gorden oo ahaa wakiilkii Ingiriiska ee Sudan, waxa uu yiri “Yohanes waxa uu lahaa hal ujeedo taas oo ahayd inuu muslimiinta masiixiyeeyo”. DUULLAANKII MAHDIYIINTA IYO DILKII YOHANES Inta aynaan ka bixin xilligii uu boqor Yohanes talinayey, waxaa habboon in aynu xusno wixii dhex maray Daraawiish tii reer Sudan iyo iyo dawladdii Xabashida. Bartamihii qarnigii 19aad ayay Daraawiishtu ka soo baxeen bariga Sudan. Waxay ahaayeen culumo diimeed oo uu aasaasay Mohamed Ahmed Mahdi. wax yar gudahoodna waxay noqdeen xoog aan la loodin karin. Inkasta oo ay dagaalo aad u waawayn ingiriiska la galeen, haddana waxay duullaan khasaare ba’an gaystay ku qaadeen dawladdii Xabashida. Waxay cagta mariyeen dhul badan, waxayna baabi’iyeen magaalooyin doora oo ay dab sureen. Illaa ay ka qabsadeen caasimaddii hore ee xabshida ee Gonder, kabacdina ay usu laabeen dhanka waqooyi iyo gobolka Tigray, halkaas oo dagaalkii Matemma uu ku dhex maray iyaga iyo boqor Yohanes. Waxay jabsheen ciidamadii boqorka, isagiina waxaa gaaray dhaawac halisa oo uu udhintay, ciidankii boqorka ee jabay waxay u jabeen dhankii caasimadiisa halkaas oo daraawiishtii ugaga dabatageen khaaaro wayna ugu gaysteen. Waxaa la sheegaa inay qabsadeen maydkii boqorka kaas oo ay gadaalkii la tageen caasimadoodii Ummu-Durmaan. Mahdiyiintu waxay ahaayeen xoogaggii ugaystay Xabashida khasaarihii ugu badnaa marka laga yimaado dagaaladii IImaan Ahmed. In kasta oo aysan ujeedadooda koobaad ahayn furashada Itoobiya, haddana waxaa la yiraahdaa haddii aysan u leexan lahayn dhanka Masar oo ay ku duuleen, Itoobiya qiilqiil ayay gelin lahaayeen. La soco qaybta 5aad. Mohamed Ahmed Elmi The post Taariikhdooda baro inta aadan la midoobin, taxanaha Itoobiya seddex kun oo sano – Qaybtii 4aad appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan magaalada Jigjiga iyo deegaano ku xeeran ay ka dhacday boob hantiyadeed ayaa waxaa iminka soo baxaaya in deegaanada maamulka DDSI laga bilaabay dib u celinta hantida shacabka. Ololaha dib u celinta hantida shacabka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka socday guud ahaan magaalooyinkii qalalaasuhu ka dhacay 4 bishan August iyo maalmihii ka dambeeyey. Sida ay soo warinayaan dadka deegaan waxa ay dib u celinta ugu xoogan iminka ka soctaa magaalada Godey, waxaana hantidooda loo celinayaa dadkii deganaa ee aan Soomaalida ahayn oo boobka ugu badan loo geystay ganacsigooda. Boobka ayaa ahaa mid ay geesten dhalinyaro mudaharaadayey oo sida la sheegay ka caraysan xiisaddii ka aloosantay magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad Degaanka Soomaalida Ethiopia. Shariif Cabdifataax Shariif Cumar oo ka tirsan gudiga arintaa isku xil qaantay ayaa sheegay in ujeedadoodu ahayd xasilinta degaanka iyo in aanay abuurmin colaad dhex marta qoomiyadaha Ethiopia. Shariif Cabdifataax oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in ay ilaa haatan boqolkiiba 80% u soo celiyaan dadkii la dhacay hantidii ka maqnayd. Waxaanu ugu baaqay shacabka degaankaas Soomaalida Ethiopia ku dhaqan in ay ilaaliyaan nabad gelyada oo ay ku daydaan tallaabada ay qaadeen dadka reer Godey. Waxa ay wararku intaa ku darayaan in ay duulimaadyadii diyaaradaha ee u kala socdaali jiray Jigjiga iyo Addis Ababa ay iyaguna dib u bilaabmeen. Talaabadaani ayaamuujineysa inay tahay mid lagu doonaayo ka hortaga colaado intaa kasii xoogan oo dhexmara Soomaalida iyo Oromada. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasaimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Iran ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Turkiga ay ku garab istaageyso baacsiga ay ku heyso dowlada Mareykanka ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Trump. Iran ayaa sheegtay in ay taageero kasta ay la garab taagnaan doonto dowlada turkiga,xilli uu sii xoogeysanayo qilaafka u dhaxeya mareykanka iyo turkiga. Iran waxa ay sheegtay isbahesi dhexmaraa Iran iyo Turkiga ay caqabad u horseedi doonto Mareykanka waxa ayna ka digeen inay kusii dhiirtan faragalinta Turkiga. Wasiiraka Arimaha dibeda iran Bahram Qassemi oo magaalada Dahran kula hadlaayay saxaafada ayaa sheegay in Iran ay aad usoo dhaweyneyso maxkamadeynta ay Turkiga ku heyso baadariyaal. Bahram Qassemi, waxaa uu dhaleeceyay mowqifka mareykanka waxaana uu sheegay in cunaqabateynta mareykanka ee ka dhan ah turkiga aysan wax tari doonin. “Haddii uu Trump kusii adkeysto faragalinta Turkiga waxaanu qaadi doonaa talaabo waliba oo dowlada Turkiga ay ku quusi doonto Mareykanka” Mr Bahram ayaa dhankale tilmaamay in uu ku rajo weyn yahay in dowlada iyo shacabka turkiga ay maareyn doonan cadaadis walba oo kaga yimaada xuduudaha iyo dibada oo ku aadan xaaladan. Mr Bahram, isaga oo sii wata ayaa waxaa uu intaa ku daray in dalalka qaar ay doonayaan in ay awood wax ku maquuniyaan balse aysan awoodin. Mareykanka ayaa maalin ka hor waxaa uu canshuur siyaado ah saaray biraha kaga yimaada Turkiga,waxaana madaxweyne Trump uu sheegay in waqtigan uusan wanaagsaneyn xiriirka labada dal. Geesta kale, Madaxweyne Erdogan oo isna ka hadlay arintaan ayaa waxaa uu sheegay maalintii shalay in uu halis ku jiro xiriirka wada shaqeyn ee u uu dalkiisa la leeyahay mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jowhar (Caasimadda Online) – Ciidamada AMISOM ayaa la siiyey amar culus oo ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab oo maalmihii dambe xoojisay weerarada iyo dilalka ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya. Jeneraal Jim Owoysigire oo ah Taliyaha ugu sareeya howgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa ciidamada amar deg deg ah ku siiyey inay qaadaan weeraro aan kala joogsi laheyn oo dalka looga saarayo Xarakada Al-Shabaab. Generaalka ayaa qabo in sababta ay u istaageen howgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay tahay inaysan mideysneyn ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida isla markaasna ay tahay in loo midoobo weerarada la qaadayo. Wuxuu tilmaamay in si deg deg ah loo wiiqi karo awoodda Al-Shabaab haddii ay is kaashadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya. Taliyaha ayaa waxaa uu ka hadlayay saldhigooda ay ku leeyihiin magaalada Jowhar, waxa uuna halkaa kaga dhawaaqay howgal deg deg ah oo Al-Shabaab ka dhan ah . Howlgalka AMISOM ayaan wax weerar ah ku qaadin Saldhigyada Al-Shabaab tan iyo markii Farmaajo loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya. AMISOM ayaa taas badalkeeda kasoo baxday goobo ay horey ugu sugnaayeen taasoo keentay inay is ballaariyaan Al-Shabab oo hadda ku sugan goobo cusub oo markii hore laga saaray. Ciidamada AMISOM ayaa la siiyaa mushaar aad u badan, waxayna heshiis ku yihiin dowladaha ciidamada usoo diray Soomaaliya inaan si dhab ah loo wajihin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab maadaama haddii taas la helo ay imaaneyso in AMISOM dalka laga saaro. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com