-
Content Count
211,154 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hordhac Maqaalkan waxaan ku falanqayn doonaa xaalada amni ee magaalada muqdisho iyo barnaamijkii xasilintu xalkuu ka dhacay. Maqaalkan sidoo kale waxaan ku tilmaami doonaa xil gudasho la,aanta ay hogaaminayso qorshe xumada hay,addaha amniga. Caasimada muqdisho waxay marti galisay qaraxyo iyo dilal qorshaysan kuwaas oo galaaftay nafta shacab badan oo soomaaliyeed xalka qaar kalana ay ku waayeen qaybo jidhkooda ka mid ah qaraxyada. Masuuliyiintii is xigxigay ee soo hogaaminayay hay,addaha amniga ee heer fadaral waxay ku guul daraysteen hirgalinta qorshe hanaqaada oo ka hirgala magaalada muqdisho sidoo kalana ka sal balaadhan kala xidhka magaalada muqdisho iyo adeegsiga caro iyo jidh gooyayaan lagu xidho jidadka magaalada muqdisho . Dhamaan qorshayaashii mudada gaaban ka shaqaynayay sidoo kalana noqon waayay kuwo si buuxda u xakameeya falalka amni daro ee Alshabaab wado dhamaan qorshayaashaasi waxay ahaayeen kuwo u muuqday awood kala badsi dhanka hay,addaha amniga sidoo kalana waxaa meesha ka baxday maamul daadajintii laamaha amniga Maxaa hortaagan amni iyo xasilooni ka hanaqaada magaalada Muqdisho? Carqaladaha hortaagan amniga magaalada muqdisho Ayaan ku koobnayn falalka amni daro ee Alshabaab laakiin waxaa weheliya qorshe iyo farsamo xumo haysata hay,addaha amniga iyo hogaamka dalka soomaaliya oo aan fahansayayn xilka iyo isla xisaabtanka. Hadii aan saddex ka tilmaamo waxyaalaha Alshabaab u sahlaya inay fuliyaan falalka amni daro Hawl gabka Hay,adda Nabad Sugida Iyo sirdoonka qaranka gaar ahaan unuga Counter Intelligence Maamul daadajin la,aanta Hay,addaha amniga ee heer Gobol , heer Degmo ilaa heer xaafad Kala shikiga iyo wada-shaqayn la,aanta hay,addaha amniga iyo shacabka Falalka amni daro ee Alshabaab ka fuliso magaalada muqdisho waa kuwo muujinaya fashilka siyaasad xumada taala hay,addaha amniga . Si kastaba ha ahaatee madaxda dalka somaliya waxay fashalka hay,addaha amni dusha u saaraan hogaanada hay,addahaas kuwaas oo ku waaya xilkooda magacaabista masuulka cusubna wa keento natiijo wax ku oon ah waxaase su’aal mudan in lays waydiiyo xalkay wax ka qaldan yihiin . Xalka iyo xasiloonida magaalada Muqdisho {counter-terrorism strategy} Kooxaha xagjirku waa kooxo ku soo badanaya dalalka sidoo kalana waa kuwo waxyeelo iyo hagardaamo ku ah xasiloonida daleed iyo dawladeed sidaa darteed dalalka aduunku waxay samaysteen istaratajiyado looga hortagay kooxahana. Hadii aan u eegno xaalka magaalada muqdisho iyo xeelada lagaga guulaysan karo kooxda Alshabaab waxay noqonaysaa istaratajiyad ka kooban Afar (4) tiir oo kala ah Dib u habaynta hay,addaha amniga gaar ahaan ciidanka Booliska iyo Nabad Sugida Maamul daadajinta hay,addaha amniga Hirgalinta Barnaamijka Booliseynta Bulshada {Community policing} Diyaaarinta barnaamij ka hadlaya hagar-daamooyinka Alshabaab ku hayso shacabka soomaaliyeed W/Q: Abdirahman Jacob Hassam Security Analyzer Jacobhassam@gmail.com Borama, Awdal
-
Muqdisho (Caasimad Online) – Sida uu bartiisa Twitter-ka ku qoray Wasiirka warfaafinta dalka Erateria waxaa la filayaa in maanta oo Sabti ah uu magaalada Asmara ee dalka Erateria u kictamo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo. Madaxweynaha Erateria Isaisa Afwerki ayaa casuumada u sameeyay dhigiisa Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, iyadoo ujeedka casuumaadu tahay sida lagu soo celin lahaa xiriirka labada dal oo sanado badan ahaa mid mugdi galay. Booqashada Madaxweyne Farmaajo magaalada Asmara ee dalka Erateria ayaa la rumeysan yahay inay irdaha u fureyso wada shaqeyn cusub oo dhexmarta labada dal, waxaana xusid mudan in caasimadaha labada dal ay ku kala noolyihiin Qowmiyado badan oo aanu kawarqabin labada dal. Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee magaalada Asmara oo noqoneysaa tii ugu horeysay oo Madaxweyne Soomaaliyeed ku taga dalkaasi ayaa faraj u noqoneysa in labada dal ay iska cawiyaan arrimaha Argagixisada, Ganacsiga, Amniga, Siyaasada, Safarada, Dhaqaalaha iyo la socodka xaaladaha Qowmiyadaha ku kala nool Asmara iyo Muqdisho. Xiriirka soo cusboonaanaya ee labada dal ayaa sidoo kale meesha ka saaraya tuhunkii ahaa in Dowlada Erateria ay garabsiiso argagixisada Somalia ee Al-Shabaab. Sidoo kale, Dowladaha Ethiopia iyo Imaaraadka ayaa kaalin weyn ka qaadanaya isku soo dhawaanshiyaha Somalia iyo Erateria oo isku haya waxyaabo aan sidaa usii buurneyn. Dhinaca kale, Siyaasiyiinta ka faaloota arrimaha Gobolka ayaa qaba in xiriirka labada dal uu soo laabanaayo xili munaasib ah, maadaama dal waliba uu doonaayo inuu la dhaqmo dalka kale. Caasimad Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimad Online) – Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay kusii xoogeysanayaan deegaanada Jubbooyinka. Axmed Madoobe, waxa uu sheegay in dhowr jeer uu ku celcelshay inay muhiim tahay in dowlada Somalia ay wax ka qabato awoodaha ay Shabaab ku yeelaneyso Jubbooyinka, hase yeeshee aanu u muuqan dadaalka dowlada. Axmed Madoobe, waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin Jubbooyinka isla markaana ay doonayaan in awoodooda kusii faafiyaan deegaada muhiimka ah. “Dhowr jeer arrintaan waxaanu gaarsiinay dowlada Somalia ma noo muuqato dadaalo ay kula dagaalameyso Shabaabka oo aan la socno inay kusii xoogeysanayaan deegaanada” “Awoodahooda waxa uu gaaray inay qaadan weeraro joogta ah taasi waxaa u sabab ah inaanu jirin dhaqdhaqaaq ay dowlada Somalia kawado goobaha ay gacanta ku hayaan Shabaabka” Dowlada Somalia ayuu ku eedeeyay in wixii ka baxsan magaalada Muqdisho aysan moodin inay ka tirsan tahay Somalia, taasina ay ugu wacantahay inay ka jiifato amni ka dhalinta deegaanada ku jira gacanta Shabaabka. Axmed Madoobe, waxa uu sheegay inay halis ugu jiraan in deegaanada ay hadda ka arimiso Jubbaland ay gacanta u gasho Al-Shabaab, waxa uuna ku baaqay in leyska kaashto ciribtirkooda. Sidoo kale, ciidamada AMISOM ayuu ku eedeeyay inay luminayaan heshiiskii ahaa in si wada jira loola dagaalamo Al-Shabaab oo si caadi ah uga buuxa deegaanada maamulka. Geesta kale, waxa uu ka digay in Jubbaland lagu fiirsado duulaanka Al-Shabaab, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu ka jiifan doonin ciribtirka Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay toogasho ku dileen taliyihii hore ee ciidamada birmadka qeybta Gobolka Mudug ee Puntland Cabdirashiid Xasan Xaashi (Gebigebi). Marxuumka ayaa la toogtay xili uu ka soo baxay masaajidka Dulqarnayn ee magaalada Gaalkacyo oo uu ku tukaday saladii Cishe mana jirto cid wali sheegatay dilka Taliye cabddirashiid. Dilka taliyahaani ku baxay gacanta maleeshiyo hubeysan ayaa waxaan wali ka hadal maamulka Puntland. Waxaa horay magaalada Gaalkacayo dilal iyo qaraxyo loogu geystay saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland iyadoo sidoo kale dilal qorshahaysan lagu dilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland. Sidoo kale, Xiliga la dilaayay taliyihii hore ee ciidamada birmadka Puntland Cabdirashiid Xasan Xaashi (Gebigebi) lama aysan socon ilaalo waxaana loo badinayaa dilkiisa inay ka danbeeyen maleeshiyada Alshabaab. Dhinaca kale, dilka marxuumka kadib waxaa halkaa meydkiisa kasoo qaaday ciidamo ka tirsan maamulka Puntland qeybta Gaalkacyo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya ayaa waxaa kusoo gebogeboobey shirweyne caalami ah oo ku saabsanaa kormeerka iyo qiimaynta Afrika (Monitoring and Evaluation Conference for Africa- Evidence to Action) waxaana kasoo qayb galay 37 waddan oo Afrikaan ah iyo khuburo ka socotey hay’ado iyo Jaamacado kala duwan Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiha ah ee dawladda Puntland gaar ahaan Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta (Department of Monitoring and Evaluation) ayaa shirka ku meteleysey guud ahaa Soomaaliya Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saarayey sidii loo tayayn lahaa, laysuguna xiri lahaa kormeerka iyo qiimaynta ay sameeyaan Dawladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah iyo sidoo kale in laysku xiro kormeerka, qiimaynta iyo cilmi barista la sameeyo iyadoona intii shirku socdey goobta laysku weydaarsadey Daraasado kala duwan oo laga sameeyey qaaradda Afrika. Waxa shirka aad loogaga dooday in guud ahaan Dalalka Africa ay yeeshaan Wasaaradda Koormeerka iyo Qiimaynta. (Ministry of Monitoring and Evaluation) Waxa soo bandhigay guulihii ay gaareen Dalalka leh Wasaaradaha Koormeerka iyo Qiimaynta sida South-Africa, Ghana, Benin , Sudan iyo Uganda. Wasaaradda Qorshaynta Puntland ayaa hirgalisay nidaamka kormeerka iyo qiimaynta puntland ( Monitoring and Evaluation System) kaddib markii waaxda kormeerka iyo Qiimaynta la tayeeyey islamarkaana dib casriyayn lagu sameeyey, loona shaqaaleeyey shaqaale aqoon iyo waayo aragnimo durugsan u leh shaqada Qiimaynta iyo Kormeerka Ugu danbayntii, shirka ayaa waxa ka soo baxay qodobbada hoos ku xusan In Manhajka Jaamacadaha lagu daro barashada Kormeer iyo Qiimaynta oo ah heerka kowaad iyo heerka labaad ee Waxbarashada Jaamacadaha. (Bachelor and Master’s degree in Monitoring and Evaluation) In la dhiso aqoonta. tayada iyo xirfadda, ee xirfadlayda kormeerka iyo qiimaynta. In la joogteeyo qabashada shirkan oo sanadkiiba hal mar ah (Sanadka danbe waxa casuumaadda shirka fidisay dalka Ghana) In laysku xiro xogaha koormeerka iyo qiimaynta (M&E Reports) iyo cilmi barista (Research) In xogaha lala wadaago dadwaynaha iyo cid kasta oo ay khusayso. In go’aan gaarista lagu saleeyo xogaha kormeerka iyo qiimaynta (Evidence based decision making) The post SHIRKII UGU HORREEYEY EE KORMEERKA IYO QIIMAYNTA AFRICA OO NAIROBI KU SOO XIRMAY. appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta ka qayb galay Barnaamijka Bandhigga Baahida ciyaaraha dalka, ayaa khudbad uu u jeediyay kummannaan ruux oo isugu soo baxay garoonka Wiish, degmada Cabdicasiis ee gobalka Banaadir, waxa uu uga hadlay horumarinta waxbarashada iyo ciyaaraha dalka. Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa sheegay in ay aqoonyahannadii iyo dhammaan masuuliyiintii isku hawlay horumarinta waxbarashada dalka xilliyadii ay adkayd in lagu dhiirrado fulinta barnaamijyo bulshada lagu horumarinayo, in dawladdu aqoonsantahay ayna ku leeyihiin sharaf iyo abaal, hase yeeshee wali loo baahanyahay in la tayeeyo waxbarashada dalka. “Cid waliba oo kasoo shaqeysay waxbarashada Soomaaliyeed waqtigii ay ugu dhibka badneyd waxa aan u haynaa sharaf iyo abaal, dalkiinana wax aad ku leedihiin karaamo, kuwa shahaadooyinka kasoo qaatay iyo kuwa hadda dhiganayana waxa aan idiin sheegeynaa in dawladiinu idin aqoonsantahay hase yeeshee xukuummadda, wasaaradda waxbarashada iyo jaamacadaha waxaa laga doonayaa in ay sii horumariyaan tayada waxbarashada waddanka si aan ula tartanno dunida inteeda kale”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa adkeeyay dawrka ciyaaruhu ay ku leeyihiin horumarka dalka iyo soo celinta kalsoonida dhallinyarada, isaga oo sheegay in xukuummaddu ay bahda ciyaaraha dalka siineyso xushmadda ay mudanyihiin. “Waxa aan aaminsanahay in Ciyaaruhu yihiin sida kaliya ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku dareemi karaan in ay qayb ka yihiin Bulshadooda. Waxa aan ka shaqeyneynaa in madaxda dalku idin siiyaan ixtiraamka aad xaqqa u leeyihiin. Marka aad safar dibadda u aadaan, safiirradu waxa ay ku amranyihiin in ay idiin soo dhaweeyaan sida madaxweynaha loosoo dhaweeyo oo garoonka diyaaradaha ay idiin istaagaan”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u sheegay ka qeyb galayaasha munaasabadda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay muhiimmadda ay leedahay soo celinta iyo dib u dhiska goobaha ciyaaraha gaar ahaan garoomada waaweyn ee kubbadda cagta sida garoonka ciyaaraha Muqdisho oo fariisin u ah ciidanka nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM). “Garoonka ugu weyn ee dalkaani lahaa waa Muqdisho, waxa aan wasiirka hortiina ugu sheegayaa in garoonkaas si dhaqsa ah gacantiinna loo soo geliyo. Waxa aan codsannay ciidamada ku jira in laga saaro, la dhiso, wasaaradda gacanteedana lasoo geliyo”, ayuu u sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre ku yiri kumanaanka ruux ee ka qayb galay barnaamijka baahida ciyaaraha.
-
Allaha u naxariistee Korneyl Gabi-gabiKorneyl Cabdirashiid Xasan Xaashi Gabi-gabi oo soo noqday taliyihii ciidamada Birmadka gobolka Mudug ayaa caawa lagu dilay magaada Gaalkacyo. Kooxo hubaysan oo aan heybtooda la garanayn ayaa salaadii Cishe kadib taliye Gabi-gabi dilay xili uu ka soo baxay masjid ku yaala bartamaha magaalada Galkacyo. Kooxihii dilka taliyaha geystay ayaa baxsaday, waxaana magaalada Gaalkacyo caawa howlgalo kawada ciidama Booliska isku dhaf ah ee qaabilsan amniga maagaaladaas, mana jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay dilkaas. Sanadii u dambeeyay waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacayay ugaarsi lagu hayo masuuliyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda Puntland, iyadoo lagu dilay dad badan oo magac ku lahaa gobolkaas. Gaalkacyo ayaa bilihii udambeeyay amnigeedu sidii hore dhaamay, kadib markii loo sameeyay ciidamo Boolis iyo Milateri ah oo Puntland iyo Galmudug ku midoobeen. PUNTLAND POST The post Korneyl Gabi-gabi oo lagu dilay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Caawa ayaa waxaa madoobaaday Dayaxa inta badan Wadamada Caalamka gaar ahaan wadamada dhaca Geeska Afrika. Dayaxa ayaa markii hore qeyb qeeyb u soo madoobaanayay inkastoo markii dambe guud ahaan uu madoobaaday. Muslimiinta dunida ayaa u dareeray Goobaha cibaadada gaar ahaan Masaajida iyaga oo tukaday Salaada loo yaqaano Salaad Qusuuf ama dayax madoobaad. Culumada ayaa dadka ka wacdinaya Masaajida iyaga oo u sheegaya in ay alle u laabtaan. Sidoo kale wadamada kale ee xiligaan ay u tahay maalin ayaa la sii saadaalinayaa in ay dayaxu uu madoobaado. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dayax Madoobaad laga Arkay Caawa inta badan Wadamada Caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe oo dib ugu laabtay magaalada Hargaysa ayaa ka hadlay kulankii uu dhawaan magaalada Brussles kulasoo qaatay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in kulankaasi uu ahaa mid uu dalbaday Farmaajo sidaana ay ula kulmeen, isagoo meesha ka saaray inay kala hadleen arrimo gaara. Faysal Cali Waraabe, waxa uu ku adkeystay in Madaxweyne Farmaajo ay kala hadleen colaada ka jirta deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, hase yeeshee uu iska fogeeyay inuu ku lug leeyahay dagaalka. Faysal cali waraabe ayaa sidoo hadalkiisa waxaa qeyb ka ahaa in Xukuumada Muuse Biixi uu hogaamiyo ay todobadii bilood ee ay xilka haysay waxba laga weydiin waxa ay qabatay xili uu sheegay in marmarsiyo laga dhiganayo “Faysal ayaa Farmaajo la kulmay”. Faysal Cali Waraabe, waxa uu si cad u sheegay in laysla xisaabtami doono wakhtiyada soo aadan, waxa uuna arrin aan Xukuumada khuseyn ku sheegay la kulankiisa ku aadan Farmaajo. HOOS KA DAAWO HADALKA FAYSAL CALI WARAABE
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaada ee xarunta KMG maamulka Galmudug ayaa sheegaya inuu sii xoogeystay khilaaf ka dhashay xil ka qaadis uu mas’uul xil hayay ku sameeyay Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Galmudug. Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabay) ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyaha degmada Balanbal Jaamac Xayle Maxamed, hase yeeshee Guddoomiyaha ayaa diiday xil ka qaadista. Waxa uu Guddoomiyaha sheegaya inaanu sharci aheyn xil ka qaadista lagu sameeyay, sidaa aawgeedna uusan aqoonsaneyn Wareegtada kasoo baxday xafiiska Hogaamiye ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabay). Waxaa uu sheegay Gudoomiye Jaamac Xayle Hogaamiye ku xigeenka uu warqad kasoo qoray Magaalada Muqdisho in ay soo gaartay laguna sheegay in xilka looga qaaday, taasina aysan sharci aheyn. Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa xusay in heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna ay gaareen ay arintaasi kasoo horjeedo ayna tahay Sharci daro. Dhinaca kale, Hogaamiye ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabay), ayaa bilihii lasoo dhaafay dibad joog ka ahaa howlaha maamulka Galmudug, waxaana uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Sharci dejiye ka tirsan golaha wakiilada Minnesota, Steve Drazkowski ayaa Ilhaan Cumar oo u tartameysa aqalka congress-ka Mareykanka ka gudbiyey dacwad ah inay si qaldan u adeegsatay lacag loogu deeqay ololaheeda doorasho. Drazkowski, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa su’aal ka keenay lacag dhan 2,250 oo dollar oo Ilhaan ay bishii November ee 2016 siisay xafiiska garyaqaanada Kjellberg Law Office. Xafiiska oo ku taqasusay sharciga qoyska ayaa ka shaqeeyey kiiskii furriinka Ilhaan ee 2017-kii. Drazkowski ayaa sheegay in lacagtaas ay ahayd lacag Ilhaan loogu deeqay doorashadeeda, balse ay u adeegsatay arrimo qoys oo ayada u gaar ah. Qareenka Ilhaan oo leh xafiiskan ayaa ku gacan seertay eedeymaha loo jeediyey kalyantigeeda. “Tani gebi ahaanba waa been. Waxaan Ilhaan siiyey talo la xiriirta maareynta xasaradaha. Lacagta ay isiisayna waxay ahayd mid taas loogu talo-galay ee ma ahayn mid furriin la xiriirta” ayey tiri qareenka Ilhaan, Carla Kjellberg. Sidoo kale qoraal ay soo saartay ayay Ilhaan ku sheegtay in eedeymahan ay yihiin kuwa been abuur ah. Drazkowski ayaa sheegay in Ilhaan ay leedahay taairikh xadgudubyo lacagta ololaha doorashada ah, oo tani aysan ugu horreyn. Bishii tagtay waxaa lagu ganaaxay Ilhaan 1,100 oo dollar markii ay diiwaan gelin weysay danaheeda dhaqaale. Sidoo kale bishii May 2017 waxaa lagu ganaaxay 1,000 dollar kadib markii xilli dambe un ay shaacisay lacag la siiyey ololaheeda doorasho. Bishii November ay 2017 ayaa 150 dollar oo ganaax ah waxay ku muteysatay diiwaan-gelin lacageed oo xilligeeda ka daahday. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Hawlgal ay xalay ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed Somalia ay ka sameeyeen agagaarka degmada Waajid ayey ku dileen sarkaal ka tirsanaa hogaamiyeyaasha ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Macalin Deerow. Weerarka ayaa ahaa mid qorsheysan oo muddo laga shaqeynayey, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed. Wasiirka Amnina ee Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa VOA da u sheegay, in hawlgal kaasi ay ciidamadu ku dileen lix qof oo uu ka mid yahay Macallin Deerow. “Howlgal qorsheysanaa oo ay saaka ciidamada Darwiishta Koonfur Galbeed ay ka fuliyeen deegaanka Lafaale oo qayaas ahaantii 28 KM u jira degmada Waajid ee Gobolka Bokool ayaa lagu dilay horjooge Macalin Deerow,waxaa sidoo kale goobtaasi lagu dilay ilaa 5 ka tirsan maleeshiyadii la socotay,waxaana laga soo furtay hubkii ay wateen oo gaaraya ilaa 8 qoryaha loo yaqaano AK47,way sii socon doonaan howlgalada inshaa allaah”. Ayuu yiri Wasiir Xasan. Macallin Deerow ayaa la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa degmada Waajid iyo deegaanada ku dhow, halkaasi oo la sheegay inuu dad badan ku dilay. Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/35e40b08-2f73-423b-b3ec-406752512067_48k.mp3 Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
-
The soporific seaside town of Berbera is slowly changing as it takes on a major role on the Red Sea shipping route, allowing breakaway Somaliland to dream of prosperity and even recognition. Source: Hiiraan Online
-
Sydney (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa qorsheyneysa inay weerar gantaallo ah ku qaado goobaha Nuclear-ka dalka Iran bisha soo socota, sida uu kashifay sarkaal ka tirsan sirdoonka dalka Australia. Taleefishinka qaranka Australia ee ABC ayaa sheegay in Trump uu diyaar u yahay inuu bixiyo amar weerar oo ka dhan ah Iran. Taleefishinka ayaa soo xigtay ilo-sirdoon oo magacooda la qariyey. Si kastaba markii warkan uu soo shaac baxay, ayaa ra’iisul wasaaraha Australia Malcolm Turnball waxa uu iska dayey inuu qaboojiyo, isaga oo sheegay inuu yahay warar la isla dhex-marayo oo aan hubneyn. “Warka ABC ee laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Australia, aniga la igalama tashan, ama wasiirka arrimaha dibedda, ama wasiirka gaashaandhigga, ama taliyaha ciidmada” ayuu Turnball u sheegay ABC Radio. Taleefishinka ABC ayaa sheegay in saldhigga ugu sarreeya sirdoonka dalkaas ee Pine Gap uu kaalin ka qaadan karo cayimidda goobaha weerarka lala beegsanayo ee dalka Iran. Warkan ayaa imanaya ayada oo Trump uu toddobaadkii horey ugu hanjabay Iran inay la kulmi doonto cawaaqib aan dhicin taariikhda dunida haddii sida uu sheegay ay u hanjabto Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Sydney Caasimada@live.com
-
Gunmen shot dead a former legislator in Mogadishu on Thursday evening. Ali Mohamed Abdi, who was a member of the 9th Federal Parliament of the country, was shot dead by gunmen who attacked him at his home. Source: Hiiraan Online
-
Gunmen shot dead a former legislator in Mogadishu on Thursday evening. Ali Mohamed Abdi, who was a member of the 9th Federal Parliament of the country, was shot dead by gunmen who attacked him at his home. Source: Hiiraan Online
-
Eritrea says Somalia's president will visit the country on Saturday as yet another rivalry in the Horn of Africa region may be coming to an end. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqashadii ugu horeeysay bari ku tagay Magaalada Asmara ee caasimada dalka Erateria. Booqashadaan Madaxweyne Farmaajo uu ku Tagaya Asmara ayaa waxaa xaqiijisay dowlada wadankaasi Erateria. Wasiirka Warfaafinta ee Dowlasa Erateria Yemane Meskel ayaa ku xaqiijiyay Bartiisa Twitterka in Madaxweyne Farmaajo uu Bari ka dagayo Asmara. Madaxweyne Farmaajo ayaa Casuumaad ka helay dhigiisa dalkaasi Isaias Afwerki isaga oo la qaadan doono kulan saacado qaata. Booqashadaan haddii Madaxweyne Farmaajo uu bari ku tago Asmara ayaa noqoneeysa booqashadii ugu horeeysay uu ku tago dalkaasi. Booqashadaan ayaa waxaa ay ku soo beegmeeysaa xili Dhowaan heshiis taariiqi ah uu dhexmaray Itoobiya iyo Eriterea. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo Booqashadii ugu horeeysay Ku Tagaya Asmara appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirkii waxbarashada C/raxmaan Daahir Cismaan wuxuu u dambeeyey tiro wasiirro ah oo soo maray xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, kuwaasoo xilliyo kala duwan xilalka laga qaaday, ama iska casilay. Sida ay sheegeen wasiirada qaar oo xilka laga qaaday, waxaa jiray balanqaad loo sameeyay oo ahaa in ay waqtiga isla dhamaysan doonaan xukuumadda. Hase yeeshee tiro ka 7 wasiir ayaa laga qaaday xilalkii ama laga eryey wasaaradihii ay hayeen ayadoo aan la sheegin sababta. Tiradaas waxaan ku jirin wasiirradii iyo wasiir ku xigeennadii baneeyey boosaskooda, si ay ugu tartamaan jagadii guddoomiyaha baarlamaanka, Wasiir Cabaas Siraaji oo Muqdisho lagu dilay iyo wasiirad Maryan Qaasim oo is casishay. Dadweynuhu xaq ma u leeyihiin inay ogaadaan sababta loo eryayo wasiirrada? Su’aasha ugu weyn ee ay dadku is weydiinayan waxay tahay miyeynaan xaq u lahayn in aan ogaanno sababta wasiirro intaa le’eg loo eryey ama ay uga tageen shaqadii ay qaranka u hayeen?. Weli lagama jawaabin su’aashaas, laakin Maxamed Caalin oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya wuxuu qabaa in hawshaas ay baarlamaanka u taallo. “Sida dastuurku dhigayo, waxaa matala wakiillo baarlamaan. Hadduusan baarlamaanku la hadli karin oo uusan su’aashaas weydiin karin ra’iisul wasaaraha, hadde shacabku afarta sano inta ay ka dhamaanayso uun bay sugayaan” ayuu yiri. Wuxuu dareen ka muujiyey tirada sii kordhaysa ee wasiirrada xafiiska ka tagaya ama laga eryayo muddadii sannad iyo barka ahayd ee ay dawladdu jirtay. Wuxuu barbar dhigay dawladihii ka horreeyey oo uu sheegay in heerkan aysan gaarsiisnayn, wuxuuna u aanaynayaa isagoo tusaale u soo qaatay wasiirkii waxbarashada ee u dambeeyey wasiirrada la eryey, in uusan jirin dulqaad siyaasadeed oo hadal uu wasiirku sheegay, markii dambena uu raalli galin ka bixiyey uu sababsaday. “Khaladkan oo kale cidna ma caawinayo, wasiirkii ma caawin, xukuumaddii ma caawin, wasiir cusub oo la keenana wuxuu u baahan yahay inuu hay’adihii kala barto” ayuu yiri Caalin. Wuxuu tilmaamay Ra’isulwasaaraha iyo madaxweynaha ay horay u balanqaadeen xasilooni siyaasadeed “Xukuumad ballanqaadyo samaysay oo sheegtay in ay koox ahaan u wada shaqaynayso oo aqoonyahanno leh, haddana dadkii xukuumaddu keentay sida Maryan, wasiir Juxa, Yuusuf Garaad ay qaar yiraahdaan nidaam darro ayaan shaqada uga tegey, qaarna ay yiraahdaan ma aynaan ogayn waa dhaqan ku cusub xukuumadda Khayre, mas’uuliyadana waxaa iska leh wasiirka 1aad. dadku waxay dusha u saaraan Madaxweynaha. Hadday xukuumaddu najaxdo iyo hadday shaqayn waydo labada ra’iisul wasaaraha ayaa iska leh” ayuu sii raaciyey. Maxay tahay sababta aan loo sheegin xil ka qaadidda wasiirrada? Maxamed Caalin wuxuu qabaa in arrintaas uu madaxweynuhu ka gaabiyey. “Waxay noola muuqataa in madaxweynuhu uusan door weyn ku lahayn inuu ilaaliyo maadaama uu yahay hay’adda ugu dambaysa ee waddanka xagga sharciga marka laga fiiriyo. Arrinta madaxweynaha ayey u taallaa inuu baaritaan ku sameeyo oo mas’uuliyadiisa ka soo baxo” ayuu yiri. Ma ahan oo kaliya wasiirada xilka laga qaaday, ee waxaa kale oo jira waxyaabo kale oo tiro badan oo dalka ka dhaca oo aanan la sharixin sababtii ay ku dhaceen. Mala oran karaa waa falsafad siyaasadeed oo u degan dowladda hadda jirta?. Taasi waa su’aal aanan durba laga jawaabi karin, maluhuna waqtiga ka jawaabi doono. Xigasho BBC PUNTLAND POST The post Maxaa diiday in xukuumadda Soomaaliya ay sharaxaad ka bixiyo wasiirada ay xilalka ka qaado? appeared first on Puntland Post.
-
Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la soo afjaray murankii dhanka xajka ahaa ee u dhaxeeyay Ganacsatada iyo Xukuumada. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna sii hayaha xilka wasiirka Mudane; C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa sheegay in xal laga gaaray murankii Xajka. Wasiir Ashkir ayaa sheegay in fududeeynta arintaaasi ay kaalin ka qaateen Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isilwasaaraha. Wasiirka ayaa sheegay in la kordhiyay sanadkaan diyaaradaha Xujeeyda ee aada Xajdka islamarkaasina laga dhigay 5-Diyaaradood. Waxaa ugu baaqay in Ganacsatada Soomaaliyeed ee leh diyaaradaha ay fuliyaan amarka Xukuumada Soomaaliya. “Umadda Soomaaliyeed waxaa ugu bishaareynayaa in Xajka uu qabsoomayo, kaalin aad weyn ayeey ka qaateen xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, shirkadaha waxaan kula dardaarmayaa in ay go’aankii Xukuuamdda ay sideeda u fuliyaan” Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in Wasaarada Xajka ee Sucuudiga ay si fiican u la shaqeeysay islamarkaasina ay u mahad cilinayaan. “wasaaradda Xajka Sacuudigu si wanaagsan ayeey noola shaqeeyeen, kaslooni buuxdo ayaan qabnaa saacaddaan, laga bilaabo shalay waxaa la qeybiyey Kaararkii shirkadaha, annagana dabagal iyo qiimeyn ayaan ku sameyn doonnaa” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdixakiin Xasan Ibraahim Ashkir Muran laga cabsi qabay in sanadkaan ay baaqdaan Xujeeyda Soomaaliyeed ayaa taagnaa baryihii la soo dhaafay inkastoo hadda wasaarada ay sheegtay in la xiliyay arintaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Murankii Xajka oo xal laga gaaray iyo Xujeeyda Soomaalida oo Baxaya appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen sarkala katirsan Al-Shabaab iyo 6 kamid ilaalo isaga la socotay. Wasiirka Amniga Koofur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed(Xasan Eeley) ayaa u sheegay warbaahinta Goordhow in ay dileen Macalin Deerow oo ahaa sarkaal sare oo katirsan Al-shabaab una qaabilsanaa Jidgooyooyinka loo dhigo Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM. Howlgalkaan ayaa waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Lafaale oo qiyaastii 28 KM u jira degmada Waajid ee Gobolka Bakool. Koofur Galbeed ayaa sidoo kale sheegtay in laga soo Furtay hub ay wateen Dagaalamayaashaasi la dilay ee Al-Shabaab. Wasiirka ayaa sheegay in howlgal qorsheeysan lagu dilay sarkaalkaasi kadib markii ay horay u la socdeen xogta sarkaalkaasi oo ku sugan deegaankaasi. Majiro Wax war ah oo ka soo baxay Al-shabaab oo ku aadan sarkaalkaasi iyaga katirsanaa iyo askartii la socotay ee la dilay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Sarkaal katirsan Al-Shabaab iyo 6-ilaaladiisa ah oo la dilay appeared first on Puntland Post.
-
Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalinta berri ah booqasho rasmi ah ku tagi doona dalka Eritrea, sida ay goordhow ku dhawaaqday dowladda dalkaas. Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel ayaa qoraal goordhow uu soo dhigay barta twitter-ka ku shaaciyey booqashadan, oo uu sheegay inay ku timid casuumad uu madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki u fidiyey Farmaajo. “Madaxweyne Afwerki casuumad uu u fidiyey darteed, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho saddex maalmood qaadan doonta waxa uu ku tagayaa Eritrea. Waftiga Madaxweyne Farmaajo ayaa la qorsheeyey inay beri subax kasoo degaan Asmara” Sidoo kale, wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa xaqiijiyey booqashada madaxweynaha Soomaaliya uu berri ku tagayo dalka Eritrea. Farmaajo ayaa noqon doona madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed ee booqda Eritrea, oo marar badan lagu eedeeyey inay taageerto kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya, inkasta oo eedeymahaas u muuqdeen kuwa ay hindistay Ethiopia. Booqashadan ayaa imaneysa ayada oo Caasimada Online ay noqotay warbaahintii ugu horreysay ee horey u shaacisay in ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu dhexdhexaadin ka dhex waday Soomaaliya iyo Eritrea. Halkan ka aqri warkii aan arrintaas ka qornay 21-kii July.. Dalka Somalia ayaa waxaa ku nool Qowmiyad kasoo jeeda dalka Erateria kuwaa oo kor u dhaafaya 800 oo qoys, halka dalka Erateria ay ku noolyihiin muwaadiniin badan oo u dhashay Somalia. Geesta kale, Booqashada Farmaajo ee magaalada Asmara ayaa faraj u fureysa Qowmiyadaha labada dal, waxaana xusid mudan in xiriirka labada dal uu noqonaayo mid soo laabta sanado badan kadib. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kenyan police officer killed, 2 injured in al-Shabab attack
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
At least one police officer was killed and two others sustained serious injuries while another three are missing after a vehicle they were travelling in was ambushed by al-Shabab militants in the coastal Lamu county on Thursday, police said. Coast Regional Police Commander Noah Mwivanda confirmed the incident in Milihoi area, which paralyzed transport in the region. There were six police officers in the vehicle, he said. Mwivanda said Somali militants ambushed the police officers who were returning to their camp in Mpeketoni after regular patrols in al-Shabab-prone areas. He said the ambush prompted a fierce gunfight with insurgents, who later vanished into the forest. “Our officers have been injured and might need referrals,” he told Xinhua by phone. The police commander said two officers have been hospitalized while the search for the other three is ongoing. A Kenya Red Cross official who requested anonymity said that the attack has paralyzed operations along Garsen-Lamu Road. All public service vehicles from Mombasa to Lamu are stuck at Mkunubi area while commuter buses from Lamu have been barred from leaving. Hundreds of passengers were stranded on the road as security forces engage the militants in heavy shootout. Al-Shabab militants have changed tactics and resorted to using improvised explosive devices to carry out attacks in parts of the coastal and northeastern regions, according to police. The militant group is believed to have fighters operating in the area’s Boni forest that has poor communication network and terrains, slowing down police operations. Source: – Xinhua -
Facebook Inc CEO Mark Zuckerberg’s fortune tumbled by US$16.8 billion in late trading WednesdayChip Somodevilla/Getty Images It’s official. Facebook Inc. just had the biggest stock-market wipeout in American history. Shares tumbled 19 per cent on Thursday to close at US$176.26 after sales and user growth disappointed investors the day before. The drop translates to a US$119.4 billion decline in market capitalization, the largest-ever loss of value in one day for a U.S. traded company. Chief Executive Mark Zuckerberg’s fortune took an almost US$16 billion hit. Analysts who follow Facebook were blindsided Wednesday when Chief Financial Officer David Wehner said revenue growth rates would decline in the third and fourth quarters. They asked frequently on an earnings conference call with executives for more information on exactly how the company’s financial future had changed so dramatically. “I think many investors are having a hard time reconciling that deceleration,” Brent Thill, an analyst at Jefferies LLC, told Facebook executives, asking for a little more clarity on the reasoning. “It just seems like the magnitude is beyond anything we’ve seen, especially across a number of the tech (companies) we cover.” Before the results, Facebook had 44 buy ratings, two sells and two holds. A few analysts tempered their outlook Thursday. For Facebook, financial stumbles are rare. The last time the company missed revenue estimates was the first quarter of 2015. But the results followed a period in which data-privacy issues came under harsh scrutiny, with Chief Executive Officer Mark Zuckerberg testifying before U.S. Congress for hours on the company’s missteps. The quarter was also marked by Europe’s implementation of strict new data laws, which Facebook said led to fewer daily visitors in that region. The company was bombarded by public criticism over its content policies, especially in countries such as Myanmar and Sri Lanka where misinformation has led to violence. And it continued to suffer fallout from investigations into Russian manipulation of the platform during the 2016 U.S. presidential election. All of those problems are hitting amid a harsh truth for the company: Facebook, the social network with 2.23 billion active monthly users, can’t grow forever. “The core Facebook platform is declining,” said Brian Wieser, an analyst at Pivotal Research Group. Facebook said it had 1.47 billion daily active users in June, compared with the 1.48 billion average of analysts’ estimates compiled by Bloomberg. The company’s user base flatlined in its biggest market, the U.S. and Canada, at 185 million daily users, while declining 1 per cent in Europe to 279 million daily users. Overall, average daily users increased 11 per cent from the period a year earlier. Revenue increased 42 per cent to US$13.2 billion in the quarter. Analysts projected US$13.3 billion. The social network still holds one of the world’s most valuable sets of data on what people are interested in, and makes that audience easily available to advertisers. The company remains in a dominant position in mobile advertising alongside Alphabet Inc.’s Google. “As we have written about extensively, the advertising industry – and digital advertising no less – has limits to growth, which we think is the primary factor constraining Facebook’s revenue opportunity,” Wieser said in a note after the earnings. “Deceleration such as management guided toward suggests that while the company is still growing at a fast clip, the days of 30%+ growth are numbered.” Wehner gave three different reasons why the company’s revenue growth would decline: currency headwinds, greater investments in new kinds of content-sharing, like disappearing videos, and greater user control over privacy — a direct response to criticism the company has fielded. After the General Data Protection Regulation went into effect in Europe, Facebook started asking people to check their privacy settings and make sure they wanted to share certain kinds of data. Facebook is rolling out a version of those protections to the rest of the world. If users choose to share less data with Facebook, that could hamper the company’s ad-targeting abilities, making it less attractive to marketers. While privacy was an issue in Europe, politics played a role in North America, which is the company’s most lucrative advertising market. Facebook disrupted some business by putting in place new rules to get all political advertisers to verify their identities. The company may have halted more ad purchases than expected as it applied a broad definition of what’s considered “political.” After the earnings report, executives worked to explain the potential of Facebook’s other properties, not just the main social network, to fuel growth. The company owns three other properties with more than 1 billion users: WhatsApp, Messenger and Instagram. Together, the entire Facebook suite of products has 2.5 billion unique monthly users, the company disclosed for the first time. Of the newer endeavors, Instagram’s business model is the most mature, and likely contributed meaningfully to revenue in the quarter, analysts have said. Zuckerberg called it an “amazing acquisition,” saying Instagram grew twice as fast as it would have by being part of Facebook, without explaining his methodology. The company doesn’t break out Instagram’s revenue. Facebook has said it will increase spending to make investments in video content, and on new bets like artificial intelligence and virtual reality. The company is also rapidly expanding its real estate around the world to accommodate a hiring spree, which includes thousands of new workers to help combat foreign election manipulation on the site. The company said headcount was 30,275 as of June 30 — an increase of 47 per cent year over year. Before the results were announced, Facebook’s shares had closed in New York at US$217.50, a record high, and had gained 23 per cent this year. The revenue guidance from the company was “unprecedented,” said Gene Munster, an analyst at Loup Ventures, in a note to investors. But Facebook, which reported sales growth averaging 50 per cent the past 10 quarters, may just be lowering the bar so it can win back confidence in future quarters. “The company has a track record of resetting revenue growth and expense expectations only to turn around and exceed those expectations the following quarter,” Munster wrote. Source: – Financial Post
-
Ethiopians in Washingon area have been waiting for the arrival of Abiy Ahmed to celebrate him and to express their support for the reform measure that his government is undertaking. He and his entourage including his foreign minister Workeneh Gebeyehu and Lemma Megersa, arrived at Dallas International airport Washington DC, today and they had to attend a reception ceremony organized at the Ethiopian Embassy. As they enter the embassy, a lone man was outside protesting waving Ethiopian flag outlawed by the Ethiopian government. Kassahun Yilma, who is Ethiopian Satellite Journalist, says that the person who was protesting today at the Ethiopian embassy, his name is Shimeles, has been protesting the Ethiopian government for a long time. In September 2014, he dared to enter the Ethiopian embassy, lowered government flag and raised the Ethiopian flag that is popular among many Ethiopians – an incident that prompted embassy staff to draw a gun and fire. But today he was not protesting against prime minister Abiy Ahmed. He was rather protesting, according to Kassahun Yilma, that Tamagne Beyene, a well-known activist who used to be a comedian, is left out from the reception event at the Ethiopian Embassy. When the prime minister sees Mr. Shimeles protesting alone outside the Ethiopian Embassy, he refused to go in and approached the protesting lone man and told him that he will not go in while he is protesting. The prime minister finally convinced Mr. Shimeles and they went into the reception event together. At the end of the event, the prime minister met him again and hugged him. Source: borkena