-
Content Count
213,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (Caasimada Online)-War ay soo saartay dowlada Kenya ayaa waxaa lagu sheegay inay jiraan Isbitaalo ku yaala dalka oo lagu daweeyo dhaawacyada maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Warbixintaan oo aad u dheered ayaa waxaa lagu sheegay in Isbitaaladaasi uu xiriir kala dhexeeyo Al-Shabaab kaa oo ku eg daweynta Al-Shabaabka ku dhaawacma weerarada ka dhaca Kenya. Hay’adaha amaanka Kenya oo qeyb ka ah warbixinta ayaa sheegay in digniino gaara ay u dirayaan Isbitaallada ku yaalla degaannada Lamu, Tana River, iyo Garissa oo lagu hoyaadiyo dhaawacyo dhowr ah oo ay leeyihiin Al-Shabaab. Isbitaaladaasi ayaa la sheegay in ay daweeyaan dadka ka tirsan Al-Shabab ee ku dhaawacma dagaalka ay kula jiraan Ciidanka Kenya. Booni Joseph Kanyiri oo ah Agaasimaha howlgalka ciidamada Keynya oo isagana la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in Isbitaallada qaar daweeyan dhawacyada Al-shabaab, xitaa qaarkood loo qaado Isbitaalo ku yaala gudaha Kenya. Booni Joseph Kanyiri, ayaa si cad u sheegay in Al-Shabaabka lagu daweyay isbitaalada kor ku xusan ay dhamaantooda ku dhaawacmeen dagaal Khamiistii lasoo dhaafay dhexmaray Ciidanka Kenya iyo Al-Shabab. Sidoo kale, macluumaadkasi ayuu sheegay inay ka heleen dharcad laga hirgaliyay deegaanada ay ku yaalan Isbitaalada kor ku xusan ee lagu daweeyay Al-Shabaabka. Dhinaca kale, waxa ay dadka deegaanka ka codsadeen inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaabka iyo dadka aan la muuq aqoon ee deegaanadooda ku cusub. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in duufaano xoogan ay kusoo fool leeyihiin deegaanada maamulka. Axmed Muumin Seed, Wasiirka wasaarada beeraha Somaliland oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay jirto cabsi xoogan ku aadan duufaanta. Waxa uu tilmaamay in duufaanta ay wadato roobab lixaad leh oo saameyn weyn ku yeelankara inta badan deegaanada maamulka. Wasiirka waxa uu cadeeyay in duufaanta dabeysha wadata ay kusoo beegan tahay bisha soo socota ee Octoober iyo bilaha ka dambeeya, sida uu hadalka u dhigay. Roobabka duufaanta wata ayuu sidoo kale sheegay in xoogooda ay saameyn ku yeelan doonaan gobolada bariga ka ah Somaliland, waxa uuna ku baaqay in mar waliba shacabka laga doonaayo inay u diyaar garooban. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in shacabka Somaliland loogu baahan yahay iney sameeyaan feejignaan dheeri ah loona baahan yahay iney wada shaqeyn dhaw la yeeshaan hay’addaa shaqada ku leh ee Somaliland. Haddalka Wasiirka Beeraha Somaliland ayaa kusoo beegmaya xili Somaliland ay horay u marti galisay roobab dabeylo watay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Waaxda dhul bixinta dowladda hoose ee magaalada Baladweyne ayaa digniin ka soo saartay is qabqabsiga dhulalka ee magaaladaasi. Agaasimaha waaxda dhul bixinta dowladda hoose ee B/weyne Xuseen Maxamed Fiidoow ayaa kaga hadlay arrintaasi oo muddooyinkii dambe magaalada ka taagneyd. Wuxuu iska fogeeyay in xafiiskiisa uu ku lug leeyahay is qabqabsiyada dhuleed islamarkaana ay ku shaqeeyaan lacago dheeraad ah. Agaasimaha ayaa sheegay in dhul bannaan oo magaalada Baladweyne ku yaalla ay qorsheyaal u dejiyaan kaasi oo ah dhul dowladeed. Ciddii ka hor timaada ayuu xusay in ay kala kulmayso ciqaabta sharcigu uu ka qabo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/AGAASIMAHA-DHULKA-BALADWEYNE-25-09-2018-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Culimada Soomaaliyeed iyo Ururada udooda xuquuqda haweenka iyo carruurta ayaa si wadajir ah u cambaareeyey falkii lagu gubay muwaadinka Soomaaliyeed. Waxa ay si wada jir ah u sheegeen in falkaasi uu ahaa mid ka baxsan bini’aadannimada islamarkana ay tahay mid shacabka kala fogeyneysa. Dowladda federaalka Soomaaliya ayey si wada jir ah uga dalbadeen in cadaaladda la horkeeno cid kasta oo lug ku laheyd in marxuumkaas naftiisa uu waayo. Culimada ayaa si gaar ah waxay u sheegeen in diinta aanay qabin in la faquuqo qof muslim ah, dambina ay tahay in qof lagu xad-gudbo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WARKA-HEEBSOOCA_1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka Magaalada Garoowe ee Caasiamda puntland ayaa sheegay in wadaan baaritaan ku aadan Shaqsi lagu soo eedeeyay in Xaaskiisa uu dilay. Dhacdadaan ayaa ka dhacday mid kamid ah xafadaha Garoowe gaar ahaan wadada Sodonka, iyadoo marxuumadda dilka loo geeystay la xaqiijiyay in galinkii danbe ee shalay la aasay. Cali Salaad Diiriye, guddoomiye ku xigeenka magaalada Garoowe ayaa sheegay in shaqsiga dilka geystay gacanta lagu hayo, islamarkaana ciidanka dambi baarista ay wadaan sida ay ku ogaan lahaayeen qaabka dilka uu dhacay. “Hadda waxaa socda baaritaanka, waxaana la xaqiijinayaa sida ay wax u dhaceen iyo sidoo kale qaabka ninkan u diley xaaskiisa iyo waxa sababay” Dhacdadan ayaa ah mid aad iyo aad looga hadalhayo guud ahaan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
While Israel laid claim to being the first country ever to use the US-made F-35 fighter jet in combat, the US may follow suit soon, according to defense officials. Source: Hiiraan Online
-
An evacuation at Valleyfair on Saturday night led to confusion, concern and many questions among guests and KARE 11 viewers. Source: Hiiraan Online
-
Kenyan Waihiga Mwaura wins BBC World News Komla Dumor award
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A Kenyan journalist and TV presenter has won this year's BBC World News Komla Dumor Award. Source: Hiiraan Online -
In a village outside Rwanda's capital Kigali, a group of boys are spending a rainy afternoon learning how to stop gender-based violence and the power imbalances in the #MeToo era. Source: Hiiraan Online
-
Kenya Foreign Affairs Cabinet Secretary Monica Juma is calling on the international community to place integration of terror merchants who quit the vice, at the heart of sharing information on violent extremism. Source: Hiiraan Online
-
US. Marine Corps F-35B Joint Strike Fighters have reportedly conducted reconnaissance missions over or near Somalia and were ready to respond to requests for close air support from American forces in that country during their first-ever deployment to the Horn of Africa region aboard the USS Essex amphibious assault ship. Source: Hiiraan Online
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka Kenya, Faarax Macallin Dawaar ayaa sheegay in siyaasaddii Ethiopia ee Soomaaliya ku wajahneyd uu is-beddel weyn ku yimid, islamarkaana Itoobiya ay markan ka go’an tahay nabadda Soomaaliya. Tan iyo markii uu talada Itoobiya la wareegay Ra’iisul Wasaaraha Isbadal doonka ah Dr Abiy Ahmed waxaa si dhab ah is bedel ugu yimi siyaasaddii iyo diblomaasiyaddii kala dhexeysay Soomaaliya, ayada oo labada dal ay aad isugu soo dhowaadeen. Faarax Macallin oo ah siyaasi aad ugu dhuun dhuleela siyaasadda mandiqadda Geeska Africa oo arintaas ka aragti dhiibaya ayaa beegsaday barta uu ku leeyahay Twitter-ka. Ethiopian Government policy towards Somalia has changed drastically. Dr Abiye believes the peace, unity & territorial integrity of Somalia is sacred. Dr Abiye & Afeworki will help Villa Somalia to eradicate AlShabaab & restore peace within months.Uhuru stand up to be counted too. — Farah Maalim (@FarahMaalimM) September 21, 2018 “Siyaasaddii Itoobiya ee ku wajahneyd Soomaaliya aad ayey isu bedeshay. Dr Abiy waxa uu aamiinsan yahay nabadd, midnimada iyo karaamada dhulka Soomaaliya in ay yihiin kuwa sharfan. Dr Abiy iyo Afwerki waxa ay Villa Somalia ka caawin doonaan si ay xididdada ugu siibi lahayd Al-Shabaab iyo sidii ay nabadda bilo gudohood ugu soo celin lahayd. Uhuru, sidoo kale istaag si laguugu tashado.” Waxaa xusid mudan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya isaga oo talada haya muddo shan bilood ah, wali ma qaabilin hoggaamiye maamul gobolleed oo ka tirsan Soomaaliya, taas oo cagsi ku ah siyaasaddii ku dhisneyd qeybi oo xukun ee ay caanka ku ahayd TPLF. Arrintan ayaa timid, kaddib heshiis ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed oo dhigayey in labada dal ay ilaaliyaan madax banaanida midda kale. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Maamulka Somaliland waxa uu shalay Hargeysa ku soo dhaweeyeen Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka tirsan Jabhadda ONLF. Tallaabadan waxa ay fajaciso ku noqotay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Somaliland oo joobjoog u ahaa tacadiga uu maamulkooda ku hayn jiray xubnaha OLNF. Somaliland waxaa laga dhoofin jiray saraakiisha ka tirsan ONLF oo gabaad ka soo dhigta gobolada Waqooyiga Soomaaliya siiba meelaha ay ka arrimiyaan Somaliland. Gooni kuma aha Somaliland maamulada caadeystay in ay Itoobiya weji uga raadsadaan u gacan galinta mujaahidiinta ONLF. Puntland, Galmudug iyo waliba Dowladda Federaal-ka Soomaaliya ayaa ficilladaas gurracan qeyb ka gaystay. Balse soo dhoweyntii Qalbi-Dhagax loogu sameeyey Hargeysa waxaa igaga baxay saddex arrimood. 1 – Munaafaqnimada siyaasiyiinta Somaliland Siyaasiyiinta Somaliland waxa ay muujiyeen weji munaafaqnimo ah, maadama ay bedeleen mawqifkii ay ka taagnaayeen ONLF oo ay u yaqaaneen urur argagixiso ah. In ayaga oo xubnaha ONLF u dhiibi jiray Ethiopia ay iminka soo dhoweeyaan sarkaal sidoo kale Ethiopia loo dhiibay waxay muujineysaa kaliya in ujeedkoodu aanu ahayn wax ka baxsan ceebeynta dowladda federaalka Soomaaliya. 2 – Dhimashada TPLF TPLF oo muddo 27 sano ah ka talineysay Itoobiya ayaa cadaadis ku saari jirtay maamulada Soomaaliya ka jira in ay u soo gacan galiyaan cid walba oo siyaasadeeda liddi ku ah, ONLF ayaana ugu weyneyd! Qalbidhagax oo lagu soo dhaweeyey Hargeisa, waxa ay tusaale u tahay jabka soo gaadhay jabhadda Tigreyga ah ee TPLF iyo sida Soomaalida ay dhinac uga raaceen is-beddelada Abiy Ahmed, oo ay u hilmaameen cabsidii ay ka qabeen TPLF. 3 – Reer Somaliand oo weli ay ku jirto Soomaalinimo Dadka reer Somaliland, mar haddii calanka shanta gees, oo qeyb ka ah calanka ONLF ay ku soo dhaweeyeen Hargeysa, waa astaan muujineysa in weli ay ku jirto Soomaalinimo. Qalbi-Dhagax kuma aysan soo dhoweyn shacabka Somaliland wax ka baxsan inuu yahay qof Soomaali ah, oo dhibaato loo gaarsiiyey Soomaalinimo. Ogow calanka shanta gees ee xiddig ah leh, waa mid ka turjumaya qadiyadda Soomaali weyn! W/Q: Yuusuf Axmed Guuleed Hargeysa, Somaliland Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Sida warar lagu kalsoon yahay ay sheegeen, Madaxweynaha Puntland ee waqtigu kasii dhamaanayo ayaa waxaa uu damacsan yahay inuu dagaal ka bilaabo furinta hore ee Tukaraq inta aan la gaarin doorashada ka dhaceysa maamulkaan Jan, 2019. Gaas oo maalmihii lasoo dhaafey booqaho ku joogey gobolka Sanaag hadana ku sugan magaalada Boosaaso ayaa inta uusan magaalada Garowe ka ambabixin waxaa uu kulan la qaatey qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada ee ku sugan aaga hore ee tuulada Tukaraq isagoo u sheegey iney u diyaar garoobaan duulaan lagu qaado ciidamada kasoo horjeeda ee Somaliland balse arinkaas ayay ku tilmaameen mid aan suurtagal aheyn waqtigaan lagu jiro. Madaxweyne Gaas, ayaa damacsan in doorashada soo socota ku carqaldeeyo dagaalo cusub. Dhinaca kale xogtaan ayaa waxay sheegeysaa in furinta hore ee ciidamada “Tukaraq” ay shalay tageen Sadex Wasiir oo ka tirsan xukuumada Gaas kuwasoo kulan la qaatey saraakiisha ku sugan halkaas. Sida xogo lagu kalsoon yahay xusayaan Wasiiradaaan ayaa fariin ay ka wadaan Madaxweynaha Puntland u geeyey saraakiisha ciidamada taasoo aheyd iney diyaar garoobaan balse waaku gacan seyreen. Sidoo kale waxaa wayadaan dambe aad u xumaa xiriirka u dhexeeya Taliyaha guud ee ciidamada Puntland iyo Madaxweyne Gaas kadib markii warar soo baxeen sheegaya inuu damacsan yahay inuu badalo balse arinkaan ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii saraakiil sare oo laga codsadey iney xilkaan qabtaan ka cududaarteen. Tuulada Tukaraq ayaa waxaa ciidamada Somaliland qabsadeen Jan,2018, iyadoo mudado Sideen bilood ah maamulka uu Madaxweynaha ka yahay Gaas ku guuldareytey inuu dib ugu soo celiyo gacanta maamulkaan. Madaxweyne Gaas oo hadda ku sugan magaalada Boosaaso ayaa waxaa maalintii shaley lagaga diley labo askari oo ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah iyadoo loo maleynayo in falkaan ay gaysteen kooxaha argagixisada ah ee kusoo xoogeystey wayadaan dambe gobolka Barri. Isha: Garowe Online
-
Maputo (Caasmadda Online) – Waxaa wadama dhaca koonfurta Qaaradda Afrika oo Mozambique ugu horeyso ciidankooda amaanka ay geliyaan heegan buuxa, kadib markii la sheegay in Al-shabaab halkaasi ku fideen. Hay’adda International Crisis Group (ICG ) ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadleyso dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee Wadamada Kenya iyo Uganda. Warbixintaan ayaa waxaa lagu soo aadiyey Shan sano kadib markii uu dhacay weerarkii Khasaaraha badan geystay ee Westgate ee magaalada Nairobi. Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay ilaa 67 qof iyadoo ay Al-Shabaab heyteen xarunta ilaa Afar maalmood. Weerarkaas ayaa muujiyey awoodda ay Al-Shabaab u leedahay inay weeraro ka geysato meelo ka baxsan Soomaaliya isla markaasna ay la wareegto xarun weyn oo ganacsi. ICG ayaa warbixinteeda xoogga ku saartay sida ay tahay khatarta Al-Shabaab ee Gobolka Afrikada Bari iyo waxyaabaha iska badalay dhanka Amniga . Hey’adda ayaa xustay inay Al-Shabaab u wareegsadeyn Wadanka Tanzania halkaas oo ay ku sugan tahay koox kale oo Argagixiso kadib qorshahaan cusub oo ka hirgalay Wadamada Kenya iyo Uganda. Tanzania waxaa ka jirta koox araggaxiso ah oo Al-shabaab loogu yeero lana sheegay in ay xirriir la leeyihiin Al-shababka Soomaaliya ka daaalama. Ciidanka Wadanka Mozambique kuwooda xuduudaha ayaa lagu sameeyay is bdedel sida laga xigtay saraakiil ka titsan milatriga dalkaasi . “Waan badalnay habkii sugitanka amniga xuduudadaha dalkeena gaar ahaan mida aan Tanzania la wadaagno ayuu yiri sarkaal sare oo ka tisran Militariga Mozambique.”. Wadanka Maali aya sidoo kale lagu soo waramayaa in ay sameyeen is bdedlka dhanka Ciidamada xuduudaha , waxana dhamaan tani ay la xiriirtaa Khatarta Al-shabaab iyo cabsida laga qabo oo sii kordheysa. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenya oo maanta la kulmay xoghaya guud ee qaraamnada midoobey ayaa sheegay in loo baahanyahay in dalalka Afrika laga garab siiyo ciribtirka Argagixisada oo uu sheegay in ay saameeyeen ku yeeshen Nolasha Bulshada Afrika. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Onlin) – Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa magaalada Nairobi Dowlada Kenya ayaa loogu deeqay diyaarado dagaal nooca qumaatiga u kaca. Diyaaradaha oo tiro ahaan dhan 9 Diyaaradood ayaa waxaa loogu talo galay dagaalka ka dhanka ah Xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab. Waxa ay qoreen Wargeysyada in diyaaradahaasi ay Kenya ka heshay dowlada Imaaraadka Carabta oo si gaara u daneysa dowladaha xeebaha leh ee Africa. Diyaaradahan qumaatiga u kaca ayaa waxaa dowlada Imaaraadka carabta kala wareegay Xoghayaha Difaaca Kenya Raychelle Omamo iyo Taliyaha Ciidanka Cirka Gen Francis Ogolla. Diyaaradaha ayaa sidoo kale lagula kala wareegay garoonka ciidanka Cirka Kenya ee ku yaala deegaanka Nanyuki ee bartamahaa Dalkaasi. Xoghayaha Difaaca Kenya Raychelle Omamo, ayaa sheegtay in Diyaaraduhu ay taageero ka geeysan doonaan Howlgalka goobaha Dagaalka, gurmadka iyo daad gureeynta Daawada. Ciidanka Kenya ayaa Diyaaradahaan u adeegsan kara howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxa ayna ka qeybqaadan doonaan dagaalka ay Kenya kula jiraan Al-Shabaab. Sidoo kale, kororka diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa muujineysa in dowlada Kenya ay ku biireyso dalalka France, Singapore, Thailand, Australian, Brazil, Denmark iyo UAE oo militari-goodu ay isticmaalaan Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Nuucoodu yahay AS350. Sidoo kale, Dowladda Kenya ayaa xiligan u xusula duubaneysa in ay adkeeyso awoodeeda military, Diyaaradaheeda Cusubna waxay si gooni ah uga qayb qaadan doonaan Howlgal muddo ka socda Kaynta Gobolka Xeebta ee Lamu oo Al-shabaab ay deganyihiin. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday inay laba jibaari doonto dagaalka ay kula jirto maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka dagaalanta Somalia iyo Kenya. Caasimada Onlin Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Hordhac: Hore waxaan idiinkusoo bandhigay Siyaasiyiintii ugu caansanaa ee naftooda ku waayey siyaasadihii ay ku jireen dartood, kuwaas oo shirqoolo qarsoodi ah lugu laayey. Qaybtan maanta waxaan idiinkusoo bandhigayaa 10ka Madaxweyne ee ugu hantida badan madaxda caalamka, iyadoo boqorada wadamada carabtu ay kaalmaha sar sare uga jiraan liiskan. Vladimir Putin (Ruushka) – $40 billion Madaxweynaha hada talada dalka Ruushka haya, Vladimir Putin ayaa kaalinta koowaad ka galay tobanka madaxweyne ee ugu hantida badan madaxweynayaasha caalamka. Hantida madaxweyne Putin ayaa lugu qiyaasay in ay kor u dhaaftay 40 bilyan oo doolar ($40 billion dollar), doorashadii 2007 ee uu ku guulaystay Putin waxa uu wakhtigaas sheegay in hantidiisu aad u yartay isagoo sheegay keliya in uu haysto hanti dhan 150 kun oo doolar (150,000 dollar), sidoo kale waxa uu hadda leeyahay 11 meelaha lugu raaxaysto, inkastoo warbixin aan la cadeyn ay sheegayso in hantida Putin dhantahay 70 bilyan oo doolar, warbixinta ayaa tiradda ku dartay shirkado waaweyn oo ka shaqeeya gudaha dalka Ruushka, shirkadahaas oo kamid yihiin “Shirkada ugu weyn dhanka saliidaha ee Surgutneftegaz, iyo shirkada kootada ku haysata gaasta dabiiciga ah ee Gazprom”, si kastaba ha ahaatee ilaa hadda waxa la isku waafaqsan yahay hanti dhan 40 bilyan in haysto madaxweyne Putin. 3. Hassanal Bolkiah,(Suldaanka M/Goboleedka Brunei) – $20 billion Brunei waa maamul goboleed iskii isku maamula oo kuyaal waqooyiga Island, isma laha sida uu dhulkeedu u yaryahay iyo sida Suldaanka maamulaa u qanisanyahay, Suldaan Haji Hassanal Bolkiah ayaa gacantisa waxa ku jira hanta dhan 20 bilyan oo doolar iyo in badan uu si hoose gacanta ula jiro. Waxaa kamid ah hantida uu leeyahay Suldaan Haji Hassanal mid kamid ah shirkadaha ugu waaweyn uguna qaalisan ee baabuurta, baabuurtaas ayaa ah kuwo qaalli ah oo ku kooban aduunka, waxa uu furay laba dumar ah inkasta oo uu hantidiisii ku qoray xaaskiisii ugu horeeyey, qoyskiisu waxa uu ka koobanyahay 7 hablood iyo 5 wiil oo uu dhalay iyo 10 caruur ah oo ay caruurtiisu sii dhashay. Khalifa bin Zayed Al Nahyan, Madaxweynaha Imaaraadka – $15 billion Madaxweyne ku xigeenka dalka Isku taga Imaaraadka Carabta ayaa la ogyahay in uu yahay hantiile, laakiin hadda waxaa la ogaaday in madaxweynaha Imaaraadku yahay kan ugu hantida badan dalkaasi, hantida Madaxweyne Khalifa Bin Zayed Al Nahyan ayaa lugu qiyaasay 15 bilyan oo doolar. Boqor Khalifa ayaa xilka Imaraadka qabtay kadib markii aabihii geeriyooday 3-dii Novermber 2004, Zayed Al Nahyan oo ilaa 1994-kii ahaa boqorka dalkaas, hadaba Khalifa ayaa leh Shirkad maalgashi oo Abu-dhabi ka shaqaysa, halka inta kale qoyskiisuna ay leeyihiin hanta dhan 150 bilyan oo doolar isku dar idilkoodba. Mohammed Bin Rashid Al Maktoum – (M/kuxigeenka UAE – $4 Bilyan Mohammed bin Rashid Al Maktoum waa amiirka Dubai sidoo kale waa Raysal wasaaraha iyo Madaxweyne ku xigeenka Isku taga Imaraadka, isagoo xilalkan haye ilaa bishii January 2006-dii. Hantida Raysal-wasaarahan ayaa lugu qiyaasay kudhawaad 4 bilyan oo doolar, Amiirkan ayaa inta badan sheerer ku leh shirkada ugu waaweyn ee dalkaas, halka uu dhaxalkiisa kuwada qoray 4 wiil oo uu dhalay iyo qaar kamid ah xaasaskiisa, sidoo kale waxa uu leeyahay 4 hablood oo ay qabaan qaar kamid ah sheekhyada ugu caansan dalkaasi. Sidoo kale waa siyaasiga leh dhismaha labaad ee aduunka ugu weyn. Hans-Adam II – Siyaasi Jarmal ah – $4 Bilyan Magaciisu waa wiilka boqor Liechtenstein, waxaanu liiska hore kaga jiraa kuwa ugu hantida badan dalkiisa, inta badan waxa uu ka helay hantidan qoyskooda oo ku caan ahaa farshaxanimadda, sidoo kale waa mulkiilaha Shirkada LGT Banking Group. 2004 ayey ahayd markii in badan oo kamid ah hantidiisa iyo awoodiisa maamul uu ku wareejiyey wiil uu dhalay oo la yidhaah Alois, Guud ahaan hantida qoyskiisa oo keliya ayaa lugu qiyaasay 7.6 bilyan, waana mid kamid ah qoysaska ugu hantida badan guud ahaan Yurub. Hamad Bin Khalifa II (Amiirkii hore ee Qatar) – $2.5 Bilyan Tani waa ta ka dhigtay in dalka Qatar uu kamid noqodo wadamada ugu qanisan caalamka oo dhan, waxaana tusaale u ah Amiirkii hore ee dalkaas oo lugu qiyaasay hantidiisa 2.5 bilyan oo doolar, Amiir Hamad Bin Khalifa ayaa xukumaayey Qatar 1995-kii ila 2013, kadib markii uu dhaxlay aabihii oo geeriyooday, isla markaana waxa uu kasoo jeedaa qoys ku abtirsada madaxtinimadda. Hamad bin khalifa ayaa ilaa markii uu aabihii noolaa waxa uu ahaa isha ugu weyn ee dhanka maaliyada ugu deeqa Shabakada Wararka ee Al-Jazeera, sidoo kale waxa uu maalgashadey inta badan kooxa kubada cagta, ilaa uu isku dayey in uu iibsado ilaa kooxaha Rangers FC iyo Manchester. Mohammed VI (Boqorka Marooko) – $2.5 Bilyan Mohammed VI, waxa uu lahaa halhay caan baxay oo odhanaaya “Sida boqorka taajir u noqo”, taas oo uu isagu iska hadlaayey, boqor Mohamed VI waxa uu xilka boqortooyada dalka Marooko qabtay sanadkii 1999kii kadib markii aabihii uu geeriyooday. Hantidiisa waxaa boqorkan lugu qiyaasay ku dhawaad 2.5 bilyan oo doolar. Laakiin nasiib xumo shacabka uu u taliyaa uma farxsana sida uu isagu u yahay maamule bangi oo kale, in kastoo mudaharaado dalkaas ay ka dhaceen mudaharaado lagagasoo horjeedo musuq-maasuq iyo balamo uu ka baxay oo lugu eedeeynaayey mudo badan, waxa uu balan-qaaday in aanu noqon doonin boqorka mustaqbalka oo uu iska wareejin doono xilka uu umadda u hayo. Boqorkan ayaa inta badan hantidiisa waxaa ka mid ah shirkad uu shuraako kuleeyahay oo la yidhaah ONA Group, sidoo kale waxa uu leeyahay inta badan shirkada macdanaha qodoa iyo kuwa suuqa u iibgeeya. Sebastian Pinera (Madaxweynaha Chile ) – $2.4 bilyan Waa madaxweyn sida la rumeysan yahay xukuma wadan layaab badan, Sebastian Pinera oo ah madaxweyna Chile waxaa lugu qiyaasay hantida uu leeyahay ku dhawaad 2.4 bilyan oo doolar. Waa mulkiilaha tilifiishan gaar uu u leeyahay oo la yidhaah Chile-vision, xarunta warbaahineed ee uu leeyahay ayaa loo sababeeyey guushiisii doorashadii 2010kii oo uu Sebastian ku guuleystay qalabiyad aad u badan. Sidoo kale waa mulkiilaha koox caan ah oo dhanka kubada cagta ah oo la yidhaah Colo-Colo, sidoo kale madaxweynahani waxa uu gacanta ku hayaa guud ahaan kaadhadhka lacaga ee dalkaas laga isticmaalo taas oo la aaminsanyahay in hantidiisa ay ka mid tahay, sidoo kale 27% waxa uu leeyahay shirkada diyaaradaha ee LAN Airlines, shirkadan oo uu saami kulahaa ilaa 1994kii. Tixraac: Wikipedia Organization W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Qoraa / Saxafi madax banaan E-mail: Xamse18@gmail.com www.wiyeeryare.blogspot.com www.twitter.com/wiyeeryare www.facebook.com/wiyeeer Hargeysa -Somaliland
