ISTANBUL (Reuters) - Relations between Washington and Ankara will strengthen with investment and trade, Turkey’s President Tayyip Erdogan said on Wednesday in speech to representatives from U.S. companies, according to the text of his speech.
Minister of Development Planning and Statistics H E Dr Saleh bin Mohammad Al Nabit met with a delegation from the Ministry of Planning, Investment and Economic Development of the Federal Republic of Somalia.
At least 12 al-Shabab militants were killed and several others injured after an airstrike hit al-Shabab militants meeting in Sakow town in Middle Jubba region in southern Somalia, officials said Wednesday.
Ephraim Halevy, the former head of Mossad, Israel’s secret service agency, has voiced concerns over the risks that China’s growing presence in Israel pose to national security.
The Somali government said this week that it was ready to send troops to help with security and enhance peace in South Sudan, where officials and opposition groups recently signed an agreement to end a five-year civil war.
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa laga helayaa weerar toddobaadkii tagey ciidamada Gaashana ee sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay ku qaadeen deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo Mareykanku sheegeen inay ku dileen xubno Shabaab ah balse la xaqiijiyey in Shabaabku guul ka gaareen.
Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay aad uga carreysan yihiin in Shabaabka ay ka war-heleen weerarka ka hor inta aan la soo qaadin, taasi oo weerarka fashilisay.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dhowr askari oo ka mid ah ciidamada gaashaan weerarka lagu dilay, sidoo kalena lagu dhaawacay askari Mareykan ah, halka qalab badanna lagu furtay.
Wararka ayaa sheegaya in Mareykanka uu rumeysan yahay in xubno sare oo ka mid ah hay’adda NISA ay bixiyeen xogta weerarka, taasi oo u sahashay Shabaabka inay iska caabiyaan. Weerarka ayaa la sheegay inay ogaayeen oo kaliya xubno kooban oo sare oo ka mid ah NISA.
Ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay inay qasab ku noqotay inay dhar cusub iminka usoo dirayaan ciidamada Gaashaan, maadaama Shabaabka haystaan dharkii hore, taasi oo u sahli karta inay weeraro fuliyaan ayaga oo iska soo dhigaya ciidanka.
Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla ayaa horey u xaqiijiyey in xubno bixiya sirta sirdoonka Soomaaliya ay ku dhex-jiraan NISA, ayna adkaan doonto in laga adkaado Shabaab inta ay taasi jirto.
Hoos ka arag dharka iyo qalabka ay qabsadeen Al-Shabaab.
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxayay xalay kadib markii shalay uu madaxweyne Waare shaaciyay in maamulkiisa uu la heshiiyay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay sheegayeen in lacag cadadkeedu dhan yahay laba malyan la siinayo Hirshabeelle.
Arrintaan ayaa waxaa shaaca ka qaaday xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin Warsame. Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin ayaa sheegay in ay jirto lacag dhan laba malyan oo dollarka Maraykanka ah oo la siinayo Hirshabeelle kaddib heshiiskii ay la gaareen Villa Somalia.
Wuxuu sheegay in lacagtaasi ay dowladda siinayso, isagoo hoosta ka xariiqay in dowlado ajnabi ah ay bixinayaan.
Waare oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inay heshiis buuxa dowladda dhexe ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna ka wada shaqeyn doontaa danta dadka, gaar ahaa HirShabelle
Waxa uu sheegay in wixii tabasho ee jiray la dhameeyay, islamarkaana ay si buuxda ula shaqeyn doonaan dowladda Federalka, isla markaana ay yeelan doonaan wada shaqeyn.
Heshiiska dowladda ay la gaartay Waare ayaa qeyb ka ah dadaal ay ku dooneyso inay ku kala furfurto isbaheysiga dowla goboleedyada, taaasi oo ka saacidi karta sidii madaxdooda loogu beddeli lahaa kuwa raacsan dowladda.
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xuseen Iidow oo ka mid ah xildhibaanada taageersan xukuumadda Kheyre ayaa isku day uu ku ceeban lahaa xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada, mucaaradka ay isaga ceeb ka raacday shalay.
Isaga oo ka hadlaya kulankii shalay ee golaha ayuu yiri ” Ninkii [Fiqi] isaga 18 bilood ah taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka la wareeray madaxtooyada dalka, Maxkamada dalka ugu sareeysa, Golaha Baarlamanka, la dilay 13 Xildhibaan, ayaa indho-adeeygiisa inta halkan soo istaagay doraad ku doodaya hal Xildhibaan oo naga dhaawacmay”
Si kastaba baaritaan iyo dib u eegis lagu sameeyey taariikhda ayaa waxaa caddaatay in Xuseen Iidow uu ka been sheegay taariikhda, islamarkaana dhammaan markii ay dhaceen weeraradaas uusan Fiqi hayn xilka agaasimahda NISA.
Xarunta Golaha Shacabka markii la weerarayay May 2014 ayay aheyd, waxaana Taliyaha NISA ahaa Bashiir Goobe, Ahmed Moallim Fiqi wuxuu is casilay 2013 March. Sidoo kale xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ay ku yaallaan maxkamadaha dalka, sida Maxkamadda Sare waxaa la weeraray April 2013, bil kaddib markii uu is casilay Fiqi. Sidoo kale xarunta Madaxtooyada waxaa la weeraray July 2014, labada jeer ee Madaxtooyada la galay waxaa dalka Taliyaha Nabadsugida ka ahaa Jen. Bashiir Goobe.
Dhinaca kale Fiqi ayaa facebook soo dhigay qoraaal uu arirntan kaga jawaabayo, wuxuun ku yiri “Xildhibaan Xuseen Iidow waa ka xumahay in uu isku dayo in uu taariikhda horteena ku qaldo si ula kac ah asagoo qalad hadda jira oo dhanka amniga ah raba inuu daboolo.
Xilka taliyaha nabadsugidda waxaan iska casilay 23/03/2013. Qaraxyada uu rabo inuu fashilka amni ee hadda jira ku daboolana waxey dhaceen waqtigaas ka dib, anigoon ahayn Taliye, marka walaalkay Xuseen taariikhda iska sax. Hoosta waxa hadda ka dhacayana Allaha kugu soo duwo”
Madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si rasmi ah warbaahinta uga shaaciyey in dowlad gobolleedkiisa iyo dowlada Federal-ka ah ay soo afjareen mad madowgii u dhexeeyey, oo ay hadda heshiis buuxa iyo wada shaqeyn isku afgarteen.
Arrintan ayaa imaaneysaa xilli dhawaan golaha iskaashiga maamul gobolleedyada ay Kismaayo uga dhawaaqeen in ay hakiyeen wada shaqeyntii kala dhexeysay dowladda Federal-ka Soomaaliya, iyaga oo u cuskaday qodobo badan oo ay ku sheegeen in ay ahaayeen ballamo ay dowladda uga baxday.
Hase ahaatee, heshiiska Waare uu la galay dowladda maxuu muujinayaa?
Kaddib markii ay bulshadu aqrisay nuxurkii iyo qodobadii ay maamul gobolleedyadu ugu mar marsiiyoodeen dowladda waxaa isa soo taray carada shacabka iyo sida ay uga dhiidhinayaan shirkii Kismaayo.
Waxaa taas barbar socday baaqyo dowladda uga imaanayey shacabka oo ahaa in aan waqti la’ isugu lumin madax gobolleedyada intooda badan uu dhammaaday muddo xileekoodii.
Taas, oo ay jirto, markii uu Waare mawqifkiisa bedelay kana soo baxay xeyn-daabkii golaha iskhaashatada dowlad gobolleedyada waxaa caddaatay in shirkii Kismaayo ahaa mid ay koox gaar ah wadatay oo aysan awalba isku dan ahayn dowlad gobolleedyada.
Tusaale, waxaa jirtay xogo sheegayey in hoggaamiyaha maamulka Kismaayo ee Jubbaland, Axmed Madoobe iyo Cabdiweli Gaas ay lahaayeen hindisaha shirkaas iyaga oo dareemayey cadaadis ol’ole oo si xoog leh uga socda deegaanadooda maadama ay doorashooyin ku soo fool leeyihiin.
Sidoo kale, Waare wuxuu sheegay inuu ka baxay heshiis ahaa inaan lala heshiin dowladda dhexe, haddii maamul goboleedyada daacad ka ahayd tabashadooda, maxay tahay sababta ay u yiraahdeen yaan lala heshiin dowladda? Maxayse u oran maamulkii cabashadiisa ay dowladda wax ka qabato hala heshiiyo.
Waxaa meesha ka cad in isbaheysigan ay wataan dad gaar ah, oo ujeedkoodu yahay carqaladeyn kaliya, oo aysan jirin wax kale.
Waxa hadda la sugo waa sida ay yeelaan madaxweyneyaasha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Axmed, oo iyagana u muuqda sidii Waare in lagu daneysanayo.
W/Q: Jabriil Xuseen Wehliye Muqdisho, Soomaaliya
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
Warar soo baxayay maanta xilliga hore markii uu madaxweyne Waare shaaciyay in maamulkiisa uu la heshiiyay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay sheegayeen in lacag cadadkeedu dhan yahay laba malyan la siinayo Hirshabeelle.
Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin ayaa sheegay in ay jirto lacag dhan laba malyan oo dollarka Maraykanka ah oo la siinayo Hirshabeelle kaddib heshiiskii ay la gaareen Villa Somalia.
Wuxuu sheegay in lacagtaasi ay dowladda siinayso, isagoo hoosta ka xariiqay in dowlado ajnabi ah ay bixinayaan.
Xildhibaanka ayaa carrabka ku dhuftay in heshiiska Hirshabeelle iyo Dowladda dhexe aysan garwadeen ka ahayn dowladda Qatar oo kamid ah dalalka saameeynta ku leh siyaasadda Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda federaalka Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa daboolka ka qaaday in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen eedeysanayaal kamid ah kuwii geystay dilka gabadh ardayad ahayd oo shalay rasaas ciidamo ka tirsan dowladda ugu geeriyootay magaalada Muqdisho.
Deeqo Daahir Cali oo aheyd Ardayad 9 sano jir ah, islamarkaana dhiganeysay fasalka 9aad ee dugsiga Hoyga Xamar ee magaaladda Muqdisho ayaa shalay u geeriyootay rasaas ay rideen askar ka tirsan dowladda xilli wadada ay ahayd mid aad u mashquul badan.
Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi ayaa sheegay in eedeysanayaal gaaraya afar oo kamid ah askartii rasaasta furay ay gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka ee dowladda.
Saakow (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta sheegtay inay duqeyn ku dishay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab isla markaasna ay ku dhaawacday Xasan Yacquub oo mar soo noqday afhayeenka Kooxdaan Argagixisada ah.
Dowladda ayaa sheegtay inay duqeynta la beegsatay 37 Sarkaal oo Shabaab ah meel ay ku shirayeen balse Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay caddeymo muujinayo in duqeyntaas lala beegsaday Isbitaal iyo Kuleej ay ardayda wax ku bartaan.
Duqeymaha ayaa lagu kala beegsaday isbitaalka guud ee degmada iyo Kolleej carruurta lagu xanaaneeyo waxna lagu baro.
Wariye ku sugan Saakoow ayaa soo sheegay in burbur xooggan uu gaaray dhismayaasha ay diyaaradaha dagaal beegsadeen, duqeynta ka dhacday isbitaalka guud ee magaalada wax khasaara nafeed ah kama dhalan balse duqeynta ku dhacday Kolleejka carruurta lagu xanaaneeyoa waxna lagu baro waxaa ku dhintay sedax carruur ah.
Saaka markii uu waagu Baryay ayay boqolaal qof waxay gaareen goobaha la duqeeyay iyagoona Kolleejka kasoo daabulay Meydadka sedaxda carruurta ah ee dhimatay, isbitaalka guud ee degmada Saakoow ayaa maalin walba adeegyo caafimaad u fidin jiray boqolaal qof waana isbitaal Maxalli ah oo dabooli jiray baahida caafimaad ee dadka ku dhaqan gudaha magaalada iyo deegaannada hoos yimaada.
Goob joogayaal ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen jugta qaraxyo waaweyn oo ka dhashay gantaallada ay diyaaradaha shisheeye ku garaacayeen xarumaha shacabka magaalada Saakoow, inta badan duqeymaha ka dhaca gobollada Jubbooyinka iyo Gedo waxaa geysta dowladaha Mareykanka iyo Kenya.
Madaxda DFS oo aan badanaa lala socodsiinin duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo Kenya ka geystaan wadanka ayaa dhowr jeer ku hor fadeexoobay dadka Soomaaliyeed kadib markii ay dusha u riteen mas’uuliyadda duqeymo ay dowladaha AMISOM iyo kuwa kale ku laayeen dad shacab ah sida weerarkii Bariire ee lagu xasuuqay dadkii Beeraleyda ahaa taas oo ay DFS ku sheegtay in lagu beegsaday dad ka tirsan Al-Shabaab.
Si la mid ah dowladda ayaan Maanta sheegtay inay duqeyntaas lala beegsaday Al-Shabaab waxayna noqoneysaa arrin ceeb iyo fadeexad ah ku dowladda.
Halkaan hoose ka daawo Sawirada waxaana ku jiro kuwa naxdin leh looma ogolo inay fiiriyaan Ilmaha ka yar 15 Jir.
Warar iminka ka soo gaaraya Goobjoog News magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in koox hubeysan ay dil halkaas ka geysatay.
Dilka ayaa ka dhacay degaan duleedka kaga yaalla magaalada oo magaciisa lagu sheegay Baardheere, waxaana lagu dilay nin oday ah oo halkaas laga yaqaanay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ninkani odayga ah uu ku sii jeeday degaan kale oo isla gobolka Hiiraan ah.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Baladweyne wali wax faahfaahin ah kama aynaan bixin.
Xalay ayay ahayd markii gudaha magaalada Baladweyne ay dableey hubeeysan ay ku toogatay askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalkla Soomaaliya.
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa maanta soo xiray doodii ku saabsaneyd amniga kadib dhaliilo amni daro oo isbiirsaday.
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo katirsan golaha Shacabka BFS, ayaa kamid ahaa Xildhibaanada sida adag maanta uga hadlay amni darada la sheegay inay ka jirto magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab si nabadgelyo leh ay maleeshiyaadkooda iyo saraakiishooda isaga joogaan magaalada Muqdisho.
“Waanu la socnaa in Al-Shabaab badan ay ku dhex noolyihiin magaalada Muqdisho, tani waxa ay diirada ka lumineysaa rajadii laga lahaa hagaajinta amniga Muqdisho”
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil, waxa uu sheegay in Dowladda Somalia aysan u diyarsaneyn wax ka qabahsada arintaasi, maadaama ay dano iyada u gaar ah uga mashquulsantahay, sida uu hadalka u dhigay.
Nuqul kamida hadalkiisa ayaa ahaa “Aawa Kunteenarradii hubka ahaa ee dowladda Sacuudiga soomaaliya siisay,maamul goboleedyada waa loo diiday,waxan ka cabsi qabaa in si hoose loo iibiyey”
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa heshiiska ay wada-gaareen madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaasi oo soo afjaray khilaafkii labada dhinac ka dhex taagnaa.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan Hamza Asad Hashem uu ka shaqeeyay heshiiska labada dhinac, islamarkaana Waare uu heshiiska dowladda dhexe ku beddeshay saddex waxyaabo oo kale.
Sida aan xogta ku helnay maamulka HirShabelle, ayaa loo ballan-qaaday in bil walba uu saami aan la shaacin inta uu la eg yahay ku yeelan doono dakhliga kasoo xarooda dekedda Muqdisho. Arrintan ayaa ka mid ahayd waxyaabaha Waare uu kula dagaashanaa dowladda, isaga oo sheegay in dowladda dhexe hor-istaagtay inuu furto dekadda Ceel-Macaan ee duleedka Muqdisho, sidaas darteedna uusaan maamulkiisa haysan dekad dhaqaale uu kasoo galo, sida maamullada Puntland iyo Jubaland.
Waxaa sidoo kale heshiiska qeyb ka ah in HirShabelle ay wax ka hesho dhammaan deeqaha dowladda Qatar ay siiso dowladda federaalka, ayada oo dowladda dhexe loo soo marsiinayo balse uu damaanadaas qaaday safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan Hamza Asad Hashem.
Dhinaca kale dowladda ayaa ogolaatay inay dib u furto mushaharka ciidamada HirShabelle, kuwaasi oo waayey lacagtooda kadib markii ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellada Dhexe ay horey dowladda u kala dirtay.
Saddexdan taageere dhaqaale, ayaa dhammaantood waxaa damaanad qaaday safiir Hassan Hamza Asad Hashem, waxaana ay qeyb ka tahay dadaal ay Qatar dooneyso inay maamul goboleedyada uga soo furto dowladda Imaaraadka Carabta, oo ay dhammaantood ku wada xiran yihiin.
War qoraal ah oo ka soo baxay gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa lagaga hadlay warkii maanta saxaafadda uu Muqdisho ugu sheegay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Madaxda dowladaha kale ah Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa qoraalkani soo saaray.
Mawqifka GIDG ee Warmurtiyeedka ku taariikhaysan 19/09/2018 ee ka soo baxay Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle.
Goluhu wuxuu si buuxda u garawsan yahay in ay Dawlad Goboleedka Hirshabeelle u madax-bannaan tahay ka tashiga tashiga iyo go’aan ka gaaridda masiirka dawladdeeda iyo kan umaddeeda.
Goluhu wuxuu mar kale halkan ku caddaynayaa in is-afgaran-waaga ka dhexeeya GIDG iyo Dawladda Federaalka ahi uu yahay mid guud oo ku saabsan qaddiyado waaweyn oo ku tacalluqa
Amniga Guud ee Qaranka, Federaalaynta Dalka, Dhawridda, Dib-‐u-Eegidda iyo Hirgelinta Dastuurka Soomaaliyeed, Khayraad/Awood Qaybsiga, Hannaanka Caddaaladda iyo kuwo kale oo la xiriira.
Heshiiska” ay Hirshabeelle la gashay Dawladda Federaalka ahi aanu khusayn Golaha maadaama ay qaddiyadaha kor ku xusan ee uu muranku ka taagan yahay dhammaantood ay yihiin kuwo heer qaran ah oo ay lagama maarmaan tahay in xal wadareed wadahadal ku yimid lagu dhameeyo.
Heshiiska Hirshabelle ay la gashey Dowlada dhexe waxba kama badali doonto Mowqifkii iyo go’aamadii Golaha ee ku qeexnaa Warmurtiyeedyadii Golaha ee soo baxay 8 iyo 14 bishan
Sabtember 2018 waxaana badali kara oo kali ah heshiis labada dhiac ka gaaraan arrimaha la isku
hayo.
Goluhu wuxuu Madaxda Sare ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya mar kale ku boorrinayaa in ay si dhab ah oo waayeelnimo leh ugu soo jeestaan xallinta qaddiyadaha taagan.
Ugu dambayn, Goluhu wuxuu u arkaa in wadaxaajood dhab ahi uu yahay dariiqa kaliya ee furan ee lagu gaari karo jawi siyaasadeed deggan oo suuraggeliya in lagu guuleysto sugidda amniga iyosoo celinta karaamada umadda Soomaaliyeed.
‘’Maanta waxay inoo tahay maalin tariikhi ah oo aannu kusoo dhoweynayno Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa, waxay soo booqdeen dalkiisa iyo dadkiisa isaga oo balan qaaday mashaariic badan berigu musharaxa ahaa, waxaan marag ka nahay inay fuleen uuna maanta u yimid midha dhalkooda, soomaaliya ninkii ugu horeeyey oo wax la taaban karo qabta waa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas” Ayuu yiri Suldaanku.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si guud ugu mahadnaqay shacabka reer Sanaag soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo weftiga uu hogaaminayey, sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntlnad ayaa shacabka degmada Badhan uga mahadceliyey soodhoweyntooda qiyaas la’aanta ah ee wanaaggu ku dheehan yahay.
Nabaddoonada,cuqaasha iyo isimada gobolka Nugaal ayaa maanta qalin midaysan ku saxiixay heshiis hay’adaha amniga dowladda Puntland u saamaxaya in halkiisa lagu dilo qofkii lagu qabto fal-danbiyeed ka dhan ah amniga caasimadda Garoowe iyo guud ahaan degaannada kale ee gobolka Nugaal.
Heshiis ka kooban 20 qodob oo cuqaasha,nabaddoonada iyo isimada gobolka Nugaal ay maanta ku saxiixeen magaalada Garoowe,kuna saabsanaa sugidda amniga iyo la-dagaallanka **********ta dhaca hantida shacabka,ayaa lagu go’aamiyay in hay’adaha amnigu tallaabooyin adag ka qaadan,dadka caadaystay dhaca hantida iyo boobka dhulka.
Sidoo kale qodobka ugu muhiimsan heshiiskan ayaa dhigaya”in aan cidna loo raacan Karin” qofkii dhaawac ama dhimasho ay ciidamada dowladdu u geystaan isagoo faraha kula jira fal-danbiyeed ka dhan ah amniga Garoowe iyo guud ahaan gobolka Nugaal,sidaasi darteedna”aan wax magdhow ah lagu lahayn”.
Heshiiskan oo ay saxiixeen dhammaan nabaddoonada iyo isimada beelaha gobolka Nugaal ayaa lagu xoojinaya xasiloonida iyo amniga caasimadda dowladda Puntland ee Garoowe iyo degaannada kale ee gobolka,sida madasha laga sheegay.
Munaasabadda lagu saxiixay heshiiska ayaa waxaa goob-joog ahaa saraakiil ka socotay hay’adaha amniga,guddoomiyaha gobolka Nugaal,duqa degmada Garoowe,mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda iyo isimo uu hormuud u yahay Islaan Ciise Islaan Maxamed.
Deeqa Daahir oo ahayd gabadh 9 sano jir ah ayaa askari ka tirsan ciidamada dowladda ku dilay magaalada Muqdisho, askarigaas oo la sheegay in maanta ay ciidamada amniga gacanta kusoo dhigeen.
Dhacdadan oo ahayd mid aad uga nixisay bulshada Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu baahday baraha bulshada iyo warbaahinta oo dhan.
Madaxweynaha waxa uu qoyska uga tacsiyeeyey geerida gabadhooda isaga oo u muujiyey in uu dareenka xanuunka badan la qeybsanayo.
Sidoo kale madaxweynaha waxa uu qoyska u ballan qaaday in cadaaladda la horkeedi doono askarigii dilay gabadha oo markaas ka soo laabatay Iskuulkii ay dhigan jirtay.
Deeqa Daahir, eebe ha’unaxariistee, waxaa lagu aasay maanta magaalada Muqdisho iyada oo ay duugteeda ka qeybgaleen boqolaal qof oo u badnaa ardaydii Iskuulka ay dhigan jirtay saaxiibka ku lahaa.
Muqdisho (PP) ─ Golaha Islaashiga Dowlad-goboleedyada Somalia ayaa ka soo saaray jawaab deg-deg ah mowqifkii maamul-goboleedka Hirshabeelle uu uga laabtay go’aankii maamul-goboleedyada ee Kismaayo lagu saxiixay, kaasoo xiriirka loogu jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-murtiyeedka kasoo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in heshiiska dhex-maray maamulka Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya uusan ahayn mid quseeya Golaha, isla markaana uusan waxba ka beddeli doonin go’aankii maamul-goboleedyadu ay kasoo saareen shirkoodii Kismaayo.
Sidoo kale, Waxaa lagu sheegay Qoraalka Golaha Maamul-gobleedyada in Hirshabeelle u madax-bannaan tahay go’aan ka gaarista masiirka dowladeed iyo midda ummadeed.
Dhanka kale, Golaha Iskaashiga Dowlad-goboleedyada dalka ayaa xusay in is-af-garan-waaga ka dhaxeeya Dowlad-goboleedyada iyo Dowladda dhexe ee Somalia uu yahay mid ku saabsan amniga guud ee Qaranka, Arrimaha Federaaleynta, dib-u-eegista Dastuurka, kheyraadka iyo awood qaybsiga dalka iyo arrimo kale.
Ugu dambeyn, Madaxweyaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shirkii jaraa’id ee uu Muqdisho ku qabtay ku sheegay inaysan aqbalayn in Hirshabelle ay u burburto dano siyaasadeed oo iska soo horjeed ah.
AKHRISO: War-murtiyeed kasoo baxay Golaha Dowlad-goboleedyada; PUNTLAND POST
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerar duqeyn ah oo xalay ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe dhaawac culus uu kasoo gaaray Sheekh Xasan Yacquub oo ka mid ah madaxda sar ee kooxdaas, horayna usoo noqday Afhayeenka Kooxdaasi.
In ka badan 12 ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeynta Saakow, oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, sida uu Wakaaladda SONNA u sheegay ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ahna wasiir ku-xiggeenka wasaaradda Aadan Isaaq Cali
Mudane Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in Duqeynta dhinaca cirka ah lala beegsaday Xalay goob ay ku shirsanaayeen horjoogeyaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo gaarayay 37.
Waxa uu intaas ku daray in dadka duqeynta lagu dilay ay ku jiraan Labo ka tirsan horjoogeyaasha sar sare ee maleeshiyada Al-Shabaab, halka dhaawac culus uu kasoo gaaray Xasan Yacquub.
Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleysa saaxiibbadeeda caalamka ayaa dar dar gelisay duqeymaha iyo weerarrada ay Al-Shabaab kula beegsaneyso goobaha ay dalka kaga sugan yihiin.
Dhinaca kale, warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay xalay duqeyn ba’an ugeysteen wax ay ku sheegeen xarumo rayid ah oo ku yaal magaalada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe, islamarkaana lala beegsaday isbitaalka guud ee degmada iyo Kolleej carruurta lagu xanaaneeyo waxna lagu baro.
Muqdisho (Caasimadda Online) – Saraakiil katirsan laamaha amaanka ee dowladda, ayaa soo sheegay in gacanta lagu soo dhigay askari la tuhmayo inuu ka dnabeeyay dil shalay duhurnimadii Muqdisho loogu geystay gabar Sagaal sano jir eheyd.
Howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen degmada Hodan, ayey ku soo qabteen askariga la tuhmayo inuu gabadha dilay, waxaa lala soo qabtay laba askari oo kale oo xiligaasi ay wada socdeen, kuwaasoo haatan lagu hayo xarunta danbi baarista ee C.I.D.
Ehelada Deeqa, ayaa sheegay in gabadhooda xligaasi ka soo rawaxday Iskuulka ay dhiganeysay, ayna saarneyd gaariga lagu qaado aradada Hoyga Xamar.
Warar kale oo aan heleyno, waxey sheegayaan in Saaka dhismaha xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Degmada deyniile lagu xiray sarkaal la sheegay inuu ahaa midkii ay ilaalinayeen askarta lagu eedeeyay Toogashada, kaasoo markii danbe gacanta Hay’adaha amniga soo geliyay ilaaladiisa xiligaasi gaariga la saarneyd.
Turkey, U.S. relations will strengthen with investment and trade: Erdogan speech text
in News - Wararka
Posted
ISTANBUL (Reuters) - Relations between Washington and Ankara will strengthen with investment and trade, Turkey’s President Tayyip Erdogan said on Wednesday in speech to representatives from U.S. companies, according to the text of his speech.
Source: Hiiraan Online