Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,326
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxa ay howlgal ballaaran ka wadaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

    Wariyaheenna Maxamed Ibraahim ayaa soo sheegaya in howlgalladan ay daba socdaa dilal 24 saac gudahood ka dhacay magaaladaasi.

    Xalay ayaa rag hubeysan waxay magaaladaasi ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kaasi oo magaciisa loo soo gaabiyey Afweyne.

    Sidoo kale, shalay duhuradii waxaa magaalada B/weyne lagu diley qof shacab ah, iyadoo dilalkan dhacay dadkii ka dambeeyey ay goobta isaga baxsadeen.

    Saraakiisha ciidamada ammaanka ee howlgalkaan wada ayaa sheegay iney dib u faah faahin doonaan howlgallada ay ciidanka wadaan.

    Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  2. Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa la marayaa Bilihii ugu dambeeyey ee waqtiga xukunka Maamulka Koonfur Galbeed Ee Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaana lagu isku diyaarinayaa doorasho xasaasi ah.

    Dhawr sano ka hor waxaa Baydhabo lagu doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan, dadka la socda siyaasadda dalka guud ahaan gaar ahaan Koofur Galbeed waxaa ay is lahaayeen Aden waxaa uu xoogga saari doonaa Amniga, dhaqaalaha, dib u dhiska, dib u heshiisiinta iyo in Koofur galbeed noqoto Maamul la tartami kara Puntland iyo Somaliland, lakiin afar sano Sharif Xasan waxqabadkiisa waxaa saaran Calaamatu Su’aal?!!

    November 17, 2014 ayey aheyd markii magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay uu ka dhacay doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo xilka madaxweyne loo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan, goobta ay ka dhaceysay doorashada waxaa ku sugnaa 396 ergo, waxaana xilkaasi u musharaxnaa 5 xubnood.

    Shariif_Xasan_Sheekh_Aadan_1.jpg

    Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hogaaminayay tobaneeyo Xildhibaano ayaa waxyar ka hor doorashada ka degay Baydhabo isagoo khudbad gaaban oo murashaxnimo ka hor-jeediyay  ilaa afar boqol oo ergo  oo lagu waday in ay doortaan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.

    Sharif Xasan waxaa uu khudbadiisa ku yiri“Waxaa halkan ka cadeynayaa inaan ahay musharax u taagan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, waxaa idinka codsanayaa inaad codkiina isiisaan, waxaa ku dadaali doonaa Cadaalad”

    Shariif_Xasan_Sheekh_Aadan_2.jpg

    Shariif ayaa sheegay in shirka uu waqti badan soo socday, isla markaana dadaal badan la geliyay, isagoo ku dhawaaqay in hadii uu ku guuleysto uu wax ka qaban doono arrimaha ammaanka, horumarinta deegaanada maamulka iyo sidii dadka deegaanadaas uu cadaalad ugu fali lahaa.

    “Hadii aad ii doorataan waxaa ka shaqeyn doonaan amniga, horumarka, ammaan haduu jirin dowlad ma jirto, ammaan haduu jirin cibaado ma jirto, horumar ma jiro, iskuul lama aadayo, waxaa rabaa inaa ila shaqeysaan hadaa ku guuleysto, taladiina ayaa ku shaqeyn doonaa, sida odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka, dhalinyarada iyo aqoonyahanada”ayuu yiri Shariif Xasan.

    Shariif-ka oo sii hadlayay ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii dowladda Federaalka uu xiriir dhow ula yeelan lahaa, isla markaana aan la shaqeyn karin hadii aan xiriir la laheyn dowladda dhexe.

    Sidoo kale Shariif Xasan waxaa uu ballan qaaday in uu xiriir fiican la yeelan doono maamullada dariska la ah Koofur Galbeed.

    Doorashada oo si degdeg ah u dhacday waxaa kasoo horjeestay Jawaari oo waqtigaas ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka  isagoo ku tilmaamay in aanu  aqoonsan doonin  natiijada ka soo baxda doorashada shirka Baydhabo.

    Waxaa kaloo isla maalintaas Shir ka dhacay magaalada Baydhabo loogu doortay Cali Maxamed Yusuf (Cali Shukur) inuu noqdo Madaxweyne saddexda gobol.

    Hadabada Maxaa Ka Fulay Ballamihii uu Sameeyay Sharif Xasan Sheekh Aden:

    Shariif Xasan Shiikh ayaa sameeyey ballan qaadyo aad u badan mana jiraan illaa hadda hal ballan oo uu fuliyey Shariif Xasan tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

    Inta badan Waqtiga Shariif Xasan wuxuu uga dhammaaday xil magacaabis, Xil kaa qaaadis, Safar debadda iyo gudaha ah iyo sida uu u difaacan lahaa danihiisa Siyasadeed halka uu u shaqeyn lahaa dadweynaha Koonfur Galbeed oo wax badan uga fadhiyey.

    Dhibaatooyinka qabsaday Shariifka waxaa ka mid ah 4 bil ayey u qaadatay uu dhameystiro Wasiiro ay maamulka Koofur Galbeed yeeshaan, March 4, 2015 ayuu Sharif Wasiiradiisa dhameystiray.

    Laga bilaabo maalintaas lama maqlo waxqabadka wasiirada maamulka Koofur Galbeed, lamana oga caqabadaha hortaagan in ay shaqeeyaan.

    Sharif Xasan muddada maamulkiisa uu jiray waxqabadkiisa waxaa ka mid magacaabista wasiirada koofur galbeed, Magacaabista qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka 3-da gobol, dhismaha Madaxtooyada maamulka ee bishii April 10, 2015  iyo booqasho uu ku tagay Marka, Baraawe iyo Afgooye iyo meelo kale.

    August 11, 2015: Shariif Xasan ayaa tagay  magaalada Baraawe isagoo sheegay in ay tahay Baraawe xarunta maamulka, waxaa kaloo uu halkaas u tagay in uu ka furo mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin dhismaha Garoon diyaaradeed iyo Deked cusub, ilaa haddana ma jirto wax ka hirgalay Magaaladaas wuxuuna maamulkiisa weli ku shaqeeyaa Magaalada Baydhabo.

    Waxaa kaloo Sharif Xasan lagu xasuustaa ka qeybgalka shirar dhexmaray dowladda iyo maamul goboleedyada, kuwaas oo ka kala dhacay Garoowe, Muqdisho iyo Kismaayo, sidoo kalana wuxuu qeyb weyn ka qaatay iska hor keenidda Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

    Dhibaatooyinka Maamulka Koofur Galbeed:

    Gobollada Maamulka Koofur Galbeed waxaa ka jiro dhibaatooyin xagga amniga ah, waxaa xiran waddooyin ku yaalla gobolka Bakool, arrintaas oo hor istaagtay in gargaar iyo waxyaabo kale la gaarsiiyo dadka deegaanka.

    Baydhabo oo ah Fadhiga Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo Xukuumadiisa, Waxaa la weeraray Madaxtooyada maamulkaas, xiligaas waxaa joogay Sharifka.

    March 12, 2015: Dagaal ka dhacay xarunta Madaxtooyada Baydhabo waxaa ku dhintay 6 qof uu ku jiro Mid ka mid ah raggii weerarka qaaday iyadoo goobta ay ku geeriyoodeen ragii kale ee dagaalka la galay ciidanka AMISOM.

    Waxaa kaloo la weeraray gurayaha mas’uuliyiinta qaar sida Guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Baydhabo Maxamed Isaaq Ibraahim Aflow  iyo Wasiir ku xigeenka wasaarada Xannaanada Xoolaha ee maamulka KMG ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.

    Dhibaato Banii’aadamnimo:

    3-da gobol ee maamulka Koofur Galbeed waxaa ka jirta dhibaato banii’aadamnimo oo xoogan, dadka ma helaan adeegyadii ay u baahnaayeen sida waxbarsho, Caafimaad, Biyo iyo xitaa shaqo.

    Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegey in gobolka Bakool ay ka jirto xaalad bini’aadanimo oo halis ah, iyada oo uu gobolka guud ahaan yahay mid go’doonsan.

    Waxa uu sheegey in ay nasiib darro tahay in raashiin gargaar oo loogu talogalay dadka gobolka Bakool la leexsaday.

    Isbaarooyinka:

    Koofur Galbeed waxaa dhibaato ku haya isbaarooyin, kuwaas oo horseeday cabsi joogta ah, Taliyaha guutada Shanaad ee ciidamada xoogga dalka Cabdullaahi Xuseen ayaa sheegay inay ku guuleysteen in ay qaadaan Isbaarooyin badan oo yaallay deegaanno ka mid ah Shabellaha Hoose, Lakin howlgal kasta waxaa dib loo soo celiyaa isbaarada.

     Kufsi:

    Maamulka deegaanka Mareerey ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in wadada isku xirta deegaankaasi iyo degmada Afgooye lagu kufsaday 5 Haween ah, dhibkaas waa inta la maqlay, laakiin dadka deegaanka waxaa ay sheegayaan in ay soo laalaabato.

    Haween badan ayaa lagu kufsaday Jidadka deegaanada uu maamulkaas ka taliyo tan iyo markii uu Shariif Xasan noqday Madaxweynaha Koonfuir Galbeed, taas badalkeeda Shariifka wuxuu isaga mashquulsan yahay safar iyo dagaalo siyaasadeed oo danta guud aan ku jirin.

    Caasimada Online
    Xafiiska Baydhabo
    Caasimada@live.com


  3. Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiwali Gaas ayaa maanta kusii jeeda Gobalka Sanaag, waxaana siweyn soo dhawayntiisa looga dareemayaa degaanada uu booqanaayo ee gobalkaas, iyadoo lagu wado inuu Madaxweynuhu tago magaalada Badhan wuxuuna sii mari doono degaano kale oo ay kamid yihiin Ceel-daahir, Cawsane iyo Midigale.

    SANAAF.jpg?resize=540%2C540&ssl=1Mid kamida sawirada lagu soo dhaweynaayo Madaxweyne Gaas Magaalada Badhan

    Degaanadu uu sii marii doono Madaxweynuhu ayaa siweyn looga dareemayaa qaban-qaabada loogu jiro soo dhawayntiisa, wuxuuna saakadii horeba ka ambabaxay magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar.

    Sawirada Dr Gaas ayaa la dhigay faras magaalaha magaalada Badhan, waxaana halkaas uga sii horeeyey wafti katirsan Dawladiisa oo kasoo jeeda gobalkaas si ay usii diyaariyaan soo dhawaynta Madaxweynaha.

    Cabdiwali Gaas ayaa Magaalada Badhan booqday xiligii uu ku jirey ololaha doorashada dabayaaqadii 2013, waxayna booqashadiisana kusoo aadaysa xili siweyn Puntland looga dareemaayo diyaargarowga doorashada bilowga sanadka soosocda ka dhici doonta Puntland, waxaana la rajeynayaa in Madaxweyne Gaas mudada uu joogo magaalada Badhan inuu xariga ka jari doono mashaariic ay Dawlada Puntland ka fulisey degaankaas oo ay kamid tahay Jaamacada Maakhir.

    PUNTLAND POST

    The post Qaban-qaabadii ugu danbaysay ee soo dhawaynta Madaxweynaha Puntland oo ka socota Gobalka Sanaag appeared first on Puntland Post.


  4. Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo 2badii maalin ee ugu dambeysay dood ka lahaa arrimaha amniga ayaa waxaa jiray xildhibaanno soo-jeediyey in loo yeero ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, si wax looga weydiiyo amni-darrida ka jira Muqdisho iyo guud ahaan dalka halka qaar kale ay kaba dalbadeen Kheyre inuu is-casilo.

    Xildhibaannada dalbaday in loo yeero waxaa ka mid ah: Sareedo Cabdalla Maxamed, Axmed Mayow Cabdulle,  Zakariye Xasan iyo Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene.

    Xildhibaan Sareedo Cabdalla Maxamed, oo golaha ka hadashay waxaa ay codsatay in loo yeero dhammaan laamaha iyo hey’adaha amiga “Waxaa muhiim ah in Loo yeero dadka ehelka u ah howlaha amniga dalka, isla markaana ay ka shaqeeyaan waxyaabaha dib noo dhigaya, madaxdana ay kala taliyaan istiraatiijiyada, waa In La joojiyaa bixinta garaadaha La siinayo Dadka Aan u qalmin”

    Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “Col. Ruush oo isna golaha ka hadley waxaa uu yiri “Waan qabaa in golaha looga yeeray wasiirka koowaad si amniga wax looga weydiiyo, isaga ha soo wato wasiirrada iyo taliyeyaasha la shaqeeya”

    Xildhibaan Zakariye Xasan ayaa isna waxaa uu qabaa fikrad middaas la mid ah isaga oo yiri “Waa in aan u yeernaa ra’isul wasaaraha, oo aan wax ka weydiinnaa xaaladda amniga ee dalka iyo ballanqaadkiisii amniga”

    Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene, oo waxaa uu wasiirka 1aad u soo jeediyey inuu la hadlo cidda mudan in lala hadlo “Waxaan idiin sheegayaa xukuumada Khayre waa guul daraysatay ee hadallada uu u sheegayo shacabka degmooyinka Ka yimid Baarlamaanka ha u sheego halkan ayaa Looga baahan Yahay”.

    Dhinaca kale, waxaa jiro Xildhibaanno arrinta gaarsiiyey in uu ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre iska tago, waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Ganey iyo Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed, kuwaas oo ka dalbaday Kheyre inuu jagada banneeyo.

    Golaha shacabka ayaa dooddan soo wadey, labadii maalin ee ugu dambeysay, iyaga oo badankood ay aad uga niyad-jabeen sida ay xukuumadda ula dhaqanto amniga dalka.

    Xildhibaanno la hadlay Goobjoog News waxaa ay rajo ka qabaan in guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal uu u yeeri-doonno ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre marka ay maanta dhammaato doodda amniga.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  5. Waxaa maanta xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeynayaa doodda ay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ka yeesheen arrimaha amniga.

    Kulankan oo ah kii 4aad, ee kalfadhiga 4-aad ayaa lagu wadaa in si fiican looga hadlo xaaladda amniga dalka iyo sida ay tahay in wax looga qabto.

    Xildhibaannada oo aad u badnaa ayey doodda qaadatay maalmo, waxaana ugu dambeyntii ka soo bixin-doona go’aan.

    Golaha shacabka ayaa dooddan soo wadey, labadii maalin ee ugu dambeysay, iyaga oo badankood ay aad uga niyad-jabeen sida ay xukuumadda ula dhaqanto amniga dalka.

    Wararka, iyo doodda amniga kala soco, Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  6. Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in koox ku hubeysan tooreey ay weerareen mid kamid ah wariyaasha Gobolka Mudug.

    Kooxdaasi ayaa tooreeyay Cabdirisaaq Siciid Cismaan oo kamid ahaa wariyaasha ka howlgala magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug gaar ahaan Idaacada Codka Nabada.

    Wariyaha ayaa dhaawac culus ka soo gaaray falkaasi isaga oo ugu dambeeyntiina u geeriyooday.

    Wariyaasha Gobolka Mudug ayaa falkaasi aad u cambaareeyay iyaga oo codsaday in gacanta lagu soo dhigo kooxihii falkaasi ka dambeeyay.

    Wali Taliska Puntland kama hadlin arintaasi lagu dilay Wariyaha.

    Xasan Maxamed Samatar Cowke

    Puntland Post

     

    The post Wariye lagu dilay Magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.


  7. Washington (Caasimada Online) – Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar waxa ay qorsheenayeen in ay weerar ku qabsadaan dalka Qadar, waxaa sidaas xaqiijiyey madaxii istaraatijiyadda Aqalka Cad ee Mareykanka Steve Bannon.

    Hadalkan oo uu sheegay 10 bilood kahor, xilli lagu jiray shir lagu qabtay xarunta machadka daraasaadka ee dhanka midig ee Hudson Institute, Bannon waxa uu ku sheegay  shirkii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hoggaamiyeyaasha Carabta ee Riyaad lagu qabtay bishii Maajo 2017 looga xaajooday qabsashada Qadar. Hadaladdiisa waxa ay soo bexeen toddobaadkan.

    “Waxaan aadnay shirkii UAE, Sacuudiga iyo kuwo kale; qodobka kowaad waxa uu ahaa waa in aan wax ka qabanno  maalgaliyeyaashan xagjirada Islaamka, wax intaas ka bandanna ma jiri doonaan – madaxweyne Trump waxa uu yiri –“Ciyaar dambe ma jiri doonto,” sidaas waxaa sheegay Bannon.

    “Labada dhinacba ma joogi kartid. Dhinacna ma dhihi kartid waxaad tahay saaxiib iyo xulufo, dhinaca kalena waxaad maalgalisaa Ikhwaanul Muslimiin ama Xamaas,” ayuu hadalkiisa raaciyey isaga oo ula jeeda Qadar.

    “Ma qabo in ay ahayd shil in laba toddobaad shirkaas kaddib aad aragto cunaqabateynta ay Qadar ku soo rogeen Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Egypt iyo  Sucuudiga,” ayuu yiri Bannon.

    Waqtigii uu socday shirka, Bannon waxa uu sheegay in uu warbixinno la wadaagay Sacuudiga, UAE iyo Egypt.

    Caasimada Online
    Xafiiska Washington
    Caasimada@live.com


  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa wali ku adkeysanaya in maamulka Jubbaland uusan ka qeybgali Karin shirka uu marti galiyay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

    Axmed Madoobe oo kulan khaasa saacadihii ugu danbeeyay la qaatay guddiga dhexdhexaadin dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda ee Aqalka Sare ayaa sheegay inay adkaan doonto inuu horfadhiisto madaxda Villa Somalia.

    Axmed Madoobe, waxa uu guddiga u xaqiijiyay in dowlada Dhexe ay go’aan cad ku gaartay inay wiiqdo awooda maamulada, balse waxa uu cadeeyay inaanu taa dhici doonin.

    Madoobe, waxa uu sheegay in wadhadalka iyo ka qeybgalka ay uu imaankaro keliya marka ay dowlada Dhexe qirato dhibta ay ku heyso maamulada, isagoo inta ka horeysa sheegay inay ku adkeysan doonaan go’aankooda.

    Mid kamid ah xubnaha Guddiga ee ku sugan magaalada Kismaayo, ayaa xaqiijiyay in Hogaamiye Axmed Madoobe oo wali u adkeysanaayo mowqifkiisa, balse waxa uu tilmaamay inay xooga saarayaan sida meel dhexe leysugu imaan lahaa.

    Waxa uu intaa ku daray in shakiga ugu weyn ee uu qabo Axmed Madoobe uu yahay in lagu faragaliyo doorashada maamulkiisa, hase yeeshee xalka uu yahay mid dhaw.

    Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa dowlada Dhexe ku eedeeyay inay ka shidaal qaadaneyso xubno kasoo jeeda maamulkiisa oo kasoo horjeeda nidaamka dhismo ee Jubbaland, taasina ay ugu wacan tahay go’anka uu qaatay, marka laga soo tago dhaliilaha kale.

    Haddalkan ayaa u muuqda mid lagu sii ololinaayo xiisada maamulada kala dhexeysa dowlada Dhexe, inkastoo ay suuragal tahay in xalka khilaafka uu soo degdego.

    Caasimada Online
    Xafiiska Kismaayo
    Caasimada@live.com


  9. Tel-Aviv (Caasimada Online) – Mas’uul sare oo Imaaradka Carabta ka tirsan ayaa bishii Agoosto Israel u aaday sidii uu ugala xaajoon lahaa xiriirka ganacsi ee labadooda dal ka dhexeeya, sidaas waxaa werinaya qaar ka mid ah warbaahinta Bariga Dhexe.

    Ilo diiday in la xuso ayaa u sheegay werbka Arabii21 in Sultan Axmed bin Suleyem, maareeyaha shirkadda Dekeddaha ee ay dowladdu leedahay ee DP World, in uu booqday magaalada Tel-Aviv, si uu sare ugu qaado xiriirka ka dhaxeeya shirkadda iyo Israel.

    Sida laga soo xiganayo turjumadda ay sameysay shabakada Middle East Eye, kulanka waxaa qaban qaabiyey Michael Vaknin, madaxa dhaqaalaha shirkadda JP Morgan Investment Bank, dadka ka qeygalay kulanka waxaa ka mid ahaa sidoo kale madaxa canshuuraha Israel.

    Sida la wariyey, DP World waxa ay xiriir xooggan la leedahay shirkadda maraakiibta Israel, Zim Integrated Shipping Services Ltd iyo shirkado kale oo ay Israel leedahay.

    Israel waxa ay si rasmi ah xafiisyo ganacsi uga furatay Cumaan iyo Qadar kuwaas oo markii dambe la xiray laakiin dowladda Yahuudda waligeed xiriir rasmi ah lama lahayn Imaaraadka Carabta sanadkan ka hor inta la ogyahay.

    Dhowaan ayay ahayd markii Jeneral sare oo haysta ciidamada Imaaraadka uu sidoo kale booqday Israel, ayada Imaaraadka ay tababar ku saabsan sida loo duuliyo diyaaradaha dagaalka ee F-35 ka baranayaan Yahuudda.

    Caasimada Online
    Xafiiska Qaahira
    Caasimada@live.com


  10. Jig-Jiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaali Galbeed Muftafe Cumar Cagjar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka uga hadlay waxa uu ka aaminsan yahay halgankii dhulkaas Soomaaliyeed loo galay.

    Soomaali Galbeed oo ah dhul uu guumeystihii Ingiriiska u gacan galiyey Itoobiya ayey Soomaalida u gashay dagaal badan oo ay isaga rideysay heeriyada guumeystaha madaw.

    Dhinaca kale dowladihii Soomaaliya ka hanaqaaday guumeysigii kaddib ayaa iyana dadaal ku bixiyey sidii ay ku xorreyn lahaayeen dhulka Soomaaliyeed ee ku jira gacanta guumeystaha

    Waxaa xusid mudan dagaalkii 1977 ee ay Soomaaliya ku qabsatay gebi’ahaanba dhulka Soomaali Galbeed kahor inta aan xoog looga soo saarin kaddib markii wadmo badan oo uu Ruushka hoggaaminayo dagaalka soo galeen.

    Markii ay dowladdii Soomaaliya bur burtay, waxaa halkiisii ka sii socday dadaalka ay Soomaalida ugu jirtay xorreyta dhulkaas, waxaana waday xoogag hubeysan sida ONLF oo halganka ilaa iyo hadda wadda.

    Hadaba, isaga oo ka hadlaya halganaddii la soo galay iyo wali gaar ahaan dagaalkii 1977, madaxweyne Musrafe waxa uu yiri-

    “Dhamaan halgamadii Soomaali galbeed waxay ahaayeen guumaysi-diid xalaal ah. Dagaalkii 1977kii wuxuu ahaa uun marxalad ka tirsan halgamadaa lagu diidanaa guumaysiga. Waa inaan ka run sheegnaa taariikhdeena oo aan diidnaa in cid kale inoo macneeyso taariikhdeena.”

    Muftafe Cumar, madaxweynaha Soomaali Galbeed waxa uu u bedelay Cabdi Maxamuud Cumar oo 10-kii sano ee u dambeeysay hoggaaminayey deegaankaas.

    Madaxweyne Mustafe waxa uu wax ka badal ku sameeyey dastuurka isaga oo soo celiyey calankii hore ee deegaanka kaas oo ay ka muuqato astaanta shanta Soomaaliyeed ee ah XIDDIGTA soo koobeysa.

    1. Dhamaan halgamadii soomaali galbeed waxay ahaayeen guumaysi-diid xalaal ah. Dagaalkii 1977kii wuxuu ahaa uun marxalad ka tirsan halgamadaa lagu diidanaa guumaysiga. Waa inaan ka run sheegnaa taariikhdeena oo aan diidnaa in cid kale inoo macneeyso taariikhdeena.

    — Mustafa Omer (@Cagjaromer) September 16, 2018

    2. Shuhadadii ku dhimatay halganka & difaaca dalkooda & dadkoodu waxay inaga mudan yihiin xus iyo maamuus joogta ah. Iyagu way ka soo baxeen waajibaadkii ku aadanaa xilliyadii ay noolaayeen. Ilaahay ha u naxariisto dhamaantood.

    — Mustafa Omer (@Cagjaromer) September 16, 2018


  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Si Soomaaliya looga  xaqiijiyo dhanka xasiloonnida waa in la maal-geliyo helitaanka Teknoolojiyad casri ah,  si aanu u dhicin marnaan xagga amniga ah, sidaasi waxaa sheegay Simon Mulongo oo ah ku-xigeenka u qeybsanaha guddoomiyaha midowga Afrika.

    Arrintan waxaa uu ka sheegay xilli uu ka hadlay siminaar labo maalin ahaa oo looga hadlayey sida Teknoolojiyadda ay qeyb uga qaadan karto sugidda amniga.

    “AMISOM waxaa ay shaqeysaa xilliyo dhib badan, waxaa ayna ku shaqeysaa bey’ad aad u horumarsan” sidaasi waxaa yiri Mulongo, isaga oo intaasi raaciyey in loo baahanyahay waddooyin lagu helo afkaar cusub, oo horumarsan.

    Simon Mulongo waxaa uu carabta ku adkeeyey inay muhiim tahay in la helo qaab lagu sugi karo ammaanka ciidamada AMISOM xilliyada ay ka baxayaan xeryada iyo goobaha ay deggan yihiin.

    Simon waxaa uu sidoo kale qabaa in Teknoolojiyadda ay muhiim u tahay ladagaalanka argigixiso, gaar ahaan xilliga kala-guurka.

    Ciidamada AMISOM ayaa la doonayaa inay amniga si tartiib ah ugu wareejiyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ay horay u saareen 1,000 askari.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com


  12. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhulka buuraaleyda Galgala ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in qeybo kamid ah buuraha ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

    Maleeshiyaadka ayaa lasoo sheegayaa in dhaqdhaqaaqooda uu yahay mid ay ku sal balaarsanayaan, waxaana soo baxaaya warar sheegaya inay kasoo siqeeb dhufeysyadii ay horay ugu sugnaayen.

    Dhufeysyo hor leh ayaa la xaqiijiyay inay ka sameysteen buuraha, iyadoo xiliyada habbeenkii rasaas ku fura ciidamada maamulka ee ku sugan jiida dagaalka.

    Dhufeysyada qaar ayaa la sheegay inay ka dhisteen qeybaha sare ee buuraha, halka qaarna ay ka dhisteen goobo aan sidaa uga sii fogeyn halka ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka Puntland.

    Dhaqdhaqaaqyada Daacishta Somalia ayaa kusoo beegmaya xili maamulka Puntland uu isku diyaarinayo doorasho Madaxweyne waxaana aad looga cabsi qabaa in qalqal amni ay geystaan maleeshiyaadka.

    Geesta kale, maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Daacishta Somalia oo ay ku qaadan fariisimaha ay ku leeyihiin buuraha, kahor inta aanu dhicin doorashada.

    Caasimada Online
    Xafiiska Garoowe
    Caasimada@live.com