Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,326
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muqdisho (Caasimada Online)- Xukuumada Somalia ayaa weli ku guda jirta sida looga cafin lahaa deynta lagu leeyahya Somalia, oo walaac gaara galisay dowlada Federaalka.

    Wasiirka Maaliyada Xukuumada Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulamo kula qaatay Madaxda Hay’adda IMF ayaa sheegay in Xukuumadu ay diyaar u tahay in dhibaato waliba ay u marto cafinta deynta.

    Wasiir Beyle waxa uu sheegay in Madaxda Hay’adda IMF ay diyaar u yihiin inay wax la qabtaan dowlada Somalia, hase yeeshee ay ahmiyada koowaad siinayaan in si sharci ah looga gudbo shuruudaha lagu xiray dowlada.

    Beyle, waxa uu sheegay in madaxda Hay’adda ay ku adkeysanayaan in marka hore ay Somalia soo dhameystirto shuruudaha u sahli lahaa in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, waxa uuna ka Wasiir ahaan carab ***** in juhdi ay ku bixinayaan sida looga gudbi lahaa shuruudaha oo wali qabyo ah.

    Wasiir Beyle ayaa yiri “Waxaa naga go’an inaan ka miro dhalino hadafkeena ah in nalaga cafiyo deynta, si aan u gaarno dhaqaalo badan oo dalka dib ugu dhisano waa inaan marka hore dunida ka helno cafis”

    Wasiir Beyle waxa uu carab ***** in madaxda Hay’adda IMF iyo Hay’addo kale ay wali isha ku hayaan kobaca dhaqaale ee dalka iyo sida loo maareynaayo.

    Waxa uu intaa raaciyay in qeybihii ugu danbeeyay  ay isla marayan Hay’adda IMF, waxa uuna cod dheer ku sheegay in dhawaan lasoo gabagabeynayo.

    “Waxaanu mareynaa heerkii ugu danbeeyay ee gudbinta shuruudaha, waxa uu qorshaheenu yahay inaan ka dhabeyno cafinta deynta waayo Somalia waa dal soo kabanaaya”

    Si kastaba ha ahaatee, Bangiga adduunka ayaa warbixin uu toddobaadyo ka hor uga hadlay dhaqaalaha Somalia wuxuu sheegay inuu dhaqaalaha dalka uu kordhay  wallow uu jiro kobac dhaqaale oo aan gaarsiisneyn heerkii loogu tallo galay.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com


  2. Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha iyo khilaafaadka ka faalloota ee ICG ayaa lagu sheegay in Al Shabaab weli halis weyn ku tahay ammaanka dalka Kenya, Shan sano kadib weerarkii Westgate Mall.

    Warbixinta ayaa cinwaan looga dhigay “Al Shabaab Shan sano kaddib weerarkii Westgate, weli waa halis ka taagan Geeska Afrika”, waxaaa lagu sheegay warbixinta in Al Shabaab bedeshay xeeladihii ay horay u adeegsan jirtay weerarada ay ka geystaan gudaha Kenya.

    Tan iyo sannadkii 2015, Al Shabaab waxay xoogga saartay sidii ay dhallinyaro badan uga qoran lahayd gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari iyo gobolka xeebta ah ee Lamu sida ay tilmameyso warbixinta.

    Al Shabaab ayaa sidoo kale isku dayay in ay dad taabacsan ku yeelato gobollada waqooyiga iyo bartamaha Kenya, iyadoo diiradda saareysa dhallinyaro horay u ahaa Christian, balse qaatay diinta Islaamka.

    Warbixinta waxaa sidoo kale lagu xusay in Al Shabaab weerarradeeda xooggooda ay ka geystaan xadka Kenya iyo Soomaaliya, siiba qaraxyada lala eegto gawaarida ay leeyihiin dadka u dhashay Kenya, gaar ahaan ciidamada iyo shaqaalaha, iyadoo dhinaca kale lagu sheegay warbixinta in Al Shabaab ay xulafaysi la samaysay koox ka dagaallanta gobolka Pwani ee Tanzania oo xad la leh dalka Kenya.

    Weerarkii Westgate Mall ee ka dhacay magaalada Nairobi ee Kenya ayaa dhacay 21-kii September 2013-kii, waxaana ku dhintay 71 qof, oo 62 ka mida ay ahaayeen dad rayid ah, Shan kalana waxa ay ahaayeen ciidamada Kenya halka Afarta hartana ay ahaayeen raggii weerarka soo qaaday.

    Ku dhawaad 200 oo ruux ayaa la wariyay marka in ay ku dhaawacmeen, toogasho iyo dagaal dhexmaray ciidamda Kenya iyo raggii hubeysnaa Shan sano kahor 2013-kii.

    Caasimada Online
    Xafiiska Nairobi
    Caasimada@live.com 


  3. Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in xukuumadda Muqdisho aynaan goobjoog ka noqon doonin doorashada madaxweynenimo ee maamulkaasi.

    Wasiirka Dasuurka ee dowladda Koonfur Galbeed, mudane Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa wareysi uu siiyay mareegta Goobjoog News wuxuu kaga hadlay arrimaha doorashada madaxweynenimo ee dowlad goboleedkaas.

    Wuxuu gaashaanka ku dhuftay war dhowaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Muqdisho.

    Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Sabriye ayaa qoraal xafiiskiisa ka soo baxay waxaa looga hadley arrimo kala duwan waxaana kamid ah inuu u ballan qaadey dowladaha xubnaha ka ah xukuumadda federaalka in kaalmo dhinac kasta ahi oo doorashooyinka degaannadooda ku soo foodka leh.

    Koonfur Galbeed oo kamid ah degaannada ay ka dhaceyso dhowaan doorashada Madaxtinimada ayaa waxa ka harsan laba bil maadaama bisha November ay doorashada madaxtooyada qabsoomayso.

    Wareysiga aan la yeelanay wasiirka oo uu kaga hadlay arrimo quseeya doorashadaasi ayaa tilmaamay in dastuurka dalka uu dhigayo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ama dowladda aysan shaqo ku lahayn doorashada  Madaxtooyadda ee dowlad goboleedyada.

    Wasiirka dastuurka Koonfur Galbeed ayaa carrabka ku dhuftay in aynaan qorshaha ugu jirin inay xukuumadda Muqdisho, kasoo muuqato goobta ay ka dhaceyso doorashadda Baydhabo, taasoo la rumeysan yahay inay ka xamaasad badan tahay kuwii hore.

    Hadalka kasoo yeeray Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed ayaa wuxuu kusoo aadayaa xili uu jiro khilaaf siyaasadeed oo udhaxeeya Madaxda dowladda iyo afar kamid ah dowladaha xubnaha ka ah, kuwaasoo xiriirka u jaray  Villa Soomaaliya.

    HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

    https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WASIIRKA-DASTUURKA-KG-21-09-2018.mp3

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug si loo soo afjaro xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee kasoo cusboonaaday deegaannadaas.

    Madaxweynuhu waxa uu si dhaw ula socdaa khilaafaadka siyaasadeed ee haatan ka dhex jira madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxa uuna ka walaacsanyahay isku dhacyada qaar kamid ah beelaha deggan Gobolka Galguduud oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

    Shirkan uu isugu yeeray Madaxweynaha ayaa ka furmi doona Madaxtooyada Qaranka laga bilaabo 24ka Sebteembar, 2018, waxaana looga wada xaajoonayaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug.

    “Waxaan ku rajo weynahay in dhammaan dhinacayda ay taabanayso arrintan ay muujiyaan tanaasul, biseyl siyaasadeed iyo in danta guud laga hormariyo midda gaarka ah si hore loogu sii wado dadaalladii ay horumuudka ka ahayd Dowladda Federaalka ee lagu dhammeystirayayheshiisyadii ay hore u kala saxiixdeen madaxda Galmuudg.”

    Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku khilaafsan Galmudug in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta geeddi socodka wada hadallada iyo nabadeynta.

    Khilaafaadka ka jira Galmudug waxay soo mareen marxalado kala duwan, mar walbana Dowladdu waxa ay u taagantahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha siyaasadeed ee ka jira deegaankaas.

    Shacabku waxay ka sugayaan maamulka Galmudug in la daadajiyo adeegyada aasaasiga ah taasoo u baahan xasillooni siyaasadeed, deganaansho amni iyo wada shaqeyn buuxda oo ay yeeshan madaxda

     


  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa dilka Aamina Xuseen Xasan, oo maanta koox hubeysan ay ku dhex dishay fasalkii ay fadhisay jaamacadda Soomaaliya, oo ku taalla xaafadda Baar-Ubax ee degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho.

    Qara ka mid ah ehellada Aamina ayaa Caasimada Online u sheegay in Aamina ay ahayd haweeney 43 jir ah, oo ku jirtay sanadkii u dambeeyey ee jaamacadda, islamarkaana ay baraneysay kuliyadda Sharciga iyo Qaanuunka.

    Waxaa la sheegay in Aamina ay lahayd carruur waa weyn, oo qaarkood ayagaba dhigta jaamacado, inkasta oo aysan dhigan jaamacadda hooyadood lagu dilay.

    Ragga dilka gaysta oo laba ahaa ayaa la sheegay in xilli iskuulka ay ka baxayeen arday, qara kalena soo galayeen, kusoo dhex dhuuntaan, ayaga oo wata bastoolado, kadibna ugu yimaadaan fasalka, oo ay ku toogteen.

    Xilliga dilka dhacayey, ayaa waxaa fasalka ku sugnaa kaliya Aamina iyo macallin. Ciidamada amniga ayaa la sheegay inay markii ay goobta yimaadeen wateen macaliinka kadib markii ay su’aalo ka weydiiyeen wixii dhacay, lamana oga xaaladdiisa illaa hadda.

    Ilaa hadda ma cadda sababta loo dilay Aamina, iyo cidda dilka ka dambeysay intaba. Ragga dilka gaysta ayaa baxsaday, mana jirto cid taqaan oo sheegi karta waxa ay ahaayeen.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com


  6. Guddoomiye xisbi siyaasadeed ayaa sheegay in khilaafyada taagan ee siyaasadda dalka ay tahay masuuliyad wadareed ay wada qaadanayaan dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.

    Guddoomiyaha xisbiga Dal dhis Cabdiraxmaan Xuseen Caddoow oo caawa la hadlay barnaamijka  Goobjoog News ayaa sheegay in wax badan aynaan ka soo bixi karaynin heshiiskii maalinkii arbacada ee todobaadkani magaalada Muqdisho uu ka shaaciyay Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Maxamed Cabdi Waare inuu la gaaray dowladda federaalka.

    Wuxuu sheegay in khilaafyada u dhaxeeya xukuumadda Muqdisho iyo dowladaha xubinta ka ah ee kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland in masuuliyaddaasi ay tahay in dusha kaga dhacaysa labada dhinacba.

    Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka Dal Dhis Cabdiraxmaan Xuseen Caddoow ayaa dhaliilay ammaanka magaaladani Muqdisho oo faraha ka baxay, wuxuuna intaas ku daray in dowladda looga baahan yahay shaqo badan.

    Ugu dambeeyn wuxuu ka hadlay sida uu u arko qaabka lagu heli karayo haatan xal waara oo laga gaaro khilaafyada taagan oo laga muujinayo walaac ah in ay lugaha qabtaan dadaallada la doonayo in dalka uu horay ugu sii tallaabsado.

    Siyaasi Cabdiraxmaan Xuseen Caddoow, ayaa kamid ahaa musharrixiintii u tartamay qabashada xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

    HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

     

    https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/GUDDOOMIYE-CADDOOW-XISBIGA-DAL-DHIS-21-09-2018.mp3

    Goobjoog News

     

    https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/GUDDOOMIYE-CADDOOW-XISBIGA-DAL-DHIS-21-09-2018.mp3

    Source: goobjoog.com


  7. Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa ka hadlay dilal 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

    Wuxuu sheegay in kiisaskaasi uu gacanta ku hayo taliska booliska Soomaaliyeed.

    Jeneraal Bariise ayaa intaas ku daray in mararka qarkood falalka amni darro dd ay u qabtaan Ciidamada Booliska alse ay jiraan mas’uuliyiin dadkaasi dambiilayaasha ah difaacaya.

    Wuxuu soo hadal qaaday falal ay kamid yihiin gabadh ardayad ah oo Muqdihso todobaadkani lagu dilay, Gabadh kale oo maanta Jaamacad ay dhiganaysay lagu dhex dilay iyo wiil isna isla Muqdisho lagu dilay oo shacab ah.

    HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

    https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/CODKA-BARIISE-21-09-2018.mp3

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  8. Warar goor dhow oo hadda ah ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidanka AMISOM oo maanta ruux shacab ah ku dilay Muqdisho la qabtay.

    Falkani dilka ah ayaa ka dhacay Isgoyska Seybiyaano ee magaalada Muqdisho waxaana wiilka dhallinyarada ah oo ay dileen uu watay baabuur nuuca raaxada ah.

    Askarigii falka dilka ee falkaasi geysatay iyo askartii la socotay ayaa markii ay falka dilka ah gesteen kaddib isku dayay in ay baxsadaan waxaana looga daba tagay xarunta Villa Baydhabo.

    Goobjoog News ayaa loo xaqiijiyay in caawa askartaasi ay ku hoyanayaan xarunta dambi baarista CID-da ee magaalada Muqdisho.

    Wixii ka soo kordha dib ayaad ka maqli doontaan.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  9. Ehellada Wiil Dhallinyara ah oo ciidanka shisheeyaha AMISOM ay ku dileen magaalada Muqdisho ayaa dowladda ka dalbaday inay helaan cadaalad.

    Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan, ayaa maanta gudaha magaalada Muqdisho ku toogtay, Wiil dhalinyaro oo watay gaari Nuuc Raaxada xilli uu marayay Laamiga Seybiyaano gaar ahaan suuqa caanaha ee gobolkani Banaadir.

    Ilwareedyo ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in ciidamada xilligii ay wiilkaasi tooganayeen uu watay gaarigiisa wadaduna ay ahayd mid aad u mashuul badan.

    Rasaas ayay mar qura huwiyeen, kaddibna waa ay ka soo dhaqaajiyeen, sida dadkii goobta ku sugnaa ay u sheegeen Goobjoog News.

    Lama oga sababta rasmiga ah ee wiilkani dhallinyarada ah ay ciidanka AMISOM u beegsadeen, waxayna tani qeyb ka tahay tacadiyada howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya oo meelaha ay ku sugan yihiin lagu eedeeyo inay ka geystaan falal liddi ku ah beni’aadanimada sida kufsi iyo dil xataa mararka qaar baabuurta dadka rayidka ah wataan ayay jiiraan bilaa sabab.

    Isla todobaadkani ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay rasaas ay fureen ay ku dhimatay gabar aan qaan gaar ahayn oo sagaal sano jir ah islamarkaana uu ku dhaawacmay wiil kale oo arday ah.

    Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabaa Dayax  Iimaan Xasan, waxaa haddaba mareegta Goobjoog News la helay  Xasan Iimaan  Xasan oo ah walaalka marxuumkaasi.

    HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

    https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WIILKA-WALAALKIIS-LA-DILAY-21-09-2018.mp3

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  10. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa sharciga dalkaas ee baasaboorka iyo kaarka aqoonsigaba kala noqotay wiil uu dhalay agaasime ku xigeenka hay’adda sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

    Wiilka sharciga lagala noqday oo lagu magacaabo Camaar Fahad Yaasiin, islamarkaana ah 23 jir ayaa waxaa la sheegay in sharciga uu ku waayey kiiska aabihiis, oo dowladda Kenya ay ku hayso baaritaan la xiriira inuu sharciga ku helay si aan sax ahayn.

    Fahad ayaa lagu tuhmayaa inuu haysto laba baasaboor oo Kenyan ah oo qaab sharci-darro ah uu ku helay, islamarkaana ay ku qoran yihiin taariikho dhalasho oo is-khilaafsan, islamarkaana khilaafsan kuwiisa Soomaaliya.

    21-kii August, wargeyska caanka ah ee Daily Nation ee Nairobi ayaa qoray in Fahad Yaasiin, oo adeegsanaya magaca Ahmed Fahad Daahir uu haysto basaboorka Kenya ee lambarkiisu yahay C024542 iyo kaarka aqoonsiga ama kibaandhaha ee lambarkiisu yahay 22847167, kuwaas oo hadda la baarayo sida uu ku helay.

    Sida dad arrintan la socda oo codsaday inaan la magacaabin ay sheegeen, Camaar ayaa laba toddobaad ka hor ay dowladda Kenya kasoo masaafurisay Nairobi, waxaana laga soo dejiyey magaalada Muqdisho. Laba maalmood kadib ayaa la sheegay inuu dalka Cumaan ku aaday baasbaoor deg deg loogu sameeyey oo Soomaali ah. Camaar ayaa halkaas ka dhigta Jaamacad.

    Warar kale ayaa sheegaya in sidoo kale xubno kale oo ka mid ah qoyska Fahad ay dowladda Kenya kala noqotay sharciga, hase yeeshee lama xaqiijin karo.

    10-kii bishan, Caasimada Online ayaa qortay in safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ay isku dayayso inay bad-baadiso ku xigeenka agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo waaxda socdaalka Kenya ay baaritaan ku hayso. Halkan ka aqri warbixintaas.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    caasimada@live.com


  11. Kismaayo (Caasimada Online)-Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay dileen Saraakiil iyo maleeshiyaad hubeysnaa oo ka tirsan Al-Shabaab.

    Maamulka Jubbaland ayaa tilmaamay in weerar ay qaaden ciidamada Darawiishta Jubbaland iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay ku dileen maleeshiyaadka.

    Howlgalka lagu dilay maleeshiyaadka ayaa la xaqiijiyay inuu ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalle oo qiyaastii 60km u jirta Magalada Kismaayo.

    Ciidamada ayaa howlgalkooda ku qaaday Saldhig ay maleeshiyada ku lahaayen aaga deegaanka Janaay Cadalla iyo deegaano kale xili ay hurdayeen.

    Howlgalka ayaa waxaa maleeshiyada looga dilay Ilaa 17 oo Saraakiil ay ku jiraan,isla markaana laga soo furtay hub kala duwan oo ay heysteen.

    Ciidamada ayaa soo bandhigay 6 qori AK47 iyo laba BKM ama Dabajeexa iyo hal isgaarsiinta Ciidanka ah.

    SAWIRRO

    Alshabaab-1.jpg Alshabaab-2.jpg Alshabaab-3.jpg Alshabaab-4.jpg Alshabaab-5.jpg Alshabaab-6.jpg


  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno suuqa Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu toogtay ruux watay gaari nuuca raaxada ah.

    Dilka ruuxaani ayaa waxaa fuliyay ciidamo ka tirsanaa dowlada kuwaa oo la socday gaari nooca dagaalka, waxaana lasoo sheegayaa in gadaal ay ka toogteen ruuxaani oo magaciisa lagu sheegay Dayax Iimaan Xasan Jiirow.

    Dayax Iimaan Xasan oo ah marxuumka la dilay ayaa ka Shaqeynayey waaxda farsamada dhulka ee Dowladda hoose ee Xamar.

    Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in ka hor dilka ay wada murmeen mid ka mid ah askarta saarneyd Gaariga iyo Marxuum Iimaan kadib markii wadada ay noqotay mid mashquul badan,sidaasina uu ku rasaaseeyey.

    Marxuum-iimaan-722x430.jpg

    Ciidanka toogashada geystay ayaa socodkooda iska sii watay, waxaana aagga uu dilka ka dhacay soo buux dhaafiyay shacab fara badan oo daawanayay sida ay wax u dhaceen.

    Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen meydka ruuxa la dilay.

    Ciidamada amaanka dowlada ayaa si bareera u toogta dadka shacabka iyo kuwa la shaqeeya dowlada ee isticmaala waddooyinka magaalada Muqdisho.

    Si kastaba ha ahaatee, dilka ruuxaani ka tirsanaa shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya xili maanta dilal dhowr ah ay ka dhaceen magaalada Muqdisho.

    Caasimada Online

    Xafiiska Muqdisho

    Caasimada@live.com


  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Weli waxaa Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ku sugan wafdigii Aqalka sare ee xal raadinta, kuwaas oo soo geba gabeeyey kulamadii ay la lahaayeen Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Jubbaland.

    Guddiga ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in wahadaladaas loogu soo bandhigay in dowladda federaalka Soomaaliya faragelin ku heyso Jubbaland, isla markaana dhibaato xoogan ay kala kulmayaan dowladda.

    Senator Axmed Xaashi oo madax u ah Guddiga Aqalka sare ee loo diray Kismaayo, si xal looga gaaro khilaafka dowladda iyo Jubbaland ayaa la saftay maamulka Axmed Madobbe, isaga oo sheegay in dhammaan mas’uuliyiintii iyo bulshadii ay la kulmeen ay sheegeen inay faragelin ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Waxa uu sheegay in dowladda ay ku eedeynayeen inaysan aqoon isku-soo dhawaasho, balse ay taqaano sii riixis oo ay kala fogeyneyso Shacabka iyo Maamulka Jubbaland.

    Waxa uu ugu baaqay dadka ku nool deegaanada Jubbaland inay ka fogaadaan in dhexdooda dhibaatooyin la kala dhex dhigo,i sla markaana ay u sabraan cadaadiska uga imaanaya dowladda Federaalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

    Deegaanada Dowlad goboleedyada ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Xubno kale oo Aqalka sare ka socda kuwaas oo wada xal raadinta khilaafka dowladda iyo Dowlad Goboleedyada,balse guddiga Jubbaland loo diray ay qireen in dowladda faragelin ku heyso Maamulkaas.

    Dhageyso Codka Senator Axmed Xaashi

    https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Senator-Axmed-Xaashi.mp3

    Caasimada Online
    Xafiiska Kismaayo
    Caasimada@live.com 


  14. Baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa si weyn la isula dhexmarayay dood kulul oo ka dhalatay hadal uu jeediyay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Cali Gaas.

    Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo shalay oo Khamiis aheyd ka hadlayay magaalada Badhan ayaa waxa uu jeediyay hadalkaasi doodda badan uu ka dhashay.

    Waxa uu Cabdiweli Cali Gaas yiri “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.”

    Madaxweynaha Puntland oo u muuqanayay inuu ka hadlayay dagaalyahannada Shabaab ee ku jira buuraleyda Galgala ayaa inta uusan hadalkaas oran waxa uu yiri “Intaas oo ciidan ahna waa ay nala joogaan xoogaa Shabaab ahna waa naga haystaan Galgala caqli ma ahan.”

    “Waxaan rabnaa inaan ku dareerno dhammaanteen annagoo wadasoconna, been idiin sheegi mayee dumarka Badhan joogaa haddii ay berito ku dareeraan Galgala ayagaa Shabaab ku filan oo ka saaraya.” ayuu yiri Cabdiweli Cali Gaas.

    Hadalkaa hore ee Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Cali Gaas, ayaa waxaa si kulul uga jawaabay Xildhibaan Idiris Cabdi Axmed Takhtar oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya kana soo jeeda deegaannada Bay iyo Bakool ee hoos taga maamulka Koonfur Galbeed.

    Xildhibaan Idiris Takhtar oo fariin uu soo duubay soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa uu sheegay in arrintaas laga haboonaa isagoo yiri “Waxaan u sheegayaa in nin mas’uul ah uu hadalkaas ka soo yeero ma ahan, in deegaan gaar ah dad ka soo jeeda uu wax ka sheego ma ahan, oo haddana uu dhaho dadkaas oo dacas wato, hadalladaas kuma haboona inuu ku hadlo nin mas’uul ah marka waxaan rabaa inaan ninkaas u sheego waa khaladaadkii saddexaad, afraad ee uu galaayo waaye.”

    “Intii uu xilka Puntland hayay ninkaas waxa uu xiray dad aan waxba galabsan oo ganacsato ah oo uu ku shaabadeeyo inay Shabaab yihiin, oo khaladaad badan uu dadkaas ka soo galay, aniga hadda waxaanba u malaynayaa inuu xalaalaysan rabo hantidooda. Dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed waa dadka ganacsiga ugu badan ku leh deegaankaas Puntland.” ayuu yiri Idiris Takhtar

    Waxa uu Xildhibaan Idiris intaasi ku daray “Ma haboonayn in ninkaas oo mas’uul ah oo hadda ka horna ra’iisul wasaare soo noqday inuu marwalbaba afkiisa uu ku aflagaadeeyo qowmiyad dhan oo jirta.”

    Intaas kuma uusan hakan Xildhibaan Idiris Takhtar ee waxa uu Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ka dalbaday inuu raali gelin ka bixiyo “hadalada qadafka ee ka soo yeeray, waayo waa markii saddexaad ee uu ku dhawaaqo hadal cunsiriyad iyo inuu baneeysto hantida dadka ladeggan ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed.” ayuu ku qoray bartiisa Facebook-ga.

    Doodda iyo erayada kulul ee la is dhaafsanayo intaa kuma aanay ekaan ee waxaa ka qeyb galay dad badan oo magac leh, oo uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xildhibaan Aaden Isaaq, oo bartiisa Facebook-ga soo dhigay:

    103525535_c9639668-c68d-49d5-9cce-aa7650

    Waxaa arrintaas dhankiisa durbadiiba si kulal uga jawaabay wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Puntland, Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil, oo isna bartiisa Facebook-ga soo dhigay:

    103525531_5d5afb3d-fd5d-462b-adbb-e0d8ef

    Dhanka kale isla baraha bulshada ay ku wada xiriirto waxaa ka bilowday dadaalo lagu qaboojinayo xiisadda ka dhalatay hadalka Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ee sababay in hadallada kulkul ay hawada isu mariyaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta deegaannada Puntland iyo Koonfur Galbeed.

    Waxaa ka mid ah dadka arrintaas waday weriye Cabdiweli Ibraahim Garyare oo si gaar ah ula hadlayay labada wasiir ku xigeen ee warfaafineed ee Federaalka iyo Puntland, waxa uu bartiisa ku soo qoray farriintan:

    103525533_02741a4b-cfab-4cdd-979a-67c2ef

    Isha: BBC Somali


  15. MOGADISHU (Caasimada Online) — Somalia’s Intelligence have resolved to strengthen collaboration on information gathering and sharing to counter threats posed by terrorist group, Al-Shabaab.

    The resolution was made at the end of a three-day intelligence information sharing conference organized by the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the UK Mission Support Team (UK MST).

    The conference, attended by senior intelligence officers from AMISOM and Somali national security agencies, sought to forge closer working ties among security agencies in the country. Intelligence officers gather critical information that informs security decisions taken by AMISOM and the Somali government.

    Speaking at the end of the workshop, Col. Naboth Mwesigwa, the AMISOM Chief Military Intelligence Officer (CMIO), urged intelligence agencies in the country to work together by sharing critical information.

    “Let us aim at working together in terms of sharing information, collaborating, and coordination so that we help our commanders to carry out operations,” Col. Mwesigwa stated.

    The participants were told that though Somalia faces numerous challenges, the collective effort by security agencies can help to transform the country and restore lasting peace and security.

    Col. Mwesigwa cited terrorism as one of the threats to global security, which intelligence officers must fight against.

    Participants were told that the lethality of the Improvised Explosive Devices (IEDs) has been on a decline due better intelligence gathering and training on bomb handling.

    Other topics discussed included the provision of regular security updates in AMISOMs area of responsibility and how to overcome challenges faced in intelligence gathering.

    Also present at the conference was the Director of Military Intelligence in the Somali National Army (SNA), Brig. General Abdullwahab Omar.

     


  16. Al-shabaab-oo-weerartay-balcad.jpg?resizNairobi (PP) ─ Warbixin ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ah ee ka faalloota xasaradaha iyo khilaafyada, ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay weli halis weyn ku tahay Amniga Dalka Kenya, Shan sano kadib weerarkii Westgate Mall.

    Warbixinta ayaa waxaa cinwaan looga dhigay ‘Al-shabaab shan sano kaddib Weerarkii Westgate, weli waa halis ka taagan Geeska Afrika’, waxaaa lagu sheegay warbixinta in Al-shabaab beddeshay Xeeladihii ay horay u adeegsan jirtay weerarrada ay ka geystaan Gudaha dalka Kenya.

    Tan iyo sannadkii 2015-kii, Al-shabaab waxay xoogga saartay sidii ay uga qoran lahayd dhallinyaro badan dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi-bari iyo gobolka xeebta ah ee Lamu sida ay tilmameyso warbixinta.

    Sidoo kale, Al-shabaab ayaa isku dayay in ay dad taabacsan ku yeelato gobollada Waqooyiga iyo Bartamaha dalka Kenya, iyadoo diiradda saareysa dhallinyaro horay u ahaa masiixiyiin, laakiinse qaatay diinta Islaamka.

    Warbixinta waxaa lagu xusay in Al-shabaab weerarradeeda xooggooda ay ka geystaan Soohdinta u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya, siiba Qaraxyada lala eegto gawaarida ay leeyihiin dadka u dhashay Kenya, gaar ahaan ciidamada iyo shaqaalaha, iyadoo dhinaca kale lagu sheegay warbixinta in Al-shabaab ay xulafaysi la samaysay koox ka dagaallanta gobolka Pwani ee Tanzania oo xad la leh waddanka Kenya.

    Dhanka kale, Weerarkii ay Al-shabaab ku qaaddday Westgate Mall oo ah suuq laga adeegto oo ku yaalla Magaalada Nairobi oo dhacay 21-kii bishii September ee sannadkii 2013-kii, waxaana ku dhintay 71-qof oo 62 ka mid ah ay ahaayeen rayid, shan kalena ay ahaayeen ciidanka Kenya halka afarta hartay ay ahaayeen raggii weerarka qaaday.

    Ugu dambeyn, Ku dhawaad 200-ruux ayaa lasoo wariyay inay dhaawacyo kasoo gaareen toogasho iyo dagaal dhex-maray ciidamda Kenya iyo raggii hubeysnaa ee xaruntaas weeraray.

    PUNTLAND POST

    The post Al-shabaab oo la shaaciyay inuu Weli halis weyn ku yahay ammaanka Kenya appeared first on Puntland Post.


  17. MOGADISHU (Caasimada Online)  – Plans to relocate the 450 Burundian soldiers currently stationed at the Mogadishu Military Academy are already underway.

    The relocation is part of the condition-based transition plan agreed between the peacekeeping force, the Federal Government of Somalia, United Nations and development partners.

    The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, Ambassador Francisco Madeira, toured three locations within the Mission area to identify a suitable site to construct a transit camp for the soldiers before they vacate the Academy next month.

    “We are identifying land to put up facilities for our transiting personnel before they go to their respective headquarters in the Sectors. The facilities will serve the Burundians when they arrive or rotate out and other contingents on transit that might need a place near the Mission or Force headquarters,” said Ambassador Madeira, who was accompanied by AMISOM civil engineer, Andrew Alele.

    He noted that the AU Mission will move its properties currently at the Military Academy to the Mission area before handing over the institution.

    Engineer Alele said the transit camp will be ready by the end of October 2018 to ensure a smooth handover.

    “We should have the transit camp ready before the next rotation of the Burundian troops. We will start building this camp as soon as possible. We are going to have discussions with UNSOS (United Nations Support Office in Somalia) once AMISOM Mission decides the way forward,” the AMISOM Mission Civil Engineer added.

    Engineer Alele said the transit camp will have basic amenities including accommodation and ablution blocks, adequate for the 450 Burundi soldiers. AMISOM has already moved soldiers and police officers who were located at the national stadium to Jazeera II camp next to the Mission area.

    DnjhRS1XoAEeXE7.jpg 29844951797_1f1be6cd5b_z.jpg DnjhNwDW0AEIzZc.jpg

    PRESS RELEASE


  18. Dil noociisa oo kale uusan waayadan soo marin Soomaaliya ayaa laga soo sheegay magaalada Muqdisho, kaasoo loo gaystay allah u naxariistee marxuum ka soo jeeda beesha Jareer weyne oo la yiraahdo Axmed Mukhtaar Saalax.

    Nuur Maki Muunye oo ka mid ah ehelada marxuumka ayaa BBC u sheegay in arrintu ay ka dhalatay guur dhex maray wiil ka soo jeeda reerahooda oo ay ilmo adeer ahaayeen marxuumka, iyo gabar u dhalatay beel ka mid ah beelaha hubaysan ee Muqdisho dega.

    “Odayaal ayaa isaga yimid arrinta oo ka wada xaalay, sidaa darteedna waxay go’aan isla gaareen reerka ay gabadhu ka dhalatay, hase yeeshee gabadha hooyadeed iyo abtiyaasheed ayaa ka biyo diiday, kuwaasoo bam gacmeed adeegsaday” ayuu yiri Nuur.

    Wuxuu intaa ku daray in la xiray dadkii falka lagu tuhmay inay gaysteen oo ay ku jirto gabadha hooyadeed, laakinse “odayaashii dhinaca abtiyaasha” ay wacad ku mareen in “talaabo ficil ah ay ka qaadi doonaan xarigaas”.

    Talaabadaas ayuu sheegay in ay noqotay in weerar lagu qaado Axmed Mukhtaar Saalax oo ay weeraraan “dad gaaraya 15 qof, kuwaasoo ku hubaysnaa middiyo baangado iyo eebooyin” ayuu yiri.

    Wuxuu intaa raaciyey in “baasiin lagu shubay, ka dibna la gubay”. Laakinse ma cadda in markii uu dhintay meydkiisa la gubay, ama isagoo nool dab la qabadsiiyey.

    Arrintan ayaa tan iyo shalay aad looga hadal hayey baraha bulshada, gaar ahaan Facebook, ayadoo la soo dhigay sawirro aad looga naxo oo muujinaya jirka marxuumka oo gubtay.

    Nuur wuxuu BBC u sheegay in meydka Axmed Mukhtaar Saalax aan ilaa hadda la duugin, “ilaa iyo inta sharciga laga hor keenayo dadkii dilkiisa ka dambeeyey”.

    Waa markii ugu horraysay inta la ogyahay taariikhda ee dhacdo noocan oo kale ah ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

    Hore ayaa waxaa u dhacay in dad loo dilay sababo la xiriira guur ay is guursadeen qabaa’il aan hore isu guursan jirin, laakin in meyd ama qof nool la gubo ayaa ah arrin ugub ah oo aan meelna ka soo galin diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

    Inkastoo uu Nuur Maki Muunye sheegay in dad loo xirxiray, haddana nooma suurto galin in aan Booliska helno, si aan uga xaqiijinno in ay jiraan dad loo qabtay kiiskan.


  19. Muqdisho_Dil_Jaamacad.jpg?resize=826%2C4
    Muqdisho (PP) ─
    Kooxo dalbey ah ayaa ku dhex-dilay fasal ay wax ku baranaysay gabar dhalliyaro ah oo lagu magaaabi jiray Aamino Xasan Xuseen, iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah eek a dambeysa dilka gabadhan.

    Dilkan ayaa wuxuu ka dhacay gudaha Jaamacadda Soomaaliya ee UNISO loo yaqaan, gaar ahaan xarunteeda xaafadda Baar-ubax ee degmada Hawl-wadaag, waxaana dilkan uu dhacay duhurnimadii maanta.

    Goobjoogayaal ku suganaa Jaamacadda UNISO ayaa warbaahinta u sheegay in kooxda dilka geystay ay si toos ah u abbaareen fasalka ay gabadhani wax ku baranaysay ayna iyada oo keliya toogteen, waxaana ay u muuqataa inay ahaayeen rag watay macluumaad dhameystiran.

    “Dilku wuxuu dhacay markii laga soo laabtay nasasho ay ardaydu ku qaateen dibadda fasalladooda, kooxaha hubeysanna waxay si toos ah u toogteen Aamino, iyagoo dhawr xabbadood ku dhuftay illaa ay goobta ku naf-baxaysay,” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah ardaydii ay isku fasalka ahaayeen oo aragagaxsan.

    Qaar ka mid ah maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in gabadhan la dilay ay baranaysay kuliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, isla markaana aysan garanayn sababta loo dilay.

    Sidoo kale Maamulka iyo Ardayda ayaa sheegay in gabadhu ay ku jirtay sannadkii ugu dambeeyay ee waxbarashadeeda, isla markaana aysan weligood ku arag wax dihbaato ah ama dad ay is-haystaan.

    Ciidammo ka tirsan kwua Amniga Dowladda Federaalka Somalia ayaa tagay Jaamacadda uu dilku ka dhex-dhacay, waxayna sameeyeen baaritaanno ku aaddan sida ay wax u dhaceen, lama soo sheegin falkan dilka ah ciidamada dad ay u soo qabteen.

    Dhanka kale, Falkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo 18-kii bishan aan ku jirno uu askari ilaalo u ahaa Jen. Sheegow uu Muqdisho ku toogtay gabar 9-jir ahayd oo dhiganeysay Dugsiga Hoose ee Iskuulka Hoyga Xamar, iyadoo saaran gaariga iskuulka.

    Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay afar ruux u xirtay dilka gabadha yar ee sagaal jirka ahayd, balse waxaa laga doonayaa inay sidoo kale tallaabo sharciga waafaqsan ka qaaddo kooxihii maanta geystay dilka loo geystay gabadha ardayadda ahayd.

    PUNTLAND POST

    The post Kooxo hubeysan oo Gabar Ardayad ahayd ku dhex dilay Jaamacad ay wax ka baranaysay appeared first on Puntland Post.