Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,078
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Xilidhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona loo sameeyey soo dhaweyn aad u ballaaran. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa safarradii uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jira Maamullada dalka, si u ogaado nolasha dadka ee dhanka nolosha iyo amniga.

    Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka ku dhaqan degmada Baraawe oo aad uga waramay dhibaatooyinka ka jira gobolka.

    Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa qudbad dheer u jeediyey shacab aad u tiro badan oo ka qayb qaadanayey soo dhaweynta waftiga ayaa uga mahadceliyey sida sharafta leh oo ay u soo dhaweeyeen.

    “Waxaan aad ugu farax sanahay sida wanaagsan oo aad noo soo dhaweyseen, Waxaana halkaan iiga muuqda sida reer Baraawe diyaar ugu yihiin dawladnimada, waxaana naga go’an inaad heshaan nabad, cadaalad iyo sinaan taas oo ah siyaasadda dawladda lagu dhisay,”ayuu yiri R/W Khayre.

    “Baraawe waxay ahayd magaaladii aan ka dhoofay 1989kii, markii aan dalka ka baxayay waad ku mahadsantihiin martigelintiina xiligaas iyo xiligan, Magaaladani waxay qeyb ka qaadatay fidinta diinta islaamka, dadkeeduna waxay caan ku yihiin sharaf, karti, halgan iyo wax soo saar”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay shacabka magaalada Baraawe, kana codsaday madaxda Koonfur-galbeed in si deg-deg ay ugu soo guuraan magaallo madaxda maamulka oo ah degmada Baraawe.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyn tilmaamay in degmada ay sii joogi doonaan qeybaha kala duwan ee Ciidamadda, isla markaana looga baahan yahay shacabku iney ka qeyb qaadaan dagaalka lagu xoreynayo deegaanada ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixsada ah.

    1-4.jpg?resize=696%2C4642-6.jpg?resize=696%2C4643-5.jpg?resize=696%2C4644-1.jpg?resize=640%2C4275-3.jpg?resize=640%2C4276-1.jpg?resize=640%2C4277.jpg?resize=640%2C427Kheyre-1-2.jpg?resize=640%2C427Kheyre-iyo-Shariif-Xasan.jpg?resize=640%Shariif-xasan-1.jpg?resize=640%2C427


  2. Harare (Caasimada Online) – Milatariga ayaa la wareegay awoodda dalka Zimbabwe, balse madaxweyne Robert Mugabe oo wadooda dalkaasi hayay tan iyo 1980 ayaa la sheegay inuu badqabo.

    Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa sheegay inuu la hadlay Mugabe oo u sheegy in laga dhigay xabsi guri balse uu aad u fiican u yahay.

    Ciidammo ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen xarunta guud ee telefishinka qaranka ee Zimbabwe ee magaciisa loo soo gaabiyo ZBC, iyadoo badhtanka lagaga jiro xiisadda sii koraysa ee dalkaasi ka jirta.

    Israsaasayn culus iyo dhawaqa gantaallo ayaa laga maqlay dhanka waqooyi, inkastoo aysan caddayn waxa ay xaaladdu ku sugan tahay.

    Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal hadal ah oo ka soo yeeray madaxweyne Robert Mugabe 93 jir ah.

    Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika Isaac Moyo wuxuu meesha ka saaray wax afgambi ah, wuxuuna sheegay in ay dawladdu wali shaqaynayso.

    Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay “khiyaano qaran” ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo.

    Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii.

    Chiwenga ayaana sheegay in milatarigu uu u diyaarsan yahay in uu soo afjaro khilaafka xisbiga Zanu-PF

    Xiisadduna waxay cirka isku sii shareertay Talaadadii markii gawaari qafilan lagu arkay iyaga oo ka boos qaadanaya duleedka wadooyinka magaalada caasimadda ah ee Harare, inkastoo uusan caddayn ujeedadoodu.Milatari la wareegay telefishinka qaranka Zimbabwe.

    Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay “khiyaano qaran” ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo.

    Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii.

    BBC


  3. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Xilidhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona loo sameeyey soo dhaweyn aad u ballaaran. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa safarradii uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jira Maamullada dalka, si u ogaado nolasha dadka ee dhanka nolosha iyo amniga.

    Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka ku dhaqan degmada Baraawe oo aad uga waramay dhibaatooyinka ka jira gobolka.

    Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa qudbad dheer u jeediyey shacab aad u tiro badan oo ka qayb qaadanayey soo dhaweynta waftiga ayaa uga mahadceliyey sida sharafta leh oo ay u soo dhaweeyeen.

    “Waxaan aad ugu farax sanahay sida wanaagsan oo aad noo soo dhaweyseen, Waxaana halkaan iiga muuqda sida reer Baraawe diyaar ugu yihiin dawladnimada, waxaana naga go’an inaad heshaan nabad, cadaalad iyo sinaan taas oo ah siyaasadda dawladda lagu dhisay,”ayuu yiri R/W Khayre.

    “Baraawe waxay ahayd magaaladii aan ka dhoofay 1989kii, markii aan dalka ka baxayay waad ku mahadsantihiin martigelintiina xiligaas iyo xiligan, Magaaladani waxay qeyb ka qaadatay fidinta diinta islaamka, dadkeeduna waxay caan ku yihiin sharaf, karti, halgan iyo wax soo saar”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay shacabka magaalada Baraawe, kana codsaday madaxda Koonfur-galbeed in si deg-deg ay ugu soo guuraan magaallo madaxda maamulka oo ah degmada Baraawe.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyn tilmaamay in degmada ay sii joogi doonaan qeybaha kala duwan ee Ciidamadda, isla markaana looga baahan yahay shacabku iney ka qeyb qaadaan dagaalka lagu xoreynayo deegaanada ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixsada ah,

    unnamed-1-2.jpg?resize=1000%2C667unnamed-2-2.jpg?resize=1000%2C667unnamed-3-2.jpg?resize=1000%2C667unnamed-4-2.jpg?resize=1000%2C667unnamed-5-2.jpg?resize=1000%2C667unnamed-6-2.jpg?resize=1000%2C667unnamed-7-1.jpg?resize=1000%2C667unnamed-8-1.jpg?resize=1000%2C667unnamed-9.jpg?resize=1000%2C667

    PUNTlAND POST

    The post Raisilwasaare Kheyre oo Lagu Soo Dhoweeyay Baraawe appeared first on Puntland Post.


  4. images-1-2.jpg

    MOGADISHU– The fragile government stalled in Mogadishu and backed by African Union congratulates on Somaliland for the peaceful presidential polls held on 13th Nov. 2017. The council of ministers meeting chaired by Somalia’s Prime Minister, Hon. Hassan Khaire was briefed about the presidential campaign and the smooth holding of free and fair elections in Somaliland. Despite the ministers having lengthy discussions about the poll in Somaliland, they have not hesitated to send congratulatory message to the people of Somaliland and its government for well done job. Somalia’s council of ministers said that the polls were conducted in peaceful where it was free and fair. They said that the democratic elections were much better in ones hold in the western countries. The ministers called upon that it is necessary that the people must await the final results that NEC  set to announce.

     


  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed ayaa ku dhawaaqday inay xilkii ay u heystay dowladda iska casishay laga bilaabo maantana ay shaqada isaga tagtay.

    Haddaba waxaa durba la is waydiinayaa sababta keentay inay is casisho, inkastoo ay iyada ay ka hadashay sababta haddana si faahfaahsan ugama aysan hadlin.

    Wasiir Maryan ayaa  xaqiijisay iney xilkaasi isaga casihay is-bar bar yaac ka dhex jira dowladda Soomaaliya, oo aysan macneyn waxa uu yahay.

    “Aniga hay’ad dhisan ha ahaato mid dowladeed iyo mid kaleba waa ka shaqeyn karaa, laakiin waa ay igu adag tahay inaan ka shaqeeyo meel isku dhex yaac uu ka jiro” ayay tiri Maryam Qaasim.

    Hadalka Maryan Qaasim kasoo yeeray ee ahaa (Isku dhex yaac) ayaa muujinayo in lagu soo farageliyey shaqadeeda isla markaasna aan loo madax banaaneyn howlaha Wasaaradeeda.

    Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wasiir Maryan muddooyinkii danbe muran kala dhaxeeyay Ra’iisal wasaare Kheyre iyadoo shaqadii wasaaradeeda loo dhiibay guddiyo, isla markaana uu sii xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha.

    Wasaaradda ay madaxda ka aheyd ayaa laga ilaaliyey dhammaan shaqooyinkii khuseeyeyey, wuxuuna Ra’isulwasaare Kheyre u xil saaray Shaqadeeda Guddi, taasoo keentay inay Wasiirada weyso wax ay qabato.

    Maryan Qaasim ayaa Kheyre kala kulantay cadaadis badan oo xagga shaqada ah, waxayna dhawr jeer ka cabatay arrintaas sida ay xaqiijiyeen Shakhsiyaad aad ugu dhow Wasiir Maryan.

    Caburiska lagu hayey Wasaaraddaas ayaa waxaa tusaalaheeda kamid ah in laga ilaaliyey inay maamusho gargaarkii dalka la keena, weliba si gaar ah markii ay dhacday Musiibadii Isgoyska Zoobe markaas oo dalal badan ay keeneen raashin badan oo ay aheyd in lagu wareejiyo Wasaaradda isla markaasna ay iyadaa maamusho, waxaase dhacday inuu Kheyre u magacaabay guddi ka madax banaan wasaaradda Gargaarka.

    Illo wareedyo ku dhow dhow Wasiir Maryan ayaa noo xaqiijiyey inay ku dooday inaysan wax shaqo ah qaban muddo badan, aysana jirin sabab ay xilkaas usii heyso.

    Is casilaadaan ayaa dhibaatada kusoo badin doonto Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, waa Wasiirkii labaad ee iska casishay Xukuumadda Kheyre muddo labo bil gudahood.

    Is casilaadan ayaa soo dedejin karta isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada oo muddooyinkii u dambeeyay xaalado adag soo wajahayeen.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com 


  6. images-5.jpg
    Press Release: United Nations

    Security Council maintains partial lifting of arms embargo on Somalia for one year

    14 November 2017 – The Security Council on Tuesday renewed until 15 November 2018 the partial lifting of the arms embargo on Somalia, authorization for maritime interdiction of illicit arms imports and charcoal exports, and the humanitarian exemption.

    In the resolution adopted by 11 affirmative votes and four abstentions, the 15-member body requested the Somalia and Eritrea Monitoring Group (SEMG) to continue its investigations related to the export to Somalia of chemicals that may be used as oxidisers in the manufacture of improvised explosive devices, such as the precursors ammonium nitrate, potassium chlorate, potassium nitrate and sodium chlorate.

    Those abstained in the vote were Bolivia, China, Egypt and Russia.

    Further, the Council extended until 15 December 2018 the mandate of the SEMG, and recognised that during the course of its current and three previous mandates, the SEMG has not found conclusive evidence that Eritrea supports Al-Shabaab in Somalia.

    The Council expressed its intention to keep measures on Eritrea under regular review, in light of the upcoming midterm update by the SEMG due by 30 April 2018.

    Recalling the three meetings between an Eritrean government representative and the SEMG, the Council reiterated its expectation that Eritrea’s Government will facilitate the entry of the SEMG into Eritrea to discharge fully its mandate.

    The Council urged Eritrea and Djibouti to engage on the issue of the Djiboutian combatants missing in action and to seek all available solutions to settle their border dispute peacefully.


  7. 23602358_10212227807704393_944575580_n.p

     

    Somaliland’s governing Peace, Unity & Development Party (Kulmiye) has advised supporters to remain in doors amid the wild jubilation over the anticipation that ruling party’s decisive victory in the presidential election. The National Electoral Commission (NEC) has urged political parties  not to celebrate before the actual results are announced. Kulmiye Party Spokesman, Hon. Hassan Gafadhi flanked by Party’s secretary held a press conference at the party’s headquarters in Hargeisa. The duo urged that their supporters must wait until the winner is declared before any celebration can be conducted. They expressed thanks to its supporters for voting the ruling party with overwhelming majority. The opposition, Wadani party hoped to challenge Kulmiye ruling party dominance for first time. Somaliland’s National Election Commission said that speculating on the results of the polls can result into conflicts and adverse consequences, which can negatively affect the nation.

     

     


  8. Cilmi baarayaal ayaa sheegay kool-koolinta  faraha badan ay ku sameeyaan waalidiinta ilamaha ay awoowaha ama ayeeyada ay u yihiin inay ku yeelato saameyn caafimaad ee togan.

    Cilmi-baaristaan lagu sameeyay jaamacadda Glasgow laguna faafiyey majalada OnePlus  ayaa waxaa lagu sheegay in ayeeyayaasha ay u leexdaan inta badan koolkoolinta ilmaha ay waalidka u yihiin inay siiyaan cunto farobadan .

    Daraasadda ayaa waxay hoosta ka xariiqday in awoowayaasha ama ayeeyayaasha ay ilmaha hortooda ay ku cabaan sigaarka mana siiyaan fursad ku fulan oo ay ku aala miiteeyaan caruurta.

    Cilm- baariyaasha sameeyay daraasaddaan ayaa waxay baareen 56 daraasad, kuwaas oo ay ku jiraan bayaanaadka 18 dowladood oo ay ka mid yhiin UK,Mareykanka Shiinaha iyo Japan.

    Daraasaddaan ayaa waxay xoogga saareysaa saameynta ay ku yeelato caruurta koolkoolinta faraha badan oo ay u sameeyaan ayeeyayaashooda inta ay yaryaryihiin.

    Goobjoog News

    Source


  9. Daraasad ay sameysay mu’asasada  Freedom House oo xarunteedu tahay dalka Mareykanka ayaa waxaa ay sheegtay in wararka been abuurka ah ee lagu baahiyo baraha Internetka ay saameeyeen doorashooyinka 18 dowladood.

    Daraasadda ayaa waxay diiradda saartay qaabka ay wararkaan u saameeyaan dowladaha iyo afkaarta dadweynaha, waxay tilmaanaty in lacago lagu bixiyo wararka been abuurka ah ee la isla dhexmaro baraha Internetka.

    Warbixin sanadeedka ay soo saartay mu’asasada Freedom House ayaa waxaa lagu sheegay in isku geynta 30 dowladood ay ka qeyb qaateen habka isticmaalka baraha bulshada ee lagu faadiyo wararka beenta ah si ay oga adkaadaan mucaaradka.

    Warbixinta waxay intaasi ku dartay in laga wacyi galiyo dadka isticmaalaya baraha bulshada in ay hoos u dhigaan wararka been abuurka ah iyo in lagu wacyi galiyo shirkadaha Teknoloojiyadda in ay siyaasad u dajiyaan shabakadahooda si loola dagaalamo  wararka beenta ah.

    Goobjoog News

    Source


  10. Dr Maryan Qaasim Axmed oo Aheyd wasiirka Gargaar iyo Maareeynta Musiibooyinka Xuukumada Federaalka Soomaaliya oo maanta ku dhawaaqday in ay iska casishay xilkaasi ayaa si kooban uga hadashay sababaha ay xilkaasi isaga casishay.

    Maryan Qaasim oo si kooban u la hadashay Wariyaasha ayaa sheegtay in xilkaasi isaga tagtay isbar baryaac xaga shaqada ah sida ay sheegtay.

    ” Aniga oo ah Dr Maryan Qaasim Axmed Wasiirka Wasaarada Gar gaarka iyo maareeynta Musiibooyinka Waxaan Rabaa in aan idiin Xaqiijiyo in aan iska casilay wasiirnimada oo aan u hayay xukuumada aniga oo ilaaheey uga baryaaya xukuumada Booskeeyga Qof aniga iga wanaagsan uu u buuxiyo in ay hesho” ayeey Tari Drs Maryan Qaasim Axmed

    Mar ay sii kooban uga hadashay sababaha ay xilkaasi uga tagtay ayaa markale waxa ay Tiri Drs Maryan Qaasim ” Waxaan uga tagay Xilkii aan hayay waxaa igu adkaatay duruufta shaqo Aniga nidaamyo sidii looga shaqeeyo aan aqaanaa Waaxyo dhisan Ama wasaarad ha ahaato waa ka shaqeeyn karaa , laakiin shaqada markii ay is bar bar yaac tahay  wax walba isku qasanyihiin waxba kala baxsaneeyn macnaha wareer ayaa laga qaadaayaa”

    ugu dambeeyntii waxa ay Drs Maryan Qaasim sheegtay in ay la shaqeeyn doonto Dowlada oo ayna mucaarad ku aheyn islamarkaasina iyada shaqsi ahaan ay ku adkaatay in ay dowlada la sii shaqeeyso.

    is casilaadaan ayaa imaaneeyso xili dowlada Soomaaliya ay dhistay guddiyo kala duwan oo ay ku shaqo laheyd Drs Maryan Qaasim Axmed.

    Hoos ka Dhageyso Codka Drs Maryan Qaasim

    http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/Maryam-Qaasim.mp3

    Xasan Maxamed Samatar Cowke 

    Puntland Post Muqdisho

    The post Drs Maryan Qaasim” ” Waxaan uga tagay Xilkii aan hayay is bar baryaac Shaqo oo aniga igu adkaatay” appeared first on Puntland Post.


  11. Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Saraakiil ka socota Urur Goboleedka IGAD ayaa kulamo gaar gaar ah madaxda Maamullada Galmudug iyo Puntland kula qaatay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Waxaana ay ka wada hadleen ammaanka Magaalada Gaalkacyo, iyo sida looga hortagi karo Colaadaha soo laa laabtay ee ka taagan Magaaladaasi. Saraakiisha ka socoto IGAD ayaa 3 maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo, waxaana ay ugu baaqeen labada dhinac in ay ka wada shaqeeyaan Nabadda iyo hormarka Magaaladaasi.

     

    Source: Shabelle.

     


  12. Hay,adda GRT ayaa maanta magaalada Garowe ku qabatey shir ku saabsan isku xirka bulshadda iyo laamaha amniga, waxaana kasoo qayb galay Taliyaha iskuxirka Police-ka iyo bulshada,Gudiyada xaafadaha, Wasaarada haweenka,Barakacayaasha iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.

    Abshir Yuusuf Maxamuud Madaxa Hay,adda GRT ayaa ugu horeyntii faahfaahin ka bixiyay ujeedada shirka, wuxuuna sheegay inay muhiim tahay isku xirka laamaha amniga iyo xaafadha magaalada Garowe,Isagoona xusay ka hay,add ahaan inay ka go,an tahay ciribtirka tacadiyadda ka dhanka ah haweenka iyo caruurta.

    Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay Taliyaha isku xirka Police-ka iyo bulshada Cabdirishiid Cadceed Geelle, wuxuuna sheegay in Police-ku ka hawlgalayaan tacadiyada loo gaysto haweenka iyo caruurta .

    Wuxuuna ku dhiirigaliyey bulshaddu inay warbixinada ay usoo gudbiyaan police-ka si looga hortago tacadiga ka dhanka ah caruurta iyo haweenka.

    Ugu dambeyntii waxaa shirka soo xirtay Aamino Maxamuud Nuur oo ka socotay Wasaaradda haweenka iyo Arrimaha qoyska,waxayna ka dalbatey kasoo qeybgalayaasha kulankaan inay xiriir yeesheen bulshada iyo laamaha Amniga si looga hortago tacadi walba oo loo geysto haweenka iyo caruurta, Iyadoona xustey deegaanada Puntland inay kusoo badanayaan falalka noocaan ah.

    IMG_0189.jpg?resize=778%2C518IMG_0190.jpg?resize=778%2C518IMG_0191.jpg?resize=778%2C518IMG_0194.jpg?resize=778%2C518IMG_0196.jpg?resize=778%2C518IMG_0197.jpg?resize=778%2C518IMG_0199.jpg?resize=778%2C518IMG_0200.jpg?resize=778%2C518IMG_0201.jpg?resize=778%2C518IMG_0203.jpg?resize=778%2C518IMG_0204.jpg?resize=778%2C518IMG_0205.jpg?resize=778%2C518IMG_0211.jpg?resize=778%2C518IMG_0216.jpg?resize=778%2C518IMG_0219.jpg?resize=778%2C518IMG_0221.jpg?resize=778%2C518IMG_0222.jpg?resize=778%2C518IMG_0223.jpg?resize=778%2C518IMG_0224.jpg?resize=778%2C518IMG_0225.jpg?resize=778%2C518IMG_0226.jpg?resize=778%2C518IMG_0228.jpg?resize=778%2C518IMG_0230.jpg?resize=778%2C518IMG_0233.jpg?resize=778%2C518IMG_0235.jpg?resize=778%2C518IMG_0238.jpg?resize=778%2C518IMG_0240.jpg?resize=778%2C518IMG_0242.jpg?resize=778%2C518IMG_0257.jpg?resize=778%2C518IMG_0292.jpg?resize=778%2C518CIID QARAN.

    PUNTLAND POST

    The post Hay,adda GRT oo shir u qabatay bulshada iyo Booliska Garowe. appeared first on Puntland Post.


  13. Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta xilka iska casishay, waxayna goor dhow sheegtay sababta ay isku casishay. Wasiir Maryan ayaa  xaqiijisay iney xilkaasi isaga casihay is-bar bar yaac ka dhex jira dowladda Soomaaliya, oo aysan macneyn waxa uu yahay. “Aniga hay’ad dhisan ha ahaato mid dowladeed iyo mid kaleba waa ka shaqeyn karaa, laakiin waa ay igu adag tahay inaan ka shaqeeyo meel isku dhex yaac uu ka jiro” ayay tiri Maryam Qaasim.

     

    Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wasiir Maryan muddooyinkii danbe muran kala dhaxeeyay Ra’iisal wasaare Kheyre iyadoo shaqadii wasaaradeeda loo dhiibay guddiyo, isla markaana uu sii xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha. Kheyre ayaa inta badan guddiyo u magacaaba wasaaradaha isaga oo aan la tashay wasiirada, taasi oo wasiiro badan ka careysiisay. Hoos ka daawo muuqaalka Maryam Qaasim

     

     

    Source: caasimada.net

     

     


  14. Maryan Qaasim Axmed, Wasiirkii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Federaalka ee maanta iska casishay xilkaan ayaa Goobjoog News uga warbixisay sababta ku kalliftay iney is casisho.

    Waxay sheegtay Drs. Maryan in sababta ugu weyn ee ay isku casishay ay tahay ineysan ku shaqeyn karin is barbar yaac, sidaasi darteedna ay ka doorbiddey iney xafiiska baneyso.

    Sidoo kale waxay sheegtay wasiir Maryan in iyadu aanay ahayn mucaarad, ayna xukuumadda u rajeeneyso guul iyo horumar.

    “Aniga oo ah Maryam Qaasim Axmed, wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka, waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo inaan iska casilay xilkii wasiirnimada ee aan u hayey xukuumadda, aniga oo ilaahay uga baryaya xukuumadda booskeega qof aniga iga wanaagsan oo u buuxiyana iney hesho, hadda waxaan uga tagey xilkii aan hayey waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, aniga hay’ad sida looga shaqeeyo ayaan aqaanaa, department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakiin shaqada markii ay is barbaryaac tahay wax walbo isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneen madax wareer badan ayaa laga qaadayaa, xukuumadda waxaan ilaahay uga baryayaa iney horumar gaaraan, ma ihi qof mucaarad ah, dowladeeda mucaarad kuma ihi laakiin aniga duruuftaan is barbar yaaca ah wey igu adkaatay inaan ku shaqeeyo, aniga shaqsiyan waxaan doorbiday siyaasad inaan gacmaha kala baxo oo sidii kale aan bulshadeeda ugu shaqeyn jirey aan ugu shaqeeyo”

    Maanta oo Arbaco ah ayeey Drs Maryan Qaasim Axmed waxay si rasmi ah u sheegtay iney iska casishay xilkii wasiirnimo ee ay ka haysay xukuumadda uu hoggaamiye Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

    Goobjoog News

    Source


  15. Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu gaaray Ra’silwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

    Wafdiga Ra’isilwasaraha ayaa waxaa halkaasi ku soo Dhoweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh oo halkaasi kaga sii horeeyay.

    Sidoo kale waxaa magaaladaasi Baraawe gaaray wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Micheal Keating.

    Dhanka kale Warar ay warbaahinta Puntland Post ka heleeyso Baraawe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe oo ay maamulaan AMISOM.

    Lama oga qasaaraha madaafiicdaasi ka dhashay hayeeshee Al-Shabaab ayaa ku soo beegay Madaafiicdooda xiligii ay soo dageen Wafdiga Ra’isilwasaare Kheyre.

    Faahin Faahin Dheeraad ah Dib ugala soco Puntland Post Insha allah 

    1-14.jpg?resize=960%2C5402-14.jpg?resize=960%2C5403-12.jpg?resize=960%2C5404-11.jpg?resize=960%2C540

    Xasan Maxamed Samatar Cowke 

    Puntland Post Muqdisho

    The post Ra’isilwasaare Kheyre oo Gaaray Baraawe iyo Al-Shabaab oo Madaafiic ku Garaacay Garoonka Baraawe appeared first on Puntland Post.


  16. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii hore 15 Nov 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabiley qaar kamid ah hay’addaha caalamiga ah ee ka hawl-gala Puntland, hay’addahaas uu Madaxweynuhu ku qaabilay xafiiskiisa ayaa waxaa kamid ah Relief International, SCF, SSF iyo UNICEF.

    Kulamadaas uu Madaxweynaha Dawladda Puntland la qaatay hay’addahaasi oo ahaa kulamo gaar gaar ah ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-Xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabddullaahi Cumar Camey iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee dawladda Puntland  Mudane. Burhaan Cilmi Xirsi.

    Kulankii ugu horeeyey ee Madaxweynuhu la qaatay saraakiisha ka socotey Hay’addaha Relief International ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen kobcinta waxbarashada hablaha, taageeridda ciidamada Puntland iyo waxbarashadooda, dhismaha xarumo waxbarasho ee deegaanada fog-fog gaar ahaan gobolada Gardafuu, Sanaag, Cayn iyo Hayland, waxaana dhammaan qodobadaasi laysla meel dhigay in sida ugu dhakhsaha badan loo dardar geliyo wax kaqabashadooda, iyadoona ay sheegtay hay’addu in ay gelindoonaan mashaariicdaasi lacag gaadhaysa 1.5 Million.

    Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xafiiskiisa kulan kula qaatay masuuliyiin ka socdey hay’adda SCF [Save Children Fund] oo ay kamid ahaayeen Madaxa xafiiska SCF  Soomaaliya Mr. Timothy Bishop iyo madaxa Xafiiska SCF Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange, waxaana kulanka lagaga wada hadlay  mashriicda ay Puntland ka fuliyaan hay’addu, kuwaas oo ah Waxbarashada,  taageeridda caruurta danyar ta ah, Caafimaadka, Biyaha iyo Nadaafadda.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo ay wehelinayaan Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee dawladda Puntland  ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka socdey hay’adda SSF [ Somali Stability Fun], waxaana kamid ahaa saraakiisha ka socotey hay’addani madaxa xafiiska SSF Soomaaliya Vishalina Lowrance iyo madaxa Xafiiska SSF Puntland Abshir Maxamed, isla markaana waxaa kulanka looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin taakulaynta ciidamada Booliska Puntland, horumarinta dhalinyrada Puntland iyo biyo gelinta magaalooyinka waaweyn ee Puntland,

    Ugu danbayn, kulanka Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu la yeeshay saraakiisha kala duwan ee ka kala socdey hay’addaha Relief International, SCF iyo SSF ayaa ahaa mid ku qotomay dardargelinta mashaariicaha horumarineed ee hay’addahaasi ka fuliyaan guud ahaan sagaalka gobol ee Puntland,

    =DHAMMAAD=

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

    IMG_9432.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9439.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9457.jpg?resize=1000%2C648 IMG_9471.jpg?resize=941%2C768 IMG_9480.jpg?resize=1000%2C716 IMG_9516.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9527.jpg?resize=1000%2C667

    The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Kulamo La Qaatay Qaar Kamid Ah Hay’addaha Caalamiga Ah Ee Ka Hawlgala Puntland. appeared first on Puntland Post.


  17. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow waxay gaareen magaalada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose.

    Wafdiga Ra’iisul wasaaraha waxaa kusoo dhoweeyay Baraawe, madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, mas’uuliyiinta gobolkaasi iyo kan Baraawe.

    Waxa uu Ra’iisul wasaare Kheyre u guurgeli doonaa xaaladda guud ee Baraawe iyo arrinta ciidamada maadaama dowladda Federaalka ay dhowaan qaadi rabto dagaallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab.

    Sidoo kale, waxaa magaalada Baraawe ku sugan Danjirayaasha QM iyo Midowga Africa ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Fransisco Madera.

    Goobjoog News

    008007006005004003002001

    Source


  18. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow waxay u ambabaxeen degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose.

    Wararku waxay sheegayaan in Ra’iisul wasaaraha u kuurgalayo xaaladda ammaanka ee degmadaasi, arrimaha ciidamada maadaama ay dowladda Federaalka dhowaan qorsheynayso iney qaaddo dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

    Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/galbeed ayaa ku sugan degmada Baraawe, iyadoo ammaanka guud ee degmadaasi aad loo adkeeyay.

    Sidoo kale waxaa socota qaban qaabada lagu doonayo in lagu soo dhoweeyo Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wafdiga la socda.

    Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

    Goobjoog News

    Source


  19. 20171110636459030154874530kulmiye-xisbig

    HARGEISA– Colonel Muse Bihi Projected Winner of Somaliland Presidential election. Muse Bihi Abdi, 69, will become the 5thPresident of Somaliland, GubanMedia projects, a landslide victory for him. Muse Bihi, the former military commander, will become the first Somaliland to win over 50% of the votes cast. GubanMedia is confident when all the electorate commission officially declares the result; he would  win 53.5 percent  of all votes cast.

    Muse Bihi won most of the major population centers of Somaliland, including Hargeisa, Gabiley area, Burao, Borama, Berbera, and Las Anod. He also received more votes than Silanyo did in 2010 election.

    Muse Bihi’s victory will most likely end the political  career of then candidate Irro, who was the Speaker for 12 years three months ago.

    Now, President-elect Bihi faces the job of uniting the country after divisive and smear campaign conducted by Irro during the election.

    Colonel Muse Bihi, who is the first Somaliland President with military experience, campaigned for national security, and vowed  to address the most pressing issues facing the nation: the crushing poverty in our society, our broken judicial system, providing basic services like water and electricity,healthcare, and youth unemployment.He also pledged to combat female genital mutilation, to increase women representation in politics, and to  introduce compulsory national service for high and college graduates.

    Somaliland voters have  spoken and voted for a change.They voted against Irro because he was not an agent for a change. And they are expecting from President-elect Bihi to put together a lean and competent cabinet with fresh faces. Jamal Hussein who has experience in finance and banking is expected to become  finance secretary. While the reform minded Ahmed Samatar is favorite to run Education Department.Both men have campaigned tirelessly for Candidate Bihi.

    But, first, Muse Bihi must swear in as 5th President of Somaliland on inauguration day, December 16.

    Gubanmedia


  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa goor dhow waxay iska casishay xilkaasi.

    Wasiir Maryan ayaa   xaqiijisay iney xilkaasi iska casishay, waxaana ay sheegtay in daqiiqado kadib ay saxaafadda u faah faahin doonto sababaha ay xilkaasi uga tagtay.

    Drs. Maryan Qaasim ayaa mudadii ay xilkaan haysay waxbadan soo qabatay.

    Wasiir Maryan ayaa muddooyinkii danbe muran kala dhaxeeyay Ra’iisal wasaare Kheyre iyadoo shaqadii wasaaradeeda loo dhiibay guddiyo, isla markaana uu sii xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha.

    Waxaa lagu wadaa inay saxaafadda faahfaahin ka siiso sababaha ay isu casishay, iyadoo ka mid ahayd xubnaha ugu dhow madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale


  21. Waxaa Goordhow is Casishay Wasiirka Gargaar iyo Maareeynka iyo Musiibooyinka Xuukumada Federaalka Soomaaliya Drs Maryan Qaasim.

    Wasiirka oo Goordhow la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in ay isaga tagtay xilkii ay ka heeysay Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

    Qoraal Kooban oo Ay Soo Dhigtay Twitterkeeda ayeey ku Sheegtay in ay iska Casishay xilkaasi Sababo iyada u gaar ah.

    23621240_1447037752076237_33626260105079

    Lama Oga sababta rasmiga ah oo ay isku casishay Wasiiirkii Gar Gaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Xukuumada Soomaaliya.

    Marwo Maryan Qaasim ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumada Dalka Soo martay waxaana xusid mudan in Wasaarada ay iska casishay ay aheyd mid ku cusub dalka.

    Horay waxaa isku Casilay Wasiirkii Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya.

    Xasan Maxamed Samatar Cowke 

    Puntland Post Muqdisho

    The post Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Soomaaliya oo is Casishay. appeared first on Puntland Post.


  22. Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa goor dhow waxay iska casishay xilkaasi.

    Wasiir Maryan ayaa Goobjoog News u xaqiijisay iney xilkaasi iska casishay, waxaana ay sheegtay in daqiiqado kadib ay saxaafadda u faah faahin doonto sababaha ay xilkaasi uga tagtay.

    Drs. Maryan Qaasim ayaa mudadii ay xilkaan haysay waxbadan soo qabatay.

    Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

    Goobjoog News

    Source


  23. Washington (Caasimadda Online) – Waxaa weli socdo soo bandhigista sirihii laga helay Gurigii Usama Bin Laden ee sanadkii 2011 kadib markii ay halkaas weerareen Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Mareykanka oo ku guuleystay inay dilaan Hoggaamiyahaas muddo badan ku dhuumaleysanayey buuro ku yaalo dalka Afghanistan balse markii dambe usoo guuray Pakistan.

    Hay’adda dembi baarista ee Mareykanka CIA (Central Intelligence Agency) ayaa markaan soo bandhigtay qeyb kale oo kamid ah sirihii laga helay gurigiisa.

    Sirta markaan lasoo bandhigay ayaa aheyd waxyaabo ku qornaa Buugga Xusuus qorka Bin laden oo laga dhex arkay nuqul ka hadlayo sababtii keentay inuu Bin laden qaado weerarkii lagu laayey dad badan oo mareykanka u dhashay iyo kuwa kale oo dhacay Sanadkii 2001.

    Waxaana C.I.A-da ay ku sheegeen in ay sababtu ahayd iyada oo AL-Qaacidda iyo hoggaamiyahooda Usamaba aysan u arkin Waddamada Carabta Ragga Madaxweynayaasha ka ah in ay yihiin kaligood taliyeyaal loo baahan yahay in xilka laga tuuro.

    Si loogu sameeyo xil ka qaadista hoggaamiyayaasha Waddamada Carabta marka hore la dumiyo Dowladda Mareykanka maaddaama ay Dowladda Mareykanku tahay midda ilaalisa Hoggaamiyayaasha Carbeed sidoo kalena maal gelisa.

    Al-Qaacidda waxaa ay rumeysneyd in hoggaamiyayaasha Carabta ay dhici doonaan marka Mareykanka uu weerarkaas ka dhaco kaddibna Al-Qaacidda mid mid u riddo Madaxweynayaasha Waddamada Carabta.

    Siraha la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa qorshaha Al-Qaacidda ee Sucuudiga,Liibiya,Masar,Tunisia iyo Jordan,waxaana ay kala ahaayeen sidan.

    Marka hore in Dowladda Mucaamir Qadaafi ee Liibiya lala heshiiyo laguna gacansiiyo Gugii Carabta,si uu u oggolaado in Mujaahiddiinta gabaad ka helaan Liibiya,halkaaas oo ay ka weerari karaan Dalalka Masar iyo Tunisia.

    Waxaa kale oo qorshaha ku jiray in ka hor inta aysan Al-qaacidda qabsan Dalka Sucuudiga marka hore la rido dowladda Jordan oo loo arkayay in ay muhiim tahay ridideeda si loo rido kaddib boqortooyada Sucuudiga.

    Xusuus qorka Bin Laden ee CIA-du soo bandhigtay ayaa lagu xusay in Usama uusan ahayn Nin diinta aad u yaqaanna,sidoo lakalena ahayn aqoonyahan Islaami ah laakiin waxaa uu ahaa Ganacsade dhaqaale badan heystay,kaas oo markii uu ku jiray Dugsiga sare go’aansaday in uu jihaadka galo,kana guuleysto gaalada.

    Dhinaca Dalka Yemen,Al-Qaacidda waxaa u qorsheyneyd in Cali Cabdalla Saalax la qaarijiyo dalka Yemenna laga hirgeliyo dowlad Islaami ah.

    Sirahaan ay soo bandhigtay CID-da Mareykanka ayaa la hubin run ahaanshaheeda 100%, waxaana macquul ah in arrintaan laga leeyahay ujeedooyin gaar ah iyo in wadamada Carabta lagu baraarujiyo inay ka hor tagaan Al-Qaacidda.

    Osama Bin Laden ayaa ka tagay Ururka Al-Qaacidda oo hadda awood ku leh adduunyada, inkastoo ay dhuumaaleysi ku jiraan, haddana weli laguma guuleysan in si rasmi ah loo baabi’iyo kooxdaan.

    Al-Qaacidda ayaa dhawr koox oo xiriir la leh iyada ka sameysay wadamada Islaamka, waxaana dalalkaas kamid ah Soomaaliya oo ay Al-Qaacidda ka abuurtay ururka Al-Shabaab oo dhibaato badan ku hayaan Shacabka, waxayna 14 October Magaalada Muqdisho ka sameysay qarax lagu dilay ku dhawaad 400 qof oo Soomaali ah oo aan waxba galabsan.

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    Caasimada@live.com


  24. Dalka  Zimbabwe oo Dhaca Qaarada Afrika ayaa Xalay ilaa iyo Saaka waxaa ka socdo Dhaq Dhaqaaqyo u muuqda in ay yihiin kuwo lagu Afgambinayo Madaxweynaha Dalkaasi  Robert Mugabe.

    Ciidamo aad u hubeeysan ayaa Xiray Wadooyinka Soo gala Magaalada Hareera ee Casimada Dalkaasi Zimbabwe.

    Ciidamada ayaa la wareegay Xarunta Tv-ga ee Dalka  ZBC iyaga oo sidoo kale la wareegay wadada gasha Xisbiga talada haya ee dalka Zimbabwe  ee la yiraahdo Zanu-PF iyaga oo ku xidhay Gawaari u badan Taangiyo.

    Xaalada ayaa ah iminka mid kacsan iyada oo meelaha qaarna laga maqlayo Qaraxyo iyo rasaas sida ay sheegayaan Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta.

    Madaxweyne Mugabe ayaa wajahaya xiisado Siyaasadeed waxaana arintaasi ka dambeeysay kadib markii ay soo baxday warar sheegaya in Mugabe uu doonayo in talada dalka uu ku wareejiyo Xaaskiisa taasi oo ay ka biyo diideen Xisbiyada dalkaasi.

    Robert Mugabe oo ah hadda 93-Sano Jir ayaa Muddo 30 sano ah haya xilka Madaxweynaha Dalkaasi isaga oo qabtay 1987.

    Wadamada qaarada Afrika ayaa waxaa ku badan Afgambiga talada looga tuuro Madaxweynaha dalalka Afrika .

    Wixii ku soo kordha xaalada Zimbabwe kala soco Puntland Post Insha allah 

    Xasan Maxamed Samatar Cowke 

    Puntland Post

    The post Ciidamada Milatariga oo afgambi kula wareegay Dalka Zimbabwe appeared first on Puntland Post.