Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland UCID iyo WADDANI ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddida doorashooyinka ku eedeeyay dib u dhaca markii shanaad ku yimid doorashada baarlamaanka iyo degaanka. Laba xisbi mucaaarid ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbali karin dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Somaliland. Guddoomiyaha kumeel gaadhka ee xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ka xisbi ahaan aanay aqbali doonin doorasho dambe oo ay qabtaan guddida hadda joogta, haddii kuwa hadda jooga la kala dirana loo baahan yahay in loo sinaado tirada xubnaha guddida cusub. Dhinaca kale, Guddoomiye kuxigeenka xisbiga UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan oo isna warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay shacabka ugu baaqayaan banaanbaxyo, haddii mar dambe muddo kordhin aan laga heshiin loo sameeyo baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka Somaliland. Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa shalay ku dhawaaqay in ay dib u dhacday doorashadii baarlamaanka iyo degaanka taasi oo la filaayay in ay qabsoonto bisha march ee sanadka soo socda. Goobjoog News, Somaliland. Source: goobjoog.com
  2. Two herders from Wajir County, who were kidnapped Al-Shabaab militants a week ago, have been released after five days of negotiation between two clans in Somalia. Wajir County commissioner Loyford Kibaara confirmed their release saying the herders arrived safely in Khorof Kharar on Wednesday. The herders were abducted on Thursday after they resisted to pay zakat (a form of Islamic offering) to the militant group. The unknown number of militants, who accused the herders of grazing animals on the Somali border, also took away six camels belonging to the herders. The abduction prompted elders from Degodia-Fai that reside in Wajir to visit the Marehan elders in Somalia to negotiate for the release of the two who were abducted along the Kenyan border while grazing their animals. They managed to secure the release of the victims but were not allowed to take back their camels. Mr Kibaara said the government had stepped up security in border towns including Konton, Riba, Khorof Kharar and Qarsa. “We have deployed security personnel on the border areas to prevent a similar incident,” he said. He called on the residents to be on the lookout and always share information with security agencies so as to fight terrorism in the county that has for many years be a target of Shabaab militants. Thei release of the herders, comes a week after an armed gang kidnapped an Italian, Ms Silvia Romano Constanca, a volunteer with a charity, in Chakama, 60km from the coastal town of Malindi, an area popular with Italian tourists and expatriates. The whereabouts of the 23-year-old remains unknown. The post Al-Shabaab frees two Kenyan herders after negotiations appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho ( Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-29112018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Xeer Hoosaadka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa ku xusan in golaha uu dhisayo guddiyada(ayna ku jirin madaxda guddiyada), isla markaana waxaa uu qeexaa waajibaadka shaqo ee guddiyadaas, kadib marka uu gudoomiyaha Golaha Shacabku soojeediyo asagoo la tashanaya ku xigeenadiisa. Qodobkaas sida ku xusan, guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu leeyahay soo-jeedin, laakin dhisidda iyo baab’inta intaba waxaa leh aqalka golaha shacabka. Mar haddii isla qodobkaas lagu sheegay in golaha ay guddiga uun dhisayaan, isla markaana aaney shaqo ku laheyn madaxda guddiyada, qodob 58aad ee isla Xeer Hoosaadka waxaa uu ka sheekeynayaa sida ay tahay in guddiyada ay guddoon u yeeshaan, qaabka doorashada iyo sida warbixinnada u gudbiyaan. Qodobka 57aad waxaa uu xusayaa shaqada guddiyada oo ay ku jiraan: In ay talo siiyaan guddiga misaaniyada iyo Maaliyadda, lacagta iyo illaalinta hantida qaranka arimaha ku saabsan mudnaanta miisaniyadeed ee wasaaradaha ama hay’adaha kale ee shaqadooda hoos timaado, In ay baaraan talana ka bixiyaan siyaasadaha saameynta ku leh wasaaradaha guddiyada shaqadu kala dhaxeyso. In ay keenaan doodo barlamaanku ka yeesho oo ah arrimaha faa’iidadu ugu jirto ummada, In ay qiimeeyaan, kormeeraana habka loo qabto iyo habka loo hirgaliyo sharciyada iyo qorshayaasha xukuumadda iyo hay’adaha ama koox kasta oo ay sharci ahaan shaqo kala dhaxeyso iyo In ay dib-u-eegis ku sameeyaan qorshaha kharashaadka waqtiga dhow, dhexe iyo kan fog-ba ee ha’yadda ama ha’yadaha loo xilsaaray. Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Qodobadaas Xeer Hoosaadka Oo Faah-faahsan: Qodobka 56-aad: Xeerarka Guud Hannaanka sharciyeed ee Golaha Shacabka waxaa uu saameeyaa guddiyada si la mid ah sida uu Golaha Shacabka u saameeyo. Golaha Shacabku waxaa uu dhisaa oo ogoolaanayaa guddiyo (ayna ku jirin madaxda guddiyada), isla markaana waxaa uu qeexaa waajibaadka shaqo ee guddiyadaas, kadib marka uu gudoomiyaha Golaha Shacabku soojeediyo asagoo la tashanaya ku xigeenadiisa. Guddigu waxaa uu arrin khaas ah oo leh waqti cayiman aawadeed ugu soo darsan karaa xubnihiisa qof aan horey uga mid ahayn guddiga, kadib marka xubnaha guddigu arrintaas isla aqbalaan. Xubinta lagu soo daray guddiga waay ka qeyb gali kartaa fadhiyada guddiga lakiin malaha xuquuqda cod bixinta ee arimaha uu guddigu go,aanada ka gaarayo. Marka ay jiraan duruufo, guddiyadu waxaa ay isla isticmaali karaan qalabka iyo adeegyada kale ee la heli karo. Guddomiyaha Golaha Shacabku, asagoo la tashanaya ku xigeenadiisia, waxa uu magacaabaa guddiyo u xilsaaran in ay qabtaan howlo gaar ah, warbixintoodana u soo gudbiya Guddoonka Golaha Shacabka , si loo horgeeyo Golaha Shacabka. Haddii hal shaqo ay ka wada dhaxayso dhowr guddi, guddiga arrinka masuulka ka ah iyo guddiyada hawshu kala dhaxayso waa inaay isku waafaqaan waqti xaddidan oo ku haboon gudbinta aragtiyadooda. Haddii ayna gaarin waqti xaddidan waxaa waqtiga go,aaminaya Gudoomiyaha Golaha Shacabka, asaga Guddoonka sidaas ku wargalinaya. Qodobka 57-aad: Waajibaadka Shaqo ee Guddiyada Golaha Shacabka Waajibaadka Shaqo ee Guddiyada Golaha Shacabka, marka lagu daro shaqooyinka ayaga u khaaska ah ee xeer-hoosaadkani farayo, waxay ahaanayaan sida soo socota. a) In ay fuliyaan shaqo kasta oo uu Golaha Shacabka u xilsaaro, b) In ay baaraan, ka doodaan,talana ka soo bixiyaan sharciyada qabyada ah ee la hor keeno Golaha Shacabka c) In ay keenaan sharci kasta oo qabyo ah ama qaraaro qabyo ah oo ku saabsan waxyabaha ay shaqadoodu tahay, marka laga reebo hindise sharciyeed la xiriira miisaaniyadda sanadlaha iyadoo ay isku raaceen ugu yaraan10 xubnood ee Guddiga d) In ay Golaha Shacabka u soo jeediyaan sharciyo qabyo ah (hidiso sharciyeed) oo ay tahay in xukuumada loo faro in ay kafaalo qaado. e) In ay talo siiyaan guddiga misaaniyada iyo Maaliyadda, lacagta iyo illaalinta hantida qaranka arimaha ku saabsan mudnaanta miisaniyadeed ee wasaaradaha ama hay’adaha kale ee shaqadooda hoos timaado. f) In ay baaraan talana ka bixiyaan siyaasadaha saameynta ku leh wasaaradaha guddiyada shaqadu kala dhaxeyso. g) In ay ka talo bixiyaan ama ay cadeeyaan arrimaha Golaha Shacabka u soo gudbiyo. h) In ay keenaan doodo barlamaanku ka yeesho oo ah arrimaha faa’iidadu ugu jirto ummada. i) In ay qiimeeyaan, kormeeraana habka loo qabto iyo habka loo hirgaliyo sharciyada iyo qorshayaasha xukuumadda iyo hay’adaha ama koox kasta oo ay sharci ahaan shaqo kala dhaxeyso. j) In ay dib-u-eegis ku sameeyaan qorshaha kharashaadka waqtiga dhow, dhexe iyo kan fog-ba ee ha’yadda ama ha’yadaha loo xilsaaray. k) In ay bilaabaan baaritaan la xiriira shaqada guddi kasta u xilsaaran yahay l) In ay sameeyaan cilmi baaris ku saabsan shaqada guddi kasta u xilsaaranyahay m) In ay sameeyaan dadaal kasta oo ay kula falgelayaan kuna kasbanayaan bulshada rayidka ah, n) In ay Golaha Shacabka ku wargaliyaan shaqooyinkooda. Qodobka 58-aad: Guddoonka Guddiyada Guddi kasta ee Golaha Shacabka waa inuu yeeshaa Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo xoghayn oo ah hogaanka guddigaa. Xubin kasta oo ka mid ah guddoonka guddiga waa in laga dhex doortaa xubnaha gudiga dhexdooda laguna doortaa cod aqlabiyad ah oo ka yimid xubnaha guddiga. Gudoomiyaha guddiga ayaa saxiixaya go’aanada guddiga. Hadii Gudoomiyaha maqanyahay waxaa shaqadiisa qabanaya gudoomiye ku xigeenka, hadii labadooda maqanyihiin waxaa howshaoda qabanaya xoghayaha guddiga, hadii isana maqanyahay, Guddigu qof ayay iska dooranayaan oo sii wada howsha Guddiga. Waxaana la ogaysiinayaa Gudoomiyaha Guddiga26. .. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ballaaran oo aammaanka lagu sugayo waxa ay ka wadaan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan. Howlgalladan ayaa daba socda kadib markii shalay qaraxyo laga maqlay nawaaxiga garoonka degmadaasi, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay. Ciidamada Jabuuti ayaa ee AMISOM ayaa ka qeybqaadanaya howlgalkaan, waxaana ciidanku isku faafiyeen xaafadaha degmada Buulo-burde. saraakiisha ammaanka degmada Buulo-burde weli wax faah faahin ah kama aanay bixin howlgalkaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle islamarkaana ku sugan magaalada B/weyne ayaa ka dalbaday madaxweynaha maamulkaasi, Maxamed Cabdi Waare iney joojiyaan isbedalka badan ee uu ku sameeyo maamulka Hiiraan. Xildhibaan Aadan Axmed oo ka mid ah mudanayaashan oo ka hadlay munaasabad lagu soo dhoweynayey Madaxweyne Waare ayaa sheegay in meesha uu ka baxay waxqabadkii laga sugayey madaxda maamulka Hiiraan. Waxa uu sheegay in isbedalkan uu gaaray xilligii ugu badnaa oo maamul walba isaga oo aan waxbo qaban meesha laga saaro. “Mudane madaxweyne waxaan nahay xildhibaannadii ugu badnaa oo hadda ku sugan B/weyne maadaama deegaan doorashadeenna ay tahay, caqabadda ugu weyn waa in la kala diro maamulka Hiiraan isaga oo aan waxbo qaban” ayuu yiri xildhibaanka. Maamulka Hirshabelle ayaa isbedalkii ugu badnaa ku sameeyey maamulka gobolka Hiiraan, iyadoo ku dhowaad 5 mas’uul loo magacaabay gobolkaasi wax ka yar Labo sano. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. A 20-member delegation composed of senior leadership of the Ogaden National Liberation Front (ONLF) will arrive in Ethiopia on Saturday. Among members of the delegation include chair of the Front, Mohamed Umar, according to Spokesperson of ONLF. The Front’s army last week returned to the Somali regional state from their base in Eritrea after the ONLF had reached an agreement with the government of Ethiopia. The government and the Front signed a peace deal in the Eritrean capital Asmara last month. The two sides reached a historic deal that allowed the ONLF to undertake peaceful political struggle in Ethiopia. The post ONLF Senior Leadership To Arrive In Ethiopia On Saturday appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Ilaah ha u naxariisto’e C/ raxman Axmed Cali iyo Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waxay la soo kici lahaayeen luxudka haddii ay ka war hayaan, dalkii mid-na uu xoreeyey. mid-na salka u dhigay xaalka uu ku sugan yahay maanta. Akhrista-yaal maansadan dheeri, waxay banaanka soo dhigaysaa, amuuro lagu goblamay, oo uu dhigay askarigan Meesha walaaqay, laga soo bilaabo halgankii, ummadu ay moodaysay in ay wax korordh-sanayso, ee ay qoriga degta saareen, noqon waayey wixii ay ku talo galeen, isaga oo horsed ka ahaa, in alaale intii dib u dhac ka timi, haday tahay dagaalo sokeeye, boob, is nacsiin, qaybi oo xukun, hadba gaashaan buur u samayso, qabyaalad daaha goosatay, been iyo xaaraan aan laga xishoonayn, waxay ku taabsii-naysaa maansadani, xaqiiqdda taagan iyo sidda ay askartu dariiqii uga duday ummadda, imikana ay gobola dhami Meesha ka baxeen, inta kale-na ay sii kala jeedo, markaa waxan idinka codsanayaa in aad akhridaan, iyadda baa isu kiin sharixi doontee Dood weeye qoto-dheer, dareen-keeda wadatoo, Deeleey waa ramad, xoor laga dur-duurtaa, Iska daadi maahee , rag baa loo dul joogaa, Duunya-diisa ay tahay, dambar-keedda lisa’oo, Wax kale-ba u daaq tegin, doolaalad ugu iman. Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Derder maaha sheekadu, dafdaf-tana laguma gallo, Duuduub-na waa bello, dul ka xaadis weeyaan, Ma cadeyso denbigoo, halka doogtu ay tahay, Ma dilaacsho diirkee, wuu sii dahaadhaa, Qalin duure weeyoo, dube weyn la soo kacay, Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Cidda uu duraa-yiyo, xumba-diisa doob-tiyo, Gol daloola-diisaa, uu ku daahay haraguu, Nin da’ weyni wuu garan, ilimaha daloolee, Dabaylaha wax qaadiyo, duufaan habeen-nimo, Midka daadka soo rogga, ee dumiya moos-yadda. Wixii hore-ba daayoo, imikaa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Tani waa dardaa-rane, waxay tidhi da’ laydani Xalay goor dambay tahay, dawakhaad ku kacayoo, Dam-dam iyo durbaan baa, docdda layga tumayoo, Is diid-siiyey dhawr jeer, misna doonay aragood, Naftu dayrisoo tidhi, waxba haysku daaline Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Derma-daadda sii jiif, dana-haaga maahee, Waa lays derde-rayaa, debedaa-ba haw bixin, Duul baa ku nooloo, wixii aanay doonayn, Dabin bay u qoolaan, iyakaa dambaa-bidha, Dugaag bay u loogaan, way dalamsa-daanoo, Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Diir-kiyo laf-taba liqa, Dibna-hoodda dhiig iyo, Inta darib baruura ah, ka deldelan can-koodaa, Markaad dacal ka eegtaba, jidh dubaaxi-yaayoo, Diirnaxaaba kuma yaal, inta daabka lala dhacay, Inta dayrka lagu gubay, inta Dayaca lagu dilay , Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Inta ay dayuuradi, dusha sare ka timi, Ku dam siisay qumbulado, baabbi’isay degelkii, Da’ kastoo ku noolayd, dumar iyo caruutii, Kuwa dirca lagu sido, indhoolaha wax deyi karin, duunyaddii dhamaan-teed, kolay tahay dameeraha, Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Dhiin iyo lo’doo dihin, dalawaddi irmaanayd, Laxdda dooxa loo dhigay, darartii riyaha iyo, Diiqo iyo karuurkii, iyakoon wax dhamin dhishay, Inan diib is marisoo, tima-dabatay quruxoo, ku dekaysa buul caws, waa hore is daayeen, Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Source
  9. Guddiga Doorashooyinka Somaliland (NEC) iyo dhamaan xukuumadaha kala duwan ee dalka soo maray waxaad moodaa in ay ka dhigteen muddo kordhis iyo dib u dhac wax caadi ah. Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo golayaasha deggeenada ee la filayey in la qabto bisha seddexaad ee sannadka soo socda, oo laga yaabo in dib loo dhigo, waa in la qabto. NEC xilligan fadhiya oo uu saxiibkay Siciid Cali Muuse, ka yahay af-hayeen, wax alaale wax kale oo loo xil saaray ma jirto. Ma aha wasaarad, wakaalad, ha’ayad, maxkamad, iskuul, jaamacid, ciidan, ama qayb kale oo ka mid ah laamaha dawlada. Xilkoodu waxa kaliya uu yahay, waa qabanqaabinta, maamulka iyo hirgelinta doorashooyinka golaha deggaanadda, wakiilada iyo ta madaxweynaha. Wax kale oo loo diray ma jiraan. Markaa siday ku dhacdaa, maanta oo misaaniyad ahaan dalku taagan yahay Al-xamdullilah, oo la haya farsamo aan waddamada kale ee Afrika laga isticmaalin iyo ummada hiil iyo xoogba la barbar taagan, in dib loo dhigo doorashooyinka? Markuu dalku iska leetay, ee aan waxba la isla hayn, ee siduu nin berri yidhi “beerka loo jiifay”, ayaa doorashooyin la qaban jiray. Madaxweynihii hore, Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo”, siddeetan (80) cod, ayuu ku qancay! Khali Wali! Haddii guddiga NEC ee maanta fadhiya ay doorashooyinka laba sannadood ka hor lagu heeshay in la qabto, ay qaban kari waayaan, dee ha iska rawaxaan. Somaliland ma weydo khuburo hawshaa qaban kara. Muddo kordhis iyo dib u dhac, waa wax la iska caadiyaystay Somaliland. “Waar muddo ii kordhi”. “Waar dib iigu dhig”. Waxaad maanta qaban kartid maanta, maxaad berri ugu dhigan? Waddamada hore u maray waxay badaanaa ku sheegaan dalalka soo koraya, musuq-maasuq iyo wahsi, “corruption & idleness”. Weynu ka xanaaqnaa “stereotype” kaas oo kale. Run ahaantiina Somaliland waxay soo qabsatay 30kii sannadood ee ina soo dhaafay, cid gaadhasaa way iska yar tahay. Lakiin, waxaad moodaa in maanta dadka dalku xilka u dhiibtay wakhtigan xaadirka ah in ay noqdeen dad wahsi badan oo kursi jacayl hayo. Musuq-maasuqa iyo wahsigu waa waxyaabaha dal iyo dadba burburiya. Madaxweyne Muuse Biixi haddii uu yidhi “handaraab” baan ku qabanayaa maaliyada dawladda “public spending” anigu waxaan odhan lahaa “quful ku xidh”, asxaabtan NEC iyo Golaha Wakiiladana ka soo hurguf meesha. Allaa Mahad Leh Axmed Kheyre Source
  10. Xarardheere (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Gobolka Mudug aya sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay si lama filaan ah uga baxeen magaalada Xarardheere. Al-shabaab oo muddo ka badan 10 sano gacanta ku hayey magaaladaasi ayaa sheegaya ina sababta ay uga baxeen ay tahay cabsi ku saabsan duqeyn dhinaca cirka ah oo lagu qaado, waxaan dadka degaanka ay sheegeen in magaalada cabsi xoog leh ka jirto, iyadoo dhaqdhaqaaqu yaraaday. Maleeshiyada Al-shabaab ee ka baxay degmada Xarardheere ayaa la sheegay inay isugu tageen duleedka magaaladaasi iyagoo magaalada ay ku soo hareen dad shacab ah oo keliya. Muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa duqeyn cirka ah lagu qaaday xerooyin iyo goobo ay Alshabaab ka joogaan agagaarka magaalada Xarardhere, iyadoo lagu dilay maleeshiyo boqolaal ah sida uu Mareykanku sheegay. Caasimada Online Xafiiska Xarardheere Caasimada@live.com
  11. The US military says it has killed three al-Shabaab extremists with an airstrike in central Somalia as it continues to attack a new base of operations for the al-Qaeda-linked fighters. The US Africa Command statement says Tuesday’s airstrike was carried out “in the vicinity of Quy Cad near Debatscile” in the Mudug region. The US last week reported several airstrikes in Mudug killed 50 al-Shabab extremists. The group recently relocated to the region as a key training and planning base after the US and allies increased pressure and surveillance further south. The US military has carried out at least 36 airstrikes this year against al-Shabaab, one of Africa’s deadliest Islamic extremist groups, which continues to stage deadly attacks in the capital, Mogadishu, and other cities. The post US airstrike in central Somalia kills three Al-Shabaab militants appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Saraakiisha amaanka ee maamulka Galmudug ayaa shaaciyay inay ogaadeen gurigii laga soo abaabulay weerarkii lagu qaaday xarunta wadaadka C/Welli Cali Cilmi Yare. Taliska ciidamada booliska ee Galmudug ayaa sheegay in howlgal labadii maalin ee lasoo dhaafay laga waday magaalada Gaalkacyo ay ku ogaadeen halka laga soo qorsheeyay weerarka iyo gurigii ay ku sugnaayeen ragga weerarka geystay. Sidoo kale Taliska ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag kale oo la rumeysan yahay inay abaabulka weerarkaasi wax ka ogaayeen, kuwaasi oo ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Ragga la qabtay oo hadda baaris ay ku socoto ayaa waxaa soo gashay xog la xiriirta inay soo dhaweeyeen ragga weerarka ka dambeeyay iyaga oo ka keenay meel ka baxsan magaalada Gaalkacyo. Ku dhawaad 15 ruux ayaa ku dhimatay Qaraxyadii ka dhacay xarunta xerta ee Wadaadka Cabdiweli, waxaana la qabtay mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday oo dhaawac ah. Saraakiisha amaanka ayaa sheegay inay wadaan baaritaano kale oo ay ku raad joogaan dad kale oo tuhunka weerarka uu soo galay. Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada online)-Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay ruuxii ka dambeeyay abaabulka Qaraxii hotel Naasa Hablood. War qoraal ah oo kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ruuxa la qabtay uu ahaa maskaxdii abaabushay weerarka oo sagaalkii bishaan ka dhacay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho. Weerarkaasi oo qaraxyo ku bilowday ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo rayid ahaa oo uu ku jiray wiilka uu Dhalay C/rashiid Shire Ilqeyte oo ahaa milkiilaha Hotelka oo isna seddex sano ka hor isla hotelka lagu dilay. Walow NISA qoraalka kasoo baxay lagu sheegay in la qabtay ruuxaasi, haddana ma aysan sheegin magaca iyo halka laga soo qabtay ruuxa ka dambeeyay abaabulka qaraxii Hotel Saxafi. Hay’adda ayaa sheegtay in ruuxaasi la horkeeni doono dhawaan sharciga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
  14. Dallada daneeyaasha aan dowliga ahayn ee Puntland(PUNSAA)waxaa ay ugu baaqaysa Madaxwaynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 1 in Gudiga xaslinta khilaafaadka iyo kala saarista xildhibaanada in uu noqdo mid si dhexdhexaad ah si cadaalad ahna u dhamayn khilafaadka soo wajihi kara lehna Amaano 2 xubnaha gudiga waa in aan lagu darin siyaasiyiin xil ka haya ama ka soo qabtay dowladihii hore ee waa in laga soo xulaa bulshada qaybaheeda kala duwan waana in ay ahaadaan dad sharaf iyo karaamo ku leh bulshada reer Puntland . 3 xubnaha gudigu waa in uu noqdaa mid loo dhanyabay oo qoondo laga siiyo haweenka si ay u hubiyaan matalaad haweenka ee golaha wakiilada la soo xulayo . PUNSAA waxaa ay sidoo kale ugu baaqaysaa dhamaan musharaxiinta xilka madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka in ay ka taxadaraan isticmalaan hadalo xanafleh oo wax u dhimi kara Amniga iyo wadajir shacabka Puntland. PUNSAA Waxay Ku baaqaysa in dhamaan musharaxiintu ay ka qayb qaataan sugidda Amniga ayna xaddidaan ilaaladooda . DHAMMAAD The post War-saxaafadeed: PUNSA oo baaq u dirtay madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  15. (SLT-Hargeysa)-Hoggaanka sare ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa si adag uga hor-yimid in dib u dhaca ku yimaado doorashooyinka golleyaasha wakiillada iyo deegaanka. Xisbiga WADDANI ayaa waxa uu eedaymo kala duwan u jeediyay xubnaha guddiga doorashooyinka qaran iyo Madaxweynaha Somaliland oo ay sheegeen inay leeyihiin masuuliyada dib u dhaca doorashooyinka. “Dib u dhaca doorashooyinka golleyaasha wakiillada iyo deegaanku maaha mid la aqbi karo, masuuliyadeeda waxa iska leh Madaxweynaha cid kale-na laguma dhaliili karo, waa markii 5aad ee dib u dhac ku yimaado doorashada golaha wakiillada in tallada dalka hayay” Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaciil Jirde. Halkan hoose ka DAAWO warkan oo dhammaystiran Source
  16. Post-traumatic stress disorder: waa xanuun maskaxda haleela. Xanuunkani waxa uu ku badanyahay dumarka, ragga iyo carruurta. Kaas oo ka yimaadda dhacdooyinka waxashnimada leh ee is-daba jooga oo farriimahoodu soo gaadhaan maskaxda; kaas oo qofku xaadir u ahaa markii ay dhacayeen ama looga sheekeeyey. Inta badan xanuunkani waxa uu gaar u yahay dadka dagaalada ka qayb galay, sida dagaallada diimaha amase wakhti ku lumiyey daawashada dagaallada. Dagaalada dawlada ee nafaha badani ku leedmaan. Astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah, qofka oo habeenkii junuudi u timaaddo oo ciqaab aan kale go’lahayn u gaysato, xusuusta iyo kale saaridda saxnimada “shay”oo qofka ka lunta, isku buuq joogto ah, iyo rumaysnaanta saxnimada dhacdooyinka ku soo noqnoqda maskaxda qofka. Tusaale; ka sheekaynta dagaalada, ciqaabka ay dawladuhu sameeyaan, cabsida uu qofku ka qabo in sharciga la horkeeno, iyo faqriga aad ka u daran wa waxyaabaha qofka ku keeni kara xanuunkan. Sidoo kale, waxyaabaha ugu badan ee somalida ku keena xanuunkan waa koox-diimeedyada iyo afkaarta khaldan ee loo adeegsada diinta. Sida qofka oo markasta ka sheekeeya dil, xasuuq, is-qarxin, dagaal iyo in dad gaara qoorta laga guro. Kaas oo qofkaas aakhirka uu asiibo xanuunkani. Qofkani waxaa uu isku arkaayaa shahiid, Jannadiina labada indhood dhexdooda ayaa loo joojinayaa, ilbidhiqsi kastana waxa u soo ura udgoonka Jannada, waxa uu u haliilaa jaqidda dheecaanka iyo muudka aadmi kale. Degaanka dabiiciga sida daawashada buuraha, cirka, doogga kale jaadka ah, makhluuqaadka kale geddisan, kale duwaanshaha xilliyada, hab-nololeedka noolaha, neecawada ugdoon, fallaaraha cadceedda sii dhacaysa. Fallaaraha Oogga waaberi ee soo kaahaya, dhibicda roobka ee tifiq leh iyo muuqaallada dabiiciga ahi dhammaantood waxa ay daawo u yihiin in aad ka badbaaddo xanuunkan maskaxda asiiba. Astaamaha xanuunkan: 1. Intrusive memories, qaybtan oo ah qofka oo xusuustu ka lunto. Qofka waxa ku soo noqnoqda isku buuq maskaxeed ay sababto jug soo gaadhay maskaxdiisa waa-hore. Qofka ay isu sawirto xaalad waxashnima ah oo uu samaynayo. 2. Qofka oo khalad aamina naftiisa, sida muuqaalkiisa dhaqankiisa, iyo gebi ahaanba noloshiisa. Qofka oo khalad aamina dadka iyo dhaqankooda iyo guud ahaan ba in kawnkan hab-nololeedkiisu yahay mid khaldan oo aanu u qalmin in uu sabab la’aan ku sii noolaado. Qofka oo rajo la’aan ka istaaga nolasha. Xusuusta qofka oo liidata. Xidhiidhka qofka oo liita–gebi ahaantiina aanu ba hal qof la saaxiibin, kelinimana laazimo. Qofka oo maskaxdiisa ay ku soo noqnoqoto dagaal ka dhan ah caqiidadiisa. Gunta iyo gunaanadka xanuunkan iyo caqiida qofku uu aaminsanayahay waxa ka dhexeeya xidhiidh aad u ballaadhan sida sheegeen cilmi baadhayaashu. Qofka marka may la soo dersaan waxka heersarreeya wixii uu aamin sanaa (beliefs), waxa isu qaban waaya aamminaadiisa iyo isbedelka deegaanku keeno. Sadam Osman Kaabash. Hargeisa, Somaliland. Degmada: Maxamed Mooge. Qaran News
  17. “Fanka loo tawaawacay, Dhiijee tilmaamani ( DJ), Markuu tumayo heesaha, Tabta aad u boodee Taangada u dheeshiyo (Tango), Taab dhaaniskaagaa….|” – Akhri Midhaha Maanso Casriyaysan Oo Uu Curiyey Cabdillaahi Cismaan Geeljire Marka aad dibada joogto sida Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, waxaad arkaysaa wixii aynu gabdhaha ku amaani jirtney oo wax xun loo yaqaano. Waxaa ka mid ah quruxda gabdhaha waa iney aad u dhuubnaataa inagana waa iney hilib cudoon lahaataa, timaha dheer subax kasta lama maydhi karo wakhti looma hayo hagaajintooda, kawa gaaban baa fiican, deganida talaabada wahsi baa loo yaqaan, xaadda gacmaha iyo kubabku waa ceeb. Dayaxa shan iyo toban joogaa waa habeen xun oo qori is mariska bahalka noqdaa soo baxa, roobku waa karaahiyo, oo waxa hal hays ah, ?Gabadhan ayaan ku dhaafayaa ayaamaha roobka? Halka aynu ka nidhaahno ayaamaha jiilaalkaan ku dhaafayaa, Gu? haddaad maqashana waa xili xasaasiyad iyo sanboor dadku wada qabo oo la neceb yahay, beerleyda mooyaane, halka uu innaga ka yahay xilliga nolosha iyo cusbooneysiinta dhulka. Sida jidhka gabdhuhu u qurxiyaan waa si cusub oo qalab badan la iska lulo dhegaha iyo sanka ama khadaab iyo khadka la isku sawirayo, ciyaartu waa nooc cusub. Cirka bilaa daruurta ah ayaa fiican ,Markaa su?aashu waa , sidee loo amaanaa gabadh waxaad qurux u taqaan foolxumo u taqaan, waxaad fool xumo u taqaanana qurux u taqaanna? Tooxyarida dhuubnaan Dhexdaad taako moodiyo Tagoogaha ku miiqani Taws caashaq igu ride Timahaaga gaabane Inba dhinac tilmaantee Taalooga loo jaray Wadnahay I taabtaan Waxaan kugu tilmaamaa Torontoo ah jiilaal Uu barafku tuulmoo Dadku tegey garoomada Tabaaganin ku dheeleen. Tabta aad u socotee Tuluxda isu yeeshiyo Dheerayn talaabada Tog tog taadu wacanaa Tobankaa wasaaqee Dhegahaaga taxan iyo Taa tuuga kugu yaal (Tattoo) Hablaa tahan ku dhaaftee Fanka loo tawaawacay Dhiijee tilmaamani ( DJ) Markuu tumayo heesaha Tabta aad u boodee Taangada u dheeshiyo (Tango) Taab dhaaniskaagaa Taaj lagugu siiyaa Waxaan kugu tilmaamaa Torontoo ah jiilaal Uu barafku tuulmoo Dadku tegey garoomada Tabaaganin ku dheeleen. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland, ayaa sheegtay inay dhawaan Dalka ka Mastaafurisay 3 Qof oo Ajaanib ah. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegtay in Sababta Saddexdaa Qof dalka looga saaray ay ahayd in shaqooyinka ay hayeen ay yihiin Shaqooyin ay Aqoonteeda leeyihiin isla-markaana qaban karaan Dadka Muwaadiniinta a. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) oo Shalay u warramay Telefiishanka SAAB ayaa isagoo ugu horreyn ka hadlaya Sababta ay dalka uga Mastaafuriyeen Saddexda Qof ee Ajaanibka ah wuxuu yidhi “Saddex Qof oo Ajaanib ah ayaanu Waddanka ka saarnay, Tiro kalena waanu wadnaa, sababta aanu Dalka uga saarnayna waa in Shaqadii ay qabanayeen ay qaban karayaan Dadka Muwaadiniinta ahi.” Agaasimuhu ma sheegin Waddamada ay u dhasheen Saddexda Qof ee Wasaaraddu Mastaafurisay, balse wuxuu tilmaamay inay sii wadayaan Mastaafurinta Dadka Ajaanibka ah ee Somaliland ka haya shaqooyinka ay Muwaadiniintu qaban karaan “Markaa shaqo badan ayaa xagaana ka socota.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inay diwaangelinayaan Shaqaalaha Muwaadiniinta ah “Shaqaalaha Waddaniga ah ee Dalka waanu diwaangelinaynaa ee taa ku bushaaraysta.” Dhanka kale, Agaasimaha guud oo la waydiiyey waxay Wasaarad ahaan kala socdaan Cabashada Muwaadiniinta Gobolka Saaxil ee ah in Dad Ajaanib ahi kala wareegeen Shaqooyinkii Dekedda Berbera, ayaa ku jawaabay inay arrintaa kala shirayaan Shirkadda Dekedda Maamusha ee DP World “Madaxweynaha JSL maalintii dhawayd ee uu Berbera joogay wuu ka hadlay, Aniguna mar labaad ayaan ku celinaynaa waxaanan leeyahay shaqo uu Qof muwaadin ahi qaban karo Qof ajaanib ahi ma qabanayo.” Agaasime Ilka-casse waxa kale oo uu sheegay in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu ay DP World ee Maamusha Dekedda iyo Berbera iyo Saldhigga Milletari ee Imaaraadku ka furtay Berbera ay kala hadlayaan shaqooyinka ay qaban karaan Muwaadiniintu inaan Cid kale loo dirin “Maamulka Wasaaradda ee Gobolka Saaxil way la fadhiisanayaan Shaqaalaha Muwaadiniinta ah ee Gobolka Saaxil, Shirkadda DP World waanu la fadhiisanaynaa, Saldhiggana waanu la fadhiisanaynaa, markaa Shaqaalaha Somaliland waxaanu leenahay wixii aad qaban kartaan waad qabanaysaan ee Idinkuna is hagaajiya..”ayuu yidhi. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee UCID iyo WADDANI Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta shirar xasaasi ah oo ay saxaafadda kula hadli doonaan ku qabanaya Caasimadda Hargeysa, kaasi oo ay kaga Fal-celinayaan Mawaaqiftooda siyaasiga ah kadib baaqii dhiillada lahaa ee shalay ka soo yeedhay Koomishanka doorashooyinka Qaranka ee ay ku shaaciyeen in gabi ahaanba doorashadii la filayay in ay dalka ka qabsoonto horraanta sannadka cusub ay dib u dhaceen. Kulamo gooni gooni ah oo la filayo in ay xafiisyadooda ku qabtaan ayay Madaxda Axsaabta qaranku kaga hadli doonaan waxa ay ka yeelayaan ama uga meel yaalla kadib dib u dhaca la filayay marka horeba ee ay shalay Komishanku ku dhawaaqeen taasi oo gabi ahaanba meesha ka saaraysa doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada ee la qorsheeyey in ay dalka si wada jir ah uga qabsoomaan Bisha March ee sannadka maalmaha koobani innaga xigaan ee 2019. Warar xog-ogaal ah oo naga soo gaadhay Ilo-wareedyo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqa axsaabta Mucaarika Somaliland oo xalay wargeyska Foore helay ayaa waxa ay tibaaxayaan in labada Guddoomiye Xisbi ay xafiisyadooda ku kala qaban doonaan laba shir oo nuxurka ay xambaarsan yihiin yahay mid kali ah oo ah go’aan adag oo ay ka qaataan xaaladda siyaasadeed ee Somaliland ku soo korodhay iyaga oo la sheegay in ay meel adag ka istaagi doonaan Go’aanka shalay Komishanka doorashooyinka ka soo baxay iyo doorashooyinka muddo dhaafka ah ee mar kale golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka ku sii haynaya kuraasta. Golaha Wakiilada ayaa sannadkii 13-aad waxa ay ku sugan yihiin kuraasta tan iyo sannadkii 2005-tii wakhtigaasi oo doorashadii ugu horraysay ee Baarlamaan ay Somaliland ka qabsoonto, waxaanay mar kale ku sii negaan doonaan xilalkooda illaa muddo aan la ogayn halka ay ku dambayn doonto. Tani waxa ay meesha ka saaraysaa gabi ahaanba dimuquraadiyaddii kali ahayd ee Somaliland dunida ka iibinaysay. Ugu dambayn waxa la filayaa in sacadaha soo socda ay dawladaha daneeyayaasha hannaanka dimuquraadiyadeed ee Somaliland war rasmi ah ka soo saaraan dib u dhaca doorashooyinka Somaliland ku yimid kadib in muddo ah oo ay ka niyad jabsanaayeen sida xaaladda siyaasadeed ee dalku u socoto. Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dib u eegis lagu sameynayo heshiiskii shirkada Favori kaga howlgashay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Wasiirka duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, ayaa sheegay in heshiiska Shirkadda Favori uu dhacayo sanadka soo socdo, waxaana ka hor inta aan la saxiixin mid cusub uu sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono waxqabadka shirkadda. Wasiirka wuxuu sheegay in shirkada aysan qaban qaar kamid ah qodobadii hore loogu heshiiyay oo ay ku jiraan dhismaha Terminal labaad, dukaamo laga dhiso banaanka garoonka diyaaradaha iyo qodobo kale. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shirkadda ay wax badan qabatay, laakiin aysan dhaqan gelin heshiiskii lala galay 100%, isaga oo sheegay inay jiraan cabashooyin shacabka kasoo gaarayay. Wasiir Oomaar ayaa xusay in heshiiska cusub ee lala galayo Favori uu noqonayo mid si wanaasgan looga fiirsaday, islamarkaana dib u eegis lagu sameyn doono midka hadda dhamaadka ah. Sharikadda Favori ayaa Garoonka Aadan Cadde la wareegtay sanadkii 2013kii, waxaana xilligaas jiray muran badan oo la xiriiray in heshiiskaas aan la geyn Golaha shacabka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
  21. Garowe[Puntland Post] Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa Madasha Iskaasgiga dowlad goboleedyada ay ku midaysan yihiin ku eedeeyay in ay si weyn uga soo horjeedaan in Soomaaliya noqoto mid kaliya taa badalkeedana ay doonayaan Soomaliya kala quban waa sida uu hadalka u dhigaye . Madaxweyne ku xigeenka oo wareysi gaara siiyay SBS TV ayaa sheegay in Golaha Iskaashiga ay sii dhamaanayaan, maadaama ay ka baxeen xubno badan oo ka tirsan maamulada sidda Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed inta hadhayna ay xiligan doorasho ku soo wajahan tahay. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa gacan saar la leh madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo mar horana ka horyimid shirar ay yeesheen Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada. Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda ayaa wali shaqeeya, waxaana hadda Gudoomiye ka ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf. Golaha ayaa hadda waxa kusoo haray saddex dowlad goboleed oo kala ah Puntland, Galmudug iyo Jubbaland. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Camey oo markale weerar afka ah ku qaaday Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  22. Sida ay Puntlandi.com Warka ku hayaan Waxaa dhowaan Bosaso ka dhici doona Xaflad balaaran oo Madaxweyne Gaas uu ku bilaabi doono ololihiisa Doorashada . Xaflada [...] Source