Kadib aamusnaan maalmo dhawr ah, xukuumadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata in ay markan go’aansatay in ay ka jawaabto mooshinka kalsooni kala laabashada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ra’isulwasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xalay soo fariistay taleefishinka dowladda ee SNTV, kadibna bixiyay wareysi si toos ah u baxayay, kaas oo waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu ka hadlay ay ahaayeen mooshinka.
Mudane Mahdi ayaa mooshinka la keenay ku tilmaamay ‘Hal xaaraan ah’, wuxuuna intaas ku daray in aysan dhalaynin ‘nirig xalaal ah’, isaga oo taas ku fasiray in markii hore ee mooshinka la qabtayba uu ahaa mid aanan sax ahayn maadaamaa uu yiri ‘waxaa laga been abuurtay xildhibaano aanan saxiixin’.
Dhanka kale wasiirka waxbarashada oo ah xubin ka tirsan golaha wasiirada, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa isna xalay dhankiisa kasoo muuqday dood ka baxaysay taleefishinka Universal, isaga oo si adag u difaacay madaxweynaha.
Xildhibaanadii mooshinka keenay qaarkood oo doodda fadhiyay, ayaa iyagu ku adkaystay in mooshinka uu sax yahay.
Jawaabta xukuumadda ayaa timid xilli ay u egtahay in wadahadal lagu maareyn waayay khilaafka jira kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal uu ka guurey xarunta Villa Soomaaliya oo uu degenaa.
Taliska ciidanka Booliiska K/galbeed ayaa soo saarey ammar ku aadan in magaalada Baydhabo ee gobolka Baay aan lagu qaban karin dibadbaxyo aanu maamulka war ka hayn.
Korneel Mahad C/raxmaan, taliyaha ciidanka Booliiska K/galbeed ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii looga wadaqeybin lahaa sugista ammaanka magaaladaasi.
Waxa uu tilmaamay in cid walbo oo aan u hoggaansamin ammarkooda ay tallaab adag ka qaadi doonaan, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ciidanka ay garab ku siiyaan sugista ammaanka.
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlay arrimo quseeya mooshinka xildhibaanada golaha shacabka ka keeneen madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in gebi ahaan uu buray mooshinkaasi.
Mahdi Maxamed Guuleed ayaa carabka ku adkeeyay in xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya uu Caddeeyay in Mooshinkaasi uu buray maadaama ilaa 14 ka mid ah xildhibaanadii la sheegay in mooshinka keeneen ay dib ugu laabteen.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si weyn loo hadal hayay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu buray.
Ciidamada Kenya ee ku sugan degmada Mandhera ayaa shaley galab waxay qabteen,islamarkaana xabsiga ay u taxaabeen Ibraahin Guuleed oo ah Gudoomiyaha degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo iyo Korneel Warfaa Sheekh Aaden Faroole oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada DF ee Gobolka Gedo, xilli Labadan mas’uul oo ka ambabaxay degmada Ceelwaaq ay ku sii jeeden dhinaca magaalada Nairobi ee dalka kenya.
Sahal Macalin Aden oo ah Guddoomiye ku xigeenka xigeenka degmada Ceelwaaq ayaa Goobjoog u xaqiijiyey xarigga Labadan mas’uul, isagoo ugu baaqey mas’uuliyiinta degmada Mandhera in ay xabsiga kasii daayaan.
Lama oga illaa iyo iminka sababta ka dambeysay in xabsiga ay ciidanka Kenya dhigaan Labadan mas’uul.
Xildhibaanka ayaa sheegay in xiisadda mooshinka ay qabasho laheyd kahor inta uusan gaarin halka uu hadda taagan yahay, loona baahnaa inay ka wada shaqeeyaan guddoonka baarlamaanka.
Xildhibaanka ayaa ugu horeyn soo hadal qaaday guurista guddoomiyaha baarlamaanka, isaga oo sheegay in arintaasi aysan wax saameyn ah laheyn, maadaama uu sheegay inuu xaq u leeyahay inuu dagi karo halkii uu doono.
Sidoo kale wuxuu sheegay in xildhibaanada ay xaq u leeyihiin inay gudbiyaan mooshin, balse loo baahnaa inta heerkaan uusan soo gaarin in qaab odaytinimo ah loo xaliyo dhibaatooyinka keenay mooshinka.
“Waxaa laga rabaa guddoomiyaha kaalintii kaga aadaneyd inuu gutaa oo wuxuu ka odayeyn karo ka odayeeyo, mooshin in la qabtaa wax weyn maaha, balse waxaa fiicneyd in marka hore xiisadda xal laga gaaro”.
“Mooshinka sida loola falgalay ayaa halkaan keentay, Lama maqleen haddii mooshika la qabto kadibna si xasilin loogo kala dabqaadi lahaa dadka wax kala tirsanaayo”ayuu yiri xildhibaanka.
Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay Khilaafka u dhaxeeyo guddoonka baarlamaanka oo labo u kala jabay, isaga oo sheegay inay yihiin dadkii xalka looga baahnaa.
Inkastoo dadka ay ku tashadeen xirista waddooyinka, hadane waxaa jira dad ka baaqan karin shaqooyinkooda maalin laha ah iyo sidoo kale ardayda Jaamacadaha, waxaana la arkayaa iyaga oo lugeynaya.
Waxaa ammaanka magaalada sugaya ciidamada Booliiska iyo kuwa xoogga dalka, gaar ahaan ilaalada Villa Soomaaliya.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Ra’iul wasaaraha UK Theresa May ayaa ka guuleysatay koox ka tirsan xisbigeeda Conservative-ka oo mooshin ka keenay.
May waxaa ay heshay 200 cod, halka 117 ay u codeeyeen in kalsoonida lagala laabto, sidaasina ku bad-baaday. Kalsoonida ay heshay waxaa ay ka dhigantahay iney xisbiga sii hoggaamiso muddo sanad ah.
Ra’isul wasaare May, waxaa ay ballanqaaday inay horay u sii wadi-doonto danaha dadka iyo waddanka, isla markaana ay dhameystiri-doonto howlaha ka bixitaanka Yurub.
Mooshinka isla maalintii la qabtay, ayaa loo codeeyey, lana shaaciyey natiijada, waxaana u hoggaansamay dhamaan dhinacyada.
Baydhabo (Caasimada Online)-Taliska ciidamada booliska Koofur Galbeed ayaa digniin cad u diray shacabka magaalada Baydhabo ee banaanbaxyada ka sameynaya magaalada Baydhabo gudaheeda.
Taliyaha Qeybta Booliska Koonfur Galbeed ee Gobolka Baay Korneel Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa si cad u sheegay inay toogan doonaan dadkii banaanbax aan lagu soo wargelin ciidamada ka sameeya magaalada Baydhabo.
Taliyaha ciidamada booliska ayaa sheegay in shacabka magaalada Baydhabo looga baahan yahay inay ku wargeliyaan laamaha amaanka marka ay dhigayaan banaanbax noocuu doono ha ahaadee.
Wuxuu sheegay in Ciidamada ay toogan doonaan dadka banaanbaxyada iska soo horjeeda ka sameeya magaalada Haddii aysan ku wargelin laamaha amaanka, sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkiisa ayaa u muuqda mid isaga oo careysan uu jeediyay, taasi dhibaato kale u horseedi karta shacabka Baydhabo, haddii si qaldan loo fasirto hadalkaasi.
Lama oga in wafdiga la kulmi doonaan guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo la sheegay in uu ka guuray xarunta madaxtooyada Soomaaliya isaga oo deegaan ka dhigtay hotel aan wax badan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Muqdisho
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Isaga oo saxaafadda la hadlayay ayuu sheegay inuu buray mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya , sida uu shaaciyay xoghayaha guud ee Baarlamaanka Mr Buux.
Mahdi Guuleed, ayaa sheegay in wax sahlan aysan aheyn in xilka laga qaado madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in loo baahan yahay baaritaanka eedeymaha madaxweynaha loo jeediyay.
Waxaa uu sheegay in ku dhawaad ay sanad qaadan karto in xilka laga qaado Madaxweynaha, islamarkaana eedeymaha lasoo jeediyay qaarkood ay yihiin kuwo baaritaano badan qaadan kara.
Sagaalkii bishaan 92 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mooshin xilka qaadis ah ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana taasi ka dhashay buuq badan.
Wargeyska Foreign Policy ee ka soo baxa dalka Maraykanka waxa uu maanta qoray Warbixin dheer oo uu ku lafaguray Caddowtooyadda ay Sacuudiga iyo Imaaraadka u muujinayaan Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib oo ah Labada Haween ee Muslimka ee ku guuleystay inay ka mid noqdaan Kongareeska Maraykanka.
Wargeyska waxa uu Maqaalkiisa hal-ku-dheg uga dhigay: Sacuudi Careebiya oo caddeysay Dgaal ka dhan Haweenka Muslimiinta ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka.
Wargeyska waxa uu qoray in Warbaahinta, Aqoonyahanadda iyo Faallo-qorayaasha xidhiidhka dhow la leh Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka waxay ku celceliyeen Eedeymaha ay u jeedinayaan Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Cabdul Al-sayid, kaasi oo ku guul-daraystay inuu Guddoomiye ka noqdo Gobalka Michigan ee dalka Maraykanka, waxayna ku eedeeyaan inay yihiin xubno qarsoon oo ka tirsan Ururka Akhwaanul-muslimiinka oo caddow ku ah Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Axaddii la soo dhaafay, Warbaahinta Alarabiya ee ay dowladda Sacuudiga leedahay waxay daabaceen Maqaal dheer oo ay ku sheegeen inay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib qeyb ka yihiin Isbahaysi u dhexeeya Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka iyo Kooxaha Islaamiyiinta ee kontoroola ama maamula Kongareeska, waa sida ay Alarabiya qortay.
Maqaalka waxa uu ku eedeeyey inay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib yihiin 2 qof oo ka soo horjeeda Madaxweyne Trump, Kooxiisa Siyaasadda iyo Ficiladooda, gaar ahaan Siyaasadiisa Dibedda ee ka bilaabanaysa Cunaqabataynta Iiraan ilaa go’doominta Ururka Akhwaanul-muslimiinka iyo dhamaan Dhaqdhaqaaqyadda Islaamka Siyaasadaysan.
Wargeyska Foreign Policy waxa uu Tusaale kale u soo qaatay Telefishinka MBC ee ay Dowladda Sacuudiga leedahay , kaasi oo soo qabanqaabiyey Bandhig Telefishin “A Talk Show”, kaasi oo looga hadlayey qoddobka ku xidhiidhsan Dagaalka ay Imaaraadka iyo Sacuudiga ku hayaan Labada haween ee Muslimka ah ee Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka.
Weriyaha caanka ee Amir Cadiib iyo Moataz Fatah oo ah Masaari bartay Cilmiga Siyaasadda ayaana falaanqeyn ku sameeyeen Ilhaan iyo Rashida, waxayna shegeen in Guusha Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka ay wiiqayso waxa ay ugu yeedheen Guusha uu Madaxweyne Trump ka gaadhay Hawlgalka uu kula dagaalamayo Kooxaha Islaamiyiinta.
Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Guriceel ee gobolka Gal-gaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saaka dagaalamayaal Al Shabaab katirsan ay soo weerareen.
deegaanku uu weerarka ka dhacay ayaa lagu magacaabaa dhagxyaale oo qiyaastii 50 KM u jirta degmada Guriceel.
Dadka deegaankaasi ayaa sheegay in ciidamo katirsan Al-Shabaab ay saakay subixii hore halkaasi weerar ku soo qaadeen.
Ciidamada Gal-Mudug oo halkaasi ku sugnaa ayaa iska caabin kala kulmay waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus.
Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.
Wali Gal-Mudug faah faahin kama bixin dagaalkaasi ka dhacay deegaankaasi Dhagaxyaale.
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa la xiray waddooyin badan oo ku yaala magaalada Muqdisho gaar ahaan waddooyinka kasoo baxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee yimaada madaxtooyada Soomaaliya.
Ciidamo badan ayaa la dhigay waddooyinka iyadoo ilaa xalay ay nadaafad ka socotay wadada Maka Al Mukarama iyo waddooyinka kale ee magaalada Muqdisho, maadaama maanta la filayo inay magaalada soo gaaraan wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Eritrea.
Wafdiga madaxweynaha Eritrea waxaa kamid ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalkaasi, wasiiro iyo ganacsato u dhalatay dalkaasi Eritrea, sida wararka aan ku heleyno.
Wafdiga ayaa muddo labo maalin ah oo maanta ka bilaabaneyso ku sugnaan doono magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan madaxweynaha Soomaaliya.
Xoosh Jabriil ayaa sheegay in qodobka 65-aad ee dastuurka faraciisa 3-aad uu dhigayo in guddoomiyaha baarlamanka uu ka baxo dhammaan wixii xisbi ah ee uu ka tirsan yahay inta uusan qaban xilka, islamarkaana ay shaqadiisa dhex-dhexaad noqoto.
“Guddoomiye Baarlamaan ma ku milmi karo xisbi ama arrimo siyaasadeysan, waana inuu dhexdhexaad ahaan u gutaa howshiisaa sharci dajinta ah. Bal xisaabta ila fiiriya.” Ayuu yiri Xoosh Jabriil.
Guddoomiyaha baarlamanka ayaa shalay ka guuray gurigiisa oo ku dhex-yaalla xarunta Villa Somalia wuxuuna degay hotel Shabeel oo ah xarunta xisbigii hore ee Daljir ee hadda ku biiray xisbiga UPD ee Xasan Sheekh uu hogaamiyo.
Guddoomiyaha ayaa waxaa hadda ku hareereysan xildhibaanada Daljir iyo Damu-Jadiid ee isku noqday UPD, waxaana laga cabsi qabaa in go’aano badan oo ka dhan ah dowladda ay kasoo baxaan.
Saacad un kadib markii uu shalay u guuray xaruntiisa cusub, waxa uu Mursal soo saaray warqad uu ku sheegay in mooshinka madaxweynaha uu weli taagan yahay, inkasta oo 14 xildhibaan oo ka mid ahaa 92-ka xildhibaan ay sheegeen in magacooda laga been abuurtay, taasi oo xogahayaha baarlamanka uu sheegay in mooshinka ay jebisay.
Xildhibaanka ayaa sheegay in seddex arin oo mid kamid ah halis ku ah qaranimada Soomaaliya laga leeyahay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xildhibaan Goodax ayaa seddexda arin ee ka dambeysay mooshinka wuxuu ku kala sheegay inay kala yihiin:-
1 In xubnaha mooshinka wada ay doonayaan in Xubnihii Ethiopia ka joogay Somalia “Gabre” ay sii joogaan Soomaaliya 2 In Ajaaniib badan ay jaajuusiin u yihiin ayna u shaqeeyaan 3 In Koofur Galbeed iyo Jubbaland la doonayo in laga dhigo Gobol Islamic State ah
Wuxuu sidoo kale seddex qeyb u kala saaray xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay xildhibaanada ay ka fiirsadaan mooshinka ay keenayaan.
“Xildhibaanada mooshinka keenay seddex ayay u qeybsamaan, Qeyb Xukun ayaa ka dhuman oo ay daba ordayaan, Qeyb Si toos ah ayay ajaaniibta ugu shaqeeyaan, qeybta kalana waxii qaldanaa inay sii qaldanaadaan ayay rabaan, waxay isku wacdeen seddexdaa qeyb iyagoo ah dantooda iyo inay dadka masabitaan” ayuu yiri xildhibaanka Goodax Barre.
Xiisadda mooshinka ayaa wali taagan, waxaana uu mooshinkaasi saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii hay’adaha kala duwanaa ee dalka, iyadoo madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka kala dageen meel ka baxsan Villa Somalia.
Wargeyska Foreign Policy ee ka soo baxa dalka Maraykanka waxa uu maanta qoray Warbixin dheer oo uu ku lafaguray Caddowtooyadda ay Sacuudiga iyo Imaaraadka u muujinayaan Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib oo ah Labada Haween ee Muslimka ee ku guuleystay inay ka mid noqdaan Kongareeska Maraykanka.
Wargeyska waxa uu Maqaalkiisa hal-ku-dheg uga dhigay: Sacuudi Careebiya oo caddeysay Dgaal ka dhan Haweenka Muslimiinta ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka.
Wargeyska waxa uu qoray in Warbaahinta, Aqoonyahanadda iyo Faallo-qorayaasha xiriirka dhow la leh Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka waxay ku celceliyeen Eedeymaha ay u jeedinayaan Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Cabdul Al-sayid, kaasi oo ku guul-daraystay inuu Guddoomiye ka noqdo Gobalka Michigan ee dalka Maraykanka, waxayna ku eedeeyaan inay yihiin xubno qarsoon oo ka tirsan Ururka Akhwaanul-muslimiinka oo caddow ku ah Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Axaddii la soo dhaafay, Warbaahinta Alarabiya ee ay dowladda Sacuudiga leedahay waxay daabaceen Maqaal dheer oo ay ku sheegeen inay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib qeyb ka yihiin Isbahaysi u dhexeeya Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka iyo Kooxaha Islaamiyiinta ee kontoroola ama maamula Kongareeska, waa sida ay Alarabiya qortay.
Maqaalka waxa uu ku eedeeyey inay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib yihiin 2 qof oo ka soo horjeeda Madaxweyne Trump, Kooxiisa Siyaasadda iyo Ficiladooda, gaar ahaan Siyaasadiisa Dibedda ee ka bilaabanaysa Cunaqabataynta Iiraan ilaa go’doominta Ururka Akhwaanul-muslimiinka iyo dhamaan Dhaqdhaqaaqyadda Islaamka Siyaasadaysan.
Wargeyska Foreign Policy waxa uu Tusaale kale u soo qaatay Telefishinka MBC ee ay Dowladda Sacuudiga leedahay , kaasi oo soo qabanqaabiyey Bandhig Telefishin “A Talk Show”, kaasi oo looga hadlayey qoddobka ku xiriirsan Dagaalka ay Imaaraadka iyo Sacuudiga ku hayaan Labada haween ee Muslimka ah ee Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka.
Weriyaha caanka ee Amir Cadiib iyo Moataz Fatah oo ah Masaari bartay Cilmiga Siyaasadda ayaana falaanqeyn ku sameeyeen Ilhaan iyo Rashida, waxayna shegeen in Guusha Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka ay wiiqayso waxa ay ugu yeereen Guusha uu Madaxweyne Trump ka gaaray Hawlgalka uu kula dagaalamayo Kooxaha Islaamiyiinta.
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamo kala duwan oo looga hadlayo siyaasadda Kacsan ee Soomaaliya ayaa xalay ka dhaca Guriga Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Kulamaddaan ayaa waxaa ka qeyb ka ahaa Senetaro ka tirsan Aqalka Sare, waxaana ay gudoomiyaha kala hadleen sidii loo afjari lahaa Xiisadda Siyaasadeed ee xilliggaan dalka taagan iyo Khilaafka Madaxda ugu sareysa dalka.
Gudoomiye Mursal ayaa muuqda in uu helay fursado uusan helin Saacaddihii lasoo dhaafay ka dib markii, sida ay sheegeen xildhibaanada mucaaradka, uu xabsi ku guri ku noqday Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya uu ugu dambeyntii iska guuray shalay.
Dhanka kale, xildhibaanada Wasiiradda ah ayaa kulamo la qaatay gudoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka oo wali ku sugan gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya.
Gudoomiye Mursal ayaa shalay Caddeeyay in aysan waxba iska badalin Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo, islamarkaana baarlamaanka la horgeyn doono.
Muqdisho (Caasimada Online) – Ambasador C/Salaan Xaaji oo kamid ahaa xubno horey kaga soo shaqeeyay wasaaradda arrimaha dibbadda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee hadda soo korortay.
Isaga oo ka qeyb galayay barnaamij looga hadlayay xaaladdaha dalka kusoo kordhay ayuu sheegay in xaalad hadda taagan ay tahay mid aan u wanaagsan dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in horaantii mooshinka ay aheyd in la xaliyo wax walbaa.
Wuxuu Nasiib daro ku tilmaamay in Soomaaliya oo Caalamka dhan eeganayaan islamarkaana la filayay in laga gudbayo dhibatooyinkii jiray in hada laga shaqeeyo arrimo keeni kara dhib u dhac dalka ku yimaada, sida uu sheegay Ambasador C/Salaan.
Mar uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya guddoonka baarlamaanka ee hala hadlaya ayuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay arintaasi, wuxuuna sheegay in meesha ay ka cadahay inuusan jirin sharci kala saaraya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ugu baaqay inuu ka shaqeeyo qaboojinta xiisadda soo korortay oo dib u dhac keeni karta.
“Waxaa Nasiib daro ah iyadoo caalamka dhan na eegayo oo la is leeyahay armey kasoo laabtaan halkii ay jireen, in howshaan la keeno ma aheyn, waxaa kasii xun in guddoonkii baarlamaanka ay kala qeybsan yihiin, waxaa meesha ka cad in sharci kala xira inuusan jirin”ayuu yiri Amb C/Salaan.
Khilaafka ugu daran ayuu sheegay inuu u dhaxeeya dadkii la doonayay inay shacabka u adeegaan, isaga oo tilmaamay inay la mid tahay “Maroodi cows ku dul dagaalamaya” sida uu sheegay.
Wuxuu ugu dambeyn ugu baaqay dhinacyada is haya inay raadiyaan xal ka wanaagsan tan hadda ay wadaan, maadaama ay dantooda isku hayaan.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray waddanka Qatar oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay.
Ra’iisul Wasaaraha oo casuumaad ka helay madaxda dalka Qatar ayaa la filayaa in uu mas’uuliyiinta dalkaas la yeesho kulamo ay uga wada hadlayaan xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah.
Mudane Xassan Cali Khayre, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shirka sannadlaha ah ee madasha Dooxa oo uu sannadkii 2017 uu sidaan oo kale uu uga qayb galay.
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya waxa ay daabacday Shillimaad cusub iyada oo meesha ka saartay sawiraddii madaxdii hore ee dhaganaan jiray.
Lacag Shlinka Kenya waxaa hore ugu dhaganaa saddexdii Madaxweyne ee hore u soo maray ee kala ahaa Jomo Kenyatta, Daniel Arap Moi iyo Mwai Kibaki.
Kibaki waxa uu jabiyey ballan uu galay intii aan la dooran 2002 oo uu ku sheegay in uusan sawirkiisa lacagta Kenya ku dhajin doonin.
Hase ahaatee, kaddib Dastuur cusub oo ay shacabka Kenya u codeeyeen 2010 ayaa lagu go’aansaday in lacagta lacagta aan lagu dhajin karin ama ka muuqan karin sawir qof shaqsi ah.
Ujeedka ugu weyn ayaa loo sababeeyey in bulshada Kenya ay u arkeen in shaqsiyaadkaas ay dalka is leheeysiinayaan am ula dhaqmayaan hanti ay leeyihiin oo kale.
Madaxweynaha hadda oo uu dhalay Madaxweynihii koowaad ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hadda u hogaansamay dastuurka meeshana ka saaray sawiraddii saddexdii isaga ka horreeyey.
Bangiga Kenya ayaa lacag cusub daabcay balse waxa ay ku kooban tahay shillinka iyada oo la sugayo in sidoo kale lacagta warqadda ah laga saaro sawiradda oo lagu bedelo sawiradda xayawaanada duur joogta ah sida Libaax, Maroodiga iyo kuwo kale.
(SLT-London) Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska Theresa May ayaa ka badbaaday codkoo Baarlamaanka ee kalsoonida loogu qaaday.
200-cod ayay heshay oo u codeeyay inay Dalka sii hoggaamiso, halka 117- cod ka soo horjeesteen waxaanay aqlabiyada ku heshay 83-cod.
Xildhibaano ka soo jeeda Xisbigeeda ayaan u codayn taas oo dareen iyo su’aal Ka keentay kalsoonida ay haysato. Si kastaba ha ahaate Theresa May codkii caawa ka dhacay hooyada Baarlamaanka adduunka ee London way ku badbaaday .
Dawladda Soomaaliya Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadashay Mooshinka Madaxweyne Farmaajo
in News - Wararka
Posted
Kadib aamusnaan maalmo dhawr ah, xukuumadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata in ay markan go’aansatay in ay ka jawaabto mooshinka kalsooni kala laabashada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ra’isulwasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xalay soo fariistay taleefishinka dowladda ee SNTV, kadibna bixiyay wareysi si toos ah u baxayay, kaas oo waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu ka hadlay ay ahaayeen mooshinka.
Mudane Mahdi ayaa mooshinka la keenay ku tilmaamay ‘Hal xaaraan ah’, wuxuuna intaas ku daray in aysan dhalaynin ‘nirig xalaal ah’, isaga oo taas ku fasiray in markii hore ee mooshinka la qabtayba uu ahaa mid aanan sax ahayn maadaamaa uu yiri ‘waxaa laga been abuurtay xildhibaano aanan saxiixin’.
Dhanka kale wasiirka waxbarashada oo ah xubin ka tirsan golaha wasiirada, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa isna xalay dhankiisa kasoo muuqday dood ka baxaysay taleefishinka Universal, isaga oo si adag u difaacay madaxweynaha.
Xildhibaanadii mooshinka keenay qaarkood oo doodda fadhiyay, ayaa iyagu ku adkaystay in mooshinka uu sax yahay.
Jawaabta xukuumadda ayaa timid xilli ay u egtahay in wadahadal lagu maareyn waayay khilaafka jira kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal uu ka guurey xarunta Villa Soomaaliya oo uu degenaa.
Source