Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-151218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Somaliland: Xildhibaanadii Golaha Wakiilada Oo Qado U Soo Yaacay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maant qado sharaf u sameeyey xildhibaanada Golaha Wakiilada. Mudane Muuse Biixi oo marti qaadkan ku damacsanaa siduu ugu dhiiringelin lahaa golahan wakhtigii dhacay sideed sannadood ka hor, in ay soo diyaariyaan xeerka doorashooyinka. Isla markaa, wuxuu Madaxweyne Muuse Biixi ku adkeeyey, in aanu goluhu ka badsan muddo dhowr bilood kordhiskan lala daba cararayo. Qadadan waxaa ka soo xaadiray 80 xildhibaan! 80! Goormaa ugu dambeysay in ay 80 xildhibaan ka soo xaadiraan Golaha Wakiilada? Labo xildhibaan ka xishooday marti qaadkan. Waxaan filaynaa inuu mid ahaa Xuseen Caydiid! Marka hore, hadii uu Madaxweynuhu, oo huwan karaamada ummada Somaliland ku casuumo, waa waajib in aad ka qayb geshid xafladaa. Hase yeeshe, waxaan filayaa in ay reer Somaliland oo dhan berri hore barteen waxay yihiin xildhibaanadan iska fadhiya golaha. Waa calooshood u shaqaystayaal. Dilaal iyo Super Mulaal miidhan, oo berri hore meel iska dhigay xilkii loo doortay, oo jeebka uun buuxsanaya. Waxay noqdeen siyaasiin la kiraysto sida taxiga, oo kii jeebka uu buuxiya uun afkiisa ku hadlaya. Waxaa maanta haboonayd, markay qadada dhameysteen, ee ay findhicilka la soo bexeen, inuu Madaxweynuhu ku yidhaahdo ” mudanayaal ma dharagteen..haa..waayahay..wakhtigan wixii ka dambeeye, waa la idin ruqseeyay” lakiin, nasiib daro, dastuurka Somaliland baa madaxweynaha awoodaa siin. Waana sax, oo maamulka Somaliland waa fulunta, sharciga iyo cadaalada. Waa in aynu sannad kale dhegaysano hadalkooda bilaa micna ah, dood aan ku saleysneyn xeer iyo khibrad. Golahii sharafta lahaa waxay ka dhigeen makhaayad. Qaran News
  3. Warar hoose oo aad ugu dhow Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Odoyaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa noo xaqiijiyey in dib loo dhigayo Doorashada Koonfur Galbeed. Dib [...] Source
  4. (SLT-Washington)waa ayaan daro in labada nin ee dhaxalsugayaasha ee wadamada imaradka iyo sacudi carabaya ay caayaan oo weliba ay ku sheegaan xildhibaanda maraykanka ah ilhaan cumar ineey tahay adoon una baahan tahay ushii lagu garaaci lahaa. dhaxalsugaya kawaanlaha ah ee sacuudiga wuxuu yiri aabeheed waa soomali hooyadeeda waa xutiyiinta yaman waxeeyna ku kortay yaman waana argagaxiso kuwaas caqligoodii waa kuwaas waxaa laga sugayaa ineey dal maamulaal waxeeyba ka careeysan yihiin xijaabka gabadha somaliyeed wodota waxaa la yaab leh aaway kuwii doowlad mucaaradi jiray oo xildhibaan ahaa kolba raga idin wota ee sacuudi iyo imaaraadka waa kuwaas caqligooda ee isla yaab dowladna la shaqeeya Source
  5. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee ku saabsan Xarigga Musharrax Madaxweyne ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed (DGKG) Sheikh Mukhtar Roobow oo ciidammada Ethiopia ka soo xireen (afduubeen) Baydhabo, loona soo dhoofiyay Muqdisho, wuxuu caddeynaya in dalka Soomaaliya lagu xukumo War-saxaafadeed (wareegto) oo uusan jirin Dastuur iyo sharci ilaalinaya xuquuqda iyo xorriyadda muwaadinka Soomaaliyeed. Waxaa la sheegaya in Madaxweyne Farmaajo yahay qofka bixinaya amarka lagu ciqaabayo muwaadiniinta. War-saxaafadeedku wuxuu sheegaya in Wasaaradda Amniga amartay xarigga Sheikh Mukhtar Roobow, taaso ah gef weyn. Lama yaqaan mas’uulka bixiyay amarka. Qofkasta oo la socda xiriirka Dowladda Federaalka iyo Sheikh Mukhtar Roobow wuxuu xog ogaal u yahay in eedaha warsaxafadeedka ku qoran ay been yihiin, kana soo horjeedaan xaqiiqada xog ogaalka loo yahay. Hoos ayaan ku sharraxi doona xiriirkaas. Xarigga Roobow waxaa ka dhashay bannaan baxyo, iska hor imaadyo, dhimasho, dhaawac, iyo qalalaase kale ee weli ka socda Magaalada Baydhabo. Ciidammada iyo Taangiyada Ethiopia iyo Ciidammadu Muqdishu laga diray ayaa cadaadis iyo cabburin ku haya Shacabka Baydhabo. Waxaa yaab ah in Ethiopia laga hirgelinayo Nidaamka Dimoqradiga ah iyo furfurnaanta, halka Soomaaliya laga hirgelinayo xukun fowdo ah oo ku tiirsan ama ka amar qaata Ethiopia. Warar soo baxaya waxay sheegayaan in amarka lagu xiray Sheikh Mukhtar Roobow ka soo baxay Dowladda Ethiopia oo khatar weyn u aragtay haddii uu Roobow ku guuleysto doorashada Madaweynaha DGKG. Sidaa darted, waxaa Madaxweynaha Maxamed Cabdullahi Farmaajo la faray inuu is hortaago ka qayb galka Roobow doorashada Madaxweynaha DGKG, lana taagero Xildhibaan Cabdicasis Xassan Maxamed (Lafta Gareen). Sidaaso kale, Madaxweynihii hore ee DGKG Sharif Xassan Sheikh Aaden wuxuu isu casilay cadaadis uga yimid Dowladda Ethiopia oo noqotay Xaakimka Sare ee Soomaaliya. Muwaadin kasta ee Soomaaliyeed oo aaminsan Sarreynta/Talinta Sharciga kana soo horjeeda Sarreynata/Talinta Qofka waxaa waajib ku ah inuu difaaco Mudane Sheikh Mukhtar Roobow sababaha hoos ku qoran: Warsaxaafadeedka Wasaaradda Amniga wuxuu caddeynaya in DF ay ku xadgudubtay Xuquuqda iyo Xuriyadda muwaadin Mukhtar Roobow (xitaa haddii uu yahay eedeysane) marka la fiiriyo qodobbada kala ah 15 (Xorriyadda iyo Nabadgelyada qofnimada), 33 (Go’aanno maamul oo cadaalad ah) , 34 (Xaqa Dacwada iyo Is difaaca) , 35 (Xuquuqda Eedeysanaha) ee Dastuurka KMG. Qodobbadaas ayaa ilaalinaya difaacayana xuquuqda iyo xorriyada Mukhtar Roobow iyo muwaadin kasta. Muwaadinku wuxuu xaq u leeyahay inuu diido xadgudubka DFS. Haddii Shacabku ka aamuso xadgudubyada DF, waxa galaya halis nabadgelyada, xasillonida, iyo horumarka dalka Soomaaliyeed. Wax garadka Soomaaliyeed waa inuu wax ka arkaa daaha gadaashiisa oo aan lagu khaldin sheekooyin dhalanteed ah, afminsharnimo, iyo been.Horumarka dalka wuxuu ku jiraa runta, kumana jiro beenta iyo musuqmaasuq. Waa fadeexo wax garad ku doodaya in musuqmaasuqa DF la qariyo si adduunka wax noo siiyo, kaddibna la musuqmaasuqo. DGKG oo mas’uul ka ah Baydhabo marna ma sheegin, mana kama caban khatar uu Mukhtar Roobow ku hayo Nabadgelyada deegaanka iyo doorashada Madaxweynaha DGKG. Musharrax tartan doorasho ku jira ma maja xaabin karo DFS, kamana qayb geli karo mu’aamarad wax loogu dhimayo nidaamka dowliga ah. Sheikh Mukhtar Roobow wuxuu ka mid ahaa Madaxda Ururka Maxaakiinta Islaamka, kaddibna wuxuu ku biiray Al Shabab oo uu ka soo goostay 2013. Dowladda Mareykanka ayaa 2012 madaxiisa saartay abaalmarin dhan 5 Milyan doolar si loo soo qabto ama loo soo sheego meesha uu joogo si loo khaarijiyo. Roobow wuxuu muddo 4 sano ku dhex noolaa deegaanka Koofur Galbeed, halkaaso ay ku difaacayeen ciidammo daacad u ah. Dhowr jeer ayaa Ciidammo ka tirsan Al Shabab soo weerareen, isla markaana ka badbaaday baadi goobkii Dowladda Mareykanka. 2017 ayaa Dowladda Mareykanka ka qaaday lacagtii abaal marinta aheyd, taaso albaabka u furtay in DGKG iyo DF soo dhoweeyaan Sheikh Roobow si heer sare ah, kana mid noqdo xubnihii ka soo goostay Al Shabab oo xilal xasaasi ah ka haya hay’adaha nabadsugidda iyo Garsoorka DF. Sida uu sheegay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ee DF Cabdirashid Cabdullahi Maxamed, DF waxay siiyay ballanqaadyo badan Sheikh Mukhtar roobow oo noqon kara taagero iyo meeleyn si uu isaga difaaco Al Shabab oo ugaarsaneysa. Wuxuu haysta ciidammo daacad u ah oo muddo 4 sano ah ka difaacayay weerarrada Al Shabab iyo cadowyo kala duwan. Sidaa darted, Roobow wuxuu markasta u baahan yahay ilaalo ka difaacda ugaarsiga Al Shabab. Sheikh Mukhtar wuxuu marar badan ka hadlay Warbaahinta, wuxuuna cambaareyay Al Shabab, taaso macnaheedu yahay ka soo horjeedka Mab’da xag-jirnimada ah. DF waxay siiyay Roobow Baasabor uu ku tagay dalal badan, mana jirin dowlad xirtay ama xayirtay madaaama mab’da xag-jirnimada waa dambi caalami ah oo dowlad kasta laga sugayo inay wax ka qabato. Waa gef in muwaadin laga dalbato inuu taagero Dowladda Federaalka Soomaaliya, Waajibaadka muwaadinka waxay qeexan yihiin qodobka 42 ee Dastuurka KMG, kumana jirto taageradda DFS. Muwaadin kasta waxaa laga rabaa inuu dhowro, difaaco, daacad u ahaado sarreynta dastuurka iyo sharciga dalka. Madaxweyne Farmaajo iyo Sheikh Mukhtar Roobow waxay ka qayb galeen dhiig bixintii loogu deeqay qarixii weynaa ee ka dhacay Zobbe 14 Oktoober 2017. Warbaahinta Dowladda Federaalka ayaa baahisay sawirrada dhiig bixinta Madaxweyne Farmjaao iyo Sheikh Mukhtar Roobow oo noqday hoggamiye qaran. Bishii Maajo 2018, Jaamacadda Qarammada Midoobay waxay baahisay daraasad ay qortay Dr. Vanda Felbaba-Brown, kuna saabsan siyaasadda dowladda federaalka ee la xiriirta cafiska xubnaha ka soo goostay Al Shabab, dib u heshiisinta, nabadgelyada, iyo xaqmarinta dhibannayaasha iyo ciqaabta dambiilayaasha Al Shabab. Dasaaraddu waxay muujineysa khaladaadka iyo xikmad la’aanta siyaasadda Dowladda Federaalka ee la xiriirta la dagaalanka iyo ka guuleysiga Al Shabab, baahida loo qabo dejinta siyasaad wanaagsan oo dhiirigelineysa in xubno badan ka soo goostaan Al Shabab, kuwo cusubna aysan ku biirin, isla markaana la daaweeyo dhibbanayaasha dhibaatada ka soo gaartay weerarrada Al Shabab. Xarigga Sheikh Mukhtar waa ku xadgudub dastuurka iyo Sharciga, waa gacan dhaaf lagu sameyay DGKG, iyo musuqmaasuqa doorashada Madaxweynaha DGKG. Beesha Caalamka waxay caddeysay welwelka ay ka qabto sharciyadda iyo hufnaanta doorashada Madaxweynaha DGKG. Madaxweynaha JFS Mudane Farmaajo waxaa la sugaya inuu ka digtoonaado marin habaabinta la taliyayaashisa, uuna tixgeliyo qayla dhaanta shacabka ee dibedda iyo gudaha ka soo yeereysa. Xalka waa wax ka qabashada deg degga ah ee mowjadaha siyaasadeed ee ka aloosan dalka oo dhan, dadweynahana loo ballan qaado in hadda kaddib aysan dhici doonin xadgudubyada dalka geliyay xasilloni darro iyo dib u dhac. W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. Muqdisho (Caasimadda Online)-Xildhibaanada Golaha Badbaadada oo ah xildhibaanada Gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa warqad qoraal ah u diray safiirka dowladda Ethiopia ee Soomaaliya. Xildhibaanada ayaa ka dalbaday safaaradda Ethiopia ee Soomaaliya inay cadeyso doorka ay ciidamadooda ku sugan magaalada Baydhabo ku leeyihiin soo qabashadii Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo shaqada ay ka hayaan magaalada. Warqadda oo Caasimadda Online ay heshay ayaa waxaa lagu cadeeyay inay AMISOM ay iska fogeysay inay door ku lahaayeen so qabashadii Mukhtaar Roobow, waxaana taasi ka dhashay shaki badan oo ah in ciidamada Ethiopia ee kusugan Baydhabo aysan qeyb ka aheyn AMISOM iyo Inkale. Arintaasi ayaana keentay in Xildhibaanada ay warqadan u diraan Safiirka Ethiopia ee Somalia, waxaana warqadda ay u qorneyd sidan:- Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo xildhibaanada taageersan madaxweynaha Soomaaliya ay kulan ku yeesheen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka waxay buuq ka kiciyeen kulankaasi. Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ah xildhibaanada diidan mooshinka ayaa soo jeediyay in guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ls iska tuuro haddii ay heshiin waayaan, maadaama sida uu sheegay ay qeyb ka yihiin khilaafka taagan. Xildhibaanka ayaa sheegay in khilaafka ka dhasha baarlamaanka uusan dhamaaneyn ilaa inta ay heshiis aheyn guddoonka baarlamaanka ay xilka sii hayaan, wuxuuna soo jeediyay in la iska tuuro seddexdooda. “Dowladdan Labo sano ayaa u dhiman, annaga labo sano ayaa inoo dhiman, Inaan Mooshin La’aan ku dhameysano ma igu raacsan tihiin “HAA”, Guddoomiyaheena haku soo laabto halkuu ka guurey, Khilaafka wuu batay guddoomiyaha iyo kuxigeenada haddii ay heshiin waayaan seddexdooda aan isla tuurno, Runta ma rabtaan, Mursal, Muudey, iyo Mahad, saddexdooda isku mid ayay noo yihiin”. “Buux iyo xitaa aan ku darno, haddii ay soo heshiin waayaan oo maalinta Isniinta ay noo furi waayaan baarlamaanka, aniga waxaan soo jeedinayaa inaan seddexdooda ridno oo guddoon cusub aan doorano, ninka noogu da’ weyna u dhiibano xilka”ayuu yiri Xildhibaan Dhaqtar. Kadib xildhibaanada kale ayaa bilaabay inay ku buuqaan ama ku oriyaan, waxaana meesha ka dhashay is fahamwaa sababay inuu iska wareejiyo cod baahiyaha uu ku hadlayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Ra’iisulwasaraahii Sri Link, Mahinda Rajapaksa,ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay kadib mudo ay heesatay xaalado siyaasadeed ooaanan fadhinin taas oo sabab u noqotay in ay istaagaan shaqooyinkii dowlada SriLink. Ra’iisul wasaaraha ayaa is casilaadiisa uga hor dhawaaqay kooxo taageerayaashiisa ah iyo wariyaal kuwaas oo ku sugnaa qasriga uu ka daganyahay caasimada dalkaasi ee Colombo. Ra’iisul wasaarahan oo 73 jir ah ayaanan wax faahfaahin dheeraad ah aanan ka bixinin sababaha ka danbeeyay in uu is casilo . Dhibaatooyinka dalka Sri Link ayaa socday tan iyo bishii October waqtigaas oo uu madaxwaynaha dalka shaqada ka ceeriyay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi asagoona ku badalay ra’iisul wasaaraha haatan xilka ka dagay oo asaga qudhiisa lagu soo eedeeyay musuq maasuq iyo ku tumasho xuquuqda aadanaha. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada taageersan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Muqdisho ku qabtay kulan ay madaxweynaha taageero ugu muujiyeen. Xildhibaanadan ayaa warar is khilaafsan ay kasoo baxeen tiradooda, waxaana horey u qornay inay ahaayeen 135 xildhibaan, hase yeeshee xiriir ay nala soo sameeyeen ayay ku sheegeen inay intaas ka badan yihiin oon ay gaarayaan 167 xildhibaan. Xildhibaanada ayaa Caasimada Online soo gaariyey warqad ay ku qoran yihiin magacyadooda iyo saxiixooda oo ay sheegeen inay caddeyn u tahay tiradooda rasmiga ah. Si kastaba, sida mar kasta dhacday, waxaa dhici doonta in xildhibaano badan ay sheegtaan in magacooda laga been abuurtay. Xildhibaanadan oo isugu yeeray “aqlabiyadda golaha shacabka” ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin hoggaanka Madaxweynaha iyo waxqabadka xukuumadiisa uu hoggaamiyo Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre. Hoos ka aqriso liiska magacyada iyo saxiixda xildhibaanada
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab ka bixiyey qoraalkii maanta kasoo baxay hoggaanka ciidamada Amisom, kaasi oo ay isaga fogeeyeen inay kaalin ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow. Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaan Mahad Salaad, oo uu faceook soo dhigay:- Dharka iyo gaadiidka Midowga Afrika miyaa suuqyada magaalada Baydhabo lagu gadaa mise?! Shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa docwo ka dhan ah Ergayga gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Fransisco Madeira u gudbiyay Gudoomiyaha Midawga Afrika Moussa Faki iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Haysom. Dacwadaan ayaa timid kadib markii ciidamada Itoobiya ee katirsan kuwa AMISOM ee jooga magaalada Baydhabo ay maalintii Khamiista soo afduubeen Mukhtaar Roobow. Afduubkaas oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah iyo Xildhibaan katirsan Barlamaanka Koonfur Galbeed. Iyagoo ka jawaabaya eedeyntaas ayaa saakay war saxaafadeed kasoo baxay xaafiiska Midawga Afrika waxay iskaga fogeeyeen in ay ku lug lahaayeen howl galkii lagu soo qabtay Mukhtaar Roobow iyo dhibkii ka dhashay. Hadaba waxaa iswaydiin mudan TAANGIYADAAN ay ku buufsanyihiin magaca Midowga Afrika iyo CIIDAMADAAN labbisan dharkooda ma’ahan miyaa kuwoodii mise dharka iyo gadiidka Midowga Afrika ayaa suuqyada magaalada Baydhabo lagu gadaa?! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudiga Joogtada ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaaladda Muqdisho, kaasi oo ay kaga arrin-sadeen xaalada kacsan ee Baydhabo iyo dagaalka u dhaxaeeya qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida oo ka taagan Mooyaale. Kulanka gudiga ayaa markii uu soo idlaaday, waxaa warbaahinta shir jaraa’id u qabtay Xoghayaha Guud Golaha Aqalka Sare, Cali Jaamac Maxamed, kaasi oo ku horumaray qalalaasaha ka taagan xarun goboleedka Bay. Xoghayaha ayaa wuxuu ugu baaqay waxgaradka, Aqoonyaanada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan inay qaboojiyaan xaaladda, islamarkaana wax kasta lagu dhameeyo iyadda oo la eegayo dadka dalka iyo dadka. Dhinaca kale, Xoghayaha Guud Golaha Aqalka Sare ayaa carabka ku dhuftay dhibaatada ka dhalatay Dagaalka ka soo cusboonaaday Deegaano iyo tuulooyin hoos-yimaada Magaalada Mooyaale oo ay wada-degaan qoomiyadaha Soomaalida iyo Oramada. Baaq nabadeed oo dhawaq culus wata ayuu ujeediyay dhinacyadda kala duwan, si gaar ah wuxuu ku tartarsiiyay masuuliyiinta inay ka shaqeeyaan sidii aanu dib-damnbe udaadan Dhiigga shacabka. Tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya soo xirtay Murashax Mukhtaar Roobow waxaa ka taagan magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG maamulka Koonfur Galbeed rabshado galaaftay nolasho badan. The post Aqalka sare oo baaq kasoo saarey xaalada Baydhabo iyo Mooyaale appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Dooxa ayaa la kulmay Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than ayaa ka wada hadalay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dal ee walaalaha ah. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa amiirka Qatar uga mahadceliyay soo dhawayntii ballaarnayd iyo marti soorka Dooxa loogu sameeyay wadfiga uu hoggaanayo. Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than, ayaa ballan qaaday in ay sii wadayaan xoojinta xariirka laba dal iyo taageeradooda shacaka iyo dawladda Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale maalmihii uu dalkaasi joogay la kulmay dhiggiisa dalkaasi, waxa uuna maanta ka qayb galay madasha sannadlaha ah ee Dooxa. The post SAWIRRO: RW Khayre oo la kulmay Amiirka Qatar appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-151218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaano ka tirsan Baalamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay kasoo horjeesteen mooshinka dhawaan laga keenay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo ay golaha shacabka u gudbiyeen qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka, kaas oo la sheega inuu burburay. Kulanka kaddib ayay xildhibaannadu, waxay soo saareen War-asxaafadeed ka kooban laba bog, iyagoo ku sheegay in mooshinkii Madaxweynaha laga keenay uu buray, isla markaana uu ahaa mid aan loo baahnayn. Sidoo kale, Xildhibaannada kulanka yeeshay oo gaarayay in ka badan 134 xildhibaan ayaa waxay eedeyn kulul u jeediyeen Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyagoo ugu baaqay inuu furo kulamada baarlamaanka. Dhanka kale, Xildhibaannada ayaa u muuqday kuwa difaacayay Madaxweyne Farmaajo oo xildhibaanno kale ay mooshin ka gudbiyeen, iyagoo xusay inay taageersan yihiin madaxweynaha Soomaaliya. AKHRISO: War-saxaafadeedka ay soo saareen Xildhibaannada kulmay; PUNTLAND POST The post Xildhibaanno Qoraal ku Taageeray Farmaajo Baaqna u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  15. Garoowe (Caasimada Online)- Wuxu ahaa isu soo bax noociisa aaney mudooyinkaan arag shacabka reer Puntland. Dadka ayaa ka yimmid Mudug, Nugaal, Bari ilaa Karkaar si ay usoo dhoweeyaan musharax Cabdi Faarax Siciid Juxa. Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ayaa maanta dib ugu soo laabtay Garoowe, waxaana ay kumanaan shacab ah uga hor tageen daroonka diyaaraha ee Jeneraal Maxamed Abshir. Dadka ayaa tixanaa guud ahaan wadooyinka waa weyn ee magaalada Garoowe. Juxa oo loo arko musharaxa ugu cadcad doorashada madaxtinimada ee Puntland ayaa shacabka kula hadlay fagaaraha barxada Garoowe, halkaas oo uu ka jeediyay qudbad 19 daqiiqo ah. Juxa ayaa hadalkiisa ku bilaabay in sida ay shacabku isugu soo baxeen maanta iney muujineyso sida ay reer Puntland u doonayan iney doortaan hogaan wanaagsan, wuxuuse nasiib daro ku tilmaamay in 20 sanno kadib ay wali Puntland doorashadeeda odayaashu hagaan. Wuxuu shacabkii isu soo baxay u balan qaaday in hadii la doorto uu shaqadiisa koowaad ka dhigi doono dhismaha xisbiyada, si doorashada xigta ay shacabku u doortaan hogaankooda. Xiliga ay kusoo aaday doorashada Puntland ayuu musharax Juxa ku sheegay waqti aad xasaasi u ah oo uu dayacan yahay amniga Puntland, dhaqaale uusan jirin, Dowlada dhexe iyo maamuladu ay is heystaan wax badana loo baahan yahay in taxadar lagu wajaho ,waxaana uu ku baaqay in qofka la dooranaayo uu noqdo qof xogogaal ah, lasoo tijaabiyay, arrimaha taagana ka bixi kara. Wuxuu soo hadal qaaday arrinta gobalka Sool isagoo sheegay in hadii la doorto uusan wax gor gortan ah ka galin doonin arrinta gobalkaas, wuxuu fariin u diray Muuse Biixi (Madaxweynaha Somaliland) oo uu sheegay iney ceeb ku tahay in wixii uu 30 sanno ka cabanayay uu isagu maanta ummada ku hayo. Juxa wuxuu sheegay in hadii la doorto uu dhiso doono ciidan amni oo xoogan iyo dhaqaale la isku haleyn karo, uuna ka dhabeyn doono riyada reer Puntland, sidoo kalana uu fursad siin doono dumarka iyo dhallinyarada waxbaratay. Dadka ayaa u muuqday kuwo aad ugu riyaaqay balan qaadyada musharax Cabdi Farax Siciid Juxa. Hoos ka daawo qudbada oo dhemeystiran Caasimada Online Xafiiska-Garoowe Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahisay Idaacadda Risaala oo kamid ah Idaacadaha Muqdisho, hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA ayaa hub ka dhigis ku samaysay la-taliyaha guddoomiyaha baarlamaanka. C/Qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ah la-taliye sare oo ka tirsan Xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la sheegayaa, in hubka dhigis lagu sameeyay ciidamo isaga ilaalo u ahaa una diiwaan gashan dowladda Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in ilaalada Jaamac looga yeeray xarunta Xisbiga oo ah taliska ciidamada Hoos tagaan, iyadoo lagu wargeliyay inay Mushaaraadkooda qaadan doonaan, balse markii halkaasi ay tageen lagu wargeliyay inay hubka dhigaan. Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay inay wareejiyaan Gaari ciidan oo ahaa Cabdi Bille u diiwaan gashan dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay inay kadib goobta kasoo baxeen iyaga oo aan hubeysneen. Sababta hub ka dhigista loogu sameyay ilaalada la taliyaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lala xiriirnayaa in ay tahay arrimo la xiriira Mooshinka laga keenaya madaxweyne Farmaajo oo uu gacanta ku hayo gudoomiyaha golaha Shacabka. Ma cadda ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee arintaan ka dambeysay, marka laga yimaad wararka sheegaya in mooshinka dartii sidan loogu sameeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Culi,maaudiinka Puntland ayaa magaalada Bosaaso waxa ay ku qabteen Nadwo ay uga hadlayeen xaalada siyaasadeed ee dalka. Culimada ayaa Nadwadooda waxa ay diirada ku saareen [...] Source
  18. The U.S. military says it has killed eight members of the al-Shabab extremist group with an airstrike south of Somalia’s capital. The U.S. Africa Command statement says the airstrike occurred on Saturday near Gandarshe, a coastal community. The statement says no civilians were involved. The U.S. military has carried out at least 40 airstrikes this year against the al-Qaida-linked al-Shabab, Africa’s most active Islamic extremist group. It controls parts of rural southern and central Somalia and continues to stage deadly attacks in the capital, Mogadishu, and other cities. The U.S. airstrikes have picked up dramatically since President Donald Trump took office and approved expanded military operations in the Horn of Africa nation. Airstrikes also target a small presence of fighters linked to the Islamic State group. The post US says new airstrike in Somalia kills 8 al-Shabab fighters appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xiisada ka dhalatay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow, waxa uuna ku baaqay in lasii daayo. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in sharciga ay baal marsan tahay xariga la xiray Mukhtaar Rooboow, waxa uuna carabka ku dhuftay in loo baahanyahay in sharciga la dhowro, oo loo wada sinaado. Waxa uu sheegay in uu xiranyahay maxkamad isaga oo aan la marsiin, taasi oo uu ku sheegay in ay tahay gef weyn oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka gashay sareynta sharciga. “Waan cambaareynaynaa xariga loo geystay Mukhtaar Roobow,waana ka xunahay dadka ku dhintay magaalada Baydhabo, Farmaajo waxa uu wadaa kaligiis talisnimo ee ha joojiyo, sidoo kale waxaan ka dalbanayaa Ciidamada AMISOM inay Soomaaliya isaga baxaan” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe. Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ugu dambeyntii dowladda federaalka ee Soomaaliya ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay usii daayaan Rooboow. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Feysal-Cali-waraabe.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka kid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshauy magaalada Muqdisho ayaa tageero xooggan u muujiyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaanadan oo isugu yeeray “aqlabiyadda golaha shacabka” ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin hoggaanka Madaxweynaha iyo waxqabadka xukuumadiisa uu hoggaamiyo Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre. Xildhibaanada oo tiradooda lagu sheegay 135 xildhibaan, ayaa ugu baaqay guddoomiyaha baarlamanka in uu ka fiirsado ku adkeysiga Mooshinka oo ay ugu yeereen “mooshinka buray ee sharcidarada ah si hay’adaha dastuuriga ah looga badbaadiyo qalaalase siyaasadeed oo dowladda dib u dhac u keena, caqabadna ku noqda waajibaadkii sharcidajinta, matalaada shacabka iyo korjoogteynta hay’adda fulinta oo dhamaantood habacsanaan ku timid” Hoos ka aqriso qoraalka ay soo saareen xildhibaanada
  21. Muqdisho ( Sh. M. Network )-War qoraal oo ah ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen duleedka Muqdisho ay ku dileen 8 xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab. Duqeynta ayaa waxa ay ka dhacday nawaaxiga deegaanka Gandershe oo ku yaalla dhanka waddada xeebta ku teedsan ee u dhexeysa Muqdisho iyo magaalada Marka. AFRICOM ayaa sheegtay in weerarka ay fuliyeen maanta oo Sabti ah iyagoo taageero ka helaya Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Qoraalka waxa kaloo lagu sheegay in aysan jirin wax khasaaro ah oo dadka shacabka ka soo gaaray duqeynta Ciidamada Mareykanka. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan weerarka Mareykanka kaas oo noqonaya midkii ugu dambeeyay duqeymo isdaba joog ah oo ka dhacayay muddooyinkii dambe Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya. Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo boqolaal lagu qiyaasay oo saldhigyo ku leh qeybo ka mid ah dalka, kuwaas oo fuliyay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab. The post Mareykanka Oo duqeyn ku dilay 8 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa dallacsiiyay taliyaasha ciidamada Booliiska iyo Asluubta. Dikreeto Sabtida maanta ah ka soo baxday xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu dallacsiiyay,taliyaha ciidanka Booliiska,Ex Sarreeye Guuto Muxiyadiin Axmed Muuse oo loo dallacsiiyay darajada sarreeye Gaas iyo sidoo kale, taliyaha ciidanka Asluunta, Ex Sarreeye guuto Cali Nuur Cumar oo haatan loo dallacsiiyay darajada sarreeye Gaas. Todobaad ka hor, madaxweynaha ayaa sidaan oo kale dallacsiiyay,taliyaasha ciidamada Daraawiishta iyo PMPF oo kala ah;Gen Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen iyo Adm Cabdirisaaq Siciid Diiriye,waxaana labadaba loo dallacsiiyay darajada Sarreeye Gaas. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweynaha dowladda Puntland oo dallacsiiyay taliyaal ciidan appeared first on Puntland Post.
  23. Shir looga hadlaayay is dhexgalka Booliska iyo shacabka ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland . Ujeedka shirkan ayaa ahaa sidii ciidamada [...] Source