Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,271
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada taageersan xukuumadda Soomaaliya ayaa xog dheeri ah ka bixiyay koox xildhibaano ah dadaal ay wadeen oo la doonayay in xiisadda mooshinka lagu xaliyo. Isaga oo ka hadlayay kulankii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in guddoomiye Mursal uu kaga baxay balan uu horey uga qaaday oo aheyd inuu qeyb ka noqonayo xal u helidda xiisadda ka dhalatay mooshinka. Sidoo kale wuxuu sheegay in isaga iyo koox ka tirsan xildhibaanada ay ka naxeen markii guddoomiye Mursal uu ka guurey Madaxtooyada, maadaama sida uu sheegay aysan ka warheyn arintaasi. Arin laga xumaado ayuu ku tilmaamay in xildhibaano Kooban ay meel ku heystaan sida uu hadalka u dhigay guddoomiye Mursal, isaga oo ugu baaqay inuu dib ugu soo laabto madaxtooyada. Wuxuu soo hadal qaaday in guddoonka baarlamaanka ay ka doonayaan inay dhameeyaan khilaafka u dhaxeeya xildhibaanada, maadaama sida uu sheegay iyaga ay yihiin kuwa is haya. Ugu dambeyn wuxuu si cad u sheegay in haddii guddoonka baarlamaanka “Mursal, Mahad iyo Muudeey” ay heshiin waayaan inay qaadi doonaan Talaabo cad oo uusan sheegin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Odayaasha koonfur galbeed ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Baydhabo waxay go’aamiyeen inaanu doorasho madaxweyne ka dhici karin koonfur galbeed, iyagoo ku baaqay [...] Source
  3. Xuseen Aba Nuur Abti waxa ka mid ahaa ciyaartooydii ugu wanaagsaneyd kubbadda cagta iyo Kolayga waagii barisamaadka,isagoo kasoo baxay degmada Shangaani Gobolka Banaadir inakstoo uu iminka uu ku nool yahay dalka ingiriiska. 27-sano ka dib ayuu caasimada Muqdisho kusoo laabtay bishii October,isagoo ka mid wafdiga dalka u imaaday ciyaaro saaxiibttinimo iyo is dhaxgal bulsho waxayna caasimada ku sugnaayeen inti u dhaxaysay 17-30-October waxa ay ciyaareyn kulamo saaxiibtinimo,iyagoo booqday goobaha taariikh tusaale ahaaa garoonka Stadium Muqdisho iyo tiyaatarka qaranka waxayna ka qeyb qaateyn olalaha isxilqaan oo ay dowlada ku dhawaaqday. Xuseen Aba Nuur“Ma aanan filan 27-sano ka dib in aan kusoo laabanayo dalkayga waxaa ii muuqda horomaro kala duwan oo ka socda gudaha qurbajoogta waxaa looga baahan yahay in ay ciyaaraan doorkooda dib u dhiska iyo in ay kusoo laabtaan wadankooda si ay u arkan sawirka dhabta ee ka jira aysan aaminin waxyaalaha ayu ka arkaan baraha bulshada oo ah propaganda”. “Dhamaan ciyaartooydii kala duwaneyd ee kusoo ciyaartay garoonka Stadium Muqdisho waxaan lee yahay ka qeyb qaata dhismahiisa runtii aad ayaan ugu naxay sida uu yahay,balse waxaa ii muuqanaysa rajo wanaagsan hadii aan si wadajir ugu qeyb qaadano waxaana kusoo celin karaa siduu ahaan jiray”Xuseen Aba Nuur Abti ayaa Goobjoog u sheegay mar uu booqday 23-0ctober 2018. Laacib Xuseen Aba Nuur wuxuu saaxiibadiisa iyo dadkii ay isla ciyaareyn waqti wanaagsan kula qaatay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho,isagoo sheegay in uu jecel la’aan lahaa sii joogada wadankiisa qorshihiisana aysan wax iska badali karin,balse sanad kasta uu booqasha u imaanayo gudaha mustaqbalkana isaga iyo caruurtiisa ay kusoo laabandoonaan Soomaaliya. “Ciyaartooydii ugu fiicnaa aan isla soo dheelnay waxaa ka mid ahaa Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo hada ah Wasiirka Amniga dowlada,Xasan Shangaani iyo xirfadlayaal kale oo aad u tiro badan waxa ay ii ahaayeen saaxiib isku dhaw hadafkooduna ahaa is jaceyl iyo walaaltinimo”Xuseen ayaa Goobjoog u sheegay bishii October 2018. Tan iyo 2012 waxaa dalka kusoo laabanayay ciyaartooydii hore wadanka,iyagoo kaalin ka qaatay in dhalinyarada gudaha ay u dhisaan garoomada casriga ee lagu dheelo ciyaaraha sidoo kalane talooyin la wadaagay xiriirada iyo wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada si loo horomariyo isboortiga gudaha. Halkaan Ka Daawo Tariikhda Laaciib Xuseen Aba Nuur Abti W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa inay amaanka dalka kala wareegaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007. Lataliyaha madaxweynaha ee dhanka Amniga Cabdi Siciid Muuse Cali ayaa shaaciyay tirada ciidamada meletariga Soomaaliya ee sida saxda ah ugu diiwaan gashan dowladda Soomaaliya. Mr Cabdi Saciid, ayaa sheegay in ciidamada maletariga Soomaaliya ay gaarayaan 9,000 “Sagaal kun”oo askari, oo si sax ah ugu diiwaan gashan dowladda Soomaaliya, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka. Qoraalka Lataliyaha ayuu ku sheegay in ciidamadaasi ay leeyihiin meelo si sax ah ay ugu dhacdo mushaaraadkooda oo dowladda Soomaaliya ay si joogto ah u bixiso. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay guulo ka sameysay amaanka iyo dib u dhiska ciidamada xooga dalka Soomaaliya, iyadoo ciidamada kala duwan ay helaan tababaro dheeri ah. Cabdi Siciid, ayaa sheegay dib u habeynta Ciidamada xoogga dalka ee ka midka ahayd ololaha Madaxweyne Farmaajo uu sidiisii ku socdo islamarkaana uu isbeddel weyn ka muuqdo hadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxa ay howlgallo ballaaran ka wadaan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan. Howlgalkaan oo ah mid ammaanka lagu xaqiijinayo ayaa lasoo sheegayaa in ciidamadu ay ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmadaasi. Waxaa jirta tiro dhallinyaro ah oo howlgalkan lagu soo qabtay, hase ahaatee weli faah faahin lagama bixin inta ay la egyihiin dhallinyaradaasi. Howlgalkaan ayaa wuxuu daba socdaa kadib qarax shalay ka dhacay suuq Khaadka lagu iibiyo oo ku yaalla degmadaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar aan heleyno ayaa sheegaya in shir Xasaasi ah oo looga hadlayay xariga Roobow iyo xiisaddii ka jirtay magaalada Baydhabo uu ka dhacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho. Shirka ayaa sida wararka aan ku heleyno waxaa lagu falanqeeyay xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaana la sheegayaa in la isla gartay in dib xoriyadiisa loo siiyo Mukhtaar Roobow. Shirka waxaa ka qeyb galay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Safiirka UK, Safiirka Turkey, Safiirka Jabuuti Urur goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo lataliyaasha dowladda Qaarkood, sida xogta aan ku heleyno. Waxyaabaha la isku raacay ayaa waxaa kamid ah in Mukhtaar Roobow lasii daayo, islamarkaana uu ku laabto magaalada Baydhabo si uu kaga qeyb galo doorashada Koofur Galbeed. Waxaa suuragal ah in Mukhtaar Roobow lasii daayo Maanta oo gelinka dambe uu ku laabto magaalada Baydhabo, ama in beri lasii daayo sida ilo Xog ogaal ah ay inoo sheegeen. Lataliyaasha dowladda Matalayay ee ka qeyb galay shirka ayaanan ku qanacsaneyn waxyaabaha shirka looga hadlay, waxaana la ogeyn sida dowladda Soomaaliya ku aqbali doonto qorshaha. Dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa ogolaanshaha sii deynta Mukhtaar Roobow si uu kaga qeyb gal doorashada, waxaana la doonayaa in doorashada lagu reebo, sida wararka ay sheegayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay kooxo hubeysan ay dil ka geysteen deegaanka Budbud ee gobolkaasi. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay Marxuum Macalin Xasan Maxamed Warsame oo ka mid ahaa dadka deegaanka. Wararka qaar ayaa sheegaya in dilkan uu salka ku hayo dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi. Dableydii ka dambeysay dilkan ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen. Mana jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka gobolka Mudug oo ku aadan dilkaasi. Muddooyinkii dambe xaaladda ammaan ee Mudug ayaa aheyd mid dagan, iyadoona Ciidamada Galmudug ay howlgallo ka adeen gudaha gobolkaasi. The post Kooxo hubeysan Oo dil ka geystay gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha ka soo horjeeda Mooshinka Madaxweynaha ayaa baaq u dirtay guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya. Ubax Tahliil Warsame ayaa ka codsatay guddoomiyaha Golaha Shacabka in uu furo kulamadii BFS, si cod loogu qaado Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo. Waxaana ay tilmaamtay in isku kalsoon yihiin, ayna diyaar u yihiin in Cod Baarlamaan lagu kala baxo. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/xxx.mp3 The post Ubax Tahliil “Waa in Cod loo qaado Mooshinka Madaxweynaha” appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Xaaladda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay tahay mid dagan, kadib markii saddexdii maalin ee la soo dhaafay ay ka dhacayeen rabshado xoogan. Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa lagu arkayaa Waddooyinka magaalada, kuwaas oo xaqiijinaya amniga, kana hortago rabshado ka dhaca halkaasi. Xariiro aan la sameynay saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in jawiga saaka uu yahay mid xasiloon, islamarkaana xaaladdu ay dagan tahay. Dhinaca kale waxaa maanta lagu wadaa in ay bilowdaan hadal jeedinta Musharraxiinta u taagan qabashada hoggaanka K/ Galbeed Soomaaliya. Illaa 3 Musharrax ayaa maanta hortagaya Baarlamaanka maamulkaasi, si ay ugu jeediyaan khudbadahooda ku aadan waxqabadka, hadii loo doorto xilkaasi. 19-ka bishan ayaa la filayaa in ay qabsoonto doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, walow xiisado siyaasadeed ay ka jiraan maamulkaasi. The post Xaaladda magaalada Baydhabo Oo saaka dagan appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Sida ku qoran jadwalka doorashada koonfur galbeed ee Soomaaliya waxaa lagu wadaa maanta in ay khudbado jeediyaan ilaa 3 murashax. Murashaxiinta khudbadaha ku qoran ayaa kala ah: Aadan Maxamed Nuur(Saransoor), Xuseen Cusmaan Xuseen iyo Ibraahim Macalin Nuunow Doorashada koonfur galbeed ayaa dhici-doono 19-ka bishan, waxaan weli la’ ogeyn inuu ka qeyb gali-doono Roobow iyo in kale. Qoraal uu sabtidii soo saaray guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal waxaa uu codsaday in la sii-daayo Mukhtaar Roobow, isaga oo intaas raaciyey in Mukhtaar Roobow uu yahay muwaadin xaq u leh tartanka doorashada. Arrimaha Doorashada Koonfur Galbeed, Kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-161218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Baydhabo (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ka dhaceysa Jeedinta Khudbadaha Musharixiinta Koofur Galbeed, iyadoo seddexdii maalin ee lasoo dhaafay xaalada magaalada ay kacsaneyd. Ilaa seddex Musharax ayaa maanta jeedin doonta Khudbadahooda, iyadoo xildhibaanada ay dhageysan doonaan balanqaadyadooda, waxaana beri hadal jeedinta ku qoran labo Musharax, taasi oo ka dhigan in Mukhtaar Roobow uusan ku jirin Musharixiinta Tartameysa. Xarigii Mukhtaar Roobow, rabshadaha ka dhacay Baydhabo iyo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga baqayay inay saameyn ku yeelato doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed. Arintaan ayaa ka dhigan in la iska dhega tiray baaqyada kala duwan ee kasoo baxayay guddoonka baarlamaanka, waxgaradka Koofur Galbeed iyo dadka banaanbaxyada dhigayay oo ahaa in doorashada dib loo dhigo. Waxay dhamaan dalbanayeen in doorashada dib loo dhigo kadibna la xaliyo waxyaabaha keenay xasaradaha iyo waxyeelada ka dhalatay, balse guddiga oo horey u shaaciyay inaysan dib doorashada u dhigeyn ayaa u muuqda kuwo ku adkeysanaya go’aankooda. Xildhibaanada baaramaanka ee taageersan madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey u sheegay inay haboon tahay in doorashada Koofur Galbeed la qabtaa waqtiga loo qorsheeyay. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee taageersan madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay kaga xun yihiin mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya. Xildhibaan Ubax Tahliil ayaa sheegtay in xildhibaanada qaar ay is qarinayaan iyaga oo taageersan madaxweynaha Soomaaliya balse aan sidaasi loo baahneyn, maadaama la difaacayo danta qaranka. Waxay sheegtay in beesha ay ku matasho baarlamaanka iyo dadka degen deegaanada Galmudug inay taageersan yihiin dowladda Soomaaliya, sidaasi si lamid ahna xildhibaanada looga baahan yahay inay helaan taageerada beelahooda. “Koley aniga Beesha Sacad ayaa isoo dooratay waa ii jeedaan Banaanka ayaan taaganahay, Tolkeygaanna u taaganahay, ninna igama daba hadli karo, Kulli beesheyda waxay raacsan tahay dowladda, Galmudug waxay raacsan tahay dowladda, waxii ku abtirsadana waxay raacsan yihiin dowladda” ayay tiri xildhibaan Ubax. Xildhibaan Ubax Tahliil, ayaa dhinaca kale sheegtay in loo baahan yahay in la dhowro Dastuurka dalka iyo dowlada jirta, iyada oo sheegtay dadka qeylinaya inay yihiin kuwo doonaya inay helaan wax ka badan Mushaarkooda, sida ay hadalka u dhigtay. “Waxaan rabnaa maanta hadduu jiro Sharci iyo dastuur aan u hogaansano dowladeena Daacadda ah, dowadeena Sharafta badan, Laguma Shaqeeyo wax mushaar ka badan, laakiin dad doonaya Mushaar ka badan ayaa qeylinaya loomana hayo”ayay hadalkeeda ku dartay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Bayhdbao (Caasimada Online) – Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo dhaceysa 19-ka bishan ayaa maanta galaysa weji muhiim ah, kadib qoraal kasoo baxay guddiga doorashada. Saddex ka mid ah lixda murashax ee u taagan jegada Madaxtinimada Koonfur Galbeed ayaa waxaa maanta lagu wadaa in ay khudbado u jeediyaan Xildhibaanada Koonfur Galbeed, sida uu sheegay guddiga doorashada Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii soo saaray magacyada saddexda murashax ee Axada maanta laga doonayo in ay horyimaadaan Xildhibaanada. Guddiga Doorashada ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in murashaxiinta kala ah Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Ibraahim Macalin Nuur iyo Xuseen Cismaan Xuseen ku wargelinayaan in ay horyimaadaan Xildhibaanada, si ay ugu jeediyaan khudbadaha ay kaga hadlayaan waxqabadkooda, haddiiba la doorto. Akhriso qoraalka Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaga Golaha Shacabka ee dowladda Federal-ka ah Mudane Maxamed Mursal Shikeh Cabdiraxmaan ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay Hotel Shabeel oo uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho isaga oo qodobo badan oo xasaasi ah uga hadlay. Gudoomiyaha qodobada uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa in la sii daayo Shiekh Mukhtaar Roobow Cali iyo in dib loo dhigo doorashada maamulka Koonfur Galbeed. Hase ahaatee, qodobadaasi sida muuqata ma aha kuwo ay ka tanaasuli doonto dowladda siiba xariga Roobow. Tan iyo markii la soo qabtay Roobow waxaa xumaaday amniga Baydhabo oo iyada oo ay ku dhinteen shacab oo uu ku jiro xildhibaan KGS ah. Hadaba farriin noocee ah ayuu shirkiisii jaraa’id ku diray Gudoomiye Mursal? Shirka Jaraa’id ee uu qabtay Mursal ma ahayn mid lama filan noqday hase ahaatee waxa uu muujiyey in aan wali labada qole ee is haysa aysan isu soo dhawaan. In Gudoomiyaha ku baaqo sii deynta Mukhtaar Roobow oo waliba loo fasaxo in uu tartamo waxa ay caddeyn u tahay meesha la kala joogo iyo xasaasiyadda xiisadda taagan. Bulshada kaliya waxaa uga soo bixi kara in sheekadu wali tahay FANAAOLE FARI KAMA QODNA oo loo baahan doono in waqti dheer la’isugu in xal laga gaaro arrimaha la’isku hayo. Dhinaca kale xubno 135 gaara oo ka tirsan Aqalka Hoose ayaa iyaguna kulan ay magaalada Muqdisho ku qabsadeen ku sheegay in ay taageersan yihiin Madaxweynaha oo uu Mooshinka laga keenay buray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka Dastuurka Soomaaliya ee Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa markii ugu horeysay waxaa wax laga waydiiyay xariga Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur], kaasi oo gacanta ugu jira hay’adda NISA ee dowladda. Jibriil oo dalka Jabuuti uga qaybgalay munaasabad ayaa ku tilmaamay ku xigeenkii hore ee Hogaamiyaha Al-Shabaab “argagaxiso la siiyay Shahaado” waxaana uu soo dhaweeyay in xabsiga la dhigo. Roobow oo kamid ahaa Musharixiinta doorashadda Koonfur Galbeed ayaa helay Aqoonsiga Guddiga doorashooyinka, balse, maamulka Farmaajo ayaa waday dadaalo uu ku doonayo inuu uga saaro coddeynta. Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadayaa xili uu sheegay Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan inay tahay qabashada Roobow mid sharci daro ah. Gudoomiye Mursal ayaa ku baaqay in si deg deg ah xorriyadiisa dib loogu soo celiyo Mukhtaar Roobow, si uu qayb uga noqdo doorashadda la filayo in 19-ka bishaan ka qabsoonto magaalada Baydhabo. Intaasi waxaa dheer inuu Mursal soo jeediyay in dib loo dhigo coddeynta inta xal laga gaarayo xiisadda ka dhalatay xariga Roobow, taasi oo gil-gishay xarun goboleedka Bay, oo la ceer-ceereyso dibad-baxyo culus. Inta la hubiyay ku dhowaad 10 ruux ayaa ku geeryootay banaanbaxyo waawayn oo tan iyo markii lasoo xiray Roobow laga soo wariyay caasimadda KMG Koonfur Galbeed xili ay jiraan isku-dhacyo shacabka iyo ciidamada ah. Xigasho: Garowe Online
  17. Magaalada Baydhabo ee ah xarunta maamulka Koofor Galbeed (KG) ee Soomaaliya, waxaa ka socda rabshado ka dhashay tallaabadii ay ciidamda Itoobiya ku xireen kaddibna ugu gacan galiyeen dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mukhtaar Rooboow Cali, kaasoo ka mid ahaa murashaxiinta xilka Madadweynaha maamulka KG kuwooda ugu cad cad. Xariggaas waxaa ka dhashay rabshado ay dad gaaraya 11 qof ku dhinteen ilaa iyo hadda inta la ogyahay, kuwo kalane ay ku dhaawacmeen taasoo ahayd nasiib darro laga fursan karay, haddii Dawladdu ay si wanaagsan u maamuli lahayd arrinta Mukhtaar Rooboow. Waxaa muuqada siyaasad xumo aad u weyn in ay haysato hoggaanka dawladda oo u muuqan kuwa fahamsan qaabka siyaasadda Soomalidu ku shaqeyso. Dalku wuxuu u baahanyahy hoggaan isku soo dhaweeyn kara, fahma oo dhagaysta dareenka dadweynaha iyo waxa ay rabaan kaddibna go’aan fulineed qaata. Maanta dalku uma baahna in xoog la isku sheegto. Waxay ahayd in ay waano noo qoqoto dhibaatooyinkii na soo maray iyo waxa ay na dhaxalsiiyeen. Waa Kuma Muktaar Rooboow? Rooboow, oo ku magac dheer Abuu Mansuur, wuxuu soo caan baxay sanadkii 2006, xilligii Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee magaalada Muqdisho ka saareen hoggaamiye kooxeedayadii haystay. Wuxuu ka mid ahaa raggii ka dhex muuqday hoggaanka Maxkamadihii burburay. Wuxuuna markii dambe afhayeen iyo u noqday kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu ahaa ninka labaad ee kooxdaas. Dabayaaqadii sanadkii 2013 ka ayuu soo duubay cod uu ku cambaareeyay hoggaamiyihii kooxda, Axmed Cabdi Godane ee Maraykanku duqeynta ku dilay sanadkii 2014. Rooboow iyo rag uu ka mid ahaa sida, Xasan Daahir Aweys, ayaa ka baxsaday magaalada xeebta ku taal ee Barawe kaddib markii Axmed Godane amarkiisa lagu dilay rag sar sare ooo Al-Shabaab ka tirsaa iyagana uu amray in Ia dilo. Ku dhawaad muddo 5 sano ah ayuu ku noolaa isaga iyo maleeshiyo uu Al-Shabaab kala soo goostay deegaanno ka tirsan Koofur Galbeed, ka hor inta uuna isku soo dhiibin Dawladda sanad iyo bar ka hor. Dawladdu waxay aad u soo dhaweysay isa soo dhiibitaanka Rooboow wax dambi ahna kuma soo oogin, balse waxay u samaysay maamuus. Sanad iyo barkii la soo dhaafay wuxuu ahaa xor iyadoo la arkayay isagoo dhiig u shubaya dhaawacyadii qaraxii Zoobbe, marar badan oo kalane boooqanaya qaybo ka mid ah Gobollada Baay iyo Bakool iyo xeryo ciidan. Ma jirin wax dambi ah oo ay Dawladda Federaalka ah ku soo oogtay Roobow. Dawladda iyo Rooboow waxay isku dheceen markii uu go’aansaday in uu tartamo xilka madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed waxaana muuqatay in markii hore ay dawladdu ka war haysay damaciisa siyaasadeed, sababtoo ah telefeshinka qaranka ayaa laga sii daayay in uu yahay murashax yahay maalmihii hore, laakiin mar dambe ayay arrintaas la xumaatay dawladda. Waxaa dawaladda u caddaaday in Rooboow ku soo bixi rabo doorashada uuna ka adkaan doono murashaxa lagu eedeeyo in ay wadato ee C/casiis Lafta gareen waana taas midda keentay in laga shaqeeyo sidii looga reebi lahaa tartanka doorashada, laakiin waxaa muuqata in hoggaanka dawladdu aysan ka fakarin waxa ka dhalan kara talaabada ay qaadday. Sidoo kale ma muuqdo ilaa iyo hadda qorshe ay wax uga qabanayso rabshadaha faraha ka baxay ee ka socda Baydhabo. Maxuu ku kasbaday kalsoonida shacabka reer KG? Shacabka ku nool deegaannada Koofur Galbeed waxaa daashaday dhibaatooyin ay ka mid yihiin colaad iyo abaaro soo noq noqday oo saameeyn ku yeeshay noloshooda. Waxaa muddo xiran jidka isku xira Baydhabo iyo Muqdisho oo halbowle u ah nolosha dadka deegaanka. Jidkaas wuxuu u xiranyahay maleeshiyada Al-Shabaab oo dadka ku dhibaateeya deegaannadaas. Shacabka reer KG waxay u arkaan Rooboow in uu yahay hoggaamiyaha kaliya ee awoodda u leh in uu jidkaas u furo, Al-Shabaabna ka adkaan karo maadaama uu si fiican u yaqaan. Waa taas midda ugu muhiimsan ee uu kasbaday taageeroo aad u weyn. Dadka reer Baydhabo waxay u arkaan xarigga loo gaystay Mukhtaar Rooboow in uu yahay gardarro iyo faro galin qaawan. Waxay ku doodayaan in raggii Rooboow la midka ahaa qaarkood xilal sare sare lagu abaal mariyay, waliba sirta qaranka lagu aamminay. Sida ay maanta ka dhawaajiyeen odayaal dhaqameed ku shiray Baydhabo oo eed gooniya ka tirsanayay Dawladda Federaalka. Maxaa ka dhalan kara ku lug yeelashada Itoobiyaanka ee xarigga Rooboow? Ciidanka Itoobiya ee soo xiray Rooboow waxay ka mid yihiin ciidamadda nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM oo arrinta loo wakiishay (Mandate) ay ka reebayso in ay fara galiyaan arrimaha siyaasadda. Qabashada Mukhtaar waxay shaki galinaysaa in AMISOM ay sidii loogu talo galay u fulinayso qaraarka nambarkiisu yahay 2372(2017) ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ka reebaya AMISOM fara galinta arrimaha siyaasadda . Waxay sidoo kale arrintaan waxay muujinaysaa in Ciidanka Itoobiyaanku aysan ka amar qaadan taliska guud ee AMISOM ,maadaama war saxaafadeed maanta ka soo baxay AMISOM u madaxa hawlgalka , Ambassador Fransisco Madeira, ku sheegay in aysan wax lug ah ku lahayn xiritaanka Rooboow iyo u wareejintiisa Muqdisho. Shacabka maxaa la guboon? Odayaasha, culimada, iyo wax garadka waxaa la gudboon in ay shacabka la hadlaan uguna baaqaan in ay is dajiyaan si aysan dhibaatadu usii baahin. Waa in ay kula taliyaan dadweynaha in ay joojiyaan dibad baxyada rabshadaha wata sida taayaradda jidadka lugu gubayo oo ay ka dhalan karaan cudurro halis ah iyo dhibaato deegaanka soo gaarta. Ma jirto cid u dhisaysa haddii dadku ay magaalada iyo jidadkeeda bur buriyaan. W/Q: Ahmednor Ugaas Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. Kal walba amin taan oo kale, odayaasha dhaqanka ee beelaha reer Puntland waxay soo saaraan lixdan iyo lix xildhibaan. Kuwaas oo la waydiisto inay ka soo dhex xulaan koox musharaxiina ninkii haggaamin lahaa Puntland shanta sano ee soo socota. In kasta oo labaatankii sano oo u dambaysay musharax walba oo guulaystaayi looga fadhiyey in nidaamka wax qaybsiga beelaha uu dadka meel uun ugaga dal-doorsho, haddana mid walba oo ka midihi dhamaadka xukunkiisa ayaa shacabku ka helayey fariinmo isku mida oo ku saabsan inaan xilligaan laga gudbi karin nidaamka beelaha. Sidaas daraadeed dib loogu noqon doono sanadkaana. Eedda ayaa inta badan dusha looga tuuro bulshada caalamka oo lagu eedeeyo in ay ka gaabiyeen door koodii. Tani maahan wax iska dhaca, ee waa mid ku talagal loo sameeyo. Maxaa yeeley waa qaabka ugu fudud ee ay aaminsan yihiin inay dib ugu soo noqon karaan. Iyaga oo haddana og in kuwii ka horeeyay aanay shaxdaani u shaqayn. DOORASHO DHALAN ROGAN In kasta oo doorashadii 2014kii ay ahayd doorashadii ugu horaysay ee si cad oo aan caad saarnayn cododka loogu kala gadanayey, haddana waxaad moodaa in taasi ay noqonayso wax aan mudnayn in la sheego. Kolka loo eego sida ay iminka wax u scdaan. Waa markii ugu horaysay, ee miisaanka doorashada Puntland aan saldhig looga dhigin qiyam iyo qaddiyad toona. Laakiin taas baddal keeda lacag lagu qotomiyey. Sidoo kalena waa markii ugu horaysay, ee hanti shisheeye ama sokeeye, ay dhici karto in lagu kala gato codka xildhibaanka. Dhanka kalana waa markii ugu horaysay, ee sicir barar xad-dhaaf ihi uu ku dhaco kursiga xildhibaanka codkiisa beecinaya. Siday doontaba ha ahaatee. Amaba qaabkii la doonaba wax ha loo baxshee, waxaa jira go’aan qaadasho cod-bixineed oo ay soomaalidu ku dhaqmaysey lixdankii sano ee la soo dhaafay. Taas oo ah ka xiisa dhaca ay ka xiiso dhacdo madaxda kolkaas xilka u haysa. Sabab aan illaa iminka, ogaalkey cidina aanay daraasad ku samayn. SOOMAALIDU LABA GOOR QOF MA DOORATO. Si la mida madaxwayne walba oo soomaaliya oo difaacanaya kursigiisa, ayaa madaxwayne Gaasna uu ku mashquulsan yahay xagsashada xilka uu hayo, isaga oo u maraya xirfad walba iyo xeelad walba. Taageera yaasha madaxwaynuhu waxa ay kuu sheegayaan inuu madaxwaynuhu haysto xajmi lacaga oo uu xildhibaano ku filan ku gadan karo iyo inuu ku guulaystey in badan oo saaxiibadiisa inuu ku soo daro golaha cusub. Sidoo kale waxay kuu sheegayaan jiritaanka balan qaadyo uu ka haysto beelo goboladooda ay mashaariic waa wayni ka socoto. Laakiin caqabadda ugu wayn ee madaxwayne Gaas hortaagan ayaa ah, taariikh aan gayiga soomaaliyeed horay uga dhicin. Aynna adagtahay inuu isagu iminka bilaabo. Waa yaabe! soomaalidu waligeed hoggaamiye labo goor ma dooran. Laga soo bilaabo 1956 oo ahayd markii ugu horaysey ee soomaalidu hoggaan siyaasadeed doorato (daakhiliyadii Cabdullaahi Ciise) illaa imminka hoggaanka soomaalidu waxa uu ahaa one term president. Ma jiro qof ay labo goor doorteen. Cabdulaahi Ciisi, Adan Cabdulle, Cabdirashiid, Cabdiqaasim, Cabdullahi Yusuf (oo laba goora puntland iyo fadaraal) Shariif Ahmed, Hassan Shekh, Cigaal, Rayaale, Cadde Muse, Faroole, Siilaanyo iyo Shariif Hassan. Intuba waxay ahaayeen haggaamo hal term ah. Raggaan waxaa ka mid ahaa kuwo ay soomaalidu qaddarin wayn u haysay, sida Adan Cabdulle. Kuwo lacag badan u isticmaalay xagsashada kursiga, sida Hassan Shekh iyo Shariif Ahmed. Iyo kuwo geed-adayg u dhashay, sida Cabdullaahi Yusuf. Dhammaan tood waxaa reebay dhaqan-soomaali aanay cidina si fudud uga tillaabsan karin. Oo ah inaysan soomaalidu ninna labo goor dooran. Marka laga reebo Madaxweyne Cabdiqaasin Salaad iyo Cadde Muse, hal wax oo aan ka baranay doorashooyinkii hore, ayaa ah. In madaxwaynaha kursiga difaacanayaa uu kaalinta koobaad ka galo cod bixinta wareegga hore iyo kan xiga. Laakiin hadba musharraxa isaga ku xigaayi uu noqdo madaxwaynaha la doorto. Kolka uu ka faa’iidaysto dhaqan-soomaaligii ka xiisa dhaca ee aynu horay u soo sheegnay. XARGO GEEL MA WADA XAJAAN In badan oo ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxwayna nimada Puntland ayaan orodku dhab ka ahayn. Kuwa badan oo kalana laguma aamini karo masiirka ummadda. Arigtidayda waxaa jira dhawr musharax oo ay dhici karto inay fursad ka helaan xarig- jiid kaan, haddii la helo xuldhibaano wuxuun xeerinaya. Waxaana ugu horeeya labadii wasiir ee hore ee wasaaradda waxbarashada oo runtii labaduba ah rag horay loo tijaabiyey. Shaqadii ay ka soo qabteen wasaaraddii ay isaga dambeeyaan na uu shacabku mahadiyey. Waxaa kale oo ay si mug leh labaduba u fahansan yihiin waxa ay Puntland u jirto, sharciyadda ay ku dhisantahay iyo cidda ay wax kala dhaxeeyaan. Wasiirkii hore ee maaliyadda, Farax Cali Shire ayaa isna leh saddex sano oo record wanaagsana, kuna saabsan maamulka maaliyadeeda. Gaar ahaan bixinta mushaaraadka. In kasta oo siyaasadda maaliyaddu ahayd qayb ka mida aragtidii madaxwaynihii xilligaas talada hayey, haddana qaabkii uu wasiirku u maamulay muddadaas magac ayay u tahay. Waxaa isna jira nin dhalin yaraa oo gadaal uga soo biiray baratanka, dad badanina ay la dhaceen. Waa Asad Cismaan Diyaano. Asad waxa uu ka yimid hay’adda ugu wax qabadka iyo disciplinka fiican ciidammada Puntlan. Dhismaha hay’addaaas na qayb wayn ayuu ka qaatay sida la iisheegay. Laakiin, marka laga tago yaraanta da’ diisa, Asad ma lahan waayo aragnimo siyaasadeed oo lagu maamulo dal noocan oo kalaa. Waxaase laga yaabaa waaya aragnimadiisa amni inay fursad siiso. Arin kale oo muhiima oo aan ka baranay labadii doorasho-fadaraal ee ugu dambaysey ayaa ah, in goolka koobaad ee xildhibaanka soomaaliyeed uu yahay dhaqaalo urursi. Kan labaadna uu yahay xulista ninka wanaagsan. Haddaba haddii raggaan, amase cid kale oo amaano, akhlaaq iyo waaya-ragnimo wax loogu dhiiban karo lihi, midkood ku guulaysto kaalinta labaad, xildhibaanka reer Puntland abaal wayn ayuu u galay dadka reer Puntland. Maxaa yeelay ku guulaysiga kaalinta labaad waxay soo dadajinayaa shaqaynta dhaqan-soomaaligii aan kor ku soo xusnay. GUNNAANAD Waxa ugu horreeye ee kuu soo baxaya marka aad doorashadaan barbar dhigto labadii doorasho ee ka horeeyey ayaa ah inay ka xamaas iyo xasarad yartahay. Marka laga reebo khilaafkii madaxda sare, oo ahaa arin uguba. Cabsida laga qabo in amaanku faraha ka baxo, ama ay doorashadu xasilooni daro siyaasadeed keento ayaa aad u yar. Arintaan fasiraado fara badan ayaa laga bixin karaa, laakiin aniga waxa ay iila muuqataa inay tahay jawi ka dhashay dhaqan-siyaasadeedka hoggaanka iminka jira. kaas oo aan ahayn nooca loo yaqaaan machiavellian oo ah madaxda wax maquunisa damaacigana ah. Si kastaba ha ahaatee, siddeeda January Puntland waxa ay yeelan doontaa hoggaan cusub. Su’aasha muhiimkaase waxaa weeye, soomaalidu ma dhaqan koodii hore ayay ku sii dhaganaan doonaan oo Gaas one term president ayuu noqon doonaa? Mise mooggaan lacagta madaxwaynaha wax difaacanaya ayaa taariikh cusub oo aysan horay u qorin dhigi doonta? Ogow, kolka aan ku leeyahay lacag, maahan wax ku kooban madaxwaynaha kolkaas xilka haya kaligiis. Musharaxiinta kaalinta labaadi laftigoodu meesha lacag ayay ku yimaadaan. Waxaase u hiilliya dhaqan-soomaaligii aynu soo xusnay ee labo goor wax ma dooradka ahaa. Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. (SLT-Hargaysa)Shacbiga Somaliland waxa marba marka ka danbeeya ku sii fidaaya baahida iyo sabool nimada, iyadoo ay hadda xaaladu gaadhay meel aanay xitaa gaadhin wakhtiyo Dadlku ka liitay, waxa abuurmay dabqado ummaduna isma ogoa iyadoo hal magaalo iyo hal waddan Lagu wada noolyahay. Gabadhan yari waxay xiligan oo dhaxan darani dhacayso hoos kududaa Biriishka Caasimadda Hargaysa. Madaxdii masuuliyada qaaday ma oga haday ogyihiina dan kama laha, markay wayday cid daryeesha ayay baahidu halkaas dhigtay. Muuqalkani waa dareen aanu xamili karin damiirka nooli, cawradaa gabbalku cidlada ugu dhacay ummad ahaan waynu ku halaag mudan-karra. Masuuliyadda hoggaamiyihii lahaa dermo diirran ayuu dhaalacyaynayaa, Eebboow tus xaqa. Dhaxantaa dhacays waa u hoy la’aan, hu’ la’aan iyo hunguri la’aan. Source
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa lagu doortay doorashadii Somaliland ka dhacday 13 Nov 2017, waxaana uu xilka madaxweyne la wareegay 13 Dec 2017 oo maanta laga joogo hal sano oo buuro ah. Mudo xileedka madaxweynuhu waa 5 sano x 12 bilood oo u dhiganta 60 bilood ama 1825 maalmood, hada waxa uu xilka hayaa 1 sano oo buuro ah. Waxa aan isleeyahay ama ay tahayba wax kow la yidhi in ay bariba dhamaanayso oo durba waxa u hadhsan 4 sano oo kaliya wax la taaban karo oo qabsoomeyna ma arko oo iima muuqdaan. Xaqiiqadu waxa ay tahay in aan wax sidaa u weyni isbadelayn marka aad aragto sida uu wakhtigu u ordayo iyo hawlaha socda ama waxyaabaha ay dawladu gacanta ku hayso wakhtiga la joogo. Hadiiba maanta la isku qiyaaso barnaamijkii siyaasadeed ee ay dadka u soo bandhigeen ee Laguba doortay iyo wakhtiga ka tagay mala odhan karaa wax baa u qabsoomay ilaa hadda ilama aha aniga in wax uga qabsoomeen laakiin waa suuragal in ay wadaan ilaa hadda sidii wax uuni uga qabsoomi lahaayeen. Ujeedadaydu waxa ay tahay hadii 10 qodob oo aan u arkey in ay muhiim inoo yihiin oo kaliya uu ku guuleysto mudadaa 5 sano ah wax weyn baaba u qabsoomay. 1- Doorashooyinka Somaliland oo uu ka dhigo qaar leh xili go’an oo ay dhacaan ( mandate ) la iskuna ururiyo wakhtigooda oo intii israaci kartaba mar lawada qabto si aynu uga badbaadno mudo kordhino dambe iyo murano wakhti doorasheed dambe. 2- Ka shaqeysiinta shuruucda dalka intii sameysan intii kalena uu dabada ka riixo sidii loo sameyn lahaa, shuruucda waxii wax ka badel iyo kaabid u baahana lagu sameeyo iyada oo laga dheeraanayo in dana siyaasiya looga faaiideysto, waayo shuruucdu waa waxa kala haga umada ee loo maro horumar sees adag leh, dhaqan galintooda iyo dabaqaadoodana la isku adkeeyo 100% in la hirgaliyo. 3- ku soo celinta gacanta dawlada waxyaabihii ay maamuulaysay iyo dardar galintooda, sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, Nalka adeegyadii kale ee ay dawladu qaban jirtey ee ay la wareegeen ganacsato iyo dad private ahi iyada oo aan dawladu awood iyo aqoon midna u waayin, waxa ayaan daro inagu ah in dalkeenu gacanta u galo inta lacagta haysata oo aynu dabaqado kala sareeya noqono, waa in ay dawladu awoodaa in ay iyadu maamusho ganacsatada oo xataa hadii ay ku soo adkadaan ay dalka keeni kartaa shidaal raashin dawooyin iyo waxkasta oo dadku u baahan yihiin oo weliba tayadooda la hubiyey. 4- Dhiirigalinta maalgashiga shisheeyaha iyo ka gudahaba shuruucdii fududeynaysayna la sameeyo waayo waxa aynu haysanaa dal dihin oo ku yaal bugcad istrategic ah oo loo wada baahan yahay, inaguna aynu uga faaiideyno da’yarteena shaqo abuurkaa halkaa ka sameysma oo ay shaqooyin ka helaan. 5- In madaxweynuhu mudada uu joogo inaga hagaajiyo tirada iyo tayada hay’adaha dawlada oo weliba sharciyad adag na loo wada sameeyo sida ay isku qaadan karaana aad looga fikiro, si aynu uga raysano xukumad marna la fidiyo marna la koobo, madaxweyne kasta oo yimaadaana uu intaas uun soo buuxiyo marka uu kursiga fadhiisto. 6- In uu ku dedaalo daryeelka iyo tayeynta shaqaalaha iyo ciidamada oo la sii horumariyo manfac iyo maamuusna la gaadhsiiyo meesha ugu sareysa si haybadii shaqada qaranku usoo noqoto, shaqo la qabtona ta dawladu ugu qiimo badato. 7- in uu xooga saaro ka shaqeysiinta Baanka dhexe ee Somaliland iyo wasaarada ganacsiga dalka, Si uu baanku ula wareego awooda maamul ee sarifka iyo lacagta oo uu isagu maamulo dhaqdhaqaaqa suuqa, hadii lagu guuleysto waxa laga soo kaban karaa qiimo dhaca shilinka Somaliland oo maanta 6 noodh oo ka mid ahi qiimo beeleen, waxaana xal loo heli doonaa in dalkeenu noqdo mid ay badeecadihiisa ganacsi fadhiyaan sida dalalka aduunka, muhiimada ugu weynina waa in dalkeenu noqdo mid lacagteena oo kaliya wax lagu kala iibsado lacagaha kale oo dhan uu qofku sarifto marka uu rabo in uu isticmaalo, sarifleyaal ruqsad ka heysta baanka dhexe iyo baanka laftiisa ayuun baa sarifi lahaa lacagaha qalaad. Furista iyo casriyeynta noocyada baananka dawladu leedahay si wax loo dhigto oo loo aamino, dawladuna culeys ku saarto Hay’adaha iyo kuwa qaadhaanada Ina siiyaa in ay isticmaalaan oo lacagaha ku soo shubtaan baanka Somaliland. 8- In la daadejiyo maamulka iyo adeegyada dawlada oo ay qofwalba halkiisa ku gaadhaan si uu inooga yaraado waxan loo yaqaan magaalo ku soo ururka ( Urbanisation ) oo inaga wiiqaya ama baabiinaya waxyaabihii ay nolosheenu ku tiirsaneyd sida Xoolihii iyo Beerihii oo kale. 9- in uu qorshe cad oo 5 sanadood le ah loo sameeyo siyaasadeena Arimaha dibeda iyo ictiraaf raadinta ee heehaabaysa oo aynu yeelato yool iyo hiigsiga mudadaa aynu sameysanay la rabo in la gaadho oo dhaqaaleheegana loo qorsheeyo, si madaxda dambe ee timaadaa ay u helaan meel ay wax ka sii amba qaadaan, waa lagu kala duwanaan karaa dariiqyada loo marayo aqoonsiga laakiin qorshaha guud ee qaranku waa mid oo waa in dalku helo aqoonsi caalamiya. 10- In uu madaxweynuhu xooga saaro sidii uu awood ugu yeeli lahaa hay’adaha ilaalinta hantida umada iyo waxii xidhiidh la leh xisaabtanka iyo maamul wanaaga si ay u soo noqoto is aaminka dawlada iyo dadku ama ay usii xoogeysataba. Waxaana aan weliba kula talin lahaa madaxweynaha in uu 6bilood ba mar xukuumadiisa iyo qorsheyaasheeda xisaabiyo oo uu Shanta sano 10 kulan xisaabtan iyo isku daba joog shaqo qaran ayey noqonayaane sameysto si uu hore ugu socdo dalku, marwalbana isku qiyaaso halka uu taagan yahay. Taladii aan qoray bishii May ee sanadkan dhamaanaya ayey ahayd, hadii uu intaas oo kaliya ku mitido wax weyn baa inoo qabsoomay. Aragtidii iyo Ra’yigii Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Source
  21. Nidaamka ay Somaliland ku dhaqantaa,Ma Dimuqoraadiyad-baa mise waa Boqortooyo?,iyadoo ay mudadii Golahan Baarlamaanku fadhiyeen Somaliya oo aysan Xasilooni ka jirin ay is-bedeleen Afar Gole Baarlamaan. Aad iyo aad ayey u kala duwan tahay,Somaliland waxay ku faanto oo ah, inay dimuqoraadiyadi ka jirto iyo hab dhaqanka rasmiga ah,ee Somaliland ku dhaqanto oo dibadda ka ah,dimuqoraadiyada.tusaale-na waxa kugu filan baarlamaanka Somaliland ee hadda fadhiya,ee la doortay 28/09/2005-tii.ayaa hadda waxa loo sameynayaa mudo kordhintii 5-aad caalamka oo dhan iyo dhulka ay dawladuhu ka jiraan,haddii aynu eegno,dawladaasi ha ahaato mid aqoonsi haysata amma ha ahaato mid aan la aqoonsaneyn e’ lama helayo oo ma dhici karto in la arko,gole baarlamaan oo markii uu mudo xileedkisii dhameystay shan jeer (5)mudo kordhin loo sameeyo,doorashooyinku waa xuquuq aasaasi ah,caalamka oo dhan-oo qof kasta oo muwaadin ahi uu xaq u leeyahay,in la doorto ama uu cid kale doorto. Haddaba,masuuliyadda doorashadda waxa masuul ka ah,hadba Madaxweynaha xilka haya,marka la eego nidaamka (system)-ka ay ku dhaqmaan dalalka ay dimuqoraadiyadu ka jirto,wax kale iska daaye,xataa doorashooyinka marka wakhtigoodda la gaadho,ma joojiyaan ama hakiyaan hadii uu wadankaasi uu dagaal ku jiro,iyadoo la ilaalinayo xuquuqda dastuuriga ah,ee muwaadiniinta,tusaale ahaan 1964-kii waxa uu dagaal ba’ani xadka tog-wajaale ku dhex-marayey dawladii boqortooyadii guunka ahayd ee Itoobiya ee uu boqorka ka ahaa Boqor Xayle Salaase iyo Jamhuuriyaddii Somaliya ee xilligaasi ee uu Madaxweynaha ka ahaa Adan Cabdulle Cusmaan (Adan Cadde),Ra’iisal Wasaarahana uu ka ahaa C/rashiid Cali Sharma’arke,isla xilligaasi ay labada dawladood ku dagaalamayeen,xadka Tog-wajaale waxay ku beegneyd xilligii ay qabsoomi lahayd doorashadii baarlamaankii Somaliya ee 1964-kii waxana dhacday isla xilligaasi C/rashiid Cali Sharma’arke oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii Jamhuuriyadii Somaliya ay waraysi ka qaadey Laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du,su’aalihii uu weriyuhu weydiiyey Ra’iisal Wasaarahana waxa ugu muhiimsaneynd. Waxaad tihiin dawlad curdin ah,waxaana dagaal ba’ani uu xadka Tog-wajaale idinku dhex-marayaa Boqortooyo guun ah,waxana taagan xilligii doorashadda baarlamaankiina Somaliya,markaa sidee ayeydun doorasho baarlamaan u qaban kartaan dagaalka baaxadaa leh,waxaanu Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaliya C/rashiid Cali Sharma’arke uu weriyihii siiyey Jawaab kooban oo ahayd,“Dagaalku naga joojin maayo doorashadda baarlamaanka,oo waa xuquuq uu dastuurku u damaanad qaaday muwaadiniinta Soomaaliyeed,labbadda gacmood ee uu ilahay na siiyey midigta qoriga ayaanu ku ridaynaa oo waanu ku dagaalamaynaa annagoo dalkayaga difaacana,bidixdana waanu ku codeynanaa oo warqada codbixinta ayaanu ku ridayna sanduuqa cod-bixinta”. Akhriste waxa hore loo yidhi nin wuu dhintaa,eraygii –se ma dhinto, jawaabta uu C/rashiid Cali Sharma’arke bixiyey 1964-kii waxay ahayd tii u fududeysay ama u sahashay in uu doorashadii Madaxweyne-nimo kaga adkaado ama kaga guulaysto Madaxweynihii xilka hayey ee Allaha u naxariistee Adan Cabdulle Cusmaan(Aden Cadde) 05/07/1967-kii,iyadoo uu qodobka kaliya ee ay xildhibaanadii baarlamaankii Somaliya ay ku doorteen Allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharma’arke uu ahaa in uu ilaalinayo dastuurka iyo xuquuqda ay muwaadiniintu ay xaqqa u leeyihiin in ay wax dooran karaan lana dooran karo. Akhriste waxa laga yaaba inaad is-weydiiso waa kuwee afarta (4)gole baarlamaan ee Somaliya iska bedelay mudadii ay golahan baarlamaanka ee ay Somaliland fadhiyeen,taa jawaabteedu way fududahay,waxayna kala ahaayeen. 1: Baarlaamankii soo doortay Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed ee uu gudoomiyaha u ahaa Shariif Xasan Sheek Adan,mudo xileedkiisuna uu ku eeka dabayaaqadii October 2008-dii. 2: Baarlamaankii soo doortay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee uu gudoomiyaha u ahaa Sheekh Aadan Madoobe. 3: Baarlamaankii soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee uu gudoomiyaha u ahaa Maxamed Cusmaan (Jawaari) 4: Baarlamaanka Soo doortay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi (Farmaajo) ee hadda jooga,ee uu gudoomiyaha u yahay Maxamed Mursal. Haddaba,akhriste ogoow mudo kordhinta hadda loo wado baarlamaanka Somaliland oo ah mudo kordhintii shanaad(5-aad),in waxaasi oo mudo kordhin ahi ay dhaceen mudadii uu xisbiga KULMIYE taladda hayey,marka uu xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisu ay ka hadlayaan arrimaha doorashadda baarlamaanka-na waxay umadda u sheegaan hadal lagu macneyn karo run ha sheegin,been ha sheegin,waxaad sheegtana ha waayin. Qallinklii:C/risaaq Suudi Nuur Tel:063-4425243 Email:suudi786@gmail.com Hargeysa/Somaliland Source
  22. Waxqabadkii xukuumada sanadku udhamaaday ee laga baahiyey warbaahinta ayaa ahaa Geed Sare waab ku koobnaa dhinacyada Hurumarinta beeraha, la dagaalanka musuq maasuqa , wax soo saarka kheyraadka dalka, koboca Kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeega bulshada ku waas oo qirey in waxqabad muhiima la gaadhay mudadaa kooban ee sanadka ah. Hadaba waxaa xaqiiqo ah in Xukuumadu MBA ay raacday dhabadii lagu yaqaanay Kulmiyihii hore waxaana ay wada burisay dhamaan balan qaadayadii buugeeda cagaaran ku qornaa. Waxaa weli ummadda u sii muuqda qaloocii iyo qarsoodigii dalka lagu boobay. waxaa sii muuqda hadhkii iyo humaagii galay dawladnimada Somaalilaan.Waxaa muuqda cadaalad daradii, sadbursigii iyo ceebihii dhacay kuwaas loo hayo markhaatiyaal iyo maragyo. badan. 1- Siyaasadda Arimaha debeda ee Somaliland waxay noqotay mid heehaabaysa oo aan laheyn istiraajiyad cad oo ay raacdo. Xukuumadu dalka ugamay faa’ideyn bogcada wacan ee Somalilaan aduunka ay kaga taalo iyo istiraajiyada ay leedahay Marsada Berbera oo dhacda marinka Aduunka ugu muhiimsan ee ganacsiga aduunka badankiisu uu maro, marinkaas oo uu maro shidaalka aduunka ugu badani ayaa loolan Siyaasadeed dawladaha waaweyni isku hirdiyayeen waayadan danbe. Siyaasadda Arimaha Debeda ee Somaliland waxay ku hafatay isbedeka cusub ee ka curtay dalka itoobiya.Taasna waxaa cadeyn u ah Dawlada imaaraatiga iyo itoobiya oo yeeshay sheerka ugu badan ee Dekeda Berbera 70%, iyaga oo marinka cadmeed iyo Dekeda Berbera ka leh dano cad cad oo ujeedooyin fog fog leh, halka Somalilaan ay aragtideedii iyo odoroskeediiba ku soo ururisay balan qaad mashaariic been noqday iyo xaqul qalin yar oo faro guudkood ah. Maanta Dekedii Berberi magac ahaan mooye manfac Somalilaan kuma qabto waxaana ay noqotay Aabaha sicir bararka inoo keena maadaama lacagta ka soo xaroota toos dalka looga saaro. waxaana xukuumadu ku fashilantaya in ay ummadda u sheegto waqtiga la bilaabi doono dhismaha dekeda cusub ee 2 sanadood la sugaayey. 2-Waxaa Xukuumadu ku fashilantay in ay Doorashada waqtigeeda ku qabato oo shacabka Somalilaan awoodoodii ay wax ku dooran lahaayeen loo soo celiyo. Waxaa fadeexad qaawan ah in maanta sadexda Gole ee Somalilaan ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan. masuuliyadaana waxaa leh xukuumada talada haysa. 3- Waxay xukuumadu ku fashilantay siyaasadii waxabarashada ee dalka oo dhan ka soo bilow ta hoose ilaa ta sare oo aad u tayo beeshay, taa soo hada shahaadadaha Jamacadaha Somalilaan ay iska noqdeen waraaqo kalareysan oo aan aduunka laga ictiraafsaneyn. Xukuumadu ma sameyn axdi cad oo ku qotoma tayenta waxbarashada dalka oo dhan. 4- Waxaa Xukmuumadu ka gaabisay in waxsoo saarka Kaluunka kor u soo qaado maadaama Somalilaan leedahay xeeb dhererkeedu yahay 850 km oo u dhiganta 75km2. Waxay Xukuumadu ka gaabisay in ay Sameyso siyaasad cad oo lagu soo saaro kheyraadka dabiiciga ah ee dalka dhex jiifa. 5- Maxay Xukuumadu ka gaabisay Sicir bararkii iyo qiimo dhacii shilinka Somaalilaan oo meel xun sii maraaya. Waxay aheyd in xukuumadu cabirto xawaaraha uu ku socdo sicir bararku kadina hakiso. Waxay aheyd in ay u sameyso Hayad u gaar ah sicir bararka inta Central Banku awoodiisa oo buuxda uu la soo noqonaayo. Waxay aheyd in xukuumadu dhinto cashuurta Raashinka iyo dhamaan cuntada la quuto halka ay kor u sii kicisay maadaama ilaa iyo hada lacagta doolarka ah ee dalka ka baxaysaa ay ka badan tahay lacagata doolarka ee dalka soo gelaysa sicir bararku waa ” ina daanweyne “xukuumaduna waa gudiyo badan aan waxba soo kordhineyn”. 6- Hirgelinta hanaanka Shaqo abuurka dhalinyarada. Dawladnimdu waa shaqo abuur- hadii qofka madaxda ahi uu waxba soo kordhin waayo oo shaqo abuuri waayo wuxuu la mid noqonayaa uun gafane isagu is naaxiya. Xukuumadu waxay abuurto iska daayoo – 3 -dii bilood ee ugu horeysay waxay shaqooyinkii ka caydhisay 230 shaqaale ah ku waas oo ka howlgeli jiray madaarka Hargeisa iyo Madaxtooyada. Alleylehe waxay buuxisay boosaskii banaanaaday markii la tiro koobay shaqaalaha JSL oo dhan oo noqday 14 kun oo shaqaale rasmi ah iyo 2476 shaqaale cagleyaal iyo kuwo dhintay isugu jira oo musharkooda loo qaadi jiray oo payrolka hore ugu jiray. shaqaalahan ayey xukuumadu gobolada dalka konton konton ugu qaybisay oo ay leedahay shaqaale cusub ayaanu qornay. Mashruuca shaqo qaran ee ay gobolada ka bilowday ayey isna ku bilaabaysaa 1500 arday oo keliya oo u dhiganta ardeyda ka qalin jibisa hal jaamacad badhkood halka ay dalka ka jiraan 32 Jaamacadood oo ay sanad kasta ka soo qalin jebiyaan in kabadan 10 kun oo arday. Waxaa ummaddu wada ogtahay in weli naasihii irmaanaa ee qarankani lahaa ee ardeyda loo lisi lahaa ay weli sife bilaa sharci ah umaalaan jileyaashii qarsoonaa ee ku faai’day hantiddii qaranku wada lahaa. 7- La dagaalanka musuq maasuqa iyo maal urursiga . Waxaa shacabku is weydiinayaa weli horta musuq maasuqa xagee lagula dagaalamaa ? Yaase la dagaalama? Welise dawlada MBA cid mow soo xidhay ? si xukuumada loo aamino, waxay aheyd in ay ummadda u soo bandhigto shaqsiyaadkii leexsaday ee ku tagri falay $100 Million doolar ee lagu lunsaday mashruucii biyo balaadhinta ee Xubno weyne ee lagu hungoobay. Ilaa hada Xukuumada cusubi lamay iman Siyaasad Maaliyadeed oo lagu xakameeyo Musuq-maasuqa xadhkaha goostay taas oo la rabay in ay fulinteedu ka timaado dowlada dhexe ilaa dawladaha hoose. Shacabka reer Somalilaan waxay isha ku hayaan marka laga reebo lacagaha ay bixiyeen DPW iyo dawlada imaaraatigu bal sida ay u maareyso Xukuumadu lacagahan mudadii sanadka aheyd soo gaadhay sida: $25 Million dollar ingiriisku bixiyey, $ 10 million dollar dawlada Canada bixisay, $14 Million dollar Baanka Aduunku bixiyey, $ 22 Million Dawladu Germay biyo gelinta ku bixisay, $10 million dollar ee GIZ-( Germany ) ay bixisay iyo $3 Million dollar ee duufaanadii dalka ka dhacay lagu caawiyey iyo lacagha fadhiisinka ah ee weli ku jira Sanduuqa Horumarinta Somalilaan. 8 – Dib u soo celinta dhamaan Kaabeyaashii Dhaqaalaha ee dalka si looga rumeeyo korodhka iyo kobcinta dhaqaalaha wadanka. Weli “Faanoole fari kama qodna ” Kaabeyaashii yaraa ee ay xukuumadu dhawaan soo celisay waxaa loo qaatay” qowda maqashii waxana how qaban” maadama ay ku dhiiran wayday xukuumadu in ay soo celiso dhamaan kaabeyaashii dhaqaalaha, waxaana ay ka gaabisay xukuumadu inay dib uhabeyn buuxda ku sameyso ama gacanta dawlada ku soo wada celiso dhamaan ilihii dhaqaalaha iyo kaabeyaashii dhaqaalaha ee qaranka laga boobay. dhamaan ilihii dhaqaalaha ee dalka wax ka tari lahaa xaga korodhka dhaqaalaha dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada ayaan ilaa hada la garaneyn habkii loo bixiyey iyo xeerarkii lagu bixiyey,cashuur dawlada inta uga soo xaroota iyo inta u hadhay mudooyinka shirkadahaa kootada loogu xidhay qandaraasyadoodaa aan sharciga lagu jideyn. 7- Taabo gelinta Maamul- wanaaga iyo maareynta hawlaha qaranka. “Good Governance” Weli salka looma dhigin siyaasad cad oo laga sal gaadhaayo. Tisqaadkii maamul wanaaga iyo maareynta qaranka oo weli hagaas ah, maadaama aanu jirin hab ama nidaam dhameystiran oo ka kooban unugyo habaysan oo maareeya, cabira,odorosa, aloosa, xukuma,ilaaliya, oo xadeeya hawl-maalmeedka qaranka, habkaas oo dhex u noqon lahaa dhamaan hayadaha kala duwan wada shaqeyntooda oo ku saleysan isla xisaabtan, daahfurnaan,isxisaabin iyo xalibnaan joogto ah. Hadii aan la sameyn habkan casriga ah ee wada shaqeyneed iyo nidaam maamul oo maaliyadeed oo hufan waxaa adkaanaysa in ay wada shaqeeyaan oo isla jaan qaadaan Qorshe Howleedyadii Higsiga Qaranka National Development Plan 2- ( 2017-2021 ) iyo Mashaariicda Dawladaha Hoose ee maamul daadeginta GPLG ( Joint programme ) oo iyaguna marin habaabay oo hagaasay. Waxaan ku soo garoocayaa qormadan : Gobanimo dadka mudan Galadana Allaa iska leh, Shacabow tiraa ka gedmane wax isu geygeyso !! Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London inafidhinle@gmail.com Source
  23. (SLT-Hargaysa)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa u dhaw in Bari oo Axad ah fadhi la iskugu keeno kadib ergo siyaasiyiin u badan oo mudooyinkii u dambeeyay dhex dhexaaadin ka waday. Kulankii ay ku kala aragti duwanaadeen ee ay isku afgaran waayeen Sii joogitaanka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa ugu dambeeyay isku imaatin iyo Kulan ay iskugu yimaadaan, iyagoo Xisbiyadda Mucaaridku iyagu taagnaa, ama ku dhegsanaa laba Qodob oo kala ahaa in Xubnahan Komishanka ah ee hadda jooga lakala diro oo kuwo Cusub lasoo magacaabo iyo in laba Xubnood loogu kordhiyo Xisbiyadda Mucaaridka arintaasi oo uu ganafka ku dhuftay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbigiisa Kulmiye, taasi oo aakhirkiina keentay inay Xiitaa isku seegaan Saaxiibkii Faysal Cali Waraabe oo xidhiidh dhaw ay lahaayeen Madaxweyne Muuse Biixi oo ay imika ka hor arimo badan oo Siyaasadeed isku aragti ka ahaayeen ama isku waafaqsanaayeen, balse uu khilaafkaasi kala irdheeyay. Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay in Ergooyin mudooyinkii u dambeeyay u kala dabqaaday Madaxtooyadda Somaliland iyo Gudoomiyayaasha Xisbiyadda Mucaaridka ah ee WADDANI Iyo UCID oo isku soo jiidayay ay soo gababawday islamarkaana la filayo inay Maalinta Barito ah oo Axad ah ay kulan iskugu keenaan islamarkaana ay isasoo horfadhiisinayaan Madaxweyne Muuse Biixi, Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Labdaasi Gudoomiye ee kale, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. Majiro war rasmi ah ama warmurtiyeed arintani ka hadlaya oo kasoo baxay Dhinacyadan oo warkaasi Xaqiijinaya balse Siyaasiyiin u dhuun daloola arintaasi ayaa Wargeyska Foore u sheegay inay arintaasi u dhawdahay inay soo gabo gabawdo ama soo afmeeranto oo Maalinta bari ah la isku soo horfadhiisin doono, haddii aanay dhicin arimo kale oo baajiyaa ama dib udhigaa. Ergooyinka Hawshan dhex dhexaadinta ah wada ayaa sida lanoo xaqiijiyay waxa ay ubadan yihiin Masuuliyiin Madaxweyne ku xigeeno kasoo noqday Dalka Somaliland oo uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee Somaliland Muj Xasan Ciise Jaamac, Madaxweyne Ku xigeenkii labaad ee Somaliland Cabdiraxmaan Awcali Faarax, iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii Xukuumaddii UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Sidoo kale Siyaasiyiin kale. Khilaafkan u dhexeeya Xisbiyadda Mucaaridka iyo Madaxtooyadda Somaliland ayaa loo aanaynayaa inay sabab u tahay dib udhaca doorashooyinka mar kale ku yimid waxaanay hadda u muuqataa inay ergooyinkani ku dhiirigalinayaan inay dhinacyada is-hayaa tanaasul siyaasadeed la yimaadaan si uu dalku ugu diyaar garoobo Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka iyo ta Golaha Wakiiladda oo dhawr jeer dib ugu dhacday, lana wada mudeeyo wakhti ku haboon oo ay ku qabsoonto doorashadu. Lama garanayo halka ay sal dhigan doonto aragtiyihii Siyaasadeed ee hore la iskugu khilaafay iyo halka uu ka iman doono Tanaasulku, in Madaxtooyaddu tanaasusho oo Xubnaha Komishanka lakala diro ama laba xubnood lagu daro iyo in Mucaaridku tanaasulo oo sidaasi doorashada lagu kalo, oo ay wada mudeeyaan wakhti doorashadan ina sugaysaa ku qabsoonto. Source