Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,806
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa wax laga xumaada ku tilmaamay go,aankii dowladda Soomaaliya ay shaqadii uga joojisay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom . [...] Source
  2. The interim speaker of the Puntland regional parliament, Hussein Yassin Haji Diriye has named a new committee to spearhead the election the of the speaker of Puntland regional parliament on Wednesday. The seven-member committee selected from the new lawmakers of the regional assembly will coordinate the election process of the new speaker and his deputies on Thursday. Hon. Ismail Abdi Abtile will chair the coordination committee assisted by the interim secretary general and his deputy. The members will also elect the presidential electoral committee who will preside over the upcoming presidential election slated for next Tuesday. Over 20 candidates have declared their interest to run for Puntland state presidency. Security of election hall and its environs has been stepped up as more soldiers were deployed in Garowe town and the entry points to thwart security threats during this electioneering period. The post Puntland parliament elects committee for speaker’s election appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Gudoomiyaha KMG ee Golaha Wakiillada Xuseen Yaasiin Xaaji ayaa magacabay Guddiga ka shaqeyn laha Doorashada Gudoomiyaha Golahaasi. Sidoo kale waxuu Goluhu ansixiyey Habraaca ay ku shaqeyn lahaayeen Gudiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo loo qorsheyey in ay dhacdo 4/1/2019 oo ku beegan maalinka Jimcaha. Hoos ka akhriso: punt Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Xoghayaha Guud e Qaramada Midoobay Antonio Guatres waxa ay maalintii shalay ahayd u dirtay qoraal ay ku caddeyneyso in waxyaabaha ay ku eedeyneyso ergaygiisa ka hor inta aysan soo saarin qoraalka ergeyga lagu eryay. Caasimada Online ayaa heshay nuxurka qoraalka dowladda Soomaaiya ay u dirtay Qaramada Midoobay, waxaana muuqata in waxyaabaha lagu haysto Haysom ay ka weyn yihiin warqaddiiuu soo saaray 30-kii December ee uu wasaaradda amniga kaga dalbaday sharaxaadda wixii Baydhaba ka dhacay kadib xarigii Roobow. Nuxurka qoraalka ayaa waxaa ugu waa weynaa: Carqaldeynta xiriirka wanaagsan ee Hay’adaha QM iyo dowladda Soomaaliya: Qoraalku waxa uu Haysom ku eeddeeyay in uu gebi ahaanba joojiyay xiriirka dowladda Soomaaliya, isla markaana jaray in laga wada hadlo waxyaabaha labada dhinac ka dhaxeeyay, isaga oo doorbiday inuu hay’adaha dowladda xiriirka u marsiiyo warbaahinta, taas oo dowladda Soomaaliya ay u aragtay inuu ergaygu baal maray wadiiqooyinka diblumaasadeed ee xiirka caalamiga ah. U gefidda madax-bannaanida iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed: Hadallo uu Ergaygu ka jeediyay Beydhabo iyo Kismaayo oo uu ku sheegay in “Soomaaliya aysan ahayn Muqdisho, Muqdishana aysan Soomaaliya ahayn” ayay dowladdu u aragtay inuu ku xadgudbay madaxbannaanida Soomaaliya. Kala irdheynta ummadda Soomaaliyeed: Ergayga ayaa lagu eedeeyay in uu kulamo aan rasmi ahayn oo qarsoodi ah uu la yeelanayay shaqsiyaad aan la magacaabin isaga oo kala hadlyay arrimo ka dhan ah midnimada dalka. Caasimadda Online ayaa fahansan in shaqsiyaadkiisa ay kasoo jeedaan Somaliland. Khalkhalgelinta xasillooda dalka: Dowaldda Soomaaliya ayaa qodobka “Taageeridda Argagixiso u aqoonsan” kulanka uu ergaygu la yeeshay Mukhtaar Rooboow iyo taageerada uu u muujiyay musharraxnimadiisa, maadaama ay dowladdu Rooboow u oqoonsan tahay inuusan wali ka tanaasulin fikirkii xagjirka ah. Baalmaridda shuruucda caalamiga ah: Ergayga oo ku xusub xafiiska ayaa waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa kamid ah in uusan raacin habraaca hay’adaha QM ee soo jireenka ah. Iska horkeenidda beesh caalamka iyo Soomaaliya: Safiirka waxaa lagu eedeeyay in uu xerada Xalane ka dhex billaabay ole ole dowladda Federaalka ka dhan ah, taas oo wiiqi karta xiriirka dowladda iyo deeq bixiyeyaasha oo ay dhaqaale ahaan dowladdu ku tiirsan tahay. Kala fogeynta dowladda Federaalka iyo dwolad goboleedyada: Dowlad goboleedyada oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo dowladda Federaalka ayuu ergaygu isku dayay inuu xriir la sameeyo, sida qoraalka lagu yiri, sidaas darteed dowladdu waxa ay u aragtay inuu halis ku yahay madaxbannaanida Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageyso:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-020119.mp3 The post Dhageyso Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  6. United Nations Secretary-General António Guterres strongly condemned Tuesday’s attacks against the UN compound in Mogadishu, the capital of Somalia, saying that intentionally attacking UN personnel may constitute “a violation of international humanitarian law.” Seven mortars landed inside the compound, injuring two UN staff members and one contractor. None of the injuries is life-threatening. Mr. Guterres wished the injured a speedy recovery and urged the Somali authorities to “investigate the attacks and swiftly bring those responsible to justice.” The Secretary-General reaffirmed that “such acts will not diminish the strong resolve of the United Nations to continue supporting the people and Government of Somalia in their efforts to build peace and stability in the country.” Meanwhile, Nicholas Haysom, his Special Representative in the country and head of the Assistance Mission UNSOM, condemned the attack “in the strongest possible terms.” Al-Shabaab has reportedly claimed responsibility for the attack. Deploring the “unwarranted act of aggression against our personnel,” Mr. Haysom stressed that “no political agenda can be served through violence that deliberately targets staff members of international organizations who are supporting the consolidation of peace and the strengthening of governing institutions in Somalia.” Hours later, news media reported that the Somali Government declared Mr. Haysom persona non-grata and asked him to leave the country, saying that he violated international diplomatic norms by interfering in the State’s national sovereignty. The unfolding news reports detailed that on Monday, the UN diplomat wrote the Somali government a letter asking it, among other things, to explain the legal basis for arresting Mukhtar Robow, the former al-Shabab deputy leader who was the main challenger in the South West State elections for the regional presidency. The post UN chief condemns mortar attack on its compound in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Kadib markii xalay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka dhigtay ergeyga gaarka ee xogheyaha qaramada midoobey Nicholas Haysom “Persona non grata, codsateyna inuu dalka ka baxo, waxaa ay ku sababeysay inuu ku-xad-gudbay madaxbanaanida Soomaaliya, Haddaba, waxaa timid su’aal ah; Haysom maku tuntay qarannimada Soomaaliya mise waxaa uu qabsaday shaqadiisa? Sida ku qoran Mandate-ka UNSOM ay ku joogto Soomaaliya, xafiiskan waxaa uu Soomaaliya ka taageerayaa arrimaha ilaalinta sharciga, dib u habeynta laamaha amniga, dowlad wanaagga, la dagaalanka musuqa, dhismaha dowlad goboleedyada, dastuurka, doorashooyinka, haweenka , xuquuqul insaanka, arrimaha banii’aadnimada iyo qaar kale. Qaramada midoobey marka xafiiskan laga soo tago, waxaa ay qaabab kala duwan u taageertaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa ay ka mid tahay hey’adaha ay ka go’do talada Soomaaliya, mana aha markii ugu horeysay oo ay ka hadlaan siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha gudaha Soomaaliya. Haddaba, Waxaa Halkan Ku soo Koobeynsaa Sida Ay Beesha Caalamka u Taageerto Soomaaliya? Amniga: AMISOM waxaa ay dalka ku joogtaa ogolaashiyo ay siisay qaramada midoobey, UN-ka waxaa ay bixiyaan mushaarka 21,000 oo ciidamo AIMISOM ah, waana lacag ka badan 17 Milyan oo dollar bishii, waxaa intaas dheer lacag malaayiin doolar ah oo ku baxda dayactirka gaadiidka, hubka, diyaaradaha iyo agabka ay isticmaalaan ciidamada AIMISOM. Isla arrimaha ammaanka, waxaa ay beesha caalamka tababaraan ciidanka SNA, waxaa ay taageeraan ciidamada iyo booliiska dowlad goboleedyada, waa barnaamij loo yaqaano joint patrol program iyo ka caawinta dowladda ee counter-terrorism. Dhaqaalaha: Misaaniyadda sanadkan 2019-ka, beesha caalamka waxaa la sugayaa inay bixiyaan $150,216,501, oo isugu jira deeqo labo dhinacle ah oo $30 Milyan ah iyo $120 Milyan oo deeqo dhinacyo badan ah. Banii’aadnimada: Howlaha banii’aadnimada ee ay beesha caalamka u taageeraan hey’adaha caawiya dadka dhibaateysan waa arrin kale oo muhiim, qiyaas ahaan 5 Bilyan ayaa ku baxdo taageerada arrimaha banii’aadnimada, taas oo aan jirin 5 sano ka hor. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. At least seven terrorists have been shot dead by the Kenya Defence Forces (KDF) during a military operation sanctioned by the African Union Mission in Somalia (AMISOM). Several other suspected al-Shabaab militants were wounded in the deadly fire exchange and nine AK 47 rifles, grenades, rocket-propelled grenade launchers and other war paraphernalia seized. A statement sent to newsrooms from the Ministry of Defense indicated the Kenyan soldiers operating under AMISOM faced off with the militants along the Tabda-Delahola supply route. “Today at around 11 a.m., KDF soldiers operating under AMISOM engaged Al-Shabaab militants at a location along Tabda–Delahola supply route. In the ensuing gunfight, seven (7) Al-Shabaab terrorists were killed and an unknown number escaped with injuries,” the statement said. According to the KDF Spokesman PM Njuguna, two soldiers sustained minor injuries during the Wednesday morning shoot-out. Njuguna assured Kenyans the KDF soldiers will nevertheless remain vigilant and will continue to relentlessly pursue terrorists, to ensure peace and security of Kenya. He added the Kenyan soldiers will also continue to support AMISOM operations to stabilise Somalia. The terror group al-Shabaab has in the past few years made several attempts to infiltrate Kenya through the porous border between the country and Somalia. The militia group has previously launched several attacks in Kenya mostly in the North Eastern and Coast regions. The militants still control remote areas in southern and southwest areas of Somalia. AMISOM forces with the help of the Somali national army and US forces have been conducting joint military operations to eliminate the terror groups from the areas. The post Kenya says its troops in Somalia killed seven Al Shabab members appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Somalia’s government has ordered the UN top envoy to the troubled country to leave, accusing him of “deliberately interfering with the country’s sovereignty.” The order comes days after the official, Nicholas Haysom, raised concerns at the action of Somalia’s UN-backed security services in recent violence that left several people dead. “The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, Nicholas Haysom, is no longer welcome in Somalia and cannot operate in the country,” the foreign ministry said in a statement late Tuesday. There was no immediate reaction from the UN mission in Somalia. Somalia’s security forces used force to put down three days of demonstrations in the south-western town of Baidoa on 13-15 December, with at least 15 people killed and 300 people arrested, according to the UN. Protesters were angry at the arrest of Mukhtar Robow, a former Islamist leader who was vying for the post of regional presidency. Robow, who defected from the jihadist Al-Shabaab movement in 2017, was detained by the government accused of seeking to “undermine stability”, and flown to the capital Mogadishu. Robow’s run for office exposed the tensions between Somalia’s federal states, which want greater autonomy from a national administration keen to safeguard its central powers. The UN mission in Somalia is tasked with supporting peace efforts and the strengthening of government institutions in the Horn of Africa nation, which was left ruined by decades of civil war. As part of that, the UN supports police officers, including with stipend salary payments, logistics, uniforms and training. Haysom wrote to the Somali government on December 30, requesting details of the legal basis of the arrest of Robow, as well as calling for investigations into the deaths in the protests following his detention. The UN mission in Somalia faces frequent attacks. On Tuesday, three people were wounded including two UN staff members when gunmen fired a barrage of mortars into the main UN base in Mogadishu. The Shabaab, an Al-Qaeda affiliate fighting to overthrow the internationally backed government, claimed responsibility for the attack. Haysom, a South African lawyer and experienced diplomat who was previously the UN special envoy to Sudan and South Sudan, was appointed to the post in Somalia September 2018. The post Somalia orders top UN official to leave over ‘interference’ appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Islaanka iyo afarta murashax ee la kulmay Islaanka guud ee gobolka Nugaal,Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse ayaa saaka kulan wada-tashi iyo xog-is weydaarsi ah la qaatay 4 murashax oo u tartamaya doorashada madaxtinimada Puntland ee 2019. Murashixiinta uu saaka la kulmay Islaanku oo kala ah;Cabdi Faarax Siciid (Juxaa), Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) Aadan Maxamed Ciise(Gaadaale) iyo Maxamed Xuseen Shoortaayo ayaa dhammaantood ka soo jeeda gobolka Nugaal. Mid kamid ah murashixiinta kulanka ka qeyb galay Cabdi Faarax Siciid(Juxaa) ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay Facebook-giis ku sheegay in kulankoodu ahaa wada-tashi iyo xog-isweydaarsi,balse faahfaahin kama sii bixin. “Musharaxiinta Gobolka Nugaaleed oo Kulan is-xogwaraysi iyo wadatashi ah kula yeeshay saaka Islan Ciise Islan Maxamed hoygiisa. Midig Abdi Farah Juxa, Gen. Saciid Maxamed Xirsi (Saciid-dheere), Islaan Ciise Islaan Maxamed, Sheikh Aden Maxamed Ciise (Gaadaale) iyo Prof. Maxamed A. Xuseen (Shortayo)” ayuu yiri Juxaa. Faahfaahinta kulan kala soco Puntland Post The post Islaan Ciise oo kulan la qaatay murashixiinta ka soo jeeda G.Nugaal appeared first on Puntland Post.
  11. Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto deegannada Galmudug ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog, waxa uu ka warbixiyey kulan uu shalay degmada Dhuusamareeb kula qaatay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf. Waxa uu sheegay xildhibaanka in waxyaabaha ay ka wadahadleen madaxweyne Xaaf ka mid tahay arrimaha ku aaddan midnimada Galmudug. Sidii loo fulin lahaa ballamadii horey looga qaaday shacabka Cadaado iyo arrimo kale oo aad u muhiim ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/XILDHIBAAN-ODAWAAAA-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Guddoomiyaha Kumeel gaarka ah ee Barlaamanka Puntland Yaasiin Xuseen Xaaji Diiriye ayaa magacaabay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Barlamanka Puntland. Xildhibaanada barlamaanka ayaa meel mariyay guddigaan oo [...] Source
  13. Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Golaha wakiilada cusub ee dowladda Puntland Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye ayaa magacaabay Guddiga doorashada guddoonka Baarlamanka. Guddiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ka kooban 7 xubnood oo kala ah Xildhibaan Cali Axmed Saalax. Xildhibaan Cabdirisaaq Xuseen Ciise. Xildhibaan Fu’aad Abshir Axmed. Xildhibaan Cawil Xasan Daad Xildibaan Maxamuud Maxamad Barre Guddigan waxaa kaalinaya ku simaha xoghayaha guud Cabdirisaaq Xidig Warsame iyo xoghaynta Guddiga. Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo maalinta Jimcaha ee ku beegan 4-ta bishan Jannaayo 2019. PUNTLAND POST The post Gudiga doorashada G. Golaha wakiilada Puntland oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.
  14. Garowe (Caasimada Online)-Waxaa goordhow la shaaciyay magacyada guddiga dorashada guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland oo la doonayo in dhawaan lagu doorto magaalada Garowe. Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka dhaceyso magaalada Garowe, waxaana ku xigta doorashada madaxweynaha maamulka Puntland. Waxaa gudigaasi Guddoomiye looga dhigay Ismaaciil Cabdi Abtiile, waxaana saacadihii ugu dambeeyay socday latashiyo ku saabsan guddigaasi iyo soo xulistiisa. Hoos ka akhriso xubnaha guddiga doorashada Guddomiyaha baarlamaanka. Caasimada online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  15. Sida aynu guud ahaanba ka dharagsanahay jabkii ku dhacay qaranimadii Somalia waxa ka dhashay burbur haleelay meel kasta oo maankaga kuso dhacda, haday tahay dal [...] Source
  16. Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabelle, Cismaan Barre oo wareysi siiyey Goobjoog, ayaa ka warbixiyey dedaallo lagu doonayo in lagu xalliyo beello walaalo ah oo ku dagaallamay deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka la kala dhexdhigay beellihii ku dagaallamay deegaannada ku dhow degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Maamulkooda ayuu sheegay in dedaal ku bixinayo sidii loo dhammeyn lahaa colaaddan, islamarkaana haatan halkaasi ku sugan yahay guddoomiyaha gobolka Hiiraan. Guddoomiye Cismaan ayaa ugu baaqay waxgaradka gobolka Hiiraan iney kaalin mug leh ka qaataan xallinta arrintan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/GUDOOMIYAHA-BAARLAMANKA-HIRSHABEELLE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Garowe (Caasimada Online)-Muddo lix maalin ah ayaa ka harsan doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo dhawaan ka dhaceyso magaalada Garowe ee caasimada maamulkaasi. Dadka falanqeeya siyaasadda doorashada ayaa sheegaya inay jiraan caqabado keeni kara in madaxweyne Gaas uusan markale kusoo laaban xukunta deegaanada maamulka Puntland oo muddo shan sano ah maamulayay. Waxyaabaha la isleeyahay waxay dib u dhigeen rajooyinka dib usoo laabashada madaxweyne Gaas waxaa kamid ah:- In xildhibaanada baarlamaanka ee lasoo xulay dhamaantood yihiin kuwo cusub oo doonaya in isbadal dhaco, taasi waxay noqon karta caqabada koowaad ee C/Welli Gaas, laakiin waxaa xusid mudan in isaga uu keenay inta badan xildhibaanada. Arinta Labaad ayaa lagu sheegaa inay tahay xumeynta xiriirka kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya oo hor istaagay mashaariic badan iyo dhaqaalo la doonayay in lagu maalgeliyo deegaanada Puntland, sida dhawaan uu sheegay C/raxmaan Faroole. Arinta seddexaad ayaa lagu sheegaa inay tahay fulin la’aanta balanqaadyo badan oo uu u sameeyay madaxda odayaasha dhaqanka ee Puntland, waxaana kamid ah dib u qabashada deegaanada ka maqan gacanta Puntland. Xumaanshaha xiriirkii kala haxeeyay Isimadda dhaqanka Beesha Sool clan oo meesha ka baxay ayaa la sheegayaa inay tahay dhabarjab kale oo C/Welli Gaas kasoo wajihi kara doorashada Puntland. Laakiin waxaa jiro fursado uu ku guuleysan karo oo ay ugu horeyso saameyntii uu ku lahaa soo xulista xildhibaaada baarlamaanka iyo dhismayaashii uu isaga dhagax dhigay. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  18. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si xoogan u cambaareeyay weerar shalay lagu qaaday xafiiska Qaramada Midoobay uu ku leeyahay magaalada Muqdisho. António [...] Source
  19. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Axmed Ciise Cawad wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa faah faahin ka bixiyay sababtii loo eryay Wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Wasiir Cawad ayaaa shaaca ka qaaday in Haysom uu gef weyn ka galay Qaranka iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Sidoo kalena uu dhinac maray shaqadii diblomaasiyadeed ee loo igmaday, sida uu hadalka u dhigay. Axmed Ciise Cawad ayaa intaasi ku daray in wakiilku uu galay khaladaad badan, una dhaqmay, sida nin madax ka ah Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cawad.mp3 The post Wasiir Cawad Oo ka hadlay Eryiddii Nicholas Haysom appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay tilaabo dowlada Soomaaliya ay dalka uga eriday safiirka Qaramada ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Mudane Cawad ayaa ku eedeeyay Haysom in uu ku xadgudbay qaranimada dalka Soomaaliya islamarkaasina uu u dhaqmay sidii in uu dalka isaga maamulo. Waxa uu sheegay in xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ay u gudbiyeen in dalka aan looga baahneeyn Nicholas Haysom. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Haysom uu dhowr jeer uu sameeyay falal lid ku ah qaranimada dalka Soomaaliya. Ugu dambeeyntii wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay in Haysam uu dalka isaga baxo sida ugu dhaqsiyaha badan. Haysom ayaa xafiiska la wareegay bishii Octobar ee sanadkii tagay 2018-ka waxaana uu hayaa safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay 3 Bil oo kale ah . Hoos ka Dhageeyso Codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/01/Wasiirka-Arrimaha-Dibadda-Soomaaliya-goaanka-Wakiilka-gaar-ah-Qaramada-Midoobe-ee-Soomaaliya.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiir Cawad ” Si Deg Deg ah Haysam ha uga baxo dalka” appeared first on Puntland Post.
  21. United Nations Secretary-General António Guterres strongly condemned Tuesday’s attacks against the UN compound in Mogadishu, the capital of Somalia, saying that intentionally attacking UN personnel [...] Source
  22. Xildhibaanno ka mid ah golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa nabad ugu baaqay beelo walaalo ah oo ku dagaallamaya deegaanno ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Galgaduud. Waxa ay xildhibaannadan sheegeen in ayaan darro weyn ay tahay in xilligan ay dad Soomaaliyeed isku dilaan aano qabiil, iyaga oo ku baaqay in nabadda laga wada shaqeeyo. Xildhibaannadan ayaa ka dalbaday waxgaradka Soomaaliyeed iyo maamullada ka jira deegaannada la isku hayo in ay kaalin ka qaataan nabadda iyo isku keenista shacabka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/CODADKA-XILDHIBAANADA-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Faah faahin dheeraad aha ayaa ka soo baxeeyso shil gaari oo qasaare geeystay oo ka dhacay duleedka degmada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Shilkaan ayaa waxa uu ka dhacay duleedka deegaanka Beer oo dhacda duleedka degmada Burco. shilkaasi ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari booyad ah iyo gaari nooca rakaabka qaada ee Baska oo xiligaasi siday dad rakaab ahaa. Waxaa halkaasi ku dhintay 8-ruux oo ahaa dadkii saarnaa gaariga Baska waxaana ku dhaawacmay dad ku dhow 5-ruux. Cabdilaahi Cabdi Cali oo kamid ah Ganacsatada Burco oo la hadlay Puntland Post ayaa faah faahin ka bixiyay qasaaraha ka dhashay shilkaasi gaari. Shilalka gaari ayaa ku soo noq noqda deegaanada Soomaaliland oo ay dad badanina ku dhintaan. Hoos ka Dhageeyso Waxaa wareeystay Wariye Cowke oo PP-katirsan https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/01/Wareeysi-Shil-Gaari-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post 8 Ruux oo ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay duleedka Burco appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid baarlamaanka ayaa su’aalo cajiib ah ka keenay warqadii xalay kasoo baxday xafiiska wasaaradda arimaha dibadda, waxaana qoraalkiisa uu u qornaa sidan:- Awoodda Ergaygu waa mid ku tiirsan xoogga ciddii soo dirsatay, awoodda ninka wax eryayna waa mid ku tiirsan awoodda kan la eryay!,waxaan hubaa degdegta lagu soo saaray, waqtiga la soo saaray iyo saamaynta ay dalka ku keeni karto intaba warqaddaas inaan si qoto-dheer looga baaraan-degin. Kalimadaha “Wadaniyad iyo madaxbanaani” oo asal ahaan ah kalimado wanaagsan waxaa laga dhigay shaati la gashado marka dad la siraayo ama kuwa kale la xumaynaayo, waxaana laga bixiyey xuduudoodii lagu aqoon jirey. Qodob dastuuri ama sharci kale oo caalami ah oo loo cuskaday warqaddaas dalka looga eryay wakiilka Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay ma jirin, kalimadda ugu cuslayd ee la adeegsadayna waxey ahayd “Madaxbanaanida dalka”, ayadoo la wada ogsoon yahay in mas’uulkaasi uu sheegay oo kaliya “Dilal loo geystay dad Soomaaliyeed, kuwo la xiray iyo Musharax la soo afduubtay oo intuba ka dhacay magaalada Baydhabo” kuliigood dhab ah. Dadkaada ha dilin, sharci darro ha ku xirin, Isla markaana musharixiin tartamaysa ha u kala hiilin marka laguu soo jeediyo haddii ay noqonayso “in madaxbanaanidii dalka la faragaliyey” waxa jira cudur la yiraahdo “Kali-talisnimo” oo ay u daran tahay in dhagihiisu ay maqlaan: aragti ka duwan tiisa, xorriyatul qawl, rabitaanka dadweynaha, dimuqraadiyad…iwm. “Haddii ay dhab tahay in madaxbanaani daleed la ilaalinayo, todobaadkaan gudihiisa waxaa warbaahinta Soomaaliyeed ay soo bandhigayeen askar itoobiyaan ah oo xuduuda ka soo gudubtay kuwaas oo ka qeybqaadanayey dagaalo beelo Soomaaliyeed dhexmarayey, ma aanan maqal illaa iyo hadda cid dawladda madaxbaanida ka tirsan oo ka hadashay dhacdadaas xadgudubka ah” laakin qoraalkii Nicholas Haysom 24 saac ka yar ayaa jawaabo kala duwan looga bixiyey. Warqadda wasaaradda arrimaha dibaddu ay qortay waxey aheyd mid ka arradan luqadda diplomaasiyadda ee adduunku wax isugu qoro, degdeg iyo fudeyd ayaa ka muuqatay, sanadka cusubna wuxuu u eg yahay mid saanqaad qaldan ku bilowday. Ugu danbeyn wuxuu mudan yahay in la cambaareeyo weerarkii lagu beegsaday xafiiska qaramada midoobey ee UNSOM shalay, waxaana soo jeedinayaa in baaritaan Madax banaan la baaro weerarkaas iyo waxyaalaha la xiriira. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com