Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Sh.M.Network) – War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dalka “aanan laga rabin” wakiilka Qaramada Midoobay uqaabilsan arrrimaha dalka, Nicholas Haysom. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in go’aankaan uu yimid markii uu Haysom soo farageliyay arrimaha gudaha ee dalka, islamarkaana uu ku xadgudbay madax-baanimadda qaranka Soomaaliya. Nicholas Haysom oo dhowaan soo saarey war-saxaafadeed ayaa kaga hadlay xarigii Roobow iyo waliba rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhabo bishii December ee sanadkii tegay 2018. Ugu dambeyntii, wasaaraddu waxay shaacisay in laga bilaabo 1-da bisha Janaayo 2019 aanan dalka ka shaqayn karin Haysom. Hoos ka akhriso warqadda wasaaradda The post DFS oo sheegtay in wakiilka UN-ka uusan dalka ka shaqayn karin appeared first on Shabelle. View the full article
  2. PRESS STATEMENT 01/2019 The Special Representative of the UN Secretary-General on Somalia, Nicholas Haysom, condemned in the strongest possible terms today’s indirect fire attack on [...] Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Kudlada Badbaado Qaran, ayaa soo dhoweeyey waraaq uu qoray Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaablisan Soomaaliya, Nicolas Haysom, u diray DF oo ku saabsan dhacdooyinkii Baydhaba ka dhacaykadib xarigii mukhtaar Roobow, waxayna dalab u direen dowladda Mareykanka. Warqaddaas ayaa dowladda looga dalbaday inay soo bandhigto faahfaahin ku saabsan gabood falyadii ka dhacay Baydhaba iyo xarigii Mukhtaar Roobow. Kudlada Badbaado Qaran waxaa ka mid ah xildhibaanada xisbiyada Nabada, Wadajir UPD, iyo xildhibaano madaxbanaan oon aan weli xisbiyo ka mid ahayn. Qoraalka xildhibaanada Kudlada ayaa lagu yiri “Waxaan sidoo kale soo dhowaynaynaa walaaca ay ka muujiyeen dalalka, Ingiriiska, Jarmalka iyo ergada ka socota Midowga Yurub dhaqanka ciidanka amniga ee ku sugnaa dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed” Dhinaca kale, Xildhibaanada Kudlada Badbaado Qaran ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda Mareykanka ay ka aamustay arrintan. “Waxaa wax laga xumaado ah aamusnaanta Maraykanka ee ku aaddan arrimaha qallafsan ee siyaasadeed Soomaaliya gaar ahaan sida Xukuumadda Federaalku ugu tumato shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha. Marka la eego dhaqanka soo jireenka ah ee dawlada Maraykanku ugu ololeyso dawlad wanaagga iyo dimoqraadiyada, waxa aan la fahmi karin in Maraykanku ka aamuso ku tumashada xuquuqda aadamaha ee aan geed loogu soo gabban oo ay ka mid tahay xoogga xad dhaafka ah ee loo isticmaalay shacabka Baydhabo taas oo sababtay dhimashada qiil la’aanta ah ee 13 qof oo uu ka mid yahay xildhibaan degaanka ah, dhaawac faro badan, caburrin siyaasadeed, xannibaad ka dhan ah xorriyada qawlka, isu imaanshaha, urur ka mid noqoshada, iyo dhaqdhaqaaqa oo intaba dastuurku lama taabtan ka dhigay” Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaanada oo dhamaystiran.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqanka iyo duubabka beesha Mudulood iyo xildhibaano ka soo jeeda beesha oo ku jira baarlamanka Soomaaliya ayaa saaka kulan quraac ah ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa daba socday kulankii dhowaan dhex maray xildhibaanada iyo siyaasiyiinta rug cadaaga ee beesha Mudulood ee ku saabsanaa xaaladda dalka. Kulankan ayaa xildhibaanada waxay warbixin ku siiyeen dhaqanka beesha, waxayna u sheegeen in siyaasadda dalka ay ku sii socoto xaalad mugdi ah, sida ay hadalka u dhigeen oo aan la garaneyn meesha ay ku dhammaan doonto. Xildhibaanada Mudulood ayaa odayaasha dhaqanka u sheegay in loo baahan yahay in loo istaago sidii khararta soo socoto looga hortagi lahaa. Xildhibaanada Mudulood waxay sheegeen in hoggaanka waddanka uusan diyaar u ahayn in uu ixtiraamo dastuurkii ay ku yimideen, ayna ku mashquulsan yihiin la dagaalanka siyaasiyiinta aan ku aragtida ahayn iyo maamul gobaleedyadi dhibka lagu soo dhisay, sida ay hadalka u dhigeen. Waxa ay sheegeen in Soomaaliya ay maanta ka billaabatay “kali-talisnimo, caburin siyaasadeed iyo handadaad iyada oo si ula kac ah loo jebinayo dastuurka” Waxaa kale oo ay sheegeen in gobalka Banaadir ay u dheer tahay jidgioyooyin aan wax macno ah loo eegin, oo dadweynihii gobolka ay ka ganacsan la’yihiin. Xildhibaanada ayaa sheegay in loo baahan yahay “in loo caqli celiyo hoggaanka dalka, lagana hortago dhibaato aan beri waxba laga qaban karin” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war kasoo saarey madaafiicdii lagu weeraray xerada Xalane. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarka Hoobiyeyaasha ay ku dhaawacmeen labo kamid ah shaqaalaha UN-ka iyo shaqsi Qan-daraasle ahaa. Ergayga Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa ufadhiya Muqdisho, Nicholas Haysom, ayaa cambaareeyay weerarka madaafiicda ah. Haysom ayaa soo kabasho deg deg ah wuxuu urajeeyay dhibanayaasha, kuwaasi oo dalalka ay udhasheen aanan la shaacin. Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada falkaan waxay tibaaxday inay 7 madfac oo ay gantay ay gudaha ugaleen dhismaha ugu muhiimsan QM. The post QM oo shaacisay khasaaraha madaafiicda lagu weeraray Xalane appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi oo ka tirsan golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaaladda Garoowe ee [...] Source
  7. (SLT-Muqdisho) Faah faahin ayaa ka soo baxaya madaafiic hoobiyeyaal ah oo maanta lagu weeraray Xarunta Xalane oo Talis u ah Ciidanka AMISOM, isla markaana ay ku yaallaan Xafiisyada Qaramada Midoobey iyo safaaradaha Ajnabiga ee jooga Dalkaasi Soomaaliya. Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya saameynta madaafiicda hoobiyeyaasha oo gudaha ugu dhacay xarunta Qaramada Midoobey ee UNSOM. Illaa afar madfac ayaa ku dhacay xarunta UN-ka, waxaa la sheegayaa in labo ruux oo shaqaalaha UN-ka in dhaawac ka soo gaareen. Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid ah Hoobiyeyaasha ku dhacay hoyga Kuxigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey. Madaafiicda lagu garaacay xarunta Xalane ayaa ku soo beegmay, iyadoo maanta loo dabaal degayo sanadka cusub ee 2019, isla markaana inta badan shaqaalaha UN-ka iyo kuwa kale ee Ajnabiga ay fasax yihiin. Source
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Howlgalka nabad-illaalinta ee Soomaaliya ee AMISOM, ayaa ka hadlay markii ugu horeysay Hoobiyeyaal maanta lagu weeraray agagaarka xeradda Xalane ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Taliska AMISOM oo qoraal kooban soo dhigtay koontadda ay ku leeyihiin Twitter-ka ayaa tilmaamtay in bartilmaameedka madaafiicda ay ahaayeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde. Bayaanka ayaa lagu xusay in madaafiicda aysan ku dhicin badankooda gudaha dhismaha, inkasta oo sawiro laga soo qaaday ay muujinayaa burbur ka dhashay oo sameeyay xafiisyada qaar. “Madaafiicda beegsigooda wuxuu ahaa garoonka diyaaradaha Muqdisho. Dhamaantooda ma aysan ku dhicin bartilmaameedkooda. Xaaladda haatan waxay ku jirtaa gacanta maamulka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saartay ayaa sheegtay in madaafiicda ay gudaha ugu daateen saldhiga Xalane, islamarkaana uu jiro khasaaro ka dhashay, inkasta oo aysan cayimin. Xerada Xalane oo ku taala meel ku dhow madaarka Aadan Cadde ayaa waxay degaan utahay saraakiisha ugu sareysa howlgalka Qaramada Midoobay, Diblumaasiyiin iyo Ajaaniibta dalka ku sugan The post AMISOM oo ka hadashay Madaafiic ku dhacday xaafada Xalane appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom, ayaa cambaareeyay weerarkii maanta lagu qaaday dhismaha ugu weyn ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Todobo madfac ayaa ku dhacday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in labo kamid ah shaqaalaha Qaramada Midobay iyo ruux qadaraasle ah ay ku dhaawacmeen, mana la sheegin wax dhimasho ah oo ka dhashay weerarka. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka. “Weerarkii maanta ee ka dhacay xarunta Weyn ee Qaramada Midoobay ee Muqdisho, wuxuu jabinayaa Xeerarka caalamiga ah ee bini’aadanimada, Waxaan ka xumahay falkan aan idmaneyn ee gardarada ah kaasi oo ka dhan ah shaqaalaha, waxaan u rajeynayaa caafimaad deg deg ah kuwa naga dhaawacmay”. ” Ma jiro qorshe siyaasadeed loo adeegsan karo colaadaha oo si ula kac ah loogu bartilmaameedsanayo shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah ee taageera isku dheelitirka nabadda iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM. Weerarkii ayaa sababay dhaawaca shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay kuwaasi oo ku sugnaa xarunta xalane. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-010119.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. (SLT-London) Arsenal ayaa lagu soo warramayaa iney diyaarisay qorshe layaab leh oo ay amaah ugu direyso xiddiga reer Jarmal Mesut Ozil, balse warbaahinta Ingiriiska ayaa baahiyay inuu xiddigaan go’aan adag ka gaaray. Mesut Ozil ayaa ku dhibtooday ka hoos ciyaaridda Unai Emery kadib markii uu noqday xiddig aan ahmiyad badan ka laheyn garoonka Emirates, dhawr kulan ayuu ku seegay go’aanno u gaar ah macalinka reer Spain, taasna waxey dhalisay in warbixino badan ay la xiriiriyaan inuu ka baxayo London. Ozil ayaa dhaawac dhanka jilibka ah ku seegay kulankii ay kooxdiisa 5-1 khasaaro ah kala kulantay Liverpool oo hogaamineysa horyaalka Premier League, sidoo kalana waxaa jiray kulan ka tirsan horyaalka oo lagu reebay qaab xeeladeysan waana ciyaar ay ka horjeedeen Bournemouth. Sida ay ku warantay ESPN, Ozil ayaa iska diiday inuu bishaan January ka baxo garoonka Emirates, wuxuuna diyaar u yahay inuu booskiisa difaacdo isla markaana kasbado kalsoonida tababarahiisa Unai Emery. Dhawaan ayey aheyd markii uu Ozil saxiixay heshiis looga dhigay xiddiga ugu mushaarka badan kooxdiisa, wuxuuna jeebka ku shubtaa 300,000 kun oo Pound isbuucii. Source
  12. (SLT-Hargaysa) Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay hadalkii Mujaahid Casayr Cabdiqaadir . Hoos ka DAAWO Source
  13. Musharrax Guddoomiye Baarlamanka Cabdijamaal Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo kamid ah xildhibaanada cusub ee Puntland, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka guddoomiyaha barlamaanka Puntland, wuxuuna murashaxnimadiisa uga dhawaaqay xaflad uu ku qabsaday Garowe, iyadoo kasoo qeyb galeen dad ubadnaa xildhibaanada barlamaanka. Murashax Cabdi Jamaal cisman Maxamed oo xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii ugu dambeeyay ayaa noqonaya musharixiii ugu horeeyay ee si rasmi ah u shaaciyo inuu u sharraxan yahay guddoomiye barlamaan. Isagoo ka hadlayay xafladiisa ayuu sheegay hadduu ku guulaysto xilkaan inuu ku shaqayndoon saraynta sharciga. Waxaa uu sheegay inuu go’aan ugu istaagay sidii uu wax ka qabto baahiyaha dadka iyo dalku qabo oo ah in wax laga badelo dowladnimada Puntland ee haatan jirta. Waxaa uu xilldhibaanada ka codsaday inay codkooda siiyaan, wuxuuna yidhi,” haddaad codkiina isiisaan waxaan idin balanqaadayaa inuu sharcigu qofka ka sareeyo, loona dhaqan galiyo dastuurka Puntland, waxaan runtii balanqadayaa inaan barlamaanka ku hogaamindoono wad tatashi.” PUNTLAND POST The post Xildhibaan Cabdi Jamaal oo ku dhawaaqay musharrax Guddooomiye appeared first on Puntland Post.
  14. (SLT-New York)-Taliska dhinaca istiraatiijiyadda ee milatariga Mareykanka, oo dusha kala socda hubka nucliyeerka ee dalkaas ayaa raalli galin ka bixiyay qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka oo lagu sheegay in Mareykanka uu diyaar u yahay “inuu soo rido wax aad iyo aad uga baaxad weyn” kubadda weyn ee fagaaraha Times Spuare ee magaalada New York. Farriintaas, oo barta xiriirka bulshada la soo dhigay shalay ayaa waxaa la socday muuqaal laga arkayo iyadoo la soo ridayo bambooyinka B-2 ee hubka wax gumaada. Arrintan ayaa caro weyn ka dhex abuurtay baraha xiriirka bulshada ee Internet-ka, waxaana taliska Istiraatiijiyadda ay goor dambe tireen qoraalka iyo muuqaalka isla socday ee lasoo dhigay Twitter-ka, iyagoo ku tilmaamay “tijaabo daciif ah”, waxayna ku baddaleen raalli galin. Qoraalkii hore ee la soo dhigay ayaa lagu yiri sidan: “Gambaleelka fagaaraha TimesSpuare wuu dhacayaa Sannadka Cusub iyadoo la soo ridayo kubadda weyn… haddii loo baahdana, waxaan diyaar u nahay inaan soo ridno wax aad iyo aad uga sii weyn”. Arrintan ayaa loo fasirtay in Mareykanka ay la fududahay in uu soo rido hubka Niyukleyrka. Waxaa qoraalkan lasoo dhigay saacado yar ka hor xilliga sannadlaha ah ee “la soo rido kubaddaas weyn” oo markaas ku dhex dhacda fagaaraha. Howshan ku saleysan dhaqanka ayaa lasoo waday ilaa sannadkii 1907-dii. Dadka wax dhaleeceeya ayaa isla markiiba ku cambaareeyay taliska Istiraatiijiyadda sida ay dhacdadan uga hadleen. Walter M Shaub Jr, oo ah madixii hore xafiiska qabaa’illada ee dowladda ayaa bartiisa Twitter-ka ku yiri “Maxay yihiin dadka bahaloobay ee waddankan maamulaya?”. Joe Cirincione, oo qoray barnaamij looga hadlayay arrimaha nucliyeerka iyo sida looga badbaadin karo dunida ayaa isagana yiri: “Markii ugu horreysay waxan uma maleyn Karin inay run yihiin, laakiin way dhacday”. Taliska Istiraatiijiyadda ee dalka Mareykanka ayaa ka mid ah 10-ka talis ee laga ansixiyay waaxda gaashaan dhigga ee dalkaas. Waxa uu saldhiggooda ku yaallaa hawada sare, hal ku dhigga taliskasi ayaa na ah “Nabaddu waa howsheenna”. Source
  15. Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo kamid ah xildhibaanada cusub ee Puntland, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka guddoomiyaha barlamaanka Puntland, wuxuuna murashaxnimadiisa [...] Source
  16. Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi oo ka tirsan golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaaladda Garoowe ee caasimada dowladda Puntland. Xildhibaanada oo ka yimid magaalada Muqdisho waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay wasiiro ka tirsan Golaha xukuumadda Puntland, maamulka Gobolka, kan degmada, siyaasiyiin, odayaal dhaqmeed, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Labada mudane oo kamid ah xildhibaannada laga soo doorto degaannada Puntland ee ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya ayaa Garoowe u yimid ka qeyb gal arrimaha doorashada Puntland. PUNTLAND POST The post Xildhibaanno ka tirsan DFS oo Garoowe lagu soo dhoweeyay appeared first on Puntland Post.
  17. Ururka ONLF ayaa maanta magaalada Jig Jiga kaga dhawaaqay xisbi siyaasadeed. Xog-hayaha xisbigaaai Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi oo shir jaraa’id ku qabtay maanta Jig Jiga ayaa sidaasi wariyaasha u sheegay. “Dagaal baa nagula qaaday dalka waa nagala saaray hadase wax waliba way is badaleen oo dalka waan kusoo laabanay waxaana isla garanay in aan ka wada shaqeyno hormarka dowlad deegaanka, waxaana noqonay xisbi siyaaadeed, waxaana ka qeyb geli doonaa doorashada ina soo aadan” Dhowaan ayaa waxaa heshiis dhexmaray ONLF iyo dowlada Itoobiya ugu dambeeyna ONLF ayaa dib ugu soo laabtay jig jiga muddo sanado badan kadib. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post ONLF oo xisbi siyaasadeed kaga dhawaaqday JIG JIGA appeared first on Puntland Post.
  18. Waxaa ay maanta hoobiyeyaal ku dhaceen xarunta Xalane ee saldhigga UNka halkaas oo ay ka dhasheen burbur hanti, waxaa kale oo lagu waramayaa dhaawacyo inay jiraan. Sawirro: Source: goobjoog.com
  19. Mandera ( Sh. M. Network )-Sarkaal ka tirsan Booliska dalka Kenya ayaa M/ Mandera ku toogtay Haweeney da’ ah oo ka mid ahayd dadka deegaanka. Dilka Haweeneydan ayaa ka dhacay xaafadda Rhama ee magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Guddoomiyaha Urur u dhaq dhaqaaqa dadka deegaanka ayaa xafiiska dacwad-oogaha guud u gudbiyay gal-dambiyeed ka dhan ah Booliska Kenya oo ay ku eedeeyeen in ay si joogto ah u dhibaateeyaan shacabka Soomaalida ee ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya ayaa xaqiijiyay in ay soo gaartay dacwaddaas iyo cabashada ka dhanka ah Ciidanka ammaanka, isaga oo xusay in ay baaritaan dhab ah ku sameynay doonaan Kiiskaasi. Ma’ahan markii ugu horreysay ee saraakiisha Kenya ay dad rayid ah ku dilaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya. The post Booliska Kenya Oo haweeney da’ ah ku Toogtay M/ Mandera appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegasho culus ka sameysay madaafiicdii maanta lagu garaacay xarunta Xalane ee Muqdisho oo ay degan yihiin beesha caalamka iyo Amisom. Al-Shabaab ayaa sheegatay in “guutada madaafiicda ee kooxdaas ay maanta weerar xooggan la beegsadeen xerada Xalane, islamarkaana uu halkaas ka dhashay khasaare kala duwan oo gaaray ciidamada AMISOM iyo shaqaalaha QM” Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa idaacadda Al-Shabaab ee Andalus u sheegay in 7 gantaal lagu dhuftay xerada, islamarkaana ay dhamaantood ku dhaceen gudaha xerada Xalane. Al-Shabaab waxa ay sidoo kale sheegatay in khasaare nafeed iyo mid maadi uu soo gaaray ciidamada ajnabiga ah ee ku sugan gudaha Xalane, inkasta oo aysan sheegin wax tiro ah. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiiin karta sheegashada Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale is-weydiin mudan haddii xitaa khasaare uu jiro sidee Al-Shabaab ku ogaatay waxa ka dhex dhacay gudaha Xalane Xerada Xalane, ayaa waxaa safaarado ku leh dowladaha reer galbeedka, halka sidoo kalena ay talisyo ciidan ku leeyihiin ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Al Shabaab ayaa shaaciyay in saacadihii la soo dhaafay ay gacanta ku dhigeen nin la sheegay in Gabar yar uu ka Afduubtay duleedka magaalada Muqdisho. War Al Shabaab ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in Ninkaasi laga qabtay deegaanka Leego ee gobolka Sh/ Hoose, haatana gacanta ay ku hayaan isaga iyo Gabadhii uu Afduubtay, inkastoo aysan shaacin magaca ninkaasi. Sidoo kale Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in Gabadhaasi yar laga soo afduubtay deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho. Lama oga waxa ka yeeli doonaan ninkasni Al Shabaab, balse inta badan waxa ay xukuno kala duwan ka fuliyaan deegaanada ay ka arrimiyaan ee k/ iyo bartamaha Somalia. The post Al Shabaab Oo qabtay nin Ilmo yar ka afduubtay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho ( Sh. M. Newtork )-Munaasabaddan oo aheyd mid ballaaran ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia iyo mas’uuliyiinta Isbitaalka Kalkaal, taas oo maanta lagu qabtay M/Muqdisho. Waxaa Munaasabadda ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan BFS, xubno ka socday gobolka Banaadir, Dhaqaatiir iyo qeybaha bulshada iyo marti sharaf kale. Illaa iyo 42 Haween ah ayaa ka faa’iideystay Ololaha Qalinkan oo Lacag la’aan ahaa. Wariyaha Shabele Ismaaciil Axmed Maxamed (Turki) oo ka qeyb galay Munaasabaddaasi ayaa ka diyaariyay warbixintan. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warbixin.mp3 The post Munaasabad lagu soo xirayay Ololaha Qaliinka Isku furanka Haweenka Oo lagu qbatay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article