Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degaanka Xarfo oo ku yaalla Waqooyiga gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidanka Ammaanka maamulka Puntland, ay halkaasi ku xayireen gaadiid u rararnaa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Qaar ka mid ah Wadayaasha Gaadiidka ayaa warbaahinta u sheegay in labaddii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku xayirnaayeen degaanka ka dib markii lagu rogay Canshuur Xad dhaaf ah oo aysan bixin karin. Gaadiidka ayaa horay u bixin jiray lacag dhan $40 Dolllar halka hadana lagu sii daray $20 Dollar oo kale iyadoona wadarta guud ee lacagtaasi ay noqonayso $60 Dollar. Maamulka Wasaaradda Maaliyada ee gobolka Mudug ayaa gaadiidleyda u sheegay in lacagtaan lagu difaaci doono gobolka Sool oo inta badan ay ku dagaallamaan Maamulada Somaliland iyo Puntland. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
  2. Weerarkii Westgate iyo weerarkii Dusit labadaba waxaan joogay Nairobi. Waxaan daawanayay Telefishinka, dhegeysanayay idaacadaha, akhrinayay wargeysyada, dhex mushaaxayay saxaafadda bulshada, la sheekeysanayay Kenyan iyo ajnebi. Waxaa hubaal ah in ciidanka amniga ee Kenya, siyaasiyiinta, suxufiyiinta iyo xataa shacabku ay wax weyn ka barteen weerarkii Westgate taas oo daliisheedu ay tahay sida ay Kenya ula falgashay weerarka Dusit. Dalka Soomaaliya, hey’adaheenna amniga, saxaafadda iyo waliba dadka adeegsada saxaafadda bulshadu waxay ila tahay in ay wax badan ka baran karaan howlgalkii amni, kii maareynta xogta iyo kii saxaafadeed ee Dusit. Waa marka hore ee sidii booliiska iyo Dowladda Kenya ay u maareeyeen xogta oo xataa ay iska dhegatireen sheegashada Shabaab ilaa ay hubsadaan soona afjaraan weerarku waxay ahayd farsamo sarreysa. Goobta lagu qabanayay shir saxaafadeedka macna weyn ayay gudbineysay. Mas’uuliyiinta loo xulay in ay hadlaan sida af hayeen booliis, Wasiirka Gudaha iyo Madaxweynaha iyo mid waliba goorta uu hadlayay, goobta uu ka hadlayo iyo farriinta uu gudbinayo waxaa ka muuqatay in aad looga fekeray. Sida ay saaxafaddu uga hadashay iyo shacabka Kenya qaabka ay u adeegsadeen saxaafadda bulshadu waxay mudan yihiin in si dhug leh loo derso. Siyaasiyiintu Kenya iyagu waxay xaqiijiyeen kuna ammaanan yihiin in ay ilaaliyeen wadajirka Shacabka Kenya ee diin iyo isirwadareedka ah. Waxay ka shaqeeyeen in aan dad culeys gooni ah la dul dhigin isirka ay ka soo jeedaan ama diinta ay aamminsan yihiin awgeed. Howlaha xasaasiga ah ee Marxaladdaan oo kale waxaa ka mid ah miisaanka la saarayo maareynta xogta iyo wargelinta shacabka oo keliya aan ku koobnayn waxa dhacaya ee ay ka mid tahay waxa shacabka la gudboon. Si ay ka muuqato mas’uuliyad, oo faham qoto dheer iyo deggenaani kaashatay ayaa loo maareeyay xogta, midda ay tahay in la keydiyo, midda ay tahay in dadweynaha lagu wargeliyo, tan ay tahay in dadweynaha looga digo, goorta la gudbinayo iyo goorta, mas’uulka gudbinaya intuba waxay ahaayeen kuwo ka dambeeyay u fiirsasho iyo ka fiirsi badan. Waxaan is leeyahay cashar ay sahlan tahay in lagu tababbarto ayaa Soomaaliya ugu jira – Dowlad iyo Shacabba. Inta caqliga u saaxiibka ah cashar ayay ka bartaan dhacdooyinka soo mara iyo waxa ka dhacaya hareerahooda. W/Q: Yuusuf Garad
  3. Askarigu Sidduu u Yimidba Askartii Ummadiibay ku Amar-kutaagleyneysaa Mudooyinkan ugu danbeeyey Jamhuuriyada Somaliland Waxa kor u kac ku yimi dacwadaha iyo cabashada shacabku ka cabanayaan askarta siiba ciidamada booliska, kuwaas oo shacabku kaga Cabanayaan inay ku hayaan cadaadis, Xayiraad, cabudhin, caga-juglayn iyo gacan qaad ay waxyeelo ugu geysanayaan Una dheertahay xadhig bilaa sifo ah oo shacabka layska xidhxidhaayo. Hadaba Waxa isweydiin mudan maxaa kalifay in Boolisku shacabkii ku Amar-kutaagleeyaan? Waxa ugu wacan baa la odhankaraa :- 1,Ciidamada Booliska Somaliland 80% oo aan wax qorin waxna akhriyin sidaa laajigeed sidee ayuu sharci dhowre iyo sharci fuliye u noqon karaa ruux aan akhriyi karayn shuruucda iyo xeerarka dalka u yaala iyo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadunku leeyey sidoo kale dhacdo uu joogay aan faalo ka qorikarayn. 2,In ciidamada Boolisku ayna ogaynba in cidda ay u shaqeeyaan aynan Dawlad ahayn ee shacabka yihiin, maxaa yeelay cidda mushaharkooda bixisaa waa cashuurta shacabka markaa halka gaadiidlaydu dadka ugu shaqeeyaan gaadiidka oo ay ugu daabulaan oo kale ayuu Boolisku ugu shaqeeyaa shacabka si uu u dhawro shuruucda iyo qownuunka ummadu dhigatay Una ilaaliyo nabada mujtamaca dhexdooda. Sidaa laajigeed waa qalad in Boolisku uu ku beer-laxawsado Ummada guryihiinaanu hor tumanahay si aanu u ilaaliyo naftiina iyo maalkiina nabadna ku seexataan!! Se inay mushahar ku qaataan oo ay siiyaan kuwa ay tacadiga u gaysanayaan seegan. 3,Boolisku ma oga in uu muwaadinku xaq u leeyey in uu cabiro fikirkiisa oo xaq u leeyey inuu dhaliilo waxna ka sheegi karo xukuumada iyo qaybaha Dowladiisa ee in latoosiyo ama lasaxo u baahan Isaga oo si xor ah ugu soo tabinaaya shacab iyo xukuumadba fikirkiisa Qoraal, Tix iyo Tiraabba, sidoo kale cabasho iyo eedaynba laga tabin karo booliska lana dhaleecayn karo. 4,Madaxda sare ee booliska oo aad moodo inay qarnigii tegey joogaan oo aanay waxba kala Socon waayaha dalku ku suganyey iyo halkuu xaal maraayo, waayo taliyihii Booliska oo ogayba in ciidankii uu madaxa uu u ahaa in sida tilifoon wax loogu shubto loona adeegsado sidii calooshooda u shaqaystayaal halka taliyaha laftiisu uu arimihii gudaha iyo amagereeshinkii howshoodii tuurta uritay ee uu ku mashquulsanyey,halka taliye kuxigeenku Isaga oo muqlaysan Intuu bir-ma-geydada jeelka dhigo ku andacoonaaya askartii Kacaankii far laguma soo taagi jirin anakana afkaa nalagu soo taagayaa waa nasiibdaro wixii laga dagaalamay ee naf iyo maal lagu waayey ee malaayiin u dhaqan gadoomeen dalandoolkay ku galeen dalal shisheeye awgood waana ayaan daro inuu masuul hogotusaale ka dhigto dharaarihii qadhaadhaa ee dadku is ilowsiinaayey, se waa mooganaanta madaxda booliska in laga tagey warkaa oo khad far ladaro wax lagu doorto,halka misna booliska af hayeen u yahay nin wakhtigii isticmaarkii inuu joogo aad moodo oo af qalaad iyo xeer qalaad shacabka ku moosaya Intuu xidhxidho,mar hadii madaxdii Boolisku sidan tahay askartiina waa allow sahal. 5,In aanay jirin gudi madax banaan oo u dhaxaysa shacabka iyo booliska oo cabashada shacabka loo gudbiyo oo baadha saxdana booliska se halkaad ka cabanayso u dacwo tag waa horana saligaaga kasoo qaado saldhiga adigaa iskeenaye!, Hadaba iyada oo Taasi tahay Waxa u sabab ah tacadiga shacabka lagu hayo ayaa shacabkii leeyihiin siduu Kornaynku u yimid askartiiba wey kibirtay oo aad bay shacabka ugu faro iyo xadhig dhiiran yihiin, siday tahayba Madaxweynaha Askariga ahi siduu u yimi Askartii Ummadiibay ku Amar-kutaagleyneysaa. Doqon ninkii Canaanta Wuu I Caayey bay tidhaa! Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
  4. Cabdillaahi Fadal, Waa Hoggaamiye Ciidan Ee Abwaankii Weynaa & Abwaannada Yaryari Maxay Arkeen ? Bulshada Somaliland guud ahaan inta badan didmo iyo Cuqdad ayay muujiyaan markay arkaan Askari dirays xidhann guud ahaan, balse Cuqdadaas iyo Didmadaas waxay ka dhaxleen gumaadkii iyo Cadaadiskii Ciidammadii keli-taliyihii Siyaad Barre, haddaba Anigoo ah muwaadin inta badan ka hadla daryeelka Ciidammada Dalkeena qaybahooda kala duwan, waxaan leeyahay Bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwan ee dhismaha Waddanka Xog-ogaalka u ah, gaar ahaan kuwa Hal-abuurka ama Suugaanta iyo guud ahaanba waxa keliya ee Somaliland ka wada dhexeeya ee hormoodka u ah, Dawladnimadeena iyo Madax-bannaanideena waa Ciidammada Dalka qaybahooda kala duwan, sidaasi awgeed waxaan leeyahay Abwaannada yaryar Casriga ah iyo Abwaanka Suxufiga ah Cali Seenyo waxay ahayd inaad Shacabka u soo bandhigtaan Barnaamijyo Wacyi-gelin ah oo kor loogu qaadayo Daryeelka iyo Taakulaynta Ciidammada Ciidammada Dalkeena, Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliiska, Ciidanka Asluubta iyo guud ahaan Ciidammada dalka. Waxaan leeyahay Abwaannada aan kor ku xusay waxaad tihiin kuwii Bulshada ku jihayn lahaa Daryeelka iyo Taakulaynta Ciidammada Cadowga Hor-taagan iyo kuwa Nabadgalyada gudaha Dalka u heeganka ah ee Booliiska iyo Asluubta. Sidaasi darteed waxa la idinka sugayaa waa Wacyi-gelin taas, balse nusqaan iyo sharaf jab bay idinku tahay inaad Warbaahinta Dalka iyo kuwa dibeddaba uga gudbisaan af-xumo iyo eedayn qaawan Taliyaha Ciidanka Booliska, Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Ciidammada Booliiskaba. Waxaan ku soo af-meerayaa Qormadan Cabdillaahi Fadal waa Hoggaamiye khibrad iyo adkaysi u leh Ciidammada Booliska, ee waxaan leeyahay Shacabka Somaliland waxa innagu waajib ah inaynu daryeel iyo Taakulo la garan galno guud ahaan Ciidammadeenna. Wa billaahi Tawfiiq W/Q: Mowliid Aadan Cumar. horseed001@gmail.com Qaran News
  5. (SLT-Hargaysa) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa la filaaya Inuu barqada ka subixii ku soo laabto Dalka Somaliland Kadib marki uu muddo socdaal Ugu maqnaa Waddamada KENYA iyo Itoobiya . Soo laabashada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa ku soo beegmaysa xilli muran badani ka taaganyahay qabsoomida doorashooyinki Somaliland iyo guddida doorashooyinka. Sidoo kale waxaa Dalka ka jira buuq baqan oo ka dhashay xadhiga shakhsiyaadka xorriyad hadla. Soo dhawaynta Guddoomiyaha ayaa laga dareemaya Magaaladda Hargaysa iyo baraha bulshadu ku kulanto ee Internerka . Waxyaabaha uu ka hadlo soo laabashadiisa kala soco shabakadda wararka ee Somalilandtoday. Source
  6. Masuuliyiinta xilka ummadda u haysa qaarkood markay xilka qabtaan waxay markaba bilaabaan inay laba liqaan xoolaha ummadda oo qaab xaaraan ah u isticmaalaan. Masuulkii xilka hayey hantidii ummadda ayuu ku tagri falayaa intuu xilka hayey, markaasuu keyd ka dhigtaa oo ku shubtaa xiaabaad uu gaar u leeyahay (personal account). Xanuunka Xilka Qaadista ka dib Tuaaal ahaan masuulka ayaa keyd ahaan u dhigtay lacag dhan oo qadarkeedu yahay $600,000. Isagoo ku faraxsan lacagta badan ee uu helay ayaa xilkii laga qaadayaa, ka dib wuxuu is odhanayaa imika ayaad fursad u heshay inaad lacagtii waxa ku qabsato. Ha noqoto inuu guro ku dhisto amma ganacsi ku furto. Markaa xilka laga qaado ayuu xanuun xaga ilaahay k yimid ku dhacaa. Markaba waxa la dhigaa dhakhtar gaar loo leeyahay oo lacag badani ku baxayso. In muddo ah ayuu ku jiraa. Hadana waxa la odhanayaa halkan waxba waa lagaga qaban waayey ee dibada ha loo qaado. Tikidhkii, baasaaboorki iyo diyaaradii ayey lacag badani ku baxaysaa. Waxa loo qaaday dalka Hindiya dhakhtarkii la gee, muddo ka dib hadana waxa la yidhi halkan waxa ka dhakhtar fiican maleesiya ha loo qaado, maleesiya la gee muddo ayaa halkaasi lagu daweeyaa, hadana waxa la yidhi dhakhtarka ugu fiicani ee xanuunka dawayn lahaa waxa laga helayaa Jarmalka. Jarmalkii la gee muddo halkaasi lagu dawee. Masuulkii ilaahay xaaraan kaga jarayo ifka ee ajali u dambayso wuxuu soo noqdaa isagoo caato ah oo aan shilin ka hayn lacagtii ahayd $600,000, ee xoolaha ummadda ahayd. Ka kalena intuu xanuunsado ayuu ku dhintaa, aakhirkana ilaahay ayaa la xisaabtama. Madaxda qaarkood iyagoo xilka haya ayey toos guryo ugu dhistaan xoolaha ummadda, markay xilka laga qaado ayey xanuusadaan gurihii xaaraanta ahaa ayaa dib loogu xarashaa si loogu daweeyo. Cunista iyo ciqaabta ka dhalanaysa xoolaha ummadda Ilaahay SWT wuu xaaraantimeeyey cunis xoolaha agoonta, siday sheegayso aayadda 10-naad ee suuradda Al-Nisaa “kuwa xoolaha agoonta ku cunaya dulmi, waxay calooshada gelinayaan naar”. Qofka madaxda ahi waxa uu ka baxay ballankii uu ilaahay la galay, marka uu xoolaha ummadda cunaayo. Sidoo kale wuxuu ilaahay SWT suuradda Isra aayadda 34 ilaahay wuxuu ku sheegay kuna amray dadka muslimiinta ah” Oofiya ballanka, waayo qiyaamaha ballanku waa mid lays wediinaayo”. Ma jirto khiyaamo ka weyn in xoolaha ummadda la cuno. Xadiis saxeexa ah ayuu Nabigu(NNKHA) ku yidhi” Qofka na khiyaamaa naga mid maaha”. Waxa soo saaray Muslim, waxaana weriyey Abu-Hurayra. Suuradda Aali Cimraan aayadda 161-naad ayuu ilaahay SWT ku yidhi” Qofka wax xada amma khiyaameeya, qiyaamaha waxa uu la iman waxa uu xaday amma khiyaameeyey.” Dhammaan aayadahaasi iyo axaadiistaasi wax ay inoo caddaynayaan inay xaaraan tahay in xoolaha ummadda xaq daro lagu cuno. Ilaahay xaqa ha na waafaqiyo. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Source
  7. (SLT-Hargaysa) Sidee ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u arkaayay xadhiga sharci darrada aha iyo sidoo maanta u arko. Hoos ka DAAWO warbixin ku saabsan umuurtaas. Source
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-20012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu arkay meydadka 4 qof oo la soo dhigay. Dad ku sugan Ceelasha ayaa sheegay in laamiga dhinaciisa lasoo dhigay 4 ruux oo meyd ah, oo indhaha ka xiran, kuwaas oo aan weli la ogeyn dadka ka dambeeyay dilkooda. “Dilka ka sokow, waxaa dadka aad uga yaabiyey qaabka loo dilay ee kadibna indhaha looga xiray” Waxaa sidaas yiri qof ka mid ah dadka deegaanka. Waxaan weli caddeyn in dadkan ay yihiin dad degan xaafadda Ceelasha iyo in magaalada Muqdisho meelo ka mid ah laga soo kaxaystay kadibna markii la dilay halkaas la dhigay. Dadweyne farbadan oo ku nool Ceelasha Biyaha ayaa tegay goobta meydadka ay yaalaan, ayada oo dadka ay isku dayayaan inay aqoonsan karaan iyo in kale. Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta meydadka lasoo dhigay, kuwaas oo wada baaritaano ku aadan cidda ay yihiin dadka la dilay iyo cidda fulisay dilka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. (SLT-Hargaysa) Proff Cabdi Cali Jaamac oo jawaab qoraal ah ka soo saaray hadalka gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa sheegay inaanay jirin wax digniin ah oo la soo gaadhsiiyey ka hor Intii aan la shaacin in laga saaray xisbiga Kulmiye, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi :- Marka aad sharci darro aad samaysay, aad raaciso been indho-adayg ah, oo aad ka xishoon waydo ummaddaada waxay noqonaysaa in Ilaahay garabkaaga ka baxo oo kar-kaarka ku waydaariyo!!! Ku lahaa nimanka xisbiga laga saaray waa la mariyey dariiqii sharciga; waa loo yeedhay; digniin waa la siiyay; waxa kaliya ee u hadhsanaa waa ganaax; taasi ayuun baan la marin eriga ka hor!!! Waxa ka daran sharciyada aan jirin ee uu daliishanayo; ku lahaa qofku xisbiga haddii uu dibadda ka dhaliilo, waa eri; waa jeebkiisa; xagguu ka keenay!!!; aragtiyada kala duwan ee xubnaha xisbigu warbaahinta waa laga sii deyn karaa; ma aha sir; bal, waa ba xaq ay leeyihiin muwaadiniinta la matalayaa si ay u ogaadaan in dantooda la isku hayo iyo in kale; in loo maqan yahay iyo in kale; cidda gardaran; cidda laga gardaran yahay; dukaankaaga ama gruigaaga ayaa hoosta laga soo xidhaa; xisbi dhan oo ummadi leedahay ma handaraabi kartid!!! Yaa miskiin!!! Wallahi, maanta kuwani iigama baahna in aan caayo ama ceebeeyo, maxaa yeelay waxa ceeb ugu filan beenta intan le’eg ee ay halkan ku duubeen; bal dhegayso Link-gan; tolow maxaa ku kallifay been abuurka iyo masabidka intan le’eg; miyay kala quusteen Ilaahay iyo dadkiisa. Source
  11. (SLT-Tokyo)Maanta waxaa dunida isaga tagay oo geeriyooday mid kamid ah ragii ugu cimriga dheeraa adduunka inta la ogyahay. 259 cisho oo kaliya ayaa laga jogaa markii la gudoonsiiyay shahaadada ninka dunida ugu da’da weyn, diiwanka lagu qoro waxyaabaha dhif iyo naadirka ah ayuu sidaasi ku galay (Guinness World Records). Waxaa lagu magacaabi jiray Masazo Nonaka waxaa uuna u dhashay dalka Japan oo uu iminkaba ku geeriyooday, waxuu dhashay July 25, 1905. waaberigii saakay ayuu ku geeriyooday gurigiisa xili uu hurdaaye sida ay Daily Mail u xaqiijiyeen ehelkiisa, waxa uuna jiray 113 sano. Source
  12. Dadweynaha ku dhaqan magaalada ganacsiga ah ee Puntland ee Bosaaso ayaa soo dhaweeyay go,aankii ay dowladda Puntland ugu kordhisay canshuurtii laga qaadi jiray qaadka ka [...] Source
  13. Gudoomiyaha degmada Banderbeyla ee gobolka Kar kaar Sicid Cali Aadan Siciid Anteeno oo maanta waraysi gaar ah siiyay warsidaha Puntlandi.com ayaa waxa uu sheegay in [...] Source
  14. Garowe (Sh.M.Network) – Afhayeenka Gollaha Wakiilada Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo] ayaa maanta magacaabay Guddiga doorashada ee Guddiyada joogta ah ee Baarlamaanka maamulkaasi. Xubnaha Guddiga uu magacaabay Gudoomiyaha ayaa ka kooban saddex xubnood oo ah Xildhibaano oo ka tirsan Gollaha Sharcidejinta. Mudanayaasha xubinta ka ah Guddiga ayaa kala ah; Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Muuse Xasan iyo Cali Axmed Saalax. Xubnaha Guddiyada joogatada ah ee Baarlamaanka Puntland ayaa la filayaa inay ka koobnaadaan min 10 xubnood, oo leh saddex Gudoomiye, oo lagu xulayo hanaan awood qaybsiga gobolada dowlad goboleedkaan. The post Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Guddi magacaabay appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Nadia C/raxmaan oo kamid ah gabdhaha Aqoonyahanada ah ee qurba joogta Puntland ee dalka Switzerland oo lahadshay maanta warsidaha Puntlandi.com ayaa ka hadshay waxa laga [...] Source
  16. Hargeysa (Sh.M.Network) – Maxamed Jaamac Abgaal, oo horey usoo noqday Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee maamulka Somaliland, xukuumadii Axmed Siilaanyo, ayaa qirtay inuu lunsaday hanti dadwayne. Mr Abgaal oo wareysi siiyay mid kamid ah TV-yada ku hadla afka Soomaaliga ayaa daboolka ka qaaday in talaabadaasi uu qaaday uu ka dhex-lay cuduro, kuwaasi oo uu xusay inuu haatan la tacalaayo sidii uu uga soo kaban lahaa. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu si cad u sheegay inaanu dib dambe uqaban doonin xil, wuxuuna sababta ku sheegay in mushaarka uu qaato aanu ku filneyn, taasoo ku qasbeysa inuu gacan-bidaxeeyo hantida Umadda, siduu hadalka udhigay. Waa mas’uulkii ugu horeeyay guud ahaan Soomaaliya kaasi oo xilka Wasiir soo qabtay ee qirtay inuu lunsaday lacago musuq-maasuqay. Dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxwayne Farmaajo ayaa ku howlan sidii ay uciribtiri lahayd musuq-maasuqa oo la sheego inuu kamid yahay waxyaabaha hoos udhigay dowladnimada dalka. The post Wasiir hore oo qirtay inuu lacago musuq-maasuqay appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-20012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda boostaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal ayaa sheegay in uu xanuuno ka qaadey lacago xaaraan ah oo uu qaatey muddadii uu wasiirka ka ahaa wasaaraddaasi. Wuxuu sheegay in tiro Saddex jeer ah uu tagay dhaqtar, islamarkaana loo sheegay inay xanuunayaan meelo kala duwan oo halis ah. Waxa uu cafis ka dalbaday Shacabka Somaliland, waxa uuna sidoo kale ka codsaday in ay usoo duceeyaan si xanuunada uu ka qaaday lacagaha uu sheegay in ay xaaranta yihiin. “Markaan sannad shaqeeyay waaban xanuunsaday dhakhtar baan tagoo dhakhtarkii wuxuu i yiri kalliduu dhagax kaaga jiraa yaabay, dabadeedna sannadkii labaad waan xanuunsaday dhakhtar baan tagoo wuxuu igu yiri dhiig-kar baad qabtaa, sannadkii saddexaad baan shaqeeyay waan xanuunsaday dhakhtarkii baan tagay dabadeedna wadnihii ayaaban sidiisii u shaqeynayn” ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray “Macnuhu waxaa weeye wax ka badan mushaharkii laguu qorey ayaa kusoo galay waa xaaraan dee, waar xaaraantii hore illaahay ha iga cafiyo xanuunadii iyo dhibaatadii aan ka qaadey ayaan mashquul ku ahay”.sidaasi waxaa sheegay Maxamed Abgaal. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  19. Maxamed Jaamac Abgaal oo ahaa wasiirka hore ee boostada iyo isgaarsiinta Somaliland ee xukuumdii Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay inuu xanuuno uu weli la tacaalaayo ka qaaday lacaggo si aan haboonayn ugu baxsaday mudadii uu ahaa wasiirka, wuxuuna umadda Somaliland iyo Illaahayba weydiistay cafis. ” Anigu waxba ma qarsan karaayee, war xanuuno badan oo aan ka qaaday tii hore ayaan dawadoodii la tacaalayaa, sababtoo ah markii lagu yiraahdo xil wasiir baad haysaa lacagaha ku qoran macal marka lagu daro gunno xileedka waa kun iyo shan boqol oo doolar iyo wax noocaasay noqonaysaa, dabadeed waxaa laguu dhiibayaa miisaaniyad shay walba iyo lacag walba ku qoran tahay taas oo ay tahay in arimo gaara lagu qabto, marka lacagahaa noo qoraa noloshayada makafayn karin sidaa darteed dollarkii dheeriga ahaa ee aan halkaas ka qaadanay waa xaaraan” ayuu yiri wasiir Abgaal. Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal ayaa sheegay inuu xanuusaday markii uu muddo yar shaqaynaayey, markii uu baaray arintaasna uu ogaaday in xanuunadan ay sabab u tahay lacaggo xaaraana oo uu ka qaatay wasaaradii uu masuulka ka ahaa. Abgaal ayaa sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu qabto masuuliyada danbe, wuxuuna Illaahay waydiistay inuu ka cafiyo xaaraantii uu horay u qaatay. Siyaasigan ayaa tilmaamay in xanuunadan aysan kaligiis ku koobnayn balse ay jiraan siyaasiyiin kale oo xanuuno lagu imtixaamo marka ay xoolaha dadweynaha si aan haboonayn ugu takri falaan, wuxuuna tusaale usoo qaatay inay jiraan kuwo uu midabkoodu isbadelo oo loo malaynaayo inay cadaadeen oo ay qurux badnaadeen hase ahaate ay arimahaas xanuuno sababeen. Masuuliyiinta Soomaalida ayaa la sheegaa inay hantida dadweynaha ee ay gacanta ku hayaan u isticmaalaan si lamida hantidooda gaarka ah, waase adag tahay siyaasi Soomaaliyeed oo sidan oo kale cafis uga dalbada umadda iyo Illaahay. PUNTLAND POST The post Siyaasi sheegay inuu ku xanuusaday lacaggo xaaraana oo uu qaatay mar uu xil Dawladeed hayey appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay nin ajnabi ah oo la sheegay in laga shakiyey, sida ay ilo-wareedyo ku sugan u sheegeen Caasimada Online. Ninkan oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa wararka ay sheegayaan inuu u dhashay dalka Mareykanka, una socda magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo raaci lahaa diyaaradda Ethiopian Airlines. Sida ay ilo-wareedyo, lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, boorso uu watay ninkan ayaa laga helay gasacado ay ku jiraan sunta dadka ka ilmaysiisa, lamana yaqaan waxa uu ka damacsanaa. Ninkan ayaa waxaa hadda loo gudbiyey xarunta dambi-baarista booliiska ee CID-da, halkaasi oo kiiskan baaritaan dheeri ah lagu samaynayo. Dowladda Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda wax faah-faahin ka bixin arrintan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Lix wariye oo ka howl-gala warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Somaliland ayaa loo haystaa in ay Like, Comment iyo share ku sameeyeen qoraallo ay xukuumadda Somaliland dhibsatay. Wariyeyaashan ayaa la sheegay in ay u yeedheen guddida anshax marinta wasaaradda warfaafinta Somaliland. Kooxdan weriyeyaasha ayaa magacyadooda lagu sheegay: Cabdicasiis Maxamed Maydhax, Siciid Faarax Cagjar, Nuura Maxamed Nuur, Muna Ibraahim Dhakhtar, Nasiim Maxamed iyo Mubaarik Yuusuf Cabdi. Dhammaan warieyayaashan waxaa ay ka hawl-galaan Radio Hargeysa, Wargeyska Dawan iyo TV-ga Somaliland. Wariyeyaashan ayaa sugaya go’aanka ay ka qaadan doonto wasaaradda warfaafintu, iyadoo horey mushaharka looga jaray wariyeyaal kale oo iyagana lagu qabsaday arrimaha noocan oo kale ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Nairobi)-Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Koox ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ee baadhitaanka ku haya Weerarkii Hotelka Dusit D2 ay ballaariyaan Baadhitaankooda, kadib, markii ay Boliska Degmadda Kituya ee W/bari ee dalkaasi sheegeen inay gacanta ku dhigeen dhowr qof oo isugu jiray somali iyo Kenyan oo ku sugnaa 2 Hotel oo ku yaalla Degmadaasi. Wargeysku waxa uu qoray in mid ka mid ah dadka la qabtay uu ka mid yahay Muwaadin Somali haysta Baasaboorka dalka Britain, waxaana Ninkaasi magaciisa lagu sheegay Muxiyadiin Xasan oo 47-jir ah. Taliyaha Boliska Degmadda Kituya, Antooni Kamiyu waxa u u sheegay inay Ninkaasi ku soo qabteen Hawlgal ay shalay subax ka fuliyeen Hotellka lagu magacaabo Parkside Villa Hotel oo ku yaalla Degmadaasi, waa sida uu hadalka u dhigay. Taliyahaasi waxa uu magacyadda saddex kale ee ay hawlgalkaasi ku qabteen ku kala sheegay Muuse C/qaadir oo 25-jir ah, Axmed Idris Maxamed oo 24-jir ah iyo Maxamed Cabdi Cali oo 25-jir ah. Wuxuuna intaasi ku daray inuu Muuse C/qaadir haystay dhalashadda Kenya, halka labada kale aysan wax aqoonsi wadanin. Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Cirbixiyeenada ayaa soo uruurinaya macluumaadka dayax madoobaad la sheegay in uu dhacayo, kaas oo ay dadka qaar sheegayaan in uu la mid yahay kii bishii July dhacay oo loo bixiyay “Bil-dhiig”. Dayax madoobaadku waxaa si fiican looga arki karaa waqooyiga iyo koonfurta Ameerika, qeeybo ka mid ah galbeedka Yurub oo ay ka mid tahay UK iyo waqooyiga Afrika. Dayax madoobaadku wuxuu dhacaa marka qorraxda, dhulka iyo dayaxu ay isku beegmaan, taa micnaheedu waa in dhulku uu soo kala dhex galayo qorraxda iyo dayaxa, oo uu ka xannibayo iftiinka qorraxda inuu gaaro dayaxa. Dayax Madoobaanshuhu wuxuu dhacaa marka uu dayaxu galo hooska dhulka. Habeenka uu dhacayo dayax madoobaadka, waxaa kaloo la socda wax la yiraahdo “Bil dhiig”, sababta loogu bixiyeyna waa midabka guduudan ee uu yeelanayo dayaxa. Tani waxaa loo aanaynayaa iftiinka ka dhasha marka dahaarrada dhulka ka sarreeya (atmosphere) uu sii dhex maro iftiinka qorraxda oo uu yeesho midab u eg kan burtuqaalka (oranjada) ama casaan, kaasoo ku dhaca dayaxa. Waxaa intaa dheer in dayax madoobaadkan uu dhici doono, ayadoo dayaxu uu marayo halka ugu shishaysa ee dhabbaha wareegga ah ee uu ku socdo. Dayax madoobaadku waxa uu billaabanayaa Isniinta oo ay taarikhdu ku beegantahay 21 Janaayo, iyadoo marka hore qeeyb ka mid ah dayaxa madoobaan doono. Dayax madoobaadkan ayaa waxaa sidoo kale laga arki doonaa Waqooyi Galbeeed ee Faransiiska, Waqooyi Galbeed ee Spain, Portugal iyo qeeybo ka mid ah Galbeedka Afrika. Waxaa sidoo kale laga arki doonaa dhammaan Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika, bariga Pacific iyo Waqooyi-bari Ruushka. Eegidda dax madoobaadka adigoon qalab ku eegeeynin waxba dhib ah malahan balse waxaa aad u khatar badan in la eego qorax madoobaadka. Dhacdadaan ayaa ah fursaddii ugu dambeeysay ee ay cirbxiyeenada UK arkayaan dayax madoobaad tan iyo inta laga gaaro sanadka 2029-ka. Xigasho;BBC Source