Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,085
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Muqdisho)-Wararka ka imanaya magaalada Muqdishou ayaa sheegaya in Maxkamadda gobolka Banaadir ay shalay amartay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo nin ajnabi ah oo Sabtidii la soo dhaafay ay ciidamada dowladdu ka soo qabteen garoonka diyaaradaha Muqdisho. Antony Thomas, oo ah 48 sana jir u dhashay dalka UK ayaa loo heystaa tuhun ah qatar gelinta degenaanta guud iyo ku guul dareysiga sheegitaanka walxo halis ah oo laga helay boorsadii uu ku raran lahaa xamuulka diyaarad uu raaci lahaa. Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa VOA-da u sheegay Isniintii in ninkaasi boorsadiisa waxyaabaha laga helay ay ku jirtay sunta qiiqa dadka kaga ilmaysiiya oo gasac ku jirtay. Tan iyo markii la qabtay ayaa ninkani waxaa baaris ku hayay oo su’aalo weydiiyay hey’adda Dambi Baarista dowladda CID iyo laanta Nabadsugigga iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA. Marka laga soo tago amarka Maxkamadda ay amartay in ninkan lagu sii hayo xabsiga dhexe, lama bixin faahfaahin ku aadan ilaa iyo hadda waxa lagu ogaaday baaristii lagu hayay. Source
  2. Jigjiga (Caasimada Online) – Kulan looga hadlayay nabad gelyada iyo cadaalada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ka dhacay magaalada Jigjiga, waxaana golaha ku shiray magaalada Jigjiga ay sheegeen inaan loo dulqaadan doonin dadka carqaladeynaya amaanka deegaanka. Kulanka oo ahaa mid deg deg ah ayaa ka dambeeyay kadib markii ay xiisad ka dhalatay isfaham waa soo kala dhex galay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida iyo wasiirka maaliyadda Ethiopia oo doonaya in xubno kamid ah dadkii la shaqeeyay Cabdi Maxamuud Cumar xukuumadda hadda jirta lagu daro. Maamulka Mustafa Maxamuud Cagjar ayaa sheegay inaysan marnaba aqbaleyn in shaqsiyaad dambiyo ka galay dhulka Soomaalida inay kusoo laabtaan dhismaha xukuumadda cusub. Waxaa kulanka laga soo saaray in shaqsiyaadkaasi maxkamad lasoo taagi doono halkii badalkooda lagu dari lahaa xukuumadda cusub ee uu dhisay Mustafa Cagjar, waxaana arimahaasi u ololeynaya Axmed Shide oo ah wasiirka Maaliyadda Ethiopia. Cabdullaahi Maxamed Mowliid Wasiirka xafiiska xiriirka dadweynaha ayaa markii shirka uu dhamaaday kadib warbaahinta la hadlay, wuxuuna sheegay in shir golaha dowlad deegaanka ku yeesheen magaalada Jigjiga lagu heshiiyay in xubnihii hore aysan xukuumadda kusoo laaban. Xiisadda ka dhalatay kulan la isku fahmi waayay oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa wali ka taagan dhulka Soomaalida, waxaana la ogeyn halka xaalka uu ku dambeyn doono. Wararkii ugu dambeeyay oo aan heleyno ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed uu soo dhex galay xalinta khilaafka u dhaxeeya wasiirka maaliyadda iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Dalka Mareykanka ayaa ku booriyey maamulka Suudaan sii-deynta saxafiyiin iyo dhalinyaro u ololeysa xuquuqda dadka oo ay ciidamada u xireen dibad-baxyadii dhowaan ka dhacay gudaha dalkaasi. Warbaahinta ka shaqeysa Suudaan ayaa la kulantay cadaadis kadib markii ay halkaasi ka dilaaceen dibad-baxyo looga soo horjeedo madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir, laguna dalbanayo is casilaadiisa. Warbaahinta ruqsadda lagala laabtay ee dalkaasi ka howl gasha waxaa ka mid ah Al Jazeera, Al- Carabiya iyo qaar kale. Dibad-baxyada ayaa ka socday arbacadii shalay aheyd Khartuum, Umdurmaan iyo gobollo kale, waxaa ay dadkaasi dalbanayaan inuu madaxweyne Al-bashiir xukunka ka dago. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Ciidamada Amisom ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya ayaa gargaar caafimaad oo isugu jiray dawooyin iyo baaritaan ka sameeyay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose. Dhaqaatiir ka tirsan Milatariga Amisom ayaa booqday xeeryo barakac oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose,gaar ahaan degmada Qoryooleey iyo deegaanka Ceeljaale ee gobolkaasi. Saraakiisha caafimaadka ee ciidanka Amisom ayaa xeryaha ay booqdeen waxaa ku jiray dad danyar ah oo u baahnaa gargaar caafimgaad,iyagoo u fidiyay gaargaar caafimaad oo isugu jiray baaritaan iyo dawooyin lacag la’aan ah. Paul Muhanguzi oo hogaaminayay socdaalka dhaqaatiir ka tirsan ciidamada Amisom ay ku tageen xeryo barakac oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoos ayaa sheegay in ay halkaasi kula kulmeen bukaano la il darnaa xanuuno kala duwan. Ciidamada Amisom oo qeyb ka ah howl galka nabad ilaalinta midowga Africa ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore gargaar caafimaad ka sameeyay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Ciidamada Amisom Oo Gargaar Caafimaad Ka Sameeyay G/ Shabeellaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  5. (SLT-Addis Ababa)-Wasiir hore oo ka tirsaan dowladda Itoobiya ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii lagu eedeeyay inuu lunsaday hantida dadweynaha. Bereket Simon oo ahaan jiray wasiirkii hore ee isgaarsiinta dalka Itoobiya ayaa saaxib dhaw la ahaa raysal wasaarihii geeriyooday Meles Zenawi. Warbaahinta maxalliga waxay ku warrantay in Bereket Simon laga qabtay gurigiisa subaxnimaadii shalay, waxaana lala xiray sarkaal sare oo dowladda ka tirsanaa. Waxaana lagu eedeeyay inay lunsadeen lacago loogu talagalay in lagu maageliyo mashaaric gobolka Amxaarada. Bereket ayaa kamid ahaa xubinihii aasaasay xisbiga haya talada Itoobiya ee EPRDF. Tan iyo bishii Nofembar ee sannadkii lasoo dhaafay, dowladda Itoobiya waxay xabsiga dhigtay in ka badan 70 saraakiil ah oo isugu jiro militari iyo sirddoon kuwaas oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo inay ku tunteen xuquuqda aadanaha. Source
  6. Kulan ay isugu imaan doonaan madaxda iyo mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto magaalada Jigjiga,si looga wada hadlo xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex jira madaxda maamulka dowlad deegaanka Soomaalida. Kulanka ayaa la filayaa in uu ka soo qeyb galo madaxweynaha maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo sheegay in kulankaasi diirada lagu saari doono khilaafka ka dhex jira maamulka uu hogaamiyo. Sidoo kale madaxweyne Mustaf Cagjar ayaa dowlada federaalka ee Itoobiya ku eedeeyay in ay isku dayeyso caburinta dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dowald deegaanka balse arintaasi aysan u cuntami doonin. Kulanka maanta lagu qaban doono magaalada Jigjiga ayaa imaanaya xili maalmihii la soo dhaafay ay xiisado u dhexeeyay Soomaalida iyo qowmiyadaha kale ay marti galisay magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida. The post Kulan Looga Hadlayo Khilaafka Madaxda Dowlad Deegaanka Oo Maanta Jigjiga Lagu Qaban Doono appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Waxaa si aada loogu diyaar garoobayaa caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyadoo lagu wado inuu caleema saarkani noqdo kii ugu weynaa ee uu abid dhigto madaxweyne loo doortay Puntland, waxaana munaasabadan lagu casumay dad kala duwan oo isugu jira Madaxda ugu saraysa Dawlada Federalka, Madaxda maamul gobaleedyada, siyaasiyiin mucaarad ku ah Dawlada dhexe iyo qaybo kale oo katirsan bulshada rayidka. Imaanshaha Madaxda Dawlada dhexe iyo siyaasiyiinta Mucaaradka Waxaa kamida dadka la casumay wafti balaaran oo uu hogaaminaayo Madaxweynaha Dawlada Federalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo siyaasiyiin si aada ugu kacsan Dawladiisa oo ay kamid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha urur siyaasadeedka Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. In hal xaflad lagu casumo siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda Dawlada dhexe ayaa hadal haynta badan ka dhalisay baraha bulshada iyo goobaha ay dadweynuhu ku sheekaystaan. Dadweynaha ayaa siyaabo kala gedisan uga hadlaaya arintan, waxaana moodaa in si gaara loo hadal hayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamida siyaasiyiinta sida aadka ugu kacsan Dawlada uu hogaanka u hayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dadka dhaliilaya booqashada Siyaasiyiinta mucaaradka Dadka la dhacsan siyaasada xukuumada Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhaliilaaya Dawlada cusub ee Madaxweyne Deni inuu munaasabadan ku casumo rag ay u arkaan inay yihiin kuwa ay ka dhaqaaqi ladahay Dawlada dhexe ee Soomaaliya oo uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, taageerayaasha xukuumada Madaxweyne Farmaajo oo qoraalo kusoo bandhigay baraha bulshada ayaa sheegaaya in ay ahayd in madaxweyne Deni uu soo dhaweeyo Dawlada dhexe uuna meesha ka saaro is-qab-qabsigii iyo wada shaqayn xumadii mudada dheer ka dhex aloosnayd Dawlada Federalka iyo Puntland hase ahaate waxay rajo xumo ka muujinayaan in xiligan caleema saarkii Madaxweynaha lagu casumo qaar kamida raga huriya mucaaradada xoogan ee Dawlada Farmaajo iyo Kheyre lagaga soo horjeedo, iyagoo u arka inay arintani tahay calaamad muujinaysa xiriirka ka dhexeeya ragan iyo Madaxweynaha cusub ee Puntland. Dadka la dhacsan booqashada Siyaasiyiinta Mucaaradka Sidoo kale waxaa jira dad kale oo la dhacsan siyaasiyiinta mucaaradka waxayna iyaguna si lamida kuwa taageersan Dawlada ay taageraadooda kusoo bandhigeen baraha bulshada, Dadkan ayaa qaba inay Puntland tahay hooyada Dawladnimada Soomaaliya ayna mudan tahay in qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed ah lagu soo dhaweeyo, dadka la dhacsan booqashada siyaasiyiinta uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u muuqda inay wadaan diyaar-garow xoogan oo ay kusoo dhaweynayaan siyaasiyiintan mucaaradka, waxaana baraha bulshada ee Internetka lagu arkaayey sawiro ay kamid yihiin funaanado iyo tabeelayaal ay ku xardhan yihiin siyaasiyiin uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu wado inay saacadaha soo socda soo gaaraan magaaladda Garowe. Isku soo wada duuboo Dadka dhex-dhexaadka ayaa iyaguna qabba inay tahay talaabo ay Soomaaliya horay u qaaday in si xor ah ay u kaftamaan, afkaarahoodana isku dhaafsadaan mucaaradka iyo muxaafidka Soomaaliya iyadoo aysan cidina isticmaalayn qori caaradii. PUNTLAND POST The post Maxay imaanshaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee Puntland ay hadal hayn gaara u dhalisay? appeared first on Puntland Post.
  8. Ha’yada faya dhowrka maamulka Puntland ayaa fariin ku aadan badeecooyinka iyo dawooyinka watigoodu dhamaaday u dirtay ganacsatada deegaanada maamulkaasi Puntaland. Madaxa ha’yada faya dhowrka Puntland C/casiis Ceydiid Xirsi ayaa sheegay in ay ka go’antahay in aan cuno iyo dawooyin dhacay aan la soo galin dhulka uu ka arimiyo maamulka Puntland,isagoo ganacsatada maamulkaasi ugu baaqay in ay dadkooda ka iibiyaan badeecooyin aan waqtioodu idlaan. C/casiis Ceydiid Xirsi Madaxa ha’yada faya dhowrka Puntland ayaa tilmaamay in ay tilaabo sharci ah ka qaadi doonaan ganacsatadii badeeco watqigeedu dhamaaday ka iibisa shacabka maamulka Puntlad. Fariinta ha’yada faya dhowrka Puntland ay u dirtay ganacsatada maamulka Puntland ayaa ku soo beegmaya xili shalay magaalada Garoowe lagu gubay badeecoyin dhacay oo ay gacanta ku soo dhigtay ha’yada faya dhowrka Puntland. The post Puntland Oo Digniin U Dirtay Ganacsatada Maamulkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Magaalada Garowe ee xarunta Puntland waxaa saacadaha soo socda soo gaari doona wufuud kala duwan oo ka qeyb-gali doonta caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdulllahi Deni. Wufuuda maanta ka soo degi doonta garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe waxaa kamid ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminyo, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillahi iyo wafdi uu hogaaminayo. Musuuliyiintan ayaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe loogu sameyn doonaa soo dhaweyn ballaaran oo ay ka qeyb gali doonaan madaxda sare ee Puntland. Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweynta masuuliyiintan, iyadoo ammaan-kana loo adkeeyay si aada. Waxii warar ah ee ku soo kordha, halkan ayaad kala socon kartaa. PUNTLAND POST The post Wufuud kala duwan oo maanta ku soo wajahan Garowe appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-240119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Garowe (Caasimada online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in halkaasi maanta ay tagi doonaan qar kamid ah xubnaha mucaaradka ah ee dhaliilsan siyaasadda madaxweyne Farmaajo. Xubnahaasi oo uu kamid yahay C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa la filayaa inay maanta gaaraan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaasi oo 26 Janaayo ay ka dhaceyso xafladda caleemo saarka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sidoo kale la filayaa inuu gaaro magaalada Garowe, waxaana magaalada Nairobi laga sugayaa madaxweyne hore Shariif Sheikh Axmed. Xildhibaano hore oo mucaarad u badan iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa sidoo kale laga sugayaa magaalada Garowe, iyaga oo ka qeyb galaya munaasabadda caleemo saarka madaxweyne Deni. Xubno hordhac u ah wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa shalay gaaray magaalada Garowe (Team Protocol), kuwaasi oo ka shaqeynaya safarka madaxweynaha uu ku tagayo magaalada Garowe. Amaanka magaalada Garowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa inay halkaasi khudbado ka jeediyaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ah ee dhaliilsan siyaasadda madaxweyne Farmaajo. Waa Fursaddii koowaad oo ay isku wada arki karaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka, waxaana madaxweyne Deni uu doonayaa inuu dhexdhexaadiyo qaar kamid ah xubnaha mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  12. Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in rag hubeysan oo watay gaadiid nuuca raaxada ah ay weerar bambaanooyin ah ku qaaden hooyga xildhibaan Carfo Aadan Ibraahim oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xildhibaan Carfo oo la hadlay Idaacada Shabelle ee Muqdisho ayaa sheegay in xiliga weerarka lagu soo qaaday hooygiisa uu ka maqnaa,balse dhaawac uu ka soo gaaray sadex ruux oo hooygiisa ku sugnaa. Sadexda ruux ee dhaawacmay ayaa mid kamid ah waxa uu ahaa ilaalada xildhibaan Carfo Aadan Ibraahim halka labada ruux ee kale ay ahaayeen eheladiisa. Xildhibaanka ayaa hadalkiisa intaas ku daray in la soo qabtay mid kamid ah ragii weerarka ku soo qaaday hooygiisa,isla markaana ay wadaan ciidamada booliiska magaalada Baydhabo baaritaan ka dhan gaariga weerarka lagu fuliyay. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi,balse dagaalyahanada Alshabaab ayaa magaalada Baydhabo horay uga geystay weeraro ay ku qaadeen masu’uuliyiin ka tirsan maamula Koonfur Galbeed Soomaaliya. The post Weerar Bambaano Oo Ka Dhacay Magaalada Beydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxda Daacish ayaa soo bandhigtay sawirada shaqsiyaad Soomaali ah oo kaga dhintay dagaalada ay ka wadaan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo kasoo muuqday muuqaalo ay baahiyeen Daacish. Wargeyska Long Street Journal ayaa sidoo kale baahiyay magacyada iyo qabiilada dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay dagaalka Daacish, waxaana badankood ay ku dhinteen dagaalka ay la galeen Al shabaab. Dadka magacyadooda iyo qabiiladooda lasoo bandhiyay ayaa kala ah Soomaali Canadian, kuwo kasoo jeeda Jabuuti iyo ruux kasoo jeeda deegaanka Soomaalida Ethiopia, sida lagu sheegay warbixinta. Dadka badan ee lasoo bandhigay magacyadooda ayaa qabiil ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, halka kuwa kalana ay kasoo jeedaan dalalka deriska la ah Soomaaliya. Dadka qabiiladooda lasoo bandhigay ayaa u dhashay beelaha kala ah Majeerteen, Leelkase, Sheeqaal Abgaal, Mareexaan, Raxanweyn, Gaaljecel, Xawaadle iyo Maxamuud Saleebaan. Hoos ka daawo sawirada
  14. HESHIISKA AYNU LA GALNAY SHIRKADA DP WORLD EE DEKADA BERBERA, IYO KA LAGU BIXIYEY SALDHIGA MILATARI EE BERBERA MIYAANAY AHAYN QAAR DIB LOO EEGI KARO? !!! Heshiisyada maalgashiga miyaan dib loo eegi karin, oo aynaan xisaabtan iyo qiimeyn ku sameyn karin tolow, oo iska eegi karin in ay inoo qalmaan iyo in kale ? Haa waa loo eegi karaa oo golaha wakiiladu heshiiskii barigii uu Total la galay Madaxwayne Cigaal dhawr goor ayey dib u eegeen oo wax laga dhimay mudadii haamuhu u kiraysnaayeen Total ee loo xidhay , xaga lacagta ay haamuhu ku kiraysnaayeena wax baa lagaga kordhiyey dhawr goor. Sababta loogaga daba noqday heshiis ay xukuumad hore gashay may ahayn heshiis xukuumadaasi gashay ayaa sharci daro ahaa walow aan goleyaasha la keenin sidii lagu doodi jiray , ee waxa ay ahayd waxa lagaga faaiideystay wakhti ay duruufi haysay oo dawladuna dhaqaale u baahnayd. Imika heshiiska maalgashi ee 442 million ee dollar lagu maalgalinayey Dekadeena Berbera dadkii taageersanaa in aynu fursad helnay baan ka mid ahaa, haddana waxa i didiyey oo aan ka shakiyey heshiiskaa Dekada ee Dp World iyo kii saldhiga milatari ee la siiyey UAE qaabkii loo waday ee ka gaadhsii iyo jiidhsiida ahaa markii ay marayeen goleyaasha sharci barlamaanka. Waxa kale oo shaki iyo madmadaw ku jiray kala hadalkii madaxdii xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo oo marna ku sheegay in aanu heshiis ahayn waxa golaha la keenay ee uu yahay heshiis isfaham iyo in la gali karo heshiis, waxa ka sii darnaa markii heshiiska la soo saxeexay ee lagu soo celiyey golaha ee degdeg gacanta loogu taagay iyada oo aan la lafagurin lagana doodin. Haddaba maantana waxa muuqata in aanay DP WORLD iyo UAE inoogu Hagar bixin sidii aynu ugu lisnay ee aynu irmaanteenii iyo garoonkii diyaaradaha ee caalamiga ahaa ugu wareejinay , iyada oo aynu wax faro guudkood ah iyo dano aynu ku galnay heshiis 30 sanadood ah oo wakhti dheer qaadanaya , waan arkay wadamo kale oo heshiis mudo dheer ay shirkadi la gashay oo ay dekadahooga la wareegray oo waxa ka mid ah Congo oo lafteedu iska duruufaysnayd. Muhiimadu waa in aanay BERBERA oo ah Dekada ugu istaratajisan uguna muhiimsan marka la eego marinka ay ku taallo aanay noqon mid boos celin ah oo lagu dan gaadhayo ama lagaga ilaalinayo wadamo kale oo maalgashi inoo sameyn lahaa, sababta oo ah dalka imaaraadka iyo DP WORLD Waynu naqaanaa awoodooda dhaqaale iyo wax qabad oo hadii ay u dhaqaaqaan maanta waa ay dhisi lahaayeen qaybtii lagu kordhinayey Dekada Berbera tana waxa ay ka dhigi lahaayeen mid casri ah. Isweydiintii iyo Aragtidii @Muhamed Dhimbiil Qaran News
  15. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo xubna Senatora ah ayaa aqbalay casho sharaf uu u fidiyay Safiirka u fadhiyo Soomaaliya Dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ambassador Mehmet Yelmaz. Intii uu socday kulanka casha sharafta Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Dalka iyo shaqooyinka ugu horeeyo ee uu rabo safiir mehmet inuu xoogga saaro. Gabagadii kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kaga mahad celiyay safiirka casha sharafta iyo kulanka qiima badan, dhankale safiirka Dowlad Turkiga ayaa mahadnaq ka sakoow sheegay inay joogteen doonaan kulamada noocaan oo kale ah, markastana Aqalka Sare uu u leeyahay Mudnaan Gooni ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa ka baaqday, xafladda caleema-saarka madaxweynaha Puntland oo lagu casumay. Mudane Cagjar ayaa sida ilo’xog ogaal ah sheegayan wuxuu xiriir la soo sameeyay, madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni isagoo ka cudurdaartay, in uusan imaan karin xafladda caleema-saarka. Wararku waxay sheegayaan in xiisadda siyaasadeed ee ka aloosantay dowlad degaanka ay mr Cagjar u suur-gelin wayday, ka qeybgalka caleema-saarka madaxweyne Deni, islamarkaana uu sidaas uga cudurdaartay. PUNTLAND POST The post Mustafe Cagjar oo ka baaqday xafladda caleema-saarka Deni appeared first on Puntland Post.
  17. Nairobi (Caasimada Online)-Hay’adaha Sirdoonka dalka Kenya ayaa wali wada baaritaanka weerarkii Al shabaab todobaadkii hore ay ka geysteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo dad badan ay ku dhinteen. Kiiska Weerarka ayaa galay dalka Koofur Africa, kadib markii la xaqiijiyay in kooxda weerarka geysatay ay dhaqaalo ka heleen dalka Koofur Africa. Hay’adaha sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay in kooxaha weerarka geystay ay sagaal milyan oo lacagta dalka Kenya ah ka heleen dalka Koofur Africa seddex bilood ka hor weerarka, waxaana loogu soo diray adeega MPeza ee shirkada Safaricom. Taliyaha ciidanka la dagaalanka Argagixisada dalka Kenya Monicah Githaiga ayaa sheegay in kooxda weerartay Hotelka DusitD2 ay aadeen Soomaaliya markii lacagtaasi ay ka heleen dalka Koofur Africa. Lacagta ayaa sidoo kale la sheegay in la dhigay Bangiga Diamond Trust Bank qeybtiisa xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, kadibna loosoo wareejiyay dalka Soomaaliya. Ruux magaciisa lagu koobay Nuur oo lahaa shirkad Dalxiis ayaa laga xiray todobaadkii hore Galbeedka magaalada Nairobi, kaasi oo la sheegay inuu ahaa ruuxa lacagta lagu qoray oo adeegsada labo taleefan. Dadka baaritaanka loo xiray ayaa sii kordhaya waxaana ku jira wariye la sheegay inuu xiriir la lahaa dadka weerarka ka dambeeyay, gaar ahaan hogaamiyaha kooxda weerarka hotelka Magaalada Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Israsaasayn Ka Dhacday Berbera Iyo Amar Bandoo Ah Oo Lagu Soo Rogay Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa lagu soo rogay amar bandoo ah.Israsaasaynta labada dhinac oo socotay mudo ku dhaw 30 daqiiqo ayaa waxa ka dhashay khasaare sahlan oo dhaawacyo ah, iyada oo wararku ay sheegeen in dadka dhaawacyadu ay soo gaadheen ay ahaayeen kuwii waday dhismaha dhulka ee shaqaalaha ahaa balse aan ilaa hada la xaqiijin in dhimasho jirto.Amarkan bandooga ah ayaa ka dhashay israsaasayn dhexmartay laba dhinac oo ku muransanaa dhul ku yaala magaalada Berbera, kaas oo wararku sheegeen in qayb ahaan caawa lagu war helay iyada oo la dhisayo isla markaana ay ciidan ilaalinayaan. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in magaalada Berbera lagu soo rogay amar bandoo ah iyada oo la hor istaagay baabuurtii ka baxaysay ee dhinaca Hargeysa u soo safraysay iyo baabuurtii galaysay ee Hargeysa ka tagtay, kuwaas oo ku xaniban goobaha lagu baadho ee duleedka galbeed ee magaalada Berbera. Wararka ayaa sheegaya in israsaasayntani timid ka dib markii lagu war helay dhisme laga wado dhulkii laysku haystay, taas oo la sheegay in amarka lagu dhisayeyna uu bixiyey maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin. Qaran News
  19. Somalia is one of the countries which their people are 100% Muslim. before 1990s, the religion practice and study centers was very rare. Islamic Scholars who do awareness campaign was actively targeted by the government. After the collapse of central government, Somali people continuously understand the benefit of learning their religion and Islamic scholars began educating people with no fear of any danger. The Islamic study centers and mosques was fully admitted and filled in. the Da’wa time started smoothly, the air of mercifulness has eventually come and the sun of goodness has ultimately raised. The city of Mogadishu was one of the cities which has the biggest challenge in terms of religions’ rise and shine during the revolutionary time, but after while it became one of the most places people to travel to study the religion. The late of 2006 Mogadishu has changed again to a place of battle and more than half million people flee from city to surrounded arias, cities and neighboring countries. Many Islamic classes stopped due to closed centers and mosques in the complex area. The declining time of Da’wa was just began, Small number of Madarasa and mosques in safe areas continued to be studied in the religion and major gathering events was totally ended. After restore of peace in Mogadishu, scholars relieved and restarted the Da’wa campaign, the meetings and gathering programs in mosques, schools and private hotels has been organized. but the most heart-touching program ever happen in Mogadishu was held last Friday 18-01-2019 at Banadir Stadium, known to “Stadium Konis “ where more than 15,000 people gathered to listen and watch the popular sheikh Mohamed sheikh Ibrahim “Kenyawi” who based in Kenya, the stadium was fully attended and around 3,000 people went back to their houses due to shortage of space, the event was just postponed week before when the biggest Hall of Mogadishu, Sahal Hall was not enough due to the number of attendees. The sheikh is popular in social media, “the most topics he addresses are those actively concerned to the society” is one of the responses I got from my colleagues when I asked what brings so much love and an amazing attendance to the Kenyaw’s program? The lecture to the Fridays’ afternoon was addressed by pardons, where every one of attendees is advised to forgive his or her brother or sister and forget what ever mistake was done to him. The sheikh has not also forgotten to deliver the massage of patriotism and abandon the migration because their land of origin needs more. Despite the Sheikh and Topic, the people of Mogadishu have sent a clear signal and described by action how much need they have to listen and watch to their Islamic Scholars. Therefore, the ball is the Scholar’s side whether they sink or swim. By: Mohamed Dahir Sheikh Ahmed MBA, HRM, PGD, IRD & BIT Writer and Freelance Researcher Madsha1992@gmail.com m.dahir@wisewebinnovations.co.ke The post WHAT BRINGS SO MUCH LOVE AND SURPRISE ATTENDANCE TO KENYAW’S LECTURE? THE PARDONS AND FORGIVENESS appeared first on Puntland Post.
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Wariye u dhashay Kenya oo loo yaqaan David Harison Oluoch ayaa dood dhaliyey kaddib markii uu Twitter-kiisa uu ku soo qoray weedho ahaa in Soomaaliya loo musaafuriyo siyaasiyiinta caanka ah ee Soomaalida Kenya. Siyaasiyiinta uu carabaabay wariyaha waxaa ka mid ahaa Aadan Barre Ducaale oo ah hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aamina Maxamed oo ah Wasiirka Waxbarashada horena u soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaas iyo Yusuf Xaaji oo ah Senotor laga soo doorto Ismaamulka Gaarisa horena u soo noqday Wasiirka Difaaca Kenya. Hadalada David Harison Oluoch waxa ay dhaliyeen dood oo isaga galisay halis balse maxaan ka baran kartaa ama Soomaalida Kenya uga bixi kara arrintaas? Kaliya hal qodob ayaa ku jira halkan!: Soomaalida Kenya wali dalkaas lagama aqbalin! Soomaalida Kenya waxa ay dalkaas la qaateen xoriyadda 1963 balse waxaa soo maray waqtiyo adkaa oo ay galeen kacdoon hubeysan oo ay ku doonayeen in ay uga soo go’aan oo ay ugu soo biiraan Jamhuuraddii Soomaaliya. Afti uu Ingiriiskii dalkaas guumeysan jiray ka qaatay isla 1963, 89% waxa ay u codeeyeen in ay la midoobaan waalahood Soomaaliya balse Ingiriiska oo rabay in Kenya arrintaas iyada ah rahmaad ugu haysto khiyaanay rabitaankii Soomaalida. Hadaka wariyaha ka soo jeeda qowmiyadda Jalwada loo yaqaan ama LUO ma aha mid iska yimi, balse waa mid ku qotoma fahanka bulshada Kenya ee aan Soomaalida ahayd. Dhammaantood waxa ay aaminsan yihiin in Soomaalida dalkaas ay culeys ku hayso Kenya inteeda kale oo ay u sababeeyaan dhawr waxyaabood sida; in gobolka Soomaalida ka soo galin dhakhli la mid ah kuwa gobolada kale, amni darro ka jirta, Islam yihiin, ka suurad duwan yihiin, ka horumar iyo aqoon hooseeyaan gobolada kale. La yaab ma aha in qof ka mid ah qowmiyadaha kale ee Kenya sida Gikuyada, Kambada, Abaluhyada, Jalwada ama Meru-ga uu kala garan waayo Soomaalida ka soo jeeda Gaarisa iyo Muqdisho oo ugu yeero ama ku dhoho “Wee Wariyaa ruhu Nyumbani Kwenu” oo ay ka wadaan waryaa ku laabo gurigaaga oo ah Soomaaliya! Waa isla hadalka uu wariyaha ku qoray Twitter-kiisa ee ah ‘Hala musaafuriyo siyaasiyiintaas!” Sida uu wariyaha ku doodayo siyaasiyiinta uu xusay waxa ay tarxiilkooda ka qeyb qaadaneysaa in Kenya amnigeedu hagaago. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  21. London (Caasimada Online) – Adduunyada kale waxa ay u taqaannaa dal 1960 kii jiray oo shan maalmood oo keliya madaxbannaanidiisa haystay. Dadka ku noolina waxa ay u yaqaannaan dawlad madaxbannaan, oo tan iyo sannadkii 1991 kii shaqaynaysay, oo dimuqraaddi ah” Waxaa ereyadaas lagu bilaabay warbixin ay 21 kii Janaayo ay faafisay shabakadda Wales Online oo laga leeyahay dalka Ingiriisku, waxa aanay intaas ku sii dartay. Waxaa laga yaabaa in ay arrintani waxoogaa jaahwareer ah abuurto, laakiin runtu waxa ay tahay in ay ka turjumayso, kala duwanaan sharci ee u dhexeysa dunida diblumaasiyadda iyo sida ay dunidu dhab ahaan tahay. Illaa la soo gaadhayey 1960 kii Somaliland waxa ay ahayd maxmiyad Ingiriis, oo dadka deggen lagu qiyaasay in ay le’ekaayeen dadka gobalka Waylis ee dalka Ingiriiska. Xidhiidh adag oo illaa qarnigii 19 naad soo taxnaa ayaana ka dhaxeeyey labada dhinac, Waa Somaliland iyo Wales ee. Xidhiidhkani waxa uu bilowday xilligii magaalada dekedda leh ee Cardiff ay ka mid ahayd dunida meelaha dhuxusha ugu badan laga dhoofiyo, badmaaxyada Soomaalida ah ayaa ka mid ahaa shaqaalaha maraakiibtii Ingiriiska ee dhuxusha ka raraysay Wales. Markii dalalkii uu Ingiriisku gumaysanayey ay gobannimada qaadanayeen, ayaa dadka Somaliland ay u codeeyeen in ay la midoobaan Soomaaliya oo ka dhul ballaadhnaa. Somalia markaas ayey iyaduna xorriyaddeeda ka qaadanaysay gumaystihii Talyaaniga. Israacii labada dhinaca waxa uu dhacay markii Soomaaliya ku guulaysatay xorriyadda oo ay Somaliland shan maalmood oo keliya jirtay. Laakiin Somaliland waxa ay qoomamaysay ku darsigii koonfurta. Gaar ahaan intii uu jiray keli taliskii Siyaad Barre. Markii Siyaad Barre xukunka lagaga tuuray kacdoon hubaysnaa oo dhacay 1991 kii, Somaliland waxa ay dib u yagleeshay dal u gaar ah oo madax bannaan, balse aan cidna aqoonsan weli. Halka ay Soomaaliya ka noqotay qaran fashilmay, oo la daalaa dhacaya islaamiyiin xagjir ah iyo budhcad badeed. Somaliland waxa ay noqotay shamaca xasiloonida oo ka dhex baxaya qaarada Afrika ee ay ku badan yihiin nidaamyo aan si fiican u shaqaynin. Somaliland madaxweynaha hadda xilka hayaa waa kii shanaad ee is xiga oo doorasho ku yimaadda tan iyo sannadkii 1992 kii, mar kasta oo uu isbeddel imanayana si nabadoon ayaa uu kala guurku u dhacaa. Iyada oo ay waxaas oo dhami jiraan, haddana Soomaaliya waxa ay haysataa aqoonsi caalami ah, halka Somaliland aanay rasmi ahaan wax jira ahayn. Shabakaddan Wales online oo la mataano ah wargeysyada Western Mail iyo South Wales Echo, ayaa arrinta Somaliland wax ka weydiisay Iid Cali Axmed oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo ku nool Wales, kaas oo la taliye u ah dawladda Somaliland, waxa kale oo ay soo xigatay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas. Iid Cali Axmed xirfaddiisu waa maamulka bangiyada, waxa aanu mar ahaa agaasime ku xigeenka hay’adda qaxoontiga ee Welsh. Iid waxa uu shabakadda Wales u sheegay in Somaliland ay leedahay khayraad fara badan, dadkeeduna aad ugu fiican yihiin maalgashiga ganacsiga. Ayaa ay tidhi warbixintu. Dhinaca kale waxa ay warbixintu waxa ay sheegtay in Somaliland ay leedahay khayraad kalluun oo ballaadhan, laakiin arrinta xanuunka ku haysaa ay tahay aqoonsi la’aanta, iyo talooyinka safarka ee ay soo saarto wasaaradda arrimaha dibadda iyo barwaaqa sooranka ee Ingiriiska oo marka ay dadkeeda uga digayso u safridda meelaha khatarta ah, ay Somailand ku darta Soomaaliya oo booqashadeedu ay khatar tahay. Warbixinta oo eegaysa aragtida dawladda Ingiriiska ee madaxbannaanida Somaliland ayaa haweenay afhayeen u ah wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ka soo xigatay, hadalkan “Waxa aanu aaminsannahay, inay dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland u taallo in ay wadajir heshiis uga gaadhaan mustaqbalkooda. Waxa aanu sii wadi doonnaa in aanu labada dhinacba ku dhiirrigelinno in ay yeeshaan wada xaajood nidaamsan oo joogto ah” Warbixintu waxa ay mar kale soo xigatay qoraal ay dawladda Ingiriisku arrintan ka samaysay oo ay ku tidhi, “Sidan ayaa uu weligiiba ahaa Mawqifkayaga ku aaddan Somaliland. Waana aanu sii wadaynaa in aanu taageerno oo aanu dhiirrigelinno qorshaha ah in wada xaajood dhex mara madaxweyneyaasha Farmaajo iyo Muuse Biixi.” Warbixintu waxa ay sheegtay in wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan Ingiriisku uu bishii Oktoobar mar uu Hargeysa joogay si cad u sheegay in Ingiriisku uu danaynayo in uu xidhiidh diirran oo taariikhi ah la yeesho Somaliland, isla markaana uu ka shaqaynayo in uu taageero barwaaqada iyo ammaanka Soomaalida ku dhaqan gobalka oo ay Somaliland na ku jirto. Ugu dambayn waxa ay warbixinta shabakadda Wales online sheegtay in Ingiriisku uu Somaliland ka caawiyo arrimo ay ka mid yihiin, xoojinta tayada iyo awoodda dawladnimo, ee meelaha aasaasiga ah, sida maamulka lacagta dawladda, iyo kor u qaadista dhaqaalaha dadka. Waxa kale oo uu Ingiriisku Somaliland ka caawiyaa tababarka dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka, si loo xoojiyo adeegga caafimaad, waxa aanu gargaar siiyaa dadka aad u baahan.”
  22. In muddo ah, tan iyo markii uu 18 bilood kaddib Xassan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya dib ugu soo laabtay Soomaaliya, waxa uu bilaabay dhaliilo joogta ah oo ka dhan ah madaxda dowladda hadda jirta. La yaab ma aha in maamul markaas jira la dhaliilo maadama kuwii ka horreeyey sidaas loo eedeyn jiray, hase yeeshee, waxaa la yaab noqotay in Madaxweyne hore oo xilka looga guuleystay, waliba si weyn in wax ka yar laba sano maamul jira uu u soo tafa xeyto dhaliishiisa. Dhinaca kale, side ayuu ahaa xaalka Farmaajo waqtigii Xassan Sheekh Madaxweynaha ahaa? Madaxweyne Farmaajo qudhiisa ma ahayn mid aamusan xilligii Xassan Sheekh oo waxa uu mar walba ka hadli jiray idaacadaha oo uu ka dhaliili jiray maamulkii markaa jiray. Taas, waxa ay kuu muujineysaa in labada hogaamiye midkoona kan kale siin waqti oo uusan uga dhimrin dhaliisha. Hase yeshee, Madaxweyne Farmaajo sidoo kale waxaa jirtay muuqaalo uu ku difaacayo Xassan Sheekh sida mar uu joogay Waqooyiga America oo wax laga weydiiyey muran u dhexeeyey Xassan Sheekh iyo Madaxdii maamulada. Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in Xassan Sheekh lagu maamuuso xilka uu hayo ee Madaxweynenimada Qaranka halka kuwa kale ay yihiin Madax maamul Gobolleed oo wixii ka xumaada Xassan ay ka xumaadeen Soomaali oo dhan. Marka la eego waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin Farmaajo iyo Xassan ee dhinaca is dhaliilada ayaa ah in mid Muqdisho saldhig ka dhigtay midna uu qurbaha joogay. Si kastaba, Xassan Sheekh waxa uu ku dooday in uu waligii dal joog ahaa oo aysan ka dhigneyn ku soo noqoshadiisa Muqdisho mid uu ku fowdeenayo maamuulka uu Farmaajo hoggaamiyo. Midda kale, Xasan Sheekh si toos ah uma magacaabo madaxda dowladda, waxaase uu ka hadlaa kaliya xaaladda guud ee dowladda, isaga oo inta badan sheega qaladaad muuqda oo u baahan in la saxo. Doodda ah, waqti dowladda ha siiyo, ma ahan mid saxan. Nidaamka ku dhisan xisbiyada iyo afkaaraha kala duwan ayaa xaq u siinaya Xasan Sheekh in qaladaadka dowladda uu sheego. Haddii qalad muuqdana, sideedaba ma lahan waqti la sugo oo in markaas la saxaa. Si kastaba, oo ay ahaataba, haddii la doonayo dal ku dhisan nidaam dimoqraadi ah, oo qof kasta fikirkiisu xog u yahay, waxba kuma jabna in Xasan Sheekh dowladda uu dhaliilo. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  23. Maalinta sabtida ah waxaa Garoowe ka dhici doonta caleemo saarka Madaxweynaha maamul Gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Maxamed Deni. Sida la xaqiijiyey, Deni waxa uu xafladiisa ku marti qaaday Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyneyaashii hore, Sheekh Shariif iyo Xassan Sheekh iyo xubno ku diidan dowladda sida Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Fiqi iyo kuwo kale. Tallaabadan uu Deni qaaday ayey bulshada siyaabo kala duwan u fasiratay maadama sida la qabo hal goob isugu imaan doonaan Farmaajo iyo siyaasiyiina maamulkiisa mucaaradsan. Hase ahaatee, waxaa jira qodob aysan bulshada dareemin oo ka saameyn badan inta la’isla dhexmarayo. Deni oo doonaya in uu goolkii kowaad uu dowladda ka dhaliyo! Sida aan rumeysanahay, Saciid Deni waxa uu doonayaa ama isku dayi doonaa in uu qaado tallaabadii ugu horreysay ee uu isugu soo dhoweynayo dowladda dhexe iyo dhinacyada ay is-hayaan. Waxa uu kala dab qaado dowladda dhexe ee uu hoggaamin doono Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo shaqsiyaadka ka soo horjeeda sida Xassan Shikeh Maxamuud, Fiqi, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale waxa uu Deni isku dayi doonaa in uu xaliyo khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe ee maamulada sida Jubbaland iyo Galmudug oo la filayo in Madaxweyneyaashooda ka qeyb galaaan caleemo saarka. Hadii taas u suurtagasho, Deni waxa uu noqon doona odayga Soomaaliya taas oo ka dhigan in uu ka saameyn badan doono Madaxweyne Farmaajo oo uu sidaas shabaqa ula helay GOOLKII kowaad ee uu dowladda dhexe ugu shubo! W/Q: Dalmar Xuseen Mire Boosaaso, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid