Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Mali)-Dabley hubeysan oo watay mootooyin ayaa la sheegay inay dadkaasi ku dileen Waqooyiga dalkaasi, halkaasi oo ay ka dhacaan iska horimaad dhinaca dhulka iyo biyaha. Duqa Degmadda Menaka , Nanuut Kotiya oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in dadkaasi lagu dilay labo weerar oo lagu qaaday dhowr Tuullo oo isku dhowdhow. Dableyda weerarkaasi weli lama aqoonsanin, iyadoo dadka la dilay ka soo jeedaan Qabiilka Tuwaariq, wuxuuna weerarkaasi imaanayaa iyada oo in ka badan 40 qof oo ka tirsan qabiilkaasi lagu dilay isla Tuullooyinkaasi bishii December ee la soo dhaafay. Source
  2. (SLT-Israa’iil)-Booliska isra’iil ayaa xabsiga u taxaabay garyaqaan heersare ah arrintaas oo qayb ka ah baadhitaan ku aadan eeda ah in magacaabista jagooyinka garsoorka lagu helo galmo. Garyaqaankan oo aan magaciisa la shaacin ayaa warbaahinta waxaa laga mamnuucay inay tebiyaan xog dheeraad ah oo kiiskan ku saabsan. Balse booliiska ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay magacaabista haweeney loo magacaabay inay xaakim ka noqoto maxkamad madani ah iyo iskuday in nin xaakim ah loo dalacsiiyo maxkamad degmo. Xeer ilaaliyaha guud, Avichai Mandelblit, ayaa lagu soo waramayaa in naftiisa uu ka bedbaadiyay kiiskan sababtoo ah waxa ay saaxiib yihiin eedeysanaha ugu weyn. Wasiirka cadaaladda, Ayelet Shaked, iyo gudoomiyaha Maxkammada Sare Esther Hayut, oo qayb ka ah Guddiga shaqaaleysiinyta garsoorka ayaa la filayaa inay ka hor muuqdan guddiga baaritaanka sameynaya si ay u markhaati furan. Booliska ayaa warbixin ku sheegay in waaxda booliska u qaabilsan ka hortagga musuqmaasuqa ay laba usbuuc ka hor bilaabeen baaritaan kaddib markii lagu wargeliyay shaqooyinka garsoorka. Subixii hore ee maalinti Arbacada waxaa xabsiga loo taxaabay nin garyaqaan ah halka booliiskana ay hore su’aalo u weydiiyeen labo qof oo laga shakisanyahay, labadaas qofna waxa ay kala ahayeen haweeeney garsoore ka ah maxkamadda iyo gabadh qareen ah. Booliska ayaa sidoo kale sameeyay howlgalo baaritaano ah waxayna gacanta ku dhigeen dikumeentiyo muhiim ah. Source
  3. Kenya (Puntlandi) Saboolnimada iyo rajo la’aanta, ayaa kumanaan dhalinyaro ah oo reer Kenya ah ku sababtay inay ku biiraan kooxda al-Shabaab sanadihii lasoo dhaafay. Badi [...] Source
  4. Nairobi ( Sh.M.Network):-Afhayeenka Xarakadda Al Shabaab Sheikh Cali Dheere ayaa ku tilmaamay Weerarkoodii Maaagalada Nairobi mid jawaab u ahaa Tallaabadii uu madaxweynaha Mareykanka Donald trump uu Magaaladda Qudus ugu magacaabay Caasimadda Yahuudda. Waxaana uu sheegay weerarkooda in uu ahaa mid loogu aargudayo muslimiinta Falastiin sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka Al Shabaab. Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa sheegay in illaa 50 ruux ay ku dileen weerarkii lagu qaaday Hotel ku yaalla Galbeedka magaladda Nairobi kuwaas oo 17 ruux ka mid ah ay ahaayeen ajaanib kasoo jeeda dalal aysan Kenya ku jirin. Dhanka kale Dowladda Kenya ayaa shaacisay in weerarkaasi ay uga geeriyoodeen 14 ruux islamarkaan ay Ciidamada Kenya goobta ku dileen dagaalamayaashii weerarka ku soo qaaday. The post Al Shabaab oo ka hadlay weerarkii dagaalamayaashoodu ku qaadeen Hoteel ku yaalla dalka Kenya. appeared first on Shabelle. View the full article
  5. (SLT-Muqdisho)-Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim oo ahaa dable ka tirsan ciidammada Soomaaliya ayaa loo heystaa dilka Marxuum Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed dilkaas oo ka dhacay Ex, Kontorool Afgooye 06-bishii 10-aad ee sanadii tagtay. Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa si jees-jees ah u dilay AUN Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed, waxa ayna dad goob joogayaal ah sheegeen in marxuumka loogu yimid gootiisa shaqada oo aheyd Ex, Kontorool Afgooye iyadoo markaatiyaasha ku dareen in Marxuumka uu horay ninkan u handadi jiray sida marar kala duwan uu ugudbiyay madaxda ka sarreysa. Intaas kadib ayay u suura gashay in uu baxsado Eedeysane Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim isagoo gaaray degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu garowsanaa inaan la soo qaban Karin uu ka dheeraday gacmaha Hey’adaha amniga ee dowladda balse ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha 28-ka bisii 10-aad sandii 2018. Ciidamada amniga ayaa ku wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta waxa ayna 24-ka bishii 12-aad ee sanadii tagtay dalbadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda. Maxkamadda ayaa muddeysay dhageyiga dacwadda 29-ka bishii 12-aad ee sanadii 2018, iyadoo laba cisha uun kadib loo fariistay dhageysia dacwadda. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo bandhiga sedax markaati, sawirka Marxuumka, warqadda Dhakhtarka ee caddeyneysa dhimashada iyo qiraalka eedeysanaha. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliya Ciidamada Qalabka Side ayaa ku dooday in Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim uu ku kacay fal dil ah weliba isagoo muujinaya Isla-weynin, waxa uuna marxuumka kula mur-muray in uusan jirin sharci gacmaha qaban karo. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in ay iska bixiyaan magta marxuumka, sidoo kale waxa ay codsadeen in loo naxariisto. Maanta ayaa ugu dambey Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Ex, Alifle Bol Salaad Xasan Maxamed, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Source
  6. Afmadow ( Sh.M.Network):-Wararka laga helayo deegaanka Goobeeyo oo hoostaga dagmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas laga dareemayo xiisad dagaal oo u dhexeysa Labo Maleeshiyo Beeleed oo ku dagaalamay deegaankaasi. Dagaalkii shalay ayaa la soo warinayaa in ay ku dhinteen 6 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, iyadoo dirirtooda la sheegay in ay salka ku hayso aanooyin qabiil. Waaxaana dadka deegaanku intaas ku dareen in ay soo food saartay cabsi iyo wal wal ay ka qabaan in mar kale food is daraan dhinacyada labada maleeshiyo Beeleed ee ishorfadhiya. Ma jirto cid kala dhex gashay labadaasi maleeshiyo ee xiisadu ka dhex aloosantahay , marka laga reebo in dadallo xal doon ah haatan ay bilowdeen The post Faah Faahinno laga helayo Xiisad beeleed ka taagan duleedka degmada Afmadow. appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu haatan guda galeyso sidii loo soo Afjari lahaa Khilaafka kala dhexeeyo Madax Goboleedyada. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Khilaafka haatan ka dhex aloosan dowladda iyo maamul Goboleedyada uusan dun ugu jirin shacabka oo Madaxdooda uga fadhiya wax qabad la taaban karo. Sidaas daraadeed ayuu sheegay in uu hoosta ka xariiqay sidii loo soo gaba gabeyn lahaa Khilaafkaasi islamarkaana uu doonayo in labada dhinac ku wada gorfeeyaan arrimaha ay isku maandhaafsan yihiin miiska wada hadalka. Madax Goboleedyada ayaa horay ugu dhawaaqay Golo Iskaashi ka dhan ah dowladda dhexe ee Somalia , walow qaar ka mid ah Hoggaamiyayaashii Majaraha u hayay golahaasi waji gabax kala kulmeen doorashooyin Madaxweyne oo ka dhacay deegaanadooda. The post Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay in uu soo afjarayo Khilaafka u dhexeeya DF iyo Maamul Goboleedyada. appeared first on Shabelle. View the full article
  8. (SLT-Nairobi)-Al-Shabaab oo soo saartay war qoraal ah waxay sheegtay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa waxa ay ku tilmaantay “hadalka aan xikmadda ku dhisnayn” ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu magaalada Al-Quds ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel. Al-Shabaab waxay kaloo sheegtay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa xadgudubka dawladda Israel ay ku hayso Muslimiinta reer Falastiin. Al-Shabaab waxay sheegtay in weerarkaas loogu magacdaray, “Al-Quds marna noqon mayso magaalo Yuhuud”. Madaxweynaha Kenya ayaa shalay sheegay in weerarkii huteelka Dusit D2 lasoo af-jaray isla markaana la dilay argagixisadii weerarka soo qaadday. Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 14 qof oo aan waxba galabsan. Source
  9. Baydhabo ( Sh.M.Network):-Mudane Axmed Cilmi Cismaan ( Axmed Karaash) Madaxweyne ku xigeenka Cusub ee Puntland oo shalay hadal ka jeedinayay Munaasabaddii Caleemo saarka Madaxweynha Cusub ee maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxa’ed Lafta Gareen ayaa ka dhawaajiyay in maamulka Puntland ay haatan wax Badan kaga duwanaan doonaan marka loo eego hab dhaqamada madaxdii iyaga ka horeeyay ee maharaha u hayay puntland. Mr Karaash ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland hadda ay ka jilcanthy sidiii hore ,Siyaasad ahaan ayna meel iska dhigi doonaan Siyaasaddii Qallafsaneed ee madaxdii ka horeysay taas oo ragaadisay Soomaalida inteeda kale. Waxaana uu Ku nuux nuuxsaday in ay u tafa xeedan doonaan sidii ay hormuud uga noqon lahaayeen ka shaqeynta isku duubnimada Bulsho weynta Soomaaliyeed islamarkaana meel looga soo wadajeesto Tafaraaruqa hareeyay umadda Soomaaliyeed. Hadalka Madaxweyne Ku xigeenka Puntland ayaa yimid xilli si weyn looga dhur sugayo hanaan maamulka Puntland iyo isbedelada ka hana qaadi kara halkaas kadib doorashadii hoggaanka maamulkaas ee dhawaaan ka dhacday magaalada Garoowe. Shacabka Soomaaliyeed ayaa u hamuun qaba is faham LA taaban karo oo u dhexeeya Dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada hoostaga si looga Mira dhaliyo howlaha horyaala Madaxda Soomaaliyeed taas oo dalka gaheysiin karta Soo celinta Heykalkii dowladnimo ee horay u bur buray.. Ugu dambeyn Indheer garadka ayaa rumeysan in ay muuqanayso ififaalo wanaagsan taas oo timid kadib markii Masuuliyiinta sar sare ee dowladda Federaalka Gaashaanka u daruureen in ay aqbalaan damacii hungoobay ee Golihii Iskaashiga maamul Goboleedyad ay Ku doonYeen in ay Ku wiiqaan dowladda dhexe ee uu majaraha u hayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo. The post Puntland oo DF kala shaqeyneysa soo celinta Iskaashiga iyo Midnimada Somalia. appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa loo heystaa dilka Marxuum Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed dilkaas oo ka dhacay Ex, Kontorool Afgooye 06-bishii 10-aad ee sanadii tagtay. Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa si jees-jees ah u dilay AUN Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed, waxa ayna dad goob joogayaal ah sheegeen in marxuumka loogu yimid gootiisa shaqada oo aheyd Ex, Kontorool Afgooye iyadoo markaatiyaasha ku dareen in Marxuumka uu horay ninkan u handadi jiray sida marar kala duwan uu ugudbiyay madaxda ka sarreysa. Intaas kadib ayay u suura gashay in uu baxsado Eedeysane Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim isagoo gaaray degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu garowsanaa inaan la soo qaban Karin uu ka dheeraday gacmaha Hey’adaha amniga ee dowladda balse ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha 28-ka bisii 10-aad sandii 2018. Ciidamada amniga ayaa ku wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta waxa ayna 24-ka bishii 12-aad ee sanadii tagtay dalbadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda. Maxkamadda ayaa muddeysay dhageyiga dacwadda 29-ka bishii 12-aad ee sanadii 2018, iyadoo laba cisha uun kadib loo fariistay dhageysia dacwadda. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo bandhiga sedax markaati, sawirka Marxuumka, warqadda Dhakhtarka ee caddeyneysa dhimashada iyo qiraalka eedeysanaha. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliya Ciidamada Qalabka Side ayaa ku dooday in Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim uu ku kacay fal dil ah weliba isagoo muujinaya Isla-weynin, waxa uuna marxuumka kula mur-muray in uusan jirin sharci gacmaha qaban karo. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in ay iska bixiyaan magta marxuumka, sidoo kale waxa ay codsadeen in loo naxariisto. Maanta ayaa ugu dambey Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Ex, Alifle Bol Salaad Xasan Maxamed, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Imaam Cumar Macalin Abshir oo ka hadlayay weerarkii ay ciidamada Kenya ku gubeen xarun ay shirkada Isgaarsiinta Horumuud ku leedahay deegaanka Cali-buuley oo qiyaas ahaan 30-km dhanka galbeed kaga beegan dagmada afmadow ee gobolka Jubada Hoose. Imaamka, oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho, oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa ugu horeyn sheegay in uu murugada la qaybsanayo maamulka shirkada Horumuud Telecom. Sidoo kale Imaamka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu si kulul ucambaareeyay falkaan soo noq noqday kuna tilmaamay in uu yahay mid gar-daro qaawan ah oo cidamada Kenya ku beegsanayaan xarrumaha hormuud. Ciidamada Kenya ayaa dhowr jeer gubay xarumo Shirkadda Hormuud ay ku leedahay deegaano hoostaga gobollada Jubooyinka iyo Gedo mana jirto wax war ah oo illaa iyo hadda ka soo baxay Kenya ee ku aadan sababta ay u bartilmaamsanayaan xarrun shirkad Isgaarsiin oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed. The post Waxgarad si kulul u Cambaareeyay Weerar Ciidamada Kenya ku bur buriyeen Xarun Shirkadda Hormuud ku leedahay J.Hoose. appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Nairobi (Caasimada Online)-Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa war kasoo saaray weerarkii Al Shabaab ay ka fuliyeen xaafadda Westland ee magaalada Nairobi kaasi oo dad badan ay ku dhinteen. Qoraal kasoo baxay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu cambaareeyay weerarka ka dhacay hotelka ku yaala magaalada Nairobi, waxaana ay tacsi ugu direen ehelada dadka ku dhintay weerarka. Ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayay ku amaaneen sida dhaqsida leh ee ay kaga jawaabeen weerarka Al Shabaab ku qaadeen Hotelka DUsit ee magaalada Nairobi, waxaana la bogaadiyay dadaalka ciidamada Kenya. “Xubnaha golaha ammaanka waxay carabka ku adkeynayaan in argagixisada noocee doonto ha noqoto, muuqaalkii ay doontana ha yeelatee ay weli tahay halista ugu weyn ee nabadda iyo amniga dunida ay wajahayaan” ayaa lagu yiri qoraalka. “Xubnaha golaha ammaanka waxay hoosta ka xariiqayaan in baahi loo qabo, in fuliyayaasha, agaasimayaasha iyo maali-geliyayaasha ficillada argagixiso la horkeeno caddaaladda” ayaa lagu yiri qoraalka. Xubnaha golaha ammanaka ayaa mar kale ku celiyey in ficil kasta oo argagixiso uu yahay dambi aan cudur daar lahayn, sababtuu doono ha yeeshee, cidii doonatana ha fulisee. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  13. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-170119.mp3 The post Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Wasiir udowlihii hore ee maamul wanaaga Puntland, Maxamed Faarax Ciise Gaashaan ayaa tilaabo muhiim ah ku tilmaamay go’aanada madaxweyne Deni uu kusoo rogay golaha wasiiradda [...] Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Salaad ayaa weerar afka ah ku qaaday Sheikh Kenyaawi oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa oo ka ilmeeyey hadalo siyaasiyiin qaar ay sheegeen oo ahaa inuu lacag ku qaadanayo wacdinta uu beri ka sameynayo Muqdisho. Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad ayaa u qornaa sidan:- AADANAHU WAXA UU OOYAA marka dareenkiisa ay xaalad farxadeed ama murogo lasoo gudboonaato. LKN WAXAA JIRTA OOHIN KALE oo la yiraahdo OOHINTA YAXAASKA. Waa oraah caan ah oo loo adeegsado dadka oohin beenaadka sameeya. Waa meesha Soomaalidu ka dhahdo “HASHU GEELA IYADAA CUNTA IYADAANA CABAADA”! Yaxaaska waxa kaliya oo uu ilmeeyaa marka uu raq cunayo ee uu boganayo dheregtiisa. Oraahdaan ayaa igu soo dhacay markaan baraha bulshada ku arkay wadaad illinta iska tiraya, sida hadalkiisa ka muuqatayna ka jawaabayay qoraal maalintii Isniinta aan bogeyga facebookga kusoo qoray. Lkn waxaa nasiib wanaag ah warka uu beeninayo iyo midka uu ku hadlayo in ay isku mid yihiin! Wuxuu leeyahay: Siyaasiin ima keenin, umana ololaynayo. Hadana wuxuu leeyahay waxaan uga mahadcelinayaa in ay ii qabteen HOOLKA SHIRARKA SAHAL iyo GAROONKA KUBADA CAGTA EE STADIUM KOONIS isagoo hay’adihii fulinta iyo kuwii Gobolka mid mid u tirinaya! Sheekhow horta aan ku saxee anigu colna kulama ihi, cuqdadna kuuma qabo lkn waxaan kaaga turayaa cilmiga aad xanbaarsantahay in siyaasada qalafsan ee Soomaaliya kajirta ay kaa wasakheyso. Sidoo kale Hoolka Sahal iyo Garoonka Kubada Cagta ee Stadium Koonis waxaa lagu qabtaa shirarka siyaasadeed iyo xafladaha Nabad iyo Nolol marka hadii aad rabto dadka in aad wacdiso waan kugu taageerayaa ee tag Masaajidyada iyo barxadaha waaweyn ee magaalada ku yaalla sida: Abuu Hureyra (Bakaaraha), Al-Hidaaya (Huriwaa), Isbahaysiga, Marwaas iyo CEELASHA BIYAHA, halkaas ayaa boqolaal kun Soomaali ah oo aan lasoo aruurin, diintana jecel kuugu imaanayaane inshaa’allaah. Hadii aad rabto siyaasada in aad dhex boodana oo cid gooni ah aan lagugu tirina u tag dhammaan qaybaha ku kala ra’yiga duwan siyaasadda ee magaalada kula jooga. Noqona wadaad dhexdhexaad ah oo siyaasiin gooni ah aan garabka ku sidan. Qorax soo baxday sacabo laguma qarin karo. Lkn hadii warkeygu ku dhibay Sheekhow ka raali noqo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Somaliland ayaa deegaanadeeda ka saartay hay’ad uu lahaa siyaasiga Turkiga ah ee Fethullah Gulen oo lagu eedeeyay inqilaabkii fashilmay ee Turkiga ka dhacay sannadkii 2016. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, oo dhawaan safar ku yimid magaalada Hargeysa, lana kulmay Madaxweyne Biixi, ayaa dawladda Somaliland uga mahadceliyay cayrinta haya’daas oo uu magaceeda ku sheegay FETO. “Waxaanu soo dhaweynaynaa in Somaliland ay dalkeeda ka saartay Hay’adda FETO, waxaana la wareegtay Hay’adda Maarif Foundation maamulka dugsiyadii ay ururka FETO ku lahaa dalalka caalamka,” ayuu yidhi Danjire Mehmet Yilmaz. Turkiga ayaa wadaadkan iyo ururadiisa u aqoonsaday argagixiso tan iyo wixii ka dambeeyay inqilaabkii fashilmay. Safiirku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goorta ay Somaliland dalkeeda ka saartay hay’adan. Laakiin danjire Mehmet wuxuu waraaxaafadeedkan oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu, kaga hadlay in hay’adda TIKA ee iskaashiga iyo Isku-duwidda u qaabilsan Turkiga, ay qalab tiradiisu yahay 216 shay ay ugu deeqeen Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo u adeega bukaan aad u badan. Qalabka dawladda Turkigu ugu deeqday cisbitaalka guud ee Hargeysa, waxa ka mid ah mishiinka lagu baadho xubnaha jidhka, mishiin lagu eego Wadnaha iyo qalab kale oo loogu talogalay in lagu nadiifiyo agabka caafimaadka. Wakaallada Wararka Turkiga ee Anadolu, waxay intaas ku dartay in Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, uu xafladii qalabkaas lagu kala gudoomayey ka caddeeyey in qalabka Turkigu ugu deeqay uu wax ka tarayo dhinaca horumarinta adeega Caafimaadka. Dhinaciisana, Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Mehmet Yilmaz, ayaa balan-qaaday in dalkiisu sii wadayo caawimada ay siiyaan Somaliland. Dawladii hore ee Somaliland ayaa hore u diiday dalab uu Turkigu u soo gudbiyay oo ahaa inay masaafuriso hay’adda Nile Academy oo gacanta ku haysay dugsiyo waxbarasho oo kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  17. Badanaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ma hadlo, caadiyan aad ayey bulshada Soomaaliyeed u naawilaan in uu hadlo ama uu wax ka yiraahdo dhacdooyinka aan dhammaan ee dalka ka dhaca. Bulshada iskuma jirto, qaar ayaa aad u daneeya in uu hadlo halka kuwo kale ay ugu baxdo ama bogaadinaya afgaabnida Madaxweynaha. Hase ahaatee, waxaan lagu murmin ama la’isla ogol yahay in maalinta/habeenka uu hadlo si xiiso leh la’isugu gudiyo hadaladdii uu jeediyey, farriin, ammaan, canaan iyo waxii ay noqotaba. Waxaa ugu dambeeyey hadalkii uu ka jeediyey munaasabaddii lagu soo xirayey kalfadhigii afraad ee Baarlamaanka habeenkii Isniinta ee ay salaasadu soo galeysay. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu qaab kaftan ah uga hadlay sidii uu ku yimi mooshinkii laga keenay iyo ciddii mas’uulka ka ahayd abaabulkiisa. “Qabyo ayaa ka dambeysay!” ayaa ahayd dulucda kaftankiisa – hadaba, bil kaddib muxuu Madaxweynaa uga hadlay arrintaas, muxuu daboolka uga qaaday cidda soo abaabushay? Waa su’aalo ay suurtagal tahay in la’is weydiinayo. Madaxweynaha waxaa cad in uu hal ujeedo ka lahaa diridda farriintaas! FARRIINTA Waa dhab, bulshada Soomaaliyeed marka laga reebo xildhibnaada iyo kuwa ka ag dhaw laamaha dowladda ama saxaafadda wey ku adkeyd in ay helaan xogta dhabta ah ee mooshinka iyo kuwa soo abaabulay. Taas isaga oo ka duulaya, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu si ula kac ah ama ujeedeysan bulshada si maldahan ugu sheegay in mooshinkaas uu ka dambeeyey Madaxweynihii uu talada dalka kala wareegay, hadana ah Gudoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka – Xasan Sheekh Maxamuud. Waa xaqiiqo, in dadka qaar fahmi kareen in mooshinka ay soo gudbiyeen xubanaha Baarlamaanka ugu jira Dhaamjadiid iyo kuwa kale ee ay ku midoobeen mucaaradidda dowladda, hadana wey adkeyd in ay liqaan in Xassan Sheekh lug ku lahaan karay ama uu ka dambeeyey mooshinkaas. Sida uu Madaxweynaha ku cadeeyey farriintiisa kaftanka ahayd, maxaa uu adeegsaday “Qabyo Ninkeeda Dhammeystira!” oo ahaa ereyadii hal ku dhigga u ahaa Xassan Sheekh Maxamuud markii uu doonayey in dib loo doorto. Walow, qabyo loo yaqaan kooxdii Xassan Sheekh oo dhan, hadana farriita Madaxweynaha macno ma sameyseen in uu bulshada u sheego wax ay dareemi karaan “Kooxda” oo dhan, balse shaqsi ay adag tahay in lagu tuhmo (Xassan) ka qeyb qaadashada muran siyaasadeedka dowladda oo inta looga adkaaday uu si sharaf leh xilkeeda u wareejiyey! Qariib ma aha in uu wax mucaaradi karo, balse waa la yaab leh dowladda oo labo sano u dhiman tahay in uu ridideedda ku lug yeesho! W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, United States Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde, ayaa shaaca ka qaaday in ninka ajaanibka ah ee loo magacaabayo Baanka dhexe ee Somalia uu halis ku yahay Somaliland. Warancadde ayaa sidoo kale sheegay in halistaas ay taabaneyso wadamada jaarka, maamul goboleedada kala duwan ee Somalia iyo mucaaradka ka soo hor jeeda dawladda federaalka, waxaanu ku taliyey in feejignaanteeda la yeesho. “Arrinta laga hadlayo ee ah in Maamulka Muqdisho ay Bangiga dhexe u dhiibayso dad ajinabiya, runtii arintaasi waa arin aad iyo aad u qoto dheer, dabadana waxay ku haysaa arrimo Geeska Afrika halis ku ah” ayuu yiri Warancadde. “Sida lala socdo dawladda Soomaaliya, inay gacan saar la leedahay Dawladdo khurbudaad ka wada Geeska Afrika, gaar ahaan Dawladda Qadar, waxaa la og yahay in lacago fara badan oo kaash ah lagu wax yeelo nidaamka dawladeed iyo wada jirka umadda Somaliyeed ee Koonfurta, iyo dhibaatooyin loogu tagalay in laga abuuro in lagu soo bixiyo lacago fara badan, lacagtaas marka la soo diro waxay ku soo dhacdaa, gacmaha dadka Soomaalida, oo ogaada, hore ayaa looga maahmay oo la yidhi Abaskuul meelna ma wada joogo, warna iskuma seegana, taasina waxay keentay in wax walba oo la soo shubo, oo loogu tagalay in markiiba la ogaada hawlaha laga fulinayo, taas oo ay ugu dambaysay afartankii milyan, ee Guddida Dhaqaalaha Barlamaanka Soomaaliya fashiliyeen” “Sidaas awgeed maamulka Muqdisho wuxuu go’aan ku gaadhay cid indho iyo dhega la’a, oo cidii aanay ogaan karin sirtooda, in loo dhiibo, lacagaha la keenayo, oo ay Dawladda Qadarna heshiis ku yihiin, sidaas awgeedna loo soo magacaabay nin si toos ah oo qarsoodiya u soo gaadhsiiya gacmahooda, waxaana loogu tagalay in lagu kharbudo maamul goboleedada Soomaaliya, xoogaga Mucaaradka ee ka soo hor jeeda Maamulka Muqdisho, iyo waliba Dawladdaha dariska ah ee ay Somaliland ka mid tahay, waxaana qabaa inay arintaasi runtii tahay arin halis ah, waxaana lala maagan yahay Somaliya iyo maamulidiisaba, sirtiisa iyo ogaanshihiisaba in nin iyo laba ay ku kaliyeysato, dadka Somaliyana intooda kalena laga qariyo, arintaasina waa arin halis ah, waxayna u baahan tahay in si qoto dheer loogu fiirsado”. Cali Maxamed Warancadde, ayaa mar uu ka hadlaayey Somaliland yidhi “Somaliland khatar iyo halis kasta oo loo maleegayo wey ka digtoon tahay, feejignaanteeda wey leedahay, Shacabka reer Somaliland waa Shacab qarankooda jecel, oo nabadooda jecel, oo aan sinaba raali uga noqoynin in waxyeelo loo geysto qaranimadooda iyo nabadoodaba,qaran ahaan, dal ahaan, dad ahaan iyo dawlad ahaanba waanu ka midaysan nahay ilaalinta qaranimadayada, cid waxyeelo la maagana ka yeeli mayno, waxaanu jecel nahay in aanu cid walba wanaag u muujino, balse cidii xad gudub nagu soo sameeysa, wanaag nagalama kulamayso”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Dhawaan ayey ahayd markii la doortay Madaxweynaha Cusub ee Puntland Siciid Cabdullahi Deni kaddib doorasho adag oo uu la galay 21 musharax oo kale. Guusha Deni waxa ay noqotay mid ay isku si u soo dhaweeyeen dowladda Federal-ka ah iyo kooxaha mucaaradsan, hase yeeshee, wali lama oga Deni iyo xulufadiisa dhabta ah. Taas oo ay jirto, waxaa dhambaallo hambalyo ah u wada diray Deni maamulada kale oo ay ugu horreeysay Jubbaland. In Siciid Cabdullahi Deni Madaxweyne ka noqdo Puntland waxa ay sababtay su’aalo badan oo aan wali jawaab loo helin sida; Masiirka Golihii Iskaashiga, sheegadiisa Dhaamjadiid iyo Nabad iyo Nolol iyo Imaaraadka. Qaar ayaa jira oo uu si dadban uga jawaabay sida in Golaha Iskaashiga Dastuuri yahay balse uu si buuxda ula shaqeyn doono dowladda dhexe halka kuwa kale uu u dhaafay in waqtiga ka jawaabo. Hase ahaatee, Caasimadda Online waxa ay heshay xog hoose oo ku saabsan xiriirka Siciid Cabdullahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Waa marag ma doon in xiriirka Deni iyo Madoobe jiheyn doono masiirka Golahii Iskaashiga oo ay meesha ka bexeen raggii sameystay sida Shariif iyo Gaas iyada oo ku xiran hadba sida xiriirkoodu yahay. Caasimadda Online oo ay u warrameen ilo ka ag dhaw Siciid Cabdullahi Deni waxa ay xaqiijiyeen in uu xun yahay, waliigiina xumaa xiriirka ka dhexeeya Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo Axmed Madoobe. Ilo wareedka xogta sida hoose u siiyey Caasimadda Online ma xaqiijin halka uu salka ku hayo xiriirka xun ee labada masuul ee ka kala arrimiya labada maamul ee ugu saameynta badan dowladda dhexe. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ugu sareeyo ayaa ka qeyb galay dhoolatus ciidamo cusub ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab. Taliyaha Ciidanka Xooga S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo ay wehliyaan Abaanduullaha Ciidanka XDS S/guuto Odowaa Yuusuf Raage,Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta iyo Saraakiil kale ayaa ka qeyb galay dhoolatus Meletari. Ciidamadan ayaa tababar gaar ah wuxuu kaga socday xero ciidan oo ku taala duleedka magaalada Muqdisho, waxaana ujeedada tahay inay door weyn ka ciyaaraan howlgalada gaarka ah ee ka dhanka ah Al Shabaab. Saraakiisha ciidamada xooga oo la hadlay ciidamadan ayaa sheegay inay muddo tababar qaadanayaan, islamarkaana loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al SHabaab. Taliyaha Ciidanka Xoogga S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa waxa uu Tilmaamay in uu aad ugu farxay dhoola-tuskii cajiibka ahaa ee ay soo bandhigeen Ciidanka, isaggoo kula dardaarmay inay noqdaan kuwa kasoo baxa waajibaadka Qaran ee loo igmaday.
  21. Gaalkacy (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa aad looga hadal hayaa dhacdo cajiib aheyd kadib markii mid kamid ah dhalinyarada ka shaqeeya shirkadaha Korontada uu badbaadin sameeyay. Muuqaal lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa ahaa ruux dhalinyaro ah oo ka shaqeeyan Korontada oo badbaadinaya shimbir ay qabsatay korontada baale ay saarneyd, waxaana aad loo hadal hayaa dhacdada. Wiilka dhalinyarada ayaa arkay korontada oo ku dhagan Shimbirta yar, iyadoo shimbiro kale gurmad ahaan ay ula joogaan, balse aysan waxba u qaban karin. “Shimbirta waxaa lugaha uga Xirnaa Xarig, waxaana qabsatay Fiilo ku xirneyd birta Balse aan Koronto laheyn, Dadkuna waxa ay ku baraarugeen Shimbiro hal mar Hawada Birta Qabsaday, taas oo ku dhalisay inay Hubsadaan sababta ay isigu soo urureen Shimbiruhu” ayuu yiri Maxamed Cabdullaah oo kamid ahaa Dhalinyaradii Goobjooga u ahaa Dhacdadan oo u waramayey warbaahinta. “Muddo illaa 10 Daqiiqo ah ayaa Korontada laga jaray Agagaarkeena si loo Bad-baadiyo Shimbirta oo ay heysatay Xaalad adag, waxaan aad ugu faraxsanahay inaan qeyb ka ahaa kuwii u danqadey shimbirta eek a shaqeeyay inay hesho Gurmad lagu bad-baadinayo”. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Gaalkacyo-Korontada-ayaa-magaalada-oo-dhan-5-daqiiqo-laga-damiyay-si-loogu.mp4
  22. Maalmahan dambe waxaaa soo kordhay barnaamijyo lagu sheegay siminaarro ay dhallinyaro u qabtaan xisiyada diwaan gashan ee dalka ka jira kuwaas oo muran inta badan abuura. Ma mar iyo laba inta jeer ay dowladda is hortaagtay ama albaabada isugu dhufatay siminaarro ay soo abaabuleen qaar ka mid ah xisbiyada dalka ka jira sida Wadajir iyo xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiga. Waxaa la xasuustaa maalin kahor mid ay xisbiga Wadajir u qabteen dhallinyaro da’yar oo ay dowladda horistaagtay kaas oo maalin kahor isla sidaas ay Baydhabo uga celisay xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiga. Arrimahan siyaasadda Soomaaliya ku soo kordhay waxa ay dhaliyeen muran xilli ay mas’uuliyiinta xisbiyada ka cawdeen jujuubka iyo caburinta dowladda. Dhinaca dowladda wali kama bixin jawaab ku saabsan sababta ay tallaabooyinkaas u qaadeyso walow ay jiraan tuhun ah in ay fulineyso amarro ay hore u bixisay oo diidayey in la qabto kulamo siyaasadeed oo aysan dowladda la socon ama amar looga qaadan. Si walba oo ay ahaataba, waxa ay bulshada is weydiinayaan ciyaartan cusub ee aan waxba ka badalneyn riwaawad ciyaaleedka lagu jilo KARTOONKA caanka ah ee loo yaqaan ‘Tom and Jerry!; Hase yeeshee, markii aan maska tuujiyey oo aan rog rogay arrintan waxaan soo xusuustay sheeko magaaleed caan ah oo aan ku soo koobay waxa uu salka ku hayo SIMINAARRO SIYAASADEEDKAN bilowday dabayaaqadii 2018 lana jaanqaaday 2019! SHEEKO MAGAALEEDKA CAANKA BAXDAY! Nin dhallinyaro ah ayaa hadda kahor laga hayyaa in uu ku kaftamay ama uga baxday dhaqanno laga yaqaan maqaayadaha ay gabdhaha shaaha ku ka riyaan “SHAAH DAN LEH!” SHAAH DAN LEH? Maqaayadaha lagu cabo shaaha ee ku teetsan laamiga waa ka caan gayyiga Soomaaliyeed oo badanaa waxaa ka ganacsata hablo/gadho. Maqaayadahaas waxaa u soo sheeko iyo shah taga rag isugu jira dhallinyaro iyo rag waayeen! Asxaabtaas soo shaah iyo sheekaba tagta waxaa loo qeybaa laba; 1. Kuwo shaah raadis ah oo aan wax kale u dheereyn 2, kuwo shaaha ugu hoos duugan yahay haasaawe! Kuwa labaad, ee shaaha ku soo raadsada in ay kula sheekeysteen ama kula haasaawaan xataa haddii aysan shaah cabbid ka hayn, badanaa waa WAAJIB in ay dalbadaan shaaha, is ag dhigaan oo ay koobkaas saacad, laba ama saddex uu horyaal ama kabashada u beekhaamiyaan si joogista maqaayada ugu dheeraado! SHAAHAAS WAA MIDKA LOO BIXIYEY SHAAH DAN LEH! Hadaba, soo lama oran karo SIMINAARADA ku cusub siyaasadda Soomaaliyeed, dowladdana ka daali weysay is hortaagooda, xisbiyadana ka nasan waayeen qabashadiisa, waa SIMINAARRO DAN LEH!? Danta siminaaradaas waa xaajo kale oo qofba si ula muuqato, balse waxaa xaqiiq ah in xisbiyada iyo dowladda iska dhex arkeen biyaha hoostooda oo ay sheekaduba ka gudo ballaaran tahay caburin iyo arrimo kale! W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid