Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___Qubanaha-02032019.mp3 View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa markale faahfaahin dheeraad ah ka bixisay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen wadada Maka Al mukarama oo dad badan ku dhinteen. Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo saxaafadda kula hadlayay gudaha Hotel Maka Al Mukarama ayaa sheegay in khasaaraha soo gaaray rayidka ay ka xun yihiin. Daahir Geelle, ayaa sheegay in Al Shabaab ay doonayaan inay niyad jibiyaan shacabka Soomaaliyeed, balse aysan ka yeeli doonin, isaga oo xusay in ciidamada amaanka ay ku raad joogaan dadkii wax ka ogaa abaabulka weerarkaasi. Ajaaniib ka barbar dagaalanta Al Shabaab ayuu sheegay inay ka dambeeyaan fikradaha qaar oo dad badan oo Soomaaliyeed lagu xasuuqay isaga oo cadeeyay inaysan taasi aqbali doonin oo ay la dagaalamayaan. “Ciidamada waxay ku howlan yihiin difaacidda dadka, dadka ma arkaan qaraxyada laga hortagay balse waxay arkaan kuwa dhacay oo kaliya, boqolaal laga hortagay ayaa jira, masuuliyadda khasaaraha nasoo gaaray waxaan u heysanaa Al shabaab, ama nolol ayaan kusoo qabaneynaa ama waan dileynaa”ayuu yiri wasiirka Warfaafinta. Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in ciidamada gaarka ah ee dowladda ay ka qeyb qaateen badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ra’iisul wasaaraha dalka uu balan qaaday dhaqaalaha ku baxa badbaadinta Shacabkii dhaawacmay in xukuumadda ay bixineyso, sida uu sheegay wasiirka. Wuxuu dhinaca kale soo hadal qaaday sababaha ciidamada amaanka ay ugu dambeyntii u go’aansadeen inay u dhacaan gurigii Al Shabaab ay ku qaldameen, wuxuuna sheegay inay doonayeen inay shacabka badbaadiyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Cadaado (Caasimada Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamada Nabad sugidda Soomaalia NISA ay la wareegeen gacan ku heynta madaxtooyada magaalada Cadaado. Ciidamada DANAB ayaa qeyb ka ahaa howlgalka ciidamada NISA ay kula wareegeen madaxtooyada magaalada Cadaado, waxaana hogaaminayay howlgalkaasi Cabdi Dheere oo ah Taliyaha NISA qeybta Galmudug. Xarunta ciidamada NISA caawa la wareegeen waxaa horey gacanta ugu hayay ciidamo maleeshiyaad ah oo maamulayay tan iyo markii khilaaf uu soo kala dhex galay madaxda maamulka Galmudug. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in amarka ciidamada maleeshiyaadka ah looga saaray magaalada Cadaado ay bixisay dowladda Soomaaliya, iyadoo dhawaan la filayo inay magaalada Gaaraan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya. Fiidnimadii caawa waxaa mararka qaar rasaas laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Cadaado, waxaana taagan xiisadda ka dhalatay arintaan, sida wararka ay sheegayaan. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Galmudug ee ku sugan magaalada Cadaado, iyadoo aysan jirin xal wali laga gaaray xiisadda cusub ee ka jirtay magaalada Cadaado. Caasimada Online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee amniga C/risaaq Cumar Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladaha amni ee Muqdisho iyo qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Wasiir C/risaaq oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo markiisii hore uu balanqaaday in labo sano gudahood Shabaab wadanka looga saarayo. Wuxuu sheegay in labo sano kadib dowladda Soomaaliya ay difaac ka gashay baraha bulshada iyada oo la weerarayo siyaasiyiinta ka aragti duwan dowladda Soomaaliya, taasina ay caqabad ku noqoneyso amaanka dalka. Isaga oo la hadlayay Dalsan TV ayuu sheegay in loo baahan yahay in qorshe ka duwan taasi ay la timaado dowladda madaxweyne Farmaajo, si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed. Seddex balanqaad ayuu sheegay in madaxweyne Farmaajo inuusan fulinin, wuxuuna ku kale sheegay balamaha inay kamid ahaayeen:- 1 In Handida ku burburtay qarxyada shacabka laga taageerayo 2 In dhaawacyada la dabiibi doono 3 In Al Shabaab labo sano kadib laga saari doono Soomaaliya. Ugu dabeyn wuxuu soo jeediyay in Al Shabaab wadahadal lala galo haddii ay baajineyso dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee daadanaya maalin kasta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
  5. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka jeediyay khudbad kulanka 46,aad ee Golaha Wasiirrada Wadamada xubnaha ka ah Ururka Islaamka oo shalay oo Jimce ahayd ka furmay Caasimadda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Abu Dhabi. Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay had iyo jeer abaal u heyso Ururka Iskaashiga Islaamka sababo ku aaddan taageerrada iyo isgarabtaagga uu muddo dheer u muujinayay, si gaar ahaaneed qarannimada Soomaaliya, madax banaanidiisa iyo bedqabka dhulkiisa. Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa markii ugu horreysay kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ku qabsaday Magaalada Muqdisho 27 Oktoobar, 2018. Ururka waxa kale oo wax ka bedel ku sameeyay xafiiskiisa bani’aadannimo ee Soomaaliya oo loo rogay mid diblomaasiyadeed oo dhammeystiran, iyadoo la tixgelinayo guusha ay gaartay Soomaaliya. Soomaaliya waxa ay martigelin doontaa inta u dhexeysa 29-30 April ee sanadkan Shir maan-hadal ah oo la xiriira la dagaalanka argagaxisada oo ka dhici doona Muqdisho, oo qaban-qaabadeedu leeyahay Ururka Iskaashiga Islaamka. Waxa uu ka codsaday wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka inay taageeraan deyn cafinta Soomaaliya si dhaqsiya loola falgalo sida ay wax u xaliyeen Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika, si degdeg loogu dhiso Soomaaliya, lana dhammeeyo jiritaanka argagaxisada iyo shaqa la’aanta dhalinyarada, waxa uu ugu baaqay in si deeqsinimo ah uga qeybqaataan Sanduuqa Horumarinta Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka. View the full article
  6. Noloshii cajiibka ahayd ee RAAGE UGAAS Q1aad Qalinkii Cabdi Caawiye Nin walbaaba waxbaa lagu xasuustaa marku uu alaysto ama hoydo ee uu dhinto. Mid waxa lagu xasuustaa geesino, mid deeqsinimo, mid fuleynimo, ninba waxbuu ka tagaa. Haddaba Raage Ugaas Warfaa markii dambe noqdey Ugaas Raage Ugaas Warfaa wuxuu ahaa ugaas, hogaamiye, gabayaa, halabuur, dagaalyahan Soomaaliyeed kaasi oo noolaa wakhti lagu qiyaaso badhtamihii qarnigii 19aad. Raage Ugaas wuxuu ku dhashay ceelka Sasabane, meel u dhow magaalada Dhagaxbuur, Gobolka Soomaali Galbeed ee wadanka Itoobiya.Raage waxaa dhalay Ugaas Warfaa Faaraxa Samatar oo ahaa Ugaaska Beelaha Gadabuursiga, waxaa la dhashay labo wiil oo ka weynaa kuwaasi oo kala ahaa Ugaas Xuseen iyo Xilkab. Si kastaba ha ahaatee, Ugaas Raage wuxuu yaraantiisii ku soo caanbaxay tirinta gabayga, iyo helida ereyo aad u dhumuc weyn. Ugaas Raage wuxuu ahaa haldoor Soomaaliyeed kaasi oo lagu xasuusto gabayo, sheekooyin iyo dhacdooyin xiiso leh oo uu ka tagay. Sidoo kale, markii uu geeriyooday walaalkii Ugaas Xuseen waxaa la caleemo saaray Ugaas Raage oo qabtay talada Ugaasnimo ee beelada Gadabuursi taasi oo uu hayay ilaa horaantii qarnigii 20aad. Dhinaca kale, Ugaas Raage wuxuu noolaa wakhtiyadii uu Garaad Faarax “Wiilwaal” ka talin jirey deegaanada Ogaadeeniya. Sheekooyinka inbadan waxaa lagu sheegay xifaaltan iyo tartan dhexmaray Ugaas Raage iyo Wiilwaal, kuwaasi oo ku dagaalamayay gabadh haybad iyo qurux badneyd. Raage Ugaas gabayo badan ayuu ka tiriyay jeceylka gabadhaasi. Waxaana la sheegay inuu markii dambe dilay Garaad Wiilwaal. Gabayga Alleyl dumay Raage Ugaas ayey gabadhi u doonanayd, gabadhaasoo qurux Illaahay ku manaystay. Raage gabadhu way madax qaaday, oo aad buu u jeclaa. Waxaa gabadhii loo meheriyay Faarax Wiil-waal. Warkii markuu Raage soo gaadhay ayuu jiif iyo joogba diiday, kadibna tiriyey gabaygan la magacbaxay Alleyl Dumay. Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e Ninka illo biyaleh soo arkoo ooman baan ahaye Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye La soco qaybaha dambe…… Uririntii Cabdi Caawiye +252411 Qaran News
  7. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-02032019.mp3 View the full article
  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi ay ku kulmeen madaxweynaha Jubbaland iyo Xildhibaan C.rashiid Maxamed Xidig Kulankooda oo ahaa mid aan lasii shaacin ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada ee maamulka Jubbaland, sida xogta aan ku heleyno, waxaana kulanka uu ka dambeeyay kadib markii Xildhibaan Xidig uu u tagay madaxweyne Axmed Madoobe. Lama oga waxyaabaha ay si dhab ah kaga wada hadleen labada masuul, waxaana kulankooda uu imaanayaa iyadoo dhawaan dadweyne badan laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, kuwaasi oo soo dhaweyn lahaa Mr Xidig. Axmed Madoobe ayaa wajahaya culeesaad dhanka doorashada ah, waxaana uu ka baqayaa in masuuliyiin dowladda Soomaaliya wadato ay kula loolamaan doorashada ka dhacaysa magaalada Kismaayo. Dhawaan wuxuu soo saaray amaro ciidamada amaanka iyo shaqaalaha Jubbaland ku wajahnaa kuwaasi oo ahaa inaysan ka qeyb qaadan karin olalaha doorashooyinka dhawaan ka dhacaya magaalada Kismaayo. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Xildhibaan dhankiisa uu qorsheynayo inuu kamid noqdo musharixiinta Maamulka Jubbaland, waxaana soo baxaya warar sheegaya in qorshaha dowladda qeyb ka yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmada Gabiley Dhallinyaro ka cabatay adeega caafimaad ee dawlada oo xabsiga lala tiigsaday, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa waxaa uu si adag u dhaliilay dhismaha jidka Isku xidhi doona Berbera iyo Wajaale ee Berbera Corridor oo dhawaan la dhagax-dhigay Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in markii ugu horreysay dhismaha jidkaasi uu ahaa Waddo cusub balse aanu aheyn wadadii hore u jirtey ee Berbera iyo Wajaale in dib loo dayac Tirayo. Sidoo kale Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ku baaqay in hadii Jidkii Berbera Corridor noqdey in wadadeenii hore dib loo dayac tiro in arrimo ka mihiimsan lagacataas lagu qabto, waxaana uu alleh ka beryey in wadadaasi aaney noqonin sidii mashruucii biyo ballaadhinta Hargeysa ee Xumbo Weyne oo fashil ku dambeeyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Dawladda jabuuti ayaa masuuliyiin iskugu jira wasiiro iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga taladda dalka haya ee KULMIYE casuumad rasmi ah u soo dirtay,taasi oo ay u soo marisay saafaradda somaliland ku leedahay dalka Jabuuti. Masuuliyiinta Dawlada Jabuuti Soo Casuuntay ayaa waxa hogaaminaya Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Ay Wehelinayaa Masuuliyiin xisbiga kulmiye ka tirsan,waxaana ay wararku sheegayaa in ay kulamo la yeelan doonaan madaxwaynaha dalka jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Waftigan uu wasiirku hogaaminaya ayaa galabta ka dhoofi doona Madaarka Cigaalka Ee Magaaladda hargaysa,waxaana ay tagi doonaan Magaaladda jabuuti oo ay kulamo kula yeelan doonaan madaxda ugu saraysa dalka jabuuti. Saddexda xubnood ee ka tirsan xisbiga KULMIYE ee safarka ku wehelinaya wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa iyagana magacyadooda la sheegin Source
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshaddaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye ayaa ka hadlay Hoobiyeyashii maanta kusoo dhacay xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Wasaaradda Ganacsiga. “Kooxaha argagixisada iyo nabaddiidku dib uma celin karaan rajada aynu ka qabno in aynu helno Nabad iyo Nolol fiican, waxay doonayaan in ay rajo beel inaga dhigaan oo hakiyaan horumarka, Ganacsiga, Maalgashiga iyo yididiilada jirta, ka yeeli mayno waana la ciqaabi doonaa argagixisada insha allah”ayuu yiri Wasiir Maareeye. Madaafiicda hoobiyeyaasha oo gaarayay ilaa shan ayaa ku kala dhacay gudaha iyo hareeraha Xarunta Madaxtooyada, waxaana madfac ka mid ah uu ku dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka. Hadalka Wasiirka ayaa yimid xilli Madaxtooyadda Soomaaliya hoobiyeyaal maanta lagu weeraray kuwaasoo kula dhacay Xarunta Villa Hargeysa, gaar ahaan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1aad, xafiiska Guddiga doorashooyinka iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka madaafiicda ee ku qaaday Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, waana weerarkii labaad oo Al-Shabaab ka fuliso Muqdisho labo maalin, kaddib weeraro ku bilowday qaraxyo oo habeenkii khamiistii ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Xeer ilaaliye ku xigeenka dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in baaritaanka kiiska dilka iyo kufsiga ahaa ee loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan uu [...] Source
  14. Madaafiic hoobiyayaal ah ayaa lagu garaacay agagaarka Madaxtooyada. Qaar madaafiicda ka mid ah ayaa la sheegayaa inay ku dhaceen gudaha xafiisyada Dowladda. Xogasho:Catoosh Source
  15. Muqdisho (SMN) – Waxaa soo hagaageyso xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay weerarkii xooganaa ee maalin ka hor ka dhacay waddada Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho, kadib markii loo fidiyay daryeel caafimaad . Dadkan oo ah kuwa rayid ah ayaa waxa ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay weerarkaasi. Mar aan booqanay isbitaallada Muqdisho ayaa waxaan kula kulmay qaar ka mid ah dadka dhaawacyada ah, iyaga oo Shabelle uga warbixiyay xaaladdooda caafimaad. Dhinaca kale maamulka isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay tirada guud ee dhaawacyada la dhigay isbitaalkaasi. Madaxda caafimaadka isbitaalka Madiina C/qaadir Qalinle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay 34 ruux oo dhaawcyo ah iyo 11 qof oo Meydad ah. Geesta kale guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee G/Banaadir Marwo Basmo Caamir oo booqatay isbitaallada Madiina iyo Digfer ayaa dadka dhaawacyada ah ee ku jira isbitaalladaasi gaarsiisay deeq lacageed, iyadoona tacsi u dirtay ehellada ay dadkoodu ku dhinteen qaraxyadaasi. Ugu dambeyn wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka Soomaaliya C/rashiid Maxamuud Xasan ayaa sheegay in XFS ay garab taagnaan doonto dadka waxyeeladu soo gaartay, waxaana sidoo kale uu ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al Shabaab. View the full article
  16. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadelka Cimilada DPL Prof. Ismaaciil Diiriye Gamadiid oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka digay Isticmaalka xad dhaafka [...] Source
  17. Madaxweyne Muuse Toltolkaaga Mooyaane Hayga Jeexjeexin Sida aynu la wada socono Somaliland waxay soo jirtay wakhti ku siman ilaa 29 sanadood 1991 -2019. Waxaa iska soo bedelay shan madaxweyne oo uu ugu danbeeyay kan iminka jooga mudane Muuse Biixi Cabdi.Waxay muwaadiniinta aan ka mid ahay is waydiinayaan halka uu marayo geedigi bulshadeenu ugu jirtay in ay gaadhaan horuumar oo ay heleen aqoonsi caalami ah oo aynu ka helo beesha caalamka.Hadaba, inta aanan ka jawaabin sida aan u arko iyo aragtidayda, aan idiin soo tebiyo iswaydiintii naftayda ee ahayd oo waa kuma ninka maanta hogaanka aynu u dhiibanay ee hawshan laga sugayaa ? Dee waa mujaahidkii Muuse ee afartii madaxweyne ee ina soo marayba kaladhka haystay ee ka laalaaday.Oo waxaynu filaynay in uu inoo dhaamayo ee ma kursiguu doonayay mise wax kale ayaa inoo dhiman oo uu weli inala maaganyahay? Dee malaha waxaan is leeyahay kursiga ayuun buu u haliilayay, oo hadana waxaan is waydiiyay, oo talow muxuu ku falayay kursiga? Waxaan isugu jawaabay malaha waxoogaa reerkooda ah in uu kuraas siiyo iyo in loo damaashaado oo durbaanka loo tumo kama badnayn. Waxaanu weli leeyahay waxbaan soo wadaa, waxaana dhamaaday sanad iyo badh! Nin baa laga sheegay “Waar toltolkaaga mooyaane bal hayga jeexjeexin” aniguna waxaaaban is waydiinayaa, talow armuu uga daraa! Bal hadaba aan eegno oo dhugano wakhtigaa uu talada hayay iyo halkee joognaa?Waxaa muuqata oo uu madaxweynuhu afkiisa ku cadeeyay in aynu dunidii go’doon kaga jiro, isagoo Safarkii bariga ku guda jira oo Burco ka khudbadaynaya wuxuu yidhi “waxaan diyaar u nahay in 30 kii sanadood ee erateriya go’doonka ku jirtay aanu go’doon ku jiro” waa yaabe muu saadaal ka wanaagsan inoo sameeyo! Mar labaad maalintii dhaweyd ee uu ka soo noqday Ethiopia wuxuu sheegay in Abi Axmed inoo badheedhay oo yidhi Somali-wayn la midooba. Waa yaabe ma raadkii arooryo ayaynu dib u raacaynaa.Dhaqaalihii hadaan eegayna waxaa dalkii ka baxaya qaylo oo waxa aan lagu kala baydhin in busaaradi ku habsatay oo sixir-bararkiina halkiisii ka soo degiwaayay. Waxaa iyaduna inugu cusbaa, dagaalo qabaa’il oo ay ku dhinteen dad ka badan 110 ruux Laascaanood iyo Ceel-afweyn, iyadoo weli qaar taagan yihiin oo aan Madaxweynaha ka dhegaystay markuu shirkii Kulmiye ka khudbadaynayay labo beelood oo isku horfadhiya galbeedka Somaliland, waar hayga hadho mujaahidiintii ayaa siyaasada gudaha fahmaya oo waa niman aad dhaqanka u yaqaan mar hadii Maxamed Kaahin oo Daakhiligii jooga ay baroortii haweeku damiwayday oo dadkeenii tarabtab isugu dhimanayo. Allaa kariim!Anigu eegay oo waxay ila tahay mudane Muuse Biixi waa Madaxweynihii ugu liitay intii Somaliland soo martay, waa Siyaasigii ugu hagardaamada badnaa ee madaxweyneyaashii hore caqabada ku ahaa ee ay talaabada ka rogi waayeen, maantaana himilidii iyo mustaqbalka Somaliland madaw badan ayaa isku gadaamay ee dalkii haloo feejignaado. Ibraahin Cabdi Maxamed Qaran News
  18. Garbahaarey (SMN) – Maxkamadda degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa maanta xukun dil ah ku riday eedeysane Maxamuud Cali Xaamud oo 28-kii bishii koowaad ee sanadkan fal kufsi iyo dil u geystay Marxuumad Xaliimo Cali Macalin Saalax. Falkan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Yacubley oo 8 km u jira magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Sheekh Maxamed C/raxmaan Aamusane oo ah guddoomiyaha maxkamaddaasi ayaa ku dhawaaqay go’aanka ka soo baxay maxkamadda. Xukunka maxkamadda Garbahaarey ayaa imaanaya, xilli maalmihii la soo dhaafay qeybo ka mid ah dalka ay ka dhacayeen falal kufsi ah, iyadoona ay ugu dambeysay dhacdadii Gaalkacyo ee lagu kufsaday, laguna dilay Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-turki.mp3 View the full article
  19. Madaafiic lagu garaacay Villa Somalia iyo hareeraheeda + Sawirro Tiro Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo ay degan yihiin Madaxda dowladda Somalia iyo qaar ka mid ah Hey’adaha dowladda. Dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlay Xaafadaha ku hareeraysan Madaxtooyadda Villa Somaliya, halkaasi oo qaarkood hoobiyeyaasha ay ku dhaceen. Illaa iyo 5 Hoobiye ayaa ku soo dhacay Madaxtooyadda Soomaaliya iyo hareeraheeda, waxaana ay saameeyeen qaar ka mid ah xafiisyada madaxda iyo wasaaradaha. Saddex ka mid ah ay ku kala dhacay Xarunta Villa Hargeysa, gaar ahaan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1aad, hal madfac ku dhacay agagaarka xafiiska Guddiga doorashooyinka iyo madfac kale oo madaxtooyada gudaheeda ku dhacay. Sidoo kale, madaafiicda qaar waxey ku dheceen meel aan ka fogeyn madaxtooyada, sida dhismaha xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Soomaaliya oo ku taala dhabarka danbe ee tiyaatarka . Lama oga Khasaaraha ay sababeen hoobiyeyaasha oo dadka si wayn uga argagaxeen, iyaga oo dadka horay uga argagaxsanaayeen qaraxyadii & dagaalkii Shabaab ay ku qaadeen dhismayaal ku yaal Wadada Maka Al-Mukarama. Illaa iyo hadda lama hayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicdan, hase yeeshee waxaa sawirro warbaahintu heshay muujinayaan madaafiicdii ku dhacday xarunta wasaaradda ganacsiga. Qaran News
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shalay warqad tacsi ah usoo dirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib weerarkii ay Al-Shabaab ka fulisay dhismooyin ku yaalla Maka Al-Mukarama. Si kastaba, qoraalka oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa abuuray su’aal kadib markii tacsida loo diray ra’iisul wasaare Kheyre, laguna soo hadal qaadin madaxweyne Farmaajo. Marka waddan tacsi loo diray ama hambalyo, waxaa caadiyan lagu hagaa mas’uulka uga sarreeya waddanka, kaasi oo ah madaxweyne Farmaajo, marka ay timaado Soomaaliya. Haddii wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ay qoraalka u diri lahayd dhiggeeda Soomaaliya, waxay noqon lahayd arrin kale oo qiil loo yeeli karo, hase yeeshee Kenya ayaa qoraalkeeda ku muujisay in Kheyre uu dalka ugu sarreeyo. Ma cadda sababta ay Kenya u sameysay arrintan, hase yeeshee waxaa jira khilaaf Farmaajo iyo Kenyatta ka dhaxeeya oo la xiriira sidii loo beddeli lahaa Axmed Madoobe, taasi oo Kenya ay diiday kadib markii Farmaajo dalbaday. Waxaa sidoo kale macquul ah in arirntan ay tahay xeelad Kenya isaga horkeeneyso madaxda Soomaaliya, isuguna dayeyso inay ku kasbato ra’iisul wasaare Kheyre, xilli ay Soomaaliya kala dhaxeyso xiisad diblomaasiyeed. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Kenya 1- Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya waxa ay iyadoo xanuun qoto-dheer dareemeysa tacsi tiiraanyo leh u direysaa xukuumadda iyo shacabka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ka dib weerarkii argagixiso ee musiibada ahaa ee laga fuliyay Magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. heinous 2- Falalkan argaggixiso waxay khatar isku mid ah ku yihiin shacabka labadeenna waddan, waxaana hoosta ka xarriiqeynaa sida loogu baahanyahay inaan si dhow oo wada jir ah uga wada shaqeyno, innagoo kaashaneyna istiraatiijiyadda xulafadeenna, sidii loo wajihi lahaa dagaalka argagixisada iyo xagjirnimada qalalaasaha wadata, si aan ula tacaalno ugana adkaanno halistan isla markaana ugu baddalno nabad iyo amaan. 3- Maadaama uu yahay dal aan walaalo nahay, waxaan naxariis iyo dhimrin u muujineynaa isla markaana garab taagan nahay qoysaska soomaaliyeed, oo ay ku jiraan kuweenna, waxaana uga tacsiyeyneynaa geerida dadkii ay jeclaayeen ee iyagoo aan waxba galabsanin noloshooda ku waayay weerarkan naxdinta leh. 4- Xukuumadda Jamhuuriyadda Kenya waxay tacsida u gudbisay Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxayna u xaqiijisay sida ay Kenya diyaar ugu tahay iney sii xoojiso wada shaqeynteeda la xiriirka dagaalka ka dhanka ah argagixisada.