-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The British Tamils Forum (BTF) and Tamils for Labour (TfL) organized a fundraising event on 8 June 2024 to support Janet Daby, the Labour candidate for Lewisham East, in the general election scheduled for 4 July 2024. Janet Daby attended with her husband and joyfully met and greeted the people in the dinner hall. A broad cross-section of Lewisham-East constituents, councillors, Tamil business community and dignitaries attended. The youth involvement significantly contributed to the event’s success. Among other participants, the following dignitaries participated and graced the event. Councillor Mark Ingleby Councillor Rachel Onikosi Councillor Eva Stamirowski Councillor Aliya Sheikh Councillor Jacq Paschoud Councillor John Muldoon Councillor Coral Howard Councillor John Paschoud Councillor Appu Srinivasan Councillor Elili Ponnuthurai Councillor Sarmila Varatharaj London Assembly Member and Leader of Labour Group at City Hall Len Duvall OBE There is a growing global acknowledgment that what the Tamils in Sri Lanka suffered in the final stages of the civil war was genocide at the hands of the Sri Lankan state. Canada is one example that declared the week preceding May 18 as genocide week and focused it on education-related matters. In Britain, Rt Hon Sir Keir Starmer, the opposition leader, mentioned Mullivaikkal genocide remembrance in his Mullivaikkal message to the BTF. https://www.facebook.com/100064789236766/posts/871004598402507/?mibextid=WC7FNe&rdid=fnH2koZkm5Gjg3CE. Janet Daby, the member of parliament for Lewisham East and shadow minister for youth justice, a strong advocate for justice and the legitimate aspirations of Tamils also acknowledged in many occasions what happened to Tamils in the civil war in Sri Lanka was genocide. BTF looks forward to campaigning for the likes of Janet Daby, seeking to establish justice for the Tamil victim population in Sri Lanka, whose existence there is threatened with genocide. Qaran News
-
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Cuba Rodriguez ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu qaadayo jidkii Koonfur Afrika, oo ay dacwadd ka dhanka ah Israa’iil horgeynayaan maxkamadda Adduunka. “Dowladda Cuba waxay go’aansatay inay noqoto ka waddankii saddexaad, oo dacwad ka dhanka ah Israa’iil horgeeya Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay arrimaha dibadda Cuba. “Dowladda Cuba waxay adeegsan doontaa xaqa ay u leedahay inay Israa’iil ku dacwayso xadgudubyada ay ka gaysatay Qaza ” ayaa sii raaciyay bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda Cuba. Dalal kale oo ka mid yihiin Nicaragua, Colombia, mexico iyo Chile ayaa sheegay in ay gudbiyaan dacwad ka dhanka ah Israa’iil. PUNTLAND POST The post Dowladda Cuba oo maxkamadda Adduunka ka dacwaynaysa Israa’iil appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta weerar ku qaaday goobo ay gabaad ka dhiganayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Al-Shabaab. Weerarkaas ayaa ka dhacay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya magaalooyinka Galcad iyo Masagawaay ee gobolka Galgaduud. Ciidamada ayaa cagta mariyay goobihii gabaadka u ahaa cadowga, kadib markii heleen xogta Khawaarijta isku uruursaneysa aaggaas. Al-Shabaab waxaa maanta howlgalkaas lagu gaarsiiyey jab xoog leh, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Taliyaha Ururka 86-aad Guutada 77 Cabdinuur Yuusuf Qadaaye oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkaas. Deegaanada maanta lagu weeraray Al-Shabaab waxaa ka socday abaabulka maleeshiyaad ay doonayeen inay ku weeraraan ciidanka jooga Mesegawaa iyo Ruun-nirgood, sida ay noo sheegeen saraakiishu. Ciidamada ayaa weerar kala hormaray kooxda, waxaana halkaas ka dhacay kala firxad, waxayna u carareen dhanka deegaanka Cawsweyne, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiisha ciidamada DF. Kooxda Al-Shabaab ayaa ku xoogan howdka u dhaxeeya Mesegawaay, Galcad iyo Ruun-nirgood, waxayna halkaas ka abaabulaan weerarro culus, sida weerarkii ay maalmo ka hor ku qaadeen Ceeldheer. Sidoo kale kooxda ayaa si joogto ah ula kulanta weerarro duqeyn ah oo howdkaas ka dhaca, waxaa loo diiday fursad ay isku abaabulaan, waxayna halkaas ku yihiin go’doon, markii ay toos u soo weeraraan ciidamo waxay u cararaan gudaha gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku xoogan yihiin. The post Sawirro: Ciidanka xoogga oo fashiliyey dhagar halis ah oo Shabaab ay soo maleegeen appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiiro ka tirsan xukuumada oo hordhac u ahaa wefti Kulmiye ka socda ayaa wajib gabax kala soo kulmay magaalada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd oo ay maanta tageen. Wasiir Ciise Kayd ayaa lay xaqiijiyey inuu cadho kaga soo baxay magaalada Balli-gubadle ka dib markii lagu kala kacay shirar ay wasiiradu la yeesheen guddiyo ka socday dadka deegaanka gobolka. Warku waxa xaqiijiyey in reer Hawd ay wasiirada hordhigeen laba qodob oo ay rabaan in Kulmiye fuliyo haddii uu cod ka rabo bulshada gobolka, kuwaas oo kala ahaa. 1. Inay shubaan lacagta ku baxaysa dhamaystirka waddada isku xidhaysa Balli-gubadle iyo Hargeysa. 2. In Muuse Biixi uu baarlamaanka si degdeg ah ugu gudbiyo ansixinta gobolnimada Hawd. Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in wefti Kulmiye ahi ay bari socdaal ku tagayaan xarunta gobolka Hawd iyaga oo qorsheeyey inay dhagax dhigaan 15km oo lagu darayo waddada Balli-gubadle taas oo aan la hubin inay caro tuul noqon doonto iyo inay Laami ahaan doonto, haddii aanay noqonba beenihii Kulmiye caanka u ahaa. Wasiirka technology-yada iyo wasiir ku xigeenka caafimaadka ayaa hada ku sugan magaalada Balligubadle, waxaanay qorshaynayaan inay soo dhaweeyaan weftiga Kulmiye ka socda. Sidoo kale waxa jira shuruudo ay dadweynaha gobolka Hawd u diyaariyeen xisbiyada mucaaridka ah kuwaas oo codkooda siin doona haddii ay ka soo baxaan. X: Cabdirisaaq Goud Wariye Ayaanle Cige Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa dunuub adag ku eedeeyey Xildhibaan Cabdullahi Kulane Jiis, isagoo sheegay inuu dilay Guddoomiye Cabdiraxmaan Injineer Yariisow, Jeneraal Galaal, Ikraan Tahliil iyo Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi. Wuxuu sheegay in shalay uu afkiisu soo qabtay Injineer Yariisow isagoo iska dhigay nin jaceyl walaalnimo u qabay, balse wuxuu sheegay in isagu uu wax ka soo qorsheeyey dilkiisa. “Dhamaan dadka aan soo tiriyey waxaa dilkooda qorsheeyey dad qalatadii uu Kulane u adeegi jiray ee Farmaajo u weynaa, waxaan xaqiijinayaa in dadka aan soo tiriyey ay laayeen ragaas, waxaan maanta ku tilmaami lahaa dad qalato,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabeelle ayaa dowladda federaalka ka codsaday in Cabdullahi Kulane iyo raggii kale ee dilalka geystay xasaanadda laga qaado oo la maxkamadeeyo, isagoo sheegay inay ku cadyihiin dilalka dadkii uu soo tiriyey iyo kuwo kale oo la waayey. Cabdullahi Kulane ayaa xalay ka hadalay qabuuraha ay Iskuul Buluusiya ka rareyso dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in Xasan Sheekh iyo kooxdiisa u uku dhacay qamaam, isla markaana ay dhacayaan cid kasta oo dhul leh. Sheekh Cismaan Barre ayaa u jawaabay “War ina Kulanow qabuuraha aad ka hadleyso dadkii aad leysay ayaa ku duugan, qaar gacantaada ayaad ku dishay, qaarna adigaa sababay inay dhintaan, dhiig ayaad faraha kula jirtaa markaas ayaad qabuuro ka hadleysaa,” ayuu yiri. Sidoo kale guddoomiye hore Sheekh Cismaan ayaa sheegay inay banaantahay in qabuurahaas Meesha laga saaro, maadaama dhulka ay u soo baahatay dowladda oo markii hore laheyd, Ahaana dhul danguud ah. “Anigu culimada ayaan ka mid ahay, dhulkaas in la baneeyo waxaa fatwootay culimada, mana banana in meydka lagu duugo dhul aadan milkiyadiisa laheyn ama aan la waqfin, marka abaabulka ka dhaafa dadkaan dowladoodu waa ixtiraameysaaye, umadda Soomaaliyeed haka digtoonaato nimankaan,” ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre. Hoos ka daawo The post Daawo: Kulane Jiis oo loo haysto dilka Ikraan Tahliil, Yariisow, Galaal iyo Xil. Aamina appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta u jawaabay dad uu sheegay inay xanuun ka qaadeen guulaha ay gaareyso dowladda federaalka Soomaaliya. “Dadka aan sheegayo meelaha waxay la soo fariistaan deegaanadii Shabaab laga xoreeyey dib ayey u qabsadeen, waa beentood maanta gaarigii Muqdisho ka baxa Jabuuti ayuu toos u tegayaa isagoon Shabaab arkin, waa guuleystay dagaalkii ay dowladdu qaaday labo sano ka hor,” ayuu yiri Wasiir Jaamac. Wasiirka ayaa sheegay in dadkaas ay ka xanuunsadeen maanta markii ay arkeen arday imtixaanka dowladda ku geleysa Ceeldheer iyo Aadanyabaal, sida uu hadalka u dhigay. “Markii ay arkaan amniga iyo dhismaha Muqdisho waa xanuunsanayaan kuwa aan sheegayo, war Soomaali waa idin taqaane maxaad la xanuunsaneysaan, maanta la idiinma baahna dalkaan waxaa u kacay dhalinyaro difaaceysa oo furimaha ku ciideysa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Jaamac. Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka uu sheegayo ay aad uga naxayaan guulaha isdabajooga ah, “Laakiin horaan u soconeynaa dalkaan dhaqaalihiisa waa sii kobcayaa, doorasho qof iyo cod ah ayaa ka dhaceysa, dastuurkiisa waa dhameystireynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka difaaca DF. Wasiir Jaamac ayaa sheegay in dadkaasi ay guryahooda la jiifaan xanuun aysan ka soo bogsa doonin, sida uu hadal u dhigay, khudbadaan ayuu maanta wasiir Jaamac ka jeediyey kulan looga hadlayey doorka haweenka ee dagaalka Al-Shabaab. Hadalkaan ayaa jawaab u ah mucaaradka dowladda federaalka oo xarkaha goostay maalmihii lasoo dhaafay, kadib markii dowladu ay gashay qaladaad badan, sida qodistii qabuuraha iyo dagaalka Al-Shabaab. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo si adag ugu jawaabtay mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
-
Damaca Itoobiya iyo damanida Soomalida qaybtii 2’aad qaybtan waxan kaga faaloonayaa taariikhda dhow ee damaca itoobiya ee badda cas. waxa itoobiyaanku ku hadleen ama ka aaminsanyihiin helitaanka badda cas. waxan jecelahay akhristuhu inuu aad u rogrogo ama u dhuuxo hadalka madaxda, siyaasiinta iyo aqoonyahanka itoobiyaanku arinka ka yidhaahdeen. adunka hadalka ka soo yeedha dadka aan kor ku xusay noocooda lama dhaylsado. hadaklkuna sidiisaba waa waxa qofka waxa uurkiisa ku jira lagu qiimeeyo. waxan ku bilaabayaa hadalkii laga yidhi fadhigii ugu horeeyay ee waligeed itoobiya yeelato eek u saabsan badda case, siday uga hadleen iyo cidda ka hadashay. fadhigaasi wuxu dhaca 21 September 2023, wuxuuna ka dhacay sharton hotel addis ababa, kulanka waxa loogu magac daray (“red sea security dynamics, the need for dialogue and cooperation at a time of geopolitical entanglements”) oo la mid ah “dhaqdhaqaaqa aminga bada cas, iyo baahida loo baqabo wada hadal iyo iskaashi xili arimaha joqoraafisiyaasadeed ay cakiranyihiin”. intaanan gelin cida ka hadashay iyo waxay ka yidhaahdeen. hadaan is yara dul taago agenda shirka laba suaalood ayyaan akhristaha u dhaafayaa inuu is waydiiyo. maxay itoobiya ka qaban kartaa aminga badda cas maadaama anay dhulkeeda ku oolin? waase maxay arimaha joqoraafi siyaasadeed ee cakiran ee shirku tilmaamayaa ee xiligan ka jira geeka afrika? kulankan waxa so qaban qaabiyay “Institute of Foreign Affairs (IFA) and Federal Défense War College”. cida soo qaban qaabisay iyo cida ka hadashay waxay kutusaysaa miisanka kulanka iyo ahmiyada uu u leeyahay dadka isugu yimi fahdiga. labad waxood ee soo qabanqaabiyay maaha waax arimaha debeda ah iyo waax diifaaca ah waa labada goobood ee lagu daraaseeyo siyaasada debeda iyo siyaadada dagaalka iyo diifaca markaa dadka meesha isugu yimi waa AQOONTII. waxa furay hadalka sareeye guuto Alemeshet Degefe, oo ah la taliyaha guud ee ciidanka difaaca itoobiya. waxa ku xigay Mesafint Tefera, ku-xigeenka agaasimaha fulinta ee xarunta daraasadaha siyada arimaha debeda. hadaan soo gaabiyo wixii lagaga hadlay fadhigaa wuxu ahaa iskaashi iyo wadahadal lala yeesho wadamada ku teedsan badda cas. si laysga kaashada budhcad badeeda, hubka sharci darada ah iyo tahriibta dadka. shirkani wuxu u meel dayay ama sahan u ahaa saldhig ay helaan cidamada badda itoobiya waxaanu ahaa “MASHQAC” lagu eegayay ka fal celinta dawladaha ay khusayso. cidise kamay hadlin. waxa ku xigay hadalkii raysal-wasaare Aby Ahmed ee 13 October2023 uu ka horjeediyay golaha baarlamanka wadankiisa. Aby qudbadiisu aad ayyay u dheerayd waxaanay isgu jirtay hanjabaad, maslaxaad, awwood sheegasho iyo ina ay xaq u leeyihiin inay helaan bad’. waxan jecelahay inaan si gaara isu dul taago waxyaabaha ka guuxayay masxkaxda madaxda itoobiyaanka ah. Abi wuxu inshaaray in ay muhiim tahay in somalia, ethiopia, djibouti, eritrea ay noqdaan hal wadan, xataa anay noqon “federal” ama “confederation” lakiin ay noqdaan hal wadan. Aby wuxu ku celceliyay awwooda ciidan ee wadankiisa iyo tiradad dadkiisa. qudbadaa Aby waxay dariiq u furtay ka hadalka iyo iyo sii xoojinta doonista badda cas. 1 January 2024, waxa dhacay is-af-garadkii Muuse iyo Aby. maxaa ku xigay is afgaradkii muuse iyo aby? 29 February 2024, xarunta daraasaadka arima siyaasada debeda waxay soo bandhigtay daabacda buug yar oo ka kooban 150 page. runtii anigu buuga maan akhriyin, internetkana waan ka waayay laakiin waxan soo qaadan faalo gaaban oo ay ka qortay saxaafada afka ingriisiga ku hadasha ee ethiopia. gaar ahaan websiteka la yidhaa (“Thereporterethiopia.com”) oo si mugleh u tilmaamay waxa ku jira buuga. buuga magacisu waa “the grand strategy of two waters” oo looga jeedo ahmiyada wayn ama xeelada wayn ee Itoobiya ka leedahay labada biyood waa biyaha wabiga iyo kuwa badda case. xafladii soo bandhigista bug, Muhammad Hassan, oo ah madaxa fulinta warbaahinta walta media and communication, waxa uu tilmaamay in buugaasi yahay documenti siyaasadeed oo ka turjumaya mawqifka itoobiya ka taagantahay badda cas iyo biyaha nilka. sidoo kale Afar Bedru, oo ah agaasimaha guud ee machadka daraasadad siyaasada arrimaha dibadda, ayaa bandhigaa ku sheegay in“the grand strategy of two waters” buugaa siyaadada ku duugan marka la dabaqo ay itoobiya ka awdi doonto daldaloolo badan. buugu sida ay saxaafadu tilmaantay waxa uu ka kooban yahay wacyi gelin dadwayne iyo carinta maanka aqoonyahanka wadankaa. buugan ama documentkan oo ay diyaariyeen saddex qolo, (academicians, diplomats, and political analysts) wuxu qeexayaa in dhulka somalida illaa nebi ciise hortii ay xabashidu maamuli jiraty ama lahayd many keenin wax tixraac ah oo arintaa cadaynaya. waxyaabo badan ayaa buuga ku jira waxanse ka soo qaadan dhawr qodob. 1) buugu waxa laga fahmayaa in Ethiopia si dhab ah u didan tahay madax banaanida wadanka somaliya guud ahaan. 2) buugu wuxu tilmaamayaa in Ethiopia go’aansaty inay samaysato ciidan badeed oo xoog wayn. 3) waxay Ethiopianku faaleeyeen inanay shuurucda baduhu leeyihiin ee aduunku ku kala socda maslaxad ethiopia ku jirin ama ka talinahayn. intaa markay hoosta ka xariiqeen docyumentigani wuxu hadana faaleeyay sidii bad lagu helilahaa. lix qodob ayay kaga hadleen laakiin laba ayyaa aad u walaac badan. waxay tusaale uso qaadanayaan isqabsigii Bolivia iyo Chili ee badda iyadoo waliba Bolivia lahayd oo xoog lagaga qaaday hadana waxa loo xukumay Chili. waxay yidhaahdeen taasi ina anficimayso oo hadynu dacwad ka gudbino waxa loo xukumi doonaa soomaliya. hadaba hadii aanay tani suuragal ahayn sharcigii baddaha aduunkuna aanu maslaxada Ethiopiopia ka talinahayn maxaa talo ah? waxa la gu daabacay buuga labadn qodob ee soo socda. 1) maadama aduunku is bedelayo, waa in Ethiopia strategi ahaan u isticimaashaa nidaamka Ruushku u isticimaalay Ukrain. taasoo ruushku intii muhiimka u ahayd uu xoog ku qabsaday Ethiopiyana ay sidaasoo kale yeeli karto waxanay arintaasi ka turjubaysaa qudbadi Abi wee 23 octber 2223 ee uu yidhi 120 milion hadii waxay cunnaan waayan wixii u dhaw ayay cuni 2) talabaad ee taa kasii cabsida badani wuxu documentigu faaladaku daray in la qaato strategiyada yuhuudu ku isticimaashay Golan Heights ee ah xoog ku qabso hana ka kicin. sidaa hadii Etobiya samayso aakhirka wuxuunbay isu bedeli in meelaha iyo shirarka lagag hadlo. maqaalkii lagu dababcay reporter waxa uu ku gabagabaynayaa in documentka lagu yidhi; hadii horumarka Ethiopia laga talinayo waa inay Ethiopia khasab ku heshaa bad. ninkii ethiopia badda siinayow maanka siyaasiiyinta ethiopianka ah taasaa ku jirta adiga taada maxaa ku jira? qaybtii saddexaad la soco dhawaan hadii eebe idmo Cabdillaahi Xaaji Jaamac Siciid faraqurux36@googlemail.com Dhamaan maqaaladku soo baxa shabakadani qarannews.com ma aha kuwo ka turjumaaya ama ka socda shabakadani ee waa fikir kunkooban qoraha maqaalkani kor ku xusan Qaran News
-
Armenia ayaa si rasmi ah u aqqoonsatay dawladnimada Falastiin, sida ay Jimcihii sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Armenia. Armenia ayaa taageertay qaraar Qaramada Midoobay ay ka soo saartay xabad joojin deg deg ah oo lagu joojiyo dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas ee ka socda Gaza, waxaana uu dalkaasi taageersan yahay in xal laba dawladood ah laga gaaro colaadda Falastiin iyo Israel, ayaa lagu yidhi war ka soo baxay wasaaradda. Wasaaradda arrimaha dibadda Israel ayaa u yeertay safiirka Armenia ka dib markii Armenia ay aqqoonsatay madaxbanaanida Falastiin, sida uu bayaan ku sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda. Maamulka Falastiin, oo si xaddidan uga taliya Daanta Galbeed ee dhulka ay Israa’iil haysato ayaa soo dhaweeyay go’aanka Armenia. “Aqqoonsigani waxa uu si togan uga qayb qaadanayaa ka dhabeynta xalka labada dawladood, kaasi oo wajahaya caqabado, waxaana uu kor u qaadayaa amniga, nabadda, iyo xasiloonida dhammaan dhinacyada ay khusayso,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada maamulka Falastiiniyiinta. Spain, Ireland iyo Norway ayaa ka mid ah dalalka reer galbeedka ee sida rasmiga ah u aqqoonsaday madaxbanaanida dowladnimo ee Falastiin, taasi oo keentay in Israel ay bishii hore kala baxdo safiiradeedii kala joogay Madrid, Dublin iyo Oslo. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo qoraal kooban ku daabacday barteeda Twitter-ka ayaa jawaab ka bixisay buuq ka dhashay hadal ay dhowaan jeedisay, xilli ay ka hadleysay damaceeda ku aadan kursiga Midowgaa Afrika. Fowziya ayaa xilligaas ka dhawaajisay hadal aysan siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin badan ku dhiiran, kaas oo ku saabsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Xildhibaanadda oo deegaan doorashadeedu tahay Gobollada Waqooyi, ayaa shaacisay in mas’uuliyiinta maamulka Somaliland aysan xaqiiqda ka hadlin marka ay ka hadlayaan Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo ifisay in mas’uuliyiinta Somaliland ay marin habaabiyaan shacabka oo xaqiiqda aysan ka hadlin marka soo hadal qaadayaan Soomaaliya, iyadoo kafishtay in xiriir wada shaqeyn ay ka dhaxeyso wasaaraddaha Somaliia iyo Somaliland oo ay iska war qabaan. Mar kale oo ay soo jawaabtay ayaa sharraxaad ka bixisay ujeedkeeda iyo damaca kaga jiro kursiga ay u sharraxan tahay ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika. Sidoo kale waxa ay sheegtay in dadka qaar ay ku eedeeyeen inay la safaneyso Somaliland, kuwa kale ay sheegeen inay u shaqeyneyso Soomaaliya, taas oo ay ku tilmaamtay inayba meesha oolin, shaqada xilkan aysan queseyn go’aamo noocaas oo kale ah. “Waxan Ummadda Somaliyeed Meel ay joogaanba uga mahad naqayaa sida weyn ee ay ii garab istaageen. Qadiyadani waa qadiyad Somaliyeed iyo magaca Iyo maamuus. Nasiib darro dad aan badnayn ayaan fahmin qadiyaddan, kuwaas oo qaarna igu eedaynayaan Somaliland ayay goynaysaa, qaar kalena leeyihiin Somalia ayay u shaqaynaysaa Somaliland ayay ka horjeeddaa” ayay ku tiri warsaxaafadeedka ay soo saartay. Xildhibaan Fawziya ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in Midowga Afrika uu ka shaqeeya kaliya mideynta dalalka qaaradda Afrika iyo horumarinteeda. “Waxaa ogaataan kursigaasi ma aha mid go’aanada noocaasi u yaallaan . Wuxuu ku shaqeeyaa amar kasoo baxa Shirka Madaxweynayaasha. Midda kale qodobada tartankuba waa midaynta Afrika oo dhan iyo horumarinteeda. Somali magaceeda iyo jiritaankeeda ayaan isu taagay” ayay mar kale tiri Xildhibaan Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan. Haweeneydan oo horay usoo noqotay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa haatan la kulantay cadaadis uga yimid madaxda sare ee dalka, kaas oo ku aadan inay ka tanaasusho kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika. Ugu dambeyn Fowziya ayaa iska diiday inay ka tanaasusho kursigaasi, iyada oo sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ay si cad ugu yiraahdeen “iskaaga har tartanka, una tanaasul musharraxa Jabuuti ay wadato”. The post Fowziya oo jawaab soo saartay kadib buuqii ka dhashay hadalkeeda appeared first on Caasimada Online.
-
Musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhamaan ardayda dugsiyada Somaliland gaar ahaan ardayda fasalada 8 ee dugsiyada dhexe iyo ardayda 4 ee dugsiyada sare ee dalka oo dhan oo maanta u fadhiistay imtixaankii weynaa ee sanad dugsiyeedka. Qoraal kooban oo musharax Cirro uu barta X’ uu dhigay ayaa u qornaa sidan hoos ku xusan waxana uu yidhi. Waxa aan dhambaal duco ah u dirayaa munaasibadda bilowga Imtixaannada shahaadiga ah ee fasallada shahaadiga ah ee 8aad iyo 4aad ee dugsiyada dhexe & sare awgeed dhammaan ardeyda maanta u fadhiisatay Imtixaannadaas shahaadiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka bilaabmay. Waxa aan ILAAHAY Subxaanahu watacaalaa uga baryayaa in uu ku guuleeyo dhammaan ardeydaas hayaankoodii waxbarasho & dedaalkii dheeraa ee ay soo bixiyeen muddadii ay waxbaranayeen. Dhammaantiin, waxa aan idiin leeyahay; Guuleysta Ubixii dalkeygow! Qaran News
-
Armenia ayaa si rasmi ah u aqqoonsatay dawladnimada Falastiin, sida ay Jimcihii sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Armenia. Armenia ayaa taageertay qaraar Qaramada Midoobay ay ka soo saartay xabad joojin deg deg ah oo lagu joojiyo dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas ee ka socda Gaza, waxaana uu dalkaasi taageersan yahay in xal laba dawladood ah laga gaaro colaadda Falastiin iyo Israel, ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda. Wasaaradda arrimaha dibadda Israel ayaa u yeertay safiirka Armenia ka dib markii Armenia ay aqqoonsatay madaxbanaanida Falastiin, sida uu bayaan ku sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda. Maamulka Falastiin, oo si xaddidan uga taliya Daanta Galbeed ee dhulka ay Israa’iil haysato ayaa soo dhaweeyay go’aanka Armenia. “Aqqoonsigani waxa uu si togan uga qayb qaadanayaa ka dhabeynta xalka labada dawladood, kaasi oo wajahaya caqabado, waxaana uu kor u qaadayaa amniga, nabadda, iyo xasiloonida dhammaan dhinacyada ay khusayso,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada maamulka Falastiiniyiinta. Spain, Ireland iyo Norway ayaa ka mid ah dalalka reer galbeedka ee sida rasmiga ah u aqqoonsaday madaxbanaanida dowladnimo ee Falastiin, taasi oo keentay in Israel ay bsihii hore kala baxdo safiiradeedii kala joogay Madrid, Dublin iyo Oslo. PUNTLAND POST The post Dowladda Armenia oo dal madax-bannaan u aqoonsatay Falastiin appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, ayada oo sheegtay inuu haatan ka billowday deegaanada Jubbaland, sida uu shaaciyay wasiirka amniga, Cabdullahi Ismaaciil Fartaag. Wasiirka oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay dowladdu qaaday wajiga labaad ee dagaalka, uuna ka socd aagga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada Hoose. Fartaag ayaa sheegay in ciidamada ay dhaq-dhaqaaqeen, kuna sii socdeen aagga degmada Badhaadhe oo hadda ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. “Wajiga labaad ayaa bilowday, Kismaayo ayuu ka socdaa Buulo Xaaji ayaa la marayaa, waxaana lagu socdaa Badhaadhe oo waxyar ayaa kasii dhiman” ayuu yiri Fartaag. Sidoo kale wuxuu u jawaabay dadka eedeynaya dowladda federaalka, gaar ahaan wararka ku aadan in dib looga soo baxay deegaano badan, kadibna ay qabsadeen Al-Shabaab. Cabdullahi Ismaaciil Fartaag ayaa xusay in wararkaasi ay yihiin waxba kama jiraan, wuxuuna sheegay in ciidamada huwanta ay kusii siqayaan deegaano horleh. “Kuwa meelaha mar maraayo ee dhahayo meelihii laga kiciyay Khawaarijta waa kusoo noqdeen waa beenaalayaal weeye” ayuu kusii daray wasiirka amniga Soomaaliya. Gobollada badan oo dalka ku yaalla waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana kamid ah HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. The post Daawo: DF oo war culus ka soo saartay wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X.Xasan ayaa kulan la qaatay beesha Abokar Cabdile (Solomadow), kulankaas oo ka dhacay Hotel Plaza, ayaa ay isku xog waraysteen Guddoomiyaha iyo waxgaradka, aqoonyahanka iyo dhallinyarada beesha Abokor Cabdille waxaana uu ku dhamaaday is afgarad buuxa iyo wadashaqayn. Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax dhigay dhismooyin cusub oo ay yeelan doonaan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Hay’adaha Isgaarsiinta Qaranka, Dhowrista Xogta iyo Tayo-dhowrka. Xarumahan oo dhamaantood lagu dhisayo isku-tashi dadwayne, ayaa qayb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee dib-u-dhiska xarumaha dowladda. Dhismayaashaan ayaa laga dhisaya waddada Jayga ee u dhow Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dhismayaashani ay qeyb ka yihiin dadaallada Xukuumadda DanQaran ay ugu jirto dib-u-dhiska xarumaha dowladda, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg hufan. Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa laba sano ee lasoo dhaafay waday dadaallo ku aadan sidii sare loogu qaadi lahaa adeegyada bulshada ee muhiimka ah xarumaha lagu qabto. Soomaaliya xarumaha dowladda ayaa ku burburay dagaalladii Sokeeye ee dalka ka dhacay sanadkii 1991. Dowladdihii kala dambeeyay ee dalka soo maray ayaa qaarkood dib u dhisay halka kuwo kalena wali ay burbursan yihiin. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Deegaanada maamulka Somaliland maanta waxaa si rasmi ah uga billowday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee deegaanada maamulkaasi, kaas oo uu daah-furay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Imtixaanka ayaa waxaa sanadkan ka qayb-galaya illaa 38489 Arday, kuwaas oo kala ah 15542 arday oo dugsiyada sare ah iyo 22947 arday oo dugsiyada hoose/dhexe ah, waxaana lagu gelayaa 129 goobood oo dalka oo dhan ah, sida ay shaacisay Somaliland. Waxaa sidoo kale ardayda maanta u fariisatay imtixaanka kamid ah laba arday oo ku jira xabsiga wayn ee Gabiley, kuwaas oo xabsiga loogu geeyay imtixaanka, sida uu shaaciyay taliyaha xabsigaasi Khaalid Sheekh Xuseen Nuuriye oo la hadlay warbaahinta. Taliyaha ayaa sheegay inay xiriir la sameeyeen guddiga waxbarashada, kadibna ay ka aqbaleen in labadaas arday imtixaanka loogu geeyo xabsiga, iyaga oo xiran. “Imtixaanka shahaadiga ah ayaa maanta billowday saas daraadeed waxaan la xiriirnay guddoomiyaha waxbarashada Jaamac Raage oo runtii kal horana nagala shaqeeyay labadan maxabuus oo midna Wajaale ah, midna Hargeysa uu yahay waxbarashadoodana waa sii wataan oo maanta waxay u fariisteen imtixaanka” ayuu yiri taliyey xabsiga Gabiley. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay xaq u leeyihiin imtixaanka, uuna u ogolaanayo sharciga, iyaga oo fududeeyeen, sida sheegay taliye Khaalid. “Xaq waa u leeyihiin inay xabsiga kusii dhex wataan waxbarashadooda, waayo waxaa na faraya sharciga annaga oo dabaqeysa shuruucda xabsiga” ayuu sii raaciyay. Dhankiia guddoomiyaha waxbarashada gobolka Jaamac Raage oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in markii labaad ay tahay in arday xiran imtixaanka looga qaado xabsiga Gabiley, wuxuuna arrintaas si gaar ah ugu amaanay taliska ciidamada ee gacanta ku haya. “Taliyaha Jeelka haysta ee Gabiley waa markii labaad ee uu suurageliyay inaan arday kaga qaadno imtixaanka iyaga oo xiran, labadan arday waa fasalka 8-aad” ayuu yiri Jaamac. Si lamid ah imtixaanaadka shahaadiga ah waxay maanta uga bilowdeen koonfurta, kawaas oo ay u fariisteen in ka badan illaa 37 kun oo arday, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya. The post Daawo: Arday imtixaanka maanta billowday ku galeyso xabsiga – Maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.
-
Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa sheegtay in ay waajahayso cadaadis dhanka madaxda sare ee Soomaaliya ah oo ku aaddan doonisteedii in ay u tartanto kursiga ugu sarreeya Midawga Afrika. Yaa jaanis helaya cadaadiskaas darted? Kulankii 44aad ee golaha midowga Africa ee ka dhacay sanadkaan magaalada xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in hoggaanka xiga ee midowga Afrika uu ka iman doono wadamada dhaca bariga Africa. Fawsiya inkasta oo ay sheegtay in aanay tanaasulayn, haddana way adkaan doontaa helitaanka kursigaas haddii aanay madaxda dawladda Federaalku tartankaas taageeradeeda qayb ka qaadan. Hoggaayimaha mudada dheer ee mucaaradka ah ee Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyay in uu u tartamayo xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika kal hore, cadaadiska Fawsiya wuxuu siin doonaa jaanis hor leh. Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, ayaa isaguna haysta jaanis fiican oo ku qaban karo xilkaas, maadaama uu yahay musharraxa Jabbuuti booskaas ugu tartami doona. Hoggaanka haddeer xilka hayana waxaa la doortay 2021 muddo xileedkiisana waxuu ku egyahay 2025 bisha Febraayo, oo markaas xilka uu wareejin doono doorashada ka dib. Haatan waxaa xilka guddoonka Midowga Afrika haya Moussa Faki, oo ka soo jeeda dalka Chad, kaasoo ay u dhammaaneyso muddo-xileedkiisii labaad. Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028. Source
-
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo iyo Masuuliyiinka kale ayaa 33 sano ka dib magaalada Laascaanood ka daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee ay qaadeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Dr Maxamed Cabdi Shiine, ayaa daahfurka Imtixaankan ku tilmaamay taariikhi ah oo deegaanadaas oo ay ku dhowaad 20 sano Soomaaliland maamulaysay hormar ah. In ka badan 1,154 arday oo kala socda 17 Dugsi oo ku yaala SSC-Khaatumo ayaa Imtixaanka galaya, waxaana deegaanadaas ku sugan saraakiil ka socota Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka Soomaaliyeed, kuwaas oo kor joogtaynaya habka uu imtixaanku socdo. Tillaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliland oo gobolka horay uga arrimin jirtay isla maanta laga daahfuray Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada 8-aadka iyo kan 12-aad, balse sool,ceyn, iyo Sanaag qeybo kamida ardayda joogtaahi ay galayaan imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada ee dowladda federaalka Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay bilowga imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo Siddeedaad ee dugsiyada Hoose Dhexe oo maanta dalka si rasmi ah uga bilaabmay. Madaxweynaha qaranka oo ay wehelinayaan madaxda wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska iyo hormuudka xafiiska Imtixaanaadka qaranka, islamarkaana ay hareera joogaan qaar kamid ah madaxda jaamacadaha dalka oo sannadkan qayb ka ah maamulka Imtixaanka, ayaa dugsiga sare ee Faarax Oomaar ee badhtamaha Hargeysa ka daah-furay Imtixaanka, waxana uu Ardaydii ku sugnayd fasallada u qaybiyey nuqullada imtixaanku ka kooban yahay. Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka, Mudane Daa’uud Axmed Faarax oo ugu horrayn goobta ka hadlay, ayaa sheegay inay ka xafiis ahaan xil weyn iska saareen ilaalinta nuqullada rasmiga ah ee imtixaanka, islamarkaana kalsooni buuxda ku qabaan hannaanka uu imitxaanku u qabsoomayo. Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Dr. Axmed Aadan Buuxane oo munaasibadda daah-furka Imtixaanaadka ka hadlay, ayaa ka hadlay bilowga Imtixaanka ee saaka, waxana uu sheegay inuu imtixaanku si nabadgelyo ah ku gaadhay dhammaanba goobaha dalka ee uu lagu gelayo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hor daah-furka Imtixaanka Ardayda la dardaarmay, ayaa hoosta ka xariiqay inuu imtixaanku yahay jaranjaro nololeed oo badiba dadku soo maraan, waxana uu si qoto dheer u sharraxay marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray hirgelinta waxbarashada dalka oo ay sannadkan imtixaanka u fadhiisanayaan in ka badan 38-kun oo Arday oo isugu jira dugsiyada sare iyo kuwa Hoose/dhexe. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Ardayda saaka Imtixaanka u fadhiisatay u rajeeyey guul ay ka gaadhaan Imtixaanka maanta, isaga oo ku adkeeyey inay niyad wanaag iyo filasho wanaagsan ku galaan Imtixaanka, waxana uu yidhi,“Calool-adayg iyo niyaad ku gala imtixaanka, cabsiyina ma jirto oo jaamacado waad helaysaan, dhammaantiinna waad guulaysan doontaan.” Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo kuwa Hoose/dhexe waxa guud ahaan sannadkan u fadhiistay 38489 Arday, kuwaas oo kala ah 15542 Arday oo dugsiyada sare ah iyo 22947 Arday oo dugsiyada Hoose/dhexe ah, waxana lagu gelayaa 129-goobood oo dalka oo dhan ah. Source
-
Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ay howlgal culus ka sameeyeen degmada Ruun-nirgood iyo deegaanada hoos yimaada ee gobolkaasi. Taliyaha ciidanka Macawiisleyda ee aggaasi Cabdi Taakow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalkooda, wuxuuna sheegay inay cagta mariyeen goobo iyo talisyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd halkaasi. Cabdi Taakow ayaa xusay inay howlgalladan ku gaareen dhulka hawdka ah ee u dhexeeya deegaanka Daarunimca iyo degmada Ruun-nirgood, ayna isku fureen waddooyin xiran. “Waxaan howlgal qorsheysan kusoo qaadnay howdka degmada Ruun-nirgood annaga oo kasoo dhaqaaqnay Daarunimca, hadda meesha aan taaganahay waa waddada isku xirta Ceel Bacad iyo Ruun-nirgood waxaana soo marnay deegaano badan” ayuu yiri taliyuhu. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Lix nin illaa sideed nin oo ka tirsan Khawaarijta ayaa ilaalisa koontaroolada ay meeshaan ku lahaayeen Al-Shabaab”. Taliyaha Macawiisleyda degmada Ruun-nirgood oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in awoodda Al-Shabaab ee deegaanadaas ay aad u yartahay, wuxuuna tilmaamay inay sii wadi doonaan halgankooda, iyaga oo kaashanaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. “Howdkan wax joogo oo laga cabsado ma joogaan, waxaan rabnaa inaan horkacno ciidanka Xoogga dalka” ayuu mar kale yiri taliye Cabdi Taakow. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo deegaanada u dhexeeya xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. The post Daawo: Macawiisleyda oo jab culus gaarsiisay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
ADDIS ABABA, Ethiopia (HOL) – The African Union Peace and Security Council (PSC) has endorsed the creation of a new AU-led mission to support Somalia's security transition after the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) concludes its mandate at the end of 2024. The decision was made during the PSC's 1217th meeting on June 20 following the Joint Strategic Assessment report from the African Union Commission. Source: Hiiraan Online