-
Content Count
211,337 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shirkadda TikTok waxay u ogolaatay Mareykanka in ay damin karaan bartooda hadii sharci- dajiyayaasha dalka ay doonayaan in ay wax ka qabtaan arrimo la xiriira ilaalinta xogta ama ammaanka qaranka. Waxay u sameysay “Amarka dami” kaas oo ay soo saartay 2022-kii markii uu bilowday dagaalka dhanka sharciga ee u dhexeeya shirkadda iyo dowladda Mareykanka. Sharci ayaa loo soo saaray sababo la xiriira walaac uu Mareykanka ka qabay shirkadda oo ah in xogta macaamiisha Mareykanka in ay la wadaagaan dowladda Shiinaha taas oo ah eed ay shirkadda beenisay. TikTok iyo ByteDance oo ah shirkadda leh waxay maxkamadda ka dalbadeen in ay ka laabtaan sharciga. TikTok waxay sheegeen in farsamadan ay dowladda u ogolaaneyso in awood cad oo dowladeeda ay kaga joojiso bartooda Mareykanka hadii aysan u haggaansamin qeynuuno cayimin. Qoraalka qabyada ee heshiiska amniga qaranka oo ay soo jeedisay TikTok bishii Agoosto ee 2022-kii ayaa dhigaya in shirkadda ay raacdo qeynuuno ah in ay xaqiijiso in ByteDance aysan awood u helin xogta macaamiisha Mareykanka. Dowladda ayaa adeegsaneysa “Amarka dami” hadii shirkadda jabiso heshiiska Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa waxaa ka dhex qaraxday xiisad cusub, taasi oo gaartay gacan ka hadal, sida ay ogaatay Caasimada Online. Laba masuul oo ka tirsan wasaaradda ayaa shalay galab dagaal gacan ka hadal ah uu ku dhex-maray gudaha dhismaha wasaaradda maaliyadda ee magaalada Muqdisho. Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo goobjoog ah, wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Mr Xaange iyo agaasimaha canshuuraha Faysal Xaashi ayuu gacan ka hadalkan ku dhex-maray gudaha wasaaradda. Dagaalkaas ayaa la sheegay inuu salka ku hayay qeybsiga dhaqaalaha kasoo xarooda shirkadda gaarka loo leeyahay ee qandaraasyada ay wasaaradda ku siisay soo xareynta dakhliga gudaha. Agaasime Faysal ayaa la sheega inuu isbido awood dheeri ah oo gudaha wasaaradda, ayada oo la xasuusto inuu kamid ahaa shaqsiyaad uu wasiirkii hore ee maaliyadda shaqo joojin ku sameeyay, taas oo markii dambe uu shaqadiisi ku waayey wasiir Cilmi, maadaama ninkan lagu tiriyo saaxiibada ugu dhow ee madaxweyne Xasan Sheekh. Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, xog ay heshay waxay xaqiijineysa in 70% canshuurta soo xaroota ay shirkaddu ku shubto akoonka wasaaradda maaliyadda, halka 30% ay la harto, waana middaas dhaqaalaha la isku hayo. Qandaraaska shirkadan oo markii horeba u muuqday mid dano gaar ah oo dhaqaale laga leeyahay ayaa waxaa dad badan ka daadagi weyday sababta ay wasaaraddu ku dooratay inay ogolaato saami, iyada oo helaysa faa’iido 100% ah, haddii ay si iskeed ah usoo aruursato canshuuraha. The post Xog: Mas’uuliyiin isku dhex feeray gudaha wasaaradda maaliyadda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Nin Soomaali ah ayaa laba cad u kala go’ay kadib markii uu kasoo dhacay dabaq aad u dheer oo ku yaalla xaafadda Cedar Riverside ee magaalada Minneapols ee gobolka Minnesota. Cabdicasiis oo dhalinyaro ahaa ayaa goobjooge uu u sheegay warbaahinta inuu iska soo tuuray dabaqa 22-aad ee dhismaha, iyadoo inta aanu dhulka gaadhin ka hor uu ku dhacay meel darbi ah, taasoo keentay inuu laba cad u kala go’o. Goobjoogaha ayaa sheegay in ninka uu qabay xanuun maskaxda ah, iyadoo ehellada marxuumka iyo bulshada Soomaalida ee halkaasi ku nool ay si weyn uga naxeen dhacdada. Source
-
Mujaahidiintii galay hawlgalkii birjeex oo ahaa hawgaladii ugu cajiibsanaa ee aduunka ka dhacay iyo magacyadoodii iyo halkay ku kala dhinteen iyo inta nool 1 mujaahid biixi xaaji xasan wuxuu ku dhintay Hawlgalku intii lagu jiray waana reer cadaadlay Ama godaweyn 2l Siciid dhigane waa mujaahidkii labaad ee ku dhaawacma intii hawlgalka lagu jiray waana kuna dhintay xarshin dusheeda waana reer garadag 3Mujaahid kur libaax wuxuu dhintay markii wadamka la soo galay mujaahid kalaa dilay isna waa loo waana nin reer nasiye ah 4)Mujaahid saleebaan yare waa reer dacar budhuq bes baanu u dhintay 5)Mujaahid maloosh waa reer qurulugud Waxaanu bes ugu dhintay xerada birjeex miiska saraakiisha 6)mujaahid ina Carab waa nin reer Dhoqoshaya waxaanu ku dhinta dagaalki taala buur 7)Mujaahid Siciid dalab waa darawalkii gaadhiga Waxaanu kundhinta laan qayrta arabka waa in reer kaamhashina 8)Mujaahidkii operationka watay kornayl ibaahim koodbuur Wuxuu ku dhintay rabaso Ama daroor waa nin ree ramaso ah 9) waa Mujaahid Maal waa nool yahay waa reer Gabiiley 10)Mujaahid cabdisalaan turki waa nool yahay waana nin reer burco ah waana sarkaalkay cabdilaahi askar wada socdeen 11)waa Mujaahid Cabdi Ciid Waa nool Yahay waana Sarkaal caynab ka Shaqeeya Waana Reer Garadag Intaasay ahayeen ragii operatipnkaa fuliuey Mujaahidiinta dhimay alle Janatul fardowsa ha geeyo Amiin Amiin Taariikhda MujaahidiintaaWaxaan ka helay Mujaahid Jaamac Dolaal ilaahay ha Xafidee Ahmed Abdillahi Qaran News
-
Beelwaynta Xasan Cabdile ee Solomadaw oo ah beelaha bud dhigga u ah xisbiga WADDANI ayaa xalay xaflad balaadhan ku soo ban dhigay taageerada ay la barbara aan taaganyihiin xisbiga Waddani, iyaga oo ballanqaaday in doorashada soo socotay ay xisbiga Waddani Iyo Musharaxa xisbigaba ku dhisidoonaan. Iyo dardargalin ku wajahan doorashooyinka isa saarka ah kula yeeshay guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo waftiga balaadhan ee ku sugan magaalada madaxda gobolka Togdheer ee Burco Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guud ahaan Soomaaliya walaac badan ayaa ka jiray bixitaanka ciidanka ATMIS labadii sano ee u dambeysa. Dowladdaha deriska la’ah Soomaaliya waxay muujiyeen cabsi ku saabsan waxa dhici doona haddii ATMIS baxdo iyada oo ciidanka Soomaaliya ku filnaanin amniga guud ee dalka, balse xalay akhbaar kale ayaa ka timid dhanka Midowga Afrika. Dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo waxay waqti gelisay dhismaha ciidanka dowladda waxayna kadib dalbatay inay ciidanka Midowga Afrika ka baxaan dalka, iyaga oo qabay kalsooni ah in ciidanka dowladda ku filnaanayaan amniga guud ee dalka. Laakiin dhibaataddii nidaamkii hore ee Farmaajo waxay aheyd in aanay si dhab ah ula diririn kooxaha argagixisada. Dagaaladdii la qaaday labadii sano ee u dambeysay ee tallada uu joogay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa laga gartay miisaanka ciidanka dowladda iyo in weli loo sii baahan yahay gacan ciidan oo Midowga Afrika ka timaada, waxaana ay dowladda dalbatay ciidan kale oo lagu beddelo kuwa hadda jooga ee baxaya. Golaha Ammaanka iyo nabada ee Midowga Afrika ayaa shalay ku dhowaaqay inuu aqbalay codsiga Soomaaliya ee ah in ciidan kale iyo howl-gal kale oo Midowga Afrika ah laga hirgeliyo Soomaaliya. Goluhu ma sheegin cadadka ciidanka cusub iyo magaca howl-galka, laakiin wuxuu sheegay in howl-galkan cusub ee bilaaban doona Janaayo 2025 inuu kaabi doono ciidanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan inuu ka qeyb qaadan doono xaqiijinta amniga guud ee dalka iyo in laga adkaado argagixisada. Arrintaan waxay hoos u dhigaysaa walaacii laga qabay sida uu noqon doono xaalka amni ee Soomaaliya haddii ay ka wada baxaan ciidanka Midowga Afrika. Waxay kale oo tani ka dhigan tahay in Soomaaliya ay markii saddexaad aqbashay howl-gal ka socdo Midowga Afrika. Horey AMISOM, haatan ATMIS, wixii ka dambeeya December 2024 howl-gal saddexaad ayaa bilaaban doona. Ciidanka hadda jooga Soomaaliya ee ka socda Midowga Afrika ayaa waxa uu howl-galkooda ku eegyahay bisha December ee sanadkaan. Sanadkii 2007 ayay ciidanka Midowga Afrika tageen Soomaaliya. 17 sano oo taageero ciidan ah, wuxuu howl-galkan saddexaad ka dhigan yahay in ciidanka Soomaaliya aanay weli ku filnaanin ammaanka dalkood. Dhawaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay sheegtay in ciidanka Itoobiya aanay qeyb ka noqon doonin howl-galka saddexaad ee Midowga Afrika, laakiin arrintaasi sooma hadal qaadin golaha amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika. Go’aankan wuxuu kusoo aadaya, iyada oo dhawaan uu madaxweynaha waddanka Kenya William Ruto sheegay in haddii ay ciidanka Midowga Afrika ka wada baxaan Soomaaliya inay argagixisada dalka wada qabsan karto. The post Soomaaliya iyo howl-gal saddexaad oo Midowga Afrika ka socda – Maxaadan ogeyn? appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa wadahadal la billowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo ay ujeeddadiisu yahay sidii loo soo geba gebeyn lahaa howlaha Xafiiskaas oo maalmahaan dambe hadalheyntiisu xiritaanku ay socotay. Kulankaan oo ay isku hor fariisteen Guddi farsmo oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay howshaa u xilsaartay iyo Guddi farsamo oo ka socda UNSOM ayaa lagu gorfeeyay sidii wax looga badeli lahaa nuuca shaqo ee xafiiskaan iyo in gabi ahaanba Meesha laga saaro sida la qorsheeyay. Wadaxaajoodkan oo hadda billow ah ayaa toddobaadyada soo socda sii xoogeysan doona, iyada oo labada Guddi looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya, kaas oo muddo dheer kasoo howlgalay dalka intii uu dib u dhiska ku jiray xafiiskaan. Howlaha xafiiska UNSOM ee siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qaramada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood. Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf Garaad Cumar, dhinaca UNSOM,waxaa Hoggaamiayay George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, xilli James Swan uu kaga qeybgalay qadka Teleefanka. Gabagabada warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabadani astaan u tahay horumarka ay gaartay Dowladnimada Soomaaliya, iyada oo sannadka soo socda ee 2025 ay Soomaaliyaa xubin ka noqon doonto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo dhowaan at ku guuleysatay. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (Caasimada Online) – In Somalia, over the past six years, there has been minimal rainfall or consecutive cancellations of the rainy season. Occasionally, floods have occurred, primarily affecting farmers and herders in rural areas. Aid organizations have warned that Somalia is on the brink of drought, facing the threat of impending famine and floods. These disasters, both natural and exacerbated by climate change and environmental degradation, pose significant risks. Mogadishu residents experienced sporadic rain in the past few hours, which intensified into a heavy downpour today. This sudden rainfall has caused substantial damage. “You can see, from the kitchen, the pantry, the bathrooms to the bedroom, the water is sitting,” said a father carrying his 10-month-old daughter. Another woman living in the Wajir neighborhood of Karaan district had to flee her home. She found temporary rental accommodation in another area, but not everyone can afford this. “There is nothing left of my belongings at home; everything was drowned in the water—documents, certificates, passports, laptops, and other properties that have not yet been counted,” said Nadifo Haji, a mother whose children were saved by her neighbors who volunteered to rescue them. Hassan Mohamed, a recently married young man and a neighbor of the flood victims, told Caasimada Online that all his belongings were flooded. He said, “I have been using this bedding for less than a month.” Disruption of 12th grade national exams Most of the southern regions of Somalia and the Khatumo administrative areas are currently conducting secondary school exams. For Khaatumo, it is the first time since the reunification of the national examination system ten years ago. On the second day of these exams, thousands of students faced slight delays due to heavy rain, which caused significant traffic disruptions. “This morning, I sat here with my clothes wet. I went through a lot of trouble to get here, but luckily, I’m ready for the exam,” said Mohamed Ali Hussein, wiping water from his face with a hopeful smile. “Even for us, it was difficult to get here, but we are committed to our work,” said one of the teachers overseeing the students to ensure they stay focused on their exams. Local government responses to the rain victims Despite the local government collecting taxes from the community, there is no direct relationship between city authorities and the residents. Calls to the authorities went unanswered. “I called the village officer, the district commissioner, and other partners, but none of them answered the calls,” said an elder who declined to be named in the media. This is the story of one village incident, but internally displaced people, who are the most vulnerable, are facing the biggest challenge. Caasimada Online reporters, who have made various contacts with the displaced community, have found that these people have suffered a loss. It can always be expected that the damage will increase as the rain is still falling and the community does not have enough protection. The post Drownings, destruction, and displacement as heavy rains fall in Mogadishu appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia's political turmoil and escalating security threats will be under intense scrutiny on Monday when the United Nations Security Council convenes for an open briefing followed by closed consultations. Acting Special Representative of the Secretary-General for Somalia, James Swan, and Special Representative of the AU Commission Chairperson for Somalia, Mohamed El-Amine Souef, will lead the session. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — In a surprising turn of events, Abdikhafid Mohamed, a rising star for Somalia's national football team, has hung up his boots. The announcement came via a video that sent shockwaves through Somali social media, with fans grappling to understand why such a promising talent would call it quits. Source: Hiiraan Online
-
Kooxda Xizbullah oo weerar culus ku qaaday gudaha Israa’iil
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kooxda Xizbullah ee Lubnaan ayaa sheegtay Axadda maanta ah in diyaarad hubaysan oo aan duuliye la socon ay ku beegsatay goob ciidan oo ku taal waqooyiga Israa’iil. Israa’iil iyo kooxda awoodda badan ee Iran ay taageerto, ee xulufada la Xamaas ah, ayaa si maalinle ah gantaallo isugu weydaarsanayey xuduudda tan iyo markii dagaalka Gaza uu billowday October 7. Hadallka Xizbullah ayaa yimid saacado kadib markii ay daabacday muuqaallo ay ku sheegtay in ay muujinayaan goobo ka tirsan Israa’iil iyo xogtooda, ayada oo ay jirto cabsida laga qabo dagaal aan waxba la iskula harin oo ka dhex qarxa labada dhinac. Xiisadda xuduudda ayaa sare u kacday maalmihii tegay, ayada oo militariga Israa’iil ay ku dhawaaqeen Talaadadii in qorshe weerar culus loogu qaadayo Lubnaan “la ansixiyey oo la sharciyeeyey.” Hoggaamiyahan Xizbullah Hassan Nasrallah ayaa ku jawaabay hanjabaad ah in meel ka mid ah Israa’iil aysan badbaadi doonin haddii dagaal weyn uu billowdo. PUNTLAND POST The post Kooxda Xizbullah oo weerar culus ku qaaday gudaha Israa’iil appeared first on Puntland Post. -
Dowladda Soomaaliya ayaa wadahadal la billowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo ay ujeeddadiisu tahay sidii loo soo geba gebeyn lahaa howlaha Xafiiskaas. Kulan gaar ah ayay shalay isku soo hor fariisteen Guddi farsmo oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay howshaa u xilsaartay iyo Guddi farsamo oo ka socda UNSOM,Wada xaajoodkan oo hadda billow ah ayaa toddobaadyada soo socda sii xoogeysan doona, iyada oo labada Guddi looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya. Howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qarammada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood. Guddiga farsamo ee Soomaaliya oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf Garaad Cumar. Dhinaca UNSOM, inkasta oo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Danjire James Swan uu khadka telefoonka New York uga qeyb galay, waxaa Hoggaaminayay George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay Xiritaanka Xafiiska UNSOM appeared first on Puntland Post.
-
Beirut (Caasimada Online) – Kooxda Xizbullah ee Lubnaan ayaa sheegtay Axadda maanta ah in diyaarad hubaysan oo aan duuliye la socon ay ku beegsatay goob ciidan oo ku taal waqooyiga Israa’iil, taasi oo jawaab u ahayd dilka taliye Islaami ah. Israa’iil iyo kooxda awoodda badan ee Iran ay taageerto, ee xulufada la ah Xamaas, ayaa si maalinle ah gantaallo isugu weydaarsanayey xuduudda tan iyo markii dagaalka Gaza uu billowday October 7. Hadallka Xizbullah ayaa yimid saacado kadib markii ay daabacday muuqaallo ay ku sheegtay in ay muujinayaan goobo ka tirsan Israa’iil iyo xogtooda, ayada oo ay jirto cabsida laga qabo dagaal aan waxba la iskula harin oo ka dhex qarxa labada dhinac. Sabtidii, kooxda Jamaaca Islaamiya ayaa ku dhawaaqday dhimashada mid ka mid ah taliyayaasheeda, Ayman Ghotmeh, iyagoo sheegay in lagu dilay “weerar Sahyuuniyad” oo ka dhacay magaalada Khiara ee deegaanka Bekaa ee bariga Lubnaan. Israa’iil ayaa markii dambe xaqiijisay in ay fulisay weerarka, iyadoo sheegtay in Ghotmeh uu mas’uul ka ahaa hub la siiyey kooxda Xoogagga Fajr, oo ah garabka hubaysan ee Jamaaca Islaamiya, iyo Xamaas. Xizbullah ayaa maanta sheegtay in dagaal-yahanadeeda ay “weerar drone ah” ku qaadeen goobaha hoggaanka militari ee xerada Beit Hillel “ayaga oo ka jawaabaya khaarijinta ay cadowga Israa’iil ka fuliyeen magaalada Khiara. Milatariga Israa’iil ayaa dhanka kale bayaan uu soo saaray ku sheegay in diyaarad nooca aan duuliyaha la socon ay “ka soo gudubtay Lubnaan, kuna soo dhacday agagaarka Beit Hillel”, iyagoo intaa ku daray in “wax dhaawac ah aan la soo sheegin”. Xiisadda xuduudda ayaa sare u kacday maalmihii tegay, ayada oo militariga Israa’iil ay ku dhowaaqeen Talaadadii in qorshe weerar culus loogu qaadayo Lubnaan “la ansixiyey oo la sharciyeeyey.” Hoggaamiyahan Xizbullah Hassan Nasrallah ayaa ku jawaabay hanjabaad ah in meel ka mid ah Israa’iil aysan badbaadi doonin haddii dagaal weyn uu billowdo. Isha: VOA The post Dagaalka Xizbullah iyo Israel oo xoogeystay – Maxay maanta sameeyeen Xizbullah? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Askar hubeysan oo Itoobiyaan ah oo dhanka Feer-feer ka yimid, kuna sii jeeday dhinaca deegaanada Galmudug ayaa shalay lagu celiyay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Itoobiya waxaa dhawaan loo sheegay inay ciidankeeda Soomaaliya ka bixi doona dhamaadka bisha December ee sanadkaan. Laakiin ciidan u muuqday daan-daansi oo aad u hubeysan ayay shalay soo geliyeen dalka. Laba ciidan ayaa Itoobiya horey kaga joogay Soomaaliya, kuwo waxay ka tirsan yihiin howl-galka ATMIS, kuwana sharci darro ayay ku joogaan xad beenaadka. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya weli kama laaban go’aanka ah inay ciidanka Itoobiya ka baxayaan dalka daba-yaqaadda sanadkaan. Waxaase Itoobiyaanka shalay sameeyeen fal ay ku tijaabinayaan dareenka Soomaalida. Ciidan ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugan aagga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa celiyay Itoobiyaankii. Dadka deegaanka waxay wariyeen in qarka loo fuulay in labada ciidan isku dhacaan. Warbaahinta maxaliga ah qaar waxay warisay in ciidanka cusub ee Itoobiyaanka ah inay diideen sababta ay u soo galeen dalka, kadibna waxay ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku amreen in Itoobiyaanka ku laabtaan halkii ay ka yimaadeen, ugu dambeyna taas wey aqbaleen. Tan iyo markii ay dib u qaraxday xiisadda labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku suntan 1-dii Janaayo ee sanadkaan iyo heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, waxaa si weyn hoos ugu dhacay wada-shaqeyntii ciidan ee labada waddan. Waxaa aad loo bogaadiyay tallaabaddii ay qaadeen ciidanka dowladda ee ku sugan Matabaan iyo hareeraheeda, waxaase dowladda federaalka ah ee Soomaaliya laga sugayaa inay arrintaasi daan-daansiga ah war kasoo saarto. Dhawaan xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka oo la hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la dejiyo xiisadda gobolka oo loola jeedo midda Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin sida muuqata Addis Ababa iyada ayaa daan-daansi wada. Go’aankii naga laabta ee shalay iyo degmada Matabaan wuxuu sidoo kale muujinayaa feejignaanta ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. The post Maxay ka dhigan tahay in ciidamada Soomaaliya iyo Itoobiya ay dagaal ku sigtaan? appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Laba qof oo midkood uu ahaa cayaartow caan ah ayaa ku geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada sheekh. Labada qof ee dhintay ayaa kala ahaa cabshakuur Boqolle oo ka tirsanaa kooxda cayaaraha magaalada Hargeysa ee lagu magacaabo kooxda maaliyadda,iyo wiil kale oo asna magiciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Yaasiin, kaas oo maamule ka ahaa garoomo kubadda lagu cayaaro oo Soomaaliland ku yaalla. Sababta shilkan gaari keentay illaa hadda lama caddayn, sidoo kale lama xaqiijij inay jiraan dhaawacyo ka dhashay, balse wadada u dhexaysa magaalooyinka Sheekh iyo Burco ayaa ah mid ay shilal aad uga dhacaan, ayadoo la xusuusan yahay in jidkan mara buuraleyda halista badani uu galaaftay dad badan oo halkaa ku safrayay. Source: goobjoog.com
-
Cairo said it will prosecute some 16 travel agencies for illegally taking pilgrims to Mecca. Hundreds are believed to have died during the Muslim pilgrimage this year, the majority being from Egypt. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Soomaaliya ayaa qabatay shir wadatashi ah oo dhawr maalmood socday, kaas oo ku saabsanaa khariidadda tubta, kaas oo lagu arki doono qaab dhismeedkeeda sharci oo la waafajinayo kuwa bulshada Bariga Afrika (EAC) si ay awood ugu yeelato inay ka faa’iideysato urur goboleedka. Kulanka oo socday muddo hal toddobaad ah, ayna ka soo qayb-galeen wufuud dawladeed oo ka socday dalalka bah wadaagta la ah ee EAC, ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo samayn lahaa khariidad dhammaystiran oo ku aaddan ka mid noqoshada Soomaaliya ee EAC, taasoo astaan u ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca xoojinta iskaashiga gobolka iyo is-dhexgalka dhaqaalaha. Shirkii ka dhacay magaalada Nairobi 17-kii ilaa 20-kii bishii June oo uu shir guddoominayay ku-xigeenka xog-hayaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Bariga Afrika ee Koonfurta Suudaan, Beny Gideon Mabor, ayaa Soomaaliya loo mariyay afarta tiir ee sharciga EAC, si ay awood ugu yeelato inay waafajiso dastuurkeeda. Waxaana kamid ah waxyaabaha muhiimka ah ee xag dhaqaale ahaan laga wada shaqayn doono, islamarkaana shuruucda diiradda lagu saari doono 4 tiir oo kala ah Midowga Kastamada, Suuqa Guud, Ururka Lacagta iyo Xiriirka Siyaasadeed. Dhankeeda, Soomaaliya waxay dejisay khariidad-hawleed loo marayo is-dhexgalka EAC Wafdiga Soomaaliya waxaa hogaaminayay Dr Abdusalam H Omer oo ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan EAC. Soomaaliya oo dhowaan kamid noqatay Ururka iskaashiga dhaqaalaha iyo isdhexgalka bulshada bariga Afrika ayaa weli ku howlan buuxinta hannaanka kamid noqashada ururkaas, gaar ahaan hab-dhismeedka dhaqaalaha iyo sharciga. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa,(Qaran news)- Musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa laba todobaad ka hor isaga oo kaftamaaya sheegay xaga uu isagu ku dhashay. Waxana uu Cirro xiligaas sheegay in uubku dhashay Cisbatalka magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxana uu hadalkiisa raaciyay in aan la garanayn xaga uu Muuse Biixi uu ku dhhashay. Hadaba waxa kuu cad in tuuryadaas Cirro gaadhay meel fog, waxana isla su’aashii Cirro lagu soo daray imtixaanada dugsiyadda oo hada ka socda dalka oo dhan. Waxana la waydiiyay halka uu Muuse Biixi ku dhashay sida ku cad warqada imtixaanka ee hoos taala waxan uu arday ka mid ah ardaydii imtaxaanka galay uu uu su’aashaasi kaga jawaabay in uu Muuse Biixi Cabdi uu ku dhashay Xarshin oo ah dawlad deegaanka Somaalida Itoobiya. Qaran News
-
Gunmen kill Quran teacher and his wife near Dhusamareb town
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dhusamareb (HOL) - Gunmen killed a Quran teacher and his wife in a small village near Dhusamareb, the administrative capital of Galmudug state, on Saturday night. Source: Hiiraan Online -
Xildhibaan Yaasiin Axmed Maxamuud oo ku soo biiray mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa saaka loo dhaariyay xilkaasi. Xildhibaan Yaasiin Axmed ayaa beddelay walaalkiis alle ha u naxariistee marxuum Cali Axmed Maxamuud oo bishii hore ku geeriyooday shil gaari. Xubin katirsan Maxkammada sare ayaa Xildhibaanka cusub dhaariyey kadib soo jeedinta Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha oo uu buuxiyey shuruudaha soo xulista Xildhibaannimo. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa Xildhibaanka kusoo dhaweeeyey Golaha Wakiillada, isagoo u rajeeyey inuu guto waajibaadka ku qoran Dastuurka iyo Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada. PUNTLAND POST The post Xildhibaan Yaasiin Axmed Maxamuud oo saaka loo dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay ka dib markii gaari xamuul ah uu wadada ka baxay oo uu ku dhacay mooto iyo dad lugeynayay deegaanka Timau ee ismaamulka Meru ee dalka keenya, sida uu shaaciyay Booliiska. Booliska ayaa sheegay in dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay isbitaallada gobolka, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta, gaariga xamuulka ah ayaa ka soo yimid Meru, asagoo ku sii jeeday Timau markii darawalku uu xakameyn waayay. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira afar rag ah, seddax dumar ah i, waxaana ka mid ahaa darawal mooto bajaaj oo la sheegay in uu dhintay markii la geeyay isbitaalka degmada Timau, shilalka baabuurta ayaana ku badan dalkaasi keenya. Source: goobjoog.com
-
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen laba markab oo midkood uu yahay markab dagaal oo laga leeyahay Mareykanka, halka mid mid kalena uu ku sii jeeday Israa’iil. Afhayeenka garabka milatariga kooxda Xuutiyiinta yaxye saree ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in markab xamuul ah oo uu ka dul babanaya calanka Liberia, laguna magacaabo Transworld Navigator ay si toos ah gantaalada ballistic-ga ugu garaaceen, asagoo maraya badda Carabta. Markabka waxaa la beegsaday sababtoo ah shirkadda iska leh ayaa ku xadgudubtay mamnuucida soo galitaanka dekedaha la haysto ee Falastiin,” ayuu yiri yaxye saree, isaga oo tilmaamay in dhammaan maraakiibta u socda Israa’iil ay bartilmaameedsan doonaan. Saree ayaa sidoo kale sheegtay in weerar loo adeegsaday gantaalada ballistic-ga iyo kuwa loo yaqaan cruise-ka ay ku qaadeen markabka militari ee USS Eisenhower, kaasoo hogaaminayay howl-galada ciidamada badda Mareykanka ee gobolka tan iyo markii uu bilowday dagaalka marinka Qasa. Weeraradan ayaa ku soo beegmaya xilli uu dhowaan degay markab lagu magacaabo MV Tutor, kaas oo gantaallo lagu garaacsy ayay sababeen inuu dab qabsado, waxaana muuqanaysa in kooxdu ay laba laabeen weerarada ka dhanka ah maraakiibta xariirka la leh Israa’iil iyo Mareykanka. Source: goobjoog.com