-
Content Count
211,311 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xuska 26-ka June oo caawa ku beegan, waxaana jirta munaasabad wayn oo loogu dabaal-dagayo xuska maalintan qaran. Booliska ayaa soo saaray amar culus oo ku aadan inta lagu guda jiro dabaal-dagga maalmaha xorriyadda dalkeena oo caawa bilaabanayo. Taliska booliska ayaa faray dhammaan ciidamada qalabka sida in wax rasaas ah aysan ridi karin inta lagu jiro dabaal-degga 26-ka June iyo kowda Luulyo. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay “in kaliya dabaal-degga la ogol yahay in la adeegsado Bululeer”, kaas oo aan wax saameyn dhalineyn, looguna tala-galay dabaal-degga. “Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed wuxuu ku wargalinayaa in dhamaan ciidanka qalabka sida iyo bulshada Soomaliyeed goob kasta oo ay joogaan inta lagu guda jiro dabaal-dega 26 Jun iyo 1 Luulyo, marka la gaaro saacada calan saarka aan wax rasaas ah la ridi karin marka laga reebo Bululeerka ay loogu tala-galay dabaaldegga” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska. Horay xabado loo riday dabaal-deg darteed ayaa dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waana sababta keentay inuu mamnuuco booliska in la rido wax rasaas ah. “Maadaama ay horey uga dhasheen dhaawacyo soo gaarey qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed waa mamnuuc” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dhammaan Laamaha amniga waxaa la farayaa inay u hogaansamaan amarkaan, ayna talaabo ka qaadaan cidii Ku xad gudubta Mahadsanidiin”. The post BOOLISKA oo soo saaray amar culus oo caawa dhaqan-galaya – Muxuu yahay? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda Itoobiya iyo wada-hadalka la sheegay in lala galayo kooxda Al-Shabaab. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isku xiray labadaan qodob, wuxuuna tilmaamay haddii laga wada-hadalyo in loo baahan yahay in aysan noqon qudbo siro ama qof kaliya in uu go’aan qaato. “Wadaxaajoodka Itoobiya lagala yeelanayo arrimaha Is-afgaradka, iyo wadahadalka la sheegay in kooxda argagexisada AS lala gelayo waa in aysan noqon khudbosir qof kaligii go’aansado” ayuu yiri siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa looga baahan yahay in qaab qaran u wajahdo, ayada oo wakiil laga noqonayo shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena lala socodsiiyo xogta. “Waa in lagu wajaho talo qaran oo loo dhanyahay, shacabka wakiilka laga yahayna si daahfuran loola socodsiiyo” ayuu mar kale yiri Xildhibaanku. Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aaday, ayada oo shalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan SHeekh Maxamuud uu sheegay in Itoobiya aysan u diidanayn inay hesho bad, balse ay rabaan inay soo marto wadadeeda sharciga ah. “Annaga iyo Itoobiya iskuma haysanno in ay Itoobiya badda gaarto, waxaan isku haysannaa Itoobiya sidee bay badda ku gaaraysaa, maaha dagaalku in ay Soomaaliya dowladda Itoobiya bad u diiddan tahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale madaxweynaha ayaa horay u sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay wada-hadal ay la gasho kooxda Al-Shabaab oo weli dagaal ka wadda gudaha dalka. The post Xasan oo loo jeediyay dalab la xiriira wada-hadallada Al-Shabaab iyo Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo bandhigay nin baxsad ah oo ku eedeysan dil ka dhacay gobolka Nugaal ee Puntland, kaas oo dalka ka cararay. Soo qabashada eedeysanahan oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Ciise ayaa waxaa iska kaashaday Booliska Soomaaliyeed iyo kan caalamiga ah ee Interpol, waxaana maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii xogtiisa ay Interpol kusoo wargelisay Booliska Soomaaliya. Ninkan ayaa ku eedeysan inuu 17-05-2023 gobolka Nugaal ku dilay marxmuum Maxamed Axmed Faarax, isaga oo kadib u baxsaday dalka Kenya oo ugu dambeyn laga soo qabtay. Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ninkan oo isticmaalay magaca been abuur ah uu ka gudbay xadka Soomaaliya, kadibna ay la wadaageen Interpol oo maanta soo qabatay. “Waaran soo qabasho ah oo usoo jarey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo tixgeliyey codsiga ka yimid Maxkamada gobolka Nugaal ayaa hoggaanka xiriirka dibadda (Interpol) ee Booliiska Soomaaliyeed Ka codsadey in lasoo qabto eedeysane Maxamed Cumar Ciise 30 jir ah, kuna eedeysan inuu dilay, Marxuum Maxamed Axmed faarax taariikhda marka ay aheyd 17-05-2023, isagoo isticmaalay Qori AK47 ah kadibna u baxsaday dalka Kenya.” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Booliska Soomaaliya. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Hoggaanka xiriirka dibada ee Booliiska Soomaaliyeed ayaa xogtiisa la wadaagay xafiisyada Kala duwan ee Booliska caalamigga ah ee Interpol, waxaana la ogaadey inuu ku noolyahay Kenya, uuna Isticmaalay magaca Cabduqaadir Cumar Cali si aan loo aqoonsan”. Kahor inta aan lasoo qaban eedeysanaha ayaa 21-06-2024 tegay safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya, si uu u jarto dukuminti laabasho ah (Go Home), wuxuuna ku jartay magaca been abuurka ah ee Cabduqaadir Cumar Cali. “Xarunta Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa si toos ah ugu soo wargelisay hoggaanka xiriirka dibadda ee Booliiska Soomaaliyeed in eedaysanaha uu kusoo wajahan yahay magaalada Muqdisho 25-06-2024, aroortii hore ee saaka ayaana garoonka Diyaaraha Aadan Cadde laga soo qabtay eedeysanaha ,waxaan lagu wareejin doonaa maxkamada gobolka Nugaal si loo marsiiyo Cadaaladda” ayaa gabagabadii lagu yiri warka qoraalka ah. The post Nin ay Interpol bixisay xogtiisa oo maanta lagu qabtay garoonka Muqdisho (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
-
Sida ay ku waramayso warbaahinta dalka Kenya dalkaasi waxaa hadda ka socdo dibadbaxyo ay dhigayaan dadka kenyanka ah ee ka soo horjeeda hindse-sharciyeedka maaliyadda ee canshuurta lagu kordhinayo. Nairobi, Mombasa, Nakuru iyo magaalooyin kale ayaa boqollaal dad ahi isugu soo baxeen. Dadkaan ayaa wata boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigayo ay ku diidanyihiin sharciga lagu kordhinayo canshuurta xilli dad badan ay sheegayaan in ay dareemayaan culeys dhanka nolosha ah. Shacabka Magaalada Nairobi ayaa meel Fagaare ah ka sheegay in aysan awoodin bixinta canshuurta ay qorshaynayso dowladda Kenya. Xarunta Baarlamaanka Kenya ayaa la gaarsiiyo waxyeelo weyn. waxaana ciidanka ay toogteen dhowr qof sida ay sheegeen warbaahinta Kenya. Go’aankaan ayay sheegeen haddii aysan ka laaban in ay sii wadi doonaan banaanbaxyada ilaa laga joojinaayo. Dowladda ayaa ciidamo badan gaysay xaruumaha dowladda si ay uga hortagaan in rabshado ay dhacaan. Mudaharaadkan oo loogu magacdaray “Bishii Diidmada-Maaliyadda ee Kenya 2024,” ayaa sii xoogaysanayay maalmihii la soo dhaafay, waxaana uu kumanaan dad ah isugu soo baxayeen waddooyinka todobaadkii hore si ay u muujiyaan diidmadooda. Baarlamaanka ayaa sharcigaani horyaallaa hadda waxaana lagu wadaa in ay ka doodaan.Sharcigan ayaa todobaadkii hore gudbay wareeggii labaad kadib markii 204 mudane ay taageereen halka 115 ay kasoo horjeesteen. Intaasi ka dib waxaa loo gudbi doonaa wajigii saddexaad ee Baarlamaanka oo wax ka bedel cusub lagu sameyn doono. Source: goobjoog.com
-
Madaxii hore ee sirdoonka Turkiga , oo hadda ah Wasiirka Arrimaha dibadda , Hakan Fidan ayaa soo bandhigay dhaqdhaqaaqa halista ah ee ka socda Qubrusta Yurub Wasiir Hakan Fidan wuxuu sheegay inay oggaadeen jasiiradaa in loo beddelay saldhig militari oo lagala socdo dhaqdhaqaaqa Qasa iyo koonfurta Lubnaan. “Oktoobar 7 kaddib, waxaan aragnay warbixinno sirdoon oo tilmaamaya in Qubrus loo adeegsanayo saldhigyo … Xarun hawlgal oo ay isticmaalaan waddamada kale si ay u maareeyaan dagaalka Qasa”. “Xiriir ayaanu la samaynay oo u sheegnay madaxda Giriiga in koonfurta Qubrus iyo jasiiradaha Giriiga loo isticmaalo xarun hawleed, taasi inay dhaxalsiinayso khatar weyn oo aysan dani ugu jirin Giriiga” ayuu yiri Hakan Fidan. Toddobaadkii hore Xisbullah ayaa sheegtay in ay weerarri doonto Qubrus , haddii weerarro looga soo qaado saldhigyadooda oo ay adeegsadaan diyaaradaha Israa’iil iyo Mareykanka. PUNTLAND POST The post Turkiga oo sheegay in jasiiradda Qubrus loo beddelay saldhig lagaga duulo Qasa iyo Lubnaan appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, George Conway, oo uu kala hadlay sare u qaadida iskaashiga, isuduwidda, iyo dadaalka wadajirka ah. Kulanka ayaa lagu qaadaa-dhigay dadaalka dheeraadka ah ee Guddiyada farsamo oo ka kala socdaay labada dhinac ay muujiyeen iyo sameynta istiraatiijiyad dhammaystiran oo hagaysa qorshaha kala guurka Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ,si loo dhiso xafiis Q.M ay ku yeelato dalka, oo la mid ah kuwa ka dhisan dalalka kale, si loogu dhaqaaqo horukac barwaaqo leh, loogana guul keeno himillooyinka, loona gaaro horumar waara. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka booliska Soomaliyeed ayaa gacanta Ku soo dhigeen eedeysane gacan Ku dhiiglenim loo haysto, kaas oo lagu Magacaabo Maxamed Cumar Ciise, waxaana lagu heystaa dil ka dhacay deegaannada Puntland, xilli laga qabtay garoonka Muqdisho. Waaran soo qabasho ah oo uu soo jarey Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo tixgeliyey Codsiga ka yimid Maxkamada Gobolka Nugaal ayaa Hoggaanka Xiriirka Dibadda (Interpol) ee Boliiska Soomaaliyeed Ka codsadey in Lasoo Qabto Eedeysane MAXAMED CUMAR CIISE 30 JIR AH kaas oo Ku Eedeysan inuu Dilay. Marxuum MAXAMED AXMAD FAARAX 17-05-2023 Asagoo isticmaalay Qori AK47 ah kadib asagoo baxsad ah ayuu Safar lugta ah ku Galay Xuduuda Dalka Kenya, Hoggaanka Xiriirka Dibada ee Boliiska Soomaaliyeed ayaa Xogtiisa la wadaagay Xafiisyada Kala Duwan ee Interpol waxaana La ogaadey inuu Ku noolyahay Kenya uu Isticmaalay Magaca Cabduqaadir Cumar Cali Si aan loo aqoonsan 21-06-2024 wuxuu tagay Safaarada Soomaaliya ee Dalka kenya si uu U jarto Dukumintiga u Safar Dalkaaga (Go Home ) Wuxuuna ku jartey Magaca Been abuurka ah ee Cabduqaadir Cumar Cali Interpol HQ ayaa Sitoos ah usoo wargilisay Hoggaanka Xiriirka Dibada ee Boliiska Soomaliyeed in uu eedaysanaha Kusoo Wajahan yahay Magaalada Moqdisho 25-06-2024 waxaana Saaka aroorti Garoonka Diyaaraha Aadan Cadde laga soo Qabtey Gacan ku dhiiglihii waxaan lagu wareejindoonaa Maxkamada Gobolka Nugaal si loo Marsiiyo Cadaaladda Source: goobjoog.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo maanta xubno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhex-maray qaybo kamid ah gobolka Baay oo hoostaga Koonfur Galbeed, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Ufurow, kadib markii uu isfaham-waa xoogan soo kala dhex-galay maleeshiyaadka kooxda. War kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay isku dhaca kooxda Al-Shabaab dhexdeeda ayaa lagu sheegay inay isku qabteen lacago ay kasoo aruuriyeen shacabka. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in weli ay xaaladdu ay kacsan tahay, isla markaana dhinacyada dagaalamay ay abaabul ka wadaan aagga deegaanka Afurow ee gobolka Baay. “Dagaalkan deegaanka Ufurow ku dhexmaraya khawaarijta ayaa ah mid salka ku haaya lacagaha baadda ahaa ee ay shacabka ka qaataan kuwaa oo ah xoolaha nool oo dadka deegaanka xoog looga qaatay, waxaana sidookale hadda jira abaabul dhaxdooda ah oo haatan ka socda deegaanka” ayaa lagu yiri qoraal ay daabacday warbaahinta dowladda. Ugu yaraan laba xubnood ayaa lagu dilay dagaalka, mid kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray dagaalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka. Waxaa kale oo lasii raaciyay “kala shaki soo kala dhex galay argagixisada oo haatan ku kala qeybsan baadda iyo xoolaha dadka deegaanka ay ka dhacaan ayaa yimid kadib markii dowlada Soomaaliya ay xooga saarta y la dagaalanka kooxaha khawaarijta ah” Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka maleeshiyaadkeeda ku dhex-maray gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya. Si kastaba, Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa sii xoogeystay isqaarijinta iyo kala-shakiga kooxda, iyada oo kooxda ay gulufka ka dhanka ah ku lumisay deegaano badan iyo dhaqaale ay heli jirtay, inkasta oo weli ay mararka qaar qaado weeraro rogaal celin ah. The post Al-Shabab oo dhexdooda ku dagaalay Baay + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaal beeleedyo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Mudug Ugu yaraan soddon qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka Mudug, gaarahaan inta u dhaxeeysa deegaanka Saxa-qurun iyo degmada Goldogob. Dagaalladan ayaa salka ku haya deegaanka iyo daaqa, waxaana labada dhinac ay sheegayaan in dhowr jeer lagu guuldaraystay in la joogteeyo heshiisyo la gaaray. Nabadoonnada ayaa sidoo kale sheegaya in ay hadda diyaar u yihiin in la dhameeyo khilaafka iyo waxyaabaha keenay dagaalka maadaama mar walba khasaaruhu sii kordhayo. bbcsomali Qaran News
-
Magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Kenya waxaa hadda ka socdo dibadbaxyo ay dhigayaan dadka kenyanka ah ee ka soo horjeeda hindse-sharciyeedka maaliyadda ee canshuurta lagu kordhinayo. Nairobi, Mombasa, Nakuru iyo magaalooyin kale ayaa boqollaal dad ahi isugu soo baxeen waxaana ay wataan boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigayo ay ku diidanyihiin sharciga lagu kordhinayo canshuurta xilli dad badan ay sheegayaan in ay dareemayaan culeys dhanka nolosha ah. Dowladda ayaa ciidamo badan gaysay xaruumaha dowladda si ay uga hortagaan in rabshado ay dhacaan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ka soconaya shirweynaha urur-goballeedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika, kaasi oo ay maanta ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo xildhibaannada labada aqal ee BF. Kulanka maanta ayaa waxaa lagu lafa-guraaya dood cilmiyeedyo ku saabsan in Soomaaliya ay diyaarsato sharciga ay qeybta kaga noqoneyso xubin fircoon oo shaqeysa urur-gobolleedka iskaashiga dhaqaalaha ee bariga Afrika. Sidoo kale, khubarada caalamiga ah ee shirka ka qeyb-galaysa ayaa dowladda Soomaaliya ka caawinaya saameynta ka dhalata isbeddelka cimilada, gaar ahaan dhinacyada hawada. “Waxa uu maanta u daaran yahay in ay Soomaaliya ka shaqeyso sidii wada-shaqeyn dhow ula yeelan lahayd dalalka ku bahoobay urur goballeedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo dowladda kasoo saartay shirweynahan maalintii labaad galay. Urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ayaa xilligaan abuuraya iskaashi weyn oo laga yeesho wax ka qabashada isbeddelka cimilada, oo si weyn u saameeyay dalal ay ku jirto Soomaaliya. Shirkan oo uu shalay furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa gaba-gabada la filayaa in shirka laga soo saaro go’aanno waxtar u leh Soomaaliya iyo sida ay uga faa’iideysan karto fursaddan muhiimka ah. Soomaaliya ayaa dhowaan noqotay xubintii 8-aad ee ku biirta urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bulshada bariga Afrika ee EAC. Si kastaba, Soomaaliya waa mid kamid ah dalalka aan weli kheyraadkooda la isticmaalin ee ku yaalla caalamka, waxaana dhinaca kale dalalka ku jira dalladan ay iyaguna sugayaan inay wax badan ka faa’iidaan dalkaan hodanka ah ee kheyraadkiisa weli ku nacfin. The post Mas’uuliyiin hor leh oo ku biiray shirweynaha ka socda magaalada MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qofka madaxda ka ah dal, mid kamid ah shaqooyinka horyaalla waa dhismaha hanka umaddiisa, difaaca sharaftooda iyo kabka sida taariikh wax ku ool ah usoo hoyn lahaayeen. Laakiin waa naadir in la arko qof madax ah oo ay caadi la tahay inay dadkiisa wax ku oolka ah qab jabiyo qaranka kale dantiisa. Balse Soomaaliya labo sano gudahood laba jeer ayay ka dhacday inuu qaranka hurweyntiisa hanka leh u gacmo qabto dalal kale, taas oo ah fadeexad aan indhaha laga qarsan karin. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu labaddii sano ee ugu horreysay muddo xileedkiisi labaad la kulmay labo gabdhood oo Soomaali ah oo hankooda uu yahay in heer Afrika oo dhan ah iyo heer caalamka oo dhan ah inay xilal ka qabtaan. Laakiin hankii labadaasi gabdhoodba wuxuu ku naf baxay albaabka guriga madaxweynaha ee Villa Somalia. Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir waxay damacday oo ay isku sharaxday madaxweynaha baarlamaanka adduunka. Waa gabadh Xildhibaanad ah oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, deegaan ahaaana kasoo jeeda Puntland. Wax walba markii ay meel loo qaateen ah usoo gaareen Marwo waxaa dhabar-jebisay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin doodda ay dowladda ku hor istaagtay gabadhan ayaa dadka qaar aqbaleen, iyada oo lagu dooday in Tanzania oo codkii Soomaaliya la siiyay, Marwana dartood looga reebay inay Soomaaliya uga hartay tartanka xubinta aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee QM, sidoo kalena ay Soomaaliya ku garabsiinaysay inay qeyb ka noqoto ururka bulshada bariga Afrika. Aan xooga qiil ku siino dowladda kiiska xildhibaan Marwo oo aan dhahno dan qaran ayaa lagu beddeshay, laakiin midda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo isku sharaxday guddoomiyaha ururka Midowga Afrika oo loo gacmo qabanayo maxaa lagu beddeshay? Si walba oo aad maanta u aqriso xaaladaha siyaasadeed ee gobolka, mida Afrika iyo tan caalamkaba ma heli kartid wax ka badan in Fowsiya la dhaafsaday dano shaqsi ah. Markii dowladdaha gobolka iyo kuwa caalamkaba ogyihiin in uusan jirin mowduuc weyn oo aad uga tanaasuli karto inuu dalkaaga u tartamo kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika, oo sidoo kale muwaadiniintaadana ogyihiin in aysan jirin wax dan qaran ah oo ugu beddeshay tallaabadan, oo xitaa ninka aad dalkiisa u tanaasuleyso uusan arkin wax dan guud ah oo miiska usoo saaray keliya ma aadan dilin qofka aad kursiga dhaafsiisay ee waxaad kale oo burburisay sumcaddii qarankaaga oo waxaad muujisay inuu go’aanka dalkaagu qiimo jaban joogo. Tallaabadan lagu hor istaagay damaca ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan waa diiwaan madow iyo faddeexad deg deg ugu saaqday ruuxda xukun ee madaxweyne Xasan Sheekh. Qof walba oo madax ka noqday Soomaaliya wuxuu leeyahay diiwaano togan iyo kuwo taban. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud diiwaankiisa taban waxaa hareynaya kiisas iskugu jira fadeexaddo musuq, hanjab qaran iyo eex deegaan ama diidmada dad gaar ah. The post Madaxweyne XASAN ma sumcaddii qaranka ayuu dhaafsaday dan shaqsi ah? appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale diginin xooggan ka bixisay heshiiska badda ee ay galeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland, waxayna taageero u muujisay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Heshiiska oo la saxiixay horraantii Janaayo 2024, ayey Somaliland ugu ogolaatay dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed, ayada oo dhaafsaneysa aqoonsi ay sheegtay inay ka heleyso Addis-Ababa, kaasi oo weli aysan xaqiijin Itoobiya. Ku-simaha danjiraha Mareykanka ee Qaramada Madoobe Robert Wood ayaa mar kale ku celiyey sida Mareykanka uga walaacsan yahay xiisadda ka dhalatay heshiiskaas ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. “Saaxiibayaal, Maraykanku waxa uu weli aad uga walaacsan yahay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, iyo saamaynta taban ee ay ku yeelanayso danaha amni ee ay wadaagaan,” ayuu yiri Wood oo shalay ka hadlay kulankii Golaha Ammaanka ee QM ee arrimaha Soomaaliya. “Waxaan ku biiraynaa Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si aan ugu celino taageeradeena ku aadan madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Wadahadal diblamaasiyadeed ayaa ah dariiqa lagu dejin karo xiisadaha, waana dariiqa kaliya ee loo mari karo,” ayuu yiri Wood. Robert Wood ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in xiisadaha gobolka aysan dib u dhigin dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan hindisaha muhiimka ah ee dowlad-dhisidda ama ololaha dowladda ee lagu wiiqayo al-Shabaab. “Waxa kale oo aad muhiim u ah in xiisadaha gobolku aanay faragelin qorshaynta iyo hawlgelinta hawlgalka ka dambeeya ATMIS. Ma qaadan karno halista abuurista daldaloolo amni oo khatar ah, ama kharashyada dheeraadka ah ee la xiriira isbeddel a guud oo lagu sameeyo dalalka ciidamada ku tabaruca.” Digniinta Mareykanka ayaa imaneysa ayada oo Somaliland iyo Itoobiya aysan weli heshiis u bedelin is-afgaradkii ay gaareen, ayada oo 3 bil la dhaafay muddadii saddexda bil aheyd ee ay qabsadeen in ay heshiiska ku saxiixayaan. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo dhowaan wareysi siiyey wargeyska The Economist ayaa sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah. Dalal badan oo caalamka ah ayaa teegeero buuxda u muujiyey Soomaaliya, oo 6-dii June xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka ee QM. Soomaaliya ayaa sidoo kale heshiis difaac la gashay Turkey kaasi oo dhigaya in Ankara ay ka ilaaliso cid kasta oo ku soo xadgudubta madax-banaanida iyo qarannimadeeda. The post Mareykanka oo digniin cusub ka soo saaray HESHIISKA Somaliland iyo ITOOBIYA appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Israel ayaa weerar ka dhacay Qasa ku dishay tiro dad ah reer Falastiin ah oo sidoo kale ay ku jiraan ilaalada baabuurta gargaarka, kadib markii la weeraray dad mucaawino doon ah oo ku sugnaa deegaanka Khan Younis oo ay kusoo barakeen Falastiiniyiin badan. Dadka la dilay ayaa ayaa tiro ahaan gaaray dhowr 10 ruux ruux, waxaana la sheegay in ay kamid aheyd haweeneey la dhalatay madaxa Ururka Xamas Ismaaciil Haniyah,taasoo lagu dilay weerar ka dhacay xerada al-Shati halkaas oo weerarka uu dhacay Israel ay qaaday. Madaxa Hey’adda UNRWA ee dadka Falastiin u qaabilsan gargaarka bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay ayaa ku waramaya in xaalad adag ay ka taagan tagay Qaza, waxaana uu in ka badan 495,000 Falastiiniyiin ah ay soo food saartay cunto yari iyo macluul daran. Warar ayaa sheegaya in Gaza xilligaan ay tahay deegaan la xaalufiyey,carruurta Falastiinna waxay u dhimanayaan nafaqo-xumo iyo fuuqbax,iyadoo cunto iyo biyo nadiif ah laga sugayo gawaarida hey’adaha samafalka ee tagaya halkaasi ay Israel culeys ay saareyso. Dhinaca kale,Ra’iislwasaaraha Israel ayaa sheegay in dagaalku sii socon doono xitaa haddii heshiis xabad joojin ah lala gaaro Xamaas, Kooxda falastiiniyiinta ayaa sheegay in hadaladiisa ay muujinayaan in uu diiday hindise xabbad-joojin ah oo uu soo bandhigay madaxweyne Biden. Tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka socda Qaza ugu yaraan 37,626 qof ayaa la dilay, 86098 kalena waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7-dii, markaas uu qarxay dagaalka u dhaxeeya labada dhinac ee ka socda marinka Qaza oo xasuus ba’ani ka socdo. Source: goobjoog.com
-
Juliana Assange oo ah aas-aasaha website-ka WikiLeaks ayaa la filayaa in todobaadkaan uu qirto inuu danbi galay kuna xadgudbay sharciga basaasnimada Mareykanka, qirashadaas oo uu ku baddalanayo in laga sii daayo xabsiga uu ku xiranyahay ee dalka Ingiriiska, kaddibna dib loogu celin doono dalka uu u dhashay ee Australia. Dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa dukimintiyo ay Isniintii u gudbiyeen maxkamadda ku sheegay, in Assange oo 52 jir ah uu ogolaaday in uu qirto dambiga kaliya ee lagu soo oogay oo ah in uu maleegayay, in uu helo oo uu shaaciyo dukumeentiyada difaaca qaranka Mareykanka ee sirta ah. Maxkamadeyntiisa ayaa aroornimada hore ee Arbacada berrito ah ka dhici doonta waqooyiga jasiiraddaha Mariana oo ee hoos yimaada Dowladda Mareykanka, kuna yaalla waqooyiga-galbeed ee badda Baasifigga. Muddada todobada sano ee uu xirnaa ayaa la filayaa inuu loo xisaabiyo xabsi uu qaatay, kaddibna la fasaxo. Website-ka WikiLeaks ayaa sannadki 2010-kii baahiyay boqollaal kun oo dukumintiyo sir qaran ah oo uu leeyahay millatariga Mareykanka. Dukumintiyadaasi ayaa u badnaa kuwa millatariga Mareykanka ee dagaalladi Afghanistan iyo Iraq. Dusinti sirta milatari ee Mareykanka ee Wikileakes ayaa noqday kugu ugu ballaarnaa ee taariikhda Mareykanka. Assange ayaa marki hore sannadki 2010-ki lagu xiray dalka Britain kaddib marki ay maxkamad ku taalla Sweden u jartay waaran lagu soo qabanayo, kaddib marki lagu eedeeyay danbi kufsi ah oo marki danbe laga laabtay. Kaddib ayuu u cararay oo uu iska dhiibay safaaradda Ecuador ee London, kalkaas oo uu ku noolaa muddo 7 sano ah. Ugu danbeyntii sannadki 2019-ki ayaa laga soo xiray safaaradda, oo loo diray xabsiga Belmarsh ee magaalada London. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Mareykanka ayaa mar kale diginin xooggan ka bixisay heshiiska badda ee ay galeen dalalka Itoobiya iyo Somaliland, waxayna taageero u muujisay Soomaaliya. Heshiiska oo la saxeexay horraantii January 2024, ayey Somaliland ugu ogolaatay dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed, ayada oo dhaafsaneysa aqoonsi buuxa oo ay ka hesho Itoobiya. Ku-simaha danjiraha Mareykanka ee Qaramada Madoobe Robert Wood ayaa mar kale ku celiyey sida Mareykanka uga walaacsan yahay xiisadda ka dhalatay heshiiskaas ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. “Saaxiibayaal, Maraykanku waxa uu weli aad uga walaacsan yahay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, iyo saamaynta taban ee ay ku yeelanayso danaha amni ee ay wadaagaan,” ayuu yidhi Wood oo shalay ka hadlay kulankii Golaha Ammaanka ee QM ee arrimaha Soomaaliya. “Waxaan ku biiraynaa Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si aan ugu celino taageeradeena ku aadan madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Wadahadal diblamaasiyadeed ayaa ah dariiqa lagu dejin karo xiisadaha, waana dariiqa kaliya ee loo mari karo,” ayuu yidhi Wood. Digniinta Mareykanka ayaa imaneysa ayada oo Somaliland iyo Itoobiya ayna weli heshiis u bedelin is-afgaradkii ay gaadheen, ayada oo 3 bilood la dhaafay muddadii saddexda bisha aheyd ee ay qabsadeen in ay heshiiska ku saxeexayaan. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo dhowaan wareysi siiyey wargeyska The Economist ayaa sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah. Source
-
Amniga dalkeenna waxa uu muddo dheer ka mid ahaa caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla bulshada Soomaaliyeed, iyadoo dhibaatada amni ay saameyn ku yeelatay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, sida; waxbarashada, caafimaadka iyo guud ahaan baahiyaha aas-aasiga ee nolosha oo amnigu uu saldhig u yahay, iyada oo ay sidaa tahay ayaa haddana dhallinyaradu yihiin kuwo si gaar ah ugu nugul saameynta ka dhalata xaaladaha amni darrada. Marka laga hadlayo tiro koobka dadka Soomaalida, waxaa la sheegaa in dhallinyaradu ay 70% ka yihiin bulshada. Waa fursad fiican in tiro intaa la eg ay bulsho ka noqdaan dhallinyaro, dalal badan oo dhaca qaaradda Afrika ayaan haysan fursaddaas dahabiga ah. Waxaan dalalkaas ka xusi karnaa Uganda, Niger, Angola, Mali iyo dalal kale oo ay aad u hooseeyaan tirada dhallinyaro ee ay haystaan. Haddaba, Soomaaliya oo haysata tiro intaa la eg oo dhallinyaro ah, leh awood iyo firfircooni dheeraad ah waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan sugidda amniga iyo nabadeynta. Qormadan waxay diiradda saaraysaa doorka muhiimka ah ee dhallinyarada ay ku yeelan karaan sugidda amniga dalka, iyadoo la eegayo tusaalooyin hore iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sidii loo dhiirrigelin lahaa ka qeybqaadashadooda siyaasadda iyo sugidda amniga. Faalladaan waxay sidoo kale sahminaysaa baahida loo qabo in dhallinyarada Soomaaliyeed la siiyo fursado ay kaalintooda ku muujiyaan, kagana qeybqaataan nabad-dhisidda iyo matalaadda sare ee siyaasadda. Waxay sidoo kale qormadu iftiiminaysaa sida looga faa’iideysan karo awoodda ay dhallinyaradu leeyihiin, sida ay ula shaqeyn karaan hay’adaha amniga iyo in ay kaalin muuqata ka qaataan howlaha kala duwan ee bulshada. Taariikhda Doorka Dhallinyarada ee Amniga Dalka Waxaa dhigaallo hore ku xusan dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed kuwaa oo kaalimo muhiim ah ka qaatay sugidda amniga dalka. Tusaale ahaan, intii lagu jiray dagaalladii sokeeye, ururrada dhallinyarada ee maxalliga ah ayaa qaarkood ku guuleystay inay sameeyaan barnaamijyo nabadeyn ah oo sababay in nabadgelyo iyo xasillooni lagu wada noolaado deegaannadooda. Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa magaalada Gaalkacyo oo aan ognahay heerka ay colaaddu gaartay, boqolaal qofood ayaa ku nafwaayay muddadii ay dagaallada sokeeye ka socdeen Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, ujeedkeennu ma aha in aan ka sheekeyno wixii ka dhacay Gaalkacyo ee waa in aan caddeyno doorkii ay dhallinyarada laba dhinac ku lahaayeen nabadeynta magaalada Gaalkacyo, waxay ku guuleysteen in magaalada oo in muddo ah kala xirneed oo aan la isaga gooshi karin, in nabad iyo xasillooni la helo, illaa markii dambe ay qabteen madal ay ugu magacdareen “Bandhigga Nabadda iyo Buugaagta Gaalkacyo” oo tiro saddex jeer ka badan lagu qabtay Gaalkacyo. Dhallinyaradaas is xilqaamay ee buuxiyay kaalintaas iyo kuwa la midka ah ee nabadda ka dhaliyay deegaannada kale ee Soomaalida waxay tusaale u yihiin bulsada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaa kale oo xusid mudan ururkii dhallinyarada ee Xamar Weyne oo iyaguna si firfircoon uga qeybqaatay dadaallo lagu xasilinayay xaafadaha Muqdisho xilliyadii ay Xamar kala xirneed, iyagoo sameeyay barnaamijyo abuuray is-dhexgal bulsho iyo nabadeyn lagu soo gaaray heerka aan maanta joogno. Xasilloonida Siyaasadeed Iyo Ka Qeybqaadashada Dhallinyarada Waxaa laga maarmaan ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay helaan fursado ay kaga qeybqaataan siyaasadda dalka, si ay u noqdaan cod firfircoon oo saameyn ku leh go’aannada masiiriga ah. Dhallinyarada waxay yeelan karaan ururro siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin, waxayna sidoo kale ku biiri karaan ururrada jira ee siyaasadda si ay u xaqiijiyaan in codkooda la maqlo. Xoogga dhallinyarada oo la mideeyo ayaa looga guuleysan karaa fekerka xagjirnimada oo waqtigaan ah kan ugu daran ee dalkeenna qarribay, si loo helo barnaamijyo wacyigelin iyo waxbarasho ka saafi ah aragtiyo xagjirnimo waxaana ay taasi ku imaan kartaa in la helo manhaj aan dalal kale laga soo guurin oo si qumman uga hadlaya nolosha iyo wacyiga bulshada. Waxaa la ogaaday in xagjirnimada ay si gaar ah u saameyso dhallinyarada, iyadoo kooxaha nabad-diidka ah ee aragtiada ku dagaallama ay si fudud u bartilmaameedsadaan dhallinyarada, iyaga oo uga faa’iideysta duruufo dhaqaale ama ka iibiya aragti qofka ku hoggaaminaysa mustaqbal mugdi ah. Si looga hortago arrintan, waxaa muhiim ah in la sameeyo barnaamijyo wacyigelin ah oo dhallinyarada lagu barayo khataraha xagjirnimada, faa’iidooyinka nabadda iyo wadajirka bulshada. Tusaale ahaan, barnaamijka “Youth Against Violence” ee ay hirgeliyeen hay’ado maxalli ah ayaa ku guuleystay inay hoos u dhigaan heerka xagjirnimada ee dhallinyaro badan, iyagoo adeegsaday tababaro iyo wacyigelin joogto ah. Dhallinyaradu waxa ay sidoo kale kaalin muuqata ka qaadan karaan la dagaalanka burcadda iyo kooxaha hubeysan ee dhibaatada ku haya deegaanadooda. Tusaale ahaan, dhallinyarada Boosaaso ayaa sameystay kooxo iskaa wax u qabso ah oo ka hortaga burcadda xeebaha, iyagoo la shaqeynaya hay’adaha amniga iyo maamulka deegaanka. Muqdisho oo muddooyinkii dambe ay ka jirtay nabad la mahadiyay, isla markaana ay yaraadeen dilalkii qorsheysnaa ee kooxaha bustooladaha ku hubeysan ay geysan jireen waxay khuburada amnigu qabaan in ay keentay dhallinyaro badan oo laga qoray hey’adaha amniga, gaar ahaan NISA, waliba inta badan dhallinyarada laga qoray xaafadaha ay degganaayeen, maaddaama ay fahmi karaan cidda ku cusub deegaanka iyo midka dool ku ah. Waxa jira maqaallo hore looga qoray doorka dhallinyarada ee sugidda amniga dalka oo aad ka heli karto fikrado iyo tusaalooyin waxtar leh, anna igu dhiirrigeliyay in aan wax ka qoro fursadaha horyaalla dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa ka mid ah qoraalladaas: “Youth as Agents of Peace: Somalia” – oo uu soo saaray Bangiga Adduunka, wuxuuna diiradda ku saarayaa sida dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin muhiim ah uga ciyaari karaan nabadeynta iyo amniga dalka. Sidoo kale, “Shaping Peace Together: Somali Youth as Change-Makers” – ayaa ka mid ah oo lagu xusay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka kooban yihiin 70% bulshada, taas oo ka dhigeysa laf-dhabarta bulshada. Talooyin Guud: Amniga waxaa qeyb weyn ka qaata xog hufan oo la siiyo ciidamada ammaanka. Waxaa la dhahaa xogtu waa awood (Information is power) oo lagala jeedo xog in la helo ayaa ah awoodda amni. Soomaalidu waxay dhahaan “War helaa, talo hela”. Wax kasta xogta ayaa u ah dhabbaha koowaad ee la qaado, dhallinyarada ayaana doorkaas ka qaadan kara qeyb lixaad leh. Waxaa muhiim ah in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya dhallinyarada iyo hay’adaha kala duwan ee amniga, si ay u wada shaqeeyaan. Tusaale ahaan, in la sameeyo guddi isugu jira dhallinyarada iyo saraakiisha amniga oo si wadajir ah uga shaqeeya sugidda amniga magaalo kasta Talo soo jeedintaan kaliya diiradda ma saarayso in dhallinyaradu ay xog oo kaliya ku kaabaan ciidanka, ee xitaa waxaan soo jeedinayaa in ay ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka oo ay hiil iyo hoo ku taageeraan, sababtoo ah meel aan dhallinyaro ku jirin lagama filanayo natiijo wax ku ool ah oo lagu faani karo. Sidoo kale dhallinyarada kaxaysa bajaajta waa in ay helaan fursado ay ku gudbin karaan dhacdooyinka amniga quseeya oo ay la kulmaan, maaddama ay markasta ka dhex shaqeeyaan bulshada, waxaa kale oo muhiim ah in la kordhiyo tirada gabdhaha sirdoonka ka shaqeeya. Gabdhaha Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ka ciyaari kara sirdoonka iyo amniga dalka. Iyadoo la og yahay in gabdhaha ay awood gaar ah u leeyihiin inay si fudud ugu dhex milmaan bulshada, waxay ka shaqeyn karaan meelaha ay haweenku u badan yihiin sida isbitaalada, maqaayadaha, iyo xarumaha bulshada, taas oo suurta gelinaysa inay helaan xogo muhiim ah oo la xiriira amniga. Ugu dambeyn, waxaa laga maarmaan ah, xalna u noqonaysa amnidarro ka timaada dhallinyarada, in la hergeliyo barnaamijyo fursado shaqo u abuura dhallinyarada. Si looga hortago in dhallinyarada ay ku biiraan kooxaha hubeysan ama xagjirka ah, waa in la abuuro fursado shaqo iyo horumarineed oo ay ka faa’iideysan karaan dhallinyaradu. Jacfar Maxamed Jacfarmohamed02@gmail.com Source: goobjoog.com
-
Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in laba weerar oo cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil Isniintii ku weerareen xarumo gargaarka bani’aadannimo lagu keydiyo, ay ku dileen ugu yaraan 11 qof oo Falastiiniyiin ah. Mid ka mid ah gantaallada ayaa lagu dhuftay xarunt gargaarka bani’aadannimo lagu qeybiyo oo ku taalla magaalada Gaza, gaar ahaan aagga xerada qaxootiga ee Shati, weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay saddex qof. Duqeynta kale ayaa lalal eegtay meel u dhaw degmada Bani Suheyla ee koofurta Marinka Gaza. Ugu yaraan siddeed qof ayaa la xaqiijiyay in lagu duley duqeyntaasi. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Isra’il, oo hore loogu eedeeyay in ay beegsato xarumaha gargaarka bani’aadannimo, balse beenisay eedaahaasi, iyada oo ku eedeyso kooxaha kasoo horjeeda ee Gaza in ay ka dhax dagaallamaan meelaha ay rayidka degganyihiin. Habeenimadii xalay, weerar cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay xarun caafimaad oo ku taal magaalada Gaza ayaa lagu dilay agaasimihii Ambalaaska iyo Waaxda Gurmadka ee Gaza, wasaaradda caafimaadka ee deegaanka ayaa sidaasi xaqiijisay. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in duqeyntaas ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Xamaas. Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in dilka Hani al-Jacfarawi uu ka dhigay tirada shaqaalaha caafimaadka ee ay dishay Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar ilaa 500. Ugu yaraan 300 oo kale ayaa ilaa hadda la xidhay. Source
-
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay in ciidamadooda ay weerareen laba markab oo marayay badda cas iyo badweynta Hindiya. Markabkii ugu horeeyay oo lagu magacaabo Transworld Navigator, ayaa lagu bartilmaameedsaday Badda Cas, iyadoo la adeegsanayo “doon qarax sida oo aan la saarnayn” taasoo keentay in si toos ah loogu dhufto markabka, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta Yahya Saree. Markabka labaad oo lagu magacaabo Stolt Sequoia, ayaa lagu weeraray Badweynta Hindiya, waxaana lagu weeraray tiro gantaallo ah, sida uu sheegay. Wuxuu sheegay in maraakiibta ay leeyihiin shirkado “ku xad-gudbay mamnuucida soo gelitaanka dekedaha Falastiin ee la haysto.” Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa tan iyo bishii Nofembar waxa ay duqaymo diyaaradeed iyo gantaallo ah ku garaacayeen marinnada maraakiibta, iyaga oo sheegay in ay u dhaqmayaan si ay u garab istaagaan Falastiin. Tobaneeyo weerar, Xuuthiyiintu waxay ku quusiyeen laba markab, mid kalena way qabsadeen, waxayna dileen ugu yaraan saddex badmaaxiin ah. Source
-
Ka dib sannado badan oo hawlo sharci ah, Wikileaks ayaa sheegtay in aasaasaha Julian Assange uu ka tagay UK ka dib markii uu heshiis la gaadhay mas’uuliyiinta Mareykanka, taas oo dhalinaysa inuu qirto dambiga lagu soo oogay lana sii daayo. Assange, oo 52 jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu maleegayay inuu helo oo uu shaaciyo macluumaadka difaaca qaranka. Muddo sannado ah, Maraykanku waxa uu ku doodayay in faylasha Wikileaks, ay daaha ka qaadeen macluumaadka ku saabsan dagaalladii Ciraaq iyo Afgaanistaan kuwaas oo galis nololeed sameeyey. Assange ayaa shantii sanno ee la soo dhaafay ku jiray xabsi ku yaalla Ingiriiska, halkaas oo isaga iyo kuwa u ololeeya ay diidanayeen in loo gacan geliyo Maraykanka. Sida laga soo xigtay warbaahinta CBS ee Mareykanka, Assange wax waqti ah kuma qaadan doono xabsiga Mareykanka, wuxuuna heli doonaa qaddarin waqtigii uu ku xidhnaa UK. Assange wuxuu ku laaban doonaa Australia, sida ku cad warqad ka soo baxday waaxda cadaaladda. Barta X, oo hore loo oran jiray Twitter, oo soo xiganaysa Wikileaks waxay sheegtay in Assange uu ka baxay xabsiga Belmarsh Isniintii ka dib kun iyo sagaal boqol iyo dheeraad maalmood oo uu ku jiray qol yar. Intaas ka dibna “siidayntiisa wuxuu aaday garoonka Stansted galabnimadii, halkaas oo uu ka raacay diyaarad kana dhoofay UK” si uu ugu laabto Australia, ayaa warku intaas ku daray. Source
-
Warbixin ay qortay warbaahinta Addisstandard ee laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in heshiiska ay wada gaadheen dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya uu wax weyn ka bedeli doono jawiga juquraafiyadeed iyo ka siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale warbixintan ayaa lagu tilmaamay in heshiiska is fahan ee Somaliland iyo Itoobiya uu ka muuqdo horumar iyo is-bedel weyni, sidoo kalena tallaabadan istiraatijiga ahi aanay ahayn kaliya mid lagu wajaho amaanka badda gacanka cadmeed, balse sidoo kale wax lagaga qabanayo xasaradaha gobolka ee saameeyay badda cas iyo kanaalka Suweys. Hamidi Jaamac oo ah khabiir falanqeeya amniga baddaha, ayaa soo bandhigay ahmiyadda uu heshiiska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya u leeyahay dalka Masar. Khabiirkan oo qormo ku baahiyey Wargayska Addis Standard ayaa lagu sheegay in heshiiska dhex maray Somaliland iyo Itoobiya uu wax ka beddelayo jawiga juquraafi iyo ka siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika, marka la eego muhiimadda uu saldhigga Ciidamada badda ee Itoobiya uu u leeyahay amniga marinnada badda cas iyo gacanka cadmeed. Khabiirkan ayaa sheegay in goobta juquraafi ee Somaliland dhacdo ay qayb laxaadle ka qaadanayso ammaanka gacanka cadmeed iyo Badda Cas, waxaa kale oo uu tilmaamay khabiirku in hirgelinta saldhiga ciidamada badda ee Itoobiya ay ku yeelanayaan xeebta Somaliland uu door weyn ku yeelan doono ammaanka marin biyoodka badda cas. Khabiirku wuxuu warbixintiisan ku soo bandhigay in heshiiskan labada dal dhex maray uu faa’iido u leeyahay daneeyayaasha caalamka oo dhan oo ay ku jirto Masar, maadaama uu kor u qaadayo amniga gobolka iyo inuu kordhinayo ilaalinta marinka Suweys. Khabiirkan ayaa warbixintiisa ku soo badhigay heshiisyo hore oo Maraykanka iyo Soofiyeedkuba ay ku garwaaqsadeen qiimaha istiraatijiyadeed ee Somaliland iyagoo gegida diyaaradaha ee Magaalada Berbera u isticimaali jiray Saldhig ciidan, waxaanu khabiirku sheegay in heshiisyadaas taariikhiga ahi ay dhammaantoodba ka marag kacayaan kaalinta ay Somaliland ku leedahay quwadaha waaweyn. Khabiir Hamidi Jamaac wuxuu warbixintan ku sheegay in diidmada Soomaaliya ee heshiiskani la xidhiidho aragtida ay ka aaminsan yihiin Somaliland oo ay sheegtaan, hase yeeshee waxa uu khabiirku caddeeyay in Somaliland ay soo bandhigtay in saldhiga ciidan ee ay Itoobiya ka siinayso xeebteeda uu horseedi doono aqoonsi buuxa oo Itoobiya siiso Somaliland. Khabiirku waxa uu soo xigtay waraysi uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi dhawaan siiyay Wargayska Financial Times, kaas oo uu ku faahfaahiyey in imaatinka ciidamada badda ee Itoobiya ay gacan ka gaysan karto xakamaynta khatarta Xuutiyiinta ee gacanka cadmeed, kuwaas oo carqalad geliyey marinkii maraakiibtu adeegsan jireen ee Baabul mandab. Khabiirkan ayaa sheegay in Saldhig ay ciidanka Itoobiya ku yeeshaan Somaliland uu horseedi karo xakameynta dhaq dhaqaaqyada xagjirka, iyo hubinta inay si badbaado leh u adeegsadaan marin biyoodkaas maraakiibta ganacsi ee caalamka. Source