Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,311
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. With first place in Group F at UEFA Euro 2024 already spoken for, Czechia and Türkiye meet in their round-robin finales trying to secure a spot in the Round of 16. Source: Hiiraan Online
  2. Eight months after joining the East African economic block, Somalia is calling for more focus on regional integration. Speaking during the EAC regional forum in Mogadishu, President Hassan Sheikh Mohamud says there is a need to strengthen economic and trade-based cooperation. Source: Hiiraan Online
  3. NAIROBI — At least five people were killed during street protests over a new tax proposal Tuesday in Kenya’s capital as police fired on protesters after thousands stormed into Kenya’s Parliament and set part of it on fire, according to human rights groups. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) — France has urged the international community to back Somalia in its ongoing battle against terrorism, emphasizing the country's critical juncture. In a United Nations Security Council address, Deputy Permanent Representative of France Nathalie Broadhurst stressed the need for coordinated global efforts as Somalia transitions from international peacekeeping missions. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xuska 26-ka June, isaga oo shacabka ugu hambalyeeyay 64-guurada ka soo wareegtay markii xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee dalka oo hadda loo yaqaano Somaliand. “Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan waxaan idiin ku hambalyaynayaa xuska qiimaha badan ee 26-ka Juun oo ku aaddan 64-guurada ka soo wareegtay xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynihii hore. Intaas kadib Farmaajo ayaa ka hadlay xaaladaha kasoo cusboonaday dalka, gaar ahaan dagaal beeleedyada dib uga qarxay gobollo badan oo kamid ah dalka, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo, kadibna ka xoojiyo midnimada, lana dhowro walaalnimada iyo darisnimada. “Todobaadka Xoriyadda waxaa waajib ah in uu inoo horseedo midnimo, xoojiyana walaalnimada dhexdeenna ah, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in la joojiyo colaadaha sokeeye ee maanta ka aloosan gobollo badan oo ka tirsan dalka” ayuu mar kale yiri. Farmaajo ayaa sidoo kale dhammaan dadka Soomaaliyeed ka dalbaday inay xasuustaan halgamayaashii dalkan usoo huray naftooda, una u dueceeyaan, maadaama lagu jiro maalmaha xoriyadda ee 26-ka June iyo kowda Luulyo. “Malaayiinta Soomaaliyeed ee ku nool gobanimada iyo xornimada waxaan ugu baaqayaa in ay u duceeyaan halgameyaashii inoo horseeday qarannimada, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhaq-dhaqaaqyadii dhallinyarada Soomaaliyeed ee u midoobey xoreynta dalka, iyaga oo ka fogaaday qabyaalad iyo eex” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray Farmaajo. Wxaa kale oo gabagabadii uu yiri “Hambalyo, sannadkan kiisa Alle ha ina ku gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo”. Xuska 26-ka June ayaa sanadkan kusoo aaday, ayada oo ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay heshiis ay Somaliland la gashay Itoobiya, kaas oo ay ka carootay dowladda Soomaaliya, waxaana sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa. The post FARMAAJO oo war culus soo saaray, kana hadlay dagaallada ka qarxay… appeared first on Caasimada Online.
  6. Muddo 64 sano ayaa laga joogaa 26 June 1960 oo ku beegan maalintii ay Xornimada ka qaateen Ingiriska gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, sidoo kalena aheyd markii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed. Munaasabadaasi waxaa iyadana xigtay kowdii Luulyo oo goboladii Koonfureed heeryadii gumeysigii Talyaaniga ka xoroobay iyo isku biiridii walaalahoodii Waqooyi, halkaasina ku abuurantay Jamhuuriyadii Soomaaliya. Waayahaasi adkaa ee lasoo maray 64 sano kahor, Guushii Israacii iyo Midowga Gobollada Waqooyi iyo Koonfur 1960-kii waxay niyad jab ku noqotay xiligaasi Gumeystihii Ingiriiska oo markaasi dareemay wada jirka Soomaali ay dooneyso iney ku wada noolaadaan, waxaase Ingiriiska kasii darnaa Boqorkii Itoobiya ee Xeyle Sallaase oo markii uu maqlay Midowga Gobolada Waqooyi iyo Koonfur, beesha caalamka u muujiyay sida uu ugu xun yahay israaca labada Gobol. Boqor Xeyle Sallaase kuma ekaan inuu ka xumaado kaliye israaca Muqdisho iyo Hargeysa wuxuu Midowgii Sofiyeeti iyo Mareykanka weydiistay taageero Milateri si uu uga gaashaanto halista ugu imaan karto Israaca Muqdisho iyo Hargeysa, wuxuuna ka dalbaday Xeyla Sallaase Mareykanka, Ingiriiska iyo Ruushka iney caqabad ku noqdaan israaca Labada Gobol. Halgankaasi dheer ee loo soo maray iyo marxaladaha ay maleegeen Dowladdaha deriska iyo kuwa caalamka waxaa maanta horseedaya hadimadii Xeyla Sallaase oo kale mashruuca Federaalisimka ee lagu soo dhex tuuray Soomaalida, kuwa sida qaldana u adeegsanaaya oo ka biyo diidsan Soomaali mideysan awoodeedii leh, Laabtana ka jecel Gooni isu maamulka sida Somaliland. Burburkii dawladnimadii Soomaaliya kadib, waxaa dalku uu soo maray marxalado kala duwan, burbur, hoggaamiye kooxeedyo, kooxo diineed iyo dowladdo jilicsan oo lugaha ay qabsadeen siyaasiyiin iyo maamul goboleedyo qabyaaladeysan ee magac ahaan badalay qabqablayaashii dagaalka iyo faragelinta shisheeyaha iyo dalalka deriska. Goboladii Waqooyi oo iyagana tashaday waxay ku dhawaaqeen inay yihiin dowlad madax bannaan oo 31 sano ay ku dhibtoonayaan aqoonsi aan ilaa weli u cadeyn inay helayaan. Soomaaliya oo isla garatay in ay qaadato nidaamka Federalism-ka lagu soo dhex tuuray ee halbeeggana loogu dhigay maamul siyaasadeedka dalka ayaa wuxuu noqday mixno fidno ah ee la eeday. Asalkiisu wuxuu nooga yimid Shirkii Embagathi ee Meles Zenawi ku andacoonaayay inuu Soomaali halkaasi uga soo dhisay maamul federaal ah oo Ethiopia laga soo min guuriyay. Soomaalida oo aan wax faham ah ugu bilaabnayn “Waa maxay Federalism, iyo what is Federal System” ayaa lagu yiri qaata isku maamula. Puntland oo ku andacoota inay tahay hooyadii Federaalka ayaa caqabada koowaad ee awood sheegashada iyo sida qaldan u fasiraneysay 14-kii sano lasoo dhaafay marna ku goodineysay inay tashan doonto. Soomaaliyada maanta, waa kasoo kabaneysaa sidii hore, waxaa muuqato yadadiilo iyo horumar dhan walbo leh, waxaase aan la qaadan karin dastuurada qaldan ee maamulada habka qabiligi ku dhisan, arrimaha Federalismka iyo kala qeyb qeybsanaanta dowladda dhexe iyo maamulada qabiliga qaar ee Federalismka u arka xalkooda. Ugu danbeyntii, 64 sano Soomaaliya oo xor ah, waxaa muuqata rajo aan horay u muuqan, inkastoo caqabada xiligaan jirta aanu dhihi karno amni darada ka imaaneysa kooxaha xagjirka dhiiga shacabka caadeystay inay daadiyaan iyo nidaamka musuqa ku dhisan ee weli dalka ka jira, balse dowladda bilowday inay la dirirto, waxaase muwaadinka Soomaaliyeed isweydiinayaa yaa la diriri doona madaxda sare ee musuqa ku macaashay? Hambalyo 26- June iyo maalmaha Xorriyadda Ali Muhiyaddiin Caasimada Online The post 26-ka June: 64 sano ka hor: Xeyle Sallaase iyo qorshahiisa Hargeysa iyo Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalinta xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka. Madaxweynaha ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay adkeystaan midnimada iyo madaxbannaanidooda, isagoo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay, waajibna ay ku tahay ilaalinta qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya. “Dad Soomaaliyeed oo meel intii ay ku tashadeen, kuna showray dadka waqooyi deggan ama qeyb ka mid ah aan layno ama aan la dirirno ma jiro,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa uu intaas kusii daray “Dowlad baan lahayn, dhibta iyo burburka dadka dhan buu ka soo wada gaaray, in uu idinka idiin badnaana waa qirsannahay, ma diidanin, waxaanba rabnaa in aad ka daawoowdaan.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si adag uga hadlay xad-gudubka dowladda Itoobiya ee ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya, waxa uuna sheegay in heshiiska aan sharciga ahayn ee dhex-maray Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu yahay mid si toos ah uga horimaanaya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya. “Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay.” Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xuso halgankii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya oo hadda loo yaqaano Somaliland ay ku bilaabeen xorriyadda dalka. Waxa uuna bogaadiyay dadaalka iyo midnimada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa himilooyinka qaranka iyo hiigsiga ay inoo ka tageen aabeyaasheen. Munaasabaddan dabaal-degga 26-ka Juun ayaa xalay lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir, waxaana ka soo qeyb-galay madaxda dowlada, xildhibaano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale. The post Sawirro: Xasan oo xuska 26-ka Juun ugu garaabay reer Somaliland, hal midna diiday appeared first on Caasimada Online.
  8. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalinta xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka. Madaxweynaha ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay adkeystaan midnimada iyo madaxbannaanidooda, isagoo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay, waajibna ay ku tahay ilaalinta qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya. “Dad Soomaaliyeed oo meel intii ay ku tashadeen, kuna showray dadka waqooyi deggan ama qeyb ka mid ah aan layno ama aan la dirirno ma jiro. Dowlad baan lahayn, dhibta iyo burburka dadka dhan buu ka soo wada gaaray, in uu idinka idiin badnaana waa qirsannahay, ma diidanin, waxaanba rabnaa in aad ka daawoowdaan”. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si adag uga hadlay xadgudubka dowladda Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida Soomaaliya, waxa uu sheegay in heshiiska aan sharciga ahayn ee dhexmaray Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu yahay mid si toos ah uga horimaanaya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya. “Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay”. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xuso halgankii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay ku bilaabeen xorriyadda dalka, waxa uuna bogaadiyay dadaalka iyo midnimada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa himilooyinka qaranka iyo hiigsiga ay inoo ka tageen aabeyaasheen. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh: Mitir dhulkeenna ah in Itoobiya qaadato ma ogolin mana ogolaan doono appeared first on Puntland Post.
  9. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/VID-20240626-WA0000.mp4 Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa difaacay hadalkii uu shalay Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay shirkii ka dhacay Xalane, kaas oo khudbad uu ka jeediyey, shirweynahaas ayaa laga hadlayey muhiimada ay Soomaaliya ay u leedahay bulshada Bariga Afrika. Caynte, oo ah guddoomiyaha guddiga difaaca qaranka, ayaa sheegay in hadalka Madaxweynaha laga been sheegay oo sida uu u yiri aan loo qaaday, kadib markii dadka qaar ay soo jarteen qeyb aan ka tarjumeyn micnaha iyo ujeedka hadalkiisii. Madaxweynaha ayaa yiri, “Itoobiya waa imaa kartaa badda Soomaaliya, laakiin waxaan isku heynaa sidey ku imaanee, waa inay ku timaado sida ay ku tagtay xeebta Jabuuti iyo nidaamka ay dalalka kale ee Afrika ee dekedaha aan laheyn ay ku tagaan dekedaha dalalka kale ee caalamka.” Dadka mucaarada madaxweyne Xasan Sheekh ayaa durba jartay qeybta hore ee madaxweynuhu uu ku yiri “Itoobiya waa imaa kartaa badda Soomaaliya” balse waxay iska reebeen fasiraadii uu madaxweynuhu ka bixiyey hadalkaas. “Madaxweynaha hadalkiisu waa cadaa oo mugdi kuma jirin, qofkii meesha joogay ama wada dhageysta hadalkiisa wuxuu dareemi karaa mowqifkiisa in uusan is bedelin, hadii kilip laga soo jaro oo laga soo tegay biyadhicii hadalka Madaxweynaha, kama dhigna in mowqifkii madaxweynaha uu is bedelay,” ayuu yiri wasiir hore Cabdiraxmaan Caynte. Caynte ayaa hoosta ka xariiqay in go’aankii Soomaaliya ay ka joogtay damaca Itoobiya ee badda uusan waxaba iska bedelin, isagoo dadka ugu baaqay inay xaqiiqada ka soo ogaadaan hadalkii madaxweynaha oo la helayo isagoo dhameystiran. The post Caynte oo war culus ka soo saaray fasiraada laga bixiyey hadalkii madaxweyne Xasan appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed S/Guuto, Sulub Axmed Firin ayaa xilka u kala wareejiyey Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Boliiska S/Guuto, Zakiya Xuseen Axmed iyo Taliyaha howlaha gaarka ah ahna Taliye ku xigeenka 2-aad Ciidanka Boliiska S/Guuto, Cabdalla Cabdalla Maxamed. Xil-wareejintaan ayaa ka dhacday munaasabad kooban oo ka dhacday Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa ugu mahadceliyey Taliye ku xigeenkii hore ee Boliiska Jeneraal Zakiya mudadii ay xilkaas ugu adeegaysay Bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey Taliyaha Howlaha gaarka ah, ahna Taliye xigeenka cusub ee Ciidanka Boliiska. Taliye Sulub ayaa Cabdalla Cabdalla kula dardaarmay in uu horay u sii wado shaqada balaaran ee hortaala xafiiska loo magacaabay. Arrinta aan faahfaahinta laga bixin ee shakiga abuurtay waa “Howlaha gaarka ah” oo Cabdalla Cabdalla loo magacaabay markii laga soo tago xafiiska uu kala wareegay Zakiya Xuseen. Jeneraal Cabdalla Cabdalla waxaa darajada iyo xuquuqda ciidanimo ka xayuubiyey madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo oo ku eedeeyey arrimo argagixiso iyo qiyaano qaran, balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u soo celiyey xuquuqdiisa ciidanimo. Shakiga xilka “Howlgalka Gaarka ah” ee Cabdalla Cabdalla loo magacaabay wuxuu sii xoojinayaa shaki horay uga taagnaa “Hoggaanka Ciidanka gaarka ah” oo dhowaan laga dhex abuuray Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, howlaha hoggaanadaas ayaan ilaa hadda laga heyn wax faahfaahin ah. The post Sawirro: Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo la wareegay xil xasaasi ah oo loo dhiibay appeared first on Caasimada Online.
  12. ( إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ) سورة الحجرات Waxaan bogaadinayaa Dowladda Galmudug oo gogol nabadeed u fidisay beelihii Cabdudwaaq iyo Xeraaale ee dhawaan ku dagaalamay waqooyiga Galgaduud . Waxan u mahadcelinayaa Hogaanka Galmudug ee Xiligiisu Dhamaaday oo Gogashaan Dhigay Dhuusamareeb, sidoo kale waxaan mahad ballaaran ujeedinayaa culimadii , waxgaradkii , odoyaashii ,siyaasiyiin deegaanka ah oo isugu jira xildhibaano iyo wasiiro heer Federaal iyo heer Galmdug oo howshani suurtagaliyay in xal-nabadeed lag xaliyo ,masuuliyiintaas oo waqti iyo dadaal dheeraad ah galiyay joojinta dhiiga walaalaha reer Galmudug . Waxaan si gaar ah mahad ballaaran u jeedinayaa taliyiaha Ciidanka Booliska Federalka qaybtiisa Galmudug Khaliif Cabdulle Maalin iyo Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Qaranka (NISA) qaybtiisa Galmudug Faysal Ibraahim Caanood oo xilwayn iska saaray illaahay kasokow sababna u ahaa joojinta colaadaas. Waxaa sidoo kale BAAQ NABADEED u dirayaa beelaha walaalaha ah ee Galdogob iyo Bandiiradleey ee dirirta dhaxmertay , beelahan oo dhaqan, dhalyo iyo darisba wadaaga waxaan leeyahay dagaalka shuruud la’aan hala joojiya oo xal nabadeedna halagu xaliya colaada Maamulada Puntland iyo Galmudug , culimada , isimada , cuqaasha iyo siyaasiyiinta labada deegaan iney ka wada qayb-qaataan joojinta colaada iyo dhiiga walaaalaha daadanaya. Dagaal beeleedyada waxay ay shaki la’aan fursad siinayaan cadawga ummadda Soomaaliyeed oo ah Argagaxisada arxanka daran Al-Shabaab, sidaa darteed dhiiga walaalaha muslimiinta ah ee dhaqan iyo dhalyaba wadaaga nabad iyo xal waaro laga gaara. Source: goobjoog.com
  13. UNITED NATIONS - A Chinese envoy on Monday called on all parties in Somalia to prioritize the interests of the country and its people, and resolve differences through dialogue and consultation. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) — The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) announced on Monday that it handed over the Middle Shabelle region's Ceel Eglow military base to the Somali National Army (SNA). This marks the third base transferred during the third phase of ATMIS's troop drawdown, which aims to prevent a security vacuum in Somalia. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) — Somali police have apprehended a fugitive murderer at Aden Adde International Airport in Mogadishu. The suspect, Mohamed Omar Isse, is accused of killing Mohamed Ahmed Farah in the Nugal region on May 17, 2023. Source: Hiiraan Online
  16. JIGJIGA, Ethiopia (HOL) — ONLF spokesman Adani Hirmooge has raised concerns about irregularities in the recent repeat election for the Jigjiga city administration, predicting that the ruling Prosperity Party (PP) will secure more votes despite ONLF's widespread support. Source: Hiiraan Online
  17. Hargeisa (HOL) — Somaliland officials have dismissed Somali President Hassan Sheikh Mohamud's proposal to Ethiopia, citing the plan's impracticality due to Somalia's lack of accessible ports. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay geysay cabasho ka dhan ah ciidamada Itoobiya ee sida sharci darrada ah u soo galay gudaha Soomaaliya, iyagoo ka soo gudbay xuduudda wadankooda. Kulanka looga hadlayay xaalka amni ee Soomaaliya oo ay xaadir kuwada ahaayeen masuuliyiinta Qaramada Midoobay iyo kuwa ka socday Midowga Afrika, ayaa safiirka Soomaaliya u qaabilsan Abuukar Cusmaan Baalle waxa uu ku eedeeyay ciidamada dawladda Itoobiya. Danjire Abuukar Baale ayaa shirkaas ka sheegay in si sharci darro ah ay ciidamadaasi uga soo tilaabeen xadka Soomaaliya. “Sababo la xiriira talaabooyin ay qaadeen ciidamada Itoobiya, oo ay kamid tahay in si sharci darro ah ay u soo jiireen xadka Soo jiireen xadka Soomaaliya, ayaa waddanka ku qasabtay in uu wax ku kordhiyo qorshihii bixitaanka ee Septemper,” ayuu yiri Abuukar Baalle. Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saareysa in Ciidamada Itoobiya ay noqdaan kuwa ugu horeeya ee ku baxa qorshaha ATMIS looga saarayo dalka, inkastoo howlgalka uu bilaabanayo, hadana qorshaha Soomaaliya kuma jirto in ciidamada Itoobiya ay sii joogaan wadanka. “Dawladda Soomaaliya waxay ku boorineysaa golaha in ay tixgalin siiso caqabadaha ka imaan kara talaabooyinkaan xasilooni darrada ku sababaya Soomaaliya iyo gobolkaba,” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee QM. Hadaba dacwada Somalia cawaaqib intee la eg ayay ku yeela kartaa Itoobiya? Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay BBC ayaa sheegay inay qalad dublumaasiyadeed tahay talaabada ay ku dhaqaaqday dawladda Itoobiya. Sidoo kale Wasiir hore Cawad ayaa sheegay in Ciidmada Itoobiya ay muddo ku sugnaayeen Soomaaliya, iyagoo aan gudaneyn waajibkii ahaa inay Shabaab la dagaalamaan, sidaas oo ay tahana wuxuu sheegay in Afrika iyo dunida inteeda kale ay ka war-hayaan dhaqanka ciidamada Itoobiya ay la joogaan gudaha Soomaaliya. “Waxaa laga yaabaa in innaga naloo maleeyo inaan nahay qolyo aan abaal aqoon,” ayuu yiri Cawad oo ka warrmayay qiimeynta lagu sameyn karo kiiskaan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa aad u xumaaday wixii ka dambeeyey markii bilowgii sanadkaan ay Itoobiya heshiis beenaad badda ku saabsan la gashay maamulka Somaliland, dowladda Soomaaliya ayaa aad uga dhiidhisay qorshaha Itoobiya waxaana labada dal u bilowday dagaal diblomaasiyadeed. The post DF oo QM ku dacweysay ciidankii Itoobiya ee xuduuda ka soo gudbay + Cawaaqibka appeared first on Caasimada Online.
  19. Somaliland’s 64th Anniversary 1960-2024 On Wednesday, Somaliland is celebrating its 64th anniversary of independence from Britain on 26th June 1960. It was 64 years ago when Britain granted us our independence. This ended 76 years of being under British protection (1884-1960). The celebration of the important event will be attended by Somaliland government officials led by the president. It is the day the president his Excellency Muse Bihi Abdi addresses the Somaliland nation and shares with them the value of this day and the long journey that the country has gone through to gain independence. It is important to clarify that this week starting from June 26, there are generally significant and valuable days for Somalilanders. Six million Somalilanders including hundreds of thousands more in Diaspora are celebrating their Independence in our home country. Somaliland Diaspora played an important role in all the different struggles Somaliland has been through to achieve its independence. Somaliland must not be confused with Somalia or with Djibouti. Somaliland has been a distinct country with its distinct history for centuries and since modern history of Africa had began with the demarcation of colonial borders. As we know, the majority of the population of Somaliland who are now living in Somaliland did not witness independence gained in 1960. It can be said that 2/3 of the population of Somaliland are people born after 1991 when Somaliland regained its independence from Somalia. Therefore, the younger generations of Somaliland must know that Somaliland was never under the British colony, but it was under the protectorate administration. During this period, the administration situation in Somaliland was very much different from other territories where Somalis live. For example, Italy and France have implemented a colonial system in Somalia and Djibouti. What are the things we remember on our Independence Day? This day has its memories that are considered by the people of Somaliland. June 26, 1960, reminds the people of Somaliland that they became the 12th country in Africa and gained its independence from Britain. It is a history that shows that the existence and independence of Somaliland are older than most of the countries of the African continent. As a nation, we have to be grateful and remember all those who sacrificed their lives to achieve Somaliland’s independence. These people included business community, faith and traditional leaders and ordinary men and women of different ages. On the occasion of June 26, Somalilanders should be thankful and remember the days and memories that our youth need to be aware of: First of all, from the earliest time when the protectorate system started, the people of Somaliland have been on a long journey with their challenges and difficulties. They have shown resilience towards the circumstances they have been through. Traditional leaders had a great role in the internal affairs of Somaliland, and they had a great influence on People’s lives and their culture. The role of traditional leaders was important, and it was a role that the people needed whether they were in a peaceful or conflict situation. The most important task of the traditional leaders during the time of the protectorate administration was to bring closer the relationship between people and also to build trust between communities. They were always representing the interests of their country and making sure Somaliland clans lived together in peace. Traditional leaders, including elders representing different clans in Somaliland, were the ones who agreed with the British Government to establish Somaliland as a protectorate with its own borders. Second, we must remember, on a day like this, all the patriots who fought for Somaliland’s independence. We cannot mention them all in this short note. Sayid Mohamed Abdulla Hassan who led Darawish fighters, their struggle took 20 years. The movement and resistance of the Darawish were based in Taleh (Sool region of Somaliland). The struggle of Sayid Mohmed and his fighters influenced society to be ready to participate in the struggle for independence. We cannot forget other heroes who fought for the independence of Somaliland such as Sheikh Bashir, Farah Omar and other comrades who were fighting alongside them. We should also appreciate other Somaliland movements who fight for the independence of Somaliland. SNS (Somaliland National Society) was the first movement that was announced in Buroa in 1945. As Somaliland historians have mentioned, this movement was mainly created to make the community aware of the problems of tribalism and for the community to live together in peace and tranquility. SNL (Somali National League) was a political organization founded in Buroa in 1951. The objectives of SNL were based on a political movement aimed directly at Somaliland’s independence from Britain. The founders of this movement and its thousands of members contributed to the fight and struggle for independence. Among the other historical events that mark this day is to remember other pro-independence groups in Somaliland. We can take as an example USP (United Somali Party), NUF(National United Front) and Hesbollah. Although these political groups were working on different agendas, they were united in the goal of achieving Somaliland’s independence. On this day, we remember the institutions Somaliland established before the union, such as the legislative assembly, which consisted of 33 seats. It was the first parliament that Somaliland had as a state before the union. We remember a day like this when we shared our excitement and freedom with the other countries of the world on 26 June 1960. It is the day Somaliland was officially recognised by 35 countries, including all five permanent members of the UN Security Council. We also remember our first Somaliland cabinet whose names were: 1. Mohamed Ibrahim Egal (Prime Minister) 2. Garad Ali Jama (Minister) 3. Ahmed Haji Duale (Keyse) (Minister) 4. Haji Yusuf Iman (Minister) 5. Haji Ibrahim Nur (Minister). Today, 64 years ago, we also remember the concept of unifying Somalis under the Greater Somalia dream. This is why Somaliland formed a union with Somalia four days after its independence. As stated by the people who are knowledgeable about international laws, that union was not based on agreements that are signed when two countries form a union, therefore there was no act of union signed together by Somaliland and Somalia. Today is a special day in the history of Somaliland. It is the day we remember poems such as Abdillahi Sultan Tima-cadde, Abdi Iidaan etc. Poems that were presented during Independence Day were those that expressed or elaborated the value of Independence Day. We also cannot forget the artists who created our most precious songs on Independence Day: Ismail Cagaf, Ali sugule, Abdillahi Qarshe, Hussein Aw-Farah, Sahardiid Maxamed (jebiye), Yusuf Haji Adan, Abdi Muhumed Amiin, Hassan Sheikh Muumin, Ahmed Ismail Diriye(Qasim), Maxamed Ismail (Barkhad Cas) and others. Their heir literature, poems, songs and music have influenced Somalilanders to become more patriots. The songs composed at the time of Somaliland’s independence are memorable. Listening to these songs is very enjoyable to listen to. The lyrics of these songs show the unity of the people of Somaliland and their struggle during the independence time. These are the songs sung by: Mohamed Saleebaan Tubeec, Mohamed Ahmed Kuluc, Mohamed Yussuf, Guduudo Arwo, Magool, Maandeeq, Baxsan, Omer Dhuule, Maxamed Adan (Dacar), Cismaan Gacanlaw etc. Third, it is important to point out the disappointment and the frustration of the Somaliland people. Immediately after the union, they faced injustice and oppression under the successive governments of Somalia. This issue hurt the people of Somaliland, which led to the failed coup that was initiated by junior officers from Somaliland in 1961. The purpose of the coup was to restore the independence of Somaliland. Therefore, on this day, we remember all 23 officers who made sacrifices for their country. We especially remember Abdillahi Said Abby who was killed in the coup confrontation Fourth, it is also very important to mention that as a result of the oppression, torture, and killing of thousands of the people of Somaliland, the SNM (Somali National Movement) was formed in London in 1981. After a long struggle, Siad Barre’s forces were defeated. The sovereignty of Somaliland was restored on the 18th of May 1991. The two celebration days of May 18 and June 26 have a historical connection. The celebration of 18th May is (regaining sovereignty Day) and the 26 June is (Independence Day). Both of them are national days. Fifth, we also remember and are grateful for the state and the system we have rebuilt since 1991. What we have accomplished is something we and other nations in the region as a whole should be proud of. Our young people need to study and reflect on the long journey we have gone through. We, finally remember all the leadership of the successive Somaliland governments and the progress they have achieved and also reflect on the setbacks faced. Finally, as we celebrate Somaliland’s 64th anniversary, the challenges we are facing today are huge. Because of the MOU agreement between Somaliland and Ethiopia, Somaliland’s neighbors have created a diplomatic war against Somaliland since January 2024. The hostility of these two countries is increasing day by day. The November 13 election is one of the other challenges ahead. What we need today is to strengthen our unity and togetherness so that we as a nation can peacefully overcome all the challenges that are in front of us. I wish you a happy and successful celebration Abdirahman Abdillahi Jibril (Awliyo) Email: jabdi35@yahoo.com Rerefernce: https://commons.wikimedia.org/wiki/File:Somaliland_independence_26_June_1960.jpg: accessed 24/06/2024 Boobe Yusuf Duale (60 sano ka dib xoriyadda: Sooyaalkii Xisbigii SNL ee 1960-kii – BBC News Somali: https://www.bbc.com/somali/war-53190048 (Last accessed 23 June 2024) Abdirahman Abdillahi Jibril (18 May 2021) Somaliland-30th-anniversary-2021-pdf-new.pdf (horndiplomat.com) accessed 25 June 2024 Brock Millman (2014) British Somaliland an administrative history, 1920-1960: Routledge in Middle Eastern Histor Colonial Office (1960) Report of the Somaliland protectorate constitutional conference http://www.somalilandlaw.com/state-of-somaliland-1960.htm: last accessed 21 June 2024 Qaran News
  20. Hay’adda difaaca madaniga ah ee Gaza ayaa sheegtay in weerar cirka ah oo ay Israa’iil fulisay aroornimadii salaasada ay ku dileen 10 xubnood oo ka tirsan qoyska hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyah. Weerarka ayaa lala beegsaday guriga qoyska Haniyeh ee xerada qaxootiga Al-Shati, ee waqooyiga Marinka Gaza, ayuu yiri Mahmud Basal, afhayeenka difaaca madaniga ah ee Gaza. “Waxaa jira 10 qof oo shahiiday oo ay ku jirto Sahra Haniyeh, oo la dhalatay Ismail Haniyeh,” ayuu yidhi Mudane Basal oo la hadlayey wakaalada wararka ee AFP. Waxa uu sheegay in tiro meydad ah ay u badan tahay in ay wali ku hoos jiraan burburka laakiin aysan haysan qalabkii loo baahnaa si loo soo saaro. Haniyeh, oo ah hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas ee fadhigiisu yahay Qatar, ayaa saddex wiil iyo afar uu awoowe u ahaa ku waayay weerar ay Israa’iil ka geysatay badhtamaha Gaza bishii Abriil maalintii ciidul fitriga. Haniyeh waxa uu wakhtigaas sheegay in ilaa 60 xubnood oo qoyskiisa ah la dilay tan iyo markii uu bilowday duulaanka Israa’iil ee Gaza bishii Oktoober 2023. Source
  21. Caasimada Kenya ee Nairobi ayaa maanta oo Salaasa ah laga dareemayaa mudaharaad xoogan oo ka socda badhtamaha magaalada, kaasi oo looga soo horjeedo sharciga cusub ee sare loogu qaadayo Canshuurta dalkaasi. Baarlamaanka Kenya ayaa maanta u codeenaya sharcigan rabshadaha keenay oo ay shacabka si weyn uga soo horjeedaan. Waxaan lagu guuleysan dadaalo ay dowlada dooneysay inay ku qanciso shacabka, iyadoo sharcigan cusub laga saaray qodobo xasaasi ah, balse taasi weli maysan ku qancin dadweynaha mudaharaadaya oo sheegay in canshuurtan si weyn u saameyn doonto noloshooda. Dadka mudaharaadaya ayaa u badan dhalinyarada iyo shaqaalaha, waxaana hada kusoo biiray qaar kamid ah shirkadaha kuwaasi oo dhamaantood isku raacay in canshuur kordhinta aysan la jaan-qaadi karin sicir-bararka jira, dakhliga shacabka soogala iyo kororka dhaqaalaha wadankaas. Source
  22. 448987042_1508942623038553_4851423532527055773_n Qaran News