-
Content Count
211,311 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxwweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan heshiiska badda ee uu maamulkiisa la galay dowladda Itoobiya, kadib khudbad uu ka jeediyay munaasabad ka dhacday Hargeysa oo loogu dagaal-dagayay 26-ka June oo ah marka ay xoroobeen gobollada waqooyi dalka.. Muuse ayaa shaaciyay go’aankooda kama dambeysta ee ku aadan heshiiska badda oo muran badan dhaliyay, kadib markii ay ka caroortay dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku adkeystay inay dhaqan-gelin doonaan, isla markaana u beddali doonaan heshiis rasmi ah. Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Hargeysa iyo Addis Ababa ay ka go’an tahay in heshiiskaas uu hirgelo, isla markaana ay mar kastaa diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa. “Somaliland iyo Itoobiya waxaa ka go’an in Agree-ga la saxiixo kadibna MoU-ga loo beddalo xeer oo uu dhaqan-galo” ayuu khudbadiisa yiri madaxweynaha maamulka Somaliland. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Aroorta haddii ay qolada kale diyaar tahay annaga diyaar ayaa nahay waa dal ballaaran mana jiro wax ka noqosho ah”. Dhinaca kale madaxweyne Biixi ayaa soo qaaday arrinta ictiraafka oo Somaliland ku qasbay inay badda ku wareejiyo Itoobiya, waxayna uga beddalay heshiiska ay wada gaareen. Biixi ayaa sheegay in Somaliland iyo dadkeeda ay haystaan fursad muhuum ah oo lagu aqoonsan karo, wuxuuna ku faanay in dalal badan ay daneynayaan Somaliland. “Ictiraafku waxaa weeyey in adigu dadk ku qiimeeyo oo uu ku baahdo, ilaaheyna intaas waa na siiyay dalka meel aynu wada ognahay oo maanta adduunka nin weliba Juquraafi ahaan baahan yahay weeye” ayuu mar kale ku yiri khudbadiisa madaxweyne Muuse Biixi. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli Soomaaliya ay diidan tahay heshiiska Abiy uu la galay Biixi, kaas oo dhaliyay inay qaraxdo xiisad u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. ‘ The post Muuse Biixi oo shaaciyay go’aanka kama dambeysta ee heshiiska badda (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
Tartamayaashu waa in aanay carqaladayn doorashada. Way u siman yihiin tartamayaashu arimaha doorashada. Ma jiro mid ama koox tartanka ku jirta oo iyadu u leh awood iyo xaq inay sheegto ama yeedhiso sida doorashada loo gelayo iyo waxa lagu gelayo. Taasi haddii ay dhacdo waxa ay su’aal gelinaysa xaqnimada iyo madax banaanida doorashada. Doorashada soo socotaa waxa ay ku timi is af-garad siyaasadeed oo lagu dejiyay xaalad colaadeed oo keentay iska hor imaad hubaysan. Wax kasta oo raad arooryo dib u raacaya ama ku soo kordhinaya geedi socodka doorasho xaraf aan hore ugu jirin waa hallis keeni karta wax aan hadhow waxba laga qaban karin. Cid kasta oo Somaliland lexjeclo ka leh oo maankeedu caadi yahay waxa saaran waajib ah in doorashadu ku dhacdo si habsami ah oo aan lagu furin buuq iyo wareer hor leh. Wixii laga heshiiyay yaan cidi dib u soo gocan. Gar dabadeed baan guu guu nacay. Guuleed Dafac Qaran News
-
Tartamayaashu waa in aanay carqaladayn doorashada. Way u siman yihiin tartamayaashu arimaha doorashada. Ma jiro mid ama koox tartanka ku jirta oo iyadu u leh awood iyo xaq inay sheegto ama yeedhiso sida doorashada loo gelayo iyo waxa lagu gelayo. Taasi haddii ay dhacdo waxa ay su’aal gelinaysa xaqnimada iyo madax banaanida doorashada. Doorashada soo socotaa waxa ay ku timi is af-garad siyaasadeed oo lagu dejiyay xaalad colaadeed oo keentay iska hor imaad hubaysan. Wax kasta oo raad arooryo dib u raacaya ama ku soo kordhinaya geedi socodka doorasho xaraf aan hore ugu jirin waa hallis keeni karta wax aan hadhow waxba laga qaban karin. Cid kasta oo Somaliland lexjeclo ka leh oo maankeedu caadi yahay waxa saaran waajib ah in doorashadu ku dhacdo si habsami ah oo aan lagu furin buuq iyo wareer hor leh. Wixii laga heshiiyay yaan cidi dib u soo gocan. Gar dabadeed baan guu guu nacay. Guuleed Dafac Qaran News
-
Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa ku dhaawaqay in uu ka laabtay Sharcigii Maaliyada ee Banaanbaxyada rabshadaha sababay ka dhaliyey Dalka Kenya isaga oo sheegay inuu u tanaasulay Shacabka Kenya. “Dadweynuhu waxay ku adkaysanayaan baahida aan u qabo inaan sameyno tanaasulaad badan , dadku way hadleen…. Annigoo si aad ah u dhageysanaya dadka Kenya oo cod dheer ku sheegay in aysan dooneyn sharciga Maaliyadda, waan aqbalay sidaas darteed ma saxiixi doono sharciga maaliyadda 2024 kadibna waa laga laaban doonaa.” ayuu Madaxweyne Ruto. 22 qof ayaa shalay oo keliya ku dhintay dibad-baxyada Kenya, waxaa sidaas maanta sheegay urur u dooda xuquuqda aadanaha oo dowladda ay maal-geliso, kaasi oo wacad ku maray baaritaan lagu sameeyo wax uu ku qeexay “dhimashadii ugu badneyd ee mudaaharaadyo ka dhasha hal maalin.” “Waxaan diiwaan gelinay dhimashada 22 qof…waxaan qorsheyneynaa in aan bilowno baaritaan,” ayay tiri Roseline Odede, oo ah guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha Kenya. Sarkaal ka tirsan Isbitaalka Kenyatta ee Nairobi ayaa Arbacada maanta ah sheegay in halkaas “lagu daweynayo 160 qof, oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo fudud, halka qaar kalena ay qabaan dhaawacyo rasaas.” Dhinaca kale, boob iyo bililiqo ayaa laga soo weriyey Nairobi iyo deegaano kale, halka dab la qabad siiyey dhismooyin ku yaalla magaalada Eldoret ee uu ku xooggan yahay madaxweyne William Ruto. PUNTLAND POST The post Madaxweyne William Ruto oo ka laabtay Sharcigii Maaliyadda ee sababay Mudaharaadka Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub e Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Richard H. Riley ayaa ka wada-hadlay danaha labada waddan iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka. Ugu horreyn ra’iisul wasaare Xamza ayaa safiirka la wadaagay go’aanka Soomaaliya ee xadgudubka Itoobiya iyo sidoo kale warbixin ku aadan siyaasadda guud ee xukuumadda, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshad iyo horumarrada laga sameeyay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay. Ra’iisul wasaare Xamza ayaa caddeeyay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan heshiis ku sheeggii sharci darrada ahaa ee Ethiopia, oo uu sheegay in marnaba Soomaaliya aanay oggolaan doonin taako ka mid ah dhulkeeda. Waxa uu intaa raaciyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay Iskaashi Ganacsi, Dhaqaale, Amni iyo Isdhexgal, balse ay ku xiran tahay, isla markaana aanay marnaba aqbali doonin ilaa Ethiopia ay ka laabanayso damaceeda gurracan. Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaraha la wadagaay safiirka in xukuumaddiisa ay waddo Qorshaha Isbeddelka Qaran (National Transformation Plan), kaasi oo ku saleysan hawlaha ahmiyadda u leh Xukuumadda, sida xoojinta dowlad wanaagga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyada oo door muuqda ay ku leeyihiin ganacsatada iyo maalgashatada Soomaaliyeed si ka duwan qaabkii hore. Dhankiisa danjire Mr Riley ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha isdaba joogga ah ee ay ku tallaabsatay ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada, isagoo ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadka 2025 – 2026. Safiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga, arrimaha gargaarka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in shirkadaha Mareykanka ay si gaar ah u daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya. Richard H. Riley oo todobaadkan uun laga guddoomay warqadaha aqoonsiga ee danjirenimo ayaa maalmihii u dambeeyay waday kulamo uu la qaadanayo madaxda Soomaaliyeed, waxaana kulankii ugu dambeeyay uu shalay la yeeshay Aadan Madoobe. The post Soomaaliya oo la wadaagtay Mareykanka go’aan culus oo xiisadda Itoobiya ee badda appeared first on Caasimada Online.
-
Maanta waxay ku beegantay 26-ka juun oo ah kolkii ay Soomaalidu ka hoos baxeen labadii gumeysi ee amminta dheer silcinaayay midkood, islamarkaana Calan gobanimo astaan u ah laga taagay goob geyiga Soomaaliyeed kamida. Gobollada waqooyi ee dalka ayaa maanta oo kale 64 sano ka hor madax-bannaanidooda ka qaatay gumeystihii Ingiriiska, xilligaas oo ku beegan sanadkii 1960-kii, waana dharaar muhiim ah oo dadka soomaaliyeed ku weyn. Sanad walba markii la gaaro maalintan waxaa la qabtaa munaasabado dabaaldeg ah oo lagu xusayo dharaarta kamida ah ciidaha dad Soomaaliyeed, islamarkaana abde iyo muunad weyn u leh. Suugaanta maalinta iyo kuwa xega oo todobaadka madax-bannaanida dalka ku astaysan ayaa waxaa kamid ah Geeraarka caanka ah ee Cabdullaahi Suldaan timacadde uu beerta xorriyadda ee magaalada Hargeysa ka jeediyay 1960-kii, 26-kii juun. Suugaanta kale oo xul kamida maalmahana sida gaarka ah loo dhageysto waxaa kamid ah heesaha calanka oo ay ugu horayso midda ay dhextaalka u tahay qolo calankeedu waa cayn, oo uu sameeyay Abwaan Cabdullaahi Maxamuud maxamed oo Cabdullaahi Qarshe ku magac dheeraa Allaha u naxariistee. Sidoo Kale waxaa kamid ah heesta maandeeq oo uu xoriyay oo uu curiyay Abwaan Saxardiid Maxamuud Jabiye Allaha u naxariistee, uuna qaado Hoobalkii Weynaa ee maxamed Axmed Kuluc. Waxaa kale oo heesaha xorriyadda kamid ah heesta caanka ah ee goormaan ladnaanay oo uu sameeyay Abwaan Siciid Xarawo oo hadda Muqdisho ku nool. Dhammaan haldoorka suugaantan xoriyay oo uu ku jiro halgamaagii calanka sameeyay Maxamed Cawaale Liibaan ayaa haatan mootan oo sanado hore dhintay, marka laga reebo Abwaan Siciid Xarawo oo qudhiisu jeerkan gabow la tiicaya, waxayna inaga mudanyihiin duco iyo ku dayasho. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku tilmaamay dibadbaxyadii dhacay salaasadii shalay ee lagaga soo horjeeday cashuur kordhinta, aynu ku galeen baarlamaanka iyo xarumaha kale ee dowladda kuwo khiyaamo qaran ahaa. Waxa uu ka digay in tallaabo laga qaadi doono dibadbaxayaasha rabshadaha sameynaya. Inta la xaqiijiyay 6-qof ayaa ku geeriyootay in ka badan 100-qofna waa ay ku dhaawacmeen, laakiin tiradaasi waxay u badan tahay inay sii korodho. Khudbad uu jeediyay Mr. Ruto ayuu ku sheegay in dadka mudaaharaadaya ay yihiin dambiilayaal halis ah, wuxuuna digniin culus u diray dadka qabanqaabiyeyaasha dibadbaxayada ah. Source
-
Ciidanka xoogga dalka ayaa saakay weerar ku qaaday deegaanka Baraag Sheekh Cabdullahi, oo u dhaxeeysa Ceeldheer iyo Cowswayne. Deegaankaan 36 KM u jira Ceeldheer ayaa waxaa joogay kooxda Al Shabaab. Weerar oo ku bilowday toogasho gaadmo ah oo XDS ay sameeynayeen ayaa isku badalay dagaal toos ah waxaana Shabaab looga dilay ilaa 7 Xubnood. Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in ay soo furteen ilaa Saddex qori iyo agab kale oo heysteen Kooxda. Shabaab ayaa deegaanka laga saaray. waxaa hadda joogga Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka wadda howlgallo. Maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah Kooxda Shabaab ee ka socda Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud. Source: goobjoog.com
-
Taliska Ciidamada Millatariga Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degaanka Cali Cadhoole oo qiyaastii 33KM dhinaca waqooyi ka xiga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud. Taliyaha Guutada Khaalid Bini-Waliid ee Ciidamada Millatariga Soomaaliya G/dhexe Maxamed Dhega Weyne oo hadal kooban siiyay Warbaahinta ayaa sheegay in Hawlgalkaasi lagu dilay ilaa 7 xubnood oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab. Taliye Dhega weyn ayaa sidoo kale sheegay in Hawlgalka Hub iyo Saanad Ciidan looga furtay Maleeshiyaadka Al-shabaab islamarkaana lagu burburiyay Fariisimo ay ku lahaayeen degaankaasi Cali Cadhoole oo qiyaastii 33KM dhinaca waqooyi ka xiga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud. Taliyaha Guutada 24-aad Khaalid Binu Waliid G/Dhexe Maxamed Dhegaweyne ayaa intaasi ku daray in iyagoo kaashanaya ciidamada Macawisleey ee degaanka ay fuliyeen howlgalkaas afjarka ah oo u dhacay sidii loo qorsheeyey. PUNTLAND POST The post Millatariga Soomaaliya oo ka warbixiyay Hawlgal ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa Soomaaliya laga xusay 64 guurada xornimada gobollada waqooyi ee 26-ka June 1960-kii markaas oo calnka Soomaaliyeed markii ugu horeysay laga tagaay gayiga Soomaalidu degto, xilli ay aheyd dharaar siweyn loogu farxay 1960-kii. Munaasabad ma dhacay hoyga Xamar, waxaa xalay shacabka Soomaaliyeed kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha JFF, Ra’isul Wasaare ku xigeenka iyo hoggaamiyaha SSC-Kaatumo iyaga oo ka hadlay ahmiyadda midnimada isla markaana ka digay goonni u goosadka. Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristeyaasheeda Dib u xusuusineynaa taariikhda xornimada 26-ka June. British Somaliland, Waxaa gacanta ku hayey gumeystaha Ingiriiska in ka badan 70-sano, laakin arintaan waxaa lasoo afjaray maanta oo kale 26- June, 1960-kii. Ka hor xuriyadda gobolada waqooyi ee 26-ka June 1960kii, waxaa jiray dhacdooyin iyo tilaabooyin ku tusniya wadinayd iyo isjaceyl dhexmaray bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyi iyo koofur. 6 April 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya. Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen. Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 Maalmood u socday Waftigii Waqooyi ee kan Koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Kulanka ka dhacay Muqdisho waxaa uu ahaa mid miro dhalay, waxaana la kala tagay iyaddoo labada dhinac ay ka muuqato farxad. Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafti ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo waftiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin. 25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha. Shacabka waxaa ay isku diyaarinayeen in ay noqdaan dowlad, waxaa intaa dheer fanaaniinta oo qoray heeso iyo sugaan lagu cabirayo maalintaas qiimaha badan. Waxaan filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney, 1-dii Luulyo labo midowday. Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii ilaa 1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin. June 26, 1960-kii, Waxaa xoroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka buuugga ah ee xidigta 5-ta gees leh ku hardhan laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kana Siib Kanna Saar”. Halgaama Soomaaliyeed ayaa Gabaygaas caanka noqday codkiisa ku qaaday, waxaa uuna noqday gabay ka tarjumaya rabitaanka bulshada Soomaaliyeed ee Waqooyi iyo koofur. Waa jirtay Hees leh, Waa 26-kii, ee labada geesood midi ladnaatay, lurtii gumeysiga geed dheer ku laalay, waa 26-kii lugta waqooyi Libintii keentay, Cadawgii Legdeen, leydhii xurnimo, liibaan ku gaareen. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la hadlay shacabka kadib bixitaankii gumeysiga ingiriiska, waxaa uu sheegay in dalka ka baxeen ajaanibtii, inaga ayaa naloo kala tagay ayuu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in 1 July ay raacayaan Walaalahooda Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo halyeeyadii naftooda u huray xornimada, qarannimada iyo midnimada dalkeenna ayaa maanta ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay ummadda Soomaaliyeed ka mudan yihiin geesiyaashii u soo halgamay xorriyadda dalka ayaa mid mid u dul istaagay tabbeelayaal lagu xardhay taariikhda qaar kamid ah Halgameyaashaasi. Waxa uu ku adkeeyay shacabka Soomaaliyeed ilaalinta midnimada, dal jaceylka, wada-jirka iyo isku duubni sal adag leh, si looga mira-dhaliyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa subaxnimadii hore ee saaka hoygooda ku booqday guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xamza Cabdi Barre, si uu ula qaybsado farxadda maalmaha xorriyadda iyo midnimada dalka. Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka June, isagoo xoojiyay midnimada dalka, taasi oo uu ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono iyo sidii loo soo celin lahaa gobollada waqooyi, si ay mar kale u midowdo ummadda Soomaaliyeed. Waxa uuna bogaadiyay dadaalka iyo midnimada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa himilooyinka qaranka iyo hiigsiga ay inoo ka tageen aabeyaasheen. Munaasabadda dabaal-degga 26-ka Juun ayaa xalay si weyn looga dabaal-degay dalka, gaar ahaan caasimadda, ayada oo lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir, taasi oo ay ka soo qeyb-galay madaxda dowlada, xildhibaano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo maanta maamusay halyeeyadii naftooda huray appeared first on Caasimada Online.
-
Waxa aan dhambaal hambalyo & bogaadin ah u dirayaa dhammaan shacabkayga Jamhuuriyadda Somaliland ee ku nool dal iyo dibedba munaasibadda xuska 64 guurada ka soo wareegtay maalintii aynu xornimada ka qaadannay maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska ee 26ka-June 1960-kii. Waxaa faan, tookh & taariikh weynba ah inoo ah in aynu nahay curadkii Qowmiyadda Soomaalida oo dhan u horseeday Madax-bannaanida & Gobonnimada ay ku kala naaloonayaan maanta iyagga oo kala dawlado ah. Walaalayaal, reer Somaliland-ow ku debaal-dega farxad, nabad iyo hiigsi aan gudhayn, ballanteennuna waa midnimo, walaalnimo, iyo gobannimo waarta. “ Musharax Cabdiraxmaan Cirro” Qaran News
-
Mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa u sheegay Israa’iil inay joojinayaan hawlaha gargaarka ee guud ahaan Gaza, haddii aan la qaadin tillaabooyin degdeg ah oo si wanaagsan looga ilaalinayo shaqaalaha binii’adan-nimada weerarrada Israa’iil. Ciidanka Israa’iil ayaa diiday in ay ka hadlaan Talaadadii digniinta kama dambeeysata ee Qaramada Midoobay, wasaaradda difaacana kama soo jawaabin codsiyo loo diray in ay arinta ka hadlaan. Israa’iil waxay qiratay qaar ka mid ah duqaynaha militari ee lagu qaaday shaqaalaha bini’aadantinimada, oo uu ku jiro weerar bishii April lagu dilay toddoboka tirsana shaqaalaha Jikada Dhexe ee Dunida waxayna beenisay eedeeyno kale. Israa’iil ayaa sheegtay in duqeeyno kasta oo noocaas ah yihiin kuwa khalad. Dhaleeceynta caalamiga ah ayaa sii kordhaysa ee dagaalka Israel ay kula jirto Xamas ee Marinka Gaza iyadoo Falastiiniyiinta ay wajahayaan gaajo daran oo baahsan. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobey oo Israa’iil uga digtay in ay beegsato Shaqaalaheeda marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qayb-galay munaasabadda xuska 26-ka June oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa luuqad adag kula hadlay maamulka Somaliland. Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay sanad-guurada 64-aad ee ka soo wareegtay markii xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee dalka, wuxuuna hambalyo guud u diray shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan ugu hambalyeynayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka Juun oo ku beegan sanad guurada 64-aad ee ka soo wareegtey markii ay Gobollada Waqooyi Xorriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, isla markaana calankeenna laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxay mudan yihiin dadkii Soomaaliyeed ee xorriyadda keenay meel kasta ha joogaane, in la xaqiijiyo himillooyinkii ay ka lahaayeen halgankii xornimo u dirirka, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen dadka Soomaaliyeed oo mid ah, oo walaalo ah, oo hal calan iyo hal dowlad leh”. Intaas kadib ra’iisul wasaaraha ayaa weerar ku qaaday Somaliland, wuxuuna kula hadlay luuqad adag, isaga oo sheegay inay mar kasta ku doodaan waxaan saxeynaa taariikh naga qaldantay, balse cidda ay ka qaldantay inay tahay Ummadda Soomaaliyeed. “Farriinta aan dirayo waxaan u dirayaa qolo kale oo riyoota, waxay dheheeen taariikhbaa naga qaldantay oo aan saxeynaa qoladaas waxaan leeyahay haddii ay cid wax ka qaldantay oo taariikhda ka qaldan tahay annaga ayuu naga qaldan yahay” ayuu yiri Xamza. Xamza ayaa tilmaamay in haddii ay sidan kusii socoto Somaliland ay qasab ku noqoneyso dadka Soomaaliyeed inay dib u xisaabtamaan, ayna qaadan doonaan go’aan dhaxal gal ah. “Waxaan u sheegayaa qoladaas dadka Soomaaliyeed haku qasbina inay hadlaan oo ay dib u xisaabtamaan, intaas ayaan leeyahay ha i fahmaan ama yeysan i fahmin iyaga aya u taallaa” ayuu sii raaciyay ra’iisul wasaaruhu. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meeshii ugu xumayd uu gaaray khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Somaliland oo isku qabtay heshiiska badda ee Itoobiya. The post Daawo: XAMZA oo luuqad adag kula hadlay SOMALILAND runtana u sheegay appeared first on Caasimada Online.
-
Kooxaha xagjirka ah ee rabshadaha wata ee la xiriira al-Qaida ayaa ku sii kordhaya baaxadda iyo saamaynta guud ahaan Afrika, taasoo kor u qaadaysa welwelka ah inay horumariyaan xeeladahooda, waxay weerari karaan Mareykanka ama xulufada reer Galbeedka. Mas’uuliyiinta difaaca iyo ciidamada Mareykanka ayaa sharaxay khataraha iyo welwelkooda ku saabsan xasilooni darrada sii kordheysa ee Afrika, halkaas oo dhowr afgambi ay ku wareejiyeen xukunka golayaasha milatariga, taasoo keentay in ciidamada Mareykanka la eryo iyo hoos u dhaca xog ururinta Mareykanka. “Khataraha sida Wagner, kooxaha argagixisada iyo ururada dambiyada caalamiga ah waxay sii wadaan inay abuuraan xasilooni darro gobollo badan,” ayuu yiri Gen. CQ Brown, taliyaha ciidamada Mareykanka, isagoo hadalkiisa ka furay shirka madaxda difaaca ee Afrika ee Botswana. “Waxaan u maleynayaa inaan wada ognahay, wixii ka dhaca hal meel, kama sii jiri karto hal meel oo kaliya.” Wagner waa kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee gashay dalalka Afrika si ay u bixiyaan amniga iyadoo ciidamada reer Galbeedka, oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka iyo Faransiiska, ay la eryay. Kooxda ayaa caan ku ah naxariis darrada, waxaana ururada xuquuqda aadanaha ku eedeeyeen xubnaheeda inay kufsi iyo dil u geysteen dad rayid ah. Inkasta oo Brown uu si kooban u taabtay khatarta argagixisada ee gobolka, waxay ahayd mowduuc muhiim ah oo laga hadlay shirka iyo su’aalo laga weydiiyay madaxda ciidamada ee goobta ka soo qayb galay kadib khudbadiisa. Waxay doonayeen inay ogaadaan waxa Mareykanku uu sameyn karo si uu uga hortago fiditaanka fallaagada Galbeedka Afrika, Gacanka Guinea iyo Sahel. Waxaa markii ugu horeysay ee shirka madaxda difaaca lagu qabto dhulka Afrika. Waana markii ugu horeysay ee taliyaha ciidamada Mareykanka uu booqdo waddan ku yaalla Saxaraha ka hooseeya tan iyo 1994, markii Gen. John Shalikashvili uu booqday Rwanda. Waxaa uu sheegay in Soomaaliya horumar laga sameeyay beegsiga kooxda Daacish iyo Shabaab, islamarkaana diyaaradaha dagaalka mareykanka ay sii wadi doonaan beegsiga. Waxaa uu soo hadal qaaday Duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen Soomaaliya May 31 waxay beegsatay dagaalyahannada Daacish waxayna dishay saddex, sida ay sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika. Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in weerarku uu bartilmaameedsaday hoggaamiyaha kooxda. Source: goobjoog.com
-
Maamulka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay Cabdul Wahab bin Zain Al Abidin Al Shaibi inuu yahay shakhsiga furaha Kacbada Kacbada hayn doona kadib markii uu geeriyooday Sheikh Saleh Al Shaibi. Munaasabada lagu wareejinayay furayaasha Kacbada iyo Maqaam Ibraahim (Maqaamka Nabi Ibraahim) ayaa Isniintii lagu qabtay magaalada Makkah. Sheikh Cabdul Raxmaan bin Salex Al-Shaibi, oo wiil uu dhalay Sheikh Salex Al-Shaibi, ayaa furaha ku wareejiyay Sheekh Cabdul Wahaab bin Zain Al-Abidin Al-Shaibi, oo ah mas’uulka 78-aad ee Kacbada. Sheekh Abdul Wahaab oo ah qofka ugu da’da weyn qoyska Al-Shaiba, ayaa loo magacaabay inuu beddelo Sheikh Saleh Al-Shaibi, oo ahaa sii hayaha sare ee Kacbada oo geeriyooday Jimcihii la soo dhaafay. Waxaa caado ah in furaha Kacbada iyo Maqaam Ibraahim lagu wareejiyo qofka ugu da’da weyn qoyska Al-Shaiba. Ka dib markii uu la wareegay furaha Kacbada, Sheekh Cabdul-Wahaab wuxuu yiri: “Ilaahay ha igu guuleeyo gudashada waajibaadkan iyo mas’uuliyadda labada masjid ee barakeysan.” Sheekh Cabdul-Wahaab waxa uu furi doonaa Kacbada si uu u fududeeyo dhaqidda munaasibka ah ee sanadlaha ah ee Muxaram INSIDE THE HARAMAIN Qoraalka sawirka,Qoyska Shaiba waxay sii wadaan inay ixtiraamaan sunnadii Nebiga (NNKH) iyagoo u dhiibaya jagada ilaaliyaha (sadin) ee Kacbada xubintooda ugu da’da weyn. Ilaaliyaha Kacbada waa qofka kaliya ee haysta furaha Kacbada, wuxuuna u xilsaaran yahay wax kasta oo la xiriira arrimaha Beydka Alle, oo ay ka mid yihiin beddelidda Kiswada (marada ku daboolan), dhaqidda, iyo carfinta. Tan iyo waagii Nebi Muxamed (scw) qoyska reer Banii Shayba waxa loo igmaday ilaalinta Kacbada, furaheedana ay hayaan. Qoyska Shaiba waxay sii wadaan inay ixtiraamaan sunnadii Nebiga (NNKH) iyagoo u dhiibaya jagada ilaaliyaha (sadin) ee Kacbada xubintooda ugu da’da weyn. Markii uu Nebigu (NNKH) galay Kacbada markuu Makka qabsaday ayuu burburiyay dhammaan sanamyadii ku jiray, wuuna mayray, albaabkiina wuu xidhay, dabadeedna wuxuu u yeedhay Cusmaan Bin Talxa oo ka mid ahaa qoyska Bani Shaiba, wuxuuna u dhiibay furihii isagoo leh, “Furayaashani way sii jiri doonaan ilaa maalinta qiyaame. Cid kaa qaadi karta ma jirto aan ahayn daalim. Qoyska Al-Shaiba waxa ay ilaa waagaas ahaayeen kuwa ilaaliya Kacbada sida uu Eebbe u doonayey iyaga oo lagu soo dajiyay aayadda keliya ee ku soo degtay gudaha Kacbada. “Runtii, Allaah wuxuu ku amrayaa inaad u dhiibto ammaanada cidda leh. Axmed Adan Dagaal (Axmed Safiina) oo ka faalooda taariikhda islaamka ayaa BBC Somali u sheegay: “Wakhtigii Nebigu dhashay beelaha Qureysh shaqada Xaramka way u qaybsanayd”. “Reer Banii Haashim oo uu Nebigu ka dhashay waxay lahaayeen oo ay hayeen furaha ceelka Zamzamka iyo waraabinta xujayda oo loo yaqaanay (Al-Siqaaya). Furaha Kacbadan waxa hayay beesha reer Baniishayba,” ayuu yiri. XIGASHADA SAWIRKA,INSIDE THE HARAMAIN Qoraalka sawirka,Sheikh Saleh Al-Shaibi waxaa xilka kala wareegay Sheikh Abdul Wahhab Al-Shaibi oo ahaa qofka ugu weyn qoyska. Dr. Saleh Al-Shaibi, oo ahaa caalim weyn, aqoonyahan iyo qoraa, waxa uu ahaa ilaaliyaha sare ee Kacbada, muddo toban sano ah. Waxa uu qabtay booska 77-aad ee furaha Kacbada kadib geeridii adeerkiis Sheikh Abdulqadir Al-Shaibi Oktoobar 2014, wuxuuna hayay booskan ilaa dhimashadiisa. Al-Shaibi wuxuu ahaa ilaaliyaha sare ee 10-aad inta lagu guda jiro xilliga casriga ah ee Sacuudiga, wuxuuna la socday xaaladda labada masaajid ee barakeysan. Sheikh Saleh Al-Shaibi waxaa xilka kala wareegay Sheikh Abdul Wahhab Al-Shaibi oo ahaa qofka ugu weyn qoyska. Muxuu Furaha Kacbada ka sameysan yahay? Waxa uu sheegay in furaha uu ka samaysan yahay bir, dhererkiisuna yahay 35 sentimitir. Waa la beddelay oo la casireeyay dhawr jeer qarniyadii la soo dhafay oo dhan. Maanta furaha iyo qufulka Kacbada waxaa laga sameeyay Nikkel oo lagu dhejiyay dahab 18-carat ah halka Kiswada gudaha ama gogosha Kacbada ay tahay cagaar. Al-Zulfah wuxuu sheegay in qaabka furaha la bed-bedelo had iyo jeer. Dalka Turkiga waxa ku yaala madxaf ay yaallaan 48 furo oo kacbada lagu furi jiray laga soo bilaabo dawladdii Cusmaaniyiinta, halka Sucuudiga ay yaalaan laba nuqul oo furahaasi ah oo ka samaysan dahab saafi ah. bbcsomali 15, 1446. Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka June 2024 oo ah markii ugu horeysay oo calan Soomaaliyeed gayiga Soomaali ay degto 1960-kii. Madaxweynaha ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay adkeystaan midnimada iyo madaxbannaanidooda, isagoo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay, waajibna ay ku tahay ilaalinta qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya. “Dad Soomaaliyeed oo meel intii ay ku tashadeen, kuna showray dadka waqooyi deggan ama qeyb ka mid ah aan layno ama aan la dirirno ma jiro. Dowlad baan lahayn, dhibta iyo burburka dadka dhan buu ka soo wada gaaray, in uu idinka idiin badnaana waa qirsannahay, ma diidanin, waxaanba rabnaa in aad ka daawoowdaan”. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si adag uga hadlay xadgudubka dowladda Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida Soomaaliya, waxa uu sheegay in heshiiska aan sharciga ahayn ee dhexmaray Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu yahay mid si toos ah uga horimaanaya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya. “Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay”. Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xuso halgankii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay ku bilaabeen xorriyadda dalka, waxa uuna bogaadiyay dadaalka iyo midnimada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa himilooyinka qaranka iyo hiigsiga ay inoo ka tageen aabeyaasheen. Munaasabaddan ayaa lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir, waxaana ka soo qeyb-galay madaxda dowlada, hoggaamiyaha SSC Khaatumo xildhibaano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale kuwaas oo lagu munaasabadda 64 sano guuradii 26-ka June. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — President Hassan Sheikh Mohamud attended a ceremony in Mogadishu on Tuesday to mark Somalia's 64th Independence Day. He was joined by Prime Minister Hamza Abdi Barre, Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama, and other senior officials. During the event, President Mohamud wished Somalis at home and abroad a joyous Independence Day. Source: Hiiraan Online