Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay bogaadineyso go’aanka uu Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Biixi Cabdi uu ku aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib wada-hadal galabta ay magaalada Addis-Ababa ku yeesheen madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed kadib wada-hadalladaas ayaa lagu yiri “Muuse Biixi, waxa uu aqbalay baaqa ra’iisul wasaaraha ee ah in lasii xoojiiyo xiriirka wada-shaqeyna ee Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Mid taas la xiriirta, waxaa lagu heshiiyey in la qabto wada-hadallo fool ka fool ah mustaqbalka” War-saxaafadeed caawa kasoo baxay Villa Somalia ayaa u qornaa sidan: – Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan. Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. (SLT-London) Wiil uu dhalay Muwaadin Somali-British oo muddo 20-sanno ah shaqaale ka ahaa Safaaradda Dowladda Qatar ayaa doonayaa in qoyskiisa lagu taageero Dhaqaale, si ay u sii wadaan Dacwadda ka dhanka ah Safaaradda Qatar. Wiilka Aabihiisa oo lagu magacaabo Maxamuud Axmed oo 79-jir ah waxa Safaaradda Qatar ee u shaqeynayey muddo 20-sano laga ruqseeyey sannadkii 2015-kii. Maxamuud Axmed oo ah Muwaadin British ah waxa uu ku eedeeyey in Madaxii Waaxda Daaweynta ee Safaaradda Qatar ee xilligaasi oo lagu magacaabo C/llaahi Al-ansaari, kaasi oo uu sheegay inuu isaga ugu yeeri jirey Dameeryahow iyo Eeyahow iyo inuu ugu yaraan 2 jeer soo weeraray. Dacwadda Dhibanahaasi ayaa la sheegay inay Maxkamaduhu ka gaabsadee, sababo la xiriira Xasaanadda Diplomaasiyiinta iyo Shuruucda Xiriirka Caalamka awgiis. Dhibane Maxamuud Axmed oo in ka badan ku noolaa dalka Britain ayaa sheegay in bishii August ee sannadkii 2013-kii uu Diplomaasiga ka tirsan Safaaradda Qatar ugu yeeray Dameer, Eey iyo Addoonkii Madoobaa, isla markaana markii uu Aflagaadaaasi ka dacwoodayna laga ruqseeyey Safaaradda Qatar ee uu shaqaalaha ka ahaa. Warbaahinta dalka Britain iyo Caalamka ayaa qoray in Qoyska Maxamuud Axmed ay weli sugayaan haddii Maxkamad ku taalla gudaha dalka Britain qaadi doonaan Kisikaasi. Ugu dambeyntii, Sarkaalka ka tirsan Safaaradda Qatar ee magaalladda London ee lagu magacaabo C/llaahi Al-ansaari oo lala xiriiray waxa uu ku gaabsaday inuu beeninayo Eedeyntaasi. Source
  4. Addis Ababa (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay Madaxwaynaha Somaliland, Muus Biixi Cabdi, oo halkaasi booqday. Kulanka labada mas’uul oo diirada lagu saarey arrimo badan ayaa waxaa qayb ka ahaa wasiiro ka kala socda labada dhinac. Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska Abiy Axmed, waxay isla meel-dhigeen xoojinta cilaaqaadkooda iyo ka shaqeynta amniga iyo nabada. War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Muuse Biixi uu ogolaaday in uu xoojiyo wadasheyn dhow oo uu la yeesho dowlada dhexe ee Soomaaliya. Sidoo kale, Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in laga shaqeeyo in dib loo bilaabo wadahadalada DFS iyo Somaliland oo hakad ku jira. Ugu dambeyntii, bayaanka ayaa lagu cadeeyay in ay isku afgarteen in ay yeesheen Ethiopia iyo Somaliland xiriir dhinaca isticaalka dekadaha iyo dhaqaalaha ah. The post Ethiopia oo isku soo dhaweyneysa DF iyo Somaliland appeared first on Shabelle. View the full article
  5. waa qoraal kooban oo aan ururinay oo ku saabsan bulshada isla markaan anfacaya bulshada Ku dadaal inaad wanaaga dadka wada gaadhsiiso,Laakiin ha sugin in adiga kusoowada gaadhsiiyaan wanaag kasta doono. Walaalkaa ehelahaan isagaa dad kuu xiga Isfaham ahaanse Cidna kaamoxigo. Qaladka Bulsho ahaan sixidda aad saxayso waxaa ugu horeeya intaaad adigu kuleedahay qaladkaas. Quruxda wajiga iyo jidhku way baaba’aan, Quruxda Caqliguse Ma baaba’do. 14pt; line- 21.466665267944336px;”>Run lagu kala guurayo, Been lagu wada Daganaado ayaa mararka qaarkood dhaanta. Ceebaha dadka Qari intaad awoodo laakiin ceebtaadu yay kaa qarsoomin adiga. Caqliga wanaagsani jidhkasta wuu wanaajiyaa. Gacankasta oo laguu soo fidiyo waxaad kuqiimaysaa ,laaba-shadeedada dambe iyo waxay kaala noqoto. Duruufuhu muuqaalkaaga way bed-bedali karaan Balse haday mabda’aaga bed-bedalaan waaceeb iyo nusqaan. Dad badan oowadajir ah sifudud ayaa loo kaladiri karaa laakiinse, Dad badan oon wadajririn Si fudud laysuguma keeni karo. Ha u xoogaysan sidaad cid uga adkaan lahayd balse u xoogayso sidiiaan lagaaga adkaan lahyn. la soco inshl Em: Rashaad055@hotmail.com 063-4475540 Source
  6. Wasaaradda Arimaha gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta dowladda Puntland ayaa ku amartay Xisbiyada Siyaasadeed in ay hakiyaan dhamaan wixii shaqo ah ee ay ka hayaan gudaha Puntland. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu wargeliyay xisbiyada in aysan wax shaqo ah ka qaban karin gudaha Puntland inta laga dhameystirayo dhammaan siyaasadihii iyo shuruucdii lagu hagi lahaa geedd-socodka dimuqraadiyeynta ee doorashooyinka dalka. Amarkan ayaa ku soo beegmay maalmo yar kadib markii Puntland albaabada u laabtay xarun cusub oo xisbiga Wadajir uu ka furtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Dhinaca kale warar madax-bannaan ayaa sheegaya in go’aankan uusan ku koobneyn shuruucda xisbiyada siyaasadda balse lagu daboolayo arrimo la xiriira ka hortagga in loollanka xisbiyada mucaaradka ah iyo Villa Somalia uu saameyn ku yeesho xiriirka Puntland iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Puntland oo laga joojiyay xisbiyada Siyaasadeed appeared first on Puntland Post.
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa soo saaray go’aan ka dhan ah howl-gallada xisbiyada siyaasadda dalka ee heer federaal ee deegaanada Puntland. Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa lagu amray Xisbiyada Siyaasadeed in ay hakiyaan dhamaan wixii shaqo ah ee gudaha dowladda Puntland. Puntland waxa ay sheegtay in xisbiyada aysan ka howl-gali karin Puntland inta laga dhameystirayo dhamaan siyaasadihii iyo shuruucdii lagu hagi lahaa geedi socodka dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka. Amarkan ayaa yimid maalmo un kadib marki Puntland ay xirtay xafiis uu xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku lahaa mnagaalada Garoowe. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Puntland Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  8. DEG DEG, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa ku amartay Xisbiyada Siyaasadeed in ay hakiyaan dhamaan wixii shaqo ah ee gudaha Dowladda [...] Source
  9. Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Loogusoo dhaweeyey Adis ababa sidii Madaxweyne Dowlad Madaxbanaan isla markaasna waa markii u horaysay ee Madaxweyne Soomaaliæand loo [...] Source
  10. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyeyaasha hay’addaha madaxa banaan [...] Source
  11. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayey oo Booqasho ku joogay Burundi iyo Jabuuti ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa dalka Burundi waxuu kulan uu la qaatay Madaxweynaha Burundi, isaggoo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsantahay siddii la isaga kaashan lahaa dagaal lagu jiro Kooxda Alshabaab, maadaama Burundi dalka Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa caasimada Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyaggoo kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka. Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka baaqday scodaal la filayay in uu maanta ku tago magaalada Adis-Ababa, si halkaasi oo ay ku kulmayeen madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, iyad oo waxyaabaha baajiyay qeyb ay ka tahay caqabado soo baxay. Caqabadaha soo baxay durba waxaa kamid ah cidda yeelaneysa doorka dhex dhexaadinta iyo heerka kulanka labada dhinac, waxa la filayaa in labada Madaxweyne ee Muuse Biixi iyo Farmaajo ay kulmi doonaan marka uu Madaxweyne Farmaajo ka soo laabto shir ka dhacaya dalka Masar. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku sugan caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa waxa xafiiskiisa ku qaabilay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed. Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha dawladda federal-ka Itoobiya, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo badan oo khuseeya danaha labada dal oo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka iyo is-kaashiga labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya, Amniga iyo nabadgelyada, siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee waddamada geeska Afrika. Dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya, ayaa waxa ka dhexeeya xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ah, kaas oo salka ku haya deris-wanaag, xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeed oo guun ah. Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, ayaa waxa ku wehelinayey wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu iyo madaxa xafiiska ra’iisal wasaaraha Itoobiya, dhinaca Somaliland-na waxa madaxweynaha wehelinayey wasiirrada wasaaraha arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), waxana kulankaasi kusoo dhammaaday guul iyo is af-garad buuxa. Source
  13. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho shaqo kusoo kala bixiyey Burundi iyo Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa dalka Burundi waxuu kulan uu la qaatay Madaxweynaha Burundi, isaggoo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsantahay; dagaal lagu jiro Kooxda Alshabaab. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa caasimada Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle. Labada hogaamiye ayaa kawada hadlay xiriirka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada wadan iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyaggoo kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka. The post Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa galabta la kulmay madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku sugan caasimadda dalka Itoobiya. Bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa lagu faah-faahiyey waxyaabihii kulanka looga hadlay, waxaana xusid mudan in Abiy uu Muuse Biixi ugu yeeray “madaxweyne maamul.” Inkasta oo Itoobiya aysan siyaasad ahaan Somaliland u aqoonsaneyn dal, haddana inta badan madaxdii ka horreysay Abiy Ahmed waxay ku gaabsan jireen “madaxweynaha Somaliland”, ayaga oo aan dal iyo maamul midna ku sheegin, waxaana in si toos ah uu hadda ugu yeeray madaxweyne maamul ay muujineysaa is-beddel weyn. Bayaanka ayaa u qornaan sidan: “Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo waftigiisa. Labada dhinac ayaa ka hadlay iskuna raacay dhowr qodob oo muhiim ah oo ay ku jiraan xiriirka dadkooda, xaqiijinta fayo-qabka dadka Itoobiyaanka ah ee jooga Somaliland iyo ka shaqeynta arrimaha mideeya labada dhinac ee nabadda iyo amniga. Muuse Biixi waxa uu bogaadiyey horumarka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ka sameeyey is-dhex galka gobolka, wuxuuna aqbalay baaqa ra’iisul wasaaraha ee ah in lasii xoojiiyo xiriirka wada-shaqeyna ee Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Mid taas la xiriirta, waxaa lagu heshiiyey in la qabto wada-hadallo fool ka fool ah mustaqbalka. Waxay labada dhinac kusoo geba gebeeyeen wada-hadalkooda inay ka xaajoodeen isticmaalka dekedaha iyo xiriirada kale ee dhaqaale” Kulanka Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, ayaa waxa ku wehelinayey wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu iyo madaxa xafiiska ra’iisal wasaaraha Itoobiya, dhinaca Somaliland-na waxa madaxweynaha wehelinayey wasiirrada arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin). Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib martiqaad uu ka helay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya. Biixi ayaa garoonka diyaaradaha waxaa kusoo dhoweeyay wasiirka maaliyadda ee Itoobiya Axmed Shiddo, iyadoo lagu wado inuu la kulmo Abiy Axmed. Sida qorshaha uu ahaa Biixi ayaa halkaasi waxa uu kula kulmi lahaa madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya hase ahaatee madaxweyne Farmaajo ayaa dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho. Dowladda Itoobiya ayaa wadda qorshe ay ku dooneyso iney dib u bilowdo wadahadalladii dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku shaaciyey habraac loo sameeyey heshiisyada ay dowladda federaalka ah gasho. Halkaan hoose ka akhriso: Source: goobjoog.com
  18. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ah Qasriga Madaxtooyada Jabuuti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa si qotodheer uga wada hadlay xiriirka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Madaxweynayaasha ayaa sidoo kale kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka. Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya, waxayna labada Madaxweyne adkeeyeen in la daradargeliyo hawlgallada Soomaaliya looga sifeynayo kooxaha xagjirka ah. Safarka Jabuuti ee Madaxweynaha waxaa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Cali Maxamed, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdi-saciid Muuse Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho). Ugu dambeyn, madaxweyne Farmaajo iyo wefdigii uu hoggaaminayey ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo oo maanta safar ku tagay dalka Itoobiya ayaa waxa uu goor dhawayd la kulmay raysal wasaaraha Itoobiya Abey Axmed. Madaxweynaha Somaliland ayaa Itoobiya ku tagay martiqaad rasmi ah oo ka helay raysal wasaaraha Itoobiya. Kulan la filayay in uu magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku dhex-maro Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya ayaa baaqday ka dib markii Madaxweyne Farmaajo uu diiday in uu kulan uu saddex geesood noqdo oo Itoobiya dhex-dhexaadiso. Ma jiro warar faah-faahsan oo ku saabsan arrimaha ay ka wada-hadleen Madaxweyne Muuse Biixi iyo raysal wasaare Abey Axmed. Warkan oo faah-faahsan goor dhaw la soco Source
  20. US Marine Corps General Thomas D Waldhauser told the US Senate Armed Services Committee US African Command (Africom) last week that successful advancement of US interests in Africa was “best achieved with stable nations on the continent”. He was testifying before the committee as part of the Africom’s posture statement to Congress and will also appear before the House Armed Services Committee in coming weeks on the continental command. “Accountable governments, well-trained and disciplined militaries with a respect for the rule of law and human rights and growing economies are cornerstones to this stability. Over the past year, consistent with the updated national strategies, US Africa Command revised our strategic approach to effectively strengthen our African partners by evolving security co-operation from a focus on crisis response to capability and capacity building against our new strategic priorities: state fragility, increased involvement of China and Russia, VEO (violent extremist organisations) expansion, and threats to US access and influence,” he said. Africom has five priority objectives. These are having African partners contribute to regional security; reducing threats from VEOs and transnational criminal organisations; ensuring US access and influence; aligning forces, authorities, capabilities, footprints and achievements and protecting US personnel and facilities on the continent. Waldhauser said VEOs are a serious threat to the shared interests of the US, Africom and its partners and allies. “VEOs and criminal networks prey on disenfranchised populations, creating a cycle of recruitment and allowing extremists ideology to fester. Extremist networks also exploit criminal networks for illicit transport of narcotics, weapons and persons. VEOs cultivate and encourage an environment of distrust, despair and hopelessness to undermine governments allowing for expansion of their radical ideology.” The four star general told representatives Somalia remained “key to the security environment of East Africa”. “Assessing Somalia, it is important to understand incremental progress made over the last decade as the result of a truly international effort in the country. The US works closely with international partners, including the United Nations, European Union, African Union, AMISOM and troop contributing countries, the United Kingdom, Turkey and others on security sector development efforts. Together, we remain committed to Somali-led progress on improving conditions for a well-trained Somali National Security Force that can assume and sustain security within the country. “The US continues to target al Shabaab and ISIS Somalia. US military activities in Somalia include remote or accompanied advise and assist missions; building, training and equipping of Somali combat units and when necessary, kinetic action. The effects of our kinetic activities serve to disperse al Shabaab and ISIS Somalia leadership, disrupt how they communicate and further decentralise how they conduct operations. Ultimately, our kinetic activities, encouraged and supported by the Federal Government of Somalia, create opportunities for governance to take hold.” On Libya, Waldhauser said Africom had three objectives. These are to assist in “degrading” terrorist groups such as AQIM and ISIS Libya; prevent widespread civil conflict and support the political reconciliation process. As far as the Sahel is concerned he said “dangerous pockets of extremists control numerous under-governed spaces”. “The African-led, French-assisted and US-supported G5 Sahel Joint Force comprised of forces from Burkina Faso, Chad, Mali, Mauritania and Niger is a successful example of burden sharing. “The US provides bilateral security assistance for the countries of the G5 Sahel Joint Force and US Africa Command contributes operational planning support to compliment funding and operational assistance provided by European allies to the G5 Sahel Joint Force. US Africa Command remains committed to assisting the African-led operations to degrade VEOs and build defence capabilities within the G5 Sahel Joint Force and, in turn, build capabilities of individual countries in the joint force.” The post US African interests will be best served by stable nations appeared first on Shabelle. View the full article
  21. A military training institution which the African Union Mission in Somalia (AMISOM) has occupied for more than a decade will be handed over to the Somali National Army at the end of this month. Renovation works at the Jaalle Siyaad Military Academy, which have been ongoing since December last year have been completed to pave way for the handover of the facility. The announcement was made by the Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, Ambassador Francisco Madeira, during an inspection tour of the military academy in the Somali capital, Mogadishu, yesterday. “We are satisfied with the rehabilitation works and we believe proper arrangements have been made for an effective handover to take place by the end of this month,” Ambassador Madeira, who was accompanied by senior AMISOM and federal government officials, said. Jaalle Siyaad Military Academy holds a special place in the country’s history, having served as a key Forward Operation Base for AU troops during the fierce war against Al-Shabaab militants that led to the liberation of Mogadishu, in 2011. The Burundi troops who have been occupying the academy have since relocated to Jowhar, the administrative capital of Somalia’s youngest state, HirShabelle. Ambassador Madeira noted that a number of assets put up by AMISOM for use by the Burundi contingent will also be donated to the federal government. “The prefabricated buildings, the generators, the water points, and the water treatment plants, will all be handed over to the federal government to enable it to continue improving this facility and return it to its former glory,” the SRCC said. The State Minister of Defence, Mohamed Ali Haga, who spoke on behalf of the federal government, thanked AMISOM for continued support for Somalia’s stabilization process. “I particularly want to thank the Burundi soldiers who have made the handover possible and sacrificed their lives to help restore stability in Somalia,” Mr. Haga noted. AMISOM Sector Five Commander Brig. Leonidas Niyungeko reiterated Burundi contingent’s commitment to helping AMISOM and the federal government restore lasting peace and stability in Somalia. The academy will be the third facility to be handed over to the federal government, after Somali National University in July 2017 and Mogadishu National Stadium in August last year. The United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) spearheaded the rehabilitation works, which involved upgrading prefabricated buildings, a hospital, a water treatment plant and power plants. The post AMISOM to handover Somalia’s military academy at the end of the month appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muxuu Dastuurku ka odhanayaa Golaha Culimada, Maxayse u aasaasi waayeen Madaxweyne Cigaal Iyo Madaxweyne Rayaale intii ay Talada Dalka Hayeen ? (SLT-Hargeysa)-Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi-jeex, Maxamed Cabdi Daa’uud oo sidoo kalena ka mid ah Culimada Somaliland ayaa ka digay in Golaha Guurtida la hor-geeyo Guddiga Culimada Qaran oo Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed-siilaanyo Magacaabay, kuwaasi oo la sheegay in la doonayo in Guurtida la hor-geeyo si ay u ansixiyaan. Guddiga Culimada oo ka kooban 11 Xubnood ayaa waxa in la sameeyo fasaxaya Dastuurka Qaranka Somaliland, balse Maxamed Cabdi Daa’uud ayaa sheegay inaan Somaliland u baahnayn Guddigaasi, isagoo xusay in Dastuurku samaynta Guddigan ku xidhayo Shuruudo ay ka mid tahay in Cidda Guddigaa ka mid noqonaysaa aanay ka mid ahayn Urur-diimeed, balse wuxuu sheegay in 11 Sheekh ee Madaxweynihii hore u xulay inay noqdaan Guddiga Culimada Qaranku ay 80% ku jiraan Urur-diimeedyo, haddii la ansixiyana ay Dalka u horseedi karaan Khilaaf Diimeed. Maxamed Cabdi Daa’uud oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Guddiga Culimadu waxay ku qoran yihiin Dastuurka, laakiin Madaxweynayaashii hore ee Somaliland way maageen (aasaaskooda), Maxamed Ibraahim Cigaal oo Aabbihii Dastuurka ahaa muu samaynin (Guddiga Culimada), Ina Rayaale ma samaynin, sababta ugu weynina waxa weeyaan, markii hore Somaliland si bay ahayd, laakiin waxa ina soo galay ururro Diini ah oo samaysmay toddobaatanaadkii iyo siddeetanaadkii, Ururradaa oo aaminsan wixii Dadku aaminsanaayeen (Wax ka duwan) oo qaarkood ay Dadka ku sheegayaan Mushrikiin oo gaalaysiinaya Muslimiintii oo Muslimiintii kala qaybinaya.” Maxamed oo u warramay Telefiishanka Eryal oo Wargeyska Himilo uu Warkan ka soo xigtay ayaa xusay qaar ka mid ah Urur-diimeedyada Dalka ka jira “ Ururradaa waxa ka mid ah Ururkii Al-itaxaad la odhan jiray, Itixaadkii wuxuu dhalay Ictisaam, waxa ka mid ah Islaax, waxa ka mid ah Salafiya Jadiida oo Yemen ka timid, Ururradaasi dhammaantood waa ururro Diiniya, Wadaaddadan imika la hadal-hayaana 80% Ururradaa ayay ka mid yihiin (Guddiga Culimada ee Madaxweyne Siilaanyo sameeyay)…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ictisaam oo kale waxa ka madax ah Bashiir Axmed Salaad oo Xamar deggan oo ah Nin Soomaaliya ah, dhallinyarada Ictisaamka ku jirta iyo Odayaashooduba Ninkaas ayay u dhaarteen, Waayo? Qofka Ictisaam ma geli karo, hadduu gelana waa in Bayco laga qaadaa oo looga qaadayo Ninkaa (Madaxda ka ah), Islaaxuna waa la mid ah.” Maxamed Cabdi Daa’uud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay sababta keentay in Dastuurka lagu qoro Guddiga Culimada ah ee loogu talo-galay “Dalkan Dastuur baa u yaalla, Dastuurka haku qornaadaan (in la sameeyo Guddiga Culimada ah) oo 11 ah laakiin, waxaana loogu talo-galay markii aynu Nidaamka Dimuqraadiga qaadanay in khaladaadka Dimuqraadiyaddu leedahay inaga xakameeyaan (Culimadu) oo khaladaadka Dimuqraadiyadda inaga hagaajiyaan..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Qodobka 18-aad ee Dastuurka, Farqaddiisa koowaad wuxuu leeyahay ‘Waxa ka reebban Xubnaha Culimada (ee Guddiga noqonaya) inay ka tirsanaadaan Urur diimeed iyo Xisbiyada Siyaasiga ah, markaa haddii Raggani urur diimeed ku wada jiraan waxaanu Madaxda Dalka haysata Maanta leenahay sidii Madaxdii hore uga joogeen uga jooga…” Maxamed Cabdi Daa’uud oo la waydiiyey inay jiraan Culimo aan ka mid ahayn Ururrada Diiniga oo Guddigan loo Xuli karo, ayaa ku jawaabay “Haa….way jiraan Dad ka Madax-bannaan (Urur-diimeedyada), Anigan kula hadlayaaba kuma jiro sidii Dalka soo galay (Urur Diimeed)..Laakiin berigii Af-weyne (Dawladdii Soomaaliya) Mucaarad baanu ahayn oo Ninkaas ayaanu la dagaalamayney oo Urur Waxdad la yidhaahdo ayaanu lahayn oo Ninkaas (Af-weyne) ayaanu iska celinaynay, laakiin sidii Somaliland u xorrowday ee Dadku Madaxdoodii u soo doorteen waan iska dhigay (inaan Urur ka mid noqdo), urur aan ku jiray Maalintaa laga bilaabo illaa Maanta ma jiro, Dad badan oo Aniga ila mid ahina way jiraan..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu farriin u diray Madaxweynaha iyo Golaha Guurtida “Madaxweynaha, Guddoomiyaha Guurtida iyo Guurtida oo dhan waxaanu leenahay waar khilaaf uma taag hayno ee khilaaf Diiniya ha innaga gelinina…” Source
  23. Sheikh Maxamed Ibraahim Kenyaawi oo kamid ah culimada Soomaaliyeed bulshada ku wacdiya cafiska iyo walaalnimada ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Sheikh Kenyaawi ayaa ka yimid dhinaca magaalada Muqdisho oo uu waayadan dambe ka waday barnaamij la baxay “Cafi walaalkaa” kaasoo bulshada loogu wacyi-gelinayo is-cafinta iyo xoojinta walaalnimada. Ujeedka socdaalka Sheikha ee magaalada Garoowe ayaa ku saabsan isla barnaamijkaas waxaana uu maalinta Jimcaha ee 22 bishan Febraayo garoonka ciyaaraha Mire Awaare ee caasimadda Puntland ku qaban doona barnaamijka “Cafi walaalkaa”. PUNTLAND POST The post Sheikh Kenyaawi oo Garoowe soo gaaray appeared first on Puntland Post.