-
Content Count
212,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-12032019.mp3 View the full article
-
Waxaan mudooyinkan arkaayey dad siyaabo kala duwan uga fal celiyeen Ciidamo JS oo tegay Degmada #Yubbe ee Sanaag, Dadkaasi haba ugu badnaadeen dadkii ku gafanayaasha ahaa ee ku naaxay dhiiga dadka degan gobolkaas Gobolka sanag. Hadaba waxaynu wada ogsoonahay dadkaa aan soo sheegay ee aan Aqoontoda iyo kartidooda midna aan meel ku tagi karin inay 30kaa sano ay ku qaraadhaaban jireen koofiya marna #Garowe u dirta marna #hargeisa u dirta mana #Xamar u dirta oo wasiro iyo xildhibaano ka dhigta aanay karti u lahayn sidaas ku noqon jireen. Waxan leeyahay dadkaasi way is yaqaanaan e yubbe waa degmo somaliland. Waxayna ka mid tahay degmooyinka gobolka sanag iyo degmooyinka jamhuuriyada somaliland. Waxaan kaloo xasuusinayaa inaan Yubbe maanta cidanka somaliland ugu horayn e ay ciidanka somaliland hore u fadhiisin ugu lahaayeen. YUBBE na ma ah degmo xuduudku taala e waa degmo ka mid ah degmooyinka somaliland ee gobolka Sanag. Waxay wada og soonahay in yubbe lagu qabtay shirarkii nabadaynta Gobolada bariga SL oo ay ka dheceen shirarkii Yubbe 1, yubbe 2 iyo yubbe 3 taas oo salka u ahayd nabad gelyada gobolka sanag iyo magalada ceerigaabo in nabad lagu wada noolaado. Ugu danbayntii waxaan u sheegayaaa dadka weli la nool Taariikhda tagtay iyo waxbaan ahaan jiray inay dhamaatay aduunkuna casri ma raayo. HA TILMAAMIN AAKHIRO WAXAA TACBTAY BAA YAAL E HAYAANKUNA WAA MEEL!!! HORAA LOO SOCONAYAA!!!! SAID MOHAMED SAID Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay u gurmadeen ciidamo ka tirsan ku dowladda Soomaaliya oo ay soo weerareen maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, degaanka Daarusalaam ee gobolka Sh/Hoose. Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in markii ay ciidamada Soomaaliya la kulmeen weerarkan xalay, ay ciidamada duqyan la beegsadeen maleeshiyadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaadday. Maraykanku faah-faahin kama bixin khasaaraha ay duqayntaasi gaysatay iyo dagaal la sheegay inuu halkaas ka dhacay. Si kastaba waxay sheegeen in dhammaan askartii Maraykanka ee taageerayey kuwa Soomaalida ay soo wada laabteen iyaga oo bad qaba. Al-Shabaab ayaa sheegatay inay dishay askari Maraykan ah, isla markaana ay iska caabisay weerar uga yimid ciidamo Soomaali ah iyo kuwo Maraykan ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somali special forces killed eight al-Shabaab militants overnight in the country’s Lower Shabelle region, state media said Tuesday. “Somali security forces conducted an overnight operation in Daru Salam village in Lower Shabelle and killed eight members of the Al-Shabaab terrorist group,” the Somali National News Agency reported. Adow Mohamed, a Somali National Army captain in Lower Shabelle, confirmed the operation to Anadolu Agency by phone. “Our special forces alongside our international partners conducted an operation against al-Shabaab in Daru Salam in the Lower Shabelle region after we received intelligence and killed eight al-Shabaab fighters,” Mohamed said. Meanwhile, al-Shabaab claimed it had killed one U.S. serviceman and wounded two others. U.S. Africa Command (AFRICOM), which is targeting al-Shabaab in Somalia, has not commented on the incident so far. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo 24 saac oo kaliya ayaa ka soo wareegatay markii Madaxweynaha Soomaaliya hanjabaad iyo amarro uu dul-dhigay taliyaasha Saldhigyada Booliska Gobalka Banaadir iyo Guddoomiyaasha, taas oo aheyd in xilkooda ay ku wayn doonaan amni darrada ka dhacda degmooyinkooda ayaa go’aankaasi uu dhaqan galay maanta. Taliyaha Saldhigga Booliiska Deyniile oo muddo 24 saac la siiyay in uu ku keeno ragii ka dambeeyay duqayntii lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta xilkii laga qaaday kadib markii laga waayay warbixintii iyo waxyaabihii kale ee looga baahnaa. Macalin Faarax oo ahaa taliyihii Saldhigga Booliiska degmada Deyniile ayaa habeen hore waxa lagu wargeliyay in looga baahan yahay Shabaabkii maalin cad madaafiicda ku ku garaacay Madaxtooyada kuwaas oo la sheegay in laga soo riday degmadaasi. Cabsi badan iyo walaac xoog leh ayaa soo wajahay Taliyaasha kale ee Saldhigyada Booliiska ee degmooyinka Gobalka Banaadir kuwaas oo ka walaacsan sidii ay ka yeeli lahaayeen falalka amni darro ee ka dhaca degmooyinka ay joogaan. Sidoo kale Guddoomiyaasha degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa la siiyay amar ah in aysan degmooyinkooda ka imaanin amni darro ama ay is casilaan waxayna taasi abuurtay baqdin walaac soo food-saaray xilalkooda. “Madaxweynaha markaan meel xun ayey ka gaartay, maxaa yeelay Madaxtooyadii ayaa halis gashay, sidaas ayaa sababtay la xisaabtankaan adag”, sidaasi waxaa Caasimada Online u sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta degmooyinka Gobalka Banaadir oo magaciisa qariyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garowe (SMN) – War saxaafadeed ka soo baxay maamulka Puntland ayaa digniin culus loogu jeediyay Somaliland. Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa lagu sheegay in S/land ay daandaansi dagaal ka wado gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday diyaaradaha loo yaqaan Antanov ee lagu sameeyey dalkii Midowga Soviet, sida uu shaaca ka qaaday barnaamija Galka Baarista ee Idaacadda VOA. Diyaaradahan oo kala ah afarta nooc ee loo kala yaqaan Atanov 12, Atanov 24, Atanov 26, Atanov 32, ayaa loo sheegay inaan loo cusbooneysiin doonin ruqsadda ay uga shaqeeyaan Soomaaliya, islamarkaana ay dalka ka baxaan. Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa shirkadaha isticmaala diyaaradahan u qabatay inay dalka ugu dambeyn ka saaraan 28-ka Febraayo ee 2019, hase yeeshee waxaa loogu daray laba toddobaad, waxaana loo qaabtay 15-ka March 2019. Diyaaradahan ayaa ah kuwa xamuul oo xilligan aan qaadin shacab, waxaana badankood isticmaala Amisom iyo shirkdaha alaabta xamuulka u qaada dadweynaha. Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa go’aanka lagu mamnuucay diyaaradahan sabab uga dhigtay inay halis ku yihiin dadka, islamarkaana aysan Afrika ku lahayn goobo lagu dayactiro, taasi oo qasabta in gudaha garoonka diyaaradaha lagu dayactiro. Jaamac Axmed Muuse oo ah ku-xigeenka maareeyaha Haya’dda Duulista Hawada Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay inay aad u qeylo badan yihiin oo dadka ay ku sababaan madax xanuun. Diyaardaahan ayaan sidoo kale lahayn aaladda ka hor-tagta ama uga digta diyaaradaha kale marka ay kusoo dhowaadaan, ee loo yaqaan Traffic Collision Avoidance System, taasi oo dhalin karta shil-diyaaradeed. Hoos ka dhageyso Galka Baarista https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/07ddf15f-6796-484a-8ae1-30e8e3fde9d6_48k.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xukuumadda Somaliland Oo Shirkad Aan Lacag Haysan Qandaraas 25 Sano Ah Ku Siisay In Ay Biyaha Badda Berbera Milix Ka Samayso. Shakhsiyaadka Sheegay In La Siiyay Dhul Cambirkiisu Yahay 150KM2 Waxa Ka Mid Ah Wasiirkii Hore Ee Ciyaaraha Soomaaliya iyo Nin La Taliye U Ahaa Wasaaradaha Somalia Shirkad Magaceedu yahay Salternas LTD ayaa sheegtay in ay Somaliland siisay Mashruuc ah milix ka samaynta uumi baxa biyaha badda Somaliland. Heshiiska oo ah muddo 25 sannadood ah lana kordhin karo ayaa ah in shirkaddu mashruuca ka fuliso dhul ku teedsan badda oo dhanka galbeed ka xiga Berbera cabbirkiisuna yahay 150KM2 haddii loo baahdana la gaadhsiin karo 200KM2. Telefishanka Codka Bariga Afrika ayaa sheegay in aanay Shirkadda Qandaraaska la siiyay haysan lacagta ku baxaysa hirgelinta mashruuca oo ay ku qiyaastay Boqol iyo toban Milyan oo dollar ilaa Boqol iyo sagaashan Milyan oo dollar, sidaas awgeedna ay shirkaddu raadinayso maalgashadeyaal caalami ah oo fuliya mashruuca. Shirkadda Salternas waxa aasaasay shakhsiyaad ay ka mid yihiin wasiirkii hore ee ciyaaraha Soomaaliya Maxamuud Jirde Xuseen, Mr John Balfe oo madaxda shirkadda ka mid ah horena la taliye ugu soo noqday wasaarado dhawr ah oo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ah waxaana guddoomiye ka ah Prof Colin Roberts oo la sheegay in uu yahay khabiir khayraadka dabiiciga ah. Shakhsiyaadkan ayaan wali sheegin xilliga ay bilaabayaan hirgelinta shirkaddan, wakhtiga ay u bilaamayso kirada laga qaadayo iyo in ay ilaa hadda hayaan cid fikraddooda lacag ku maalgaliso si loo rumeeyo. Sida ka muuqatay Hindise qoraaleedka mashruucan oo ay shirkaddu boggeeda ku faafisay iyo qoraal kooban oo uu guddoomiyaha shirkaddu soo saaray waxa ay shakhsiyaadkani hayaan fikrad ah in uumi baxa ay cadceeddu ku samayso biyaha badda laga sameeyo milix laga samayn karo dhaqaale fara badan iyo faa’iidooyin kale oo dhanka horumarinta bulshada ah. Waxay sheegeen in hammigoodu yahay in kadib daraasadda lagu samaynayo mashruuca ay rajaynayaan ilaa 18 ay qaadato dhismaha mashruuca ee wajiga 1-aad, islamarkaana muddo 18 bilood ah lagu soo saaro milix dhan 5 milyan oo tan iyada oo hiigsigu yahay in toban milyan oo tan sanadkiiba la soo saaro. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Kalluumeysiga Somaliland, Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, ayaa xaalad caafimaad loo dhigay cusbitaal ku yaalla magaalada Hageysa. Wasiir Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa waxa uu noqonayaa wasiirkii saddeexaad ee xaalad caafimaad loo dhigo cisbitaalada ku yaalla magaalada Hargeysa, waxaana hore xaalado caafimaad loogu dhigay cisbitaalka wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf iyo Wasiirka hawlaha Wasiirka wasaaradda hawlaha guud Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi. Warar Aanu hadda ka helayno xaaladda Wasiir Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa waxa ay sheegayaan in fiican yahay, Alle ha caafiyo. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkad Magaceedu yahay Salternas LTD ayaa sheegtay in ay Somaliland siisay Mashruuc ah milix ka samaynta uumi baxa biyaha badda Somaliland. Heshiiska oo ah muddo 25 sannadood ah lana kordhin karo ayaa ah in shirkaddu mashruuca ka fuliso dhul ku teedsan badda oo dhanka galbeed ka xiga Berbera cabbirkiisuna yahay 150KM2 haddii loo baahdana la gaadhsiin karo 200KM2. Telefishanka Codka Bariga Afrika ayaa sheegay in aanay Shirkadda Qandaraaska la siiyay haysan lacagta ku baxaysa hirgelinta mashruuca oo ay ku qiyaastay Boqol iyo toban Milyan oo dollar ilaa Boqol iyo sagaashan Milyan oo dollar, sidaas awgeedna ay shirkaddu raadinayso maalgashadeyaal caalami ah oo fuliya mashruuca. Shirkadda Salternas waxa aasaasay shakhsiyaad ay ka mid yihiin wasiirkii hore ee ciyaaraha Soomaaliya Maxamuud Jirde Xuseen, Mr John Balfe oo madaxda shirkadda ka mid ah horena la taliye ugu soo noqday wasaarado dhawr ah oo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ah waxaana guddoomiye ka ah Prof Colin Roberts oo la sheegay in uu yahay khabiir khayraadka dabiiciga ah. Shakhsiyaadkan ayaan wali sheegin xilliga ay bilaabayaan hirgelinta shirkaddan, wakhtiga ay u bilaamayso kirada laga qaadayo iyo in ay ilaa hadda hayaan cid fikraddooda lacag ku maalgaliso si loo rumeeyo. Sida ka muuqatay Hindise qoraaleedka mashruucan oo ay shirkaddu boggeeda ku faafisay iyo qoraal kooban oo uu guddoomiyaha shirkaddu soo saaray waxa ay shakhsiyaadkani hayaan fikrad ah in uumi baxa ay cadceeddu ku samayso biyaha badda laga sameeyo milix laga samayn karo dhaqaale fara badan iyo faa’iidooyin kale oo dhanka horumarinta bulshada ah. Waxay sheegeen in hammigoodu yahay in kadib daraasadda lagu samaynayo mashruuca ay rajaynayaan ilaa 18 ay qaadato dhismaha mashruuca ee wajiga 1-aad, islamarkaana muddo 18 bilood ah lagu soo saaro milix dhan 5 milyan oo tan iyada oo hiigsigu yahay in toban milyan oo tan sanadkiiba la soo saaro. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi (Looge) ayaa sheegay in maamul xumada Xukuumadda Kulmiye ay ka muuqdaan astaamaha ay leeyihiin dalalka ama ummadaha burburaya. Waxa uu sheegay in madaxweyne Biixi iyo siyaasiyiinta la fikirka ahi yihiin kuwo cadhaysan oo ciil u qaba qaybo ka mid ah bulshada Somaliland. Xoghaye Khadar oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta guud ee xisbiga WADDANI ayaa ka warramay xaaladda Macallin Cabdiqaadir Nuur Maxamed iyo Abwaan Baashe Xasan Maxamed oo dhawaan Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodijeex ku xukuntay midkiiba 8 sannadood oo xadhig ah iyo lacag dhan 625,000 doollar oo ay saaka xabsiga ku bookhdeen masuuliyiinta xisbiga WADDANI “Saaka waxaan xabsiga ugu tagay Abwaan Baashe iyo Macallin Cabdiqaadir oo labadoodaba xukun caddaalad darro ah oo arxan darro ah oo garaadka, mandaqa iyo caqliga qof kasta oo wax garad ah oo reer Somaliland ah, mushtamaca muslimiinta iyo qof kasta oo kale oo wax garanayaba ka baxsan lagu xukumay oo cadawtinimo runtii ka muuqato. Waxaanu ku faraxsanahay in ay noo sheegeen in askarta jeelka joogta si fiican ula macaamilaan oo dad wanaagsan ay yihiin anaguna bookhashadii aanu ugu tagnay askarta waan uga mahad naqayna sidii wanaagsanayd ee ay noo qaabileen ee ay noo soo dhaweeyeen. Waxa kale oo aan saaka la kulmay qoysaskoodii; Baashe wuxuu ahaa Aabbe toban carruur ah haysta. Isaga ayaa u shaqayn jiray oo masuul carruurtiisa u ahaa oo nin xoogsada oo wastaad ah ahaa oo guryaha la dhisayo ka shaqaysta, macallinkuna iskuul ayuu bare ka ahaa. Waxa aynu ognahay oo aynu naqaana macallinku in uu qaato wax boqol dollar ka yar, caqliga dhigaya qof shaqaale dawladeed ah oo 100 doollar wax ka yar qaata in lagu xukumo in uu bixiyo ganaax ah lix boqol oo kun oo dollar lacag ka badan in uu bixiyo oo aan ahayn cadawtinimo iyo arrin gun dheer oo ujeedo kale laga leeyahay anigu ma garanayo,” Sidaas ayuu yidhi Xoghaye Khadar oo intaasi raaciyay in haddii la qiyaaso noloshiisa inta uu shaqaynayo marka loo eego shaqaale dawladeed aanay bixinayn lacagta lagu ganaaxay taasna ay muujinayso sida ay u kala fog yihiin waaqica dalka yaalla iyo dadka wax xukumaya. Xoghayaha WADDANI waxa uu sheegay in ay jiraan muwaadiniin badan oo sharci darro ku xidhan waxaanu si gaar ah ugu baaqay in xukuumaddu dawayn u ogolaato sheikh Aadan Sunne lana baadho in jidh dil ay u gaysteen ilaalada xabsiga uu ku jiro. Waxa uu xoghayuhu sheegay in Somaliland oo muddo dheer dawladnimo haysatay wali muwaadiniinta lagu xukumo xeerkii Siyaad Barre oo xataa la tahli kari waayay in jaldiga oo ay Jamhuuriyadda Soomaaliya ku qoran tahay laga bedelo “Dulmigu magacyo ma kala laha; qofka muwaadinka ah haddii la dulmo yaa ku dulmay ma laha ee waa wuxu dulmi ma yahay? Shalay haddii Siyaad Barre lagu diidana in uu dulmi samaynayo, haddii lagu diidana in uu eex samaynayo, haddii lagu diidana in uu qabyaalad samaynayo, haddii lagu diidana in uu dad gaar ah si gaar ah u eeganayo maanta intiiba Waddankeena ayay ka jirta. Taas ayaa muujinaysa gunta waxa lagu haysto Abwaan Baashe oo ah in uu nin WADDANI ah ahaa, in uu tiriyay gabayo uu WADDANI ku taageerayo xilligii ololaha doorashada,” Sidaas ayuu yidhi Xoghaye Khadar. “Taariikhda in aynu wax ka barano ayaa wanaagsan Adduunka iyo hareeraheena waxa ka dhacayana in aan wax ka ogaano ayaa fiican. Maanta haddii qof xanuunsado oo xanuunka hayaa Kaneeco yahay waxaynu naqaana astaamaha xanuunka ka muuqda xumad ha noqoto ama dhaxan iyo qandho ha noqotee, dawladaha dumaya ee baaba’ayana astaamo ayay leeyihiin la daraaseeyay oo la yaqaanno maantana waddankeena si fiican uga muuqda haddii aan waxaa la joojina ay dawladnimadeenu dumi doonto. Waxa arrimaha wax ka qoray nin Jaamacadda Maraykanka ee Harvard macallin ka ahaa qaybta maamulka waxaanu ka hadlaya umaddaha dumaya astaamaha ay leeyihiin oo aan 3 ama 4 qodob idinla wadaagi doono; Astaamaha waxa kow ka ah haddii aad aragto ummad dad gaar ah si gaar ah waxyaabihii waddanku lahaa ee khayraadka iyo ilihii gacanta loogu gelinayo umadda dadka maamula sidaas ku dhaqmaan waa umad dumaysa; Haddii aad aragto umad garsoorkeedii iyo caddaaladdeedii waaxda fulinta ama xukuumadda u shaqaynayaan oo xukuumaddu waxay tidhaahdo sameeya ay samaynayaan oo aanay ka madax bannaanayn waa umad iyaduna jabaysa, waxa iyaduna ka mid ah in aan sharciga la ixtiraamin,” Sidaas ayuu yidhi xoghaye Khadar oo intaasi raaciyay in ay arrimaha burburka keena ka mid yihiin in ila dhaqaalaha dad gaar ah loo xidho sida hadda muuqatana Tamarta iyo xadhkaha Internetka dad gaar ah loo xidhay sidoo kalena astaamaha ay ka mid yihiin in dawladnimada iyo talada ay dad gaar ahi isa siiyaan. Waxa uu sheegay in dhammaan astaamahaasi hadda muuqdaan oo dadka lagu xidhxidhayo aragtiyahooda lana kormeerayo baraha bulshadu waxyaabaha ay dadku ku qorayaan. Waxa uu tilmaamay in sharci jabinta dalka ay markhaati ka tahay in masuuliyiin aanu sharcigu u ogolayn madaxweynaha kala qayb galeen shirkii golaha dhexe ee Kulmiye, islamarkaana aanu ilaa hadda madaxweynuhu waxba ka qaban. “Illaahay ayaa Qu’aankiisa inagu leh cadhada iyo xumaha aad cid u qabtaan yaanay idinka kaxaynin caddaaladda laakiin, maanta waxa muuqata in madaxweynuhu cadhaysan yahay, cadhadaas uu cadhaysan yahayna ay ka kaxaysay in uu caddaaladda eego oo dadkiisa uu madaxweynuhu u yahay u caddaalad sameeyo in ay ka kaxaysay, dulmigaasna uu yahay mid isaga ku soo noqonaya oo berrito la waydiin doono. Ilmaha uu Baashe dhalay ee ooyaya ee habeen walba aabbihii tebaya ee gaajada ku seexanaya masuuliyaddiisu madaxweynaha ayay saaran tahay haddii aanu dareensanayna maalin kale ayuu ogaan doona,” Sidaas ayuu yidhi Xoghayaha WADDANI. Waxa uu intaasi raaciyay xoghayaha xisbiga WADDANI in Soomaalidu waayo aragnimo fiican u leedahay dawlad Dunta maaddaama ay u soo joogtay burburkii Soomaaliya oo dalalka ugu awoodda badan Afrika ka mid ahayd. Waxa uu sheegay in habdhaqankii Siyaad Barre ee ahaa in cid kasta oo ka aragti duwan cadawgiisa tahay ay maanta ka muuqato xukuumadda Somaliland. “Shirkii Kulmiye Cabdicasiis Samaale ayaa khudbad dheer oo quraan badan ku jiro ka akhriyay. Waxa uu intaas oo jeer ku celiyay cadawgeena cadawgeena iyada oo cidda uu toos ula hadlaya tahay xisbiga WADDANI iyo inta taageerta. Cadawgeenu wax buu inaga sheega, cadawgeenu sidaas buu yidhaahda_ marka ninkii dawladnimada iyo maamulka dalka hayay u arko dadkiika fikradda duwana in ay cadaw u yihiin qofka kuu cadawga ah sida aad ula macaamilayso waad taqaan, macaamilaadka socda ee taageerayaasha WADDANI lagu bartilmaameedsanayo ee dhibaatada loogu gaysanayo ee qaarkood lagu xidhxidhayo ee qaarkood ganacsigooda lagu dhibaataynayo waa cadaawaddaa uu sheegay Cabdicasiis Samaale. Cadaw bay u arkaan laakiin, anagu uma aragno; Kulmiye cadawg uma aragno, xukuumadda cadaw uma aragno dad walaalo ah oo dan iyo siyaasadi ka dhexeyso kala aragti duwan laakiin, ay tahay in ay bariista meel ku wada cunaan ayaanu u aragna laakiin, nasiib darro ‘Geela duqdiisii durdurisay aarankiisana maxaad u malaynaysa’ marka Sheekhoodii sidaas yahay Jabhaddoodiina maxaad u malanaysa? Idinka ayaa runtii ka jawaabi doona..” Source
-
Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta si wadajir ah shir uga furay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose. Shirkan oo looga hadlayo arrimaha dhaqaalaha ayaa waxaa uu yahay mid u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland. Wasiir Jamaal oo ka hadlay furitaanka shirkani ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dowlad goboleedka Jubbaland ka caawineyso kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidii loo hormarin lahaa daqliga maamulkaasi. Kulanka ka furmay Kismaayo ayaa ku soo aadaya, xilli shalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu gaaray magaaladaasi. Wafdiga uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo si ballaaran loo soo dhaweeyay ayaana xalay ku hoyday qasriga madaxtooyada Jubbaland. View the full article
-
Garowe (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa Shir gudoomiyey Shirka Kaabayaasha dhaqaalaha Dalka gaar ahaan dhismaha Wadooyinka iskuxira Gobolada Dalka (Regional Corridors) oo socondoona muddo saddex Maalmood ah. Waxaa kasooqayb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil, Wasiirada Hawlaha Guud ee Maamul Goboleedyada, Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, Madax kasocotay Bangiga Horumarinta Afrika & Midowga Yurub. Shirkan ayaa looga wada hadli doonaa inta uu socdo dib u dhiska wadooyinka iskuxira Gobolada Dalka ee bur buray & Dhismaha Wadooyin cusub oo hor leh taasoo faa’iido wayn u leh koboca dhaqaalaha dalka & Isku socodka Bulshada. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa furay Shirka waxa uuna soodhoweeyey Wasiirada maamul goboleedyada, Bangiga Horumarinta Afrika & Dhammaan Madaxdii kasooqayb gashay shirka waxa uuna xusay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay Wasaaradda Hawlaha Guud. Wasiirada Hawlaha Guud ee Maamul Goboleedyada Dalka ee shirka kasooqayb galay ayaa Dhankooda soodhoweeyey shirkan waxa ayna ammaneen dadaalka ay waddo Wasaaradda Hawlaha Guud ee Dib u dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka u gu dambeeyo ee ka imaanayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubaland ayaa xaqiijinayo inay halkaas ka dhaceyn kulamo Alabaabada u xiran oo ay yeesheen Madaxweynaha Jubblanad Axmed Madoobe iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Sida Xubno ku dhow dhow Axmed Madoobe ay u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online kulamada ayaa loo diiday inay ka qeyb galaan Saxaafadda iyo Mas’uuliyiinta kale ee ka kala socday labada dhinac, waxaana si gaar ah u wada hadlay Ra’isulwasaaraha iyo Axmed Madoobe. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulankan uu ahaa mid labada dhinac ay uga hadleen sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamulka Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre tabashooyin ay ka qabto dowlada Federalka, waxana uu sheegay ra’iisul Wasaare Kheyre in la xalin doono dhammaan tabashooyinka Maamulka Jubbaland. Booqashada Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo sida loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ayaa dhalisay shaki ah in Kheyre uu bilaabay olole uu ku doonayo in uu uga qeybgalo doorashada madaxtinimada dalka ee la rajeynayo in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya. Arrimaha shakiga ugu weyn abuuray ayaa waxaa ka mid ah ayada oo horey ay u jireen warar sheegaya in Kheyre uu ku jiro hami madaxweynenimo, islamarkaana safarkan uu qeyb ka yahay isbaheysi uu sameysanayo ka hor doorashada 2020. Xubnaha madaxweynaha ku dhow ayaa walaac ka qaba in Kheyre uu awood baaxad weyn oo siyaasadeed yeelanayo xilli uu weli qeyb ka yahay dowladda. Sidoo kale xildhibaanada ku beesha ah madaxweynaha oo beesha Axmed Madoobe ay xurguf siyaasadeed kala dhaxeyso ayaa safarkan u arka mid Axmed Madoobe isbahaysi ka dhan ah madaxweynaha iyo beeshiisa uu ku sameysanayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Goobjoog ayaa wareysi gaar ah oo dhinacyo badan taabanaya waxa ay la yeelatay Ben Fender oo ah safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya. Wareysigan ayaan wax badan kaga weydiinnay arrimaha ku aaddan taageerada UK ee Soomaaliya, ammaanka, iyo mashaariicda dib u dhiska. Sidoo kale, waxaan wax ka weydiinnay Mr. Ben Fender qorsheyaashooda soo socda ee garab istaagidda Soomaaliya iyo arrimo kale oo muhiim ah. Halkaan hoose ka daawo wareysiga: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Puntland ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo maalmahan ay Somaliland ka waddo degaanno ka tirsan gobolka Sanaag. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu sheegay in Somaliland ay duullaan ku soo qaadday degaanno ka tirsan gobolka Sanaag ee Puntland si ay u curyaamiso dagaalka ay Puntland argagixisada kaga sifeynayso buuraleyda gobolada Bari iyo Sanaag. Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Puntland ay marwalba ay dulqaad muujinayso iyadoo xeerinaysa xasiloonida gobolka iyo deris wanaaga kana hortegaysa daadinta dhiigga dadka walaalaha balse mar dambe aysan u dulqaadan doonin daan-daansiga qayaxan iyo weerarrada joogtada ah ee kaga imaanaya dhinaca Sonaliland. Ugu dambeyntii Puntland waxay sheegtay in ay u diyaarsantahay difaaca dalkeeda iyo dadkeeda waxaana ay shacabka ugu baaqday in ay u midooban difaaca dalka iyadoo dhinaca kale daneeyaasha arrimaha Soonaaliya ku wargelisay in Somaliland ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto wixii halkaas ka dhaca. PUNTLAND POST The post Puntland oo war-saxaafadeed ka soo saartay duullanka Somaliland ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa Somaliland uga digay daan-daansi uu sheegay iney ka waddo deegaanno ka mid ah gobolka Sanaag. Waxa uu sheegay madaxweyne Dani in ciidanka Somaliland ay maalmahan dhan ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo deegaanno ka mid ah Sool, islamarkaana ay rabaan in mar kale soo weeraraan dhulka Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale, Dani ayaa sheegay in marar badan ay nabadda ka shaqeynayeen, islamarkaana ay diidanaayeen in colaad iyo dagaallo kale ay dhacaan. Waxa uu tilmaamay madaxweyne Dani in ay difaacan doonaan deegaannadooda, islamarkaana cid walbo oo kusoo xad-gudubta jawaab ay ka heleyso. Deegaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag waxaa maalmahan dambe ka jiray xiisad u dhaxeya Puntland iyo Somaliland oo marar badan ku dagaallamay gobolladaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Madaxweynaha-Puntland.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Taliyaha ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaa la sheegay in warqad is-casilaad ah uu u gudbiyay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Warar hoose aan heleyno ayaa sheegaya in sababta uu isku casilay Genaraal Cabdishakuur Cabdullaahi Xuseen oo ahaa Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland tahay in Madaxwayne Deni ay isku fahmi waayeen sidii Puntland ay uga falcelin lahayd dhaqdhaaqyada Soomaliland ay ka wado deegaano ka tirsan Puntland. Wali Ma jirto faahfaahin rasmi ah uu ka bixiyay Taliyaha sababaha keenay inuu iska casilo xilkaasi. Balse warar qaar ayaa sheegaya inuu dhaliilsan yahay habkii looga falceliyey xiisadaha colaadeed ee ka taagan Gobolka Sanaag. Sidoo kale waxaa la sheegay in Taliyaha uu doonayey in Puntland Jawaab cad ka bixiso dhaq dhaqaadyada Somaliland ay ka wado halkaasi,hayeeshee Madaxtooyadda arrinkaasi ay ka gaabsatay. Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa inuu madaxweyne Deni jawaab ka bixiyo is casilaadda uu u gudbiyey Taliyaha ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com