-
Content Count
211,194 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada gaarka u tababaran ee Gaashaan ayaa la sheegay in xalay maqribkii ay maqaayad kala baxayn nin hore uga tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaar kamid ah dadkii ku sugnaa maqaayadda ninkaan lagala baxay oo ku taala Tareedisho ayaa Caasimada Online u sheegay in ninka la qabtay uu kamid ahaan jiray Saraakiisha Al-Shabaab ee degaankaasi balse markii dambe uu ka baxay. Ninka la soo qabtay ayaa magaciisa lagu soo koobay Maxamuud waxa uuna ka tirsanaa Shaqaalaha Maqaayadda, gaar ahaan qaybta cuntada karisa. Ciidamadaan oo hubeesnaa ayaa la sheegay in ay watayn dhowr gaari waxayna si deggan maqaayadda qaybta kushiinka ay kala baxayn ninkaan oo markaas shaqo ku jiray, iyagoo dadkii ku sugnaa ka dalbaday in ay si dejiyaan. Ma jirto wax faah faahin ah oo ay bixiyeen mas’uuliyiinta amaanka. Xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiinta amniga ee Gobalka Banaadir ayaa sheegay in ay mar dambe faah faahin ka bixin doonaan howgalkaan iyo kuwa kale oo ay ka sameeyeen Xaafado kamid ah Muqdisho. Caasimada online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somaliland- Hargeisaians flock to Erigavo for the Gold rush
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Click here Qaran News -
Ilhaan Cumar Oo Loo Haysto Lacag Ay U Adeegsatay Si Gaar Ah
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Washington)-Ilhaan Cumar ayaa la sheegay in lagu hayo baadhitaan la xidhiidha inay 6,000 oo Dollar oo loogu talagalay Ololaheeda Doorashadda u adeegsatay si Shaqsiyadeed, iyadoo Kharashkaasi qeyb ka yahay Lacag-bixinta Furriinkeeda iyo Socdaal ay ku tegtay magaalada Boston iyo dalka Estoniya. Saraakiisha Guddiga Doorashadda ee Gobalka Minnesota ayaa ku waramay inay dhammaystireen Baadhitaankooda ku aadan Eedeynta lagu sheegay inay Ilhaan Cumar ku xad-gudubtay Dhaqaalaha loogu tabarucay Ololaheeda Doorashadda. Ilhaan Cumar oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga oo bilihii la soo dhaafay qabsatay shaashadaha bulshada, kadib markii ay dhowr jeer hadal-faalleyn ama Comments ka bixisay Arrimaha Israa’iil. Xildhibaanada oo ah mid ka mid ah Haweenka Muslimiinta ee Novembertii tegtay loo doortay Kongareeska Maraykanka waxay beenisay inay Lacagihii Ololaheeda loogu deeqay ay u adeegsatay Furiinkeeda, waxay kale oo ay sheegtay in dib u celisay 2,500 oo Dollar oo ay ka qaadatay Jamaacdo ku yaalla Gobalka Minnesota. Eedeymaha haatan la baadhayo waxaa Ilhaan Cumar horey u sameeyey Xildhibaan Istefe Darazkowiski oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi, waana markii 3-aad oo Ilhaan Cumar lagu eedeeyo inay si khaldan u isticmaashay Lacagihii Tabarucaadda ee Ololaheeda Doorashadda ee uu horey u soo bandhigay Xildhibaankaasi. Si kastaba ha ahaatee, Guddiga Doorashadda ee Gobalka Minnesota ayaa la filayaa inay soo saaraan natiijada Baadhitaankooda bisha soo socota ilaa 6 toddobaad, iyadoo Eedeymaha loo haysto Ilhaan Cumar u muuqdaan in la siyaasadeynayo, maadaama ay si qayaxan u soo bandhigto Aragtideeda ay dhibsadeen Maamulka Trump iyo kuwa Israa’iil. Source -
Muqdisho (SMN) – Xarunta Golaha Shacabka ayaa maanta waxaa lagu qabtay doorashada kursi ka banaanaa BFS, kaas oo uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Cismaan Cilmi Boqore oo bishii la soo dhaafay lagu dilay magaladda Muqdisho Doorashada ayaa waxaa ku tartamay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo uu dhalay xildhibaanka geeriyooday iyo Axmed Cismaan Xaashi. Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil ayaa sheegtay in Cadnaan uu helay 48 cod, halka murashaxii la tartamayay uu helay 2 cod, waxaana halaabay hal cod, Guddiga doorashada ayaana ku dhawaaqay in kursiga xildhibaanimo uu ku guuleystay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore. Xildhibaan Cadnaan ayaa bedali doona Allaha u naxariistee Aabihiis Boqore oo 23-kii Bishii Febaraayo ee Sanadkan lagu dilay degmada Kaaraan ee G/Banaadir. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashp maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, oo aheyd buuxinta kursi ka bannaanaa golaha shacabka, ayaa waxaa ku guuleystay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo ah wiilka uu dhalay xildhibaankii horay loo dilay ee Cismaan Boqore. Cadnaan Boqore ayaa waxaa la tartamay Axmed Cismaan Xaashi, laakin dad badan oo doorashada ku dhowaa waxaa ay sheegeen in ninka dambe uu ahaa magac u yaal. 51 ergo ayaa codkooda dhiibtay, waxaana ay u kala heleen musharixiinta Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo helay 48 Cod, halka Axmed Cismaan Xaashi uu helay 2 Cod, hal cod wuu halaabay, waxaana Guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen in kursiga Xildhibaanimo uu ku guuleystay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore. Cismaan Cilmi Boqore oo ahaa qofka ugu da’ weynaa baarlamaanka 10-aad ayaa 23-kii Bishii Febaraayo ee 2019 lagu dilay degmada Kaaraan ee maagalada Muqdisho. Boqorewaxa uu kasoo jeeday Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo safiirro ah oo ka socda dalalka Denmark, Switzerland, Finland, Norway, Sweden, Uk iyo Safiirka Midawga Yurub. Kulankan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxana lagaga wada hadlay arrimo door ah oo salka ku haya xoojinta xidhiidhka labada dhinac. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Maxamuud Yaasiin Xiir (Faratoon) oo markii kulankaasi soo dhammaaday saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inuu kulankaasi ahaa mid is fahan iyo afkaar isweydaarsi salka ku hayey, dhammaanba wixii la isla soo qaadayna meel fiican la isla dhigay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Weftigu waxa ay u yimaaddeen inaannu is weydaarsanno afkaar ku saabsan arrimaha badan ee mandaqadda ka jira iyo xidhiidhka Somaliland iyo dalalkaasi ay leeyihiin sidii hore loogu marin lahaa, la isu xog-ogaalsan lahaa, la isuna dhaafsan lahaa wixii macluumaad ah iyo wixii afkaar ah ee loo baahan yahay in laga wada-hadlo, haddii ay siyaasad tahay, haddii ay dhaqaale tahay, haddii ay gargaar tahay iyo haddii ay nabadgelyo tahayba, dhinac walba waa laga wada-hadlay si wanaagsanna waa la isugu afgartay dhammaan arrimihii laga wada hadlay.” Ambassador mette Knudsen oo ah safiirka waddanka Denmark oo iyaduna halkaas hadal ka jeedisay, ayaa hoosta ka xarriiqday inay wefti ahaan kulan midho dhalay la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo tilmaantay inay madaxweynaha kala hadleen muhiimadda ay leedahay ilaalinta sumcadda ay Somaliland ku leedahay dunida ee dhinaca doorashooyinka iyo Dimuqraaddiyadda, islamarkaana uu madaxweynuhu u muujiyey sida ay uga go’an tahay inay doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda. Sidoo kale, waxa ay safiirku sheegtay in waxyaabihii kulanka diiradda ku saareen ay kamid ahaayeen xaaladda bani’aadamnimo ee ay sababeen abaaraha ka jira gobollo kamid ah dalka Somaliland ka taagan iyo barnaamijyada dhinaca horumarka ee dalalka reer yurub ka wadaan dalka Somaliland. Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir, arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Mudane Sacada Cali Shire iyo Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac. Dhinaca Xubnaha weftigu waxay kala ahaayeen: Safiirka Denmark, Amb. Mette Knudsen, Safiirka midawga yurub Pencho Garrido Ruiz, Safiirka dalka Ingiriiska Amb. Ben Fender, Safiirka Dalka Sweden, Amb. Andreas Von Uexkull, , safiirka Dalka Norway, Amb. Elin Bergithe Rognilie oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka socday safaaradaha dalalkaas iyo madax sare oo iyagu ka socday dalalka Finland iyo Switzerland. Source
-
Doorashada ka dhacday magaalada Muqdisho, oo aheyd buuxinta kursi ka bannaanaa golaha shacabka ayaa waxaa ku guuleystay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo ah wiilka uu dhalay xildhibaan horay loo dilay ee Cismaan Boqore. Cadnaan Boqore ayaa waxaa la tartamay Axmed Cismaan Xaashi, laakin dad badan oo doorashada ku dhowaa waxaa ay sheegeen in ninka dambe uu ahaa magac u yaal. Cismaan Cilmi Boqore oo ahaa qofka ugu da’ weynaa baarlamaanka 10aad ayaa lagu dilay waqooyiga Muqdisho 23-kii Febraayo ee sanadkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Diblomaasiga labaad ee ugu sarreeya dalka Kenya ayaa Qaramada Midoobey ku eedeeyay in ay dhaqaale siiso Al-Shabaab, taasi oo qeyb ka ah gargaarka Soomaaliya ee caalamiga ah. Macharia Kamau, oo ah Xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay 10% dhaqaalaha ku baxa gargaarka siiso Al-Shabaab, si ay u fududeeyaan in gaargaarkiisa la gaarsiiyo goobaha loo wado. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa dhawaan meel mariyay qaraar diidaya in wax dhaq dhaqaaq xiriir maaliyadeed ah lala yeesho kooxaha argagixisada ah ama xitaa loo diro lacago goobaha ay ku suganyihiin. Macharia Kamau, ayaa sheegay in qaramada Midoobey ay lacag ku bixiso sidii gargaarka ay geyso Soomaaliya uu u gaari lahaa goobaha ay ku suganyihiin Al-Shabaab loona gaarsiin lahaa dadka danyarta ah ee dhulkaasi ku nool. Waxaa uu intaas ku daray in lacag dhan 12Bilyan oo shilinka Kenya ay ah Qaramada Midoobey sanadkiiba uga baxdo Al-Shabaab taas oo ay ku helaan oggolaanshaha gargaarka la gaarsiiyo goobaha ay ku suganyihiin. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta dhagax-dhigay, afar waddo oo laamiya oo laga hirgelin doono caasimadda Puntland ee Garoowe. Waddooyinkan laamiga oo la saarayo jidadka Alnasar, Global, Jillab iyo SYL, waxaa lacagtooda ku deeqay Baanka adduunka, waxaana dhisaysa shirkadda TTN ee dalka Turkiga oo ay kormeerayso hay’adda UNOPS. Shirkadda TTN ee laga leeyahay dalka Turkiga oo hore u dhistay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Garoowe ayaa bishii Jannaayo ee sannadkan ku guulaysatay qandaraaska dhismaha waddooyinkan laamiga. Duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse oo ka hadlayay munaasabadda dhagax-dhiga, ayaa u mahadceliyay dhammaan dhinacyada ka qeyb qaatay in mashruucan laamiyada uu guulaysto, isagoo sheegay in heerki fulinta oo keliyah ay u hartay. Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa sheegay in uu aqoon fiican u leeyahay shirkadda TTN, islamarkaana uu kalsooni buuxda ku qabo in ay laamiya qurux badan oo raandhiis leh ka hirgelin doonto caasimadda. Caasimadda Puntland ee Garoowe oo ku jirta magaalooyinka ugu amniga badan geeska Afrika, ayaa sidoo kale waxa ka socda mashaariic baaxad leh oo dhanka horumarka. Magaaladan kulansatay bilicda iyo amniga ayaa si weyn u soo jiidatay shirkadaha caalamiga ah ee ganacsiga iyo maal-geshiga oo uga yimaada dunida dacalladeeda. PUNTLAND POST The post Puntland: Garoowe oo laga dhagax-dhigay afar waddo oo laamiya appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Marka (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa go’doomiyey magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose kaddib markii ay magaaladaasi dhowr bilood ka hor si buuxda ula wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Lixdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa la sheegayaa in magaalada Marka uusan gelin wax raashin ganacsi ah ee ka geli jiray dhicanyada Muqdisho iyo Jannaale. Guddoomiyaha Magaalada Marka Cabdullahi Cali Axmed Waafoow ayaa sheegay in sare u kaca ku yimid cuntada magaaladaas ay sabab u tahay go’doonka ay geliyeen Al-Shabaab. Waafoow oo dhawaan dib loogu soo magacaabay guddoomiyaha Marka ayaa sheegay in go’doonka la geliyay magaalada ay ka warqabaan sidoo kalena la wadaageen dowladda federaalka ah. Cabdullahi Waafoow ayaa sheegay in uu socdo qorshe maalmaha soo socda Al-Shabaab looga saarayo gobolka Shabeellaha Hoose la iskuna furayo Waddada xiriirisa Marka iyo Afgooye. Caasimada Online Xafiiska Marka caasimada@live.com
-
Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa Faahfaahin ka bixiyay Howlgalo Ciidanka Xoogga Dalka ay kula wareegeen Deegaanka Baladul Amiin iyo deegaano kale. “Howlgalada sidii loo qorsheeyay ayay u dhaceen, Saaka waxaan la wreegnay Deegaanka Baladul Amiin, waxaan sidoo kale Argagaxisada shalay ka saarnay Cumar Beer oo aheyd Meel ay dhigtaan Hantida ay ka dhacaan shacabka, Sabiib iyo Caanoole waxaan la wareegnay shalay Galinkii dambe, way iska cararayaan marka uu howlgal bilowdo, dad awood leh oo dagaalami kara maaha”.ayuu yiri Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab. Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Gaadiid ay ka carareen xarakada Al-shabaab. “Waxay ka carareen oo aan gacanta ku dhignay Dukumiintiyo ay baad kaga qaadi jireen Shacabka iyo Gaadiid ay ka carareen, sidoo kale Gaadiid ay qaraxyo ku buuxiyeen ayaan qarxinay halka kuwa kalena ay la carareen, Ciidanka ayaana ku daba jira”.ayuu yiri Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa sidoo kale sheegay in Howlgalo ay ka sameeyeen Deegaanada ay kala wareegeen Argagaxisada ay kusoo arkeen Hormar la’aan dhinaca Waxbarashada, Biyaha iyo Nolosha qeybaheeda kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warsheekh (Caasimada Online) – Alle ha u naxariistee, waxaa degaan hoos yimaada degmada Warsheekh ee Gobalka Shabeelada dhexe lagu dilay Xabiibo Nuur Ugaasoow oo aheyd Hooyo haysatay 10 Carruur ah, waxaana dilkeeda lagu eedeeyay Ninkii qabay. Dilka ayaa dhacay Xalay fiidkii hore waxaana la sheegay in uu ku dhax dilay gurigeeda ayada oo rasaasta ay ka heleeshay qaybaha sare ee jirkeeda sida ay xaqiijiyeen carruurteeda iyo dadka degaanka. Aabe Nuur Ugaasoow oo ah Aabaha dhalay Marxuum Xabiibo ayaa Caasimada Online u sheegay in gabadhiisa ay aheyd curudda Carruurtiisa saakayna meydkeeda ay keeneen magaalada Muqdisho waxaana lagu wareejiyay hey’adda Dambi barista Booliiska Soomaaliya ee CID. Aabe Nuur ayaa Caasimada Online u sheegay in ninka dilka fuliyay ay Xaaskiisa u heysay 2 carruur ah oo kala ah Gabar iyo Wiil, halka 8-da kale ay ahaayeen agoon ay iyada soo korsatay. Dilka Hooyo Marxuum Xabiibo Nuur Ugaasoow ayaa la sheegay in uu ka dhashay murun ku saabsan hanti ay dhaxleen carruurta agoonta ah, taas oo uu damcay ninka dilka geestay ee qabay Maxruum Xabiiba sida uu Aabaheed noo sheegay. Maxkamad ku taala degmada Warsheekh ayaa mar go’aamisay in hantida Carruurta agoonta ah oo ay gacanta ku heysay Marxuum Xabiibo ay xaq u leeyihiin carruurtaasi, islamarkaana ay u maamuli doonto Hooyadood balse markii dambe sababsatay sida uu Aabe Nuur Ugaasow noo xaqiijiyay. Dhowr jeer ayaa la sheegay in ninkaan dilka geestay uu xaaskiisa u soo qaatay qori islamarkaana ku hanjabay in uu dili doono balse laguma guuleysan in go’aan laga gaaro khilaaf markaas ku soo laa-laabtay qoyska Marxuumad Xabiiba Nuur Ugaasow. Wali laguma guulaysan in la soo qabto ninkii dilkaan fuliyay sida ay ku warameyn waalidiinta Hooyada la dilay, balse Aabe Nuur Ugaasoow ayaa Dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay u soo qabtaan ninka dilka geestay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo lagu qabtay Muqdisho. Shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo ay kasoo qayb galaan dawladda federaalka, maamul gobaleedyada, qaramada midoobay, Midawga Yurub, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Bangiga adduunka, Bangiga horumarinta Afrika iyo dhammaan dhinacyada Soomaaliya kala shaqeeya horumarinta ayaa looga hadlaa arrimaha horumarineed ee dalka. Kulanka SDRF oo la qabto bil iyo bar kasta mar ayaa qayb ka ah shirarka ay dawladda federaalka Soomaaliya la yeelato mas’uuliyiinta hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka bah-wadaagta ah ee kala shaqeeya arrimaha horumarinta dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Afgooye (SMN) – Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/ Hoose. Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay howlgallo laga sameeyay gobolkaasi. Waxa uu sheegay in Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen si nabad galyo ah deegaanada Baladul-Amiin, Cumar Beer, Sabiid iyo Caanoole. “Howlgalada sidii loo qorsheeyay ayay u dhaceen, Saaka waxaan la wreegnay deegaanka Baladul-Amiin, waxaan sidoo kale Al Shababaab ka saarnay Cumar Beer oo aheyd meel ay dhigtaan Hantida , Sabiid iyo Caanoole ,waxaan la wareegnay shalay gelinkii dambe, way iska cararayaan marka uu howlgal bilowdo, dad awood leh oo dagaalami kara maaha”.ayuu yiri Taliye Jeeniqaar. Sidoo kale Gaashaanle Cabdiraxmaan Sheekh Cumar ayaa intaasi ku daray in ay qabsadeen Gaadiid iyo Dukumiintiyo ay ka carareen Al Shabaab. “Waxay ka carareen oo aan gacanta ku dhignay Dukumiintiyo ay baad kaga qaadi jireen Shacabka iyo Gaadiid ay ka carareen, sidoo kale Gaadiid ay qaraxyo ku buuxiyeen ayaan qarxinay, halka kuwa kalena ay la carareen, Ciidanka ayaana ku daba jira”.ayuu mar kale yiri taliyaha Ururka 4-aad ee Ciidanka Danab. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi. Maalmihii dambe Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa xoojiyay dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose K/ Soomaaliya. View the full article