-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxda Maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya. Kulamada oo isugu jiray kuwo guud iyo mid gaar ah ayaa waxay Madaxda Maamul goboleedyada kala hadleen arrimo kala duwan oo la xiriira taageerada Beesha Caalamka, siyaasadda iyo khilaafka xilligan ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hakad geliyay wada shaqeyntii labada dhinac. Ilo wareedyo muhiim ah oo ku sugan Nairobi ayaa xaqiijiyay in Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay kala hadleen Wakiilada Beesha Caalamka labo qodob oo kala ah. In macaamil gaar ah lala yeesho maamul goboleedyada, halkii taageerada loo soo marsiin lahaa dowladda Federaalka iyo in la sameeyo Road Map doorasho, maadaama ay sheegeen in aysan Xukuumadda weli diyaarin nooca doorashada. Waxaa kaloo Madaxda Maamul Goboleedyada ee ku sugan Nairobi u caddeeyeen Wakiilada Beesha Caalamka in aysan helin casuumaad kulankii la iclaamiyay ee dhici lahaa 19 April Shirka Amniga Qaranka, waxaana ay tilmaameen in ujeedadu aheyd in Ra’iisul Wasaaraha la shir tago Mareykanka in xiriirka maamulada iyo dowladda dhexe uu wanaagsan yahay. Madaxweynaha Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan sheegay in dawladda Soomaaliya ay haysato caqabodo badan oo ay kaw ka tahay midda Al Shabaab. Isagoo khudbad ka jeedinayay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo Shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya ay heysato faragelin shisheeye. “Dumin ayaa jirta, marka laga hadlayo dowladnimada geedka jirida in laga gooyo oo xasillooni loo diiro oo la bilaabo qalalaase siyaasadeed oo dowladda dhan in la bedelo oo inta Beesha Caalamka loo tago lagu dacweeyo taasi dumin weeye, caqabadaha na heysta ayay ka mid tahay, faragelin shisheeye ayaa jirtay tan iyo muddooyinkii dowladnimada burburtay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Inkastoo Madaxweynuhu aanu cidna si gaar ah uga carabaabin, hadana hadalkiisa waxaa laga dareemayay inay jawaab u yihiin dhaq dhaqaayada siyaasadeed ee ka socda magaalada Nairobi, halkaasoo Madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug kula shirsan yihiin Beesha Caalamka, sidoo kalena siyaasiyiin xilal soo qabtay iyo qaar ka mid ah Axsaabta siyaasadda ayaa iyana shir ku leh Nairobi. Maamul Goboleedyada maku saxan yihiin go’aankaas? “Maamul goboleedyadu waxay rabaan in ay la kulmaan beesha caalamla, iyaguna wada shawraan, Soomaalida tusaan in iyaga iyo xukuumadda faderaal ah aysan isku fiicnayn,” ayuu yiri Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah bare Jaamacadeed oo aad ugu dhuun duleela arrimahan oo la hadlay Idaacadda BBC Ibraahim Bursaliid Wuxuu sii raaciyey “Maamul goboleedyada sida ay wax u rabaan in ay u helaan macnaheedu ma aha in sida ugu habboon ay tahay, iyagana waxaa ku fiicnaan lahaa hal jamhuuriyad, hal hannaan dawladnimo iyo hal dhaqan siyaasadeed oo Soomaalidu ay wada leedahay,” Wuxuu kusii daray “Haddii ay noqoto in isbarbaryaac uu yimaaddo oo xukuumadda oo aan la marin calaaqaad toos ah lala furo waxay aflagaaddo ku tahay gobannimada iyo qarannimada.” Maxaa laga rabaa Maamul Goboleedyada? Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah bare Jaamacadeed oo aad ugu dhuun duleela arrimahan ayaa BBC u sheegay inay waajib ku tahay Maamul Goboleedyada inay la fadhiistaan Dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha u yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ibraahim ayaa Dowladda Dhexe ugu baaqay inay isku daydo in ay raadiso Maamul Goboleedyada isla markaasna wax kasta lagu dhameeyo si walaaltinimo ah iyadoo xoogga la saarayo in la qanciyo Madaxda Maamul Goboleedyada. Mar uu la hadlayey Maamul Goboleedyada ayuu ugu baaqay inay qirtaan in waxa ay sameenayaan ay tahay khalad istaraatiiji ah oo ay ka galayaan qaranka loona baahan yahay inay kasoo noqdaan habka ku dhisan isbarbaryaaca. Dowladda Federaalka ayaa laga sugayaa in ugu dambeyn bisha June soo bandhigto hannaanka doorashada Soomaaliya, iyadoo la sheegayo in dowladdu ay qorsheyneyso muddo kororsi taasoo haddii ay dhab tahay keeni karto khilaaf midkaan kasoo xoog badan oo dhexmaro Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
G. maxkamadda Abukar Cabdinur Jaamac Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari, ayaa maanta xukun ku ridday, sarkaal ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda Puntland oo lagu helay musuq maasuq. Cawaale Maxamuud Sheikh, oo ka tirsanaa waaxda dakhliga wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland ee degmada Carmo, ayaa lagu xukumay 4 sano xabsi ah iyo $500 (shan boqol oo Dollar) oo ganaax ah, kadib markii lagu helay, hanti-lunsasho iyo adeegsiga waraaqo been- abuura, sida uu shaaciyay guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari, Abukar Cabdinuur Jaamac. Sidoo kale, Cawaale ayaa lagu xukumay in uu bixiyo lacag dhan $2751 (labo kun todobo boqol konton iyo kow Doolar) oo maxkamaddu ku sheegtay, xatooyo xoola dadweyne oo uu lunsaday, isagoo adeegsanaya waraaqo been-abuura. Guddoomiyaha maxkamadda, Abukar Cabdinuur Jaamac ayaa sheegay in mas’uulkan uu qirtay dhammaan denbiyada lagu eedeeyay, sidaasi darteedna uu ku mutay xukunka, balse uu rafcaan ka qaadan karo mudda 30 cisha. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Boosaaso: Sarkaal lagu helay musuq maasuq oo xukun lagu riday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-AMISOM ayaa ka jawaabtay Sawir Buuq badan ka abuuray Baraha bulshada kaasi oo muujinayay Qof ka tirsan AMISOM oo cabiraya Gabar loo diyaarinayay ka mid noqoshada Police-ka Hirshabeelle. Sawirka ayaa ahaa gabar Soomaaliyeed oo kamid noqoneysay booliska ciidamada Hirshabeelle oo cabir xaga jirkeeda ah lagu sameynayay, waxaana Soomaalida aad ugu falanqeeyeen barta Facebook. Taliska AMISOM ayaa sheegay in Gabadha Somaaliyeed waxa cabiraya inay tahay Gabar kale oo u dhalatay dalka Zimbabwe, balse dadka Soomaaliyeed ay u maleeyeen in qof rag ah uu yahay. Qoraal ka soo dhigay barta Twetterka ee AMISOM ayaa lagu yiri “ Fadlan ogaada sarkaalka Booliiska ee AMISOM ee cabirka ka qaaday gabdha la qorayo (la ciidamaynayo) ee sawirka ka muuqda waa sarkaal dumar ah oo ka tirsan kooxda Booliiska Zimbabwe ka socda, AMISOM waxay tixgalisaa, illaalisaana dhaqanka Soomaaliyeed, waligeedna uma xilsaarto sarkaal lab (Rag) ah inuu taabto haween Somaali ah”. Ciidanka Midowga Africa ee AMISOM ayaa tababaro siiya ciidanka Booliska iyo Maamul goboleedyada dalka qaarkood. Arintaan ayaana qabsatay baraha Bulshada Saacadihii ugu dambeeyay, taasi oo keentay in ugu dambeyn AMISOM ay ka hadasho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirka wasaarada cadaalada iyo arimaha diinta ee dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo waraysi gaar ah siiyay warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegay in ciidamada amniga ay [...] Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Masar, halkaas oo uu ka furmi doono shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika. Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xusuusan hiilkii iyo garab istaaggii Dowladda iyo shacabka Suudaan ay u galeen walaalahooda Soomaaliya, xilliyadii adkaa, ayaa mudnaanta siinaysa ka qeyb qaadashada dadaallada heer gobol iyo heer qaaradeed ee ku aaddan samata bixinta dalka Suudaan. Madaxweynaha ayaa shir doceedyo la yeelan doona Madaxda Afrika iyo masuuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo u amba baxay dalka Masar appeared first on Puntland Post.
-
A high-level delegation headed by Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo has left Mogadishu on Monday for Cairo, Egypt’s capital. The president who is accompanied by top government officials is expected to hold talks with his Egyptian counterpart Abdel Fattah Saeed Hussein Khalil El-Sisi in Cairo. It’s yet unclear the reason behind the president’s trip to Egypt. Somalia maintains close historic ties with Egypt. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Masar, halkaas oo uu ka furmi doono shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika. Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xusuusan hiilkii iyo garab istaaggii Dowladda iyo shacabka Suudaan ay u galeen walaalahooda Soomaaliya, xilliyadii adkaa, ayaa mudnaanta siinaysa ka qeyb qaadashada dadaallada heer gobol iyo heer qaaradeed ee ku aaddan samata bixinta dalka Suudaan. Madaxweynaha ayaa shir doceedyo la yeelan doona Madaxda Afrika iyo masuuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Egypt’s Prime Minister Mostafa Madbouli urged opening a branch of Banque Misr in Somalia, as it will have positive repercussions on trade and financial transactions between the two countries. Banque Misr is an Egyptian bank founded by industrialist Talaat Harb in 1920. This came during a Sunday meeting in Cairo with Somali Foreign Minister Ahmed Isse Awad, Assistant Foreign Minister for African Affairs Ambassador Abu BakrHefny, and Somalia’s Ambassador to Egypt Abdul Ghani Mohamed Waeis. The Egyptian prime minister affirmed Egypt’s assistance to the Somali government, and highlighted the efforts aiming at achieving progress, and boosting security and stability across Somalia, Nader Saad, Egyptian Cabinet’s spokesman said. Madbouli also expressed readiness to meet the needs of the Somali government regarding technical support, training and scholarships, in order to help Somali cadres who are capable of building their state to graduate. Moreover, Madbouli underscored the need to work to increase the volume of trade exchange between the two countries, especially through taking advantage of the livestock Somalia enjoys, and increasing Egypt’s imports of meat, the spokesman said. For his part, the Somali foreign minister affirmed his country’s appreciation of its historic relations with Egypt, noting that Egypt has always supported Somali people throughout history. Awad said that Egyptians have sacrificed for the independence of Somalia. The Somali minister praised the prime minister’s remarks about Egypt’s readiness to enhance support to the Somali people to achieve development, lauding the growing keenness of the Egyptian Foreign Ministry on strengthening cooperation with Somalia over the past few years. Awad affirmed that his country prioritizes cooperation with Egypt, and is working to strengthen cooperation between the business sectors of both countries, according to the spokesman. The minister added that Somalia relies on Egypt’s support for Somalia in international forums. View the full article
-
Buulo-Mareer (Caasimadda Online) – Maxamed Ibraahim Abuukar oo ahaa wade Mooto bajaaj ayaa xalay Askeri ka ritsan ciidanka Dowladda waxa uu ku dilay Degaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeellada Hoose. Qoyska marxuum Maxamed oo ayaa sheegay in Askeriga uu wiilkooda ku dilay bar-koontorool oo ku taalla deegaanka Buulo-Mareer uuna u dilay Shan kun oo shilin Soomaali ah. Askerigii dilay Wiilkooda ayay sheegeen inuu ubaxsaday dhanka degaanka Shalaanbood ayna doonayaan in loosoo qabto, Cadaaladana la horgeeyo. dilalka loo geysto wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa soo badatay mudooyinkii danbe mana jirto cid loo soo qabtay dilkooda. Markii hore dilalka Bajaajyada ayaa ku ekaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya balse waxaa hadda muuqato inay noqotay mid federal ah oo meel kasta lagu ugaarsanayo. Bajaajyada Muqdisho ayaa maalmo ka hor gadood sameeyey kadib markii laga dilay Darawal waxayna taas keentay in Bajaajleyda loo ogolaado inay isaga gudbaan Jidadka xiran ee Muqdisho kadib markii ay sheegeyn inaysan Canshuur bixin doonin haddii jidadka loo diido. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee M/Muqdisho. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya. Xubno ka tirsan golayaasha dowladda ayaa Madaxweyne Farmaajo ku wehlinaya socdaalkaasi. Lama shaacin waxa uu salka ku hayo safarkan, balse Madaxweynaha ayaa la sheegay in kulamo gaar gaar ah uu la qaadan doono madaxda sare ee dalkaasi. Masar ayaa ka mid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, iyadoona dhinacyo dhowr ah ka taageerto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
-
Xamar Jajab (SMN) – Cudurkan loo yaqaano Daacuun Caloolaha ayaa ka dilaacay xaafado ka tirsan degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir. Ruqiyo Nuur Cali oo ka mid ah dadka ku nool xaafadda Buulo Gaal Jecel ee degmadaasi ayaa Shabelle u xaqiijisay in uu cudurkan soo ritay illaa sadex caruur ah oo haatan la’il daran xanuunka Daacuun Caloolaha. Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir ayey ka dalbatay in ay wax ka qabtaan Qashin ay sheegtay in uu dhex ceegaago xaafadaasi. Sidoo kale waxa ay Ruqiyo intaasi ku dartay in ay baqdin xoog leh ka qabaan in uu sii faafo cudurkani, madaama nadaafad darro baahsan ay ka jirto halkaasi. Inta badan marka la gaaro xilliyada kuleelaha ayaa waxaa gudaha Soomaaliya ka dilaaca cuduro uu ka mid yahay Shuban Biyoodka. View the full article
-
Baladweyne (SMN) – Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle oo ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare,ku xigeenkiisa Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ku dhaliilay in ay wax ka qaban la’yihiin dhibaatooyinka dhanka nolosha ah i o mid amni ee haatan ka taagan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Xildhibaan Duniyo Daahir Dhicisow iyo Xildhibaan Tariik Ibraahim Axmed oo si wadajir ah Warbaahinta ula hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Madaxda sare ee HirShabelle aanu waxba u qaban dadka degan gobolladaasi, tan iyo markii loo doortay hoggaanka mamulkaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in ay indhaha ka laabteen dhibaatooyinka haatan ka jira guud ahaan dowlad goboleedka HirShabelle. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli xaalado daran oo dhinac nolosha ah ay ka taagan yihiin deegaano ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe ee maamulkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan dalka Masar. Ilo ka tirsan waaxda Warfaafinta Madaxtooyada ayaa Shabelle u xaqiijiyay safarka uu Madaxweynaha ku tagayo dalkaasi. Xubno ka mid ah golayaasha dowladda ayaa la sheegay in Madaxweynaha ay ku wehlinayaan socdaalkaasi. Lama shaacin u jeedada rasmiga ah ee ka dambeysa booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Qaahira. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaga sii horreeyay Masar, kaas oo kulamo la qaatay madax ka tirsan dalkaasi. Masar ayaa ka mid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, iyadoona ka taageerto dhinacyo dhowr ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu saxiixay heshiis Wasaaradu ay ku wareejisay 7-gaari oo looga talagalay howlawadeenada canshuuraha gobolka Banaadir, Dowlad goboleedyada Koofur galbeed iyo Hirshabeelle. Waxaanna madashii lagu saxiixayay goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow), ku-xigeenkiisa Maaliyadda iyo Wasiiradda Maaliyadda Dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo furayaasha gawaarida ku wareejiyay mas’uuliyiinta Dowlad goboleedka iyo gobolka Banaadir ayaa sheegay in Dowlad goboleedyada harayna ay ku wareejin doonaan gaadiid loo qoondeeyay oo diyaarsan ujeedkuna yahay xoojinta Hay’adaha canshuuraha heer gobol. Wasiirka Maaliyadda Maamulka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle oo ku hadlayay Afka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda Maaliyadda Gaadiidkani looga talagalay canshuur qaadista. Gaadiidkani ayaa qeyb ka ah dadaalo ay ku doonayso Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku horumariso Hay’adaha Maaliyadda ee heer gobol si loo gaaro isku filnaan ku dhisan iskaashi. View the full article
-
Qaahira (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa kulan la qaatay Ra’iisal wasaaraha dalkaas Mustafa Madbuuli, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka Dawladaha Soomaaliya iyo Masar. Madbuuli waxa uu bogaadiyey dadaalada dib u kabashada ah ee Soomaaliya ay samaysay sanadihii dambe, waxaana uu balan qaaday inay sii wadayaan taageerada ay siinayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Mudane Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya waxa uu sidoo kale shir guddoomiyey kulanka wasiirada arrimaha dibadda dalalka Jaaamacadda Carabta oo looga hadlay qadiyadda Falastiin iyo xaaladaha wadamada ururka ku jira. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkan Hoose ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos Riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-22042019-we.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa go’aamiyay in dacwadda wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon lagu qaado Maxkamadda gobolka maroodi-jeex sida uu ii sheegay garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil oo u doodaya. Maxkmadda gobolka maroodi-jeex ayaa hore u diiday in ay dhagaysato dacwadda Coldoon, iyadoo ku doodaysa in lagu celiyo Maxkamadaha Burco oo ah halka laga soo qabtay. Xeer ilaalinta iyo Booliska ayaa ka codsaday Maxkabadda sare in Hargeysa lagu qaado dacwaddan sababo ammaan Aw-geed. Source
-
Talking guns: The absurdity of Kenya’s proxy war in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A Somali soldier holds a machine gun during a patrol in the streets of Merka, 90kms north of Mogadishu, on September 2, [...] Source -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qiray inay Dowladiisa wajaheyso Xaalad dhaqaale xumo kadib laba sano oo uu dalka Madaxweyne ka ahaa. Madaxweynaha oo ka hadlayey Caqabadaha hor taagan Dowladdiisa ayaa soo bandhigay qodobo badan oo ay kamid aheyd dhaqaale xume, Siyaasiyiin dowladda ku kacsan iyo faragelin dhanka Beesha Caalamka. Isagoo ka hadlayay shirka Culimada ayaa sheegay in dhaqaale xumada heysata dowladnimada ay tahay canshuuraha oo aan loo qaadin sidii la rabay. “Waxaa intaas ugu daran dhaqaale xumo baahsan ayaa dowladda heysata, wax kale ma ahan aruurinta canshuuraha ayaa sidii la rabay aheyn”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Hadalka Madaxweynaha ayaa dood badan dhalisay maadaama ay kusoo aaday xilli Ra’isulwasaare Kheyre iyo Wasiirka Maaliyadda ay isku raaceyn in sare loo qaaday Dhaqaalaha dalka isla markaasna horumar laga sameeyey Dhakhli uruurinta Gudaha dalka. Dadka Falanqeeyo Arrimaha Dhaqaalaha ayaa aaminsan in dhaqaale xumada soo wajahday Dowladda uu hoggaamiye Madaxweyne Farmaajo ay sabab u tahay dowlado badan oo Soomaaliya ka joojiyey caawinaadii dhaqaale oo ay siin jireyn. Sababta keentay inay dowlado badan joojiyaan Caawinaadda dhaqaale ee Soomaaliya siin jireen ayaa lagu micneeyey tallaabooyinkii u dambeeyay ee dowladdu qaaday ee la xiriiray siyaasadda Arrimaha dibadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com