Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe, April 22, 2019: Shirka dib u eegista, soo bandhigidda, Dib u Habaynta iyo Casriyaynta Hay’addaha Dowladda oo maalinimadii shalay ahayd uu daah-furay Madaxweyne Ku-xigeenka [...] Source
  2. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Dalka Kenya ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya Ambassador Dr. [...] Source
  3. Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa kulan laqaatay madaxda iyo Saraakiisha Ciidamada PMPF. Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee booqashada ku tagey Xerada Ciidamada PMPF ayaa waxaa [...] Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali madaxda dowlad goboleedyada kulamo kala duwan ay ka wadaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen. Madaxweynaha Puntland ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay safiirka dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa waxayna ka wada hadleen arimo dhowr ah. Ambassador Dr. Mohammed Khayat Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya ayaa xusay in kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Puntland muhiimad gaara uu u leeyahay, isla markaana waxaa uu bogaadiyey horumarka Puntland ku tilaabsatay waxaana uu xusay in Boqortooyada Sacuudi Arabia ay sida ugu dhakhsiyaha badan ay Puntland uga samaynayso maalgashi balaaran. Dhinacyada ka shaqaynta amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga, ayuu madaxweyne Deni sheegay in kulankaan muhiimad gaar ahaaneed uu u lahaa, isagoona Madaxweynuhu safiirka uga mahadceliyey qaabilaadda heerkeedu sarayso ee uu kala kulmay Safaaradda dalka Sacuudiga iyo is af-garadka buuxa ee laga gaaray dhammaan arrimaha muhiim ka ah ee laga wada hadlay. Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo weli booqasho ku jooga Magalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxaa Maanta uu halkaasi kula kulmay safiirka dawladda Sweden u fadhiya Soomaliya. Madaxweyne Xaaf iyo Safiirka dawladda Sweden, ambassador. Andreas von Vexkull,ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada Soomaaliya sigaar ah tan degaanada Galmudug oo xilligaan dhibaatooyin kala duwan ay ka jiraan. Madaxweynahu wuxuu uga mahad celiyey dawladda Sweden hawsha adag ay ka wadaan Somalia gaar ahaanna kuwa ay ka wadaan Galmudug. Wuxuuna u bandhigay baahiyaha ka jira Galmudug loona baahan yahay in dawladda jarmalka gacan ka geysato. Horay ayaa Madaxweynaha Galmudug waxa uu ula kulmay safiirka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliya, Fulgencio Garido-Ruiz, isaga oo u sharaxay in Dowlada dhexe ay siyaasadeysay mashaariicdii horumarineed ee Galmudug caalamka ugu talagalay. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  5. Somaliland: Waddani Chair Expected To Return On Wednesday Hargeisa,(Qaran news)- The chair of Somaliland’s main opposition party and former Speaker of the Somaliland House of Representatives, Abdirhaman Mohamed Abdillahi “Cirro” is expected back in Somaliland on Wednesday, Apri 24th, 2019. Insha’Allah. The chair who has been in Europe for almost the past three months, on both official and personal business, will return to Somaliland, at a time that two other political parties, Kulmiye and UCID, have reached an agreement on the current impasse pertaining to the scheduled parliamentary and local elections. The prolonged absence of the chair has had an effect on the party, which needed focused leadership at a crucial time. Although both interim chair, Abdilqadir Ismail Jirde and Party Leader, Xersi Haji Ali Hassan, have done their best to fill in the void, the past few months have seen Waddani outmaneuvered on the political front by the ruling Kulmiye party. With the parliamentary and local elections scheduled for December, 2019, Waddani needs to get its programme across to the Somaliland voters, and prepare for the elections. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta beri ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta golaha shacabka oo xildhibaanada ay ku shiraan. Kulanka xildhibaanada baarlamaanka ku yeelanayaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu qeyb ka yahay kulamada maalmihii ugu dambeeyay xildhibanada ku yeelanayeen golaha shacabka. Kulanka maalinta beri ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa xildhibaanada waxay warbixin kaga dhageysanayaan guddiga madaxa banaan ee xuduudaha dalka, sida guddoonka baarlamaanka uu sheegay. “Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta beri ah warbixin ka dhageysanaya guddiga madaxa banaan ee xuduudaha” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska guddoonka baarlamaanka. Kulamada baarlamaanka ee Kalfadhiga Shanaad ayaa buuq badan dhaliyay, walow markii dambe la xaliyay khilaafka ka dhex yimid xildhibaanada baarlamaanka. Kulamadii ugu dambeeyay ayaa lagula xisaabtamay islamarkaana warbixino looga dhageystay guddiga doorashada madaxa banaan ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Somaliland: Kulmiye & UCID Reach A Deal Over Elections & NEC Hargeisa,(Qaran news)-The ruling party of Somaliland, Kulmiye and the opposition party of UCID have reached an agreement over the proposed parliamentary and local elections scheduled for December 2019. According a joint communique issued today, Tuesday, April 23rd, 2019, the two parties agreed on the following points. 1. That the scheduled parliamentary and local elections take place on December 2019. 2. That the Somaliland National Elections Commission, (NEC) begin the necessary work to prepare for the elections. 3. That on 1st of August 2019, a new Commission should be selected, consisting of seven members. Both the current and new Commission will work together in a training and assisting capacity, although, the current Commission will be responsible for organizing and holding the elections. 4. That the new Commission should be expanded to nine members, with the addition of two new members at a date to be determined after the 1st of August, 2019. 5. That Kulmiye and UCID call for all Somaliland political parties to participate in the elections and work together for the good of the country. 6. That a new Monitoring Group be created consisting of members for the donor nations and a select group from Somaliland’s civil, academic and legal sector. That the donor nations proceed with the funding for the elections, and that the NEC issue the timetable for voter registration, campaign dates, technical facilities and other matters pertaining to holding the elections. Finally, the two parties stated in their agreement, their commitment to the democratic institutions of Somaliland. It is not clear, what the response will be from Somaliland’s main opposition party, Waddani, who had steadfastly refused to accept the holding of any further elections by the current NEC. Qaran News
  8. Shirkii Farmaajo iyo kooxihii Mucaaradka ku ahaa Xukumadii Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku yesheen magaalada Nairobi ee Dalka Kenya sannadkii 2016 Shirkii Hogaamiyaayasha Mucaaridka ku [...] Source
  9. Jaaliyada Puntland ee Dalka Denmark oo Xaruntoodu tahay Caasimada abaad ee Aaarhus ayaa ugu horayn ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland [...] Source
  10. Madaxweynaha iyo safiirka Nairobi, April, 23, 2019 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Dalka Kenya ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya Ambassador Dr. Mohammed Khayat iyo ku-xigeenkiisa. Kulanka oo muhiimad balaadhan u lahaa Puntland ayaa waxaa looga hadlay xidhiidhka ganacsi, siyaasi ee Puntland iyo dalka Sacuudiga, iyo sidii dalka Sacuudigu ay Puntland gacan uga siin-lahaayeen la dagaalanka argagixisada, Amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga waxaana uu ku soo dhaammaaday guul iyo is afgarad. Ambassador Dr. Mohammed Khayat ayaa xusay in kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Dowladda Puntland muhiimad gaara uu u leeyahay, isla markaana waxaa uu bogaadiyey horumarka baaaladhan ee Puntland ku tilaabsatay waxaana uu xusay in Boqortooyada Sacuudi Arabia ay sida ugu dhakhsiyaha badan ay Puntland uga samaynayso maalgashi balaadhan. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in muhiimad balaadhan uu u leeyahay kulan kan Dowladda Puntland, khaasatan dhinacyada ka shaqaynta amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga, isagoona Madaxweynuhu safiirka uga mahadceliyey qaabilaadda heerkeedu sarayso ee uu kala kulmay Safaaradda dalka Sacuudiga iyo is af-garadka buuxa ee laga gaadhay dhammaan arrimaha muhiim ka ah ee kor ku xusan. _DHAMMAAD_ The post War-saxaafadeed: Dowladda Puntland iyo boqortooyada Sacuudiga oo iska kaashanaya la’daagaallanka argagixisada appeared first on Puntland Post.
  11. Washington (Caasimadda Online) – Warbixin cusub oo lasoo saaray ayaa muujineysa in Ilhaan Cumar ay wajaheyso eedeyn culus oo ku saabsan inay buunbuunisay tirada dadka Soomaalida ah ee lagu dilay howlgalkii ay Milatariga Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen sanadkii 1993-kii. Howlgalkaas oo ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha loo yaqaanno Black Hawk ayaa laga sameeyay filim lagu magacaabay “Black Hawk Down”, oo laga malatay sida ay wax u dhacayeen. Sida ku xusan warbixinta, Ilhaan Cumar oo lagu yaqaanno inay hadal kulushahay ayaa sheegtay in “kumannaan” qof ay ku dhinteen dagaalkii uu Mareykanka ku galay magaalada Muqdisho. Haase ahaatee, xildhibaanaddan aqalka Koongareeska u matasha gobolka Minnesota ayaa hadalkaas Twitter-keeda ku qortay mar sii horreysay, waxaana warbixintan shaacisay hay’ad baaritaanno ku sameysa arrimaha la xiriira argagixisada. Isniintii ayaa dib loo soo saaray qoraalkan oo ay Ilhaan kusoo bandhigtay barteeda Twitter-ka sannadkii 2017-kii. “Xasuustiisa gaarka ah, wuxuu illoobay inuu ku soo hadal qaado kumanaanka Soomaalida ah ee ay maalintaas dileen askarta Mareykanka!”, sidaas ayey Ilhaan Cumar ku qortay Twitter-ka, mar ay ka jawaabeysay hadal uu qof ka mid ah dadka bartaas isticmaala ku xusay in dagaalkii Muqdisho Mareykanka looga dilay 19 askari, 73 kalena looga dhaawacay. Qiyaasta lagu sameeyo dadkii Soomaalida ahaa ee xilligaas la dilay ayaa lagu kala duwan yahay, dadka qaar waxay ku sheegaan 133 ruux halka kuwo kalena ay gaarsiiyaan ilaa 1,000 qof, balse laguma tilmaamo “kumannaan”, sida ay qortay warbaahinta Fox News. Dadka dhaleeceeyay Ilhaan, oo ay ka mid yihiin rugcaddaayadii ka qeyb galay dagaalkaas ayaa eedeyn culus u jeediyay gabadhan oo ka mid ahayd dadkii qaxootiga ahaa ee ka tagay Soomaaliya, haddana noqotay mid ka mid ah haweenkii muslimiinta ahaa ee ugu horreeyay aqalka Koongareeska. “Ciidankeenna aad baa looga tiro batay, waxayna u dagaallamayeen inay naftooda difaacaan. Dhammaan maleyshiyaadka Soomaalida ah waxay u carari kareen meesha ay doonaan laakiin kuweenna wax waddo ah uma aysan furneyn”, waxaa sidaas yidhi Mike Durant, oo ah sarkaal howlgab noqday. Mr Durant ayaa ahaa duuliyihii diyaaraddiisa dhulka lasoo dhigay 3-dii bishii Oktober ee sannadkii 1993-kii, kadibna ay afduubteen xoogaggii Muqdisho ka dagaallamayay. Ilhaan Cumar ayaa dhowr jeer jeedisay hadallo liddi ku ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyadoo mar sii horreysayna lagu dhaliilay inay soo qortay hadal muujinaya waxa loogu yeeray “Yahuud Naceyb”. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
  12. Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska dowladda Puntland, ayaa maanta magaalada Garoowe ka furtay, kulan ku saabsan, sidii gabdhaha ka shaqeeya xarumaha degmooyinka ay goobahooda shaqada uga heli lahaayeen meelo ay ku nastaan. kulanka ayaa loo qabtay mas’uuliyiinta degmooyinka; Garoowe, Gaalkacyo, Qardho iyo Boosaaso iyo xubno ka kala socday degmooyinkaasi afarta oo wasaaraddu ka samaysay xog uruurin ku aaddan baahida ay gabdhaha degmooyinka ka shaqeeya u qabaan helista jawi ay ku nastaan. Duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse oo ugu horrayn kulanka faahfaahiyay, ayaa sheegay in kulanka ku saabsanyahay, ansixinta xogta ay soo uruurisay wasaaaradda ee ku aaddan in gabdhaha degmooyinka ka shaqeeyaa helaan jawi ay ku shaqeyn karaan iyo meelo ay kaga nastaan shaqada. Duqa ayaa sidoo kale sheegay in gabdhaha ka shaqeeya degmadiisa, ay haystaan jawi shaqadooda ku habboon, ayna ka caawiyaan culaysyada ay shaqada kala kulmaan, islamarkaana fasaxyo siiyaan, isagoo ku baaqay in degmooyinka oo dhan sidaasi laga sameeyo. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska dowladda Puntland, Sahra Axmed Xirsi, ayaa dhankeeda kulanka ka sheegtay in macluumaad iyo xog-uruurin wasaaraddu ka samaysay degmooyinka lagu ogaaday, in gabdhaha ka shaqeeya xarumaha degmooyinka ay u baahan yihiin jawi shaqadooda ku habboon iyo in ay helaan gooba ay ku nastaan. Kulanka oo socon doona mudda laba maalmood ah, ayaa looga doodi doona macluumaadka la xiriira baahida gabdhuhu u qabaan jawi ku wanaagsan shaqadooda, macluumaadkaasi oo laga soo uruuriyay degmooyin, iyadoo ugu dambeyntii xog-uruurinta la ansixin doono. halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Garoowe: Kulan ku saabsan sidii gabdhaha xarumaha degmooyinka ka shaqeeya jawi nasasho u heli lahaayeen appeared first on Puntland Post.
  13. Qaahira (SMN) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxeed ku saabsan xaaladaha dalalka Suudaan iyo Liibiya ayaa la kulmay Madaxweynaha Dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Masar dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka. Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Masar garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo uu kala dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo dheef wadaag. Dhankiisa, Madaxweyne Al-siisi ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweyne Cabdulfataax Al-sisi waxa uu adkeeyey muhiimadda ay u leedahay dalkiisa in ay si dhaw ula tashadaan, kalana kaashadaan Dowladda Soomaaliya qorsheyaashooda heer qaaradeed muddada xil-madaxeedkiisa Midowga Afrika. Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u sheegay dhiggiisa Dalka Masar in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin dadaallada heer qaaradeed, maadama uu haatan Guddoon u yahay Midowga Afrika. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  14. (SLT-Vladivostok)- Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa maalmaha soo socda booqasho ku tagi doona dalka Ruushka, halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin. Warbaahinta Waqooyiga Kuuriya ayaa xaqiijisay maanta in labada Hoggaamiye ay ka wada-hadli doonaan arrimo badan, iyadoo markii u horreysay ay noqoneyso kulanka Kim iyo Putin. Kulankan ayaa ka dhici doona dhammaadka bishan April magaalada Vladivostok oo u dhow xuduuda Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya. Wada-hadalada labada hoggaamiye ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, iyadoo wada hadaladii bishii February dhex-maray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Kim Jong Un uu ku dhamaaday natiijo la’aan. Midowgii Soviet iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa ahaa xulufo, waxayna lahaayeen iskaashi dhaqaale iyo kaalmo uu Midowgii Soviet siin jiray Waqooyiga Kuuriya. Source
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxeed ku saabsan xaaladaha dalalka Suudaan iyo Liibiya ayaa la kulmay Madaxweynaha Dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Masar dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka. Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Masar garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo uu kala dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo dheef wadaag. Dhankiisa, Madaxweyne Al-siisi ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweyne Cabdulfataax Al-sisi waxa uu adkeeyey muhiimadda ay u leedahay dalkiisa in ay si dhaw ula tashadaan, kalana kaashadaan Dowladda Soomaaliya qorsheyaashooda heer qaaradeed muddada xil-madaxeedkiisa Midowga Afrika. Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u sheegay dhiggiisa Dalka Masar in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin dadaallada heer qaaradeed, maadama uu haatan Guddoon u yahay Midowga Afrika. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhigiisa Masar appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhawaan codsaday in laga shaqeeyo sidii loo wada hadalsiin lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxda Argagixisada xiriirka la leh ee Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa baaqaas ka jeediyey kulankii ay dhawaan yeesheen culimada Soomaaliyeed halkaas oo uu Farmaajo culimada uga codsaday inay ka shaqeeyaan sidii ay u wada hadalsiin lahaayeen AL-Shabaab iyo Dowladda Dhexe. Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga kala yimid, caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin, qabyaaladda iyo musuq maasuqa. Baaqii Madaxweyne Farmaajo ayaa durba waxaa ka jawaabay Culimada Soomaaliyeed, waxayna sheegeyn inay arrintaas diyaar u yihiin. Sheekh Xasan Jaamici oo kamida Culimada kulanka uga soconaya Magaalada Mogadisho ayaa sheegay in diyaar u yihiin wadahadalsiinta Al-ShabAab iyo dowladda, ayna fududahay arintaasi. Shiikh ayaa Dowladda Soomaaliya ka codsaday inay u fasaxdo inay tagaan deegaanada ay Al-Shabaab maamulaan si ay dhinacaas ula kulmaan isla markaasna ay ka dhaadhacsiiyaan inay la hadlaan Dowladda Dhexe. Kooxda Al-Shabaab ayaa horey dhawr jeer ugu celcelisay inaysan marnaba wadahadal la geli doonin Dowladda Soomaaliya inta ay Soomaaliya ku sugan yihiin Ciidamada AMISOM. Lama yaqaan sid ay ku suurtageli karto wadahadal dhexmaro Dowladda Dhexe iyo Al-Shabaab iyadoo la ogyahay meesha ay la Al-Shabaab ka joogaan inay wadahadal la furaan Dowlada Soomaaliya oo ay ku arkaan in madaxdeeda ay ka baxeyn Diinta Islaamka. Halkaan hoose ka dhageyso codka Shiikha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Dhageyso-Dowladda-Somalia-iyo-Al-Shabaab-oo-la-wadahadal-siinayo-Radio-Risaala-Somali-News-Online.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Siyaasi Cali Canter Oo Qaaday Jidkii Uu Ku Canaanan Jiray Siyaasi Duur Iyo Waabeeye & Soo Dhaweynta Madaxweyne Biixi Oo Uu Saf U Galay . Guddoomiyaha gudida anshax marinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Siyaasi Cali Axmed Canter oo hore siyaasiyiin Xisbigaasi ka tirsan ugu eedayn jiray ka qayb-galka munaasabadaha ay madaxtooyaddu agaasinto ayaa isagu doraad saf u galay soo dhaweyntii Madaxweyne Biixi loogu sameeyey madaarkar Hargeysa ka dib markii uu kasoo laabtay Madaxweynuhu socdaalkii uu ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta,waxaanu hadda u muuqdaa siyaasi Cali Canter mid cagta saaray jidkii uu hore ugu canaan jiray saxiibadiisa Xisbiga WADDANI qaarkood , kaasi oo ugu hanjabi jiray in Xisbiga laga saari doono oo lagu samayn doono anshax marin, waxaana la is weydiinayaa waxa iska badelay mawqifkliisii hore Siyaasi Cali Canter ayaa si kadis ah uga soo dhex muuqday masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo madaarka Hargeysa safaf u galay salaanta Madaxweyne Biixi iyo soo dhaweyntiisa. Dhanka kalene Siyaasi Cali Axmed Canter ayaa bishii Maraj ee aynu kasoo gudubnay siyaasi Duur ku eedeeyey in aanu xisbigooda haba yaraatee ku matalin ka qayb galka munaasibad lagu qabtay magaalada Hargeysa oo lagu dhagax dhigayey dhismaha jidka isku xidha Wajaale iyo Berbera,waxaanu Cali canter sheegay inuu Xisbigooda dhawaan war qoraal ah ka soo saari doono inaanu Siyaasigaasi ka mid ahayn Xisbiga Waddani, isagoo ku haystay munaasabadaa uu ka qayb-galay ee ay Xukuumaddu agaasintay Isagoo arrimahaasi ka hadlaya Cali Canter ayaa sheegay sidan:“ Xisbiga WADDANI haddii aanu nahayna annaga naguma matelo isaga ayaan danihiisa u tegay oo hawlihiisa u tegay , waana nin siyaasi ah oo madax-banaan cidduu doono wuu u tegi karaa, lakiin kuma mateli karro Xisbiga WADDANI , waayo Xisbiga WADDANI Xukuumadda arrimo badan ayaanu isku haynaa ilaa aanu arrimahaa ka heshiino fadhiyaddii ugu dambeeyey waanu ku kala kacnay ilaa aanu ku heshiino waxaanu ugu tegaynaa ma jirto .” Waxaanu intaasi ku sii daray “Qoraal rasmi ah ayaanu u soo saari doonaa war-baahinta in aanu ku jirin duur carraale Xisbiga aanu metelina , Duur Caraale isaga ayaa iskii ugu tegay Xisbiga oo jeclaaday mar haddi aanu ka hadhnay doorashadii wuxuu jeclaaday Dowlada joogta inuu la shaqaysto .” Geesta kalene Siyaasi Cali Canter ayaa sidoo kale munaasabad ay ka qayb-galeen Xildhibaan Waabeeyo iyo siyaasi duur sanadkii ina dhaafay, taasi oo ahayd mid ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi agaasintay ku eedeeyey labadaa siyaasi inay ka baxeen xayndaabka Xisbiga , isla markaana la anshax marin doono,, basle hadda ayaa isagii u muuqdaa Cali Canter mid qaaday dhabihii uu hore ugu canaanan jirey Siyaasiyiintaasi kale. Qaran News
  18. Muxuu Cali Guray Ka Yidhi Shakhsiyaaad Mucaaradi Jiray Siilaanyo Oo Madaxweyne Biixi Ka Aamusay? Siyaasiyiin badan oo miisaan ku lahaa saaxada siyaasadda Somaliland oo iskugu jira Mujaahidiin, Siyaasiyiin iyo Madaxweyne ku xigeenadii hore ee soo maray Somaliland,ayaa gebi ahaan-ba hadda si toos ah uga muquurta ka haddalka xaaladaha dalka ka jiray, kuwaas oo cahdigii Xukuumaddii Axmed Siilaanyo ka hadli jiray xaaladaha ka alloosnaa dalka, isla markaana dhaliilo kala duwan dusha u saari jiray Xukuumaddaasi,iyagoo hadda ka muquurtay saaxada siyaasadda Somaliland tan iyo wakhtigii uu talada dalka qabtay Madaxweyne Biixi, waxaana la sheegayaa inuu jiro is fahan hoose uu dhex-maray Madaxweyne Biixi iyo xubnahaasi Siyaasiyiinta ka muquurtay saaxada siyaasadda Somaliland iyo ka haddalka xaaladaha dalka tan iyo wakhtigii uu hoggaanka dalka qabtay Madaxweyne Biixi, ayaa waxa kamid ah Odayaashii madasha wada tashiga iyo toosinta Somaliland isku bahaystay, kuwaas oo ay kamid ahayeen Mujaahid Xasan Guure,Mujaahid dhega weyne, Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi, Prof Cabdisalan Yaasiin iyo xubno kale, iyadoo ay xusid mudan tahay in Madashu ay wakhtigii Madaxweyne Siilaanyo talada dalka hayey inay ka hadli jireen xaaladaha dalka ka alloosan , isla markaana ay dhaliilo u jeedin jireen, waxaanay xuluufadaasi Madasha ku bahowday ay cahdigaasi ahayeen kuwa shirar saxaafadeed-yo is daba jooga qaban jiray oo ay ku dhaliili jireen Xukuumaddaasi Siilaanyo, haseyeeshee tan iyo wakhtigii uu Madaxweyne Biixi xilka qabtay ayey noqdeen kuwa ka gaabsatay ka haddalka xaaladaha dalka oo ay gebi ahaan-ba ka muquurteen Xoggo kala duwan oo laga hellayo illo wareed-yo kale gedisan ayaa sheegaya in odayaasha Madasha iyo Madaxweyne Biixi uu jiro is fahan hoose oo u dhaxeeya, kaasi oo ah in aanay Xukuumaddiisa ka hor iman isla markaana aanay dhaliil iyo toosan mid-na war-baahinta u marini, balse ay wixii talo iyo toosin ah si hoos isaga ula wadaagaan, isla markaana uu albaabkiisu u furan yahay xili kasta Dhanka kale kalene Siyaasi Cali Guray oo kamid ah isaga laftiisu siyaasiyiintii dhaliili jiray Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo , haseyeeshaa hadda afka ka xidhay Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa isagu arrintaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay Bogga Facbuuga uu ku leeyahay kaasi oo u dhignaa sidan “Maxmed Xaashi mee? Xasan Guure mee? Boobe mee? Ibraahin Dhegawayne me? Caligurey mee?Raggan badankoodu CIRKIYO DHULKA MEEL DHEXDOODA AHOON DHANABA JIRIN BAY DHACDHACAYAANE ISKA DAAYA. Maxamed Xaashi isagu waa Muuse saaxiibkii muddo ayay kala baadeen malahase hadda dib ayaabay isu heleen. Mooyi ma hubo.”Ayuu ku yidhi Cali Gurey qoraalkiisa Geesta kalene Madaxweyne ku-xigeenadii hore ee soo maray Somaliland ayaa iyana u muuqda wakhtigan kuwa ka muquurtay ka hadalka xaaladaha dalka iyagoo tan iyo markii uu Madaxweyne Biixi talada dalka qabtay ay yihiin kuwa aan ka haddal xaaladaha dalka, halka ay cahdigii Madaxweyne Siilaanyo isku bahaysan jireen ka haddalka xaaladaha dalka ka jira oo ay keli keli iyo wadar jirba uga hadli jireen xaalada dalku uu marayo , balse bulshada reer Somalilana ayaa ah hadda kuwa su’aalo badan iska weydiinaya waxaay uga aamuseen inay ka hadlaan xaaladaha kala jeedka ah ee dalka ka taagan. Qaran News
  19. Baardheere (Caasimadda Online) – Taliska Hay’adada nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ee NISA ayaa Goordhow waxa uu sheegay in labada Sarkaal oo ka tirsan Dagaalamayaasha Al-shabaab ay isku dhiibeen maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo. Jubbaland ayaa sheegtay in mid kamid ah Saraakiishii ka tirsanaa Al-shabaab ee iska dhiibay Baardheere lagu magacaabo Aadan coobe oo loo yaqaano Maxamed Qani,iyagoona ahaa kuwo aad looga yaqaano deegaanada Jubbaland. “Labo Sargaal oo ka tirsanaa Ururka nabad diidka ah ee Al-Shabaab ayaa gordhow isku dhiibay maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, midka ka mid ayaa lagu sheegay magaciisa Adan Coobe oo oo siwayn looga yaqaano deegaanada Jubbaland” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Taliska NISA ee Jubbaland. Ciidanka maamulka Jubbaland waxaa ay sheegeen in isasoo dhiibidda raggaan ay timid ka dib markii la xoojiyay howlgallada ka socda degmada Baardheere iyo degaanada hoos yimaada. Ma’ahan markii ugu horreysay oo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay iska dhiibaan deegaanada Jubbaland,welina ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan in Saraakiil ka tirsanaa iga ay isku dhiibeen maamulka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  20. Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaa maanta laga daah-furay, tababar kor loogu qaadayo aqoonta dhinaca Technology-ga. ee shaqaalaha wasaaradda warfaafinta Puntland. Tababarkan oo ay iska kaashanayaan wasaaradda Isgaarsiinta Boostada iyo Technology-ga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa waxa fulinaysa shirkadda Horumarinta dadka iyo shaqaalaha ee Agaasin, waxaana ka faa’idaysanaya 20 qof oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradda warfaafinta Puntland. Tababarkan oo socon doona mudda 30 cisha, ayaa shaqaalaha lagu barayaa kaydinta xogta, cillad-bixinta Computers-ka, guud ahaan farsamada la xiriirta Technology-ga iyo xirfadaha kale ee aysan shaqaaluhu ka maarmin. Wasiirka warfaafinta, Isgaarsiinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Puntland, Cali Xassan Axmed (Sabareey) ayaa daah-furay tababarkan oo ay goob-joog ahaayeen, madax ka socotay World Bank, agaasimaha wakaaladda Horumarinta iyo Technology-giyadda Puntland, maamulka sare ee shirkadda Agaasin oo fulinaysa tababarkan iyo mas’uuliyiin kale. Wasiirka ayaa shaqaalaha ku boorriyay in ay si wanaagsan uga faa’idaystan fursaddan tababar ee lagu tayeynayo farsamooyinka iyo xirfadahooda shaqo, isago u mahadceliyay dhammaan dhinacyada iska kaashaday tababarkan. Tababar sare, Cabdirashiid Ciise Cusmaan oo ku hadlay afka shirkadda Agaasin ee tababarkan bixinaysa, ayaa sheegay in ay shaqaalaha ku tababari doonaan mowduucyo muhiima oo ay kamid yihiin; kaydinta iyo maamulidda xogta iyo sidoo kale farsamooyinka casriga ee dhanka Technology-ga. Madaxa shirkadda Agaasin, Maxamuud Cabdi Xaaji Cumar oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka tababarka, ayaa sheegay in shirkaddiisu ka shaqeyso Horumarinta xirfadda iyo farsamooyinka ay ku shaqeeyaan shaqaalaha kala duwan, hagaajinta xafiisyada, samaynta cilmi-baarista iyo qabashada tababarada lagu horumarinayo dadka. Sidoo kale wuxuu xusay in tababarkan ay fulinayaan ujeedkiisu yahay sidii shaqaaluhu xafiisyada ugu shaqeyn lahaayeen habka ugu horumarsan ee wax soo saarka fiican. Dhammaan mas’uuliyiintii kale ee halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay sida nidaamsan ee loo agaasimay tababarkan, waxaana ay shaqaalaha ku boorriyeen in ay ka faa’idaystaan aqoonta uu xambaarsanyahay. Halkan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Shaqaale ka tirsan wasaaradda Warfaafinta Puntland oo tababar looga furay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  21. Egypt’s President Abdel-Fattah El-Sisi met on Tuesday morning in Cairo with his counterparts from Somalia and South Africa ahead of two meetings set to take place in the Egyptian capital today under the umbrella of the African Union (AU) to discuss the ongoing crises in Sudan and Libya. During the meeting with Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, El-Sisi stressed Egypt’s unwavering support for Somalia’s unity, according to a statement by Egyptian presidency spokesman Bassam Rady. The meetings on Sudan and Libya, which will be hosted later today by President El-Sisi as the current chairman of the AU for 2019, will be attended by leaders from Chad, Djibouti, Rwanda, Congo, Somalia, and South Africa. Also participating in the meetings on Sudan and Libya will be the chief of the AU commission, the Ethiopian deputy prime minister, the South Sudanese advisor for security affairs, as well as officials from Uganda and Nigeria. The meeting on Sudan aims to discuss the developing conditions in Sudan and boosting joint work and consultations over the best methods to deal with developments in the country and continuing to support stability and peace. After meeting the Somali President, the Egyptian President met with his South African counterpart Cyril Ramaphosa, where they discussed African affairs of common interest, according to Rady. El-Sisi expressed to President Mohamed Farmaajo Egypt’s keenness to boost bilateral cooperation and offered any support Somalia needs in its efforts to build up its institutions and ensure security and stability. Meanwhile, the Somali president praised Egypt’s historical role in supporting Somalia and its efforts to help the country achieve peace and security. El-Sisi’s meeting with President Mohamed Farmaajo, which was attended by Egyptian Foreign Minister Sameh Shoukry and intelligence chief Abbas Kamel, also saw discussions on steps undertaken by Somalia’s central government to achieve peace and stability in the country. The Egyptian President also met with his South African counterpart Cyril Ramaphosa, where they discussed African affairs of common interest, according to Rady. View the full article
  22. Jowhar (SMN) – Rag hubeysan oo burcad ah ayaa lagu soo warramayaa in maanta dhac baasan ay u geysteen gawaari Xumuul ah oo marayay inta u dhexeysa deegaanka Qalimow iyo degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Raggan oo ku hubeysnaa Qoryaha fudud ayaa la sheegay in ay dhabaha u galeen gaadiidkaasi, islamarkaana rakaabkii saarnaa ay ka qaateen wixii ay siteen. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo HirShabelle oo ku aadan dhacaasi. Inta badan waxaa waddooyinka isku xira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ka dhaca dhibaatooyin xoogan oo loo geysto dadka rayidka ah ee isaga kala goosha gobolladaasi. View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Haweenka xaamilada ah ayaa waxaa xilliga dhalmada soo wajaha xaalad adag oo ah in la kala badbaadiyo iyada iyo ubadka ay Caloosha ku sido tallaabadaas oo ugu dambeyn sababta in Hooyada lagu sameeyo qaliin, balse waxaa jira haween si caadi ah u dhala, iyagoo aan marin wax qaliin ah. Inta badan Soomaalida ayaa neceb qaliinka oo ay u arkaan in haweeneydu ay dhibato ka dhaxli karto mustqabkeeda dambe. Haddaba warbixin ku aadan arrimahaasi waxaa diyaariyay oo u kuur galayay Wariyaha Shabelle Jaamac Kadiye. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warbixin-Jaamac-Kadiye-Haweenka-Qalinka-.mp3 View the full article
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Lataliyha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka siyaasada Salaad Cali Jeele oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay shirkii Shalay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay ku yeesheen Xubnaha mucaaradka ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya. Salaad Cali Jeele ayaa waxaa uu sheegay in shirkii Nairobi uu ahaa mid lagu duminayo dowladda Soomaaliya, islamarkaana beesha caalamka la tusayay in soomaaliya ay dib u laabatay oo aan wax ka jirin sida ay wax u sheegeen. Sidoo kale Salaad Cali Jeele ayaa waxaa uu mucaaradka ku eedeeyay in ay fowdo ku wadaan dowladda, islamarkaana waxaa uu shacabka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Midnimada soomaliyeed , isgoona ka dalbaday in ay iska ilaaliyeen kooxaha Argagixisada ah waa sida uu hadalka u dhigay. Hadalka Salaad Cali Jeele ayaa kusoo aadayo xili Shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay shir ku yeesheen siyaasiyiin Soomaali ah, kuwaas oo sheegay in aysan la dhacsaneyn siyaasadda dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Siyaasiyiinta oo u badan xildhibaano iyo wasiiro hore aya ka hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga, wadahadalada Somaliland, maqaamka Muqdisho, xuquuqda shacabka iyo jahwareer siyaasadeed oo ay shegeen in uu ka taagan yahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxayna farta ku fiiqeen baahida loo qabo in dowladda ay wax ka qabato arrimahaas oo dhan. Inkastoo iska caddahay in marwalba la hela siyaasiyiin aan la dhacsaneyn siyaasadaha dowladda markaa xilka hayso, ayaa waxa horay u dhici jirtay in magaalada Addis Ababa laga taageri jiray siyaasiyiinta Soomaalida iyo madaxda maammul goboleedyada ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com