Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe, April 24, 2019, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray Hirgelinta iyo fulinta xeerka kofsiga, iyada oo [...] Source
  2. At least one soldier was reported to have been killed and 5 others wounded in a grenade attack on a Somali military training camp in Jowhar, which serves as Middle Shabelle regional capital on Tuesday night. Following the explosion, Somali security forces launched a search operation across town’s villages and subsequently arrested several suspects on suspicion of the attack. The local authorities did not comment on the incident. There was no immediate claim of responsibility for the attack, but, police pointed the finger of the blame at Al-Shabaab which frequently carries out bombings in the country. Jowhar, which is located some 90 kilometers away from Mogadishu, the Somali capital has been relatively calm with no attacks reported. View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Qatar iyo dawladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay soo kala dhex gashay xurguf diblomaasiyadeed oo aan weli banaanka u soo bixin. Xurguftan ayaa ka dhalatay ka dib markii ay shirkadda Talyaaniga ah ee ENI qodis shidaal ka bilowday dhul badeedka ay Kenya iyo Soomaaliya isku hayaan, iyadoo ay Kenya shirkadan Talyaaniga ah ogolaansho u siisay inay dhulkan muranku ka taaganyahay ka bilowdo qodis. Shirkadda Qatar petroleum ayaa saami ku leh shirkadan Talyaaniga ah, waxaanay saamiyada Qatar ee shirkadani u badantahay hawlgalo shidaal baadhis ah oo ay shirkadan Talyaaniga ka wado dalal ka tirsan qaaradda Afrika. Dawladda Soomaaliya ayaa wakhti hore ku eedaysay shirkadan Talyaaniga ah ee ENI inay Kenya ka iibsatay aagag shidaal oo ku yaala dhul badeedka ay ku muransanyihiin Soomaaliya iyo Kenya. Dawladda Soomaaliya ayaa u aragta dawladda Qatar inay muranka xuduudka badda ee Kenya iyo Soomaaliya ay la safatay Kenya maadaama oo ay shirkadda ENI ee ay Qatar saamiga ku leedahay ka bilowday dhulka lagu muransanyahay qodis. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa khilaafka wadamada gacanka Carabta wuxuu la saftay dawladda Qatar, waxaanu ka diiday isbahaysiga Sucuudiga ee UAE ay ka mid tahay inuu xidhiidhka u jaro dawladda Qatar. Hase yeeshee sannado ka dib hadda waxa muuqata inay Qatar iyo Farmaajo kala durkayaan, waxaanu Farmaajo toddobaadkan socdaal ku tagay dalka Sucuudiga, iyadoo uu Sucuudiguna Jimcihii Muqdisho u diray Wasiir-dowlaha Sacuudiga ugu qaabilsan Arrimaha Afrika, Axmed Bin C/casiis Qadaani oo Farmaajo soo gaadhsiiyay casuumad uu u soo diray boqorka Sucuudiga oo ku saabsan ka qayb galka shir dalalka kaabiga ku haya badda cas iyo gacanka Carabta oo qabsan doona shirweyne. Source
  4. Garoowe, April 24, 2019, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna ku-simaha Madaxweynha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray Hirgelinta iyo fulinta xeerka kofsiga, iyada oo la tixraacayo go’aankii kasoo baxay shirkii Golaha Xukuumadda ee Khamiistii oo taarikhdu ahayd April, 17, 2019. Xeerka kufsiga fulintiisa iyo maarayntiisa ayaa waxaa horay loogu magacaabay Wasiiradda Wasaaraddaha Haweenka, Cadaaladda, Caafimaadka, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Danbi Baarista, Guddoomiyaha Guddiga Xuuqda Aadanaha iyo Guddiga Sare ee Garsoorka. Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo tixraacaya Qodobka 37-aad ee lagu aas-aasay Guddiga gaarka ah ee fullinta iyo Maraynta arrimaha la xiriira danbiyada kufsiga si waafaqsan sharciga ayaa waxaa guddigaas lagu xoojiyey Hay’addaha Dowladda ee kala ah Madaxtooyada iyo Wasaaraddaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha. Ugu dambeyntii Guddigan uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna ku-simaha Madaxweynha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa ay u xilsaaaran yihiin qodobada hoos ku qoron 1. Hubinta iyo dabagalka fulinta xukumada kufsiga, 2. Maareynta iyo u kuurgelidda arrimaha ku saabsan kufsiga, 3. Baarista haddii ay jiraan waxyaalo dhiiri gelinaya ama cid ka danbeysa soo noqnoqoshada ficilka kufsiga dilku la socdo, 4. Dib u eegista iyo ka talo bixinta awoodaha iyo hanaanka shaqo ee Hay’addaha ku shaqada leh arrimaha kufsiga. _DHAMMAAD_ The post Faafin: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Amray Hirgelinta Iyo Fulinta Xeerka Kufsiga. appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Hargeysa)-Xaalada Caafimaad ee Wariye maalintii Axadda Ciidanka Booliska Somaliland Dhaawac u geysteen ayaa ka soo raynaysa, inkasta oo ay Saraakiisha Caafimaadku natiijooyin is-khilaafsan ka soo saareen heerka dhaawaca uu ka qabo Qaarka dambe ee Miskaha. Wariye Khadar Macalin Deeq oo ah Tafaftiraha Telefishanka Bulshotv iyo soo saareyaasha Wargeyska Madaxbanaan ee Saxansaxo, ayaa maalintii saddexaad yaalla Cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Gargaar, kaddib markii uu dhaawac u geystay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan laanta Nabad-gelyada Waddooyinka oo Wariyaha iyo Suxufiyiin kale oo howlo shaqo u socda gacan ka hadal ugu geystay Magaalada Hargeysa. Wariyaha ayaa dhaawac culusi ka soo gaadhay qaarka dambe oo ah Miskaha iyo Lugaha, waxaanay ugu Dhakhaatiirtu sheegeen in aanay Lafuhu jabin, balse uu jug culus qabo. Suxufigan ayaa dhaawacmay, kaddib markii Ciidan kuwa Nabad-gelyada Waddooyinka ah oo uu hogaaminayo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Cabdi Madoobe, ay jidh-dil iyo xadhig isugu dareen Koox Wariyeyaal ah oo uu la socday Suxufiga dhaawacmay, kaddib markii ay is-maandhaafeen mid kamida Askarta iyo Wariye Sawir qaade ah oo ka tirsan Bulshotv. Ismaan-dhaafka Askariga iyo Suxufiga ayaa ka dhashay Gaadiid wada hareereheeda yaallay oo ay Askartu Taayirrada ka banjarisay barxada Baabuurta la dhigo ee Hudheelka Imperial oo ay inta badan Wariyeyaashu ku kulmaan xilliyada Shaqada War doonka “waxaan ku idhi Gaadhi ha banjarin ee Qofkii lahaa maad raadisay, kaddibna wuxuu iigu jawaabay Cay iyo Aflagaado, markaan ku idhi ha I caayina gacanta ayuu I saaray”sidaas waxa Gobanimonews u sheegay Suxufi Xasan Barre oo ay isaga laftiisa Askartu Jidh-dil u geysatay. “Inkasta oo aan nabar muuqdaa igu oolin, haddana si xun ayey ii garaaceen oo juggo badan ayey ii geysteen” ayuu raaciyey Xasan oo ay Askartu ku goobatay ka hor intaanay Wariyaha kale ee Dhaawacin. Suxufiga la dhaawacay, ayaa la sheegay in uu isku dayey in uu dejiyo xaalada dhex martay Askarta iyo Sawir qaadaha la garaacay, kaddibna Sarkaalka Ciidanka hogaaminayey oo magaciisa lagu sheegay Cabdimadoobe ayaa si xoog ah ugu tuuray meel ay Dhagaxaan yaallaan oo ka dambeysay, taasoo sababtay in uu si barraad la’ Dhulka ugu dhaco “ Anigoo gaadhiga ka soo degay ayuu si xoog ah ii tuuray, kaddibna waxaan ku dhacay Dhagaxaan iga dambeysay, oo aan si xun uga kala dhacay” ayuu yidhi Khadar Macalin oo uu Wariye ka tirsan Gobanimonews ku booqday Cisbitaalka Gargaar oo goor dambe oo Axaddii ah la dhigay. Laba kamida Ciidanka Waxyeellada u geystay Wariyeyaasha ayaa xabsiga loo taxaabay goor dambe oo Axaddii ah. Muuqaal ka soo muuqday Qalabka Warbaahinta, ayaa muujiyey Askarta oo si arxan-darro ah u garaacaya Mid kamida Suxufiyiinta iyo Wariyaha la dhaawacay oo uu Askari kale kala tuurayo, waxaana ku buuqsanaa Dadweyne tiro badan oo isku dayey inay kala dhex galaan, balse sida ka muuqata Video-ga oo lagu duubay Telefoon Askarta oo Dirayska u gaarka ah ku lebisan, ayaa Xoog ku muquuniyey dadka. Source
  6. Ilyaas Aadan oo ah Aabaha dhalay marxuumad Caa’isha Ilyaas Aadan ayaa beeniyay wararka Facebokyada lagu qoray oo ah inay ka guureen Puntland una guureen Ethiopia. [...] Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Wasiirka Gaadidka Cabdillaahi Abokor, oo uu sheegay inuu ku dhaqaaqayo talaabooyin ka baxsan sharciga iyo awoodiisa wasiirnimo. Cabdi Haybe Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay Madaxtooyada cusub, xalaada Gobolada dalka, Biyo la’aanta, Maceeshada, qiimaha sarifka iyo Saldhiga Milatari ee Berbera, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay isagoo ka hadlaya Wasiirka Gaadiidka “Meel Baabuurta lagu tijaabiyo ama lagu eego Adduunka oo dhan wey jirtaa, laakiin nin qandaraas laguma siiyo, oo heshiis gaar ah lagulama galo, Liisamadana waxaa la siiyey Ragga geerashayada haysta, oo Baabuurta eega, laakiin Wasiirka Gaadiidku kolba waxyaabo lala yaabo ayuu soo saarayaa, waxaanad mooda inuu cid gaar ah kula sharaakoobay, ta kale waxaan arkaayey iyadoo la leeyahay Baabuurta xawaaradahooda ayaa la eegayaa oo Mishiino Baabuurta lagu tijaabiyo ayaanu keenayaa ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidku,waxaanu sheegay in gaanaxa oo yar la kordihyo, oo dib loogu noqonayo, ganaaxana waxaa iska leh waa Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka (Tarafikada), ganaaxuna waligiiba wuu jiray, laakiin ganaaxa uu Wasiirka Gaadiidku gaarka u sameeysanayo waa qayrul sharci, marka sharciga la sameeyana cidda wax ganaaxda waa Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka, oo Ciidanka ayaa boqolkiiba badh la siinaya, inta kalena Dawladda ayaa iska leh, laakiin Wasiirka Gaadiidku wuxuu sharci gaar ah u sameeysanayo maaha, ninkan uu la yahay heshiis baan la galay, oo qandaraas baan kula galay inuu baabuurta eego, wax la aqbalayo maaha, Geerashayada ayaa qandaraasyada la siiyaa, oo loo qaybiya, laakiin maaha in qof kaliya la yidhaa adiga ayaa qandaraaska qaadaya, waa qayrul sharci, iyo xaaran, Wasiirka Gaadiidku awood ka baxsan awoodiisa wasiirnimo ayuu isticmaalayaa ee cago dhigo,ayaanu leenahay, Maamul iyo xilal Wasiirnimo hore waanu soo marnay, ee Wasiiradda Muuse Biixi waa in la baraa maamulka, sharciga iyo siday wax ahaan jireen”. Mar uu ka hadlaayey Madaxtooyada cusub ayaa yidhi “Waxa lagu leeyahay intaas oo malyan ayaa Madaxtooyo cusub lagu dhisayaa, yaa Madaxtooyo u baahan, ninkan miskiinka ah ee laga qaaday hantidiisi, iyo Dhulkiisiba, waa ceeb, oo Madaxweynaha waa ku ceeb, Madaxtooyo cusub oo loo baahan yahayna ma jirto, intaynu aqoonsi helaynana Madaxtooyadan ayaa inagu filan, maaha in dadka muwaadiniinta ah la boobo, muwaadinkaas la dhacayaana waa muwaadin xalaal ah ee in wixiisa la boobo maaha, in gidaar afar km ah in la soo wareejisto looma baahna, dadkii oo haraadan in Madaxtooyo cusub la dhisaa waa xaaran”. Source
  8. Madaxweynaha Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Asmara kadib lugtiisa caasimadda Masar ee Qaahira. Farmaajo waxaa soo dhoweeyey dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki, waxaana u bilowdey wada hadal dhinacyo badan, oo khuseeya xiriirka labada dal. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Qaajira uga soo qeyb galay shir looga hadlayey arrimaha Suudaan, waxaa halkaasi tagay dalal ay ku jireen Djibouti. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Asmara (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey magaaladda Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, kadib markii uu ka soo qeyb galay shir ka dhacay shalay magaaladda Qaahir oo looga hadlay dhibaatooyinka ka taagan dalalka Sudan iyo Libya. Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo ay wehlinayaan wasiirka waxbarashada iyo saraakiil kale uu ku soo dhaweeyay Garoonka Madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki. Labada Madaxweyne ayaa kulan ku leh xarunta Madaxtooyadda magaaladda Asmara, waxaana la sheegay in ay ka wada hadlayaan xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea iyo isbedellada ka socda gobolka Geeska Africa. Waa safarkii labaad oo Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Eritrea tan iyo bishii July ee sanadkii tagey, xilligaasi oo si rasmi ah dib loogu soo nooleeyay xiriirka labada dal oo sidoo kale ku heshiiyay in ay safaaradahooda dib uga furtaan Asmara iyo Muqdisho. Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa 4 bilood kadib booqashadii Farmaajo ee Asmara ku yimid Muqdisho si uu u xoojiyo cilaaqaadka dib loo cusbooneysiiyay ee dalkiisa iyo Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  10. Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmajo” arrived in Asmara for a working visit in early morning hours today. President Farmajo who was accompanied by the Minister of Education and other senior officials was accorded warm welcome by President Isaias on arrival at Asmara International Airport, according to Yemane Gebremeskel, Eritrea’s Minister of Information. Farmajo travelled to Asmara for the first time in July, where he and President Isaias agreed to establish diplomatic relations, exchange ambassadors, and promote bilateral trade. Eritrean President Isaias Afwerki visited Somalia four months ago to cement the renewed ties. Scroll down for pictures: View the full article
  11. Qaahira (Caasimada online)-Madaxweynihii hore ee dalka C/Qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo mucaaradka dowladda ee shirka ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wuxuu weeraray siyaasiyiinta uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo kaliya doonaya inay helaan kursiga dalka, balse aysan dooneyn inay wax u qabtaan shacabka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu fariin u dirayo dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan danaha dalka islamarkaana ay u adeegaan dalka, maadaama Soomaalida ay dhalinyaro u badan yihiin. Madaxweyne C/Qaasim ayaa yiri “Siyaasi Maahan Kan Kursiga lee doonaya, dhalinyarada Soomaaliyeed horay waan ula hadlay haddana waan la hadlayaa dadka iyo dalka haloo adeego”. “Sidaa aan uga xumahay dhibaatada dalka heysata iyo baabi’inta dadka lagu hayo ayaan ka wada hadalnay aniga iyo madaxweyne Farmaajo”ayuu yiri C/Qaasim Salaad Xasan. Kulan gaar ah oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka dhacay magaalada Qaahira, waxaana uu sidoo kale fariin uu u diray ururka Al Shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya. Hoos ka daawo Muuqaalka Madaxweyne Hore C/Qaasim Salaad Xasan Caasimada Online Xafiiska Masar Caasimada@live.com
  12. Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) said on Tuesday evening that a senior al-Shabab official has surrendered to the government forces. According to NISA, Aden Abdi, known as Aden Obe, defected from the extremist group and surrendered to the government forces on Tuesday. “Adan Obe, a senior official of al-Shabab extremists who has been in the group for long time contacted NISA and asked to facilitate his surrender,” said NISA. Ali Ya’qub Nur, a senior military officer of government forces in Bardhere in the country’s southern region of Gedo, told journalists that NISA contacted them and asked to cooperate with Abdi for him to surrender to the government forces. “Aden Obe who has been a member of al-Shabab informed us that he was in conflict with the group and willing to join government forces,” said Nur, adding that the senior official was accompanied by one of his special guards and both are in the hand of government forces. Somali forces backed by the African Union Mission in Somalia (AMISOM) intensified operations on al-Shabab militants in central and southern Somalia conducting consecutive offensives to flush the militants out of these regions. View the full article
  13. Boosaaso (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland. Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Gaari Hilux ah oo uu lahaa guddoomiyaha maamulka gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo). Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxani ku dhaawacmay illaa saddex Askari oo ka mid ahaa Ciidanka ilaalada guddoomiyaha. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilliga uu dhacayay qaraxa uusan gaariga la socon guddoomiye Yuusuf Dhedo. Illaa iyo hadda wax hadal kama soo bixin dhanka Puntland, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi. Inta badan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka fulisa gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. View the full article
  14. Boosaaso (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo la sheegay in lala eegtay gaari uu leeyahay guddoomiyaha gobolka Bari. Qaraxa ayaa lala eegtay gaariga guddoomiye Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo, waxaana la sheegay inay waxyeelo kasoo gaartay qaar kamid ah ilaalada guddoomiyaha, sida wararka aan ku heleyno. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in guddoomiye Dhedo uu gaariga ka dagay daqiiqado kahor inta aan qaraxa lala eegan, waxaana la sheegay in ilaaladiisa uu saameeyay qaraxa. Waxyeelo kale ayaa gaartay dad shacab ahaa oo goobta ku sugnaa, waxaana goobta la sheegay inay tahay meel mashquul badan, oo lagi iibiyo taleefanada gacanta. Laamaha amaanka ayaa qaraxa kadib baaritaano ka bilaabay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana qaraxa uu u badan yahay inuu ahaa mid gaariga lagu xiray. Guddiga amniga ee gobolka Bari ayaan wali wax war ah kasoo saarin qaraxa, waxaana la sheegay inuu kusoo aaday maalmo uun ka dib markii qarax lala eegtay ciidamada amaanka xili ay baaritaano ku gudo jireen. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
  15. Djibouti waxaa todobaadkii hore ka dhacay shir lagu soo bandhigay wax ka bedelka sharciga 2008, kaas oo ay sameeyeen koox ka socotay wasaaradda batroolka iyo macdanta. Sharcigan cusub ee wax laga badalayo waa mid ka duwan kii ay golaha wasiirrada ansixiyeen 2017, horyaalladana baarlamaanka federaalka ah! Arinta kale ee meesha lagu soo qaaday ayaa ahayd in Soma Oil and Gas la siiyay 12 xirmo (blocks), taasoo dhinaca wasaaradda ay ku doodeen in heshiiskii horey loogu saxiixay dawladdii Xasan Sheekh, oo arrintan oo iyadana shaki badan ku jiro. Waxaa Djibouti tagay ka socotay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo ka koobnayd illaa iyo afar qof oo uu hogaaminayay wasiirkooda iyo Guddiga Khayraadka Baarlaamanka ee aqalka hoose oo ayana ka koobnaa 12 qof , la-taliyeyaal dhanka sharciga ah iyo saddex qof oo kalkaaliyayaashooda ah. Haddaba kulankaas intaynaan u gelin waxaa muhiim ah inaan isweydiino su’aalahan: Maxaa keenay in guddiga iyo Wasaaradda qayb ka mid ah isula soo safraan Djbouti ayaga oo ku kulmi karay waddanka gudihiisa, goobahooda shaqada iyo meelo kale oo magaalada Muqdishu ama maamulada kale ka tirsan? Maxaa keenay in hadda la yiraahdo sharciga Batroolka 2008 ayaa la bedelayaa, ayadoo la ogyahay in uu horey u yaallay sharci wax looga bedelay Golaha wasiiradana u ansixiyeen baarlamaankana akhrintii koowaad maray oo la yiraahdo sharciga shidaalka 2017? Yaa bixiyay qarashka ku baxayay safarka Djbouti ? Maxaa loogala tashan waayay maamulada waddanka ka jira maadaama Soomaaliya ay qaadatay federal meelaha shidaalka ku jiraana ay wada hoostagaan maamuladaas kala duwan? Su’aalahaas jawaabahooda intaynaan u gelin, bal aan marka hore isweydiino waxa dhacay safarkii Djbouti lagu tegay: Ka dib 7dii febraayo 2019 – xaraashkii ka dhacay London, wasaaradda ayaa qashay jaha-wareer, waxaana la badalay agaasimeyaal badan, waxaa hadda la isku hayaa wax ka bedelka heshiiska qaybsiga wax soosaarka ee shirkadaha iyo Soomaaliya (PSA) ayadoo kii hore u diyaarsanaa layska tuurey, waxaa la gudbiyay sharcigii 2008 kaasoo bedelkiisana horey ay u ansixiyeen golihii Wasiirada iyo ayadoo loo gudbiyay Golaha Baarlammaanka iyo midda ugu xasaasiyadda badan oo ahayd xulashada xirmooyinka shidaalka (block delineation) oo laga dhigay 15 blocks (xirmo) kuwaasoo ilaa iyo 7 ka mid ah ay ahaayeen kuwii Soma Oil and Gas oo hadda la baxday (coastline) lagu soo daray. Sharciga uu wasiirka Batroolka garab marayo, waxaa horay u ansixiyey golaha wasiirrada, waxaana loo gudbiyey baarlamaanka, iyada oo ay ku baxdey lacag aad u fara badan, loona soo kireeyay lawyaro iyo khibradlayaal ajaaniib ah. Sharcigaas waxaa sidoo kale lala wadaagay Financial Governance Committee (FGC) oo ayagana kusoo daray commentgooda asagoo dhamaystiranna lagu wareejiyay Wasiirka haddda jooga (Cabdirashid). Ugu dambeyntii, haddii sharcigii 2017-ka la ansxiyey lagu dhaqmayo ama haddii ay tahay midkan cusub ee uu wato wasiirka Batroolka, waxaa haboon in lala socod siiyo hey’adaha ay khuseyso sida dowlad goboleedyada iyo baarlamaanka federaalka ah, waxaa kale oo baarlamaanka looga fadhiyaa inuu wasiirka Batroolka weydiiyo sababta uu uga tagay sharcigii Batroolka ee golaha wasiirrada ansixiyeen, lana hor keenay baarlamaanka? Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Yemen (Caasimada Online)-Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen ku sugan ayaa lagu eedeeyay inay door weyn ku leeyihiin dagaalada ka soconaya dalka Yemen, waxaana la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Dowladda Yemen ayaa ku eedeysay qaxootiga Soomaaliyeed inay dagaalka qeyb ka noqdeen, islamarkaana ay ka tirsan yihiin kooxda Xuutiyiinta. Taliyaha Ciidanka Dowladda Yemen Jeneraal Khaalid Al Qamli ayaa sheegay in dagaalka sii socda ee dalka Yemen ay qeyb ka yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in mar hore laga adkaan lahaa kooxda Xuutiyiinta balse Soomaali iyo Oromada ay qeyb ka yihiin dhamaan la’aanta dagaalada Yemen. Waxaa uu Jeneraalku sheegay in Ciidamadiisa ay u baahanyihiin in ay helaan taageero caalami ah oo laga siiyo si uu Badaha uga hortago Tahriibayaasha una diido in ay galaan Yemen. Waxaa kale oo uu sheegay in ay dowladda Yemen u baahantahay Agab Milatari maaddaama Kooxda Xuutiyiinta ah ay taageero toos ah ka heysato Dowladda Iraan. Bishii la soo dhaafay Dowladda Yemen ayaa sheegtay in 30 Qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen dagaalka u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo dowladda,waxaana ay Soomaalida la safnaayeen Jabhadda XUutiyiinta ah sida ay sheegtay Dowladda Yemen. Caasimada Online Xafiiska Yemen Caasimada@live.com
  17. Faahfaahin ayaa haatan ka soo baxaysa qarax goor dhoweyd lala eegtay xaajeed HILUX ah oo maraysay jidka hotel Jubba ee magaalada Boosaaso. Sarkaal ka tirsan laamaha amniga magaalada Boosaaso ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in qaraxa oo jidka ku sii aasnaa lala eegtay gaariga guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) balse guddoomiyuhu uusan la socon gaariga xilliga qaraxu haleelay. 3 askari oo ka tirsan ilaalada guddoomiyaha gobolka Bari ayaa ku dhaawacmay qaraxa waxaana loola cararay isbitaalka magaalada Bosoosaaso sida uu xaqiijiyay sarkaalkan. Laamaha amniga gobolka Bari ayaa haatan baaritaanno ka wada goobta qaraxaasi ka dhacay iyadoo aan ilaa iyo hadda cidna loo qaban qarax. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Gaariga guddoomiyaha gobolka bari oo qarax la kacay appeared first on Puntland Post.
  18. Qarax ayaa hadda ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari gaar ahaanna nawaaxiga hotel Jubba sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan magaalada. Qaraxa ayaa lala beegsaday Xaajeed nooca loo yaqaan HILUX oo maraysay jidka hotel Jubba ee magaalada Boosaaso inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn cidda wadatay gaarigaasi. Goobjoogayaal aga’gaarkaasi ku sugan ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in ay arkeen burburka gaariga xaajeedda balse aysan ka war hayn cidda saaaran iyo khasaaraha gaaray midna. Ciidamada amniga magaalada Boosaaso ayaa hadda la sheegayaa in ay gaareen goobta qaraxu ka dhacay waxaana halkaasi ka socota rasaas teel-teel ah iyadoo ciidanku ay kala eryayaan dad ku soo xoomay goobta. Faahfaahinta Puntland Post The post Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  19. (SLT-Riyadh)-Boqortooyada Sucuudiga Carabiya ayaa dil ku fuliysay 37 qof oo muwaadiniinteeda ka mid ah kuwasoo lagu eedeeyay Dambiyo la xiriira argagixisnimo. Warbixin lagu daabacay wakaalada wararka ee Sucuudiga ayaa lagu sheegay in dilku ka dhacay Magaalooyinka Riyad, Madiina, Meka iyo gobolka bartamaha dalkaasi ku yaal ee Qassim oo ay u badan yihiin dadka shiicada ah ee laga tirada badan yahay ” Ragan waxaa loo haystay inay falal argagixisnimo iyo fikrado argagaixisnimo oo ay aamisanaayeen, waxaa kalo lagu soo eedeeyay inay ka samaynayeen shabakado loogu talagalay inay curyaamiyaan amaanka boqortooyada sucuudiga” Sidaas waxaa lagu yiri warbixinta lagu daabacay wakaalada Wararka ee Sucuudiga. Wasaaradda arrimaha gudaha Sucuudiga waxa ay sheegtay in qaar ka mid ah dadka dilka lagu fuliyay qoorta seef looga jaray, qaarkood la daldalay, qaarkoodna in la toogtay kadibna meel laga soo laadlaadiyay Dil wareedkan ayaa imaanaya maalin ka dib markii Ururka Daacish ay weerar ku qaadeen Dhismo ciidamada ammaanka ee sucuudiga ku lahaayeen magaalada Zulfi, taasi oo ay ku dhintay saddex askari oo ka Sucuudiyaan iyo dhammaan maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday oo koobnaa afar qof Ugu yaraan 100 qof ayaa Sucuudigu dil ku filayay tan iyo bilowgii Sanadkan 2019ka, iyadoo sanadkii hore tirada dadka dilka lagu fuliyay ay gaarayeen 149 qof sida ay sheegtay hay’ada xuquuqul insaanka ee Amnesty International. Source
  20. (SLT-Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee dalka Jarmalka oo ka mid ah kooxaha ugu magaca weyn qaaradda Yurub, ayaa la saxiixatay xidhiidhka kubadda cagta dalka Itoobiya, heshiis u ogolaanaya in ay magaalada Addis Ababa ay ka furato akadeemiyaddeedi ugu horreysay ee ay ka hirgeliso qaaradda Africa. Maamulka Bayern Munich ayaa VOA-da qeybta la hadasho Itoobiya u sheegay, in mashruucani ay ku dhaqaaqeen, kaddib marki ay arkeen dhalinyarada da’da yar ee ciyaarta kubadda cagta iyo taageerayaasheeda tirada badan ee ku nool dalka Itoobiya. Itoobiya kuma wanaagsana kubadda cagta, waxaana xulkooda uu kaga jiraa qiimeynta FIFA ee dalalka ugu wanaagsan kubadda cagta dunida, darajada 150-aad. Hase ahaatee, waxaa hadda jira dhalinyaro aad u da’yar oo mustaqbal ku leh kubadda cagta. Holger Quest, oo ah madaxa qeybta warbaahinta ee kooda Bayern Munich ayaa isaga oo jooga dalka Itoobiya, VOA-da u sheegay in saddex marki loo qeybiyo shacabka dalka Itoobiya ay labo ka mid ahi ay da’dooda ka yartahay 25 sano. Sidaasi daadeedna ay Itoobiya ka taageeri doonaan horumarinta iyo tababarrida dhalinyarada jecel kubadda cagta. Todobaadki hore, gudoomiyaha gobolka Bavaria oo ah halka ay ka dhisantahay Bayern Munich ninka la yiraahdo Markus Soeder, xubno ka socday golaha deegaanka gobolkaasi iyo qaar ka mid ah xubnaha fulinta maamulka Bayern Munich ayaa tagay magaalada Addis Ababa, iyaga oo heshiis saxiixday xiriirka kubadda cagta Itoobiya si loo furo akadeemiyad dhanka kubadda cagta ah oo ay Bayern ku yeelan doonto marki ugu horreysay Qaaradda Africa. FC Bayern Munich ayaa horay usoo saartay ciyaartooy caan ka noqotay dunida kubadda cagta. Kuwa hadda ciyaara ee kasoo baxay dugsigeeda kubadda cagta ayaa waxaa ka mid ah Thomas Mueller, Mats Hummels iyo Toni Kroos Kolgers. Isaga oo khadka telefoonka kula hadlayay VOA-da ayuu gudoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Itoobiya Esayas Jira sheegay in ay ka faa’iideysan doonaan tababarka ay u soo bandhigtay FC Bayern. Jira, wuxuu intaasi raaciyay in akadeemiyadda kubadda cagta ay qaadan doonto hadda 30-ilaa 40 canug oo da’doodu u dhaxeyso 8 ilaa 9 sanno, kuwaas oo kharashka ku bixi doona ay bixin doonto Bayern Munich. Dhalinyaradaasi ayaa fursad u heli doona inay toos ugu biiraan akademiyadda tababarka ee kooxda Bayern ee dalka Jarmalka haddii ay si wanaagsan u dhameystaan tababarka. FC Bayern oo shan jeer ku guuleysatay koobka Kooxaha Horyaalada Yurub, ayaa iskuullo lagu tababaro carruurta ku leh dalalka China, Thailand, Japan, Singapore iyo dalkaan Mareykanka. Source
  21. Qaahira (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay Madaxweynihii hore Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan. Cabdiqaasim Salad Xassan ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay in Soomaaliya wali kusii jirto dhibaato, waxaana uu ka codsaday Siyaasiinta Soomaaliyeed in danahooda gaarka ah ay ka hor mariyaan danta guud ee dalka. Madaxweyinihii hore Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan dowladooda, islamarkaana ay kala shaqeeyaan amniga dalka. Waa markii labaad oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo la kulmayo Madaxweyinihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan oo mudooyinkii danbe ku noolaa Dalka Masar View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Xubnaha BFS ayaa maanta lagu wadaaa in kulan ka mid ah Kalfadhiga shanaad ay ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho. Kulankan waxa uu qorshuhu yahay in warbixin looga dhageysto guddiga madaxa banaan ee xuduudaha dalka. Sidoo kale Xildhibanada Golaha Shacabka ayaa kol hore su’aalo weydiiyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo la xariira hanaanka doorashooyinka la filayo in la qabto sanada 2021-ka. Maalmihii aynu soo dhaafnay guddiga jootada ee Golaha Shacabka ayaa kulamo kala duwan la lahaa xubno ka socday Baarlamaanka Puntland oo ku sugnaa M/Muqdisho. View the full article
  23. Qoyska Caa’isha oo ka qaxaya Gaalkacyo Qoyska ay ka dhalatay gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aadan oo 25-kii Febraayo ee sannadkan kufsi iyo dil fool-xun loogu gaystay Gaalkacyo ayaa shalay ka qaxay gudaha magaaladaasi Gaalkacyo kadib markii ay la kulmeen hanjabaado joogtaa. Xubno ka tirsan qoyska ayaa in ka badan laba bilood dalbanayey in ay caddaalad u helaan gabadhoodii saqiirka ahayd balse dowladda Puntland ayaan weli sharciga horgeyn dadka ku eedaysan kiiskaasi. Hooyada dhashay Caa’isha oo dhowaan warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ay caddaalad-darro ka tirsanayso dowladda Puntland iyadoo tilmaantay in la xeeladeeyay dulmigii loo geystay gabadheeda. Balse hadalkaasi ayaa uga sii daray reerka kadib markii xubno ka tirsan qoyska Caa’isha oo hooyadeed ku jirto laga soo wacay taleefoono loogu hanjabayo dil sida ay xaqiijiyeen dad la socday xaaladda qoyskan. Qoyska Caa’isho oo sida la sheegay doonayey in ay Sabtidii ka guuraan magaalada Gaalkacyo ayaa mudda saddex maalmood ah halkaasi ku xayirnaa kadib markii ay waayeen waxay gaari ku kiraystaan. Ha’yeeshee gelinkii dambe ee shalay ayay u suurta gashay in ay naftooda kala cararaan Gaalkacyo waxaana ay u qaxeen dhanka dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia sida ay xaqiijiyeen xaafado deriskooda ah. Dhinaca kale xukuumadda Puntland aayan weli sharciga horkeenin dadka ku eedaysan kufsigii iyo dilkii Caa’isha Ilyaas iyadoo xataa aan dadweynaha lala wadaagin wax macluumaad ah oo ku saabsan kiiskaasi. PUNTLAND POST The post Qoyskii Caa’isha Ilyaas oo Puntland ka qaxay kadib markii taleefonna looga hanjabay appeared first on Puntland Post.
  24. Madaxweynihii TNG-da Cabdiqaasim Salaad Xasan oo talaaladii magaalada Qaahira kula kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullah Farmaajo ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xaaladda dalka, sidii wax loo qaban karo, isaga oo intaa raaciyey inuu ka xun yahay dhibaatada dalka heysata iyo baa’ba la baa’binayo dadka. Dhinaca kale mudane Cabdi Qaasim Salaad waxaa uu ka hadlay siyaasiyiinta isaga oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri “ Siyaasi ma ah arrintiisa tahay kursi doon uun keliya, siyaasiga waa inuu nqodaa mid wanaagga dalka u dagaalamaya, ha la is garab taago dowladdii tilaado iyo midda hadda taagay, hala toosiyo, haddii wax ka qaldan yihiin hala toosiyo, oo halala taliyo, gacan iyo gabar hala siiyo, dalka si uu uga gudbo xaaladda uu ku jira hala shaqeeyo. Mudane Cabdiqaasim waxaa uu ahaa madaxweynihii 5aad ee Soomaaliya, isaga oo talada hayey 2000-2004-tii, waxaa ay dowladdiisa aasaas u noqotey geedi socod soo bilowday wagaas, weliba socda. Goobjoog News Source: goobjoog.com